-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo geba-gabeeyat shir maalmihii dame uga socdaydl dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah DFS. Shirkaan oo ahaa kii 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee XFS iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Benaadir ayaa socdey muddadii u dhaxeysay 12-ka illaa 16-ka bishaan. Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee DFS ayaa waxaa si rasmi ah u furay, soona xiray Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ujeedada shirkani ayaa aheyd in wasaaradaha isku shaqada ah ee heer federaal iyo dowladaha xubnaha ka ah DFS ay yeeshaan wadashaqayn iyo is-afgarad, waxaana Falan-qayn iyo dood kadib laga soo saaray qoddobo dhowr ah, kuwaasi oo kala ah; 1. Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS uga mahad-celiyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) kulankan wada-tashiga ah waxayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulammada nuucan oo kale ah. 2. Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS ku bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ay ku tallaabsatay muddada kooban iyo howlaha qabsoomay. 3. Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS iyo Wasaaradaha xubnaha ka ah in ay yeeshaan wadashaqeyn joogto ah lagana faa’iideysto dhammaan howlaha hor-yaalla. 4. In Mashaariicda iyo dhammaan Horumarka la hiigsanaayo laga wada shaqeeyo sida:- Mashruuca (EA-RDIP) oo maraya meel wanaagsan. The post Aqriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii DF iyo maamul goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Senateka ee Maraykanka ayaa cod aad u yar ku ansixiyey garsoorihii ugu horreeyey ee Muslim ah oo xubin ka noqda maxkamadaha heer federaal ee dawladda Maraykanka. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xilkaan u magcaabay Nusrat Choudhury oo ka soo jeeda dalka Bangladeshi. Nuarat ayaa xilal sare horay uga soo qabatay isbahaysiga u dooda xorriyadda madaniga ah ee Maraykanka ee fadhigiisu yahay gobolka Illinois. Gabadhaan ayaa wakhti dheer caan ku ahayd inay u dhaqdhaqaado sinnaanta dadka kala jinsiyadaha ah, caddaaladda iyo amniga bulshada. Golaha Senateka Mareykanka ayaa ku ansixiyey 50 cod oo ka mida 100-ka mudane ee golaha, halka ay diideen 49 mudane. Nusrat ayaa fariisan doonta Maxkamad degmo oo heer federaal ah oo ku taalla magaalada New York. Guddoomiyaha aqlabiyadda ee golaha Senateka Chuck Schumer ayaa Nusrat ku tilmaamay inay leedahay waayo aragnimo sare, karti iyo daacadnimo. Sidoo kale guddoomiyuhu wuxuu sheegay ingabadhaan muslimka ah ay khibrad u leedahay xuquuqda madaniga ah. Guddoomiye Chuck wuxuu carrabka ku adkeeyey ansixinta magacaabidii madaxweynaha ee Nusrat ay keeni doonto inay xirfadeeda ugu adeegto kursiga loo magcaabay ee heer federaal. The post Mareykanka: Gabadhii ugu horreysay ee MUSLIM ah oo loo magcaabay xilka… appeared first on Caasimada Online.
-
Cali Xaamud Jibriil ma noqon karaa dheemankii Kulmiye Dayacay ee Golaha Wakiillada Hoggaamiya? Tan iyo 2017-kii markii Madaxweyne Muuse Biixi oo ka sharaxnaa Kulmiye uu ku guuleystay talada dalka waxa uu Xisbiga Kulmiye lumiyey oo kuwo Xisbiga laga saaray, kuwo iska casilay iyo kuwo iskood uga tegay noqday xubno ahaa aasaaaayaashii iyo haldoorkii Xisbigaas ee doorka weyn ku lahaa guushii Kulmiye iyo Madaxweyne Muuse Biixi. Haddaba, waxa aynu si gaar ah u eegi doonaa Xubno Madaxweynaha iyo Xisbigiisu fududaydsadeen oo maanta xaaladda ka taagan Golaha Wakiillada marka la eegi ku noqday caqabad dhab ah iyo in shaxdii uu garoonka ku soo geli lahaa u fadhiisan la’dahay. Cali Xaamud Jibriil, oo ah Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada, imikana u sharaxan inuu buuxiyo Kursiga Guddoomiyaha Golahaasi, waxa ahaa xubnihii Qurbo joogta ahaa ee KULMIYE aasaaskiisii doorka weyn ku lahaa. Cali Xaamud iyo qoyska uu ka soo jeedo oo ah qoys Caan ah oo ganacsato ahi oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, waxa ay ka kaalin libaax ka qaateen taageerada iyo hayaankii adkaa ee Kulmiye ugu jiray inuu talada dalka ku guuleysto 2010-kii. Waxa kale oo ay door weyn ku lahaayeen in Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici uu noqdo murrashaxii Madaxweyne ku xigeenka 2008-dii, markaa oo Siillaanyo qaatay go’aankii adkaa ee uu ku beddelay murrashaxii ay wada dhaceen doorashadii madaxtinimada ee 2003‐dii, iyada oo qorshihii Saylici lagaga dhigay Murrashaxa Madaxweyne kuxigeenku uu guuleystay 2010-kii, waxaanay Cali Xaamud iyo walaaladii ay u hagarbaxeen tageerada Kulmiye cod iyo dhaqaaleba. Muddadii uu Axmed Siillaanyo talada hayey dhawr xil oo kala duwan ayuu Cali Xaamud ka qabtay oo heer Wasiir gaadhsiinsan. Goorma ayey Cali Xaamud iyo Kulmiye kala baydheen? Inkasta oo loollaankii Kulmiye dhexdiisa ee garabyada Kulmiye ay ahaayeen garabkii la aragtida ahaa Saylici iyo Wasiiradii is casilay ee ku doodayey in aan kooto Muuse Biixi loogu xidhan Murrashaxnimadii Kulmiye, haddana waxa la rumaysan yahay in ay Kulmiye ka dhaqaajiyaan waxa ay timid markii Madaxweyne Muuse Biixi Guddoomiye kuxigeenka Afraad ee Kulmiye u soo xushay Maxamuud Sacad Saajin, oo noqon kara murrashax madaxweyne Kuxigeen, waxaana halkaas ku soo afmeeran tahay in Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Saylici si rasmi ah uu uga baxdo daaqada Kulmiye, isla markaana uu go’aan ku yeelan Kari waayo cidda debadii laga dhisayo KULMIYE, gaar ahaan deegaankiisa gaarka ah, taas oo Ilma Xaamud oo ah rag siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ah midkood filayey in lagu dhiso murrashax KULMIYE Saylici ka dib, madaama oo 20 sanno ku dhawaad ay hiil iyo hooba la garab taagnaayeen. Markii ay timid doorashadii isku sidkanayd, ee 2021-kii, waxa uu Cali Xaamud Jibriil loo diiday ama uu meel ka waayey Xisbigii KULMIYE ee uu aasaaskiisa qaybta ka ahaa, waxaanu iska sharaxay kana soo baxay Xisbiga UCID. Markii loo tartamayey doorashadii shirguddoonka Golaha Wakiillada isbahaysigii Mucaaradka ee Waddani iyo UCID ayaa u sharaxay Guddoomiye kuxigeenka labaad. Waa maxay sababta u weyn ee Waddani u taageeri karo,una dhisi karo Cali Xaamud Jibriil.? Arrinta ugu muhiimsan ee loo aanaynayo in Waddani u dhisi karo Cali Xaamud ayaa noqon karta, marka Mucaaradnimada laga yimaado, inuu xoojiyo, isla markaana khasbado taageerada iyo codka Awdal gaar ahaan Deegaanka Saylici iyo Cali Xaamud oo imika u muuqda in KULMIYE oo 20 sanno ee u dambeeyey taageerayeen u kala dhamaatay. Maxay tahay adiga aragtidaada ? W/Q: Saleebaan Saxansaxo Qaran News
-
Beijing (Caasimada Online) – Safiirka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing uga qeyb galay bandhiga carwada 13-aad ee maalgashiga dibadda ee Shiinaha (COIFAI). Shirweynahan oo uu soo qaban-qaabiyay Ururka Horumarinta Dibadda ee Shiinaha (CODA), ayaa isu keenay in ka badan 500 oo wakiillo ah oo ka kala yimid dalal kala duwan, si ay uga wada-hadlaan una sahmiyaan fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee hoos yimaada hindisaha cusub “Belt and Road Initiative” ee dowladda Shiinaha ay ku dooneyso in ay horumar kaga sameyso dalalka soo koraya. Danjire Kullane oo furitaanka bandhigga khudbad ka jeediyay ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay carwada u leedahay horumarka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isaga oo ku dheeraaday soo bandhigidda fursadaha iyo faa’iidooyinka maalgashi ee Soomaaliya Waxa uu uga mahad-celiyey Mudane He Zhenwei, Guddoomiyaha CODA, martiqaadka uu u fidiyey, wuxuuna ku bogaadiyey ururka sida ay uga go’an tahay kobcinta iskaashiga iyo mashaariicda maalgashiga caalamiga ah. Danjire Kullane ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay tahay marinka laga soo galo Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya, isaga oo ganacsatada u iftiimiyay fursad ay ku ballaarin karaan ganacsigooda ayna ku abuuri karaan xiriir dhaqaale oo xooggan. Waxa uu carabka ku dhuftay in Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya ee la cusboonaysiiyay ay tahay meel aad ugu wanaagsan ganacsiga iyo maalgashiga. “Soomaaliya waxaa laga hela kheyraad badan oo dabiici ah, oo ay ku jiraan saliidda, gaaska, macdanta, kalluumeysiga, iyo dhul-beereedyo barwaaqo ah, oo ka bannaan fursado maalgashi.” Wuxuu sheegay in dalku si weyn maalgelin ugu sameynayo isku-xirka gaadiidka sida waddooyinka iyo garoomada diyaaradaha, isaga shirweynaha ku soo bandhigay muhiimadd ay leedahay fursadaha ganacsi ee Shiinaha inay ku biiriyaan khibradooda iyo inay iskaashi la sameeyaan saaxiibada Soomaaliya. Wuxuu ku dhiirageliyay shirkadaha Shiinaha ee quseeya tamarta la cusbooneysiiyo in ay maalgashadan, taas oo Soomaaliyaa ka dhigeysa in ay u gudubto in ay hesho tamar nadiif ah. “Soomaaliya waxay leedahay dhul barwaaqo ah oo cimilo wanaagsan leh,” ayuu yiri Danjire Kullane oo iftiimiyay fursadaha maalgashi ee Beeraha Soomaaliya. Danjire Kullane ayaa waxa kale oo uu ku booriyay maalgashadayasha Shiinaha in ay sahmiyaan farsamooyinka beeraha ee casriga ah warshadaha tayada leh si kor loogu qaado sugnaanta cuntada, dhoofinta iyo abuuritaanka fursado shaqo. Geba-gabadii munaasabadda, Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka saaxibtinimo si loo gaaro barwaaqo. The post Sawirro: Maxay Soomaaliya kusoo bandhigtay shirka ka socda magaalada Beijing? appeared first on Caasimada Online.
-
Haweenaydii ugu horaysay ee Muslin ah ee loo magacaabay Garsoore Heer Federaal ah Dalka Maraykanka Golaha Senateka ee Maraykanka ayaa cod aad u yar ku ansixiyey garsoorihii ugu horreeyey ee Muslin ah ee xubin ka noqda maxkamadaha heer federaal ee dawladda Maraykanka. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xilkan u magcaabay Nusrat Choudhury oo ka soo jeeda dalka Bangladeshi. Nuarat ayaa xilal sare uga soo qabatay isbahaysiga u dooda xorriyadda madaniga ah ee Maraykanka ee fadhigiisu yahay gobolka Illinois. Iyada oo wakhti dheer caan ku ahayd inay u dhaqdhaqaado sinnaanta dadka kala jinsiyadaha ah, caddaaladda iyo amniga bulshada. Golaha Senateka ayaa ku ansixiyey 50 cod oo ka mida 100 mudane ee golaha, halka ay diideen 49 mudane. Nusrat ayaa fadhiisan doonta Maxkamad Degmo oo Federaal ah oo ku taalla New York. Guddoomiyaha aqlabiyadda ee golaha Senateka Chuck Schumer ayaa Nusrat ku tilmaamay inay leedahay waayo aragnimo sare, karti iyo daacadnimo. Wuxuu sheegay inay khibrad u leedahay xuquuqda madaniga ah, taasina ay keeni doonto inay xirfadeeda ugu adeegto kursiga loo magcaabay ee heer Federaal. Qaran News
-
Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyaan siyaasiyiin kale ayaa Todobaadkan ku wajahan Garoowe. Cabdiweli Gaas oo sidoo kale soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida adag u diiddan furista dastuurka Puntland iyo in uu mudda kororsi samaysto madaxweyne Deni. Wararka qaar ayaa sheegaya in Dr. Cabdiweli Gaas uu raadinayo in uu mar kale u tartamo xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada soo socota ee sannadka 2024. Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli ay Puntland ka jiraan khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira furista dastuurka iyo mudda xileedka dowladda oo ay ka harsan tahay wax ka yar lix bilood. PUNTLAND POST The post Dr. Cabdiweli Gaas oo Todobaadkan ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa sida qorshaysan Sabtida berri ah ka doodaya ajandaha Kal-fadhigooda 52-aad oo khamiistii furmay. Xildhibaannada ayaa lagu wadaa in ay dood kadib ansixiyaan ajandaha oo ay ku jiraan qodoba xasaasi ah gaar ahaanna qodobka furista Dastuurka. Wararka ayaa tilmaamaya in ajandaha berri la ansixinayo balse si rasmi ah loo shaacin doono maalinta Axadda ah ee saadanbe oo ku beegan 18-ka bisha. PUNTLAND POST The post Ajandaha Baarlamanka Puntland oo lagu darayo furista dastuurka appeared first on Puntland Post.
-
Ontario has joined seven other provinces in announcing it will no longer incarcerate migrants detained for administrative reasons in its provincial jails. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland ayaa soo saartay bayaan ay uga digeyso muddo kororsi ay sheegeen inuu damacsan yahay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo la sheegay in Deni uu qorsheynayo inuu marsiiyo baarlamaanka. Qoraalka ayaa lagu yiri, “Madashu waxay uga digeysaa baarlamaanka Puntland in la sameeyo wax ka beddel dastuur oo aan ku saleysneyn heshiis siyaasadeed, dhaqan iyo bulsho, kaas oo keeni kara dhaawac dowladnimo, qalalaase amni iyo hubanti la’aan mustaqbalka Puntland.” Waxay sheegeen inay u taagan yihiin ilaalinta xasiloonida, midnimada iyo dowlanimada Puntland, waxayna farriin u direen baarlamaanka Puntland, iyagoo ugu baaqay in kalfadhigaan lagu maareeyo taxadar iyo masuuliyad dheeraad ah, si looga badbaado qorshaha Saciid Deni. “Madashu waxay Guddoonka iyo Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Puntland xasuusinaysaa waajibaadkooda Dastuuriga ah iyo xaaladda xasaasiga ah ee uu kusoo aaday Kalfadhiga 52aad ee Golaha Wakiiladda Puntland, inuu yahay mid u baahan masuuliyad iyo taxadar dheeri ah si aysan ugu dhicin dabinka Madaxweyne Deni uu ku doonayo in Baarlamaanka Puntland loo adeegsado muddo kororsi iyo Dastuur furid aan sharciga waafaqsanayn, xilli ay gabaabsi tahay mudada Dastuuriga ee Xilhaynta Golayaasha Dowladda Puntland.” Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay madasha. Sidoo kale Madashu waxay bayaankaan ku cadeysay in marar badan ay cod dheer ku sheegeen damaca Madaxweynaha Puntland Siciid Deni inuu yahay xukun maroorsi aan waafaqsanayn Dastuurka iyo xeerarka dowladnimada Puntland. “Qorsha Saciid Deni waa arrin khatar ku ah xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay Madasha Siyaasadda Puntland. Madashaan ayaa baarlamaanka ka codsatay in danaha xukuumadda Deni aysan ka hor marin danta shacabka reer Puntland, “Shacabka Puntland waxaan ugu baaqeynaa inay ilaashadaan amigooda, wadajirka iyo dowladnimadooda,” ayaa lagu yiri bayaanka. Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran The post Siyaasiyiinta Puntland oo war xasaasi ah ka soo saaray qorshe uu Deni wato appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay badeeco dhacday oo laga beddelay dheydkii, isla markaana bulshada lagu qiyaamay, iyadoo looga dhigayo badeeco cusub. Sidoo kale waxaa la soo qabtay ganacsato lagu eedeeyey inay Suuqa Bakaaraha ka furteen xarun waqtiga dhicitaanka looga beddelo badeecada dhacda. Xeer ilaaliye ku xigeen dalka Jabriil Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay inay soo qabteen dad jawaanada raashinka ka badalayey taariikhda, kuwaas oo xarun gaar ah ka furtay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Waxaa la soo bandhigay raashin, cabitaano iyo badeecooyin kale oo la sheegay in bulshada lagu qiyaamayey isla markaana ay dhaceen, balse raggaani ay taariikhda dhicitaan ka beddeleen. “Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, wuxuu gacanta ku hayaa cunnooyin iyo cabitaanno uu dheydkoodu dhacsan yahay oo laga bedelay dheydkoodii saxda ahaa,” ayuu yiri Jabriil Cabdi Xeer ilaaliye ku xigeen dalka. Sidoo kale wuxuu balan qaaday in markii ay soo dhamaadaan baaritaanadaan ay eedeysanayaasha la hayo hor geyn doonaan maxkamadaha dalka, si sharciga loo marsiiyo dadka ku kacay qiyaanadaas. Xafiiska xeer ilaalinta dalka ayaa bulshada Soomaaliyeed uga mahadceliyey in xogta sababtay in lasoo qabto raggaan ay soo gudbiyeen, wuxuuna Xeer ilaaliye ku xigeenku bulshada ka dalbaday inay kala shaqeeyaan soo qabashada dadka ku kacaya qiyaanada noocaan oo kale ah. “Waxaan uga digeynaa cid kasta oo bulshada ka iibisa cunno dhacday, waxaan marsii doonaa qofkii ku kaca falkaas sharciga, wuxuuna la kulmi doonaa cawaaqib adag,” ayuu yiri Jabriil Cabdi. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo Bakaaro ka soo qabatay ganacsato ku kacday qiyaano halis ah appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuuuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa maanta la kulmay Hogaamiyaha Jameecadda Islaamka ee Jamhuuriyadda Serbia Mufti Dr. Sheikh Mustafa Jusufspahić. Guddoomiye Madaale ayaa Mufti Dr. Sheekh Mustafa ku bogaadiyay kaalintiisa xoojinta Islaamka iyo Walaaltinimada dadka Soomaaliyeed, iyadoona Mufti Dr. Sheekh Mustafa u Duceeyay Soomaalidda meel walba ay aduunka ka joogaan, in uu eebe ka dhigo dal nabdoon oo barwaaqo ah, isla markaaba quluubta Soomaalida eebe isku duwo. Kulanka ayaa waxaa Duqa Muqdisho ku wehliyay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya ee Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, Agaasimaha xiriirka dibadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, La-taliyeyaal sare oo ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamae iyo Diplomaasiyiin ka howl-gala Safaaradda Soomaaliya ee Serbia. Goobkoog News Source: goobjoog.com
-
Tan iyo 2017-kii markii Madaxweyne Muuse Biixi oo ka sharaxnaa Kulmiye uu ku guuleystay talada dalka waxa uu Xisbiga Kulmiye lumiyey oo kuwo Xisbiga laga saaray, kuwo iska casilay iyo kuwo iskood uga tegay noqday xubno ahaa aasaaaayaashii iyo haldoorkii Xisbigaas ee doorka weyn ku lahaa guushii Kulmiye iyo Madaxweyne Muuse Biixi. Haddaba, waxa aynu si gaar ah u eegi doonaa Xubno Madaxweynaha iyo Xisbigiisu fududaydsadeen oo maanta xaaladda ka taagan Golaha Wakiillada marka la eegi ku noqday caqabad dhab ah iyo in shaxdii uu garoonka ku soo geli lahaa u fadhiisan la’dahay. Cali Xaamud Jibriil, oo ah Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada, imikana u sharaxan inuu buuxiyo Kursiga Guddoomiyaha Golahaasi, waxa ahaa xubnihii Qurbo joogta ahaa ee KULMIYE aasaaskiisii doorka weyn ku lahaa. Cali Xaamud iyo qoyska uu ka soo jeedo oo ah qoys Caan ah oo ganacsato ahi oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, waxa ay ka kaalin libaax ka qaateen taageerada iyo hayaankii adkaa ee Kulmiye ugu jiray inuu talada dalka ku guuleysto 2010-kii. Waxa kale oo ay door weyn ku lahaayeen in Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici uu noqdo murrashaxii Madaxweyne ku xigeenka 2008-dii, markaa oo Siillaanyo qaatay go’aankii adkaa ee uu ku beddelay murrashaxii ay wada dhaceen doorashadii madaxtinimada ee 2003‐dii, iyada oo qorshihii Saylici lagaga dhigay Murrashaxa Madaxweyne kuxigeenku uu guuleystay 2010-kii, waxaanay Cali Xaamud iyo walaaladii ay u hagarbaxeen tageerada Kulmiye cod iyo dhaqaaleba. Muddadii uu Axmed Siillaanyo talada hayey dhawr xil oo kala duwan ayuu Cali Xaamud ka qabtay oo heer Wasiir gaadhsiinsan. Goorma ayey Cali Xaamud iyo Kulmiye kala baydheen? Inkasta oo loollaankii Kulmiye dhexdiisa ee garabyada Kulmiye ay ahaayeen garabkii la aragtida ahaa Saylici iyo Wasiiradii is casilay ee ku doodayey in aan kooto Muuse Biixi loogu xidhan Murrashaxnimadii Kulmiye, haddana waxa la rumaysan yahay in ay Kulmiye ka dhaqaajiyaan waxa ay timid markii Madaxweyne Muuse Biixi Guddoomiye kuxigeenka Afraad ee Kulmiye u soo xushay Maxamuud Sacad Saajin, oo noqon kara murrashax madaxweyne Kuxigeen, waxaana halkaas ku soo afmeeran tahay in Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Saylici si rasmi ah uu uga baxdo daaqada Kulmiye, isla markaana uu go’aan ku yeelan Kari waayo cidda debadii laga dhisayo KULMIYE, gaar ahaan deegaankiisa gaarka ah, taas oo Ilma Xaamud oo ah rag siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ah midkood filayey in lagu dhiso murrashax KULMIYE Saylici ka dib, madaama oo 20 sanno ku dhawaad ay hiil iyo hooba la garab taagnaayeen. Markii ay timid doorashadii isku sidkanayd, ee 2021-kii, waxa uu Cali Xaamud Jibriil loo diiday ama uu meel ka waayey Xisbigii KULMIYE ee uu aasaaskiisa qaybta ka ahaa, waxaanu iska sharaxay kana soo baxay Xisbiga UCID. Markii loo tartamayey doorashadii shirguddoonka Golaha Wakiillada isbahaysigii Mucaaradka ee Waddani iyo UCID ayaa u sharaxay Guddoomiye kuxigeenka labaad. Waa maxay sababta u weyn ee Waddani u taageeri karo,una dhisi karo Cali Xaamud Jibriil.? Arrinta ugu muhiimsan ee loo aanaynayo in Waddani u dhisi karo Cali Xaamud ayaa noqon karta, marka Mucaaradnimada laga yimaado, inuu xoojiyo, isla markaana khasbado taageerada iyo codka Awdal gaar ahaan Deegaanka Saylici iyo Cali Xaamud oo imika u muuqda in KULMIYE oo 20 sanno ee u dambeeyey taageerayeen u kala dhamaatay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Isku-dhacyada u dhaxeeya ciidanka labada heer dowladeed ee Soomaaliya ayaa noqdya cinwaanka u weyn ee maalmahan, xilli dowladda Soomaaliya laga sugayay inay billowdo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab Magaalooyinka Baraawe iyo Ceel-barde ayaa kamid ah goobaha laga soo wariyay in ciidanka labada heer dowladeed ee Soomaaliya ay gacanta iskula tageen, halkaas oo khasaare nafeed laga soo wariyay. Labadaan ciidan waa kuwii loogu tala-galay loona diyaariyay in Al-Shabaab ka saaran dalka, balse in iyagii is dilayaan ayaa ah farriin walaac ku ah aragtidii aheyd in wada-jir loola dagaalamo kooxaha argagixisada ee dhibaatada ba’an ku haya Soomaaliya. In ciidankii xoogga dalka ay ku lug leeyihiin shaqaaqooyin joogto ah oo ka baxsan dagaalka Al-Shabaab, waxay su’aal dul dhigaysaa hoggaanka ciidanka. Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa weli hoggaaminaya ciidanka xoogga dalka. Tan iyo markii ay shaqaaqooyinkan curteen waxaa billowday doodda ku saabsan gaabiska hoggaanka ciidanka xoogga dalka iyo suurtagalnimo sheegaysa in la gaaray xilligii madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqi lahaa isbeddel hoggaamineed. Afar arrimood ayaa la aaminsan yahay inay qasbeyso isbeddelka, kuwaasi oo kala ah; 1. Gaadmada Al-Shabaab ee ciidanka xoogga dalka oo badatay Kooxda Al-Shabaab waxay weeraro gaadmo ah ku qaadeen lixdankii cisho ee u dambeysay xarumo ay deganayeen ciidanka xoogga dalka. Waxay geysteen khasaare baaxad weyn, waxaana loo sababeynaya taxadar la’aan, xog la’aan iyo wada-shaqeyn la’aan ciidanka dhexdiisa ah. 2. Isku dhacyada ciidanka dhexdooda ah Labada dhacdo ee maanta ugu hadal haynta badan waa midda Baraawe iyo midda Ceel-barde, labadaba waxaa ku lug leh ciidanka xoogga dalka. Waxay is-hayaan ciidan heer maamul goboleed ah. Fikirku wuxuu markii hore ahaa in labada ciidan is qaataan iskana garab diriraan oo ay argagixisada soo afjaraan. In maanta iyagii qoryo isku sitaan waxay muujineysa in hoggaanka ciidanka xoogga dalka uusan xakameyn karin ciidanka, uusana dhigin xeer adag oo dhaqankaan ka hortagi kara. 3. Ciidan masuugsan hoggaankooda Muddadii sanadka aheyd ee madaxweyne Xasan Sheekh joogay xafiiska waxaa xooggana warar ku saabsan in saraakiil sar-sare, taliye qeybeedyada iyo ciidanka badi masuugsan yihiin hoggaankooda. Sababta aad uma cadda, laakiin waxaa muuqata in hoggaamiye Odowaa uusan ku guuleysan inuu kasbado ragga ay shaqada dhabta ah kala dhaxeyso. Madaxweynaha waxaa la sheegay in dhowr jeer culeyska arrintaas lala wadaagay. 4. Wejiga labaad oo u baahan laba kacleyn Dowladdu waxay ku jirtaa diyaar garowga wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, wuxuu u baahan yahay laba kacleyn iyo tamar cusub. Inkasta oo howl-galka isku dhafka ah hoggaaminayi Taliye Bariise, haddana waxaa jira dad badan oo aaminsan in isbeddel ku dhaca hoggaank ciidanka xoogga dalka inuu keeni karo dardar xoog leh iyo khibrad cusub. The post Afar arrin oo Xasan ku riixaya inuu isbeddel sameeyo kahor wejiga 2-aad ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Baraawe (Caasimada Online) – Taliyaha hoggaamiya ciidanka militeriga ah ee ku sugan degmada Baraawe oo dhawaan halkaas kula dagaalamay ciidanka ilaalada madaxtooyada K/Galbeed ee Baraawe ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu ku bilowday dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay magaaladaas iyo khasaaraha dhankooda ka soo gaaray. Sarkaalkaan oo ah Taliyaha ururka 25-aad, guutada 6-aad, qeybta 60-aad ee militeriga Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Xorogaay, waxayna reer K/Galbeed ku eedeeyeen in isagu uu hoggaaminayey dagaalka. Hase yeeshee Korneyl Xorogaay ayaa beeniyey eedeyntaas, isagoo sheegay in taliska uu ka maqnaa markii uu dagaalku bilowday, wuxuuna sharaxaad ka bixiyey sidii uu dagaalku ku bilowday. Wuxuu sheegay in dagaalka dhan uu ka bilowday gabar ay Qaad ka qaateen ciidanka K/Galbeed, kadibna ay lacagtii qaadka sii diideen, taas oo sababtay in ciidanku ay murmaan. Muran kadib, Korneylkaan wuxuu sheegay in ciidanka ilaaliya madaxtooyada Baraawe ee K/Galbeed ay dagaal ku soo qaadeen militeriga, isla markaana ay ka dileen 3-sarkaal iyo hal sarkaal xigeen, halka afar askari oo kalena ay uga dhaawacmeen dagaalkii dhacay. Taliye Xorogaay oo wareysigaan siiyey Universal TV ayaa sheegay in markii dagaalkaas uu bilaabanayey uu ku maqnaa xaafadiisa, isla markaana uu ka war helay rasaasta bilaabatay, markaas kadibna uu soo gaaray goobta. Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalkaas uu joojiyey kaligiis, kadib markii uu ciidanka ku amray in wax xabad ah aysan ridin xitaa hadii lagu soo ridayo, sida uu sheegay. “Kaligey ayaan dhexda istaagay muddo saacado ah ayaan ku howlanaa in dagaalkaas aan joojiyo, ugu dambeyntiina waxaan ku guuleystay habeenkii hal saac, ciidankeyga waxaan ku amray in xabad dambe aysan ridin, balse ciidanka K/Galbeed oo muddo ayey dhankooda kaliya xabaddu ka soo dhaceysay,” ayuu yiri Taliye Xorogaay. Sarkaalkaan ayaa sheegay in mudadii uu ku jiray joojinta dagaalka ay taleefanada ka qaban waayeen saraakiisha hoggaamineysa ciidanka K/Galbeed, balse ugu dambeyntii uu kaligiis ku guuleystay inuu hakiyo xabadii dhaceysay. Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Xorogaay waxay walaalo yihiin taliyihii 10 sano ka hor Baraawe ka xoreeyey Al-Shabaab AUN Jeneraal Goobaale oo 2016-kii lagu dilay qarax is-miidaamin ah. Hoos ka daawo wareysiga The post Daawo: Taliyaha Militerigii ka dagaalamay Baraawe oo bixiyey xog xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Urur siyaasadeedka Horseed ayaa si rasmi ah u caddeeyay mowqifkiisa marxaladda siyaasadeed ee Puntland marayso xilligan. Urur siyaasadeedka Horseed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga horyimid in dano gaar ah dartood loo furo Dastuurka Puntland. Horseed ayaa sidoo kale caddeeyay in doorashada madaxtinimada Puntland aysan dhaafi karin 8Jan 2024 si waafaqsan hannaanka doorasho ee Puntland. Ururka ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaannada Baarlamanka Puntland in aysan ku dhex milmin siyaasadda kana fogaadan tallaabo kasta oo horseedi karta xasilooni-darro. PUNTLAND POST The post Horseed: Dastuurka Puntland lama furi karo doorashaduna ma dhaafi karto 8 Jan 2024 appeared first on Puntland Post.
-
Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa maanta oo Jimce ah war-saxaafadeed ka soo saaray mowqifkiisa marxaladda siyaasadeed ee Puntland marayso. Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa ugu horrayn caddeeyay mowqifkiisa furista Dastuurka Puntland waxaana uu si cad uga horyimid in dano siyaasadeed loo furo Dastuurka. Mideeye ayaa xildhibaannada Baarlamanka Puntland ugu baaqay in ay mas’uuliyadda saaran u gutaan si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka oo ka fogaadaan wax kasta oo abuuri kara qalalaase siyaasadeed. Ururka ayaa sidoo kale ka horyimid in uu wax mudda kororsi ah samaysto madaxweynaha Puntland Siciid Deni waxaana uu sheegay in aysan doorashada madaxweynaha dhaafi karin 8 Jan January 2024. PUNTLAND POST The post Ururka Mideeye oo ka horyimid furista Dastuurka iyo mudda kororsi ka dhaca Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay warbaahinta u sheegeen odayaal ka soo jeeda beesha Murusade ilaa 10 qof oo shacab ah oo u dhashay beeshaas ayaa muddo maalmo ah ku xiran degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe. Dadkaas waxaa la sheegay inay Cadale ku xireen ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya, kadib markii ay kala degeen gaadiid ay la socdeen. Sida ay cadeeyeen odayaasha Murusade ee warbaahinta la hadlay dadka lagu xiray Cadale waxay ka yimaadeen degmada Ceelbuur iyo deegaano hoos taga oo kooxda Al-Shabaab ay joogto. Odayaasha ayaa sheegay in beegsi gaar ah lagu hayo dadkooda, sida ay hadalka u dhigeen, maadaama maalmo badan xabsi ku yaalla Cadale ay ku xiran yihiin dadkaas shacabka ah. “Murusade wuxuu ka cabanayaa dad musaafir ah oo Cadale uga xiran, dadkaasi waxay isugu jiraan carruur, waayeel iyo dad xanuunsan oo dhakhtar loo soo qaaday, waxaana loo beegsaday inay ka yimaadeen dhul Shabaab joogo,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay. Ciidan ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa la sheegay inay u xiran yihiin dadkaas, inkastoo odayaasha ay warbaahinta u sheegeen in taliska militeriga Soomaaliya uu iska fogeeyey gacan ku heynta dadka ku xiran Cadale. “Dowladda iyo qabiilkaan Murusade waxaa jira dad iska hor keenaya oo beegsi gaar ah nagu haya, dadkeena dariiqa loo istaagay dowladdu wax haka qabato, dadkaas musaafirka ahna xoriyadoodii haloo soo celiyo,” ayuu yiri odagaan u hadlay waxgaradka beesha Murusade oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho. Sidoo kale odayaasha waxay sheegeen in dadkaasi ay xiran yihiin muddo ka badan intii sharcigu ogolaa in xabsiga lagu sii heyn karo oo ka badan laba habeen iyo laba maalmood. “Dadkaas waxaa lagu heystaa qabyaalad iyo in lagu dhibaateynayo deegaanka ay ka yimaadeen, cabashadeena waxaan u gudbineynaa madaxda dalka ugu sareysa, dhibka dadkeena ku dhacaya idinkaa wax la idinka su’aalayaa, shaqsiyaad ayuu dadkeenii u xiran yahay,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii hadlay. Hoos ka daawo cabashada odayaashaan The post Daawo: Beesha Murusade oo jawaab adag ka bixisay 10 qof oo uga xiran Cadale appeared first on Caasimada Online.
-
Traditional elder and daughter among fatalities in Galgadud
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhusamareb (HOL) - Reports have emerged detailing a violent attack that took place at Dhusamareb Airport in Galmudug's administrative capital on Friday, resulting in several casualties. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi aheyn ayaa ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre. Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SODMA Mudane Maxamuud Macallin ayaa Goodax Barre loogu magacaabay La-taliye sare ee arrimaha sugnaanta cunnada ee hay’adda. Magacaabista Goodax Barre ayaa timid kadib markii guddoomiyaha hay’adda uu arkay baahida loo qabo in si deg-deg ah loo dhameystiro howlaha dib-u-yagleelida hay’adda SODMA. Shaqada La-taliyaha cusub ayaa la sheegay in lagu faah-faahin doono shaqo tilmaame (TOR) gaar ah oo qeexaya howlaha uu qabanayo, kaasi oo ay soo saari doonto hay’adda. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Xuseen Cabdulle Maxamed: “Hay’adda SoDMA Wasiir Goodax Barre gacanta miyaa uga dhacday mise waa ka dhab?.” “Shaqa sharaf leh, Godax bare ha shaqeyso tareenkana dhiniicsa haka raaco. Loma qabanaayo ardaydii xamar uu ku adkeyey iyo kuwii uu Gado ee uu futiyey xita qabrigii Booqday,” ayuu yiri Cabdullahi Maxamed Issak. Sakariye Cabdulqaadir Aadan oo isagna ka fal-celiyay ayaa waxa uu yiri “Ninka kama xishoonin walaahi.” Axmed Saalax ayaa sidoo kale yiri “Waa sheeko aan la yaabey anigu, bal waa yahay ee ka mira dhali.” Dalmar Xaaji: “Goodax meeshaas meel ka sareeysa ayuu u qalmay, si kastaba waa nin aqoon tiisa io waayo aragnimadiisa loo baahan yahay waaye.” “Shaqadan wasaarada beeraha ayaa laheed food security advisor ee si toos ah uma laheen SODMA,” ayuu yiri Maxamed Xaashi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay magacaabistan cusub. Sakariye Sheekh Xuseen ayaa isna waxa uu yiri: “Inaa-lilaahi Goodax Barre ma sidaan baa u dambeysay.” “Goodax waa jabay markaan laakiin libaax qoyay marna dawaca ha isku moodin,” ayuu yiri Mursal Cali. Shaafici Cali Axmed oo isna ka fal-celiyay arrintaan, ayaa waxa uu yiri “Waa bahdil wasiir to lataliye Subxaanallah.” Jawaari Yare: “Aduun waa har labadiisa gelin. From Wasiir ilaa La-taliye Hay’adeed.” “Soo dhawoow Goodax Barre waa rug cadaa siyaasada muddo fog ku jiray xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, waana muhim qibrada ku jirta inaa laga faa’iideysto, so dhawoow mudane markale,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Xuseen. Cabdiraxmaan Nuur ayaa isna yiri: “Jago sare oo wasiir ayaa soo qabatay xishood majira miyaa!.” “Sanadkaan xilkii lataliyuhu waa dhintay,” ayuu yiri Maxamed Cali oo kamid ah dadka ka fal-celiyay xilka cusub ee loo magacaabay wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya. The post Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay magacaabistii Goodax Barre appeared first on Caasimada Online.
-
Kuunya-barrow (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay xukun dil ah ku fulisay shan qof oo kale oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Xukunka ay Al-Shabaab ku fuliyeen dadkaas ayaa ka dhacay deegaanka Kuunyo-Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, Khamiistii shalay, sida ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab. Shanta nin ee lagu toogtay fagaaraha Kuunya-barrow ayaa la sheegay in da’doodu ay u dhaxaysay 28 ilaa 52 jir. Al-Shabaab oo aan soo bandhigin wax caddeyn ah, ayaa sheegtay in raggaasi ay ‘qirteen’ in ay u basaasayeen dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya. Kooxda Al-shabaab ayaa dadka ay soo taagto maxkamadaheeda aan u oggoleyn qareen difaaca, iyadoo dadka kasoo goostay ay sheegeen in xaakimkoodu uu go’aan iska gaaro, marka qofka lasoo dacweeyo. Markii laga soot ago dadka u kala dacwooda kooxdaan waxay dadka ku nool deegaanada ay dalka ka joogaan si joogto ah ugu toogtaan dad ay ku sheegaan inay u basaasayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha kale ee caalamka. Wax yarna ha ahaatee sooma bandhigaan wax cadeyn ah oo ay ku xalaaleysa karaan dhiigga dadka ay tiirka geeyaan mar kasta, waxayna naxdin ku dileen shacabka ku nool deegaanada ay toogashada ka fuliyaan oo ay ku qasbaan inay daawadaan sida loo tooganayo qofka. Inta badan gobollada koonfurta ayay hadda ku toogtaan dadka, maadaama awoodoodii laga soo wiiqay gobollada dhexe oo hadda ay ka joogaan Ceelbuur, Galhareeri iyo tuulooyin aad u kooban. Gobollada Jubbooyinka, Bay iyo Bakool ayey dhulka ugu badan ka joogtaa kooxdaan, waxayna dowladda Soomaaliya abaabuleysaa duulaan culus oo guud ahaan dalka looga xoreynayo Al-Shabaab. The post Xogta dad badan oo Shabaab ay fagaare ku toogatay appeared first on Caasimada Online.
