Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,156
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si yaab leh ugu jawaabtay bayaankii maanta kasoo baxay xildhibaannada mucaaradka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho. Xildhibaannadan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ugu baaqay inuu is-casilo, maadaama uu dalka ku jiro marxalad halis ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in dowladnimada la badbaadiyo, sida ay sheegeen. Xildhibaannadu waxay sheegeen inay qaadi doonaan tallaabooyin culus oo ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya, taasoo ay ku eedeeyeen inay laashay dastuurka dalka, islamarkaana ay ku fashilantay waajibaadkii loo igmaday. Jawaabta Dowladda Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo u jawaabay xildhibaannada mucaaradka, ayaa weerar culus ku qaaday, isagoo ku tilmaamay “Af Khawaarij,” oo sida muuqata ula jeeday inay xubnahan yihiin “Shabaab kalkaal.” “Afhayeenada Khawaarijta kuwaba maalin ayay ku qoran yihiin, balse waa isku ajande, magacooduna waa Af-Khawaarij,” ayuu Al-Cadaala ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Waxa uu intaas ku sii daray: “Kuwa ku qornaa kaltanka maanta miyaa yiri aan buuqno si culaysku uga yaraado Khawaarijta duurka ku go’doonsan?” Inkasta oo Al-Cadaala uu iska indho tiray eedeymaha ku xusnaa bayaankii maanta kasoo baxay xildhibaannada mucaaradka, haddana waa jawaab lama filaan ah, maadaama xildhibaannadu ugu baaqeen bulshada Soomaaliyeed inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe lasoo warinayay inay si weyn u dhibsadeen dhaliilaha uga imaanaya mucaaradka, kuwaas oo waayahan dambe culeys saaray. Si kastaba ha ahaatee, dhaqanka noocaan ah ayaa kusoo badanaya siyaasadda Soomaaliya, kaasoo loo arko mid halis ah, maadaama koox walba tan ka aragtida duwan ku shaanbadeyso “Shabaabnimo,” xilli dalka uu ku jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxdan baneysatay dhiigga umadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah. The post DF oo jawaab yaab leh ka bixisay bayaankii xildhibaannada mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
  2. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Shirkadda Ethiopian Shipping and Logistics Services Enterprise (ESL) ayaa Isniintii xaqiijisay in Ethiopia ay dalbatay lix markab oo cusub oo ganacsi, si ay u ballaariso awooddeeda ganacsi, korna ugu qaaddo dadaallada ay ku doonayso inay ku xoojiso dhaqaalaha iyo marin toos ah oo badeed. Sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana Broadcasting Corporation, laba ka mid ah maraakiibta la keenay—oo ah Ultramax dry bulk carriers oo mid kastaa qaadi karo 62,000 oo tan—ayaa durba la wareegay howlgalkooda. Maraakiibta kale ee la filayo in la keeno sanadka soo socda waxaa ka mid ah kuwa xambaara konteenarrada (ETUs) oo qaadi kara inta u dhaxaysa 3,000 illaa 4,000 oo konteenar safarkiiba. Ethiopia, oo ah dal aan bad lahayn, ayaa in ka badan 90% ganacsigeeda ku tiirsan yahay Jabuuti. Xilligan, dalka waxa uu leeyahay 10 markab oo ganacsi, oo ay ku jirto Abay II, markab xamuul oo qaadi kara 63,000 oo tan. Mas’uuliyiinta Ethiopia ayaa sheegaya in kordhinta maraakiibta ay hoos u dhigi doonto kharashaadka saadka, isla markaana ay hagaajin doonto hufnaanta ganacsiga ee dhaqaalaha shanaad ee ugu weyn Afrika. Dadaal lagu raadinayo bad Iibsashada maraakiibta cusub waxay kusoo beegmaysaa xilli Ethiopia ay dadaal xooggan ugu jirto inay hesho marin badeed, iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed si cad u sheegay in Ethiopia ay “u baahan tahay marin toos ah oo badeed.” Bishii Janaayo 2024, Ethiopia iyo maamulka Somaliland waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo muran dhaliyay, kaas oo dhigaya in Ethiopia ay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan, iyada oo beddelkeedana la siinayo 20 kiiloomitir oo xeeb ah muddo 50 sano ah. Heshiiskaas, oo Ethiopia u ogolaanaya inay horumariso saldhig ciidan iyo deked ganacsi, ayaa markiiba waxaa si adag u diiday dowladda federaalka Soomaaliya, oo Somaliland u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda. Mogadishu ayaa tan iyo markaas qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay taageero uga heshay Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, iyo xulufo goboleedyo muhiim ah si ay uga hortagto heshiiska. Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay in wax wada-hadal ah oo ku saabsan marin badeed ay tahay in si toos ah loola yeesho dowladda federaalka, halkii laga dhex-marin lahaa Somaliland. Turkiga ayaa dhex-dhexaadiyey labada dhinac, iyadoo heshiiskii Ankara Declaration uu saldhig u noqonayo wada-hadallo mustaqbalka ah oo u dhexeeya Ethiopia iyo Soomaaliya si ay uga heshiiyaan arrimaha ganacsiga badda. The post Itoobiya oo soo iibsatay lix markab xilli ay bad ka raadineyso Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu, Somalia — Opposition lawmakers in Somalia’s parliament called for President Hassan Sheikh Mohamud to step down on Wednesday, accusing him of rampant corruption, nepotism, and steering the country into crisis. The demand, voiced at a press conference in Mogadishu, escalates tensions as Somalia grapples with a resurgent Al-Shabaab insurgency. In a strongly worded statement, opposition MPs from the House of the People claimed Mohamud had centralized power to a dangerous degree. “He acts as president, prime minister, minister, and director all at once. He has failed Somalia, fostering corruption and favoritism. He must resign,” they asserted. MP Abdirisaq, a prominent opposition figure, delivered the statement to journalists, vowing “serious measures” against the government. He accused Mohamud of flouting the constitution and neglecting his duties, urging him to “resign and admit his failure” as a historic first among Somali leaders. The lawmakers also slammed the parliamentary leadership for allegedly shielding Mohamud’s administration. They demanded an end to what they called its “coddling” of the presidency. Al-Shabaab threat fuels urgency Amid their critique, the opposition praised the national army and local communities for battling Al-Shabaab, a militant group tied to Al-Qaeda. “Terrorists are regrouping, seeking to expand across vast areas. This poses a grave threat to our nation’s future,” their statement warned, calling for unified resistance against extremism. Al-Shabaab remains a formidable foe, controlling rural pockets of southern and central Somalia despite a sustained military push. The group struck back days later, killing seven in a hotel siege in Beledweyne on March 11, per Somali state media reports. The violence highlights the stakes as political discord deepens. Government slams critics as extremist allies Deputy Information Minister Abdirahman Yusuf Al-Adaala responded by labeling the opposition “mouthpieces of extremists” in a Facebook post. “These Af-Khawaarij share the same agenda as the Khawarij,” he wrote, invoking a term often tied to Al-Shabaab to suggest the lawmakers are aiding the militants. He hinted their criticism was a ploy to ease pressure on Al-Shabaab fighters “cornered in the bush.” Somalia’s political crisis unfolds in a nation still rebuilding from decades of chaos. Mohamud, elected in May 2022, has staked his tenure on defeating Al-Shabaab, bolstered by U.S. support and an African Union mission transitioning to the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) by year-end. Yet his government faces growing dissent, from opposition MPs to regional leaders in Jubaland and Puntland. The resignation demand amplifies these fault lines. Political analyst Ahmed Abdi called it “a dangerous escalation,” warning that infighting could undermine the anti-Al-Shabaab campaign. “Somalia’s stability hangs by a thread,” he told Caasimada Online. Somalia’s turmoil traces back to the 1991 fall of dictator Siad Barre, which plunged the Horn of Africa nation into civil war and birthed Al-Shabaab. Drought, poverty, and clan rivalries have since compounded the challenges. Mohamud’s predecessor, Mohamed Abdullahi Farmajo, faced similar calls to resign, a recurring theme in a federal system struggling to cohere. Mohamud’s administration has not responded formally to the opposition’s ultimatum, but concessions seem unlikely. With Al-Shabaab poised to capitalize on any lapse, the political sparring risks derailing Somalia’s fragile gains. “This is a defining moment,” Ahmed said. “Can its leaders set aside their differences to confront the real enemy?” The post Opposition in Somalia calls for president’s resignation appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannadii ugu badnaa oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo soo saaray bayaan ka dhan ah dowladda. Xildhibaannadan oo ah kuwa mucaaradka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu is-casilo, maadaama uu dalka ku jiro marxalad halis ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in dowladnimada la badbaadiyo, sida ay sheegeen. “Madaxweyne Xasan Sheekh isagaa Ra’iisul Wasaare, Wasiir ilaa Agaasime isu ah. Dalka wuu ku fashilmay, wuxuu horseeday musuq-maasuq iyo qaraabo-kiil. Waa inuu is-casilo,” ayey xildhibaannada mucaaradka ku yiraahdeen bayaanka ay maanta soo saareen. Xildhibaan Cabdirisaaq, oo ka mid ah xildhibaannada mucaaradka, ayaa warbaahinta u akhriyay bayaanka, isagoo sheegay in ay qaadi doonaan tallaabooyin culus oo ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya. Mudane Cabdirisaaq ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay laashay dastuurka, islamarkaana ay ku fashilantay waajibaadkii loo igmaday. “Madaxweyne is-casil oo qiro fashilkaaga. Waxaad noqon doontaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee qirta fashilkiisa,” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaannada mucaaradka. Sidoo kale, xildhibaannadu waxay Guddoonka Golaha Shacabka ugu baaqeen inuu joojiyo naas-nuujin ay sheegeen inuu u sameynayo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh. Bayaanka xildhibaannada mucaaradka ayaa ugu dambeyntii lagu bogaadiyay howl-gallada ay wadaan ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. “Argagixisadu waxay isu soo bahaysatay dalkeenna, iyagoo doonaya inay isku fidiyaan deegaanno waaweyn. Waa khatar kusoo fool leh dalkeenna, oo taabanaysa masiirkeena,” ayaa lagu yiri bayaan xildhibaannada mucaaradka. Waxa kale oo lagu yiri “Waxaa lagama maarmaan ah in aan si wadajir ah uga hortagno argagixisada, innagoo Soomaali ah, meel kasta oo aan joogno.” Xildhibaannada mucaaradka ayaa muddooyinkii dambe hadallo adag warbaahinta u marinayay dowladda Xasan Sheekh, iyagoo si cad u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan habka hoggaamineed ee madaxweynaha haatan talada haya. The post Xildhibaannadii ugu badnaa oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu is-casilo + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  5. Beniin. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa beenisay qoraal xalay lagu faafiyey baraha bulshada oo lagu sheegay in marwo Shugri Baandare ay hambalyeysay Guddoomiyaha Xisbiga KAAH oo ay ku sifaysay inuu ahaa masuulkii riday Xukuumaddii KULMIYE. Marwo Shugri Baandare , ayaa sheegtay in warkaasi laga qoray uu yahay been-abuur aan sal iyo raadtoona lahayn, isla maarkaana aanay jirin meel ay ka hadashay oo arrintaasi ka sheegtay. Waxayna xustay in xiligii ay xilka haysay aanay inta badan ka hadli jirin arrimaha siyaasadda, balse ay ku koobnayd arrimaha shaqadeeda, hadda aanay xil haynina aanay jirin sabab ay u arrimo siyaasadeed uga hadasho. Marwo Shurgi Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa warbaahinta uga digtay inay iska hubsadaan faafinta wararka been-abuurka ah ee aanay waxba ka jirin. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xamza Cabdi Barre ka dhacay kulamo muhiim ah, kuwaas oo Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay qaar ka mid ah wakiillada caalamka. Mudane Xamza ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaatay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Danjire James Swan iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi. Kulanka Swan iyo Xamza Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire James Swan, iyagoo ka wada-hadlay wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay. Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray taageerada qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo cod iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika (AUSOM). Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in dowladda ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo la xiriira dimuqraadiyeynta, horumarka, iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu si gaar ah uga mahadceliyey taageerada Xafiiska Qaramada Midoobay ee ku aaddan arrimaha gargaarka, amniga, iyo geeddi-socodka nabadda. Maxay ka wada-hadleen Xamza iyo Danjiraha Sudan? Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa isla maanta qaabilay Danjiraha Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo fursadaha cusub ee iskaashi ee dhinacyada kala duwan leh. Danjire Abdelrahman ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Suudaan markii dhibaatooyinku ka dhaceen dalkaas. Sidoo kale, Danjiraha ayaa ballan-qaaday in Suudaan ay xoojin doonto xiriirka walaalnimo ee labada dal ay wadaagaan. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa walaalaha Suudaan uga mahadceliyey doorka ay ka qaateen waxbarashada dhallinyarada Soomaaliyeed xilligii adkaa ee dalku soo maray, isaga oo xusay in Dowladda Soomaaliyeed garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Suudaan. Wuxuuna bogaadiyey dadaallada dib loogu soo celinayo deganaanshaha Suudaan, laguna xoojinayo midnimada iyo wadajirka ummadda reer Suudaan. The post Kulamo muhiim ah oo maanta ka dhacay xafiiska RW Xamza + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  7. Following the collapse of the Somalia central government in 1991, the capacity of public institutions has considerably weakened, including government agencies designated to promote good governance, create public trust, fight corruption and safeguard public resources. This lack of accountability and oversight has contributed to the increase in corruption and misuse of public assets and prolonged recovery. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) – The Somali Lower House of Parliament approved the Insurance Companies Bill and the Financial Institutions Bill on Wednesday during a session in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga lixaad, kulankiisa 7-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, kaasi oo lagu ansixiyay saddex hindise sharciyeed. Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Cabdullaahi Abshirow, ayaa ku furmay kooram dhan 143 xildhibaan. Ajendaha kulanka ayaa ahaa: Akhrinta saddexaad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda, Akhrinta saddexaad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka shirkadaha caymiska, Akhrinta saddexaad iyo u codeynta sharciga wax ka beddelka Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada. Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ugu horreyntii ansixiyay sharciga wax ka beddelka Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada, waxaana oggolaaday 141 xildhibaan, laba xildhibaanna way ka aamuseen. Sidoo kale, mudanayaasha golaha ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda, waxaana oggolaaday 142 xildhibaan, hal xildhibaanna wuu aamusay. Ugu dambayntiina, mudanayaasha golaha ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka shirkadaha caymiska, waxaana oggolaaday 142 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise-sharciyeedyadan, oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray, ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka ku bogaadiyay shaqada ay qaranka u hayaan. Waxa uu sidoo kale sheegay in kulamada guud ee golaha la hakiyay inta ka dhiman bisha barakaysan ee Ramadaan. The post BF oo maanta ansixiyey 3 sharci oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (HOL) — A federal lawmaker accused officials close to President Hassan Sheikh Mohamud on Wednesday of diverting national security funds to pay clan-based militias in Puntland, claiming this misallocation undermines efforts against Islamic State militants. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu, Somalia – Somalia’s federal government has authorized Egypt to establish a military base on its territory to train Somali National Army (SNA) forces, signaling a deepening partnership between Mogadishu and Cairo. The move, announced this week, aims to bolster Somalia’s security as it battles Al-Shabaab and navigates regional tensions. State Minister for Foreign Affairs Ali Omar, known as Ali Balcad, told state media that the base stems from an existing agreement to enhance military ties. “Egypt has consistently stood by Somalia,” Omar said. “Those who arm you or train your soldiers are directly involved in the fight you’re waging.” Egyptian instructors will operate from camps within Somalia, training SNA troops for current operations and long-term stability. The initiative follows an August 2024 defense pact, with Egypt already supplying weapons and equipment to Somalia’s government, led by President Hassan Sheikh Mohamud. Though specific locations remain undisclosed, the base will host Egyptian trainers to strengthen the SNA’s capabilities. Egypt joins the AU mission Egypt will also contribute to the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), which began in January 2025 and replaced ATMIS. Egyptian forces are expected to arrive by air and sea to aid the fight against Al-Shabaab, though exact troop numbers are unconfirmed. This builds on a broader regional effort, including a troop agreement with Ethiopia on February 23, 2025, despite strains over Ethiopia’s Somaliland deal. Somalia and Egypt share a history of cooperation, with Cairo training Somali officers since the 1960s. Egypt’s renewed engagement under President Abdel Fattah al-Sisi aligns with its African security goals and counters Ethiopia’s influence, strained by Nile River disputes and Ethiopia’s January 2024 Somaliland agreement, which Somalia rejects. Mohamud’s administration, in power since 2022, seeks foreign support to rebuild its military. Geographical stakes Somalia’s 3,300-kilometer coastline along the Gulf of Aden and the Indian Ocean is a strategic asset, yet instability fuels militancy and piracy. Somalia’s protracted conflict with Al-Shabaab, an Al-Qaeda-linked group, continues despite Somali and international military operations. Al-Shabaab remains a potent threat, staging attacks in Somalia and neighboring countries. On Tuesday, armed militants attacked a hotel in the central Somali city of Beledweyne on Monday, killing at least four people, including two elders, officials and witnesses said. The attack, which began with powerful explosions followed by gunfire, targeted the Hotel Cairo, a known gathering point for local leaders. The UN Security Council endorsed AUSSOM in a March 10 statement but stressed coordination among contributors. Egypt’s base aims to accelerate these efforts, though details on its scale remain limited. Somalia’s move to host an Egyptian base leverages Cairo’s military expertise to counter militancy. Yet, it risks complicating relations with Ethiopia, a key neighbor. As Egyptian forces prepare to deploy, the Horn of Africa faces a critical juncture, balancing security gains against regional friction. The Egyptian base, possibly near Mogadishu, underscores the Horn of Africa’s importance to global security. The post Somalia approves Egypt military base to train army appeared first on Caasimada Online.
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan. Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqeynta dowladda iyo hey’adaha Qaramada Midoobay, teegaarada qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo cod, hawlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSOM. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in dowladda tallaabooyinka muhiimka ah ee dowladdu u qaaday dhanka dimuqraadiyeynta, horumarka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee ku aaddan arrimaha gargaarka, amniga iyo geed-socodka nabadda. Source: goobjoog.com
  13. Mogadishu (HOL) — Somalia’s Minister of Defence, Abdulkadir Mohamed Nur, has confirmed that the Federal Government of Somalia is actively coordinating airstrikes carried out by the United Arab Emirates (UAE) and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo xalay ay qaaday dowladda Soomaaliya, kadib markii ay xirtay warbaahinno ay Al-Shabaab ku faafin jireen wararkooda, kuwaas oo ay ku jireen kuwii ugu muhiimsanaa ee afka kooxda ku hadla. Dowladda ayaa xalay soo saartay liiska warbaahinnada Al-Shabaab ee la xiray, kuwaas oo ka kooban ilaa 12 mareegood, iyadoo horey ay dowladdu ugu guuleysatay xiritaanka in ka badan 30 bar-mareeg (website) oo ay kooxda lahayd. “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay ilaa 12 warbaahin oo nooca mareegaha ah, kuwaas oo ay Khawaarijtu lahaayeen, iyadoo horey ay dowladdu ugu guuleysatay xiritaanka in ka badan 30 bar-mareeg ama website oo Khawaarijtu ku lahaayeen barta internet-ka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Sidoo kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay xogta iyo raadadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahan iyo kuwa dhaqaalaha ku bixinayay intaba, sida lagu sheegay warka ka soo baxay dowladda. “Xogta la helay waxay sahli doontaa in tallaabo laga qaado dembiilayaasha Khawaarijta ugu adeegayay hawlahan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray: “Inta uu socdo howlgalka baabi’inta nooc kasta oo Khawaarijtu u isticmaalaan warbaahin ahaan, waxaa lagu burburiyay kumanaan kun oo baro ay ka sameysteen baraha kala duwan ee bulshada ee la isticmaalo.” Hay’adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha internet-ka ee Khawaarijta ayaa sidoo kale mar dhow rajeynaya inay gacanta u soo galaan website-yada kale ee ay Khawaarijtu ku gudbiyaan falal dambiyeedka iyo marin-habaabinta, sida lagu sheegay warkan. Sidee looga fal-celiyay tallaabada ay xalay qaaday DF? Cabdullaahi Nuur: “Waa shaqo wacan. Fadlan ha joojinina shaqada illaa laga ciribtirayo maafiyada.” Liibaan: “Waxaas waa iiga muhiimsan kuwa bulshada waxyaabaha aan wanaagsaneen u soo gudbiya, beenta iyo baro-bagaandada meelaha la fadhiya.” Suleymaan: “Al-Kataa’ib maad la wareegtaan haddaad run sheegaysaan? Laakiin maxaa iga galay horta?” Maxamed Cabdicasiis Xasan: “Waa arrin bogaadin mudan, runtii waana soo dhaweynayaa arrinkaas.” Shuceyb Axmed Cilmi: “Naga xira balaayada, baryahaan waaba layaabaye. Shaqo wacan ayaad qabateen.” The post Sidee looga fal-celiyay tallaabadii ay xalay qaaday Dowladda Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo si weyn loo bogaadiyay, kadib markii magaalada Garoowe lagu xiray nin watay dareeska ciidanka oo dhibaateeyay canug yar oo Yemeni ah. Falkan, oo si weyn uga caro-geliyay bulshada Soomaaliyeed kadib muuqaal kooban oo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa keenay in Puntland ay jawaab degdeg ah ka bixiso. Muuqaalka caro-dhalinta dhaliyay ayaa ku faafay baraha bulshada, waxaana laga dhex arkay askari oday ah oo ul weyn ku garaacaya wiil yar oo Yemeni ah, kaas oo qaxooti ku ah dalka. Duqa magaalada Garoowe, Cabdulqaadir Maxamed Geedi, oo arrintan soo farageliyay, ayaa qaabilay qoyska dhibaatadu gaartay, wuxuuna raalligelin iyo xaal-marin siiyay aabaha iyo wiilka yar ee la gaad-gaaday, isaga oo kula kulmay xafiiskiisa. Geedi ayaa sidoo kale tilmaamay in maxkamad lasoo taagi doono ninka gaystay falkaas, isagoo xusay in uu waardiye ka ahaa suuqa magaalada Garoowe. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo dulqaadan karin dhibaatada uu geystay askarigaas, taasoo fariin qaldan ka tarjumeysa dalka iyo guud ahaan ciidamada. “Waxaan ku faraxsanahay in aan waqti la qaatay Maxamed Yare iyo waalidkiis. Waxaan la wadaagnay dareenkayaga iyo sida aan uga damqanay falkii maanta uu kula kacay waardiye xarun ganacsi. Nasiib wanaag, falkaasi si degdeg ah ayey dowladda uga jawaabtay, waana la xiray, waxaana la horgeyn doonaa sharciga. Ninkaasi wuxuu xirnaa dharka ciidanka balse ma ahayn askari sharciyeysan,” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamuud Geedi. Waxaa kale oo uu sii raaciyay: “Waxaan qorsheynaynaa in hadda kadib dadka noocaasi ah loo sameeyo dhar u gaar ah iyo habraac ay xarumaha ganacsiga kula shaqeeyaan dowladda hoose.” Dhanka kale, Duqa Garoowe ayaa sameeyay tallaabo kale oo bulshada ay si weyn u ammaantay, taasoo ah in uu kafaala qaaday nolosha qoyska wiilka yar ee la dhibaateeyay, kuwaas oo nolol u soo raadsaday Soomaaliya, gaar ahaan Puntland. “Waxaan si buuxda u kafaalo qaadnay nolosha iyo deegaanka Maxamed Yare, anagoo garab istaagi doona oo si dhow uga war hayn doona xaaladdiisa. Dadweynaha Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee nala soo xiriiray, waan uga mahadcelinaynaa sida ay uga falceliyeen arrintan,” ayuu mar kale yiri Duqa magaalada Garoowe. Dhankiisa, Caadil Xuseen Saalixi, oo ah aabaha dhalay wiilka yar, ayaa sheegay inuu ku qancay raalligelinta la siiyay, wuxuuna tilmaamay in uu rajeynayo in xalka uu kusoo dhammaado maxkamad, maadaama wiilkiisa uu dhibbane u yahay falka dhacay. The post Puntland oo qaaday tallaabo si weyn loogu amaanay appeared first on Caasimada Online.
  16. Beledweyne, Somalia – A fierce, 24-hour siege of the Qaahira Hotel in Beledweyne, the capital of Somalia’s Hiiraan region, concluded after Somali security forces neutralized Al-Shabaab militants who had stormed the establishment. The attack, which began with powerful explosions, resulted in the deaths of at least seven people, including elders, military officers, and civilians, with several others injured. The attack commenced with vehicle-borne explosive devices targeting the hotel, followed by armed militants infiltrating the premises, where local elders and military officials were residing. “The attackers were six in total; four detonated themselves, and security forces killed the other two,” stated Omar Alasow, the mayor of Beledweyne, during a press conference. He further explained that security forces spent many hours rescuing the people trapped inside the hotel. “The operation was concluded late last night. This morning, we are inside the hotel, and investigations are underway to determine if any further explosives were planted,” the mayor said. Survivor recounts chaos A local elder who survived the attack recounted the harrowing experience. “They hit us with a ‘Leylo’ truck loaded with explosives during morning prayers. Then, armed men, about six or seven, entered. We fought back fiercely,” he said. He added that an attacker detonated an explosive vest during the fighting. The elder also confirmed that they inflicted many casualties upon the attackers. The attack occurred amidst intensified military operations against Al-Shabaab in the Hiiraan and Middle Shabelle regions, which fall under the HiShabelle State administration. Despite recent territorial losses, Al-Shabaab has demonstrated its capacity to launch complex and deadly attacks. Beledweyne, a crucial hub in the local resistance against Al-Shabaab, has been a frequent target of the group’s attacks, highlighting the region’s volatility. The city’s geographical position has made it a focal point in the fight against the extremist group. The term “Khawaarijta,” which was used in the Somali text, is a term used by the Somali government and its allies to describe Al-Shabaab. Al-Shabaab’s resurgence The attack highlights Al-Shabaab’s continued ability to execute complex operations, even amid ongoing counter-terrorism efforts. The Qahira Hotel was hosting discussions on countering the group’s influence when the militants struck, highlighting their intent to disrupt local resistance efforts. Similar attacks in Beledweyne, including a 2022 twin bombing that killed over 100, reflect a pattern of targeting this restive region. In recent months, government forces have reclaimed swathes of territory in central Somalia, though analysts warn that the group’s ability to execute complex assaults remains undiminished. The United Nations reported in February 2025 that Al-Shabaab continues to exploit local grievances and governance gaps, sustaining its recruitment and funding networks. Security forces continue investigating the scene, searching for any remaining threats and gathering evidence. The authorities are also working to support the victims and their families. For Beledweyne’s residents, the attack is a stark reminder of the persistent danger posed by the militants, even as the government touts territorial gains. The human toll—lives lost and a community shaken—underscores the steep cost of this enduring conflict. The post Somali forces end Al-Shabab militants’ hotel siege appeared first on Caasimada Online.
  17. Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagana soo doorto Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay ku hawllan tahay fashilinta dagaalka Puntland kula jirto dagaallamayaasha Argagixisada Daacish. Xildhibaanka oo maanta hadal ka jeediyay Fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo ay saaxiibo dhaw yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh in ay mileeshiya-beeleed ka abaabulayaan magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, si ay qalalaase uga sameeyaan Puntland. Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire ayaa tilmaamay in mas’uuliyiintaasi oo ka soo jeeda Puntland ay Garoowe Boosaaso ku diyaarsadeen mileeshiyaad qabiil, oo uu mushaar ugu qoray Madaxweyne Xasan Sheekh, si ay qalalaase u sameeyaan oo loo xagal-daaciyo dagaalka Puntland kula jirto kooxda Argagixisada ah ee Daacish. “Intii uu socday Dagaalka Daacish waxaa jira mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Xasan Shekh oo abaabulay mileeshiya-beeleed lagu uruurinayo Bosaso iyo Garoowe. Mas’uuliyintaasi waxay saxiib dhow la yihiim Madaxweyna Xasan Shiikh, halkii Dagaalka Daacish Taageera laga sugayay Madaxweynaha waxa uu ku abaal mariyay mas’uuliyiintaas in uu Ku daro mileeshiya beeleedka Bayrolka Ciidamada Xooga dalka” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Faarax Mire. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo mileeshiya-beeleedyo ka abaabulaysa Garoowe iyo Boosaaso si ay u fashiliso dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
  18. Beledweyne (Caasimada Online) – Ku dhawaad 24 saac oo xiriir ah kadib, waxaa goordhow lasoo afjaray weerarkii xooganaa ee ay shalay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka Qaahira, oo ku yaalla galbeedka magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan. Weerarka oo qaraxyo ku billowday ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, kaas oo xubno ka tirsan Shabaab ay ku galeen hoteelka, halkaas oo ay deganaayeen odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan. Inta la xaqiijiyay, weerarkan waxaa ku dhintay illaa 7 ruux oo isugu jiray nabadoonno, saraakiil ciidan, iyo dad shacab ah, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen. Guddoomiyaha degmada Beledweyne, Cumar Calasow, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay sida uu howlgalka u dhacay. Wuxuu sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay ahaayeen illaa 6 nin, kuwaas oo 4 ka mid ah ay is qarxiyeen, halka labada kalena la dilay. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ay ugu dambeyn gudaha u galeen hoteelka, iyagoo toogtay raggii dagaalka kula jiray dhismaha. “Kooxda hotelka weerartay waxay ahaayeen lix dhagar-qabe. Afar ka mid ah way is qarxiyeen, labada kalana waxaa toogtay ciidamada ammaanka. Ciidamada waxay ku howlanaayeen ilaa shalay badbaadinta odayaal, saraakiil, iyo dad shacab ah oo ku jiray hotelka. Ugu dambeyn, howlgalka ayaa lasoo afjaray saqdii dhexe ee xalay. Hadda subaxan waxaan ku suganahay gudaha hotelka, halkaas oo ciidamada ay wadaan baaritaano la xiriira dhagarta kooxda Al-Shabaab iyo suurtagalnimada in ay qaraxyo ku xireen dhismaha,” ayuu yiri guddoomiyaha Beledweyne. Dhinaca kale, nabadoon ka badbaaday weerarka ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay inuu muddo dheer dagaallamay, ugu dambeynna uu naftiisa badbaadsaday isagoo dhaawac fudud qaba. “Salaaddii subax annaga oo cibaado ku jirna ayay nagu dhufteen gaari nooca ‘Leylo’ ah oo qarax lagu soo raray. Kadibna, rag hubeysan oo aan ku qiyaasay 6 ilaa 7 qof ayaa gudaha soo galay. Aniga iyo rag kale aad ayaan u dagaallannay,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in markii hore ay iska caabiyeen kooxda, balse ay jirto in mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday uu is qarxiyay markii ay cabbaar dagaallamayeen. Wixii qaraxa labaad ka dambeeyay, waxay u suurtagashay inay rag badan ka dilaan kooxda weerarka soo qaaday. Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Kooxdan ayaa mar kale dib ugu soo laabatay deegaannadii laga xoreeyay gobolladaasi oo hoos taga maamulka HirShabelle. Beledweyne, oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Khawaarijta, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday qaraxyo ay soo maleegeen Al-Shabaab, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Qaraxan ugu dambeeyay ayaa u muuqda mid la mid ah kuwii hore. The post Weerarkii Beledweyne oo lasoo afjaray ku dhawaad 24 saac kadib + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) — Somalia's national football team has appointed Yusuf Ali Nur as head coach ahead of crucial 2026 FIFA World Cup qualifiers against Guinea and Botswana later this month. The move follows the departure of Moroccan coach Rachid Lousteque, who led the Ocean Stars for two seasons but failed to make a significant impact. Source: Hiiraan Online
  20. Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen ku ansixiyay wax ka bedelka Sharciga Ka Hortagga Lacag Dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa waxaa soo xaadiray 143 xildhibaan. Cod bixinta ayaa natiijadeedu noqotay in 141 xildhibaan ay ogolaadeen wax ka bedelka sharciga, halka laba xildhibaan ay ka aamuseen, mana jirin cid diiday. Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa xildhibaanada faahfaahin ka siiyay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay qaranka, isagoo xusay in wax ka bedelka sharcigan uu xoojinayo hanaanka maaliyadeed ee dalka iyo la dagaalanka maalgelinta argagixisada. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay sharcigan, iyagoo ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ah horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta amniga dalka. Ansixinta wax ka bedelkan ayaa la filayaa inay kor u qaaddo awoodda dowladda ee la dagaalanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed iyo amniga Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  21. Dagaal culus maanta ayaa ka dhacay deegaanka Labogaras ee hoostaga degmada Cadale, gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah, iyo kooxda Al-Shabaab. Wararka laga helayo goobta dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab, iyaga oo ku guuleystay inay khasaare xooggan gaarsiiyaan kooxdaas. Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, dagaalka ayaa sababay dhimashada tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana sidoo kale jira khasaare soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, inkastoo aan tirada rasmiga ah la shaacin. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ku guuleystay inay dib u qabsadaan deegaanno ay horay u maamulayeen Al-Shabaab, iyaga oo sii wada howlgallada ka dhanka ah kooxdaas. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in ciidamadu ay dileen xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo kooxdaas. Source: goobjoog.com
  22. Mogadishu (HOL) — Somalia is bracing for a challenging Gu season (March-April-May) as forecasts predict drier-than-usual conditions and higher-than-average temperatures across much of the country. The anticipated weather patterns pose a significant threat to food security, water availability, and livestock survival, according to findings presented during the sixth National Climate Outlook Forum (NCOF6) held in Mogadishu on March 4-5, 2025. Source: Hiiraan Online
  23. Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal culus oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo maleeshiyaad kale oo badan. Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in howlgalka, oo laga fuliyay deegaanka Damasha Shabeelow, uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu khaarijiyay horjooge lagu magacaabo Mansoor Timo-weyne, kaas oo maleeshiyada u qaabilsanaa dhanka gaadiidka dagaalka. Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in horjoogahan uu ka yimid dhinaca deegaanka Buulo Fulay, isaga oo gaadiid lasoo dayactiray u waday Al-Shabaab, balse waxaa lagu dilay duqeyn ka dhacday aagga Damasha Shabeelow. Howlgalkan ayaa sidoo kale lagu khaarijiyay 50 dagaalame oo ka tirsanaa argagixisada, kuwaas oo ku sugnaa goobta la duqeeyay, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. Dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku dartay in howlgalka lagu burburiyay saddex gaari oo dagaal, kuwaas oo ay lahayd kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo loo adeegsan lahaa weerarada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe. Arrintani waxay ka dhigan tahay in jab culus la gaarsiiyay kooxda, taas oo horey sidan oo kale ula kulantay duqeymo culus. Dilka loo gaystay Mansoor Timo-weyne waxaa ka horreeyay khaarijintii Daa’uud Maleele, oo kooxda u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Zakawaatka, iyo sidoo kale sahanka deegaanka Beledul-Amiin, oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Daa’uud Maleele ayaa isna todobaadkan lagu dilay howlgal kale. Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab kama aysan hadlin howlgalka ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga Dalka ee maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad-goboleedka HirShabelle. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka sii wadaan gobolka, kuwaas oo looga hortegayo abaabulka Al-Shabaab. Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay kusii xoogeysanayay gobolka Shabeellaha Dhexe, oo deris la ah Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo kooxda ay ku soo qaadeen duullaan xooggan. Dagaallo culus oo dhexmaray ciidamada dowladda, kuwa deegaanka, iyo Al-Shabaab ayaa dhaliyay khasaare xooggan, waxaana weli lagu dagaalamayaa deegaannada fog ee gobolka. The post Horjooge Mansoor Timo-weyne iyo 50 maleeshiyo oo lagu dilay howlgal qorsheysan appeared first on Caasimada Online.
  24. Dowladda Puntland ayaa maanta sheegtay in ay markii u horraysay dhawaan hirgelin doonto hay’ad qaabilsan ka hortagga dhaqidda Lacagaha sharci-darrada ah (Money Laundering). Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta Boosaaso kula shiray Ganacsatada Gobolka Bari ayaa u sheegay in ay dowladdu dhawaan hirgelin doonto hay’ad qaabilsan ka hortagga dhaqidda Lacagaha sharci-darrada ah oo ay caan ku yihiin Argagixisada ISIS. “Waxaa dhowaan la hirgalin doonaa hay’ad ka hortagta dhaqidda lacagaha sharci-darrada ah” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo la hadlayay Ganacsatada Gobolka Bari, waxaana uu intaasi ku daray in kooxaha Argagixisada ah adeegsadaan hannaanka dhaqidda Lacagaha Sharci-darrada ah. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale Ganacsatada Gobolka Bari u sheegay in laga guulaystay Argagixisadii ISIS ee dhibaatada xooggan ku haysay Ganacsatada Boosaaso, islamarkaana ka qaadi jirtay Lacaga baadda ah, oo ay ku sheegaan Sakawaadka. PUNTLAND POST The post Puntland oo dhawaan hirgelinaysa hay’ad qaabilsan ka hortagga dhaqidda Lacagaha sharci-darrada ah appeared first on Puntland Post.
  25. Mogadishu (HOL) — Somali government forces, supported by African Union troops, successfully ended a 15-hour siege at Hotel Cairo (Qahira ) in Beledweyne, which had been attacked by Al-Shabaab militants early Tuesday morning. Source: Hiiraan Online