-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland, Xasan Yuusuf Nuur ayaa maanta oo Isniin ah lagu wareejiyay natiijada doorashadii qof iyo cod ee ka qabsoontay Puntland. Mudane Xasan Yuusuf Nuur oo sidoo kale ah guddoomiyaha Maxkamadda dastuuriga ah, ayaa lagu wadaa in uu dhawaan si rasmi ah u shaaciyo natiijada doorashadii 30-ka degmo. Dhinaca kale weli lama sheegin wakhtiga la qabanayo doorashada saddexdii degmo ee Gobolka Nugaal oo khilaafaad siyaasadeed uga haray cod-bixintii guud. Waxay ku soo beegantay, iyadoo ay Garoowe ku soo wajahan yihiin xubnaha Beesha Caalamka oo sida la filayo bogaadin doona doorashadii qof iyo cod. PUNTLAND POST The post Natiijada doorashadii qof iyo cod ee Puntland ka qabsoontay oo maanta lagu wareejiyay Maxkamadda sare appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka falceliyay weerarkii tooska ah ee ay Jimcihii kooxda Al-Shabaab ku qaaday agagaarka xeebta Liido, gaar ahaan hotelka caanka ah ee Pearl Beach, wuxuuna tilmaamay in weli ay halis amni ka jirta halkaasi, sida uu hadalka u dhigay Tuulax ayaa su’aal ka keenay qaabka ay halkaasi ku gaareen xubnaha Al-Shabaab ee weerarka ku galay hoteelkaas, oo ay ka dhex dagaalameen dhowr saacadood. Sidoo kale wuxuu xusay in loo baahan yahay in cashir laga barto weeraradii horay uga dhacay xeebta Liido, si aysan mar kale Al-Shabaab dhibaato uga geysan halkaasi. Guddoomiyaha ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay dhanka badda, wuxuuna tilmaamay inay furan tahahay, isla-markaana ay doomo ku imaan karaan dagaalyahanada Al-Shabaab. “Xeebta Liido markii kowaad ma’aha, markii labaad iyo markii saddexaad ee wax ka dhacaana ma’aha intaas waxaa la rabaa in wax laga barto xagee nimankan ka soo galayaan?. Dhinaca badda waa furan tahay hadda laguma baraarugsana, laakiin beri markii ay badda wax ka dhacaan ayaa la leeyahay waxaa la oran doonaa baddii waa xirnay doomo ayaa geynay macno ma sameyneyso” ayuu yiri guddoomiye hore Maxamed Tuulax. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Haddii ay shalay bariga ka soo galeen, beri waxaa laga yaabaa inay doomo ku yimaadaan oo kaartada ay soo beddaan”. Dhanka kale, Tuulax ayaa ka hadlay amarka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ee la dul-dhigay Bajaajleyda, kaas oo ah in aysan qaadin karin askarta hubeysan, wuxuuna guddoomiye ku xigeenkii hore ku taliyay in go’aanka kastaa lagu saleeyaa waaqica jira. “Amarada la soo saarayo waa in ay waaqiciga jira la socdaan, haddii aaney dhowr bilood wax dhicina micnaheedu ma ahan in ay dhamaadeen Qaraxyadii Al-Shabaab” ayuu yiri. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu baaqay inay u taraan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho. “Maamulka isna waxaa la rabaa inuu fiiriyo dhib maxaa kasoo gaari shacabka?” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. The post Daawo: Halis kale oo ka jirta xeebta Liido kadib weerarkii lagu qaaday Pearl Beach appeared first on Caasimada Online.
-
Shirka Urur goboleedka IGAD ayaa maanta ka furmaya magaalada Djibouti ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti halkaas oo ay isugu tageen madaxda kale duwan ee ka qeyb galaya shirka sanadkaan 2023. Meertada 14-aad ee IGAD ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah,kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin amniga horumarka Gobolka iyo sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa gaaray Jabuuti, waxaana shirkaan uu kusoo aadayaa xilli gobolka ay taagan tahay xaalado dhanka amniga ah iyo isbedelka cilimada oo saameyn badan dhaliyay. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dalalka ku jira IGAD Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda, iyaga oo Jabuuti ay isugu tagtay madaxda ka qeygalaysa shirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (QM) oo si buuxda u ixtiraamaya wadajirka dhuleed, iyo midnimada siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya kana walaacsan colaadda ka taagan Laascaanood ayaa June 7, 2023, ugu baaqay taliska Somaliland inuu si dhaqso leh ciidamada ugala baxo aagga, si heshiis xabbadjoojin ah loo gaaro. Maamulka Somaliland oo soo dhaweeyey baaqa Golaha Ammaanka ee joojinta dagaalka, abuurista xaalad nabadeed aan carqaladayn gargaar aadaminimo iyo xasilloonida Laascaanood ayaa ku adkaystay in xaqiiqada jirta si khaldan looga warhayo. Waxuu ku doodayaa in colaadda ay hurinayaan argaggixiso, inkastoo uusan soo bandhigin wax caddayn ah. Dafiraada waxay muujinaysa in Maamulku uusan u hoggaansamaynin dalabka Golaha Ammaanka oo ah inuu si degdeg ah ugala soo baxo ciidamadiisa Laascaanood. Tan iyo December 2022, Laascaanood waxaa ka taagnaa colaad sokeeye oo maalinba maalinta ka dambeysa sii adkaanaysa in wadahadal lagu gaaro xal macquul ah. Hoggaanka Somaliland waxuu ku fashilay inuu wax ka qabto dilal lagu beegsanayay taniyo 2007, haldooryada deegaanka. Waxuu bannanbaxyada dadku ku weydiisanayeen caddaaladda uga jawaabay rasaas nool oo lala dhaco. Quursiga shacabka ayaa sababay in xiisadda cirka isku shareerto oo ay gaarto: Ma rabno Somaliland. Baaxadda colaadda iyo saamaynteeda barakac ayaa soo jiitay dhaleeceynta caalamka ka walaacsan in khilaafka isu rogo dagaal beeleed lagu hoobto. Maamulka Somaliland oo ka baqay natiijada shirkii looga arrinsanayay masiirka dadweynaha (Ceyn, Sanaag, iyo Sool) ayaa February 6, 2023, weerar ku qaaday magaalada si uu cudud ugu hor-istaago rabitaanka dadweynaha. Duqeymo aan loo meel dayin oo burburiyey kaabayaasha rayidka ee degmada ayay ciidanka Somaliland ka wadaan daafaha Laascaanood. Maamulka Somaliland waxuu ku dhacay khaladaad taariikhi ah. Kacdoonka buluugga ee dadweynaha Ceyn, Sanag, iyo Sool, waxuu soo afjaray tijaabo toban sanadood qaadatay oo is-xukun rayad ah iyo dimuqraadiyad. Xisaabtan xumidda siyaasadeed ayaa soo shaac bixisay in beelaha waqooyiga Soomaaliya wada dega aysan wada qabin hammiga gooni isu-taagga Somaliland. Sidoo kale, maalgashi shisheeye oo ku soo qulqulay ayaa hoggaanka siyaasadda ku yeeshay cawaaqib xumo soo bandhigtay inaan loo sinnayn awood qaybsiga. Muuse Biixi waxuu aamusinta dalabaadka aayo ka tashiga dadka ku lumiyay riyadii wada-xaajood siman [Koonfur iyo waqooyi (Somaliland)] oo isku hor fariista sida “laba shacab iyo dowlado kala duwan”. Sidoo kale, awood isku dhiibka hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo amniga dib u soo kabanaya waxuu dhabar jab weyn ku noqday shisheeyaha u xusul doobayay ictiraaf. Balse, heshiiska lagu soo dhammeyay dagaalkii dhexyiil Dowladda Federaalka Itoobbiya iyo qawmiyadda Tigrayga ayaa soo afjaray kala qaybinta Soomaaliya. Tiraabta ku salaysnayd in Waqooyi lagula kacay xasuuq ay u dhammaayeen nidaamkii Keligiitaliskii iyo shacbiga Koonfur oo ujeeddadiisu ahayd beerlaxawsi bulshada caalamka si loogu helo ictiraaf maamulka Somaliland waxaa cagta mariyay siyaasadda gurracan ee Muusa Biixi oo: Sababtay kacdoonka buluugga ah ee ka dhashay xasuuq iyo cabburun dadweynaha; Gaarsiiyay in Awdal in uu ka abuurmo dhaqdhaqaaq buluug-doon ah; Bannaanka soo dhigay maamulka Somaliland inuu yahay nidaam ku qotoma hal beel oo qura; Lumiyay doorashadii iyo xukun isu dhiibkii lagu yiqiinnay Somaliland oo lagu beddelay muddo kororsii. Dhanka kale, qaraarka Golaha Ammaanka waxaa lagu dhawaaqay June 7, oo ah maalintii Soomaaliya laga saaray “UN trusteeship,” taas waxay hoosta ka xarriqaysaa midnimada dalka Soomaaliyeed inay tahay lama taabtaan. Si taas loo muujiyo waxaa qoraalka qaraarka loo adeegsaday magaca “Somaliland” oo wata astaanta labada bilood (quotation mark). Maamulka Somaliland waxuu halis u yahay cunaqabatayn soo dhaw misna sababtay in ictiraafkii aad usii fogaaday. Colaad sokeeye oo raagta waxay horseeddaa inuu hubka gacanta u galo wax-ma-garatada waxaana ka dhasha fowdo iyo dagaal oogayaal nidaam diid ah. Somaliland waxay ku guuldaraysatay inay wax iska weydiiso dagaalkii sokeeye ee ragaadiyay koonfurta Soomaaliya. Haddii Muuse Biixi iyo maamulkiisa aysan nabad ku raadin xal, dagaal ku soo xeraggelinta Laascaanood beddelin, waxaa laga yaabaa inay golaha ammaanka kaga mutaystaan ciqaab cunaqabateen, si loo baajiyo xasillooni darro ku faafta gobolka. The post MUUSE BIIXI oo ku dhacay khaladaad taariikhi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somalia is reeling from extensive flash and riverine flooding, with a staggering 468,000 people affected and 247,000 displaced as of June 6, according to a report by the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA). Experts argue that this natural disaster, which has emerged in the aftermath of five seasons of prolonged drought, underlines the urgent need for an improved famine and disaster warning system. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa qorshaynaya inuu Shiinaha la yeesho wada-shaqayn fiican, oo aan ku salaysnayn tartan labada dhinac dhexmara, sida uu sheegay wasiirka tamarta ee dalka Sucuudiga oo Axaddii la hadlay warbaahinta, isaga oo intaas ku daray inaanu wax weyn ka soo qaadaynin, tuhunada sii kordhaya ee ay wadamada reer galbeedku ka muujinayaan xidhiidhka sii kordhaya ee u dhexeeya labada dal. Sucuudiga ayaa ah, dalka ugu weyn ee saliidda debedda u dhoofiya, halka dalka Shiinuhuna uu yahay, dalka ugu ballaadhan ee isticmaala shidaalka, waxaana xidhiidhka labada dhinac saldhig u ah, isdhaafsiga shidaalka iyo tamarta. Sidoo kale waxaan meesha laga saari karin oo ku dhex jira iskaashigooda, arrimo taabanaya, sii xoojinta arrimaha ammaanka iyo farsamada casriga ah, inkasta oo Maraykanku uu arrimahan walaac xooggan ka qabo. Wasiirka tamarta ee dalka Sucuudiga oo la weydiiyey, dhaleecaynta loosoo jeedinayo, iskaashiga labada dal, intii uu socday, shirka ganacsiga ee wadamada Carabta iyo Shiinuhu, ayuu sheegay “inaanu wax weyn ka soo qaadayn arrintaas, sababtoo ah ayuu yidhi, ka ganacsato ahaan. waxaad aadaysaa, meesha ay fursaddu taallo” Ganacsatada Shiinaha iyo maalgashadayaal kale ayaa ku qulqulaya caasimadda Riyadh, si ay uga qayb galaan shirka u dhexeeya ganacsatada carabta iyo Shiinaha, kaasoo ku soo aaday, maalmo yar uu ka dib markii dalkaas booqday wasiirka arrimaha debedda ee Maraykanku. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa inta inta xaqiijiyay ku geeriyooday ku dhowaad 10 qof , halka 20 kalena ay jiraan isbitaal, kadib markii uu shil galay Bas siday dad kasoo laabtay aroos oo ka dhacay gobolka Wine ee Australia. Rakaabka ayaa ka soo laabtay aroos ka dhacay goob khamriga lagu iibiyo habeenimadii Axada markii darawalkoodu uu ku qaldoomay Wine County Drive oo u dhow Greta ee Hunter Valley, . Booliska ayaa sheegay in ay baarayaan xaaladihii ka dhashay shilkan. Darawalkii baska oo ahaa nin 58 jir ah ayaa la xiray. Ku-simaha Taliyaha Bilayska NSW Tracy Chapman ayaa sheegtay in martidan lagu casuumay arooska ay u safrayeen Singleton “dabcan guryahooda”. Shilkan ayaa dhacay abbaare 23:30 wakhtiga maxaliga ah – basku wuu soo rogmaday isagoo ka leexanaya agagaarka waddo wayn. Tirada dhimashada ayaa kordhi karta, iyadoo 25 rakaab ah loo qaaday isbitaalka – laba ka mid ah ayaa laga soo qaaday shilka, ayay tiri Ms Chapman. Waxay intaas ku dartay in basku uu weli dhinac u jiifo, suurta galna ay tahay in ay dad ku hoos jiraan, wiish ayaa la keenayaa goobta si baska kor loogu qaado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisal wasaarihii hore ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay si iskeed ah u tagtay saldhiga booliska si ay uga qayb gasho wareysi ay la yeelanayeen ciidamada booliska oo ku saabsan, habka loo maamulay lacago uu lahaa xisbigeeda Scottish National Party. Baaritaan ay wadaan ciidamada boolisku ayay ku eegayaan, sidii loo maareeyey lacag ka badan $754,140 dollar, taas oo ay ururiyeen xubnaha u ololaynayey madaxbanaanida Scotland, sannadkii 2017, taas oo la asteeyey in loo isticmaalo hawlo gaar ah, hase ahaatee ay soo baxday in lacagahaas loo adeegsaday arrimo kale oo aan ahay hawlihii loogu talo galay. Xarigga ra’iisal wasaaraha hore ee Scotland ayaa weji gabax ku noqday, xisbiga SNP, kaas oo ka mida, xisbiyada ugu waaweyn siyaasadda Scotland, labaatankii sano ee ugu dambeeyey. Afhayeen u hadlay xisbiga SNP ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha hore ay u tagtay booliska, si ay su’aalo u weydiiyaan, taas ugu danbayn ay boolisku xabsiga dhigeen, ka dibna ay baaritaan ku sameeyeen. PUNTLAND POST The post Ra’iisal wasaarihii hore ee Scotland oo Xabsiga loo taxaabay appeared first on Puntland Post.
-
WHO employee killed in terrorist attack on hotel in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Attack targeted popular beachside hotel frequented by government officials Source: Hiiraan Online -
Garoowe (Caasimada Online) – Kadib booqashadii wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ay ku tagtay Garoowe, waxaa soo baxdey in wadahadlkii Puntland iyo dowladda federaalka ah oo khilaaf weyn u dhexeeyey uu dib u billaabmayo. Catriona Laing ayaa Madaxweynaha Puntland ka codsatay in uu ka qaybqaato geedi socodka dowladnimada Soomaaliya, oo wadahadalka dib u billaabo. Hase yeeshee, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland ku adkeystey in aanu u aqonsaneyn kooxda Golaha Qadatashiga Qaran kuwo dastuuri ah oo gaari kara qodobo masiiri ah oo taabanaya dastuurka, laakiin wixii kala dhexeeya dowladda federaalka ah ay diyaar u yihiin in ay ka wada hadlaan. Xogta ayaa intaas ku dareysa in Siciid Cabdullaahi Deni uu billaabey wadatashi ku aadan dib u billaabashada wada-hadalka, waxaana uu kulamo la qaatey guddigii wada xaajoodka ee uu magacaabey bishii Janaayo ee sanadkan 2023 iyo guddi khubaro ah oo ka soo talo bixinayey wada-hadalka iyo doodda Puntland qabto. Guddigan oo ka kooban 22 xubnood waxaa hoggaamiya guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, waxaana ku xigeen u ah wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxaa. Weli xog hoose lagama helin qodobada miiska u saaran madaxweyne Deni iyo guddiga oo haatan shirkoodu socd,o waxaase lagu wadaa in ay dhawaan guddigu warbaahinta la hadlaan. Waxaa taasi xigi doonto in dhawaan Puntland ay soo bandhigto mowqifkeeda ku aadan wada-hadallada dowladda federaalka. Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Ra’iisul Wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa dhawaan soo saarey heshiis wax looga beddelayo hannaanka doorashooyinka dalkaas. Heshiiskaas ayaa waxaa ka horyimid dhinacyo badan, oo ay ku jiraan Puntland, siyaasiyiin dalka xilal sare uga soo qabtay iyo xildhibaano. The post Puntland oo shaacineysa mowqfi ku aadan wadahadal ay la gasho DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
The Ethiopian government on Saturday criticised a move by two major aid organisations to halt the sending of food assistance to the country after discovering it was being diverted from those who need it. Source: Hiiraan Online
-
Declaration comes two weeks after army chief called for diplomat’s removal. UN chief Antonio Guterres said at the time that he was ‘shocked’ by request. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeelatay danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya, Ahmed Juma Al-Rumaythi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo quseeya xaaladda guud ee Soomaaliya oo haatan wajaheyso xaalado adag oo isbiirsaday. Qoraal kasoo baxayn UNSOM ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya, si gurmad loogu fidiyo dadka ay saameeyeen abaaraha. Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday sidii loo kordhin lahaa taageerada dhaqaale ee la siiyo dowladda federaalka, si ay wax loogu qabto dhinac muhiimka ah. “Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxaa ka mid ahaa taageero dhaqaale iyo mid bini’aadantinimo oo loo fidiyo Soomaaliya, ka hor warbixinteeda soo socota ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, kaasoo Imaaraadku uu hayo xilka madaxtinimada bisha Juun” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxaya xafiiska Qaramada Midoobay. Catriona Laing oo ah ergeyga cusub ee QM ee Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday magaalada Muqdisho, ayada oo sidoo kale gaartay Jowhar iyo Garoowe oo ay kula soo kulantay madaxda dowlad goboleedka HirShabelle iyo Puntland. Dhankiisa Imaaraadka ayaa haatan dhaq-dhaqaaq culus ka wada Soomaaliya, isaga oo dadaal badan ku bixinaya dhinaca ciidamada oo uu horay awood ugu lahaaa. Soomaaliya ayaa haatan dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab, waxayna dowladda federaalka ay hadda taageero dhaqaale iyo mid milatari u raadineysay howlgalkeeda. The post QM iyo Imaaraadka Carabta oo ka wada-hadlay arrimo ku saabsan Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
No Iqama renewal for expat doctors with 10 Years in KSA 11-Point Plan to Revamp Health Sector The Minister for Health, Tawfiq Al Rabiah has announced an 11-point plan which has been aimed at the complete revamping of the Health Sector and also at streamlining the Ministry of Health. The minister of health wants to make all of the procedures into an electronic format in order to increase the efficiency and effectiveness of the management of all of the government-owned and run hospitals. No Administrative Positions for Doctors The specialists and doctors will not be holding any administrative positions in accordance with this new 11-point agenda brought forward by the Minister of Health, Tawfiq Al Rabiah. All the doctors and specialists will now only focus on their respective areas of expertise and not on the management or organization of the hospital. No Iqama Renewal for Expat Doctors > 10 years According to the proposed plan, all of the expatriate specialists and doctors who have spent a period of more than 10 years in the Kingdom will not be able to renew their residency or work permits (also known as Iqama) anymore. No Iqama Renewal for Expat Consultants 15 years All of the expatriate consultants who have resided in the Kingdom for a period of more than 15 years will also not be allowed to renew their residency or work permits. None of the expatriate doctors will be allowed to hold any sort of administrative position at any of the government or state-run hospitals. Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Madaxa labadda masjid ee barakaysan ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ku dhawaaqay qorshaha hawl-galka ee xajka ee sanadkan, oo aad iyo aad u ballaaran. Qorshaha howlgelinta oo ballaaran, ayaa waxaa ku dhawaaqay Dr. Abdulrahman bin Abdulaziz Al-Sudais, iyadoo uu goobjoog ka ahaa wasiirka Xajka iyo Cumrada ee dalka Sucuudiga, Dr. Tawfiq bin Fawzan Al-Rabiah. Qorshaha ayaa wuxuu diiradda lagu saarayaa dhawr qeybood oo waaweyn, oo la xiriira himilooyinka istiraatijiyadeed ee dowladda, ee ku wajahan Xajka sanadkan 1444-ta ee Hijriyada oo ku salaysan Hiigsiga boqortooyada Sucuudiga ee 2030-ka. Al-Sudais oo khudbad dheer ka jeediyay madasha warbaahinta, ayaa waxa uu yiri “Qorshaha hawlgelinta xajka ee sanadkan waa kii ugu ballaarnaa ee soo mara madaxtooyada lagaga arrimiyo Sucuudiga, kadib markii uu dhamaaday xanuunka cudurkii Covid19, isla markaana lagu dhawaaqay dib usoo celinta arrimihii xujaajta kuwaasoo gaaraya malaayiinta, sida ku cad nidaamka isku dhafan ee adeegyada ay diyaariyeen hoggaanka.” Waxa uu intaa ku daray in qorshahani uu yahay mid lagu kordhinayo guulaha muuqda, iyo himilooyinka fog ee lagu soo bandhigay awaamiirta kasoo baxday Xukuumadda, oo uu ugu horeeyo Ilaaliyaha Labada Masjid ee Barakeysan Boqor Salmaan iyo Dhaxalsugaha Boqortooyada, kuwaasi oo si dhow ula socda dhammaan adeegyada loo fidiyo Xujaajta. Dhinaca adeegyada dadka looggu gargaarayo samafalkana ah, Al-Sudais, ayaa waxa uu sheegay in Madaxtooyadu in ka badan 8,000 oo shaqaale iskaa wax u qabso ah ay ka hawl galisay labada Masjid ee Barakaysan oo toban goobood ah, iyo in ka badan 200,000 oo saacadood oo iskaa wax u qabso ah in la shaqeyn doono, inta lagu guda jiro xilliga Xajka. Si kor looggu qaado doorka hanuuninta ee labada Masjid ee Xaramka, ayaa mas’uulka wuxuu carrabka ku adkeeyay in madaxtooyadu ay bixiso adeegyo tarjumaad, hagid goobeed, iyo macluumaadka xujeyda, oo ku qoran 51 luqadood oo caalami ah, taasoo laga qeybin doono 49 saldhig. Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dr. Tawfiiq Al-Rabiah, ayaa intii uu socday daahfurka qorshaha howlgelinta ka hadlay is dhexgalka, iyo isku xirka Wasaaradda Xajka iyo Madaxtooyada guud ee Arrimaha Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga, ee loogu adeegayo xujeyda. gaar ahaan iyadoo tirada xujeydu ay malaayiin qof ugu soo noqdeen, isla markaana ay u fidiyeen adeegyadii ugu wanagsanaa, si ay ugu gutaan cibaadadooda xasillooni iyo raaxo. Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa kolkani waxay shaaca ka qaadeen qorshihii ugu ballaarnaa ee abid, kaasoo la xiriira gudashada waajibaadka Xajka ka hor xilliga xajka ee soo socda, iyadoo xannibaadihii tirooyinka dadka la qaaday markii ugu horreysay, tan iyo markii uu dillaacay cudurkii dunida aafeeyey ee COVID-19. Shaqaale gaaraya 14,000 oo shaqaale ah, iyo in ka badan 8,000 oo mutadawiciin ah, ayaa la geyn doonaa garoonka, si ay u caawiyaan malaayiinta xujeyda ah ee la filayo inay sanadkan ka qeyb qaataan Xajka. The post Dowladda Sacuudiga oo ku dhawaaqay qorshihii ugu ballaarnaa ee la xiriira Xajka appeared first on Caasimada Online.
-
Boqor Osman Buurmadow Ayaa Qormadan Qoray ” Waxaan Si Kal iyo Laab Ah U Hanbalyaynayaa Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif Waxaanan Aaminsanahay inuu U Tudhay Golihii iyo Umadii Hore U Dooratay Iscasilaadiisa Waxaa Soo Dedejiyey Kolkuu Arkay Xukuumada Madaxwayne Biixi Oo Aan U Tudhayn Shacabkeeda Sharciga Dalka iyo Umadii Aamintay Waxaynu Xogagaal Ka Nahay Sharciga Jebinta Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Sare, Waxaynu Kale Oo Xog Ogaal Ka Nahay Inay Xukuumadu Saaka Ka Shaqaysay Inay Golaha Ka Dhex Bilawday Kala Qaybin Si Ay Ugu Sii Adkaysato Sharci Daradii Maxkamada, Waxaan Ka Mid Ahaa Dadkii Gudoomiye Cabdirisaaq Kula Taliyey Inuu isagu Badbaadiyo Golihii Uu Odayga U Ahaa Maadaama Gudoomiye Cabdirisaaq Si Hufan Xilkii Uga Degay , Waxaan Barlamaanka Kula Talin Lahaa In Aanay Ku Mashquulin Furida Xeer Hoosaadka Ee Keliya Ay Ku Mashquulaan Golaha Inay U Doortaan Gudomiye Haga Geedi Socodka Golaha Baarlamanka Maadaama Wakhtigaa Distoorku Ogolyahay Yahay Jagada In Lagu Buuxiyo Todoba cisho Halaga Fogaado Wax Keeni Kara Khilaaf Golaha Kala Firdhiya, Xildhibaanadu Ha Muujiyeen Deganaan Iyo Xilkasnimo Illaahay Haynoo Dooro Hogaan Khayr Qaba “ Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti. Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya Meertada 14-aad ee IGAD oo sanadkaan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka Madaxweynaha ayaana soo bandhigi doona doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Ururu Goboleedka IGAD. Hoggaamiyaasha dowladaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudan, mideynta dadaallada heer gobol ee ciribtirka argaggixisada, xoojinta isdhexgalka gobolka, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada. VOS Somali TV Qaran News
-
Roobab dabaylo wata ayaa Axaddii maanta ka da’ay magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, iyadoo waddooyinka ay isu beddeleen webiyo, baabuurna ay qaadeen. Fatahaaddan ayaa timid kadib markii roobab xooggan ay ka da’een xeebaha Badda Madow ee dhanka Waqooyi ee dalkaasi. Roobab xooggan oo galabta ka curtay magaalada, ayaa waxaa waddooyinka qaar ka sameysmay balayo, waxaana buux dhaafay goobihii ganacsiga, waxaana hakad ku yimid isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Magaalada ankara. Adeegga Cimilada ee Turkiga ayaa saadaaliyay roobab mahiigaan ah oo maalmaha axada iyo Isniinta ah ka da’aya Badda Madow, xeebta Aegean iyo galbeedka badda Mediterranean-ka. Shiine Cilmi kaahin Qaran News
-
London (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa la xidhay, iyada oo saldhiga lagu hayey illaa toddoba saacadood, ka dib markii ay si iskeed ah u tagtay saldhiga booliska si ay uga qayb gashay waraysi ay la yeelanayeen ciidamada booliska oo ku saabsan, habka loo maamulay lacago uu lahaa xisbigeeda Scottish National Party. Baadhista ay wadaan ciidamada boolisku ayay ku eegayaan, sidii loo maareeyey lacag ka badan $754,140 dollar, taas oo ay ururiyeen xubnaha u ololaynayey madaxbanaanida Scotland, sannadkii 2017, taasoo la asteeyey in loo isticmaalo hawlo gaar ah, hase ahaatee ay soo baxday in lacagahaas loo adeegsaday arrimo kale oo aan ahay hawlihii loogu talo galay. Xadhiga ra’iisal wasaaraha hore ee Scotland ayaa weji gabax ku noqday, xisbiga SNP, kaas oo ka mida, xisbiyada ugu waaweyn siyaasadda Scotland, labaatankii sano ee ugu dambeeyey. Sturgeon ayaa sannadkan bilawgiisii waxay ka degtay xilka. Afhayeen u hadlay xisbiga SNP ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha hore ay u tagtay booliska, si ay su’aalo u weydiiyaan, taas ugu dambayn ay boolisku xidheen, ka dibna ay baadhitaan ku sameeyeen. Nicola Sturgeon ayaa sheegay inay la shaqaynayso ciidamada booliska ee baadhitaanka wada, haddii ay ka dalbadaan. Reuters. The post Ra’iisul wasaarihii hore ee Scotland oo la xiray appeared first on Caasimada Online.
