-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Lix qof ayaa ku dhintay dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah oo ku degtay marrinka badda ee iski xira Faransiiska iyo Ingiriiska. Afhayeen u hadashay maamulka xeebaha Faransiiska Premar ayaa sheegtay in inta u dhaxaysa shan ilaa 10 kale la la’yahay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP. Ilaalada xeebaha ee Britain iyo Faransiiska ayaa doonta ka soo badbaadiyay ku dhawaad 50 qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Tiro dad ah ayaa la arkayay oo laga soo dajiyay doon badbaado oo kusoo xiratay dekadda magaalada Ingiriiska ee Dover, balse ma cadda inta uu la egyahay dhaawaca iyo tirada saxda ah ee guud ahaan dhimashada. Saacadihii hore ee Sabtida, markab meesha marayay ayaa markii ugu horreysay ka qeylo dhaamiyay in doon ay ku dhibaataysan tahay xeebta magaalada Sangatte, oo u dhow Calais. Doontii Faransiiska markii ay timid, waxay badda ka heleen dad badan. Doonta badbaadada ee Dover, oo horey ugu jirtay kanaalka oo la tacaaleysay doon kale oo tahriibayaal ah, ayaa ku biirtay howlgalka badbaadinta. Qof isxilqaamay oo saarnaa mid ka mid ah doonyaha badbaadada, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in muhaajiriintu ay isticmaalayeen kabo si ay uga badbaadiyaan biyaha doonta degtay. Anne Thorel waxa ay sheegtay in ay “aad u badan yihiin” dadka doonta saarnaa. Dacwad oogaha Faransiiska ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in qofka ugu horreeya ee dhintay uu ahaa nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo da’diisu u dhaxaysay 25 ilaa 30 jir. Kooxaha samatabbixinta ayaa sheegay in tani ay tahay markii toddobaad ee toddobaadkan ay dadka ka soo saaraan biyaha. Enver Solomon oo ah madaxa fulinta ee golaha qaxootiga ayaa uga mahad celiyay samatabbixiyaasha dadaalkooda balse waxa uu ku booriyay dowlada UK in ay ka shaqeyso abuurista “nidaam magangalyo oo hagaagsan oo bini’aadantinimo ku dhisan”. Kanaalka Ingriiska waa mid ka mid ah marinnada ugu khatarta badan uguna mashquulka badan caalamka, waxaana maalin walba mara 600 oo booyadood iyo 200 oo doomood. Isla maamnta goordhow waxaa sidoo kale xeebaha dalka woqooyiga Afrika ee Tunisia ku degtay doon ay saarnaayeen muhaajiriin. Qaran News
-
Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu soo bandhigay ciidan ka badan 1000 askari iyo gaadiid dagaal oo aad u badan kuwaas oo dadka deegaanku ay u diyaariyeen ka qeyb qaadashada dhammeystirka wajiga 1aad dagaalka looga xoreynayo deegaanada ay Galmudug. Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Galmudug ayaa ka qeyb galay Munaasabadda lagu soo bandhigay Ciidanka iyaga oo ku dhiirri galiyay sida ay ugu diyaar garoobeen dagaalka dowladdu qorsheysay in laga fuliyo maamulka Galmudug. Ciidankaan lasoo bandhigay ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli dhowaan magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb lagu soo bandhigay ciidamo deegaanka ah, kuwaas oo la sheegay in ay taageeri doonaan ciidanka xoogga dalka ee ku wajahan Ceelbuur iyo deegaannada kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing. Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta ee degaannada laga xoreeyey argagixisada. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ergayga kala hadlay sidii addeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa gabood-fallada argagixisada iyo xaaladaha bini’aaddannimo ee adag. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab. Maxaxweyanaha ayaa sheegay in ololaha lagu ciribtirayo argagixisada uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga sifeeyo degaanada ay wali ku harsanyihiin. Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay cirib-tirka argagixisada. Sidoo kale Marwo Catriona waxa ayna tilmaamtay in joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa halganka xoreynta Soomaaliya. Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Marwo Catriona ayaa sheegtay in sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xirtay argagixisadu, kana soo maleegto qaraxyada iyo falalka xasuuqa ah ee ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed ay dowladda ku garab siinayaan in xal waara loo helo. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo laba qodob oo culus kala hadlay Catriona Laing appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Kooxda hubeysan ee ku sugan buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaalkii xooganaa ee ay shalay la galeen ciidamada Booliska Somaliland, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Afhayeen u hadlay jabhaddan cusub oo durbo saameynteeda laga dareemay Somaliland ayaa marka hore beeniyay warbixintii kasoo baxday Somaliland, wuxuuna shaaca ka qaaday in iyagu aysan weerar qaadin, balse lagu soo duulay, kadibna ay is difaaceen. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dagaalkaas ay ku dileen ugu yaraan 25 askari, ayna ku dhaawaceen 30 kale, taas oo aad uga duwan khasaaraha ay shaacisay Somaliland. Taliyaha Booliska Somaliland ayaa horay u sheegay in dagaalkaas looga diley 9 askari, lagana dhaawacay 17 kale oo ka mid ah ciidamadooda. Ninka u hadlay jabhadda looga dhawaaqay buurta Gacan-Libaax ayaa sidoo kale ku goodiyay in ay la dagaali doonaan cid kasta oo weerar ku soo qaadda aagga ay ku sugan yihiin. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in Somaliland ay ciidamo horleh geysay aaggaas oo ay ka taagan tahay xaalad aad u dag iyo cabsi dagaal. Dhanka kae Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa isku xirey jabhadda hubeysan iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, waxaana uu sheegay in jabhaddu ay tahay mid xiriir dhaw la leh Guddoomiyaha Waddani, oo ay u badan yihiin qaraabadiisa, sidaas darteed uu ku fashilmey in u wax ka qabto, ayuu yiri. Cabduraxmaan Cirro oo dhankiisa soo jawaabay ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo tallaabo uu qaaday madaxweyne Muuse Biixi ee ku aadan inuu ciidamo dul dhigo jabhadda dul saaran buurta Gacan-Libaax, wuxuuna sheegay in taasi aysan keenin xalka ee loo baahan yahay in la qaado dhabo kale oo nabadeed. “Annagu ma rumeysnin, waana ka soo horjeednaa, mana taageersanin in xalku noqdo xabad, xoog iyo is maquunin” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro. Jabhadda Buurta Gacan Libaax saldhigga ka dhigatey ee u badan beesha Garxejis Isaaq ayaa diidan muddo kororsiga madaxweyne Muuse Biixi loo sameeyey, qabasho la’aanta doorashada iyo inaan loo sineyn Somaliland. Burta Gacan Libaax ayaa noqoneysa furin labaad oo Somaliland ay ka dagaalameyso, horey waxaa u diidey dadka deegaanka gobolka Sool oo bishii Febaraayo ku guuleystey in ay Somaliland ka saaraan deeganadooda, waxaana ay hadda ku sugan yihiin xero ciidan oo ku dhaw Laascaanood oo ay dhufeyso ka qoteen. Doorashooyinka Somaliland waxay ahayd in la qabto 13 November 2022, hase yeeshee Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo laba sano ah ugu daray Muuse Biixi. The post Jabhadda Buurta Gacan-Libaax war kasoo saartay dagaalkii cuslaa ee shalay appeared first on Caasimada Online.
-
As with many other things in life, technological advancement is indeed a double-edged sword. Herbert Simon once said: “There are no morals about technology at all. Technology expands our ways of thinking about things, expands our ways of doing things. If we're bad people, we use technology for bad purposes and if we're good people we use it for good purposes.” Source: Hiiraan Online
-
Embarking on my visits to universities in Mogadishu, where I engage in discussions with university students, is a privilege I hold in high regard. Witnessing their unwavering determination to pursue education despite their challenges is truly inspiring. However, amidst this admiration, two crucial elements persistently occupy my thoughts: Creativity and Effectiveness. As I interact with these bright minds, I question whether our higher education system nurtures the creative spark and practical prowess our nation desperately needs. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta soo bandhigay laba xubnood oo kasoo goostay Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda. Labadan nin ayaa iska soo dhiibay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, halkaas oo lagu soo dhaweeyay, sida ay shaaciyeen saraakiisha milatariga Soomaaliya. Magacyada raggan ayaa waxaa lagu kala sheegay Xasan Macalin Aweys oo magaciisa afgarashadu yahay (Jindullaah) iyo Cabdullahi Ibraahim Maxamed oo isna loo yaqaan (Jabal), kuwaas oo ah wiilal dhalinyaro ah oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Hadallo ay siiyeen warbaahinta dowladda ayaa waxa ay ku sheegeen inay muddo saddex sanno ah ka tirsanaayeen Shabaab, isla-markaana ay ka qayb qaateen dagaallo dhowr ah. Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay ka soo laabteen waddadii khaldaneed ee ay raaceen, sida ay ku sheegeen wareysiyo muuqaal ah oo ay ka qaaday warbaahinta qaranka. Dhanka kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in dhalinyaradan lasoo dhaweeyay, isla-markaana ay mari doonaan habraaca la marsiiyo xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab. Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in lagu wareejin doono hay’adaha ku shaqada leh, si ay uga gaataan waajibaadka ka saaran xubnahaan maanta isaga soo dhiibay. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo badanayay xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda, kadib markii ay kordheen howlgallada ka socda dalka. The post Xasan Jindullaah iyo Cabdullahi Jabal oo usoo gacan galay DF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
The Tanzanian High Court on Thursday dismissed a petition to prevent a United Arab Emirates company from running Tanzania’s ports. The petition had been filed by four Tanzanians opposed to a 2022 deal between Tanzania and UAE. Under the agreement, the Emirati logistics company DP World was to take over the management of some ports in mainland Tanzania. Tanzania’s parliament approved the agreement on 10 June. The deal drew criticism from several activists, citizens and opposition politicians, who saw it as the Tanzania’s government selling off their country. Critics were particularly concerned that the agreement failed to specify when the management of the ports would revert to Tanzania. In August, Human Rights Watch (HRW) criticised the Tanzanian government for harassing and detaining critics of the deal. It came after the government had on 19 June arrested and detained 18 individuals protesting against the agreement in the city of Dar es Salaam. “Instead of clamping down on critics, the government should respect the right to freedom of expression and assembly, and listen to them,” said Oryem Nyeko, HRW’s Tanzania researcher. The UAE firm has previously entered other deals to develop or manage African ports, including the Ain Sokhna port in Egypt, Berbera port in Somaliland, Bosaso port in Puntland and Banana port in the Democratic Republic of Congo. The UAE has also expressed interest in managing the Mombasa, Lamu and Kisumu ports in neighbouring Kenya. Business ghana Qaran News
-
Dadweynaha reer Somaliland ayaa dareeno cadha ah ka muujiyay hadalka maanta ka soo yeedhay gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan waxana ay sheegeen in aanu hadalkaasi noqon doonin mid beelaha Somaliland la iskaga hir keeno arinkuna u dhaxeeyo xukuumadda iyo kooxdaas buurta ku jirta ee aan cidna matalin Saleebaan Gaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dalka ay ku dagaalamayaan beesha West Burco Clan iyo beelaha kale ee Somaliland oo isku dhan ah. Hadaba deegaano badan ayaa laga canbaareeyay hadalka Saleebaan waxana hadalkaasi uu aad u dhibay qoysaskii beesha West Burco Clan ee ay shalay ka baxeen ciidamadii ay jabhadu laysay oo ka mid ahaa beelaha West Burco Clan. Sideedaba ma jirto wax Jabhad ah oo ay leeyihiin beesha West Burco Clan oo loo midaysanyahay, beeshuna waxa ay ku jirtaa ciidamada qaranka ee difaacaaya Jamhuuriyadda Somaliland shalayna u dhintay barina u dhiman doona. Hadalka Saleebaan Gaal ka soo yeedhay isaga ayuu ku koobanyahay waxana haboon in xilka sare ee hayo iska casilo, raali galina uu ka bixiyo. Isku soo wada duuboo, Saleebaan Gaal waxa uu u markhaati furay cadawga Somaliland ee meel walba la taagan Jabhada West Burco Clan oo ah mid ay cadawgu ku kala qaybinayaan shicibka Somaliland waana nasiib daro arinkaasi Qaran News
-
Madaxweyne Siciid Deni ayaa ugu baaqay urur siyaasadeedka Mideeye in uu dib ugu soo noqdo hannaanka doorashooyinka qof iyo cod oo uu dhawaan qaaddacay Mideeye. Madaxweynaha Puntland oo maanta oo sabti ah hadal ka jeediyay munaasabad ka qabsoontay magaalada Qardho ayaa ku boorriyay urur siyaasadeedka Mideeye in aysan ka baaqsan barnaamijka doorashooyinka xisbiyada badan. “Halkan waxaan baaq uga dirayaa Xisbiga Mideeye inaga oo sagaal ah ayaan galney doorashadii goloyaasha deegaanka, Mideeye waad naga guuleystateen ee ku soo noqda doorashooyinka oo haka biqina” ayuu yiri Siciid Deni. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in xalka keliya ee Puntland uu yahay in la dhammaystiro hannaanka doorashooyinka xisbiyada badan ee qof iyo cod waxaana uu ku dhaartay in uu ka shaqaynayo doorasho hufan oo aan ku shubasho lahayn. “In la is doorto waxay kor u qaadeysaa fahamka dowladnimada, danteena ayaana ku jirta in aan xoojino nidaamka doorashooyinka ee aan u diyaar garowno doorashooyinka.Hadafkeygu maaha in aan soo noqdo ee waa in barnaamijkan hirgalo” ayuu sii raaciyay. Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo uu dhawaan urur siyaasadeedka Mideeye qaaddacay doorashooyinka qof iyo cod ee xukuumadda Puntland waddo islamarkaana uu ku tilmaamay mid hal dhinac ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo baaq u jeediyay urur siyaasadeedka Mideeye appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qasriga madaxtooyada ee magaalada Kusmaayo ku qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis, kaas oo booqday halkaasi. Axmed Madoobe iyo Mike Nithavrianakis ayaa ka wada-hadaly labada qodob oo uu mid kamid ah yahay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab iyo qorshaha horumarinta deegaanadaas. UK ayaa ballan qaaday inay ka qayb qaadan doonto taageeridda wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo xoogiisa uu ka dhici doono deegaanada Jubbaland, siiba Jubbooyinka. Labada mas’uul ayaa sidoo kale kulankooda diiradda ku saaray sidii loo xasilin lahaa deegaanada la xoreeyay dadka ku noola ay u heli lahayeen kaalmo deg deg ah. Kulanka waxaa kale oo lagu soo qaaday qorshayaasha hormarinta kala duwan gaar ahaan tageerada dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska. Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirka Caafimaadka Eng ismaciil Axmed Garas iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Khaliif Yuusuf Maxamed. Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli Jubbaland iyo dowladda federaalka ay haatan u diyaar garoobayaan dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, si looga saaro maamulkaas. Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan ka socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo hoggaamintiisu madaxwweynaha u joogo caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Si kastaba, UK ayaa kamid ah dalalka reer Yurub ee taageero Soomaaliya, waxayna sidoo kale tababar iyo qalab siisaa ciidamada Xoogga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. The post Axmed Madoobe oo laba qodob kala hadlay UK + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ganacsatada qaadka Kenya ayaa si adag uga hadlay amar culus oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aadan qaadka ay usoo dhoofiyaan gudaha Somalia, kadib markii ay dowladdu fursad siisay Itoobiya oo qaad kale uu ka yimaado. Ganacsatada Kenya ayaa sheegay in lagu wargeliyay in 10 maalmood oo kamid ah bishii aysan qaad usoo diri karin Somalia, taas oo ay fursad weyn i tahay Itoobiya, maadaama bishii ay 10 maalmood u heli karto suuq u gaar ah. Mid kamid ah ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa u sheegay warbaahinta Nation in uu hoosu dhac ku yimaaday suuqooda, taasina ay uga wacan tahay go’aanka Somalia.. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maalmo kooban oo 10 cisho ah amar lagu siiyay in ay joojiyaan soo dajinta qaadka gudaha Somalia, isaga oo sheegay in arintaas ay saameyn ku yeelatay ganacsigooda iyo heshiiskii ay horay u galeen dowladaha Somalia iyo Kenya. Ganacsatadan ayaa sidoo kale ku goodiyay inay joojin doonaan qaadka ay usoo dhoofiyaan Somalia, haddii aan la dhageysan, waxana laga qaban cabashadooda. Arintan ataa timid ka gadaal markii dowladda Itoobiya ay Somalia u gudbisay cabasho ku aadan suuqa qaadka ee loo xiray Kenya, taas oo hoos u dhigtay ganacsigii dalkaasi. Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax faahfaahin ah oo kasoo baxaya dowladda federaalka oo ku aadan go’aankan ay ka cabanayaan beeraleyda qaadka Kenya. Qaadka Kenya oo uu horay joojisay madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa sanadkii hore dib u fasaxay Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad dib loo doortay 15-kii May ee 2022-kii. Dib u fasixidda qaadka Kenya ayaa ku timid, kadib wadahadallo ay Nairobi ku yeesheen hoggaamiyeyaasha labada dal, kaas oo ay qayb ka aheyd xoojinta xiriirka labada dal. The post DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo ka careysiisay ganacsatada qaadka Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imanaaya dadka deegaanka Go’oda ayaa sheegaaya in ciidamadii dawlada ee daganaa aagaasi ay ka guureen maanta duhurkii. Ma cada in ay ciidankaasi aag badasheen iyo in ay gabi ahaanba ka baxeen deegaanka, hase ahaatee waxa ay warar kale xaqiijinayaan in ay ciidamadaasi u guureen xaga magaalada Burco. Ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay xaga xukuumadda oo ku saabsan ciidamadaasi Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in bahda waxbarashadu ay yihiin naftood hurayaal xili adag u kacay waxbaridda ubadka Soomaaliyeed, isla markaana ka soo dhalaalay kaalin muhiim ah oo bannaaneyd. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey munaasabad lagu soo xirayey tartan aqooneedka Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey dugsiyadii tartanka ka qeyb galay ee muujiyey dadaalka dheeriga ah, soona bandhigay aqoontooda iyo wajiga aqooneed ee qurxoon ee dalkeennu uu leeyahay. Mudane Xamse ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in loo tartamo waxbarashada, shaqada iyo siyaasadda, si meesha looga saaro in qofku uu danihiisa ku gaaro musuq-maasuqa iyo qabyaalad. Tartanka oo ay ka qeyb qaateen 1,500 oo arday oo ka socotay Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Maamulka Gobolka Banaadir, Macallimiin, waaliddiin, dadweyne iyo arday ka socotay dugsiyadii tartanka ka qeyb qaatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta mooshin cusub geeyay baarlamaanka, kaas oo ku aadan dhibaatada ka taagan Xasbiga Dhexe ee Xamar. Kulankan oo ahaa kii 16-aad ee kalfdhiga 3-aad ayaa waxaa xaadiray 147 Mudane, waxaana guddoomiyay, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Ugu horreyn kulanka ayaa markii uu furmay waxay xildhibaada qaar soo jeediyeen mooshinka, si loogu daro ajendahooda maanta. Xildhibaan Gobsan Muxamed oo akhrisay mooshinka ayaa sheegtay inuu ku aadan yahay warbixin ay guddiyada garsoorka, xuuuqul insaanka iyo arrimaha bulshada kasoo dhex diyaariyeen Xabsiga Dhexe, si golaha loogu bandhigo dhibaatada ka jirta halkaasi. “Waxaan guddoomiye si xushmad leh kaaga codsaneynaa inaad ajendaha maanta noogu darto, sidaaad la socoto guddiyada garsoorka, xaquuqul insaanka iyo guddiga arrimaha bulshada waxay waqtiyadii kala duwanaa soo booqdee Xabsiga Dhexe, waxay kasoo diyaariyeen warbixin, kadib markii ay direen xubno isku dhaf ah” ayay tiri xildhibaanaddu. Sidoo kale waxa ay ka dalbatay xildhibaanada inay ogolaadaan mooshinkooda oo ay sheegtay inay cadaalad ugu raadinayaan dhibanayaasha. “Sidaas daraadeed waxaan golaha sharafta leh ka codsaneynaa inay ogolaadaan in ajendaha lagu daro warbixintaan, si loogu jeediyo golaha waxaan rajeynayaa ugu dambeyn inaad aqbali doontaan soo jeeditaan oo waafaqsan xeer hoosaadka golaha” ayay raacisay. Dhankeeda xildhibaan Faa’iso Jayte oo kamid ah xubnaha booqday Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sharraxaad ka bixiysay ujeedka mooshinkooda iyo waxa hadda keenay. “Ujeedada aan mooshinka ugu soo darnay waxaa waayay waxaan sameynay hadda kahor waxaan booqanay Xabsiga Dhexe waxaan diyaarinay warbixin, taas oo aan rabno inaan la wadaagno baarlamaanka, si loo ogaado caqabadda ka jira xasbiga” ayey tiri Faa’iso Jayte. Waxay sidoo kale kusii dartay “Ma’aha ujeedka in dhibaato la sameynaayo ee waxaa waayey dadkaas wixii cadaalad u baahan inay helaan”. Intaasi kadib xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday mooshinkan, sida uu shaaca ka qaaday afhayeenka guud ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. “Ajendaha waa la ogaaday, hal qof oo diiday ayaan u jeeday qof ka aamusay uma jeedo, sidaaas daraadeed ajendaha ayuu ka mid noday” ayuu isna yiri Sheekh Aadan Madoobe’ The post Daawo: Mooshin cusub oo loo gudbiyay BF + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (HOL) - Somali National Army (SNA), backed by local militia forces, recaptured the villages of Runirgood and Hilowle Gab in the Middle Shabelle region following a military operation on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Beeralayda qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu jiro hoos u dhac ku yimid iibka Soomaaliya la geeyo , kadib markii ay dowladda Soomaaliya siisay Itoobiya 10 maalmood oo ay si gaar ah uga heli karto suuqa qaadka bishiiba gudaha dalka, taas oo hoos u dhigtay Meeruuga. Mid kamida ganacsatada qaadka oo la hadlay warbaahinta Nation ayaa sheegay in maalmo kooban amar lagu siiyay in ay joojiyaan soo dajinta qaadka, gudaha Soomaaliya ay geyn jiyeen, kaas oo dib loo fasaxay, kadib markii heshiis isafgarad ah uu dhexmaray labada dowladood. “Qorshahan laba toddobaad ka hor dowladda ayaan ku wargelinay, laakiin waxay u muuqataa in madaxda Kenya ay ka hortagi waayeen, Xaqiiqda ah in Itoobiya ay heshay maalmo ganacsi oo gaar ah oo uu si toos ah u riixay Ra’iisal Wasaarahooda, waxay muujinaysaa heerka faragelinta ee Kenya ay u baahantahay in ay muujiso. ” ayuu yiri Mr Muniuri. Arrintan ayaa timid kadib markii Itoobiya, sida la sheegay ay Soomaaliya u gudbisay cabasho ku aaddan awoodda Kenya ee suuqa Qaadka Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Xasan Maxamuud uu xayiraadda qaadka ka qaaday Kenya sanadkii hore. Guddoomiyaha ururka ganacsatada qaadka ee Maua Maxamed Quresh waxa uu sheegay in Itoobiya ay dabada ka riixayso in ay suuq u hesho maalmo qaadkeeda. Mr Munjuri ayaa sheegay in awaamiirta ka soo baxday Soomaaliya ay ka dhigan tahay in aan wax qaad ah loo dhoofin doonin Muqdisho laga bilaabo habeenka Khamiista. Qaadka Kenya ayaa suuq fiican ku yeeshay Soomalaiya tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, kaas oo heshiis la galay dowladda Kenya oo isafgarad ahaa, waxaana markaas hoos u dhacay dalabkii kan Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa gudaha u galay degmada Ruun-nirgood iyo deegaanka Hilowle Gaab oo dhaca xadka gobolka Shabeellaha dhexe uu la leeyahay gobolka Galgaduud, halkaas oo dhowaan ciidanka dowladdu ay isaga soo baxeen. Ciidanka huwanta ah ayaa magaalooyinkaan waxaa ay ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, ciidankaan gudaha u galay magaalooyinkaan ayaa dhowaan waxaa ay ka ambabaxeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo lagu soo tababaray Eretria. Gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan deegaannada dhaca xadka uu la wadaago gobolka Galgaduud, ayaa waxaa ka socday dhaqdhaqaaqyo ciidanka dowladdu ay ku doonayaan in ay kula wareegaan goobaha Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin deegaannada Hirshabeelle. Deegaannada dowlad goboleedka Hirsabeelle gaar ahaan Galbeedka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in laga fuliyo dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka Al-shabaab, waxaana xusid mudan in ay kusii qulqulayaan ciidamo badan oo tababarlaga keenay. Dhaqdhaqaqyada ciidan eek a socda dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb, oo halka la sheegay inuu ka hoggaamin doono dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Musharraxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay xiisadda kasoo cusboonaatay buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil, kadib markii ay Jimcihii shalay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo jabhad ku sugan halkaasi. Cirro ayaa ugu horreyn sheegay inuu ka xun yahay dagaalkaas, isaga oo tacsi u diray ehellada askartii ku geeriyootay, wuxuuna kuwa dhaawaca ah u rajeeyay caafimaad. “Marka hore waxaan tacsiyadeynayaa dhamaan dadka nagaga dhintay, kuwa dhaawacmay ilaah waxaan uga baryayaa inuu caafimaad siiyo, anaga oo ka xun dhacdadaas” ayuu yiri musharraxa xisbiga mucaaradka Wadani ee Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale wuxuu kasoo horjeestay tallaabo uu qaaday madaxweyne Muuse Biixi ee ku aadan inuu ciidamo dul dhigo jabhadda dul saaran buurta Gacan-Libaax, wuxuuna sheegay in taasi aysan keenin xalka ee loo baahan yahay in la qaado dhabo kale oo nabadeed. “Annagu ma rumeysnin, waana ka soo horjeednaa, mana taageersanin in xalku noqdo xabad, xoog iyo is maquunin” ayuu mar kale yiri Cabdiraxmaan Cirro. Wuxuu kusii daray “Shaqsiyan anigu kursiga aan doonayo ee madaxweynaha waxaa igala qiimo weyn dhiigga hal muwaadin oo daata” Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday madaxweynaha inuu ciidamado ka qaado halkaasi, sidoo kale wuxuu shacabka ugu baaqay inay hubka dhigaan oo ay nabadda ka shaqeeyaan. “Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha in ciidamadiisa uu qaado buurta Gacan-Libaax, shacbigaa hubeysan waxaan ugu baaqayaa inay qoryaha dhulka dhigaan” ayuu raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay dagaal qaraar uu ka dhacay buurta Gacan-Libaax, kaas oo Somaliland looga dilay 9 askari, loogana dhaawacay 17 kale. The post Daawo: Cirro oo ka horyimid tallaabada Biixi ee ku aadan jabhadda buurta Gacan-Libaax appeared first on Caasimada Online.
