-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa si cajiib ah uga fal-celiyay tallaabadii uu dhowaan qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, kadib markii uu uleeyay dhalinyaro ku caaweyneysay xeebta LIido ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya. Cabdiraxmaan Cabdishuur oo bilaabay Barnaamij uu ugu magac daray Wacyi ayaa ciwaan uga dhigay “Dhalinyarada Liido lagu budeeyey, Diinta iyo Dawladnimada ma u dawaa mise waa u daran?” Xildhibaanka ayaa si dadban u weeraray guddoomiyaha gobolka Banaadir oo isagu hoggaaminayay howlgalkii ka dhacay agagaarka xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qofka mas’uulka uusan isku noqon karin sharci dajiye iyo in isla isagii uu ciqaabo eedeysanaha ama dambiilaha, sida uu hadalka u dhigay. “Qof isagii sharci dajiye ah oo waxaan inay xun yihiin tilmaamaayo waxa laga sameynaayo oo ciqaab ah dajinaayo ka bacdi fulinaayo qof isku noqonaayo ma jiro, waana xadgudub” ayuu yiri Xidlhibaan Cabdishakuur oo ka falceliyay tallaabadii uu qaaday Yuusuf Madaale. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in madaxda dowladda guud ahaan looga baahan yahay adeeg dowladeed iyo inay cadaalad u sameeyaan dadweynaha Soomaaaliyeed. “Dadka madaxda ah waxaa laga rabaa heerkay rabo ha’ahaato dadka waxa ay ka rabaan wixii ay u dirsadeen waxay u dirsadeen maxaa waayey” waa adeeg iyo cadaalad” ayuu yiri. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la ilaaliyo sharciga iyo kala dambeynta, isla-markaana ay hay’ad kastaa gudatio waajibaadka shaqo ee loo igmaday. Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii lasoo dhaafay uu Duqa magaalada Muqdisho hoggaaminayay howlgallo laga sameeyay xeebta Liido iyo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagula dagaalamayay maandooriyaha iyo goobaha lagu sameeyo dhaqan xumada ee caasimada. The post Daawo: CC Shakuur oo weerar culus ku qaaday duqa Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
In Danyarta Berbera Laydh loo helo waxaa caqabad ku ah oo hortaagan Maayir Cidin! “Mushkilada laydhka Berbera markasta oo lays yidhaa xal waara haloo helo waxaa caqabada koobaad ku noqda Duqa Degmada Berbera mudane Mayor Cabdishakur Maxamud Cidin . Degmada Berbera waxaa ku nool danyar aan awoodin in ay bixiyqan qiimaha xad dhafka ah ee ay kusoo dalacdo warshada laydhku sidookale awood dhaqaale oo magalada kaga xagaabaxaana xiliga xagaagana aan lahayn, waxaa hore loo yidhi ruqe ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo reer Berbera cabashadoodu wey taagnaan doontaa ilaa inta ay ka baxayso meesha danta shaqsiga ahi.” W/Q: Xildhibaan Cali Qaran. Qaran News
-
Deegaankaygii ayaan talo kula noqon doonaa Haddii la ii diido fadhiga Golaha wakiilada. Golihii xoog, afduub iyo qabyaaladba lagu haystaa.” waxaa sidaas yidhi Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland. Cabdikariin Axmed Mooge waxay leeyihiin Madaxwayne ayaanu ka dhigaynaa, hadana waxa lagu aamini waayay qandaraaskii Suuqa waaheen”……… Xildhibaan Maxamed Abiib Qaran News
-
1. Marxuum Khadar Xabeeb: Alle ha u naxariisto. 2. Qaraabada: Samir iyo Iimaan Alle haka siiyo 3. Xukuumaddu: sida ugu dhakhsaha badan sharciga ha u mariso gacan-ku-dhiiglaha 4. Inteenna kale: Nabadda aynu ilaalinno. Wadajirka aynu ku dedaallo. Aynu iska qabanno waxmagaratada doonayso in ay qas ka abuuraan degaanadeenna si ay fushadaan dano gaar ah. Waxa innaga dhaxeeya: nabadda, kala-danbaynta, hantida, iyo adeegyada oo aan midna cid gaar ahi lahayn. 5. Siyaasiyiintana: waxa aan leeyahay “ Arrintani tii la sii afuufayay maaha”. Raganimadu waxay ku jirtaa daminta xasaradaha, xal-u-helidda dhibaatooyinka iyo yagleelka deganaanshaha iyo wadajirka umadda. Belaayo intan ka badan. Yaan fursad la siin cadawga horumarka iyo nabadda Cumar Cali Cabdilaahi , Wasiir hore . Qaran News
-
Warqadan waxaa madaxweyne muuse Biixi u soo diray Xildhibaan ka Tirsan Barlamaanka Somalia Balse ka soo jeeda Degaanka Caynaba Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn uga digay khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan doorashada maamulkaasi. Xasan Sheekh ayaa sheegay in uusan raali ka aheyn in nidaamka dowladnimo ee Puntland uu ka dumo iyo inay isdilaan, xilli ay meel sare gaartay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Saciid Deni iyo siyaasiyiinta reer Puntland ee mucaaradsan. Wasiirka caddaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo ka jawaabay hadalkaasi ayaa eedda madaxweynaha mid waxba kama jiraan ah, sida uu hadalka u dhigay. Maxamed Cabdiwahaab ayaa xusay in aysan burbureyn Puntland, isla-markaana ay muhiim tahay in waxa laga barto dabeylihii siyaasadeed ee hore iyo sida looga soo gudbay. “Puntland burburi mayso, balana kama jirto. Waxaa fiicnaan laheyd in wax laga barto duulaamadii wajiyada badnaa ee horey loogu soo qaadey Galkacyo, Suuj, Garmaal iyo Garacad, iyo duufaamihii siyaasadda ee dhammaantood isku ujeedka ahaa laguna guul daraystay kuligood,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda dowlad goboleedka Puntland. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii data in eedeymaha loo soo jeedinayo aysan waxba soo kordhin doonin, isla-markaana ah sii wadayaan dadaalkooda ku aadan geeddiga doorashada qof iyo cod ee la filayo inay ka dhacaan magaalooyinka maamulkaasi. Lama oga sida ay waxa noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda Puntland oo kasii dartay markii Khamiistii golaha wasiirada maamulkaas ay ansixiyeen wax ka beddal lagu sameeyo Dastuurka, xilli la’isku diyaarinayo doorashada guud. Golaha ayaa isku raacay in xisbiyada siyaasadda Puntland laga dhigo shan xisbi, halka ay markii hore ahayd saddex xisbi, ayada oo loo sii gudbiyay Baarlamanka, si uu u ansixiyo. Arrintan ayaa kusoo aadayo, ayadoo haatan ay bsii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasadda. Si kastaba, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi, kaas oo uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan. The post PUNTLAND oo jawaab ka bixisay eedeyntii madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Awrculus ee ka tirsan Degmada Garoowe ee gobolka Nugaal, xilli uu ku gudajiro Ololihiisa doorashada golaha deegaanka. Madaxweynaha oo fagaare Kula hadlay Bulshadii soo dhoweysay, ayaa ku baaqay in dadka deegaanku isu diyaariyaan Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25-May 2023, wuxuu muujiyay in dadka oo codeeya oo madaxdooda doorta ay tahay wax muddo lasoo sugayay. Waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee deegaanka Awrculus, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha booqashada taariikhiga ah, horumarka Dowladdu wado, Dhismaha Wadada Garoowe iyo Garacad oo deegaanka maraysa iyo fursada ay Bulshadu ku dooranayso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Sucuudiga, ayaa marti gelineysa wada hadalkii ugu horreeyay ee fool ka fool ah Sabtida maanta ah, oo u dhexeeya ciidammada ku dagaallamaya Suudaan, ka dib markii dhowr xabad joojin ay burburtay. War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga, ayaa lagu soo dhaweeyay billowga “wada hadallada horudhaca ah” ee magaalada Jiddah ku dhexmari doonna ciidamada Suudaan, iyo xoogagga taageerada degdegga ah ee RSF. Ciidamada Suudaan, ayaa sheegay in wada hadallada ay uga gol leeyihiin in wax loogga qabto arrimaha bini’aadantinimada. Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxaya dhanka kale ee ciidamada RSF-ta. Ciidanka ayaa waxay xaqiijiyeen inay ergo u dirtay Jiddah, si ay wada-hadallada uga qayb-galaan. Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka, ayaa waxay ku cadaadiyeen dhinacyada ku dagaalamaya Sudan wada hadal, maadaama ay soo wajahday xaalad bini’aadantinimo oo xun oo ka taagan dalka Suudaan. Ku dhawaad saddex toddobaad oo dagaallo culus ay socdeen, ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, waxaana ku barakacay ku dhawaad 450,000 oo rayid ah. Wadartaas guud, Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka, ayaa sheegay in in ka badan 115,000 oo ka mid ah dadkani ay u qaxeen dalalka deriska la ah Sudan. Taliyaha ciidamada Sudan, Jen Cabdulfataax al-Burhan – oo ah madaxweynaha Sudan – ayaa dagaal adag kula jira hogaamiyaha RSF Jen Maxamed Xamdan Dagalo, oo loo yaqaano Xamadi Source
-
Maanta ayaa waxaa la caleema saarayaa boqorka Ingiriiska ee Boqor Charles-ka Saddexaad. Waxaa udub dhexaad u noqon doona xafladdan weyn boqor Charles-ka saddexaad, oo indhaha dunidu ay isagu ku foogan yihiin isaga. Muxuu ka fikirayaa maanta Charles-ka saddexaad maalin uu sugayay inta uu noolyahay oo dhan? Markii ugu dambeysay ee loo caleema saaray taajka boqornimada, ayaa ahayd xili hore, isagoo Charles uu ahaa ilmo yar sanadkii 1953-dii, isagoo daawanaya hooyadiis, boqoradda Elizabeth-da labaad, oo la caleemo saarayo. In ka badan 5,000 oo ka tirsan ciidamada qalabka sida, ayaa tareen ku yimid magaalada London, ka hor inta aysan gaarin buundada Westminster. Khadka tareenka ee Network Rail, ayaa maamulkoodu wuxuu soo gudbiyey inay tahay dhaq dhaqaaqii ugu weynaa ee ciidanka. Tani ayaa la sheegay inay tahay dhaq dhaqaaqii ugu weynaa ciidamada militariga ee ku kala safraya tareennada Britain, tan iyo aaskii ra’iisal wasaarihii hore ee Britain ee Winston Churchill ee 1965-kii. Sawirrada aan saaka aragnay, ayaa waxay yihiin muuqaal aad u qurux badan. Boqollaal ilaalo ah oo lebisan, ayaa socod ku maraya waddooyinka, si ay u hubiyaan dhaq dhaqaaqa basaska cas ee London Source
-
Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay Roobab 48-kii saac ee lasoo dhaafay ka da’ayay deegaanno ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana lasoo warinayaa in ay jiraan khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed oo aad u badan oo ka dhashay daadad xooggan oo roobku keenay. Roobabka oo watay daadad xooggan oo ka da’ay qaar kamid ah gobollada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 50 ruux, oo siyaabo kale duwan daadad ugu qarqoomay, waxaa sidoo kale daadadku ay la tageen xoolo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 19 kun. Daadadka ka dhashay Roobabka ayaa waxaa sidoo kale ku barakacay qoys badan, kuwaas oo deganaa dhulka ay fadahaaduhu ka dhaceen ee Wabiga uu ku fatahay, waxaana ilaa iyo hadda socda gurmadka uu wado maamulka ee lagu samata bixinayo dadka uu saameeyay daadadka dhacay. Roobka da’aya oo qeyb ka ah xilliga Gu’ga ayaa waxaa inta badan sanadkaan ka dhashay fatahaado ka dhacay deegaanno kale duwan oo ay Soomaalidu degto, dowlad deegaanka Soomaalida ayaa inta badan dadka degan dhulka dooxooyinka ah waxaa ay la kulmaan khasaare xoogggan. Xilli Roobaad Gu’ga ayaa sanadkaan si wanaagsan uga curtay guud ahaan dalka waxaana dadka reer guuraaga ah ay sheegayaan inta badan gobollada dalka Roob fiican laga degay, waxaana taas barbar socotay daadad fatahaado ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo dhaliyay khasaare kale duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia’s head coach Nur Mohamed Amin says he is entirely proud of the team’s performance at the TotalEnergies U17 Africa Cup of Nations (AFCON) in Algeria, despite their group stage exit. Source: Hiiraan Online
-
Four children dead after aging house collapses in Mogadishu
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - Tragedy struck the Shangani district of Mogadishu on Friday night when an old house collapsed, killing at least four children aged between 10 and 15 years old. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan oo xalay ka dhacday degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku geeriyoodeen afar carruur oo walaalo ah. Afarta carruur oo ahaa dhammaan wiilal ayaa waxaa kusoo dumay dhisme qadiimi ah oo ay daganaayeen, kuna yaalla gudaha degmadaas. Gaadiidka dab gurmadka oo goobta gaaray ayaa ku guuleystay in ugu dambeyn maydadka carruurta laga soo saaro dhismaha hoostiisa. Aabaha qoyskan oo lagu magacaabo Jimcaale oo si qiireysan uga hadlay dhacdadaan ayaan sheegay in carruurta ay da’doodu u dhexeysay 16 sano jir illaa saddex sano jir, isla-markaana uu ku qanacsan yahay qaddarta Alle. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilliga uu guriga soo dumayay ay carruurta jiifeen banaanka guriga, balse uu dhismaha ku soo kordhacay. Aabe Jimcaale ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadaan ay ka bad-baadeen ilaa 11 qof oo kale oo kamid ahaa qoyska guriga ku noolaa. Dhacdadan oo ay si weyn u tabisay warbaahinta gudaha ayaa xanuun ku reebtay ehellada carruurta, maadaama ay hal mar waayeen afar wiil oo muhiim u ahaa qoyska. Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Shangaani oo markii uu maqlay dhibkaan goobta gaaray ayaa sameeyay dadaal xooggan oo loogu gurmanayo qoyska ay waxyeellada kasoo gaartay guriga dumay. Gobolka Banaadir ayaa waxaa wel.ku yaallo guryo muddo fog dhisan oo aanay intooda badan heli dib u dhis, kuwaas oo halistooda leh. Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa sanadihii u dambeeyay kusoo badanayay dalka, waxaana kordhayay khasaaraha ka dhasha burburka dhismaha qadiimiga ee ku yaalla caasimada, kuwaas oo ay deegaansadaan qoysas danyar ah. The post Afar carruur oo walaalo ah oo ku geeriyooday Muqdisho kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in koox hubeysan ay dil u geysatay sedex ruux oo shacab ah, kuwaas oo reer guuraa ahaa, waxaana laga helayaa faahfaahinno kale. Kooxda dilka geysatay ayaa hore u siiqaatay qori uu watay mid kamid ah sedexda marxuub ee la dilay, kooxda dilka geysatay ayaa kasoo jeeda degmada Cabdudwaaq, halka kuwa la dilay ay lasoo jeedaan Cadaado. Dilka oo dhacay habeenimadii xalay ayaa waxaa lasoo sheegayaa in kooxdii dilka geysatay gacanta lagu dhigay sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Cabudwaaq Abdirahman Gacaltooyo. Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeyso deegaannada Huurshe iyo Hogdugaag ee gobolkaas, dilka ayaa dabajoogay dil hore uga dhacay halkaas. Gobolka Galgaduud ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilalka la xiriira aanooyinka Qabiilka, iyadoo in badan Galmudug ay gogol nabadeed ay dhex dhigtay labadaan Beelood. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo oo salaadda Jumcaha kadib Khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa madaxda Puntland ugu baaqay in ay tix galiyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka, kadib markii uusoo ifbaxay khilaaf ka dhashay doorashada. “Waxaan rabaa inaan sheego raali kama ihi dadkaas inuu nidaamku ka dumo iyo iney isdilaan raali kama ihi intaba Madaxda Puntland, waa in ay tix galiyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka. Raalli kama noqon karno in muddoo kooban lagu dumiyo tacab 24 sano aan soo dhiseynay” ayuu yiri madaxweynaha Xasan Shiikh. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda ay qaaday tallaabbooyin ka dhan ah la-dagaallanka musuq-maasuqa islamarkaana ay bilaabayso qorshe qaran oo lagu ilaalinayo ammaanada shacabka, waxaana uugu baaqay hey’adaha dowladda in ay ka digtoonaadaan wax waliba oo keeni kara musqmaasuq iyo wax isdabarin maaliyadeed intaba. “Beesadii dadka ma jirto oo waa laga soo qaaday, Daarahaas magaalada ku yaallo ayaa ku dhisan oo aan garaneyno, Sartii hebel waaye ayaan leenahay, waxaa ka sii xun kii inta lacagta qaaday Kenya uga dhistay ama ugu gatay Apartment ama Dubai la aaday, kaas ayaa ka sii xun, waxaan rabnaa dadka Soomaaliyeed Croption-ka inaan la dagaalano ayuu yiri” Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Puntlanda ay ka taagan tahay khilaaf u dhaxeeya madaxda iyo mucaaradka oo ku aadan doorashooyinka, waxaana madaxweyne Deni uu sheegay ina ay doonayaan in Puntland markii ugu horeysay dadku u dareeraan doorasho qof iyo cod ah, waxaana ka dhashay khilaaf xooggan hannaanka loo marayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa saaka halka loo yaqaan AMAL ee duleedka Garoowe ka dhagax dhigay dhismaha jidka Garoowe iyo Garacad. Jidkaan oo sida la sheegayo dowladdu maalgelinayso ayaa wejiga kowaad la dhisaya inta u dhexaysa Garoowe iyo Jarriiban oo lagu qiyaasay 165km. Wadadan ayaa inta badan marta dhulka hawdka ah ee gobolka Nugaal waxaana ay ku xirtaa degaannada bari ee gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa intaas kadib safar hal maalin ah ugu baxay degaannada Awrculus iyo Yoombays oo ka tirsan degmada Garoowe. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay jidka Garoowe iyo Garacad appeared first on Puntland Post.
-
Laba ruux oo haween ah ayaa ku geeriyooday lix qof oo kalena waa ku dhaawacmeen shil gaari oo aroornimadii saaka ka dhacay degaanka Yaka-yaka oo ka tirsan degmada Qardho. Saraakiisha ciidanka ilaalada waddooyinka Puntland ayaa xaqiijiyay in shilkan uu galay gaari nooca loo yaqaan Nooho oo rakaab sida islamarkaana ay weli baaritaan ku hayaan dhacdada. Dhaawacyadii ku waxyeelloobay shilka oo qaarkood sida la sheegay culus yihiin ayaa dhammaantood loo qaaday xarumaha caafimaadka Qardho halkaas oo lagu la tacaalayo xaaladooda. PUNTLAND POST The post Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degaan ka tirsan Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa ka falceliyay tallaabadii ay Khamiistii qaadeen xubnaha golaha wasiirada Puntland oo ansixiyay in wax ka beddal lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi, xilli la’isku diyaarinayo doorashada guud. Golaha ayaa isku raacay in xisbiyada siyaasadda Puntland laga dhigo shan xisbi, halka ay markii hore ahayd saddex xisbi, ayada oo loo sii gudbiyay Baarlamanka, si uu u ansixiyo. Cabdiweli Gaas oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay inay dhib weyn u keeneyso xasiloonida siyaasadeed ee Puntland oo ah hooyada federaalka Soomaaliya. “Aniga waxaan u arkaa arrintaas inay tahay arrin dhib u keeneyso xasiloonida siyaasadeed ee Puntland. Waxaan kale noo u arkaa amniga iyo midnimada Puntland-na dhaawici karta,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Dastuurka shaqsi ah looma furi karo, dan caam ah uubnaa loo furi karaa,”. Dhanka kale Cabdiweli Gaas ayaa weerar ku qaaday madaxweyne Saciid Deni, waxaana uu tilmaamay in damaciisa shaqsiga uu yahay mid xad dhaaf ah, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu xusay inuu sida uu doono u isticmaalayo dastuurka, isaga oo mar-marsiiyo ka dhiganayo barnaamijka dimuquraadiyeynta, isla-markaana uu “Waxaa moodaa madaxweynaha damaciisa siyaasiga ah nuu hadda xad dhaaf yahay inay kalifeyso Dastuurka sidii doono loo isticmaalo, ayada oo mar-marsiiyo laga dhiganayo barnaamijkan dimuquraadiyeynta,” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Cabdiweli Gaas. Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay haatan sii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasadda. Si kastaba, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi, kaas oo uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan. The post Muxuu C/weli Gaas ka yiri tallaabadii ay qaadeen golaha wasiirada Puntland? appeared first on Caasimada Online.
