-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Implementation of Miraa levy is expected to take effect from next month. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne & Qoyskiisa oo ku jira ka ganacsiga daroogada oo la ogaadey Daroogada Captagon Xiriir cusub oo toos ah oo ka dhaxeeya ganacsiga darooga Captagon iyo xubin hormuud ka ah ciidanka milateriga ee Suuriya iyo qoyska madaxweyne Bashar Al Asad ayaa lagu ogaaday Baaritaan ay wadajir u sameeyeen laanta afka Carabiga BBC iyo shabakadda saxaafadda wax baarta ee OCCRP. Captagon waa daroogo la qabatimo oo la mid ah Amphetamine oo laga helo qaadka, waxayna sannadihii u dambeeyey ku soo badanaysay bariga dhexe. Sannadkii la soo dhaafay ayey BBC filim ka duubtay askarta Urdun iyo kuwa Lubnaan sida ay uga hawlgalaan joojinta Captagon oo laga soo geliyo xuduudahooda, taasoo ka timaada Suuriya. Hadda daroogada waxaa laga helaa Yurub, Afrika iyo Aasiya. Bishii Maarso ayaa Britain, Maraykanka iyo Midowga Yurub waxay xayiraad ku soo rogeen liis ay dad ku qornaayeen oo ay ku jiraan laba qof oo ilma adeer la ah madaxweyne Asad, kuwaasoo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin ka ganacsiga Captagon. Laakin baaritaan qoto dheer oo BBC ay ku samaysay gudaha shabakada ka ganacsada daroogada ayaa lagu helay caddaymo muujinaya ku lug lahaanshaha ay saraakiil kale oo Suuriyaan ah ku lug leeyihiin . Xukuumadda Suuriya kama aysan jawaabin codsi ay BBC ku doonaysay inay jawaabo kaga hesho, laakinse hore ayey u beenisay inay ku lug leedahay ka ganacsiga darooga. Bishii Luulyo 2022 ayaa magaalada Suweida ee waqooyiga Suuriya oo xarun u ah Raji Falhout, hogaamiyaha miliishiyada u janjeerta dhinaca rajiimka, waxaa cagta mariyey koox ay is hayaan. Falhout iyo Abu Hamza Waxay ka heleen kiishash ay ku jiraan wax u muuqdayo kaniiniga Captagon oo loo diyaariyey in suuqa la galiyo, mishiin u muuqda in lo adeegsado inuu isku cadaadiyo kiniiniga. Sidoo kale waxay ka heleen kaarka aqoonsiga milateriga ee Falhout iyo telefoonka gacanta. BBC oo ay u suurto gashay inay gudaha telefoonka gasho ayaa ku aragtay tiro farriin-qoraaleedyo ah oo dhex maray Falhout iyo qof magaciisa lagu sheegay “Abu Hamza”, waxayna ka wadahadleen iibka mishiinka isku riixa kiniiniga. Wadahadallada waxaa ka mid ahaa in mishiinka Lubnaan laga keeno oo Suuriya la geeyo. Ayadoo telefoon lambarka isticmaalaysa ayey BBC ogaatay haybta Abuu Xamsa oo ah Xuseen Riad Al-Faytrouni. BBC waxay suxufiyiinta maxalliga u sheegeen inuu xiriir la leyahay Xisbullah – Xisbiga siyaasadeed ee Lubnaan iyo kooxda mintidiinta ah ee aadka ugu dhow xukuumadda Suuriya. Dagaallameyaasha Xisbullah waxay qayb weyn ka qaateen inay xukuumadda Suuriya ka caawiyaan dagaalka gudaha dalkaas ka socda, waxaana la sheegayaa inay Suuriya oo dhan joogaan. Muddo dheer waxaa lagu eedeynayey inay ku lug leeyihiin kala gudbinta daroogada, laakin mar kasta way diidi jireen. Isagoo musaafuris ahaan dibadda ugu maqan ayaa suxufi Suuriyaan ah oo ka soo jeeda Suweida wuxuu yiri “Xisbullah way ku lug leedahay, laakinse waxay aad uga taxadaraan in xubnahooda aysan kaalin ku yeelan kala gudbinta iyo ganacsiga daroogada”. Xisbullah kama jawaabin codsi ay BBC ku doonaysay in ay ku hesho jawaab ku saabsan Mr Faytrouni. Ka dib bilo uu socday diyaar garow xagga amniga ah ayaa BBC waxaa u suurto gashay inay dhex galaan ciidanka milateriga Suuriya ee jooga Xalab. Askari magaciisa qariyey ayaa BBC u sheegay in askarta saaxiibadiis ah ay qaataan bishiiba 150,000 Gini oo lacagta Suuriya ah oo u dhiganta $60. Koox BBC ka tirsan oo booqatay xero ciidan oo ku taalla Xalab Wuxuu sheegay in tiro badan oo ka mid ah ay noqdeen kuwo ka shaqaysta daroogada si ay ugu kabaan dakhligooda. Waxay BBC weydiisay in uu tilmaan ka bixiyo kaalinta askarta uu ka tirsan yahay ay ku leeyihiin ka ganacsiga gudaha ee Captagon. “Nalooma ogola in aan aadno warshadda. Goob lagu kulmo ayey astaynayaan, ka dibna waxaan ka iibsanaynaa Xisbullah. Marka ay badeecadda na soo gaarto waxaan isku xir la samaynaynaa qaybta afaraad si ay u fududeeyaan dhaqdhaqaaqeena” ayuu yiri. Qaybta afaraad waa qayb aad u tababaran oo ka tirsan ciidanka Suuriya, kuwaasoo loo xil saaray inay xukuumadda ka ilaaliyaan khatarta gudaha iyo tan dibadda. Tan iyo 2018 waxaa si rasmi ah u hogaaminayey Maher Al-Asad, waa walaalka ka yar madaxweyne Asad. Maher waxaa saaran xayiraad ay ku soo rogeen reer galbeedka waxaana lala xiriirinayaa inuu xoog ku muquuniyey dibad baxyo dalkaas ka dhacay. Waxaa kaloo lala xiriirinayaa inuu adeegsaday hubka kiimikada. Maher Al-Assad (Bidix), Bashar Al-Assad Midig Wuxuu ninkaas ka shaqeeyey in qaybta afaraad ee ciidanka ay qayb weyn ka qaadato arrimaha dhaqaalaha. BBC waxay la hadashay sarkaal hore oo ka goostay ciidanka Suuriya, wuxuuna ku yiri “Sababo la xiriira duruufaha dhaqaale ee adag ee la soo dersay askarta Suuriya intii uu dagaalka sokeeye socday ayaa xubno badan oo qaybta afaraad ka tirsan waxay doorbideen inay koontarobaanka shaqaystaan. “Sidaa darteed gawaarida saraakiisha qaybta afaraad waxay bilaabeen inay qaadaan xagjiriin, hub iyo daroogo bacdamaa ay yihiin qolada kaliya ee ka gudbi karta baraha koontaroollada”. Dhaqaalaha Suuriya waxaa curyaamiyey xayiraado iyo dagaallo, wuxuuna qarka u saaran yahay inuu burburo. Dadka wax indha-indheeya waxay sheegeen in dad badan ay si isa sii taraysa ugu tiirsan yihiin ganacsiga faa’iidada badan ee Captagon. Joel Rayburn oo ah safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyey Suuriya wuxuu BBC ku yiri “Haddii dakhliga Captagon la joojin lahaa ama la kala dhantaali lahaa, ilama aha in rajiimka Asad ay sii jiri lahaayeen”. BBC waxay heshay caddaymo dheeraad ah oo la xiriira in qoyska reer Asad ay ganacsigaas ku lug leeyihiin. Sannadkii 2021 dalka Lubnaan waxaa ka billowday dacwad ka dhan ah ganacsadaha aadka looga baqo ee Hassan Daqqou oo warbaahinta Lubnaan ay u yaqaanaan “Boqorka Captagon”. Waxaa lagu helay dambi ah inuu kala gudbinayey daroogadaas ka dib markii shixnad weyn oo daroogo ah lagu qabtay Malaysia. Shixnadaas waxaa ku jiray ilaa 100 malyan oo kaniini oo loo waday Sacuudiga, halkaasoo qiimaha wadooyinka uu ka joogo lagu qiyaasay 1 bilyan – 2 bilyan oo Doollar. Malaysia waxay 2021 qabatay ilaa 100 malyan oo Captagon ah Kiiska waxaa lagu dhagaystay qol xiran gudihiisa, laakin kooxda BBC waxay la kulmeen qaaddiga oo u sheegay in caddaymaha badankood ay ka yimaadeen xiriir telefoonka ku dhex maray Daqqou iyo tiro ah dadka daroogada ka koontarobaaneeya. Dacwadda wuxuu Daqqou ku sheegay inuu qaybta afaraad ee ciidanka Suuriya kala shaqaynayey la dagaallanka kala gudbinta daroogada, wuxuuna caddayn ahaan u soo bandhigay kaarka aqoonsiga qaybta afaraad. Xaakimku wuxuu sheegay intaa marka laga yimaado in aad caddayn kale la hayn taasoo xukuumadda Suuriya ku xiriirinaysa shixnadiisa Captagon. Laakinse baaritaanka BBC ayaa arrin kale ka dhex helay dukumentiga maxkamadda oo ka kooban 600 oo bog. Waa sawirro laga qaaday farrin-qoraaleedyo WhatsApp ah oo Daqqou uu u diray qof lagu magacaabay “The Boss”. BBC oo la hadashay ilo sar-sare ayaa loo xaqiijiyey in lambarka uu leeyahay sarreeye gaas Ghassan Bilal. Lambarkaas markii la wacay lama qaban. Maher Al-Assad (bidix), Gen Ghassan Bilal (midig) Gen Bilal waa ku xigeenka Maher – Al Assad ee qaybta afaraad, waxaana la fahamsan yahay inuu maamulo xafiiska awoodda badan ee amniga. Farriimahaas ayuu Daqqou kagala hadlayey “The Boss” dhaqdhaqaaqa “badeecada”, taasoo la rumaysan yahay inay tahay Captagon, loona waday magaalo Suuriya ku taalla oo la yiraahdo Saboora, halkaasoo qaybta afaraad ay saldhig weyn ku leeyihiin. Wuxuu kaloo kala hadlayey in baaritaanka la dhaafiyo. Haddii The Boss uu xaqiiqadii yahay Gen Bilal, halkaa waxaa ka muuqanaysa in mid ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa ciidanka Suuriya uu xiriir la leeyahay ganacsiga Captagon oo lagu qiyaasay Balaayiin dollar. Ge n Bilal kama uusan jawaabin farriimo ay BBC u dirtay inuu ka jawaabo. Bishii May, Suuriya waxay dib ugu laabatay jaamacadda carabta, madaxweyne Assadna wuxuu ka qayb galay kulan goboleed markii ugu horreysay muddo 10 sano ka badan. Waxaa kaloo lagu casumay Iimaaraadka inuu kaga qayb galo shirka cimilada ee COP28 ee dhici doona 28ka November. Su’aasha aan jawaabta loo hayn ayaa waxay tahay ilaa intee in le’eg ayey beesha caalamku cadaadis saari doontaa rajiimka si loo joojiyo mushkiladda ay Captagon ku hayso Suuriya. Qaran News
-
CHANGSHA - A total of 315 kg of dried wild anchovy from Kenya were transported to the Changsha Huanghua International Airport in Central China's Hunan province on Monday, marking that China imported wild anchovy products from the African country for the first time. Source: Hiiraan Online
-
Khasaare intee le’eg ayey kooxda Wagner gaadhsiisay Ruushka? Madaxweyne Putin ayaa sheegay in duuliyeyaal ciidamada Ruushka ka tirsan lagu dilay dagaalkii ay la galeen ciidamada Wagner dhamaadkii todobaadkii tagey. Waxaa kale oo ay u muuqataa in dhowr diyaaradood la burburiyay. Qaybta xaqiijinta ee BBC-da ayaa isku duba ridey waxa laga og yahay khasaaraha. Maxaa laga yiri khasaaraha milatariga Ruushka? Madaxweyne Putin waxa uu bayaan uu soo saaray 26-kii June ku tilmaamay “duuliyayaasha geesiyada tagey”. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan si faah faahsan uga hadlin tirada dadka ku dhintay ama ama diyaaradaha lagasoo riday ciidankiisa. Yevgeny Prigozhin, oo ah madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, ayaa sheegay in ciidamadoodu ay duqeeyeen diyaarado Ruush ah oo “tuuray bambooyin isla markaana qaadayay weeraro gantaallo ah” iyagoo isku dayaya inay joojiyaan u ruqaansiga Moscow. Waxa uu ka dhawaajiyay in uu ka xun yahay in ay soo rideen diyaaradaha Ruushka. Maamulka Ukraine ayaa ku andacoonaya in ciidamada Wagner ay burburiyeen lix diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah oo Ruushku leeyahay iyo diyaaradkale intii ay socdeen kacdoonnadii Sabtida. Qaar ka mid ah kanaalada Telegram, oo ah shabakad bulsho oo caan ku ah qorayaasha militariga, ayaa sameeyay sheegashooyin la mid ah khasaaraha ay ukraine sheegtay. Maxay yihiin khasaarayaasha la hubo?? Qaybta BBC-da ee xaqiijinta ayaa eegtay daraasiin muuqaallo ah oo la duubay intii uu socday dagaalka u dhexeeya ciidamada Wagner iyo kuwa Ruushka. Waxaa la xaqiijiyay in diyaarad militari ay ku soo dhacday meel u dhow magaalada Kantemirovka. Arrintan ayaa si weyn loogu baahiyay kanaalada baraha bulshada ee kala duwan sida Ilyushin Il-22 oo sheegay diyaarad qiimo leh oo loogu talagalay ciidamada qalabka sida ee Ruushka inay dhacday. Sawirada burburka diyaaradda ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, sida burburka ka muuqatana, waxa ay u egtahay in ay tahay nooca la cusboonaysiiyey ee diyaaradda Il-22M. Erayada “Ciidanka Cirka ee Ruushka” ayaa ka muuqda dhinaca diyaaradda. Meeshaan waa xarun talis oo hawada laga maamulo, oo ciidamada laga maamuli karo xilliga dagaalka. Waxa ay u adeegtaa in ay isku xidho xarumaha taliska ee ka fog jiidda hore iyo ciidamada dhulka jooga. BBC-da Ruushka ayaa sheegtay in sida lagu sheegay warbixinnada warbaahinta bulshada, in wadar ahaan lix diyaaradaha qumaatioga u kaca ah sidoo kale la soo riday, oo ay ku jiraan laba xabbo oo nooca oo weerarka ah, saddex ah nooca loo adeegsado dagaalka elektaroonigga ah iyo hal kuwa xamuul qaada ah. BBC Verify ayaa xaqiijisay hal muuqaal oo muujinaya diyaarad helikobter ah oo Ruushku leeyahay oo ku dhacday meel u dhow Pavlosk. Sawirrada kale ee burburka ayaa si xooggan u muujinaya in tani ay ahayd helikobtarta Mi-8, sida laga garan karo qaabeynta baalasha. Kuwaas waxaa lagu qalabeeyay hababka dagaal ee elektiroonigga ah ee ugu dambeeyay oo loogu talagalay in lagula dagaallamo raadaarka dhulka iyo hawada, nidaamyada difaaca hawada iyo hubka lidka diyaaradaha. Intaa waxaa dheer, helikobtarrada noocan oo kale ah waxay qabtaan xog-ururin sireed. Sawirro kale uu burbur ayaa sidoo kale ka soo muuqday baraha bulshada, waxaana markan la sheegay in ay muujinayaan diyaaradda qumaatiga u kacda ee loo yaqaan KA-52, taas oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee weerarrada oo ay adeegsadaan ciidamada Ruushku. Ma aanan awoodin inaan xaqiijino halka ay ka yimaadeen sawiradan, laakiin qayb ka mid ah burburka ayaa muujinaya jaantuska 72, oo ah calaamad lambar ah oo lala xiriiranayo diyaaradda KA-52. Waxaan sidoo kale xaqiijinnay tiro muuqaal ah oo muujinaya diyaaradda KA-52 oo ka shaqaynaysay aagga Voronezh intii lagu jiray kacdoonkii Sabtida. Immisa khasaare ayaa jira? Kremlin-ka ma aysan xaqiijin tirada ciidamada ee lagu dilay fallaagogii kooxda Wagner. Mr Prigozhin waxa uu sheegay in aanay jirin wax dagaalyahan ah oo kooxdiisa Wagner ka dhintay, balse waxa uu yiri “dhawr qof ayaa ku dhaawacma Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – In an unprecedented move, two Muslim-majority nations, Somalia and Comoros, have decided to send senior delegates to observe a forthcoming ministerial gathering of the Negev Forum. The Negev Forum, established in March 2022, is a prestigious body comprising nations such as the United States, Israel, Egypt, the United Arab Emirates, Bahrain, and Morocco. This development, confirmed by two high-ranking Israeli officials to Axios, signals a positive shift in these nations’ stance towards Israel, with whom they have no official diplomatic ties. While both Somalia and Comoros are part of the Arab League, the decision to engage with the Negev Forum underscores a subtle yet substantial stride towards normalizing relations with Israel. According to sources, representatives from these two nations have been engaged in secret discussions with Israel over the past few years and have recently made confidential visits to the country. Background of the Negev Forum During an extraordinary meeting held in Israel in 2022, the Negev Forum was conceived to foster regional multilateral cooperation. The forum primarily focuses on critical health, economy, climate change, water, and security sectors. It was endorsed by significant political figures such as Secretary of State Tony Blinken and foreign ministers from member countries. The second ministerial meeting of the Negev Forum, initially slated for March, has been deferred multiple times. The delay stems from the concerns voiced by Arab members regarding public engagement with the right-wing Israeli government amid the tense Israeli-Palestinian conflict conditions. However, the meeting is now anticipated to occur post-summer. Behind-the-scenes developments Before the latest postponement, Israel had invited Somalia and Comoros to participate in the meeting as observers. According to Israeli sources, both nations accepted the proposal. In a recent press briefing, Israeli Foreign Minister Eli Cohen confirmed that several countries with Israel lacking formal diplomatic relations were expected to attend the meeting. He optimistically added that Israel believes their participation in future meetings will be crucial to normalization. Cohen further provided updates to US Secretary of State Blinken regarding Israel’s ongoing dialogue with Arab and Muslim-majority countries that currently lack diplomatic relations. To sustain the momentum, Cohen emphasized the need to schedule the Negev Forum ministerial meeting soon to facilitate the participation of representatives from these nations. Neither the Somali Embassy in Washington nor the Comoros mission to the UN responded to requests for comment on the matter. The post Somalia agrees to attend Negev Forum meeting in Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Kabtanka Xulka Ciyaarta Kiriketka Pakistaan “the captain of the Pakistan national cricket team” Babar Azam oo sawir laga qaaday Isagoo Hurda Banaanka furan ee Muzdalifah oo Taajir & Faqiirba Halkaa loo hoydo marka Fiidka laga soo Laabto Carafa. Qaran News
-
Waxaa xarunta Qaramada Midoobay ka socda dood la xiriirta in la sameeyo waqti ciidamada Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta ah ay kaga baxaan dalka Mali. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mali Abdoulaye Diop ayaa canbaareeyey waxa uu ugu yeeray guuldarrada howlgalka nabad-iaalinta Qaramada Midoobay, isaga oo fadhi ay lahaayeen Golaha Ammaanka si lama filaan ah uga jeediyay dalab ah in ciidamadaasi ay si degdeg ah uga baxaan Mali. Howlgalka Nabad Ilaalinta ee loo yaqaan Minusma oo ah kii ugu qaalisanaa ee QM oo ay sanadkii ku baxaysay lacag dhan $1.2 billion oo dollar, ayaa hadda u muuqda in uu meesha ka baxayo iyadoo Mali oo la tacaaleysa kooxaha Jihaadiyiinta ahna ay wajihi doonto xaalad aan la ogeyn waqtigan. Horraantii June ayuu Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka hadlay sii joogista ciidanka ee Mali, iyadoo ay guud ahaan gobolka sii kordhayaan cabsida ah inay sii kordhayaan khataraha ka imanaya kooxaha xagjirka ah haddii ay ciidanka QM baxaan. PUNTLAND POST The post Mali oo dalbatay in deg deg dalkeeda looga saaro Ciidamada Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Comoros ayaa ogolaaday inay saraakiil sare oo korjoogto ah u diraan shirka heer wasiir ee Madasha Negev, oo ah koox ay ku jiraan Mareykanka, Israel, Masar, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco, waxaa sidaas warbaahinta Axios ee Mareykanka u sheegay laba sarkaal oo Israeli ah. Soomaaliya iyo Comoros oo ah laba dal oo Islaam ah wax xiriir diblomaasi oo rasmi ah lama lahan Israel. Saraakiisha labada dal ayaa wada-hadallo qarsoodi ah la lahaa Israel muddo sanado ah, waxayna dhowaan si qarsoodi ah u booqdeen Israel, sida ay sheegeen saraakiisha Israel ee la hadlay Axios. Ka qeybgalkooda kulanka ayaa noqon karta tallaabo weyn oo loo qaaday hanaan ay labada dal xiriir diblomaasi kula yeelanayaan Israel. Madasha Negev waxaa la aasay March 2022, kadib kulan aan caadi aheyn oo ay ka qeyb-galeen xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken iyo wasiirada arrimaha dibedda Israel, Masar, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco. Aas-aadka madasha ayaa looga dan leeyahay inay dalalka gobolka iskaashi ka yeeshaan arrimaha caafimaadka, dhaqaalaha, isbeddelka cimillada, biyaha iyo ammaanka. Kulankii labaad ee heer wasiir ee Madasha Negev ayaa la qorsheeyey bishii March ee lasoo dhaafay, hase yeeshee waxaa dib loo dhigay dhowr jeer, kadib markii xubnaha Carabta ay walaac ka muujiyeen inay si toos ah ula macaamilaan dowladda garabka midig ee fog ee Israel. Waxaa hadda la filayaa in kulanka uu dhaco xagaagan. Kahor dib u dhigista kulankii March, Israel ayaa soo jeedisay in Soomaaliya iyo Comoros ay kulanka uga qeyb-galaan hab korjoogto ahaan ah, wayna aqbaleen labada dal, sida ay saraakiisha Israel u sheegeen Axios. Isaga oo u warramayey weriyayaasha Axaddii, wasiirka arrimaha dibedda Israel Eli Cohen ayaa sheegay “laba ama saddex dal oo aan xiriir diblomaasi la lahayn Israel ayaa ka qeyb-geli doona kulanka.” Waxa uu intaas ku daray in Israel ay weli rumeysan yahay “inay ka qeyb-geli doonaan kulamada mustaqbalka, ayna noqon doonto tallaabo horey loogu qaaday xiriir rasmi ah.” Safaaradda Soomaaliya ee Washington iyo howlgalka Comoros ee QM ayaan ka jawaabin codsi falcelin oo loo diray. The post Soomaaliya ‘oo ogolaatay’ inay ka qeyb-gasho kulanka Madasha Negev ee Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Stockholm (Caasimada Online) – Marooko ayaa u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay dalka Sweden, iyadoo uu maqnaan doono muddo aan la cayimin. Arrintan ayaa daba socota falkii uu ninka kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ku jeexjeexay dabna ku qabadsiiyay bannaanka masaajid ku yaalla bartamaha Stockholm, warkaasina waxaa faafisay wakaaladda wararka ee dawladda Marooko. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Morocco ayaa sidoo kale Arbacadii shalay u yeertay safiirka safaaradda Sweden ee Rabat, ayadoo u muujisay sida daran ee ay boqortooyada Marooko u canbaareyneyso weerarkan una diidan tahay falkaasi aan la aqbali karin” sida ay wakaaladda wararku ku tiri qoraalka ay faafisay. Dhacdadan lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ayaa halis gelineysa inay ka careysiiso Turkiga oo diidan codsiga ay Sweden ku dooneyso in ay xubin kaga noqoto gaashaanbuurta NATO, maadaama booliiska Sweden ay oggolaanshiyo siiyeen in la qabto mudaaharaadka lagu gubay kitaabka. Booliiska ayaa markii dambe ninkan kusoo oogay dacwad ah inuu ku kacay fal ka dhan ah qowmiyad ama kooxo gaar ah. Mudaaharaadyo is daba joog ah oo ka dhacay Sweden oo looga soo horjeedo Islaamka, laguna doonayo xuquuqda Kurdiyiinta ayaa ka careysiiyay Ankara, iyadoo Sweden ay u baahan tahay taageerada Ankara si ay uga mid noqoto xulufada NATO. The post Morocco oo JAWAAB ka bixisay Kitaabka Qur’aanka ee lagu gubay SWEDEN appeared first on Caasimada Online.
-
Menu NUTRITION 5 Reasons to Eat More Watermelon Fresh produce in the summer is healthy snacking heaven, but few options bring more to the plate than watermelon. Not only is it tasty, but it’s also packed with positive benefits, according to Melissa Keeney, RDN, clinical nutrition manager at St. Vincent’s Medical Center. Keeney offers up five health benefits of watermelon and a few creative ways to incorporate it into your diet. Am I eligible for weight loss surgery? Start hereCall 855.792.6258 1. Keeps you hydrated “The water we get from food, particularly fruits and vegetables, contributes to our total hydration for the day,” she explains. “At 92% water, watermelon can help keep us hydrated, especially in the warm summer months.” Staying hydrated also helps keep our skin healthy. 2. Good for your heart Watermelon contains two key ingredients that research has connected with heart health. The antioxidant lycopene, found in red produce like tomatoes, guava and red bell peppers, reduce the risk of heart disease and some forms of cancer, Keeney continues. Fun fact: Seedless watermelons tend to have more lycopene than those with seeds. In addition, watermelon contains the amino acid citrulline, which can improve heart health by increasing blood vessel dilation, decreasing blood pressure and improving blood flow. “There is also evidence that citrulline may reduce muscle soreness after a workout and decrease cognitive decline,” she adds. > Related: 6 Dietitian-Approved Snacks That Taste Great Too 3. Stabilizes blood sugars. Despite its sweetness, watermelon actually works to keep blood sugar levels under control when eaten with a protein or fat like feta cheese, Greek yogurt or almonds, Keeney says. 4. Full of Vitamin A. Just one slice has the daily recommended amount of this vitamin, which boosts eye, heart and skin health. 5. Easy to digest. This is helpful for people with such digestive conditions as Crohn’s disease, Keeney notes. While nutrition recommendations for such people are individualized, she says in general melons, including cantaloupe and honeydew, are more easily digested than other fruits. > Want more health news? Text StartHere to 85209 to sign up for text alerts How to add watermelon into your diet Besides eating watermelon cut into chunks or by the slice, Keeney suggests trying it these ways: As sorbet. Make this yourself by dropping fruit with some lime juice in the blender, then freezing. Blended with cucumber and basil as a slushy Turned into gazpacho Whirred into a smoothie with Greek yogurt Dipped in melted dark chocolate Grilled as skewers (see recipe below) Cut up into a salad with berries and mint Watermelon Feta Skewers 2 cups cubed watermelon 1 cup cubed feta Basil leaves or mint leaves Balsamic dressing of choice Toothpicks, bamboo skewers or similar Skewer kabobs starting with watermelon, cheese, herb of choice, then watermelon again. Plate before dousing with your favorite balsamic dressing. Courtesy of www.watermelon.org Qaran News
-
JOHANNESBURG, South Africa, June 28, 2023/ — The African Energy Chamber (AEC) (http://www.EnergyChamber.org) – the voice of the African energy sector – is proud to announce that H.E. Yonis Ali Guedi, Minister of Energy and Natural Resources of the Republic of Djibouti, will participate at the African Energy Week (AEW) 2023 conference and exhibition – Africa’s premier event for the energy sector which takes from 16 – 20 October in Cape Town. Under the theme ‘The African Energy Renaissance: Prioritizing Energy Poverty, People, the Planet, Industrialization and Free Markets’, AEW 2023 provides a platform where H.E. Yonis Ali Guedi can engage with other African energy and petroleum ministers as well as private and public sector executives from across the regional and global landscape, laying the foundation for new partnerships and investment agreements to be signed. Representing a crucial gateway to international markets for many landlocked East and Central African countries – owing to the country’s location and close proximity to the Red Sea and Suez Canal -, the presence of H.E. Minister Guedi at AEW 2023 – the premier platform for the African energy sector – will be critical for showcasing opportunities available for energy and services companies within Djibouti’s energy, infrastructure and logistics spectrums. While Djibouti has no native sources of oil, natural gas, hydropower or coal as of yet, the country has made significant progress in improving energy resilience and access for its citizens though regional integration and cooperation with neighboring countries such as Ethiopia. As a result, Djibouti boasts an energy access rate of over 61%, with a target to achieve universal access by 2035. With Djibouti seeking to unlock its renewable energy potential to maximize domestic energy generation, AEW represents the best platform for the minister to meet, network and sign industry changing deals with global investors. On the hydrocarbons front, the move by Djibouti to position itself as a regional trade and logistics hub – with various Memoranda of Understandings having been signed by H.E. Minister Guedi with South Sudan and Ethiopia – presents massive opportunities for regional energy security, resource monetization and for oil, gas and services companies seeking high returns on investments. While deals such as with Ethiopia for the development of a new fuel storage terminal inside the Djibouti Damerjog Industrial Development zone and the large-scale Ethiopia–Djibouti Gas Pipeline – set to distribute gas from the Calub and Hilala fields (https://apo-opa.info/46qxz4I) in Ethiopia – represents an important step towards improving regional energy security, AEW 2023 represents the ideal platform for such projects to secure funding and materialize. “The Chamber is proud to be hosting H.E. Yonis Ali Guedi at AEW 2023. We commend the minister for his commitment to enhancing regional cooperation between Djibouti and its neighbors and driving energy sector stability and growth. At AEW 2023, discussions and deal-signings will be centered around the investment opportunities present within Djibouti for infrastructure and logistics companies within the oil, gas and renewables spaces,” stated NJ Ayuk, the Executive Chairman of the AEC. At AEW 2023, H.E. Minister Guedi will participate in high-level panel discussions, ministerial forums and exclusive networking sessions where the minister will showcase investment opportunities within the East African country. AEW is the AEC’s annual energy event that unites African and global energy companies and governments for four days of networking and dialogue. The event represents the biggest gathering of energy stakeholders on the continent. For more information about sponsorship, attendance and partnership, visit www.AECWeek.com SOURCE African Energy Chamber Qaran News
-
New York (Caasimada Online) – In a significant move towards complete disengagement, the United Nations Security Council recently decided to extend the mandate of the African Union’s forces in Somalia for an additional six months. However, the authorization is coupled with the continuation of a systematic drawdown of personnel, a process initiated earlier. On Tuesday, the Council announced the timeline for the departure of an additional 3,000 soldiers by September. This marks the second withdrawal phase following the removal of 2,000 personnel, which is nearly completed, according to Deputy Somali Ambassador Mohamed Rabi Yusuf. Yusuf confirmed that the Somali government would collaborate with the African Union for the necessary arrangements for the next phase. A shift in the peacekeeping landscape The African Union has been a significant presence in the country since 2007 when the Security Council approved the creation of AMISOM (African Union Mission in Somalia). By April 2022, a change was deemed necessary, and AMISOM was replaced by ATMIS (African Transitional Mission in Somalia). The ATMIS force, empowered with a strengthened mandate to combat the Al-Shabaab Islamists, operated with over 19,000 soldiers and police officers. However, the Security Council has outlined plans for the number to reduce to zero by 2024, slowly transitioning the responsibilities to the Somali forces. The resolution, unanimously adopted on Tuesday, imposed a new cap on uniformed personnel at 14,626 from October 1 to December 31, 2023. Yet, the Council demonstrated its adaptability, stating it is “ready to review these figures” based on the evaluation of a technical assessment due on September 15. The African Union and Somalia will provide the assessment and detail the first phase of the drawdown and a “clear plan and timetable” for the remaining transition. Security concerns and dilemmas Despite the apparent progress Somalia has made against Al-Qaeda affiliate Al-Shabaab, the resolution voiced “grave concern” that the group continues to threaten Somalia and the region’s peace and stability. “We should not be hasty when it comes to withdrawing the African peacekeeping mission from Somalia,” Deputy Russian Ambassador Anna Evstigneeva argued, warning against creating a security vacuum. Despite these security challenges, Somalia has renewed its calls to lift an arms embargo. “The partial UN arms embargo on Somalia hinders the federal government of Somalia’s ability to adequately resource its security forces to counter the evolving threat of Al-Shabaab,” Yusuf stated. In November, the Security Council extended the arms embargo, established in 1992. Although it no longer applies to arms deliveries intended for the Somali security forces’ development, the UN sanctions committee must be notified of such deliveries. In the case of certain heavy weapons, the committee may object. According to the Somali government, these restrictions limit their ability to deal with the threat Al-Shabaab poses effectively. The post UN sanctions AU’s strategic retreat from Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubbaland ayaa mar kale ka hadlay arrinta gobolka Gedo, kadib markii uu maanta boqolaal qof oo reer Kismaayo ah uu ugu khudbeeyey goob ay ku oogeen salaadii Ciida Carafo. Axmed Madoobe ayaa ku celceliyey in Gedo aysan sii ahaa karin sidaan, isagoo cid kasta oo wax ka gashay ka dalbaday inay maamulkiisa ku garabsiiso sidii Gedo loogu soo dari lahaa Jubbaland. “Ragga maamula Gedo cuqdad kama qabno, anigaa tegaya, wasiiraa tegaya, madaxweyne ku xigeenkaa tegaya, xildhibaanaa tegaya, waxaan rabaa dadkaas wax kasta oo la isugu keeni karo inaan sameyno, gobolkaas wax uusan mudneyn ayaa dib u dhigay, waa inay meesha ka baxaan,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu siyaasiyiinta reer Gedo u sheegay in aysan jirin wax naceyb ah oo lah qof oo ka mid ah uu u qabo, isla markaana uu doonayo in gobolkaas dadkiisu ay ka baxaan maamul xumada, sida uu sheegay. “Masuuliyad ayaa naga saaran gobolkaas dib u dhac badan oo ka jirana waxaa u keentay asbaab siyaasadeed, reer Gedo waxaan leeyahay intaas ha idin kaga filaato wixii dhibaato ah oo idin soo gaari lahaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Maxaxweynaha Jubbaland, wuxuu sheegay in Gedo uu tegayo oo wasiirradiisu ay tegayaan, isla markaana xal loo raadi doono khilaafka siyaasadeed ee 3-dii sano ee lasoo dhaafay ka jiray gobolkaas. “Arrinta gobolka Gedo waxay noo tahay muhiim, Gedo waa Jubaland, waxaa jira wax siyaasadda lagu qalday, laakiin ma sii daba-geli doono wixii dhacay,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu sheegay inuu qorsheynayo in Gedo laga sameeyo dib u heshiisiin, iyadoo qof kasta lagu tix-gelinayo mansabka uu ku dhex leeyahay bulshada gobolkaas oo uusan jiri doonin qof gooni loo riixi doono, sida uu balan-qaaday. “Gedo waxaan u magacaabay maamul gobol, waxaan rabaa in la isugu yimaado oo qof kasta wixii uu tabanayo laga xaal-mariyo, kuwa maanta maamulka ka ah gobolka Gedo kuma jiro qof aan xumaan u qabno, waa inaad qaadataan masuuliyadiina, waxaan rabnaa in dadku wada noolaadaan iyagoo isku calool fiyow,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe. The post Axmed Madoobe oo tegaya gobolka Gedo, shaaciyeyna qorshe uu wado appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 33 qodob oo lagu faahfaahinayo waxyaabihii todobaadkaan u qabsoomay hey’adaha kala duwan ee dowladda. Bayaankaan oo toddobaadle ah ayaa Arbaco kasta ka soo baxa wasaaradda warfaafinta, waxaana qodob-qodob loogu dul istaagaa kaliya waxyaabihii u qabsoomay dowladda todobaadkaas. Hoos ka akhriso qodobada oo dhameystiran: 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda Ciidul Adxa shacabka la hadlayey ayaa dul istaagey caqabadaha curyaamiyey nolosha dadka oo musuqmaasuqa ugu horeeyo. 2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey shacabka inay garab istaagaan qorshaha dowladda ee la dagaalanka Khawaarijta iyo musuqmaasuqa. Madaxweynaha waxaa uu hadalkaasi ka jeediyay Masjidka Isbahaysiga oo uu shacab iyo mas’uuliyiin kala qeybgaley salaadda Ciidul Adxa. 3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey shacabka inay ka shaqeeyaan midnimada iyo horumarka, lagana fogaado colaadaha iyo kala qeybsanaanta, isagoo ka hadlayey munaasabba 26-ka June ee xornimada gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. 4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Jamhuuriyada Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle u diray hambalyo ku aaddan maalinta xoriyadda Djibouti ee 27 June. 5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo uu khudbad u jeediyay uga warbixiyay xaaladda amniga dalka, waxa uuna u jeediyay codsi ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saarneyd tan iyo sannadkii 1992-dii. 6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ahmiyad weyn siinayso horumarinta waxbarashada, isla markaana shaaca ka qaadey in ilaa 10,000 oo macalimiin cusub la shaqaaleysiin doono. 7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Washington Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd J. Austin. 8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, iyagoo ka wadahadley arrimo la xiriira nabadda, amniga, xasilinta, iyo xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya. 9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Maka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay Madaxweynaha dalka Pakistan, Mudane Arif Alvi, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal. 10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Maka ee dalka Sacuudiga kula kulmey Wasiirka Difaaca Kenya Mudane Aden Barre Ducaale. 11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tababar la xiriira isku-xirka shacabka iyo ciidanka u soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. 12- Ra’isul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah furay kulanka heerkiisu sareeyo ee Xasillinta iyo Soo Kabashada ee goobaha laga xorreynayo cadowga Al Shabaab. 13- Ciidamada ammaanka oo la wareegay guri saldhig u ahaa Khawaarijtii isku dayday khalkhal galinta amniga Muqdisho ee ku soo weerarey gantaallo macmal ah. 14- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa guddoomiyey shirka amniga iyo xasiloonida ee maalmaha Ciidda iyo toddobaadka xoriyadda. 15- Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cali ayaa guddoomiyay kulan oo looga arinsanayay sugida amniga iyo xasiloonida caasimadda. 16- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaalaha ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa magaalada Muqdisho ku daahfuray Istaraatijiyadda Qaran ee Istaatistikada Arrimaha Bulshada oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed. 17- Wasiirka Tamarta Iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Taqal Cabaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa shirkadaha bixiya adeega biyaha ee gobolka Banaadir kala Hadley sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen biyo-nadiif ah oo qiimo jaban. 18- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah furay ololaha bilic soo celinta iyo nadaafada caasimadda. 19- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa si rasmi ah Muqdisho uga daah-furay shirkii 4aad ee Madasha Garsooreyaasha Dalka. 20- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage. 21- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo madaxda Maxkamadda Milateriga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed ayaa kormeer ku tagay Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose. 22- Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheikh Cabdulqaadir ayaa magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray shir 3- cisho ah oo u socday mas’uuliyiin ka kala socday Guddigga Wadatashiga Waxbarashada ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed. 23- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa Austria kula kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaas Alexander Schallenberg. 24- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kormeer ku tagay goobaha la dajiyay xujeyda Soomaaliya ee ku yaalla magaalada Maka Al-Mukarama ee Dalka Sacuudi Caraabiya. 25- Taliska Ciiddanka Xoogga Dalka oo fulinaya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayaa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kala wareegay saldhigga Mirtaqwo oo ku yaalla Dowlada Goboleedka HirShabeelle. 26- Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ku dhowaad hal milyan iyo labo boqol oo neef oo xoolo ah sannadkaan laga dhoofiyay Soomaaliya. 27- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa Gobolka Shabeellaha Hoose ka fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab, halkaas oo lagu dilay 45 isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad. 28- Shir looga hadlayo istiraatiijiyadda xafiisyada xeer ilaalinta oo Muqdisho lagu qabtay. 29- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa Muqdisho kulan kula qaatay dhammaan ganacsatada shirkadaha ka shaqeeya shidaalka. 30- Xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer- Ilaaliyaha Guud ee Qaranka warbixin baariseed fatash ah (Forensic Audit Report) warbixintaas oo sheegeysa in lacag dhan 21 milyan oo dollar ay ku maqan tahay mas’uuliyiin ka tirsan laamaha dowladda ee bixinta rukhsadaha shaqo ee shisheeyaha Soomaaliya ka hawlgala. 31- Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa billaabey dhimista Ciidamada, iyada oo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) ee tirsigiisu yahay 2628 (22) iyo 2670 (22), kaas oo faraya howlgalka ATMIS in ay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023. 32- Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha wadahadalka Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Muqdisho kulan kula yeeshay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya. 33- Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa daah-furay hannaan casri ah oo loo yaqaan SOMQR, kaas oo fududeynaya habka lacag bixinta iyo wax kala iibsiga. ==========DHAMMAAD=========== The post DF Soomaaliya oo soo saartay war-saxaafadeed 33 qodob ka kooban appeared first on Caasimada Online.
