-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Abaabul iyo diyaargarow ciidan ayaa laga soo sheegaya Koonfurta Gobolka Mudug, kaas oo qayb ka ah wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogag deegaanka ah oo la abaabulay ayaa isu diyaarinaya gulufka la doonayo in maleeshiyadaasi lagaga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin koonfurta gobolkaasi. Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, maamulada degmooyinka iyo odayaasha beelaha ayaa abaabulay ciidamada iyo dadka deegaanka, oo ay tahay in ay iska kaashadaan hawlgalka la damacsan yahay in kooxaha argagixisada lagaga suuliyo deegaanada Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa xoogiisu uu ka socdo Degmada Wisil, halkaas oo sidoo kale lagu diyaariyay Xerta Ahlu-Sunnada Gobollada Dhexe. Xiriirka Villa Somalia iyo Hoggaanka Ahlu-Sunnada Gobollada Dhexe ayaa la fahamsan yahay in muddooyinkii ugu dambeysay uu ka soo reynayay, iyadoona Dowladda Federaalka ay urur diimeedkaasi weydiisatay in hawlgalka ka gacan siiyaan. Sabtidii ayaa duleedka Magaalada Guriceel lagu soo bandhigay xoogag deegaanka ah oo la abaabulay, isla-markaana ay qayb ka yihiin Xerta Ahlu Sunna. Xertan ayaa u badan Xoogagii Ahlu Sunna ee kala irdhoobay, ka dib markii Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ay Hoggaankii Maamulka Ahlu Sunna sanadihii 2019-2020 kala wareegeen Magaalooyinka Matabaan, Guriceel, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Xeraale iyo deegaano kale. Xerta Ahlu Sunna ayaa Shabaabka sanadihii 2021-2022 ka hor istaagtay weeraradii ay ku doonayeen in ay kula wareegaan Wisil, Baxdo iyo Qaayib, tani oo muujisay in ay yihiin xoogag weli jira. Ciidamada haatan lagu diyaariyay Wisil ayaa la filayaa in ay xoreeyaan deegaano ay ka mid yihiin Caad, Cammaara, Dabagalo, Dumaaye, Bacaadweyne iyo Shabellow. Sidoo kale Xerta Ahlu Sunna ee muddooyinkii ugu dambeysay kutubo raaca ku ahayd Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa qayb ka ah qorshaha socda ee lagu wado in mintidiinta Shabaabka lagaga saaro deegaanada hoostagga degmadaasi. Xertan oo qaab beeleed u abaabulan ayaa la sheegaya in sidoo kale ay la hawlgeli doonaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee loogu talagalay inay qabtaan Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ka hadlayay shirka arrimaha amniga looga hadlayo ee Khamiistii shalay ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dadka reer Galmudug ay hadda diyaar u yihiin in ay dhulkooda ka sifeeyaan haraadiga argagixisada. “Maanta waxaan haysanaa fursad weyn, waa loo istaagay, waana loo taagan yahay wejigii labaad ee ka sifeynta haraadiga argagixisada,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor. Madaxweyne Qoorqoor ayaa xusay in reer Galmudug ay fure u noqon doonaan gulufka kooxaha argagixisada looga ciribtirayo guud ahaan dalka. Dowladda Federaalka ayaa wareegga hore ee wejiga labaad ee hawlgalka diiradda ku saareysa in marka hore colkaasi laga soo afjaro deegaanada Galmudug iyo HirShabelle, marka xigtana ay ciidamadu cagta mariyaan dhulka ay mintidiintu ka maamulaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, markaas oo la filayo in hawlgalka ay dib kaga soo biiraan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Wararkii ugu dambeeyay abaabulka ka socda Mudug iyo dagaalka oo billaabanaya appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqday xaalad deg deg ah iyada oo ay sii xoogeysteen iska hor-imaadyada rabshadaha wata ee dhexmaraya ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada Gobolka Amxaarada. “Waxay noqotay lama huraan in lagu dhawaaqo xaalad deg deg ah maadaama ay soo baxday xaalad ay adkaatay in dhaq-dhaqaaqan aan la aqbali karin lagu xakameeyo sharciga hadda jira,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo la soo dhigay baraha bulshada. Bayaanka laguma sheegin haddii xaaladda deg degga ah ay quseyso dalka oo dhan ama kaliya gobolka Amxaara, oo dhaca waqooyiga caasimadda Addis-Ababa. Iska hor-imaadyada ka socda gobolka Amxaara ee u dhaxeeya ciidamada qaranka iyo maleeshiyada deegaanka ayaa kasii daray toddobaadyadii dhowaa, taasi oo keentay in dowlado shisheeye ay soo saaraan diginin socdaal, halka diyaaradda qaranka ee Ethiopian Airlines ay joojisay duulimaadyadii gobolka. Xiisadda ayaa sii kaceysay tan iyo bishi April markii ay dowladda federaalka ku dhowaaqday inay burburineyso ciidamo goboleedyada, oo ay ku jiraan kuwa gobolka Amxaara, halkaasi oo dadka u dhashay ay u arkeen tallaabo wiiqeysa gobolka labaad ee ugu dadka badan Ethiopia. Afhayeen u hadlay ciidamada Ethiopia, Getnet Adane ayaa shir jaraa’id ka sheegay toddobaadkan, in dagaal-yahano ka tirsan maleeshiyada deegaanka ee Fano ay mas’uul ka yihiin rabshadaha gobolka Amxaara. PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda la baxday dowladda Islaamka (IS) ayaa xaqiijisay in hoggaamiyahooda Abu al-Xuseyn al-Qurayshi lagu dilay waqooyiga Suuriya iyagoo sheegya in nin lagu magacaabo Abu Xafsa al-hashami al-Qurayshi lagu beddelay. Abu Hudhayfa Ansari oo ah afhayeenka cusub ee ISIS ayaa warka ku sheegay cod 30 daqiiqo soconayay oo lagu wadaagay barta Telegram-ka. Wuxuu sheegay in Abu al-Xuseyni al-Qureyshi lagu dilay gobolka Idlib, kadib markii ay dagaallameen iyaga iyo “Howlgalayaal” shirdoonka Turkiga ka tirsan. Hadalkan ayaa lagu tilmaamay inuu ula jeedo kooxda Bashar al-Assad ee ka horjeeda, Afhayeenka ISIS wuxuu sheegay meydka hoggaamiyaha in lagu wareejiyay Turkiga, kadib markii la dilay. Saddex bilood ka hor ayuu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdpogan ku dhawaaqay in Abu al-Xuseyn al-Qarayshi ay dileen sirdoonka Turkiga. Afhayeenka cusub ee ISIS ayaa sheegay in afhayeenkii hore ee kooxda, Abu Cumar al-Muhajir, ay qabsadeen ciidamada Turkiga. Abu Xuseyn al-Qurayshi wuxuu noqday hoggaamiyaha ISIS bishii Nofembar ee sanadkii hore. Waa hoggaamiyahiii saddexaad kooxda oo la dilo in ka yar labo sano. Wax fariin ah dhawaan ma soo dirin. Markii kooxda awoodooda ay aadka u sareysay 2014-kii oo ay haysatay qeybo Syria iyo Ciraaq ah ayey ku dhawaaqeen inay yihiin khilaafada adduunka. Inkastoo awoodda kooxda la wiiqay, hadana ciidamo ayaa u jooga dhowr dal, waxaana walaac laga muujinayaa howlaha ay ka wadaan dalka Afghanistan oo isagu gacanta u galay Taalibaan. The post Daacish oo xaqiijisay geerida Abu Xuseyn iyo hoggaamiye cusub oo la magacaabay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Niger Mohamed Bazoum ayaa ugu baaqay Mareykanka iyo beesha caalamka in ay caawiyaan dalkiisa,isla markaana ay soo celiyaan nidaamkii dastuuriga ahaa ee dalkaasi. Bazoum, oo todobaadkii hore ay militariga xilka ka qaadeen, ayaa hadal uu ku daabacay Washington Post ku sheegay ku muujiyay digniin ku saabsan cawaaqib xumada ka dhalan karta xukunka mileteriga haddii uu guulaysto afgambiga isaga ka dhanka ah. “Inqilaabka ay sameeyeen koox ka tirsan millatariga ee dhacay July 26, wax cudurdaar ah ma ma lahan haddii ay guulaystaan kooxdaasina waxay cawaaqib xun ku yeelan doontaa dalkeena, gobolka iyo adduunka oo dhan” Mohamed Bazoum ayaa sidaas sheegay maalinimadii shalay oo Khamiis aheyd. Madaxweynaha xilka laga tuuray ee Niger oo ka mid ah hogaamiyayaasha taageera reer galbeedka ayaa sheegay in dalka ku yaal galbeedka Afrika uu ahaa iftiinka rajada gobolka ee ay ragaadiyeen rabshadaha ku lugta leh xagjirnimada. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii Niger ee xilka laga tuuray oo baaq u diray Maraykanka iyo reer Galbeedka appeared first on Puntland Post.
-
Galbeedka gobolka Bangal ee waddanka India, ayaa dadku ka argagaxeen dhacdo ka dhacday taas oo lamaane ku noolaa gobolka ay ku kaceen, sida ay qortay warbaahinta gudaha ee dalka India. Lamaanahaan ayaa iibiyay wiilkooda oo sideed bilood jir ahaa, si ay u iibsadaan taleefanka ay soo saarto shirkadda Apple ee nuuciisu yahay iPhone 14. Sababta ay u doonayeen in ay helaan taleefanka ayaa lagu sheegay, in ay rabeen in ay sameeyaan muuqaalada la galiyo qaybta ‘Reels ka’ ee barta Instgram, taas oo inta badan dadku ku madadaashaan inta ay ku jiraan baraha bulshada. Qoysaka ayaa wiilkooda siistay qiimo lacageed oo gaaray $2,400 oo doollarka Maraykanka ah. Booliska gobolka Bengal ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan hooyadii dhashay wiilka yar oo ahayd qofkii sida dhabta ah masuulka uga hayd iibinta ilmaha. Waxaa la sheegay in ay ka soo jeedo qowmiyadda ‘Sathi’. Balse aabaha ayaa ilaa iyo hadda aan gacan lagu hayn, waxaana baadi goobaya booliska gobolka. Sidee loo ogaaday arrintaan? Arrintaan ayaa laga war helay kadib markii qoysaskii dariska la ahaa lamaahanahaan ay waayeen wiilka yar, haddana aysan waalidka uusan ka muuqan wax walwal ah oo ku aadan maqnaashaha cunugooda. Intaas waxaa ku sii darsamay in marar badan ay ka hadli jireen taleefanka iPhone 14, taas oo joogay lacag dhan ‘lakh’, arrintaan ayay ka shakiyeen mar kale dariskaqoyskaan, iyada oo sidoo kale ay horey u ogaayeen in dhaqaale xumo baahsan ay haystay qoyska. Kadib markii dhawr mar su’aalo la waydiiyay haweeneyda wiilka dhashay ayay ugu dambeyn waxay qiratay in ay iibsatay wiilkeedii si ay u hesho lacag ay ku iibsato iPhone, taas u sahli lahayd in ay sameeyeen muuqaalo ka soo galiyaan barahooda bulshada, kuwaas oo muujinaya safaro kala duwan oo ay ku tagi lahaayeen qaybo kamid ah gobolka Bengal. Arrin kale oo lagu baraarugay ayaa ah in aabaha qoyska uu sidoo kale doonayay inuu iibiyo gabar todoba sano jir ah oo uu aabaha u ahaa. Booliska ayaa bilaabay kays lamaanahaan, iyada oo hooyada wiilkeeda iibisay ay wajihi doonto eedeymo dambi la xariira ka ganacsiga aadanaha. Booliska gobolka Bengal ayaa wali wada baaritaan dheeraad ah, iyaga oo sheegay in ay warbaahinta la wadaagi doonaan marka ay soo afjaraan. India ayaa marar badan waxaa laga soo tabiyay kiisas kuwaan lamid ah, oo waalidiin ay doonayeen in ay iibiyaan caruurtooda si ay u helaan waxyaabo dhaldhalaal ah. Booliska oo soo badbaadiyay wiilkii yaraa Waxyar kadib markii arrintaan la ogaaday, booliska ayaa war bixin cusub oo helay taas oo ay ilmaha yar uga soo badbaadiyeen haweeneey dagan xaafad lagu magacaabo Khardah. Sida muuqatay, lamaanaha ayaa haweeneyda ka iibiyay wiilkooda yar. Haweeneyda laga soo helay wiilka ayaa lagu magacaabaa Priyanka Ghosh. Sidoo kale booliska ayaa iyadana soo xidhay Qaran News
-
Gudigii ganacsatada ee ku dhex jiray sidii ay u xalin lahaayeen colaada jabhada Gacanlibaax iyo xukuumadda Somaliland ayaa faashil ku dhamaaday gudigani ayaamahii ina soo dhaafay u kala dab qaadaayay madaxweynaha Somaliland iyo hogaamiye dhaqameedka beesha West Burco Clan ayaa arintaasi u taag iyo maaro waayay, gudigani oo xataa dhowr jeer lakulantay xisbiga Waddani ayaa arinkoodu waxa uu ku soo dhamaaday guul daro. Gudigani oo aad moodo in ay xalka ka raadinayaan gudaha Hargeysa ayaan marna la kulmin madaxda Jabhada ku jirta Buurta Gacan-libaax Wararku waxa ay sheegayaan in gudigaasi ganacsatadu ay arinka xalinta khilaafkaasi ay ku wareejiyeen shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland oo ay wahelinayeen 12 ka mid ah xildhibaanada golaha wakiillada. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay gudiga ganacsada ee arinkaasi iska wareejisay iyo golaha wakiiladaba. Qaran News
-
A popular Somali Tiktoker Bilal Bulshaawi was shot and injured in Mogadishu. Witnesses said armed men with pistols were involved in the crime. A well wisher rushed him to the hospital after the shooting where he is now receiving treatment. Initial reports say the self declared “President of Tik Tok” was shot in the head and he is now responding well to medicine. Security agencies have not yet disclosed further details regarding the crime and no arrests have been made in connection with the shooting. In recent months, Bilal Bulshawi who has One Million followers on his Tik Tok account has been soliciting funds for the people severely affected by the drought in Somalia. Many social media users took to social media to pay their best wishes to the self declared president of Tiktok. Somaliland Qaran News
-
Do you know that raw garlic has incredible health properties when consumed on an empty stomach? Reintroducing the garlic The bulbous vegetable belongs to the Allium (onion) family and is widely used to flavor food. It is one of the most commonly used flavoring agents in the kitchen. Despite its more potent, more intense flavor, raw garlic can be consumed safely and is an excellent addition to many dishes. Crushing and chopping fresh garlic releases allicin, which gives it its distinct flavor and smell [1] Raw garlic consumption has the following benefits [2]: Immunity By boosting immunity, it protects the body from colds and coughs. Some research suggests that allicin could strengthen the immune system and defend against heart disease and cancer [1]. Gut health It eases constipation and gastric discomfort. As far back as ancient Chinese and Indian medicine, garlic was supposed to help digestion and breathing [3]. Stamina Garlic improves the performance of the liver and heart. In addition to being high in sulfur compounds, it helps activate liver enzymes responsible for flushing out toxins Brain health Despite limited human research, animal studies have shown that consuming high amounts of fresh garlic or aged garlic extract could boost memory and promote brain health [4, 5, 6]. Some potential downsides to consider Despite raw garlic’s numerous health benefits, there are a few potential drawbacks. A significant disadvantage of raw garlic is its pungent taste and smell, which some people may not find appetizing. Furthermore, heartburn sufferers are often advised to limit their intake of garlic to prevent gastroesophageal reflux disease (GERD). Some compounds in raw garlic may irritate the digestive tract, resulting in chest or stomach pains [7]. A study on garlic pill shows that it may also increase bleeding risk by preventing blood clots from forming [8]. Raw garlic should be avoided if you have severe acid reflux. Your doctor can help you determine whether giving up garlic is a good option if you do not want to. You may be recommended to consume small amounts of garlic for a week and record any reactions you may experience. You can then determine if any foods trigger your symptoms Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ku raad-jooga Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali oo ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaas oo la ogaaday inay si hoose ula shaqey jireen argagixisada Al-Shabaab. ”NISA waxa ay raadinaysaa Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali oo baxsad ah, Fadlan haddii aad hesho xog horseedi karta in la qabto la soo xiriir hay’adaha ammaanka,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay NISA. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ragaan ayaa midba mar la waayey markii ay hey’adaha dowladda ka dhex bilowdeen baaritaano ku saabsan xubnaha ku dhex qarsoon ee u basaasa kooxda Al-Shabaab. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa galabta sheegay in baaritaanadaas lagu qabtay in ka badan 10 qof oo si hoose ula shaqey jiray Al-Shabaab, kadib baaris ay sameysay hey’adda NISA. Caasimada Online ayaa ogaatay in labada nin ee hadda ay dowladu baafineyso ay isku dhiibeen kooxdii ay sida hoose ula shaqey jireen ee Al-Shabaab. Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise wuxuu ahaa sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab intii uu hoggaanka NISA ahaa Fahad Yaasiin, dhowr bilood oo dhaqan gelin ah kadib waxaa lagu biiriyey NISA, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ciidanka Duufaan ee loo adeegsaday weerarradii lagu qaaday mucaaradka intii ay socotay doorashada dalka. Markii ay bilaabatay in la is daba galo ayuu u baxsaday Al-Shabaab, sarkaalka labaad ee dowladdu ay sheegtay inuu baxsaday waa Ayaanle Maxamed Cali oo ahaa sarkaal soo maray NISA, balse markii uu baxsaday wuxuu ka tirsanaa Booliska. Ninkaas si hoose ayuu ula shaqey jiray Al-Shabaab, isagoo ahaa sarkaal lagu aaminay howlo muhiim ah, balse ugu dambeyntii wuxuu fashilmay habeen uu hoggaaminayey Shabaab degaanka Arbacow oo u dhow Ceelasha-biyaha ku soo weeraray ciidanka Boolis-militaar ee xasilinta caasimadda. Nin ka mid ahaa Shabaab-kii uu hoggaaminayey ee soo weeraray xerada Arbacow ayaa l qabtay isagoo dhaawac ah, kadibna wuxuu sheegay in Ayaanle Maxamed Cali oo ka tirsan booliska Soomaaliya uu hoggaaminayey maleeshiyaadka weerarka soo qaaday. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ninkii bixiyey xogtaas ee Shabaab ka tirsanaa, maadaama lagu qabtay dhaawac markii dambe waa uu dhintay, habeenkaas kadibna waxaa la waayey Ayaanle Maxamed Cali ahaa sarkaal dowladeed, balse basaas u ahaa Al-Shabaab. Galabta wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in lagu daba jiro labadaas sarkaal ee horay uga tirsanaa hey’adaha amaanka ee dowladda, una basaasi jiray Al-Shabaab. Wasiirka ayaa shacabka ka codsaday inay dowladda lasoo wadaagaan hadii ay helaan xogta ragaan, iyadoo la iska ilaalinayo xiriirkooda iyo la macaamilkooda. Hoos ka eeg sawirada labada nin The post Xogta laba sarkaal oo DF ay sheegtay inay u baxsadeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Galcad (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulan isugu yimid saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kulankaas waxaa looga tashanayey sidii deegaanada ku jira gacanta Al-Shabaab looga saari lahaa. Markii uu dhamaaday kulankaasi sarakiisha ayaa ka soo saaray awaamiir ku socota dadka shacabka ah ee degan deegaanada ay ku sugan tahay kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa sheegay in hadda loo diyaar garoobay dagaalka kooxda looga xoreynayo magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri, iyagoo shacabka uga digay inay u dhawaadaan kooxda la beegsanayo. “Waxaan fariin u direynaa shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada uu cadowgu ka joogo Galgaduud, waxaan idinka rabnaa inaad ka fogaataan argagixisada, ka fogaada goobaha ay joogaan, waa noo bartilmaameed, mana rabno in shacabka aan u dhimaneyno ay dhibaato soo gaarto,” ayuu yiri Taliyaha guutada 18-aad ee Gor Gor. Sidoo kale sarkaalkaan ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay bilowday inay telaafanada ka soo wacdo dadka ku nool aagga degmada Galcad, iyagoo weydiisanaya lacago baad ah, wuxuu shacabka uga digay inay dhaqaale ku taageeraan kooxda ama taleefankooda ay kala hadlaan, maadaama ay yihiin rag lagu raad-joogo. “Waxaan ogaanay in hadda ay Khawaarijtu soo dalbatay baadii ay shacabka ka qaadi jirtay, waxay soo wacayan taleefanadiina ee awood ay idinkugu yimaadaan malaha, waxaan ka digeynaa in lala xiriiro ama dhaqaale la siiyo, xiriirkooda iska ilaaliya cadowgaas waa la beegsanaaye,” ayuu hadalkiisa ku sii daray sarakaalkaan oo ku sugan Galcad. Shirka maanta lagu qabtay Galcad waxaa saraakiisha ciidanka xoogga ku wehliyey maamulka degmadaas iyo hoggaanka ciidanka deegaanka ee Macawiisley, kuwaas oo sheegay inay u diyaar garoobeen xoreynta deegaanada gobolkaas ee weli ku jira gacanta Al-Shabaab. “Hadii aan nahay Macawiisley waxaan diyaar u nahay in ciidamada xoogga aan uga hor mari doono meel kasta oo lagu sheego Khawaarijta,” ayuu yiri mid ka mid ah hoggaamiyeyasha ciidanka Macawiisley. Hoos ka daawo The post Daawo: Saraakiisha ciidamada xoreynaya Galgaduud oo amarro ku soo rogay shacabka appeared first on Caasimada Online.
-
Gaarisa (Caasimada Online) – Booliska dalka Kenya ayaa magaalada Gaarisa ku xiray lix qof oo ajaanib ah, kuwaas oo la sheegay inay ka talaabayeen xuduuda, si ugu biraan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya. Booliska ayaa soo bandhigay magacyada dadka lagu qabtay Gaarisa ee doonayey inay ku biiraan argagixisada Al-Shabaab, waxayan kala yihiin Muhamed Jahad Farah, Saad Suleiman Saleh, Nadrik Mbwana Salum, Abdul Kadir Salum Seif iyo Ali Issa Ali, oo dhamaantood u dhashay Tanzania iyo Hassan Tourabih Kintosa oo u dhashay dalka Uganda. Markii su’aalo la weeydiiyay, lixda qof waxay qirteen inay u socdeen inay ku biiraan al-Shabaab, kadib markii ay qorteen oo ay fududeeyeen maamulayaashooda oo ka kala yimid Tanzania iyo Uganda. Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in gudaha magaalada Gaarisa ay kooxdaan ka soo qabteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo helay xogta kooxdaan oo dooneysay inay ka talaabto xuduuda labada dal. Wax ka yar laba toddobaad ka hor waxaa sidaan oo kale loo qabtay saddex nin oo u dhashay Tanzania oo kala ah Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo iyo Seif Abdalla Juma, kuwaas oo lagu qabtay magaalooyinka Korakora iyo Garissa, In la qabto kooxahaan waxaa booliska ka gacan siiyey dadka shacabka ah, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada booliska ee xogtaan la wadaagay warbaahinta. Saraakiisha ayaa sheegay in labo kale oo Tanzanian ah oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili, 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia, oo 30 jir ah in 12-kii July lagu qabtay aagga Gaarisa, xilli ay isaga safrayeen Tanzania ilaa magaalada Jilib ee Soomaaliya. Wada shaqeynta dhexmarta hay’adaha amniga iyo shacabka ku dhaqan gobolada Waqooyi ee Kenya ayaa gaartay heer sare, waxayna dadka deegaanku ay noqdeen kuwa furfuran oo u madax-banaan inay xogta la wadaagaan maamullada deegaanka. “Xubnaha dadweynaha waxaa lagu dhiirigelinayaa inay sii wadaan la wadaaga macluumaadka hay’adaha ammaanka ee ay khuseyso,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka John Otieno. Dadweynaha ayaa sidoo kale loogu baaqay inay feejignaadaan mar kasta weerarrada kooxda, isla markaana ay booliska ku soo wargeliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan, dhaqdhaqaaqooda. Booliska Kenya wuxuu aad u baacsanayaa xubno ay sheegeen inay ku biirayaan kooxaha Al-Shabaab ama Daacish, laamaha ammaanka ayaa sidoo kale digniin u jeediyay howl-wadeenada gaadiidka dadweynaha oo laga dalbaday inay booliska lasoo wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ajaanibta ay ka shakiyaan. “Dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee wadaan hay’adaha ammaanka Kenya ay ka wadaan gobolka Waqooyi-bari ayaa muhiim u ah in laga hortago ajaanibta ku soo biireysa kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya. The post Lix ajaaniib ah oo u socday inay ku biiraan Al-Shabaab oo lagu qabtay waddanka… appeared first on Caasimada Online.
-
NAIROBI, Kenya -- Authorities in Ethiopia’s Amhara region on Thursday asked the federal government for help, as a local ethnic militia clashed with federal security forces, halting some flights to key cities and leading the deputy prime minister, in an unusually outspoken statement, to call the situation “increasingly grave.” Source: Hiiraan Online
-
Dunida Muslimka’ waxay ka bilaabataa galbeedka Afrika ilaa koonfur bari Aasiya. Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa xubno ka ah ilaa 57 waddan. Dagaalada ka socda Ciraaq, Liibiya, Suuriya iyo Yemen, iskahorimaadka ka socda Afgaanistaan, Gacanka Siinaay ee Masar, iyo rabshadaha ka socda dhulka Falastiin, ciidamada gobolka ayaa ku qasbanaaday in ay si degdeg ah ula qabsadaan dagaalka caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn, xaaladaha qaarkoodna ay dib u bartaan farshaxanka caadiga ah. dagaal ka dib tobanaan sano oo waxqabad la’aan ah. Dalka Lacagta ugu badan ee militariga ku bixisay liiska waa Sacuudiga. Sannadkii 2017-kii, miisaaniyadda difaaca ee Riyadh waxay ahay dmidda saddexaad ee adduunka sida uu sheegay Bangiga Adduunka. Waa kuwan 10-ka dal ee ugu ciidan xooggan iyo qaar tirada ciidan ee qalabka sida; Iyadoo Indonesia lagu wado in ay noqoto dalka afraad ee ugu dhaqaalaha badan aduunka marka la gaaro 2050, ciidankeedu waxa uu sii wadaa in uu kordho. Marka laga reebo ciidankeeda firfircoon, waxay hoy u tahay 281,000 oo askari oo dheeraad ah. Waxa hasytaan cudud ciidan, dhaqaale iyo miisaan siyaasadeed oo ku filan hubinta xasilloonida gudaha. 3) Iran IRAN Cidanka hadda shaqada kujiro: 534,000 Miisaaniyadda 2017: $14 bilyan Waxa ay ku guulaysatay in ay si hufan u maarayso malayshiyaad badan iyada kuwaas oo ka dagaalama waddamo kala duduwan. Sanado badan oo cunaqabatayn ah, Iran waxay horumarisay warshadeed difaaca qaran oo muhiim ah waxayna samaysay horumar weyn oo ay ku noqonayso dawlad nukliyeer ah. Ciidamadeeda hubaysan ayaa sidoo kale loo arkaa inay si gaar ah ugu xoogan yihiin dagaalka aan caadiga ahayn. Iran ayaa taageero farsamo iyo mid ciidanba siisay taliska Asad ee Suuriya iyo Xuutiyiinta Yemen. 2) Masar EGYPT Cidanka hadda shaqada kujiro: 438,500 Miisaaniyadda 2017: $2.7 bilyan Kadibmarkii uu talada la wareegay madaxweyne Abdel Fatah el Sisi, militariga Masar ayaa la siiyay xorriyad dheerad ah si ay u ballaariyaan oo ku dhawaad dhinac kasta oo bulshada Masar ah uga qeyb noqdaan, sidookale miisaaniyad difaac oo ballaaran, canshuur dhaaf iyo qandaraasyo gaar ah oo faa’iido leh. Milateriga Masar ayaa horumar weyn ka sameeyay casriyeynta ciidankooda tan iyo markii Sisi uu xukunka la wareegay, iyagoo si tartiib tartiib ah u soo iibiyay hub cusub oo casri ah. Sidooklae dib u habeyn gaar ahaan ciidamadooda badda. Masar ayaa wali la tacaalaysa sidii ay wax uga qaban lahayd kooxaha kacdoonka ka wada ee gacanka Siinaay muddo dhowr sano ah. 1) Turkiga Iyadoo Indonesia lagu wado in ay noqoto dalka afraad ee ugu dhaqaalaha badan aduunka marka la gaaro 2050, ciidankeedu waxa uu sii wadaa in uu kordho. Marka laga reebo ciidankeeda firfircoon, waxay hoy u tahay 281,000 oo askari oo dheeraad ah. Waxa hasytaan cudud ciidan, dhaqaale iyo miisaan siyaasadeed oo ku filan hubinta xasilloonida gudaha. 3) Iran IRAN Cidanka hadda shaqada kujiro: 534,000 Miisaaniyadda 2017: $14 bilyan Waxa ay ku guulaysatay in ay si hufan u maarayso malayshiyaad badan iyada kuwaas oo ka dagaalama waddamo kala duduwan. Sanado badan oo cunaqabatayn ah, Iran waxay horumarisay warshadeed difaaca qaran oo muhiim ah waxayna samaysay horumar weyn oo ay ku noqonayso dawlad nukliyeer ah. Ciidamadeeda hubaysan ayaa sidoo kale loo arkaa inay si gaar ah ugu xoogan yihiin dagaalka aan caadiga ahayn. Iran ayaa taageero farsamo iyo mid ciidanba siisay taliska Asad ee Suuriya iyo Xuutiyiinta Yemen. 2) Masar EGYPT Cidanka hadda shaqada kujiro: 438,500 Miisaaniyadda 2017: $2.7 bilyan Kadibmarkii uu talada la wareegay madaxweyne Abdel Fatah el Sisi, militariga Masar ayaa la siiyay xorriyad dheerad ah si ay u ballaariyaan oo ku dhawaad dhinac kasta oo bulshada Masar ah uga qeyb noqdaan, sidookale miisaaniyad difaac oo ballaaran, canshuur dhaaf iyo qandaraasyo gaar ah oo faa’iido leh. Milateriga Masar ayaa horumar weyn ka sameeyay casriyeynta ciidankooda tan iyo markii Sisi uu xukunka la wareegay, iyagoo si tartiib tartiib ah u soo iibiyay hub cusub oo casri ah. Sidooklae dib u habeyn gaar ahaan ciidamadooda badda. Masar ayaa wali la tacaalaysa sidii ay wax uga qaban lahayd kooxaha kacdoonka ka wada ee gacanka Siinaay muddo dhowr sano ah. 1) Turkiga Cidanka hadda shaqada kujiro: 355,800 Miisaaniyadda 2017: $10.2 bilyan Ciidamada qalabka sida ee Turkiga ayaa muddo sanado ah ku jiray dagaalo dhowr ah oo ay ka qeyb qaateen . Marka laga soo tago joogitaanka culus ee uu ku leeyahay Suuriya, Turkigu waxa uu horumariyay warshadiisa difaaca , waxa uu soo saaray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallada casriga ah, taangiyada dagaalka ee waddaniga ah, iyo helikobterrada dagaalka oo la daagallo lagu tijaabiyay. Iyadoo ay ku jirto kaalinta 1-aad ee ciidamada ugu xooga badan dunida Muslimka iyo Bariga Dhexe, waxa kale oo ay gashay kaalinta 9-aad aduunka marka loo eego Global Firepower Index, oo waxay ka saraysa Jarmalka. Turkiga ayaa sidoo kale saldhigyo waaweyn ka sameystay Qatar iyo Soomaaliya, isagoo ballaariyay awoodiisa juqraafiyeed. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo galabta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ugu yaraan 10 qof oo basaasiin ah, kuwaas oo la shaqey jiray Al-Shabaab. Wasiirka ayaa sheegay in dadkaan ay qabatay hey’adda NISA, waxaana baxsaday laba nin oo ka tirsanaa hey’adaha amniga, kuwaas oo hadda la ogaaday inay la shaqey jireen Al-Shabaab. “Hey’adda NISA oo beegsatay basaasiinta ku dhex abuuran hey’adaha kala duwan ee dowladda ayaa ku guuleysatay inay qabato 10 qof oo gacan saar la lahaa Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud. Wuxuu sheegay in baaritaanka lagu soo qabtay raggaan uu ka dhashay in la ogaaday inay jiraan dad Al-Shabaab u gudbiya xogaha dowladda. “In xogtaas la helay waxay suuta gelisay in NISA ay gudato waajibaadkeeda, isla markaan ay gacanta ku soo dhigto 10-kaan qof ee hadda xiran,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay inay jiraan rag ka tirsanaa ciidamada amniga oo basaasiin u ahaa Al-Shabaab, kuwaas oo hadda baxsaday, wasiirka ayaa sheegay magacyada laba nin oo kala ah Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali. “Waxaa lagu war gelinayaa shacabka iyo hey’daha dowladda in aysan la macaamilin xubnahaan oo lagu daba-jiro,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya. Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale shacabka ka dalbaday inay hey’adaha amniga ku soo war-geliyaan hadii ay helaan xogta xubnahaan lagu daba jiro ee horay uga tirsanaa hey’adaha amniga ee dowladda, hadana u goostay Al-Shabaab. “Waxaa DF Soomaaliyeed ka go’an inay ahmiyad siiso amniga, gaar ahaan ilaalinta xogta hey’adaha dowladda iyo sirta ciidamada qaranka ee howlagallada ku jira,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac. Hoos ka daawo The post NISA oo qabatay 10 xubnood oo basaasiin u ah Al-Shabaab oo ku dhex jiray dowladda appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Libyan British Business Council Partners with Libya Energy & Economic Summit The partnership builds on a successful collaboration in 2021 and will serve to promote a new wave of UK investment in Libya Access Multimedia Content TRIPOLI, Libya, August 4, 2023/ (Qaran news)- The Libyan British Business Council (LBBC) has partnered with Energy Capital & Power (ECP) (https://EnergyCapitalPower.com/) for the second edition of the Libya Energy & Economic Summit (LEES) (https://LibyaSummit.com/), taking place in Tripoli on November 8-9 this year. As an organization that promotes business relations and commercial activity between the British and Libyan business communities, the LBBC plays a central role in facilitating trade and investment. The UK and other European countries have long been important partners for the North African country, and now, multi-sector opportunities and the strength of energy resources have heightened Libya’s attractiveness. While oil and gas has historically been an attractive venture, Libya’s untapped renewable energy prospects offer high returns for investors. As such, the LBBC-LEES partnership will facilitate collaborations between UK and Libyan companies in this area, kickstarting strategic projects and growth opportunities. LBBC Chairman Peter Millett CMG said: “The Libyan British Business Council is delighted to partner with Energy Capital & Power for the second Libya Energy & Economic Summit. With over 120 members, the LBBC has followed the energy sector in Libya very closely, fostering relationships with the National Oil Corporation and with companies working in the hydrocarbons sector. The energy sector will continue to have a central role in Libya’s economic development and the LBBC will play a central role in building partnerships with Libyan companies to promote prosperity in both our countries.” “The LBBC’s strategic alliance with LEES 2023 marks a unique opportunity for both the UK and Libya to harness the potential of Libya’s economy, fostering a new wave of partnerships, innovation and investments. Libya is emerging into a new era of growth, with the country’s resources boasting the capacity to advance energy security in Africa and Europe. Through LEES 2023 and this partnership, we expect a number of deals to be signed by UK companies in Tripoli this November,” states James Chester, Senior Director at LEES organizer ECP. “We are extending an official invitation to UK companies as well as players from France, Italy, Spain, Germany and more, to join this important event.” The 2023 edition of the summit builds on the success of the first edition held in 2021, which represented the first major international investment event to take place in Tripoli in over a decade. The Libya Energy & Economic Summit 2023 takes place in Tripoli on November 8-9 and represents the second edition of this important investment platform. Organized by Energy Capital & Power, LEES 2023 takes place with the endorsement and support of the Office of the Prime Minister, the Ministry of Oil and Gas, and the National Oil Corporation. SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta ku dhowaaqday “xaalad deg deg ah” ayada oo ay sii xoogeysteen iska hor-imaadyada rabshadaha wata ee u dhaxeeya ciidamada qaranka iyo maleeshiyada gobolka Amxaarada. “Waxay noqotay lama huraan in lagu dhawaaqo xaalad deg deg ah maadaama ay soo baxday xaalad ay adkaatay in dhaq-dhaqaaqan aan la aqbali karin lagu xakameeyo sharciga hadda jira,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo la soo dhigay baraha bulshada. Bayaanka laguma sheegin haddii xaaladda deg degga ah ay quseyso dalka oo dhan ama kaliya gobolka Amxaara, oo dhaca waqooyiga caasimadda Addis-Ababa. Iska hor-imaadyada ka socda gobolka Amxaara ee u dhaxeeya ciidamada qaranka iyo maleeshiyada deegaanka ayaa kasii daray toddobaadyadii dhowaa, taasi oo keentay in dowlado shisheeye ay soo saaraan diginin socdaal, halka diyaaradda qaranka ee Ethiopian Airlines ay joojisay duulimaadyadii gobolka. Xiisadda ayaa sii kaceysay tan iyo bishi April markii ay dowladda federaalka ku dhowaaqday inay burburineyso ciidamo goboleedyada, oo ay ku jiraan kuwa gobolka Amxaara, halkaasi oo dadka u dhashay ay u arkeen tallaabo wiiqeysa gobolka labaad ee ugu dadka badan Ethiopia. Khamiistii, mas’uuliyiinta gobolka Amxaara ayaa weydiistay dowladda federaalka inay ka caawiso xakameynta amniga ayada oo xaaladda ay noqotay “mid aad u adag in la maareeyo” ayna horseedeyso carqalad bulsho iyo mid dhaqaale. Dowladda ayaa sheegtay in rabshadaha “ay halis geliyeen nidaamka dastuuriga ah” islamarkaana go’aanka loogu dhowaaqay xaalad deg deg ah uu ahaa “mid loo dhan yahay.” Ciidamada gobolka Amxaara iyo malayshiyada deegaanka ayaa taageerayey ciidamada federaalka labadii sano ee dagaalka ay kula jireen fallaagada Tigrayga, illaa heshiis nabadeed la saxiixay November 22, taasi oo ka caraysiisay qoomiyadda Amxaarada. Inkasta oo uu jiro heshiiska nabadeed, haddana “ciidamada gaarka ah” ee Amxaarada iyo dagaal-yahannada Fano ayaa weli gacanta ku haya Galbeedka Tigray, oo ah meel ay wada sheegtaan Amxaarada iyo Tigray-ga. Heshiiska nabadeed ayaa ka caraysiiyay waddaniyiinta Axmaarada, waxayna xiisaddu ka dartay bishii April markii Abiy uu ku dhawaaqay in la kala dirayo ciidamada gobolka. Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in go’aanka lagu kala dirayo ciidamo goboleedyada, laguna biirinayo ciidamada qaranka ama booliska gobolka, ay xoojin doonto “midnimada” qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya. Afhayeen u hadlay ciidamada Ethiopia, Getnet Adane ayaa shir jaraa’id ka sheegay toddobaadkan, in dagaal-yahano ka tirsan maleeshiyada deegaanka ee Fano ay mas’uul ka yihiin rabshadaha gobolka Amxaara. Gelinkii dambe ee Arbacadii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa sheegay in “dhibaatooyinka amni ee lagu arkayo degaannada kala duwan ee gobolka Amxaarada ay noqonayaan kuwo walaac leh”. “Waxaan joognaa waqti taariikhi ah, oo ay tahay inaan ku baraarugno xaqiiqda ah ‘Haddii aadan nabad helin, wax walba waad waayi doontaa’,” ayuu Demeke ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook. AFP, VOA The post Abiy Ahmed oo xaalad deg deg ah ku dhowaaqay, xilli dagaalka uu sii xoogeystay appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The President of Somalia Hassan Sheikh Mahmoud extended his endorsement for Saudi Arabia’s bid to host Expo 2030, state news agency SPA revealed on Friday. This major global event faces intense competition from rivals, including South Korea, Italy, and Ukraine. Since their inception in 1851, World Expos have emerged as a significant platform for countries to exhibit their latest advancements and technologies. More than just a technological showcase, these expos promote cultural exchange, fostering a mutual understanding that underscores humanity’s shared values. A partnership fostered President Mahmoud further demonstrated Somalia’s commitment to Saudi Arabia by endorsing the nation’s hosting of two pivotal events. These include “the first Saudi-African summit,” and the fifth “Arab-African summit” slated for later this year. An ongoing dialogue between the two nations was affirmed when King Salman forwarded a verbal message to the Somali president. The Somali royal court advisor relayed the king’s communication, which emphasized bilateral cooperation during a presidential reception. The post Somali president backs Riyadh’s bid for Expo 2030 appeared first on Caasimada Online.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia‘s federal government declared a state of emergency on Friday in response to rising tensions and increasing violent clashes between the national army and local fighters in the Amhara region. The statement from Prime Minister Abiy Ahmed’s office indicated that the move was necessary as it had become challenging to manage the “unacceptable movement” under current law. However, the extent of this state of emergency, whether nationwide or confined to the embattled northern region of Amhara, remained unclear in the statement. The road to unrest The roots of this conflict trace back to April when the Ethiopian federal government declared it was disbanding regional forces, including those in Amhara. The populous region’s nationalists perceived this move as a weakening tactic against them. Subsequently, local authorities in Amhara sought federal government intervention, stating that the security situation was becoming “difficult to control,” leading to widespread social and economic disruption. “Most recently, Lalibela Airport has been taken over by Fano militias,” revealed a report from the UK’s Foreign Office, warning against travel to certain parts of Amhara due to increased violence. A resident from Lalibela, choosing to remain anonymous, confirmed this situation to AFP, indicating continued clashes around the town’s outskirts. The escalating tension has significantly impacted travel and tourism in the area. Foreign governments have issued travel warnings, and Ethiopian Airlines, the national carrier, has canceled flights. Following suit, the Spanish Embassy in Addis Ababa advised its nationals against traveling to the unstable region. The unrest has also drawn the concern of high-ranking officials, such as Ethiopia’s Deputy Prime Minister Demeke Mekonnen. Expressing his worries over the security problems in various areas of the Amhara region, he said on Facebook, “We are at a historical time where we should be mindful of the fact ‘If you don’t have peace, you will lose everything.'” The ongoing conflict Tensions between Amhara’s regional forces and the national army have surged, particularly after a peace deal was established in November 2022 to end a two-year war against rebels from the neighboring Tigray region. The Amhara “special forces” and Fano militia group still control Western Tigray, a fertile land claimed by both Tigray and Amhara. Furthermore, Ethiopian army spokesman Getnet Adane stated in a press conference that the recent violence was primarily due to fighters claiming affiliation with the Fano group. This ongoing unrest and the subsequent state of emergency underscore the complexity of Ethiopia’s multi-ethnic landscape and the pressing need for sustainable solutions to the tensions escalating therein. The post Escalating tensions ignite state of emergency in Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
-
Ballidoogle (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa weerar afka ah ku qaaday dadka dowladda ku dhaliila sida ay u mareyso weerarrada iyo dhagarta ay ciidamada dowladdu kala kulmaan Al-Shabaab. Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay dugsiga Ballidoogle oo shalay uu tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab. Wasiirka ayaa sheegay in dadkaasi ay isugu jiraan, masuuliyiin hore, weriyaal iyo dad saameyn ku dhex leh bulshada, balse hadda uu sheegay in aysan waxaba dhaamin kooxda Al-Shabaab. “Waxaa soo baxay dad xamaanta bis sheega oo Khawaarijta aan darajo badan dheereyn, quluubtiina in aysan waxaba gaarsiin ayaan idinka rabaa hadallada dadkaas,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Wuxuu intaas ku sii daray, in ninkii kooxdaas, hadal ka farxinaya ugu gargaara, kii maalkiisa ku garab istaaga iyo kii dhiirigeliya aysan waxaba dhaamin oo lamid uu yahay, isagoo yiri, “Waxaba iska dooriyaan ee dadow yaan lagu sirmin nimanka idaacadaha taagan.” “Qaarkood dadkaas idaacadaha ayey la taagan yihiin taageerada ay u hayaan Al-Shabaab, qaar ayaa TV-yo u furtay si ay u taageeraan Al-Shabaab oo bulshada u marin habaabiyaan, muuqaaladii Khawaarijta ayey cod soo dul-saaraan, ma xiishoodaan, diin iyo dadnimana malaha,” ayuu yiri Wasiir Jaamac. Wasiirka difaaca, wuxuu ciidankaan cusub kula dardaarmay in hadallada dadkaas aysan dheg-jalaq u siin oo aysan ka niyad jebin shaqada ay u qaba doonaan dalkaan ay u tababarteen, ina dhaarteen. Sidoo kale wasiirka ayaa ciidanka u sheegay inay ku soo aadeen waqtigii loogu baahida badnaa, isagoo ku dhiiri-geliyey in dhul badan ay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyeen ciidankii uga horeeyey furimaha, isla markaana aad loogu rajo weyn yahay in ciidankaan cusub ay wax badan ku soo kordhiyaan howsha ka socota furimaha dagaalka. Hoos ka daawo The post Daawo: Wasiirka Difaaca oo shaaciyey mas’uuliyiin la shaqeeya Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopia’s cabinet has agreed to declare a state of emergency in the restive Amhara region following days of clashes between local militias and the army. Source: Hiiraan Online
-
Energy Capital & Power (https://EnergyCapitalPower.com/) is proud to announce that Jacob Flewelling, Africa Investment Advisor for Lusophone Africa and Pan-African Transactions at the US International Development Finance Corporation (DFC), will speak at the fourth edition of the Angola Oil & Gas (AOG) (https://apo-opa.info/3PTENZ0) conference, taking place this September in Luanda. As the US Government’s primary development finance institution, the DFC partners with the private sector to mobilize financing for impactful sectors worldwide, including energy, healthcare, critical infrastructure and technology. In his role as Africa Investment Advisor, Flewelling spearheads investment advisory and business development in Lusophone Africa, and engages with financiers and governments alike. The DFC has invested more than $10 billion across sub-Saharan Africa. In collaboration with the private sector, the institution has several impactful projects currently underway that aim to support economic growth and commerce, enhance energy security and infrastructure, and improve access to affordable healthcare, food and capital. Projects include a $40 million equity investment in Africa Renewable Energy Fund II; a $5 million loan portfolio guaranty to promote sustainable agriculture in the Democratic Republic of Congo; and many more. In Angola, the DFC spearheaded the construction of the Luanda Medical Center, improving access to affordable and quality healthcare in the country’s capital. “The DFC is able to finance eligible private sector-led opportunities and is capable of providing up to $1 billion in debt (loans and guaranties) per project; up to $1 billion in political risk insurance per project; or up to 30% of the shareholding in a company or fund. The DFC can also provide technical assistance funding for projects or companies it expects to support or is supporting through debt, guaranties, equity, or political risk insurance,” stated Flewelling. “The DFC is keen to consider financing of private sector renewable energy, energy storage, transmission, critical minerals, and/or climate resilience transactions in Angola.” During the AOG 2023 conference, Flewelling will discuss opportunities for private sector-led renewable energy projects, energy storage and transmission in Angola. His engagement in panels, networking forums and investor summits will advance dialogue while opening up new opportunities for collaboration between US and Angolan players. “We believe that mobilizing private sector funding will be key for Angola as the country works towards diversifying its economy while advancing energy and food security. The DFC plays a central role in facilitating investment for important infrastructure projects in Africa, and we look forward to the insights Flewelling will provide at this year’s AOG conference,” states Devi Paulsen-Abbott, CEO of AOG-organizer, Energy Capital & Power. For more information about AOG 2023, visit www.AngolaOilandGas.com. SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Argagixisada marwalba oo ay la kulmayaan cadaadis dagaal waxay isku dayaan inay iyaguna xanuujiyaan shacabka Soomaaliyeed, si ay dowladda ula kulanto cadaadis kale dagaalkuna u joogsado. Shacabka reer Muqdisho waa kuwa ugu badan oo ay argagixisada ka aarsato marwalba oo ay la kulmaan culeys. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horraanta asbuuca soo aadan u guuraya deegaanada Galmudug, hadafkiisa u weyn waa inuu argagixisada soo dhaafiyo Galmudug. Argagixisada waxay ka dharagsan tahay inuu kusoo wajahan yahay guluf aan qarsooneyn, waxay dareemayaan culeyska duulaanka kusoo wajahan oo uu madaxweynihii dalka dhexda ka fadhiyo. Illo wareedyo ka tirsan laamaha amniga ee dowladda federaalka ayaa laga soo xigtay xogo ah in argagixisada ka fikireyso dhibaateyn shacab. Wejigii hore ee dagaalka waxaa la xasuusta in argagixisada ay fulisay qaraxii Zoobe 2 ee dhacay 29-kii October 2022. Ujeedka qaraxaas ayaa ahaa inay kooxda ka aarsato shacabka Soomaaliyeed ee go’aansaday inay ka xoroobaan gumaadkooda joogtada ah iyo cabsida. Markale waxaa jirra dareen ah in kooxda allifeyso weeraro shacab oo ay ku dhimeyso miisaanka wejiga labaad ee dagaalka. Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo shacabka waxaa horyaalla dhowr arrimood. Haddii aan ku horeyno laamaha amniga Hay’daha amaanka ee dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho waxaa laga rabaa inay laba jibaaran shaqadooda la bogaadiyay waayahan, iyaga oo ku baraarugsan waxa ka imaan kara kooxaha argagixisada, inta lagu jiro wejiga labaad ee dagaalka. Maalmihii tegay waxaa la sheegay inuu dabcay hanaanka baarista ee ciidamad jooga waddooyinka caasimadda, taas oo haddii aan sidii hore lagu soo celin keeni karta inay argagixisada ka gudubto baraha amniga kadibna ay dhibaateeyso shacabka. Midda labaad waa dadka reer Muqdisho Marwalba oo uu socdo dagaal foojignaantu waa dardaaran muhiim ah. Argagixisada waxaa bartilmaameed u ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah dadka Muqdisho degan. Shacabka caasimadda ku nool waxaa hortaalla inta uu socdo wejiga labaad ee dagaalka inay la yimaadan foojignaan intii hore ka duwan, gaar ahaan goobaha bulshada ku badan tahay iyo kuwa habeenkii lagu fiidsado. Sidoo kale garabsiinta laamaha amniga ee xilligaan waxay leedahay muhiimad gaar ah, si loo badbaadiyo shacabka ay argagixisada rabto inay ka aarsato. The post Arrinta la gudboon dadka Muqdisho inta uu socdo wejiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada gaarka u tababaran ee kumaadooska DANAB ayaa shaaciyay in uu diyaarsan yahay ka qeyb-galka wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab. Wejigan oo ah midka ugu adag ee kooxda wajahdo ayaa waxaa abaabulkiisa si wada-jira u wada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dalala deriska, oo ciidan ka socda ku biirayo dagaalka. Taliyaha ciidanka kumaandooska DANAB ee xoogga dalka Gaashaanle Caydaruus Maxamed Xasan oo hadal jeedinayay munaasabad ay ku qalin jebiyeen dufcada 9-aad ee guutada 16-aad ayaa sheegay in ujeedkii loo aas-aasay DANAB ay maanta dhabbaheeda hayaan. Waxa uu hoosta ka xariiqay in ay ka go’an tahay sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo wejigii hore ay ciidamadaan door muuqda ka qaateen. Taliye Caydaruus ayaa sidoo kale tilmaamay in saraakiil muhiim ah ay uga dhinteen dagaalka socda, taasi oo uu sheegay in aanay niyad-jebin oo weli ay ka go’an tahay ciidamadaan iyo hoggaankoodaba in ay sii laba jibaaran howl-galladaan lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab. “Gaashaanle Xasan Tuurre Allaha u naxariisto isaga iyo saraakiil badan iyo ciidanka xoogga dalka intooda badan waxay u shahiideen dalka iyo dadka Soomaaliyeed, idinkana waxaa doorateen in aad dalka iyo dadka u adeegtaan.” Ciidamada DANAB ayaa waxay taageero ciidan iyo tababar ka helaan dowladda Mareykanka, iyaga oo saldhigyo ka sameystay dowlad-goboleedyad hoostaga dowladda federaalka si ay u ballaariyaan howl-galladooda. Si kastaba, Wejigii hore ee hawl-galka ayaa kooxda Al-Shabaab lagaga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug, waxaana lagu wadaa in wejigaan xigga uu noqdo kii ugu adkaa ee wajahdo kooxda, islamarkaana looga xoreynayo dalka. The post Danab oo war kasoo saartay wejiga labaad ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa si rasmi ah u caddeeyay mowqifkiisa ka qayb-galka hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland. War-saxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeedka Mideeye ayuu gebi ahaanba ku qaadacay ka qayb-galka doorashooyinkaas ku salaysan hannaanka xisbiyada badan. Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa sidoo kale cambaareeyay wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland waxaana uu madaxweyne Deni iyo Baarlamanka ku eedeeyay sharci-jebin. Ururka Mideeye ayaa sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqay in aysan qayb ka noqon taageeridda hannaanka doorashooyinka Puntland ee qof iyo cod oo ay ku tilmaameen mid hal dhinac ah. PUNTLAND POST The post Ururka Mideeye oo qaadacay doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland appeared first on Puntland Post.
