-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay rajaynaya in wada-hadallada ka furmay magaalada Jeddah ee u dhexeeya dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan ay keenaan xabbad joojin waxtar leh. Sacuudiga ayaa sheegtay in labada dhinacba ay garwaaqsadeen baahida loo qabo in la yareeyo dhibaatada lagu hayo shacabka , in la xaqiijiyo gaarsiinta sahayda gargaarka ee dadweynaha iyo soo celinta adeegyada muhiimka ah. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinacyada Suudaan oo markii ugu horeysay ku kulmay magaalada Jiddah tan iyo markii uu dagaalku qarxay in ka badan saddex todobaad ka hor. Dhinaca kale,madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa Axadii gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya si xabad joojin loo dhex dhigo dhinacyada isku haya Suudaan. Dhowr xabad joojin ayaa burburtay tan iyo markii uu dagaalku billowday,waxaana dagaalada socda ku dhintay Boqolaal qof,halka ku dhawaad 450,000 oo rayid ah ay ku barakaceen dalkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaciyay in marnaba dhankooda laga sugeyn in ciidamadooda kala soo baxaan gobolka Sool, oo uu sheegay inay qeyb ka tahay Somaliland. Go’aankan oo madaxweyne Muuse Biixi uu ka sheegay khudbad sanadeed uu ujeediyay labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa uga sii dareysa xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, xilli ay Hargeysa ku sugan yihiin odayaal dhaqan oo waan-waan ka dhex waday xukuumadda Somaliland iyo SSC. Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in markii hore ay magaalada Laascaanood u ogolaadeen inay ku shiraan Isimida hadda ku sugan, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay hurinayaan colaadda ka taagan halkaasi. “Garaadkii qura ee joogay Laascaanood ayaa yiri waxa aan Laascaanood ku qabaneynaa shir, si loo helo nabad, waan ku raacnay, dad badan way nagu cannaanteen, Garaadadii way yimaadeen, afar maalin markii la joogay ayey ku baaqeen in dagaalka la galo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi. Waxa uu sheegay in shacabka reer Sool ay kala mid ahaayeen ummadda Somaliland nabad-gelyada iyo horumarka adeegyada bulshada ee kala duwan, balse qorshaha kooxo uu ku sheegay argagixiso uu saamayn taban ku yeeshay caadifadda dhalinyarada Laascaanood. Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxaha argagixisada ay sanadihii dambe ay Laascaanood ku dilayeen madaxda iyo haldoorka magaalada, “Argagixisadu waxay muddo 10-sanno ah ku laynayeen madaxda laamaha dawladda iyo muwaadiniinta Somaliland ee deegaanka Laascaanood ee ka shaqaynayey nabadda iyo horumarka Gobolka Sool. Hor-joogayaasha Argagixisada ee qorshahaa ku hawlani waxay ku milmeen Shacabka Deegaanka Laascaanood.” Waxa uu tilmaamay madaxweynaha in dadkii laayay bulshada ku dhaqnaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay ku jiraan xabsiyada Somaliland, islamarkaana ay gacanta ku hayso Somaliland. “Waxaan leeyahay Argagixisada waynu is-huran-nahay. Shacabka Reer Laascaanood waxaan ugu baaqayaa in ay nabadda ka qayb-qaataan si magaaladii loogu soo noqdo oo noloshii jirtay dagaalka hor dib loogu soo celiyo; sida amnigii, maamulkii, adeeggii caafimaadka iyo waxbarashadii.” Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu golaha ka hor sheegay in muddadii xukuumaddiisu xilka haysay ay gobolka Sool ka dhistay dhismayaal dowladeed oo kala duwan, kuwaasi oo gaaray 31 dhisme oo ku jiraan xarunta maamulka gobolka, madaxtooyada Laascaanood, mashruuca naqshadeynta magaalada, dhameystirka iyo dayactirka garoonka Cabdi Bile Cabdi. Si kastaba, Go’aankan uu qaatay madaxweynaha Somaliland ee ah inaysan ciidamadiisu ka bixi doonin gobolka Sool, ayaa uga sii daraya xiisadda dagaal ee ka taagan Laascaanood, ayada oo Isimida SSC ay dhowr jeer dalbadeen in ciidanka la saaro si dagaalka xal looga gaaro miiska wada-hadalka, wallow aysan ka tanaasulin mab’da ay isku seegeen Somaliland ee Midnimada. The post Muuse Biixi oo ku adkeystay go’aan culus oo uga sii daraya xiisadda LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.
-
Borama (HOL) - Security forces in Somaliland in Borama, the administrative capital of Awdal, clashed with protesters on Monday as demonstrators demanded justice for a Coast Guard officer killed by a fellow soldier last week in Lawyacado, a coastal village in the Awdal region bordering Djibouti. Source: Hiiraan Online
-
Ugu Yaraan 6-Ruux oo dhaawac ah ayaa lagu dabiibayaa qaybta Emergency-ga Cusbitalka Guud Ee Boorama, kadib mudaharaad saaka ka dhacay Halkaas. Hoos ka eeg dhaawaca Dhaawac tiro badan ayaa jira , wadooyinka waxaa hada laga qaaday wiil dhalinyaro ah oo xabadu kaga dhacday dhuunta ilaa afka , ciidanka ayaa rasaas u adeegsaday Dadkii mudaharaadka waday . Wiilkan waxaa ku dhacday rasaasta ciidanka somaliland ku ridayaan shacabka mudaharaadaya ee magaalada boorama . waxay iga dhigeen curyaan ,aabahay ma noola ” waa ereyada aay ku barooranayso gabadhan oo gaadhi ay leeyihiin ciidamada somaliland ku jiidhay boorama , mudaharaad xoogan ayaa wali ka socda magaalada boorama . Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka hay’adda NISA ayaa fashiliyay shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya. Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidammada ay gacanta ku dhigeen jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda. Howl-galkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda. Dhaq-dhaqaaqa shabakadan ee diyaarinta weerarkan ayaa waxaa la sheegay inay la socotay hay’adda NISA, taasi oo ugu dambayntii keentay in sirdoonka qaranka uu maanta si xirfadaysan u fashiliyo weerarka ay kooxda Al-Shabaab damacsanaayeen. “Weerarka la fashiliyay ayay doonayeen Khawaarijtu inay ku waxyeeleeyaan dadka Soomaaliyeed ee u soo nasiinada taga goobtaas, kuna burburiyaan ganacsiga goobtaas taas oo muujinaysa cadowtooyada ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Dowladda ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay sii laban laabto dadaalada lagu cirib-tiriyo kooxda Al-Shabaab iyo ficiladooda, iyada oo uga mahad-celisay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka ee u heelan inay ilaaliyaan nafta, maalka iyo sharafta dadka Soomaaliyeed. Si kastaba, ciidamada amniga caasimadda ayaa muddooyinkii dambe ku guulaystay inay hoos u dhigaan falalkii kooxda Al-Shabaab ay ka geysan jirtay magaalada Muqdisho, xili uu guluf dagaal oo xooggan uu kooxda uga socdo qaar kamid ah gobollada dalka. The post DEG DEG: Weerar Al-Shabaab u maleegaysay goob ku taal Muqdisho oo la fashiliyay appeared first on Caasimada Online.
-
Ninka aaminsan Xisbigga Kulmiye ayaa Gabiley Clan iyo Habar Jecelo dib looggu dooranayaa, wallee waa qof aan dal iyo dad u tudhayn. Waar Ummadda kale fursad hala siiyo oo weliba Beelaha weelka haysta ee Garxejis iyo Arab aynu bal dooranno. Raggii Kulmiye asaasay ee hogaankiisa ahaa ayaan ka mid ahay- Kulmiye waan jecelahay, waxaanse ka jecelahay in cadaalad iyo sinnaan aynu hello. Qaran Xisbi qudha leh noqon mayno marnaba runtii. In aynu is dillo, oo reero isku dilin, ee fikir siyaasi ah isku dillo iyo in aynu kala gar qaadanno ayey noqon runtii. Waar Qarankan bila ama burburiya- anigga wey ii muuqataa saxa iyo khaladku. Kulmiyaa keliddii xaq u leh inuu Xisbi xaakim noqdo, ninkii aaminsan waa nin aan habeen jirin. Waar in aynu is yeelanno iyo in aynu wax wadda yeelanno ayey inoo joogtaa maanta. Ninna la yeelan maayo ee ogaaddaa, oo ninkii siddaa u fekerayoow, khayrkaa diidyey. Waar waxeennii weynu qabnaa ee Ummadda kale aynu fursadda siinno- haddii kale ninka taasi ku fekeraaya ayaa Siyaasadda igga yaqaanna. Waxa Qoray: Abdilahi Hassan Abdilahi Ali Hassan. Qaran News
-
Demonstrators in Boorame waving the Somalia flag today Boorame (PP News Desk) — People in Boorame neighbourhoods took to the streets today to express objection to the murder of local soldier by another soldier from Gabiley. Demonstrators waving the flag of Somalia chanted pro-union slogans a few hours before Somaliland administration President Muse Abdi delivered a speech in which he accused Puntland State of Somalia of “opposes the Federal Government and supports terrorists in Laascaanood”. A man is hoisting the Somalia flag in central Boorame. Somaliland administration police in Boorame used live bullets in an attempt to quel demonstrations and wounded several demonstrators. Traditional leaders of Boorame have accused Somaliland administration of shielding the soldier accused of intentionally killing a local soldier. A video clip of demonstrators in Boorame. © Puntland Post, 2023 The post Demonstrations rock Boraame in Northern Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Boorama (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeystay rabshado horleh oo saaka ka billowday magaalada Boorama, kadib markii ay dadweyne careysan iskugu soo baxeen bartamaha magaaladaasi iyo waddooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee gudaha magaalada iyo kuwa ka baxa. Rabshadahan oo ka dhashay dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal, ayaa waxa uu isku rogay kacdoon dadweyne, ayada oo dadweynaha dhigayay dibad-baxaan la arkayay iyaga oo calanka Soomaaliya ka taagay bartamaha magaalada. Sidoo kale dadweynaha ayaa waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Boorama la dhex marayay calanka Soomaaliya, oo ka mamnuuc ah in lagu qaato gudaha Somaliland, iyaga oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhanka ah maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi. Ciidamada Booliska oo soo fara-geliyay rabshadahan ka socda Boorama, ayaa rasaas nool u adeegsaday dibad-baxayaasha, taasi oo illaa hadda la xaqiijiyay dhimashada hal ruux iyo tirada tobaneeyo dhaawac ah, oo qaarkood culus yihiin, kuwaasi oo lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada. Dibad-baxayaasha ayaa dalbaday in tiirka la geeyo askarigii ka dambbeeyay falkaasi oo ay shalay xukun dil ah ku ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada milatariga Somaliland. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi ayaa Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar, waxaan falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibadbaxyo waa weyn oo haatan ka billowday Boorama. Sidoo kale dadweynaha reer Boorama ayaa ku dooday in aysan joojin doonin banaan-baxooda ilaa inta laga fulinayo xukunka dilka ah ee lagu ridday Dable Axmed Cabdi. Xiisad xoogan oo ka dhalatay arrintan ayaa sidoo kale si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, maadaama shacab badan ay ka kaceen qaabka uu u dhacay dilkaasi, iyaga oo dalbadanay in si deg deg ah cadaaladda loo hokeeno ciddii ka dambeysay falkaasi. Si kastaba, Rabshadaha ka socda Boorama ayaa imanaya ayada oo weli taagan tahay xiisadda dagaal ee Laascaanood, oo la xasuusto in markii hore ay ka bilaabatay kacdoon ka dhashay dilal ka dhacay magaalada, kadibna isku bedeshay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah. The post Boorama oo laga taagay calanka Soomaaliya iyo xiisadda oo kasii dareysa appeared first on Caasimada Online.
-
Upon President Hassan Sheikh Mohamud’s election on May 15, 2022, many Somalis hoped for a change in the president’s management style. It was expected that President Hassan would nominate a trusted individual for the position of prime minister, and then allow that person to execute the prime minister’s duties without interference. Hamza Ali Barre, a long-time friend of President Hassan, became prime minister. However, it did not take long for President Hassan to start performing the duties of the prime minister. He traveled overseas and signed contracts before and after the prime minister was appointed. His appointment of more than half of the government ministers and an equal number of state ministers was viewed by many Somalis as a move to undermine the prime minister’s position. Additionally, the president began addressing the Somali people directly, which was considered to be a departure from the approach of his predecessor, the former President Farmaajo. Supporters of the president have stated that he is more open than any previous president, being willing to answer any question he is asked. But those who oppose the president believe that his actions raise concern about political interference, and that he cannot think clearly or make sound decisions because of his attention-seeking behavior. On one particular day, President Hassan spoke in the Masjid in Villa Somalia after Friday prayers. During his speech he revealed that his government had discovered cases of corruption in the government, specifically regarding absenteeism from work. He stated that over one-third of government employees had not reported to work on the previous day, and that no one knew why. The government learned of this through the use of an electronic system that required employees to log in. Many Somalis were left wondering why the president had spoken of this matter, as it was typically something the prime minister should discuss with his cabinet. A few days later the prime minister presented a detailed report to his cabinet and urged action against those who failed to show up for work. The report showed the prime minister reviewing the number of employees reporting for work, live on his computer. However, the report was rendered useless because President Hassan had already told the Somali people about it, before the prime minister had a chance to discuss it with his cabinet. It has been observed by political analysts that this was a result of the prime minister informing the president before Friday prayers. The president, who wishes to grab all the attention, could not wait for the prime minister to inform his cabinet. The president intended to take the credit for fighting corruption. On May 5, 2023, during Friday prayers in Villa Somalia Masjid, President Hassan told another story that was deemed inappropriate by most Somalis. He predicted that Puntland would cease to exist if its President Deni did not carry out the people’s wishes. Many people were perplexed as to why he had talked about Puntland, since he had previously stated that there were no problems between the Puntland people and the federal government, and that the only conflict was minor and could be resolved politically. One analysis suggests once again that the president sought attention by foretelling what would happen to Puntland. That morning, before prayers, a few individuals opposed to the Puntland government had probably told the president of their plan to disrupt the Puntland election, and he had approved of that move. However, the analyst added that President Hassan could not wait for those individuals to act. He then told the Somali people about it because he wanted to be perceived as a visionary if and when the election was disrupted, 24 days later. The President’s intention was to say, “See? I told you so.” The consequences of President Hassan’s actions were unfavorable to his allies, and President Deni gained much support from both Puntlanders and others. This might make it seem as if he has the mandate of the people to do as he thinks is right. But it should be noted that extending his presidency would not be successful for President Deni. It is essential to hold an election that all stakeholders agree upon in due time. It is worth recalling that four years ago, when President Deni was elected president of Puntland, his opponent probably wanted to stay in power. However, he relinquished the presidency so that Puntland could move forward. President Deni should remind himself of this fact and do the right thing. President Farmaajo and President Muse Bihi both attempted to extend their period of rule, and it led to chaos and a loss of credibility. President Muse Bihi’s attempt essentially rendered Somaliland non-existent after 32 years of building the government. By: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein Mohabdhus@gmail.com Atlanta, Georgia USA Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post Somali president’s actions raise concerns over political interference appeared first on Caasimada Online.
-
For more than 30 years, Somaliland has been striving to become an independent state separate from Somalia. Despite facing opposition from the majority of Somalis, Somaliland has made significant progress toward this goal. Over the course of three decades, the administration of Somaliland has successfully established peace in the regions under its control, conducted successive elections where power has been handed over from one president to the next, and developed its economy while ensuring cost-of-living controls. The international community has acknowledged and encouraged Somaliland’s progress, and Somaliland was proud to claim that it has created the most democratic and peaceful state in the Horn of Africa, a claim that remains unchallenged until recently. Unfortunately, Somaliland’s progress has been derailed by its current president, Muse Bihi, due to his selfish interests. President Muse Bihi’s actions have brought to a halt all the claims of progress made by Somaliland. Political observers in Somaliland have stated that President Muse Bihi initiated a conflict in the Laascaanood region to divert attention from the upcoming Somaliland election. His goal was to position his party for an advantage by creating a conflict that would give him more time. However, this resulted in the displacement of over 200,000 people, the death of over 200 people, and Somaliland being pushed to the point of no return. As a result of President Muse Bihi’s actions, Somaliland can no longer claim to be the most democratic state in the Horn of Africa; the fact that he is still in power, even though his term has expired, only adds to this fact. Many political analysts predict that Somaliland’s existence may come to an end, as there seems to be no other viable option moving forward. The only claim that Somaliland had for separation from Somalia was its ability to control the border of the former British colony, which includes the Laascaanood region. If this region creates its own federal state and becomes a member of the federal states of Somalia, then this claim will no longer be viable. In contrast, the Puntland State has existed for over 20 years and has made significant progress toward becoming a part of the proposed federal states of Somalia. Despite not having achieved a one-person, one-vote system yet, Puntland has conducted peaceful elections, with members of parliament being selected by traditional leaders. The parliamentarians, consisting of 66 members, have then elected the president and vice president, even amidst disagreements that arose before each election. Thanks to the presidents of Puntland, who always put the interests of the state ahead of their own, every election has ended peacefully. President Faroole, for instance, lost an election by one vote but still handed over power to the next president, even though he could have disputed the result. This action showed the world that Puntland State has a mature and functioning democratic system of its own. The President of Puntland, Said Abdullahi Deni, has exhibited authoritarian tendencies while accomplishing tasks that Puntlanders thought were impossible. Unfortunately, parliamentarians who spoke out against the president’s performance during his first year in office were silenced and removed from their positions. Additionally, sixteen federal parliamentarians were elected in Bosaso in a single day, despite the election being scheduled to take place over two days. The current election, which began to register voters several months ago, has progressed smoothly, with minor hiccups, despite opposition from two major opposition parties. These actions, which the president has taken and succeeded in, have encouraged him to continue his “my way or the highway” approach, without considering the potential consequences that may arise in the future. This approach could lead him down the same path as President Muse Bihi. The president now faces a crossroads where he must choose between doing what is right or following in the footsteps of President Muse Bihi. If he chooses the latter, the outcome for Puntland is clear to everyone. However, if President Deni chooses to do what is right, Puntland will continue to make progress, and the next president, whether it is him or someone else, will pick up where he left off. One significant issue that remains unclear is what type of presidential election will take place on January 8, 2024. Opposition groups suspect that President Deni has not clarified the type of presidential election because he plans to ask the parliament to extend his rule so that he can hold a presidential election based on one person, one vote after the council election is completed on May 25, 2023. If this is not the case, it is President Deni’s responsibility to state otherwise. Everyone, including President Deni, knows that it is impossible to hold a fair presidential election based on one person, one vote within the remaining time of his term. It is time for President Deni to do what is right for the Puntland State and to come to the negotiation table prepared to accept victory or defeat for the sake of Puntland. He must cease allowing his ego to guide the state to a dead-end that everyone can see coming. Mr. President, please inform Puntlanders of your intentions. By: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein Mohabdhus@gmail.com Atlanta, Georgia USA Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post Somaliland and Puntland: A Tale of Two States appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta daraasaadka istiraatiijiyadeed ee Afrika (Africa Center for Strategic Studies) ayaa waxaa looga hadlay khasaaraha ka dhashay weeraradii Al-Shababaab ay Soomaaliya ka gaysteen 2022-kii. Africa Center for Strategic Studies ayaa shaaca qaaday tirada rasmiga ah ee dadkii ku dhintay weeraradaasi, waxayna ku sheegtay inay ku naf waayeen illaa 2,606 qof. Tiradan ayaa ka badan tii sanadkii horreeyay ee 2021-kii, taas oo ahayd 6,225 qof, sida lagu muujiyay warbixinta kasoo baxday xarunta daraasaadka istiraatiijiyadeed ee Afrika. Sidoo kale Africa Center for Strategic Studies waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in haatan ay hoos u dhaceen weerarada Al-Shabaab, ayada oo sababta ku sheegtay culeyska kooxda la saaray, kadib duulaanka tooska ah ee ay ku qaadeen ciidanka dowladda iyo deegaanka. “Sanadkan 2023 ee loo dhaw yahay bartamihiisa aad bey u yar yihiin weerarada kooxda marka loo eego sanadihii hore, waxaana taasi ugu wacan culeyska koxoda la saaray,” ayaa lagu yiri warbixin sanadeedka xarunta daraasaadka istiraatiijiyadeed ee Afrika. Africa Center for Strategic Studies waa waax cilmi-baaris oo sidoo kale ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga dowladda Mareykanka, waxaana ay sameysaa tirokoob guud oo ku saabsan guud ahaan weerarada argagixisadda ee caalamka. Warbixintaan ayaa kusoo aadayo, xilli dowladda Soomaaliya qaaday tallaabo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay kala wareegtay dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana howlgalladaas qayb ka ahaa dadka deegaanka. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa la timid qorshe cusub oo lagu sugayo amniga caasimada oo qayb ahaan lagu wareejiyay ciidamo boolis milataaro ah, waxayna taasi keenteen inay hoos u dhacaan qaraxyadii horay uga dhaci jiray magaalada Muqdisho. Soomaaliya ayaa weli ku jirta marxalad dagaal, waxaana la filayaa in dhowaan la guda galo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ka bilaabanaya Koonfur Galbeed iyo Galmudug. The post Tirada dadka ku dhintay weeraradii Al-Shabaab ee 2022 oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta iyo Kheyraadka biyaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa dalka Ciraaq uga qeybgalaya Shirka caalamiga ee biyaha oo Baqdaad ka qabsoomay, waxaana looga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ku aadan maareynta iyo ka faa’iideysiga biyaha iyo kheyraadka Shirkaan oo uu furay Ra’iisal wasaaraha dalka Ciraaq ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirada biyaha dalalka carabta iyo hey’adaha ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo biyaha, waxaana lagu wadaa wasiirka inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda kale duwan ee ka qeyb galaysa shirka ka dhacay Ciraaq. Wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray horumarada laga sameeyay qorshayaashii kasoo baxay shirkii hore gaar ahaan dhanka horumarada iyo caqabadaha ka heysta dalalka Carabta biyaha iyo isbadalka cimilada. Wasiir Maxamed Cabdullaahi ayaa inta uu shirka socday kulamo doceedyo la yeeshay wasiirka Kheyraadka biyaha Ciraaq Eng. Aoun Dhiab iyo sido kale Wasiirka biyaha Suuriya Eng. Dr. Tamaam Ra,ad isagoo sidoo kale la kulmay xoghaya guud ee wasaaradda biyaha Cumaan, oo ay ka wada hadleen isdhaafsiga xogaha iyo khibrad wadaaga. labada dhinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa habeenkii Axaddii la kulmay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, xilli ay xiisad u dhaxeyso Aqalka Cad iyo Boqortooyada. W akaaladda Wararka Dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in kulanka Jake Sullivan iyo Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan uu ka dhacay magaalada Jeddah. Warbixinta SPA ayaa lagu sheegay kaliya in labada nin ay dib u eegis ku sameeyeen “xiriirada istaraatiijigga ah” ayada oo kulanka ay qeyb ka ahaayeen saraakiil kale oo Mareykan ah. Goor dambe, Sullivan ayaa ka qeyb-galay kulan dhex-maray dhaxal-sugaha, la-taliyaha amniga qaranka India Ajit Doval iyo la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka Carabta Sheikh Tahnoon bin Zayed Al Nahyan. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu xaqiijiyey kulanka, ayada oo lagu sheegay in ujeedka uu ahaa sare u qaadidda “aragtida ay wadaagaan ee Bariga Dhexe oo noqda gobol barwaaqo iyo ammaan ah kuna xiran India iyo dunida inteed kale.” Source
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo saacado badan qaatay. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ciidamada milatariga Somaliland ay weerar ku billowday madaafiic ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka oo ay dhufeysyo uga jireen, waxaana xigay dagaal toos oo u dhexeeyay labada dhinac. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay bariga magaalada, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay, waxaana haatan ay tahay xaaladdu mid kacsan. Sidoo kale labada dhinac, waa Somaliland iyo SSC ayaa guullo waa weyn ka kal sheegtay dagaalkaasi oo dhacay xilli habeen ah, taas oo sii adkeysay xaaladda ka jirta halkaasi. Laascaanood ayaa waxaa muddo ka socdo dagaallo culus oo u dhexeeyo milatariga Somaliland iyo ciidamada deegaanka, kuwaas oo dhaliyay khasaare iyo barakac. Xaaladda magaalada ayaa maamlmihii u dambeeyay ahayd mid deggan, marka loo fiiriyo dagaalladii is-daba jooga ahaa ee horay uga dhacay halkaasi. Dagaalkan cusub ee haatan dib u qarxay, ayaa sii fogeynaya xaaladda iyo rajadii laga qabay inay wadahadlaan madaxda Somaliland iyo odayaasha dhaqanka ee SSC. Si kastaba, illaa iyo hadda waxaanan muuqan isku soo dhawaasho labada dhinac ah, mana suuragelin dhammaan isku dayadii la sameeyay, si la’isugu soo dhaweeyo labada dhinac. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay magaalada LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ibraahim Cabdullaahi Jaamac oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kaas oo Hey’addu sheegtay inuu doonayay inuu safar ku tago magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Ibraahim Cabdullaahi Jaamac ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, isaga oo xilliga la qabanayay ku howlanaa inuu safar galo, si uu falal amni darro uga fuliyo magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegtay hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka oo bayaan soo saartay. Xilli uu la hadlayay warbaahinta dowladda ayuu sheegay in magaca kooxda looga yaqaano uu yahay Fahad, isaga oo xusay in Al-shabaab uu ka tashkiiliyay inuu galo Aabihiis, sida uu hadalka u dhigay, waxaana laga qabtay xilli uu ku sugnaa gudaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo. Saraakiisha Ciidanka Hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ninkaan ay xogtiisa hayeen mudana ay ku raadjoogeen, isla markaana hataan ay ku wareejin doonaan hay’adaha garsoorka, si cadaaladda loo mariyo, ciidanka NISA ayaa mudooyinkii dambe waday howlgallo isdabajoog ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
“Women detainees held in a next-door cell whispered about the rapes they had experienced and passed me written notes with contact details of their families.” Somalia is one of the hardest places in the world to be a journalist. I know, because I spent 44 days in detention – persecuted for upholding press freedom and defending ethical reporting. Firstly, journalists in Somalia face incredible physical danger. It’s the most hazardous place in Africa to work as a media professional: Bombings and gun attacks by the jihadist group al-Shabab have killed so many of my colleagues over the years. Then there’s the intolerance and corruption of the government, which arrests its critics and shuts down media houses. A total of 84 journalists were detained in 2022. Read more here Source: The New Humanitarian The post Why Somalia is one of the hardest places in the world to be a journalist appeared first on Puntland Post.
-
Bodies of the two victims presumed to have drowned at Batalaale beach have not been recovered. Berbera (PP News Desk) — Two members of a football team from Gabiley died after being swept by high tide at Batalaale beach of Berbera on Friday. Two other football players were saved by a swimmer. The bodies of the two victims had yet to be recovered. The football team returned from a friendly match with a football team in Burao. The man who saved two of the football players from drowning said that the team members “have not disclosed the names of the two victims presumed to have drowned in Batataale beach.” © Puntland Post, 2023. The post Two football players drown in Berbera sea appeared first on Puntland Post.
-
Qalalaase xooggan ayaa saaka oo Isniin ah ka taagan magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal. Muddaharaad lagu dalbanayay in toogasho lagu fuliyo askari dil u geystay sarkaal u dhashay degaankaas ayaa isu rogay qalalaase baahsan oo saameeyay Boorame oo dhan. Wararka ayaa sheegaya in isku dhacyo dhexmaray dadweynaha gadoodsan iyo ciidanka Booliska uu ka dhashay khasaare kala duwan oo ay ku jiraan dad dhaawacmay. Qalalaasaha ka socda Boorame oo markii hore ku bilowday muddaharaad ayaa saacadba saacadda ka danbaysa sii xoogaysanaya. PUNTLAND POST The post Qalalaase xooggan oo ka taagan magaalada Boorame appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa magacaabay nin hubeysan oo siddeed qof ku dilay xarun laga dukaameysto oo ku taalla Dallas, waxaana magaciisa lagu sheegay Mauricio Garcia, oo 33 jir ah, kaasoo jeeda Dallas laftirkiisa, ayaa waxaa toogtay askari booliis ah oo ka qayb galayay taleefoon kale oo aaggaas ka dhacay. Sida uu sheegay madaxweyne Joe Biden ninka hubaysan ayaa weerarkii Sabtidii u adeegsaday qoriga noociisu yahay AR-15, wuxuuna soo xirtay qalabka dagaalka, Baarayaal ay soo xiganeyso warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaya in laga yaabo in uu xiriir midigta fog lahaa, taas ay kleentay inuu ku kaco falkaan lagu dilay Rayidka. Toogashadaan ayaa waxaa ay ka dhacday suuq weyn oo laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Dallas gobolka Texas, falka ayaa dhacay xilli mashquul badan uu ka jiray Suuqa, maadaama dadku maalmaha fasaxa ah ay u soo dukaameysi tagaan suuqa, falkaan ayaa dowladdu ku sheegtay mid uu fuliyay wiil Da’ yar oo reer Texes . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda ku wajahan gudaha magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar, halkaas oo uu booqasho ku tegi doono bartamaha bishan May oo ku beegan hal sano, kadib markii mar labaad loo doortay xilka madaxweynaha. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka dalka Qatar, isla-markaana safarkiisa uu la xiriiro mid uu taageero dhaqaale ugu raadinayo dowladdiisa oo dagaal adag kula jirto Al-Shabaab. Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda dalka yare ee Qatar, balse dhaqaalaha hodanka ku ah kala hadli doono iskaashiga labada dal, amniga iyo siyaasadda Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada dhinac ay iska xog wareysan doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo midda gobolka, maadaama bilihii lasoo dhaafay ay dhaceen isbeddallo waa weyn. Safarkan oo noqonayo kii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegayo dalka Qatar, tan iyo markii dib loo doortay 15 kii May ee sanadkii hore, waxaana booqadashan ku wehlin doono xubno ka tirsan Villa Soomaaliya iyo wasiiro kamid ah xukuumadda federaalka Soomaaliya. Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ay ka fulisaa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale. Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynayo dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana la filayaa in uu billowdo wejiga labaad ee dagaalka, kaas oo kusoo biiri doonaan waddamada dariska oo haatan la’isku yiraahdo dalalka safka hore. The post Xog: Xasan oo mar kale ku wajahan QATAR + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
