-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa booqday soona kormeeray khasaaraha ka dhashay dabkii xalay qabsaday suuqa ganacsiga ee gobonnimada, qaybtiisa idaacadda. Madaxweynaha oo ay wehlinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, maayar ku-xigeenka caasimadda, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, ayaa indhihiisa ku soo arkay dhibaatada uu dabkaasi gaadhsiyey hantidii goobahaas taallay. Mudane Cirro ayaa waxa uu caddeeyey in xukuumadda uu hoggaamiya ay si buuxda u garab taagan tahay dadkii khasaaruhu soo gaadhay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha ku dhacay dadkii halkaas ku ganacsanayey, isaga oo u duceeyey, Eebbena uga baryey inuu ciwad khayr qaba ka siiyo. “Waxa aan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa ganacsatada suuqa Gobonnimo, khasaaraha iyo dhibta soo gaadhayna qaranku wuu la qaybsanayaa, wuuna ka xun yahay, waxana aan Ilaahay uga. Baryayaa inuu wax khayr qaba ugu. Beddelo,” ayuu yiri. Waxa uu shacabka ugu baaqay inay gacan siiyaan dadka khasaaruhu gaadhay, kana qayb qaataan qaadhaanka dadkaas loo ururin doono, isaga oo xusay talo qaran laga yeesho sidii looga hortegi lahaa dabka soo noqnoqda ee khasaaraha ku haya bulshada iyo dhaqaalaha Somaliland. Ugu dambayntii, madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhibka dhacay loo saaray guddi farsamo, kuwaas oo soo dersi doona talana ka keeni doona sidii looga soo kaban lahaa khasaaraha dhacay. Suuqan ayaa ahaa kan labaad ee ugu weyn caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaana ku shuf beelay ganacsiyo aad u badan, iyada oo ay ku cayroobeen dad shalay hantiilayaal ahaa.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne ku soo celiyey dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah. Madaxweynaha ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 003, soona baxay sanadkii 2023-dii, codsi uu soo gudbiyey Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka. Gaashaanle Sare Ibraahim, laga bilaabo maanta oo la saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa,(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa booqday soona kormeeray khasaaraha ka dhashay dabkii xalay qabsaday suuqa ganacsiga ee gobonnimada, qaybtiisa idaacadda. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, maayar-ku-xigeenka caasimadda, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda karirsan, ayaa indhihiisa kusoo arkay dhibaatada uu dabkaasi gaadhsiyey hantidii goobahaas taallay, waxana uu caddeeyey in xukuumadda uu hoggaamiyaa si buuxda u garab taagan tahay dadkii dhibku gaadhay. Ugu horrayn, madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha ku dhacay dadkii halkaas ku ganacsanayey, isaga oo u duceeyey, Eebbena uga baryey inuu ciwad khayr qaba ka siiyo, waxana uu yidhi, “Waxa aan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa ganacsatada suuqa Gobonnimo, khasaaraha iyo dhibta soo gaadhayna qaranku wuu la qaybsanayaa, wuuna ka xun yahay, waxana aan Ilaahay uga. Baryayaa inuu wax khayr qaba ugu. Beddelo.” Madaxweynuhu waxa uu shacabka ugu baaqay inay gacan siiyaan dadka khasaaruhu gaadhay, kana qayb qaataan qaadhaanka dadkaas loo ururin doono, isaga oo xusay talo qaran laga yeesho sidii looga hortegi lahaa dabka soo noqnoqda ee khasaaraha ku haya bulshada iyo dhaqaalaha Somaliland. Ugu dambayntii, madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhibka dhacay loo saaray guddi farsamo, kuwaas oo soo dersi doona talana ka keeni doona sidii looga soo kaban lahaa khasaaraha dhacay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Fdeeraalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray ayaa maanta xil sare u magacaabay Mudane Ismaaciil Siciid Aw-muuse oo ah wiil dhalinyaro ah oo firfircoon. Ismaaciil Siciid Aw-muuse ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo mareeye ku-xigeenka Dekadda Xamar, kadib soo-jeedintii Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda. Sidoo kale, magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha dardargelinta iyo horumarinta kaabayaasha Dekadaha Dalka, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa magacaabistaan ka dhalatay hadal-heyn xooggan, waxaana ka fal-celiyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada. Cabdiraxmaan Ibraahim Gacal “Eebow dardargalin ma jirtee biilka xaafadda waa juusto”. Cabdixakiin Maxamed “Nin Puntland ka yimid muxuu dekadda Xamar ka qaban waxba kamaba fahansanee?”. Rijaal Maxamed Nuur “Soo jeedin gole wasiiro waxba laguma magacaabee naga daaya baahasha. Dhamme Shakuur “Ilmaha caanahooda miyaa waxaasi xil ma ahane waxaan?”. Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ra’iisul wasaaraha ayaa waday macagaabista xilal cusub, waxaana ugu dambeysay Marwo Aamina Axmed Samatar oo noqotay Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM).
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee maamulka Jubbaland, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaallanka kooxaha Argagixisada ayaa waxaa lagu beegsaday guri ku yaalla xaafadda New Kismaayo, kaas oo ay ku jireen saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ciidamada oo ka war helay raggan oo tiradooda lagu sheegay saddex nin ayaa ugu tegay guriga, waxayna goobta ku dileen laba kamid ah, halka ay soo qabteen mid kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Jubbaland. Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka saddexda nin ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan, waxaana ka war helay ciidanka oo sidaas ugu daatay guriga ay joogeen. “Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaalanka kooxaha Argagixisada ayaa goor dhow u daatay guri ku yaala xaafadda New Kismaayo, kaasi oo ay ku jireen sadex kamida Argagixisada gaar ahaan kuwa qaabilsan madax jabiska sida aan xogaha ku helnay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidamada Jubaland gaar ahaan kuwa gaarka ah ee qaabilsan ladagaalanka Argagixisada oo hayay xogta dhagar qabayaasha, ayaa ku guuleystay in sadexdii dhagar qabe labo kamida ay dilaan, halka kii kalana ay nolosha ku qabteen.” Waxaa sidoo kale isla xalay howlgal kale oo amni xaqiijin ah ciidamada Booliska Jubbaland ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo, kaas oo ay hoggaaminayeen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska. Kismaayo ayaa waxaa mararka qaar weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan ka fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xooggan gobollada Jubbooyinka.
-
Ciidanka dabdamiska, Booliska iyo shacabka oo is kaashanaya ayaa ku guulaystay in la xakameeyo dabkii ka kacay suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa caawa . Waxa weli socda dedaallada lagu daminayo meelaha weli sii hulaaqaya balse dabka xooggiisa waa lagu guullaystay in la xakameeyo. ciidanka nabad gelyada iyo masuuliyiinta dawladda hooseba waxa ay dadka ugu baaqeen in ay banneeyaan baabuurta gurmadka sida Cagafyada, gaadiidka dab damiska iyo Booyadaha Biyaha ee hawshan ka qayb qaadanaya. Dabka oo Suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa ayaa saacado kaddib lagu guuleystay in la damiyo, hase yeeshee geystay khasaare maaliyadeed oo xoog leh sida ay xaqiijiyeen saraakiisha. Source
-
Ilo wareedyo amni oo hordhac ah ayaa sheegaya in duqeymihii habeen ka hor ka dhacay buuraha Cal-miskaad lagu beegsaday god dhulka hoostiisa ah, oo la rumaysan yahay in ay ku dhuumanayeen hoggaamiyaha Daacish, Cabdiqaadir Muumin iyo saraakiil kale oo ka tirsan kooxdaasi. Duqeymaha oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa sida wararku sheegayaan lagu garaacay godad ku yaalla dhulka hoostiisa, oo uu ku jiro god weyn oo la aaminsan yahay in ay gabbaad ka dhiganayeen Cabdiqaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Faahiye oo labaduba ka soo jeeda degaannada Puntland. Inkastoo dowladda Mareykanka aysan weli shaacin magacyada shakhsiyaadka lagu beegsaday duqeymihii dhacay, islamarkaana aysan warbixin rasmi ah ka soo saarin qiimeynta khasaarihii ka dhashay, haddana ilo wareedyo amni ayaa rumaysan in ugu yaraan Faahiye iyo Muumin midkood ku dhintay duqeymaha. Saraakiil sare oo ka tirsan Puntland oo aan arrintani wax ka weydiinay ayaa sidoo kale ka gaabsaday in ay ka hordhacaan warbixinta rasmiga ah ee ka soo bixi doonta ciddii duqeymaha fulisay oo ah dowladda Mareykanka. PUNTLAND POST The post Xogo ka soo baxaya duqeymihii habeen ka hor ka dhacay buuraha Cal-miskaad ee lagu beegsaday Daacish appeared first on Puntland Post.
-
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu sheegay “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay doonaysaa in ay ka hadasho oo ay caddayso wararkii u dambeeyay ee la xidhiidha duqaymo dhinaca cirka ah oo uu taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ku qaaday Daacish. Si ka duwan sida uu hadalka u dhigay Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Peter Hegseth, duqeymahan cirka ah ee la sheegay in aanay wax saamayn ah ku yeelan Buuraha Golis ee ku yaalla dhulka Jamhuuriyadda Somaliland. Taas bedelkeeda, howlgalladan ayaa laga fuliyay buuraha Galgala, oo ku yaalla Puntland, oo ka tirsan gobollada Soomaaliya. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale ku celinaysaa maqaamkeeda qaran madaxbannaan oo madaxbannaan, leh dawlad si dimuqraadi ah loo soo doortay, hay’ado iyo xuduudo si cad loo qeexay. Maamulka Maraykanku waxa uu si buuxda ula socdaa in Somaliland aanay ka mid ahayn Soomaaliya ama dawlad goboleedyadeeda. Wax kasta oo khaldan oo laga sheego madax-banaanida dhuleed ee Somaliland waa mid aan waafaqsanayn aqoonsiga muddada dheer ee aqoonsigeenna siyaasadeed iyo juquraafi ahaaneed. Waxaan fursadan uga faa’ideysaneynaa inaan xaqiijino sida ay nooga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka. Somaliland waxay weli tahay saaxiibka adag ee la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada, waxaanan sii wadeynaa iskaashiga aan la leenahay beesha caalamka oo uu ku jiro Mareykanka, si kor loogu qaado xasiloonida Geeska Afrika. Waxaanu qiimaynaynaa iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maraykanka, iyo sidoo kale xidhiidhka aanu la leenahay xubnaha kale ee beesha caalamka. Waxaan rajeyneynaa inaan sii xoojino xiriirkan si loo hiigsado hadafyada la wadaago, oo ay ku jiraan ka hortagga argagixisada, horumarinta dhaqaalaha, iyo horumarinta qiyamka dimoqraadiyadda. DHAMAAD Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Qaybdiid ayaa diiday hannaanka doorashada ee qof iyo cod, kaas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo jeedisay in laga dhaqangeliyo Soomaaliya sannadka 2026-ka. “Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka dhici doonta oo kaliya doorasho qaran oo lagu heshiiyay. Daneeyeyaasha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si wadajir ah uga arrinsan doona arrinkaa,” ayuu yiri Senatar Qaybdiid. Wuxuu dhaliilay socdaallada joogtada ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tago dibadda. “Ma habboona in muddo gaaban gudaheed dalba dal loo safro. Waxaan ugu baaqayaa labada gole ee Baarlamaanka Federaalka inay feejignaadaan oo ay u kuurgalaan jidka qaldan ee ay Soomaaliya cagta saartay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Senatar Qaybdiid, oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa ah Senatarkii ugu horreeyay ee si cad uga soo horjeesta hannaanka doorashada ee muranka dhaliyay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay hannaankan ka dhaqangelin doonto qaybo ka mid ah dalka, iyadoo laga reebay Dowlad Goboleedka Puntland, oo ah maamul-goboleedkii ugu horreeyay ee laga hirgeliyey Soomaaliya sannadkii 1998-kii. Hadalka Qeybdiid ayaa imanaya ayada oo dowladda federaalka ay wax walba u sameyneyso sidii ay doorashadan u dhici laheyd, oo ay ku jirto kordhinta muddo xileedka hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, taasi oo ay ku tilmaamtay tallaabo lagama maarmaan u ah horumarinta dib-u-habeynta doorashooyinka iyo u-gudbidda nidaamka “hal qof, hal cod”. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in muddo kordhintan, oo lagu soo afmeeray shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka, ay qeyb ka tahay qorshaha dowladda federaalka ee isku aaddinta jadwalka siyaasadeed ee dalka, si doorashooyinka dhammaan heerarkooda kala duwan hal mar loogu wada qabto. “Muddo kordhintu waa tallaabo lama huraan ah oo looga weecanaayo hannaanka doorasho ee dadban, kaas oo ku saleysan nidaamka beelaha, isla markaana aan ku dhaqmeyney muddo haatan laga joogo toddobo sano,” ayuu Mudane Jaamac hadalkan u sheegay wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho. Siyaasiyiinta ka soo horjeeda hannaanka dowladda ayaa weliba walaac xooggan ka muujiyay waqtiga loo qabtay, iyagoo ku adkeystay in khilaafaadyada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, kuwaas oo aan xal rasmi ah laga gaarin ay sababi karaan dib-u-dhac kale ama xitaa inay hurin karaan colaad hor leh.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa tallaal qasab ah ku soo rogtay dhammaan dadka safarka ah ee dalka soo gelaya ama ka baxaya, si loo xakameeyo wax ay ugu yeertay faafitaanka cudurrada faafa, oo ay ka mid yihiin xummadda jaallaha ah (yellow fever), dabaysha (poliomyelitis), iyo qaaxada (meningitis). Amarkan oo ay Axaddii si rasmi ah ugu dhawaaqday Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, ayaa isla markiiba dhaqan galay, waxaana lagu qasbay shacabka in ay qaataan 1-da illaa 10-ka Febraayo, 2025. Hindisahan ayaa waafaqsan Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah (IHR 2005) ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), kuwaas oo dejinaya halbeegyada caalamiga ah ee ka-hortagga cudurrada iyo xakameynta caafimaadka ee xuduudaha. Mas’uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay in siyaasaddani ay lama huraan u tahay ka-hortagga dillaaca cudurrada iyo ilaalinta caafimaadka dadweynaha, xilli ay sii kordhayaan khataraha caalamiga ah ee cudurrada saf-marka ah. Sida ku cad siyaasaddan cusub, dhammaan dadka safarka ah, iyadoon loo eegin da’dooda ama dhalashadooda, waxaa waajib ku ah inay soo bandhigaan Shahaadada Tallaalka Xummadda Jaallaha ah oo sax ah marka ay soo gelayaan ama ka baxayaan goobaha laga dhoofo ama lagu soo dego ee dalka. Wasaaraddu waxay hoosta ka xariiqday in dadka safarka ah ay tahay in ay qaataan tallaalka ugu yaraan 10 maalmood ka hor safarka si loo xaqiijiyo difaacooda. Waxaa la asaasay xarumo tallaal oo gaar ah, oo ay ku jiraan goobo ku yaal garoommada diyaaradaha ee caalamiga ah, dekedaha badda, iyo isbitaallada dowladda, si loogu adeego dadka safarka ah. Xarumahan ayaa la rumeysan yahay in ay leeyihiin dad ka tirsan dowladda ama xiriir hoose la leh. Cafis caafimaad ayaa la siin doonaa shakhsiyaadka aan awoodin inay qaataan tallaalka sababo caafimaad oo gaar ah dartood, iyadoo shardi ay tahay inay soo bandhigaan warqad cafis caafimaad oo rasmi ah. Dadka safarka ah ee ku guuldareysta inay buuxiyaan shuruudaha tallaalka waxay wajihi doonaan tallaabooyin caafimaad oo dadweyne, oo ay ku jiraan karantiil ama in laga mamnuuco inay dalka soo galaan. Xummadda jaallaha ah, oo ah caabuq fayras oo ay kaneecadu gudbiso, waxay sababi kartaa xanuun daran iyo dhimasho haddii aan la daaweyn. Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, tallaalku waa habka ugu waxtarka badan ee lagula dagaallamo cudurka. Mas’uuliyiinta caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasadda tallaalka qasabka ah ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee looga hortagayo gudbinta cudurka ee xuduudaha iyo ilaalinta dadweynaha. Shuruudda xummadda jaallaha ah ka sokow, dadka safarka ah waa inay soo bandhigaan caddeynta tallaalka ka hortagga dabaysha ee afka laga qaato (oral poliomyelitis) iyo cudurka qoorgooyaha noociisa afar-geesoodka ah ee loo yaqaanno Neisseria meningitis. Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ayaa ku boorrisay dadka safarka ah inay u hoggaansamaan amarkan, iyadoo iftiimisay doorkiisa muhiimka ah ee lagu xoojinayo safar caalami ah oo badqab leh. “Annagoo iskaashaneyna, waxaan ka hortagi karnaa faafitaanka xummadda jaallaha ah iyo cudurrada kale ee faafa,” ayay Wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan soo rogtay tallaalo kala duwan, waxaana loo arkaa hanaan mar kasta lacag looga sameeyo shacabka taagta darran. Tallaalka ayaa qasab laga dhigaa in laga qaato dhowr xarun oo kaliya oo xiriir la leh madaxda dowladda kaliya, kuwaas oo lacagaha laga qabto ay qaataan xubnaha dowladda ee wax ka leh ama ka wakiilka ah.
-
Ciidanka ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan kuwo la dagaalanka argagixisada ayaa howlgal ay ka fuliyeen magaalada Kismaayo ku diley xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, kuwaas oo u qaabilsanaa toogashada ama madax jabiska. Howlgalkan oo ay ciidamadu ka fuliyeen xaafadda New Kismaayo ayaa lagu diley laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, halka mid kalena gacanta lagu dhigey sida ay sheegtay warbaahinta maamulka Jubbaland. Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa laga soo xigtay inay ka war heleen in xubnahani ay qorshaynayeen in ay dilal qorshaysan ka fuliyaan gudaha magaalada Kismaayo, balse laga hortagey , ka dib markii weerar kadis ah lagu qaaday. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab wayn oo xalay ka kacay Suuqa Gobonimo, gaar ahaan qaybta xigta deyrka waqooyi ee Idaacada, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh. Dabka ayaa inta badan baabi’iyay suuqan oo ah kan labaad ee ugu wayn magaalada Hargeysa, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo ku yaallay gudaha suuqaasi. Ciidamada dab damiska Somaliland oo goobta gaaray ayaa mar dambe ku guuleystay xakamaynta dabka, waxaana hadda socda tirakoobka inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha. Sida uu sheegay taliyaha ciidanka dab damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili guud ahaan ciidamada dab damiska degmooyinka caasimada ayaa hawlgalkan ka qayb-galay, sidoo kale 26 gaari dab damis ah ayaa iyaguna ka qayb qaatay howlgalka. “Alla Mahadii ciidamada ayaa ku guuleystay in dabkaa hareereeyaan, inta aanu ku fidin suuqa intiisa kale oo ah mid cidhiidhi ah ayna adagtahay in gaadiidka Dabdemisku si fudud u galaan. Dabkan ayaa bilaabmay 11:56 pm” ayuu yiri taliye Axmed Sawaaxili. Sidoo kale wuxuu ka ka hadlay ciriiriga ka jira waddooyinka iyo dadka oo aad u badnaa, isaga oo fariin wacyigelin ah u diray bulshada Somaliland. Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyay Wasaarada Arrimaha Gudaha,Badhasaabka, Maayar xigeenka, Xoghayaha dawlada hoose, xildhibaanada, Dawlada hoose Hargeysa, Ciidamada Booliska, Ciidanka Military ga, Wasaarada Warfaafinta, Booyadaha Shacabka iyo dadweynaha oo iyaguna ka qayb qaatay dadaalka daminta dabkaasi. Horay waxaa sidaan oo kale ugu gubtay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo dhaliyay khasaare lixaadleh iyo burbur wayn oo soo gaaray suuqaasi.
-
London, UK (HOL) — Channel 4's controversial new series Go Back to Where You Came From sends six British citizens on a journey that mirrors the harrowing paths of refugees fleeing conflict. Among the key destinations is Somalia's capital, Mogadishu—a city that, for decades, has been shaped by violence, displacement, and resilience. Source: Hiiraan Online
-
KIKUYU, Kenya — Tucked away in a lush, forested area of central Kenya's Kikuyu town, the National Seed Bank stands as a crucial safeguard for the future of the country's agriculture. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Hundreds of Somali migrants stranded on the French-administered island of Mayotte are grappling with homelessness, food shortages, and deportation threats after being deceived by smugglers who promised them a pathway to Europe. What began as a hopeful journey to a better life has turned into a harsh struggle for survival, marked by homelessness, food shortages, and increasing risks. Source: Hiiraan Online
-
Xusuus:- Dagaalkii dhinaca hawada ee Duuliyayaashii Ethiopia iyo kuwii Somalia sanadkii 1977. Dagaalkan waxaan ka sameyn doonaa hadii ilaahay idmo 4 qaybood oo aan soo koobay:- 1-Nooca dayuuradaha dagaal ee labada dhinac ku dagaalameen. 2-Sidee loo kala adkaaday(Dog fight).yaase guuleystey. 3-Sababta duuliyayaashii Somalida looga adkaaday loona laayey. 4- Imisa duuliye ayaa la kala diley oo dayuuradahoodii la ridey. 5.Magacyada qaar ka mida duuliyayaashii Somalia iyo Ethiopia. ee dagaalka ka qayb qaatay. Nooca Dayuuradaha Dagaalka ee labada dhinac kala wateen. Ethiopia:- F-5E. American made(Jet fighters) F-5A. American made(Jet fighters) Canberas. American made(Bombers) Helicopter gunships. American made. waxaa intaasi weheliya dayuurada xamuulka iyo kuwa tababarada ee ciidanka cirka Ethiopia isku darka dayuuradaha ciidanka cirka ee Ethiopia waxay dhamaayeen ( 127 ) dayuuradood oo kala fadhiyey,Debre Zeit.Dire dawa, iyo Godey.markii dagaalku kululaaday dayuuradii Godey fadhiyey waxaa loo soo wareejey,Debre Zeit base. Somalia:- Mig-21. Russian made( Jet fighter) Mig-17.Russian made(Light Jet fighter) Bombers.Russian made( Nooca loo yaqaan B-28) Waxaa intaasi weheliyey Dayuuradaha Tababarada iyo xamuulka ee ciidankii cirka ee somalia,isku darka Dayuuradaha waxay dhamaayeen( 72 ) dayuuradood oo kala fadhiyey,Berbera,Hargeisa,Balidoogle,iyo Baydhaba, Markii dagaalku xumaaday waxaa dhamaan dayuuradihii dagaalka la isugu keenay,Berbera iy Hargeisa. La soco qaybta 2aad:- Yusuf Abdilahi Janale Oslo Norway. contact.somalilandcitizen@gmal.com Qaran News
-
Hargeisa (HOL) — A massive fire swept through Gobonimo Market on Saturday, reigniting concerns over the vulnerability of the city’s key commercial centers. Source: Hiiraan Online
-
Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xooggan oo saacado ka hor qabsaday mid kamida suuqyada ugu waaweyn magaalada Hargeysa, waxaana isi soo taraya xogaha ku saabsan waxyeellada ka dhalatay dabkaas. Suuqan oo lagu magacaabo Suuqa Idaacadda ayaa la sheegay in qeybo kamid ahi ay basbeeleen oo xarumihii ganacsi oo ku yaallay ay gubteen, halka qeybo kamid ahna la badbaadiyay sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland. Muuqaallo la soo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya holaca iyo qiiqa dabka oo cirka isku shareeray, lamana oga sababata rasmiga ah ee ka dambaysay in dabkan xooggani uu qabsado Suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Tacriif-ta ama cashuuraha ganacsiga ayaa haatan si weyn looga hadal hayaa warbaahinta. Haddaba, waa maxay tacriif, maxaase muhiim ah in aad ka ogaato? Tacriifta waa canshuur la saaro badeecadaha la soo dhoofiyo. Waxaa badanaa lagu xisaabiyaa boqolkiiba qiimaha badeecadda uu iibsaduhu ka bixiyo alaab-qeybiyaha shisheeye. Mareykanka, cashuuraha ganacsiga waxaa ururiya saraakiisha Kastamka iyo Ilaalada Xuduudaha (Customs and Border Protection) oo ka howlgala 328 dekedood iyo bar ganacsi oo dalka ku yaal. Heerarka cashuuraha Mareykanka way kala duwan yihiin: tusaale ahaan, cashuuraha la saaro baabuurta rakaabka waa 2.5%, halka kabaha golf-ka ay yihiin 6%. Cashuurahaasi waxay hoos uga dhici karaan waddamada uu Mareykanka la leeyahay heshiisyada ganacsi. Tusaale ahaan, inta badan badeecadaha ayaa si xor ah ugu kala gudbi kara Mareykanka, Mexico, iyo Canada, sababo la xiriira heshiiskii ganacsi ee Trump uu la saxiixday dalalkaasi ee US-Mexico-Canada Agreement. Dhaqaalaha iyo cashuuraha ganacsiga Khubarada dhaqaalaha ayaa guud ahaan ka shaki qaba waxtarka tacriifta, iyagoo aaminsan inaysan ahayn hab wax ku ool ah oo dawladuhu dhaqaale uga helaan ama koboc dhaqaale u horseedi karaan. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo taageere u ah tacriifta, wuxuu ku adkaystay in dalalka shisheeye ay bixinayaan cashuurahaasi. Laakiin xaqiiqda dhabta ah waa in shirkadaha Mareykanka ah ee soo dhoofiya badeecadaha ay bixinayaan cashuuraha, lacagtana ay ku dhacdo khasnadda dawladda Mareykanka (U.S. Treasury). Shirkadahani, si ay u magdhabaaan khasaaraha, waxay sare u qaadaan qiimaha badeecadahooda, taasoo macnaheedu yahay in macaamiishu bixinayaan qarashka cashuuraha. Sababtaas awgeed, dhaqaaleyahannadu waxay sheegaan in cashuuraha ganacsiga ay ugu dambeyn ku dhacaan shacabka. Hase yeeshee, cashuurahaasi waxay sidoo kale dhibaato ku noqon karaan dalalka shisheeye, maadaama ay sare u qaadaan qiimaha badeecadahooda, taasoo adkeynaysa in la iibiyo. Shirkadaha shisheeye ayaa mararka qaar ku khasbanaada inay hoos u dhigaan qiimaha badeecadahooda, taasoo yareyn karta faa’idadooda si ay uga tartamaan suuqa Mareykanka. Daraasad uu sameeyay dhaqaaleyahan Yang Zhou oo ka tirsan Jaamacadda Fudan ee Shanghai ayaa lagu ogaaday in tacriifta Trump uu saaray badeecadaha Shiinaha ay saddex jeer ka badan waxyeelleeyeen dhaqaalaha Shiinaha marka loo eego saameynta ay ku yeesheen Mareykanka. Trump iyo Tacriif-ta Trump wuxuu ku dooday in tacriifaha ay abuuri doonaan shaqooyin warshadeed, yareyn doonaan deynta dawladda, hoos u dhigi doonaan qiimaha cuntada, islamarkaana u suurtagelin doonaan dawladda inay maalgeliso daryeelka carruurta. “Cashuuraha ganacsigu waa wax la yaab leh oo la ikhtiraacay,” ayuu Trump ka yiri xaflad ka dhacday Flint, Michigan intii lagu jiray ololihiisii doorashada. Muddadii uu xilka hayay, Trump wuxuu cashuuro dul-dhigay badeecadaha laga keeno dibadda, oo ay ka mid yihiin qoraxda laga dhaliyo korontada (solar panels), biraha, iyo dhammaan badeecadaha Shiinaha. Isagoo xoojinaya mowqifkiisa, wuxuu isku magacaabay “Tariff Man” (Ninka Tacriif-ta). Trump ayaa ballan qaaday in haddii dib loo doorto uu kordhin doono cashuuraha ganacsiga ee uu saaro badeecadaha shisheeye, taasi oo uu billaabay in uu ka dhabeeyo. Mareykanka ayaa sannadihii u dambeeyay si tartiib ah uga baxay doorkii uu ka ciyaarayay horumarinta ganacsiga xorta ah ee caalamiga ah tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka. Isbeddelkani wuxuu ka dhashay dareenka ah in shaqooyin badan oo warshadeed ay lumaan, arrintaasoo loo aaneeyo ganacsiga aan xakamaysnayn iyo koboca dhaqaale ee Shiinaha. Ujeeddada Tacriif-ta Tacriif-ta ayaa loogu talogalay in lagu ilaaliyo warshadaha gudaha. Sare u qaadista qiimaha badeecadaha la soo dhoofiyo waxay faa’iido u noqon kartaa shirkadaha gudaha oo si fudud uga tartami kara suuqa. Sidoo kale, cashuurahaasi waxay noqon karaan ciqaab la dul-dhigo waddamada lagu eedeeyo inay sameeyaan xeelado ganacsi oo aan cadaalad ahayn, sida kabidda (subsidizing) badeecadahooda ama iibinta alaabta qiimo aad u jaban (dumping). Ka hor inta aan canshuurta dakhliga federaalka la hirgelin sannadkii 1913, tacriifaha waxay ahaayeen isha ugu weyn ee dakhli ka soo galo dowladda. Sida uu sheegay dhaqaaleyahan Douglas Irwin oo ka tirsan Jaamacadda Dartmouth, inta u dhaxeysay 1790 iyo 1860, cashuuraha ganacsiga waxay ka koobnaayeen 90% dakhliga dawladda. Si kastaba ha ahaatee, cashuurahaasi waxay hoos u dhacaan markii ganacsiga xorta ah uu kobcay ka dib dagaalkii labaad ee adduunka, iyadoo dawladda ay u baahatay ilo dhaqaale oo ballaaran si ay u maareyso miisaaniyaddeeda. Dowladda Mareykanka waxay sannad maaliyadeedkii dhammaaday 30-ka Sebtembar ururisay ku dhowaad $80 bilyan oo doollar oo cashuuraha ganacsiga ah, taasoo aad uga yar marka loo eego $2.5 tirilyan oo doollar oo ka soo xarooday canshuurta dakhliga shakhsiga iyo $1.7 tirilyan oo doollar oo ka yimid canshuurta bulshada (Social Security iyo Medicare). Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu doonayaa in Mareykanku dib ugu laabto xeerarka miisaaniyadeed ee jiray qarnigii 19-aad, isagoo si xooggan u adeegsanaya cashuuraha ganacsiga. Tacriif-ta iyo cadaadiska Diblomaasiyadeed Tacriif-ta waxaa sidoo kale loo adeegsan karaa cadaadis diblomaasiyadeed, xitaa marka arrimahaasi aysan la xiriirin ganacsiga. Sannadkii 2019, Trump wuxuu isticmaalay hanjabaadda cashuuraha si uu cadaadis ugu saaro Mexico inay xakameyso qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya Bartamaha Ameerika ee sii maraya xuduudda Mexico una sii socda Mareykanka. Trump xitaa wuxuu cashuuraha u arkaa hab lagula xallin karo dagaallada. “Hal wicitaan ayaan sameynayaa,” ayuu ka yiri xaflad ka dhacday North Carolina bishii Agoosto. Haddii waddan kale isku dayo inuu dagaal billaabo, wuxuu sheegay inuu ku hanjabi doono: “Waxaan idin dul-dhigi doonnaa cashuur 100% ah.” Dhaqaaleyahannada oo ka digaya Tacriif-ta Dhaqaaleyahannadu waxay rumeysan yihiin in cashuuraha ganacsigu ay sare u qaadaan qiimaha badeecadaha, taasoo saameyn taban ku yeelan karta shirkadaha iyo macaamiisha. Waxaa sidoo kale la filan karaa in dalalka kale ay sameeyaan aargoosi. Tusaale ahaan, Midowga Yurub wuxuu cashuuro dul-dhigay badeecadaha Mareykanka sida bourbon-ka iyo mootooyinka Harley-Davidson si uu uga jawaabo cashuuraha Trump ee birta iyo aluminium-ka. Daraasad ay sameeyeen dhaqaaleyahanno ka kala socda MIT, Jaamacadda Zurich, Harvard, iyo Bankiga Adduunka ayaa lagu ogaaday in cashuuraha Trump aysan wax shaqo ah u soo celin dalka.