Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (HOL) - Federal Lower and Upper House Parliamentarians elected from Puntland State urged regional state leaders to ensure the upcoming state leaders' election is held on time and follows the indirect election model. Source: Hiiraan Online
  2. Nairobi (HOL) - Politicians from Jubbaland have announced the formation of a Union of Presidential Candidates for the Jubbaland Regional State following a meeting held in Nairobi on Saturday. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal culus iyo duqeymo xalay iyo maanta ka dhacay duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbasa Hoose. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku beegsatay deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla agagaarka magaaladaas, islamarkaana lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh. Howlgallada oo dhacay saddex jeer ayay dowladdu sheegtay in mid kamid ah ay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah xalay ilaa saakay uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Afmadow. Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada huwanta ah ay si gaar u bartilmaameedsadeen goobo ay isku uruursaneen xoogaga kooxda Al-Shabaab, isla-markaana laga dilay illaa 40 xubnood. “Howlgalka oo dhacay saddex jeer oo kala duwan waxaa lagu beegsaday goob ay kooxaha Khawaarijta isku soo uruursadeen. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgalkaasi.” ayaa lagu yiri qoraalka. Wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in howlgalladan lagu burburiyay saldhigyo ay kooxda ku laheyd halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay. “Waxaa halkaasi lagu burburiyay dhagarta Khawaarijta iyo qorshahoodii ahaa in ay dadka rayidka ah waxyeeleeyaan” ayay sii raacisay. Dhanka kale ma jiro wax jawaab ah oo weli ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalaldaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli ay dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka socdaan gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland. The post 40 ka tirsanaa Al-Shabaab oo howlgal qorsheysan lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
  4. Boqolaal ka tirsan booliiska Jarmalka ayaa isticmaalay budad iyo Biyaha basbaaska si ay u qaboojiyaan dad badan oo bartilmaameedsanayay xaflad dhaqameedka bulshada ka soo jeeda dalka Eritrea,taas oo ka dhaceysay bartamaha magaalada Giessen. Dibad-baxayaasha diidanaa waxay ka cadhoodeen in xafladda lagu qabtay magaalada Giessen, iyagoo ku tilmaamay mid lagu buunbuuninayo , Asias Afwerki, 26- kamid ciidanka Booliiska ayaa lagu dhaawacay iska hor imaadka, halka 100 qofna la xiray. War ka soo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in dibadbaxayaashu ay dhalooyin iyo dhagxaan ku tuureen booliiska, isla markaana ay waxyeelo gaarsiiyeen qaar ka mid ah baabuurta, sidoo kalena ay jeex-burburiyeen deyrar ku wareegsanaa goobta xafladda lagu qabanayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo horleh ka sagootisay gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku biiraya dagaalka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad oo la filayo in dhowaan uu billowdo. Ciidamadan oo wata hubkooda iyo gaadiidka dagaalka ayaa waxaa Muqdisho kula hadlay wasiirka gaashaangiggada Cabduqaadir Maxamed Nuur oo u jeediyay dadaaran culus. Wasiirka ayaa u sheegay in ciidamadan laga rabo inay daacad ka noqdaan u adeegidda dadka iyo dalkooda, una istaagaan difaaca qarankooda. Sidoo kale wuxuu u rajeeyay inay guul kasoo hooyaan meelaha la geynayo oo ay kula diriri doonaan Al-Shabaab. “Inaad Khawaarij kasoo adkaataan iyo in Ilaahey SWT shahaadadiisa aad la kulantaan oo Qarankiina iyo dadkiina Soomaaliyeed quluubtooda saxiixa ugu weyn aad ku qortaan, aakhirana Janno aad ku aadaan” ayuu wasiirka kula dardaamay askarta ka baxdaay Muqdisho. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa idinka mamnuuc ah inaad dhabarka u jeedisaan Khawaarij”. Dhanka kale wasiirka ayaa ciidamadan uga digay inay dayacaan hantida qaranka ee lagu aaminay, gaar ahaan hubka iyo gaadiidka la siiyay, si uusagn ugu gacan gelin Shabaab. “Gaadiidkaas quruxda badan ee aad saaran tihiin waa hanti qaran suuragal ma’ahan dayacaadeeda iyo in hal habeen oo aad ishaada isku qabatay ay Khawaarij intay qaadato shacabkaas muslimiinta ah dib ugu dhibaateyso” ayuu mar kale yiri wasiirka difaaca. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay weli sii wadeyso dadaalkeeda, isla-markaana ay soo socdaan ciidamo kale oo ku biiraya dagaalka. “Annaga waxaan u baahanahay guutooyin tiro badan oo walaalihiina ah oo isku dhiig tihiin oo go’aankan geesinimada leh ee aad wada qaadateen ayaa idinka daba imaan doonto” ayuu mar kale ku yiri khudbadda uu jeeiyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. Wajiga labaad ee duulaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo ku wajahan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaadan doono waddamada dariska ah. The post Daawo: DF oo ciidamadii ugu badnaa ka sagootisay MUQDISHO + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  6. Weerar cirka ah oo ciidamada Sudan ay ku qaadeen caasimadda dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 22 qof tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo saraakiisha . Haween iyo carruur ayaa ka mid ah dadka la laayay, sida ay BBC-da u sheegeen dad goob joogayaal ah. Weerarkan cirka ah ayaa subaxnimadii hore ee sabtida ka dhacay degmada Daarusalaam ee Omdurman, oo ku taal daanta ka soo horjeeda wabiga Niil ee caasimadda Khartoum. Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa milateriga ah ayaa tan iyo bishii April ku dagaallamayay gacan ku heynta caasimadda. Source
  7. Xildhibaano ka kala socda labadda golle ee Baarlamaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya ku matala Puntland ayaa soo saaray baaqan hoose oo ku saabsan Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland taas oo ka dhalatay khilaafka arrimaha furista Dastuurka iyo doorashada 2024: Xildhibaano ka kala socda labadda golle ee Baarlamaanka Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ku sugnaa mudo ku dhaw bil Garoowe, ayaa la kulmay Madaxweynaha, Madaxwayne kuxigeenka, Guddoonka baarlamaanka, Isimada ku sugan Garoowe, Bulshadda rayidka ah ee PUNSA, qaar ka mid ah Ururo siyaasadeedyadda Iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Kulamadda Mudanayaasha ayaa daarnaa xal u hellidda khilaafka siyaasaddeed ee ka taagan caasimadda Puntland (Garoowe), iyo guud ahaan Puntland. Sidoo kale waxa ay qayb ka mid ah Sanataraddu ay kala qayb galeen bulshadda Puntland dood wadaag furan oo doorashadda Puntland ku saabsanayd oo ka dhacday PDRC. Xildhibaanada labadda Golle ayaa sidoo kale bulshada ku nool magaalada Laascaanood kala qayb galay munaasabadii 1-da Luulyo oo muddo 16 sano ka baddan aan Laascaanood lagu xusin, calan Soomaaliyeedna laga taaginin. Dhamaan kulamaddas waxa ay mudanayaashu kagala hadlayeen cidkasta oo ay la kulmaan, khilaafka siyaasadeed ee Puntland ka taagnaa ee gacan ka hadalka gaaray, in amniga Puntland la xoojiyo, muranka doorashaddana wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo, in sumcadda caasimadda Puntland si wada jira loo ilaasho, ayadda oo muddanayashu ay daddaal dheer u galeen in aan muranka doorashadda ee taggan uusan dhiig ku daadan, aysanna taas ku guulaysanin. Haddaba mudanayaasha oo gudanayey waajibkoodda Dastuuriga ah ee ka saaran Puntland oo ah deegannka ay ku matalaan Soomaaliya waxa ay usoo jeedinayaan, Xukuumadda, Baarlamanka, Madaxdii horre ee Puntland, Issimadda, waxgaradka, culumadda, Bulshadda Rayidka ah, iyo siyaasiinta reer Puntland, qodobadaan hoos ku qoran: 1. in la adkeeyo difaaca gobolka Sool lagana qeyb-qaato xorreyntiisa si wadda jirra Bulshadda oo isku duuban. 2. in si wada jira aan uwadda ilaashano amniga Puntland guud ahaan, gaar ahaana kan caasimadda oo ah muraayaddi Puntland. 3. In gabi ahaanba la joojiyo wax ka badalka Dastuurka Puntland, oo sababay in dhiig reer Puntland isku daato, lagana waantoobo in Baarlamaanka Puntland ku dhaqaaqaan waxkasta oo dhibka sii kordhin kara, oo ay ugu horayso in wax laga baddalo Dastuurka qoddobaddisa. 4. Maadama wakhtigii xukuumadda Puntland ee hadda jirta uu gabagabo yahay, aysana suurta gal ahayn in doorasha qof iyo cod ah xiligeedi lagu qabto, doorashadda Puntkand la qabto 8-da January 2024, waqtigeediina ku dhacdo laguna qabto nidaamkii soo jireenka ahaa ee lagu soo xulli jiray xubnaha Baarlamaanka. 5. in sadexda dagmo ee Gobolka Nugaal ee golayaasha Deegaanka ee diiwaan galintoodu dhacday ka harsan, la qabto doorashadooda oo golayaashoodda deegaanka la soo doorto.” Wabilaahi Tawfiiq. Magacyadda Mudanayasha 1. San. Cabdulaahi cali xirsi Timacadde 2. San. Cabdiqani Geele Maxamed 3. San. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab 4. San. Sareedo Maxamed Jayte 5. San. Saynab Ismacil maxamed ( Tiimbiye) 6. San. Maxamed Cabdi Cismaan (Maajino). 7. Xil. Sahra Cabdullahi Bundunte 8. Xil. Cabdullahi Bidhaan Warsame 9. Xil. Cali Yuusuf Calixoosh 10. Xil Cismaan Cali Yusuf The post Xubno Puntland ku matala Baarlamanka Federaalka oo war ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa saddaxdii bil ee la soo dhaafay ku guuleystay in uu Baaris ku sameeyo afartan ruux oo ku eeddeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed, sida ah Warbaahinta Qaranka ogaatay. Afartanka Ruux ee Baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato Baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh. Hadalka kasoo baxay Xeer ilaalinta ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan la shaaciyay liiska 18 xubnood, kuwaas oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta wax isdabamarin iyo lunsashada hanti dadweyne, xubnahaas ayaa 9 kamid ah xabsi la dhigay halka kuwa kalena lagu raadjoogo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Muqdisho ka sagootiyay Guutada 24-aad ee Khaalid Bin-waliid ee ciidanka Xoogga Dalka Soomalaiyeed, kuwaas oo ku biiraya furimaha dagaalka dagaalka gobollada. Wasiirka ayaa ciidamada kula dardaarmay dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ,isagoo u sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu lamid yahay kii Gumeeysiga la isaga dul qaaday,inta howlgalka ay wadaan ayuu ciidamada faray in Bulshada ay kula dhaqmaan si wanaagsan oo ay u dhimriyaan. “Waxa aad heysataan ee Gadiidka iyo hubka waa Hanti qaran,suurgal ma ahan in aad dayacdid oo inta khawaarij ay qaadato dib shacbka ugu dhibateeyso,gobonimadeenno waa haaf inta ay khawaarj dalka nala joogto adduunkana noo aqoonsanyahay in aan dhameystirneen” ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay ciidanka. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale ku dheraaday sida ay dowladda kaga go’an tahay dagaalka Al-shabaab iyo in dalka laga saaro, waxaana uu ka dhawaajiyay in la bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo wajigii koowaad deegaanno badan looga saaray. Ciidamada xoogga dalka ayaa wada dhaqdhaqaaqyo ciidan oo looga golleeyahay bilaabashada wajiga labaad ee dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab, waxaana dowladdu sheegtay in laga bilaabayo deegaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle oo deegaannada qaar ay ku sugan yihiin . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Siyaasiga Faarax Macallin ayaa colaadda ka taagan Laascaanood ku tilmaamay mid qabiil oo dhul-ballaarsi ku salaysan. Mr. Faarax Macallin ayaa sheegay in ciidamada ka dagaallamaya Gooja-cadde ay yihiin maleeshiyaad qabiil oo ku soo duulay dhulka qabiilo kale. “Laascaanood dawlad Soomaaliland la dhaho iskuma haystaane Qabiil Isaaq la dhaho oo Soomaali ah ayaa wuxuu ku soo duulay Sool clan, Faqishinni” ayuu yiri Faarax. “Muuse Biixina qabiil buu matalaa wax Qaran Soomaaliland la dhahana majiro maaqaan in hadda kadib inta Soomaali isku takto la yiraahdo nin kasta waxa uu haysto intuu qaato Qaran haka dhigto” ayuu sii raaciyay. Siyaasi Faarax Macallin ayaa sidoo kale ku taliyay in maleeshiyaadka soo duulay ee Somaliland ay isaga baxaan dhulka SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Siyaasi Faarax Macallin oo colaad qabiil ku tilmaamay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ay xalay saameysay magacaabistii iyo isku shaandheyntii uu sameeyay ra’iisul wasaaraha ayaa soo hadlay. Wasiirka oo qoraal dheer soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inuu aqbalay xilka qaadista lagu sameeyay, isaga oo soo dhaweeyay Biixi Iimaan Cige oo xilkan loo magacaabay. Dr Cilmi ayaa sidoo kale qoraalkiisa uga hadlay waxyaabaha u qabsoomay muddada uu joogay xafiiska, wuxuuna sheegay inuu wax badan ka qabtay barnaamijka dib-u-habeynta maaliyadda, sidoo kalena uu bixyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha dowladda dhexe. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah”. Si kastaba, xilka qaadista lagu sameeyay wasiir Cilmi ayaa loo sababeynayaa xiisaddii ka dhalatay shaqo joojintii uu laba maalin kahor ku sameeyay xisaabiyaha guud ee wasaaradda iyo agaasimaha guud ee daqliga, walow uu markii dambe ka laabtay kadib cadaadis xoogan oo uga yimid xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Halkan hoose ka aqriso:- Waxa ay ii ahayd Sharaf iyo mudnaan gaar ah in aan noqdo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Waxa aan ku faraxsanahay in aan hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda si aan u gaarno gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan ayay u socotaa. Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga. Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan isku dayay in aan ilaaliyo nidaamka hey’adeed ee Wasaaradda Maaliyada si ay hufnaan uga soo baxdo waajibaadka loo igmaday, si aan si wax ku ool ah ugu adeegno dadkeena. Waxa aan rajeynayaa in dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto wadadii saxda ahayd in kasta oo culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda Maaliyadda. Waxa aan Wasiir Biixi Iimaan Cige u rajaynayaa in uu xilka cusub ee loo igmaday Alle u fududeeyo. Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah. The post Wasiirkii maaliyadda ee la ceyriyay oo soo hadlay: Waxaan ka tegayaa xafiiska anigoo… appeared first on Caasimada Online.
  12. Africa’s first woman in space has called for regional and global efforts to enable more Africans to participate in space exploration as part of efforts to advance the continent’s socioeconomic transformation. Sara Sabry, a young Egyptian astronaut, and founder of the Deep Space Initiative (https://www.DeepSpaceInitiative.org/) made the call on Tuesday 4 July during a panel at the Africa50 Infra Forum and General Shareholders Meeting held in Togo’s capital Lomé. Panelists discussed “A Different View: Africa’s future reimagined.” “I don’t think space should be such an exclusive club. To be the first at something is to kick down the door for others to follow,” Sabry said. “It is important for Africa to have a seat at the table and be involved in space exploration. The demographic in space must reflect that of people on Earth.” Sabry made history when she traveled to space on the New Shepard rocket developed by Blue Origin, an American aerospace company founded by Amazon’s Jeff Bezos. Speaking during the TED-style event, Dr. Akinwumi Adesina, President of the African Development Bank Group described Sabry as an inspiration. “As a young African scientist, you give hope that young people can be in space despite the odds. It is often said that women can do what men can do, but I can say that women can do better than men, ” Adesina said. Sabry stressed that Africans should pursue space travel. “It is important for Africa to build its capacity in space technology and gain its own control,” she said. Experts believe that satellite technology can have a significant impact on rapidly developing African countries by advancing weather forecasting, agriculture, navigation, and even banking and online education. Sabry also called for a review of laws that restrict people from participating in space exploration. Sabry’s non-profit, the Deep Space Initiative, works to make space exploration more accessible to more people globally. Dr. Victor Oladokun, Senior Advisor to the President of the African Development Bank on Communication and Stakeholder Engagement, moderated the session. He described Sara as an embodiment of the hope and aspirations of many. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  13. Xafiiska Xeer Ilaalinta Soomaaliya ayaa mudda saddex bilood ah baaris ku sameeyay ilaa afartan ruux oo ku eedaysan musuq maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa saddexdii bil ee la soo dhaafay ku guuleystay in uu Baaris ku sameeyo dhammaan dadkaas. Mas’uuliyiinta baaritaanka la mariyay ayaa ku eedaysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed , sida ay tebisay wakaaladda SONNA. Afartanka ruux ee baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, halka tirada dhiman weli uu ku socdo Baaritaan dheeri ah. PUNTLAND POST The post Xeer Ilaalinta Soomaaliya oo baaritaan ku samaysay ilaa 40 mas’uul oo ku eedaysan musuq maasuq appeared first on Puntland Post.
  14. Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa isku-shaandheen iyo magacaabis ku sameeyay qaar ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda DANQARAN ee uu hoggaamiyo, iyadoo xilkaqaadis lagu sameeyay wasiirkii maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Xildhiban Biixi Iimaan Cige ayaa loo magaacabay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedederalka Soomaaliya, waxaana xilkaa laga qaaday Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo hore u ahaa Wasiirka Maaliyadda. Sidoo kale Dr Cilmi Maxamed Ibraahim oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa loo magacaabay wasirrka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federalka, waxaana xilkaan laga qaaday xildhibaan Biixi Imaan Cige oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda Federalka. Dhanka kale Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay wasiirudowlayaal, Jeylaani Abuukar Shiikh ayaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Diinta iyo Owqaafta, Sadaad Maxamed Caliyow waxaa loo magacaabay wasiirudowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta. Sikastaba ha ahaatee isku-shaandheyntaa ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli dhowaan uu soo ifbaxay khilaaf u dhaxeeya wasiirka maaliyadda, xukuumadda federalka iyo Villa Soomaaliya, taas oo ka dhalatay shaqa joojin lagu sameeyay saraakiil ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda, iyadoo dib loogu celiyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa waxaa lagu sheegay in akoon gaar ah oo uu leeyahay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya bilihii ugu dambeeyay ay ku dhacday lacag dhan illaa $5 milyan oo dollar. Lacagtan ayaa la sheegay in lagu shubay akoon uu wasiirka ku leeyahay Salaam Somali Bank, isla-markaana ay u dambeyso 42, sida lagu yiri warka la faafiyay. Waxaa sidoo kale isla warkan lagu sheegay in $3 milyan oo kamid ah lacagtaas ay akoonka ku dhacday intii lagu jiray adeegga Xajka ee sanadkan, isla-markaana laga qaaday shirkadihii tartanka ku guuleystay, kadib heshiis ay la galeen wasiirka, waa sida lagu sheegay warka. Haddaba maxaa ka jira in $5 Mliyan ay ku dhacday akoonka Wasiir Roobow? Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka sare ee Salaam Somali Bank ayaa waxaa looga hadlay arrintan, waxaana bangiga uu sheegay in gebi ahaan warkaasi uu yahay been abuur, laguna marin habaabinayo macaamiisha iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. “Waxaan ku aragnay Social Media-ha warar been abuur ah oo macaamiisheenna lagu marin habaabinaayo, laguna sheegaayo wax lagu tilmaamay inuu yahay xisaab bankiyeed ka furay Salaam Somali Bank, uuna si gaar ah u leeyahy wasiirka Diinta iyo Awqaafta DFS, laguna haayo lacag malaayiin dollar ah” ayaa lagu yiri qoraalka Salaam Somali Bank. Bangiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in aysan jirin cid ogaan karta xogta bangigooda, gaar ahaan macaamiisha, isla-markaana si weyn loo xafiday, si u uusan u helin qo kale. “Ma jirto cid leh awood eey ku arki karto xogta macaamiisha bangiga, sidaas daraadeed awood uma laha dad wax ku qora ama ka hadla baraha bulshada” ayaa mar kale lagu yiri. Sidoo kale Salaam Somali Bank ayaa soo hadal qaaday lacagta shanta milyan ah ee la sheegay inay ku dhacday akoon uu wasiir Roobow ku leeyahay bangigooda, wuxuuna in arrintaas ku tilmaamay dayaacad, isla-markaana lagu beegsanayo wasiirka iyo bangigooda. “Waa been warka dacaayadda ah ee sheegaya in koonto Salaam Somaali Bank ah, uuna si gaar ah u leeyahay wasiirka Diinta iyo Awqaafta DFS in ay 5M martay warkaas waa waxba kama jiraan, waana been abuur” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka bangiga kasoo baxay. Waxaa kale oo lagu yiri “Qolooyinka raba inay been alifaan ha ka fiirsadaan cawaaqibta leedahay in magaca bangiga ay u isticmaalaan qurxinta beentooda”. The post Maxaa ka jira in $5 Mliyan ay ku dhacday akoonka Wasiir Mukhtaar Roobow? appeared first on Caasimada Online.
  16. Las Anod (HOL) - Several people were killed in a mortar attack and clashes between SCC forces and the Somali army in the disputed town of Las Anod on Saturday. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa hay’adda sirdoonka Kenya ee NIS, Nuuradiin Xaaji, ayaa khamiistii la soo dhaafay socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Nuuradiin Xaaji ayaa caasimada Soomaaliya kulan la qaatay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale dhigiisa Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad. Kulankaas waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid ahaayeen iskaashiga xog isdhaafsiga labada sirdoon ee ku aadan ururka al-Shabaab iyo khataraha kale ee amni. Ninka ay xogtiisa wadaageen sirdoonka Kenya iyo Soomaaliya Sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, muwaadin u dhashay waddanka Kenya, oo udub dhexaad u ahaa saanad iyo qalab helista ururuka al-Shabaab ayay gacanta ku dhigeen sirdoonka Kenya. Ninkaan ayaa sirdoonka Soomaaliya xogtiisa u gudbiyeen sirdoonka Kenya kadib markii dekadda magaalada Muqdisho lagu qabtay konteenar qalab ciidan siday bishii May ee sanadkaan, kaas oo sida naloo xaqiijiyay uu masuul ka ahaa ninkaan u dhashay Kenya. Sirdoonka ayaa xilligaas sheegay in ay baaritaan gooni ah oo ay sameeyeen ku heleen xogta qalabka ku jiray konteenarka. Ninkaan oo aan magaciisa naloo xaqiijin ayaa la sheegay in lagu qabtay magaalada Mombasa ee waddanka Kenya. Sida lagu heshiiyay waxaa lagu maxkamadayn doonaa gudaha Kenya. Dhanka kale sirdoonka Soomaaliya ayaa baaritaan ku wada shaqsiyaad kale oo loo maleynayo in ay ku lugleeyihiin alaabaha dibadda looga soo dhoofiyo ururka al-Shabaab. Maxaa kale oo laga wada hadlay? Iskaashi dhanka amniga ah, gaar ahaan dagaalka cusub ee lagula jiro al-Shabaab ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha ay wadahadalka ka yeesheen labad masuul. Is dhaafsiga xogta iyo sidoo kale ka warhaynta dadka isaga talaabaya xuduudaha labada waddan ee isku furan ayay sidoo kale diiradda saareen. Ciidamada Kenya ee aan qaybta ka ahayn hawlgalka midowga Afrika ayaa horay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ugu heshiiyeen in ay qayb ka noqdaan wajiga labaad ee hawlgalka deegano badan looga xorayn doono al-Shabaab. The post Xog: Ninka ay NISA xogtiisa bixisay ee keentay inuu Nuuraadiin Xaaji tago Xamar appeared first on Caasimada Online.
  18. The Chairman of the Sovereign Council, Abdel Fattah al-Burhan, will not participate in the upcoming meeting called by IGAD next week in Ethiopia, according to the Sudanese Foreign Ministry spokesman. Source: Hiiraan Online
  19. The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) said Friday the troop withdrawal will not affect security and stability in Somalia. Source: Hiiraan Online
  20. Kenya’s President William Ruto is making his vision of a future East African Community clear with the latest offer to the Comoros to join the bloc. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah waalidiinta ciidan tababar ugu maqan dalka Eritera ayaa banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho, iyagoo codsanaya in wiilashoodii dib loogu soo celiyo. Waalidiintaan waxay sheegeen in wiilasha ay raadinayaan tababar loo qaaday shan sano ka hor, “War Xasanow habeenkii lagu doortay waan kugu faraxnay, Allahaa alle ma yahay ma Farmaajoo kalaa nagu noqotay?” ayey tiri mid ka mid ah hooyoouinkii hadlay. Sidoo kale waalidiintaan waxay sheegeen in dhibaato badan ay heysato dhalinyarada weli tababarka ugu maqan dalka Eritrea, “Hadii ay dhintaan oo dhibaatadaan ay sababsadaan adigey dushaada tahay, Farmaajo adiga ayuu nagu kaa wareejiyey,” ayey tiri Maamo kale. Waalidiintaan oo isugu soo baxay isgoyska KM4 ee bartamaha Muqdisho ayaa sheegay inay hayaan xogta dhalinyaro isku dayday inay tababarka ka soo baxsadaan, kuwaas oo la qabtay kadibna wajahaya ciqaab adag. “Gaajo daran ayaa meesha ku heysa, qaar ayaa indhaha iyo dhegaha belay, qaar waxaa la qabtay iyagoo naftooda la baxsanaya, Madaxweyne waxaan kaa codsaneynaa in wiilasheena aad noo soo celiso,” ayey tiri mid ka mid ah hooyooyinkii hadlay. Hooyooyinkaan qaar waxay sheegeen in shan sano aysan hurdo fiican ladin, maadaama ay ka maqan yihiin wiilashoodii, iyagoo cod dheer uga codsaday madaxweynaha in dhalinyarada uu ku soo celiyo dalkooda, kana soo saaro dhibaatada ay sheegeen inay ku heysato dalka Eritrea. Banaanbaxaan intii uu socday ayey waalidiintaan la hadleen warbaahinta, waxayna cadeeyeen in ciidanka ay ku jiraan wiilashoodu la qaaday shan sano ka hor intii uu xukunka joogay Farmaajo. Hadda waxay sheegeen inay waayeen xiriirkooda, isla markaana loo sheegay inay ku jiraan xaalad adag, xilli ciidankaas qaar dib loogu soo celiyey dalka, ayey imaaneysaa cabashadaan. Markii la qaaday ciidankaas kadib, Eritrea dhowr jeer ayaa loo qaaday ciidan kale, kuwaas oo sii maqan bilo kooban, balse ugu yaraan kala bar ciidankii uu diray Farmaajo laguma soo celin dalka oo waxaa weli u socda tababar. Hoos ka daawo banaanbaxa The post Daawo: dibad-bax ka dhacay MUQDISHO iyo arrin laga dalbaday Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  22. Kenya oo Cashuurta Shiidaalka Kordhisay si ay Shaqootin u abuurto Nairobi(Qatan)-Madaxweynaha dalka Kiiniya Mr Wiliam Ruuto ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa in ay fahmaan sababta loo kirdhiyay cashuurta xukuumadu ka qaado shidaalka iyo agabyada kale oo ah in xukuumaddu abuurto shaqooyin cusub iyo deymaha wadanka lagu leeyahay la bixiyo. Mr Wiliam Ruuto waxa uu intaasi ku daray in shacabka Kiiniya looga baahan yahay in degnaansho iyo Samir ka yimaadaan kaas oo lagaga bixi karo sicir bararka ay dadku ka cabanayaan oo wakhti la siiyo Xukuumadda si loo kobciyo dhaqaalaha dalka , hasa ahaatee hoggaamiyaha mucaaridka dalkaasi Mr Rayla Odhinga oo u khudbad u jeediyay dadkii ku dibadbaxayay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi ayaa dhaleecayn xoogan usoo jeediyay xukuumada dalkaasi isagoo ku tilmaamay in ay ku fashilantay habaynta dhaqaalaha dalka. Mr Odhinga waxa kale oo uu ka dalbaday xukuumadda dalkaasi in ay xoriyadooda usoo celiso dadka ciidamada booliisku ay xidheen markii ay samayanyeen dibad baxayda salmiga ah isalamrkaa cadaalada la hor keeno askartii rasaasta nool ku riday dadkiisi dibad baxayay rasaastaas oo uu ku naf waayay hal muwaadin. Qaran News
  23. Maraykanka oo ku Adkaystay Nooc Bambooyin ah oo ay Siinayaan Ukraine USA(Qaran)-Madaxwaynaha Maraykanka Mr Joe Baiden ayaa difaaacay go’aan ay Xukuumadiisu ugu dirayso dawladda Ukraine bambooyinka lagu magacaabo kalastar, kuwaas oo sii afar jeer qarxa, isla markaana halis ku ah cidkasta. Mr Joe Baiden waxa uu arrintaasi ku sheegay in uu kala tashaday saaxiibadiisa ku jira gaashan buurta NATO qaarkood,isagoo cadeeyey bambooyinka kalastarka ee loo dirayo Yukrayn ay ka khatar yar yihiin kuwa wakhtigan ay ciidamada Ruushku adeegsadaan Madaxwayne Joe Baiden waxa kale uu iftiimiyey in ciidammada Ukraine ay ku yar tahay rasaastii isla markaana uu gaabis noqday sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen weerarka rogaal celinta ah ee ay bilaabeen Geesta kale madaxwaynaha ruushka Mr Putin ayaa ku edeeyey Xukuumadda Maraykanka iyo saxiibadeeda in ay dab kusii shidayaan dagaalka ka socda yukrayn, isagoo caddeeyey in maraykanku uu masuul ka noqon doono,haddii dagaalkaasi ku fido waddamo kale. Qaran News
  24. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo hoggaaminayey dagaal saacadii lasoo dhaafay ay ciidan macawiisley ah Al-Shabaab kula galeen gobolka Hiiraan, ayaa eedeyn culus u soo jeediyey dowladda Soomaaliya. Cali Jeyte ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hal jiho ku sii gureyso ciidankii loo soo tababaray dalka, iyadoo shacabka Hiiraan ay dagaal kula jiraan kooxda Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in wax gurmad ama saanad ah aysan ka helin dowladda, isla markaana ciidamadii loo soo tababaray dalkaan ay ku sii gureyso jiho uusan wax dagaal ah ka socon. Dagaalka uu hogaaminayey Cali Jeyte ayaa ka dhacay deegaanada kala ah Booco, Baardheere iyo Beerayabaal, wuxuuna sheegay in cashir ay u dhigeen kooxda Al-Shabaab, isagoo xusay in gurmad ay ka heleen ciidan ka tirsan guudata 27-aad ee militeriga Soomaaliya. “Wacdare ayaa ka dhacay dhulkii aan isku farasaarnay Al-Shabaab, muddo ayaan dagaalameynay waana ka awood badinay, waan amaanayaa ciidankii maanta ka guuleystay Khawaarijta,” ayuu yiri Cali Jeyte. Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta amniga shacabkaan iyo in cadowga ay ka xoreyso, balse hadda uu la yaaban yahay sida ay wax ku socdaan. “Dadka sida macno darrada ah loo dilo, carruurta agoontoobeysa iyo hooyada asaayda loo saaray, waxay masuuliyadi ka saaran tahay dowladda, adduun iyo aakhiro waxaa la weydiinayaa dowladda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jeyte. Wuxuu la yaab ku tilmaamay sababta bariga gobolka Galgaduud loogu sii gurayo wixii ciidan loo soo tababaray dalka, “War Hiiraan ma weysan Soomaaliya aheyn?” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in reer Hiiraan ay u baahan yihiin ciidan tayo leh oo ka difaaci kara, kana xoreyn kara Al-Shabaab oo dagaal adag ay kula jiraan, “Waxay ila tahay dowladdii dhexe ee militeriga meeshii ay ku baaba’day oo sad-bursi ah ayey tani ka bilowday,” ayuu yiri hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte. Wuxuu sheegay in xuquuqda ciidamada ay u siman yihiin gobollada iyo dadka Soomaaliyeed, “War xuquuqda kale ee dalku leeyahay waa loo siman yahay oo dadka Soomaaliyeed waa isku mid,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii Cali Jeyte wuxuu sheegay in sanad ka badan ay dagaalamayaan dadka reer miyiga ah ee Hiiraan ku nool, iyadoo aysan jirin cid siineysa gurmad, saanad, raashin ama daryeel caafimaad siineysa. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo lagu eedeeyey sad-bursi iyo eex ka dhan ah ciidanka gobol gaar ah appeared first on Caasimada Online.
  25. Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ku bahoobay ‘Midowga Musharaxiinta Jubbaland’ oo ku shiray magaalada Nairobi ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadleen xaaladda maamulkaas iyo go’aano ay gaareen. Kulankaan lagu qabtay magaalada Nairobi ayaa lagu daah-furay isbaheysigaan cusub, waxaana isla fadhiga lagu doortay guddoomiyaha hoggaamin doona ‘Golaha Midowga Musharaxiinta Jubbaland’. Dr. Cabsiweli Qaasin Gaabow oo mushariintaan ka mid ah ayaa loo doortay guddoomiyaha isbaheysigaan cusub, waxaana kulanka isugu yimid musharaxiin, siyaasiyiin kale iyo waxgarad dhamaantood ka soo jeeda Jubbaland. Musharaxiintaan ayaa eedeymo culus kala dul dhacay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo ku eedeeyey muddo kororsi sharci darro ah iyo in uusan dooneyn in doorasho dambe ay ka dhacdo deegaanada Jubbaland. Sidoo kale siyaasiyiintaan waxay Axmed Madoobe ku eedeeyeen in dagaalka Al-Shabaab uu si cad u hor taagan yahay, sida ay hadaka u dhigeen. Siyaasiyiintaan ayaa mid mid ula hadlay warbaahinta, iyagoo shacabka reer Jubbaland ugu baaqay in 45 cisho gudahood ay u diyaar garoobaan doorasho ka dhacday Jubbaland tii ugu xalaalsaneed, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxay cadeeyeen in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo xafiiska joogay in ka badan 10 sano uusan xaq u yeela doonin in mar dambe uu isisoo sharaxo, iyagoo wacad ku maray in doorasho uu banaanka ka joogo ay Jubbaland ka qaba doonaan. Siyaasiyiinta sameystay isbaheysigaan waxaa ka mid ah: Senator Cabdullahi Fartaag, Senator Iftiin Baasto, Cabdirashiid Janan, Maxamed Salaad Oomaar, Cabdi Dheere, Cabsiweli Qaasin oo guddoomiye ay u doorteen iyo xubno kale miisaan ku leh siyaasadda. Hoos ka daawo The post Daawo: Siyaasiyiin shaaciyey inay 45 cisho doorasho uga qabanayaan JUBALAND appeared first on Caasimada Online.