Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ana Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray shir weynaha caafimaadka Caasimadda oo sanadkii laba mar la qabto kaas oo ay isugu yimaadaan hey’addaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka ah ee bixiya adeegyada Arrimaha Caafimaadka la xariira ee ka howlgala Muqdisho. Shir weynahaan Caafimaadka la xariira oo ay soo aggaasintay Waaxda Caafimaadka ee Dowalada Hoose Xamar ayaa intiisa badan ah mid islaxisaabtan ah oo ay hey’addaha Caafimaadka kusoo gudbiyaan adeegya ay bixiyaan tayadooda iyo sida ay bulshada ugu qidmeeyaan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ana Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shirkan furay alla kula dardaarmay wakiilada ka socday hey’addaha Caafimaadka iyo madaxda waaxda caafimaadka D.H.X in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan bixinta adeegyo caafimaad oo taya leh islamarkaana loo dhimriyo dadweynaha Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. #MARNA_RASAAQ_MARNA_RASHIID INTA KALE MA ROOTI BAA 1967 BEY SOMALIYA EEDEY. INQILAABKI 1969 TAASA KEENTEY Hadda labaddan Korneyl. Caqligooddu. Waa kaas ey dalka 7 sano ku xukumayeen. Kulmiye isku warejinayaan. Ma waxey la tahey. In muuse kaahin dalka ku wareejin doono. Intuu doorasho danbe u booboo. Asxaabta Maantana Baabi’iyo. Dadkuna iska daawan doonan. Waxaan qaba. Horta kulmiye ragii damaca lahaa iskaga dhaqaaqe inta kale ee la joogtana badhna masriif baa la siiya oo lagu duleeyey. Badhna waa baqanayaan. Waxase iswdeydiin leh. Qorshaha ah Maxamedow adaa madaxtinimadda dalka iga dambeynaya sidey ku suurta galeyso. Waa riyo Maalmeed Waxaanse hubaa dareenka dadku maanta halkuu joogo. Kulmiye wuu ku wareejin karaa. Balse intuu asxaabta. Maanta muuse baabi’iyo in aanu ururo gacan ku rimisa intuu soo saaro odhaneyn Kaahin baa heley. Dorashaddii Madaxtoyadda Waayo halkaas la islaba gaadhi maayo. Dareen Shacab oo Mowjaddo ah baa ka hor imanyaa qorshahan. Waa bilaahi Towfiiq. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  3. PRESS RELEASE The State of African Energy Q2 2023 Outlook to be Launched Soon! The African Energy Chamber’s second market-focused report of the year will be launched soon, providing key insight into the continent’s oil and gas trends and outlook Access Multimedia Content JOHANNESBURG, South Africa, — The African Energy Chamber (AEC) (www.EnergyChamber.org) is proud to announce that it will soon be releasing its highly anticipated Q2 2023 Outlook, ‘The State of African Energy.’ This comprehensive report offers a detailed analysis of key trends in the global and African oil and gas industry, with a focus on Africa’s upstream outlook, Organization of Petroleum Exporting Countries (OPEC) cuts and compliance, current merger and acquisition (M&A) activities, and the state of play of African renewable energy. The outlook provides stakeholders with the information they need to make informed decisions about investing in the African energy sector, and represents a must-see for energy stakeholders worldwide. The Q2 Outlook details global and African 2023 liquids supply, forecasting that the global oil and condensate supply for 2023 will measure around 82.7 million barrels per day (bpd), 700,000 bpd lower compared to Q1 2023 estimates but showing a significant 2% year-on-year increase compared to 2022 levels. In Africa, the 2023 supply is expected to be 6.66 million bpd, marginally higher than 2022 levels. OPEC member nations, especially Nigeria, faced production outages, impacting overall African supply levels. However, the report foresees full compliance with OPEC’s 2024 production targets, with Nigeria, Angola, Congo and Gabon actually producing 370,000 bpd less than OPEC targeted production, with only Equatorial Guinea exceeding targets marginally. As the global oil market reacts to OPEC+ cuts, the Q2 report shows that Brent crude prices are influenced by the recent announcement of additional voluntary cuts by Saudi Arabia. This has led to temporary boosts in prices. However, Brent is expected to remain largely uninspired in the long run, given the persistence of a weak market. The ongoing influx of discounted Russian barrels continues to flood Asian crude and product inventories, further impacting price dynamics. On the natural gas front, the report highlights the gradual increase in global natural gas supply potential, estimated to rise from just under 400 billion cubic feet per day (bcf/d) in 2023 to over 520 bcf/d by 2035. This growth is driven by expanding potential in the United States, the Middle East, and marginally Africa. However, the ‘commercial’ potential is expected to witness slower growth, reaching approximately 440 bcf/d by the early 2030s before eventually declining. In Africa, in the near term, from 2023 through 2027 natural gas supplies are anticipated to be dominated by Algeria, Nigeria, Libya and Egypt, as well as liquefied natural gas supplies from Nigeria and Algeria. These countries are projected to contribute 80% of the African gas output during this period. Additionally, the report notes that the majority of long-term future supplies will be derived from currently undeveloped potential as legacy-producing fields approach a terminal decline without intervention expenditure. Meanwhile, the Q2 report indicates an increase in Africa’s upstream CAPEX spending ‘requirement’ from the Q1 2023 forecast of about US$442 billion over the period 2023–2030 to a higher figure of US$457 billion. This rise is attributed to higher brownfield spending and a marginal increase in spending on approved projects, while current pre-FEED discoveries witness a decrease in spending. Most of the greenfield spending in the coming decade is expected to be driven by projects in sub-Saharan Africa, as most resource volumes that are expected to see a Final Investment Decision before 2030 are located in this region. The outlook additionally provides insight into Africa’s upstream sector, stating that exploration activities have seen fruitful results with the discovery of half a billion barrels of oil equivalent (bboe) of recoverable reserves in 2023 so far. Noteworthy discoveries include Namibia’s Jonker-1X well operated by Shell Plc and Zimbabwe’s Mukuyu-1 well. The Q2 report further outlines high-impact wells to be drilled across Africa in 2023–2024, operated by both international oil majors and E&Ps alike. Africa’s upstream sector has witnessed significant M&A activity this year, with announced and completed transactions totalling over US$1.85 billion. Some notable transactions include the sale of Angolan assets by Galp to Somoil in February and the ongoing Africa Finance Corporation’s takeover of Aker Energy in Ghana, set to contribute to the total transaction value with individual values of US$655 million and US$605 million, respectively. However, the outlook goes one step further to detail Africa’s renewable energy capacity forecast. While relatively small compared to other regions, the forecast shows promising growth in the hydrogen space. Several high-activity and capacity announcements have been made in countries such as Mauritania, Egypt, South Africa, Morocco, Namibia and Djibouti. In Q2 2023, the overall announced hydrogen capacity overtook the announced solar capacity in Africa, indicating the potential for further renewable energy growth. “Amidst the evolving dynamics of the global energy market, the AEC’s Q2 2023 Outlook serves as a crucial guide for industry stakeholders. The report’s revised projections and in-depth analysis shed light on the impact of production outages, OPEC cuts, and the future of Africa’s energy landscape. As Africa continues to play a pivotal role in the global energy sector, this report underscores the need for informed decision-making to drive sustainable growth and development across the continent,” states NJ Ayuk, Executive Chairman of the AEC. The AEC’s Q2, 2023 Outlook, ‘The State of African Energy,’ will be available soon. For more information or to register to download your copy of the outlook, visit https://apo-opa.info/46YmrfT Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa Isniintii dorraad lumiyay dhalinyaro muhiim ah kadib markii qof naftii halige ah isku qarxiyay ciidan hal urur ah oo fayl ku jiray gudaha Kulliyadda Jaalle Siyaad ee wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tirada dhimashada ee ciidanka, wallow aanay dowladda weli sheegin tirada rasmiga ah ee ciidanka ku dhintay qaraxaas. Qaraxu kama dhicin banaanka, ee waxa uu ka dhacay gudaha xarunta, gaar ahaan halkii ciidanka lagu faylinayay, taasi oo deg deg u dhalineysa su’aallo badan oo u baahan jawaabo la aqbali karo. Waxaa jirta afar arrimood oo ku gadaaman weerarkaan, kuwaasi oo kala ah; 1. Baarista dhacdada Waa adag tahay in qof aan la aqoonin uu si fudud gudaha ugu galo xarunta Jaalle Siyaad oo ah goob aad loo ilaaliyo. Qofka la sheegay inuu is qarxiyay ma gudaha ayuu kusii jiray? Ma lasoo daayay? Ma ciidanka ayuu ka tirsanaa? Sidee qofkan ku tegay halkii ciidanka safka uga jireen? Waa su’aasha ugu badan ee u baahan inay dowladda baaris deg deg ah ku sameyso oo ay umadda la wadaagto. 2. Tuhunka isku milanka Horay waxaa u baahinay markii dowladda ay baaris ku sameysay isku milankii argagixisada iyo booliska in lagu faa’iiday oo baabuurtii qaraxyada ay soo geli waayeen gudaha magaalada Muqdisho, laakiin loo baahan yahay in ciidanka xoogga dhexdiisana turxaan bixin lagu sameeyo. Dhacdadii Isniintii ee kuliyadda Jaalle Siyaad waxay qasbeysa inay dowladda deg deg u billowdo baaris ku aadan cilaaqaadka argagixisada ku leedahay gudaha ciidanka xoogga dalka. Inay kooxda ogtahay xilliga ay askarta faylka ku jirto iyo inuu qofkani awood u yeesho inuu halkani yimaado waa arrin ku qabseysa dowladda inay casriyeyso mashruuceeda la dagaalanka isku milanka. 3. Qaraxyada jaakadaha oo xal deg-deg ah u baahan Qaraxii Isniintii, midkii maqaayadda Pearl Peach ee Liido iyo midkii dhawaan lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo askar la socotay dhamaan waxaa fuliyay rag sitay jaakadaha qaraxyada. Sida muuqata argagixisada halkaas ayay hadda u wareegtay, waxaana laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya laga rabaa xal iyo qorshe gaar ah oo jaakadaha qaraxyada ku saabsan. Sidoo kalena goobaha ganacsiyada ee bulshada ku kulanto waa inay baaris gaar ah galiyaan dhamaan dadka jaakadaha sita ee imaanaya goobaha muhiimka ah. 4. Argagixisada oo xooggeeda iskugu geysay ciidanka milatariga Sida muuqata Al-Shabaab waxay si gaar ah u bartilmaameedsaneysaa ciidanka xoogga dalka, oo sababay muddo sanad ah in dhul badan laga qabsado kooxda. Dhowrkii weerar ee ugu dambeeyay oo ay kooxda u gaar yeeshay ciidanka xoogga dalka waxay milatariga fareysaa foojignaan, diyaar-garow iyo jawaab celin. The post Afar arrin oo xasaasi ah oo ku gadaaman weerarkii Kulliyadda appeared first on Caasimada Online.
  5. Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa lagu wadaa inuu maanta isku shaandhayn ku sameeyo golihiisa wasiirada, iyada oo Soomaalida dalkaasi ku nool ay si dhaw isha ugu haya xubnaha ku sii nagaan doona golahaasi iyo waliba kuwa cusub ee ka mid noqon doona maadaama wasiir Soomaali-Canadian ah uu in muddo ah ka mid ahaa golaha wasiirada dalkaasi. Source
  6. Hoggaanka iyo Guddida Fulinta ee xisbiga WADDANI ayaa maanta shir ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Kulankan ayaa lagu gorfaynayay arrimo masiiri ah oo ku aaddan mawqifka xisbiga ee arrimaha siyaasadda iyo amniga ee dalka ka taaggan. Source
  7. Baidoa (HOL) - Somali government troops recaptured Goofgaduud Burey, a district located 30km west of Baidoa, on Wednesday after al-Shabaab briefly took control of it on Sunday. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday askari ka tirsan ciidamada milatariga dowlada federalka Soomaaliya, kaas oo sabab yaableh u dilay nin lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamed Xeri. Maxkamadda ayaa maanta soo gabagabeysay maxkamadeynta askarigan oo si gaar ah uga tirsanaa ciidanka gaarka ah ee ilaalada qaran, kaas oo qirtay dilka lagu soo eedeeyay. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Xasan Xuseen Nuur ayaa lagu helay inuu si bareer ah u dilay marxuumka, kadib markii uu ku yiri Jareer ayaa tahay, taas oo la sheegay in askariga oo hubeysnaa uu dhibsaday, kadibna uu dilay ninkaas oo la oran jiray Xuseen Maxamed. Xasan Xuseen Nuur ayaa kasoo hormuuqday maxkamadda, isaga oo ku doodaya in lagu yiri Jareer ayaad tahay, kadibna fal-celintiisa ay noqotay in uu riishadda ku dhago. Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyntii ku dhowaaqday xukunka, waxaana Xasan Xuseen Nuur lagu xukumaty dil toogasho oo ah qasaasta marxuumkii uu horay u dilay, sida uu sheegay Garsoorka Maxkamada Ciidamada. Arrintan ayaa dad badan lama filaan ku noqotay, kuwaas oo hadal haya sababta la yaabka leh ee askariga u dilay marxuumka. Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada ayaa sidaan oo kale horay u xukuntay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo dilal ka geystay magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka. The post Askari dilay nin ku yiri “Jareer ayaa tahay” oo maanta ay go’aan ka gaartay maxkamad appeared first on Caasimada Online.
  9. Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada maamul goboleedka HirShabelle, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafadaha magaaladaas. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Horseed, gaar ahaan garooonka kubbada cagta Xasey Kumari. Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online in qaraxan lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada ATMIS oo marayay halkaasi, balse ma cadda khasaaraha kasoo gaaray. Qarax kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska HirShabelle oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaashu. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha iyo madaxda HirShabelle oo ku aadana qaraxaas lala beegsaday ciidanka howlgalka ATMIS. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa xaafadda Horseed oo ah goobta uu qaraxu ka dhacay. Jowhar ayaa maalmihii dambe waxaa ka dhacayay falal amni darri, waxaana u dambeeyay qarixii todobaadkan lagu dilay Daahir Maxamed Kaanti oo ahaa sarkaal ka tirsanaa waaxda maaliyadda dowladda hoose ee Jowhar, kaas oo ku sugnaa suuqa xoolaha ee magaaladaasi. Waxaa sidoo kale isla qaraxaas ku dhaawacmay askar kale oo ka tirsan ciidamada ammaanka oo iyaguna ku sugnaa goobta, xilliga uu weerarka dhacayay. Si kastaba, waxaa magaaladaan Jowhar horay weeraro culus uga fulisay Al-Shabaab oo marar badan is-miidaamin ku qaaday Jowhar oo xarun u ah dowlad goboleedka HirShablle, The post Faah-faahin ku saabsan QARAX ka dhacay Jowhar appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa si adag uga hadlay weerarkii askarta badan lagu laayay ee maalin kahor ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho. Xildhibaano dhowr ah oo madasha ka hadlay ayaa qiray inuu jiro qorshe loo diyaariyay ciidankaasi oo la gala shaqeeyay kooxda Al-Shabaab. Maxamed Cabdi Maareeye oo kamid ah xildhibaanadaas ayaa shaaca ka qaaday in su’aallo badan ay ka dhasheen weerarkii is-miidaaminta ee Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad. “Dhacdadaa darraad ka dhacday Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ah meeshii ugu adkeyd ee ciidan lagu tababaro su’aallo badan baa ku wareegsan ficilkaas Argagixisada ah ay dhalinyaradu ku dhammaadeen” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaa kamid ah su’aalaha ciidanka halkaas ku xareysan la keenay oo waxay ahaayeen ciidan tababaran oo dagaal adag la galay Argagixisada oo awalba howlgalka ku jiray oo shaqo fiican qabtay ayey ahaayeen, sababta halkaa loo keenay oo haddana loo dayacay su’aal weeye”. Xildhibaanka ayaa sidoo kale su’aal ka keenay sida ay warbaahinta qaar uga gaabisay tabinta dhacdadaasi, wuxuuna tilmaamay in arrintan ay tahay silsilad isku xiran. “Waxyaalaha aanu la yaabay waxaa kaloo kamid ah markii uu qaraxu dhacay warbaahintii qaraxa ka sheekeyn jirtay kama hadlin, waa wax la yaableh sida loo gaaray dhammaan wixii Social Media-ahaa oo ay ka gaabiyaan dhacdadaas weyn” ayuu mar kale yiri. Waxaa kale oo uu soo jeediyay in baarlamaanka uu qaado tallaabo deg-deg ah, isla-markaana uu magacaabo guddi daba-gala baarista weerarkaasi. “Waxaan soo jeedinayaa in halkan laga magacaabo guddi baarlamaani ah markii ugu horreysay ka duwan sidii hore oo dabagal ku sameeya in baarista ay si xaqa u socoto” ayuu sii raaciyay. Dhankiisa Xidlhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa codkiisa ku biiray in loo baahan yahay in dib loogu laabto systemka shaqaalaha, si loo hubiyo dhammaan dadka u shaqeeya dowladda. “Waa in la helo system lagu xaqiijin karo dadka dowladda u shaqeeya cidda la aamini karo iyo cidda aan la aamini karin, macquul maaha in saraakiishii iyo dadkii mas’uuliyiinta ahaa aa iska ilaalisid oo lafahaaga ku aamini weysid” ayuu isna yiri Mudane Cabdirashiid Xidig. Hadalka kasoo baxay baarlamaanka dalka ayaa kusoo aadayo, ayada oo shaki xoogleh uu ka dhashay qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad, waxaana loo soo xiray illaa saddex sarkaal, ka dib markii uu soo galay raadka ah inay fududeeyeen weerarkaas oo ay sheegatay Shabaab. The post Daawo: Shakiga qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad oo gaaray BF appeared first on Caasimada Online.
  11. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dib ula wareegay gacan ku heenta degaanka Goofgaduud-buurey ee gobolka Bay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo maalmahaan ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab. Deegaanka Goof Gaduud Buureey oo duleedka magaalada Beydhabo ah dhowr jeerna ay ku dagaalameen ciidmada dowlada kuwa daraawiishta koonfur galbeed oo isku dhinac ah iyo AS waxaa ka dhashay khasaaro soo kala gaaray labada dhinac. Deegaan oo ah istiraatiiji oo laga difaaco amaanka magaalada Beydhabo ayaa AS dhowr jeer isku dayeen in ay la wareegaan gacan ku heenta deegaanka. Taliska qeybta 60-aad ee ciidmada xooga dalka ayaa xaqiijiyay in ay dib ula wareegeen deegaanka Goof Guduud buureey oo 30 km u jira magaalada beydhabo oo xaruta K/M u ah maamulka koonfur galbeed. Ciidmada xooga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa AS kala wareegay deegaano badan oo katirsan dalka gaara ahaan bartama iyo koonfurta dalka. Waxaana wali howlgalo ay ciidmada dowlada iyo dadka deegaanka ay kawadaan deegaano katirsan maamulada Galmudug,hiirshabeelle koonfur galbeed iyo jubbland. Wajiga 1-aad ee dagaalka dowlada soomaaliya ay kula jirto ururka AS oo gabo-gabo ah ayaa lafilayaa in dhawaan madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu daah furo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah AS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Garsoore heer federaal ah oo Maraykan ah ayaa meesha ka saaray, siyaasad la xidhiidha magangalyada oo uu dhawaan dhaqan galiyay madaxweyne Biden. Go’aankan ayaa dhabar jab ku noqonaya dedaallada maamulkiisa uu ku doonayo in lagu xakameeyo muhaajiriinta dalka ka soo gala xuduudda Koonfureed ee Mexico. Grasoore Jon Tigar ayaa sharci darro ku tilmaamay in dadka magan-gelyo-doonka ah ay iyagoo dalalkooda jooga soo codsadaan gelitaanka Maraykanka, ama ay ka soo codsadaan waddamada xuduudda la leh Mareykanka.. Source
  13. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Wafti Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo, aya gaaray Magaalada Belgrade ee Caasimada Dalka Seerbiya, halkaas oo uu safar shaqo u joogidoona mudo 4 casho ah, isaga oo la kulmi doona mas’uuliyiin kale duwan. Taliyaha iyo Waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka socday safaarada Soomaliya ee Seerbiya iyo Masuuliyiin ka socda Dowlada Seerbiya, sidoo kale taliyuhu wuxuu la kulmay, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Seerbiya, Mudane. Maxamed Cabdulahi Axmed, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Seerbiya, Mudane. Bratislav Gašić, Taliye Xigeenadda Booliska Seerbia ee kala ah General Miomir Pajić iyo Bratislav Pavlović. Taliyaha hogaan Arimaha Dibadda ahna Taliyaha Interpol Col. Miloš Andjić iyo Saraakiil kale. Kulanka ayaa looga hadlay iskaashi farsamo ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada iyo Dambiyada Abaabulan, la iskuna dhaafsaday hadiyado ka turjumaya labada Taliska Ciidanka Boliiska ee Seerbiya iyo taliska ciidaka Booliiska Soomaaliya, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Ugu yaraan 34 qof oo ay ku jiraan toddobo askari ayaa lagu dilay weerar ay kooxo budhcad ah ku qaadeen gobolka waqooyi-galbeed ee Nigeria ee Zamfara, sida uu sheegay Ismaaciil Magaji, oo ah madaxa kooxaha feejiganaanta ee dadka deegaanka. Weerarkan oo ka dhacay degmada Dan Gulbi ee fog ee ismaamulka Maru ee gobolkaasi ayaa dhacay galabnimadii Isniinta, sida uu wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Ismaaciil Magaji. Lawali Zonai, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa yiri, “27 ka mid ah dadka tuulada ayaa lagu dilay weerarka, halka 7 ka mid ah ciidamada milateriga la weeraray ay u socday inay bulshada ka caawiyaan weerarka foosha xun.” Kooxo budhcad ah oo si aad ah u hubeysan oo ay dadku ugu yeeraan “Burcad” ayaa dhibaato xooggan ka geystay waqooyi-galbeed ee Nigeria saddexdii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo qafaashay kumannaan qof, iyagoo dilay boqolaal, kana dhigay meel aan ammaan ahayn in lagu safro. Weerarada ayaa jahawareer ku riday ciidamada ammaanka Nigeria oo si xad dhaaf ah ula dagaalamaya waxa loogu yeero ‘kacdoonka islaamiyiinta’ ee 14-ka sano ka socday waqooyi bari. Source
  15. Garowe (HOL) - Puntland's opposition politicians are threatening to conduct a unilateral election after January 8, 2024, only if President Said Deni attempts to extend his term and fails to hold the scheduled regional elections. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacDay degmada Yaaqshiid ayaa ka hadlay weerarkii Isniintii ka dhacay gudaha Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegatay Al-Shabab. MadaalE ayaa su’aallo ka keenay weerarkan oo ahaa is-miidaamin, isla-markaana lagu beegsaday ciidamo ku sugnaa gudaha xeradaas oo amnigeeda si weyn loo ilaaliyo. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada askarta lagu laayAy weerarkaas, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg deg ah. “Waxaan ka tacsiyeynayaa qaraxii ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad oo ciidamo halkaasi faylsanaa mid inta uu isa soo miidaamiyay isku qarxiyay” ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Su’aasha qiyaamo ku sugeysaa waxay tahay (بِاَيِّ ذَنْۢبٍ قُتِلَتْۚ) qofkaani maxaa ku dishay?. Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadalkiisa sii wataa ayaa sidoo kale la gar-naqsaday kooxda Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in arrin nasiib darro ay tahay in qofka uu is qarxiyo. “Runtii waa nasiib darro inuu naftiisii goo gooyo jirkiisa, cad cad uu haado, madaxiisa uun uu soo haro, isaga oo dhahaayo waa ku Janno tegaayaa” ayuu mar kale yiri Madaale. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo tuhun uu xoogleh uu ka dhashay qaraxii ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad oo haatan loo soo xiray illaa saddex sarkaal oo loo haysto inay wax ka fududeeyeen, gaar ahaan in ninka is qarxiyay ay geliyeen gudaha xeradaasi. Weerakan ayaa sababay dhimashada illaa 25 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan The post Daawo: Madaale oo su’aallo ka keenay weerarkii xarunta Kulliyadda Jaalle Siyaad appeared first on Caasimada Online.
  17. Watch Lionel Messi make his starting debut for Inter Miami, scoring 2 goals and 1 assist in Leagues Cup match vs. Atlanta United. Miami would dominate Atlanta in a 4-0 clean sheet victory. Source: Hiiraan Online
  18. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa si hoose shaqa joojin ugu sameeyay Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland S/Gaas Abshir London oo ku maqan dalka dibaddiisa. Shaqa joojinta waxa ka horraysay in dhammaan xuquuqdii iyo mushaarkii laba Todobaad ka hor laga jaray Gen. London oo aan weli xilka laga qaadin. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale xaqiijinaya in dhawaan ciidan hubaysan u daateen guriga taliye Abshir London islamarkaana hub iyo agab ciidan ka qaateen. Wararka ayaa intaas ku daraya in khilaafka Siciid Deni iyo Abshir London uu markii hore ka bilowday hab-maamulka hoggaaminta ciidamada difaaca Puntland. Intaas kadib Gen. London oo weli haya xilka taliyaha ciidanka Daraawiishta ayaa dalka isaga baxay waxaana ugu danbayn laga joojiyay shaqadii. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo shaqa joojin ku sameeyay Taliyihii ciidanka Daraawiishta appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta kasoo muuqday laba agaasime oo loo haysto musuq, gaar ahaan xatooto xoolo dadweyne. Labada mas’uul ayaa ka ah Cabdullaahi Maxamed Cali, agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS iyo agaasimihii xilkan kaga horreeyay Maxamed Cadde Mukhtaar, kuwaas oo kamid ah mas’uuliyiinta haatan loo soo xiray musuq-maasuqa. Ugu horreyn guddoomiyaha maxkamadda ayaa goobta ka aqriyay eedda loo haysto labada agaasime, taas oo ah musuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale eedda kusoo bandhigay lunsashada lacag malaayiin dollar ah oo loo haysto labada eedeysane, taas oo ay soo gudbisay xeer ilaalinta qaranka. Eedeysanaha koowaad oo ah Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu qaatay lacag dhan 8 Milyan 667 kun 220 Dollar, taas oo la waayey intii u dhexeysay 6 August ee sanadkii 2020-kii illaa 20-ka bishii April ee sanadkan aynu ku jirno 2023-ka. Sidoo kale waxa lagu eedeeyay inuu tirtiray raadka, isla-markaana uu sii xawilay lacagtaas oo uu uga faa’iideystay si shaqsiyan ah, sida lagu xusay eedda labaad. Sidoo kale Maxamed Cadde Mukhtaar oo isna ah agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacag gaareyso 3 milyan 604 kun iyo 900 oo dollar taas oo lagu waayay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Maxamed Cadde ayaa sidoo kale loo haystaa inuu tirtiray raadka, isla-markaana uu si shaqsiyan ah uga faa’iideystay lacagtaasi malaayiinta dollar ah. Labada eedeysane oo ka hor hadlay maxkamadda ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana haatan socda dood u dhexeyso qareenada iyo xeer ilaalinta qaranka. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka The post Daawo: Laba agaasime oo la horgeeyay Maxkamadda Gobolka + Lacagta loo haysto appeared first on Caasimada Online.
  20. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane , Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay qaraxii ay Al-shabaab dhowaan ka geysatay Kulliyadda Jaalle Siyaad oo uu tababar ugu socday dhallinyaro loo diyaarinayay ka mid noqoshada Ciidanka XDS. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kaga qayb galaya shir madaxeedka horumarinta karaanka Aadanaha ee Afrika ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Xeradaasi. Xamsa ayaa falkaasi ku tilmaamay mid fulaynimo ah, wuxuuna tacsi u diray ehelada askartii ku geeriyootay qaraxaas, kaas uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo soo galay xerada, kaas oo isku qarxiyay meel lagu feylinaayay ciidanka cusub. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ammaan u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Tanzania, wuxuuna sheegay in ay yihiin bulsho door wanaagsan ka qaadan karto dib u dhiska dalka, waxaana uu ugu baaqay in ay dalkooda maalgashtaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay dedaalladii ay xukuumaddu u martay samata bixinta dadkii ay saamaynta ku yeelatay abaarta, sidii ay ula wadaageen beesha caalamka, sugidda amniga, la dagaallanka Al-shabaab iyo kaalintii ay shacabku ka qaateen. Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dedaalka ay dowladdu ugu jirto in ay kaga kaaftoonto deeqaha kaalmada ah ee Caalamku siiyo Soomaaliya iyo ku tiirsanaanta , isagoo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzaniyana ku boorriyay in ay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo hadal ka jeediyay maanta Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siisay arrinta mowduuca shirka, oo ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in iyadoo ay jiraan caqabado dhawr ah oo ku horgudban waxbarashada Soomaaliya, haddana ay Xukuumaddu ku guuleysatay inay qorto 3000 oo macallin cusub ah, isla markaana ay kor u qaadday tayada waxbarashada dalka. Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo hadal ka jeediyay Madasha Shir Madaxeedka Afrika appeared first on Puntland Post.
  22. Gadood ciidan oo xooggan ayaa sida lagu soo warramayo maalmahan ka taagan Taliska Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde. Ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka Laascaanood ayaa waxa saamayn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed ee gudaha Somaliland. Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in dhawaan ciidamo ka goostay Taliska Gooja-cadde ay ku biireen jabhad ka samaysan tahay gudaha Somaliland. Intaas kadib waxa xabsiga loo taxaabay saraakiil laga shakiyay oo hal beel ka soo jeeda waxaana la sheegayaa in uu tallaabadaas ka dhashay gadood ciidan oo xoogan. Gadoodka ayaa imaanaya xilli uu weli duleedka Laascaanood ka taagan yahay dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Gadood xooggan oo maalmahan ka taagan Taliska Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde appeared first on Puntland Post.
  23. Mucaaradka dowlad goboleedka Puntland ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay go’aankii kasoo baxay golaha Wakiillada ee lagu ansixiyay furis iyo wax ka bedelka Dastuurka Maamulkaas, xilli wadahadlladii u dhaxeeyay labada dhinac ay wiiqmeen, kaas oo ay garwadeenka ka ahaayeen Isimada Puntland. Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland haddana ah mid kamid ah xubnaha Mucaaradka Xasan Shire Abgaal oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay madaxweyne Siciid Deni inuu diiday inuu dhageysto Isimada ku jira waanwaanta, taas badelkeedana uu qaaday tallaabadii dhacday. Xasan Shire Abgaal ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda ay qaateen soo jeedintii Isimada, kuwaas oo sheegay in ay u kala dabqaadayaan labada dhinac oo ay go’aan kasoo saarayaan arrinta Dastuurka, laakiin madaxweyne Deni uu diiday inuu ka tanaasulo furista Dastuurka iyo Wax ka badelkiisa. Maxamed Abdiraxmaan Faroore oo dhankiisa ka qeyb galayay dood ka socotay Twitter Space-ka ayaa sheegay in doorashooyinkii golaha deegaanka ay ka dhacday isdabamarin sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu ku eedeeyay wadahadalladii fashilmay madaxweynaha talada haya Siciid Deni. Tallaabadii uu qaaday golaha Wakiillada ayaa gabi ahaan hakad galisay dadaalladii ay isimadu ku doonayeen in xal waara looga gaaro arrinta Puntland ee ka dhalatay Dastuurka, arrintaan ayaa hubanti la’aan dhanka amniga ah waxaa ay galinaysaa magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Bulshada ku dhaqan caasimadda ee Garoowe ayaa walaac xooggan ka qaba hadallada iska soo horjeeda ee kasoo baxaya madaxweyne Deni iyo xoogagga mucaaradka, kuwaas oo sharci darro ku tilmaamay tallaabada golaha wakiillada ku meel mariyay furista iyo wax kabedelka Dastuurka. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa lasoo sheegayaa inuu diidan yahay in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talago galay, waxaana xukuumaddu ku doodaysaa doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto hoggaanka maamulka Puntland. Mucaaradka ayaa dhankooda miiska soo saaray in aysan jirin baahi loo qabo in la furo Dastuur, waxaana ay ka dalbadeen xukuumadda in ay doorashada ku qabato xilligii loogu talo galay, mana jiraan iskusoo dhawaasho ay muujinayaan labada dhinac ee ishaya. Taliyaha Booliiska gobolka Nugaalka Guddoomiyaha gobolka , Guddoomiyaha degmada ayaa si wadajir ah u sheegay in aysan jirin wax amni darro ah oo ka jiro Garoowe, taas oo keeni karta in laga qaxo, waxaana ay ugu baaqeen bulshada in ay isdajiyaan. Magaalada Garowe ayaa waxaa ka taagan qalalaase dhanka amniga ah iyo hubanti la’aan , iyada oo qaar ka mid ah shacabka magaalada ay isaga barakaceen, kuwaas oo mar kale ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo, waxaana jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la dareemayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com