-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay ciidamada Somaliland ay madaafiic xoogan ku garaaceen gudaha magaalada Laascaanood oo 15 sano kadib xalay lagu qabtay xuska Kowda Luulyo. Madaafiicda oo laga soo tuuray duleedka Laascaanood ayaa ku dhacday gudaha magaalada oo xalay si weyn loogu dabaaldagayay sanad guurada 63-aad ee 1-da Luulyo. Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa shabakadda wararka ee Caasimada Online u sheegay in xilliga ay bilaabaneysay duqeynta ay magaalada ka socotay munaasabad ballaaran oo ay ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo lagu xusayay Kowda Luulyo oo ah markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur. Sidoo kale waxaa dhankooda madaafiic ku jawaabay ciidamada SSC-Khaatuma ee difaacyada kaga jira bannaanka magaalada, taas oo uga sii dartay xaaladda. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, balse waxaa sidii loogu talagalay kusoo dhammaatay xafladda Kowda Luulyo ee lahi qabtay Laascaanood. Dhanka kale, guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlay duqeyntaas, ayaa cambaareeyay, isaga oo ku eedeeyay maamulka Hargeysa. “Waxaan hambalyeynayaa in caawa markii ugu horreysay xafladda dabaaldagga kowda Luulyo lagu qabto magaalada Laascaanood, waxaanse aad uga xumahay dadkaas ku jiray waqtiga farxadda leh saacadihii aanu soo dhaafnay in maamulku duqeynayay goor habeenimo ah magaalada” ayuu yiri guddoomiye hore, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed. Xiisadda Laascaanood ayaa mar kale dib u qaraxday todobaadkii lasoo dhaafay, kadib markii ay dagaalladu dib uga billowdeen bariga iyo galbeedka magaaladaasi. Labada dhinac ayaa sidoo kale helay gurmadyo dheeraad ah, kadib markii ay ciidamo horleh gaareen aagga hore ee dagaalka, si ay uga qayb-qaataan. Xaaladda ayaa u muuqata mid kasii dareysa, waxaana horay u fashilmay dhammaan isku dayadii la sameeyay ee ku aadana in la joojiyo dagaalka, kadibnaa la wadahadlo. Xiisaddan cusub ayaa kusoo aadeyso, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray. The post Somaliland ‘oo duqeysay’ Laascaanood xilli ay socotay xafladda kowda Luulyo appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xuska munaasabadda maalinta qaran ee Kowdo Luulyo oo maanta ku beegan. Farmaajo ayaa marka hore hambalyo u diray dadka Soomaaliyeed isaga oo la wadaagay hambalyo ku aadan munaasabadda 63 guurada ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur. “Dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda 63 guurada ka soo wareegtay maalintii gobollada koonfureed ee dalkeennu ay xorriyadda qaateen, isla markaana labadii gobol ee woqooyiga iyo koonfurta dalkeennu ay midoobeen” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Farmaajo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maanta ku suntan tahay maalin gobanimo iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay Kowda Luulyo. Waxaa kale oo uu xusay in maanta oo kale ay aad muhiim uy tahay in la muujiyo waddaniyad iyo dal jaceyl. “Toddobaadka xorriyadda dalkeennu waa mid ku suntan, una taagan gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadnimo. Waxaana xuska iyo weynaynta maalmaha xorriyaddu ay dib inoo xasuusinayaan waddaniyaddii, Soomaali jacaylkii iyo sooyaalka halgameyaashii iyo dhaqdhaqaaqyadii gobannimo doonka ahaa ee dhaliyey xorriyadda dalkeenna” ayuu mar kale ku yiri bayaanka uu soo saaray madaxweynihii hore ee dalka. Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay mar walba ilaashadaan taariikhdooda, isla-markaana ay xasuustaan, una duceeyaan dhamaan halyeeyadii naftooda u huray xornimada dadka iyo dalka Soomaaliya. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku boorinayaa in ay mar walba xusuustaan una duceeyaan halyeeyadii naftooda u huray sidii ay dalkeenna iyo dadkeenna uga kor qaadeen heeryadii gumaystaha, waana in aynu sooyaalkooda ka barannaa cashar aynu ku dabbaqno nolosheenna maanta, innaga oo xoojinayna dal jacaylka iyo midnimada dhexdeenna ah. Hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay. Si kastaba, sanad kasta Soomaaliya waxaa lagu qabtaa munaasabad weyn oo lagu xuso 1-da Luuliyo oo ku asteysan 63-sano ka hor markii ay xornimada qaateen gobollada koonfureed ee Soomaaliya, sidoo kalena ay midoobeen waqooyi iyo koonfur. The post FARMAAJO oo farriin culus u diray shacabka Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
-
“Xuska 1-da Luulyo ee gooni-isu-taagga Soomaaliya Ma khuseeyo Somaliland oo maanta oo kale 1-da Luulyo, shacabka Somaliland waxay u arkaan maalin mugdi iyo masiibo ah. Midowgii bilaa shuruuda ahaa ee 1960 kii wuxuu ku guul daraystay bilawgii. Soomaaliya waa in ay cafis weydiisataa reer Somaliland.” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Qaran News
-
Cabdi Xaashi Iyo Faratoon Waa Isku Mid, Oo Deegaankiisa Ma Matali Karo, Mana Tagi Karo. Qore:- Xoghayaha Guud Xisbiga Waddani Khadar Xuseen. ” Kama ilbaxno siyaasad been iyo eex ku dhisan. Mar keliya kuma kala baydhno in Cabdi Xaashi aanu innagu metelin kursiga Soomaaliya iyo joogitaankiisa Xamar, haddana nin Hargeysa jooga oo aan gobalkiisa tegi karin, dadkiisuna halka Cabdi Xaashi ka taaganyihiin, ayeynu habeen iyo maalin ku andacoonaynaa in guddoonka wakiillada uu gobalkiisa ku meteli doono. Mar uun caqligu ha inna shaqeeyo oo aynnu liqno runta ah in Laascaanood aanay maanta u baahnayn xil aan waxba u goyn, balse ay baahi u qabto ciidamada oo laga dulqaado iyo nabadda oo fursad la siiyo. Maanta reer Awdal baa innaga baryaya aynnu wada lahaanno dawladnimada ee iyaga ha lagu dhiso guddoonka wakiillada oo innooma muuqato in reer keliyi wada hayaan xilal madaxweyne, guurti iyo maxkamad ee, yaanay indhaheennu qaban madaxweyne ku xigeen aynnu awooddiisa dastuuriga ah ognahay. Markaasaynu Laascaanoodna wada raadin karnaa, wada lahaanshiyaha aynnu la rabanana tusaale ka siin karnaa.” Qaran News
-
Guddi garsoorayaal ah ayaa u codeeyay Jimcihii in madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro uusan u qalmin inuu mar kale u tartamo xafiiska madaxweynaha, iyaga oo warbixintooda kusoo gabangabeeyay inuu ku takri falay awooddiisa, uuna shaki ‘aan sal iyo raad toona lahayn ka galiyay nidaamka cod bixinta ee dalkaas.’ Go’aankaan ayaa ka joojin doona Bolsonaro inuu u tartamo madaxweynaha ilaa 2030, taasoo mugdi gelineysa mustaqbalka siyaasadeed ee 68-jirka, waxayna u badan tahay inuu tirtirto fursad kasta oo uu dib ugu soo noqon karo awoodda. Afar ka mid ah toddobada garsoore ee maxkamada ugu sarreysa dalka ayaa isku raacay in Bolsonaro uu ku takri falay awooddiisa isaga oo adeegsanaya kanaalada isgaarsiinta dowladda si uu u dhiirrigeliyo ololihiisa oo uu shaki geliyo codka. Carlos Melo, oo ah bare sare oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Insper ee Sao Paulo ayaa yiri: “Go’aankani wuxuu soo afjari doonaa fursadaha Bolsonaro ee ah inuu mar kale madaxweyne noqdo, wuuna ogyahay.” Kiiska loo heysto ayaa diiradda saaray shirkii bishii Julay 18-keedii, 2022, halkaas oo Bolsonaro u adeegsaday shaqaalaha dawladda, kanaalka telefishinka dawladda iyo qasriga madaxtooyada e eBrasilia si uu ugu sheego safiirrada ajnabiga ah in nidaamka codbixinta ee elektaroonigga ah ee waddanka la musuqmaasuqay. Madaxweynihii hore ee Brazil Fernando Collor de Mello iyo madaxweynaha hadda Luiz Inácio Lula da Silva ayaa horay loogu dhawaaqay inaysan u qalmin inay u tartamaan madaxtinimada, laakiin kiiska Bolsonaro ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee madaxweyne shaqada looga joojiyo xadgudubyo doorasho. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Brazil oo laga mamnuucay Tartanka doorashada ilaa 2030 appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka dhalatay xilka qaadista uu ku sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan. Cali Guudlaawe oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar ayaa si adag uga hadlay tallaabada uu qaaday Jeyte oo ku dhowaaqay maamulka ‘Hiiraan State”. Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in HirShabelle aysan noqon karin maamul goboleedka kale, isla-markaana aysan aheyn xisbi la’isaga bixi karo marka loo baahdo. “Waxaa xaqiiqaa dowlad goboleed kale noqon mee HirShabelle, mana ahan xisbi laga baxayo waa sida aad ugu dhalatay deegaankan waad ku jiree intaad nooshahay qaybtaada ka qaado annagana waxaan ballan qaadeynaa inaan u nuglaano talo kasta oo naloo keeno” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Waxaa kale oo uu sii raaciyay in loo baahan yahay in qofka haya mas’uuliyadda muddada uu joogo xafiiska lala shaqeeyo, haddii xilka laga qaadana lasoo dhaweeyo midka cusub. “U dhalashada HirShabelle ahaashadeedu ma aha waxa dhamaanaayo, laakiin qof kasta oo mas’uuliyad haayo muddo kooban ayey leedahaye ee halagula shaqeeyo muddadaas, midka beri imaanaayana loola shaqeeyo waxay u dan tahay danta iyo degaanka” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu ku dadaali doono sidii looga gudbi lahaa in guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka lagu soo magacaabo digreeto, isla-markaana qorshahooda uu yahay in bulshada ay soo doortaan hoggaankooda. “Guud ahaan degmooyinka HirShabelle dad la magacaabay oo digreeto kusoo baxay ayaa maamulo wixii hadda ka dambeeya dad ay bulshadu soo dooratay inuu hoggaamiyo ayaa naga go’an” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen. Dhanka kale, wuxuu ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo hoosta ka xariiqay in guul weyn laga gaaray howlgallada ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in deegaanada la xoreeyay ay gaarsiiyeen adeegyada muhiimka ah nolosha aas aasiga ah, si bulshada loo taageero. The post Cali Guudlaawe: HirShabelle ma aha Xisbi laga baxayo + VIDEO appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay magaalada Londiani ee galbeedka Kenya fiidnimadii Jimcaha, kadib markii gaari xamuul ah oo siday konteenar shixnad ah uu waddada ka baxay kadibna uu ku jiiray dhowr baabuur, sida ay sheegeen booliska iyo goob-joogayaal. Muuqaallo laga soo duubay shilkan oo ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah ayaa muujinayay burburka baabuurta iyo mootooyinka oo ay barbar socdeen bas yar iyo baabuur kuwa xamuulka ah oo burburay. Taliyaha booliiska gobolka, Tom Odera ayaa sheegay in dhimashadu ay mareyso 48 fiidnimadii Jimcaha. Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in gaarigan xamuulka ah uu jiiray in ka badan lix baabuur, islamarkaana uu dilay dad lugeynayay, waxayna intaas ku dartay in inka badan 20 dhaawac ah ayaa sidoo kale loo qaaday isbitaallada deegaanka. “Dalku waxa uu la murugeysan yahay qoysaskii eheladooda ku waayay shil bahalnimo oo ka dhacay magaalada Londiani,” ayuu madaxweynaha Kenya William Ruto kusoo qoray bartiisa Twitter-ka. Shilkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee sannadihii lasoo dhaafay ka dhaca waddooyinka dalka Kenya. Sannadkii hore 34 qof ayaa ku dhintay bartamaha Kenya kadib markii bas ay saarnaayeen uu ka dhacay buundo, kuna dhacay webiga. VOA + Reuters. The post 48 qof oo ku dhintay galbeedka Kenya kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Maanta waa 1-da Luulyo, waa maalintii xuriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol, waa xanuun iyo nasiib darro ah in 62 sano kadib ay Soomaaliya shisheeye joogaan, midnimo aanay jirin oo la kala maqan yahay, dowladda xilligan jirtaana ay ka daciifsan tahay tii 1960kii! Cadawgii shalay maanta walaal ayuu noqday, qabiilkii ayaa isku badalay qaran, calankii waxaa ka soke maray calammo kale, waxaa is badalay dhadhankii waddaniyadda, inta ay weli ku dambeyso xamaasadda Soomaalinnimo waxaa ay maanta dhahaan“Inta Afka Soomaaliga ku hadasho”. Hadaba, maanta waxaa dib u xasuusan doonaa, Raggii iyo Ururradii ka dambeeyay in Soomaaliya ay xor noqoto, raggii diiday dullinimada iyo in dalka uu kala tago, maanta waxaan xuseynaa inta ku shahiiday in la ilaaliyo danta dadka, dalka iyo diinta. Halgankii Sayidka: Sayid Maxamed Cabduule Xassan ayaa ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee dagaal la gala gumeystaha, waxaa uu noolaa mudadii u dhaxeysay(1856-1921), waxaa uu ahaa hogaamiyhii Darwiish, lana dagaalamay gumaystayaashii Ingiriika, Talyaaniga iyo Xabashida, isagoo kula dagaalay dhulka looga yaqaano Somaliland, Nugaal iyo Taleex. Muddo 20 sano ah ayuu socday dagaalka Darwiish iyo gumeystaha, 41 goobood ayay ciidamada Daraawiishta Ingiriisu ku kulmeen, kuwi ugu waaweeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid ahaa: Afbakeeyle, Faradhiddin, Cagaarweeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe. Ugu dambeyntii diyaaradaha cadawga waxaa ay duqeeyeen Taleex iyo xarumihii Sayidka oo dhan, Sayid Maxamed intaa kadib wuxaa uu soo aaday koofurta Soomaaliya halkaas uu markii dambe uu ku geeriyooday degmo ku taallo webi Shabeelle. SYL: Ururka SYL, waxaa uu ahaa urur dhalinyaro oo la aasaasay May 15, 1943dii, ururkan waxaa lagu dhisay guri ku yaalla waddada Via Roma ee Magaalada Muqdisho. Dhalinyaradii dhistay waxaa ay kala ahaayeen: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax Berduda, Maxamed Cali Nuur, Maxamed Faarax Hilowle, Xaaji Maxamed C/llaahi Xayeysi, Huudoow Macalin Cabdulle iyo Maxamed Cusmaan Baarbe . Ururka SYL, waxaa madax u ahaa : Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xogheyaha guud ee ururka SYL Markii dambe oo Yaasin Xaaji Cusmaan geeriyooday waxaa lagu badalay Cabdulahi Ciise Maxamud, dhalinyaradan waxaa lagu xasuustaa dhacdooyin badan oo ku tusinaya dadnimada iyo kartida ay lahaayeen. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Hanoolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysidiidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintas waxay adeegsadeen dadka dabadhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka side iyo afar ilaalo ah. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruurinay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay, kal-fadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegada waxay magaalada New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu cabbiro Mawqifka SYL . October 5, 1949 ayey SYL mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. November 21, 1949 ayey golaha guud ee qaramad midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: Bishii April 1950 ayey dowladda Talyaanigu la wareegay maamulidda koofurta Soomaaliya, waxaa Talyaaniga weheliyey guddi ka kooban saddex dal oo kala ahaa: Masar, Philibin iyo Colombia, dalalkan ayaa wakiil uga ahaa Qaramada Midoobay, ilaalinayeyna sida Talyaanigu u fulinayo shaqada loo dhiibay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani Gobollada Waqooyi-Somaliland Gobollada waqooyi ee dalka ama Somaliland, waxaa ay galeen halgan dheer, iyagoo ku guuleystay markii dambe in la siiyo xuriyad. April 6, 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa magaallada Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 maalmood u socday waftigii waqooyi ee kan koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafdi ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo watiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”. Xuriyaddii Koofurta iyo Midnimadii Labada Gobol: Xririyadii Somaliland 4 maalmood kadib, waxaa xuriyadii qaatay gobollada koofureed ee dalka iyagoo ka xuroobey gumeystaha Talyaaniga. Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo xilligaa ra’isul wasaare ka ahaa Somaliland, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii. Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya Maalinta ay xuriyadda qaadatay koofura Soomaaliya, isla markaana ay midoobeen labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya waxaa dalka Soomaaliya yimid wafdi ka socota goboladii kale ee ku haray gacanta gumeystaha. Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti) Waxaa ka yimid halgamaagii weynaa ee Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid gobollada Koofur Galbeed iyo NFD. Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn. Markii xuriyadda la helay 1960-kii, isla markaana ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur, baarlamaanka dalka waxaa uu aqlabiyad ku doortay Aden Cabdulle Cusmaan in uu noqdo madaxweyne muddo hal sano ah, isagoo maalmo kadib July 22, 1960-kii Ra’isul wasaare u doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke. W/Q/Abdiaziiz Ahmed Gurbiye Source: goobjoog.com
-
Hogaamiyayaasha Yurub ee ku shirsan Brussels ayaa sheegay inay dhimi doonaan ku tiirsanaanta Shiinaha ayna raadin doonaan saaxiibo kale oo ganacsi. Shir-madaxeedka golaha Midowga Yurub, waxay ku heshiiyeen siyaasad loo yaqaan ka-hortagga khatarta. Toddobaadkii hore ra’iisul wasaaraha Shiinaha ayaa dhaleeceeyay siyaasadda cusub ee midowga yurub oo ay ugu magac dareen ka hortaga khatarta ah. Duulaankii Ukraine ayaa muujiyay ku tiirsanaanta reer galbeedka ee saliida iyo gaaska Ruushka, waxaana jirta cabsi ah in khalad la mid ah kan Ruushka uu shiinaha gala. Source
-
Xildhibaan Gavin Williamson ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Qaranku ku saxxan yihiin difaacida dalka, isla markaana tahay waxa qaranimadu ku dhisan tahay. Md. Gavin oo hadal ka jeedinayey kulan lagu xusayey 26 June oo masuuliyiinta safaarada ee Ingiriisku soo qabanqaabiyeen ayuu ka sheegay in la gaadhay wakhtigii beesha caalamku aqoonsan lahayd madaxbanaanida Somaliland. Mar la weydiiyey dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kooxaha huwanta ayuu Md. Gavin kaga jawaabay, “Ciidamada Qaranku waxay difaacayaan madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliland, way ku saxxan yihiin, waana waxa qaran sameeyo.” Xildhibaan Williamson ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka, waxaanu yidhi, “Waxaanu doonaynaa wada xaajood, waxaan doonaynaa nabad, iyo in dadka isu-yimaadaan nabad.” Xildhibaan Williamson ayaa hadalka ka jeediyey munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo xildhibaano kala duwan iyo dublamaasiyiin saaxiibada Somaliland ee caalamku hadalo ka jeediyeen. Qaran News
-
PRESS RELEASE Petrosen Exploration & Production (E&P) Director to Showcase Senegal’s Upstream Play at African Energy Week (AEW) 2023 Thierno Seydou LY, Director General of Petrosen E&P, will promote investment opportunities within Senegal’s upstream, midstream and downstream sectors at AEW 2023 Access Multimedia Content JOHANNESBURG, South Africa, June 30, 2023/ — The African Energy Chamber (AEC) (www.EnergyChamber.org), as the voice of the African energy sector, is committed to unlocking and facilitating cooperation between African energy policymakers and companies with global investors to accelerate market expansion and maximize the development and exploitation of the continent’s entire energy base for energy poverty eradication and socioeconomic growth. In this regard, the AEC is proud to announce that Thierno Seydou LY, Director General at Senegal’s National Oil Company (NOC) Petrosen E&P, will participate at the 2023 edition of the African Energy Week (AEW) conference and exhibition – Africa’s premier event for the energy sector – scheduled for 16 – 20 October in Cape Town. At AEW 2023, Seydou LY will participate in high-level panel discussions, promoting investment and partnership opportunities within Senegal’s burgeoning oil and gas industry as the west African country seeks reliable partners, investors and innovative technologies to optimize industry prospects. Representing Senegal’s NOC, Petrosen is working towards positioning the country as a global energy hub, with the participation of Seydou LY at AEW 2023 seen crucial for highlighting the role of Senegal and Africa’s vast hydrocarbon resources in driving energy security, employment creation, gross domestic product growth and industrialization. The company, in collaboration with a suite of energy majors, is spearheading a number of large-scale developments, all of which promise new opportunities for revenue generation, domestic market growth and electrification. These include the 15 trillion cubic feet Greater Tortue Ahmeyim (GTA) Liquefied Natural Gas (LNG) project – being developed in partnership with global majors bp and Kosmos Energy and in collaboration with Mauritania – as well as the 100,000 barrel-per-day Sangomar Oil Field Development have made clear the potential for large-scale offshore developments. The country anticipates its first oil and gas production from Phase 1 of the GTA and the Sangomar developments in 2023. In addition to these developments, Petrosen – under the leadership of Seydou LY – is running a massive campaign to drive continued industry growth post-first production. With large-scale projects such as GTA Phase 2 and a wide range of exploration, downstream, midstream and gas-to-power projects underway and being planned, opportunities for global energy investors within Senegal are immense. In this regard, AEW 2023, as the official meeting platform where investment opportunities within Africa’s entire energy sector are discussed, represents the best platform for Seydou LY to meet with potential investors, discuss and sign investment deals. An experienced technical advisor and skilled petroleum engineer with a demonstrated history of working in the oil and gas industry, Seydour LY has previously worked as a reservoir engineer and petroleum architect with global major TotalEnergies for over eight years prior to joining the Senegalese Ministry of Petroleum and Energies as a Technical Counsellor and as Director of Hydrocarbons between January 2018 and June 2022. As such, Seydou LY is well positioned to shape AEW 2023 discussions around Senegal’s upstream agenda and market opportunities for global energy players as the country seeks to unlock a new era of economic growth on the back of oil and gas exploitation. Under the theme, ‘The African Energy Renaissance: Prioritizing Energy Poverty, People, the Planet, Industrialization and Free Markets,’ AEW 2023 will connect potential investors with Senegalese energy opportunities. The NOC is expected to play a central role in driving dialogue and facilitating deals, providing key insight into the country’s E&P drive, favorable investment climate and attractiveness as an oil and gas destination. Through his participation as a speaker and role in various networking and investor summits, stakeholders will be granted unparalleled insight into the Senegalese energy market. “Senegal has emerged as not only a formidable LNG market but a highly attractive energy sector, offering abundant opportunities across the entire energy value chain. While upstream developments are set to position the country as a major producer and exporter as early as 2023, a national drive to bolster infrastructure developments, electrification and industrialization on the back of revenue generated from oil and gas has opened lucrative prospects for global and regional players. AEW 2023 will not only provide insight into these opportunities but direct access to the market, with industry leaders such as Thierno Seydou LY engaging with a suite of project developers and investors. We commend Petrosen’s commitment to ‘The African Energy Renaissance,’ and look forward to the discussions Thierno Seydou LY will drive at this year’s event,” states NJ Ayuk, Executive Chairman of the AEC. AEW is the AEC’s annual event uniting African energy stakeholders with global investors to discuss the future of African energy. For more information about AEW 2023, visit www.AECWeek.com Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
-
Waxaan ku jirnaa tooddobaadkii hilbka waradka iyada oo arbacadii ay ahayd maalinta kowaad ee ciidul-adxa inkastoo meelaha qaar khamiista laga tukaday salaadda ciida. Qoysas badan ayaa xoolo qalanaya halka kuwa kale ay sugayaan in uu kasoo gaaro deriskooda, qaraabadooda ama saaxiibadood. Blasé toddobaadkan qoys waliba waxaa u yaal qorshe ah in si wada jir ah ay ugu damaashadaan munaasabadda ciidda isla markaana ay cunaan cuntooyin u badan hilib ariga. Dadka Soomaalida oo caan ku ah cuntada loo yaqaan cad iyo caano (hilib iyo caano) waxay ka mid yihiin bulshooyinka hilibka xoolaha aadka u cuna siiba hilbka guduudan ee loo yaqaan jiirka. Haseyeeshee waxaa jira faa’iiddooyin iyo dhibaatooyin caafimaad oo labadaba lala xiriiriyo hilibka guduudan. Dhaqanka ah in maalinta Ciida la cuno cunnooyin u badan oo hilibka cas ayaa laga isticmaalaa dalalka islaamka oo dhan maadaama la qalo xoolo badan saas darteedna hilb badan la sameeyo maalmaha ciidda , waxaana la ogyahay in hilbkani u fiican yahay maqaarka jirkaanna isaga oo ka dhiga mid qurux badan isla markaana tamar leh.Balse waa maxay sababta keentay in Ururka Caafimaadka Adduunka uu soo jeediyo in la dhimo isticmaalka hilibka cas? Waa maxay faa’iido darrada ay leedahay cunista hilibka badan iyo faa’iidooyinka aan ka heli karno cunista hilibka cas si dhexdhexaad ah, waxaan la hadalnay Dr. Sarah Farooqui, oo ah nafaqeeye. Dr. Sara Farooqi ayaa sheegtay in hilibka uu aad muhiim ugu yahay nolosha maadaama uu ka kooban yahay borotiinka ugu badan. Sida la sheegay: Haddii aad isticmaasho 100 garaam oo hilib ah, waxaad helaysaa 26 garaam oo borotiin ah. Haddii aan tan u barbardhigno misirka, 100-ka garaam ee misirka ah ayaa kaliya laga helayaa sagaal garaam oo borotiin ah. Hilibka waxaa ku jira ,macdanta biraha, taasoo bixisa zinc. Halka ugu badan ee laga helo faytamiinka D12 waa hilibka. Cunista hilibka lo’da iyo hilibka ariga waxay u roonaan karaan maqaarkaaga iyo timahaaga. Cunista hilibka lo’da iyo hilibka idaha waxay sidoo kale ka hortagi kartaa dhiig-yarida. Waxaa kale oo ay wanaajisaa habdhiska dareenka iyo waxqabadka maskaxda. Haddii aad qabto wadne xanuun, ka feejignaaw XIGASHADA SAWIRKA,AFP Hilibka faa’iidada uu leeyahay waad garanaysaan, laakin dhibka uu leeyahay haddii aadan si dhexdhexaad ah u cunin waa mid aan la soo koobi karin oo cudurro badan keena. Daraasad uu hogaaminayo Dr. Frank Ho oo ka tirsan jaamacadda Harvard kulliyaddeeda caafimaad dadweynaha ayaa sheegtay in isticmaalka badan ee hilibka waaweyn ama hilibka cas iyo hilibka la warshadeeyay ay kordhiso khatarta cudurada wadnaha, kansarka, iyo macaanka. Dhinaca kale, Dr. Sara Farooqui ayaa sheegtay in isticmaalka badan ee hilibka cas uu sidoo kale sababi karo dhibaatooyin caafimaad maadaama uu si dabiici ah ugu jiro kolestaroolka. “Hadii aad maalin walba cunayso hilibka cas, waxa kale oo uu kordhiyaa heerka kolestaroolka wuxuuna kuu horseedi karaa dhibaatooyin dhiig karka ah iyo wadne xanuun, gaar ahaan qoysaska uu ku badan yahay wadne xanuunka waxa ay u baahan yihiin in ay aad uga taxadaraan oo wax yar.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo xalay ka dhacday Villa Soomaaliya, taas oo lagu xusayay 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur. Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa u dhacday si waafaqsan habmaamuuska habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii. Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciuidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku sugnaa munaasabadda, waxaana kadib la saaray calanka Jamhuuriyadda abaaro 12-kii saq-dhexe oo ku beegan 63 sano ka hor isla waqtigii calanka la suray magaalada Muqdisho, 1-dii Bishii Luuliyo 1960-kii. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, si waafaqsan habmaamuuska habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Villa Soomaaliya. Maanta ayaa sidoo kale la filayaa in dibaaldagyo lagu xusayo Kowda Luulyo lagu qabto caasimada, ayada oo shalay xukuumadda ay ku dhowaaqday in uu jiro isku soo bax. Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa dadka reer Muqdisho ugu yeeray in ay isugu yimaadaan garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho. Fiqi ayaa sheegay in munaasabad weyn ay maanta ka dhacayso halkaas, isla markaana la go’aamiyey in halkaas la isugu geeyo dadka isugu soo baxaya dabaal-degga. Sidoo kale Fiqi wuxuu sheegay in berri uu Madaxweyne Xasan Sheekh dadka kula hadli doono Stadium Muqdisho, markii la isugu yimaado munaasabadda 1-da Luuliyo. Si kastaba, sanad kasta Soomaaliya waxaa lagu qabtaa munaasabad weyn oo lagu xuso 1-da Luuliyo oo ku asteysay 63-sano ka hor markii ay xornimada qaateen gobollada koonfureed ee Soomaaliya, sidoo kalena ay midoobeen waqooyi iyo koonfur. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeybgalay calan-saarka maalinta xorriyadda dalka appeared first on Caasimada Online.
-
27/06/2023-10/12/1444-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Ummada Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan shacbiga Somaliland, farxada maalinta Ciidal Adxaha oo ku beegan beri oo ay bisha Dul-Xijah ee taariikhda Hijriyada Islaamku 10 tahay. Guddoomiyuhu waxa uu shacbiga u rajeeyay caafimaad-qab, cimri dherer, cibaado suuban, bash-bash iyo barwaaqo in ay ku ciidaan. Ugu danbayn Guddoomiyuhu waxa uu bulshada ku booriyay in ay khayrka isku kaashadaan, wanaaga xoojiyaan, isku naxariistaan, isna cafiyaan, waxaanu Ilaahay uga baryay in ciidan, ciideeda ku gaadhsiiyo nabad iyo barwaaqo. Allaa mahad leh. Ibraahim Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare. Source
-
The Council also adopted a resolution recognizing July 1, 2023 as Somali Independence Day. The Independence Day of Somalia is a national holiday observed annually in Somalia, and the diaspora worldwide as a representation of their significant milestone, and symbolizing their sovereignty and self-determination. Source: Hiiraan Online
-
Inspector General of Police Japhet Koome toured Lamu County on Friday for an assessment visit following increased terror attacks in the region. Source: Hiiraan Online
-
ROCHESTER, Minn. (KTTC) – The Somali American Social Service Association (SASSA) is celebrating Somalia Independence Day at downtown Rochester one day in advance on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Inspector General of police Japhet Koome on Friday flew to Lamu for a series of security meetings amid fears of more terror attacks. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, KENYA — Analysts monitoring Sudan say it might take an internationally supported peacekeeping force to end the ongoing fighting there. That assessment follows multiple failed cease-fire attempts and talks facilitated by Saudi Arabia and the United States. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Cali Jeyte Cusmaan, oo dhowaan sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka uu iskiis ugu dhowaaqay ee Hiiraan State, ayaa magacaabay xilalka xubno uu sheegay inay maamulka ka mid noqonayaan. Cali Jeyte ayaa wareegto uu soo saaray ku magcaabay taliyaha Ciidanka Daraawiishta Hiiraan State oo loo magcaabay Suleeymaan Geeddi Ibraahim. Waxa uu sidoo kale u magcaabay Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Cabdullahi Maxamed Faarax Biriq, halka uu taliyaha Saadka Ciidanka Daraawiishta u magacaabay Afrax Cali Xasan (Afrax Yare). Jeyte Cismaan ayaa wareegto kale oo uu soo saaray ku magcaabay guddoomiyayaasha gobolka Hiiraan iyo gobol cusub oo loogu yeeray Shabeellada Sare. Jeyte ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Cabdicasiis Axmed Cadoow (Jaaburi), halka uu guddoomiyaha “gobolka Shabeellada Sare” u magcaabay Cabdiladhiif Faarax Aadan. Ugu dambeyn Jeyte ayaa afhayeenka madaxtooyadiisa u magacaabay Maxamuud Maxamed Saxane Odowaa. Tallaabooyinkan ayaa imanaya ayada oo sidoo kale Cali Jeyte uu Khamiistii magaalada Beledweyne ka dhagax-dhigay madaxtooyo cusub oo maamulkiisa Hiiraan State uu yeelanayo. Cali Jeyte ayaa wacad ku maray in reer Hiiraan ay dhisa doonaan madaxtooyadaas oo ‘igu sawir’ aysan ka noqon doonin, wuxuu sheegay in hadda ay ka baxayaan tabasho ay qabeen tan iyo xornimadii dalka. Cali Jeyte ayaa toddobaad kahor ku gacan sayray xil ka-qaadis uu ku sameeyey madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, wuxuuna kadib qaaday tallaabo uu ku xajisanayo awoodda gobolka Hiiraan, isaga oo ku dhowaaqay maamul uu ugu magac daray Hiiraan State. The post Jeyte oo magacaabay xilal dhowr ah, soona kordhiyey gobol loogu magac daray… appeared first on Caasimada Online.
