-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaq Axmed Siciid, ayaa ka qeyb-galay aas qaran oo deegaanka Ceel-daahir loogu sameeyay Allaha u naxariistee G/sare Mukhtaar Qoryood iyo Cabdifataax Qoryood, kuwaas oo naftooda u huray difaaca dalka iyo amniga. Aaska qaranka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Xildhibaanno, Wasiirro, Saraakiil Ciidamada kala duwan, Maamulka Gobolka Bari, Maamulka Degmada Carmo, iyo Guddiga Gurmadka, kuwaas oo dhammaantood muujiyey sida ay uga xun yihiin geerida labada geesi ee ku shahiiday dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa uga tacsiyadeeyay waalidiinta, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan shacabka Puntland, isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo. “Dhammaan ciidankeena waxay naftooda u hureen difaaca dalkooda, dhiiggooduna wuxuu noqonayaa dhaxal taariikhi ah oo lagu xasuusan doono. Dawladda Puntland waxaa ka go’an inay sii waddo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah, si loo sugo nabadda iyo xasilloonida dalkeena,” ayuu yiri Guddoomiyaha. Halkaan ka eeg Sawirada PUNTLAND POST The post Puntland oo aas Qaran u samaysay Taliye Mukhtaar Qoryood iyo walaalkiisa oo ku dhintay dagaalka Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
Afweyne said that he had no grievances against anyone regarding his arrest in Belgium. Mogadishu (Commentary ) — One month ago, Mogadishu welcomed Mohamed Abdi (aka Afweyne), a former pirate kingpin. He served half of his jail sentence after a court in Belgium found him guilty of piracy off the Somali coast. He thanked the Somali embassy staff in Brussels for regularly visiting him. While visiting a prisoner is an obligation typically fulfilled by relatives and friends, the fact that Somali embassy staff regularly visited Afweyne in jail highlighted the personalised nature of the Somali embassies. The case of Somali President Hassan Sheikh Mohamud’s son, who drove an embassy vehicle and caused the death of a Turkish citizen, comes to mind. Belgian authorities entrapped Afweyne and his facilitator, Mohamed Adan Tiiceey, who once ruled Ximin & Xeeb, a principality in Galmudug. Belgian police officers, impersonating film producers, approached Afweyne, claiming they were planning to shoot a film about pirates, a film almost like Captain Phillips, which was a box-office success. Afweyne was persuaded to act as a consultant for the project. Belgian authorities then organised his itinerary to Nairobi, where he and his interpreter, Tiiceey, were issued visas to Belgium. Upon arrival in Brussels, Belgian detectives informed Afweyne and Tiiceey “you are under arrest for piracy crimes, and lawyers will represent you in court” The only incontrovertible evidence against Afweyne was the 2013 press conference he held in Cadaado, where he publicly declared his retirement from piracy in Somalia. The announcement made prime-time news worldwide. The countryside of Cadaado was also where a British woman, Judith Tebbutt, was held hostage by pirates after being abducted from a Kenyan tourist resort, where her husband, David Tebbutt, had been killed. Afweyne ran a pirate racket that once introduced a piracy stock exchange, where investors bought stakes to finance attacks on ships. Investors shared the ransom paid by shipping companies to release hostages. In Mogadishu, Afweyne stated that he had no grievances against anyone regarding his arrest. Upon retiring from piracy, he pledged to work with authorities to combat piracy in Somalia. His apparent repentance and willingness to help fight piracy contributed to his release. However, his press conference ultimately became the key evidence the Belgian court used to convict him. © Puntland Post, 2025 The post Pirate Kingpin Afweyne Returns to Mogadishu After Belgian Jail Term appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadiyey ciidamada Puntland, gaar ahaan geesiyaasha dagaalka kula jira kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Golaha Wasiirradu waxay ammaaneen guulaha ay ciidamadu ka gaareen dagaalka, iyagoo jab xooggan u geystay kooxda Daacish. Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxay go’aamiyeen in hey’adaha dowladda federaalka ay doorkooda ka qaataan garab istaagga ciidamada Puntland iyo shacabka dagaalka kula jira cadowga. Tallaabadan ayaa lagu xoojiyey iskaashiga amni ee dalka iyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada. Dowladda Federaalka ayaa horey u muujisay taageerada ay u hayso dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka, iyadoo dhiirrigelisay wada-shaqeynta ciidamada kala duwan ee ka howlgala gobollada Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) – The African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), in collaboration with the Somali Police Force and the National Intelligence and Security Agency (NISA), conducted a joint security operation on Friday targeting an Al-Shabaab hideout in the Muuri area. Source: Hiiraan Online
-
Bayaan uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Somaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayuu si weyn ugu taageeray Ciidamada difaaca dowladda Puntland ee dagaalka kula jira Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish. Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa Ciidamada difaaca Puntland ku bogaadiyay Hawlgalka lagu dabar-goynayo Argagixisada”Waxaan boggaadinayaa howlgalka Ciidamada daraawiishta Puntland ee ka dhan ah kooxda Daacish waana tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee shacabka Soomaaliyeed isaga difaacayaan argagixisada duullaanka ah islamarkaana gumaadka ku haya dadkeenna.” “Ficillada kooxaha argagixisada ah waxay ka soo horjeedaan shareecadda islaamka, hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed, xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan ammaanka gobolka” ayuu yiri Madaxweynihii hore dowladda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo bayaan ka soo saaray dagaalka Ciidamada Puntland kula jiraan Argagixisada Daacish. “Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa geesiyaasha ku shahiiday howlgallada ciidan ee ka socda buurraleyda Calmiskaat ee gobolka Barri waxaana Dowladda Puntland iyo guud ahaan shacabka ku boorrinayaa in si dhab ah loo garab istaago howlgalka ciidamada” ayuu sii raaciyay Shariif Sheekh Axmed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo si weyn u taageeray Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidanka Nabad-sugidda ee ka howl-gala deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay dagaal-yahaano badan oo ka soo goostay Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay maamulkaasi. Kooxda isa soo dhiibtay oo ka kooban illaa 10 xubnood, kana soo goostay Khawaarijta ayaa lagu soo bandhigay xarunya Taliska Hey’adda Nabad-sugidda ee magaalada Baydhaba. Sida ay sheegtay hay’adda, raggaan isa soo dhiibay maanta ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen wax ay ugu yeeraan Jabhadaha iyo Dabagalka, dhammaantoodna waa wada dhalinyaro, sida laga dheehan karo muuqaalka ay baahisay Koonfur Galbeed. Qaar kamid ah ragga isa soo dhiibtay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen xaaladda adag ee ay wajahayaan ee ka dhalatay howl-gallada culu ee ay wadaan ciidamada xoogga dalka, kuwa dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah. Sidoo kale waxay sheegeen inay uga soo baxeen kooxda Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, sida ay sheegeen wareysiyada laga qaaday. Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar falal argagixiso ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi, inkastoo haatan deegaanada qaar laga fuliyay howlgallo lagu cuuryaamiyey maleeshiyaadka Al-Shabaab. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka scoda gulufka ka dhanka ah kooxaha argagixsada, kaas oo uu ujeedkiisu yahay in gebi ahaan looga xoreeyo dalka oo dhan.
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dadaal xoogan gelinaya sidii uu u hirgelin lahaa qorshe uu ugu yeeray nadiifinta iyo dib u dhiska marinka Qasa, kaas oo uu ku doonayo inuu dadka halkaas deggan dalal kale ugu raro. Dowladaha Masar iyo Urdun oo uu markii hore u bandhigay in dalalkooda loo rararo dadka reer Qasa, ayaa diiday dalabkaas, ka dib waxaa soo baxay warar saacadihii la soo dhaafay warbaahintu ay qoraysay oo ahaa in Morocco iyo Soomaaliya la geynayo dadka dhulkooda laga masaafirinayo ee reer Qasa. Haddaba qaar kamid ah dalalka Islaamka iyo kuwa kale ee dunida ayaa arrintaas si adag u diiday, waxaana kamid ah maleesiya iyo Indonesia oo arrintaas si weyn uga horyimid, war saxaafadeedyona ka soo saaray. War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Indonesia ayaa lagu yiri “Waxaan si adag u diidannahay isku day kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo ama la beddelo tirada dadka ee dhulalka Falastiiniyiinta ee la haysto, tallaabadan oo kale waxay caqabad ku tahay in la gaaro madax-bannaanida iyo dawlad Falastiin ay leedahay”. Sidoo kale Maleesiya ayaa ayaduna war saxaafadeed ay soo saartay sidan ku tiri “Waxaan si adag uga soo horjeednaa soo jeedin kasta oo horseedi karta in Falastiiniyiinta si qasab ah looga baro-kiciyo ama laga soo wareejiyo dalkooda, falalkaas ka baxsan bini’aadantinimadu wyxuu ka dhigan yahay mid sir-sifayn iyo xad-gudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay”. Dowladaha Aljeeriya iyo Sucuudiga ayaa ayaguna dhowaan sheegay in xalka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta keliya loo mari karo in la helo laba dowladood oo kala madax-bannaan, balse Soomaaliya iyo Morocco weli kama hadlin wararkii ugu dambeeyay ee sheegaya in dalalkooda dadka reer Qasa loo rarayo. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war culus kasoo saartay aqoonsiga la sheegay in Mareykanka uu siinayo Somaliland, kaas oo hadal-heyntiisu aad ay usii xoogeysatay maalmihii dambe. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Daahir Carab ayaa si faah-faahsan uga hadlay arrintan, wuxuuna sheegay in aanay haatan u muuqan qorshe Mareykanka ku aqoonsanayo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Daahir Carab ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in haatan ay kireysteen shirkad Mareykan ah oo uu tilmaamay inay ka caawin doonto xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya. “Ma aragno qorshe Mareykanka ku aqoonsan karo gobol kamid ah Soomaaliya, sida Somaliland, waxaan shaqeyliisiiney shirkad naga caawisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka. Sidoo kale, waxa uu soo hadal qaaday arrimaha ka cusub xiriirka labada dal, gaar ahaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweyne Trump oo ay ka mid tahay arrinta hay’adda USAID oo haatan albaabada la’isugu laabay, taas oo in ka badan 100 dal oo ay Soomaaliya ku jirto howlo gargaar ka fulin jirtay. “Go’aanka ay dowladda Mareykanka gaartay waan ixtiraameynaa, balse waxaan codsaneyna in kaalmada Soomaalia la siinayo in aan la soo marsiin cid kale, balse si toos ah naloo siiyo” ayuu mar kale yiri Danjire Daahir Carab. Gabagabadii wuxuu ka hadlay arrinta xasaasiga ah ee dadka Soomaalida ee sharci darrada ku jooga gudaha dalka Mareykanka, isaga oo tilmaamay in markasta ay ilaalinayaan sharafta shacabka Soomaaliyeed, ayna labada dowladood ka wada shaqeyn doonaan.
-
Jeneraal Ciise Yulux S/Guuto Ciise Maxamuud Yuusuf (Ciise Yulux) oo kamid ah saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee hoggaaminaya Hawlgalka CALMIS ayaa ballan ku qaaday in ay si buuxda u tirtiri doonaan Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish. Jeneraal Ciise Yulux oo ka dul khudbeeyay meyad ajaanib ah oo ciidamada difaaca Puntland ku dileen hawlgalkii u danbeeyay ee togga Jeceel ayaa sheegay in firxadka harsan ee dagaallamayaasha Daacish ay noqon doonaan wax dhintay iyo wax la qabto oo sharciga la horgeeyo. “Waxaan ballan-qaadaynaa oo u ballan-qaadaynaa dowladdeena Puntland iyo mudane Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo sidoo kale Soomaali iyo Caalamkaba in aan nin danbe oo ajnabi ah ku hari doonin dhulkeenna in aanu ka tirtiro oo ka ciribtirno” ayuu yiri Jeneraal Ciise Yulux. Taliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in dagaallamayaasha Daacish ee weli ku go’doonsan buuraha Calmiskaad ay noqon doonaan wax dhintay iyo wax la qabto islamarkaana aysan cidna ka baxsan doonin. PUNTLAND POST The post Jeneraal Ciise Yulux: Waxaan ballan-qaadaynaa in aan si buuxda u tirtiro Argagixisada go’doonsan ee Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Gaza (Caasimada Online) – Maamulka madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa lagu warramay inuu ka fakarayo saddex goobood oo suurtagal ah in lagu qaabilo reer Gaza, kaddib markii uu ku dhawaaqay in Mareykanku uu qorsheynayo inuu la wareego Marinka Gaza isla markaana dib u dhiso. Wargeyska Jerusalem Post oo sii xiganaya taleefishinka N12 ayaa goobaha laga fakarayo ku sheegay dalka Morocco iyo gobollada Puntland, iyo Somaliland ee Soomaaliya. Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in saddexdan gobol ay wadaagaan baahi weyn oo ay u qabaan taageerada Mareykanka. Somaliland iyo Puntland waxay raadineyaan aqoonsi caalami ah, halka Morocco ay weli ku jirto muran dhuleed la xiriira Saxaraha Galbeed. Warbixintan ayaa timid kaddib markii Trump uu u sheegay wargeyska The Jerusalem Post in uu rumeysan yahay in Masar iyo Urdun aysan ka hor iman doonin qorshihiisa ah in dadka Gaza loo raro dalalkooda, intii lagu guda jiray kulan uu Talaadadii kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, Aqalka Cad. “Ima diidi doonaan,” ayuu yiri Trump. “Waxaan rabaa in la daad-gureeyo dhammaan dadka ku nool Gaza. Waa dhacaysaa.” Trump ayaa hadal hore oo uu jeediyey ku sheegay in xaaladda Gaza aysan weligeed shaqeyn. “Waligeed ma shaqeyn. Anigu si ka duwan dadka kale ayaan uga fekerayaa Gaza. Waxaan aaminsanahay in ay heli karaan dhul wanaagsan, cusub, oo qurux badan, kaddibna dad baa maalgelin doona si loo dhiso, loona dhigo mid la degganaan karo oo raaxo leh,” ayuu yiri. “Mareykanku wuxuu la wareegi doonaa Marinka Gaza, waana wax aan qaban karno. Waxaan noqon doonnaa milkiileyaasha dhulkan,” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Netanyahu. Trump wuxuu intaa ku daray in Mareykanku ka saari doono bambooyinka aan qarxin, “dhulka simi doono,” dhismeyaasha burbursanna laga saari doono, iyadoo la abuurayo barnaamij horumarineed oo dhiirigeliya koboca dhaqaale, fursado shaqo iyo hoy badan oo ay helaan dadka deegaanka. Shacabka reer Gaza ayaa sidoo kale si weyn u dhaleeceeyay hadallada Trump. “Trump wuxuu u haystaa Gaza inay tahay qashin qub—taasi gabi ahaanba sax ma aha,” ayuu yiri Hatem Azzam, oo 34 jir ah kana soo jeeda magaalada Rafax ee koonfurta Gaza. Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa badankood ka hor-yimid qorshaha Trump.
-
Halgamaa ka tirsan Ciidamada Puntland Ciidamada Puntland oo warbixin ka soo saaray Hawlgalkii tan iyo shalay ka socday degaannada ku teedsan togga Jeceel ee buuraha Cal-miskaad ayaa shaacisay in ay hub iyo dukumentiyo ciidan gacanta kaga dhigeen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish. Warbixinta uu soo saaray Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidanku ay kooxda Daacish ka dileen in ka badan 57 Argagixiso ah oo Ajaaniib u badan kuwaasi oo Ciidanku soo bandhigeen, sidoo kale la wareegeen dhamnaan degaanadii shalay lagu dagaallamay ee inta u dhexaysa Dharin illaa iyo Qurac ee Toga-jeceel. “Ciidanku waxay kale oo gacanta ku hayaan Dokumentiyo, hub iyo agabkale oo ay lahayd Argagixisada Daacish, Hawlgalku wuu soconaya illaa gebi ahaanba Argagixisada Daacish laga sifeeyo buuralayda Cal- miskaad ee Gobolka Bari” ayaa lagu yiri Warbixinta uu soo saaray Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee Puntland. Xafiiska Hawlgalka La-dagaallanka Daacish ee Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale u taciyeeyay dhammaan Ciidamadii ku dhintay Hawlgalka, waxaana uu u mahadceliyay Saaxiibada Caalamiga ah ee dhinaca Cirka ka duqeeyay Argagixisada Daacish. Halkaan hoos ka akhriso Warbixinta PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo warbixin ka soo saaray hub iyo dukumentiyo Ciidan oo ay ka qabteen kooxda Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) – The Somali federal government has blamed Jubbaland President Ahmed Madobe for the heavy fighting that occurred in Bardhere district, Gedo region, on Wednesday, which led to multiple casualties, including the death of the district commissioner Mohamed Ilyas Caagane. Source: Hiiraan Online
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa 1-dii Febraayo qaaday ugu yaraan lix duqeyn oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ka howlgasha buuraleyda Puntland, iyagoo taageeraya dagaalka ay ciidamada maamulkaasi kula jiraan kooxda. Puntland ayaa si degdeg ah u soo saartay bayaan ay ku bogaadinayso duqeymahaas, waxaana ay sidoo kale u mahadcelisay xulafo aan horey loo filayn—Imaaraadka Carabta. Duqeymihii ugu dambeeyay ee Mareykanka ka fuliyay waqooyiga Soomaaliya waxay sii xoojinayaan howlgalladii horey loogu bartay ee ka dhanka ah Daacish. Bishii May 2024, Mareykanku wuxuu duqeyn drone ah ku dilay ugu yaraan saddex dagaalyahan oo ka tirsan Daacish-Soomaaliya gudaha Buuraleyda Cal Miskaat, oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Boosaaso. Sidoo kale, bishii Janaayo 2023, Mareykanku wuxuu howlgal gaar ah ku dilay Bilal al-Sudani, oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan Daacish-Soomaaliya, howlgalkaas oo laga fuliyay isla buuraleydaas. Guud ahaan, Mareykanka waa dal horey uga fuliyay Soomaaliya duqeymo badan, iyadoo laga diiwaangeliyay ugu yaraan 277 weerar cirka ah tan iyo 2007, sida laga soo xigtay Long War Journal. Si kastaba ha ahaatee, inta badan howlgalladan waxay beegsadeen Al-Shabaab, oo ah garabka Al-Qaacida ee Soomaaliya, halka Daacish ay dhowaan noqotay bartilmaameed cusub. Imaaraadka Carabta iyo duqeymaha Puntland Arrinta sida gaarka ah loola yaabay waxay ahayd xaqiijinta duqeymo ay fuliyeen Imaaraadka Carabta. Inkasta oo Imaaraadku uu si qarsoodi ah u fuliyo howlgalladiisa marka la barbardhigo Mareykanka, haddana waxaa la rumeysan yahay in uu sanadkan gudihiisa fuliyay ugu yaraan laba weerar cirka ah, gudaha Puntland. 2-dii Janaayo, duqeyn cirka ah ayaa lala beegsaday saldhigyo Daacish ku leedahay Buuraleyda Cal Miskaat, xilli Puntland ay bilaabaysay dagaal ka dhan ah kooxda. Inkasta oo warbaahinta badankeed u maleeyeen in Mareykanku ka dambeeyay weerarkaasi, haddana lama xaqiijin, taasoo keentay in la tuhmo in Imaaraadku uu fuliyey. 4-tii Febraayo, duqeymo kale ayaa laga fuliyay Togga Jacayl, oo isla buuraleyda Puntland ka tirsan. Mareykanku weli ma sheegan weerarradan, taasoo sare u qaaday tuhunka ah in Imaaraadku ka dambeeyay. Tani ma ahan markii ugu horreysay ee Imaaraadku duqeymo ka fuliyaan Soomaaliya. Waxaa la aaminsan yahay in Imaaraadku qaaday duqeyntiisii ugu horreysay bishii Juun 2023, markaasoo uu beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Galguduud. Sidoo kale, duqeyn kale oo aan la sheegan oo ka dhacday Buuraleyda Cal Miskaat bishii May 2024 ayaa loo maleynayaa inay aheyd mid uu fuliyay Imaaraadka. Xiriirka militari ee Puntland iyo Imaaraadka Imaaraadka Carabta waxa uu muddo dheer xiriir militari la lahaa Puntland, gaar ahaan dhismaha hay’adaha amniga. Sanadkii 2010, Imaaraadku wuxuu gacan ka geystay aasaaska Ciidanka Ilaalada Badda Puntland (PMPF), oo ah hay’ad amni oo muhiim u ah gobolka. Tan iyo markaas, Imaaraadku waxa uu noqday maalgeliyaha ugu weyn ee PMPF, isagoo bixiya tababar, qalab, iyo taageero dhaqaale. Waxaa la rumeysan yahay in ku dhowaad 200 askari oo Imaaraati ah ay ku sugan yihiin saldhig PMPF ku leeyahay Boosaaso. Marka laga soo tago Puntland, Imaaraadku waxa uu si toos ah uga taageeray Soomaaliya dhismaha ciidamo kala duwan, isagoo tababar siiyay cutubyo militari oo ka howlgala Muqdisho. Waxay sidoo kale tababarayaan ciidamada Soomaaliya ee ku sugan Eritrea, Uganda, iyo Itoobiya. Xarun uu Imaaraadku ku leeyahay Muqdisho ayaa sanadkii hore lagu beegsaday weerar uu fuliyay xubin ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo la sheegay inuu si dhuumaaleysi ah uga mid noqday barnaamijka tababarka. Waxaa sidoo kale la soo warinayaa in Imaaraadku siiyo taageero militari ciidamada Jubbaland, oo ah maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya. Imaaraadka iyo weerarrada cirka ee dibadda Weerarrada Imaaraadka ee Puntland waxay la jaanqaadayaan siyaasadahooda militari ee dibadda. Sanadihii la soo dhaafay, Imaaraadku wuxuu fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhacay: Yemen, halkaas oo ay taageereen howlgalka Sacuudiga ee ka dhanka ah Xuutiyiinta. Liibiya, halkaas oo ay taageereen General Khalifa Haftar, iyo Sudan, halkaas oo ay bixiyeen taageero cirka ah iyo sahay ciidan oo ay siiyeen Rapid Support Forces (RSF). Iyadoo Puntland ay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Daacish, waxaa suurtagal ah in duqeymo hor leh ay dhacaan maalmaha ama toddobaadyada soo socda. Mareykanku wuxuu caan ku yahay in uu si cad uga hadlo howlgalladiisa noocan ah, halka Imaaraadku ay u badan tahay in ay sii wadaan howlahooda si qarsoodi ah.
-
President William Ruto has now assured the country that the five abducted Mandera chiefs will be brought back home safely as he vowed to sustain the fight against criminal gangs and terror groups. Source: Hiiraan Online
-
Ayadoo dhowaan ay soo baxayeen warar sheegaya in Mareykanku uu hoosu dhigayo joojitaankiisa Soomaaliya, islamarkaana maamulka Trump uu xaqiijiyey inuu xirayo hay’adda USAID ayay dowladda Soomaaliya shaacisay inay la wareegayso kaalin walba oo uu Mareykanka banneeyo. Danjiraha Soomaaliya ee dalka Mareykanka Daahir Carab oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Mareykanka ka dalbanayso inuu toos ugu wareejiyo kaalmada uu siinayo, balse haddii taageerada Washington iyo howlaha hay’adda USAID ay meesha ka baxaan ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed isku tashan doonaan. Mar wax laga weydiiyay taageerada Mareykanka ee Ciidanka Danab ayuu sheegay in taakulaynta ay ciidamadaasi helaani ay isugu jirto mid farsamo, iyo mid mushaar, dowladda Soomaaliyana ay baahiyahaas dabooli doonto haddii uu Mareykanku joojiyo dhaqaalaha uu ku taageero xoogaggaas sida gaarka ah u tababaran. Maamulka madaxweyne Trump ayaa wacad ku maray inuu joojin doono dhaqdhaqaaq kasta oo aan Mareykanka dani ugu jirin, waxaana la filayaa in Washington ay hoos u dhigto taageerada iyo joojitaankeeda ciidan ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
A delegation led by Azerbaijan’s Deputy Foreign Minister Yalchin Rafiyev has visited the Federal Republic of Somalia to explore opportunities for enhancing bilateral cooperation in political, economic, humanitarian, and other areas, as well as strengthening high-level relations within international organizations. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa weli laga dareemayaa saamaynta dagaalkii ka dhacay shalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaasoo sababay khasaare nafeed, dhaawacyo, iyo burbur hantiyeed. Dad badan ayaa wali ka maqan guryahoodii oo ay ka barakaceen. Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa dagaalkaan kasoo saaray war-saxaafadeedyo iska soo horjeeda oo ay kala soo saareen Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Jubbaland. Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku ammaantay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed sida ay uga difaaceen degmada Baardheere kooxihii weerarka soo qaaday. Sidoo kale, waxay sheegtay in weerarkaas uu abaabulay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo xustay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha carqaladeynaya nabadda iyo horumarka dalka. Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku eedeysay Dowladda Federaalka, iyada oo sheegtay in dagaalkii Baardheere uu ahaa mid ay soo abaabuleen Masuuliyiin ka tirsan DowladdaFederaalkaSoomaaliya. Sidoo kale, Jubbaland waxay ka digtay in dagaallo kale laga huriyo degmooyinka Beled-Xaawo iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo, iyadoo sheegtay in ay dadaal ugu jirto xasilloonida iyo nabadda gobolka. Xaaladda Baardheere iyo guud ahaan gobolka Gedo ayaa ah mid kacsan, waxaana muuqata in xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay sii xoogeysanayso. Waxaa muuqata in labadeena dhinac ay ka baxsanayaan Masuuliyadda dadkii shalay ku dhintay dagaalka Baardheere. Source: goobjoog.com
-
Langley (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Mareykanka (CIA) ayaa Arbacadii sheegtay inay si “deg deg ah” u habeyneyso shaqaalaheeda si ay ula jaan-qaado qorshayaasha amniga qaranka ee maamulka Trump, iyadoo la fahamsan yahay in xubno ka tirsan shaqaalaha hay’adda loo yaboohay lacag si ay shaqada uga tagaan. CIA-du waxay noqotay hey’addii ugu horreysay ee sirdoonka Mareykanka ee ka qayb qaadata barnaamijka “iskaa isku casil” ee uu bilaabay Madaxweyne Donald Trump, kaas oo ballan qaaday inuu si weyn u dhimayo shaqaalaha dowladda, isagoo ku dooday in tallaabadan ay sare u qaadi doonto waxtarka iyo dhimista kharashaadka dawladda. “Agaasime (John) Ratcliffe wuxuu si degdeg ah ugu dhaqaaqayaa si uu u hubiyo in shaqaalaha CIA ay si buuxda ugu hoggaansamaan mudnaanta amniga qaranka ee maamulka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda. “Tallaabooyinkan waa qayb ka mid ah istiraatiijiyad ballaaran oo lagu doonayo in hey’addu hesho tamar cusub, fursado loo abuuro hoggaan cusub oo soo baxaya, islamarkaana CIA si wanaagsan loogu diyaariyo fulinta howlaheeda.” Ratcliffe—oo ahaa Agaasimaha Sirdoonka Qaranka intii u dhaxaysay 2020-2021 xilligii uu Trump xukunka hayay—waxaa bishii hore ansixiyay Aqalka Senate-ka ee Mareykanka. Markii uu hortagayey sharci-dejiyeyaasha, wuxuu ballan qaaday in CIA ay hoos timaado hoggaankiisa ay soo saari doonto “falanqeyn sirdoon oo qoto dheer, dhexdhexaad ah, oo dhammaan ilaha xogta la kaashanaya, iyadoo aan marnaba la oggolaan in eexasho siyaasadeed ama mid shakhsi ah ay saameyso go’aamada iyo warbixinnada ay soo saarto.” “Waxaan ururin doonnaa xog sirdoon, gaar ahaan midka bani’aadamka, meel kasta oo dunida ka mid ah, xitaa haddii ay tahay meel mugdi ah ama mid adag,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in CIA ay “fulin doonto howlgalada qarsoon ee uu madaxweynaha amro, iyagoo aadaya meelaha aan cid kale tegi karin, isla markaana qabanaya howlaha aan la qaban karin.” Markii uu la hadlayey saraakiisha CIA, wuxuu yiri: “Haddii dhammaan arrimahan ay yihiin wax aad u soo dhar xiratay inaad u shaqeyso, markaa diyaargarow oo kaalin weyn ka qaado. Haddii aysan sidaa ahayn, waxaa la joogaa waqtigii aad shaqo kale raadsan lahayd.”
-
Warbaahinta ku hadasha afka Carabiga, gaar ahaan shabakadda Sawt El Ghad ee ka soo baxda magaalada Ramallah ee dhulka Falastiiniyiinta la haysto, ayaa dhawaan baahisay warbixin sheegaysa in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu qorsheynayo in Falastiiniyiinta laga soo barakicinayo marinka Qasa la dejiyo dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Marooko. Warbixinta cusub ee ku saabsan suurtagalnimada in Falastiiniyiinta la dejiyo Soomaaliya iyo Marooko ayaa dhalisay hadal heyn ballaaran oo ka dhex aloosan baraha bulshada ee Soomaalida. Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa muujiyay walaac ku saabsan saameynta ay arrintani ku yeelan karto xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka, halka kuwa kale ay su’aalo ka keeneen xaqiiqada iyo suurtagalnimada qorshahan. Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo hadda, ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ama ilo kale oo madax bannaan oo xaqiijinaya jiritaanka qorshahan. Qaar ka mid ah Warbaahinta Israa’iil ayaa dhankeeda qortay Warbixinada la xariira qorshahaan Trump iyagoo sheegay in deegaanada Somaliland iyo Puntland Mareykanka uu doorbidaayo. Intii uu xilka hayay, Trump horay wuxuu ku dadaalay inuu xoojiyo xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta qaarkood. Tusaale ahaan, sanadkii 2020, wuxuu ku dhawaaqay in Suudaan iyo Israa’iil ay dib u soo celiyeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed, taasoo qeyb ka ahayd dadaallada Mareykanka ee lagu heshiisiinayo Israa’iil iyo dalalka Carabta. Sidoo kale, waxaa jiray warar sheegaya in Trump uu doonayay in dalalka Masar iyo Urdun ay qaabilaan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool marinka Qasa, isagoo ku tilmaamay Qasa inay tahay “goob burbur ah”. Source: goobjoog.com
-
Washington, D.C.- The Trump administration is reportedly evaluating Morocco, Puntland, and Somaliland as potential destinations for relocating residents of the Gaza Strip. This follows President Donald Trump’s recent proposal for the United States to assume control of Gaza and oversee its reconstruction. According to a report by N12, cited by The Jerusalem Post, the administration is exploring these three regions due to their significant need for U.S. support. Somaliland and Puntland, both semi-autonomous regions in Somalia, are seeking international recognition, while Morocco is engaged in a territorial dispute over Western Sahara. Background of the proposal President Trump’s proposal involves relocating Gaza’s approximately two million residents to other countries, followed by U.S.-led redevelopment of the area. He envisions transforming Gaza into the “Riviera of the Middle East,” aiming to create economic opportunities and improve living conditions. In a recent interview with The Jerusalem Post, Trump argued that Gaza has “never worked” as it stands and proposed an alternative solution that includes massive infrastructure projects and foreign investments to transform the coastal enclave. “I think about Gaza differently than others. I believe they can have a new, beautiful land, and investors will come in to rebuild it into something livable and prosperous,” Trump said. In a recent press conference with Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu, Trump stated, “The U.S. will take over the Gaza Strip, and we will do a job with it too. We’ll own it.” He emphasized the need to clear unexploded ordnance and demolish damaged infrastructure to pave the way for new development. International reactions The proposal has elicited strong reactions globally. Palestinian leaders have condemned the plan, asserting that it violates international law and infringes upon their rights. The Palestinian Authority emphasized that Gaza is an integral part of the future Palestinian state. Hatem Azzam, a 34-year-old resident of Rafah in southern Gaza, expressed his outrage, stating, “Trump thinks Gaza is a landfill—this is completely false. This is our home, and we will not be forced out.” Key regional players, including Saudi Arabia, Egypt, and Jordan, have also rejected the idea of relocating Gazans to their territories. The Saudi government issued a statement reaffirming its commitment to the Palestinian cause and a two-state solution, declaring, “We categorically reject any displacement of the Palestinian people from their land.” Jordan’s King Abdullah similarly stated, “Jordan will never accept any forced transfer of Palestinians under any circumstances.” Egypt, which shares a border with Gaza, emphasized that Palestinians “will not leave their homeland” and vowed not to facilitate any mass displacement.