-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) has kicked off training for 40 African Union (AU) Transition Mission in Somalia, UN and civilian staff on handling dangerous goods transported by air. Source: Hiiraan Online
-
Hussein Karshe paces back and forth across the sand on the outskirts of the coastal town of Hobyo. Beneath the soft white dune lie the remains of the two-bedroom house he built for his family in 1993. A few sticks buried below the sand are the only visible sign of the building where his six children were born. Karshe lived there for nearly 20 years, supporting his family by selling goats. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – General Cabaas Ibraahim Gurey ayaa loo magacaabay magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Gedo. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo magacaabay Taliyaha cusub. Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu garwaaqsaday muhiimadda ay leedahay in dib-u-dhis lagu sameeyo Ciidanka Daraawiishta Qaybta Gobolka Gedo. Tani ayaa imaanaysa maalin uun ka dib weerarkii maleeshiyada Al Shabaab ay ka gaysteen Xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo. Ciidamada degan Xerada Gariley ayaa u badan kuwo ka amar-qaata General Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka. Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa 29-kii bishii June sheegay in xeraadaasi ay ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland. Militariga Kenya ee ka tirsan ATMIS ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa xeradaasi, iyagoona qayb ka noqday qorshaha uu Hawlgalka ATMIS ku yareynayo tirada ciidamada ka jooga dalka. The post Axmed Madoobe oo Jeneral Gurey u magacaabay taliyaha ciidanka daraawiishta Gedo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shaaciyay in ay si buuxda ula wareegeen xarumihii ay baneeyeen ciidanka howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM). Xarumahan oo ay la wareegeen ciidamada dowladda ayaa waxaa baneeyay 2,000 oo kamid ah ciidamada ATMIS, oo qorshuhu ahaa inay dalka ka baxaan daba-yaqaada bishii June. “Waxaan maanta halkan u joognaa inaan si rasmi ah aan u shaacino una sheegno in aan la wareegnay xarumihii ay banneeyeen labo kun oo kamid ah ciidanka ATMIS, taas oo ah heshiiskii horay loo galay,” ayuu yiri Wasiir Jaamac. Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa xaqiiq ah walaalaheen ATMIS oo muddo nala joogay in ay shaqo wanaagsan nala qabteen, waqtina ay geliyeen amniga dalka si ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni fiican.” Wasiirka ayaa qiray in ciidamada xoogga dalka ay gaareen heer lagu haleyn karo amniga dalka una diyaar-garoobeen inta ka dhiman dhamaadka 2024-ka, oo ku aasteysan bixidda askariga ugu dambeeya ee ciidamada ATMIS. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu umahad-celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay fulinta qorshahaan, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhiga iyo taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, oo iyagu ka shaqeeyay in xarumahaasi si nabdoon loogala wareego ciidanka ATMIS. “Waxaa leeyahay waa mahadsan tihiin hay’adihii iyo dhamaan kasoo qeyb-galayaashii fursadaas lagu wareejinayay ciidamadeenii qaranka masuuliyadaas ka qeyb qaatay.” Ugu dambeyntiina waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay ku garab istaagan dowladda iyo ciidankooda sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka. “Shacabka waa in ku kalsoonaado oo ogaado in amnigeena inaga sugano inay tahay qeyb ka mid ah xoriyadeena iyo gobonimadeena, sidaas darteedna ay ku kaalmeeyaan wiilashooda iyo gabdhahood inay la wareegeen amnigooda.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: DF oo shaacisay inay si buuxda ula wareegtay xarumihii ay baneeyeen… appeared first on Caasimada Online.
-
Pakistaan oo Xidhay muwaadiniin dalkeeda u Dhashay oo u Shaqo Tagay Israa’iil Hargeysa(Qaran)-Dawladda Pakistan ayaa xabsiga u taxaabtay shanka mid mah muwaadiniinta dalkaasi kuwaasi oo lagu eedeeyay inay shaqo u tageen dalka Israa’il, taasoo ka hor imanaysa shuruucda dalkaasi sida ay sheegtay hay’adda danbi baadhinta ee dalkaasi Pakistan ayaan iyadu aqoonsanayn jiritaanka dalka Israa’iil waxaanay ku baaqdaa dal ay leeyihiin falastiiniyiintu oo madax bannaan kaasoo ku fadhiya xuduudaha caalamku aqoonsan yahay iyo waliba xuduudihii ka horreeyay dagaalkii 1967kii kaasoo ay magaalada Qudus u tahay caasimad. Sidaa daraaddeed iyada oo aanu jirin xidhiidh diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal, muwaadiniinta Pakistan uma safri karaan Israil iska daa inay halkaa ka shaqeeyaane. Af-hayeen u hadlay Waaxda danbi baadhista ee dalkaasi ayaa u sheegay warbaahinta Arabnews in hawlgalka lagu soo qabtay shannta qof oo la tuhunsan yahay la soo bilaabay bishii hore kadib markii ay masuuliyiintu ay ka qaadeen waraaqaha lacagta laysugu diro kadibna ay heleen caddaymo muujinaya inay Israil ka shaqaynayeen muddo sannad ah. Af-hayeenkan ayaa intaa ku daray in ay raggani lacagta u soo dirayeen dalka Pakistan iyaga oo adeegsanaya xawaaladda caalamiga ah ee Western Union Money transfer Service. Qaran News
-
Hoggaamiyihii Wegnarka oo dib ugu Noqday Ruushka Noscow(Qaran)-Hoggaamiyihii calooshood u shaqaystayaasha Ruushka Yevgeny Birogooshin ayaa la sheegayaa inuu ku noqday dalka Ruushka sida uu maanta oo khamiis ah warbaahinta u sheegay madaxweyna dalka Belarus Alexander Lukasheenko. Birogooshin ayaa heshiis kula galay dalk Ruushka inuu fadhiisin ka dhigto dalka Belarus, balse illaa hadda ma cadda sababta uu u tagay dalka Ruushka. Madaxwynah Belarus ayaa intaa ku daray in dagaalyahannadii Waagnarka uu hadda joogaan fadhiisimadoodii dhulka Ruushku haysto ee bariga Ukraine isaga oo intaa ku daray in dalabkiisii ahaa inuu ku martigalyo Belarus uu wali taagan yahay. Brigooshin oo da’diisu caga-cagaynayso 62 jir oo noqday ninkii abid ugu awoodda badnaa calooshood u shaqaystayaasha RUushka ayaa markii u danabaysay meel fagaare ah lagu arkay markii uu ka ragay magaalada Rostovon oo ku taalla koonfurta Ruushka halkaasoo ciidamadiisu muddo kooban haysteen kadib markii ay ka fallaagoobeen maamulka ciidamada Ruushka ee dalkaasi bishii inna dhaaftay dhammaadkii bishii hore Israa’iil oo Duqeysay Lubnaan Lubnaan(Qara)-Israaiil ayaa maanta oo khamiis ah sheegtay inay duqaysay koonfurta dalka Lubnaan kadib markii gantaal lagaga soo riday halkaasi ku qaraxay xuduudda u dhaxaysa labada dal. Hawl-galkii millatari ee ugu danbeeyay ee halkaasi ka dhaca ayaa ahaa muddo 3 bilood ah ka hor kadib markii labada dal iskaga hor yimaaddeen iska hor-imaadkii ugu xumaa mudddo shan sano ah. Arrintan ayaa sidoo kale imanaysa iyada oo xiisadda u dhaxaysa dalalka Carabta iyo Israaa’iil ay kacsan tahay kadib markii Israil ay gulufkeedii ugu weynaa muddo sannado ah ku qaadday daanta galbeed ee la haysto iyada oo bartilmaameedsanaysa xerada qaxoontiga ee Jenin. Xeradan ayaa ah meel dadku aad ugu badan yihiin isla markaana ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada falastiiniyiintu. Masuuliyiinta dalka Lubnaan ee koonfurta dalkaasi ayaa sheegay in weerarka iyo duqaynta ay Israil ka gaysatay dalkaasi aanay sababin wax khasaar nafeed ah. Geesta kale wakaaladda wararka ee dalkaasi Lubnaan ayaa sheegtay in Ciidamad Israil ay ku dhawaad 15 gantaal ku soo rideen goobaha ay degganyihiin dadeynuhu. Labadan dal ayaa wali si farsamaysan uu uga dhexeeyaa dagaal waxaana xuduudda labada dal ku sugan oo gaaf-wareega ciidammada nabad ilaalinta qaramada midoobay ee UNIFIL (United Nations Interim Force in Lebanon) Pakistaan oo Xidhay muwaadiniin dalkeeda u Dhashay oo u Shaqo Tagay Israa’iil Hargeysa(Qaran)-Dawladda Pakistan ayaa xabsiga u taxaabtay shanka mid mah muwaadiniinta dalkaasi kuwaasi oo lagu eedeeyay inay shaqo u tageen dalka Israa’il, taasoo ka hor imanaysa shuruucda dalkaasi sida ay sheegtay hay’adda danbi baadhinta ee dalkaasi Pakistan ayaan iyadu aqoonsanayn jiritaanka dalka Israa’iil waxaanay ku baaqdaa dal ay leeyihiin falastiiniyiintu oo madax bannaan kaasoo ku fadhiya xuduudaha caalamku aqoonsan yahay iyo waliba xuduudihii ka horreeyay dagaalkii 1967kii kaasoo ay magaalada Qudus u tahay caasimad. Sidaa daraaddeed iyada oo aanu jirin xidhiidh diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal, muwaadiniinta Pakistan uma safri karaan Israil iska daa inay halkaa ka shaqeeyaane. Af-hayeen u hadlay Waaxda danbi baadhista ee dalkaasi ayaa u sheegay warbaahinta Arabnews in hawlgalka lagu soo qabtay shannta qof oo la tuhunsan yahay la soo bilaabay bishii hore kadib markii ay masuuliyiintu ay ka qaadeen waraaqaha lacagta laysugu diro kadibna ay heleen caddaymo muujinaya inay Israil ka shaqaynayeen muddo sannad ah. Af-hayeenkan ayaa intaa ku daray in ay raggani lacagta u soo dirayeen dalka Pakistan iyaga oo adeegsanaya xawaaladda caalamiga ah ee Western Union Money transfer Service. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyay warqad ay dhawaan maxkamadda sare u gudbiyeen, taasi oo la xiriirtay muranka doorashooyinka ee u dhaxeeya xukuumadda iyo mucaaradka. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Mudane Muuse Xasan Yuusuf oo la hadlay BBC ayaa sheegay in ay maxkamadda sare ka dalbadeen fasiraad sharci oo la xiriirta xeerarka doorashooyinka. Gudoomiye Muuse ayaa meesha ka saaray in awooddii ka guddi ahaan ee ka go’aan gaarista labada doorasho ee la isku haya tan soo horeynaysa ay ku wareejiyeen maxkamadda sare ee Somaliland. “Warqadaasi waxay ka hadlaysay fasiraad sharci oo aanu qornay ka Komiishan ahaan oo aanu u gudbinay maxkamadda dastuuriga ah, fasiraadaa sharci oo salka ku haysa xaaladan aanu hada ku jirno ee doorashooyinka lanana sugayo in aanu waqti u samayno,” ayuu yiri guddoomiyaha doorashooyinka Somaliland. Sidoo kale waxa uu ku dooday in markii la doortay ay soo saareen waqtiga ay ku qabsoomayso doorashada madaxtooyadu, laakiin intii waqtigaas lagu guda jiray ay wax badan is-badaleen. “Waxaa soo baxay ururro cusub iyo in waqtigii uu ka dhacay xisbiyadii hore (Kulmiye, Waddani & Ucid), sidaas darteed waxaa fasiraad sharci uga baahanay maxkamadda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Muuse Xasan Yuusuf. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ka guddi ahaan ay ku dhawaaqi doknaan sida ay doorashooyinku u qabsoomayaan, kadib marka ay fasiraad sharci ka helaan maxkamadda. “Awooddii aan u laheyn ka go’aan gaadhista waqtiga doorashooyinka dhacayaan uma aanu gudbin (wareejin) maxkamadda ee waxaa ka codsanay fasiraad sharci ah.” Hadalkaan ayaa imanaya xilli xisbiyada mucaaradka ay meel adag iska taageen warqadda ay guddiga doorashooyinka u gudbiyeen maxkmadda sare, waxayna uga digeen maxkamadda in ay Somaliland ku rido god mugdi ah, xilli ay xaalad adag oo amni iyo siyaasadeed ka taagan tahay gudaha Somaliland. Mucaaradka ayaa doonaya inay soo horreyso doorashada Madaxtooyada Somaliland, halka xukuumadda iyo xisbiga tallada haya iyo weliba ururrada cusub ee siyaasadda ay doonayaan inay soo horeyso doorashada ururrada. The post Guddiga doorashooyinka SOMALILAND ‘oo fasiray’ warqadda muranka dhalisay appeared first on Caasimada Online.
-
Kabul (Caasimada Online) – Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa amar ku bixiyay in goobaha qurxinta ee dalka oo dhan la xiro muddo bil gudaheed ah, taasi oo ah xakameyntii ugu dambeysay ee nolosha guud ee haweenka, sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah wasiir ku xigeennada Taalibaan. Amarka ayaa ku qasbi doona xiritaanka kummanaan meherado ah oo ay haweenku maamulaan oo inta badan ah isha kaliya ee dhaqaale ee qoysaskan, waxaana uu mamnuucayaa mid ka mid ah fursadaha yar ee haray ee ay ku dhex sheekeysan karaan meel ka baxsan gurigooda. “Waxay ila tahay inay fiicnaan lahayd haddii dumarku aanay ku jirin bulshadan,” ayuu yiri maamulaha salon Kabul ku yaalla oo codsaday inaan la magacaabin. Tan iyo markii ay xukunka la wareegtay Agoosto 2021, xukuumadda Taliban waxay ka mamnuucday gabdhaha iyo haweenka dugsiyada sare iyo jaamacadaha, waxay sidoo kale ka mamnuucday jardiinooyinka, jardiinooyinka madadaalada iyo goobaha jimicsiga, waxayna ku amartay inay ka fogaadaan goobaha fagaareyaasha ah. Haweenka ayaa sidoo kale inta badan laga mamnuucay inay u shaqeeyaan Qaramada Midoobay ama hay’adaha NGO-yada, iyada oo kumannaan laga eryay shaqooyinkii dowladda ama la siiyay lacag si ay guryahooda ku joogaan. Mohammad Sadeq Akif Muhajir, oo ah afhayeenka Wasaaradda Horumarinta Wanaagga iyo Kahortagga Xumaha, ma sheegin sababta amarkan loo bixiyay. “Marka la xiro ayaan sababta loo xiray la wadaagi doonnaa warbaahinta,” ayuu u sheegay AFP. Waxa uu sheegay in ganacsatada la siiyay waqti ay ku soo xiraan goobahooda, si ay uga faa’ideystaan hantidooda, iyadoo aan wax khasaare ah soo gaarin. The post TALIBAN oo soo saartay amar cusub oo ka dhan ah haweenka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo haatan ku sugan dalka dibaddiisa ayaa usoo jawaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxauud oo maanta shaaciyay liiska 18 qof oo uu ku jiro Korneel Koofi, loona haysto musuq-maasuq. Xeer Ilaaliyaha oo maanta shir jaar’iid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Maxamed Aadan Koofi iyo sideed kale oo maqane ah loo haysto xatooyo xoolo dadweyne, ayna baxsad ka yihiin cadaaladda. Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka oo ka jawaabay hadalkan ayaa shaaca ka qaaday in Xeer Ilaaliyaha uu dhibane yahay, islamarkaana aan loo madax banneyn shaqadiisa. “Xeer ilaaliyaha, raalina ha iga ahaadee, waxaan u arkaa in uu yahey dhibbane aan shaqadiisa loo madax banneyn, waana dareemi karaa culeyska jira” ayuu yiri koofi. Sidoo kale waxa uu ku dooday in dhammaan eedaha loo jeediyay ay yihiin kuwa lasoo dhoodhoobay, islamarkaana inta uu joogay hay’adda baaris lagu sameeyay dhowr mar. Waxaa kale oo uu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay inuu ka raalli-gelinayo ‘aflagaada uu sheegay in maanta loo gaystay’. Halkan hoose ka aqriso qoraalka oo dhammeystiran:- Dacasleey iyo Dowladnimo Maxaa Kala Heysta! Hay’adda aan ka soo shaqeeyey; 1) Waajibaadkeeda kuma jirin qabasho dakhli ama wax lacag qabasho ah; 2) Sanad kasta, laba heer oo baaris Hanti-dhowr ah ayaa lagu sameynayey hay’adda (Hanti-dhowr guud iyo midka gudaha), mana jirin wax dayac ama xoolo maqan ah oo la sheegey; 3) Shaqada hay’adda waxaan qoraal ku wareejiyey sanado ka hor, waxaana marqaati aheyd dowladdii xilligaas, mana jirin hal shey oo ka dhunsanaa ama ka dayacnaa waajibkii la ii igmadey. Ujeedada laga leeyahey hore ayaan uga hadley, hase ahaatee, dhareerka Eeyga, haddii uu ku gaaro, todobo jeer, ayaa la iska dhaqaa, wax kale oo dhib ahna ma lahan! Xeer ilaaliyaha, raalina ha iga ahaadee, waxaan u arkaa in uu yahey dhibbane aan shaqadiisa loo madax banneyn, waana dareemi karaa culeyska jira. Dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan, taageereyaasheyda, waan ka raali gelinayaa, aflagaadada loo geystey maanta! Ugu danbeyn, Imaam aad ogtahey in uusan wayso qabin, kuma qasbanid inaad Salaadda ku xirato. The post KOOFI oo usoo jawaabay Xeer Ilaaliyaha Qaranka -“Waxaan u arkaa inuu yahay…” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn looga hadal hayay baraha bulshada warar sheegayay in uu is-casilay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse). Wararkaas ayaa waxaa gebi ahaanba jiritaankooda beeniyay wasiirka oo sheegay in uu safar shaqo ugu maqan yahay dalka dibadiisa. Wasiir Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku tilmaamay wararka sheegayay inuu is-casilay kuwa been abuur ah oo lagu jahwareerinayo dadweynaha. “Isma casilin; Wararka sheegaya in aan is casilay waa been abuur lagu jahwareerinayo dadweynaha,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse). Sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalkiisa “Safar shaqo ayaan dibadda ugu maqanahay.” Wararka la isla dhexmarayay ee uu beeniyay wasiirka ayaa waxay kusoo aadeysa saacado kadib markii ay Xeer Ilaalinta sii deysay liiska masuuliyiin loo haysto musuq-maasuq oo qaarkood xiran yihiin, kuwa kalena ay baxsad ka yihiin cadaaladda, oo ay ku maqan yihiin dalka dibadiisa. Waxay sidoo kale kusoo aadeysa xilli uu wasiirka ka maqan yahay dalka, taasi oo keentay in uu si deg deg u beeniyo wararkaasi oo si weyn la iskula dhex qaadayay saacadihii dambe baraha bulshada ee Internet-ka. The post Maxaa ka jira in wasiir Huruuse uu is-casilay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay liis uu maanta shaaciyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud, kaasi oo ay kasoo muuqdeen illaa 18 masuul oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne. Masuuliyiintan loo haysto musuq-maasuqa ayaa waxay Sagaal kamid ah ay baxsad ka yihiin cadaalada, halka Sagaalka kale ay xiran yihiin, sida uu shaaciyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay daba-gal ku hayso shaqsiyaadkaasi. islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin in cadaaladda la horkeeno masuuliyiintaasi. “Dowladda Soomaaliya waxay wada shaqeyn la leedahay Booliska Caalamkga ah ee INTERPOL,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha oo sheegay in kiiskaan ay la kaashan doonaan, si gacanta loogu soo dhigo eedeysanayaasha baxsadka ah oo intooda badan haatan ku sugan dalka dibaddiisa. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo horay dowladda federaalka u xirtay masuuliyiin dhowr ah oo loo haysto musuq, kuwaasi oo qaarkood la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Ibraahim Saciid: “Wali laysma gaarin intaa arkeeno wasiiro loo xiray musuq-maasuq, howshaan waa billow fiican laakiin wasiirada iyo madaxda sar-sare ku xijiya.” “Dadbaa hadhow qabiil ku taageeri doona dadka tuugada ah Khawaarijta sida loola dagaalay ayaa tuug loola dagaalamayaa, waa ku mahadsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh la-dagaalanka musuqa,” ayuu yiri Maxamed Cadde oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan. Yuusuf Qurbo: “Kuwa baxsadka waxaa ugu baaqayaa inay sharciga horyimaadaan waxa ay kala kulmaane qaataan.” Aweys Axmed Taako ayaa isna yiri “Waa wax aad loogu farxo in maanta maqleyno eedeysanayaal loo haysto musuq, waxaa mahadeyda leh madaxda qaran oo igu horeyo Birmad Xasan Shiikh.” “Masha Allah waa maalin weyn. Kuwa shacabka maatada ah qarxinaya iyo kuwa xaday xoolihii amnigooda lagu sugi lahaa waa isku mid,” ayuu yiri Yuusuf Cali. Calasow Maxamed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabada ay qaaday Xeer-ilaalinta ayaa yiri “Toos ayaa la iskugu bareeray markaan. Waxaan rajeynaa in madaxweyne Xasan Sheekh dalkaan u jiheeyo meel barwaaqo iyo horumar leh.” Ustaad Saacid: “Bal meesha ay ku dhamaanayso aan aragno weli waan idinka guraynaa warka.” “Xoolo dadweyne qof cunay ama awood dowladeed ku tagri falay khasaaro ayuu qabaa, waxaan rajeynayaa in maxkamad cadaaladda lasoo saaro oo siyaasad ka madax-bannaa, lagana ilaaliyo qaabkii Soomaalida inta badan lugu arki jiray ee xilka bursashada ahayd maadaama liiskaan masuuliyiin hore iyo kuwo hadda ahba ku jiraan,” Cabdikariim Xasan. Liibaan Garaad: “Sidee qof eedeysane ah oo aan la xukmin loo faafin karaa magaciisa mise waa xukmanayaal oo maahan eedeysanayaal?.” Aweys Axmed Cadaawe ayaa isna yiri “Cajiib qof walba oo dadwaynaha masaakiinta ah xoolohooda ka dhaca waa in la waajibaadkiisa la mariyaa.” “Intaas oo dhan waxay dhaceen xiligii uu Farmaajo madaxweynaha ahaa markaasee na leeyihiin musuq-maasuq ayuu necbanaa, muxuu wax uga qaban waayay waa-yahee,” ayuu yiri Cali Abuukar Shariif. Axmed Faarax: “Cudurka halka sare hala ka soo bilaabo hadaad run sheegaysiin, bahashaan looma sinna.” “Qoladaan laanta socdaalka ka shaqeyso ma waxay ku heshiiyeen dhamaantood in aysan dalka u shaqeyn oo ay ayaga shaqeystaan,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed. Mukhtar Marhaba ayaa isna waxa uu yiri “War dowladnimadii farahey ka baxday mar haddii sidaan dhan loogu falaadaayo musuq-maasuqa laftiisa ayaa si musuq-maasuq ah loola dagaalamayaa.” The post Sidee looga fal-celiyay tallaabadii uu maanta qaaday xeer-ilaaliyaha qaranka? appeared first on Caasimada Online.
-
THE UNION OF SOMALILAND AND SOMALIA LAW DEAR READERS, PLEASE NOTE: This is a copy from the original reprint. We express our apology for any typing error or involuntary omission. Source: THE SOMALILAND GAZETTE THE SOMALILAND GAZETTE Published under the authority of the Council of Ministers Vol.1, No. 3, HARGEISA, 5th July, 1960. TABLE OF CONTENTS SUPPLEMENT No. 2 (Containing a Law) LAW No. 1. The Union of Somaliland and Somalia Law _________ Supplement No. 2 to the Somaliland Gazette, Vol. I No. 3, dated 5th July 1960 Containing Law LAW No. 1 of 1960 Assented to by the Council of Ministers Mogadiscio, 5th July 1960 Mohamed Ibrahim Egal Ahmed Haji Dualeh Ali Garad Jama Haji Ibrahim Nur __________ THE UNION OF SOMALILAND AND SOMALIA LAW Preamble: WHEREAS the State of Somaliland achieved independence and ceased to be under British protection or within the jurisdiction and sovereignty of Her Britannic Majesty on the 26th day of June, 1960 (being Muharram 1st 1379): AND WHEREAS the State of Somalia achieved its independence and ceased to have the status of a Trust Territory of the United Nations Organization administered by the Republic of Italy on the 1st of July, 1960 AND WHEREAS it is the will of the peoples of Somaliland and Somalia that their States shall united shall forever be united in the Somali Republic: NOW, we the signatories hereof being the duly authorized representatives of the peoples of Somaliland and Somalia and having vested in us the power to make and enter into this Law on behalf of our respective States and peoples do hereby solemnly and in the name of God the compassionate and Merciful agree as follows:- Union: 1. (a) The State of Somaliland and the State of Somalia do hereby unite and shall forever remain united in a new, independent, democratic, unitary republic the name whereof shall the SOMALI REPUBLIC. (b) The Capital of the Somali Republic shall be Mogadiscio. Conditions of Union: Subject to the express provisions of this Law the Union hereby constituted shall be upon the following conditions: – (1) That the component administrative units of the Government of the Somali Republic until more suitable administrative arrangements are made, shall be, firstly, the region comprising the territories contained in the boundaries of the presently existing State of Somaliland (hereafter referred to as “the Northern Region”) and, secondly, those presently existing territories which comprise the six Regions of Mijertain, Mudugh, Hiran, Banadir, Upper Juba and Lower Juba all in Somalia (hereafter collectively referred to as “the second named Regions”). (2) That the existing laws presently in force in the Northern Region and in the second named Regions respectively shall remain in full force and effect within the respective territories where the same presently apply and shall not have force or effect beyond those respective territories where the same presently apply. (3) That all persons now serving the Somaliland Government in the Northern Region and the Government of Somalia in the second named Regions respectively shall continue to serve the Government of the Somali Republic upon terms not less favourable than those at present applicable to them. (4) That the Courts as presently constituted in the aforesaid Northern Region and the aforesaid second named Regions shall continue to exercise within their respective territories the jurisdiction which is conferred upon them by presently existing law and shall be Courts of the Somali Republic. (5) That all rights and obligations vested or accruing, whether public or private (including any status of legal personality acquired under law by corporate or non-corporate bodies) shall continue to subsist in accordance with subsection (2) hereof be recognized and enforced by the Courts of the Somali Republic, referred to in subsection (4) hereof and by the Government of the Somali Republic. (6) That in the Somali Republic the National languages of the Republic shall be as to the spoken tongue Somali and as to the written language Arabic, English and Italian, which shall have equal status. Citizenship 3. (1) All persons who upon the date of this Union possess the citizenship of Somaliland and Somalia respectively shall by this Union now become citizens of the Somali Republic. (2) All persons who hereafter would, but for this Union, have become citizens of Somaliland or Somalia respectively under the law of either of the two uniting States as presently subsisting, shall hereafter become citizens of the Somali Republic. Head of State The Head of with State of the Somali Republic shall be the PRESIDENT of the Republic chosen in accordance with the provisions of the Constitution referred to in section 7 hereof. Executive Authority. Executive Authority of the Somali Republic shall be vested in the COUNCIL OF MINISTERS appointed in accordance with the provisions of the Constitution referred to in section 7 hereof and shall be exercised as therein provided. Legislative Power. The Legislative power of the Somali Republic shall be vested in the NATIONAL ASSEMBLY constituted in accordance with the provisions of the Constitution referred to in section 7 hereof and shall be exercised as therein provided. The Constitution. The CONSTITUTION OF THE SOMALI REPUBLIC shall be the Constitution of the State of Somalia with such adaptations as may be necessary to bring in into conformity with this Law but notwithstanding the provisions thereof relating to amendment, no amendment of that Constitution shall derogate from the conditions of Union set forth in section 2 hereof unless made in accordance with the procedure and provisions set forth in section 10 hereof. The existing Executive and Legislative Organs. (1) Upon this Law being made the presently subsisting Legislative Assembly of Somaliland and Somalia respectively shall cease as such to subsist: but the existing elected members of the said Legislative Assemblies shall constitute the first National Assembly of the Somali Republic. Immediately upon the National Assembly of the Somali Republic being constituted under these provisions, the members thereof shall each before the person presiding over the National Assembly make oath of allegiance to the Somali Republic. (2) The existing President or Vice President of the Legislative Assembly of Somalia shall preside over the National Assembly of the Somali Republic for the purpose of taking the oaths of allegiance in accordance with subsection (1) hereof and for the purpose of electing the first President of the National Assembly only. (3) The members of the Council of Ministers after being appointed in accordance with the Constitution shall each make an oath of allegiance to the Somali Republic before the President of the National Assembly. Freedom of movement and trade (1) Notwithstanding anything in section 2 hereof, the citizens of the Somali Republic shall have the right freely to move for lawful purposes throughout the territory of the Republic subject to the provisions of any law relating to public order or human or animal health. (2) Notwithstanding anything in section 2 hereof there shall be no customs, exercise or other tax imposed upon the movement of goods (including animals) between any parts of the territory of the Somali Republic provided such goods originate from the Region from which they are proceeding. (3) Until unification of customs tariffs is achieved goods imported from foreign countries and moving from the Northern Region to the second name Regions and vice versa shall be subject to the customs laws at present in force in the Northern Region and the second named Regions. Special Commission for Uniformity. (1) There shall be established a Special Commission the members of which shall be persons who were immediately prior to this L\w either members of the Legislative Assembly of Somalia or members of the Legislative Assembly of Somaliland together with a Chairman being a member of the National Assembly appointed by the members of the Commission. (2) The members of the Special Commission (other than the Chairman) shall be appointed by the President of the Somali Republic acting on the advice of the Council of Ministers and shall consist of an equal number of former members of the Legislative Assembly of Somali and former members of the Legislative Assembly of Somaliland. (3) The Special Commission shall examine into and make recommendations (which in the event of the Commission not being unanimous shall be the recommendations of a majority of its members to which a minority report shall be attached) as to the provisions to be made from time to time by law for the purpose of establishing uniformity between the laws, institutions, public service and social services presently existing in the Regions referred to in section 2 hereof. (4) The Special Commission shall for the aforesaid purpose be empowered to establish sub-commissions or committees, the members whereof may include other persons and to engage or call for assistance from any person by way of advice or otherwise. (5) The Special Commission shall from time to time report to the Council of Ministers as to its recommendations under subsection (3) of this section and the Council of Ministers shall thereupon with all reasonable dispatch lay such report before the National Assembly together with the proposed legislation to be made to give effect thereto. (6) The National Assembly shall thereupon decide by majority of the members thereof present and voting upon such proposed legislation whether the same shall be enacted. (7) Upon the National Assembly so deciding then the President shall assent to such legislation and upon the same coming into operation any condition set forth in section 2 hereof shall so far as it is inconsistent with such legislation be abrogated. (8) The Special Commisin may with the approval of the Council of Ministers make rules regulating its procedure and providing for the duration of tghe appointments of its members, the remuneration of any person whose participation or assistance is called for under subsection (3) hereof, the cilling of vacancies in membership and all other matters as may be required for the performance of the function conferred upon the Special Commission by this section: Provided that if the Special Commission fails to make rules under this subsection in accordance with a request made to it by the Council of Ministers, the Council of Ministers may make the said rules. (9) Any rules made under subsection (8) may be added to, amended or revoked in the same manner. Succession to rights and liabilities: (1) Any property (including any rights arising from contract or otherwise) that is immediately before this Law vested in the Government of Somaliland or in the State of Somalia shall upon this Law being made vest in the Somali Republic or in such person or authority on behalf of the Somali Repubic as the Council of Ministers may direct. (2) Any liability or obligation (whether arising from contract or otherwise) incurred by the Government of Somaliland or by the State of Somalia and subsisting immediately before this Law shall upon this Law being made be a liability or obligation of the Somali Republic or of such person or authority on behalf of the Somali Republic as the Council of Ministers may direct. (3) For the purposes of the preceding subsections, any property which immediately before the making of this Law was vested in or any liability or obligation which at that time had been incurred by, any person or authority on behalf of the Government of Somaliland or the State of Somalia shall be deemed to be property vested in or a liability or obligation incurred by the respective Government or State. (4) Without derogation from the foregoing provisions of this section the right and obligations arising from agreements entered into between the Government of Somaliland and the Government of the United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland and between the Government of Somalia and the Government of Italy and other States and International organisations which are set out in the Schedule to this Law shall be binding upon the Somali Republic. Transitional: (1) For the time being the provision subsisting immediately before the making of this Law for the expenditure of public moneys of the Somali Republic hereby constituted within and upon the Northern Region and second named Regions shall as far as practicable continue to the intent that those moneys which have been authorized to be expended within and upon the respective Northern Region and second named Regions shall continue to be expended upon the public service and upon the development and welfare and in the service of the said Northern Region and second named Regions and the inhabitants thereof respectively. (2) For the time being the presently subsisting provision for the expenditure of public moneys (including such moneys as may be provided by way of assistance from foreign States) upon the development and welfare of the aforesaid Northern Region and second named Regions and the inhabitants thereof respectively shall as far as practicable continue to the intent that those schemes of development and welfare which are now current shall be completed and that those schemes of development and welfare which have been planned shall be proceeded with within the respective Northern Region and second named Regions hereinbefore referred to and for the benefit of their respective inhabitants. (3) The Supreme Court of the Somali Republic shall have appellate jurisdiction in relation to decisions of the Courts now constituted and which will continue to subsist in the aforesaid Northern Region. ———– SCHEDULE The Agreement between the and Government of Somaliland and the Government of United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland regarding interim arrangements in respect of the Somaliland Scouts. The Interim Agreement between the Government of Somaliland and the Government of the United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland for a United Kingdom Aid Mission. The Pubic Officers Agreement between the Government of Somaliland and the Government of United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland. ———– This Bill has been passed by the Legislative Assembly on 27th June, 1960. AHMED MOHAMED ADAM Clerk of the Legislative Assembly I hereby certify that at the third reading of this Bill, (which has now been passed as the Somaliland and Somali Union Law) the votes of not less than two third of the members of the Assembly were cast in favour thereof. W. F. STUBBS, Speaker. Copied from the SOMALILAND GAZETTE Vol. I, No. 3, HARGEISA, 5th July, 1960. SUPPLEMENT No. 2 (Containing Law) LAW No. 1 The Union of Somaliland and Somalia Law. Qaran News
-
Minsk (Caasimada Online) – Madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin waxa uu weli ku sugan yahay Ruushka, mana jiro dagaal-yahan ka tirsan kooxda oo saldhigtay Belarus, waxaa sidaas maanta sheegay madaxweynaha dalkaas, taasi oo shaki gelineysa heshiika Kremlin-ka ee lagu soo geba-gebeeyey gadoodkii. “Marka ay noqoto Prigozhin, waxa uu ku sugan yahay Saint Petersburg… ma joogo Belarus,” ayuu madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko u sheegay wariyeyaal ka socday warbaahinta dibedda. Isaga oo ka hadlayey xarunta madaxtooyada ee Minsk, Lukashenko waxa uu sheegay inuu “si hubanti ah” u ogyahay in Prigozhin uu yahay nin xor ah, isaga oo intaas ku daray “shalay ayaan taleefonka kula hadlay.” Lukashenko waxa uu sheegay in xubnaha Wagner aysan saldhig ka sameysan Belarus, inkasta oo uu jiro yabooh ka yimid Kremlin-ka oo ah inay sidaas sameeyaan kuwii ka qeyb-galay kacdoonkii fashilmay. “Xilligan, go’aan lagama gaarin soo-wareegistooda ama saldhig sameysashadooda,” ayuu yiri Lukashenko. Prigozhin ayaa billaabay kacdoon ka dhan ah hoggaanka militari ee Ruushka 23-kii June, wuxuuna ciidamo u diray Moscow, isaga oo loolankii ugu adkaa geliyey hoggaanka madaxweyne Vladimir Putin. Qiyaastii 24 saac kadib, Kremlin-ka ayaa sheegay in xasaraddii la xaliyey kadib dhex-dhexaadin uu sameeyey Lukashenko, ayada oo lagu waday in Prigozhin uu u safro Belarus. Wixii markaas ka dambeeyey, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa xiray ama weeraray ganacsiyada Prigozhin. Sawirro ay Arbacadii baahiyeen warbaahinta Ruushka ayaa muujiyey booliska oo gelaya hoyga Prigozhin, ayada oo diyaaradaha qumaatiga u kaca ay banaanka guriga fadhiyaan, 25-kii June. Sawirrada ayaa muujiyey in booliska ay soo haleen xirmooyin dollar iyo rubles ah, dahab, hub iyo dhowr baasaboor oo uu ku qoran yahay magaca Prigozhin balse leh sawirro kala duwan. Lukashenko ayaa sheegay “inuusan ka walaacsaneyn” inuu waddankiisa ku marti-geliyo ciidamada Wagner, wuxuuna sheegay inay hanti noqon karaan. “Uma maleynayo in Wagner ay kici doonaan oo ay hubkooda kusoo jeedin doonaan qaranka Belarus,” ayuu yiri. “Haddii aan dooneyno inaan cutubyadan howl-gelino, waan howl-gelin doonnaa, islamarkaana khibraddooda aad ayaa looga faa’iideysan doonnaa.” Lukashenko waxa uu sidoo kale ka hadlay xiriirka Prigozhin iyo Putin. “Ma ogi wax kasta oo ku saabsan xiriirka Putin iyo Prigozhin, mana doonayo inaan wax kasta ogaado,” ayuu yiri. “Putin ayaa in badan iga og Prigozhin,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray “Ma waxaad u maleyneysa in Putin sidaas u ciil qabo oo uu isla berri tuuri doono? Maya taas ma dhaceyso.” AFP, VOA The post Xaaladda madaxa Wagner oo weji cusub yeelatay appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in ciidanka Qaranku si buuxda ula wareegay xarumihii ay banneeyeen Ciidanka howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS oo isaga baxay dhowr xarumood. Qorshaha ka bixitaanka ciidanka ayaa waxaa uu qeybka yahay dhimista ciidankaan oo lagu wado in askariga ugu dambeeyo uu isaga baxo Soomaaliya dhammaadka sanadka soo aadan 2024, waxaana ilaa bisha Setember dalka isaga bixi doona ilaa 2000 oo askari sida la shaaciyay. ” Waxaan maanta halkan u joognaa inaan si rasmi ah aan u shaacino una sheegno inaan la wareegnay xarumihii ay banneeyeen labo kun oo ka mid ah ciidanka ATMIS,taas oo ah heshiiskii horay loo galay, waxaa xaqiiq ah walaalaheen ATMIS oo muddo nala joogay in ay shaqo wanaagsan nala qabteen, waqtina ay geliyeen amniga Dalka si ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni fiican”, ayuu yiri Wasiirka. Wasiirka ayaa qiray in ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen heer lagu haleyn karo amniga dalka una diyaargarowbeen inta ka dhiman dhammaadka 2024, oo ku aasteysan bixidda askariga ugu dambeeya ee ciidamada ATMIS. Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhiga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay ciidamada ATMIS iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay inuu fulo waajibaadkaas qaran ee loo xilsaaray wasaaradda Gaashaandhiga iyo taliska ciidamada xoogga Dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shaqo joojin deg deg ah ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda. Shaqo ka joojinta labada masuul ayaa salka ku haysa amar diido, wada-shaqeyn la’aan iyo caqabad ay ku noqdeen hanaanka lagu maamulo qarash bixinta dowladda ee SFMIS, sida lagu yiri warqadda shaqada looga joojiyay. “Xisaabiyaha Guud waxa uu si badheedh ah ugu sameeyey dib udhac sabab la’aan ah iyo is hortaag bixinta mushaharooyinka shaqaalaha iyo masuuliyiinta dowladda. Sidoo kale waxa uu si ula kac ah u damiyey system-kii SFMIS ee ay ku shaqaynayeen Waaxda Canshuuraha barrigu kana xidhay,” ayaa lagu yiri warqadda shaqada looga joojiyay Xisaabiyaha Guud, taas oo uu ku saxiixna Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur. Wasiirka Maaliyadda ayaa waxa uu faray Xisaabiyaha Guud in uusan soo xaadirin shaqada illaa inta shaqo ka joojintu ay dhaqan-gal tahay, wuxuuna si kumeel-gaar ah ugu magacaabay inuu shaqada sii hayo Xisaabiyaha Ku-xigeenka Mudane Cabdirisaaq Maxamed Abukar. “Taliyaha Amniga ee Wasaaradda Maaliyadda waxaa lagu wargelinyaa in uusan sarkaalkaan u ogolaan inuu soo galo xarunta Wasaaradda Maaliyadda. Sidoo kale La-taliyaha Sharciga ee Wasaaradda waxaa la farayaa inuu baaris ku sameeyo falka sharci darrada ah oo uu ku kacay Xisaabiyaha Guud, uuna usoo diro warbixin Wasiirka muddo 10 maalmood gudahood ah.” Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale waxa uu Waaxda Canshuuraha Berriga iyo Waaxda Canshuuraha Furdooyinka ee Wasaaradda Maaliyadda uu faray inay si toos ah u hoostagaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda inta shaqo ka joojinta Agaasimaha Guud ee Dakhliga dhaqan-galka tahay. “Agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa waxa uu si sifo badheedh ah uga horyimid amarka wasiirka isuna hortaagay wareegtada magacaabista ku meelgaadhka ah ee Agaasimaha Canshuuraha Berriga, taasi oo saameyn ku yeelatay awoodii dhaqaale ee dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Tallaabadan uu qaaday Wasiirka Maaliyadda ayaa imaneysa xilli uu hakad galay bixinta lacagaha kaalmada deeq-bixiyeyaasha ku deeqeen ee qaar kamid ah loogu tala-galay in loo wareejiyo dowladda Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada. Waxay sidoo kale kusoo aadeysa, iyada oo saraakiil sare oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda loo xiray arrimo la xiriira musuq-maasuq, halka qaar kalena ay baxsad yihiin, sida uu shaaciyay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. The post Xisaabiyaha iyo agaasimaha dakhliga W/maaliyadda oo shaqo joojin lagu sameeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Attorney General Sulayman Mohamed Mohamoud disclosed the identities of 18 high-ranking Somali officials on Tuesday, including the Immigration Agency's former and current directors, wanted in connection with a significant corruption investigation. The officials have been charged with crimes related to $21 million reportedly missing from government coffers during a period of financial hardship for the country. Source: Hiiraan Online
-
Xisbiga WADDANI “Haddii Xukuumaddu waxay wado lala qaadan lahaa dalku halkaas muu soo gaadheen” Hargeysa(Qaran news)-Xoghaye ku xigeenka Ganacsiga ee Xisbiga WADDANI Cabdirashiid Saleebaan Maxamed ayaa sheegay in maxkamadda sare aanay meelna ka soo gelin cayimada doorashooyinka, waxaanu ku eedeeyay inay la safan tahay Xukuumadda. “Maanta halka aynu marayno haddii aynaan dib uga noqonin dalkeenu inuu innaga burburiyo ayaynu ku siganaynaa. Maxkamadda sare sharci uma laha ay ku sheegto doorashada dhacaysa,”ayuu yidhi Cabdirashiid Saleebaan. Waxaanu tilmaamay in dalku soo maray shan sannadood oo buuq iyo khilaaf siyaasadeed ah. Xoghaye ku xigeenka Ganacsigu wuxuu ku sifeeyay Xukuumadda iyo Maxkamadda sare mid wax iskugu xidhan yihiin. “Inan yar oo xabad madaxa lagaga dhufanayaana jiri maayo dadku Caddaaladda ayay u soo baxayaan, go’aan kasta oo qadhaadh oo uu qaato Murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi dadku waxay odhanayaan gar baad u leedahay,”ayuu yidhi Cabdirashiid Saleebaan. Waxa kaloo uu ku dooday in xisbiyada mucaaridku danta dalka hore ugu tanaasuleen isla markaana ay sugayeen in la qabto doorashadii madaxtooyada. “Haddii xukuumaddu waxay wado lala qaadan lahaa dalku halkaas muu soo gaadheen. Arrintan imika taagani waa doorasho arrimaha doorashooyinkana Komishanka ayaa qaranka u qaabilsan,”ayuu yidhi Xoghaye ku-xigeenka Ganacsiga WADDANI. Qaran News
-
Siciid Cudhey “Guddoomiyihii Komishanku Durba dhinac buu Noqday” Hargeysa(Qaran)-Xildhibaan Siciid Cabdisamad (Siciid Cudhey) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa sheegay inuu maanta xisbigiisa u soo jeediyay in kalsoonida lagala noqdo Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu ku eedeeyay inay masuuliyadoodii ku wareejiyeen hay’ad kale. Xildhibaan Cudhey wuxuu sidaas ka sheegay in shir maanta ay iskugu yimaadeen guddida fulinta ee xisbiga UCID. “Shir maanta Guddida fulinta xisbiga UCID iskugu yimaadeen waxaan ka soo jeediyay in kalsoonida lagala noqdo komishanka Doorashooyinka ee maanta shaqadiisii loo igmaday qaban kari waayay ee ku wareejiyay Haay’ad kale,”ayuu yidhi Siciid Cudhey. Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray “Anigu walina waan u soo jeedinayaa xisbigayga in guddida doorashooyinka aan lagu kalsoonaan Karin maadaama oo shaqadoodii mucayinka ahayd ay meel kale geeyeen. Waxa Ayaan darro ah in Guddoomiyaha Komishanka ee aan maanta ka maqlayay idaacadda Wuxuu durba noqday mid dhinac ah oo aan laguba kalsoonaan Karin.” Waxa kaloo uu Ayaan darro ku tilmaamay inay maxkamadda sare gacanta la gasho wax aanay awoodba u lahayn. Qaran News
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay xiran tahay, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsatada. Xirnaashaha dekedda ayaa yimid, kadib markii Shirkadda Imaaraadka ee DP-World ay canshuurTa ku kordhisay ganacsatada wax kala soo daga dekeddaasi oo muhiim u ah Puntland. Wararka ayaa sheegaya in ganacsatada ay ka biyo diideen lacagaHA canshuuraha ee lagu kordhiyay badeecadaha ay la soo dagaan, taas oo keentay inay shaqadu istaagto. Qaaf kamid ah ganacsatada ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbaleyn lacagaha dheeriga ah ee ay DP-World kusoo rogtay badeecadaha ay kasoo degsanayaan dekadda Boosaaso. Horay ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda degaannada Puntland iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada waxa ay ku eedeeyeen DP-World in aysan wax muuqda ka qaban marsada ay sanadaha badan gacanta ku hayso, balse taasi bedalkeeda ay samaysay canshuur kordhin. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in durbo saameynta go’aankan si weyn looga dareemay magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga ee dowlad goboleedka Puntland, waxayna dekeddu aheyd meesha kaliya ee ugu dhaq-dhaqaaqa badan ganacsiga. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka sare ee dekedda iyo Puntland oo ku aadan hakadka ku yimid dhaq-dhaqaaqa dekedda. DP-World ayaa waxaa horay loogu eedeeyay in aysan wax muuqdo ka qaban horumarinta dekedda, gaar ahaan marsada ay sanadaha badan gacanta ku hayso Si kastaba, shalay ayay aheyd markii qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Boosaaso, nabadoono, dhalinyaro iyo howlwadeenno kale ay booqdeen dekedda, si ay usoo qiimeeyaan howlaha ballaarinta oo dhan 150M oo dhirer ah iyo 40M oo ballac ah. The post Dekedda BOOSAASO oo maanta xiran + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbiga UCID oo u digay Maxkamada Sare iyo Komishanka Doorashooyinka Hargeysa(Qaran)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa afar qoddob ka soo saaray tallaabadii ay Komishanka doorashooyinku ay toddobaadkan ugu gudbiyeen maxkamadda sare inay soo kala caddayso doorashada soo horaynaysa ee Madaxtooyada iyo ta Ururrada. Shir Guddida fulinta ee xisbiga UCID iskugu yimid oo uu guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Wakiillada Md. Cali Xaamud Jibriil ayaa lagaga dhawaaqay afar qoddob oo kala ah. 1). Xisbiga UCID wuxuu u arkaa in markii horeba khilaafkii dalka ka taagnaa uu ay abuurtay maxkamadda sare. 2)- Komishanka Doorashooyinku waxay sheegeen inay sagaal bilood ku qabanayaan doorashada madaxtooyada, haseyeeshee isla Komishankii waxay waajibkoodii ku wareejiyeen Hay’ad kale. Waxaan ku boorinaynaa Komishanka Doorashooyinka inay ku soo noqdaan xayndaabkii sharciga ah. 3)-Waxaan uga digaynaa maxkamadda sare inay mar kale faraha la gasho shaqo hay’ad kale leedahay, abuurtana khilaaf hor leh halis gelinaya nabada iyo xasiloonida JSL. 4)- Xisbiga UCID Waxaanu u aragnaa in doorashada kaliya ee Komishanku sharci u hayaan ay tahay doorashada madaxtooyada. Qaran News
-
Wasiirka Beeraha Oo ka soo Laabtay Safar Shaqo oo uu Ku Soo Tagay Yurub Hargeysa (Qaran news) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo dalka dibeddiisa ku maqnaa, ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay. Wasiirka oo Safar shaqo ugu maqnaa dalalka Yurub qaarkood, ayaa Maanta ka soo degay Garoonka diyaaradaha Hargeysa waxa ku soo dhaweeyay Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Beeraha iyo Masuuliyiin kale. Wasiirka Cabdiqaadir, ayaa Jamhuuriyadda Jeeg kaga qayb-galay Shir ku saabsan Beeraha, waxaanu shirkaa ka dib u gudbay Dalalka kale ee Yurub. Qaran News
