Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Laascaanood (Caasimada Online) – Badhasaabkii Somaliland u qaabilsanaa Buuhoodle Nasteex Maxamed Cabdile (Nasteex Tuur) oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, dagaalka socdana kala fikir ahaa maamulka uu hore uga tirsanaa, ayaa maanta ka goostay Somaliland. Guddoomiye Tuur oo wata ciidamo iyo gaadiid dagaal ayaa u galay SSC, isaga oo ku biiray dagaalka ka dhanka ah ee Jabhadda SSC ay kula jirto ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool. Gaadiidka dagaalka ee uu kala goostay Somaliland ayaa gaaraya illaa afar, kuwaasi oo guddoomiye Tuur uu ku wareejiyay SSC-Khaatumo, isaga oo si rasmi ahna u shaaciyay inuu ku biiray xooggaga deegaanka ee SSC. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu dadkiisa la dareen noqonayo intaa ka badana uu adkaysan kari waayey duulaanka Somaliland oo uu ku tilmaamay “xasuuq isir sifeyn ah” oo lagu hayo shacabka gobolka Sool. Ninkan ayaa markii hore si weyn ugu ololeyn jiray rabitaanka Somaliland ee ah in magaalada Laascaanood ay qeyb ka tahay Somaliland, wuxuuna ugu magacownaa Badhasaabka Buuhoodle, isaga oo kamid ahaa masuuliyiinta ka mushaar qaata xukuumadda Somaliland. Dhawaan unbey aheyd markii sarkaal iyo ciidan uu wato oo kasoo goostay Somaliland ay ku biireen ciidanka Jabhada SSC ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya dagaalka looga soo horjeedo xukuumadda Somaliland ee ka socda xarunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood. Saraakiil kale oo ka hadlay munaasabadda lagu soo dhaweynayay ciidankaas kasoo goostay Somaliland yaa dhankooda sheegay inay rabaan in ay weeraraan magaalada Caynaba, ayna wixii ka dambeeya ay xabad isticmaalayaan. SSC ayaa sidoo kale waxay goobo kala duwan uga sugan taahy gobolka Cayn, tan iyo markii la aas-aasay oo ay isku fidineysay deegaanadaas, waxayn dagaal adag kula jirta xukuumadda Somaliland. Si kastaba, Dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa qaatay in ka badan saddex bilood, waxaana gebi ahaanba fashilmay waan iyo dhex-dhexaadin lagu qaboojinayay xiisadda dagaal, oo iyadu barakicisay boqollaal kun oo qof, ayna ku waayeen boqollaal kale, illaa iyo haddana majirto wax ifafaalo ah oo muuqata in dhinacyadu xabada ku joojinayaan. The post Badhasaabkii Somaliland ee Buuhoodle oo ciidan iyo gaadiid dagaal la goostay appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay Soomaalidii ugu badneyd ee kasoo cararay dagaalada ka socda magaalada Khartuum ee dalka Sudan, kaasi oo u dhaxeeya saraakiisha ugu sarreysa ciidanka dalkaas. Muwaadiniinta maanta dalka dib loogu soo celiyay ayaa tiradooda gaareysa 137 muwaadin, kuwaasi oo isla maanta laga soo kala dejiyay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya. Muwaadiniintan ayaa 73 kamid ah waxaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho oo la keenay, halka 64 kale laga dajiyay magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan soo-galootiga ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kusoo dhaweeyay 73 qof, kuwaasi oo kasoo degay garoonka Aadan Cadde. Xamza Aadan Xaadoow, oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ka warbixiyay soo dhaweynta muwaadiniintan, isaga oo sheegay in dowladda ay sii laban laabtay dadaaladda dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniinteeda kasoo cararaya dagaalka ka socda dalka Sudan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay kasoo gudbisay xadka ay wadaagan Sudan iyo Ethiopia ku dhawaad 1250 muwadiniin gaaraya, sida ay shaacisay ku-simaha safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Ayaan Maxamuud Sheekh oo maanta warbaahinta la hadashay. Dowladda ayaa sidan oo kale waxay horey dalka ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan, kuwaasi oo ay ka dejisay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe. Ajaanibtii ugu badneyd ayaa laga daad-gureeyay Sudan, gaar ahaan magaalada Khartuum, dadka isaga tagaya dalkaas ee laga soo saarayo ayaa waxaa kamid ah muwaadiniin Soomaaliyeed, inkasta oo ay weli ay jiraan qaar ku go’doonsan meelo kala duwan. Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas. The post Soomaalidii ugu badneyd ee kasoo cararay dagaalka SUDAN oo laga dejiyay… appeared first on Caasimada Online.
  3. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho, iyo xubno ka tirsan xafiiska UNSOM. Duqa Magaalada Muqdisho iyo Marwo Kiki ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha Amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray sugida Amniga Caasimadda, taasi oo xafiiska QM u Amaanay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir doorka muhiimka ah iyo juhdiga uu ku bixiyay sugida Amniga Muqdisho Sidoo kale kulankan ayaa loogu hadlay xal u helida Arrimaha barakacayaasha maadaama Magaalada Muqdisho ay marti-geliso kumanaan Barakacayaal oo siyaabo kala gedisan ugu kala yimid Gobolada dalka, kuwaasi oo kasoo hayaamay dhibaatooyinka Abaareed iyo dagaalada lagula jiro kooxaha Khawaarijta. Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay si dhaw Maamulka Gobolka Banaadir kala shaqeyn doonnaan Arrimaha Horumarka Caasimadda iyo Dib-u-dhiska, iyagoo soo dhaweeyay Qorshaha Duqa Magaalada Muqdisho ee dib ugu dhawaaqista Barnaamijkii hirgalay ee dalkaaga ku dhiso 1$. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Kampala (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada Uganda ayaa toogasho ku dilay wasiiru-dowlihii wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo xiriirka warshadaha ee Uganda Charles Okello Engola, oo uu kamid ahaa ilaaladiisa. Askarigan hore uga soo shaqeeyay Soomaaliya oo lagu magacaabo Pte WIlson Sabiti ayaa waxa uu ilaalo u ahaa wasiiru-dowlaha uu dilay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaasi Uganda. Kaaliyaha qaaska ah ee wasiirka, Ronald Otim ayaa sidoo kale waxaa dhacdadaan kasoo gaaray dhaawac culus, iyada oo loola cararay isbitaalka Mulago, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladdiisa caafimaad. “Baaritaanka wuxuu hadda ku jira marxaladaha hore ee dib u eegista. Ma doonayno in aan ku qiyaasno sababta toogashada illaa aan xaqiijino,” ayuu yiri afhayeenka Booliska Engage oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah. Toogashadan ayaa ka dhacday guriga wasiirka oo ku yaal deegaanka Kyanja ee duleedka magaalada Kampala. Wasiirka la toogtay ayaa la sheegay in xilligaasi uu usocday inuu ka qeyb-galo fadhi ay lahaayeen Golaha Wasiirada, waxaana lasoo warinayaa in muran dhex-maray askariga ilaaladiisa kamidka ahaa ee toogashada geystay iyo wasiiru-dowlaha kahor inta aysan dhicin toogashada. Wararka ayaa intaas kusii daraya in sababta keentay muranka dhexmaray labada dhinac ay salka ku haysay cabasho uu Sabitii ka muujiyay mushaar uu dhowr billood ku lahaa wasiirka la dilay. Askarigan geystay toogashada ayaa isla goobta isku khaarijiyey kahor inta aysan imaan ciidanka Booliska, sida ay warbaahinta maxaliga ah u sheegeen goobjoogayaal. Sabiti ayaa kamid ahaa askarta Uganda ee dhawaan laga dhoofiyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, islamarkaana kamid ahaa howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM). “Sabiti oo ka soo jeeda tuulada Mubali ee degmada Kabarole ayaa waxaa la geeyay Soomaaliya intii u dhaxeysay 2020 iyo 2021, isaga oo qeyb ka ah howl-galka Midowga Afrika ee kumeel-gaarka ah,” waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Col Deo Akiiki, ku-xigeenka afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga. Akiiki ayaa sidoo kale waxa uu qiray baahida loo qabo baaritaanno caafimaad oo maskaxeed oo badan oo askarta ah si looga fogaado dhacdooyinka la midka ah tan mustaqbalka. “Waxaan leenahay waax hoos timaada Maamulka Sare ee Adeegyada Caafimaadka, taas oo bixisa la-talin iyo hagitaan. Laakiin haa waa inaan dadaal dheeri ah gelinaa si aan u hubinno caafimaadka askarteenna kasoo laabta meelaha dagaaladu ka socdaan, si aan uga fogaanno falalkaas laga shallayn karo.” Si kastaba, Dhacdadan oo ay si weyn u hadal hayso warbaahinta Uganda ayaa waxay dhalisay dood xooggan oo la xiriirta in amaanka madaxda sar-sare ee dalkaasi uusan ku jirin gacan la isku haleyn karo oo amni ah, taasi oo u baahan in si deg eg ah wax looga qabto. The post Faah-faahinta Askari ka howl-galay Soomaaliya oo dilay wasiir appeared first on Caasimada Online.
  5. Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda FINLAND, MR Jukka Pajrarinen, iyo Safaaradda FINLAND ee Soomaaliya kuwaas oo aan ka wadahadaleyn dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo Soomaaliland. Ergayga ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha iyo Safaaradda doorka dowladda FINLAND ay ka qaadatay Dowladd dhiska Soomaaliya, Waxaana uu warbixin ka siiyay sida ay uga go’an tahay ka guul gaarista wadahadallada Somaliland, iyo in Dowladda DFS ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo Arrimaha Somaliland. Dhankiisa Mr Jukka Pajrarinen ayaa u muujiyay Ergeyga sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawaiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Umadda Soomaaliyee, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland iyo Dowladda Federalka oo dib loo anba qaadi doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 137 Muwaadin oo ka soo Cararay Dagaalada dalka Sudan ka socda, kuwaas oo galay Todobaadkii Sedexaad. Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ugu qaabilsan soo galootiga ayaa Muqdisho Ku soo dhoweeyay 73-qof, halka sidoo kale 64-qof diyaaradu ka dejisay Garoowe. Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamza Aadan Xaadoow oo ka warbixiyay soo dhoweynta muwaadiniinta isagoo sheegay in DFS ay sii laban laabtay dadaalada lagu soocelinayo muwaadiniinteeda ku barakacay gudaha Suudaan iyo dalalka deriska la ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore ugu guuleysatay todobaadyadii tagay ku dhowaad 200 oo ruux, kuwaas oo kasoo cararay dagaalka Sudan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Mogadishu (HOL) - The Muslim World League, a global non-governmental Islamic organization, has built four new bridges and a six-kilometre canal in Beledweyne, the administrative center of Somalia's central Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ay gacanta ku soo dhigeen horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Horjoogayaasha ay sheegtay dowladda in gacanta lagu sheegay ayaa dhan saddex horjooge, oo ciidamada huwanta ay ku daba jireen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, sida lagu shaaciyay qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya. “Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ayey ciidanku ku raad-joogeen sedaxdooda kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay Deegaanka Hul-caduur,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfaafinta oo ay baahisay warbaahinta dowladda. Howl-galkan lagu soo qabtay horjoogayaasha ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa laga fuliyay deegaanada Hul-caduur iyo Xalaneey. Qoraalka dowladda ayaa sidoo kale waxaa lagu shaaciyay magacyada horjoogayaasha saddexda ah ee ciidamada huwanta gacanta kusoo dhigeen, kuwaasi oo kala ah; Shire Cabdi Maxamed, Cali Abgaaloow iyo Maxamuud Calasoow. Saddexdan horjooge ayaa waxay dowladdu sheegtay inay lacago baad ah kooxda Al-Shabaab uga qaadi jireen gaadiidka safarka ah, kuwaasi oo in muddo ahna ka tirsanaa kooxda. Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu dalka si hordhac ah uga bilowday wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo wejigiisa labaad ee rasmiga ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howl-galada ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano ay sanado badan gacanta ku haysay kooxda. The post Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo gacanta lagu soo dhigay + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  9. Badhasaabkii Somaliland u qaabilsanaa Buuhoodle Nasteex Tuur oo muddooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Burco ayaa maanta oo Axad ah ka goostay Somaliland. Guddoomiye Nasteex Tuur oo wata ciidamo iyo gaadiid dagaal ayaa lagu soo dhaweeyay degaanka Yeyle ee galbeedka Gobolka Sool. Mudane Nasteex ayaa dadkii soo dhaweeyay u mahadceliyay waxaana uu sheegay in uu ku biiray xoogaga degaanka ee SSC-Khaatumo. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu afar gaadiidka dagaalka ah kala soo goostay Somaliland islamarkaana ku wareejinayo SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Badhasaabkii Buuhoodle oo ciidan iyo gaadiid dagaal kala goostay Somaliland appeared first on Puntland Post.
  10. Mogadishu (HOL) - The governor of the Hiiran region, Ali Jeyte Osman, has imposed sanctions on al-Shabab-controlled areas along the Shabelle River between Baledweyne and Buulaburte in the Hiraan region. Source: Hiiraan Online
  11. Maayirka Burco Cabdirisaaq Herro oo la doodaya Xildhibaanada ku mucaaridka ah ee golaha deegaanka kala tirsan. “Walaaladayda Xildhibaanada ah kama hayo garabkii aan siin lahaa Anoo xildhibaan ah, Laakiin waxay labadaa sanno wadeen in ay dadka kiciyaan, Iyagu qashinka soo sawiraan, in ay iyagii na mucaaridaan, in ay warbaahinta naga idhaahaan waa Tuug iyaga oo aan wax cadayn ah noo haynin, Shacabkii qurbojooga ahaa in ay niyada jabiyaan, in ay reer burco kala qaybiyaan, In qaadhaankii nala siin lahaa ay naga dhooqeeyaan” Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho. Duqa Magaalada Muqdisho iyo Marwo Kiki ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray sugida amniga Caasimadda, taasi oo xafiiska QM u amaanay guddoomiyaha gobolka Banaadir doorka muhiimka ah iyo juhdiga uu ku bixiyay sugida amniga Muqdisho. Sidoo kale waxaa kulankan loogu hadlay xal u helida arrimaha barakacayaasha maadaama magaalada Muqdisho ay marti-geliso kumanaan barakacayaal oo siyaabo kala gedisan ugu kala yimid gobolada dalka, kuwaasi oo kasoo hayaamay dhibaatooyinka abaareed iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Kulankan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan xafiiska UNSOM oo ay horkaceysay Marwo Kiki Gbeho, Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho. Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay si dhaw maamulka gobolka Banaadir kala shaqeyn doonaan arrimaha horumarka caasimadda iyo dib-u-dhiska, iyaga oo soo dhaweeyay qorshaha Duqa Magaalada Muqdisho ee dib ugu dhawaaqista Barnaamijkii hirgalay ee dalkaaga ku dhiso hal dollar. Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho, ayaa sheegtay in isku tashiga bulsho uu yahay mid wax weyn ka badali kara ku tiirsanaashiyaha gacmo kale. Sidoo kale waxay maanta ka qeyb qaadatay barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar, iyada oo ballan-qaaday inay xoojin doonto wada-shaqeynta Xafiisyada QM iyo kan maamulka gobolka Banaadir. Si kastaba, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 7-sano kadib 4-tii bishaan si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daah-furay dib usoo nooleynta mashruucii “Dalkaaga ku dhiso hal dollar”. The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Madaale iyo Kiki Gbheno? appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa shaaciyay in dowladda ay dalka dib ugu soo celinayso toban kun oo askari, kuwaasi oo tababar kusoo qaatay afar dal, oo qaar kamid ah yihiin waddamada deriska. Ciidankan cusub ee la keenayo dalka ayaa waxay tababar kusoo qaateen dalalka Ethiopia, Eritrea, Uganda iyo Masar, waxaana qarashaadka ku baxaya bixineysa dowladda Imaaraadka Carabta. La-taliyaha Amniga Qaranka oo wareysi siiyay telefishanka Universal ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ciidankan tababarka soo dhameystay lagu soo celinayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Xuseen ayaa shaaciyay in ciidankaan tababarkooda, saanadooda iyo mushaarkooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta, oo ayadu kal hore heshiis dhanka militariga la saxiixatay dowladda federaalka Soomaaliya. “Isbuucyada soo socda waxaa soo dhameystirmaya 10,000 Askari oo qarashaadka ku baxaya ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali. La-taliyaha ayaa waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka ay ciidankaan Mushaarkooda bixineyso, si kumeel-gaar ah illaa inta ay dowladda federaalka Soomaaliya ay kasoo afjarmayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ay ka wado dalka. “Waxaa lagu soo tababaray dalal kala duwan, qoladii u horeysay ee Uganda lagu soo tababaray ee Muqdisho la keenay qoladii ay ku diirsatay caasimadda ayay noqotay. Faa’iidadeedii waa arkeen dadka Soomaaliyeed, inay qeyb ka noqdeen soonkii ugu horreeyay.” Si kastaba, Ciidankan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda federaalka ku rabto inay kula wareegto amniga guud ee dalka, iyada oo ciidanka ATMIS ay qorshuhu yahay inay ka baxaan dalkeenna daba-yaaqada sanadka 2024-ka. The post Villa Somalia oo shaacisay tirada ciidamo la keenayo dalka iyo dowladda bixinaysa kharashka appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha unaxariiste qoraa sare Marxuum Ciise Faarax Maxamed oo kamid ahaa shaqaalaha awasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Marxuumka ayaa dhawaanahaan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, wuxuuna markii ugu dambeysay ka howl-galayay wargeyska dalka, oo uu ka ahaan jiray tifaftire, sidoo kale waxa uu kamid ahaa rug-cadaayaasha saxaafadeed ee Soomaaliya, wuxuuna muddo fog ka shaqeeynaayay Wargeyskii Xiddigta Oktoobar, oo hadda loo yaqaan wargeyska dalka. Marxuumka ayaa markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee dalka 1991-kii ayna burburtay xukuumaddii dhexe, waxa uu sii watay howshiisa Suxufinimo, waxa uuna wax ku qori jiray Wargeysyadii xilligaasi ka soo bixi jiray magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wargeysyada Qaran, Xog ogaal iyo Ayaamaha. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Da’uud Aweys Jaamac ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Ciise Faarax, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa khabiir dhinaca saxaafadda oo kaalin weyn kasoo qaatey horumarinta saxaafadda dalka. “Aniga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca hawlwadeennada kala duwan ee wasaaradda waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, eheladii, bahda saxaafadda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Ciise Faarax Maxamed oo ahaa khabiir dhinaca saxaafadda oo muddo dheer wasaaradda ka soo hawl-galey,” ayuu yiri wasiir Da’uud. Waxa uu intaas kusii daray wasiirka “Ciise Faarax waxa uu ka mid ahaa tiirarkii wargeyska afka dowladda ku hadla iyo Wakaaladda Wararka ee SONNA, wuxuuna kaalin weyn ka soo qaatey horumarinta saxaafadda dalka.” Wasiirka ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehaladii iyo bahda saxaafadda ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan Ilaahay ka siiyo. Allaha unaxariiste Marxuum Ciise Faarax ayaa waxa uu shaqaynayay illaa sanadkii 2017, isaga oo qori jiray maqaallo badan, kuwaasi oo si gaar ah uga hadli jiray arrimaha bulshada iyo siyaasadda, illaa markii dambe uu sidaa ku noqday howl-gab u soo adeegay qarankiisa. The post CIISE Faarax Maxamed oo geeriyooday iyo DF oo war kasoo saartay appeared first on Caasimada Online.
  15. Ciidankii u danbeeyay ee Beesha East Sanaag Clan kaga harsanaa ciidamada Somaliland ee laga xukumo Taliska Ceerigaabo ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray Ciidamada Puntland. Ciidankan oo ay hoggaaminayaan Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Giigi iyo Gaashaanle Maxamuud Buurmadow ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Xingalool. Abbaan-duulaha guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland S/Guuto Xuseen Dheere ayaa si rasmi ah ula wareegay ciidankan waxaana uu ballan qaaday in loo dhammaystirayo xuquuqda iyo mushaharkooda. PUNTLAND POST The post Ciidankii Beesha East Sanaag Clan kaga harsanaa Somaliland oo ku biiray Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. Maxkamadda ciidanka milatariga Somaliland darajadeeda koowaad ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi oo Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar Maxamed Caynaanshe oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland. Qaran News
  17. Xukuumadda ayaanu mucaarad ku nahay ee horumarka iyo qaranimada mucaarad ku nihin.” guddoomiye Xirsi. Waxaan ku faraxsanahay in ceelka shidaalka ee Xoodeed soo gaadhay wakhti la hadal hayo in qodis la bilaabo, igumana cusba oo muddo dheer oo ku siman ilaa xilligii aan xukumaddii Madaxweyne Siilaanyo ka midka ahaa way socotay hawshaasi. Aniga iyo Xisbigayguba waannu taageersannahay in dalka shidaal loo soo saaro, cid kasta oo caqabad ku waddana ka aqbali maynno. In dalkani horumar gaadho oo dadkiisu fakhriga ka baxaana waa himiliadii siyaasaddaba ii geysay, waa wixii dalku naga sugayay, waa wixii dadkaygu u aayi lahaa. Xukuumadda ayaannu mucaarad ku nahay ee horumarka iyo qaranimada mucaarad ku nihin! Dawlad iyo shicibba waxaan leeyahay: waar shidaalku waa hawl badanyahay oo in dhib iyo carqalad ugu filan in Somaliland shidaal laga soo saaraa waa ina sugaysaa, oo haddii ay tahay gobolka iyo hadii ay tahay dunidaba in badan ayaan raalli ka ahayn in khayraadkeenna la soo saaro, shidaalkuna wakhti dheer ayuu qaataa, weli ma dhawa ee waa haasaasihii ugu horreeyay yaynaan iskaga qaylin. Yaynaan belo u yeedhan, waxay Soomaalidii miyigu ku maahmaahi jirtay “Barawaxinta badani bahalo soo raac bay leedahay” oo looga jeeday: haddii reerku degganyahay kayn cidlo ah oo uu Yuur Yuur Yuurta badiyo bahalaha ayaa soo raaca. Qolada xukuumadda waxaan leeyahay: shicibku dhib ma wado e bal farsama-xumadiinnu yaanay ceelka galaafan, mudanka, odayada deegaanka iyo xildhibaannaduba xaq bay u leeyihiin in wax laga waydiiyo iyo in lala socodsiiyo waxa socda ama meesha wax marayaan. Qaran News
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada milatariga Somaliland ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta dilkii Arbacadii loo gaystay allaha u naxariistii taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal, marxuum Khadar Maxamed Caynaanshe, kaas oo caro xoogan ka dhaliyay deegaanada maamulkaas. Maxkamadda ayaa waxaa kasoo muuqday Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi oo isna ka tirsan ciidamadda Badda ee Somaliland, isla-markaana loo haystay dilka taliyihiisii. Dhageysiga dheer kadib ayaa waxaa eedeysanaha maanta lagu xukumay dil toogasho oo ah qasaasta marxuumka uu horay u dilay oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka xeebaha. Dilkaan oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa si gaar ah uga dhacay magaalada Lawyocaddo, waxaana xukunka maanta aad usoo dhoweeyay ehellada taliyihii la dilay. Xiisad xoogan oo ka dhalatay arrintan ayaa sidoo kale si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, maadaama shacab badan ay ka kaceen qaabka uu u dhacay dilkaasi, iyaga oo dalbadanay in si deg deg ah cadaaladda loo hokeeno ciddii ka dambeysay falkaasi. Ehellada ayaa dhankood dalbanayay in la isla aaso labada ruux, waa marxuumka iyo asakriga dilka geystay oo ugu dambeyn maanta lagu helay dilka, laguna riday toogasho. Tallaabada deg degga ah ee ay qaaday maxkamadda ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale qaboojineyso carada iyo xiisadda ka dhalatay dhacdadaasi. Ma’aha markii u horreysay ee ay dil isu gaystaan askarta Somaliland dhexdooda, waxaana marar badan maamulkaas ka dhacay dilal ay soo fara-gelisay maxkamadda ciidamada. The post Somaliland oo toogasho ku xukuntay askari dilay taliyihiisii appeared first on Caasimada Online.
  19. Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhawaaqay go’aano ka dhan ah gaadiidka ka shaqeya deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha ayaa amar ku bixiyay in Maanta kadib aanan la arki karin gaari ka baxaya Baledweyne ama Buulaburte oo raashiin ama shidaal sida oo u safraya deegaanada ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya Baledweyne iyo Buulaburte,waxa u sheegay in gaarigii lagu arko ama la qabto isagoo deegaanadaas u raran in si buuxda ay ula wareegi doonaan gaariga iyo wixii saaran ciidanka dowladda Guddoomiye Cali Jeyte ayaa tilmaamay in aan hadda kadib la qabali doonin gaari rashiin iyo shidaal u wado deegaannadaas in uu soo maro jiinga wabiga sidan degaanada u soo galo,waxa uu sheegay in wadooyin loo asateeyay gadiidka in ay maraan ay jiraan,iyagoo la hubinayo waxa ay sidaan iyo cidda ay u wadaan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu intaa raaciyay in maanta wixii ka danbeeyo gadiidkii dhinaca jiinka wabiga Shabeelle ku yimada ay u aqoon sanayaa mid argagixsada la shaqeeyo, tilaabana laga qaadi doono,waxa una gadiileyda faray in ay la shaqeyaan ciidamda amniga si loo sugo amnigooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Gobolka Alberta dalka Canada ayaa looga dhawaaqay xaalads degdeg ah kaddib markii dab ka soo billowday keymaha uu ku fiday gobolkaas ku yaalla galbeedka dalkaas, taasoo sababtay in ku dhowaad 25,000 oo qof ay ka qaxaan guryahooda, waxaana xaaladdu ay noqotay mid lagu dhawaqo in xaaladda deg deg gobolka la geliyo. Gobolkan oo hore ay usoo martay ilaa 100 dhacdo oo dab ka kacay, ayaa raysal wasaaraha Alberta Danielle Smith waxay xaaladda ku tilmaantay mid “aan hore loo arag”.Dadka deggan Edson, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 8,000 oo qof, ayaa loo sheegay inay degdeg uga baxaan. Ms Smith ayaa sheegtay in jiilaal kuleyl iyo qalleyl wata uu abuuray xaaladdan, iyadoo ilaa 122,000 hiktar oo dhul ah ay gubteen ilaa iyo haatan. Dab kale oo kacay oo aan la xakameyn karin ayaa waxaa sii hurinaya dabeylo xooggan, xilligaan oo lagu jiro waqtiga Gu’ga. Meelaha ugu daran ee dabku saameeyay waxaa ka mid ah Drayton Valley, oo ilaa 140km (87 meyl) galbeed uga began caaismadda gobolka ee Edmonton, iyo Fox Lake, oo ilaa 550km waqooyi uga began magaalada, halkaas oo 20 guri uu digada ka dhigay dabku. Alberta waa gobol soo saara shidaalka, balse arrintan ma aha waxa sababay xaaladdan khatarta ah, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka oo looga daadgureynayo goobaha ay degan yihiin, waxaana dowladdu ku dhawaaqday xaalad deg deg ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan deegaanada dhaca koonfurta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Cali Jayte ayaa ku amray gaadiidleyda ka baxa Beledweyn iyo Buulo-burde in aysan aadi jarin dhanka deegaanadaas oo dhaca jiinka wabiga Shabelle. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in maanta kadib aan la arki karin gaari raashin sida, ama shidaal oo u safraya deegaannada ku yaala hareeraha wabiga Shabelle. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan gaadiidleyda ku xad-gudba amarkaasi, isla-markaana ay la wareegi doono gaariga iyo wixii saaran. Jayte ayaa amar buuxa siiyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaankam isaga oo faray inay dhaqan-geliyaan go’aanka xayiraadda ah ee uu maanta soo saaray. “Ciidamada waxay amar ku qabaan iney si buuxdo ula wareegaan gaarigii ay qabtaan isagoo u raran deegaanada shabaab ku sugan yihiin ee ku yaala hareraha jiinka wabiga Shabeelle ee khawaarijta Saadka u geeya, qof walba haatan gaarigiisa ha ilaalaado” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Aniga beer ayaan ku leeyahay degmada Halgan, mana tacban karo marka dadka shabaab dhexdiisa beeraha ku tacbana sow shabaab kalkaaal mahan”. Dhanka kale go’aankan ayaa saameyn weyn ku yeelan karo haddii uu hirgalo xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ku sugan jiinga wabiga Shabelle ee duleedka Beledweyne. Galbeedka Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo qorshuhu yahay in kooxda looga saaro deegaanada ay ka joogaan halkaasi. The post Maamulka Hiiraan oo xayiraad kusoo rogay deegaano ay maamulaan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.