Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddida heer Qaran ee Taakulada khasaarihii dabkii suuqa Idaacadda uu geystay ayaa kulan muhiim ah oo ay yeesheen waxay ku dhawaaqeen Suuq casri ah oo loo dhisayo dadkii Suuqu ka gubtey. Gudidani ayaa uu dhawaan madaxweynaha Somaliland u saaray in ay soo qoimeeyaan baaxada khasaaraha uu dabku gaystay si ay uga soo talo bixiyaan sidii suuqaasi uu dib ugu hawl gali lahaa sida ugu dhakhsiiyaha badan isla markaasina loo tasgeeri lahaa dadkii uu dabku khasaaraha u gaystay. Qaran News
  2. Baku (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay safarka madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gaaray Azerbaijan, kadib markii uu heshiis dhanka difaaca ah uu lasoo galay dhiggiisa dalkaasi Ilham Aliyev. Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay heshiiskan oo ay shaacisay Villa Soomaaliya oo baahisay in labada dowladood ay kala saxiixdeen heshiisyo dhaxalgal ah oo ay ka mid yihiin kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista, iyo hal-abuurka. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo. Arrinta doodda weyn keentay ayaa ah dhinaca amniga, Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa ku heshiiyay wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada iyo tayeynta hay’adaha amniga, iyada oo la’isku afgartay in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, lana dardargeliyo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga. Haddaba sidee looga falceiyay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Azerbaijan? Cabdirisaaq Mahdi: “Xasanow 50 dowladood kor waa u dhaafayaan intaad kala saxiixateen iskaashi amni iyo ciidamada hal dowlad oo wax ku ool laga helana kuma jirto waxaan dhan ma iska saxiixda meysan laheyn xuduud?.” Saajid Axmed: “Dowlad wax na siineysa diidi meyno soo dhawada Azerbaijan hub, lacag waxaa na siin kartiin nasiiya”. Cabdifitaax Faarax: “Azerbaïdjan waxaa madaxweyne u aah Ilham Aliyev wxaa madaxwyne kuxikeen ah islaantiisa uu qabo wxaa hantii dhowre uu ah gabadhiisa, marka Soomaaliya maxay kaa faa’idaysaa dalkaas?” “Madaxweyne waddankiiisa inta badan dagaallo ka socdaan, oo haddana maalin walbo iska safraayo waa ibtilo inteeda la’eg,” ayuu yiri Xadi Fantastic. Cali Cabdiraxmaan Ibraahim: “Waxbarashada waddankaan waa top , xariir waxbarasho lala yeeshana guul ayay no tahay” Maxamuud Kaafi: “Iskaashi lacag uruursi maad iska dhahdid 40 dowladood ayaad heshiis kan lamida kala saxiixateen maxaa ka hirgalay?”.
  3. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQNJ11_EMdyEIUsFHpWJBUsRDlBqxzaQ1Amy2ojDb7t0ThmHFUZuyWMLmrYf7tkt_jlnh5EZxgwmg5-kgAsRiwH_.mp4 Qaran News
  4. Ali Harbi Ali was convicted of Amess’s murder in 2022 when he was 26. He had been referred to Prevent in 2014 by his school and his case was adopted amid concerns he could have an interest in violent Islamism. His case was closed in 2016 after he had been referred to the Channel scheme for those deemed most at risk of radicalisation. The Prevent learning review published on Wednesday found the decision to close Ali’s case had been taken too soon. Far from being deradicalised, Ali went on to consume Islamic State propaganda and in October 2021 attacked Amess, 69, with a knife 21 times as he held a Southend West constituency surgery in a Leigh-on-Sea church. Ali told an onlooker he was doing it for Syria. Amess’s family had a copy of the review last year and wanted it to be made public. Prevent learning reviews are usually kept secret. His widow, Lady Amess, said on Wednesday that a public inquiry was needed. “I am very pleased that the failures of Prevent are now in the public domain – we were aware of them but were essentially gagged,” she said. “We are determined to keep up our fight for a public inquiry which we believe the family, and others, deserve.” Their daughter, Katie Amess, said: “I am very disappointed that the government has refused our request for an inquiry. My father gave his life for this country. “Given the similarities with the Southport killer and the man who murdered my father and the multiple failing of Prevent in both cases, it is wrong and illogical to have an inquiry into one and not the other. I sincerely hope that the government will change its mind.” This review into Prevent’s handling of the Ali case followed a critical report last week into its handling of the Southport killer, Axel Rudakubana. Rudakubana was referred to and rejected from Prevent three times. Ali’s criminal trial heard he had hidden his real views while in the Prevent scheme. The court was told he had wanted to travel to join Islamic State in Syria, and a year after being cleared by Prevent and Channel had decided to carry out a terror attack in the UK. He was suspected of having an interest in Islamism after being referred by his school in 2014, which was concerned by changes in behaviour, such as suddenly wearing Islamic clothing, and a deterioration in his studies. In 2016 Ali was cleared by Prevent, with the risk he posed of carrying out a terrorist attack deemed as low. The review found that assessment had been made too soon, after just one meeting with him over coffee at McDonald’s. The review found “the ultimate decision to exit Ali is based on the one initial report from the IP [intervention provider]”. Announcing the review, the security minister, Dan Jarvis, told the Commons: “The reviewer found that from the material reviewed, the assessment in terms of the perpetrator’s vulnerabilities was problematic, and this ultimately led to questionable decision-making and sub-optimal handling of the case during the time he was engaged with Prevent and Channel. “It identified that the vulnerability assessment framework was not followed, with the perpetrator’s symptoms being prioritised over addressing the underlying causes of his vulnerabilities. “The reviewer ultimately found that while Prevent policy and guidance at the time was mostly followed, the case was exited from Prevent too quickly.” Jarvis added: “Record-keeping was problematic, and the rationale for certain decisions was not explicit. Responsibilities between police and the local authorities were blurred. The tool used for identifying an individual’s vulnerability to radicalisation was outdated. “The school that made the referral to Prevent should have been involved in discussions to help determine risk and appropriate support. And the tasking of the intervention provider was problematic, with a miscommunication leading to only one session being provided instead of two.” Prevent is a voluntary scheme intended to deflect people away from being radicalised before they commit terrorist acts. The head of counter-terrorism, assistant commissioner Matt Jukes, said: “It is clear from the Prevent learning review where the management and handling of Ali Harbi Ali’s case in 2014 should have been better. “The report also acknowledges that by the time of the attack in 2021, significant changes had been made, and more work has been done since then to act upon the review’s recommendations. “Difficult decisions in steering people away from radicalisation continue to be made every day, and with almost 60,000 Prevent referrals in the last decade, we owe it to all those affected, including those making the decisions, to take every opportunity possible to improve the system.” Ali’s criminal trial heard that he had confessed to police after his arrest that in 2014 he was such a devotee of Islamic State that he considered travelling to Syria to join them, but did not do so. By 2017 he had chosen to carry out an attack in the UK and he became determined to kill an MP, eventually picking Amess as his target. Jarvis said that the new Prevent commissioner would “ensure the implementation of all relevant recommendations” from the review about the programme’s interactions with Ali. Source The Guardian Qaran News
  5. Maanta, Maxkamadda Gobolka Baay ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay Isaaq Aadan, oo horey u dilay Marxuum Aadan Maxamed. Fagaaraha toogashada waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro, maamulka degmada iyo kan gobolka Baay, xafiiska xeer ilaalinta, iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale laba dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay magaalada ku dileen haweeney ayaa la toogtay. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in aysan marna aqbali doonin dilalka Macno darada ee ka dhacaya magaalooyinka Koonfur Galbeed. Sidoo kale qofwalba oo lagu eedeeyo dil in maxkamad markii ay ku hesho horay laga toogan doono. Source: goobjoog.com
  6. Munich (Caasimada Online) – Darawal ayaa gaari ku jiiray dad isugu soo baxay magaalada Munich Khamiista, taasoo keentay dhaawaca ugu yaraan 20 qof, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta. Mas’uuliyiintu ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada ka dhacday meel u dhow faras magaalada Munich abaare 10:30 subaxnimo, oo ay ku jirto in si kas ah loo beegsaday dadka iyo in kale. Booliska ayaa barta X ku sheegay in darawalka “lagu qabtay” goobta, isla markaana uusan hadda khatar ku haynin dadka. Goobta shilka waxaa yaallay gaari nooca Mini ah oo burburay. Adeegga dab-damiska ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhaawacmeen shilka, qaar ka mid ahna ay xaaladdoodu aad u daran tahay, sida ay werisay wakaaladda wararka ee DPA. Duqa magaalada Munich, Dieter Reiter, ayaa sheegay inuu aad uga naxay dhacdadan, wuxuuna xusay in carruur ay ka mid yihiin dadka dhaawacmay. Xilliga ay dhacdadu dhacaysay, waxaa goobta ka socday dibadbax uu qabanayay ururka shaqaalaha adeegyada ee ver.di. Lama xaqiijin in dadka dibadbaxayaasha ka mid ah ay ku jiraan dhaawaca. Magaalada Munich waxaa lagu wadaa in amniga si weyn loo adkeeyo maalmaha soo socda, maadaama uu Jimcaha ka furmayo Shirka Ammaanka Munich oo socon doona saddex maalmood, kaasoo ah kulan sannadle ah oo ay ka soo qayb galaan mas’uuliyiinta arrimaha dibadda iyo amniga caalamka. Faah-faahin dheeraad ah naga filow dhowaan, Insha Allah.
  7. Culumada Jaamacadda Al-azhar Al-Shariif oo kamid xurumaha diineed ee ugu waaweyn dunida Islaamka ayaa ku baaqay in la taageero mowqifka dowladda Masar ee ku aaddan dib u dhiska marinka Qasa. War qoraal oo ay soo saartay Al-Azhar ayaa sidoo kale lagu sheegay in Falastiiniyiintu ay dhulkooda ku sugnaadaan oo aan la aqbali karin in meelo kale loo barakiciyo, waxayna Az-har intaas ku dartay in madaxda dunidu ay si mas’uuliyadi ku jirto u eegaan xuquuqda Falastiiniyiintu ay u leeyihiin inay dhulkooda ku noolaadaan. Dowladda Masar oo uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku cadaadinayo in dalkeeda loo barakiciyo dadka ku nool marinka Qasa ayaa dhowaan ku dhawaaqday go’aan ah inay taageersantahay in Qasa dib u dhiska lagu sameeyo ayadoo aan dadka laga barakicin. Source: goobjoog.com
  8. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa guul wayn oo lama filaan ah ka gaartay Soomaaliya iyo Rwanda, kadib tartan ka dhacay magaalada caasimada ah ee dalkaas, kaas oo loo galay Golaha Fulinta ee Ururka Midowga Afrika. Itoobiya ayaa heshay xubnimada Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC), kadib markii loo doortay shalay oo Arbaco ahayd, intii uu socday shirkii 46-aad ee Golaha Fulinta ee Addis Ababab, kaas oo mudadeedu noqon doono 3 sano ee soo socota. Natiijada codeynta oo la shaaciyay ayaa Itoobiya waxa ay heshay 38 cod, iyada oo sidaas ugu guuleysatay kursiga bariga Afrika, iyadoo ka sarreysa dalalka Rwanda iyo Soomaaliya oo helay hal cod iyo toban cod. Guusha ay gaartay Itoobiya ayaa sii xoojin doonta joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee hay’adda ugu saamaynta badan dhinaca amniga ee Qaaradda Afrika, sidoo kalana ay haatan dalkeedu ku taallo xarunta dhexe ee Ururka Midowga Afrika. Sidoo kale, fursaddan ayaa Itoobiya waxa ay siineysaa awood kale oo ku aaddan arrimaha nabadda iyo amniga, gaar ahaan Soomaaliya iyo geeska Afrika oo dhan, maadaama ay hanatay kursigii bariga Afrika ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika. Kursigan oo ay ugu dambeyn kusoo baxday Itoobiyay ayaa waxaa loo galay loolan adag, iyada oo Soomaaliya ay bixisay dadaallo dheeraad ah, laakiin ma helin guushii ay fileysay, waana wax dhaco mar kasta oo la galo tartan ama doorasho. Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa muddo ka dhexeysay xiisad xooggan oo ka dhalatay heshiiskii badda ee uu Abiy Axmed la galay Somaliland, kaas oo lagu xaliyay Ankara. Si kastaba, Itoobiya ayaa haatan dooneyso inay sii ballaariso joogintaankeeda Soomaaliya, ayna qayb ka noqoto howlgalka cusu ee AUSSOM oo sanadkan ka bilowday gudaha dalka.
  9. Maamulka Israa’iil iyo ururka wax iska caabinta falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa qaaday tillaabooyin hoos u dhigaya walaacii laga qaday in xabbad-joojinta marinka Qasa ay burburto ka dib markii labada dhinacba is diideen fulinta qodobo ku jiray heshiiska. Israa’iil ayaa saacadihii la soo dhaafay oggolaatay in kolonyo gaadiid gargaar sida ahi ay galaan Qasa, sidoo kalena ay dadku guryahooda ku noqdaan, taas oo ay Xamaas horay ugu xirtay sii deynta la-heysteyaasha Israa’iiliyiinta ah. Dhanka kale Xamaas ayaa sheegtay inay fulinayso dhammaan qodobadii heshiiska xabbad-joojinta ah oo ay ku jirto inay maxaabiista lagu sii daayo xilligii loo qorsheeyay. Tillaabooyinka ayaa qaboojinaya xaaladda marinka Qasa oo laga walaacsanaa inay faraha ka baxdo, islamarkaana dagaalkii dib u qarxo, ka dib markii madaxweynaha Mareykanku ku habjabay in haddii Xamaas ay sabtida soo socata la-haysteyaasha Israa’iil dhammaantood sii deyn weyso ay arrintu si kale isku badeli doonto. Source: goobjoog.com
  10. Mogadishu (HOL) – Somalia's Puntland State has called on international partners to provide logistical and technical assistance to support its ongoing military operations against ISIS militants in the Bari region. Source: Hiiraan Online
  11. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Xukuumadda, kaas oo hagaya howlaha waaweyn ay xukuumaddu u hayso bulshada Soomaaliyeed, Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka hadlayey xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada. Sidoo kale, Golaha ayaa meel-mariyey heshiis iskaashi amni, kaas oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq. Golaha Wasiirrada ayaa dul istaaggay dagaallada ka socda dalka ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo jab-xoog leh ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka, kana saareen deegaanno iyo goobo kala duwan oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka­­, iyada oo laga dilay horjoogeyaal u badan ajaaniib, qaar kalena gacanta lagu dhigay. Source: goobjoog.com
  12. Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa howl-galo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada dhulka miyigaa ah ee magaalada Jowle oo hoostagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Ciidamada ayaa Howl-galladan ku dilay cabdulaahi siciid bulxiye oo ahaa amiirki deegaanka Jowle u qaabilsanaa Alshabaab, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu. Ninkan ayaa waxaa wehliyay oo wowl-galka lagu dilay 10 dagaalame oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaas oo la sheegay inay asaga ilaalo u ahaayeen. Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa sheegay inuu howlgalku weli socdo, waxaana la filayaa ij warar intaas ka faahfaahsani ay ka soo kordhaan. Source: goobjoog.com
  13. Vegetable vendors and customers at Bakara Market in Mogadishu adhering to regulations to prevent the spread of COVID-19 in 2020. Mogadishu (PP News Desk) — As the holy month of Ramadan draws closer, the prices of food and Liquefied petroleum gas (LPG) have sharply increased. In one week, the price of a 13kg LPG cylinder has jumped from $15 to $32, an increase of over 113%. Consumers are concerned that prices might rise further. There is a strong perception that the sudden price increase resulted from hoarding by retailers, who have stockpiled LPG to sell at higher prices ahead of Ramadan. The increasing consumer reliance on LPG has given suppliers an opportunity to exploit the situation through unwarranted price hikes. The prices of staple food items, particularly those commonly consumed during Ramadan, have also risen significantly. Consumers, already grappling with rising unemployment and market closures caused by the heavy taxes levied by the Federal Government of Somalia on businesses, are now worried about what they see as unethical business practices where the holy month of Ramadan “is associated with intentional price hikes on essential commodities”. More than five companies sell LPG in Mogadishu, yet all of them have raised the price of the cooking fuel that over 90% of Mogadishu residents rely on. A marketing lecturer in Mogadishu told Puntland Post that traders and LPG suppliers take advantage of consumer buying habits one to two weeks before Ramadan begins. Consumers buy large quantities of goods for Ramadan. They rush to the markets, causing certain items to fly off the shelves, a trend that traders and suppliers interpret as higher demand, which they then exploit by creating artificial scarcity. © Puntland Post, 2025 The post Mogadishu Consumers Struggle as Food and Fuel Costs Spike appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Arbacadii sheegay inuu wada-hadal dheer oo wax-ku-ool ah la yeeshay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, kaas oo ay ku heshiiyeen inay si degdeg ah u bilaabaan wada-xaajoodyo lagu soo afjarayo colaadda Ukraine. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isku raacay inay booqashooyin is-weydaarsadaan, iyadoo Trump uu sheegay inuu aqbalay casuumaad uu Putin u fidiyay si uu u booqdo Moscow. Dhanka kale, Trump ayaa wada-hadallo la yeeshay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, isagoo xaqiijiyay in Ukraine aysan laga saari doonin geeddi-socodka nabadda. Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa tilmaamay in mararka qaar ay lagama maarmaan tahay in la qabto doorashooyin, isagoo xusay in taageerada shacabka ee Zelenskyy aysan aad u sarreyn. Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay in dib u soo celinta xuduudaha Ukraine ee ka hor 2014 ay tahay mid aan macquul ahayn, wuxuuna intaa ku daray in isku dayga lagu doonayo in lagu soo celiyo dhammaan dhulka la haysto uu kaliya sii dheereyn doono dagaalka oo uu sababi doono dhibaatooyin dheeraad ah. Hegseth ayaa sidoo kale cadeeyay in Mareykanku uusan taageereyn xubinnimada NATO ee Ukraine heshiiska nabadda gudaheeda, wuxuuna ku booriyay Yurub inay bixiso taageero dhaqaale iyo mid milateri oo dheeraad ah, iyadoo Mareykanku diiradda saarayo amnigiisa iyo loolanka uu la leeyahay Shiinaha. Sidoo kale, ma jiro qorshe Mareykan ah oo ku saabsan in ciidamo loo diro Ukraine. Source: goobjoog.com
  15. Markab dagaal oo laga lee yahay dalka Hindiya ayaa badda ku sii daayay 8 nin oo Soomaali ah, kaddib markii uu markabkaasi xoog kaga furtay doon kalluumeysi oo ay dhawaan ka af-duubteen xeebaha gobolka Nugaal. Ciidamada badda ee dowladda Hindiya ayaa saacado kooban gacanta ku hayay 8-da nin oo dhammaantood ka soo jeeda degaannada Puntland, balse goor danbe iska fasaxay, kaddib markii laga furtay doontii ay qafaasheen oo laga lee yahay Yemen. Ciidamada Hindiya ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay raggaasi ka furteen hubkii iyo qalabkii Isgaarsiinta ee (Thuraya), kaddibna badda ku fasaxeen iyagoo fara-maran oo saxiimad yar saaran, sida ay tilmaamayaan ilo amni. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii kooxdaasi ku weerar tagaan doontii hore, islamarkaana isku dayeen in ay qabsadaan doon kalluumeysi oo laga lee yahay Hindiya, balse uu u soo gurmaday markab dagaal. PUNTLAND POST The post Ciidamada Hindiya oo badda ku sii daayay Rag Soomaali ah oo dhawaan doon kalluumeysi af-duubtay appeared first on Puntland Post.
  16. Xalay fiidkii ayaa labo duqeyn oo cirka ah ayaa laga fuliyey deegaanka Sheebaab ee Buuraha Calmiskaad, halkaas oo lagu dilay in ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish (ISIS). Sida wararku sheegayaan, inta badan dadka la dilay waxay ahaayeen ajaaniib ku sugnaa goobta la weeraray. Duqeyntan ayaa sidoo kale burburisay gaari sahay u siday kooxda, taasoo sii wiiqday awooddooda dagaal ee gobolka. Illo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ahaa mid si taxaddar leh loo qorsheeyay, laguna bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah oo ay kooxda ku lahayd deegaanka. Wali faahfaahino rasmiga ah kama bixin howlgalkaan Taliska Ciidanka Mareykanka ee Africom. Source: goobjoog.com
  17. Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa aas qaran loogu sameeyay laba sargaal oo ku geeriyooday dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolkaas. Guddoomiyaha degmada Bosaaso iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay aaska Allaha u naxariistee Gaashaanle Farxaan Cabdulqaadir Xasan iyo Dable Xasan Maxamuud Nuur oo dhowaan ku geeriyooday dagaalka Calmiskaad. Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda gobolka bari ayaa laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayadoo ciidamada Puntland ay dileen boqolaal dagaalame oo ajaanib u badan, balse dhanka kale askar iyo saraakiil muhiim ah ayaa naftooda ku waayay gulufkan ujeedkiisu yahay in gobolka iyo dalkoo dhan laga saaro Daacish. Source: goobjoog.com
  18. Ethiopia was on Wednesday elected to the African Union Peace and Security Council (AUPSC) during the 46th Executive Council meeting in Addis Ababa, securing a three-year term. With 38 votes, Ethiopia won the Eastern African seat, outpacing Rwanda and Somalia, which received one and ten votes, respectively. This victory bolsters Ethiopia’s diplomatic presence on the continent’s most influential security body. As the host nation of the African Union, Ethiopia traditionally faces limited options for what it can contest. Membership in the AUPSC now grants Addis Ababa significant leverage on matters of peace and security, particularly in Somalia and the broader Horn of Africa, a region that has been marked by persistent instability. Ethiopia’s election comes at a time when it seeks to cement its influence on the African Union Transition Mission in Somalia (AUSSOM). Somali officials recently confirmed that obstacles to Ethiopia’s full participation in AUSSOM had been resolved, with the final details on the composition and size of Ethiopian forces expected to be finalised soon. This development follows tense diplomatic exchanges earlier this year when Somalia threatened to expel Ethiopian troops from AUSSOM unless Addis Ababa renounced a controversial memorandum of understanding (MOU) with Somaliland. The MOU, which would grant Ethiopia access to a 20-kilometer stretch of Somaliland’s Gulf of Aden coastline for naval purposes, drew sharp criticism from Mogadishu. Somali officials viewed the agreement as undermining their sovereignty, especially given the potential implications for Somaliland’s push for formal independence. Horn of Africa security matters By securing a seat on the AUPSC, Ethiopia aims to shape discussions and decisions on critical security matters in the Horn of Africa and beyond. This includes influencing conflict management strategies and peacekeeping missions across the continent, at a time when Ethiopia itself is emerging from internal conflict in the Tigray region. The Peace and Security Council, established as the African Union’s standing organ for conflict prevention, management, and resolution, plays a central role in the continent’s security architecture. It was designed as a collective security mechanism with early-warning capabilities, tasked with facilitating timely responses to crises. Its functions range from preventive diplomacy and peace-making to peace support operations and humanitarian action in post-conflict settings. For Ethiopia, this seat is not just a diplomatic win — it’s a strategic tool. Addis Ababa will now have a front-row seat in shaping the continent’s security responses, particularly regarding interventions in fragile states and post-conflict reconstruction efforts. Yet, it also has its own fragilities. Given the growing geopolitical interest in the Horn of Africa, Ethiopia’s membership will allow it to counter external influence while promoting its own regional agenda. Eastleigh voice Qaran News
  19. Jamhuuriyadda Azerbaijan, waa dal laba qaaradle ah oo yaalla dhanka galbeedka ee qaaradda Aasiya iyo bariga Yurub, wuxuuna soohdin la leeyahay Armenia, Georgia, Iran, Russia, iyo Turkiga. Dalkani wuxuu dhacaa gobolka Caucasus, caasimadda iyo magaalada ugu weyn Azerbaijan waa baku, halka tirada dadweynaha lagu qayaaso 10,336,577, kuwaas oo ku dhowaad 3 milyan oo kamid ahi ay caasimadda ku noolyihiin. Azerbaijan inkastoo badda Caspian-ku ay marto , haddana waxaa lagu tiriyaa dal aan badda lahayn, maxaa yeelay badda Caspian-ku kuma darsanto ama ku xirna badweyn dunida kale ku xariirisa, sidaas awgeed wax weyn kama duwana harooyinka waaweyn ee caalamka. Jamhuuriyadda Azerbaijan waxaa la aas aasay 28-kii bishii May, sanadkii 1918-dii, ka dib burburkii Boqortooyada Ruushka, balse waxay laba sano ka dib ku biirtay midowgii Sofiyeeti oo ilaa 1991-kii ay ka tirsanayd, madaxweynaha dalkuna waa Ilham Aliyev oo ilaa 2003-dii talada hayay. Luuqadda rasmiga ah ee dalku waa Azerbaijani, waxaana qoymiyadaha ugu weyn ee dalkan ku nool kamid ah Azerbaijani, Lezgins, Kurds, Avars, Molokans, Budukh, and Shahdagh, diinta islaamka ayaana ah midda ugu badan ee dadweynuhu rumeysanyihiin, balse bulshooyinka qaar ayaa haysta caqiidooyinka kirishtaanka iyo yuhuudda. Dalkan dhaqaalihiisu wuxuu boqolkiiba sagaashan ku tiirsanyahay gas-ka iyo saliidda uu dibedda u dhoofiyo, waxaana dakhligiisa loo arkaa mid dhexdhexaad ah, markii la eego heerka nolosha bulshada. Dalkani wuxuu leeyahay cudud militari oo gobolka ka dhex muuqata, wuxuuna ku dhaqmaa siyaasad dhexdhaxaad ah, asagoo xulufo la ah Ruushka iyo Turkiga oo labaduba soohdin la leh. Source: goobjoog.com
  20. Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa laga yaabaa inay sii joogaan Soomaaliya muddo ka dheer intii hore loo qorsheeyay, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish-ta Soomaaliya iyo Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato weyn ku haya gobolka Geeska Afrika. Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa si cad u sheegay inay suurtagal tahay in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Afrika, inkasta oo xilligii maamulka koowaad ee Donald Trump la qorsheynayay in la dhimo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee caalamka si loo yareeyo qarashaadka. “Afrika waa safka hore ee dagaalka ay wadaad-xagjiriintu wadaan,” ayuu yiri Hegseth. “Ma oggolaanayno inay saldhig ka samaystaan, gaar ahaan si ay u weeraraan Mareykanka.” Hadda, Mareykanka waxaa Soomaaliya ka joogaa ku dhawaad 500 askari, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo dhibaato weyn u geysanaya ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan. “Waxaan rabaa in aan marka hore dhageysto talooyinka taliyeyaasha ku sugan goobaha dagaalka,” ayuu yiri Hegseth, isaga oo intaa ku daray in Mareykanku uu ciidan keeni doono meelaha lagama maarmaanka ah, balse uu doorbidayo in uu “ula dagaallamo argagixisada si wax ku ool ah xilli fog.” Horaantii bishan, duqayn dhanka cirka ah oo Mareykanku fuliyay ayaa lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan Buuraha Golis ee Soomaaliya. Talaadadii, Taliska AFRICOM wuxuu shaaca ka qaaday in sarkaalkaas lagu magacaabi jiray Ahmed Maeleninine, oo la aaminsan yahay inuu mas’uul ka ahaa qorista dagaalyahannada kooxda. Dhammaadkii sannadkii hore, ciidamada Mareykanka waxay sidoo kale fuliyeen tiro duqeymo ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, taas oo lagu dilay dagaalyahanno badan. Taliska AFRICOM ayaa sidoo kale bixiya sahanka cirka si uu u taageero ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilliyada dagaalka. Hegseth wuxuu intaa ku daray in hoggaamiyeyaasha caalamka ay khalad samaynayaan haddii ay u fasirtaan in qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, uu dib u eegayo istiraatiijiyadda ciidamada caalamiga ah ee Mareykanka, taas oo muujinaysa in Washington ay dib uga gurayso caalamka. “Waxaa khalad noqon doonta in la maleeyo in Mareykanku wax ka tagayo ama ka baxayo,” ayuu yiri Hegseth. “Maya, Mareykanka waa inuu si xeel dheer u fiirsadaa, u qorsheeyaa, mudnaan siiyo, oo uu awoodiisa ka muujiyaa meelaha lagama maarmaanka u ah in laga hortago colaadaha,” ayuu raaciyay.
  21. Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo laga soo doorto Texas, kaasi oo toddobaadkii hore ku baaqay in la masaafuriyo Ilhaan Cumar, ayaa haatan sii xoojiyay dadaalkiisa, isagoo taageerayaashiisa ku dhiirrigelinaya inay saxiixaan codsi arrintaas la xiriira. Ololaha Brandon Gill ayaa diray fariin dhaqaale ururin ah oo cinwaankeedu yahay “Codsi: Masaafuri Ilhaan Cumar.” Fariintaasi waxay xustay in “waxay aheyd in aan marna ogolaan inay dalkeenna soo gasho,” iyadoo loola jeedo Ilhaan Cumar oo ah Somali-American. “Saxiix codsigeyga, aan dib ugu celinno Soomaaliya, halka ay asal ahaan ka timid,” ayaa lagu yiri qoraalka codsiga, sida ay werisay warbaahinta Axios. Fariinta sidoo kale waxay Cumar ku eedeysay inay “gacan ka geysaneyso duullaan ballaaran oo lagu hayo dalkeenna,” iyadoo lagu doodayo in “bulsho caadi ah arrintaas ugu yeeri lahayd khiyaano qaran.” Gill wuxuu u muuqday inuu ka jawaabayay muuqaal ay Ilhaan kula hadashay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, iyada oo u sheegtay in aysan “waajib ku ahayn inay ka jawaabaan su’aalaha ay waydiinayaan saraakiisha ciidanka wax masaafuriya ee ICE.” Waxay sidoo kale ugu baaqday inay “bartaan sharciyada oo ay is diyaariyaan.” Ilhaan Cumar waxay si adag uga falcelisay weerarka, iyadoo bayaan ay soo saartay ku tilmaantay “wax laga yaqyaqsoodo in xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ay si cad ugu dhiirradaan inay adeegsadaan hadallo cunsuriyad iyo xagjirnimo leh.” “Isku dayga Rep. Gill ee ah inuu sumcad ku kasbado hanjabaadda masaafurinta muwaadin Mareykan ah oo sharciyeysan, kaliya maxaa yeelay uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo, waa tallaabo toos uga timid buugga aragtida xagjirka ah ee Donald Trump,” ayey tiri Ilhaan. Waxay xustay in iyada oo qaxooti ah ay Mareykanka timid xilligii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya sanadkii 1995, ayna muwaadin Mareykan ah noqotay shan sano kadib. Xiisadda ayaa billaabatay toddobaadkii hore, kadib markii Gill uu bartiisa X kusoo qoray: “Mareykanka wuxuu noqon lahaa meel sidan ka wanaagsan haddii @IlhanMN dib loogu celiyo Soomaaliya.” Qoraalkaas waxaa la socday muuqaal lagu eedeeyay Ilhaan Cumar inay qaban-qaabinayso aqoon-is-weydaarsi lagu barayo Soomaalida sida ay uga fogaadaan in la masaafuriyo. Elon Musk ayaa isna wadaagay muuqaalkaas, isagoo ku doodaya in Cumar ay “jebisay sharciga,” taasoo keentay in xildhibaanaddu si toos ah uga falceliso. Ilhaan Cumar ayaa arrintaas uga jawaabtay iyadoo ku tilmaantay “wax laga xishoodo sida fudud ee dadkan loo marin-habaabiyo,” waxayna intaas ku dartay in “eeda joogtada ah ee lagu hayo ay fadeexeynayso kuwa weerarka wada.” “Waxaa talo iga ah: baaritaan sameeya oo ha rumaysan wax walba oo nacasnimo cunsuriyadeed ah. Anigu meelna ma aadayo,” ayey ku soo gaba-gabaysay.
  22. Mogadishu (HOL) – Security forces in Mogadishu apprehended three suspects, including one who was injured, during an operation in the Abdiaziz district on Wednesday following an attack on the Abdiaziz Police Station chief, who was enforcing a court order. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) – Somalia and Azerbaijan have signed a landmark defense cooperation agreement, marking a significant step in their bilateral relationship. Source: Hiiraan Online
  24. US Senate Foreign Relations Committee Chairman, Senator Jim Risch, has expressed strong opposition to the use of United Nations (UN) assessed contributions to fund the African Union (AU) Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM). Source: Hiiraan Online
  25. Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in laba duqeymood oo xalay laga fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari lagu beegsaday dagaallamayaal ka tirsan Argagixisada go’doonsan ee Daacish. Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland oo Warsaxaafadeedkaasi soo saaray ayaa sheegay in duqeynta oo ka dhacday degaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad lagu beegsaday xubno ka tirsan ISIS islamarkaana lagu burburiyay baabuurkii Saadka u siday kooxdaasi. “Labo duqeyn oo caawa hawlgalku ka fuliyey degaanka Shebaab ee buralayda Calmiskad, waxa lagu dilay in ka badan 30 Argagixiso Daacish ah oo Ajanabi u badan iyadoo lagubay gaarigii Saadka u waday. Hawlgalku waa Cir &Dhul” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Puntland. Ilo wareedyo amni ayaa sidoo kale sheegaya in xalay duqeymo dhawr ah laga maqlay degaannada Sheebaab iyo Gaatir Godan oo la rumaysan yahay in ay xarumo ciidan ku lee yihiin kooxaha Argagixisada ah ee Daacish. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in 30 ka tirsan Argagixisada ISIS lagu dilay duqeymo xalay ka dhacay buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.