-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The African Transitional Mission in Somalia (ATMIS) said it has completed the first phase of a troop reduction aimed at eventually putting security fully in the hands of the national army and police. Source: Hiiraan Online
-
The African Union and United Nations envoys in Somalia have lauded Burundi peacekeepers for their sterling stabilization efforts in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Ceelbarde (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah ATMIS iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Ceelbarde ee gobolka Baay, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar arbushaad ah ku qaadeen saldhig ay ciidamadaasi ku leeyihiin degmada, waxaana kadib dhacay iska hor imaad toos ah. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay marka hore mdaafiic ku garaaceen saldhigga, kadibna ay u jawaabeen ciidamada Itoobiya. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay mar dambe ku biireen ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, taas oo keentay in dagaalka uu sii qaraaraado. Ma cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyio weerarka ka horreeyay, kaas oo xalay si weyn looga dareemay guud ahaan degmada Ceelbarde iyo degaanada ku dhow. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in Al-Shabaabkii weerarla soo qaaday ay dib u laabteen, kadib saacado ay dagaal ka wadeen halkaasi. Sidoo kale ciidamada Itoobiya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa maanta iski fidiyay duleedka degmada, halkaas oo ay ka wadaan howlgal ay ku baadigoobayaan xubnaha soo weeraray. Ceelbarde ayaa waxaa todobaadyadii u dambeeyay weeraro ku haysay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada ku xeeraan degmadaasi. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay sare u qaaday beegsiga ay ku heyso xeryaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla gobollada dalka. The post Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xerada ciidanka Itoobiya ee Ceelbarde appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa is barbardhig ku sameeyay falkii Al-Shabaab ku qarxiyeen Masjidka Daaru-nimca ee Degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo falkii nin asalkiisu yahay Ciraaqi ku gubay kitaabka Qur’aanka kariimka oo ka dhacay dalka Sweden. Ayada oo ay joogaan boolis tiro badan, ayaa Salwan Momika oo ah 37 jir usoo qaxay Sweden dhowr sano kahor, wuxuu Arbacadii ku istaagay Kitaabka Qur’aanka kahor inta aanu bogag ka mid ah dab ku hor qabadsiin Masjidka ugu weyn magaalada Stockholm. Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa deegaanka Daarunicma waxay ka burburiyeen Masjidkii ugu weynaa oo ahaa halka dhisme oo dhagax ah ee deegaankaas ku yaalla, kadib markii ay ku dhufteen gaari qarax ah, kaas oo sida caadiga ah bilow u ahaa weerarkooda. Qoraal kooban ayuu labadan dhacdo uga fal celiyay guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, isagoo is weydiiyay waxa ay ku kala duwan yihiin falalka ay ku kaceen Al-Shabaab iyo ninka reer Ciraaq ee dabka qabadsiiyay Qur’aanka. “Maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa waxaa magaalada Stockholm ee Dalka Sweden Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah dab ku qabadsiiyey Nin gaal ah oo asalkiisu yahay Ciraaq, isagoo la hortegay masjidka Magaaladaas. Maalintii sadexaad ee Ciidul Adxaa, Khawaarijta Al-Shabaab ayaa dab qabad siiyey Masjidka deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Kitaabadii Qur’aanka ee ku dhex jiray. Haddaba aan is-weydiinee maxay ku kala duwan yihiin labadaas dhacdo?,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Siyaasiga Muungaab. Wuxuu farriin u diray dadka weli taageersan Al-Shabaab, isagoo qoraalkiisa ku yiri: “Qof waliba oo is-moodsiinayay in Khawaarijta Al-Shabaab ay Diin wadaan iyo Kuwa laga yaabo in ay weli taageero dhaqaale siinayaan Khawaarijta Al – shabaab haku quus qaateen!” The post Mungaab oo is-barbardhig ku sameeyay falkii Al-Shabab iyo ninkii Qu’raanka gubay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka ilaalada deegaanka Xamar G/Sare Maxamed Carabow oo shir jaraa’id qabtay ayaa go’aan culus ku soo rogay ciidanka uu xukumo ee ilaalada deegaanka Xamar. Taliyaha ayaa sheegay in xiligaan ay taagan yihiin xaalado kala duwan oo loo baahan yahay in xalkooda la helo, wuxuuna ugu horeyn fartiin u diray ciidanka ka maqan shaqdooda. Taliye Maxamed Carabow ayaa 6 maalood u qabtay ciidanka ka maqan shaqadooda ee taliska ka tirsan, isagoo shaaciyey ciqaabta uu mari doono askarigii ka dhega adeyga amarkaan. Xaadirinta ciidanka maqan oo shalay soo bilaabatay ayaa ku eg 8-da bishaan, “Askarigii waqigaas aan ku qabtay ku soo shaqo geli waaya, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan. Sidoo kale Taliyaha ayaa ciidanka ka shaqeeya canshuur qaadis wuxuu faray inay u dhimriyaan shacabka, isagoo uga digay dacwo ay kaga timaado shacabka. Sidoo kale askarta aan diriiskooda xiraneyn ayuu aad u canaantay, isagoo sheegay in askari kasta ah dowladdu siisay hub iyo dariis, balse qofka asaga laga rabo inuu is dayactiro. “Nin kasta waxaa laga rabaa inuu is qurxiyo sharafta dowladdana uu ilaaliyo, waxaan rabnaa in askarigu uu dadka si karaamo leh ula shaqeeyo,” ayuu yiri sarkaalkaan xukuma ciidanka soo uruuriyaha canshuuraha. Ugu dambeyntii taliyaha ayaa kala cadeeyey cidda awooda u leh inay bixiso darajooyinka ciidanka ilaalada deegaanka Xamar oo hoos taga maamulka gobolka Banaadir. Wuxuu sheegay in duqa Muqdisho uu askariga soo gaarsii karo ilaa kormeere seddaax, balse wuxuu ka sareeya uu biyo madaxweynaha dalka, iyadoo duqa Muqdisho uu xaq u leeyahay inuu gudbiyo warbixinta sarkaalka la dalacsiinayo. Hoos ka daawo The post Daawo: Amar culus oo dul-dhigay ciidanka uruuriya canshuuraha MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
In a fragile country where corruption has been rampant for decades, Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud's commitment to fighting this deep-rooted problem is a bold and much-needed move. Corruption has been a major obstacle to Somalia's development, hindering economic growth, exacerbating poverty, and undermining the rule of law Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa fiidnimada Axadda la kulmi doona madaxda sare ee dowladda si uu ugala hadlo sidii loo soo afjari lahaa dibadbaxyada ka socda guud ahaan dalka. Bayaan ka soo baxay madaxtooyada, Mr. Macron wuxuu la kulmi doonaa ra’iisul wasaare Elisabeth Borne, wasiirka arrimaha gudaha Gérald Darmanin iyo wasiirka caddaaladda Eric Dupond-Moretti si uu ugala hadlo arrintan. Ugu yaraan afar maalmood ayaa dalka oo dhan waxa ka socday mudaaharaadyo kaddib markii askari booliis ah uu wiil 17 jir ah ku toogtay magaalada Paris. Halkaas oo lagu gubay dukaamo, baabuur iyo dugsiyo, laguna burburiyay dhismayaal dowladeed. Ayeeyada wiilkan dhalinyarada ah ayaa ku baaqday in la dejiyo colaada ka dhalatay dilka wiilkeeda. “Ma doonayno inay burburiyaan dukaamada dadka, ama baabuurta iyo dugsiyada,” ayey Nadia u sheegtay BFM TV. Ayeeyada wiilka ayaa ka cabatay in mudaaharaadayaashu “ay ku dhuumanayaan arrinta Nahel, markaa waxaan rabnaa xasillooni” ayey sii raacisay. Qaran News
-
Dowladda Iran ayaa diiday in ay safiir cusub u soo dirto dalka Sweden, kadib markii nin mudaaharaadayay uu qur’aan ku gubay bannaanka masjid ku yaalla caasimadda Stockholm. Qaxooti u dhashay dalka Ciraaq ayaa kitaabka ku gubay bannaanka masjidka maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa. Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Hossein Amirabdollahian, ayaa dowladda ku eedeeyay inay siisay fasax uu ku qabto mudaaharaadyo xun. Booliiska ayaa dhawaan diiday codsiyo la mid ah kuwa mudaaharaadyada, balse maxkamada ayaa markaas xukuntay in loo ogolaado sababo la xiriira xoriyadda hadalka. Muslimiintu waxay Qur’aanka kariimka ah u haystaan inuu yahay kitaabka Ilaahay waxayna u arkaan xushmad la’aan in la gubo. Mr Amirabdollahian ayaa sheegay in inkasta oo la magacaabay safiiro cusub, Tehran aysan soo diri doonin. “Habka loo dirayo dadkaasi waa la joojiyay sababo la xiriira dowladda Sweden oo fasax u siisay in qur’aanka kariimka ah la xumeeyo”, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa sidoo kale ka codsatay dhiggeeda Sweden in loo soo celiyo qofkii gubay qur’aanka kariimka ah. Waxay yiraahdeen maadaama uu weli haysto dhalashada Ciraaq, waa in lagu maxkamadeeyaa Baqdaad. Dhacdadan kadib, kumannaan qof oo mudaaharaadayaal ah oo Ciraaqiyiin ah ayaa xoog ku galay safaaradda Sweden ee Ciraaq, ka dib markii uu soo abaabulay wadaadka Shiicada ah ee Moqtaha al-Sadr. Waxay baxeen shan iyo toban daqiiqo ka dib markii ciidamada amniga la geeyay safaaradda. Qaran News
-
Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden oo markii ugu horeysay war ka soo saartay falkii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay dalkeeda ayaa cambaareysay tallaabadii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, waxayna sheegtay inay u aragto fal Islaam-naceyb ah. Dowladda Sweden ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in falkaas uu ku kacay nin u dhashay dalka Ciraaq oo degenaa dalka Sweden, kaas oo afaafka hore ee Masjidka weyn ee magaalada Stockholm ku gubay kitaabka Quraanka Kariimka ah. Sweden waxay sheegtay inay u aragto in ninkaasi uu sameeyay “fal Islaam-diid ah.” Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri, “Dowladda Sweden waxay si buuxda u fahansan tahay in falalka liddiga ku ah Islaamka ee ay shaqsiyaadka ku kaceen dibadbaxyada Sweden ay noqon karaan kuwo meel ka dhac ku ah Muslimiinta.” War-saxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Sweden ayaa intaas ku daray, “Waxaan si adag u cambaareyneynaa falalkaas oo aan sinaba uga tarjumayn aragtida dowladda Sweden.” Dhinaca kale, Dowladda Iiraan ayaa diiday in ay safiir cusub u soo dirto dalka Sweden, kadib markii nin mudaaharaadayay uu Kitaab Qur’aan ah ku gubay bannaanka masjid ku yaalla caasimadda Stockholm. Qaxooti u dhashay dalka Ciraaq ayaa kitaabka ku gubay bannaanka masjidka maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa. Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Hossein Amirabdollahian, ayaa dowladda ku eedeeyay inay siisay ninkaas fasax uu ku qabto mudaaharaadyo xun. Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa ka codsatay dhiggeeda Sweden in loo soo celiyo qofkii gubay qur’aanka kariimka ah oo la sheegay inuu u dhashay dalka Ciraaq. Dowladda Ciraaq ayaa dalbaneysa in ninkaas lagu maxkamadeeyo caasimadda Ciraaq ee Baqdaad, wixii ka dambeeyey markii uu falkaasi dhacay, kumannaan qof oo mudaaharaadayaal ah oo Ciraaqiyiin ah ayaa xoog ku galay safaaradda Sweden ee Ciraaq, mudaharaadkaas waxaa la sheegay inuu soo abaabulay wadaadka Shiicada ah ee Moqtaha al-Sadr. The post Dowlada Sweden oo mowqif cusub kasoo saartay kitaabkii Qur’aanka ee la gubay appeared first on Caasimada Online.
-
Dabayl Xagaaga Hargeysa iyo Tirada Khasaaraha ka dhashay Hargeysa(Qaran)-Maalmihii u dambeeyay waxa ku soo badanaya Magaalada Hargeysa gubashada guryaha, xili ay magaalada beryahan ay ka dhacayso dabayl xagaa xoog lihi. Alle ha u naxariistee Wiil yar ayaa ku dhintay guri daar ah oo dab qabsaday kuna yaala xaafadda Half-london ee Magaalada Hargeysa maanta. Ciidanka Booliska gaar ahaan qaybta Dembi Baadhista ayaa la wareegay baadhista kiiska iyo meydka ilmaha yarba. Sidoo kale laba Hotel oo kala duwan oo ku yaalla Hargeysa ayaa ku sigtay inay gubtaan shalay iyo maanta. Ciidanka dabdamiska Hargeysa ayaa war ka soo baxay ku booriyay dadweynaha inay taxadar dheeraad ag sameeyaan, isla markaana ay haama yaryar ee dab bakhtiinta loo adeegsado dhigtaan guryaha iyo meheradaha. Qaran News
-
Mareykanka ayaa ka qaaday qaar ka mid ah xayiraadaha gargaarka ee Itoobiya iyadoo la eegayo horumarka laga gaaray dhanka xuquuqul insaanka, sida uu sheegay afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby. Horumarka dhinaca xuquuqul insaanka ayaa dhacay gaar ahaan ka dib heshiiskii joojinta colaadeed ee ay kala saxeexdeen dawladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka Tigrayga bishii November. Heshiisku wuxuu soo afjaray iskahorimaad sababay in boqolaal kun oo qof ay wajahaan gaajo, malaayiin ay barakiciyeen iyo tobanaan kun oo ay ku dhinteen. In kasta oo ay guud ahaan hoos u dhaceen xadgudubyada tan iyo xabbad joojinta, kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in rabshado ay ku jiraan isir sifeyn, ay ka sii socdeen gobolka Tigray ee Itoobiya. “Go’aankan, waxaan aaminsanahay, inuu ballaarinayo qalabka aan haysano si aan u xoojino taageeradayada nabad waarta ee Itoobiya.” Kirby ayaa sidaas yidhi. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in kaalmadeeda ay taageereyso nabadda iyo dib u heshiisiinta Itoobiya. Dawladda Maraykanku waxay xaddidday kaalmadii dhaqaale iyo amni ee Itoobiya intii uu socday dagaalka waxayna jartay faa’iidooyinka ganacsi ee Xeerka Kobaca iyo Fursadaha Afrika ee Maraykanka ama AGOA, oo ah barnaamij cashuur-dhaaf ah oo faa’iido u ahaa qaybta dharka ee dalkaas. Hay’adda Maraykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ayaa sheegtay in horaantii bishan ay joojisay cuntadii gargaarka ahayd ee ay siin jirtay Itoobiya, sababtoo ah waxa deeqdeeda laga weeciyey dadka dhibaataysan, maalin ka dibna hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa sidaas oo kale samaysay. In ka badan 20 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar cunto dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, taas oo ay ugu wacan tahay abaartii ugu xumayd ee tobannaan sano soo marta iyo dagaalka ka socday waqooyiga Itoobiya. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo qaaday qaar kamid ah Xayiraadihii saarnaa Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo xoogagga RSF ayaa weli ka socda duleedka waqooyi ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum. Dadka aagga ku sugan ayaa sheegaya in RSF ay isku dayday in ay weerarto fariisimaha ciidamada Suudaan, iyadoo halka dagaalka uu ka bilowday ay ku dhowdahay saldhig ciidamada cirka ah oo ay ka duulaan diyaaradaha dagaalka ee ciidamada dowlada Sudan. Duqeymo dhanka cirka ah ayaa laga bilaabay qeybo ka mid ah waqooyiga caasimadda,waxaana dhanka bari ee magaalada loo adeegsaday madaafiic culus. “RSF waxa ay sheegtay in ay ku soo riday diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Sudan gudaha degmada Baxri,” ayay tiri weriye u soo waranta taleefishinta Aljazeera. Bahri, oo sidoo kale loo yaqaan Khartoum North, waa mid ka mid ah saddexda degmo ee ka kooban tahay Khartoum Weyn. Dagaallada tan iyo 15-kii Abriil dhexmaray ciidamada daacadda u ah madaxa ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo RSF ayaa lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo qof. PUNTLAND POST The post Dagaallo culus oo weli ka socda dalka Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah waxgaradka beesha Abgaal ee degta xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa soo saaray digniin ku socota bessha Xawaadle. Odayaal u hadlay beesha Abgaal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in beesha Xawaadle ay xuduuda labada gobol ka bilowday dhul balaarsi cusub. Sidoo kale odayaashaan waxay sheegeen in xaaladda ka taagan xuduuda labada gobol ay qarka u saaran tahay gacan ka hadal, iyagoo balan qaaday in nabad darrada aysan ka bilaaba doonin Abgaal, balse ay ka baqayaan in walaalahood Xawaadle uu bilaabo. Deegaanka ay hadda xiisadaasi ka taagan tahay waxaa lagu magacaabaa Xalfooley, wuxuuna dhacaa xuduuda labada gobol, Xalfooley ayaa ka tirsan Shabeellada Dhexe. Odayaasha hadlay waxay sheegeen in aysan diidaneyn in walaalahood Xawaadle ay la soo degaan oo dhulka Abgaal ay xoolaha daaqsadaan, ceelashana la cabaan, balse waxay diidan yihiin in deegaameysi cusub laga sameysto aagaas. Odayaasha Abgaal ee warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in qoysas ka soo naq raacay Hiiraan oo beesha Xawaadle ah ay aagga degaanka Xalfooley ka bilaabeen deegaameysi cusub, iyagoo qodanayo Baraago, Baco ama aas-aasaya tuulooyin cusub. “Walaalayaal dib u sikada waa taqaaniin degaankiina, Abgaal dhulkiisana waa taqaaniin, ma ogolin in dhulkeena aad baraago iyo baco ka qodotaan ama tuulo cusub ka aasaastaan,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay ee beesha Abgaal Cismaan. Xiisadaan cusub ayaa timid xilli xaaladda gobolka Hiiraan ay qasan tahay oo maamulkii uu khilaaf culus ka dhex taagan yahay, sidoo kale dhulka uu murankaani ka taagan yahay waxaa dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab. The post Daawo: Beesha Abgaal oo ka digtay ‘qorshe ay waddo’ beesha Xawaadle appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, xafiiska Madaxweynaha iyo xafiiska Ra’iiisul wasaaraha u gudbiyay warbixino xasaasi ah oo ku aadan sannad maaliyadeedkii dhammaaday ee 31-kii Diseembar ee sanadkii hore 2022. Qoraal kasoo baxay xafiiska Hantidhowraha ayaa waxaa lagu sheegay in warbixinnada uu gudbiyay ay kala yihiin warbixinta baarista u hoggaansanaanta sharciga (Compliance Audit Report) iyo warbixinta baarista maaliyadeed ee dowladda (FGS Financial Audit Report) ee sannad-maaliyadeedka dhammaaday 31-da Diseembar 2022. Talaabadan ayaa ah midii ugu horeysay ee uu qaado xafiisku soona soo saaro warbixinnada baarista si waqtiyeysan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Hantidhowraha. “Haddaba XHGQ oo gudanaya waajibkaas dastuuriga ah waxa uu markii ugu horreysay soo saaray warbixinnadiisa baarista si waqtiyeysan, isaga oo u gudbiyay labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, xafiiska Madaxweynaha JFS iyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha XFS si waafaqsan sharciga” aya lagu yiri qoraalka. Warbixinnada uu xafiisku gudbiyay ee la xiriira sanad maaliyadeedka dhammaaday 31-ka Diseembar 2022 ayaa sidoo kale ah kuwo waafaqsan shuruucda dalka iyo heerarka baarista Hantidhowrada Caalamiga (IISAIS), waxayna kala yihiin: 1-Baarista U-hoggaansanaanta Sharciga (Copmliance Audit) 2-Baarista Warbixinta Maaliyadeed ee dowladda (Finacial Audit) Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa warbixinnadan waxa uu kusoo bandhigaa talooyin lagu xoojinaayo isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo hufnaanta nidaamka maaliyadda ee dowladda, si kor loogu waxqabadka hay’adaha iyo awooddooda la xiriirta bixinta adeegga dadweynaha. Warbixinnadan ayaa lagu soo saari doonaa Faafinta Rasmiga isla markaana loo soo bandhigi doonaa dadwaynaha muddo hal (1) bil ah kaddib sida uu qabo Qodobka 45, farqaddiisa 4 ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lr. 17, ee 25/12/2019). Halkan hoose ka aqriso:- The post Hanti-dhawraha oo warbixino xasaasi ah u gudbiyay BF appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (HOL) - The Somali government has been ordered to pay Kingsley Construction Limited 23 million Kenyan shillings ($206,748 USD) by a Nairobi court over a renovation contract dispute for the Somali Embassy in Kenya. The Consul of the Somali Embassy, Habib Mohamed Igaal, contested the court's verdict on Saturday, alleging that the judiciary had not fully addressed the accusations against the embassy. Source: Hiiraan Online
-
Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Faransiiska oo Booqasho ku Yimid JSL Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha gudidda arrimaha dibedda ee golaha guurtida dalka Faransiiska ayaa boqasho ku yimid magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland. Xildhibaankan waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha-indho oo ah guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda ee golaha guurtida Somaliland iyo xildhibaan Saalax Ismaaciil Diiriye oo ka tirsan golaha Wakiillada JSL. Sidoo kale waxa ay sheegeen in uu ka mid yahay saaxiibada Somaliland, isla markaana ay dhawr jeer oo hore ugu kulmeen gudaha dalka Faransiiska, waxa ay intaas ku darreen in mudada uu dalka joogo ay la kulmi doono labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, sidoo kalena uu la kulmi doono masuuliyiinta dowladda. Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha-indho isaga oo ugu horayn soo dhaweynta xildhibaankaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Waxa noo yimid guddoomiyihii haystay guddida arrimaha dibedda ee golaha guurtida Faransiiska, balantii uu nagula balamayna wuu ku mahadsan yahay in uu noo yimaado, golayaasha ayuu la kulmi doona, madax iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan ayuu la kulmi doona aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay” Xildhibaan Saalax Ismaaciil Diiriye o ka mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshiyaha xildhibaanka ee Somaliland. Waxaanu yidhi. “Waxaa aanu garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweynayna mudane ka tirsan aqalka sarre ee dalka Faransiiska oo booqasho ku yimid Somaliland, waxa uu ka mid ahaa xildhibaano aanu aqalka sarre kula kulanay sannadkii hore.” “Waanu kaga mahadcelinayna booqashada aad ku timid Somaliland, halkani waa Somaliland, soo dhawow mar labaad iyo mar saddexaadba xildhibaan”Ayuu yidhi wakiillka Somaliland ee dalka Faransiiska. Qaran News
-
Qaahira (Caasimada Online) – Wadamada Muslimka ah ayaa ku shiraya dalka Sacuudiga si ay uga hortagaan gubitaanka qur’aanka kariimka ah ee lagu gubay dalka Sweden Ururka OIC ayaa shir deg deg ah ku yeelanaya magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, waxaana shirkan looga hadlayaa sidii si wadajir ah tallaabo looga qaadi lahaa gubitaanka Qur’aanka Kariimka ee Arbacadii ka dhacday dalka Sweden. Doodda ay soo qaban qaabisay Sacuudiga ayaa lagu lafa gurayaa tallaabooyinka ku haboon ee laga qaadi karo waxa ay kooxdu ugu yeertay falka gardarrada ah. Kooxdan ayaa horey u cambaareysay falkii uu wiilkan dhalinyarada ah ee asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq kanasoo cararay dalkiisa uu Sweden. waxa uu ka sameeyay bannaanka masjidka weyn ee magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden, fal ay ka gadoodeen dhamaan Muslimiinta maalintii Ciidul Adxaa. Inta badan wadamada Muslimka ah ayaa casuumaad u fidiyay safiiradooda u jooga dalka Sweden si ay u muujiyaan dareenkooda iyo sida ay uga xun yihiin. Shirkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay Ciraaq, Iiraan, Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ay cambaareeyeen falkii uu nin Ciraaqi oo ku nool Sweden ku gubay Kitaabka Qur’aanka, ayaga oo ka digay in ficillada noocan ah ay hurinayaan dareenka Muslimiinta caalamka. Ayada oo ay joogaan boolis tiro badan, ayaa Salwan Momika oo ah 37 jir usoo qaxay Sweden dhowr sano kahor, wuxuu Arbacadii ku istaagay Kitaabka Qur’aanka kahor inta aanu bogag ka mid ah dab ku hor qabadsiin Masjidka ugu weyn magaalada Stockholm. Si kastaba, dhacdadan ayaa timid ayada oo Muslimiinta caalamka ay u dabbaal-degayeen maalinta Ciidul Adxa. The post Shir deg deg ah oo la isugu yeeray dalalka Islaamka kadib falkii ka dhacay Sweden appeared first on Caasimada Online.
-
Komishanka Doorashooyinka oo ka hadlay Dacwada ay u Haystaan Horyaal TV Hargeysa(Qaran news)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ka hadlay dacwada ay u haystaan weriye Cabdiqani Baylood oo ka tirsab Horyaal TV. Sidaasna komishanku waxay ku sheegeen warsaxaafadeed u dhignaa sidan:- Qaran News
-
The period between 2nd and 12th May 1960 is a very historically important 10 days to be remembered by Somaliland people as 63 years ago a historic conference took place at White Hall, London, between the British Government and the representatives of the Somaliland ‘would be Government’. This conference was called the Constitutional Conference of Somaliland. In this Conference HMG accepted honourably the wishes of the Somaliland leaders and on 4th May 1960 The Secretary of State for the Colonies, The Rt. Hon. Iain Macleod, announced the declaration of Somaliland independence on 26th June 1960. Hence, Somaliland became independent on 26th June 1960. However, it gave up its freedom after four days as reported by the Daily Herald Newspaper of London on 29th June 1960: “Somaliland, a British colony for nearly 80 years, became independent last Sunday. And on Friday, after four days of freedom, this British outpost will surrender its sovereignty and merge with its sister, Somalia. It has decided not to remain in the Commonwealth. Somaliland, eastern gateway to Dark Africa, was hardly worth a sniff in the world’s press until three days ago. Now it has become an area of historical significance. And the reason is that its merger with Somalia is unique, as Somalia itself is not yet free. Somalia, known as Italian Somaliland, is still technically under UN trusteeship, and becomes formally free only in December.” Under this voluntary union of British Somaliland and Italian Somali Italian Somaliland independence day was scheduled in December 1960 but the Italian Government made an unexpected manoeuvre by declaring on 1st July 1960 Italian Somalia independence. Among others the results of the rejected freedom were: 31 years of bondage, humiliation, massacre of civilians and summary executions with a death toll of over 80,000, mass arrests, brutality, rape, unfair trails, harsh prison conditions, systematic patterns of torture and a Policy of Extermination and Genocide named Final Solution of Somalia’s “PROBLEM” as explicitly stated in the Official Secret “MORGAN REPORT” dated 17 Jan 1987. The genocide and atrocities committed by General Siad Barre against Somaliland people are well documented and the carnage during those years (1981-1990) is known as the Hidden War in Somaliland as coined by Rt Hon Alun Michael MP in July 1988 in the historic debate at Westminster. The Secretary of State for Colonies, Mr Lennox-Boyd, made a political statement on 9th February 1959 in Hargeisa stating: “Whatever the eventual destiny of the protectorate Her Majesty’s Government will continue to take interest in the welfare of its inhabitants”. This policy statement says it all and I hope and many Somalilanders here in Great Britain of whom many are now British Citizens and others in other countries and back home hope that Her Majesty’s Government with conviction will honour its pledge and would not let us down. Finally, I hope and all Somalilnders hope your support and signing for the Motion on 4th July for the Recognition of Somaliland Republic which is tabled by Sir Gavin Williamson. His Majesty’s Government will honour the deep feeling of Somaliland people in regaining their legitimate Sovereignty as illustrated earlier, and underlined by the following great artistical by Abdirahman Jibril, who is a British Somaliland intellectual and Dr Adna Adan unique speech of the 63 Commemoration of Somaliland Independence. which I shared with you on last Monday 26th June as per my email below. Thank you for your support Eid Ali Ahmed Chartered Fellow CIPD, MBA, PGCE Former Deputy Director of Welsh Refugee Council, Community Leader and Senior Adviser of Somaliland Government Somaliland commemorates 63th anniversary of independence Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in maanta oo Axad ah taliyaha guud ee hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo NIS, Nuuradiin Yuusuf Xaaji uu booqasho qarsoodi ah ku tegay Kismaayo. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Nuuradiin Yuusuf Xaaji uu kulan gaar ah madaxweynaha Jubbaland kula yeeshay xarunta madaxtooyada maamulkaasi. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay ammaanka deegaanada dhaca xadka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday kororka weerar ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobollada Lamu iyo Waqooyi Bari, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen qaraxyo iyo weeraro kale oo khasaare xoogan dhaliyay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Axmed Madoobe iyo Nuuradiin Xaaji ay si gaar ah diiradda ugu saareen wadahadalkooda wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab, kaas oo qorshuhu yahay inuu ka billowdo Jubbooyinka oo ay ka howlgalaan ciidanka Kenya. Dhaka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax faah-faahin ah oo ay Jubbaland ka bixisay socdaalka taliyaha Sirdoonka Kenya uu ku gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo. Booqashada Nuuradiin Xaaji ayaa kusoo aadeyso, ayada oo shalay sidoo kale Kismaayo uu tegay taliyaha ciidanka difaaca Kenya, Jen. Francis Omondi, kaas oo isna wadahadal la yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Madoobe. “Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoraynayo kooxaha argagixisada ah si gaar ahna howlgalka deegaanada Jubaland oo ay ka qeybgalayaan Ciidamada Dowladaha dariska ah” ayaa lagu yiri war qoraal ah kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland. Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyay Kenya ayaa dhaq-dhaqaaq culus ka wadday xadka ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana socdaalka saraakiisha amniga Kenya ay ku tageen Kismaayo lala xiriirinayaa qorsho ay uga hortageyso weerarada kordhaya ee Al-Shabaab. The post XOG: Taliyaha Sirdoonka KENYA oo qarsoodi ku tegay KISMAAYO + Qorshaha appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale xiisad cusub oo walaac leh ay kasoo korortay Qabuuraha Macallin Nuur oo ku yaalla gudaha deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho, taas oo keentay in maydadka qaar laga bixiyo halkaasi. Dadweyne fara badan ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay buux dhaafiyay Qabuurahan, kadib markii loo sheegay in uu soo baxay amar ku aadan in la burburinayo dhulkaasi, wararkaas oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka. Arrintan ayaa keentay in durbo dadka qaar oo ka walaacsan xaaladdiisa ay maydadka ehelladooda kala baxaan Qabuurahaasi oo dad badan lagu aasay, illaa 80-tameeyadii. Mid kamid ah ehellada dadka ay saameysay arrintan oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa la hadlay Shabelle TV, wuxuuna sheegay in habeenkii la burburiyo Qabuuraha, isla-markaana uu ka socdo dhisme qarsoodi ah, taas oo keentay in dadka qaar meydadka kala baxaan. “Qabuuraha habeenkii ayaa lagu soo dheelmadaa waa la jajabiyaa dadkii waqfay ee ilmo Macallin Nuur wax ballan qaad ah oo aan ka heyno ma laha. Aniga Aabahey 2008-dii ayaa lagu aasay marka dad badan oo qaraabadeyda ahna waa lagu wada aasay” ayuu yiri. Gabar kale oo ka hadashay dhacdadan, isla-markaana Aabaheed uu ku aasan yahay goobta ayaa farriin guud u dirtay reer Macallin Nuur iyo dowladda Soomaaliya, waxayna ugu baaqday inay soo farageliyaan xiisadda ka taagan halkaasi ee walaaca weyn ku abuurtay. “Annaga ma hooyano, mana harsano lafihii Aabahey ayaa meesha ku jira waa sii ordaa waa soo ordaa marka war cad ha nala siiyo, dowladana haka hadasho” ayey tiri gabar dhalinyaro oo ayadan Aabaheed uu ku aasan yahay Qabuuraha Macallin Nuur. Wiil kale oo kamid ah dadka deegaanka ayaa isna sharraxaad ka bixiyay, sida ay wax u jiraaN, wuxuuna tilmaamay inay soo gaartay in Qabuuraha la deegaameynayo. “Waxaan soo maqalnay in Qabuuraha Macallin Nuur ay dadka kala baxayaan meydadkooda oo meel kale ay u qaadanayaan ma runbaa mise waa been? Baaq waxaan u direynaa qolada u fasaxday inay runta noo sheegaan kala baxa ama hakala bixin” ayuu isna yiri. “Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Illaa 4 Qabuuro oo laga bixiyay meydadka ayaa arkay shalay iyo maanta ayaana laga saaray”. Dhanka kale, maamulka deegaanka Garasbaaley iyo saraakiisha laamaha amniga oo ka hadlay arrintan ayaa meesha ka saaray inuu soo gaaray amar guud oo ku aadan dhulkaasi la sheegay in la dhisayo taasoo keentay in dadweynaha ay meydadka kala baxaan halkaasi. Si kastaba, arrintan ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana horay hadlay qoyska reer Macallin Nuur oo beeniyay in dhulkaasi la iibiyay, waxayna si cad u sheegeen in dhulka uu ahaan doono sida uu u bixiyay Aabahood oo caan ku ahaa faafinta Diinta Islaamka. The post Daawo: Arrin walaac leh oo kasoo korortay qabuuraha Macallin Nuur appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbiga WADDANI oo cambaareeyay xadhiga 2 Weriye oo ku xidhan Hargeysa Hargeysa (Qaran-news) Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa cambaareeyay xadhiga weriyeyaasha kala ah Bushaaro Baandey iyo Cabdiqani Baylood oo ku xidhan Hargeysa. War ka soo baxay Xafiiska maamulka gobolka Maroodijeex ee Xisbiga WADDANI ayaa xukuumadda loogu baaqay inay si dhakhsaha xoriyadoodii loogu soo celiyo weriyeyaashaas oo ay naqdiyeen xadhigooda. “Waxa xidhan weriyeyaasha kala ah Bushaaro Baanday iyo Cabdiqani Bsylood, waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda inay sida ugu dhakhsaha badan u sii dayso Suxufiyiintaas ama ay horgeyso maxkamad,” ayuu yidhi Gudfoomiye Kuxigeenka Waddani ee Gobolka Maroodijeex oo la hadlay warbaahintu. Waxa kale oo uu ku eedeeyay xukuumadda inuu faraheeda ka baxay gobolka Sool. Qaran News
