-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Belgrade (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Belgrade ee dalka Serbia ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan dowladda waddankaasi. Guddoomiye Madaale ayaa waxa uu kulan la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Šapić. Labada masuul ayaa kulankooda waxay uga wada-hadleen arrimo dhowr ah oo qeyb ka tahay iskaashiga maamulka labada caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade. Kulankan waxaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ku wehlinayay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo diplomaasiyiinta ka howl-gala safaarada. Labada guddoomiye ayaa sidoo kale ka wada-hadlay dib u mataaneynta labada caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade iyo weliba in khubaro injineero ah loo soo diro Muqdisho, si ay daraasad rasmi ah ugu sameeyaan habka biyo-mareenka caasimadda Muqdisho. Khubaradan ayaa sidoo kale daraasad ku sameyn doona qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gargaarka deg-degga ah, gaadiidka waxbarashada iyo maareynta saxmadda magaalada. Guddoomiye Madaale iyo Aleksandar Šapić ayaa isla qaatay xoojinta xiriirka labada magaalo, iyada oo Duqa Balgrade uu soo bandhigay keydka xusuus dhowrka Belgrade, oo ay ku aruursanaayeen wada-shaqeyntii ka dhaxeesay labada caasimadood xilliyadii ay Muqdisho Duq magaalo ka ahaayeen Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Mudane Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Faarax, taasi oo muujineysa xiriirka soo jireen ee labada magaalo. Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga dowladda Serbia Col. Milos Andjic. Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyay sida ay Serbia gacan uga geysaneyso dowlad dhiska Soomaaliya iyo qaar kamid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku takhasusay dhismayaasha buundoonyinka, wadooyinka iyo uruurinta dakhliyadda canshuurta. The post Sawirro: Madaale oo kulamo ka wada SERBIA appeared first on Caasimada Online.
-
New Delhi (Caasimada Online) – Shirweynaha sanad-laha ah ee horumarinta, ganacsiga, warshadaha, iyo iskaashiga Hindiya iyo Afrika (India Africa growth partnership) ayaa ka furmay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya. Shirweynahan ayaa waxaa dowladda federaalka Soomaaliya ku matalayay danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir. Shirweynaha 18-aad ee Hindiya iyo Afrika oo soconaya muddo sadax maalin ah ayaa waxaa looga hadlayaa dhinacyada kala duwan ee horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo tiknoolajiyada. Waxaa marti-galisay shirkaan dowladda Hindiya, halka dowladaha Afrika ay ka socdeen wakiilo iyo diblomaasiyiinta ku matala Hindiya. Shirkaan ayaa waxa inta badan diiradda lagu saaraya arrimo ay kamid yihiin iskaashiga qeybta hawada ee Orbit-ka, sahminta hababka cusub ee kobaca maalgalinta, wax ka beddelka kaabayaasha horumarinta Afrika iyo wax soo saarka suuqyada guud ee Afrika. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah abuurista iskaashiga waxbarashada, horumarinta xirfadaha iyo iskaashiga tiknoolajiyada casriga ah. Dowladdaha Hindiya iyo Afrika ayaa inta badan yeesha kulamo kala duwan oo ay ku gorfeeyaan arrimaha gancsiga, dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo guud ahaan xiriirka soo jireenka ah ee Hindiya iyo Afrika. The post Sawirro: DF Soomaaliya oo shir nooc cusub ah uga qeyb-galeysa magaalada Delhi appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Shirkad qaabilsan ammaanka Computer-ada oo laga leeyahay Maraykanka oo lagu magcaabo Mandiant ayaa Khamiistii sheegtay in kooxo abaabulan oo taageero ka helaya dawladda Shiinuhu inay jabsadeen aaladaha computer-ada ee boqollaal shirkadood oo caalamka oo dhan ku kala yaalla. Waxaa qeyb ka ah kuwa la jabsaday oo ku jira hay’ado dawli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay, sida ay shaacisay shirkadda Mareykanka ee Mandiant. In ku dhow 30% aadalaha la jabsaday waxaa iska leh dawlado kala duwan oo caalamka ah, kuwaas oo ay ku jiraan wasaarado arrima debedeed oo hayey shaqooyin muhiima. Charles Carmal oo ah madaxa farsamada ee shirkadda Mandiant ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay, basaasnimadii ugu ballaadhnayd ee dhinaca Internetka ee ay qaaddo dawladda Shiinuhu, waxaana tallaabadan la fuliyey horraantii sannadkii 2021. Computer-ada loo dhacay ayaa gaadhaya, tobanaan kun oo computer. Shirkadda ayaa sheegtay in farsamooyinka loo adeegsaday in loo dhaco aaladaha computer-adan, inay sabab u ahayd, ka dib markii kooxdani ka warheshay, in qaar ka mida cinwaanada email-ada ee laga isticmaalo dunidu, inay leeyihiin, meelo sahlan oo ay fududahay in loo dhaco cidda adeegsanaysa ama computer-ada lagu isticmaalayo. Kooxahan wax basaasaya ayaa fariimo emailo ah u diray hay’adaha iyo wasaaradaha ay bartilmaameedsadeen. Markasta oo fariintaas la furona, waxay awood u yeesheen inay si qarsoon u xadi karaan macluumaadka ku kaydsan. Xogtan ayaa tilmaamaysa in ururadaas ay 55% ku yaalliin Ameerica, halka 22% ay ku yaalliin Asia, 24% Yurub, Bariga dhexe iyo Africa. The post Shiinaha oo lagu eedeeyey inuu jabsaday boqolaal hay’adood iyo wasaarado appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuuuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa kulan la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Šapić. Kulanka ayaa waxaa Duqa Muqdisho ku wehliyay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, Agaasimaha Xariirka Dibadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, La-taliyeyaal ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar iyo Diplomaasiyiin ka howl-gala Safaarada Soomaaliya. Duqa Muqdisho iyo dhiggiisa Belgrade ayaa ka wada hadlay dib u mataaneynta labadda caasimadood, iskaashiga labada dhinac ee horumarinta Caasimadda Muqdisho, iyadoo hortabin la siinaayo xal u helida biyo-mareenada, kaabayaasha isu socodka gaadiidka oo ay ugu horeeyaan dhismaha wadooyinka, gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gargaarka deg deg ah, gaadiidka waxbarashadda iyo maareynta samxada Magaaladda. Guddoomiye Madaale iyo Aleksandar Šapić ayaa isla qaatay xoojinta xiriirka labada Magaalo, iyadoona Duqa Balgrade uu soo bandhigay keydka xusuus dhowrka Belgrade, oo ay ku aruursanaayeen wada-shaqeyntii ka dhaxeesay labada Caasimadood xilliyadii ay Muqdisho Duq Magaalo ka ahaayeen Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Mudane Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Faarax, taasi oo muujineysa xiriirka soo jireen ee labada Magaalo. Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Dowladda Serbia Col. Milos Andjic, oo uu uga mahad celiyay sida ay Serbia gacan uga geysaneyso Dowlad dhiska Soomaaliya iyo qaar ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku takhasusay dhismayaasha buundoonyinka, wadooyinka iyo uruurinta dakhliyadda canshuurta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee meel-mariyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee wax looga beddelay hanaanka doorashooyinka dalka. Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo la horgeeyay go’aamaddii kasoo baxay shirkii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranja. Shirkan oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka, Goloha ayaa sidoo kale la hor-geeyay sharciga doorashooyinka, ayada guddiga doorashooyinka madaxa-banaan laga dhageystay warbixin. Guddiga doorashooyinka ee horay u dhisnaa islamarkaana waday howlaha doorashada maamulka Galmudug ayaa sidoo kale ka warbixiyay sida ay isu waafaqsan yihiin qodobbadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatshiga Qaran iyo sharciga doorashooyinka. Golaha ayaana dood dheer kaddib cod aqlabiyad ah oo gacan taag ah ku ansixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran iyo sharciga doorashooyinka. Dhinaca kale, Golaha wasiiradda Galmudug ayaa shirkii maanta waxay warbixin uga dhageysteen wasaaradda amniga maamulka Galmudug. Wasaaradda ayaa golaha warbixin la wadaagtay buuxda oo ku saabsan amniga iyo qorshaha dagaalka wejiga labaad ee argagixisada looga xoreynayo deegaannada ay kaga sugan yihiin dhulka dowlad-goboleedka Galmudug. Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor keentay Golaha xeerka degmeynta laba degmo, waxaa lagu ansixiyay shirka in loo aqoonsado Gadoon iyo Godinlabe laba degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka maamulka Galmudug. Kulanka Golaha Wasiirrada dowlad-goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale waxaa maanta lagu ansixiyay sharciga dhulka Galmudug. Ugu dambeyntiina madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug ayaa golaha faray in la dardar-galiyo howlaha shaqo ee xukuumadda oo ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhawaan billaaban doona. The post Maamul goboleedkii ugu horreeyay oo meel-mariyay heshiiskii Golaha Wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed Maxamud Macallin ayaa lataliye sare u magacaabay Cabdullahi Qoodax Barre oo ah rugcaddaa siyaasi ah oo dalka ka soo qabtay xilal fara badan. C/llaahi Goodax Barre waa siyaasi, waxaana uu xilal kale duwan kasoo qabtay dowladda federalka ah ee Soomaaliya, isaga oo noqday Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Xukuumaddii Kheyre. Sanadkii 2014-kii ayuu soo noqday wasiirka arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta, xilliguu uu ahaa Ra’iisulwasaaraha C/weli Maxamed Cali intii u dhaxeysay 2014 ilaa 2016 oo madaxweyne ahaa Xasan Shiikh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - Prominent figures, including five state officers and two civilians, have been arrested by Thai law enforcement, implicated in an illegal seafood trade sourced from a Somali fishing vessel. Deputy National Police Chief Pol Gen Surachate Hakparn confirmed the arrests, underscoring the extensive reach of illegal fishing operations in Somali waters. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Dr. Ali Haji Adam ayaa soo xirey Shir waynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka (NHWS2023) oo labo maalin ka socday Hotelka jazeera ee magaalada Muqdisho. Shirka ayaa ahaa mid muhiim u ah bulsho waynta Soomaaliyeed maadaama qorshuhu yahay sidii loo helli lahaa Shaqaale Caafimaad oo tayo leh taas oo kor u qaadeysa guud ahaan tayada iyo adkaysiga Caafimaadka Soomaaliya. Intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay doodo, Cilmibaarisyo kala duwan oo dhamaan ku saabsanaa horumarinta Caafimaadka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Shaqaalaha Caafimaadka, waxaana sidoo kale Shirka laga soo jeediyey Khudbado kala duwan oo lagu dul istaagey hiigsiga tayeynta Caafimaadka iyo Shaqaalaha maadaama qeybta Caafimaadka ay ka mid tahay qeybaha ugu muhiimsan bulshada. Shirka Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka ayaa laga soo saarey Warmurtiyeed ballaaran oo lagu faahfaahiyey nuquladii kasoo baxay shirka socday mudada labada maalin ee ay kasoo qeybgaleen dhamaan dhinacyada uu quseeyo Caafimaadka. Munaasabadda Xiritaanka Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka waxaa kasoo qeybgaley Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiiro heer federaal ah, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno ka socda Hey’addaha Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka, bahwaynta Caafimaadka Soomaaliya, Xubno ka socda xarumaha Caafimaadka dalka xirfadlayaasha Caafimaadka, siyaasad-dejiyeyaasha, iyo daneeyayaasha Caafimaadka dalka oo dhan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka 23-aad ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka. Kulankaan oo ajendihiisu ahaa hakinta fadhiga golaha inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka iyo fasaxa Ciidda iyo ajandeynta warbixinnada la xisaabtanka xukuumadda. Kulanka ayaa inta uu socday waxaa lagu go’aamiyay in la hakiyo fadhiga Golaha laga bilaabo maalinta Sabtida ah oo ku beegan 17-Juun 2023-ka. Fadhiga Golaha ayaa sida lagu gaaray kulankaan dib loo furi doono 5-ta Bisha Luuliyo ee sanadkaan 2023-ka, sida uu shaaciyay guddoonka golaha. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay in xukuumadda federaalka ay soo gudbiso xisaab-xirka miisaaniyadda, iyaga oo faray in ugu dambeyn 30-ka Juun soo gudbiyaan, si waafaqsan qodobka 102-aad Faqradda 1-aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS. Shalay ayay aheyd markii Golaha uu yeeshay kalfadhiga saddexaad kulankiisa 5-aad, kaasi oo uu ajandihiisu ahaa hadal jeedinta warbixinta guddoomiyaha Golaha Shacabka kulamadii aan caadiga aheyn ee guddiga joogtada ee Golaha iyo akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedka howl-gabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka. Kulankaas ayaa goluhu iskula qaatay in Golaha Wasiiradda mid mid loogu yeero, lana bilaabi doono todobaadyada soo aaddan su’aalooyinna lagu weeydiin doono Golaha hortooda. Si kastaba, Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla dhowr ajande oo qaarkood qabyo u ah, sidoo kale shuruuc kala duwan oo kasoo gudubtay Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka, iyo weliba qorshaha wax ka bedelka Dastuurka, oo dood badan dhaliyay. The post Kulamada Golaha Shacabka oo la hakiyay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
The United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (UNOCHA) disclosed that an ongoing cholera outbreak in Ethiopia has claimed 153 lives so far. Source: Hiiraan Online
-
The Somali government last week issued a public statement announcing that the seven presidents of the EAC countries had signed off the verification report, paving the way for its admission into the bloc, Taarifa Rwanda writes from the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
NAIVASHA, Kenya, June 15 (Xinhua) -- The Food and Agriculture Organization (FAO) of the United Nations on Thursday launched a project in Kenya's lakeside town of Naivasha to protect staple food crops from devastating losses caused by the African armyworm, a pest which can destroy up to 100 percent of staple foods if left uncontrolled. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada beesha caalamka ee ka howl-gala gudaha Soomaaliya. Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay danjireyaasha dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika. Madaxaweynaha ayaa wakiilada caalamiga ah waxa uu kala hadlay in Soomaaliya laga taageero xaqiijinta go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka, si loo hirgaliyo hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha. Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu sheegay in haddii la hirgeliyo hanaankaasi doorasho ay saamayn wanaagsan ku yeelan doonto geeddi socodka siyaasadda dalka iyo soo kabashada dowladnimadeenna. Sidoo kale waxa uu dul istaagay dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay taageero caalami ah si loo daboolo baahida baaxadda leh. Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay shacabka iyo dowladdaba u leedahay xaqiijinta qorshaha sannadka 2024 ee ku aaddan meel-marinta go’aamada masiirka ahaa, kuwaas oo ku saleysan in awoodda dib loogu celiyo shacabka, hirgelinta qorsha ciidamanka xooga dalka ay kula wareegayaa amniga dalka iyo cirib-tirka argagixisada Al-Shabaab. Danjireyaasha dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka khawaarijta Al Shabaab. Sidoo kale waxay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ku garab taagan yahiin qorsheyaasha mudnaanta u leh xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meel-marinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran. Kulankaan ayaa qeyb ka ah sida la fahamsan yahay qorshaha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu taageero ugu raadinayo heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo madax hore iyo siyaasiyiin miisaan culus ay si adag uga horyimaadeen. Maalmo kahor unbay aheyd markii madaxda uru goboleedka IGAD ay beesha caalamka ugu baaqeen in dowladda federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meel-marinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya. The post Xasan Sheekh oo beesha caalamka ka helay taageero culus oo la xiriirta… appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada Beesha Caalamka ee ka howlgala dalkeenna ayaa kala hadlay in Soomaaliya laga taageero xaqiijinta go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka si loo hirgaliyo hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha, taasoo saamayn wanaagsan ku yeelan doonta geeddi socodka siyaasadda dalka iyo soo kabashada dowladnimadeenna. Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay taageero caalami ah si loo daboolo baahida baaxadda leh. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Shacabka iyo dowladdaba u leedahay xaqiijinta qorshaha sannadka 2024 ee ku aaddan meelmarinta go’aamada masiirka ahaa, kuwaas oo ku saleysan in awoodda dib loogu celiyo shacabka, hirgelinta qorsha Ciidamanka Xooga Dalka ay kula wareegayaa amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada Al shabaab. Dhinaca kale Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka Al Shabaab, iyaga oo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab taaganyahiin qorsheyaasha mudnaanta u leh Xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meelmarinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Galcad (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo is kaashanaya ay howlgal culus ka sameeyeen duleedka degmada Galcad ee gobolkaasi. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa inta u dhexeysa Galacad iyo deegaanka Baraag Sheekh Caamir. Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Maxamed Jowle ayaa xaqiijiyay in howlgalkan lagu dilay illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku sugnaayeen aagga tuulada Aflax oo hoostagta magaalada Galcad. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay la wareegeen hub iyo gaarid NOAH ah oo ay wateen raggaas oo uu ku eedeeyay inay dhibaato ku hayeen dadka deegaanka. Maxamed Jowle ayaa xusay in kooxdan ay si dhuumaaleysi ah uga howlgalayeen halkaas, isla-markaana ay muddo ku raad-joogeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay miinooyin ku aasi jireen waddooyinka ay isticmaalaan dadka safareyda ah, sidoo kalena ay maraan ciidamada huwanta. Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas oo ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaalada Galcad oo ay dhowr jeer soo weerareen Al-Shabaab. Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Galgaduud iyo Mudug. The post Xubno Shabaab ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Galcad appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka. Golaha ayaa warbixin buuxda oo ku saabsan amniga iyo qorshaha dagaalka wajiga labaad ee argagaxisada looga xoreynayo deegaannada ay kaga suganyihiin dhulka Dowladda Galmudug ka dhageystay wasaaradda Amniga. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor keentay Golaha xeerka degmeynta laba degmo, waxaa lagu ansixiyay shirka in loo aqoonsado Gadoon iyo Godinlaba degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka Dowladda Galmudug. Goloha ayaa sidoo kale la hor keenay Hishiiskii Madasha Wadatashiga Qaran iyo sharciya doorashooyinka, guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan ayaana ka warbixiyay sida ay isu waafaqsanyihiin qodobbadii kasoo baxay Shirkii Madasha Wadatshiga Qaran iyo Sharciga Doorashooyinka. Golaha ayaana dood dheer kaddib cod aqlabiyad ah oo gacan taag ah ku ansixiyay Hishiiskii Madadasha Wadatashiga Qaran iyo Sharciga Doorashooyinka. kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug ayaa sidoo kale maanta lagu ansixiyay sharciga dhulka Galmudug. All reactions: 5959 Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta war cusub kasoo saartay xiisadda dagaal ee weli ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Madaxweyne Saciid Deni oo ka hor hadlayay golaha wakiilada Puntland ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan baaqa kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku aadan in Somailand ag ciidamada milatariga kala baxdo aagga magaalada Laascaanood. Deni ayaa ku goodiyay haddii ay Somaliland ka dhaga fureysato baaqaas ay si toos ah ula safan doonaan ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatumo ee ku sugan magaaladaasi. “Dowladda Puntland waxay si aan qarsoodi lahayn u garab-istaagi doontaa shacabka reer SSC haddii maamulka Muuse Biixi Cabdi uu ka dhega-fureysto baaqyadda Golaha Ammaanka iyo inta nabada jecel oo ah in uu ciidamadiisa kala baxo magaalada Laascaanood” ayuu kudbaddiisa ku yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo dul qaadan karin dhibaato u sheegay in Somaliland ay ku heyso dadka reer Laadcaanood. Hadalkana ayaa daba socda go’aankii Golalaha Ammaanka ee QM oo dhowaan ku baaqay in ciidamad Somaliland si degdeg ah looga saaro goobaha lagu dagaalamay, kuna boorriyay dhammaan dhinacyada in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan ficillada daandaansiga iyo waxyaabaha kicin kara iyo hadallada hurinaya colaadda si xaaladda dagaalka loo joojiyo. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale dhamaan dhinacyada xasuusiyey waajibaadka ka saaran xeerka caalamiga ah, ee uu ka mid yahay xeerka caalamiga bani’aadannimada ee xaaladahan oo kale quseeya. Waxay sidoo kale dhammaan dhinacyada ku boorriyeen inay la xisaabtamaan kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada Xeerka Caalamiga ee Bani’aadannimada iyo xadgudubyada iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha. Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana ciidamada labada ay haatan isku horfdhiyaan duleedka magaalada , gaar ahaan aagga dhaanka xerada Goojacadde. The post DENI oo shaaciyey tallaabo ay qaadayaan haddii ay Somaliland diido qaraarkii QM appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ugu dambeyn gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kadib markii uu dhowaan isaga baxay guud ahaan maamulka Somaliland. Khaliif ayaa kulan hordhac ah madaxtooyada Puntland kula yeeshay madaxweyne Saciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash oo si ballaaran ugu soo dhaweeyay magaalada Garoowe oo uu tegay markii ugu horeysay, tan iyo markii uu is casilay todobaadkan uun. Sidoo kale labada dhinac ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku aadan dagaalka Laascaanood, maadaama ay weli duqeymo ku socdaan magaaladaasi. Marka laga tego sawirrada kulanka oo la faafiyay ma jiro wax faah faahin ah oo ay labada dhinac ka bixiyeen kulankaas oo ku soo aaday, xilliu xasaasi ah. Cabdirisaaq Khaliif ayaa 11-kii bishaan June, 2023 iska casilay xilka guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan magaalada Laascaanood. “Waxaan iska casilay xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinimadii golaha iyo xisbigii Waddani ee aan ka tirsanaa,” ayuu is casilaaddiisa ku yiri Cabdirisaaq Khaliif. Sidoo kale waxa uu iska casilay xisbiga Waddani oo uu ka tirsanaa, taasi oo ka dhigan inuu gebi ahaanba ka baxay siyaasadda Somaliland, sida ay hore u sameeyeen siyaasiyiin ku deegaan ah. Ninkan oo si weyn ay u kala fogaadeen Somaliland kadib dagaalka dhowrka bilood ka socda Laascaanood ayaa tallaabadan qaaday kadib xukuumadda Somaliland ay ka gudbisay dacwd ay ku dalbaneyso in la laalo xubinnimadiisa Golaha Wakiillada. Si kastaba, tagistiisa Garoowe ayaa sii hurineysa xiisadda haatan Puntland kala dhexeysa Somaliland, taas oo sii laba kacleysay, kadib markii uu qarxay dagaalka Laascaanood. The post Cabdirsaaq Khaliif oo ka degay Garoowe + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (HOL) - Puntland regional state President, Said Abdullahi Deni, and Vice President Ahmed Elmi Osman Karash, welcomed former Somaliland House of Representative, Abdirisaq Khalif Ahmed, to Garowe on Thursday. Source: Hiiraan Online
