Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud, along with other government officials, attended a public gathering at Mogadishu Stadium to commemorate Somalia's 63rd Independence and Unity Day on Saturday. Source: Hiiraan Online
  2. Garowe (HOL) - Twelve Daesh militants, including six foreign fighters, surrendered to Puntland security forces in the mountains of the Bari region on Saturday. Source: Hiiraan Online
  3. ABU DHABI, 1st July, 2023 (WAM) -- President His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan as sent a message of congratulations to Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia, on the occasion of his country's Independence Day. Source: Hiiraan Online
  4. WASHINGTON: The US has lifted certain aid restrictions on Ethiopia in light of progress on human rights, White House national security spokesperson John Kirby said. Source: Hiiraan Online
  5. A three-block stretch of West Lake Street in Minneapolis glittered with light blue on Saturday afternoon as crowds of people decked in the colors of the Somali flag gathered for the annual Somali Independence Day festival, part of a larger Somali Week. Source: Hiiraan Online
  6. Xasan Sheekh ooo ugu Baaq u diray Somaliland Muqdisho(Qaran news)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa ugu baaqay Somaliland inay mar kale u guntadaan sidii Soomaalidu u midoobi lahayd. Madaxweyne Xasan Sheekh oo kula hadlay dadweyne tirada badan garoonka kubadda cagta Muqdisho, ayaa sheegay in Soomaaliya xiligan ay leedahay uu yahay Alshabaab loona bahan yahay in laga wada qaybgalo sidii looga wada shaqeyn lahaa. Xasan Sheekh wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan isla markaanz horumar la jecel yihiin Somaliland. “Somaliland waxaan leeyahay waan jecel nahay nabadiina iyo hourumarkiina. Midnimadana waxa 63 sanno ka hor keenay awowyaashiin , imikana waxa la idiinka baahan yahay inaad ka shaqeysaan midnimada,ayuu yidhi Xasan Sheekh. Geesta kale Madaxqeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa marar badan Soomaaliya ugu baaqay inay laabtooda ka jaraan inay Somaliland n mar kale la midoobaan Soomaaliya. Sidoo kale, waxa madaxda Somalliland ay sheegaan in ay aqoonsi ay ka hesho caalamku uu saacidayo Soomaaliya isla markaana ay noqon doonaan lab waddan oo jaar ah oo isgarabsada. Qaran News
  7. Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay isgooys mashquulka badan oo ku yalla dalka Kenya, sida ay sheegeen booliska iyo goob joogayaal. Waxay dhacday kadib markii gaari xamuul ah oo siday konteenar shixnad uu lumiyay koontaroolka Isgoyska Londiani, oo u dhow magaalada galbeedka ku taal ee Kericho, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Taliyaha bilayska Geoffrey Mayek ayaa sheegay in 30 kale ay si xun u dhaawacmeen balse waxa uu intaa ku daray in tiradu “ay ka badan karto”. Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay in “hal ama laba” qof in ay weli ku hoos xayiran yihiin gaariga rogmaday. Tom Mboya Odero, oo ah taliye kale oo ka tirsan booliska gobolka, ayaa wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay in gaariga xamuulka ah oo ku sii jeeday Kericho uu lumiyay koontaroolka oo uu ku jiiray siddeed baabuur, dhowr mooto, dad waddada hareeraheeda taagnaa, waratada, iyo dad kale oo la socday. ganacsiyada”. Goob joogayaal ayaa warbaahinta Kenya u sheegay in dareewalka uu isku dayay in uu ka fogaado bas ku dhacay wadada. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday markii uu maqlay in qaar ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen “dhalinyaro mustaqbal leh iyo dad ganacsato ah oo ku jiray howl maalmeedkooda”. Sawir lagu faafiyay internetka ayaa muujinaya wax u eg weel guduudan oo shixnadaha xamuulka ah oo dhinaciisa yaalla dhanka hoose ee bangi yar oo caws ah, oo ku yaal waddo dhinaceeda ah. Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sannadkii hore boggeeda internetka ku sheegtay in guud ahaan qaaradda Afrika ay ka jirto dhimashada ugu badan ee dhimashada waddooyinka adduunka. Sannadkii hore 34 qof ayaa ku dhintay badhtamaha Kenya ka dib markii uu baskoodu ka soo baxay buundada oo uu ku dhacay wabiga Nithi ee ka hooseeya. Qaran News
  8. Midowga Afrika ayaa sheegay inay Soomaaliya ay kala baxayaan laba kun oo askari oo nabad ilaalin ah, iyagoo soo gebagebeeyey wejigii koowaad ee qorshaha dhimista. Howlgalka Midowga Afrika ayaa saldhigyo ciidan oo ku yaalla caasimadda Muqdisho iyo gobollada koonfureed ku wareejiyay maamulka ciidamada Soomaaliya. Ku wareejinta gacan ku haynta deegaanka waxay waafaqsan tahay go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo saadaaliyay in ciidamada Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah u qaadanayaan mas’uuliyado ammaan oo dheeraad ah. Ciidamada Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in laga dhigo kuwo laga bixiyay guud hagaan Soomaaliya dhamaadka sanadka soo socda. Qaran News
  9. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa in ay si deg deg ah wada-hadal ula furto xukuumadda Puntland, sida ay noo xaqiijiyeen dad lagu kalsoon yahay warkooda. Villa Somalia ayaa si weyn uga walaacsan hadal dhawaan ka soo yeeray wasiirka Maaliyadda Puntland, kaas oo ahaa in la hakiyo hannaanka deyn cafinta dalka, inta laga heshiinayo khilaafaadka siyaasadeed. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamse oo ka walaacsan hadalka wasiir Dhabancad ayaa bilaabay in ay xiriir la sameeyaan dhinacyo kala duwan oo saamayn ku leh siyaasadda Puntland, si ay ugu kala dab-qaadan Puntland iyo Villa Somalia. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa raadinaya in uu si dhakhso ah u furmo wada-hadalka labada dhinac, si heshiis siyaasadeed looga gaaro khilaafka Puntland iyo Villa Somalia, islamarkaana looga baaqsado in uu fashilmo barnaamijka deyn cafinta dalka. Dhinaca kale, Puntland ayaa marar kala duwan sheegtay in ay diyaar u tahay wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka taagan, waxaase la rumaysan yahay in xiriirkoodu uu heerkii ugu liitay joogo, kaas oo saamayn ku yeeshay wada-shaqayntii labada dhinac. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo dadaal xooggan gelinaysa in ay wada-hadal la furto xukuumadda Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Washington (Caasimada Online) – In an unparalleled disclosure, the Biden administration has unveiled its comprehensive guidelines on drone operations in Somalia an other countries. The rules, inked in October, show a drastic shift from those relaxed under President Trump’s tenure, reinstating stringent procedures surrounding drone strikes and commando operations. Under these guidelines, U.S. military and C.I.A. drone operators require presidential approval before targeting suspected militants outside conventional war zones. This prerequisite comes with a firm assertion of “near certainty” that civilians won’t be collateral damage in these strikes. Notably, the rules reserve their application for scenarios where capturing the target alive via a commando raid is deemed implausible. If an American citizen is targeted, a more extensive review is triggered. A calibrated counterterrorism strategy The declassified 18-page document outlining the administration’s international counterterrorism strategy paints a tempered picture of terrorist threats. Unlike the sometimes overwrought assessments post the Sept. 11, 2001 attacks, this strategy stems from a comprehensive policy review by the Biden administration. The strategy encapsulates a balanced approach to international terrorism threats. With the evolution of these threats, the document underscores addressing direct terrorist threats to the U.S. and its installations overseas while acknowledging the need to prioritize risks amid other national security threats and resource constraints. As per the strategy, the U.S. is to avoid large-scale, U.S.-led nation-building efforts under the guise of counterterrorism, opting instead for “tailored approaches” such as assisting local authorities to bolster security through local forces. Geographic constraints and Exceptions Regarding geography, the rules apply globally, exempting only Iraq and Syria. These countries, where the remnants of the Islamic State linger, are currently regarded as areas of active hostilities, allowing military operators greater leeway in ordering airstrikes. Therefore, the regulations govern drone operations in other countries where the U.S. has conducted recent strikes, including Afghanistan, Yemen, Libya, Somalia, and certain tribal regions of Pakistan. However, exceptions to these rules exist. Drone strikes in defense of American forces or partner forces trained and equipped by the U.S. are exempt from the special procedures. They are permitted when “foreign partners and allies are under attack or are threatened with an imminent attack.” Yale Law School professor Oona Hathaway regards the new strategy’s recognition of other competing national security priorities as significant. “Its call for ‘realistic and achievable goals’ is a rare U.S. government acknowledgment that eliminating all possible terrorism risk is impossible,” she said. Former senior counterterrorism aide in the Obama administration, Luke Hartig, commended the document, stating, “This is sound for where we are now in the struggle against terrorism.” The evolution of counterterrorism As a new style of warfare in the 21st century, counterterrorism drone strikes in remote and poorly governed regions pose unique legal and policy challenges. The past four presidencies have wrestled with these dilemmas. These regions, neither battlefield zones where American ground forces are fighting nor normal countries where police can arrest terrorists, have seen an uptick in drone strikes. However, increased botched strikes and civilian casualties have led to human rights controversies and backlash against the U.S. The threat of global terrorism has evolved significantly, particularly with the rise and fall of the Islamic State. The decline of the Islamic State might mean a return to a more geographically dispersed terrorist threat. The rules cover capture operations, introducing more regulations, such as reporting to the International Committee of the Red Cross upon detaining someone and forbidding the arrival of new detainees at Guantánamo Bay. These adjustments in U.S. drone policy reflect an adaptive, more calculated approach towards counterterrorism designed to meet the changing landscape of global terrorism. The full extent of their efficacy, however, remains to be seen. The post Drones over Somalia: How Biden’s new rules change the game? appeared first on Caasimada Online.
  11. Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiimaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay xafladda furitaanka shirka 11-aad ee Madasha Nabadda Adduunka (WPF) oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Xasilinta Adduunka aan xasilloonayn, iyadoo loo marayo is-afgarad iyo iskaashi. Shirkan oo uu furay madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda shacbiga Shiinaha Han Zheng ayuu ka jeediyay Khudbad uu kaga hadlayo muhiimadda ay leedahay is afgaradka iyo iskaashiga si loo sameeyo nidaam caalami ah oo xasilloon. Shirkan oo leh muhiimad weyn ayaa soo jeedday indhaha caalamka tan iyo markii la aas-aasay 2012, Madasha Nabadda Adduunka (WPF), oo loo aqoonsan yahay Shiinaha ee heerka sare ee madasha amniga caalamaiga ah ee aan Dowliga ahayn, waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Jaamacadda Tsinghua iyo Machadka Arrimaha Dibadda ee Dadka Shiinaha. Iyada oo la eegayo caqabadaha caalamiga ah iyo isbeddellada socda ee caalamiga ah, WPF waxa ay ujeeddadeedu ahayd in ay kobciso wadahadal iyo in la dhiso kalsooni dhinacyada kala duwan, si wax looga qabto hubantila’aanta ka jirta dunida. Madashan oo ay isugu yimaadeen wakiillo ka kala socda waddamo kala duwan, hay’ado caalami ah, iyo aqoonyahanno, ayaa waxaa sidoo kale, goobta waxaa lagu soo bandhigay madashu falanqeyn doodo iyo aragtiyo wax ku ool ah oo la is dhaafsaday. Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa u mahadceliyey Jaamacadda Tsinghua iyo Machadka Arrimaha Dibadda ee Dadka Shiinaha martigelinta Xafladda furitaanka Madasha Nabadda Adduunka ee 11-aad. Munaasabadda ayaa muujisay inay tahay madal qiimo leh oo lagu kobcinayo iskaashiga iyo isfahamka caalamiga ah. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qayb gashay Shir Caalami ah oo ku saabsan xasilinta Dunida appeared first on Puntland Post.
  12. Dagaalka Ukraine ayaa saamayn xun ku yeeshay hoggaanka Ruushka ee Vladimir Putin, sida uu sheegay madaxa hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da. Agaasimaha hay’adda CIA-da William J Burns ayaa sheegay in kalsooni la’aanta Ruushka ee dagaalka Ukraine ay CIA-da siinayso fursado cusub oo ay ku ururiyaan sirtooda. William J Burns ayaa faallooyinkan ka sheegay mar uu Khudbad sanadlaha ka jeedinayayay Ditchley Foundation oo ku taalla dalka UK. Hadalkan ayaa kusoo aadaya kadib toddobaad markii ay dhaceen gabood-falladii uu sameeyay madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin PUNTLAND POST The post Sirdoonka Maraykanka oo fursad ku helay Ruushka appeared first on Puntland Post.
  13. Beledweyne (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka jirta HirShabeelle ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii maanta guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan uu labo u qeybiyey gobolkaas, isla markaana uu magacaabay maamullo cusub oo kala hoggaami doona labada gobol. Cali Jeyte oo markii xilka laga qaaday sheegtay madaxweynaha Hiiraan State ayaa maanta sheegay in Hiiraan uu labo qeybiyey oo dhanka xiga Buuloburde uu u bixiyey Shabeellada Sare, waxaana la sheegay in HirShabeelle uu baacsi ku billaabaay xubnihii uu magacaabay. Dad ku nool Buuloburde ayaa Caasimada Online u sheegay in maanta ay ciidamo boolis ah tageen guriga mid ka ah raggii uu magacaabay Cali Jeyte, in kastoo aysan ugu tegin oo guriga uu ka maqnaa masuulkii ay raadinayeen. Durbadiiba maanta waxaa bilaabatay hanjabaad, waxayna garabka Cali Jeyte ku goodinayaan in HirShabeelle aysan ku dhicin inay ku xirto Hiiraan masuuliyiintooda. Madaxweynaha maamulka HirShabeelle ayaa xalay ka hadlay is qabqabsiga maamul eek a jira Hiiraan, isagoo dadka reer HirShabeelle ka codsaday inay u dul qaataan xiisadaha maamul ee soo cusboonaaday. Madaxweyne Cali Guudlaawe, wuxuu sheegay in HirShabeelle aysan aheyn xisbi la galo oo laga baxo, balse ay tahay maamul goboleed jira oo la aqoonsan yahay, dadka dega gobolladiisana ay ku qasban yihiin inay ka mid ahaadaan abid. Dhinaca kale, waxaa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay duleedka magaalada Beledweyne isbaaro dhigteen ciidamo maleeshiyaad ah oo taabacsan guddoomiyaha cusub ee Cabdullahi Sufurow, maadaama dhammaan barihii kontorool ee maamul ay weli joogaan ciidan taabacsan Cali Jeyte. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa HirShabeelle ka wada waan waan si hoose ku socota oo la doonayo in xal looga gaaro tabashooyinka sababay in Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay kala go’aan. The post Xog: Go’aankii Jeyte oo uga daray xiisadda Hiiraan iyo HirShabelle oo baacsi ku bilowday… appeared first on Caasimada Online.
  14. Guddi garsoorayaal ah ayaa u codeeyay Jimcihii in madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro uusan u qalmin inuu mar kale u tartamo xafiiska madaxweynaha, iyaga oo warbixintooda kusoo gabangabeeyay inuu ku takri falay awooddiisa, uuna shaki ‘aan sal iyo raad toona lahayn ka galiyay nidaamka cod bixinta ee dalkaas.’ Go’aankaan ayaa ka joojin doona Bolsonaro inuu u tartamo madaxweynaha ilaa 2030, taasoo mugdi gelineysa mustaqbalka siyaasadeed ee 68-jirka, waxayna u badan tahay inuu tirtirto fursad kasta oo uu dib ugu soo noqon karo awoodda. Afar ka mid ah toddobada garsoore ee maxkamada ugu sarreysa dalka ayaa isku raacay in Bolsonaro uu ku takri falay awooddiisa isaga oo adeegsanaya kanaalada isgaarsiinta dowladda si uu u dhiirrigeliyo ololihiisa oo uu shaki geliyo codka. Carlos Melo, oo ah bare sare oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Insper ee Sao Paulo ayaa yidhi: “Go’aankani wuxuu soo afjari doonaa fursadaha Bolsonaro ee ah inuu mar kale madaxweyne noqdo, wuuna ogyahay.” Kiiska loo heysto ayaa diiradda saaray shirkii bishii Julay 18-keedii, 2022, halkaas oo Bolsonaro u adeegsaday shaqaalaha dawladda, kanaalka telefishinka dawladda iyo qasriga madaxtooyada ee Brasilia si uu ugu sheego safiirrada ajnabiga ah in nidaamka codbixinta ee elektaroonigga ah ee waddanka la musuqmaasuqay. Madaxweynihii hore ee Brazil Fernando Collor de Mello iyo madaxweynaha hadda Luiz Inácio Lula da Silva ayaa horay loogu dhawaaqay inaysan u qalmin inay u tartamaan madaxtinimada, laakiin kiiska Bolsonaro ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee madaxweyne shaqada looga joojiyo xadgudubyo doorasho. Sharciga Brazil ayaa ka mamnuucaya musharraxiinta lagu xukumay dambiyada inay u tartamaan jagada Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay kumanaan shacab ah ayaa maanta ka qayb galayay munaasabada 63 guurada 1-da Luuliyo oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho. Madaxwweynaha ayaa tilmaamay in muwaadiniinta Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay door ku yeeshaan halganka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah oo Al-Shabaab ay u horeeyaan. Xasan Sheekh oo dhibaatada ay Al-Shabaab dadka Soomaaliyeed ku hayaan ku tilmaamay gumeysi ayaa maanta ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, musuq-maasuqa iyo dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed oo waarta. Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in gobanimada Soomaaliya aysan dhameystireyn inta Al-Shabaab ay dalkaan joogaan, wuxuu si qota dheer uga hadlay dagaalka ay ku hayaan diinteena suuban ee Islaamka. Wuxuu tusaale u soo qaatay Masjidkii ay shalay Al-Shabaab ku qarxiyeen degaanka Daarunicma ee gobolka Shabeellaada Dhexe, isagoo sheegay in kuwaas ay ka baxeen diinta Islaamka. “Al-Shabaab masaajid ay dhiseen weligiin ma aragteen, waa dumiyaan ee ma dhisaan, mana sheega karaan diin, gumeystihii dalkaan masaajid ayuu ka dhisay, laakiin Al-Shabaab waa dumiyaan ee aan iska qabano,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa aad u amaanay ciidanka Macawiisley ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, isagoo sheegay in taariikhdu ay xusi doonto halganka ay jirto Macawiisley. “Walaalayaal dalku waa xoroobi rabaa, dhul balaaran ayaa maanta Khawaarijta ka xoroobay, waxaana lagu gaaray in dadkii deganaa dhulkaas ay maya iska dhaheen oo la dagaalameen Khawaarijta, walaalayaal dalkeeno xorriyad ayuu qaatay, in Shabaab la iska soo afjaro ayaana naga go’an,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Hoos ka daawo khudbadii Madaxweynaha The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo saddex qodob kaga hadlay khudbadii Stadium Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  16. Xashiish Gubtay oo halis gelin Gaadhay Huteel ku Yaalla Hargeysa Hargeysa(Qaran)-Huteelka lagu magacaabo Mega Plaza oo ku yaala magaalada Hargeysa ayaa maanta dhinaciisa dambe ee xigta dooxa weyn ee Hargeysa dab dhir iyo xashiish ka kacay, kaasi oo halis galiyay huteelka gaar ahaan Qaybta Cunto karinta. Ciidamada Dabdemiska Hargeysa ayaa damiyay dabkaa oo halis galiyay hantida huteelkaas oo ah goob bulsho badan iskugu timaado.Ma Jirin khasaare ka dhashay goobtaas. Ciidamada Booliska ayaa iyaguna hawlgalkaa kala qayb qaatay ciidanka Dabdemiska. Qaran News
  17. Maamulka Saaxil oo ka Hadlay Kalluumaysato la waayey Berbera(Qaran news)- Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi ayaa ka hadlay saddex nin oo ah kalluumaysato reer Berbera ah oo la waayey raq iyo ruux ilaa 10kii Bishii June ee la soo dhaafay. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay nimankaas iyo laashkoodiiba in ay maqan yihiin 21 maalmood, kuwaasi oo ay wadaan raacdadooda. Nimankan lahu waayay badda ayaa magacyadoodu kala yihiin Jaamac Cumar Warsame,Cali Cabdi Boos iyo Kgaliif Cawaale Maxamed. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ugu badnaan kalluumaysatadu ay badda ku jiraan toban maalmood, hase ahaatee la waayey nimankaas markii ay dhammaatay tobankii maalmood ee u horreeyay. Guddoomiyaha Gobolka Saaxil wuxuu intaas ku daray in haddii ay laashkii la dhacay la heli lahaa agabkoodii oo badda ku soo caaryi lahaa. Qaran News
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo munaasabadda Kowda Luulyo uga qayb-galay magaalada Garoowe ayaa si adag uga hadlay dagaalka weli ka socda gudaha magaalada Laascaanood. Ugu horreyn Khaliif oo indhowanahaan ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa Puntland uga mahadceliyay garab istaaga ay u muujisay dadka reer Laascaanood. “Waxaan runtii jeclahay oo maanta si gaar ah ii taabaneyso bulshada reer Puntland oo ugu horreeyo madaxweynaheeda, madaxweyne ku xigeenka, guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo dhammaan shacabka reer Puntland sida ay u garab istaageen walaalahood iyo dadka ay ehelka yihiin, ayna uga dhiidhiyeen dulmigii lagu hayay aad iyo aad baan ugu mahad-naqayaa” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Somaliland. Cabdirisaaq Khaliif oo guud ahaan isaga soo baxay Somaliland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu aad ula yaabay taliska Hargeysa iyo Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay inay sida dab oo kale dhalinyaro Soomaaliyeed ugu shidayaan dagaalka ay ka wadaan Laascaanood. “Waxaan runtii aad ula yaabay warar kasoo baxayay taliska ciidanka Hargeysa iyo madaxweynahooda maalmo dhoweyd oo ay tababaro u xirayeen dhalinyaro aan isleeyahay xabaashoodii baa la soo fogeeyay oo ay tilmaameen ina dagaalami doonaan” ayuu raaciyay. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in guusha ay soo dhowdahay, isla-markaana ay reer Laascaanood yeelan doonaan talo deegaanka ah oo loo wada dhan yahay. “Waxaan leeyahay oo aan dadka reer Puntland u ballan qaadayaa in dagaalka ka socdaa Laaacaanood uu guuleysanayo, mana dheeraneyso guushiisa. Taladeeda deegaanka iyo dadkaana waxaa wada leh intii u dhimatay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay yiri C/risaaq Khaliif. Waxaa kale oo C/risaaq Khaliif uu khudbaddiisa kusoo gabagabeeyay “Waxay noqon doonaa munaasabaddan, munaasabaddeeda kale inaynu ku dabaaldagno Laascaanood” Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, ayada oo weli dagaalladu ay ka socdaan bariga iyo galbeedka magaaladaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac. The post Cabdirisaaq Khaliif oo ku dhowaaqay go’aan culus oo la xiriira dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  19. PRESS RELEASE GOtv Kenya, MultiChoice Kenya (DStv) Win Two Prestigious Awards at the 6th Annual Kuza Broadcasting Awards 2023 The aim of the Kuza Broadcasting Awards is to recognize broadcasters who stand in line with the Regulatory Requirement Board of Kenya, showcasing excellence and innovation in the broadcasting industry Access Multimedia Content NAIROBI, Kenya, June 28, 2023/ — MultiChoice Kenya (www.MultiChoice.com), the home of great pay TV entertainment, is thrilled to announce its remarkable achievement at the 6th Annual Kuza Broadcasting Awards 2023. GOtv Kenya and DStv Kenya have been honored with two prestigious awards: the Gold Category for Favorite Pay TV Service and the Bronze Category for Favorite FTA (Free-to-Air) TV, respectively at an awards ceremony held at Movenpick Hotel and Residences, Westlands, Nairobi. The aim of the Kuza Broadcasting Awards is to recognize broadcasters who stand in line with the Regulatory Requirement Board of Kenya, showcasing excellence and innovation in the broadcasting industry, and MultiChoice Kenya is proud to be acknowledged as a standout performer in both categories. The People’s Choice Awards which are derived from customer SMS survey are a reflection of the public’s view of DStv and GOtv and highlight the trust and loyalty that customers have placed in our business which further cements our unwavering responsibility and commitment to delivery world-class entertainment across all genres. “We are delighted to receive these prestigious awards at the 6th Annual Kuza Broadcasting Awards,” said Nzola Miranda, Managing Director, at MultiChoice Kenya. “Receiving these recognitions are a reflection of the continued confidence and support of our valued customers, and we are more than incredibly honored for their ongoing loyalty.” “The awards show the hard work, dedication, and passion of our entire team and are a testament to the sustained efforts that our staff invests in delivering exceptional viewing experiences to our customers and remain a motivation to keep pushing boundaries and setting new standards in the industry,” Nzola concluded. MultiChoice Kenya expresses sincere gratitude to the esteemed panel of judges and extends heartfelt appreciation to its loyal customers for their unwavering support. The company remains committed to enhancing its services and exceeding customer expectations. By leveraging cutting-edge technology, partnering with leading content providers, supporting local content and investing in customer-centric initiatives, with the sole aim to maintain its position as a leader in the television industry. This year’s awards were held under the theme: “Shaping the Future of Broadcasting, Towards the Creative Economy.” Distributed by APO Group on behalf of Qaran News
  20. Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Booliska gaarka ah Haramcad ay ka sameeyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab. Ciidamada Haramcad ayaa isku fidiyay duleedka magaalada, waxayna gaareen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda. “Ciidamadda Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa Deegaanada ku teedsan Degmada Afgooye ka wada howlgallo lagu cirib tirayo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu burburiyay goobo ay dadka shacabka ah lacago uga qaadi jireen xubnaha Al-Shabaab. “Ciidamada ayaa howlgalkan ku burburiyay Isbaarooyin ay Khawaarijta u dhigteen Shacabka oo lacago baad ah ay ku qaadi jireen” ayaa lasii raaciyay qoraalka. Howlgallada ayaa weli sii socda, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo deegaanada hoos yimaada magaalada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa deegaanadaas weeraro kasoo qaada, sidoo kalena ku diyaariyo qaraxyada lasoo geliyo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Si kastaba, xaaladda ayaa weli kascsan, ayada oo abaabul xoogan laga dareemayo duleedka Afgooye oo ay inta badan ay soo gaaraan xubnaha kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Haramcad oo howlgal culus ka fuliyay Afgooye appeared first on Caasimada Online.
  21. Cabdirisaaq Khaliif oo dagaal Afka ah ku soo qaaday Somaliland Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed ee dhawaan ku biiray falaagada Laascaanood ayaa xalay weerarkii u horreeyay ee afka ku soo qaaday Somaliland. Cabdirisaaq Khaliif oo xalay ka hadlayey xaflad lagu xusayey 1da July, oo lagu qabtay Garoowe, ayaa ku baaqay in ciidamada laga saaro Laascasnood. “Waxaan leeyahay inamada dhallinyarada ah ee aad keentay Laascaanood aad dhulkoodii dib loogu celiyo. Waxaan u arkaa inaad maydkoodii soo fogeyseen,” ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif, waxaanu ku dooday in sannadka soo socda munaasibada 1da July lagu qaban doono Laascaanood. Waa markii u horreysay ee Cabdirisaaq Khaliif soo naqdiyo Somaliland tan iyo markii uu iska casilay xilkii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu khiyaamo qaran ka galay JSL oo uu la saftay huwanta dagaalka ka riday Laascaanood. Mr.Khaliif wuxuu ku celiyay mar kale eediisii ahayd inay Somaliland duqeysay magaalada Laascaanood. Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka haweenka iyo xuuqul insaanka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xalay laga xaday taleefankeedii gacanta, intii ay socotay munaasabadda xuska kowda Luulyo oo lagu qabtay xarunta Villa Soomaaliya. Muuqaal kooban oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay wasiir Khadiijo oo taagan masraxa xafladda, isla-markaana raadineysay taleefankeeda. “Taleefoon yaa inta ka qaaday?” ayey ku tiri muuqaalka la baahiyay oo si u weyn u qabsaday baraha ay ku wada xiriirto ee Internet-ka. Sidoo kale waxa ay dadka meesha joogay weydiisay cidda qaatay moobeylkeeda oo ay saaratay miis yar oo meesha yiilay. “War taleefankeygii yaa qaaday intaan ayaa meesha joogtee?” ayay mar kale cod dheer ku tiri, Khadiijo Maxamed Diiriye. Ma cadda in taleefanka ay mar dambe heshay iyo in kale, balse waxaa ku dhacay jahwareer, maadaama ay kaamirada soo qabatay, ayada oo qaylineysaa, isla-markaana raadineysa taleefankeeda gacanta. Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana kamid ah dadka ka falceliyay siyaasiga caanka ah, Cali Yari Cali, wuxuuna yiri “War toloow Mobile-ka Khadiija hala keeno. “Intiinaanaa meesha joogtay” miyay tiri ? Waa Mention gareyn kartaa qofkaa tuhmeeyso” Waxaa sidoo kale ka hadlay dhalinyaro badan oo isticmaala baraha bulshada, sida Barwaaqo Xuseen oo tiri “Madaxtooyo Mobile lagu xadayo Inalilaah war somalia cilmi badanaa”. “Waa Musuq Maasuqii oo Practical ah. Waxaanse ka cabsi qabaa in wax lasoo qarxiyo” ayuu isna yiri wiil lagu magacaabo, Garaad Yaasiin. “Wasiirad dhan oo meesha kadhax qeylinee oo leh yaaqaaday talefankeeygi waa wax aad loola yaabo” ayuu isagana yiri Soulman Oscar Jr. The post Khadiija Diiriye oo shaacisay in munaasabadda 1-da Luulyo looga xaday… appeared first on Caasimada Online.
  23. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlayay munaasabadda kowda Luulyo oo lagu qabtay Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood, isaga oo weerar ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ka socda Laascaanood uu yahay wax laga xumaado, isla-markaana ay nasiib darro tahay dhiigga ku daadanaya magaaladaasi. Waxaa kale oo uu tilmaamay in dhibaatada ka socota Laascaanood ay dhaawaceyso halganka odayaashii reer Hargeysa ee keenay guusha calanka Soomaaliya. “Arrinta midnimada markaan ka hadlo waxaan rabaa inaad qodob yar ku daro oo aan ka hadlo dagaallada ka socda Laaascaanood oo aan is leeyahay ma’aha dagaal loo baahnaa in maanta intaas oo dhiig ah ay daadato odayaasha reer Hargeysa ee shalay calanka keenay haddii lagu yiraahdo xaaladda noocaas ayaa bariga jirta xabaasha inay qotaan ayey kasoo bixi lahaayeen” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Sidoo kale waxa uu toos ugu weeraray khudbaddiisa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku eedeeyay in wado wixii uu shalay isagu diidayay, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan rabaa inaan saaxibkey Muuse Biixi iraahdo Muusow waxaad shalay diiday maanta ha’isku dayin inaad ku dhacdo” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Jubbaland. Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xalka uusan ku jirin xabad, balse loo baahan yahay in lagu raadiyo wadahadal iyo deganaan. “Sidaas daraadeed waxaan rabaa inaan iraahdo war wax walba oo xal lagu dhameyn karo in xabad lagu raadiyo xal noqon meyso,” ayuu sii raaciyay Axmed Madoobe. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu mar kale dagaalka dib u qarxay Laascaanood, waxaana ugu dambeysay xalay oo madaafiic lagu weeraray gudaha magaaladaasi. The post Daawo: Axmed Madoobe oo weerar culus ku qaaday Biixi appeared first on Caasimada Online.
  24. Qardho waxaa ka bilaamay dhaqankii Muqdisho Maantay waxaa lagu dilay Nin Bajaajle ah waxaana lagu dilay Lacag Cashuur ah oo gaaraysa 6$ Ninka Marxuumka la dilay ayaa laygu sheegay Nin Jareer ah. Ninkii falka gaystay ayaa waxaa qabtay Lamaha Amniga waxaa hada lagu xiray Jeelka wayn Qardho. Qaran News
  25. Waxaan arkaa marar badan qof Soomaali ah, dhalin yaro ah, aqoon yahan ah, hadana markay noqoto fahanka iyo adeegsiga internet-ka ay aqoontiisa iyo garashadiisu aad u hooseyso, markaas ayaan waxaan isweydiiyaa bal inta kale dadka Soomaalida ka waran. Muxuu qofka caadiga ah ee Soomaaliga ah (average Somali person) ka garanayaa teknolajiyadda caalamka ee maanta hadiiba kii aqoon yahanka ahaa ee da’da yaraa uu sidaa uga aradan yahay isticmaalka iyo adeegsiga internetka iyo waxyaalaha la halmaala?. Waxaan kaloo garowsaday sida ay u yaryihiin goobaha lagu baran kari lahaa cilmiga teknolajiyadda casriga ah ee IT, software, Internet iwm. Bal eeg iskuulada ama goobaha maanta lagu barto cilmiga kumbuyuutarka, maxay kaga duwan yihiin kuwii jiri-jiray shagaa shamaadkii (1990s)?. Waxaan marar badan is iraahdaa ar-maaba waagaas hore xaalka roonaa waayo aniga ayaa ka mid ah ardaydii xiligaas baratay kumbuyuutarka kuna bartay magaalada Boosaaso intii u dhexeysay 1993-1994 kadibna noqday macalin dhiga intii aan bartay wixii loo gaaray dhamaadkii 1994. Maadooyinka aan xiliga bartay waxaa ka mid ahaa DOS (disk operating system) oo u dhigmay Windows, WordPerfect oo u dhigmay Ms-Word, Lotus 123 oo u dhigmay Excel, DB oo u dhigmay MS access ee dhinaca databaseka iwm. Iskuulka aan dhigtay waxaa la oran jiray CTI (Computer Training Institute) wuxuuna ahaa kii ugu horeeyey ee laga furo deegaanada Puntland xiligaas dad badan ayaana ka aflaxay oo markii danbe iskuulo kale oo IT ah furtay iyo kuwa badan oo shaqooyin ku helay dhinac dawladeed iyo dhinac hay’ad iyo ganacsi intaba. Waxaa iskuulka furay macalinna ka ahaa Eng. Yuusuf Cali Yuusuf lana dhihi karo wuxuu yahay ama noqon karaa aabaha horumarka teknolajiyadda ee Puntland ama Soomaaliyaba. Wakhtigan hada la joogo ee 2023 ma helaysid iskuul IT oo qalabaysan oo maadooyinka kala duwan ee teknolajiyadda lagu dhigto sida asaasiyaadka computer (computer basics), borogaraam samaynta (programming), farsamada (technical courses like networking, repairing etc), adeegsiga iyo fahanka internetka guud ahaan iwm. Waxaad arki meelo lagu barto IT-ga magaalooyinka waaweyn ee dalka gaar ahaan Puntland balse aan u qalmin goob waxbarasho waayo malaha qalab fiican, internet, lamana baro qofka wax ka baxsan asaasiyaadka hoose ee kumbuyuutarka (very basic IT course) sida windows, ms-word iwm. Nadaafada goobta, qalabka kumbuyuutarka ee yaal dhamaan waa alaab qadiim ah, software-ka ku jira waa kuwii hore sida kuwii soo baxay 2007 –kii iwm. Waxaa intaa dheer markaad waraysato dadka goobahaas iska leh oo aad tiraahdo maxaad qalab fiican u dhigi weyday?, maxaad iskuulka u balaarin weyday?, waxay kuugu jawaabayaan maalgelin ma haysto ama waxayba ku dhahayaan cid waxbarata ma joogto iyo warar noocaas oo kale ah. Hadaba miyeysan haboonayn in isbedel weyn lagu sameeyo fahanka iyo wacyiga hooseeya ee dadkeena ee dhinaca teknolajiyadda cusub ee internetku aabaha iyo hooyada u yahay. Dawlad, ganacsato iyo shacab maxaa la gudboon? Waxaa muhiim ah oo lagama maarmaan ah in aan halkan ku cadeeyo in siyaasad dawladeed oo dhiiri gelisa barashada cilmiga teknolajiyadda la helo isla markaasna la helo ganacsato maalgelinaysa xarumo lagu barto cilmiga IT-ga nooc yadiisa kala duwan, Internetka iwm. Waxaa sidoo kale isku xiran barashada cilmigan iyo wacyiga dadka ee fahanka guud ee teknolajiyadda in kor loo qaado isla markaasna la helo in dhalinta barata cilmiga teknolajiyadda cusub shaqo ka helaan qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha dalka sida shirkadaha ganacsiga, hay’adaha dawladda iyo weliba in ay helaan maalgelin ay ku bilaabaan ganacsi ku dhisan teknalajiyadda cusub ee ay barteen. Akhirstow ka waran hadii lagu yiraahdo:” Visada aad rabto inaad dal hebel ku gasho online ka soo dalbo/buuxso, ma kula tahay inaad hawshaas keligaa qabsan lahayd mise caawin baad u baahnaan lahayd?, ka waran sidoo kale hadii aad rabto inaad alaab online ka iibsato ma iibsan kari lahayd?, hadiise adiga aad intaas oo dhan qabsan karto imisa qof ayaad garanaysaa oo aan iyagu qabsan karin hawlahaas si iskood ah?. Tusaalahan kore waa waxyaalaha qofka barta teknolajiyadda IT, internetka iwm uu si fudud ku qabsan karo isaga oo weliba garanaya waxkasta oo ku xeeran isticmaalka internet-ka. Ujeedka qoraalkan aan ka leeyahay waa fahanka aan ka haysto muhiimadda teknalajiyadda cusub ee caalamka haraysay iyo khibradda aan u leeyahay dadkeyga Soomaaliyeed ee dhinaca barashada isticmaalka iyo adeegsiga internet-ka oo aan ogahay inay aad u hoosayso dibad iyo gudaba. Tusaale: “Ka waran hadii 50,000 oo Soomaali ah lagu tababaro adeegsiga kumbuyuutarka, internet-ka iwm muddo laba sano gudahood ah- giving 50,000 Somali men and women digital literacy courses within two years across the country ”. Tiradan dadka ah ee labari karo internet-ka, kumbuyuutarka iwm muddo laba sano ah waa hawl la qaban karo hadii ay iska kaa shadaan shirkadaha teknolajiyadda dalka sida Golis, Somtel, Amtel, Hurmuud iwm. Waana inay noqotaa waxbarashadaasi mid bilaash ah. Dawladda iyo maamulka kala duwan ee dalka ka jira ayaa iyaguna qayb ka noqon kara.. W/Q: Siyaad Cali Yuusf Bare iyo Qoraa Teknoolajidda. The post Teknoolajiyadda iyo Soomaali sidee isula jaan qaadi karaan? appeared first on Puntland Post.