-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/03/AQNIgSIU1_o8cZMFj0Q9qktPzLvvrguLxf1MiJdQ42vm3O4dXoYUkeM7Ok3PntvX3TRZKE2NJ58kIk1dLUhbKhQa.mp4 Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Mahamoud Ali Youssouf oo ay isla garteen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaadanayo dadaallada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo xoojinta amniga gudaha ee Soomaaliya, isagoo xusay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen walaalaha Nabad ilaalinta Afrika ee ku sugan Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada xasuuqa ku haya shacabka Soomaaliyeed, kana soo horjeeda jiritaanka iyo horumarka dalka, waxa uuna ammaanay sida dalalka Gobolka ay u kordhiyeen garab istaagga ku aaddan howlgallada ka dhanka ah argagixisada. “Argagixisada uma harin meel ay kaga dhex dhuuman karaan Soomaaliya, dhulkii iyo dadkiiba waa diideen. Alle idankii, waaa ku guuleysan doonnaa in aan gebi ahaanba ka dabar-goyno dalkayaga oo iska dulqaadno dhagartooda, boobkooda iyo xasuuqa ay ku hayaan nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed”. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa isla qaatay horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, iyo xoojinta amniga gobolka, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato geeddi-socodka dib u habaynta Midowga Afrika, kana shaqeyso in ay khibraddeeda daminta colaadaha sokeeye iyo nabadaynta ay uga faa’iideyso dalalka qaaradda iyo gobolka. Source: goobjoog.com
-
JIGJIGA, Ethiopia (HOL) — A major blackout has plunged Jigjiga and other towns in eastern Ethiopia into darkness for the fifth consecutive day, disrupting essential services, crippling businesses, and hampering Ramadan observances as local and federal officials rush to restore power. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in sharciga kala noqoneyso boqolaal kun oo qaxooti ah, taas oo siinaysa waqti kooban oo ay dalka uga baxaan, haddii kale ay wajahaan tarxiil Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu fulin doono ololaha ugu weyn ee masaafurinta taariikhda Mareykanka, isaga oo xoogga saaraya xakameynta qaxootiga ka soo jeeda dalalka Latin America. Amarkan wuxuu saameyn doonaa ku dhawaad 532,000 oo qof oo u dhashay Cuba, Haiti, Nicaragua, iyo Venezuela, kuwaas oo markii hore Mareykanka u soo galay iyagoo ka faa’iideysanaya barnaamij uu sameeyay madaxweynihii hore Joe Biden bishii Oktoobar 2022, barnaamijkaas oo la ballaariyay bishii Janaayo ee sannadka xigay. Qaxootigaas waxay waayi doonaan xaaladdooda sharci 30 maalmood kadib marka amarka cusub lagu daabaco Diiwaanka Rasmiga ah ee Federaalka, oo loo qorsheeyay Talaadada soo socota. Sida ku cad amarka, qof kasta oo barnaamijkan uu kafaala qaaday waa inuu “ka baxaa Mareykanka” ugu dambeyn Abriil 24, haddii uusan helin xaalad cusub oo sharci oo u oggolaanaysa inuu waddanka sii joogo. Ururka Welcome US, oo ka shaqeeya taageeridda qaxootiga ku sugan Mareykanka, ayaa ku booriyay kuwa uu amarkani saameynayo inay si degdeg ah ula xiriiraan qareen dhinaca socdaalka. Barnaamijka CHNV iyo saamayntiisa Barnaamijka loogu talagalay dadka u dhashay Cuba, Haiti, Nicaragua, iyo Venezuela, oo loo yaqaan CHNV, ayaa markii hore lagu dhawaaqay Janaayo 2023. Wuxuu dadka ka soo jeeda dalalkan u oggolaaday inay Mareykanka ku joogaan muddo laba sano ah, iyadoo bil walba la siin jiray oggolaansho 30,000 qof. Madaxweyne Biden ayaa barnaamijkan ku tilmaamay hab “amin ah oo bani’aadannimo” oo lagu yareynayo culeyska ka jira xadka Mareykanka iyo Mexico oo aad u buuxay. Balse Waaxda Amniga Gudaha ayaa ku adkeysatay Jimcaha in barnaamijku uu ahaa “ku meel-gaar.” “Paroolka waa dabeecad ahaan mid ku meel-gaar ah, parool kaligii ma ahan saldhig sharci oo lagu heli karo xaalad socdaal, mana ahan aqoonsi rasmi ah oo Mareykanka loogu soo galay,” ayay tiri waaxda. Saamaynta qaxootiga iyo qareennada Nicolette Glazer, oo ah qareen dhinaca socdaalka ku takhasustay, ayaa sheegtay in amarkani uu saameyn doono inta badan nus-milyanka qof ee Mareykanka ku yimid barnaamijka CHNV. “Waxay kaliya soo gudbiyeen 75,000 oo codsiyo magangelyo rasmi ah, sidaas darteed inta badan dadka CHNV waxay waayi doonaan xaaladdooda sharci, rukhsadaha shaqada, waxayna la kulmi doonaan in la masaafuriyo,” ayay ku qortay barta X. “Fowdadu waxay noqon doontaa mid aad u weyn.” Karen Tumlin, oo ah agaasimaha xarunta xuquuqda qaxootiga ee Justice Action Center, ayaa sheegtay in maamulka Trump uu jebinayo ballan-qaadkii ay dowladdu u sameysay boqolaal kun oo qaxooti ah iyo kafaala-qaadayaashooda. “Ka noqoshada lama filaanka ah ee xaaladda sharciga ah ee boqolaal kun oo qaxooti ah waxay keeni doontaa fowdo iyo murugo aan loo baahnayn oo qoysas iyo bulshooyin badan soo wajihi doona,” ayay tiri Tumlin. Toddobaadkii hore, Trump ayaa adeegsaday sharci aan caadi ahayn oo waqti dagaal loo isticmaalo si uu diyaarad ugu daadgureeyo in ka badan 200 oo xubnood oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin koox dambiileyaal Venezuelan ah, kuwaas oo loo wareejiyay El Salvador. Dalkaasi ayaa ballanqaaday inuu xabsiga dhigi doono qaxootiga, xitaa kuwa Mareykanka ah, si qiime jaban. Sanadihii la soo dhaafay, in ka badan todoba milyan oo Venezuelan ah ayaa ka qaxay dalkooda iyagoo ka cararaya burburka dhaqaale ee dal batroolka ku qanisan. Madaxweynaha bidixda ah ee Nicolas Maduro—oo Mareykanku si aad ah u dhaleeceeyay—ayaa wajahaya cunaqabateyn weyn.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiska ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, oo maanta booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku yimid dalka. Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika iyo Soomaaliya, gaar ahaan amniga, la dagaallanka Khawaarijta iyo doorka hawlgalka cusub ee AUSSOM ee Midowga Afrika. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha in uu safarkiisii ugu horreeyay ku yimaado Muqdisho, taas oo muujineysa ahmiyadda uu Midowga Afrika u leeyahay Soomaaliya, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka hadlay guulaha waaweyn ee dowladda Soomaaliyeed ka gaartay dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dagaalka xooggan ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo amniga guud ee gobolka. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yusuf oo ugu horreyn ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Warbaahinta Israa’iil ayaa daabacday warbixino faah-faahsan oo ku saabsan weerar ay qaaday bisad duureed, taasoo ka timid dhanka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar. Weerarkan ayaa ka dhacay xadka ay Israa’iil iyo Masar wadaagaan, halkaas oo bisaddu ay si lama filaan ah ugu weerartay qaar ka mid ah ciidamada Israa’iil. Sida laga soo xigtay warbixinnada, bisadda ayaa qaniintay oo xag-xagtay askar ka tirsan ciidanka Israa’iil, taasoo sababtay dhaawacyo culus, oo qaar kamid ah askarta u dhinteen. Askartii waxyeelladu gaartay ayaa loo qaaday xarumo caafimaad, si loogu daaweeyo dhaawacyada ay bisaddu gaarsiisay. Dhererka bisadda duureed ee weerarka geysatay ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 60 ilaa 130 sintimitir, waxayna ku dhaqaaqday xawaare sare, iyadoo si toos ah ugu gashay xero ciidan oo ku taalla difaacyada Israa’iil ee xadka Masar. Kadib markii ay bisaddu fulisay weerarka, waxay dib ugu laabatay dhulkii ay ka timid ee Masar, arrintaas oo dhalisay hadal hayn badan. Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay weerarkan, balse dhacdadan ayaa noqotay mid la yaab leh oo xiiso badan dhalisay. Qaar ka mid ah askartii dhaawacantay ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid deg-deg ah, bisaddu ay si kedis ah ugu booday, ayna u suurta-gashay in ay dhaawacyo gaarsiiso. Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada Israa’iil dagaal kula jiraan shacabka Falastiin ee Gaza, isla markaana la diiwaangeliyay dhacdooyin kale oo la yaab leh, sida weerar ay geysteen shinni, roob xooggan oo askartu u adkeysan waayeen, iyo xanuun dhanka maskaxda ah oo la sheegay in uu saameeyay qaar ka mid ah ciidanka Israa’iil.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe xoogga saartay deegaannada dhaca duleedka magaalada Muqdisho, ayaa waxaa shaki xooggan laga muujinayaa suurta-galnimada inay si qarsoodi ah gudaha ugu soo galeen caasimadda. Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Cali Cosoble oo arrintan ka hadlay, ayaa shaki weyn ka muujiyay in kooxdu ay dagaal-yahanno badan si dhuumasho ah ugu soo gelisay caasimadda. Wuxuu laamaha amniga usoo jeediyay inay sameeyaan baaritaanno culus oo deg-deg ah, si looga hortago dhagarta cadowga, oo mar walba u xeeladeysanaya dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed. “Dagaalka lagula jiro AS waa in dhinacyo badan laga fiiriyo. Waxaan shaki weyn ka qabaa inay si dhuumasho ah u soo buux-dhaafiyeen Xamar,” ayuu yiri Cali Cosoble. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ku talinayaa in baaritaanno culus laga sameeyo gudaha caasimadda. Ka-hortagga ayaa ka tayo sarreeya ka-dabatagga.” Al-Shabaab iyo duleedka Muqdisho Maalmo kahor ayey aheyd markii la xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu arkay waddada maraysa deegaannada Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi, iyaga oo baarayay gaadiidka dadka rayidka ah. Al-Shabaab ayaa Ceelasha Biyaha ka damisay layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, waxayna dadka deegaanka u sheegeen inay si nabad ah ku joogaan halkaasi. Lama soo werin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen markii ay halkaas yimaadeen. Inkasta oo markii dambe ay ku baxeen ciidamada dowladda oo haatan gacanta ku haya ammaanka deegaannadaasi. Horay sidan oo kale ayay kooxda Al-Shabaab usoo gaareen degmada Balcad oo qiyaastii 35 KM u jirta caasimadda, halkaas oo ay muddo kooban haysteen ka hor inta aysan isaga bixin. Kooxda waxay deegaannadan ku gashay sawirro, kuwaasi oo ay baahisay warbaahinta kooxda oo iyadu ka dhigeysa in dagaal-yahaannadeeda ay si rasmi ah ula wareegeen deegaannadaasi. Waa istaraatiijiyad cusub oo haatan kooxdu u adeegsaneyso baraha bulshada, si ay u muujiso inay weli leedahay awood ay meel ku qabsan karto.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulla Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay degmooyin ka tirsan maamulkeeda ay ku dartay maamulka Galmudug. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali oo ka horyimid tallaabadan ayaa sheegay in dowladda dhexe ay degaannada gobolka Mudug ka hurinayso colaad ay fooda isku daraa labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug. Sidoo kale waxa uu ka digay in aysan marna ka maamul ahaan aqbali doonin in colaad iyo isku dhacyo hubaysan laga abaabulo gobolka Mudug. Sidee dhul Puntland ah loogu daray Galmudug? Hay’adda dowladda federaalka Soomaaliya u diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee NIRA ayey Puntland ku eedeysay in degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban u diiwaan-gelisay kuwa ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug. Tan ayaa waxaa si weyn uga qeyliyay maamulka Puntland, oo sheegay in aysan aqbali doonin in dhul kamid ah la siiyo maamulka ay jaarka yihiin ee Galmudug. “Maamulka gobolka Mudug wuxuu si cad u cambaaraynayaa go’aanka sharci darrada ah ee ay qaaday hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga DFS ee NIRA, kaasi oo degmooyinka Galdogob iyo Jarriibam ee Puntland uu gebi ahaanba ugu daray maamulka Galmudug,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland. Waxa uu intaas kusii daray: “Qoraalkaan oo aan helnay waxa uu salka ku hayaa xaqiraad lagula kacayo dad iyo degaan ka tirsan Puntland, waxaana si buuxda halkaan uga cadaynaynaa in degmooyinka Jariiban, Goldogob iyo Gaalkacyo oo iyada la wada dagan yahay ay yihiin degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland ee Soomaaliya.” Tallaabooyinkan ayuu ku sheegay kuwa soo noq-noqday oo ka hor imaanaya dastuurka dalka, isla markaana ah fal khatar gelinaya nabadda, wadajirka, darisnimada iyo xasiloonida bulshada ku dhaqan deegaanada gobolka Mudug ee labada maamul. “Ma aha wax la aqbali karo in mar walba la maqlo qoraalo caynkaas ah oo salka ku haya dano siyaasadeed iyo xaqiraad joogta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Faysal Sheekh Cali. Ugu dambeyntiina, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa ugu baaqay hay’adda diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee NIRA in ay waantoobaan go’aannada noocaan ah, isla markaana ay ixtiraamaan jiritaanka maamulka Puntland iyo xuduudaheeda dastuuriga ah.
-
Mogadishu (HOL) — The Ogaden National Liberation Front (ONLF) has accused the Ethiopian federal government of exploiting natural resources in the Somali Region without local consent, warning that continued marginalization could lead to renewed instability and a collapse of the fragile 2018 peace agreement. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Xiisadda colaadeed ee ka taagan Itoobiya ayaa kasii dareysa kadib markii jabhadda Fano ay weerarro qorsheysan ku qaaday ciidamada qaranka. Maleeshiyada Fano ayaa sheegtay inay guullo la taaban karo ka gaareen weerarro ay ku qaadeen ciidamada qaranka, taasoo sii xoojisay xiisadaha colaadeed ee dalka ka taagan. Ciidamada difaaca Itoobiya ayaa dhankooda xaqiijiyay inay iska horimaadyo culus ka dhaceen ugu yaraan lix aag oo ka tirsan gobolka Amxaarada, halkaasoo lagu dilay in ka badan 300 oo dagaalyahan oo ka tirsan Fano. Eedeymaha ka dhanka ah Tigray Ciidamada Itoobiya ayaa eedeyn culus u jeediyay Sarreeye Guuto Migbe Xayle, oo kamid ah taliyayaasha ugu caansan ciidamada Tigray, iyagoo ku eedeeyay inuu gacan ka gaystay abaabulka gulufyada maleeshiyada Fano ee gobolka Amxaarada. Waa markii ugu horreysay oo saraakiil sare oo Tigray ah si toos ah loogu eedeeyo inay ku lug leeyihiin colaadda Axmaarada. Jeneraalka oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag u beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in ciidanka Tigray uusan wax xiriir ah la lahayn Eritrea. Dhawaan, xukuumadda Abiy Axmed ayaa koox ka tirsan xisbiga siyaasadeed ee Tigray ku eedeysay inuu xidhiidh la leeyahay Eritrea, hase yeeshee, ra’iisul wasaaruhu wuxuu horraantii toddobaadkan meesha ka saaray suurtagalnimada dagaal u dhaxeeya dowladdiisa iyo Eritrea. Illaa iyo hadda ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashada dowladda Itoobiya ee khasaaraha ka dhashay dagaallada ka socda Amxaarada. Xiisadda Eritrea iyo Ethiopia Walaaca laga qabo dagaal labada dal dhexmara ayaa sii xoogeystay toddobaadyadii la soo dhaafay, kadib markii Eritrea ay ku dhawaaqday abaabul ciidan oo qaran, sida laga soo xigtay hay’ad xuquuqda aadanaha u doodda. Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed iyo saraakiil la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Itoobiya ay ciidamo u dirtay xadka ay la wadaagto Eritrea. Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timotowos, ayaa toddobaadkii hore sheegay in mid ka mid ah kooxaha Tigray uu xiriir la leeyahay Eritrea, inkastoo uusan si gaar ah u caddeyn. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalax, ayaa ku gacan seyray eedeymahaasi, isaga oo ku eedeeyay Itoobiya inay raadineyso gelitaan bad leh iyo saldhig ciidan. Gobolka Tigray, oo mar xudun u ahaa dagaal sokeeye oo lagu qiyaasay inuu galaafatay nolosha nus milyan qof, ayaa weli wajahaya xasillooni darro. Inkastoo heshiis nabadeed la gaaray dabayaaqadii 2022, haddana khilaaf cusub ayaa ka dhex qarxay maamulka ku meel gaarka ah iyo mucaaradka TPLF, taasoo sababtay in koox hubeysan la wareegto xafiiska duqa magaalada Mekelle. Xiisadda ka dhex taagan Itoobiya iyo Eritrea, oo ay uga sii darayso khilaafka Tigray, ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in dib loogu laabto dagaallo hor leh.
-
Maareeyaha NIRA Cabdiweli Tima-cadde Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dowladda Federaalka Soomaaliya ee (NIRA) oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ay si cad u beeninayso eedaymaha la faafiyay ee la xiriira Xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug. “Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Qaranka (NIRA) waxay si cad u beeninaysaa eedaymaha la faafiyay ee la xiriira Xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeyn uga timid Puntland. Hay’adda NIRA waxay warsaxaafadeedka ku caddaysay in foomka baraha bulshada lagu faafiyay ee sheegaya in degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban ka tirsan yihiin Galmudug uu yahay mid been-abuur ah, islamarkaana waxay xaqiijisay in aanu jirin wax go’aan ah oo ay NIRA gaartay kaas oo degaanno ka tirsan Puntland lagu daray dhinaca Galmudug. “NIRA waxay caddaynaysaa in foomka Baraha Bulshada lagu faafiyay uu yahay mid been-abuur ah; foomka rasmiga ah ee Hay’adda waxaa laga heli karaa websaydkeeda iyo xarumaheeda kala duwan.Hay’addu waxay sidoo kale u xaqiijinaysaa shacabka Soomaaliyeed in aanu jirin wax go’aan ah oo ay NIRA gaartay kaas oo deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland lagu hoos-geynayo Galmudug,” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka NIRA. Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka NIRA PUNTLAND POST The post Hay’adda NIRA oo beenisay in ay degmooyin ka tirsan Puntland ku dartay dhinaca Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Midowga Afrika danjire Maxamuud Cali Yuusuf ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Guddoomiyaha Maxamuud Cali Yuusuf ayaa la filayaa inuu dowladda Soomaaliya kala hadli doona arrimaha howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, xaaladda ammaanka, iyo sidii dalalka afrika ay u taageeri lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Guddoomiyaha oo hadda ku sugan caasimadda Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la yeelanaya masuuliyiin dowladda, waana booqashadii ugu horreysay ee guddoomiyaha Midowga Afrika uu ku yimaado Soomaaliya taniyo markii la doortay todobaadyo ka hor. Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u beenisay wararka sheegaya in cadaadis dibadeed oo Mareykanku ku lug leeyahay uu sababay xil-ka-qaadistii dhawaan lagu sameeyay wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Warbixin ay Talaadadii daabacday Middle East Eye ayaa lagu sheegay in xilka qaadista wasiir Nuur ay ka dambeysay olole ka yimid saraakiil ka tirsan militariga Mareykanka. Sida warbixinta lagu sheegay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amray in Nuur laga qaado xilka Wasiirka Gaashaandhigga, ayada oo loo magacaabay Wasiirka Dekedaha. Go’aankan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo walaaca Mareykanka ee ku saabsan dadaalka wasiir Jaamac uu ku xoojinayay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada difaaca, tamarta, iyo hawada sare. Waxaa la sheegay in Mareykanku ka cabsi qabay in xiriirkan sii xoogeysanaya uu carqaladeeyo taageerada militariga Mareykanka uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Heshiiska difaaca Soomaaliya iyo Turkiga Murankan ayaa iftiimiyay heshiis muhiim ah oo dhinacyada badda, ganacsiga iyo difaaca ah oo Soomaaliya iyo Turkigu kala saxiixdeen bishii February ee sanadkii hore, xilligii wasiir Jaamac uu xilka hayay. Heshiiskan ayaa Turkiga u xil saaray ilaalinta biyaha Soomaaliya, dhismaha ciidanka badda Soomaaliya, iyo ka caawinta sahminta kheyraadka tamarta ee Soomaaliya, iyadoo loo arkayay tallaabadan inay jawaab u ahayd heshiis Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland oo dhinaca ciidamada badda ah. Warbixinta ayaa sidoo kale soo xigatay saraakiil Soomaaliyeed oo magacooda la qariyay, kuwaas oo sheegay in saraakiil ka tirsan milatariga Mareykanka ay marar badan Madaxweynaha Soomaaliya ku cadaadiyeen inuu xilka ka qaado wasiir Nuur, iyagoo ku eedeeyay inuu si aan ku filneyn ula shaqeynayay ciidamada Mareykanka, isla markaana ay ka dalbadeen in faahfaahinta heshiiska Turkiga lala wadaago. Waxaa intaas dheer, warbixintu waxay soo hadal qaaday tallaabooyin dhowaan ay qaadeen Mareykanku, sida digniino amni oo ay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho soo saartay oo sababay kansalaadyo duullimaadyo badan ah, duqeymo bartilmaameed ah oo lala beegsaday madaxda kooxda Daacish ee Soomaaliya, iyo dhimista dhaqaalaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab. Saraakiisha Turkiga waxay hoos u dhigeen saameynta arrintan, iyagoo carrabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal uu yahay mid adag oo ku dhisan wada-shaqayn heer hay’adeed ah. Soomaaliya oo beenisay eedeymaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Fathudin Cali Maxamed, oo ka jawaabay wararkan ayaa wareysi uu siiyay Middle East Eye ku tilmaamay inay yihiin kuwo “aan sal iyo raad lahayn” islamarkaana “meel ka dhac ah,” isagoo ku adkeystay in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo awood u leh inuu si madax bannaan u gaaro go’aannada dowladda. Bayaan uu ku soo diray email ayuu Safiir Maxamed ku yiri, “Sheegashada ah in Mareykanku uu ka dambeeyay xil-ka-qaadista wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, sababo la xiriira xiriirkiisa Turkiga, waa mid aan sal lahayn oo meel ka dhac ku ah madaxbannaanida Soomaaliya.” Wuxuu sidoo kale sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga aan lagu soo koobi karin kaalinta hal shaqsi, isagoo carrabka ku adkeeyay inay tahay marin habaabin lagu fududaynayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal ka dhexeeya. “Waxaan si cad u diideynaa fikradda ah in go’aamada Golaha Wasiirrada Soomaaliya lagu qaato cadaadis shisheeye. Sheegashooyinka noocaas ah waxay dhaawacayaan kalsoonida waxayna marin habaabinayaan xaqiiqada dowladnimadayada,” ayuu yiri safiirku, isagoo intaa ku daray in isbeddellada hoggaaminta Soomaaliya ay ku salaysan yihiin oo keliya danta qaranka iyo baahiyaha horumarka dalka. Dowladda Mareykanka ayaan weli ka hadlin arrintan.
-
Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah Samafale iyo wariye hore ayaa sheegay inuu ka baxdaday magaalada Burco oo uu ku noolaa, ka dib markii uu helay xogo tilmaamaya in Soomaaliland ay qorshaynayso inay xirto, sida uu ku qoray bartiisa Facebook-ga. Qoraalka uu baraha bulshada soo dhigay ee ahaa inuu ka baxsaday magaalada Burco ayaa hadal-hayn baaxad leh abuuray, lamana oga halka uu tagey, inkastoo uu sheegay inuu hadda ku suganyahay goob ahaan ah. Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa horay dhawr jeer loogu xiray Soomaaliland, asagoo sanado badan ku xirnaa xabsiyada deegaanadaas, wuxuuna caan ku yahay dhaleecaynta hab-dhaqanka madaxda Soomaaliland. Dhowaan ayay ahayd markii uu baraha bulshada qabsaday qoraal uu uga falceliyay hadallo laga soo xigtay Soomaaliland oo tilmaamay in xukuumaddu ay wada-xaajood ka geli karto soo dhoweynta dadka reer Falastiin ee qasabka lagu barakicinayo, wuxuuna Coldoon sheegay in madaxda Soomaaliland aysan matalin uuna garab taaganyahay falastiiniyiinta. Si kastaba ahaa xubno horay u sheegay inay Soomaaliland cadaadiska kala kulmeen, ka dibna ka baxsadeen ayaa tagey deegaannada ay joogto Alshabaab, Cabdimaalik’se lama oga halka uu tagey. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta socdaalkiisii ugu horreeyay kusoo gaaray magaalada Muqdisho, kadib casuumaad ay u fidisay dowladda. Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana uga hortgay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda. Sidoo kale, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka caasimada, iyada oo ciidamo dheeraad ah lasoo dhoobay waddooyinka si ay u sugaan amniga wafdiga ka socda Midowga Afrika Guddoomiyaha ayaa soo dhaweyn kadib loo galbiyay xarunta madaxtooyada qaranka, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda sare ee dalka oo ay ka wada-hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga dalka iyo arrimaha ka cusub gobolka. Sidoo kale waxaa kulamadaas lagu soo qaadi doonaa kaalinta ciidanka AUSSOM ee ku aadan howlgallada socda iyo garab istaagga AU ee la dagaalanka kooxda Al-Shabaab. Horay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu taageertay Maxamuud Cali Yuusuf inuu noqdo guddoomiyahah cusub ee Midowga Afrika, isaga oo ka adkaaday musharrixii ka socday Kenya ee Raila Odinga. Febraayo 15, 2025, ayey ahayd markii Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti tan iyo 2005, loo doortay inuu hoggaamiyo Guddiga Fulinta Midowga Afrika, wuxuuna helay taageeradii loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka, taasoo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka qaaradda, oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah. Diblomaasiyiin yar ayaa leh waayo-aragnimo la mid ah tan diblomaasiga 59-jirka ah, Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana u sahlay inuu hoggaanka qabto ololihiisii xasilloonaa, kaas oo uu kaga guuleystay siyaasiga rug-caddaaga ah ee Kenya, Raila Odinga. Waxaa kale oo loo arkayay mid fursado yar leh marka la barbardhigo siyaasiga rug-caddaaga ah ee Kenya, Raila Odinga. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay amaaneen ololihiisa xasilloon ee uu ku doonayay inuu beddelo Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, si uu hoggaanka ugu qabto ururka Midowga Afrika. Diblomaasigan oo si fiican ugu hadla Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo Faransiis – ayaa si dhow ula xiriira madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Jabuuti oo ugu dambeyn hanatay kursigaan ayaa ka mid ah dalalka ugu dadka yar Afrika, iyadoo ay ku nool yihiin qiyaastii hal milyan oo qof, balse waxay leedahay goob istiraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay ku taallo badda u dhow marinka Bab-el-Mandeb, oo uu maro ganacsiga caalamiga ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku yimid dalka. Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa kulankooda uga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika iyo Soomaaliya. Labada masuul ayaa si gaar ah diiradda u saaray arrimaha amniga, la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyo doorka hawlgalka cusub ee AUSSOM ee Midowga Afrika. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha booqashadiisa, taasoo muujineysa ahmiyadda uu Midowga Afrika u leeyahay Soomaaliya. Xamza ayaa intii uu kulanka socday tilmaamay guulaha waaweyn ee dowladda Soomaaliyeed ka gaartay dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dagaalka xooggan ee lagu ciribtirayo argagixisada, taasoo halis ku ah amniga guud ee gobolka. Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, oo ugu horreyn ka mahad-celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Dowladda Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka qaadatay guushii Maxamuud Cali Yuusuf ee hoggaaminta AU-da, oo uu kaga adkaaday musharraxii ka socday Kenya, Raila Odinga.
-
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yusuf oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac uu maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yusuf oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka. “Guddoomiyaha oo booqasho shaqo ku yimid dalka ayaa ujeedka socdaalkiisu yahay sidii dowladda Soomaaliya uu ugala arrinsan lahaa arrimaha amniga oo ay ku jirto hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika” ayaa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Mudane Maxamuud Cali Yusuf ayaa sheegay in booqashadiisa Soomaaliya oo ah dalkii ugu horreeyay ee uu booqdo Qaaradda, tan iyo markii xilka loo doortay ay muujineyso ahmiyadda gaarka ah ee Midowga Afrika uu siinayo Soomaaliya waxaana dowladdu sheegtay in uu Kulamo la yeelan doono Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamse. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Midowga Afrika oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shan qof ayaa ku dhimatay shil diyaaradeed oo dhacay galabinamadii Sabtida, meel ku dhow 24 kiiloomitir dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA). Diyaaradda dhacday oo nooceedu ahaa DHC-5D Buffalo, islamarkaana lahayd summadda diiwaangelinta 5Y-RBA, waxaa lahayd shirkadda duulimaadyada ee Trident Aviation Ltd. Waxay kasoo duushay garoonka diyaaradaha magaalada Dhoobley (HCDB) oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya, waxayna kusii jeedday Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle (HCMM) ee magaalada Muqdisho. Shilku wuxuu dhacay qiyaastii 5:43 galabnimo xilliga maxalliga ah. War hordhac ah oo kasoo baxay SCAA ayaa xaqiijiyay in dhammaan shantii qof ee diyaaradda saarnaa ay geeriyoodeen. Hay’adda ma aysan sheegin dhalashada shanta qof, balse warar aan helnay waxay sheegayaan in ay ahaayeen Kenyan. Hay’adaha dowladda, adeegyada gurmadka degdegga ah iyo hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya ayaa durba billaabay howlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta goobta shilka. Waxaa sidoo kale socda baaritaan hordhac ah si loo ogaado sababta shilka keentay. Diyaaradda DHC-5 Buffalo ayaa inta badan loo isticmaalaa howlaha gaadiidka iyo gargaarka bani’aadamnimo, gaar ahaan goobaha fogfog iyo deegaanada ay adag tahay in lagu safro. Waxaa caan ka dhigay awoodeeda inay ka duusho ama ku degto garoomada yaryar, taasoo ka dhigaysa mid ku habboon xaaladaha adag ee Soomaaliya. Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ayaa ah garoonka ugu mashquulka badan Soomaaliya, waxaana inta badan laga fuliyaa howlaha gargaarka iyo socdaallada diblomaasiyadeed ee gobolka Geeska Afrika. Garoonka Dhoobley oo ku dhow xadka Kenya ayaa isna inta badan qaabbila duulimaadyada la xiriira howlaha gargaarka caalamiga ah. War rasmi ah oo kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa loogu tacsiyeeyay dadkii ay dhibaatadu gaartay, waxaana lagu yiri: “Waxaan la qaybsanaynaa murugada qoysaska iyo ehelada dadkii ay masiibadu haleeshay.” Ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in diyaaradda ay dhibaato farsamo la kulantay subaxnimadii Sabtida iyadoo ku sugnayd Dhoobley, hase yeeshee ciladdaasi la sheegay in la xaliyay ka hor inta aysan duulin. Waxaa la filayaa faahfaahin dheeraad ah marka ay mas’uuliyiintu soo gebagebeeyaan baaritaannada socda.
-
Mogadishu (HOL) – Top leaders of the Al-Shabaab militant group have begun fleeing from their longtime stronghold of Jilib in the Middle Jubba region following a series of intensified airstrikes by Somali government forces and international partners, military officials said Saturday. Source: Hiiraan Online
