-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Melville (Caasimada Online) – Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa maanta ku burburtay Jasiirad ku taalla waqooyiga dalka Australia. Shilkaas waxaa ku dhintay saddex ka mid ah ciidamada badda, 20 kalena ay ku dhaawacmeen. Shilkaas ayaa dhacay xilli uu socday dhoolatus tababar ah oo ay dhowr dal ka qeyb galayeen, sida ay saraakiishu sheegeen. Saddex ka mid ah askarta ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen Jasiiradda Melville oo dhoolatuskaasi uu ka socday. Shan ka mid ah 23-kii askari ee diyaaradda saarnaa waxaa iyagoo qaba dhaawacyo daran loo duuliyey isbitaal 80 kiiloomitir u jira magaalada Darwin ee dalka Australia, si halkaas loogu daweeyo. Diyaaradda Bell Boeing V-22 Osprey tiltrotor ayaa burburtay abaaro 9:30 AM waqtiga maxaliga ah ee dalkaasi, sida lagu yiri bayaan ka soo baxay Marines-ka. Bayaanka ayaa intaas ku daray in sababta burburka keentay baaritaan uu ku socdo. Ra’iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa sheegay in kaliya askar Mareykanka ah ay ku dhaawacmeen tababarkan ay sida wadajir ah uga wada qeybgalayeen ciidamada dalalka Mareykanka, Australia, Indonesia, Filibiin iyo East Timor. The post Askar Mareykan ah oo uu khasaare culus kasoo gaaray shil diyaaradeed ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay suuq ku yaalla xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle, kaas oo dhaliyay khasaare aad u xoogan. Dabkan oo soo bilowday xalay, soona gaaray illaa saaka ayaa saameeyay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi, waxaana uu ka dhashay koronto, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Illaa dhowr goobood oo ganacsi ayaa ku basbeelay dabkan, balse ma geysan wax khasaare nafeed ah, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe. Mid kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay dabkaasi, wuxuuna sheegay in bubur xoogan uu soo gaaray goobahooda ganacsi. “Waxaan kamid ah ganacsatada suuqa waxaa ka dhacay dab xalay, illaa saaka socday waa musiibo rabbaani ah oo Ilaahey SWT awooddiisa ah meeshaan aad arkeysaan ee uu dabka ka kacay dad badan oo hantidoodii ku waayay ayaa jiraa” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dabka uu billowday xilli saq-dhexe ah, isla-markaana ay ka maqnaayeen goobahooda, taasina ay keentay in dabka uu sii fido. “Xilliga uu dabka kacayay annaga ma joogin oo saq-dhexe ayey aheyd dhibaato aad u balaaran ayaa meesha ka dhacday hadane waxaa soo daahay gurmad” ayuu raaciyay. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Jowhar ay leedahay hal baabuur oo dab damis ah, isagiina uu kasoo daahay, soona gaaray saacad kadib markii uu dabka kaacay. Maalmo ka hor ayay aheyd markii uu sidaan oo kale dab xoogan uga kacay suuqa Darwiish oo ku yaalla magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaare xoogan. The post Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha dab ka kacay suuqa magaalada Jowhar appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoonka Waxbarashada Sanaag oo la Shiray Dugsiyada Dawlada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Gudoonka Waxbarashada Sanaag oo la Shiray Dugsiyada Dawlada Ceerigaabo(Qaran news)- Guddoomiyaha wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee gobolka Sanaag Axmed Maxamuud Ibrahim iyo guddoomiye ku xigeenka Ibraahim Ducaale Xuseen ayaa maanta xafiiskooda ku qaabiley maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe iyo sarre ee magaalada Ceerigaabo. Kulankan ayaa salka ku hayay dardar-galinta iyo kor u qaadida tayada Waxbarasho ee gobolka Sanaag. Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada ayaa maamulayaasha faray inay xil iska saaran u qaadista adeeg bixinta waxbarasho ee dugsiyada ay masuulka ka yihiin. Gaba-gabadii maamulayaasha ayaa balanqaaday inay xil iska saarayaan tayaynta iyo isku dubaridka adeegyada waxbarasho ee ardayda la siiyo. Qaran News -
Wakiilkii hore ee Somaliland u Fadhiyay Kenya oo ku Baaqay in la Aqbalo Go’aamada Ergadu soo Saartay Hargeysa(Qaran news)-Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyay Kenya, Baashe Cawil, ayaa ku baaqay in la aqbalo go’aamadii ay soo saareen guddida isu-xilqaamay khilaafka doorashooyinka Somaliland. qoraalka uu soo saaray danjire Baashe Cawilna wuxuu u qornaa sidan: “Mar haddii dhinacyadii arrintani khusaysay ay markii horeba ka aqbaleen ergada hawshan gashay in ay ku kalsoonaanayaan wixii goaamo ah ee ay soo saaraan, kalsooni buuxdana siiyeen. Waxa iminkana la gudboon in dhinacyada hawshani khuseeso aqbalaan go’aamadan ay kasoo saareen khilaafka taagan. Haddaba Waxaan si mug leh iyo miisaan leh u taageerayaa, una arkaa inay Maanta tahay maalin kale oo Wax-garadkeenu Taariikhda ku galeen in ay Qaranka ka badbaadiyaan dhibaatooyin Dhaqan dhaqaale oo ay bulshadeenii reer Somaliland waajahayeen sanadihii u dambeeyay, sidaas darteed xaajo walba oo kale oo ay xisbiyo, ururo, muxaafad iyo mucaarad ay si gaar ah u rabeen waa inay ku liqaan una hoggaansamaan go’aamada Salaadiinta iyo Waxgaradka East Burco Clan isku xil qaameen ee ay caawa oo ku taariikhaysan 27kii August, 2023 ay ku soo saareen go’aamadaas.” Qaran News
-
Ururrada siyaasada ee Gacan-saarka la leh Xukuumadda oo ka Horyimi Go’aamadii Xalka ahaa Hargeysa(Qaran news)-Urur siyaasadeedyada gacan saarka leeyihiin Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa durba ka horyimid go’aamadii shacbigu ku diirsaday ee ay caawa soo saareen Guddidii ergada ee Beesha East Burco Clan ee xalka u ahaa khilaafka ka taagan dalka. Urur siyaasadeedyada oo loo tiriyo inay la safan yihiin Xukuumadda, ayaa shir ay caawa iskugu yimaadeen waxyar kadib markii go’aankh soo baxay, waxa ay ku sheegeen in ay sharci darro tahay israacinta doorashooyinka ururrada iyo ta madaxtooyada, sidaasna waxa shaaciyay Guddoomiyaha Ururka HORSEED, Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ay hareero fadhiyeen Guddoomiyeyaasha badi urur siyaasadeedyada kale, Waxana fadhigaas ka soo muuqday Guddoomiyeyaasha Ururrada KAAH iyo BARWAAQO, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo saraakiil kale oo ka sicday ururrada kale. Waxaanay sheegeen inay mowqifka ay ku diidan yihiin israacinta doorashooyinka ay faahfaahin doonaan beri oo Isniin ah. Geesta kale urur siyaasadeedka WAABERI ayaa isagu soo dhaweeyay go’aamada lagu furdaaminayo khilaaafka doorashooyinka ee ay soo saareen ergadii beelaha East Burco Clan ee la xidhiidhay in la is raaciyo doorashada ururrada iyo madaxtooyada oo ay wadajir u qabsoomaan 13ka November 2024, iyadoo doorashada madaxtooyada ay geli doonaan xisbiyadii hore ee WADDANI, KULMIYE iyo UCID. Qaran News
-
Tripoli (Caasimada Online) – In a move that has jolted the diplomatic corridors of the Libyan government, Prime Minister Abdulhamid Dbeibah announced on Sunday that Foreign Minister Najla al-Mangoush has been “temporarily suspended” pending an “administrative investigation.” The probe will be overseen by a commission chaired by the justice minister, as revealed in an official decision on the Prime Minister’s Facebook page. The suspension comes after the Israeli foreign ministry disclosed that the two nations’ foreign ministers held a conversation during a meeting in Rome hosted by Italian Foreign Minister Antonio Tajani. The Libyan response: A disputed account “The event in Rome was not a formal meeting. It was a chance, unofficial encounter during discussions with my Italian counterpart. There was no prior discussion, agreement, or consultation with any party representing Israel,” clarified a statement from Libya’s foreign ministry. The Libyan authority insisted that Mangoush had “refused to meet with any party” from Israel and had conveyed “clearly and unambiguously Libya’s position regarding the Palestinian cause.” Even though Libya denied holding official talks, the revelation led to spontaneous protests in several cities. Young people took to the streets, blocking roads and waving the Palestinian flag in defiance. Moreover, Libya’s Presidential Council—comprising three members representing the nation’s provinces—sent a letter seeking “clarifications” from the government. “This event does not reflect Libya’s foreign policy, nor is it compliant with our national laws that criminalize normalization with the ‘Zionist entity,'” the council asserted. The Israeli perspective: Ambitions and protests In contrast, Israel painted a different picture of the dialogue. “I discussed with the foreign minister the enormous potential benefits for both countries from establishing relations,” said Israeli Foreign Minister Eli Cohen. He further mentioned that the conversation addressed “the importance of preserving the heritage of Libyan Jews, which includes renovating synagogues and Jewish cemeteries in the country.” The meeting marked the first such diplomatic engagement between the nations, and Cohen hailed Libya’s “size and strategic location” as a “huge opportunity for the State of Israel.” This comes amid Israel’s recent diplomatic strides in the Arab world, facilitated through the U.S.-backed Abraham Accords. Nevertheless, Prime Minister Benjamin Netanyahu’s government has faced scathing criticism for policies in the West Bank and the expansion of Jewish settlements, causing diplomatic tensions with various Arab states. For a country with a history of expelling its Jewish citizens under former leader Moamer Kadhafi and enduring political divisions—between a western government based in Tripoli and an eastern one led by military strongman Khalifa Haftar—the incident has fanned existing flames. As for now, the diplomatic ripples of this disputed meeting continue to be felt both in Libya’s streets and its corridors of power, leaving the international community awaiting the outcome of Libya’s internal investigation. The post Fallout from Rome: Libya-Israel talks stir FM suspension appeared first on Caasimada Online.
-
Las Anod (Caasimada Online) – Over 20 countries and several international organizations, including the UN, US, and Türkiye, “strongly condemned” the recent escalation in fighting between the breakaway region of Somaliland and local clans in northern Somalia. “We are deeply concerned about reports of large numbers of detainees and expect those involved to abide by human rights and international humanitarian law,” the coalition’s statement read. The hostilities center around Las Anod, the capital of the northern region of Sool, an area embroiled in a territorial dispute between Somaliland and the neighboring autonomous region of Puntland. Somaliland has been functioning as an independent entity—printing its currency, electing its government, and issuing its passports—since breaking away from Somalia in 1991. Despite its relative stability compared to civil war-torn Somalia, its quest for statehood has left it internationally unrecognized, economically struggling, and geopolitically isolated. The conflict intensified in Las Anod after local political and civil society leaders declared they would no longer recognize the Somaliland government, labeling them “terrorists” responsible for the ongoing strife. “This incident marks the peak in a series of confrontations between Somaliland troops and the SSC militia,” noted President Muse Bihi Abdi of Somaliland, speaking from his capital in Hargeisa. Human cost and uncertainty The immediate human toll is staggering. Hundreds have died, thousands have been wounded, and countless families have been displaced. “Doctors Without Borders had to cease operations at Las Anod’s general hospital in July, citing recurrent attacks on medical facilities and extreme violence,” confirmed the UN humanitarian affairs office, which also estimated over 185,000 people had fled the violence by mid-February. The local population remains anxious despite President Abdi’s assurances of control and retribution against the SSC militia. “People should not be discouraged due to the fighting even though there are losses inflicted on the army,” the president said, urging residents not to fear further escalation. But the ground reality tells a different story. Residents of Las Anod live under a cloud of uncertainty, wondering what tomorrow holds. In the wake of the violence, international partners have emphasized the need for immediate and unconditional ceasefires while pushing for unhindered humanitarian access. “Grievances and tensions should be resolved peacefully and through dialogue,” their joint statement concluded, reiterating the urgency to end mobilization and the provision of arms and supplies to the warring factions. The situation remains a focal point for international attention as it teeters on the brink of causing further destabilization in an already volatile Horn of Africa. The role of dialogue and diplomatic intervention has never been more critical. The post Global powers condemn escalating clashes in Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad ka jeediyey gabagabada shirka golaha wadatashiga qaranka ee Dhuusamareeb lagu qabtay ayaa si qota dheer uga hadlay dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku bilaabay oraahdii aheyd “Dhulka iyo Xaaqinka waxaa dhamaada Xaaqinka” isagoo Al-Shabaab ku tilmaamay Xaaqin sii dhamaanaya. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa balan qaaday in qof Soomaali ah oo dhulkiisa jooga aan lagu fiirsa doonin Shabaab gumeysanaya, “Dagaalka aan ku jirno mid haka doona maaha, waana naga dhab,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka uu halganku dhabta ka yahay ay dowladu qorsheyneyso inay abaalmariso, “waxaan amaaneynaa geesiyaasha qaranka, waana u duceyneynaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu. “Ganacsatada iyo hantiileyaasha Soomaaliyeed waxaan leeyahay doorkiinii weli waa dhiman yahay, soo arka dhibaatooyinka heysta dadka laga dul qaaday Khawaarij ee garab istaaga,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan. Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed mar kale ugu baaqay inay iska ilaaliyaan Garanwaaga “Yuusan ugu soo gelin Qabiil ama qaraabeysi, ninka adiga iyo dadka kaleba aadnaa ka nabad geli doonin hasoo dhaweysan, walaal haka dhigan ee dowladda u dhiib si loo dhaqan celiyo,” ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa baaq u diray dhalinyarada ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, isagoo ka balan qaaday inay helayaan cafis aan gorgortan laga gelineyn. “Wiilasheena la qalday waxaan leenahay gabalku yuusan idinkugu dhicin meesha, waa la isku soo socdaa ee naftiina badbaadsada, odayaasha hoggaamiya ama ka tirsan waxaan leenahay weli towbadaa idiin furan,” ayuu yiri Madaxweynuhu. The post Khudbad: Xasan Sheekh farriin culus u diray madaxda iyo dagaalyanada Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qabsoomey Caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamareeb, 26 – 27 Agoosto 2023. Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa kulankoodii 7-aad diiradda ku saaray seddax qodob oo kala ah: 1 – Dhameystirka howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada kooban ee weli ku harsan gacanta cadawga iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta. 2 – Xasilinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo degaannada lagu xorayn doono howlgallada wajiga 2-aad. 3 – Dib-u-heshiisiinta bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyay khawaarijta. Bogaadin: Goluhu wuxuu Bogaadinayaa guulaha waaweyn ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka deegaannada ay ka gaareen dagaalladii u danbeeyay ee khawaarijta looga xoreeyay degaanno badan oo muhiim ah ee dhaca Gobolka Galguduud ee Dowladda Galmudug. QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY: Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa falanqeyn dheer kadib ku heshiiyay qodobada hoos ku xusan: HOWLGALLADA DIB-U-XOREYNTA• Goluhu wuxuu adkeynayaa in dowladda federaalka, dowladdaha xubnaha ka ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir iyo isku tashi leh u xaqiijiyaan amniga una xajistaan amniga deegaanada la xoreeyay. Goluhu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istraatiijiyadda qaran ee la dagaalanka khawaarijta, la iskuna dubbarido dadaallada kala duwan ee hey’addaha dalka. Goluhu waxuu adkeynayaa in dalku uu ku jiro xaalad dagaal ayna waajib tahay in aan loo kala harin dadaallada dib-u-xoraynta dalka. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la mideeyo qorshaha iyo hoggaanka hawlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta, lana ballaariyo howlgallada dib-u-xoraynta. XASILINTA DEEGAANADA LAGA XOREEYAY KHAWAARIJTA Goluhu wuxuu adkeynayaa ahamiyadda ay leedahay hanashada guulaha qiimaha weyn ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed ee laga gaaray dagaalka lagula jiro khawaarijta. Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay mideeyaan qorsheyaasha mashaariicda iyo adeegyada bulshada sida maamul-sameynta, amniga, caafimaadka, cadaaladda, waxbarashada ee ay sida deg dega ah ugu baahanyihiin degaanada la xoreeyay. Goluhu wuxuu ka codsanayaa ganacsatada, hantileyda Soomaaliyeed iyo kuwa kheyrka jecel in ay ka qeybqaataan dadaalada dib u soo kabashada deegaannada la xoreeyay. Goluhu wuxuu ka codsanayaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya in ay kaalmo wax ku ool ah ka geystaan degaanada laga xoreeyay khawaarijta si waafaqsan qorshaha xasilinta dowladda. U DIYAARGAROWGA WAJIGA LABAAD EE HOWLAGALLADA Golohu wuxuu isla qaatay in si wadajir ah loo dardargaliyo diyaargarowga DFS iyo DXDF ay ugu jiraan wajiga 2-aad ee dagaalka lagu xoreynayo deegannada wali ku jira gacanta khawaarijta ee Jubalaand, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle (Galbeedka Wabi Shabeelle). Golohu wuxuu ku boorinayaa dhallinyarada iyo horjoogayaasha khawaarijta in ay isku soo dhiibaan dowladda, iyagoo ka faa’iidaysataan fursadda xeerka cafiska, kana tanaasulaan fekerka xagjirnimada. DIB-U-HESHIISIIN IYO NABADAYN BULSHO• Goluhu wuxuu go’aamiyay u diyaar-garowga dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed si colaadaha ay khawaarijtu dhex dhigeen xal- waara looga gaaro. Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay dardar galiyaan fulinta istaraatiijiyada iyo qorshaha Qaran ee dib-u-heshiisinta, nabadaynta bulshada iyo ciribtirka xagjirnimada. QODOBBO KALE Goluhu wuxuu adkaynayaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baqayaa labada dhinac in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan talaabooyin sii dheereyn kara colaadda. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa labada dhinacba inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista. Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku barakacay dagaallada Sool. MAHADCELIN Goluhu wuxuu mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Dowladda iyo shacabka Galmudug oo si buuxda u martigeliyay shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran. –DHAMMAAD– The post Aqriso: Shan qodob laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb iyo go’aano adag oo la gaaray appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war ka soo saartay tallaabadii ciidamada SSC-Khaatumo ay ku qabsadeen saldhiggii Goojacadde ee ciidamada Somaliland, iyadoo cambaareysay dagaalka ku sii baahaya gobolka Sool ee sababay in la iskala baxo magaalada Laascaanood oo colaadu ay ka bilaabatay. Cambaareyn kadib, caalamku wuxuu ku baaqay in la joojiyo colaada sii baaheysa, in dhinacyadu ogolaadaan wadahadal, in la fasaxo gargaarka bini’aadanimo shuruud la’aan iyo in laga fogaado is dhaafsiga hadallada xanafta leh. Hoos ka aqriso bayaanka beesha caalamka oo dhameystiran: Saaxiibada beesha caalamka waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada. Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah. Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo. Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah. Waxaan filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka. Waxaan ku celinaynaa muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo helidda gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh ee wax kala qaybiya, dhammaan cabashooyinka iyo xiisadaha waa in lagu xalliyaa si nabad ah oo wadahadal ah. Bayaankaan waxaa wadajir u soo saaray dalalka iyo ururrada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Jabuuti, Wafdiga Midowga Yurub, Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha Caalamka oo si adag uga hadashay qabsashada saldhigii Goojacadde appeared first on Caasimada Online.
-
Guddidii Ergada East Burco Clan oo soo Saaray Go’aamo Waaweyn Hargeysa(Qaran)-Guddida Beesha East Burco Clan ayaa go’aamiyay in Somaliland laga qabto Doorasho isku sidkan oo ah madaxtooyo iyo Ururro wada socda 13ka Bisha November 2023. Waxa kaloo ay go’aamiyeen in shan maalmood gudahood lagu kala diro jabhada hubaysan ee Gacan-libaax, isla markaana madaxweynuhuna cafiyo. Qoddobada kale ee ay soo saareen waxa ka mid ah; in saddexda Xisbi ee imika jiraa ay galaan doorashada madaxtooyada. Sidoo kale Guddida East Burco Clan waxay go’aamiyaan in beelaha West Burco Clan bixiyaan ciidankii lagu laayay Go’da yar oo laga xukumay 120 Halaad. Si gaar ah waxa konton halaad oo dheeraad ah laga xukumay sarkaalkii Maydkiisa madaxa lagaga joogsaday. Waxa ay magtaas u qabteen in lagu bixiyo muddo 3 Bilood gudahood ah. Guddida ergadu waxa kaloo ay go’aamiyeen in hantidii iyo basbuurtii jabhada Gacan-libaax qabsadeen lagu soo wareejiyo gacanta dawladda Somaliland. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka golaha wadatashiga qaranka oo Dhuusamareeb ka socday laba maalmood ayaa la soo gabagabeeyey caawa, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana laga soo saarayaa war-murtiyeed rasmi ah. Madaxtooyada Qaranka ayaa qorsheyneysa in caawa fiidka hore ay baahiso bayaanka shirka, kadibna waxay madaxdu yeelaneysaa kulan casho sharaf ah oo madaxtooyada Galmudug ay u sameyneyso martida shirka. Shirkaan waxay madaxdu diiradda ku saartay xoreynta dalka iyo xasilinta dhulka laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab. Madaxda ayaa aad u gorfeysay istaraatiijiyadda dowladda dhexe ay masuulka ka tahay ee la doonayo in mudo kooban dalka looga xoreeyo Al-Shabaab. Xogta ay shirkaan ka heyso Caasimada Online waxay sheegeysaa in markii laga soo tago amniga ay war-murtiyeedka ku jiraan qodobo uu ka mid yahay dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo SSC Khaatumo. Madaxda ayaa diri doonta baaq ka dhan ah colaada sii xoogeysatay ee Sool ka taagan, waxayna bayaankaan ku bixi doonaan tilmaamo lagu xalin karo colaada Somaliland iyo SSC. Inta badan bayaanka soo bixi doona caawa waxaa diiradda lagu saari doonaa amniga dalka, maadaama ay hadda dadka iyo dowladda Soomaaliyeed muhiimadda koowaad wada siinayaan dagaalka Al-Shabaab. Madaxda isugu timid shirkaan ayaa berri ka dhoofi doona Dhuusamareeb, markii laga reebo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Qoor Qoor oo horay u deganaa Dhuusamareeb. Xasan Sheekh ayaa Dhuusamareeb ka hoggaaminaya dagaalka Al-Shabaab, taasi waxay sahashay in ciidamada qaranka ay guulo waaweyn ka soo hooyaan furimaha, iyadoo shalay kooxda laga xoreeyey magaaladii ugu weyneed ee gobollada dhexe ay ka joogeen waa Ceelbuur. The post Xogta bayaanka SHIRKA Dhuusamareeb oo caawa lasoo geba-gabeynayo appeared first on Caasimada Online.
-
𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗜𝘀𝗯𝗲𝗱𝗱𝗲𝗹𝗸𝗮 𝗖𝗶𝗺𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗺𝗺𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗚𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗸𝗮 𝗙𝘂𝗿𝗺𝗮𝘆 Hargeysa(Qaran news)- Waxaa maanta magaaladda Hargaysa ka furmay shirka Isbedelka Cimiladda, iyo Amaanka dalalka Geeska Afrika, kaasoo uu soo qaban qaabiyay Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland. Waxaana shirkani mudadda uu socdo lagu soo bandhigi doonaa cilmi baadhisyo la xidhiidha saamaynta xun ee isbedelka cimiladu ku yeeshay wadamadda gobolka Geeska Afrika, iyo sidii la iskaga kaashan lahaa wax ka qabashadda arrintaasi. Sidoo kale waxaa shirkani qayb ka ah oo la qaban doonaa dooddo la xidhiidha arrimaha isbedelka cimiladda, iyo iskaashiga amaanka ee dalalka Geeska Afrika, iyadoo na ay ka qayb qaadanayaan aqoon yahano iyo khubarro deraasado ku sameeyay isbedelka cimiladda, iyo amaanka gobolka. Shirkani oo ka ka qabsoomaya xarunta Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland (Academic for peace and development), ee magaaladda Hargaysa, waxaa furitaankiisii ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, iyo wufuud ka kala socday dalalka Geeska Afrika. Sida Ethiopia, Kenya, Jabuuti, Uganda, Soomaaliya, iyo sidoo kale xubno ka mid ah aqoon yahanka reer Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Dr. Edna Aadan Ismaaciil, guddoomiyaha xarunta Dhaqanka Hargaysa Jaamac Muuse Jaamac, Dr. Xuseen C/laahi Bulxan, safiirro ka socday dalalka Geeska Afrika, iyo cilmi baadheyaal, aqoon yahano, iyo marti sharaf kale. Waxa kaloo shirkani ka qayb galay wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, agaasimaja guud ee wasaaradda Deegaanka JSL Maxamed C/laahi Ducaale, agaasimaha Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland Dr. Maxamed Faarax Xirsi, xubno ka socday Sahan Research, khabiirro ka socday haayadaha caalamiga ah, iyo masuuliyiin kale. Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo furitaanka shirkani hadal la jeedisay ayaa uga mahad celisay Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta qabashadda shirkani lagaga hadlayo Isbedelka Cimiladda, Deegaanka, iyo Amaanka gobolka Geeska Afrika. Wasiirku waxay ka warbixisay taariikhda Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland, iyo kaalintii uu ka soo qaatay hawlihii dib-u-dhiska dalka iyo dawladnimadda, isla markaana uu sameeyay cilmi baadhisyo fara badan, oo u baahan in dib loogu noqdo si looga faa’iidaysto. “Waxaa xusid mudan in dhamaanba wixii cilmi baadhisyo ahaa ee ay dalka soo saareen APD, waa in dib loogu noqdo, oo la akhriyo. Cilmi baadhisyadda ay soo saareen APD, waa kuwo wax wax ku ool ah, waana kuwo laga faa’iidaysan karro, waana kuwo aynu siyaasadaheena ku dhisi karno. Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa dadkii sanadkan isku tacalujiyay in ay Bedka keenaan mawduuca Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda, oo ah laba aan kala maarmin. Iyagoo dadka tusay muhiimadda ay leedahay sidii aan uga gudbi lahayn dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda. Waxa kaloo aan u mahad celinayaa Akaademiga Nabadda, iyo Horumarka, iyo haayadaha ka gacan siiyay shirkani” ayay tidhi wasiirka Deegaanku. Wasiir Shukri Baandare, ayaa ku boorisay martida, iyo ka qayb galeyaasha shirka in ay maanka ku hayaan in loo midoobo wax ka qabashadda saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda. Waxaanay tidhi “Waaxaynu is-waydiinaynaa halkee ayaynu u soconaa marka laga hadlayo isbedelka cimiladda? Maanta (shalay) halkan waxaa isugu yimid dalalkii Geeska Afrika oo dhan. Geeska Afrika haddii uu meel isugu yimaadana, waxaa ka soo baxa wax muhiim ah. Ethiopia, ayaa joogta, Kenya, Jabuuti, Uganda, Soomaaliya, iyo marti kale. Dhamaanba martida shirkan jooga, ee dalalka Geeska Afrika ka kala yimid, isku mid ayaynu nahay, mar haday himiladeenu isku mid tahay, oo dhibaatadda inaga haysata isbedelka cimiladda ay isku mid tahay. Waana in aynu isla wada jaan-qaadnaa, waana in aynu noqonaa dad isku wada hadaf ah, oo meel u wada jeedda. Waana in aynu qodobo wax ku ool ah ka soo saarno shirkani, oo ku saabsan wax ka qabashadda dhibaatadda inaga haysatada isbeddelka cimiladda. Ma aha oo keliya in aynu wax ka soo saarno, balse waa in aynu ku dhaqanaa wixii aynu ka soo saarno, aad iyo ayaana arrintaasi loogu baahan yahay”. Geesta kale dudoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland Dr. Maxamed Faarax Xirsi, oo shirkaasi furay ayaa u mahad celiyay dhamaanba ka soo qayb galayaasha shirka. Waxaanu tilmaamay in shirkani uu yahay mid muhiimadiisa leh, isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaan doodaha laga jeediyo ardayda jaamacadaha dalka wax ka barta. Qaran News
-
Xoghayaha Guud ee WADDANI oo ku Baaqay Midnimo Xiliga Adag Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in maalmaha adag loo baahan yahay mudnimo. “Maalmaha adag ee qaranku khatarta waajahayo waxaa kuligeen waajib innagu ah midnimo qaran,” ayuu ku yidhi Khadar Xuseen qoraal uu ku baahiyay Facebokgiisa. Xoghayuhu isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu baaq u diray mucaaridka iyo Muxaafudkaba, wuxuuna yidhi “Ninka raba inuu qarankan bari xukumo iyo ka kursiga ku fadhiya waxaa labadoodaba qasab ku ah in ay wax iska waydiiyaan sidee ayaan qaranka dhibka uga saari karnaa.” Qaran News
-
Saaxiibada beesha caalamka war-saxaafadeed ay soo saareen si adag u cambaareeyay sii hurinta colaadda u dhexaysa Somaliland iyo SSC-khaatumo. “Saaxiibada beesha caalamka waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka. Beesha Caalamka ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada in ay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah islamarkaana la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo. “Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbadjoojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah. Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo”. “Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah, waxaana aan filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka” ayuu sii raaciyay war-saxaafadeedka. Beesha Caalamka ayaa ku celiyay muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo helidda gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan waxaana ay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh oo xiisadda lagu xalliyo si nabad ah oo wadahadal ah. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo heshiis xabbad-joojin ah ugu baaqay Somaliland iyo SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta hortegay guddiyada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalmiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka guddiga. Kulankan ayaa ahaa mid Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha loogu yeeray kulan shaqo taariikhdu markay ahayd Agoosto 20, 2023, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Baarlamaanka. Kulankaan zyaa ujeedkiisu ahaa: (1) Warbixin Guud ee Wasaaradda oo dhammeystiran; (2) Warbixin Mashaariicda dalka ka socda kuwa Miisaaniyadda ku jira iyo kuwa aan ku jirin; (3) Warbixin Hay’adda Tira-koobka (Statistics) Qaranka. Wasiirka iyo howl-wadeennadii la socday oo kala ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda; Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tira-koobka (Statistics) Qaranka; Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha; Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta iyo Xalka Waara; Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Qorsheynta; Madaxa Mashruucda Barwaaqo; iyo Madaxa Mashruuca SCRP. ayaa mid mid uga warbixiyey shaqooyinka ay Qaran u haayaan. Ugu dambeyntiina guddoomiyaha guddiga Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa soo xiray Kulanka, ayadoo loo ballamay in Wasaaradda loogu yeeri doono kulan kale oo shaqo iyo Su’aalo weydiin insha Allah. Dhinaca kale, Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta yeeshay kulankl muhiim ah, kaasi oo ay shir-guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Xil. Nadra Saalax Cabdi oo ay wehlinayeen, Guddoomiye Ku-xigeenka Xil. Maxamed Cusmaan Cumar (Naastaro) iyo Xoghayaha Xil.Maxamed Cabdoraxmaan Naddiif. Ajendaha kulanka ayaa ahaa diyaarinta warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda. Ugu horeeyn Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yusuf Mohamed Adan oo goobjoog ahaa faah-faahin ka bixiyay qodobo kamid ah hindisahan oo ay xildhibaanada dood ka keeneen akhrintii 2-aad asigoona dul-istaagay dhammaan qodobadaas sharaxaad dheerna ka bixiyay. Intaa kadib, waxaa la guda galay diyaarinta warbixinta akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedkan, waxaana qodob qodob loo akhriyay, dhammaan Cutubyada uu ka kooban yahay Hindise-sharciyeedka. Xildhibaanada Guddiga, ayaa dood dheer iyo ka yeeshay, wax-ka-bedel qodobada qaar, ayagoona doodii Xildhinaanada ee akhrinta 2aad ay ka yeesheen talooyin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaana ay ku soo biiriyeen si waafaqsan Dastuurka KMG iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS. Guddoomiyaha Guddiga Xil. Nadra ayaa ugu dambeyntiina ka dhawaajisay inuu hindisahan muhiimad weyn u uleeyahay Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, ayna lagama maar-maan tahay, dardargelintiisa iyo ansixintiisaba. The post Sawirro: Wasiiro ka tirsan DF oo maanta hortegay BF appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland president vows revenge after militia seizes base
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hargaisa (Caasimada Online) – Somaliland President Muse Bihi Abdi has vowed revenge against the SSC militia, a local clan militia challenging the authority of the self-proclaimed republic, following their seizure of a major military base in the Sool region. This incident is the latest in a series of conflicts between the Somaliland troops and the SSC militia, as tensions persist since hundreds died in the February fighting. Addressing a press conference in his capital, Hargeisa, the President said, “People should not be discouraged due to the fighting even though there are losses inflicted on the army.” He urged the citizens not to fear further escalation and insisted that revenge would be taken against the alliance that perpetrated the attack. Despite the Somaliland President’s assurances, residents of Las Anod, the capital of the Sool region, are tense and uncertain about what the future holds. Abdilatif Adan, a resident of Las Anod, told Caasimada Online, “There is no fighting, but there is massive military mobilization going on.” Background of the conflict Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not been recognized internationally. The region of 4.5 million people, formerly a British protectorate, prints its own currency, issues its own passports, and elects its own government. However, the quest for statehood has left it relatively poor and isolated, albeit stable compared to Islamist insurgency and civil war-torn Somalia. The city of Las Anod is claimed by both Somaliland and the neighboring autonomous region of Puntland, which has fueled tensions and conflict in the region. Doctors Without Borders, a medical charity, had to cease operations at Las Anod’s general hospital in July, citing recurrent attacks on medical facilities and extreme violence. The UN humanitarian affairs office estimated that more than 185,000 people had fled the violence by February 16. The post Somaliland president vows revenge after militia seizes base appeared first on Caasimada Online. -
St. Louis Park (Caasimada Online) – As the filing period for mayoral candidates in St. Louis Park, Minnesota, came to a close last week, the stakes for the November election have never been higher. Nadia Mohamed, a state Diversity, Equity, and Inclusion (DEI) specialist, and the city’s current mayor pro tem, is officially vying for the position. If successful, she will shatter several barriers by becoming the first Black, Muslim, Somali, and youngest mayor in the city’s history. Mohamed, who is set to face retired banker Dale Anderson, is more than just a candidate; she represents a transformative shift in local politics. St. Louis Park, with a population hovering around 50,000, has undergone significant demographic shifts in the past two decades. According to U.S. Census data, the city’s population of people of color has more than doubled. This rapidly diversifying community uses ranked-choice voting for local elections and is a microcosm of more significant national trends. From council member to potential mayor “In 2019, I became the youngest council member in St. Louis Park and the first Muslim and Somali to hold the position. I bring an irreplaceable level of experience to my work as a representative,” Mohamed told Mshale in a recent interview. This isn’t Mohamed’s first time making history. She had already broken ground as the youngest council member in the city when she won her at-large seat in 2019. The city council in St. Louis Park comprises seven members: four representing specific wards and three “at-large” members elected citywide. Alongside the mayor’s race in November, voters will also choose two at-large council members and a school board member, giving residents a unique opportunity to reshape the city’s political landscape. Born in Somalia, Mohamed arrived in the United States as a refugee at age 10. She has called St. Louis Park home ever since. Armed with a bachelor’s degree in human resource management from Metropolitan State University in St. Paul, Mohamed is also set to complete her master’s degree in educational leadership and administration from the University of St. Thomas later this year. Her personal history informs her perspective on leadership. “My lived experience as an immigrant and renter shapes my approach and will be an asset in how I serve as mayor,” she said. Her campaign priorities include public safety and community-police relations, affordable housing, and support for small businesses—issues she’s been championing since her city council days. Shaping the future and addressing concerns Mohamed is particularly concerned about disparities in homeownership rates. He has laid out plans for expanding programs to benefit first-time homebuyers. “I have advocated using tax increment financing to ensure developers build affordable housing units. Understanding government operations has taught me valuable lessons in how to make it work for all residents,” she explained. One looming issue affecting St. Louis Park is the $2.7 billion, 14.5-mile Southwest LRT extension of the Green Line, connecting downtown Minneapolis and Eden Prairie. Although this project falls under the Metropolitan Council’s jurisdiction, Mohamed weighed in on its implications for her city, citing concerns about potential gentrification. “My main goal is to ensure that this project does not lead to gentrification but rather is surrounded by affordable housing options,” she highlighted. This November’s election in St. Louis Park promises to be a bellwether, not just for the city but potentially for the entire state of Minnesota. As the deadline for candidacy has passed, the town now waits to see if it will take a historic step forward. Election Day is slated for November 7, with voters encouraged to register or update their information on the Secretary of State’s website. The post Breaking barriers: Nadia Mohamed runs for mayor appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa warbixin ka soo saaray xaaladda maxaabiistii laga qabtay ciidamada Somaliland. War-saxaafadeed ka soo baxay hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu xaqiijiyay in maxbuus Gen. Faysal Cabdi Bootaan loo wareejiyay xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood. “Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu xaqiijinayaa in maxbuus Faysal Cabdi Bootaan ay la wareegeen laamaha amniga iyo cadaallada maamulka SSC-Khaatumo kaddibna la dhigay xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan maxaabiistii kale ay bed-qabaan islamarkaana la geeyay xabsiyada Laascaanood halka kuwa dhaawacan lagu dabiibayo isbitaallada kala duwa. “Maamulka waxa uu sidoo kale sugayaa in dhammaan maxaabiistii kale inta bad qabta la geeyey xabsiyada magaalada, kuwa dhawaaca ahna lagu daaweenayo cisbitaalada” ayuu sii raaciyay war-saxaafadeedka. Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale bulshada Soomaaliyeed iyo caalamka u sheegay in uu ilaalin doono xuquuqda maxaabiista sida ay qabaan diinta Islaamka, xeerarka dhaqanka Soomaaliyeed iyo qawaaniinta caalamiga ah. PUNTLAND POST The post Maamulka SSC-Khaatumo oo warbixin ka soo saaray xaaladda maxaabiistii laga qabtay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Madax-dhaqameedka Burco oo Baaq u Diray Beelo Walaalo ah oo ku Diriray Ceel Afweyn Burco(Qaran news)- Madax-dhaqameedka gobolka Togdheer ayaa baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo shaqaaqo ku dhexmartay degmada Ceel Afweyn, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan 5 qof iyo dhaawac in ka badan 15 qof. Sidoo kale Madax-dhaqameedku waxa ay sheegeen in beelaha wada daga degmada Ceel Afweyn, ay dhawr jeer shaqaaqo ku dhexmartay degaankaasi, iyada oo dhawr jeer heshiis la dhex dhigay, colaada ayaa markasta soo noq noqota, colaadan oo salka ku haysa aano qabiil. Madax-dhaqameedkani waxa ay beelahaasi ugu baaqeen inay hubka dhigaan, isla markaana miiska wada hadalka ku soo noqdaan, waxa ay intaas raaciyeen ciddii colaada ehliga joojin weyda inay gacan bira wax kaga qaban doonaan. Geesta kale waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin dhiiga sida macnodarrada ah u daadanaya, isla markanaa ay ka murugaysan yihiin dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah. Waxaaney yidhaahdeen.“Shaqaaqada Ceel Afweyn ka soo korodhay waxa aanu leenahay dhib hore ayaa dhacday, heshiisyo hore ayaa la galay, waanu idiin imanayna cidii khaldan ayaanu qabanayna waxaanu idinka codsanayna in hawshaasi gacanta lagu qabto, in la joojiyo cid danbe oo gacan qaadana aanay jirin, anaga oo mideysan ayaa ciddii gardarada joojin wayda gacan bira ayaanu wax kaga qaban doona. Odayaasha madax-dhaqameedka iyo cidkasta oo degan Ceel Afweyn arrintan gacan bira haku qabato. Arrintu waa kugu dhimay oo kaa dhimay guuli kuma dhex jirto, faa’ido kuma dhex jirto, danbidhaaf kuma dhex jiro, naar iyo khasaare adduunyo ayaa ku dhex jira, walaalayaal dagaalka joojiya reer Ceel Afweynow. Xaalada Ceel Afweyn bulshada waxa ay ku noqotay fadeexad iyo ceeb wakhti badan dhextaala, intaad ILLAAHEY ka baqdaan waxa aanu idiin soojeeinayna dhibaatada aad nafihiina ku haysaan ee bulshada ku haysaan, ee waddanka ku haysaan, ALLE intaad ka baqdaan joojiya, dagaalka ehliga ah joojiya. Dagaalka ka socda Ceel Afweyn waa kugu dhimay oo kaa dhimay, waa dad isu ehela, waa dad is dhalay, waa wiil iyo abtigii, waa inan iyo inaabtigii, aadbaanu uga xunahay haddii aanu nahay madax dhaqameedka gobolka Togdheer, waxaanu idinka codsanayna in aad xabad-joojin rasmiya sameysaan” Qaran News
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxa maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay tirada maxaabiista ee Somaliland kaga qabsadeen dagaalkii dorraad. Mudane Firdhiye oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa ugu horeyntii shaaciyay in maamulkiisa SSC-Khaatumo uu hub ka dhigis caadi ah ku sameeyay ciidamada Somaliland ee gobolka Sool, xilli ay xukuumadda Somaliland sheegtay inay dharbaax culus uga jawaabi doonto weerarkaasi “Hub ka dhigis ama dab ka dhigis baan ku samaynay maleeshiyaadkii Somaliland waxaana u mahad-celinayaa ciidamada SSC oo sacabooley ka dhigay maleeshiyaadkas Muuse Biixi,” ayuu yiri madaxa maamulka SSC-Khaatumo. Sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland si ba’an loogu jebiyay dagaalkii dorraad, islamarkaana ay ka qabteen maxaabiistii ugu badneyd ee dagaal, kuwaasi oo ay ku jiraan saraakiil sare oo kamid ah hoggaanka ciidanka Somaliland. “Somaliland waxaan ka qabanay 218axbuus oo aan dhaawac qabin iyo 42 maxbuus oo dhaawac ah, taasi oo tirada guud ee maxaabiista ah 260 Askari ilaa hadda, maxaabiista waxa ku jira saraakiil ah dambiilayaal dagaal ah, gacanta ayaan ku haynaa hay’addii xaqqa u lahaa ayana u gudbinay.” Ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay in weerarkii maalmo kahor ku qaadeen saldhigii ugu weyna ee ciidamada Somaliland ku lahaayeen aagga Laascaanood ay ku dileen dad shacab, balse keliya la dagaalameen ciidamadii dul fadhiyay magaalada. ”Luuqadii uu yaqaanay ee uu rabay Muuse Biixi ayaan kula hadalnay 25kii August, maleeshiyaadkiisii ayaana anigu abaalkooda marinay shacab ma aanan weerarin.” The post SSC oo shaacisay tirada ciidamada Somaliland ee gacanta usoo galay iyo saraakiil ku jira appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qirtay jabkii dorraad kasoo gaaray dagaalkii Goojacadde, markaas oo ciidanka ku dagaalamaya magaca SSC ay qabsadeen Maraaga, Goojacadde iyo goobo kale oo muddo siddeed bilood ah fadhiyeen ciidanka Somaliland. Biixi ayaa sidoo kale ciidankiisa shalay laga qabsaday gaadiid dagaal iyo maxaabiis. Hoggaamiyaha Somaliland aad ugama war-wareegin nuxurka, waxaase uu sheegay in dhibaatadaas shalay gaartay aanay wax badan u dhimi doonin awooddii iyo ujeedkii ciidanka Somaliland, waa sida uu hadalka u yidhi. Muuse Biixi oo ay garab taagnayeen hoggaamiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo ninka xukuma golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku dheeraaday baaq uu u dirayo reer Somaliland, kaasi oo ah midnimo. Wuxuu u muuqday nin iska daminaya culeyska ka haysta buurta Gacan-Libaax, si uu ugu soo gacan banaanado dagaalka Laascaanood, wuxuu ku goodiyay in ciidankiisa deg deg uga soo kaban doonaan jabkii shalay, oo ay gaari doonaan hadafkoodii dagaalka. Muuse Biixi waxa uu ka gaabsaday inuu carabaabo cadadka khasaaraha dagaalka ee soo gaaray dhankooda iyo waxa soo dadajiyay jabka intaasi le’eg, wuxuuse qodobkaas uga gaabsaday inuu u saaray guddi wasiiro iyo xildhibaano ah oo soo baara sida ay wax u dhaceen. Goojacadde ayaa aheyd halkii ay ciidamada Somaliland mudada dheer kasoo duqeynayay magaalada Laascaanood. Hoggaamiyaha Somaliland wuxuu ku cel-celiyay aargoosi iyo soo kabasho taas oo ka dhigan in Somaliland isku diyaarineyso dagaal rogaal celis ah, oo ay kusoo qaadeyso goobihii laga qabsaday dorraad. Horay Biixi wuxuu u sheegi jiray inay wax reebanayaan oo ay u tudhayaan dadka reer Laascaanood iyo weliba in aanay iyagu weerar aheyn, laakiin hadda wuxuu ku dhawaaqay aargoosi, taas oo soo afjareysa fariimihiisi hore ee u muuqday kuwo siyaasadeysan. “Waxaa u sheegaya shacabka Somaliland in ciidanka Somaliland sidiisi yahay, dhibaato way soo gaartay laakiin xooggiisi, fikirkiisi, geesinimadiisa iyo dal jecelkiisa intiiba waa sidii, haddana wuu habeysan yahay oo dhibaatada deg deg beynu uga soo aargudan doonaa cadowga dhibaatadaasi naga soo gaartay,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa nala gudboon midnimo gudaheena ah, oo marka ay qaranka tahay in aan meel uga soo wada jeedno. Waxaa leeyahay wararka badan ee tashwiishka ah yaan dhag loo dhigin qarankii waa kan.” The post Madaxweyne Muuse BIIXI oo sameeyay qirasho lama filaan ah, kuna dhawaaqay… appeared first on Caasimada Online.
