Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. LONDON, July 26 (Reuters) - African leaders will look to Russian President Vladimir Putin for concrete promises on grain supplies at a summit starting on Thursday, with some also likely to seek clarity and assurances on the future of Wagner mercenaries in the continent. Source: Hiiraan Online
  2. Dublin (Caasimada Online) – Fanaanaddii caanka aheyd ee Irish-ka, ee markii dambe qaadatay diinta Islaamka, Sinead O’Connor ayaa geeriyootay Arbacadii, waxaa sidaas ku warramay warbaahinta Ireland. War-saxaafadeed ay soo saareen qoyskeeda, oo ay baahisay warbaahinta dowladda Ireland ee RTE ayey ku yiraahdeen “Waxaan annaga oo aad uga murugsan ku dhowaaqeynaa geerida Sinead. Qoyskeeda iyo saaxiibadeeda aad ayey u murugsan yihiin, waxaana xilligan adag codsaneynaa ilaalinta xogteena gaarka ah.” Qoyskeeda ma aysan shaacin sababta dhimashadeeda. Waxa ay aheyd 56 jir. Bishii October 2018, Sinead ayaa ku dhowaaqday inay qaadatay diinta Islaamka. “Waxaan ku faraxsanahay inaan noqday Muslim,” ayey tiri. Waxay sheegtay in go’aankeedu ahaa “mid dabiici ah oo uu gaaray qof caqli leh ,” waxayna baahisay xilligaas muuqaal ayada oo aadameysa. Waxay kadib qaadatay magaca Shuhada’ Sadaqat. Sinead O’Connor oo ku dhalatay Dublin ayaa soo saaraty 10 album oo ay ka mid yihiin “I Do Not Want What I Haven’t Got” iyo “I’m not Bossy, I’m the Boss Madaxweynaha Ireland Michael Higgins ayaa sheegay in Ireland ay waysay “mid ka mid ah heesayaashii iyo curiyayaashii ugu weynaa ee soo mara sanadihii dhowaa.” Waxa uu ku ammaanay “Cabsi la’aanta ay ugu hiilisay arrimaha muhiimka ah ee ay ku soo jiidatay dareenka dadweynaha, iyada oo aan eegin sida loo dhibsaday runta.” O’Connor waxay ifka kaga tagtay saddex caruur ah, waxaana la sheegay inay ku nooleyd oo ay waqtigeeda u kala qaybin jirtay Ireland iyo Britain ka hor dhimashadeeda. The post Fanaanaddii caanka aheyd ee diinta Islaamka qaadatay oo geeriyootay (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  3. Those who survived dangerous crossings often fear the water but are now being given lessons to tackle this head on. Source: Hiiraan Online
  4. On a recent afternoon, white dust blown by the scorching summer wind swirled over Adado football stadium on the outskirts of Adado town in central Somalia’s Galmudug State. Source: Hiiraan Online
  5. Dar Es Salaam (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta hadal ka jeediyay shir-madaxeedka Afrika ee horumarinta awoodda aadanaha ee ka furmay magaalada ee dalka Tanzania. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siisay arrinta mowduuca shirka, oo ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka. Sidoo kale waxa uu sheegay in iyada oo ay jiraan caqabado dhawr ah oo ku hor-gudban waxbarashada Soomaaliya, haddana ay xukuumaddu ku guuleysatay inay qorto 3000 oo macallin cusub ah, islamarkaana ay kor u qaadday tayada waxbarashada dalka. Xubnaha wafdiga ra’iisul wasaaraha ee ku wehliya shirkaan ayaa waxaa kamid ah wasiirka waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada iyo masuuuliyiin kale. Arrinta macallimiinta ee ra’iisul wasaaraha kaga faanay shirka ayaa waxaa dul hoganeysa fadeexad xooggan, kadib markii maamulka HirShabeelle uu musuq-maasuqay macallimiinta maamulkaasi la siiyay, ayna leexsatay Madaxtooyada HirShabeelle. Inkasta oo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay beenisay fadeexaddaasi haddana sida ay horay usoo dusiyeen saraakiil HirShabeelle ah, kala bar mushaarkii loo qoray 100-ka macalin waxaa leexsatay Madaxtooyada HirShabeelle. Xogtaas oo ay heshay Caasimada Online ayaa tibaaxeysa in boosaskaas lagu qoray shaqaale ka tirsan madaxtooyada, askar, shaqaalaha Nadaafada Madaxtooyada HirShabeelle iyo dhalinyaro Muqdisho Jaamacado ka dhigta. Dad badan ayaa arrintaas ku tilmaamay nasiib darro weyn iyo maareyn la’aan maamul oo ka jirta HirShabeelle, gaar ahaan Jowhar, taasi oo ka dhigan in eedda dhan ay dusha ka fuuleyso Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe. Hase yeeshe waxaa la dafiri karin in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda Xamza ay dadaal badan galiynayso tayeynta waxbarashada dalka, inkasta oo ay weli u dhiman tahay shaqo badan oo ay tahay in si deg deg ah wax looga qabto. The post DF Soomaaliya oo shirka Tanzania kaga faantay arrin fadeexad culus ay ka dhalatay appeared first on Caasimada Online.
  6. Founders of the Somali Digital Media Academy say women's involvement in the Mogadishu film industry is surging. Abdiaziz Barrow spoke to women who are contributing to the visual history of their country in this report from the Somali capital, narrated by Salem Solomon. Camera — Abdulkadir Zubeyr Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay markii labaad la dhageystay dacwad la xiriirta musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne. Xubnaha shalay maxkamadda saarna ayaa ka tirsan wasaaradda Maaliyadda ee dowladda federaalka iyo Bankiga Dhexe ee dalka. Khamiistii lasoo dhaafay iyagana waxaa maxkamad la saaray xubno ka tirsanaa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha. Sidoo kale Khamiista soo aadan waxaa la filayaa in la maxkamadeeyo xubno ka socda wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada. Saddexdaan dhinac ayaa loo haysta lacag 21 Milyan oo dollar ah oo ay baarayaasha dowladda sheegeen in la xaday tan iyo 2018-kii. Xubno kale oo isla kiiskaan ku eedeysan ayaa ka maqan dalka. Afar dhinac waa u faa’iido haddii kiiskaan ku dhamaado si sax ah oo caddaalad ah, kuwaasi oo kala ah; Midda koowaad waa qaranka; Muddo fog waxaa yareyd aaminada uu adduunka ku qabo dowladda Soomaaliya, sababaha keenaya aaminad darada waxaa kamid aheyd dhacdooyinka musuqa ee Soomaaliya dhigay kaalinta ugu hooseysay xagga musuq-maasuqa adduunka oo dhan. Qaran si loo jeedo ula diriraya musuq-maasuqa maanta wuxuu helayaa kalsooni caalami ah iyo aaminad qaran. Midda labaad waa dadweynaha; Soomaalidu waxay u badan yihiin bulsho sabool ah, xooggaagii yaraa ee canshuurta iyo deeqaha ahaa waxaa lagu sameeyay musuq-maasuq xoog leh, dagaalka musuqa ah ee socda wuxuu badbaadinaya hantida dadweynaha Soomaaliyeed. Midda saddexaad waa dadka xilalka loo dhiibay; Dadka madaxda ah ee umadda xilka u haya in la xisaabiyo oo si joogta ah loo daba-galo iyaga ayay dan u tahay. Waxay kala badbaadinaysa iyaga iyo xoolaha umadda, oo ay waxay keenaysa inay noqdaan kuwa nadiif ah oo sharaf ku dhex jooga dadkooda iyo helista xoolo aan la tuhunsaneyn. Midda afaraad waa kooxda xukunka haysa; Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud haddii ay kiiskaan si fiican u maareeyaan, si guudna ugu guuleystaan inay xadidaan musuqa xadhkaha goostay 14-kii sano ee lasoo dhaafay, waxay ka xaabsan doonaan dhibco siyaasadeed, waxay ku guuleysan doonaan inay kor u qaadan dakhliga, waxa u sahlanaan doonta dhameystirka deyn cafinta, waxayna ka faa’iidi doonaan dhaxal siyaasadeed oo ay kula dhigtaan mucaaradkooda doorashada soo aadan. Si weyn ayay dadka Soomaalida isha ugu wada hayaan gunaanadka kiiska hadda taagan ee musuqa iyo guud ahaan sida ay dowladdan u dhaqan-geliso mashruuceeda musuq-maasuq la dirirka. The post MUQDISHO iyo dacwadda musuq-musuqa: Farriinta ay u direyso afar dhinac appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga howlgalka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Souef Mohammed El-Amnie. Danjiraha oo marka hore ka tacsiyeeyay askartii ku shahiiday weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Shabaab shalay ka geystay kuliyaddda tababarrada ciidamada ee Jaalle Siyaad. Danjire Souef Mohammed El-Amnie ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay shaqada ATMIS, halka ay mareyso iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaariijta ah. Sidoo kale kulanka waxaa danjiraha ku wehlinayay taliyaha cusub ee Ciidamada Howlgalka nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya Gen. Sam. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, haatana ku simaha madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe oo shalay war ka soo saaray weerarkaas ayaa si adag u cambaareeyay, isagaoo ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo ah oo lagu soo qaaday ciidamada Xoogga dalka. “Waxaan cambaareyneynaa falkii fuleynimada lahaa, naxariis darrada ahaa ee shalay dhibaatadaas lagu gaarsiiyay ciidamada qalabka sida ee Ummadda Soomaaliyeed u shaqeynaayay, waana ka xunahay,” ayuu yiri Aadan Madoobe shalay. “Meesha shalay raggaasi lagu baabi’iyay meel la’iska imaan karo ma’aha, meel caadi ah ma’aha, meeshaas waxaa ka muuqata mas’uuliyad xumo ayaa ka muuqato, laakiin qaa’imiin inay arrintaas fududeeyeen shaki weyn ayaa igaaga muuqda arrintaas aniga, wax loo dulqaadan karana ma’aha,” ayuu yiri Aadan Madoobe oo xanaaqsan. Ugu yaraan 25 askari ayaa lagu dilay qaraxaas halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, ciidankaas waxaa la sheegay in ku dhawaad 20 askari ay dhaawac halis ah yihiin. The post Wararkii ugu dambeeyey ee tallaabooyinkii ka dambeeyey qaraxii askarta lagu laayey appeared first on Caasimada Online.
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wakiillada ee Puntland ayaa shalay meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka, taasi oo dhawaan sababteeda ay in ka badan labaatan ruux ugu dhinteen caasimada maamulkaas ee Garoowe. Ku dhawaad hal bil oo la is-horfadhiyay, xildhibaanada taabacsan Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku guuleystay meel-marinta wax ka beddel lagu sameeyay illaa toddoba qodob oo kamid ah dastuurka Puntland. Markii hore wixii la isku dilay waxay ahaayeen hal qodob laakiin shalay Baarlamaanka lix qodob oo cusub ayuu ku kabay sida uu ku dooday Xasan Shire Abgaal oo kamid ah xubnaha kasoo horjeeda dastuur furista. Qodobbada ay shalay beddeleen golaha wakiiladda ee Puntland waxaa ugu muhiimsan qodobka doorashada hoggaamiyaha maamulka, ku-xigeenkiisa iyo xubnaha golaha wakiiladda. Markii hore odayaal dhaqan ayaa soo qori jiray 66 wakiil, kuwaasi oo dooranaayay hoggaamiyaha maamulka iyo ku-xigeenkiisa. Hadda waxaa la ansixiyay inay shacabka doortaan hoggaamiyaha maamulka, ku-xigeenkiisa iyo wakiiladda 66-ka ah. Sidoo kale waxaa dhamaan xisbiyo noqday sagaalkii ururr siyaasadeed ee Puntland, xitaa kuwa aan codeyntii labaad ka qeyb-galin, taasi oo wax aan sharciyad iyo caqliyad ku dhisneyn ku tilmaamay Xasan Shire Abgaal oo ah ninka hadda ugu miisaanka culus mucaaradka Saciid Deni. In doorashada soo aadan ay noqon doonto qof iyo cod ayay ansixiyeen golaha wakiiladda. Arrintaan waxay kusoo aaday iyada oo dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay waan-waan wadeen odayaasha dhaqanka. Mucaaradka waxay dalbadeen in odayaasha ka jawaaban falkii shalay dhacay, waxay qabaan in aanay tani wax badan ka duwaneyn labadii sano ee baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya uu bishii April 2021 uu siiyay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xubno kamid ah ururada siyaasadeed ee Puntland ee diidan wax ka beddelka dastuurka ayaa shalay dacwo u gudbiyay maxkamadda sare ee Puntland. Mucaaradka waxay muujinayaan rejo ah in wixii shalay la sheegay aanay waxba ka dhaqan-geli doonin oo wax walba sidii hore ku socon doonaan, doorashadana ay dhaafi karin 8-da Janaayo. Aragtida ah in Saciid Deni uu weli rabo muddo kororsi ayaa xooggan, maadaama aanay macquul aheyn in shanta billood ee u hartay lagu qabto doorasho qof iyo cod ah. Kooxda Deni waxay u muuqdaan inay xooggaa ku adkaadeen lagdan siyaasadeedka oo ay golaha wakiiladda wixii ay rabeen, laakiin su’aasha aan weli jawaabteedu fududeyn waxay tahay Saciid Deni sida uu maanta u dhigay berri ma u dhaqan-galin karaa?. Haddii uu Saciid Deni qabto 8-da Janaayo doorasho heshiis lagu yahay, dad badan ayaa aaminsan inuu leeyahay fursad xooggan oo soo laabasho ah. Laakiin haddii uu dhinaca muddo kororsiga jalleeco ama dhaqan-gelinta mid aan loo dhameyn wax badan ayaa ka halaabi kara. Guushii shalay ee golaha wakiiladda waxay Deni uga baahan tahay dhaqan-gelin, xilli beesha degan Caasimada Garoowe oo taraha sugeysa ay musharaxiinteedu diidmo cad kala horyimaadeen isbeddelkii shalay lagu sameeyay dastuurka. The post Kadib go’aankii baarlamanka, DENI ma u toostay mise…? appeared first on Caasimada Online.
  10. Hunter Biden oo ah wiilka madaxweyne Joe Biden ayaa la filayaa in uu kasoo hor muuqdo garsoore federal, si uu u qirto laba dambi oo la xiriira canshuur khiyaameyn iyo in uu haystay hub xilli jirkiisu daroogeysnaa. Dambi qirashadan ayaa qeyb ka ah heshiis uu la galay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, kaasi oo ay u badan tahay inuu badbaadiyo in xabsi uu galo. Garsooraha Maxkamdda Degmada Federaalka Delaware, Maryellen Noreika, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, islamaraana guddoomin doonta dhageysiga dacwadda, ayey qasab tahay inay saxiixdo heshiiska. Heshiiska oo lagu dhowaaqay bishii tagtay ayaa imanaya kadib sanado ay Waaxda Caddaaladda baaritaan ku haysay canshuuraha iyo ganacsiyada dibedda ee wiilka labaad ee madaxweynaha, kaasi oo qirtay in uu daroogo isticmaaleyey tan iyo 2015 markii uu dhintay walaalkiis Beau Biden. PUNTLAND POST The post Wiilka Madaxweynaha Maraykanka oo maxkamad la saarayo appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Isniintii ayaa waxaa weerar is miidaamin ah uu ka dhacay gudaha xero ku taalla kuliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho. Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 askari, qaar kalena way ku dhaawacmeen. Hadal-heyn badan iyo falcelinno kala duwan ayaa ka dhashay weerarkan, iyadoo su’aalo badanna la iska weydiinayay. Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa afar waxyaabood oo aanan laga ogeyn qaraxaasi. Qaabka uu dhacay weerarka Ilo wareedyo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in weerarka uu fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa uuna isku qarxiyay ciidanka oo saf ku jira. Ilo wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in weerarka ay ku dhinteen in ka badan 25 askari. Dhowr iyo afartan kale ayaa la sheegay inay dhaawacmeen kuwaas oo loo kala qaaday isbitaallo ku yaala Muqdisho. Hase yeeshee war saxaafadeed ka soo baxay kooxda al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ninka is qarxiyay uu dilay 73 askari, isla markaana uu dhaawacay 124 kale, in kastoo cid madaxbannaan oo xaqiijisay sheegashadaasi aanay jirin. Sida uu ninka is qarxiyay ku galay gudaha xerada Ninka is qarxiyay ayaa xirnaa dareeska ciidanka, isagoo gudaha xerada ku galay aqoonsi been abuur ah, sida uu sheegay ilo-wareed ka tirsan miltariga oo aan doonayn in magaciisa la sheego. Balse illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay milatariga Soomaaliya oo ka hadlaya sida xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ay wax uga dhaceen iyo tirada khasaaraha ciidanka ka soo gaaray qaraxa lala beegsaday iyo sidoo kale sida ay ninka is qarxiyay ugu suurogashay inuu gudaha u galo. Laakiin waxay dowladda sheegtay inay samaynayso baaritaan ku saabsan falkaas uu askarta ku laayey qof is miidaamiyey. Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay inay meesha dadkaas lagu baabi’iyey aysan ahayn meel la iska imaan karo. “Raggan inay naftooda u huraan dalkooda diyaar ayey u ahaayeen, hadday dagaal ku dhiman lahaayeen wax niyad xummo ah kama qabi lahayn, laakin ayagoo xeradoodii jooga in fulay uu soo dhex galo oo la halaago wax loo adkaysan karo ma aha, waxaana meeshaas ka muuqda mas’uuliyad xummo,” ayuu yiri Guddoomiye Sheeklh Aadan Madoobe. Su’aalo badan ayaa ku gadaaman, sida ismiidaamiyuhu ay ugu suurogashay inuu gudaha u galo xeradaasi, maaddaama ay ka mid tahay goobaha sida weyn amnigooda loo ilaaliyo ee ku yaalla Magaalada Muqdisho. Ilo-wareedyo hoose oo militariga ka tirsan ayaa sheegay in ilaa saddex qof loo xiray weerarka. Maxay yihin ciidamada lagu qarxiyay xerada, maxayse qaban rabeen? Ciidankan ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada 14-ka Oktoobar oo ah guuto la aasaasay wixii ka dambeeyey qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee maalintaas ka dhacay isgoyska Zoobbe. Guutadaas ayaa fadhigoodu ahaa gobolka Shabeellaha hoose, gaar ahaan magaalada Marka, wararkana waxay intaa ku darayaan in ciidankaas Muqdisho loo keenay in dib u habayn xagga qaabdhismeeka ah lagu sameeyo. Ciidankaas oo u badnaa dhallinyaro ayaa la sheegay inay ka jawaabayeen baaqii madaxweynihii xilligaas ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in loo baahan yahay dhalinyaro aqoonyahanno ah oo dalkooda difaaca. Sanadkii 2019 ayey dawladda Soomaaliya sheegtay in ciidankaas loo dhamaystiray qalabkooda si ay uga qayb qaataan dagaalka al-Shabaab. Waxaa la sheegay inay markii la qarxinayay ciidamada ay safaf dhaadheer ay ku jireen oo tirakoob lagu sameynayay oo loo diyaarinayay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah al-Shabaab. Yaa ilaaliyo amniga xerada? Xerada ayaa la dhisay 1975, waxaana dhismaheeda lahaa madaxweynihii dawladdii kacaanka ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad barre oo sidoo kalena kulliyadda loogu magac daray. Xeradan ayaa waxay muddo xarun u ahayd ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howl-galka Nabad ilaalinta ATMIS ee Soomaaliya oo markaas la oran jiray AMMISOM balse sannadkii 2019 ayaa lagu wareejiyay ciidamada Soomaalida tan iyo markaasina waxaa amnigeeda sugayay askar ka tirsan ciidanka Soomaaliya. Isha: BBC The post Afar arrin ka ogow weerarkii lagu qaaday Kulliyadda Jaalle Siyaad ee askarta lagu laayay appeared first on Caasimada Online.
  12. Mogadishu (HOL) - Somali Custodial Corps Commander, General Mahad Abdirahman Aden, has highlighted the significant injustice prevailing in the country's prisons, particularly in Mogadishu's capital. Source: Hiiraan Online
  13. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu bartilmaameedsaday dugsiga tababarrada ciidamada ee magaalada Muqdisho. Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka Sheikh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Imaaraadku ay si weyn u cambaareynayaan falkii lagu beegsaday ciidanka. Sidoo kale bayaankaan waxaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay ka xuntahay rabshadaha joogtada ah ee argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay. “Waxaa cad in rabshadahaan lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida oo ka soo horjeeda qiyamka aadanaha iyo mabaadi’da caalamka,” ayaa lagu bayaankaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta. Sheikh Shakhboot ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen askartii ku geeriyootay qaraxaas. Sidoo kale wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka caafimaad deg deg ah dhammaan ciidanka ku dhaawacmay qaraxaas oo ahaa mid aad looga argagaxay. Waxaa la xaqiijiyey in ninka is qarxiyey uusan ka tirsaneyn ciidanka oo banaanka laga keenay, isla markaana xerada lasoo geliyey daqiiqado kooban ka hor, inta uusan ku qarxin ciidanka oo saf-dheer ku jira. Durbadiiba waxaa la is-weydiiyey sida ay ninkaas ugu suurta gashay inuu soo galo xerada, waxaana la qabtay ilaa seddax sarkaal oo mid aad loogu tuhmayo inuu xerada gaari ku soo geliyey ninka is-miidaamiyey. Saraakiil kuwa amniga ah ayaa soo dusiyey xogta ragga la hayo, kuwaas oo gaaraya seddax sarkaal oo G/Sare uu ugu sareeyo, baaritaano hordhac ah oo durbadiiba la sameeyey ayaa lagu soo qabtay ragaas, waxaana ku socda baaritaan adag. Sarkaalka ugu darajada sareeya oo heysta G/Sare ayaa la aaminsan yahay in ninka is qarxiyey uu keenay xerada, isla markaana uu ka tegay, ninka naftiisa haligay waxaa u suurta gashay inuu gaaro goobtii ugu dambeysay ee ciidanka lagu feyliyey. The post Imaaraadka Carabta oo war kasoo saaray WEERARKII Kulliyadda kuna tilmaamay… appeared first on Caasimada Online.
  14. Waajid (Caasimada Online) – Duqeymo culus ayaa maanta gobolka Bay loogu geystay kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 50 maleeshiyaad iyo saraakiil isugu jira. Duqeymahaasi waxay maanta ka dhaceen deegaan lagu magacaabo Ceel-dhuun Adeegow oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Baydhaba iyo Waajid ee gobolka Bay. Si gaar ah deegaankaasi wuxuu u dhow yahay Goofgaduud-Buurey oo shalay ay dib ula wareegeen ciidanka xoogga dalka, kadib markii ay Shabaab dagaal ku qabsadeen 23-kii bishaan. Deegaanka maanta lagu duqeeyey kooxda waxay shalay ka soo abaabuleen weerar culus oo ka dhacay duleedka degmada Waajid, halkaas oo dagaal maleeshiyaad badan looga dilay ay kula galeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Itoobiya. Wasaaradda amniga K/Galbeed, taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo wasaaradda gaashaandhigga XFS ayaa xaqiijiyey in duqeymihii maanta Al-Shabaab looga dilay uga yaraan 45 xubnood oo saraakiil iyo dagaalyahano isugu jira. Sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed waxay sheegeen in dagaalyahanada maanta laga dilay Al-Shabaab ay ku jiraan xubno badan oo ajaanib ah, inkastoo aan la shaacin tiradooda rasmiga ah. Dhulka ay duqeymahaasi ka dhaceen waa howd ay aad u deegaameysteen Al-Shabaab, sida uu VOA u sheegay taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka. Diyaaradaha geystay duqeymahaas waxaa laga leeyahay dalka Mareykanka, wuxuuna deegaanka la duqeeyey u dhowyahay Goofgaduud oo shalay ay qabsadeen ciidanka xoogga dalka. Kooxda maanta lagu duqeeyey deegaanka Ceeldhuun Adeegow ayaa shalay weerar ku soo qaaday garoonka diyaarada ee degmada Waajid, halkaas oo looga dilay ugu yaraan 25 xubnood, oo 5 ka mid ajaanib ahaayeen. The post Al-Shabaab oo maanta lagu laayey deegaan ay shalay weerar kasoo qaadeen appeared first on Caasimada Online.
  15. 8 Xubnood oo isugu Jira saraakiil Ciidan iyo Waxgarad ayaa Ciidamo Hubaysani Kaxaysteenn. Hargeysa(Qaran news)-Sideed Xubood oo isugu jira Saraakiil Ciidan iyo waxgarad , oo ku Sugnaa Magaalada Go’da kana Tagay dhinaca Magaalada Hargaysa ayaa la sheegay inay kaxaysteen Ciidamo dhowaan galay Buurta Gacan Libaax iskuna Sheegay inay yihiin jabhad. Sideed Xubood ee la kaxaystay ayaa la ogeyn meesha la geeyay ama ay la tageen Kooxdan Af duubtay. Wararku Waxay intaas ku darayaan in xubnahani ay u socdeen inay la kulmaan kooxdan hubaysan oo la Soo hadlaan. Dhowaan ayaa Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland sheegay in Qaran ahaan iyo Qabiil ahaaba laga Daba tago ciidamada Buurta galay. Sidoo kale Muj. Dhegeweyne oo ah khabiir sare oo ciidan ayaa isna ku baaqay in xukuumaddu ragaasi buuraha galay ay dhegaysato oo qanciso oo lala hadlo isga oo dul joogsaday ahmiyada ay leedahay nabad galyadu Qaran News
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay waxa ka jira warar sheegayay inay dhiggeedda Kenya ka wada-hadlayaan murankii badda ee kal hore ay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ u xukuntay Soomaaliya. Hadal-haynta arrintaan ayaa soo baxday kadib markii madaxweynaha Kenya laga soo xigtay in Jabuuti ay dhex-dhexaadinayso deriska ay saaxiibada yihiin, ee uu u dhexeeyo muranka badda. Hadalka madaxweyne Ruto ayaa loo fahmay inuu jiro dedaal xal looga gaarayo arrintaasi kadib markii ay Kenya diiday go’aankii maxkamada caalamiga ah ee ICJ. Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay in Kenya ay kala hadlayaan arrintaasi, iyada oo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Maxamed (Cali Balcad) uu guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha dibadda u xaqiijiyay arrintaas. “Dacwada badda maxkamad ayey ku dhamaatay, meel looga noqdana ma laha, madax-banaanida dhulkaasna Soomaaliya ayaa loo xukumay,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Maxamed (Cali Balcad). Sidoo kale waxa uu si cad u sheegay in marnaba laga wada-hadli doonin lahaanshaha badda la xukmiyay, “Waxyaabo kale oo ah sidii loo fulin lahaa in laga wadahadlo waa suurtogal, laakin lagama wada hadlayo lahaanshaha dhulka.” Wasiiru-dowlaha ayaa waxa uu sheegay in hadalka laga soo xigtay Ruto uu yahay mid ku cusub, islamarkaana aysan jirin wax ay ka ogyihiin, isaga oo meesha ka saaray in uu jiro khilaaf ay Jabuuti ku dhex-dhexaadiso Soomaaliya iyo Kenya. “Uma malaynayo inuu jiro khilaaf jira oo Jabuuti ay maanta xallinayso, mana aysan nagala soo xiriirin, laakiin waxaan aaminsanahay in go’aanka maxkamadda uu yahay mid kama dambays ah. Haddii ganacsi iyo dhaqaale iyo arrimo kale laga wada-hadlayo waa goonideeda,” ayuu yiri. Marka laga soo tago hadalka wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya, dhinaca kale majiro war rasmi ah oo kasoo baxay Jabuuti, kaasi oo la xiriira dhex-dhexaadinta pa sheegay ee Soomaaliya iyo Kenya. Si kastaba, maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa bartamaha sanadkii 2021 waxay dacwadda kiiska badda u xukmisay dhinaca Soomaaliya kadib dhowr sano oo dawcadeeda socota, iyada oo markaas labada dhinac ay ku dacwoonayeen inay leeyihiin qeyb kamid ah badda u dhaxeysa labada waddan oo la sheegay in shidaal laga soo saarayo. The post Maxaa ka jirra in Soomaaliya iyo Kenya ka wada-hadlayaan baddii la xakumay? appeared first on Caasimada Online.
  17. Faratoon oo Murrashax Cirro ku Booqday Gurigiisa Hargeysa(Qaran news)-Muurrashaxa Madaxweynaha ee Xixbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ja hadlay kulan uu galabta la yeeshay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Yaasiin Maxamuud Xiur (Faratoon). Murrashax Cirro wuxuu faratoon ku tilmaamay siyaasi bisil, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa sidan: “Galabta waxaa hoyga aan ka degganahay magaalada Hargeysa booqasho & salaan iigu yimid Guddoomiyaha cusub ee aqalka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo aan uga mahadcelinayo biseylkiisa siyaasadeed iyo talo urursigiisaba. Guddoomiye Faratoon waxa aan si qoto dheer oo faahfaahsan uga sheekeysannay xaaladda guud ee uu waddanku maanta ku sugan yahay, haddii ay tahay dhanka cakirnaanta siyaasadeed, culeysyada amni, iyo duruufaha dhaqan- dhaqaale, sida oo kale waxa aan la wadaagay khibradeydii dheereyd ee la xidhiidhay hoggaaminta aqalka Golaha Wakiilada JSL oo aan oday u ahaa in ka badan 12sanno. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Aqalka Golaha Wakiilada JSL waxa aanu ku ballannay isla markaana isu dardaarnay ka wada shaqeynta dhammaan amuuraha ay udub dhaxaadka u yihiin danaha Qaranka Jamhuuriyadda. Qaran News
  18. Britain is reviewing a class of drugs used in a diabetes medicine and a weight-loss treatment sold by Novo Nordisk (NOVOb.CO) after some patients reported suicidal or self-harming thoughts, two weeks after similar action by the European Union. The Medicines and Healthcare products Regulatory Agency (MHRA) said in a statement to Reuters late on Tuesday it was reviewing safety data on a class of drugs known as GLP-1 receptor agonists. The Medicines and Healthcare products Regulatory Agency (MHRA) said in a statement to Reuters late on Tuesday it was reviewing safety data on a class of drugs known as GLP-1 receptor agonists. This includes Novo’s Ozempic, which contains the active ingredient semaglutide and is approved to treat Type 2 diabetes. It also includes Novo’s Saxenda, which contains the active ingredient liraglutide and is approved as a weight-loss treatment. Saxenda is Novo’s older GLP-1 drug and has lower effectiveness than its newer obesity treatment Wegovy, which contains semaglutide. Novo told Reuters it had received a request on Monday from the MHRA about the agency’s review of potential suicidal and self-harming thoughts related to GLP-1 drugs. Advertisement · Scroll to continue “The review is ongoing and a response will be provided within the requested timelines,” it said in a statement. The MHRA said AstraZeneca’s GLP-1 drug for type 2 diabetes, called exenatide and marketed as Bydureon, was also included in the review. AstraZeneca did not immediately respond to a request for comment on Wednesday. The MHRA said that two other GLP-1 drugs, Sanofi’s (SASY.PA) lixisenatide and Eli Lilly’s (LLY.N) dulaglutide, were also included. Sanofi did not immediately respond to a request for comment on Wednesday. “We are aware of the MHRA’s review,” Eli Lilly said in a statement to Reuters. “Patient safety is Lilly’s top priority, and we will respond to the review regarding safety signals related to dulaglutide (Trulicity) as part of our routine regulatory review processes.” GLP-1 receptor agonists were originally developed to treat type 2 diabetes. They mimic a gut hormone that suppresses appetite, promoting the feeling of fullness. The MHRA told Reuters that its review was initiated on July 12. The agency said it could not specify when it would conclude or what the results might be. It said the review would consider safety data including adverse drug reactions reported by patients and clinicians to the MHRA and other medicines regulators that it did not name. Between 2020 and July 6 this year, the MHRA received five reports of suspected adverse drug reactions involving semaglutide associated with “suicidal and self-injurious behaviour”, via its Yellow Card scheme for collecting and monitoring safety concerns such as side effects from medicines. Between 2010 and July 6 this year, the MHRA received 12 suspected adverse drug reactions involving liraglutide also associated with “suicidal and self-injurious behaviour”. “Patient safety is our top priority,” said Dr Alison Cave, the agency’s chief safety officer. “We will carefully consider all available evidence and communicate any further advice to patients and healthcare professionals as appropriate.” The existence of a report is not proof of causation, the MHRA says. The agency approved Novo’s Wegovy in 2021 for weight-loss treatment, but the drug has not yet launched in Britain. Novo has put off introducing the drug in much of Europe to prioritise supplying the United States, where demand has surged since its launch two years ago. The weekly injection leads to an average weight loss of around 15%, alongside changes to diet and exercise. The MHRA said in its statement that though Ozempic was not approved for weight loss, “it is commonly used off-label for that purpose” in Britain. The European Medicines Agency (EMA) said earlier this month it had begun investigating GLP-1 drugs after Iceland’s health regulator flagged three cases of patients thinking about suicide or self-harm. It is also investigating GLP-1 drugs for possible risk of thyroid cancer. Reporting by Maggie Fick Editing by Josephine Mason, Mark Potter and Jane Merriman Source Reuters Qaran News
  19. KULMIYE oo Mudderyay Shirkiisa Golaha Dhexe Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shirguddoomiyey Shirka Guddida Fulinta KULMIYE oo qodobbo muhiim ahi ka soo baxeen. Hargeysa-26-07-2023-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir-guddoomiyey shirka guddida fulinta ee xisbiga oo maanta ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga. Shirkan guddida fulinta, ayaa intii uu socday waxa lagu lafo guray arrimo kala duwan oo hawlaha xisbiga horyaalla, kuwa dalka ka jira iyo kuwa mandaqaddaba ku saabsan, iyada oo hoosta laga xarriiqay muhiimadda ay leedahay in shacabku gacmaha isu qabsadaan ilaalinta amniga, wada-jirna loogaga hortago wax kasta oo khatar ku ah nabadda iyo xasiloonida. Markii uu shirku soo dhammaaday waxa nuxurkii shirka iyo qodobbadii kasoo baxayba warbaahinta u sharraxay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), waxana kamid ahaa qodobbada kasoo baxay kuwan hoos ku qoran:  In 20-ka bisha August ee sannadkan 2023-ka uu magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka qabsoomi doono shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.  In xisbigu u diyaargaroobayo qabsoomidda labada doorasho ururrada iyo madaxtooyada ee uu waqtigooda muddeeyey komishanka doorashooyinka qaranku, si buuxdana u taageersan yahay go’aankaas. Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu farriin u diray xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE in bilowga bisha Siddeed ay soo doontaan kaadhadhkooda ay kaga qaybgelayaan shirka golaha dhexe ee waqtigiisa ay maanta muddeeyeen xubnaha guddida fulinta ee xisbigu. Taageeryaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka, ayuu guddoomiye-ku-xigeenka xisbigu ugu baaqay inay u diyaargaroobaan doorashooyinka dalka kusoo foolka leh, maaddaama oo dalku u cagta saarayo jidkii doorashooyinka. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa lagu weeraray sidii uu uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Xerada Kulliyadda Jaale Siyaad ee Muqdisho. Xamza oo haatan ku sugan dalka Tanzania ayaa si aan laga filaneyn uga hadlay weerarkaasi, isaga oo hadal jeedintiisa kusoo koobay tacsi uun, taasi oo uu diray ehellada askartii lagu waayay weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. “Waxaan rabaa inaa ku bilaabo tacsi aan u dirayo geesiyadeenii shalay ee dhibaatadu ku dhacday ee nimankii fuleeyada ahaa mid kamid ahi uu isku dhex qarxiyay, deedna uu culeys kasoo gaaray qaar kamid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Intii dhimatay Allaha u naxariiriisto inta dhaawaca ahna Ilaahey ha u boogo dhayo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed falkaas waan uga tacsiyeyneynaa” Marnaba ra’iisul wasaaruhu sooma hadal qaadin tallaabada ay qaadeyso xukuumaddiisa ee ku aadan shakiga ka dhashay weerarkan, maadaama uu ka dhex dhacay xero ciidan oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo, laguna dilay askar badan oo ka tirsan dowladda federaalka. Haddaba, Sidee ra’iisul wasaaraha loogu weeraray arrintaan? Axmed Xaaji: “Sanbuuse laga adimay cidna ma rabto xilligan maad soo toostay Raysal-wasaare.” Cubayd Cabdi Nasir ayaa isna waxa uu yiri: “Ra’iisul Wasaare tan hada lama rabe waxna ma tareyse kuwa hada qirtay inay ilmaha halige koleyba waa sarkaallo ee shaqo ka qabo oo mudankooda marsii.” “Hooyooyinka Soomaaliyedna caloosha u qabooji hadaad dalkan iyo dadkaanba wax u tareeyso.” “Tacsi miyaad wadeysaan? War amniga wax ka qabta,” ayuu yiri Cumar Ashraf Shariif. Mahad Yusuf Xaji Kaahin oo isaguna si weyn u dhaliilsan ra’iisul wasaaraha ayaa yiri: “Waa tacsi soo daaday.” Axmed Maxamud Nuur: “Ra’iisul Wasaare hadii uu dhiig Somalinimo kugu jiro Sarkaalkii lagu helo hadaan horay laga tooganeyn waa ciyaar waxa socdaa.” “Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre Allaha ku xafido ee ka shaqee inaad Soomaali ka samata-bixiso dhibaatadii 32 sano ay lasoo daala-dhacayeen,” ayuu yiri Daa’uud Xasan. Cabdullaahi Dirir: “Ra’iisul Wasaare waad soo daahdey hada looma baahna.” Si kastaba, Weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa fuliyay naftii halige Shabaab ah oo galay xerada, xilli ay safaf dhaadheer ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay Marka, waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. The post Maxay tahay arrinta sida weyn loogu weeraray R/W Xamza? appeared first on Caasimada Online.
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo hadal ka jeediyay maanta Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siisay arrinta mowduuca shirka, oo ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in iyadoo ay jiraan caqabado dhawr ah oo ku horgudban waxbarashada Soomaaliya, haddana ay Xukuumaddu ku guuleysatay inay qorto 3000 oo macallin cusub ah, isla markaana ay kor u qaadday tayada waxbarashada dalka. Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Washington (Caasimada Online) – Hunter Biden oo ah wiilka madaxweyne Joe Biden ayaa la filayaa inuu maanta kasoo hor muuqdo garsoore federal, si uu u qirto laba dambi oo la xiriira canshuur khiyaameyn iyo inuu haystay hub xilli jirkiisu daroogeysnaa. Dambi qirashadan ayaa qeyb ka ah heshiis uu la galay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, kaasi oo ay u badan tahay inuu badbaadiyo in xabsi uu galo. Garsooraha Maxkamdda Degmada Federaalka Delaware, Maryellen Noreika, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, islamaraana guddoomin doonta dhageysiga dacwadda, ayey qasab tahay inay saxiixdo heshiiska. Heshiiska oo lagu dhowaaqay bishii tagtay ayaa imanaya kadib sanado ay Waaxda Caddaaladda baaritaan ku haysay canshuuraha iyo ganacsiyada dibedda ee wiilka labaad ee madaxweynaha, kaasi oo qirtay in uu daroogo isticmaaleyey tan iyo 2015 markii uu dhintay walaalkiis Beau Biden. Inkasta oo sharci ahaan ay tani soo afjari doonto kiiska Hunter Biden, islamarkaana meesha ka saari doonta maxkamadeyn socon laheyd toddobaadyo ama bilo, haddana xasaraddiisa siyaasadeed ayaa taagnaan doonta. Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa ku adkeysanaya in Hunter uu helay heshiis dabacsan, xilli Waaxda Caddaaladda ay sii wado baaritaanada ka dhanka ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, oo ugu cad cad xubnaha Jamhuuriga ee u taagan doorashada madaxweyne ee 2024. Trump ayaa horey u wajahayey kiis ka furan New York, iyo mid federaal oo uu ku wajahayo Florida. Hase yeeshee wuxuu 19-kii July sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xiriirta weerarkii January 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill. Trump ayaa sheegay inuu warqad ka helay Smith, taasi oo sheegeysa inuu bartilmaameed u yahay baaritaanka lagu sameynayo dhacdadii January 6, 2021, markaasi oo taageerayaasha Trump ay ku xoomeen Congress-ka, si ay uga hortagaan sharciyeynta guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashadii 2020. Jamhuuriga ayaa ku andacoonaya in aan cadaaladda loo sinneyn, ayaga oo sheegaya in wiilka madaxweynaha xaaladda loo fududeeyey halka Trump si xooggan loo eryanayo. AP + VOA The post Wiilka madaxweyne Biden oo maanta hortagaya maxkamad appeared first on Caasimada Online.
  23. Xisbiga WADDANI oo Shir ku Falan-qeeyay Arrimo Masiiriya Hargeysa(Qaran news)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta xaruntiisa ku yeeshay shir ay kaga arrinsadeen qoddobo masiiri ah. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo xisbigu baahiyern, hase ahaatee wax faahfaahin ah lagama bixin qoddobadaas ay sheegeen inay shirkooda ku gorfeeyeen. Qoraalka xisbigu bartiisa Facebook ku baahiyayna wuxuu u qornaa sidan:- “Hoggaanka iyo Guddida Fulinta ee xisbiga WADDANI ayaa maanta shir ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Kulankan ayaa lagu gorfaynayay arrimo masiiri ah oo ku aaddan mawqifka xisbiga ee arrimaha siyaasadda iyo amniga ee dalka ka taaggan.” Xisbiga WADDANI ayaan war ka soo saarin ila imika doorashada ururrada ee xukuumaddu dabada ka riixayso ee ay soo saareen xunbaha Komishanka ee Guurtidda iyo Xukuumadda Muuse soo saareen. Xisbiga WADDANI ayaa ku hawlanaa wada-tashiyo uu la yeelanayey qaybaha kala duwan ee taageereyaashooda Qaran News
  24. Belaayo madax la qabto ayay leedahay Ee dabo la qabto maleh… Nidaamka dawladnimo waxa sees ama udub dhaxaad u ah labada tiir ee kala ah 1. Nabad-gelyada 2. Cashuurta laga qaado dadweynaha waxa muuqata in dhawaanahan ay soo if-baxayaan arrimo wiiqi kara tiirarkaa aan soo sheegay oo maalmahan danbe waxaynu warbaahinta ka daawanay beelaha dega Gobolada Galbeedka Ee Somaliland oo ku baaqaya in ay cashuurta ay bixiyaan joojin doonaan haddii aan wax laga qaban tabashadooda. Sidoo kale waxa uu dagaal ba’ani muddo lix bilood ah ka socdaa magaalada Laascaanood ee Caasimadda u ah Gobolka Sool oo ka bilaabmay tabasho dadwayne oo jawaabtii noqotay dhagaysi la’aan ka dibna isu beddeshay dagaal toos ah dhacdada ugu danbaysay-na waxa saacadihii ina dhaafay buurta gacan-libaax lagaga dhawaaqay jabhad hubaysan dhacdooyinkaas oo dhami waxay ku wada aroorayaan meel kaliya oo ah madaxwaynaha oo taladii dalka isku koobay albaabkana soo xidhay ficilada noocaasa waxa ka dhasha-na cawaaqibkeedu waa bur-bur dawladnimo oo ay soo kabashadeedu adkaan doonto. Madaxweynaha waxa saaran masuuliyad culus oo ay tahay inuu guto, taas oo ah in uu ka shaqeeyo xalinta dhibaatooyinka jira, ee ka dhashay talo maroorsiga uu ku kacay iyo aragtida qalafsan ee ah inuu isku wadkii iyo isu tanaasulkii ka doorbiday in tiisu shaqayso. Maalin waalba Xoghayaha-Caddaaladda xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis Qaran News
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa loo gudbiyay mooshin loogu yeerayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, kadib qaraxii Isniintii ka dhacay Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mooshinkan u gudbiyay guddoonka golaha. Sidoo kalena waxaa lagu dalbanayay u yeerista Taliyeyaasha Ciidamada, si wax looga weydiiyay qaraxaasi, oo dhaliyay khasaare xooggan. Isniintii dorraad ayay aheyd markii xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad uu qof naftii halige ah isku dhex qarxiyay xeradaasi, xilli askar fara badan saf ku jireen. Qaraxan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa inta la xusuuso xero kamid ah xeryaha ciidamada, kaddib sanadkii hore oo sidan kale qarax uga dhacay Warshadda Nacnaca, Inkasta oo uu khasaaraha uu yaraa. Mooshinkan ayaa la fahamsan yahay inuu ka dhashay tuhunada ku xeeran qaraxaasi, maadaama uu ka dhex dhacay xero ciidan oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo, ayna adag tahay in si fudud la iskaga galo. Sidoo kale waxa uu imaanaya, xilli ay soo baxeyso in saraakiil sare loo xiray weerarka xeradaasi, oo askar badan lagu laayey. Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in la xiray ugu yaraan saddex sarkaal oo uu ku jiro gaashaanle sare, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay gacan ka gaysteen qaraxa. Waxaa sidoo kale jira suurta-galnimada ah in saraakiil kale la xiro, ayada oo dowladdu isku dayeyso inay jawaab u hesho wixii dhacay. Si kastaba, Arrintaan waxay abuurtay jaho wareer weyn, masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa si adag uga hadlay, waxaana hadda laga war sugayaa baaritaanada ku socda saraakiisha la tuhmay The post BF oo loo gudbiyey mooshin la xiriira weerarkii Kulliyadda – Yaa lagu dheggan yahay? appeared first on Caasimada Online.