-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa Talaadadii lix bil cusbooneysiiyey ogolaanshaha joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, balse ansixiyey qorshe si tartiib ay uga baxayaan dalka illaa ay ka wada dhammaadaan. Ciidamada Midowga Afrika, oo mar horeba billaabay ka bixitaanka Soomaaliya, ayaa waxaa la siiyey illaa dhammaadka September, si ay dalka uga saaraan 3,000 oo askari oo kale oo dheeraad ah. Golaha Ammaanka ayaa bishii April ee 2022 ansixiyey in ciidamada AMISOM oo la aas-aasay 2007 lagu beddelo ciidamada ATMIS, oo la siiyey awood dheeraad ah oo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab. ATMIS oo ka kooban 19,000 oo askari iyo saraakiil boolis ah ayaa waxaa qasab ah in la yareeyo illaa laga geeyo 0 dhammaadka 2024, ayaga oo si tartiib ah awoodda ugu wareejinaya ciidamada Soomaaliya. Si waafaqsan qaraaradii hore ee Golaha Ammaanka, ATMIS ayaa billowday inay 2,000 oo askari ka saaraan Soomaaliya dhowr maalmood kahor, hanaankaas oo lasoo geba-gebeyn doono dhammaadka June. Bixitaanka “wuxuu ku dhow yahay geba-gebo” waxaa sidaas Talaadadii yiri safiir ku-xigeenka Soomaaliya ee QM Mohamed Rabi Yuusuf. Waxa uu intaas ku daray in dowladdiisa ay sameyn doonto “diyaar-garowga lagama maarmaanka u ah ayada oo kaashaneysa Midowga Afrika wejiga labaad ee bixitaanka 3,000 oo askari oo ATMIS ah oo dalka laga saarayo dhammaadka September.” Qaraarka ay ATMIS kusii joogayaan Soomaaliya illaa dhammaadka 2023 ayaa waxaa si aqlabiyad ah loo ansixiyey Talaadadii, waxaana uu tirada askarta howlgalka ka dhigayaa 14,626 laga billaabo 1-da October illaa 31-ka December. Golaha Ammaanka ayaa sheegay “inuu diyaar u yahay inuu dib u eego tiradan” kadib marka qiimeyn farsamo ay soo gudbiyaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika kahor 15-ka September, si gaar ahna u qiimeyn doono wejiga koowaad ee qorshaha yareynta, kadibna bixin doono “qorshe cad iyo jadwal” oo la xiriira inta harsan. Isaga oo xusaya “horumarka” Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda ku xiran Al-Qaacida, qaraarka Golaha Ammaanka ayaa “walaac xooggan ka muujiyey in kooxda Al-Shabaab ay weli halis ku tahay nabadda, ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka.” “Ma ahan inaan degn degno marka ay noqoto in howlgalka nabad-ilaalinta Afrika laga saaro Soomaaliya,” waxaa sidaas tiri Anna Evstigneeva oo ah safiir ku-xigeenka Ruushka. “Abuurista firaaq amni lama aqbali karo.” Dhinaca kale, isla kulanka ayey Soomaaliya mar kale ku codsatay in laga qaado cunaqabataynta hubka. “Cunaqabateynta qeybta ah ee hubka ee Qaramada Midoobay saartay Soomaaliya waxay caqabad ku tahay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay awood u yeelato inay si ku filan u hesho ciidamadeeda ammaanka si ay uga hortagto khatarta isa soo tareysa ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Mohamed Rabi Yuusuf. Bishii November, Golaha Ammaanku wuxuu dib u cusboonaysiiyay cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saarnayd tan iyo 1992-kii. Cunaqabatayntan hadda ma khusayso keenista hubka lagu horumarinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya. Si kastaba, guddiga Qaramada Midoobay ee mas’uulka ka ah cunaqabateynta waa in lagu wargeliyaa keenista hubka noocaan ah, waxaana suurta-gal ah inay ka soo horjeestaan keenista hubka culus qaarkood. AFP, VOA The post Golaha Ammaanka QM oo isku raacay in ciidamada ATMIS laga saaro Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant iyo sarkaal sare oo Falastiin ah ayaa ka wada hadlay rabshadaha ka socda Daanta Galbeed ee la haysto,sida lagu xaqiijiyay war ka soo baxay xafiiska wasiirkaasi. Hadal ka soo baxay xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay doonayso in ay la dagaalanto dadka deggan Israa’iil ee weeraray bulshooyinka Falastiiniyiinta,kadib markii uu la kulmay Hussein Al-Sheikh oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Falastiin. Tallaabadaan ayaa ku soo beegmay xilli ay isa soo tarayaan walaaca uu Maraykanku ka qabo xaaladda Daanta Galbeed ee la haysto,iyadoo sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ugu baaqeen dhinacyadaasi in ay ka shaqeeyaan sidii xiisadda loo qaboojin lahaa. “Israa’iil waxay ciqaab buuxda marsiin doontaa dadka rabshadaha sameynaya,” ayuu yiri wasiirka difaaca Israa’iil,kaas oo uu ula jeeday canaasiirta xagjirka ah ee dadka Yuhuudda. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay xafiiska sarkaalka Falastiin ee lala kulmay. PUNTLAND POST The post Israel oo sheegtay in ay ciqaabi doonaan xagjirka weeraraya bulshada Falastiin appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE Sonatrach Discusses Shale, Investment and Gas as the Fuel of the Future During African Energy Chamber (AEC) Working Visit to Algeria Algeria’s National Oil Company is looking at attracting new players into the Algerian E&P market while expanding its own investments across the African energy sector at large Access Multimedia Content JOHANNESBURG, South Africa, June 27, 2023/ — Algeria’s National Oil Company (NOC), Sonatrach, is making moves across the African continent, not only promoting investments in Algerian oil and gas but expanding its own portfolio of assets in emerging markets in Africa. A working visit to Algeria by the African Energy Chamber (AEC) (http://www.EnergyChamber.org) – the voice of the African energy sector and organizer of the African Energy Week (AEW) conference, scheduled for October 16-20 in Cape Town – saw discussions center on how the NOC plans to leverage its position as a major African oil and gas player to facilitate new capital and collaboration across the African gas industry. Sonatrach has long been considered one of Africa’s premier oil and gas companies and has been awarded the title of the first-ever ‘African major’. As a fully integrated group, Sonatrach serves as operator on some of the largest deposits in Africa; managing a strong pipeline of regional infrastructure projects, while facilitating the production of petroleum products at six refinery complexes – all of which are in production. Representing the Government’s interests in all oil and gas activities, Sonatrach is also tasked with attracting investment into the Algerian market, and as such, works closely with a number of Algerian and foreign players to unlock the full potential of the North African energy market. Much of the country’s hydrocarbon success can be attributed to efforts made by Sonatrach, among other government entities, to establish an enabling environment for investment. A series of reforms have made the market highly attractive, with enhanced procedural clarity, improved fiscal terms, and growth-focused policies ensuring high returns on investment for foreign players. A new Hydrocarbon Law implemented in 2019 dramatically improved the legal/fiscal framework, enabling new capital to flow inwards. Against this backdrop, Algeria enjoys a strong presence of foreign players while the NOC has effectively expanded its footprint across high potential markets in Africa. Currently, several international oil companies operate or have interests in the country, including TotalEnergies, ENI, OXY, Equinor, among others, while others have expressed interest in investing. During the AEC’s working visit, Sonatrach’s Vice President for Planning and Strategy, Rachid Zerdani, made clear the company’s long-term development plan. The company considers shale gas – of which Algeria holds the third largest reserves in the world at over 20 trillion cubic meters – to be both a lucrative investment opportunity and key solution for accelerating energy security in Africa, and is committed to increasing investment in this area. Sonatrach also hopes to supply the gas market with upwards of 110 billion cubic meters of gas per year through 2027 and increase its oil refining capacity to upwards of 30 million tons per year while advancing the development of domestic oil and gas fields. To do so requires significant levels of investment, which has led to the country opening a licensing round – spearheaded by the National Agency for the Valorization of Hydrocarbon Resources – in Cape Town in the near future to do just that. Sonatrach is also in negotiations with energy majors to advance shale gas exploration, and is seeking new partners to help develop its promising industry. As such, both the AEC and Sonatrach are aligned, with both parties emphasizing the crucial role gas monetization plays, not only in scaling up energy security on a continental basis, but by accelerating the pace at which Africa transitions to a clean energy future. However, Sonatrach’s development ambitions go beyond the country’s borders, with the NOC looking at advancing its investment across both mature and emerging markets in Africa. Simply put, Sonatrach is committed to investing in Africa’s energy future, and is working towards facilitating capital, expertise and local content across the entire energy value chain with the aim of making energy poverty history by 2030 – the mandate of the AEW 2023 conference. The company already offers various technical assistance and workforce training programs aimed at scaling up human capital development, and with a number of world-class training facilities in-country, Algeria’s role as a skills development hub is quickly on the rise. As an exploration and production (E&P) player, Sonatrach already represents the partner of choice for African resource-rich countries. The company has interests in markets including Libya (Block 65 and 95/96), Niger (Block KAFRA), Nigeria (Pipeline project), Tunisia (Kaboudia, Hmra & Nord Des Chotts Blocks), Mali (Block 20), and Mauritania (Block Ta29 and Ta1), however it is looking at significantly expanding this investment. From technical know-how to regulatory insights and oil and gas services, Sonatrach serves to advance energy developments across the continent through partnerships and collaboration. Looking ahead, the AEW 2023 conference will see Sonatrach provide critical insight into the company’s continental objectives, with a strong delegation from Algeria coming to Cape Town to discuss collaboration, natural gas and intra-African trade. AEW 2023 provides the ideal platform where the Sonatrach delegation can engage with various global investors as well as regional counterparts, thereby forging new partnerships and investments. During the conference, a series of special sessions will take place, dedicated to the investment opportunities cropping up across the Algerian hydrocarbons market. Such sessions will provide key insight into Algeria’s regulatory and fiscal regime, the country’s untapped acreage and its long-term action plan. “Sonatrach continues to make strides towards making energy poverty history by 2030. The company has placed investing in Africa as a top priority, and as such, is making efforts to partner with foreign companies and other NOCs, providing the support countries need to get large-scale oil and gas projects off the ground. Algeria’s shale gas opportunities cannot be overstated, and this industry is set to play a much larger role in Africa’s energy future. We are looking forward to the discussions and insights set to be provided by the Algerian delegation during AEW 2023. Algerian oil and gas is not only profitable for global investors but serves as a blueprint for how other African countries can monetize their resources and drive long-term economic growth,” stated NJ Ayuk, Executive Chairman of the AEC. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
-
Munaasibada Eid- Al-Adxa & Boorama. Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa saaka ka baaqday in uu dadwaynaha kula tukado garoonka Mire-Awaare ee Magaalada Garoowe,Madaxwaynaha iyo Xukuumadiisa ayaan saaka soo dhaafin Xafiiska Madaxtooyada. Maxaytahay Sababtu.? Qaran News
-
Waxaa Saaka Degtay Doontii Shamis 4 oo ka Timi Yemen Waxaana Saarnaa dad ku dhow 35 Qof waxayna Dalbadeen Gurmad Deg deg ah in Lala Soo gaadho Waxayna Saaran yihiin Siximad Yar qaarna Waxa ay Fuushan yihiin Looxyo Sida Ay sheegeen Hada. Doonta ayaa ku degtay 60ML meel u jirta Magalda Bosaso waxaana Lagu Jiraa Sidii dadkaas loosoo badbaadin lahaa Sida oo kale waxaa Laga Codsanayaa Cidkasta oo Ka qayb qaadan karta in ay Xiriir Nala soo samayyaaan. All reactions: 204204 Qaran News
-
Sidii looga ciiday Jigjiga Qaran News
-
Tirada & Wadarta Guud ee xujaajta sanadkan 2023…1,845,045 Xaaji – Tirada Xujaajta ka kala timi Dalalka Caalamka… 1,660,915 Xaaji – Tirada Xujaajta ka timi Gudaha Dalka Sacuudiga… 184,130 Xaaji NB.Dawlada Sacuudiga ayaa shaacisey All reactions: 3Ayaanle Husein Miiraajka, Maxamed Cali Cige and 1 other Like Comment Share Qaran News
-
Xujeyda oo ku guda jirta dawaafu Al-Ifaada Qaran News
-
Siday Carafo u eekatay Markii Xujaajtu ka guurtay Qaran News
-
Khartoum (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa Talaadadii ka digtay in colaadda ka taagan Suudaan ay ku riixdo hal milyan oo qof inay isaga soo cararaan dalkaas, iyaga oo ka baxaya xuduudaheeda. Ilaa hadda, iskahorimaadka u dhexeeya kooxaha millatari ee dagaallamaya, oo billowday bartamihii bishii Abriil, ayaa sababay in ku dhawaad 600,000 oo qof ay u qaxaan dalalka deriska ah, sida Masar, Chad, Koonfurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. “Nasiib darro, markaan eegno sida ay wax u socdaan, marka loo eego xaaladda Darfur, waxay u badan tahay inaan dhaafno 1 milyan,” ayuu yiri Raouf Mazou, Kaaliyaha Wakiilka Sare ee Hawlgalka UNHCR. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ka badan 2.5 milyan oo qof inay tan iyo bishii April ay ka barakaceen guryahoodii. VOA The post QM oo sheegtay in ku dhawaad 1 milyan ay ka qaxeen colaadda SUDAN appeared first on Caasimada Online.
-
Doonta Shamis4 oo u raran ganacsato Soomaaliyeed ayaa sida la xaqiijinayo saaka ku degtay xeebaha Gobolka Bari. Doontan oo shimito ka soo qaaday dalka Yemen kuna sii jeedda Boosaaso ayaa ku degtay meel 60mile u jirta xeebta magaalada Boosaaso. Shaqaalaha saaran doonta oo soo hadlay ayaa dalbanaya in gurmad deg deg ah loo sameeyo sida laga soo xigtay ganacsatada doonnidu u raran tahay qaarkood. PUNTLAND POST The post Doon u raran ganacsato Soomaaliyeed oo saaka ku degtay xeebaha Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Sabaax Ibraahin, 61jir ah oo u dhalatay dalka Masar, waxa Ebbe oofsaday iyada oo sujuudsan oo tukanaysa, saaranna buurta Carrafo. Alle ha u raxmado. Qaran News
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan dadaal xoogleh ku bixineyso in looga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, taas oo la soo rogay sanadkii 1992. Dowladda ayaa qorshe ballaaran oo arrintan ku aadan ka wada magaalada New York oo fadhi u ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Cali Cumar Cali (Balcad) oo ah Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku sugan magaaladaas ayaa war cusub kasoo saaray howsha ay wadaan ay ku aadan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in haatan shirar ay ka wadaan dalka Mareykanka, isla-markaan looga hadlayo sidii cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in cunaqateynta hubka saaran Soomaaliya, uu yahay midkii ugu dheeraa ee waddan la saaro, taasi ayuu sheegay in ay dadaal ku bixinayaan sidii waddanka looga qaadi lahaa Cunaqateynta hubka, . Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ay hadda dhiseyso Ciidamadeeda, isla markaana Dalka uu ku jiro Xaalad dagaal. Cali Balcad ayaa sidoo kale shaaciyay in Soomaaliya ay u baahan tahay fursad ay hub kusoo iibsan karto, taasina ay ku xiran tahay in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran. “Haddii la rabo in Soomaaliya ay cagaheeda ku istaagto, haddii la rabo in Soomaaliya ay yeelato Ciidan badali kara, Ciidamada wadamada aan saxiibada nahay ee noo soo gurmaday ee nala jooga in muddo 16-sanno ee ATMIS ( EX AMISOM ), waxey Soomaaliya u baahan tahay in ay hesho fursad ay ku soo biibsan karto hub noocyadiisa kala duwan hubka ee ay rabto si ay Ciidamada qeybahooda kala duwan ay ugu qalabeyso marka muhiimad weyn ayey inoo tahay in Soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta hubka ee saara, inta sanadkan uusan dhammaan ayaan qorsheyneynaa si sanadka dambe aan u dhisno Ciidamo ilaalin kara amniga iyo Qaranimadiisa Soomaaliya “ Ayuu yiri Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Cali (Balcad). Si kastaba, dhowaan madaxweynaha Soomaaliya oo New York uga qaybgalay shirka Golaha Ammaanka ee QM ayaa ka dalbaday in dalkiisa laga qaado cunaqabateynta hubka, isaga oo dhanka kale golaha la wadaagay guulaha ay dowladdiisa ka gaartay dagaalka adag ee ay kula jirto kooxda Al-Shabaab. The post DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay cunaqabteynta hubka appeared first on Caasimada Online.
-
Amsterdam (Caasimada Online) – Munaasabad lagu maamuusayay fadliga & kheyrka ay xambaarsan tahay ciidul-adxa, ayna soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Zwolle & Magaalooyinka ku dhowdhow ayaa maanta lagu qabtay magaaladaasi. Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle C/qaadir Cali [Nuune] oo dhinaca kalena ah Guddoomiye ku-xigeenka dalladda ay ku middeysan yihiin ururada Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo FSAN, oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa ugu horreeyn u mahadceliyay qoysaska Soomaalida ah ee ku dhaqan Zwolle & nawaaxigeeda sida ay mar walba u ilaaliyaan midnimada & wadajirka dhexdooda ah, isaga oo dhinaca kalen xusay in Zwolle ey tahay Magaalo dadka Soomaalida ah ee deggan ay tusaale u noqon karaan mushtamacyada kale ee Soomaalida ah ee ku dhaqan Nederlands. “Maalmahan barakaysani waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna.. dadka Muslimiinta ah ee soo gudatey acmaasha Xajka ee sannadkan waxaan ALLE uga baryayaa inuu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan. Xajku waa tiir weyn oo ka mid ah tiirarka ay ku taagan tahay diinteennu, ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ALE uga baryayaa midnimo, dowladnimo & in ALLE uu quluubtooda burcad isu-mariyo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda C/qaadir Cali [Nuune], isaga oo dhinaca kalena u mahadceliyay hooyooyinkii & walaalihii kale ee isku xilsaaray in ay raashin macaan oo kala ceyn ah u soo diyaariyaan Jaaliyada munaasabadan qiimaha badan darteed. Nuune, mar uu ka hadlayay qiimaha midnimadu u leedahay Soomaalida, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dadka Soomaalida ee deggan Zwolle yihiin dad ka kala yimid cirifyada Soomaaliya & meelo kale oo dunidda ah, haddana uu ALLE ku kulmiyay halkan [Zwolle & nawaaxigeeda] ayna ka middeysan yihiin in iyaga oo isku hadaf ah ay wax la qeybsadaan mushtamacyada kale ee dalkan ku dhaqan, si ay u helaan xuquuqda ay dalkan ku leeyihiin, iyaga oo buu yiri dhinaca kale na ilaalinaya sharafta & karaamada dalkooda & dadkooda. “Mushtamaca Soomaalida ee deggan Zwolle & Magaalooyinka ku dhowdhow waxeey mar walba caan ku yihiin in ay tusaale wanaagsan u noqdaan mushtamacyada kale ee Soomaalida ah ee ku dhaqan Magaalooyinka kale. Anigoo fursadan ka faa’’iideysanaya waxaan u mahadcelinayaa hooyooyinkii & walaalihii inoo soo qidmeeyay ee raashinkan caynba-caynka ah inoo keenay waxaan leeyahay waqtigiina & xoogiina ALLAHA idinka ajar siiyo” Ayuu yiri C/qaadir Nuune. Guddoomiyaha Jaaliyada Zwolle & nawaaxigeeda waxaa kale uu sheegay in dalladda FSAN oo ah dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 56 ururo Soomaaliyeed ah in sannadkan ay go’aamisay in Magaalada Zwolle ay martigeliso xuska & dabaaldaga munaasabadda 1-da Luuliyo oo ah munaasabad ku weyn quluubta ummadda Soomaaliyeed. “1-da Luulyo, waa maalintii ay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay ka qaateen xornimada gumeystihii Talyaaniga, islamarkaana ay la midoobeen gobollada Waqooyiga. Sannadkan Zwolle waxeey dusha u ridatay in ay qabato xaflad lagu maamuusayo 1-da Luuliyo” Ayuu yiri C/qaadir Nuune. Xafladdan oo aheyd mid si qurux badan loo soo agaasimay waxaa kale oo kelmado qiimo badan ka jeediyay qaar ka mid ah hormuudka Jaaliyada Zwolle, waxaanna dadkii ka soo qeybgalay ay dhammaantood si wadajir ah ugu duceeyeen ummadda Soomaaliyeed inuu ILLAAHEEY culeyska ka qaado. The post Sawirro: Soomaalida Zwolle, Nederlands oo munaasabad gaar ah u sameysay Ciidda appeared first on Caasimada Online.
