Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho. Shirkaan ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah, waxaan labadii maalin ee u dambeysay isku horfadhiyay Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Intii uu socday shirkaan ay yeesheen Waasirada Maaliyadda heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa lagu gorfeeyay dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta Canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo shirka soo xiray ayaa sheegay intii uu shirkaan uu socday ay Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir uga hadleen arrimaha mideynta canshuuraha dalka iyo sidii loo dardargelinta lahaa dhaqangelintooda. Sidoo kale waxaa looga hadlay mashaariicda horumarineed ee saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed ee loo yaqaan DPO. Shirkaan ayaa laga soo saaray war-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS iyo Dowlad-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo heshiis looga gaaray arrimaha maaliyadda dalka, wadaagga lacagaha Bankiga Adduunka iyo mashruuca SERP. Madaxda shirka ayaa waxay isku raaceen midaynta canshuurta toosan, sidoo kale waxaa la isku raacay in la dardar-geliyo ansixinta hindise-sharciyeedkaan kahor 2024-ka, si loogu dhaqan-geliyo ku talo-galka qoondada miisaaniyad sanadeedka 2024-ka ee dowladda federaalka ah, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir. “Kulanka waxaa lagu bandhigay warbixinta is-qiimeynta (self assessment) dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka (DXDFS) iyo natiijooyinka kasoo baxay dib-u-eegista warbixintaas, iyadoo sugnaanta dhanka (Hal-beegga Dhakiga) laga xaqiijiyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Waxa lagu heshiiyay in wadaagga deeqda kabka miisaaniyadeeda ee diyaarka ah lagu saleeyo habraacii ku xusnaa heshiiskii 11-ka bishii Janaayo 2023. Hoos ka aqriso war-murtiyaadka oo dhameystiran; The post Shirkii Muqdisho uga socday DF iyo maamullada oo lagu gaaray qodobbo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  2. Shir mudda laba cisho ah u socday Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku soo xirmay magaalada Muqdisho. Shirkan oo ay ka maqnayd Puntland ayaa looga hadlay laguna gorfeeyay dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta Canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta dalka. Shirkaan ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed ee loo yaqaan DPO. Ugu dambeynta, shirka ayaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post War-murtiyeed laga soo saaray shir Maaliyadeed oo Muqdisho lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  3. Masuuliyiinta dalka Ukraine ayaa sheegay in duqayn dhinaca cirka ah uu Ruushku la beegsadeen dekeda ku taala koonfurta magaalada Odesa ay ku dhaawacmeen ugu yaraan sadex qof. Milateriga Ukraine ayaa sheegay in nidaamkooda difaaca cirku uu soo riday dhamman 15-kii diyaaradood ee aan duuliyaha lahayn ee Ruushku uu u adeegsanayey weerarka dhinaca cirka ah, iyo sidoo kale gantaallo badda laga soo riday, hase ahaatee waxay sheegeen in burburka ka dhashay hubkaas la soo riday in ay khasaare geysteen. Hadhaaga hubka la burburiyey ayaa sababay dhaawaca saddex qof oo ku sugnaa meherad laga adeegto iyo goob ay degan yihiin arday. Duqayn kale ayaa Ruushku Axaddii ka fuliyey gobolka Kherson, waxaana halkaas ku dhintay illaa toddoba qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 22 qof oo kale. PUNTLAND POST The post Dowladda Ukraine oo soo riday diyaarado uu Ruushku adeegsanayay appeared first on Puntland Post.
  4. Beledweyne (HOL) - A massive fire destroyed large parts of the Dervish market in Beledweyne town of Hiiraan region on Sunday night. Source: Hiiraan Online
  5. The Ethiopian Human Rights Commission (EHRC) has expressed "grave concern" over the "deadly hostilities between the Ethiopian National Defence Force (ENDF) and the Fano armed group in the Amhara Regional State". Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynaha Somaliland Oo Dhagax-Dhigay Dhismeyaal Cusub Oo Lagu Soo Kordhinayo Keydka Haamaha Shidaalka Berbera. Berbera-(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay haamo cusub oo keydka shidaalka ah oo ay shirkadda Trafigura ka hirgelin doonto magaalada Berbera. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay haamo cusub oo casri ah oo la dhisi doono, kuwaas oo wax badan ka tari doona baahida shidaalka ee dalka iyo midda deriskaba. Ugu horrayn waxa madasha ka hadlay maareeyaha haamaha shidaalka, Mudane Axmed Ibraahim Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey muhiimadda uu mashruucani u leeyahay qaranka, waxana uu ku tilmaamay maalgashi weyn oo soo jiidan kara shirkado kale oo caalami ah. Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali-case) iyo duga degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), ayaa iyaguna ku dheeraaday keydka cusub ee shidaal ee la dhagax-dhigay, waxana ay tilmaameen inay wax badan kusoo kordhinayaan muhiimadda ay Berberi qaranka u leedahay. Mr. Hadi Hallouche oo ku hadlaya magaca shirkadda maalgashatay haamaha cusub ee shidaalka ee Trafigura, ayaa Somaliland ku ammaanay wada-shaqaynta iyo heellanaanta dhinaca maalgashiga ah ee ay muujisay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay shirkad ahaan diyaar u yihiin sidii uu mashruuca lagu dhisayo keydkan shidaal u guulaysan lahaa. Wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda iyo Ganacsiga, Dr. Sacad Cali Shire iyo Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa iyaguna si isku mid ah usoo dhaweeyey maalgashiga dhinaca keydka shidaalka ah ee ay shirkadda Trafigura ka hirgelisay Berbera, waxana ay xuseen inuu mashruucani Somaliland guul u yahay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey mashruucan keydka shidaalka lagu dhisayo, waxana uu tilmaamay inay ka dawlad ahaan amniga shirkadda iyo dhaqaalahoodaba ballan qaadayaan, waxana uu yidhi,“Somaliland waxa ay shirkadda Trafigura u ballan qaadaysaa nabadgelyo, wada-shaqayn iyo horumar, dhaqaalahooda, dadkooda iyo qalabkooduna ay ammaan ku noqonayaan Somaliland.” Madaxweynuhu waxa uu khudbaddiisa kusoo qaatay shaqsiyaad isku dayaya inay amniga iyo wada-jirka ummadda khalkhalgeliyaan, waxana uu tilmaamay in cadowga Somaliland isu soo bahaystay suurad-xumaynta dalka, balse ay shacabku arrintaas kaga jiraan feejignaan dheeraad ah,“Adduunyada Ilaahay waxa uu abuuray shar iyo khayr oo ay nolosha Bani’aadamku ku xidhan tahay, markasta oo wanaagga, horumarinta loo jeesta oo wanaag la doonayaba cid shaydaan u adeegaysa ama shaydaanba wato oo dhibaato ama wax ummadda dibudhac ku samaynaya la timaaddaa jira, aniguna waxan leeyahay cidda maanta dhibaatadaa Somaliland dhibaatadaa ku abuuraysaa waa cadowga Somaliland oo doonaya inaanay Somaliland horumar dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid dhaqanba aanay samaynin, waxanse ku kalsoonahay in shacabka Somaliland meel uu joogaba ka midaysan yahay inuu u jeesto horumarka, kana hortago wax kasta oo ka hor imanaya nabadda, horumarka, dawladnimada iyo qarannimada Somaliland, waana ta aynu iskaga difaacayno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu u mahadnaqay shirkadaha waaweyn ee dalka oo uu sheegay in maalgashiga ay gudaha ku sameeyeen soo jiidatay maalgashi dibadeed oo ay dalka ku yimaaddeen shirkado caalami ahi. Qaran News
  7. Request to Extend the deadline for Advertisement of the Bid: Request for Quotation for the Provision of DDR Vulnerability Assessment, Training and Flood Risk Mitigation Infrastructures Source: Hiiraan Online
  8. Hotel and tourism stakeholders in Lamu County are worried a lot following the recent spate of terrorist attacks and killings. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta ka hadlay fadhiga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u canaantay Xildhibaannada, xilli dalka uu ka socdo dagaal Al-Shabaab ka dhanka ah. Dubbe ayaa wuxuu ugu baaqay Xildhibaannada iyo madaxda kale ee dalka in ay dagaalka qeyb ka noqdaan oo aan kaligiis lagu fiirsan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Xasan ayaa muddo toddobaad ka badan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug u jooga howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee looga xoreynayo deegaanada weli ku harsan tahay kooxda ee maamulkaasi, kaasi oo dhameystir u ah wejiga koowaad ee dagaalka. Senator Dubbe ayaa eed culus u jeediyay Xildhibaannada, isaga oo sheegay in qaarkood ay ku mashquuleen qaaci iyo dalxiis halka madaxweynihii dalka uu jooga furimaha dagaalka. “Madaxweynihii Jamhuuriyadda Tuute ayuu xirtay, furintii ayuu joogaa, Xildhibaannadii Qaaci ayey tumanaayaan oo Xamar bey joogaan, qaar kooda Ciyaaraha ayey daawanayaan,” ayuu yiri Senator Dubbe. Waxa uu intaas kusii daray “Waa in dagaalka la wada galo oo furimaha la wada tago, waana in la fasaxo waxbarashada, shaqaalaha dowladda, si loo wada galo dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.” Waxa uu soo jeediyay si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalka socda loo wada istaago, taasi bedelkeedana ay noqoneyso Soomaaliya meel laga quusto haddii laga adkaan waayo argagixisada. “Waxa ay ahayd dhammaanteen in aan gurmanno, maanta jiritaankeen ayaa la’isku hayaa, intii aan u gudbin Federaal. Dad baa u haysta in haddii Xasan Sheekh uu ku soo jabo dagaalka in dowlad cusub iska imaaneyso; Wallaahi in aanan noqoneynin, Soomaaliya waxa ay noqoneysaa meel ay ka quustaan maalgaliyaasha.” Sidoo kale waxa uu yiri “Shaqada waan u soo laabaneynaa ee dagaalka aan wada galno, waxa aan raabnaa in dowladdu fasaxdo Iskuullada, Jaamacadaha, shaqaalaha iyo Wasaaradaha, dalka waxa uu ku jiraa inta uu u dhaxaysa nolol iyo geeri, haddii kale taariikhda waxa la oran doonaa dad Soomaali ah baa jiri jiray.” Hadalkaan ayaa imanaya xilli uu dalka ku socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadda xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug. The post Senator Dubbe: Madaxweynihii Tuute ayuu xirtay, xildhibaannadii qaaci ayey tumanaayaan appeared first on Caasimada Online.
  10. Waxa degmada Go’da ku sii qul qulaaya madax dhaqameedka iyo wax garadka beesha West Burco Clan, waxana maanta halkaasi u baxay oo ka baqoolay magaaladda Hargeysa gudiga rasmiga ah ee beelaha West Burco Clan. Waxana iyana halkaasi ay isugu imanayaan hogaanka dhaqanka ee beelaha East Burco Clan oo iyagu dhawaan ku dhawaaqay in ay ka qayb qaadanayaan xalinta khilaafka ee jabhada Gacanlibaax iyo xukuumadda Somaliland. Socdaalkani iyo nabadaynta ugubka ah ee halkaasi ka bilaabmaysa ayaa laga soo dhaweeyay dhamaan dalka oo dhan gaar ahaan magaaladda Hargeysa oo ah caasimadda Somaliland. Qaran News
  11. WFP Somalia || International Job Opening || VA 829001 - Programme Policy Officer - Food Systems, CST II - Mogadishu Source: Hiiraan Online
  12. Garowe (HOL) - Heavy-armed soldiers have blocked the road that links Garowe, Puntland's administrative capital, to Galkacyo due to unpaid salaries for several months, amid Puntland regional state leaders at odd with opposition groups over an election dispute. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay haamo cusub oo keydka shidaalka ah oo ay shirkadda Trafigura ka hirgelin doonto magaalada Berbera. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay haamo cusub oo casri ah oo la dhisi doono, kuwaas oo wax badan ka tari doona baahida shidaalka ee dalka iyo midda deriskaba. Ugu horrayn waxa madasha ka hadlay maareeyaha haamaha shidaalka, Mudane Axmed Ibraahim Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey muhiimadda uu mashruucani u leeyahay qaranka, waxana uu ku tilmaamay maalgashi weyn oo soo jiidan kara shirkado kale oo caalami ah. Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali-case) iyo duga degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), ayaa iyaguna ku dheeraaday keydka cusub ee shidaal ee la dhagax-dhigay, waxana ay tilmaameen inay wax badan kusoo kordhinayaan muhiimadda ay Berberi qaranka u leedahay. Mr. Hadi Hallouche oo ku hadlaya magaca shirkadda maalgashatay haamaha cusub ee shidaalka ee Trafigura, ayaa Somaliland ku ammaanay wada-shaqaynta iyo heellanaanta dhinaca maalgashiga ah ee ay muujisay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay shirkad ahaan diyaar u yihiin sidii uu mashruuca lagu dhisayo keydkan shidaal u guulaysan lahaa. Wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda iyo Ganacsiga, Dr. Sacad Cali Shire iyo Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa iyaguna si isku mid ah usoo dhaweeyey maalgashiga dhinaca keydka shidaalka ah ee ay shirkadda Trafigura ka hirgelisay Berbera, waxana ay xuseen inuu mashruucani Somaliland guul u yahay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey mashruucan keydka shidaalka lagu dhisayo, waxana uu tilmaamay inay ka dawlad ahaan amniga shirkadda iyo dhaqaalahoodaba ballan qaadayaan, waxana uu yidhi,“Somaliland waxa ay shirkadda Trafigura u ballan qaadaysaa nabadgelyo, wada-shaqayn iyo horumar, dhaqaalahooda, dadkooda iyo qalabkooduna ay ammaan ku noqonayaan Somaliland.” Madaxweynuhu waxa uu khudbaddiisa kusoo qaatay shaqsiyaad isku dayaya inay amniga iyo wada-jirka ummadda khalkhalgeliyaan, waxana uu tilmaamay in cadowga Somaliland isu soo bahaystay suurad-xumaynta dalka, balse ay shacabku arrintaas kaga jiraan feejignaan dheeraad ah,“Adduunyada Ilaahay waxa uu abuuray shar iyo khayr oo ay nolosha Bani’aadamku ku xidhan tahay, markasta oo wanaagga, horumarinta loo jeesta oo wanaag la doonayaba cid shaydaan u adeegaysa ama shaydaanba wato oo dhibaato ama wax ummadda dibudhac ku samaynaya la timaaddaa jira, aniguna waxan leeyahay cidda maanta dhibaatadaa Somaliland dhibaatadaa ku abuuraysaa waa cadowga Somaliland oo doonaya inaanay Somaliland horumar dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid dhaqanba aanay samaynin, waxanse ku kalsoonahay in shacabka Somaliland meel uu joogaba ka midaysan yahay inuu u jeesto horumarka, kana hortago wax kasta oo ka hor imanaya nabadda, horumarka, dawladnimada iyo qarannimada Somaliland, waana ta aynu iskaga difaacayno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu u mahadnaqay shirkadaha waaweyn ee dalka oo uu sheegay in maalgashiga ay gudaha ku sameeyeen soo jiidatay maalgashi dibadeed oo ay dalka ku yimaaddeen shirkado caalami ahi. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  14. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa markale ka hadlay howl-gallada dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, isaga oo shaaciyay deegaano uu ku wajahan yahay duulaan culus. Madaxweyne Guudlaawe ayaa marka hore bogaadiyay howl-gallada ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka ay ku xoreeyeen degmada Ruunir-good ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka dib-u-xoreynta deegaanka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay degmada Ruunirgood iyo deegaanada hoosyimaada sida Hilowle gaab iyo Ceelbacad. “Madaxweynaha ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray geesiyaasha ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee shacabka Degmada Ruunirgood iyo deegaanada hoosyimaada ka dulqaaday cadowgii ku habsaday mudada dheer,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulka HirShabeelle. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in wejiga labaad ee howl-galka oo dhawaan bilaabanaya lagu xoreeyn doono dhamaan deegaanada dhaca galbeedka webiga Shabeelle ee dowlad-goboleedka HirShabeelle. Wejiga labaad ee dagaalka ayaa bilaanaya kadib marka uu soo idlaado howl-galka uu madaxweyne Xasan Sheekh u joogo Dhuusamareeb, kooxda Al-Shabaab-na laga xoreeyo deegaannada ay weli kaga harsan yihiin maamulka Galmudug. Sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore. The post Guudlaawe oo shaaca ka qaaday duulaan ku wajahan…. appeared first on Caasimada Online.
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo agagaarka magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kadib markii ciidamo careysan lagu arkay halkaasi. Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa maalintii labaad xirtay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ee maamulkaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamadan ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan soo wajahday, waxayna isku fidiyeen laamiga dheer ee isku xira magaalooyinkaasi. Dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan ciidamadan ayaa saameyn ku yeeshay gaadiidka isaga kala goosha halkaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Sidoo kale tobaneeyo kamid ah gaadiidka xamuulka ah oo kusii jeeda gobollada dhexe ayaa ku xayiran dhanka kastamka degmada Xarfo ee gobolka Mudug, halka kuwa kale oo ku wajahan magaalada Boosaaso loo diiday inay ka gudbaan halkaasi. Xaaladda ayaa isku cakiran, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan gadoodka ay sameeyeen ciidamadaasi. Maalmo ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale ciidamo mushaar laa’aan ka cabanaya ay kasoo baxeen furimaha dagaalka ee buuraha Golis ee gobolka Bari, halkaas oo ay kaga jireen difaacyo ka dhan ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan halkaasi. Gadoodka ciidamada ayaa marar badan kusoo laa laabtay Puntland, waxayna inta badan ciidamaduqaadaan tallaabooyin dheeraad oo saameysa dadka shacabka ah iyo ganacsatada. The post Ciidamo careysan oo maanta xirtay laamiga isku xira Garoowe iyo Gaalkacyo appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf xoogan oo ku aadan maareynta howlaha baarlamaanka. Khilaafkan ayaa Axaddii si xoogan loo dareemay, kadib markii uu buuq ka dhex dhacay kulankii Golaha Shacabka ee shalay, kaas oo ku aadan in xildhibaanada ay hadalka u diideen xoghayaha guud ee golahaasi Cabdiraxmaan Jaabiri oo iska fariistay markii dambe. Maxay salka ku hayaa khilaafka soo kala dhex-galay xildhibaanada iyo xoghayaha BF? Xildhibaan Mukhtaar Axmed Saajid oo kamid ah xildhibaanada ay is hayaan Jaabiri ayaa faah-faahin ka bixiyay waxyaalaha ay isku hayaan ee keenay khilaafkooda. Saajid ayaa shaaciya in xoghayaha uu qaaday tallaabooyin ka dhan ah xildhibaanada, isaga oo tilmaamay in guuxiisa uu ka dheereeyay, sida uu hadalka u dhigay. “Xoghayaha guuxiisa ayuu ka dheereeyay waa xoghaye waan ixtiraameynaa, sharaf ayuu leeyahay, laakiin looguma talagelin inuu ku dhago xildhibaanada oo arrimahooda soo guda-galo” ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar Axmed Saajid oo la hadlay Wariyeyaasha Muqdisho. Sidoo kale wuxuu ku eeedeyay inuu ku xad-gudbay xeer hoosaadka golaha, isla-markaana uu xildibaano badan ka hor istaagay inay ka hadlaan baarlamaanka. “Mideeda kale wuxuu ku xadgubay xeer hoosaadka, gaar ahaan qodobka 78-aad, farqaddiisa 2-aad wuxuu leeyahay xildhibaanka codsada ee gacanta taagta ayaa la siinayaa hadalka, isaga warqad ayuu sameystay wuxuu yiri safkan ku soco, wiilashii wax qoraayay mid kamid ah ayaa maanta wuxuu igu yiri waan ogahay in arrintan ay khalad ku tahay xeer hoosaadka, laakiin xoghayaha ayaa wuxuu igu yiri halkaas ka soco” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaan haynaa isaga oo dhahaayo xildhibaano hadlaayo hadalka yaa siiyay oo uu guddoonka leeyahay ? xaq miyuu u leeyahay idinka weydiinaa?. Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan xoghayaha ku haysan arrin shaqsi ah, balse ay tahay shaqada iyo inuu kasoo tallaabay xadkiisa, sida uu ku dooday xildhibaanku. “Annaga khaladaadkaas aan ka hadleynay ee xoghaye ahaan iyo shaqsi ahaan uma heysan” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay The post Maxay xildhibaanadu ku haystaan xoghayaha BF? appeared first on Caasimada Online.
  17. Local media in the Ethiopian region of Amhara has reported that an Ethiopian army drone has bombed protesters, killing at least 70 people. Source: Hiiraan Online
  18. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddo Laami ah ah isku xirta Waddooyinka Suuq Bacaad iyo Janaraal Daa’uud ee degmada Yaaqshid. Hirgalinta dhismahaan oo qeyb ka ah mashruuca dalkaaga ku dhiso hal Dollar ayaa fulinteeda waxaa iska kaa shaday Maamulka Degmada Yaaqshid, bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo waddooyinka ugu horeeyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Dagaalka u dhaxeeya Milatariga Suudaan iyo xoogagga mucaaradka ah ayaa mar kale dib uga qarxay dalkaasi, waxaana lasoo warinayaa in la maqlayo duqeymo ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ay Milatarigu leeyihiin qeybaha Koonfureed ee dalkaasi. Sida lagasoo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, dagaal ayaa Axaddii ka qarxay magaalada Nyala ee galbeedka Suudaan iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka Koonfurta Darfur, goobjoogayaal ayaa sidaasi ub sheegay wakaaladda wararka Reuters. Dagalka dabadheeraaday ee Suudaan ayaa laga cabsi qabaa in uu gobolka oo dhan ku baaho, waxaana jira walaac xooggan ay Qaramada Midoobey ay ka muujinayso arrintaas, xilli ay dhawaan sheegtay in Malaayiin reer Sudaan ah ay Gurmad u baahan yihiin. Colaadda ayaa keentay dagaallo maalinle ah oo ka dhaca waddooyinka caasimadda Khartoum, dib u soo nooleynta weerarrada qowmiyadaha ku saleysan ee Galbeedka Darfur, iyo barakaca in ka badan 4 milyan oo qof oo ku nool Suudaan iyo xudduudaha ay wadaagaan Chad, Masar, Koonfur Sudan iyo dalal kale. Iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga taageerada degdega ah ayaa xilliyada qaar ka dhacayay Nyala, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka isla markaana xarun istiraatiiji u ah gobolka jilicsan ee Darfur. Iska horimaadkii ugu dambeeyay ayaa socday saddex maalmood, iyadoo ciidamada milatariga dalka iyo kuwa RSF ay madaafiic ku ridayeen xaafado la deggan yahay, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Dagaalada ayaa waxa ay waxyeelo gaarsiiyeen Korontada,Biyaha iyo Isgaarsiinta. Ugu yaraan siddeed qof ayaa la dilay Sabtidii oo keliya, sida uu sheegay Ururka Qareennada Darfur, oo ah kormeeraha xuquuqda aadanaha ee qaranka, gobolkaan ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka taagnaa qulqulatooyin baahsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Guddida Beelaha West Burco Clan ayaa saaka Hargeysa ka baxay iyagoo ku siijeeda buurta Gacan-libaax ee jabhadda hubaysani ku jirto. Guddida beelaha West Burco Clan waxa hoggaaminayo Suldaan Axmed Cismaan Cadda gude ayaa saaka u baxay deegaanada Buurta. Waxa socda dhaqdhaaq nabadeed oo ay wadaan waxgaradka Somaliland. Source
  21. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka safar ku tegay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Wararku wxa ay sheegayaan in madaxweynuhu uu dhagax dhigay Haamaha kaydka Shidaalka oo ay dhisanayso shirkadda Trafigura. Source