Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Riyadh: The King Salman Humanitarian Aid and Relief Center, KSrelief, continued to distribute sacrificial meat to the poor across Yemen, Somalia, and Sudan on the second day of Eid Al-Adha. Source: Hiiraan Online
  2. MINNEAPOLIS -- The U.S. Department of Justice is in Minneapolis this week, hosting meetings as they work on a plan to keep the community at the forefront of changes regarding the Minneapolis Police Department. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ay saaka ciidamada dowladda ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howl-galkaan oo ay sameeyeen ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa ka dhacay deegaano hoostaga degmadaasi, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab. Ciidanka Haramcad ayaa howl-galkaan waxay ku burburiyeen maxkamad beenaadkii kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd deegaanadaasi, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. “Howl-galkaan ayaa ku dhacay si nabad ah, kadib kolkii ay halkaasi isaga carareen kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ee sida dhuumaaleysiga ah u jooga Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda. Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale hore u burburiyay maxkamado ay kooxda ku laheyd duleedka Muqdisho iyo deegaano kale, kuwaasi oo ay ugu yeeri jirtay bulshada caasimada. Howl-galkan ayaa imanaya, ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo qaadin wax howl-gal ah oo muuqda oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah. Si kastaba, waxaa bilihii dhowaa dowladda federaalka ay sheegeysay inuu billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, inkasta oo aanay weli hadalkaas ficil u beddelin. The post Sawirro: Ciidanka Haramcad oo burburiyay maxkamad ay Al-Shabaab ku laheyd… appeared first on Caasimada Online.
  4. Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu ciidamada Soomaaliya ku wareejiyay laba saldhigo oo millatari, iyadoo ay sii socoto hawsha lagu dhimayo ciidamada ATMIS ee ku sugan dalka. War-saxaafadeed ka soo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu wareejiyey saldhigyada Cadale, iyo Arbacow. Wareejinta waxaa sameeyey taliyaha ciidamada Burundi ee ATMIS sarreeye guuto Jean Claude Niyiburana oo ku wareejiyey Gaashaanle Sare Saney Cabdulle, oo ah taliye guuto oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. ATMIS waxay sidoo kale sheegtay in la xiray saldhigga Marka Ayuub oo ay horey u joogi jireen ciidamada Midowga Afrika. ATMIS ayaa sheegtay inay dalka ka bixi doonaan ciidamo dhan 2 kun oo laga soo qaaday saldhigyada la wareejiyey bishan Juun oo ay maanta u dambayso. Ciidamada ATMIS ayaa la filayaa inay gebi ahaan ka baxaan Soomaaliya dhammaadka 2024-ka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan muddo lix bilood ah cusboonaysiiyey muddo-xileedka ATMIS. PUNTLAND POST The post Hawlgalka ATMIS oo saldhigyo millatari ku wareejiyay Ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Makkah (Caasimada Online) – Waxaa lagu jiraa maalmihii ugu dambeeyay ee gudashada waajibaadka Xajka, iyada oo kumannaan Soomaali ah oo ka dhoofay gudaha waddanka ay sanadkaan gudanayaan cibaadadaasi. Waxaa maalmihii dambe si weyn baraha bulshada loogu baahinayay in la dayacay Xujeydii Soomaalida aheyd oo meelo cidla ah looga tegay, xilli dowladda ay ku faantay in sanadkaan meesha laga saaray musuq-maasuqii adeega Xajka Haddaba, Waa sidee xaaladda Xujeyda Soomaalida ah iyo waxa ka jira dayaca la sheegay? Weriye Xasan Cabdi (Xasan Yufle) oo kamid ah Soomaalida sanadkaan xajineysa oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in Xujeyda Soomaalida ay heleen adeeg aad u wanaagsan, islamarkaana la dejiyay meelo u dhow Mina. “Adeeg fiican oo wanaagsan ayaa loo sameeyay Xujeyda. Runtii waxaa Soomaalida la dejiyay huteello aad u wanaagsan oo isku xiga, sida u soo gaadhana waa fududaaneysay. Qofka xilli kasta oo uu soo kaco Xaramka waa uu haleelayay,” ayuu yiri Xasan Yufle oo u waramay VOA. “Qof meel looga tegay oo la dayacay ma arkin. Iyada oo baska uu jiray oo xilli kasta heegan yahay ayaa dadka Soomaalida qaar taksi raacayay, waxay u raacayaan qof caafimaad u socda, qof suuqa kasoo adeeganaya ama qof qaraabadiisa soo booqanaya.” Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, “Dadka lasoo duubay ee baraha bulshada lasoo dhigay ee la yiri Soomaalida waxay tuugsaneysa taksiile waa been.” “Maalintii 8-deed ee Dul-Hijjah ayaa nidaam xumo yar dhacday oo Soomaalida waa iska taqaana oo qof walba wuxuu isleeyahay yaan laga tegin. Markii dadkii si nidaam darro ah u koreen basaska waxay sababtay in markii la tegay Mina in dadka qaar meeshii loogu tala-galay waayeen.” Waxa uu ka dhawaajiyay in Xujeyda Soomaalida qaarkood ay seexdeen banaanka, markii la tegay Mina, taasi oo uu sheegay inay sababtay nidaam darro ka dhalatay qaabkii Soomaalida usoo raaceen basaskii loogu tala-galay. “Waa jireen dad banaanka ku baryay oo qoraxda seexday, laakiin sababta keentay waxay aheyd nidaam darada baska lagu koray,” ayuu yiri Xasan Yufle. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/06/01000000-0a00-0242-122b-08db792a6261_48k.mp3The post Wareysi: Maxaa ka jira in sanadkaan la dayacay xujeyda Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  6. Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa saaka dib u qabsaday degaanka Daaru-Nimca oo ka tirsan degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeellada dhexe. Maleeshiyaadka ayaa saaka weerar ba’an ku qaaday degaankaas Daaru-Nimca oo kamid ah degaannadii laga xoreeyay sannadkan gudihiisa. Ciidamada degaanka iyo kuw dowladda ee ku sugnaa Daaru-Nimca ayaa markii hore iska caabiyay weerarka waxayse sida la xaqiijinayo ay waayeen gurmad ciidan. Ciidamada dowladda iyo macawisleyda laga qabsaday Daaru-Nimco ayaa sida wararku sheegayaan u baxay dhinaca degaanka Al-Kawsar ee Gobolkaas. Xogaha ayaa intaas ku daraya in kooxda Al-shabaab ay gebi ahaanba burburisay goobo muhiim ah oo ku yaalla degaanka Daaru-Nimca oo ay ku jiraan Masjidkii iyo Ceelkii degaanka. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo saaka dib u qabsaday degaanka Daaru-Nimca ee Gobolka Shabeellada dhexe appeared first on Puntland Post.
  7. Mogadishu (HOL) - Banadir Regional Police Command in Mogadishu displayed a young man who allegedly stole a small child on Friday. Source: Hiiraan Online
  8. Twin Cities community has long battled Islamophobia, and some say attacks are a backlash to new rule allowing broadcast any time Source: Hiiraan Online
  9. Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar lagu dhisayo hay’ad madax-bannaan oo baaritaan ku samaysa in ka badan 130,000 oo qof oo lagu la’yahay colaadda ka taagan dalka Suuriya. Qaraarka, oo ay hormuud ka tahay Luxembourg, dalalka ka soo horjeestay waxaa ka mid ah Suuriya oo sheegtay in aysan la shaqayn doonin hay’adda loo xilsaaray arrimahaasi,waxaana sidoo kale diidan qaraarkaasi, Russia, China, Belarus, North Korea, Cuba iyo Iran. Qaraarku waxa uu oggolaanayaa in Jamhuuriyadda Carabta Suuriya laga dhiso Hay’ad Madax-bannaan oo raadisa halka ay ku dambeeyeen dadka la la’yahay, iyada oo hoos imanaysa Qaramada Midoobay. Qaraarkan ayaa soo baxay Khamiistii,iyadoo ay oggolaadeen 83 cod, 11 ayaa diiday, 62 kalena way ka aamuseen. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo baaraysa in ka badan 130,000 oo qof oo lagu la’ yahay colaadda Suuriya appeared first on Puntland Post.
  10. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in duleedka magaalada ay xiisad dagaal ka taagan tahay, taasi oo u dhexeyso ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo. Xiisadda dagaal ayaa si gaar ah uga taagan bariga magaalada, gaar ahaan aagga xerada Goojacadde oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada hubeysan ee labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in milatariga Somaliland iyo ciidanka deegaanka ay haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, taas oo uga sii dareyso xiisadda taagan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada dhinac ay heleen gurmadyo kala duwan oo ciidan ah, kuwaas oo saacadihii ugu dambeeyay gaaray duleedka Laascaanood, si ay ugu biiraan dagaalka ka socda halkaasi. Dadka deegaanka ayaa dhankooda cabsi ka muujinaya in mar kale uu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama labada ciidan ay guluf ka wadaan duleedka xarunta gobolka Sool. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Somaliland iyo SSC-Khaatuma oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi. Dagaallo culus oo u dhexeeyo labada dhinac ayaa maalmihii ugu dambeeyay dib uga qarxay aagga Laascaanood, kuwaas oo ay barbar socdeen duqeymo khasaare xoogan geystay. Duqeymaha ayaa si gaar ah u saameeyay xarumo ku yaalla bartamaha Laascaanood, kuwaas oo isugu jiro guryo ay dagan yihiin dad shacab ah iyo goobo ganacsi intaba. Arrimahan ayaa kusoo aadaya, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray. The post Xiisad culus oo saaka ka taagan magaalada Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  11. Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya oo kamid ah dalalka Afrika ee dhaqaalahoodu aadka u kobcayo ayaa codsatay inay ku biirto ururka BRICS ee suuqyada soo koraya, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda. “Waxaan filaynaa in BRICS ay jawaab wanaagsan naga siin doonto codsiga aan sameynay,” ayuu saxaafadda u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Meles Alem, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda ee ENA. Afhayeenka ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Itoobiya waxay sii wadi doontaa la shaqaynta hay’adaha caalamiga ah ee ilaalin kara danaheeda.” Itoobiya ayaa ah dalka labaad ee ugu tirada badan qaaradda Afrika, balse dhaqaalihiisu uu ku jiro kaalinta 59-aad ee dunida, sida ay sheegtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF, waxaana uu kala bar ka yar yahay waddanka ugu yar xubnaha BRICS ee Koonfur Afrika. Wadamada BRICS waxay matalaan in ka badan 40% dadka adduunka iyo ilaa 26% dhaqaalaha aduunka. Erayga BRIC waxa alifay dhaqaaleyahan Goldman Sachs, Jim O’Neill, sannadkii 2001 si uu u qeexo kor u kaca Brazil, Russia, India iyo China. Awoodaha BRIC ayaa shirkoodii ugu horreeyay 2009 ku yeeshay Ruushka, iyada oo Koonfur Afrika ku biirtay 2010-kii. The post Ethiopia oo codsatay in ay ku biirto ururka BRICS appeared first on Caasimada Online.
  12. Turkey condemned a decision by Swedish authorities to approve a small Quran-burning demonstration outside a mosque in Stockholm on Wednesday, a move that may jeopardize Sweden’s bid to join NATO before the bloc’s key summit in July. Source: Hiiraan Online
  13. The International Organization for Migration (IOM) on Wednesday called for urgent donor support to strengthen resilience and prepare for further floods expected later this year due to the El Nino weather phenomenon. Source: Hiiraan Online
  14. NAIROBI, Kenya (AP) — A humanitarian group has raised alarm over rising malnutrition in refugee camps in northern Kenya. Source: Hiiraan Online
  15. President Recep Tayyip Erdogan spoke by phone late Wednesday with several world leaders, exchanging greetings on the occasion of Eid al-Adha, one of the major Muslim religious festivals, Anadolu Agency reports. Source: Hiiraan Online
  16. Dalalka Bariga Dhexe oo ka jawaabay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Ciraaq, Iiraan, Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ayaa maanta cambaareeyey falkii uu nin Ciraaqi oo ku nool Sweden ku gubay Kitaabka Qur’aanka, ayaga oo ka digay in ficillada noocan ah ay hurinayaan dareenka Muslimiinta caalamka. Ayada oo ay joogaan boolis tiro badan, ayaa Salwan Momika oo ah 37 jir usoo qaxay Sweden dhowr sano kahor, wuxuu Arbacadii ku istaagay Kitaabka Qur’aanka kahor inta aanu bogag ka mid ah dab ku hor qabadsiin Masjidka ugu weyn magaalada Stockholm. Booliska caasimadda Sweden ayaa Salwan siiyey fasax uu dibadbax ku dhigo, si waafaqsan waxa loogu yeero xoriyadda hadalka, hase yeeshee waxay goor dambe sheegeen inay fureen baaritaan ka dhan ah oo la xiriira “kicin”. Dhacdadan ayaa timid ayada oo Muslimiinta caalamka ay u dabbaal-degayeen maalinta Ciidul Adxa. Ciraaq ayaa mas’uuliyiinta Sweden ku cambaareysay go’aanka ay “xagjir” ku siiyeen fasax uu ku gubo qur’aanka. “Dhacdooyinkan waxay kicinayaan dareenka Muslimiinta caalamka, waxayna ka dhigan yihiin daan-daansi halis ah oo lagu sameeyey,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq. Iiraan ayaa sidoo kale ku biirtay cambaareynta, ayada oo gubitaanka qur’aanka ugu yeertay mid “daan-daansi ah, aan laga fiirsan, oo aan la aqbali karin.” “Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan… uma dulqaataan aflagaaddada noocan, si xooggan ayeyna u cambaareynayaan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Nasser Kanani. Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale si xooggan u cambaareysay falkan. “Falalkan naceybka ah ee soo noqnoqda laguma aqbali aqbali karo wax cudur daar ah,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga. Masar, oo ah dalka ugu dadka badan Carabta, ayaa ku tilmaamtay gubista Qur’aanka Kariimka ah “fal fool-xun oo ka caraysiinaya dareenka Muslimiinta.” Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay Qaahira ayaa isna ku tilmaamay gubista Qur’aanka Kariimka ah “weerar lagu soo qaaday xuddunta diinteena Islaamka.” Kuwait ayaa ku baaqday in dambiilayaasha falalka noocan ah cadaawadeed la horkeeno cadaaladda “lagana hortago in mabaadi’da xorriyadda ay qiil uga dhigtaan cadaawad ka dhan ah Islaamka ama caqiido kasta oo muqaddas ah.” Gubitaanka Qur’aanka ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyey lixda dal ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, halka Morocco ay u yeertay safiirkeeda Stockholm. Sidoo kale, kooxda awoodda badan ee Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku eedeysay Sweden “inay qeyb ka tahay dambiga.” Xizbullah ayaa ugu baaqday Sweden inay joojiyaan falalka noocaan ah “halkii ay ku dhuuman lahaayeen xoriyadda hadalka.” Waxay ku boorisay Mas’uuliyiinta iyo dalalka Islaamka iyo Carabta inay qaadaan “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si ay ugu qasbaan Sweden iyo dalalka kale in laga hortago soo noqoshada dhacdooyinka noocan oo kale ah iyo joojinta “fidinta dhaqanka nacaybka ah.” Bishii Janaayo, nin xagjir oo Swedish-Danish ah, kana tirsan kooxaha garabka midig, ayaa ku gubay nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah meel u dhow safaaradda Turkiga ee Stockholm, taasi oo sidoo kale ka careysiisay dunida Muslimka. Qaran News
  17. The African Union (AU) Transition Mission in Somalia (ATMIS) said on Thursday that it has completed the first phase of troop withdrawal from Somalia with the handover of military bases in the capital of Mogadishu and the southern region. Source: Hiiraan Online
  18. Soomaaliga dharka xayeysiiya ee ku Hoyan jiray waddooyinka Yurub? Issack Cabdi Sadiq, oo ah wiil Soomaali ah oo u dhashay dalka Faransiiska, ayaa todobaadkii hore u socdaalay shirkadda weyn ee Louis Vuitton ee samesa alaabaha qaaliga ah ee laga leeyahay dalka Faransiiska. Milkiilaha shirkadda Bernard Arnault oo soo noqday ninka ugu taajirsan adduunka haddana kaalinta labaad ku jira, ayaa maalintii waxa uu shirkadihiisa ka sameeyaa 12.5 bilyan oo doolar. Riyada nolosha Isaaq Cabdi Sadik ayaa bishii Sebtembar ee la soo dhaafay u rumowday kaddib markii uu Afrika iyo Yurub uga soo tallaabay Soomaaliya, oo uu magangelyo ka helay Faransiiska. 25 jirkan oo ku sugan Paris, oo aan haysan qoys iyo lacag toona oo subax subxaha ka mid ah ka soo toosay a laamiga xaafadda 17-aad ayaa haweeney ka shaqeysa xaafadda ugu bishaareysay in quruxdiisa ay ka caawin karto in adduunka uu caan ka noqdo. Maalmo ka dib, Isaaq Cabdi Sadik waxa uu heshiis la saxeexday shirkadda Elite ee ah tan ugu weyn naqshadeynta dharka adduunka oo dhan. Agaasimaha farshaxanka ee shirkadda Balmain Olivier Rousteing ayaa u soo bandhigaya bandhigiisa ugu horeeya. Waa 25 jir uu ka soo jeeday Muqdisho Soomaliya balse hadda u nool Faransiiska oo uu qaxootinimo ku tegay. Dheererkiisu waa 189 sentimitir. Isaaq oo mar bogga Models ay weydiiyeen sida uu noqday qof modal ah ayaa yiri: “Waxaan seexanayay waddooyinka Paris, oo aan ka dawarsanayay. Sebtembar 19, 2022 qof baa ii istaagay oo i waydiiyay in aan rabo in aan noqdo qof model ah, ka dib waxa uu i geeyay shirkadda Elite waxaana la i saxiixday heshiis.” Isaaq Cabdi ayaa sheegay in marka laga soo tago naqshadeynta dharka uu sidoo kale jecel yahay inuu wax barashadiisa sii wato maddaamaa uu markii uu Afrika joogay uu dhexda uga tagay waxbarashada. “Si aan u oofiyo riyooyinkayga, sida dhammaynta waxbarashada, ku dadaalida inaan daryeelo nafteyda iyo kuwa kaleba ayaa ah hadafkayga ugu weyn.” Waxa uu sheegay in shaqadan ay u sahashay in markii ugu horreysay uu Yurub ku safro maaddaamaa uu qaxootinimo ku soo galay Faransiiska. Waa maxay halka shay oo laga yaabo inay dadku marka ay kaa ogaadaan ay la yaabaan? Xirfadayda naqshadeynta sababtoo ah aad ayaa waxay dadku igu yaqaanaan waddooyinka Paris qof walbana wuxuu u arkaa arrintayda mid jahawareer ah. Waxa uu sheegay inuu doonayo inuu adduunka ku soo kordhiyo inuu badbaadiyo xarruurta si uu u xaqiijiyo inay helaan mustaqbal wanaagsan. Qaran News
  19. For the second time, a Franklin County jury could not decide whether to convict a Columbus man accused of kidnapping Mohamed Hassan Adam, a prominent imam in the local Somali community who was found fatally shot in December 2021. Source: Hiiraan Online
  20. Bamako (Caasimada Online) – Waxaa xarunta Qaramada Midoobay ka socda dood la xiriirta in la sameeyo waqti ciidamada Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta ah ay kaga baxaan dalka Mali. Dooddan ayaa imaneysa, iyada oo dowladda Bamako ay dooneyso in aan dib loo dhigin ka bixista ciidanka Qaramada Midoobay ee dalkeeda. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mali Abdoulaye Diop ayaa cambaareeyey waxa uu ugu yeeray guuldarrada howl-galka nabad ilaalinta QaramadaMidoobay. Wasiir ayaa fadhi ay lahaayeen Golaha Ammaanka waxa uu si lama filaan ah uga jeediyay dalab ah “in ciidamadaasi ay si deg deg ah uga baxaan Mali.” Howl-galka nabad ilaalinta ee loo yaqaan Minusma oo ah kii ugu qaalisanaa ee QM oo ay sanadkii ku baxaysay lacag dhan $1.2 billion oo dollar, ayaa hadda u muuqda in uu meesha ka baxayo, iyada oo Mali oo la tacaaleysa kooxaha Jihaadiyiinta ahna ay wajihi doonto xaalad aan la ogeyn waqtigan. Horraantii June ayuu Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka hadlay sii joogista ciidanka Qaramada Midoobay ee Mali, iyada oo ay guud ahaan gobolka sii kordhayaan cabsida ah inay sii kordhayaan khataraha ka imanaya kooxaha xagjirka ah haddii ay ciidanka QM baxaan. REUTERS + VOA The post MALI oo dalbatay in dalkeeda si deg deg ah looga saaro ciidamada QM + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  21. Dalal badan oo ka falceliyey kitaabka qur’aanka ee lagu gubay Sweden iyo Somalia oo aan weli juuq o dhan! Morocco ayaa u yeedhatay safiirkeeda u fadhiyay dalka Sweden, Jordan safiirkii Sweden u fadhiyay Amman ayaa su’aallo la waydiiyay. Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo 57 waddan oo muslim ah ay xubno ka yihiin ayaa si adag u cambeereeyay, dalalka kale ; Turkiga oo sheegay tallaaba ugu adag inuu qaadayo, Sacuudi Carabiya, Morocco, Ciraaq, Iran, Pakistan, Ruushka , Senegal, Morocco, Mauritania iyo Falastiin ayaa cambaareeyay.Mareykanka, ayaa dhankiisa, ku tilmaamay falkan mid “ixtiraam darro qoto dheer” balse wuxuu laga gaabsaday in la cambaareeyo. Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa dambi weyn iyo meel ka dhac ku tilmaamay: “Qur’aanka kariimka ah Muslimiinta waa muqadas, waana in uu dadka kalana u ahaadaa mid muqadas ah.” Ayuu yidhi. Soomaaliya weli xataa ma samayn cambaarayn. Salwaan Momika oo qaxoonti Ciraaqi ah ayaa ku gubey nuqul ka mid ah kitaabka qur’aanka kariimka ah bannaanka masjid ku yaal Stockholm, xilli ay hareeraha ka joogeen Booliska Sweden. Qaran News
  22. Washington (Caasimada Online) – A new report suggests that the move to redeploy U.S. troops in Somalia last year was significantly influenced by an overestimated terror threat evaluation from the U.S. Africa Command (AFRICOM). This new investigation highlights the necessity of reassessing strategic approaches to the crisis in the East African nation. General Stephen Townsend, former head of AFRICOM, had outlined a grave security image resulting from Trump’s order to withdraw troops, pushing both publicly and behind closed doors for a military re-engagement. In his 2022 presentation to the Senate Armed Services Committee, Townsend maintained that “Al-Qaida’s al-Shabab remains the greatest threat to U.S. persons and interests in the region as well as the homeland… if left unchecked, al-Shabab will soon expand beyond Somalia’s borders and become an even greater threat to regional stability and American interests.” Unchallenged Decisions According to the International Crisis Group, a multinational independent think tank, these alarming claims essentially went unquestioned. The report was based on interviews with serving and previous U.S. government officials. It stated, “Despite the sense among some U.S. officials that Townsend may have been inflating the threat, especially to the U.S. homeland, his position faced little if any dissent at the Defense Department. Not even political appointees who otherwise supported scaling back the war on terror vigorously challenged his proposal.” As a result, a return to the previous military status quo in Somalia was seen, with hundreds of troops again supporting the country’s ongoing fight against Islamic militants. AFRICOM is yet to comment on the revelations of the report. Troop deployment: The ‘least bad’ option The decision to redeploy appeared to face little opposition due to its alignment with the Pentagon’s preferred method: using a relatively small number of troops at a low cost to contain a threat from spreading outside of the region. The report revealed that officials from the Pentagon and State Department deemed this move “the least bad option.” “There were doubtless several reasons for the diffidence. One was likely that the threat of a terrorist attack weighs heavily on senior leaders, who never want one to happen on their watch,” the report noted, explaining that this perspective often leads to a policy favoring troop deployment to mitigate any risk. A call for political reconciliation The International Crisis Group, however, calls for a shift in focus towards non-military means to resolve the long-standing conflict in Somalia. They argue that the current approach, overly reliant on military force, is unlikely to succeed due to the intricate political landscape of Somalia and al-Shabab’s enduring resilience. The report pushes for the U.S. to concentrate on political reconciliation efforts among Somalia’s diverse groups and tribal factions. It suggests that the U.S. should seize any opportunity to aid Somalia’s government in negotiation talks with al-Shabab, weakening the terrorist organization through diplomatic channels. It further states, “A corollary to the broadly accepted analysis that al-Shabaab cannot be defeated militarily is that, at some point, a settlement with the group may offer the best hope of stabilizing the country. Although many officials in Washington recognize that dialogue could be in the cards, they tend to brush off the need for long-term planning toward this end.” This report underscores the critical need for a strategy recalibration concerning U.S. involvement in Somalia, favoring diplomacy and dialogue over militaristic solutions. It provides a comprehensive framework to understand the nuances of the situation, thereby opening avenues for policy discourse that could reshape the future of Somalia. The post Overstated threats stir U.S. troop return to Somalia appeared first on Caasimada Online.
  23. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ay Puntland uga hortimid hanaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo arrinta ay isku hayaan dowladda federaalka. Wasiir Dhabancad ayaa waxa uu shaaciyay in Puntland ay diidan tahay qorshaha mideynta hanaanka maaliyadeed ee dalka, taasi oo ay dooneyso dowladda federaalka, ayada oo weli heshiis wadar ogol ah aan laga gaarin. “Sababta aan isku hayno dowladda federaalka waa in Muqdisho aragtida ay qabto shuruucda ku dhisto, anaguna waxaa leenahay miiska ha la iskugu yimaado oo ha laga heshiiyo,” ayuu yiri Wasiir Maaliyadda Puntland oo la hadlay BBC. “Waxay rabaan in nidaamka maaliyadeed la mideeyo oo hal irid leh, waxa uu halkaas irid ka hor imaanaya Dastuurka KMG ee Federaalka, dowladda federaalka waa ku raacday IMF iyo Bangiga Aduunka oo ma dhihin waxan Dastuurkeena ma waafaqsana.” Wasiirka ayaa waxa uu ku dooday in dalka uu federaal yahay, sidaas darteed uu maamul kasta u madax banaan yahay nidaamkiisa maaliyadeed, ayna marnaba aqlabeyn in toos loo hoos geeyo Xamar, sida uu hadalka u dhigay. “Waxa la raadinayo waxa kamid ah in la mideeyo canshuuraha, akoonada ay ku shaqeynayaan maaliyadaha iyo hanaanka maaliyadeed oo dhan la mideeyo oo Xamar la dhigo, oo ay sahlanaanto in halkaas wax walba laga maamulo.” Sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan ay isku hayaan dowladda federaalka ee salka ku haysa hanaanka deyn cafinta u baahan tahay wada-hadal, ayna diyaar u yihiin ka maamul ahaan inay kala fariistaan madaxda sare ee dalka. “Deyn cafinta iskama imaneyso waxay rabtaa in hanankii dalka la isku dhiso oo hanaankii maaliyadeed la dhiso oo hal mid laga, hanaankii canshuuraha mid laga dhigo anaguna taas ma qabno. Marka waxaa rabnaa in dalka heshiis yahay, oo anaga waxaa qabnaa in hanaanka canshuurahayga u madax banaanahay.” “Waxaa leenahay in miiska wada-hadalka ay dowladda federaalka ogolaato in la isku yimaado. Puntland waxay diyaar u tahay in dowladda federaalka wada-hadal la galno oo kala hadalno arrimaha awood qeybsiga, kheyraadka iyo dalkaan federaalnimadiisa sida ay noqoneyso.” Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in dowladda Xasan Sheekh ay hore usii waday wixii ay isku hayeen dowladii hore ee madaxweyne Farmaajo, “Wixii aan diidaneyn oo madaxda dowladda federaalka ee hadda joogta ay nala diidaneyd in hore loo sii wado, waxaa ku qasbanaanay in aan banaanka ka istaagno.” The post Arrinta ugu weyn ee ay isku hayaan DF iyo maamulka Puntland appeared first on Caasimada Online.