-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Talaadadii soo jeediyay in Mareykanku “la wareego” marinka Gaza, isla markaana shacabka Gaza dib loo dajiyo meel ka baxsan marinka. Trump ayaa hadalkan jeediyay xilli uu Aqalka Cad ku martigeliyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo noqday hoggaamiyihii ajnabiga ahaa ee ugu horreeyay ee uu Trump ku casuumo Washington tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska muddo xileedkiisa labaad. Trump ayaa sidoo kale laba jibaaray baaqiisii ahaa in Falastiiniyiintu ay ka guuraan dhulka uu dagaalku ka socdo, una gudbaan dalalka Bariga Dhexe, sida Masar iyo Urdun, inkastoo Falastiiniyiinta iyo labada waddanba ay si cad u diideen soo jeedintiisa. “Waxay ila tahay inay helaan dhul wanaagsan, cusub oo qurux badan. Waxaan heli doonnaa dad lacago ku bixiya si loo dhiso, loo qurxiyo, loogana dhigo meel la dego oo leh guryo,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha. Mar uu ka hadlayay duminta Gaza, ayuu yiri: “Waqtigaan la joogo, ma haystaan ikhtiyaar kale. Maxay sameyn doonaan? Waxay ku laaban doonaan Gaza, laakiin waa tee Gaza? Ma jiro wax dhisme ah oo halkaa ka taagan,” ayuu yiri. Trump wuxuu sheegay in Mareykanku uu ka takhalusi doono bambooyinka aan weli qarxin, simi doono goobaha burbursan, dhaqaajin doono dhismayaasha dumay, isla markaana abuuri doono horumar dhaqaale oo siin doona shaqooyin iyo guryo aan xadidnayn dadka deegaanka. Trump ayaa arrintan markii ugu horreysay soo jeediyay bishii Janaayo, isaga oo sheegay inuu doonayo in Jordan iyo Masar ay qaataan barakacayaal badan oo Falastiiniyiin ah, taasoo qayb ka ah dadaalka lagu “nadiifinayo” Gaza. Hase yeeshee, Masar, Urdun, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, Maamulka Falastiin iyo Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah horraantii bishan u soo saaray bayaan ay ku diidan yihiin qorshe kasta oo Falastiiniyiinta looga raro dhulkooda Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto Source
-
Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Aqalka Kongareeska Mareykanka ayaa qaaday tallaabo ay ku farxeen Soomaalida sharci la’aanta ku ah dalkaasi, kuwaas oo cabsi ka qaba in uu saameeyo go’aanka Trump ee masaafurinta muhaajiriinta. Gabadhan oo asalkeedu yahay Soomaali ayaa kulan gaar ah la yeelatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida sharci darrada ah ku galay dalkaasi, waxayna kula talisay in aysan ka cabsan Laanta Socdaalka iyo Canshuuraha, xilli ay haatan hay’adaha dowladda Mareykanka sii wadaan ka hortagga socdaalka sharci darrada ah ee dalkaasi. Sidoo kale, waxay intaasi ku dartay in aysan qasab ahayn in ay ka jawaabaan su’aalaha la weydiinayo, iyadoo usoo jeedisay in ay kaliya sheegaan in qareenkooda uu kula taliyay in aysan wax jawaab ah ka bixin sida ay ku yimaadeen Mareykanka iyo socdaalkooda. “Waxaan kula talinayaa dadka Soomaaliyeed in haddii ICE ay isku daydo inay su’aalo idin weydiiso, waajib kuguma aha inaad ka jawaabto su’aalahooda,” ayay tiri Ilhaan Cumar. Sidoo kale, waxay sii raacisay: “Kaliya sheeg in uu qareen kugula taliyay inaadan ka jawaabin su’aalaha. Shaacinta magacaaga, sharcigaaga socdaalka, iyo qaabka aad ku soo gashay ma ahan mid khasab ah. Barta sharciyada oo isdiyaariya.” Dhinaca kale, duqa Minneapolis Jacob Frey ayaa dhankiisa bogaadiyay arrintan, wuxuuna u ballan qaaday dadka sharci darrada ah ku jooga magaaladiisa inay garab istaagayaan, ayna sameyn doonaan wax kasta oo awooddooda ah si ay u caawiyaan muhaajiriinta. “Xeerka kala-soocidda ayaa si cad u qeexaya in mas’uuliyiinta magaalada, saraakiisha booliiska iyo kuwa kale, aysan ururin karin macluumaadka muujinaya cidda jirta iyo cidda aan la diiwaangelin,” ayuu yiri Duqa magaalada Minneapolis. Waxaa kale oo uu yiri: “Saraakiishayada booliisku lama shaqeyn doonaan sharci-fulinta federaalka ee ku xeeran sharciga socdaalka federaalka. Waxaan ku xoojinaynaa sharciyada gobolka iyo kuwa maxalliga ah halkan Minneapolis, waxaana sameyn doonaa sida ugu wanaagsan ee aan awoodno.” Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay haatan walaac xooggan iyo cabsi soo wajahday Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan kuwa sharci darrada ah ku galay dalkaasi, kuwaas oo laga yaabo in uu saameeyo go’aanka uu qaatay Donald Trump ee lagu soo celinayo muhaajiriinta.
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa shir Guddoomiyay kulanka koowaad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad. Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista qorshe hawleedka Golaha iyo Guddiyada ee Kalfadhiga lixaad, waxaana Guddoomiyayaasha Guddiyadu ay soo bandhigeen qorshayaashooda shaqo ee hortebinta u leh guddi walba, ka shaqaynta shuruucda la horkeenayo Golaha, metelaadda Shacabka iyo dardar gelinta hannaanka isla xisaabtanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha dowladda, iyadoo intaas ka dib dood iyo falanqayn dheer kadib la meel mariyay ajandaha Golaha iyo qorshe hawleedka Guddiyada ee kalfadhiga lixaad. Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga joogtada Aqalka Sare ku bogaadiyay howsha ay Qaranka u hayaan, isagoo faray in ay dardar geliyaan arrimaha korjoogtaynta iyo islaxisaabtanka hay’adaha dowladda, islamarkaana ay si dhow u wada-shaqeeyaan Guddiyada meelaha qaar shaqo wadaagga ka noqonaya. Source: goobjoog.com
-
Laamaha ammaanka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku qabtay mid kamid ah xubnaha ajaaniibta ah ee Kooxda ISIS. Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in ninkan la qabtay uu bixiyey macluumaad muhiim ah oo la xiriira dagaalka ka socda buuraha Cal Madow iyo qorshayaasha kooxda Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa yiri “Howlgalkan waxa uu qeyb ka yahay dadaallada aan ku ciribtirayno argagixisada. Ninkan la qabtay waxa uu ka mid ahaa ajaaniibta ku sugan Soomaaliya, waxaana laga helay xog muhiim ah oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ISIS.” Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno dheeraad ah si loo helo xog dheeraad ah oo la xiriirta xubnaha kale ee kooxda iyo qorshayaashooda. Laamaha Ammaanka ayaa ugu baaqay Shacabka in ay la shaqeeyaan Ciidanka. Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar dhanka cirka ah oo xalay ka dhacay aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay Puntland ku qaaday xubnaha kooxda Daacish, si looga saaro halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta oo ahayd bartilmaameed si gaar ah loogu garaacay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisada ku sugan aagga buuraha Cal-Miskaad. Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay ugu yaraan illaa 15 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ajnabi ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Daacish. “Duqeyn iyo Hawlgal : Cirka iyo dhulka ayeey kaga socota Argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa Togjaceel. Ku dhowaad 15 Ajaanib ku jirto ayaa lagu dilay duqeynta iyo hawlgalkii caawa” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland Dhinaca kale waxaa saaka weerar kale oo 4 jirho ah qaaday ciidamada Puntland, kuwaas oo kusii dhowaanaya aagaga ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Daacish, iyaga beegsaday dusha sare ee Togga Jacayl, oo ay shalay ka dhaceen dagaallo culus. Puntland ayaa sheegtay in ujeedka uu yahay inay ka hortegto firxadka maleeshiyaada kooxda, si aysan hoos ugu soo dagin booraha hoostooda. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana sii xoogeysanayo dagaalka labada dhinac oo ay barbar socdaan duqeymo ay fulinayaan qaar kamid ah saaxibada caalamiga ah. Shalay ayay ahayd markii uu dagaal qaraar ka dhacay aagga buuraha Calmiskaad, halkaasi oo xubno badan ajaaniib ahaa looga dilay kooxda Daacish, waxaana sidoo kale jira in dhankeeda Puntland tobaneeyo askari looga dilay dagaalka, kuwa kalena laga dhaawacay.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa war qoraal ah kasoo saaray dagaal culus oo saaka ka qarxay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidamadeeda iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in weerarka ay soo qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxweyne Xasa Sheekh, ayna beegsadeen xarunta maamulka degmada, sida lagu sheegay qoraal uu goordhoweyd baahiyay Telefishinka ku hadla afka maamulka Jubbaland. “Kooxda Xasan Sheekh Maxamuud oo wali wada Hagar-daamada iyo kala qeybinta ay ka dhex wadaan Bulshada reer Jubbaland ayaa saaka waabarigii Dagaal kusoo qaaday Xarunta Degmada Baardheere oo ay ku sugnaayeen Maamulka Degmadda” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in weli xarunta degmada ay ku sugan yihiin ciidamadeeda, balse weli dagaalka uu socdo, iyada oo ku dooday inay iska caabineyso weerarka lagu soo qaaday, sida ay hadalka u dhigtay. Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in xarunta la weeraray ay tahay meeshii loogu adeegaya bulshada reer Baardheere, ayna tahay wax laga xumaado. “Xarunta ay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa Dagaalka kusoo qaadeen waa halka loogu adeego Bulshada Baardheere taas ayaa waxa ay Muujineysa sida Xasan Sheekh Maxamuud uusan dan uga laheen Bulshada kaliya ay u cadahay Dano shaqsi oo asaga u gaar ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka Jubbaland. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa ayaa go’aan-saday in ay bur-buriyaan Nidaamka Dowliga ah ee ka jira Degmada Madaama fikirkoodii qaldanaa uu ka socon waayay in ay ka hirgaliyaan Degmada Baardheere”. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda dhexe oo ku aadan dagaalka ka socda Baardheere, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Dagaalkan ayaa ka dhashay muran sababay gacan ku haynta degmada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo Jubbaland oo maamulo iska soo horjeedo u magacaabay Baardheere. Shalay ayay ahayd markii ay Jubbaland sheegtay inay la wareegtay gacan ku heynta xarunta degmada Baardheere, laakiin waxaa saaka dib u qarxay dagaal culus oo dhex-maraya Daraawiishta maamulkaasi iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.
-
Ciidamada Difaaca Puntland ayaa saaka dagaal dhowr jiho ah ku qaaday buuraleyda Tog-Jaceel ee Calmiskaad, halkaas oo xalay laga maqlay duqaymo xooggan. Shalay halkaasi waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray Ciidamada Difaaca Puntland iyo kooxda IS, kaas oo la isku adeegsaday hub culus. Dagaalka saaka billowday ayaa ah mid sii xoojiyay howlgalka ay Puntland ka waddo gobolka Bari. Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in dagaalku weli socdo, iyadoo la maqlayo jug culus iyo rasaas xooggan. Goobta uu dagaalka ka socdo ayaa lagu sheegay in ay tahay meelaha ugu adag maadaama ay tahay buuro iyo qarar ah. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Kenya ayaa qorshaynaysa in odayaal dhaqan loo diro si ay uga wada xaajoodaan Shabaab sii deynta shan guddoomiye Xaafadeed oo laga afduubtay Isniintii Magaalada Mandera, oo ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya. Sida laga soo xigtay sarkaal xog-ogaal u ah howlgalka, mas’uuliyiinta Kenya ayaa go’aansaday inay odayaasha diraan si loo helo nabad ku soo celinta masuuliyiinta la qafaashay. “Illaa iyo inta aan la dilin, taas oo aan dhici doonin, waa in odayaal la diro si ay ula xaajoodaan dhiggooda Shabaab si loo sii daayo maamulka la afduubtay,” ayuu yiri sarkaalkaasi. Mas’uuliyiintu waxay rumeysan yihiin in guddoomiyeyaasha ay afduubteen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo horey uga geystay weerarro iyo afduubyo ka dhacay xadka. Sida ay sheegeen booliska iyo goobjoogayaal, shanta guddoomiye ayaa ku safrayay gaari xilli ay kusii jeedeen magaalada Ceelwaaq, balse waxaa jidka u galay dabley hubeysan oo ku qabsaday inta u dhaxaysa Bamba Owla iyo Ires Suki. Falkaan ayaa dhacay maalmo ka hor inta uusan madaxweynaha Kenya, William Ruto, booqan gobollada Mandera, Garissa, iyo Wajeer si uu diiradda u saaro arrimaha horumarinta gobolka iyo wada-hadallada bulshada. Source: goobjoog.com
-
Warar isi soo taraya ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland oo ka socda magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo ku sugan Baardheere ayaa in dagaalkii saaka bilowday ay khasaare ku gaarsiiyeen Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, islamarkaana ay ka qabsadeen xarumaha muhiimka ah ee degmadaas, balse ma jiraan ilo madax-bannaan oo arrintaas xaqiijinaya. Rasaas ayaa weli ka dhacaysa magaalada, wuxuuna dagaalkani ku soo beegmayaa saacado ka dib markii xubno taageersan maamulka Jubbaland ay sheegeen inay si buuxda u wareegeen xarunta degmada. Source: goobjoog.com
-
Baardheere (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo saaka ka qarxay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ah mid xoogan uu ka socdo bartamaha magaalada, gaar ahaan xarunta degmada oo ay isku hayaan labada dhinac. Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa jiro, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Dadka dhintay waxaa kamid ah Maxamed Ilyaas Caagane oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ay dhowaan dowladda Soomaaliya u magacowday maamulka degmada Baardheere, wuxuuna ahaa madaxda arrimaha bulshada ee degmadaasi. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhinacyadu ay helayaan ciidamo gurmadyo ah, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Dagaalkan ayaa ka dhashay muran sababay gacan ku haynta degmada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo Jubbaland oo maamulo iska soo horjeedo u magacaabay Baardheere. Shalay ayay ahayd markii ay Jubbaland sheegtay inay la wareegtay gacan ku heynta xarunta degmada Baardheere, laakiin waxaa saaka dib u qarxay dagaal culus oo dhex-maraya Daraawiishta maamulkaasi iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.
-
Ciidamada difaaca Puntland oo sii wada hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar dhawr jiho ah ku qaaday degaannada ay weli kooxda Daacish kaga harsan yihiin togga Jeceel. Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland oo ku qalabaysan hubka culus ayaa saaka ilaa afar jiho ka weeraray mileeshiyaadka Daacish oo ku dhuumanaya dusha sare ee togga Jeceel, kaddib markii shalay ciidamadu ka qabsadeen difaacii adkaa ee Dharin. Dhinaca kale, duqeymo diyaaradeed ayaa xalay laga maqlay dusha sare ee togga Jeceel oo ay ku dhuumanayaan dagaallamayaashii Daacish ee ka firxaday dagaalkii ugu adkaa ee shalay ka dhacay toggaasi, kaasi oo socday tan iyo fiidnimadii xalay, islamarkaana ciidamada dowladdu kula wareegeen dhammaan goobihii lagu dagaallamay. War kooban oo ka soo baxay ciidamada difaaca Puntland, gaar ahaanna hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa lagu sheegay in duqeyntii xalay lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ajaanib ah, balse lama xusin cidda fulisay. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo maalintii labaad Ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ku dhexmaraya togga Jeceel appeared first on Puntland Post.
-
Baardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamo kala taabacsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland uu ka socdo degmada Baardheere ee gobolkaasi. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa goordhow ka qarxay bartamaha magaalada, waxaana labada ciidan ay isku hayaan gacan ku heynta degmadaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dhawaqa rasaasta si xooggan looga maqlayo magaalada, isla markaana dagaalka uu yahay mid culus oo ay dhinacyo isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada ciidan iyo dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaartay dagaalka ka qarxay halkaasi. Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dhinacyo ay helayaan ciidamo gurmadyo ah, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Dagaalkan ayaa ka dhashay muran sababay gacan ku haynta degmada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo Jubbaland oo maamulo iska soo horjeedo u magacaabay Baardheere. Shalay ayay ahayd markii ay Jubbaland sheegtay inay la wareegtay gacan ku heynta xarunta degmada Baardheere, laakiin waxaa saaka dib u qarxay dagaal culus oo dhex-maraya Daraawiishta maamulkaasi iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa soo bandhigay soo jeedin aan caadi ahayn oo uu ku sheegay in Mareykanka “la wareegi doono” Marinka Gaza, xilli uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, si ay uga wada hadlaan xabbad-joojinta la xiriirta dagaalka Hamas. Trump ayaa sidoo kale ku celiyay baaqiisii ahaa in Falastiiniyiinta laga saaro dhulka ay dagaalladu burburiyeen laguna daadgureeyo waddamada Bariga Dhexe sida Masar iyo Urdun, inkastoo Falastiiniyiinta iyo dowladahaasi si cad u diideen soo jeedintiisa. “Mareykanku wuxuu la wareegi doonaa Marinka Gaza, waana wax aan qaban karno. Waxaan noqon doonnaa milkiileyaasha dhulkan,” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Netanyahu. Trump wuxuu intaa ku daray in Mareykanku ka saari doono bambooyinka aan qarxin, “dhulka simi doono,” dhismeyaasha burbursanna laga saari doono, iyadoo la abuurayo barnaamij horumarineed oo dhiirigeliya koboca dhaqaale, fursado shaqo iyo hoy badan oo ay helaan dadka deegaanka. Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu u muuqday inuusan taageersanayn in Falastiiniyiintu dib ugu laabtaan Gaza. “Waa in aanan u oggolaan in Gaza dib loo dhiso oo ay dib ugu noqdaan isla dadkii horey u daganaa, halkaasna nolol adag ku soo qaatay, dagaallamay, ku dhintay, nolol rajo la’aan ahna ku noolaa,” ayuu yiri. Isagoo sii hadlaya, wuxuu soo jeediyay in labada milyan ee qof ee ku nool Gaza ay “tagaan dalal kale oo leh daryeel bini’aadannimo.” Netanyahu wuxuu Trump ku ammaanay inuu yahay “saaxiibka ugu weyn ee Israa’iil abid yeelato.” Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil wuxuu sheegay in qorshaha Trump ee Gaza uu noqon karo mid “taariikhda beddela” oo mudan in fiiro gaar ah loo yeesho. ‘Quwad weyn’ Masar iyo Urdun waxay si cad u diideen qorshaha Trump ee ah in Falastiiniyiinta laga raro Gaza. Danjiraha Falastiiniyiinta ee Qaramada Midoobay wuxuu dhankiisa sheegay in hoggaamiyeyaasha caalamku ay tahay inay “ixtiraamaan” rabitaanka shacabka Falastiin. Shacabka reer Gaza ayaa sidoo kale si weyn u dhaleeceeyay hadallada Trump. “Trump wuxuu u haystaa Gaza inay tahay qashin qub—taasi gabi ahaanba sax ma aha,” ayuu yiri Hatem Azzam, oo 34 jir ah kana soo jeeda magaalada Rafax ee koonfurta Gaza. Trump wuxuu sheegay inuu door weyn ka qaatay wajigii koowaad ee xabbad-joojinta u dhaxeysa Israa’iil iyo Hamas, taasoo bilaabatay kaddib dagaal socday in ka badan 15 bilood. Waala filayay inuu Netanyahu ku cadaadiyo in la galo wajiga labaad ee wada-hadallada si loo gaaro heshiis waara. Markii la weydiiyay sida uu u arko wajiga labaad, Netanyahu wuxuu ku jawaabay: “Waan isku dayi doonnaa.” Wuxuu Netanyahu amaanay “awoodda adag iyo hoggaaminta xooggan” ee Trump, isagoo dhaliilay madaxweynihii hore Joe Biden, oo ay isku khilaafeen khasaaraha ka dhashay duqeymaha Israa’iil ee Gaza. Saacado kahor inta uusan Netanyahu la kulmin Trump, Israa’iil waxay sheegtay inay wafdi u direyso dalka Qadar si ay uga wadahadlaan wajiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta. Dhanka kale, Hamas ayaa xaqiijisay in wadahadalladii wajiga labaad ay bilowdeen, iyadoo afhayeenkeeda, Cabdil-Latif al-Qanuu, uu sheegay in diiradda la saarayo “arrimaha hoyga, gargaarka iyo dib-u-dhiska.” Wajigii koowaad ee xabbad-joojinta ayaa horseeday is-dhaafsiga maxaabiista, iyadoo 18 maxbuus Israa’iili ah lasii daayay, halka Israa’iil ay xabsiyada ka sii deysay in ka badan 600 oo maxbuus Falastiini ah. Dagaalka Gaza wuxuu billowday 7-dii October 2023, markii Hamas ay weerar ku qaadday Israa’iil, taasoo keentay in 251 qof loo kaxeeyo gudaha Gaza. 76 ka mid ah maxaabiistaas ayaa weli lagu hayaa Gaza, waxaana Israa’iil ay sheegtay in 34 ka mid ah ay dhinteen. Ehellada maxaabiista Israa’iiliyiinta ah ayaa dalbanaya in heshiiska xabbad-joojinta la ilaaliyo si dadkooda loosoo daayo. Tan iyo markii xabbad-joojinta Gaza dhaqan-gashay 19-kii Janaayo, Israa’iil waxay weerarro dhimasho badan ah ka geysatay waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta, UNRWA, oo haatan laga mamnuucay Israa’iil, waxay ka digtay in xaaladda xerada qaxootiga ee Jenin ay “ku sii socoto jihada masiibada.” Talaadadii, ciidamada Israa’iil waxay sheegeen in nin hubeysan uu dilay labo askari, kahor inta aan la toogan oo la dilin, xilli uu weerar ka geystay koonfurta Jenin. Xabbad-joojinta waxay sidoo kale suurta-gelisay in gargaar ballaaran oo cunto, shidaal, iyo daawooyin la gaarsiiyo Gaza, iyadoo dadka barakacay ay bilaabeen inay dib ugu laabtaan waqooyiga dhulka Falastiiniyiinta. Weerarkii Hamas ee 7-dii October wuxuu sababay dhimashada 1,210 qof oo Israa’iili ah, kuwaasoo intooda badan ahaa dad rayid ah, sida ay sheegeen ilo rasmi ah oo AFP soo xigatay. Dhinaca kale, weerarrada jawaabta ah ee Israa’iil ka geysatay Gaza waxay sababeen dhimashada ugu yaraan 47,518 qof, kuwaasoo badankood ahaayeen dad shacab ah.
-
Dood culus oo u dhexaysa Xildhibaanno iyo Senatorro ay kamid tahay Ilhaan Cumar iyo maalqabeenka Elon Musk ayaa si xoog leh u qabsatay shaashadaha Warbaahinta caalamka. Dooddan ayaa curatay ka dib markii Elon Musk uu dhowaan sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu oggolaaday in la xiro hay’adda kaalmaynta USAID, taas oo ururrada gargaarka bixiya ee dunida ugu waaweyn. Xildhibaan Ilhaan Cumar oo arrintan ka hadashay ayaa go’aamada maamulka Trump si adag u dhaleecaysay, ayadoo Elon Musk ku tilmaamtay qof aan dadka Mareykanku dooran, sharciyaddana u haysta wax aan asaga khusayn. Xubin kale oo Congress-ka ka tirsan, ayqq asaguna sheegay in USAID ay quudiso carruurta gaajoonaya, sidoo kalena ay gacan ka geysato xoojinta isbahaysiga Maraykanka, sidaa awgeed qorshaha uu Trump hay’addan ku xiranayaahi uu yahay fursad la siinayo kuwa Mareykanka ka soo horjeeda. Elon Musk dhankiisa wuxuu Ilhaan Cumar ku tilmaamay khiyaanoolay, Mareykanka Neceb, warbaahinta ayaa si weyn u tabinaysa doodda kulul ee labada dhinac. Maamulka Trump oo xaafiiska jooga muddo laba todobaad ku siman ayaa qaaday tillaabooyin waaweyn oo dunidoo dhan saamayn ku yeeshay, islamarkaana lagu tilmaamay go’aamo qar iska tuurnimo ah. Source: goobjoog.com
-
Somaliland and Israel Flags Introduction Israel has been long involved in the African continent since its search for settlement and the colonial era. Perhaps the most remarkable era was Israel as a state, the decolonization era, and the post-colonial process. Israel at that time was looking for potential new states for cooperation and mutual support in the international realm, and the only possible places were the Asian and African decolonizing new emerging states. At the end of the 1960s, Israel had established relations with thirty-three African countries. Although Israel’s relations in Africa have evolved through various stages, notably the beginning and golden era in the late 1950s and 1960s, where Israel had established effective relations with most of the African non-member Arab League nations, and massive cooperation began in various sectors, including technical cooperation, military assistance, economic assistance, trade cooperation, agriculture, infrastructure, education, and vocational skills, and more. But after the Yom Kippur War in 1973, unfortunately, it has gradually led to the deterioration of the Israeli-African relations, where the Arab states had succeeded in their efforts to pressure the Israeli state and push anti-Israeli resolutions in the OAU and other multilateral organizations. In those years, the Arab states had exploited Africa’s majority Muslim populations, where most of the Arab leaders, notably Muammar Qaddafi and Jamal Abdi-Nasser, had launched successive campaigns that aimed to sever the Israeli-African relations, while Qaddafi offered financial rewards to the countries that cut ties to Israel, like Gabon, Uganda, and Niger. Also, King Faisal of Saudi Arabia has led the same efforts to recruit the African Muslim majority nations to sever their ties with Israel. Even at that time, Somalia had become a member of the Arab League in 1972, a Muslim majority country, but it never spoke Arabic or has ever been considered as an Arab state or perhaps Arab people. Thirty African countries severed their diplomatic relations with Israel, except Lesotho, Swaziland, and Malawi. Fortunately, in the early 1980s and late 80s Israeli’s diplomatic relations with Africa had been gradually restored due to several factors including; the new African’s pragmatic attitudes towards Israel like the Camp David peace agreement between Israel and Egypt, the disintegration of the Soviet block and the collapse of radical African regimes, also the regime changes in South Africa and Israeli’s support of UN-sponsored sanctions against South African apartheid regime in 1987, and particularly Africa’s disengagement with radical Islamists supported by Libya, Sudan, and Iran, which has led that some African countries have considered cooperation with Israel could counter this threat as well. But at that time, restoring Israel’s relations on the continent was never like before in the 1950s and 1960s, but with a cautious involvement, particularly in the Horn of Africa. Current Trends in the Horn of Africa The geopolitical landscape of the Middle East and Horn of Africa has overwhelmingly changed, and its increasing tensions from various dimensions, both on state and non-state levels, in particular the Iran’s regional proxies such as the Houthis in Yemen and their growing attacks on the global shipment in the Bab El-Mandab strait, the Saudi-led coalition intervention in Yemen in the late 2010s, and the growing Islamist groups like ISIS-Somalia, ISIS-Arab Peninsula, and al-Shabaab-affiliated Al-Qaeda are what exacerbated the crisis in this volatile region that massively affects the global maritime passage, trade, and transportation. Somaliland is located in the Gulf of Aden, near the entrance of the Bab al-Mandab strait, through which a third of the world’s maritime cargo passes, and currently faces huge devastating attacks from Houthis in Yemen, which led to the hesitation of international shipping companies to pass through the Bab al-Mandab strait and disrupted the global trade. Somaliland has 850 kilometers of coastline along the Gulf of Aden and could play a key role in safeguarding the Bab al-Mandab strait and the Red Sea from any terrorism, piracy, smuggling, trafficking, and other growing possible security threats in the region. Terrorism and the proliferation of weapons in the region have sequentially led to successive destabilizing agendas worth much attention from interested parties, including Somaliland, the U.S., Gulf States, and Israel. There has been an Iranian weapon smuggling to the Houthi rebels in Yemen that exacerbated the tensions in the Horn of Africa and threatened the safe passage of international trade and transportation facilities in the Bab El-Mandab, respectively, from late 2015 up to now. The U.S. and its allies had launched a substantial operation aimed at ensuring freedom of navigation in the Red Sea and the Gulf of Aden in the Indian Ocean called ‘Operation Prosperity Guardian (OPG),’ which is countering the Houthi-led attacks on shipping in the Red Sea in late December 2023. In addition, the increasing competition of global and regional powers in the Horn of Africa, including China, the U.S., and Turkey, is seemingly having remarkable effects in the region. Both China and the U.S. have military bases in Djibouti, while Turkey also has the largest military overseas base in Mogadishu, Somalia. The U.A.E. has also attempted to build a military base in several key areas in the region, notably in Berbera, Somaliland, the most strategic port in the Gulf, and has the longest runways in Africa. So, this region has historically been in the midst of tension and global powers’ competition grounds. Israel, Europe, and the U.S., which have growing national security threats very far away from their borders, need to secure their global maritime passage in the Gulf of Aden and safeguard their national security interests beyond their close borders, notably Israel in the Red Sea. A couple of years ago, some media sources presented joint efforts by Israel and the U.A.E. to establish a military and intelligence base on Socotra Island in the Gulf of Aden. Whether the U.A.E. acts on behalf of Israel in building a military base in Somaliland, or even for itself, Somaliland welcomes Israel and its allies to secure the Gulf of Aden and its significance in the global maritime passage and to counter any security threats in the region. Starting Point: Somaliland-Israeli Relations Somaliland, since its restoration of independence in 1991, seems to have been interested in the Israeli relations and establishing mutual cooperation and support for the Israeli state and its involvement in the region. It could lead to a gesture of normalizing relations of Israel with the region and successive diplomatic support for all the Horn of African states, most notably the Republic of Somaliland. Although the term ‘normalizing relations’ only concerns the Arab spectrum and its distinction from the non-Arab context, the Abraham Accords in 2020, which aimed at the Arab-Israeli normalization, were a substantial step in breaking the ice and starting a new era of mutual understanding, cooperation, and accepting Israel as a positive contributing state to the Arab world specifically and, in general, to the other Arab-sympathizing states in the Middle East and the Horn of Africa. Somaliland’s interest in the Israeli relations has long been traceable to the mid-1990s, when the former president of Somaliland, Mohamed Haji Ibrahim Egal, wrote a letter to the fifth Israeli prime minister, Yitzhak Rabin. Egal has addressed this letter to the potential opportunities of Somaliland’s government, Cold War impacts, geopolitics in the region, and the possible threats growing from the extremist and Islamic radical groups in the region that both Somaliland and Israel are facing. At that time, it was the beginning of terrorist organizations worldwide, specifically in the Middle East and the Horn of Africa. Notable terrorist groups that were hiding in Yemen later became the Al-Qaeda in the Arabian Peninsula; also, the Itihaad al-Islami in Somalia later became the Al-Shabaab-affiliated Al-Qaeda group in Somalia, and ISIS also emerged in several regions. Egal seems a visionary leader according to the content of that letter and the possible security threats he addressed in it, both affecting the Israeli national security whether it’s close to its borders or far away from it. Somaliland also faces significant security threats from its surroundings in the eastern fragile regions bordering Puntland, where ISIS and al-Shabaab groups have a presence, and in the Gulf of Aden, where there are Houthi rebels in Yemen that threaten and attack the global shipping and passage in the Bab El-Mandab. All these national security threats show what Egal had warned thirty years ago. In 2010, this letter had also been mentioned by the former spokesman of the Ministry of Foreign Affairs of Israel and currently the head of International Affairs of the Jewish Agency for Israel, Yigal Palmor, who restated the letter’s significance and the Egal’s vision concerning the rise of Islamic fundamentalism and the importance of Bab El-Mandab to the geopolitical landscape of the world, and in particular the Red Sea and the Indian Ocean regions. Yigal Palmor stated that both Somaliland and Israel find themselves politically isolated in the midst of a hostile region and that Israel knows better how it feels to be denied your statehood and self-determination. Additionally, Somaliland is a Muslim majority country, but it is not a member of the Arab League, nor even an Arab country; neither does it speak Arabic as its first language. Also, Somaliland is not a member of the Organization of Islamic Cooperation (OIC). Somaliland, since its restoration of independence in 1991, while completely excluded from all the multilateral and international organizations, has a similar historical global marginalization as Israel’s formation in the late 1940s. Somaliland is willing to welcome warmly any opportunity of establishing relations with Israel and to become the first gate that Israel enters in the entire region and to foster sequential wide-range diplomatic cooperation in the continent. Somaliland is a democratic, peaceful, and stable country in the Horn of Africa. The Muslim majority population strongly opposes any radical or extremist ideologies and has practiced their entire history of moderate schools of Islam coupled with democratic self-governance and secular Somali traditional culture. Some historical footprints showed Jewish presence in the Somaliland territory that has intermingled with other Somali minority clans, including ‘The Yibro,’ which literally translates into ‘the Hebrews,’ and still those people are a significant part of the Somaliland population. Somaliland and Israel, since they share common strategic threats in the Gulf of Aden and the Red Sea, could develop a strategic partnership based on various dimensions, including security, defense, military, counterterrorism, and safeguarding freedom of navigation of the Bab El-Mandab strait in the Gulf of Aden in the region. Israel could benefit from Somaliland’s strategic position in the region while countering any malign and other national security threats in order to safeguard its interests far beyond its borders, while on the other side, Somaliland could benefit from Israel’s military and defense capabilities to develop its defense and security sector and also jointly cooperate with Israel on countering the security and maritime threats in the region. In addition, Somaliland-Israeli relations could pave the way for economic and commercial interests; subsequently, Somaliland has huge economic and trade opportunities that crucially need international investment in its oil-rich, mineral, gas, energy, infrastructure, agriculture, sea resources, and other sectors. On the other hand, Israel has a developed industrial sector and multinational companies that could access and benefit from Somaliland’s rich sectors. This could lead to a successive trade and economic cooperation so that both countries could benefit equally and will enhance their relations effectively. Furthermore, Israel and Somaliland may share political interests in the global arena. Israel’s global diplomatic presence could open to more formal or non-formal channels to Somaliland, like states, multilateral organizations, regional bodies, and forums, while simultaneously Somaliland will strengthen its side with the Israeli global interests and jointly contribute to advocating for their mutual interests or oppose and address globally their national security threats, respectively. Conclusion Israel and Somaliland share a common fate, historical ground, pertinent national security challenges, the same circumstances, volatile hostile regions, democratic governance, and values, which need to be addressed effectively on both sides. Somaliland-Israel relations should have been established earlier, but unfortunately, due to misunderstandings, misperceptions, and particularly less cooperative attitudes from Somaliland’s leadership towards Israel, they’ve been postponed. Now, it is time for setting the Israel-Somaliland partnership and putting forward a cooperative attitude, brotherhood, and initiatives for countering the growing security threats in their respective regions. Significantly starting a wide-range cooperation in all sectors of the two countries, including political and diplomatic representation, economic and trade cooperation, support and technical assistance, security and defense cooperation, intelligence information sharing, cultural interaction, infrastructure and energy cooperation, and other related sectors. But the Somaliland-Israel relations, particularly from the side of Somaliland, need courageous, flexible political leadership seeking Somaliland interests exclusively rather than sympathizing or preceding other anti-Israeli and non-Somaliland interests. About the AuthorAbdifatah Hassan Mohamed (Abdifatah Barawani) is a writer, political and security analyst focused in the Horn of Africa, East Africa, Middle East. He has a BA in Political Science, and currenty is pursuing MA in International Cooperation & Humanitarian Aid.Related Topics Qaran News
-
President Donald Trump on Tuesday said the United States “will take over” the Gaza Strip — possibly with the help of American troops — while the Palestinians who live there should leave, a stunning proposal that would dramatically reorient the Middle East and subject a population of more than a million to further displacement. Source: Hiiraan Online