-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow ayaa taliyihii hore ee ciidanka Kumaandooska ee Danab Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin u magacaabay taliyaha guutada 16-aad ee lagu magacaabo Cali Binu Abii Daalib, kuwaas oo ku wajahan Galgaduud. Taliye Maalik ayaa la sheegayaa inuu hoggaamin doono , ciidankaan oo ku wajahan deegaannada hoostaga magaalada Ceelbuur, gaar ahaan deegaannadaas oo uu beel ahaan taliyaha uu kasoo jeedo, taliska ciidanka Africom oo taageeraya xoogga dalka ayaa shaqada sarkaalkaan la dhacsan. Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdulkadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Muqdisho ka sagootiyay ciidanka dowladda ee ku wajahan gobolka Galgaduud, waxaana ay dhawaan ay tabarro kale duwan ay kusoo qaateen dalalka Masar iyo Uganda. Ismaaciil Cabdi Maalik oo hadda loo maagacaabay taliyaha guutada 16-aad ee Cali Binu Abii Daalib, ayaa waxaa howlgalka lagula wareegayo Ceelbuur, Galhareeri iyo Wabxo waxaa qeyb kala noqonaya guutada 24-aad ee lagu magacaabo Khaalid Bin Waliid oo howlgalkaas ku wehlindoona. Taliska xoogga dalka ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu soo dhammaaday diyaar garowga Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana talisku cadeeyay in ay u dhaqaaqayaan gaaritaanka deegaannada hoosyimaada degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Ciidamo ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo dhawaan lagu soo tababaray dalalka Uganda, Masar iyo Eritrea oo ay kaabayaan Kumaandooska Danab, Gorgor iyo ciidan ka tirsan taliska Africom ayaa saldhigyo ka sameystay aaga Galcad, iyaga oo ku wajahan Ceelbuur, Galhareeri iyo Wabxo. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in Hirshabeelle iyo Galmudug laga bilaabayo Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana xusid mudan in Wajigii koowaad magaalooyin dowr ah looga saaray Al-shabaab kuwaas ay maamulayeen wax ka badan 10 sano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Laba qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa safaaradda Ciraaq ee caasimadda dalka Denmark ku hor gubay nuqul ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka, tan oo sii xumeyn karta xidhiidhka u dhexeeya labada dal. Labadan shakhsi ayaa ka socday koox isku magacawday “Wadaniyiinta Denmark”, kuwaas oo sameeyay mudaharaad kan la mid ah toddobaadkii hore, isla markaana si toos ah falalkooda uga tabinayey Facebook-ga. Qabanqaabiyaha banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Copenhagen ayaa ku tumanayey kitaabka qur’aanka kariimka ah dabna qabadsiiyey, wuxuuna sidoo kale goobta ku gibay calanka Ciraaq. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Fadhiga Golaha Wakiillada Puntland ayaa goordhoweyd furmay, iyada oo la guda galay ka doodista wax-ka-beddelka dhowr qodob oo kamid ah dastuurka. Xildhibaanada Golaha Wakiillada Maamulka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen ansixinta wax-ka-bedelka Dastuurka dowlad-goboleedka Puntland. Waxaa oggol ugu codeeyay 54 mudane, halka ay diideen 6 mudane oo kale, cid ka aamustayna ma jirin, sida uu sheegay guddoonka Baarlamaanka Puntland. Fadhigii maanta ee Golaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 60 Xildhibaan. Sidoo kale, waxay mudaneyaasha isku raaceen in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay ku yimaaddaan oo lagu soo doorto doorasho qof iyo cod ah. Dhinac kale, waxaa iyadna la kordhiyey codadka lagu waayi karo xildhibaanno oo laga dhigey 44 cod, halka uu markii hore u ahaa hal dheeri. Kulanka Baarlamaanka ayaa imanaya xilli habeen hore lagu kala kacay kulan xasaasi ah oo Saciid Deni uu la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash, si uu ugu qanciyo qorshaha furista dastuurka Puntland. Kulankaas ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka Baarlamaanka Puntland, wuxuuna ujeedkiisu ahaa in Karaash lagu qanciyo qorshaha Saciid Deni ee furista dastuurka, kaasi oo dagaal ka riday magaalada Garoowe. Madaxweyne Deni iyo Cabdirashiid Yuusuf ayaa isku dayay in ay Karaash ku qanciyaan furista dastuurka balse isku-daygaas ayaa fashil ku soo dhamaaday, iyada oo uu ka gows adeygay qorshahaasi madaxweyne ku-xigeenka, sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow. Axmed Karaash ayaa la sheegay inuu iska diiday in uu taageero qorshaha furista dastuurka oo uu ku tilmaamay mid qalalaase amni sababi kara, kaasi oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Saciid Deni. Baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale dhawaan dib u dhigay wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka, si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashada, ee ka taagan maamulkaasi, inkasta oo taasi waxba aysan ka beddelin qorshaha Deni uu gadaal ka riixayo, kaasi oo uu maanta guddoonka ku dhaqaaqay. Si kastaba, Golaha baarlamaanka dhexdiisa ayaa si weyn isugu khilaafsana in dastuurka wax laga beddelo, halka qaar kamid ah isimada Puntland ee Garoowe ku sugan ay madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala hadleen in aanay wax tallaabo ah qaadin, inta ay xal u raadinayaan khilaafka ka taagan doorashada, hase yeeshe taasi ma dhicin. The post Baarlamaanka Puntland oo maaanta ansixiyay wax ka beddelka dastuurka appeared first on Caasimada Online.
-
Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa saaka oo Talaado ah ansixiyay wax ka beddelka dastuurka Puntland. Fadhiga saaka oo ay soo xaadireen 60 mudane waxay aqlabiyad leh ku meelmariyeen ansixinta wax-ka-bedelka dastuurka dowladda Puntland. 54 xildhibaan ayaa ogol ugu codeeyay ansixinta wax-ka-bedelka dastuurka halka ay diideen 6 mudane islamarkaana ma jirin cid ka aamustay. “Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Dastuurka” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Baarlamanka. “Waxaa Oggol ugu codeeyay 54 mudane, Diidmo 6, cid ka aamustayna ma jirin. Fadhiga waxaa goobjoog ka ahaa 60 Xildhibaan” ayuu ku sii daray qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay wax ka beddelka dastuurka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay Kulliyadda Ciidamada ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho ayaa shaki xooggan ka muujiyay sida uu dhacay weerarkaasi. Weerarkaas oo ahaa is-miidaamin ayaa shalay lagu qaaday cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana la xaqiijiyey in qaraxaas ka dhacay kuliyadda uu fuliyey nin soo xirtay waxyaabaha qarxa, inkastoo aan la shaacin sida ay ugu suurta gashay inuu soo galo xerada. Xildhibaan Macalimuu ayaa shaki weyn ka muujiyay sida uu ninka is-miidaamiyaha ah uu ku tegay halkaasi, maadaama marka la eego goobta ay ku taal kuliyadda, sida loo ilaaliyo iyo baraha koontorool ee la maro aysan suuragal aheyn in qarax xajmigiisu intaa la egyahay in xeradaas la galiyo. “Waxa aan aaminsanahay in dhalinyaradaasi difaaca dalka dareeska u xirnaa in lagu laayay shirqool gudaha ah oo laga yaabo in ay ku lug leeyihiin saraakiil labo shaarlayaal ah oo dhiigooda faaiido ku helay,” ayuu Macalimuu ku yiri qoraal uu soo saaray. Waxa uu soo jeediyay in la sameeyo baaris deg deg ah, taasi oo ay hormuud ka yihiin dad aqoon u leh, horseedana in la helo kuwii fudeeyay iyo kuwii dayacaadda sameeyay intuba, sharcigana loo marsiiyo. Ciidanka la qarxiyey oo u badnaa guutada 14-ka October ayaa waxaa laga keenay degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana u socday dhibow ay ku gelayeen xerada lagu beegsaday. Kooxda Al-Shabaab ayaa masuuliyadda sheegatay isla shalay daqiiqado kooban kadib markii uu qaraxaasi dhacay, ilaa hadana lama garan sida ninkaas uu ku galay xerada. Hoos ka aqriso qoraalka Macalimuu oo dhameystiran; Waxa aan murugada la qeybsanayaa hooyooyinka, aabayaasha Soomaaliyeed iyo ehelada ay ka baxeen wiilasha ciidanka XDS ee maanta lagu laayay qarax ka dhacay Kulliyadda Ciidamada Jaalle Siyaad. Inta dhaawacana Allaha bogsiiyo. Dareenka waalidiinta aan ku arkay Isbitaal Ex Digfeer waxa uu ahaa mid uurkutaallo weyn ku abuuraya qof kasta oo leh damiir aadminimo. Waxa aan aaminsanahay in dhalinyaradaasi difaaca dalka dareeska u xirnaa in lagu laayay shirqool gudaha ah oo laga yaabo in ay ku lug leeyihiin saraakiil labo shaarlayaal ah oo dhiigooda faaiido ku helay. Kulliyada Jaalle Siyaad waxa ay ka mid tahay kulliyadaha ciidan ee ugu magaca weyn dalka ee lagu leyliyo saraakiisha. Marka la eego goobta ay ku taal, sida loo ilaaliyo iyo baraha koontorool ee la maro suuragal maaha qarax xajmigiisu intaa la egyahay in xeradaas la galiyo, la keeno dhagarqabihii fulin lahaa , fursad uu u helo inuu isku soo xiro, la fahmi waayo , waxana ay tani caddeyneysaa shirqool la soo gardaadiyay in aanu meesha ka marneyn. Dadka amniga yaqaan waxeey dhahaan qofka xiran jaako walxaha qarxa lagu soo xiray xitaa si saani ah uma laafyoon karo oo dhaqso ayaa lagu fahmi karaa. Sidaa darteed Dowladeenna gondaha ayaa loogu jiraa waana muuqataa dhagaraha dhacaya marka la tixgaliyo, balse waxa aan soo jeedinayaa baaris ay hormuud ka yihiin dad aqoon u leh in ay horseedo in la helo kuwii fudeeyay iyo kuwii dayacaadda sameeyay intuba, sharcigana loo marsiiyo. Hadii aan tallaab la qaadin wax badan ayay tani innagu soo noq noqon doontaa , waalidiin badan waxeey ka niyad jabi doonaan magaca Dowlad. The post Shaki weyn oo laga muujiyay qaraxii kuliyadda Jaalle Siyaad “saraakiil labo shaarlayaal ayaa…” appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiye ku-xigeenka Arirmaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed uu wehliyo Aggaasimaha xiriiriyaha arrimaha Dibadda maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay Duqa Magaalada Sakarya Ee Dalka Turkiga Mudane Ekrem Yüce, iyaga oo kawada hadlay dhowr ajando oo muhiim ah. Kulankan oo ka dhacay Magaalada Sakarya ayaa wax yaabihii looga hadlay waxaa kamid ahaa, Iskaashiga iyo horumarinta labada Magaalo ee Muqdisho iyo Sakarya, wax is dhaafsiga, taageerada tababarada shaqaalaha la xariira iyo mar Duqa Magaalada Sakarya Ee Dalka Turkiga Mudane Ekrem Yüce uu booqasha rasmi ah ku yimaado Caasimadda JFS ee Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada xoogga dalka ayaa saacadihii ugu dambeeyay howlgallo ka bilaabay deegaanno hoos yimaada Galcad oo ka tirsan gonbolka Galgaduud, ciidanka ayaa wada dadaalladii ugu dambeeyay ay ugu jiraan iney ay ku gaari lahaayeen degmada Ceelbuur iyo deegaannada hoose yimaada. Ciidanka ayaa howlgalkii ugu dabeeyay ka fuliyay deegaanka Baraag Shiikh Caamir oo hoostimaada degamda Galcad ee gobolka Galgaduud, howlgalkaan ayaa waxaa fuliyay ciidanka Guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor oo hoggaaminaayay Kornayl Bashiir Cabdullahi Cumar. Taliska xoogga dalka ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu soo dhammaaday diyaar garowga Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana talisku cadeeyay in ay u dhaqaaqayaan gaaritaanka deegaannada hoosyimaada degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Ciidamo ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo dhawaan lagu soo tababaray dalalka Uganda, Masar iyo Eritrea oo ay kaabayaan Kumaandooska Danab, Gorgor iyo ciidan ka tirsan taliska Africom ayaa saldhigyo ka sameystay aaga Galcad, iyaga oo ku wajahan Ceelbuur, Galhareeri iyo Wabxo. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in Hirshabeelle iyo Galmudug laga bilaabayo Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana xusid mudan in Wajigii koowaad magaalooyin dowr ah looga saaray Al-shabaab kuwaas ay maamulayeen wax ka badan 10 sano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaan weli is-faham laga gaarin xaaladda doorashada Puntland 2024 sida ay u ekaaneyso, ayada oo weli xiisad ay taagan tahay. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu weli ku adkeysanayaa in dastuurka wax laga beddelo, gaar ahaan qodobada doorashooyinka, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinka. Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo hormuud u noqdey waan-waan ay isaga dab-qaadayeen xukuumadda iyo mucaaradka hubeysan ayaan weli miro dhalin. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in labada Isim ee Ciise iyo Bashiir ay is-faham la gaareen Madaxweynaha, kadibna ay isku dayeen in ay ku qanciyaan Isimada kale ee Garoowe ku sugan oo uu ka mid yahay Suldaan Siciid Maxamed Garaase, qorshaha ay wadeen kaas oo ahaa: 1- In dastuurka wax laga beddelo oo la kordhiyo tirada xisbiyada siyaasadeed. 2- In doorashada golaha wakiilada lagu galo xisbiyo. 3- In doorashadu ku dhacdo wakhtigeedi 8 Janaayo 2024, laguna galo baarlamaani. Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa u sheegay labada Isim ee Bashiir iyo Ciise waxa ay ka shaqeynayaan ay tahay masiirka Puntland oo keligood aysan lahayn loona baahan yahay in loo dhan yahay masiirka Puntland. Sidoo kale qodobada ay keeneen ayuu sheegay in ay ku jirto kuwii dagaalka dhaliyey ee aan laga heshiin, sidaas darteed loo baahan yahay xal kale in la helo oo ay dib ugu noqdaan Madaxweyne Deni. Maxaa la filayaa? Isimmada labada ah ee waan-waanta ku jirey waxay haystaan labada maalmood ee soo socda in ay so afjaraan waan-waanta ay wadaan, haddii aysan ku guuleysan oo aysan keenin xal lagu kala raysto markasta Golaha wakiiladu waxay bilaabayaan u codeynta wax ka beddelka dastuurka iyo ansixinta xeerka doorashooyinka. Ma cadda in loo heli karo 44 Xildhibaan oo u codeeya wax ka beddelka dastuurka, haddii taas la waayo waxay guuldarro ku noqon doonitaankii Madaxweyne Deni. Magaalada Garoowe ayaa xuddun u noqotey khilaafka taagan, horey waxaa looga reebay doorashooyinkii goloyaasha deegaanka, kadib markii siyaasiyiin ka soo jeeda ay hor istaageen iyaga oo filaayey in doorashooyinku sidaas ku baaqanayaan, laakiin waxay ka dhacdey doorashadu 33 degmo oo ka tirsanaa 37 degmo oo la doonaayey in doorashooyinku ka qabsoomaan. The post Xog: Isimada Puntland oo soo bandhigay saddex qodob oo xal u noqon kara xiisadda appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania oo ay kaga qayb galayaan Shir madaxeedka horumarinta karaanka Aadanaha ee Afrika. Shir madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabbagelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aadden horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Soomaaliyeed ee DanQaran. Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Uganda is often described as Africa’s breadbasket, but it still faces a multipronged challenge in eradicating hunger. Floods earlier this year followed a prolonged drought. Global supply disruptions sparked by the pandemic – and later the war in far-off Ukraine – sent prices soaring for imported foods at home. Source: Hiiraan Online
-
AMMAN — On Monday the Ministry of Foreign Affairs and Expatriates condemned a bomb blast that targeted an army training camp in the Somali capital, Mogadishu, killing a number of people. They labeled it as a terrorist act. Source: Hiiraan Online
-
Update: Suicide bomber targets Somali soldiers in Mogadishu
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Heavy casualties have been reported after a suicide bomber detonated an explosive vest at Mogadishu’s Jaalle Siyaad Military Academy early Monday, sources said. Source: Hiiraan Online -
The medical humanitarian organization Doctors Without Borders (MSF) announced Monday that it has decided to withdraw all its services from Somalia’s Las Anod General Hospital in the Sool region due to increased volatility and repeated security incidents that have impacted the safe delivery of medical care. Source: Hiiraan Online
-
Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu saaka oo Talaado ah si rasmi ah u guda-galo furista dastuurka. Fadhiga Baarlamanka ee saaka ayaa lagu ballansan yahay in codayn loo qaado wax ka beddelka dastuurka oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo mucaaradka. Xildhibaannada ayaa la filayaa in ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyaan wax ka beddelka dastuurka inkastoo aan weli laga heshiin khilaafka ka taagan. Dhinaca kale waxa socda waan-waanta ay wadaan Islaan Ciise iyo Islaan Bashiir ee lagu xallinayo khilaafka dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa xalay dhanka mucaaradka ka codsaday in aysan wax tallaabo ah qaadin kana war sugaan dadaallada xal raadinta ee socda si loo dhammeeyo khilaafka jira. Xogta ku gedaaman xaaladda Garoowe ayaa sidoo kale tilmaamaysa in aysan muuqan wax xiisad dagaal ah oo hadda ka taagan caasimadda. Ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo kuwa dowladda ayaa ku kala sugan xarumoodii hore ma jiraan wax dhaq dhaqaaqyo ciidan ah. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo lagu wado in uu saaka guda-galo wax ka beddelka dastuurka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku qaaday musuq maasuqa, isagoo jeediyey shan arrimood oo lagu adkeyn karo dagaalkaas, si uu u guuleysto. 1 – In madaxda uu ka go’naado dagaalka lagu suulinayo musuq maasuqa. 2 – In garsoor cadaalad ah la dhiso 3 – In la sameeyo hey’adda madax-banaan, sida maxkamad dastuuri ah, taas oo awood u leh inay qabato ilaa Madaxweynaha. 4 – In la sameeyo sharciyo aan la dhaafi karin oo adag qof kastana qaban kara. 5 – Iyo in la baaro oo musuqa ay sameynayaan oo lagu ciqaabo madaxda ugu sareysa dalka, sida wasiirrada iyo wixii ka sareeya. “Hadii aan ragga waaweyn lasoo qaban, kuwa yaryar in la bursado waxaba kuma soo kordhineyso, kumana suulayo musuqu, madaxda dowladda waa inay ka hufnaadaan musuqa, si loogu qanco,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris. Sheekh Maxamed oo u waramay TV-ga Universal ayaa la qeydiiyey waxa ay shareecada Islaamku ka qabto in qofka madaxda ah uu shaqaaleysiiyo qofka ehelkiisa ah. Shiiqa ayaa sheegay in xilligii saxaabada laga fogaa jiray in qaraabada loo eexdo, sidaas darteed aysan arrinta qaraabeysigu dal iyo raad ku laheyn islaamka, markii la joogo xukunka. Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal culus ku qaaday musuq iyo dadka sameeya, iyadoo lasoo xiray, qaarkoodna maxkamad lasoo taagay dhowr agaasime. Sidoo kale waxaa socda baaritaano iyo cagajugleyn ay wajahayaan masuuliyiin sare, halka qaar kalena ay qasab ku noqotay inay dalka isaga cararaan. Inta badan dadka qaxgaradka ah ee daneynaya in dagaalkaan uu guuleysto ayaa madaxda ugu sareysa dowladda kula talinaya in dagaalka dhab laga dhigo, si looga guuleysto musuqa oo la baaro, madaxda sare oo wasiirradu ugu horeeyaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Sheekh Maxamed Idiris oo shan arrimood kula taliyey DF, si looga guuleysto… appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay go’aankii kasoo baxay guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland. Guddoomiye Waraabe ayaa ka horyimid jadwalka doorashooyinka ee guddiga uu ku sheegay in doorashada ururrada ay horeynaysa, ayna dambeysaneyso tan Madaxtooyada, oo mucaaradka uu rabay inay soo hormarto. Waraabe ayaa uga digay Muuse Biixi iyo guddiga doorashooyinka, halka ay ku wadaan Somaliland, islamarkaana aysan aqbaleyn doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada. “Maanta ayay u darnaayeen oo waxa ay yidhaahdeen ururro ayaanu samaynaynaa, adduunka ma urur ayaa ka dhaca, waxa la raba in anaga meesha nalaga saaro,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Waxa uu sheegay in nidaamka ururada cusub lagu furay uu yahay mid aan shaqaynayn oo aan la aqbali karin, lagana leeyahay qorshe Muuse Biixi uu xukunka ku dheereysanayo. “Waxa caddaatay in kooxdani aanay cid kaleba u ogolayn xukunka, sharcigii aynu qoronay meel ayay iska dhigeen walaalayaal,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe. Sidoo kale waxa uu xukuumadda madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay isku darsatay wax qabad la’aan, xukun jacayl iyo qabyaalad, ayna dabada ku hayso guurtida oo uu sheegay in sharci darro ku joogto, xilli horay muddo kordhin ugu sameeyeen. “Waxgaradka iyo culimada waa inay u tagaan madaxweyne Biixi, kuna qanciyaan inuu ka horyimaado go’aanka guddida doorashooyinka, uuna qabto doorasho madaxweyne,” ayuu yiri Faysal oo baaq u direy wax-galka reer Somaliland. Arrimahan ayaa uga soo diraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagneyd gudaha Somaliland, taasi oo salka ku haysay kala horeynta labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada. Mucaaradka ayaa horay si adag uga horyimid in lasoo hormariyo doorashada Xisbiyada, ayna tahay in marka hore loo dareero doorashada Madaxtooyada, halka uu taasi badelkeeda ay u ololeynaysay xukuumadda Muuse Biixi, taasi oo ugu dambeyntiina sida muuqata u meel-martay. The post Faysal Cali Waraabe oo soo saaray DIGNIIN culus kadib markii madaxweyne BIIXI uu… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania. Ra’iisul Wasaare Xamza iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxay halkaasi uga qayb-galayaan shir-madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika. Shir-madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabba-gelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qayb-qaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso, taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aaddan horumarinta bulshada u leh xukuumadda Soomaaliyeed ee Dan-Qaran. Shirkan oo socon doona maalmo kooban ayaa waxa la filayaa in ay kasoo baxaan go’aamo dhaxal-gal ah, sida lagu yiri bayaan kooban oo uu soo saaray xafiiska ra’iisul wasaaraha. Xubnaha wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa kamid ah wasiirka waxbrashada, hiddaha iyo tacliinta sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale. The post Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamza oo gaaray magaalada… appeared first on Caasimada Online.
-
Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga uga qeyb-galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni ayaa marti-gelisay shirkaan oo ay ku kulmeen dalalka Soomaaliya, Talyaaniga, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Kulankaas waxaa looga arrinsanayey dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga shanta dal ee isugu timid shirkaan oo loogu magac-daray ‘Madasha Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay mudnaan gaar ah siinayso sidii ay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah ugu heli lahayd wajiga labaad ee howl-galka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale maanta ka qeyb-galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hortagga macaluusha. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shirkii maanta ee Qaramada Midoobey ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay curyaamisay abaaraha soo laalaabtay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dhanka beeraha ee ay hodonka ku tahay Soomaaliya, taas oo haddii la maal-geliyo u noqonaysa dalalka Gobolka iyo guud ahaan qaaradda dammaanad-cunto oo la isku halleyn karo. Wuxuu Madaxweynuhu ku dheraaday sharaxaada dalagyada ka baxa Soomaaaliya oo ka kooban dhammaan baahiyaha nololeed ee dadka iyo calafka xoolaha. “Soomaaliya abaarihii soo laalaabtay sanadihii la soo dhaafay waxay galaafteen nolasha kumannaan ka mid ah dadkayaga. Waxaa na soo food-saaray duruufaha nololeed ee ugu adag adduunka.” “Taas waxay nooga dhigan tahay cashar aan kaga gudubno ku tiirsanaanta gargaarka degdegga ah, iyadoo ay muhiim tahay in mashaarciidaas loo wareejiyo dhanka horumarka waara,” ayuu shirkii QM ka yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. The post Ujeedka kulankii ay Meloni isugu keentay Xasan Sheekh iyo madaxda Geeska Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Xogta ku gedaaman xaaladda Garoowe ayaa tilmaamaysa in aysan muuqan wax xiisad dagaal ah oo ka taagan magaalada. Ciidanka dowladda iyo ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ku kala sugan xarumahoodii hore islamarkaaana ma jiraan wax dhaq dhaqaaqyo ciidan ah oo ka socda caasimadda. Shirar is-daba joog ah oo xal loogu raadinayo khilaafka dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sidoo kale xalay ka qabsoomay hoyga Islaan Ciise Islaan Maxamed uu ka degan yahay magaalada. Wararka ayaa sheegaya in Islaan Ciise Islaan Maxamed uu dhanka mucaaradka ka codsaday in ay ka war sugaan waan-waanta socota islamarkaana aysan wax dhaq dhaqaaq ah samayn inta lagu jiro dadaallada xal u raadinta khilaafka labada dhinac. Dhinaca kale Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu saaka oo Talaado ah yeesho fadhigiisa caadiga ah inkastoo aysan weli caddayn in lagaga hadlayo arrinta furista dastuurka ee lagu muransan yahay. PUNTLAND POST The post Shirar ku saabsan xallinta khilaafka Puntland oo xalay ka qabsoomay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania oo ay kaga qayb galayaan Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika. Shir madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabbagelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aadden horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Soomaaliyeed ee DanQaran. Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Daarusalaam appeared first on Puntland Post.
-
Ururka IGAD oo Tabobar Ka Warbixinta Isbeddelka Cimilada u soo xidhay Afartan Suxufi Tabobbar ku saabsan ka Warbixinta iyo Tabinta wararka ku saabsan Isbeddelka Cimilada iyo saamaynta kala duwan ee ay leedahay, oo loo qabtay 40 Weriye oo ka kala socday qaybaha Warbaahinta Somaliland ayaa manta la soo gebagebeeyey. Tabobbarkan oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Saadaasha iyo Isticmaalka Xogaha Cimilada ee IGAD (Climate Prediction and Applications Centre) ee Xarunteedu tahay Nairobi, ayaa Afar maalmood ka socday Huteel Jees ee magaalada Hargeysa. Muddada uu Tabobbarku socday waxa ay Suxufiyiintu ku barteen oo fahan buuxa laga siiyey eray bixinta iyo fahamka guud ee Isbeddelka Cimilada iyo sida ugu haboon ee looga warbixin karo. Waxaanu daba socday tabobbaro xidhiidh ah oo hore Weriyeyaasha Somaliland dhawr jeer uu ugu qabtay Xafiiska arrintan u qaabbilsan Urur-goboleedka IGAD. Tabobbarka waxa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland Wasiir Cabdiqqadir Iimaan Warsame iyo Xuseen Sheekh Maxammed oo Qaybta Wacyigelinta Bulshada u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Cimilada ee IGAD iyo Cabdirashiid Cumar oo Somaliland u jooga IGAD, waxaanay ka warrameen muhiimadda fahamka xogaha la xidhiidha Isbeddelka Cimilada iyo tabinta toolmoon ee looga baahan yahay Weriyeyaashu inay uga warbixiyaan saamaynta Isbeddelka Cimiladu ku leeyahay nolosha Aadamaha, Xoolaha, Deegaanka iyo noolaha kaleba. Qaran News
