Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (HOL) - U.S. Rep. Ilhan Omar (D-MN) has commended Puntland for its groundbreaking local elections, marking a significant move towards democracy despite significant challenges. Source: Hiiraan Online
  2. Buulo Mareer (Caasimada Online) – Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar xooggan ku qaadeen saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM) ee magaalada Buulo Mareer. Weerarkan oo dhacay saacadihii hore ee saaka ayaa waxaa lagu waramayaa inuu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac. Kooxda ayaa saldhiga ku weeraray qaraxyo xiriir ah, sida ay VOA u sheegeen laba illo-wareed oo mid ka tirsan yahay laamaha amniga. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale laga soo xiganayaa in Al-Shabaab galeen saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer, iyada oo sidoo kale lagu arkay magaalada Buulo Mareer dhexdeeda. Sidoo kale diyaarado ayaa la sheegay in hawada magaalada lagu arkay kadib weerarka. Illaa haddana ma cadda khasaaraha weerarkaan, inkasta oo lasoo warinayo in labada dhinac waxyeelo gaartey. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigga “cagta mariyeen,” sheegashadaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin xilligan, mana soo bandhigin warbaahinta kooxda wax khasaare ah. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaasi oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka. The post Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhiga ciidanka ATMIS ee BUULO-MAREER appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Deni oo xalay hadal kooban jeediyay ayaa bogaadiyay sida nabdoon ay u qabsoontay doorashada qof iyo cod ee Puntland. Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ciidamada dowladda iyo dhammaan hawl-wadeennadii ka shaqeeyay qabsoomidda doorashada. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale u mahadceliyay dhammaan ururrada siyaasadda ee ka qayb qaatay doorashada qof iyo cod, islamarkaana dadaalka geliyay in ay codka weydiistaan bulshada. Dhinaca kale, waxa uu sheegay in dareenka bulshada Puntland u qabto doorashada qof iyo cod uu taagan yahay meel aan laga soo noqon karin oo ay tahay in madaxdooda ay ku doortaan nidaamka qof iyo codka. Halkaan ka daawo codka madaxweynaha PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo bogaadiyay sida ay u qabsoontay doorashada qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
  4. Why the new Somalia president’s declaration of war against the al-Qaeda-linked al-Shabaab is generating a national zeitgeist. Source: Hiiraan Online
  5. Beledweyne (HOL) - The Shabelle River has inundated the Buulaburte district in the Hiiraan region over the past several hours on Thursday. Source: Hiiraan Online
  6. 92 migrants, including two medical evacuations, arrived in Malta by sea between 1 January and the end of April this year, figures published by the UNHCR show. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) - Somalia's National Intelligence Agency (NISA) conducted a security operation in Mogadishu's Hodan district on Thursday, seizing illicit military uniforms, explosive materials, and bullets. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - Somalia's National Intelligence Agency (NISA) carried out a security sweep in the Hodan district of Mogadishu, confiscating unauthorized military uniforms, explosive materials, and ammunition on Thursday. Source: Hiiraan Online
  9. A man arrested by police for aiding the movement of three men linked to the Isis terror group has been arraigned in court. Source: Hiiraan Online
  10. Greece has been accused of pushing back refugees by allegedly abandoning them at sea, leaving them for Turkish authorities to deport them back to Turkey. Source: Hiiraan Online
  11. New Zealand is providing 7.75 million NZ dollars (4.71 million U.S. dollars) to respond to urgent humanitarian needs in the Horn of Africa, Foreign Minister Nanaia Mahuta said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  12. A man believed to be a member of Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) was arrested in Mandera Town after crossing the border while armed with a rifle. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ansixiyey lacag 20.5 milyan oo Euro ah oo lagu taageerayo miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka dowlad dhiska iyo taageerada deyn cafinta ururka ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo SRBC. Tani waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay billaabeen qorshe hawleed wadajir ah oo ku aaddan macaamilka Midowga Yurub iyo Soomaaliya, kaasi oo qeexaya ahmiyadaha wadajirka ah ee labada sano ee soo socota. Ayada oo la bixinayo lacagtan ayaa Midowga Yurub wuxuu ku taageerayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay u fuliso qorshaheeda horumarinta iyo xasilinta qaranka ayna kusii socoto waddadii ay ku gaari laheyd barta dhameystirka barnaamijka deyn cafinta ee loo yaqaan HIPC. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa tiri “Iyadoo ay ku dhowdahay dhameystirka barnaamijka HIPC, Soomaaliya waxay dhawaan gaari doontaa guul taariikhi ah, taasi oo keeni doonta fursado cusub laakiin sidoo kale caqabado wadata.” “Kordhinta kheyraadka gudaha iyo sii wanaajinta maamulka maaliyadda ayaa muhiim u ah horumarinta ajendaha dib u habeynta dhaqaalaha iyo sii wadidda dhismaha dowladnimada Soomaaliya.” Tiina ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu daneynayo inuu sii wado taageerada Soomaaliya si wax looga qabto caqabadahan loona xaqiijiyo in adeegyo wanaagsan la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa yiri “Waxa aan bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Saaxiibada Soomaaliya ee Midowga Yurub ay dib u soo fasexeen kabkii miisaaniyadda oo muddooyinkaan ay dowladdu dadaal ugu jirtay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka maaliyadeed ee hay’adaha caalamka.” “Taageerada Miisaaniyadda ee Midowga Yurub waa il kaalmo oo qiimo leh si loo xaqiijiyo in dowladdeenu ay xoojiso isbeddelada socda iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.” Isha: VOA The post Midowga Yurub oo dib u fasaxay lacagtii uu ku kabi jiray miisaaniyadda dowladda appeared first on Caasimada Online.
  14. Mareykanka oo xayiraad hor leh saaray shakhsiyad – magacyada Warbixin uu Mareykanka soo saaray ayaa lagu sheegay shan sarkaal oo ka tirsan kooxda Al-shabaab kuwaas oo loo magacaabay inay yihiin Argagixiso caalami ah. Liiskan ayaa waxaa ka horreeyay liis kale oo ay waaxda lacagta ee dalka Maraykanka xafiiska u qaabilsan koontaroolka hantida shisheeye (OFAC) ku bartilmaameedsaday 26 qof iyo hay’ado, kuwaasoo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Al Shabaab. Waxaa ka mid ah 15 ‘fududeeye iyo shaqaale, 4 Dhuxul dhoofiye oo ka tirsan Al Shabaab, iyo 7 shirkadood oo xiriir la leh’. Warbixinta ayaa lagu yiri: Mareykanka ayaa sii wada taageerada uu siiyo Soomaaliya iyo saaxiibadayada kale ee Bariga Afrika si ay u carqaladeeyaan howlgallada al-Shabaab. Ka hortagga mid ka mid ah ururrada ugu khatarta badan ee xiriirka la leh al-Qaacida, kuwaas soo dilay kumannaan qof, oo ay ku jiraan dad Mareykan ag, Soomaali iyo guud ahaan bulshooyinka Bariga Afrika.” Shanta nin ee la bartilmaameedsaday ayaa kala ah: Maxamed Siidoow Maxamed Siidow waa amiir maaliyadeed iyo taliye ka tirsan garabka hubaysan ee kooxda, Jabha. Waxaa warbixinta lagu sheegay in Siidoow uu Al-shabaab u qaabilsan yahay qaadista canshuuraha “sharci darrada” ah ee deegaanka Caliyow Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay Cali Yare Cali Yare waa amiir dhanka maaliyadda ah oo dusha kala socda howlaha canshuuraha ee al-Shabaab ay ka fuliyaan tuulada Beled Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose. “Yare ayaa agaasimay oo sheegtay mas’uuliyadda weerar qaraxyo ah oo 14-kii November 2018 lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa agagaarka tuulada Calagacad ee gobolka Shabeellaha Hoose,” ayuu yiri Maxamed Daa’uud Gabaane Warbixinta ayaa lagu tibaaxay in Maxamed Amiin Gabaane uu yahay Amiir ka tirsan kooxda Al-shabaab una qaabilsan dhanka maaliyadda. “Maxamed Daa’uud Gabaane waa amiir dhanka maaliyadda u qaabilsan Al-shabaab, wuxuuna mas’uul ka yahay dhammaan howlgallada maaliyadda ee Al-Shabaab ee degmada Wanlaweyn iyo Beled Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose. Gabaane waxa uu sidoo kale la shaqeeyaa madaxa garabka sirdoonka kooxda, Amniyaadka, ee degmada Wanlaweyn.” Suleymaan Cabdi Daa’uud “Waa amiirka maaliyadda, iyo waliga (gudoomiyaha) Beled Amin. Daa’uud waxa uu sidoo kale kormeeraa howlgallada canshuuraha sharci darrada ah ee al-Shabaab ay ka fuliyaan Shabeellaha Hoose. Daa’uud waxa uu hore u soo noqday sarkaal ka tirsan Amniyaadka.” Maxamed Cumar Maxamed “Waa wali ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Baay, Soomaaliya, waxaana uu mas’uul ka ahaa weeraro xiriir ah oo lagu bartilmaameedsado dadka rayidka ah. Maxamed ayaa horey u ahaa wali iyo taliyaha Jabha ee degmada Berdaale ee gobolka Baay.” Maxaa xilligan ku soo beegay in Mareykanka uu saaro liiskan? “Xilliyada la soo saarayo kuma xirna waqti go’an maaddaamaa dagaal furan lagula jiro Al-shabaab, waxay ku xiran tahay sida xogta loo heli karo iyo loo dadargeliyo xogta lagu kalsoon yahay ee la heli karo marka hadda waxay u muuqaataa in Mareykanka, Soomaaliya iyo waddamada dariska la ah ee bariga Afrika ay mas’uuliyad weyn iska saareen sidii loola dagaallami lahaa Al-shabaab,” ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed, taliye ku xiigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaliya ee NISA oo BBC la hadlay. “Sidoo kale waxaa tallaabadan waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya keligeed aanan lagu lagu deynin dagaalka Al-shabaab. Marka la eego shakhsiyaadkan uu Mareykanka bartilmaameedsaday maxay muhiim u yihiin? “Dadkan waxay dhibaato ku hayaan shacabka oo ay ka qaadaan canshuuro aysan awoodin, qofkii bixin waayana amaba aanan awoodin wuxuu Al-shabaab kala kulmaa dhibaatooyin iyo tacaddiyo marka waxaan is leeyahay tallaabadan waxay dhibaato ku tahay Al-shabaab, dowladdana faa’iido ayay u tahay,” ayu uku jawaabay Guuleed Maddaamaa aysan dadka Mareykanka uu cunaqabataynta saaray ahayn dad Mareykanka dan ka leh ama waddankaba ka baxaya, sidee ayay cunaqabatayntan u saameynaysaa? Cabdisalaan oo ka jawaabaya su’aashaa ayaa yiri: “Muhiimadda waa in ladaba socdo dadka argagixisada ah ama la shaqeeya, Soomaalidana waxay tirahdaa weysha qal dibiga ha ku quusqaatee marka farriinta ayaa ah mar haddiiba la dabo galo shaqsiyaadkan aan meelba u socon la daba galo kuwa safri karana waa la daba socdaa.” Saameyn intee la’eg ayay tallaabadan ku yeelan kartaa Al-shabaab? “Dagaalka tooska ee ay dowladda Xasan sheikh Maxamuud kula jirto Al-shabaab waxaan u maleynayaa inuu sannad gaaray, dowladuna marar badan ayay sheegtay inay akoono qabatay, inay dagaal militari ku jirto shabaab marka waxaa muuqanayso inay sii kordheyso kalsoonida iyo is aaminaadda dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ka dhexeyso. Shabaabna waxay dhibaatooyin kala kulmi doonaan sidii ay u maareyn lahaayeen dhaqaalahooda.” Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Qatar ayaa Muqdisho ku soo bandhigay heshiis iskaashi horumarineed si ay u daahfuraan barnaamijka gargaarka abaaraha iyo adkeysiga oo ay ku baxeyso $10.5 milyan oo uu dhaqan-galinayo barnaamijka dhisidda adkeysiga bulshooyinka ee Soomaaliya (BRCiS). Iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa lagu sheegay in uu xoojinaya maalgashiga ka-hortagga macluusha iyo dhisidda adkeysiga ee ay horaan u sameeyeen USAID, UKAID, iyo Sanduuqa Horumarinta ee Qatar (QFFD) sanadihii 2021/22 wuxuuna awood u siin doonaa BRCiS inay joogteyso bixinta adeegyada naf-badbaadinta ah iyadoo la dardargelinayo dadaallada soo kabashada lixda bilood ee soo socota. Mike Nithavrianakis, Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in xaaladda Soomaaliya ay weli halis tahay, islamarkaana ay boggaadinayaan bixinta gargaarka bini’aadnnimo ee joogtada ah. “Xaaladda Soomaaliya weli waa halis. Waxaan bogaadinaynaa bixinta gargaarka bini’aadannimo ee joogtada ah ee ay bahwadaagteena ku bixiyeen ka hortagga macluusha dalka oo dhan sanadkan,” ayuu yiri Amb. Mike Nithavrianakis. “Tani waa mid muhiim ah, laakiin gargaarka bini’aadannimo oo keliya ma xallin karto dhibaatada. Taasi waa sababta UK ay u xoojineyso ka jawaabidda BRciS ee abaaraha iyadoo loo marayo wadashaqeynta Mareykanka iyo Qatar.” Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Abdullah bin Salim Al-Naciimi ayaa asagna yiri: “Dhibaatada abaaruhu waxay mugdi gelisay xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya oo markii horeba ka sii dareysay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus, taasi waxay saameysay malaayiin qof, waxayna kordhisay khatarta macluusha, barakaca, cunto yarida, iyo nafaqo-xumada ba’an ee soo wajahda carruurta. Mudane Dr. Abdullah bin Salim Al-Naciimi ayaa ugu dambeyntiina sheegay in bixinta taageerada bini’aadannimo iyo gargaarka ay yaraynayso malaayiinta ay saameeyeen xaaladaha bini’aadannimo, isaga oo tilmaamay inay ka shaqayneyso ka hortagga xaaladaha abaaraha ee ka jira Soomaaliya. The post Mareykanka, Qatar iyo UK oo ku dhawaaqay dhaqaale cusub oo la siinayo Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mar kale u fariisatay dacwad culus oo loo heysto 36 ajaaniib ah oo ay maalmo kahor ay xeer ilaalinta guud ee qaranka ay gudbisay maxkamadda, kuwaas oo laga soo qabtay xeebaha dalka. Ajaaniibtan oo kala dhashay dalalka Iran iyo Pakistan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay kalluumeysi sharci darro ah iyo inay kusoo xadgubeen biyaha Soomaaliya. Fadhigaan ayaa waxaa la horkeenay 18 eedesane, si loogu akhriyo eedooda, halka 18-kale horay maxkamaddu ugu marisay dacwadda loo soo xiray iyo eedda loo heysto. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kiiska dacwad ciqaabeeda loo haysto raggaan uu yahay lambar 469-2023, isla-markaana maanta fadhiga labaad uu yahay in 18-ka haray loo sharaxo eedeymaha loo heysto ee ka dhanka iyaga. “Fadhiga maanta wuxuu ku saabsan yahay in maxkamaddu ay eedda u akhriso 18-ka kale ee harsan oo ka harsan eedeysanayaasha kale ee aan weli loo akhrin eeda,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu tilmaamay dacwadda loo heysto ay tahay inay soo galeeb biyaha Soomaaliya ogolaansho la’aan, weliba ruqsad ka heysan dowladda federaalka “Eeed nuxurkeeda waxaa waayey in eedeysanayaashu ay biyaha Soomaaliya soo galeen, iyaga oo aan u heysan ruqsad, sidaasna ay uga qaateen kalluun si sharci darro ah. Waa eedda uu xafiiska xeer ilaaliyaga guud u heysto eedeysanayaasha,” ayuu sii raaciyay. Maxkamadda ayaa sidoo kale tarjumaan gaar ah u diyaarisay ajaaniibtaan, si uu ugu tarjumo, waxayna soo xulatay Aqoonyahay Cali Xaydar oo wax kusoo bartay Iran. “Fadhigan ayaa waxaa tarjumi doono, Insha Allah Cali Xaydar Cismaan oo ah qabiir muddo fog ku noolaa dalka Iran” ayuu mar kale yiri gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay inay iibisay kaluunka ay sida darrada ah ay ula soo baxeen ajaaniibtan oo hadda wajahaya maxkamadeyn. The post Daawo: Halkee ayuu marayaa kiiska xasaasiga ah ee loo haysto 36 qof oo ajnabi ah? appeared first on Caasimada Online.
  17. On the first-year anniversary since Somali Parliamentarians overwhelmingly handed President Hassan Sheikh Mohamud (HSM) a second mandate to lead the country, Somalia has made important strides in numerous spheres, notably in the security sector where the offensive by the Somali National Army (SNA) backed by local militias popularly known as Macawisley Source: Hiiraan Online
  18. Kofi Annan, former Secretary General of the UN described corruption as “insidious plague that has a wide range of corrosive effects on societies, it diverts funds intended for development, undermines the ability of governments to provide basic services, feeds inequalities and injustice, and discourages foreign aid investment” Source: Hiiraan Online
  19. Degaanada hoos yimaadda degmooyinkii asalka ahaa ee gobolka Sanaag waxa jira hal degmo oo qudha oo aanay shalay ka dhicin doorashada Puntland, taasoo ah degmada Ceel Afweyn. Halka ay doorashadu si nabadgelyo ah uga dhacday degaanada hoos yimaadda: Ceerigaabo Laas Qorey Badhan Dhaha Qaran News
  20. Boqor Buurmadow oo kamid ah hoggaanka Dhaqanka Somaliland: “Maanta oo ay tariikhdu tahay 25/5/2023 waxa ay xukuumada Somaliland oggolaatay in ay Puntland doorasho ka qabato dhammaan deegaannada Sanaag sida; Badan, Dhahar, Ceelbuh, Buraan, Ceelaayo iyo meelo kale. Waxa aan garan waayey dawladdu iyada oo Sanaag faraha ka qaadday, sababta loogu dhimmanaayo Laascaanood dadkeedana looqixiyey, maxay ku kala duwanyihiin Labada deegaan? golayaasha qaranku arrrintan maxay ugala xisaab tami waayeen. Dawladda miyaanayse noqonayn ciqaab iyo cadaawad ugaar ah dadka reer Laascaanood.” #PLGE Qaran News
  21. Badhan Iyo Laascaanod yaa ii sheegi kara sabab keliya oo macquul ah uu Muuse ku ogolaadday in Badhan ay doorashada Puntland ka qabsoonto Laascaanoodna ku diidan yahay in Ciidanka uu ka soo saaro si dhiiga daadanaya uu u joogsado Qaran News
  22. Kabul (Caasimada Online) – Inkasta oo aanay danjirayaal badani ku sugnayn caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, haddana danjiraha Shiinaha Wang Yu, ayaa u muuqda mid aad u mashquula. Toddobaadkan, Wang wuxuu la kulmay illaa saddex wasiir oo ka mida xukuumada Taliban. Wasiirada uu la kulmay waxaa ku jiray laba wasiir oo ay si gaar ah u diiddan yihiin diblomaasiyiinta reer galbeedku, sida wasiirka arrimaha gudaha Sirajuddin Haqqani oo Maraykanku madaxiisa dul dhigay $10 milyan oo dollar, iyada ooloo haysto falal argagixiso. Sidoo kale Nida Mohammad Nadem ayuu la kulmay oo isna ah wasiirka waxbarashada sare, kaasi oo loo haysto amarkii uu ku bixiyey inaanay habluhu ka qayb geli karin waxbarashada jaamacadaha. Si taas la midda, Danjiraha Taliban u fadhiya Shiinaha SAyed Muhayuddin Sadaat ayaa isna kulamo joogto ah la leh masuuliyiinta Shiinaha iyo weliba hay’adaha kale ee dalkaas ka dhisan. Shiinaha ayaa kamid ah dalal kooban oo nooc aqoonsi diblomaasiyadeed ah u fidiyey Taliban. Shiinuhu uma aqoonsana Taliban oo keliya inay yihiin xukuumadda sharciga ah ee dalkaas ka talisa, balse wuxuu kale oo ula macaamilaa sidii saaxiib dhow oo dhinaca amniga, ganacsiga iyo maalgashiga ah. The post Maxaa kordhiyay xiriirka Shiinaha iyo Taliban? appeared first on Caasimada Online.