Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku Dhaliilay si xun u Adeegsiga Gaadiidka Dawladda Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Arrimaha bulshada Xisbiga WADDANI Maxamed-sidiiq Dhamme, ayaa ku eedeeyay Xukuumadda si xun u isticmaalka Gaadiidka Dawladda. Xoghaye Sidiiq Dhamme wuxuu sheegay in miisaaniyadii kalhore ay ku jireen iibsiga 45 baabuur oo nooca raaxada ah, waxaanu tilmaamay in gaadiidka dawladda aan la dhawrin oo hadh iyo habeenba la tooncinayo. Wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiusa Facebook oo u qornaa sidan:- “Miisaaniyaddi 2022 waxa ku jiray iibka 45 Gaadhi oo ah Gawaadhi raaxo iyo kuwo qaali ah, qiime ahaan Lacagta lagu kharash gareeyay Sannadkaa waxay dhammayd $1,529,068 Sannad kasta waxa ku jira Miisaaniyada iib Gaadiid. Waxa nasiib darro ah in aan xil la iska saarin Gaadiidka Dawladda oo aan lagu koobin isticmaalkooda Saacadaha shaqada, waxaad arkaysaa Habbeen iyo Maalin Gawaadhi Dawladeed oo loo isticmaalayo si shakhsi ah, Lacagtaa Malaayiinta Dollar ah maxaa loo khasaarinayaa ?.” Qaran News
  2. Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyip Erdogan ayaa rajo weyn ka muujiyey suurtagalnimada soo celinta heshiiskii Qamadiga ee Badda Madow, kaas oo gacan ka geystay in Qamadiga Ukraine la geeyo suuqyada, kaddib wadahadallo uu saacadihii lasoo dhaafay la yeeshay Madaxweyne Vladimir Putin. Ruushka ayaa heshiiskan ka baxay bishii July – sanad kadib markii ay dhexdhexaadiyeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga, isagoo ka cabanaya in dhoofinta cunnadiisa iyo caqabado soo wajahay bacrimiyeyaasha. Dalalka Afrika ee sida weyn ugu tiirsan qamadiga ka yimaada Ruushka iyo Ukraine ee colaaddan ay saamaysay ayaa waxaa ka mid ah Somalia, Benin, Masar iyo Sudan, sida ay QM sheegtay. Warbixin ay soo saartay QM ayaa lagu xusay in Somalia iyo Benin ay ka mid yihiin dalalka 100% ku tiirsan qamadiga dalalkaas ka yimaaada. Soomaaliya ayaa Ukraine ka heshay 84,000 tan oo qamadi ah sanadkii 2022, ilaa 31,000 oo tan ayay ka heshay sanadkii ka horreeyay ee 2021, sida laga soo xigtay xogta ganacsiga ee Qaramada Midoobay, iyadoo deeq-bixiyeyaashu ay caawinaad ku garab istaageen si wax looga qabto macluusha ba’an ee ka jirta meelaha qaar. Macluusha qeybo ka mid ah Geeska Afrika ayaa kasii dartay sanadkan, maaddaama xilli roobaadka la filayo inuu baaqdo sanadkii shanaad oo xiriir ah. Erdogan, oo horay door muhiim ah uga cayaaray ku qancinta Putin inuu ku adkeysto heshiiska ayey hadana QM isku dayeysaa inay Putin ku qanciso inuu heshiiska ku laabto. “Turkiga ahaan, waxaan aaminsannahay inaan gaari doonno xal muddo gaaban,” ayuu Erdogan yiri isagoo ku sugnaa hoteelka saaran Badda Madow ee Sochi kaddib kulankii ugu horreeyay ee fool ka fool ah ee uu la yeesho Putin tan iyo 2022. Putin ayaa sheegay in Reer-Galbeedku ay weli xannibayaan wax dhoofinta iyo wax soo saarka beeraha Ruushka. “Waxaan diyaar u noqon doonnaa suurtogalnimada soo celinta heshiiska madaxweynaha ayaana maanta u sheegay tan mar kale – waan sameyn doonnaa tan marka dhammaan heshiisyada qaadidda xayiraadaha wax soo saarka Ruushka si buuxda loo dhaqan geliyo,” ayuu yiri Putin isagoo garab taagan Erdogan. Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay in qamadiga laga soo qaado Ukraine lana gaarsiiyo suuqyada iyadoo lasii marsiinayo Badda Madow iyo in wax laga qabto xasaradda cunnada ee adduunka oo ay QM sheegtay inay kasii dartay kaddib duullaankii Ruushka uu Ukraine ku qaaday bishii February sanadkii hore. Ruushka iyo Ukraine waa labo ka mid ah dalalka ugu wax soo saarka badan dunida dhanka beeraha, waxayna qeyb weyn ku leeyihiin suuqyada qamadiga, shiciiriyadda, galleyda, saliidda canabka, miraha gabbal-dayaha iyo saliiddiisa. Iyadoo dhoofinta cunnada iyo bacrimiyeyaasha Ruushka aysan quseyn cunaqabateynta Reer-Galbeedku soo rogay kaddib duullaankii Ruushka ee Ukraine, Moscow ayaa sheegtay in xayiraadaha lacagaha, farsamada iyo caymiska ay xagal-daaciyeen raridda badarka. “Reer-Gabeedku waxay sii wadaan inay suuqyada adduunka ka xannibaan badarka iyo bacrimiyeyaasha Ruushka,” ayuu yiri Putin, isagoo intaa raaciyay in Galbeedku ay Ruushka ku “qiyaameen” heshiiska. The post Turkiga oo Ruushka kala hadlaya arrin saameyn culus ku yeelatay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  3. Jigjiga(Qaran news)-Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Itoobiya, Mustafe Maxamuud Cagjar ayaa sheegay in Somaliland uu ka dhexeeyo iskaashi amni oo ku wajahan la dagaalanka Argagixisada. Mustafe Cagjar wuxuu sheegay inay Somaliland ka wada shaqeeyaan arrimaha xuduudaha iyo dagaalka ka dhan ah argagixisada. Mustafe Cagjar wuxuu intaas ku daray in dagaalka ka dhacay Laascaanood aanay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku lug lahayn, isla markaana dani ugu jirin bilowgii dagaalkaas iyo imikaba. Ma cada waxa xiligani ka hadliyay Mustafe Cagjar hase ahaatee waxa xiligani la sheegayaa in ay dalkaasi ku suganyihiin xubno ka mid ah huwanta ka dagaalamaysa bariga gobolka Sool Somaliland ayaa hore u sheegtay inay dagaalka Laascaanood ay ka qaybgaleen rag ka soo jeeda deegaankaas oo qaarkood lagu qabtay dagaaladii Laascaanood ku dhex maray ciidamada Qaranka Somaliland iyo huwanta Laascaanood. Qaran News
  4. Pyongyang (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa la filayaa inuu madaxweyne Vladimir Putin kula kulmo Ruushka, si uu ugala hadlo inuu Moscow siiyo hub ka caawiya dagaalka Ukraine, waxaa sidaas Isniintii sheegay Mareykanka. Hadalka ayaa yimid kadib markii Aqalka Cad uu toddobaadkii tegay ka digay in Ruushka uu wada-hadallo sir ah kula jiro Kuuriiyada Waqooyi si uu uga helo hub kala duwan. “Sida aan horey uga dignay, wada-xaajoodyada hubka ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa horumar sameynaya,” waxaa sidaas tiri Adrienne Watson, afhayeen u hadashay Golaha Amniga Qaranka Mareykanka. “Waxaan haynaa akhbaar ku saabsan in Kim Jong Un uu rajeynayo in wada-hadallada ay sii socdaan, oo ay qeyb ka noqdaan kulan diblomaasiyadeed heer hoggaamiye ah oo ka dhaca Ruushka.” Kim oo aan inta badan u safrin dibedda ayey u badan tahay inuu dhammaadka bishan tago magaalo xeebeedka badda pacific ee Vladivostok ee Ruushka, oo aan ka fogeyn Kuuriyada Waqooyi, si uu ula kulmo Putin, sida uu ku warramay wargeyska New York Times. Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in xitaa ay suurta-gal tahay in Kim uu u safro Moscow, balse aysan hubneyn. Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa toddobaadkii tegay sheegay in inkasta oo ay beeniso, haddana Kuuriyada Waqooyi ay gantaallo siisay Ruushka sanadkii 2022, kuwaas oo ay isticmaaleen kooxda gaarka loo maamulo ee Wagner. Dhinaca kale, wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa bishii tegtay u safray Kuuriyada Waqooyi isaga oo hub dheeri ah u raadinaya dagaalka, ayey tiri Watson. “Waxaan ugu baaqeynaa Kuuriyada Waqooyi inay joojiso wada-hadallada hubka ee ay kula jirto Ruushka, una hoggaansato ballan-qaadka Pyongyang ay sida shaacsan u sameysay ee ah in aanay hub siineyn Ruushka,” ayey tiri Watson. Mareykanka, Britain, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa bayaan wada-jir ah oo ay kasoo saareen QM ku sheegay toddobaadkii tegay in iskaashi kasta oo dhex-mara Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu jebinayo qaraarka Golaha Ammaanka ee mamnuucaya in heshiis hub lala galo Pyongyang, qaraarkaas oo Moscow xitaa ay taageertay. The post PUTIN iyo Kim Jong Un oo la filayo inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan… appeared first on Caasimada Online.
  5. LONDON, UK (HOL) - The esteemed Somali artist, Ahmed Naji Sa’ad, who was a prominent figure in Somali music, passed away this evening in London. May he rest in peace. Source: Hiiraan Online
  6. LONDON, UK (HOL) - The esteemed Somali artist, Ahmed Naji Sa’ad, who was a prominent figure in Somali music, passed away this evening in London. May he rest in peace. Source: Hiiraan Online
  7. Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii labaad kulamo ka wada magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana kulamadaas ka soo baxaya xogo muujinaya in la isku fahmi waayey. Nabadoon Cabdi Gardheere oo ka mid ah waxgaradka beesha Xawaadle ayaa sheegay in seddax fadhi ay ku kala tageen Madaxweynaha, isla markaana uu ka diiday waxyaabihii ay kala hadleen. Nabadoon ayaa ayaa sheegay in Xasan Sheekh ay talo meel ugu xiran tahay, ayaguna ay wataan dalab aan laga gudbi karin, taas oo sababtay in haba yaraatee la isku fahmi waayo kulamadii ka dhacay Maxaas. “Maxaas waxaan u nimid dalab, waxaan na cosaday madaxweyne Xasan Sheekh, wixii uu noogu yeeray iyo wixii aan ka codsanay waa is qaba waayeen, seddax fadhi ayaan ku kala tagnay,” ayuu yiri Nabadoonkaan u hadlay beesha Xawaadle. Wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu diiday inuu kala hadlo tabashadooda, isla markaana uu hadalkiisa ku ekeeyey “Dilka ila xoreeya.” Cabdi Gardheere wuxuu xusay inay Madaxweynaha u sheegay in dalkaan uu Soomaali ka dhexeeyo waajibkoodana ay ka guteen oo deegaanadii ay ku lahaayen ay xoreysteen. “Madaxweynuhu wuxuu watay qorshe u gaar ah, anaguna waxaan dhahnay tabashada aan qabno nagala hadal, wuxuuna yiri maya teyda hala fuliyo ee dib noogu dhiga tiina, intaas ayaana ku soo kala tagnay ugu dambeyntii,” ayuu yiri nabadoon Gardheere. Telefishinka SP oo wareysigaan uu siiyey Nabadoonku ayaa weydiiyey waxa uu dalbanayo Xawaadle ee Xasan Sheekh uu diiday wuxuuna ku jawaabay in maamulka ay dhisteen ee Hiiraan State ay doonayeen inay ka ansixiyaan Madaxweynaha. “Dhammaan Nabadoonadii reer Hiiraan ee Xawaadle iyo beelaha kale ee la dega ayaa Maxaas yimid, intaas oo beelood tabashadooda madaxweynuhu waa dhageysa diiday, waxa aan isku qabanay waxaa ka mid ah Shabeellada Sare iyo Hiiraan State inuu anxisiyo, wuxuuna noogu jawaabay waxa aad sheegeysaan halkaan uma imaan,” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Gardheere. Nabadoonka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu yiri “War kale anigu geli maayee dalka aan xoreyno, waxaan u sheegnay in dalka xoreyntiisa aan diyaar u nahay oo dhulkeenii aan ka xoreysanay cadowga, dalka oo la xoreyn wax kale kama hadlaayo ayuu noogu jawaabay, dalkana anaga kaliya dad uma nihin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray nabadoonkaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Xawaadle oo sheegay in Xasan uu ka diiday qorshahoodii iyo 3 kulan oo lagu kala tegay appeared first on Caasimada Online.
  8. Mid ka mid ah laba ardaa ee ku diriray Ceel Afweyn oo Xabad Joojin ku Dhawaaqday Ceerigaabo(Qaran news)- mid ka mid ah labada beelood ee shaqaaqadu ku dhex martay Ceel Afweyn ayaa sheegay inay ku dhawaaqayaan xabad joojin iskood ay u qaateen. Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha East Burco Clan ayaa sheegay inay fuliyaan xabad joojintii xukuumaddu ku dhawaaqday waxaanay beesha kale ee ay walaalaha yihiin ugu baaqeen nabad iyo wadahadal in lagu furdaamiyo shaqaaqadii halkaas ka jirtay. Waxa odayaashaasi sheegeen in xabad joojintu ay horseedayso nabadgelyo buuxda oo lagu soo celiyo deegaanka Ceel afweyn ee ay labada ardaa ee walaalaha ahi wada degan yihiin. Qaran News
  9. London (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Fanaankii weynaa Axmednaaji Sacad ayaa caawa ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska. Fanaaniin iyo Abwaano Soomaaliyeed oo ka war-hayey xaaladda Marxuumka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey geeridaan. Allaha u naxariistee Axmednaaji wuxuu ahaa mid kamid ah tiirarka uu ku taagnaa fanka Soomaaliyeed. Wuxuu isku ahaa Fanaan, Abwaan iyo Mulaxan, sidoo kale gacantiisa ayuu ku garaaca jiray Kabanka. Wuxuu ka mid ahaa fanaantii hore ee hobollada qaranka ee Waaberi, wuxuuna dalka ka tegay waayihii burburka, isagoo degay dalka Ingiriiska. Waxaa la sheegay in Axmednaaji uu Aabihiis ahaa Yemeni, isla markaana ay dhashay Hooyo Soomaali ah, taas oo ku korisay Muqdisho, wuxuuna ka mid noqday yaraantiisii hobolladii qaranka. Markii laga soo tago heesaha kale ee Soomaalida, wuxuu Axmednaaji aad u xiisey jiray heesaha Banaadiriga oo suugaan badan uu ka curiyey. Allaha u naxariistee geerida Marxuum Axmednaaji dhinacyada xaqiijiyey waxaa ka mid ah wiilkiisa oo waayahaan ku haayey isbitaal ku yaalla London oo caawa uu ku geeriyooday. The post DEG DEG: Fanaankii weynaa Axmednaaji Sacad oo caawa ku geeriyooday magaalada… appeared first on Caasimada Online.
  10. Daarunicma (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Aadan Cali oo shir jaraa’id ku qabtay banaanka hore ee Masjidka caanka ah ee deegaanka Daarunicma ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaankaas. Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta soo weerartay degaanka Daarunicma, wuxuuna Taliyuhu sheegay in halkaas jab culus lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay is farasaareen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka. “Waxaan joognaa Masjidkii weynaa ee Daarunicma, waxaa deegaankaan gacanta ku haya ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka, si wanaagsan ayaan uga guuleysanay kooxdii weerarka soo qaaday oo aad ayaa loogu jebiyey dagaalka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka. Jeneraal Axmed Aadan oo shirkaan jaraa’id qabtay casir liiqii galabta ayaa sheegay in ciidanku ay howdka ku sii baacsanayaan Al-Shabaab-kii weerarka soo qaaday oo jidanaya meydad iyo dhaawacyo ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay Daarunicma. “Waxaan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka uga mahadcelinayaa sida geesinimada leh ee maanta ay isaga difaaceen cadowga weerarka soo qaaday, waa dagaalanteen waxaana tihiin geesiyaal naftooda huray,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka. Wuxuu ku faanay in ciidanka xoogga dalka aysan ka baqin geerida, isagoo ku tilmaamay geesiyaal aan la maleysa karin sida ay u dagaalamayaan iyo qadiyadda adag ee ku jirta. “Hadii mar kale ay Khawaarijtu isku daydo weerar kale inay soo qaado waxay u jebi doonaan sida maanta oo kale, hadda kadib kuma sugi doono halkaan ee howdka ay galeen ayaan uga dabageli doonaa,” ayuu yiri Taliye Axmed Aadan. Markii laga soo tago ciidanka xoogga dalka, deegaanka Daarunicma waxaa ku sugan ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo marar badan Al-Shabaab ka difaacday, kuna jebiyey weerarro ay ku soo qaadeen deegaankaas. Hoos ka daawo The post Daawo: Taliska xoogga dalka oo faahfaahin kasoo saaray dagaal galabta ka dhacay Daarunicma appeared first on Caasimada Online.
  11. NAIROBI, Kenya, September 4, 2023/ -(Qaran news)- Hundreds of young people from across Africa are demanding a significant role in decision making for climate action. Youth leaders, entrepreneurs and policymakers presented the Africa Youth Climate Assembly Declaration to Kenya’s President, William Ruto, and African Development Bank Group President Dr Akinwumi Adesina. The Declaration, which was the culmination of the Africa Youth Climate Assembly held in Nairobi from 1-3 September, advocates for the accelerated establishment of a Global Green Bank and a New Global Financial Pact (https://apo-opa.info/3PuSLk1), aiming to prioritise young people and their interests in climate financing. The delegates also called for the establishment of a UN Youth office to be based in Africa, the continent with the largest youth population on the planet. In response to the Declaration, President Ruto and the Bank Chief recognised Africa’s youth as the biggest asset for Africa and the whole world, praising their dynamism and innovation. Ruto and Adesina backed their demand for greater involvement in setting national and international climate policies. The two leaders responded to questions from youths in a two-hour session moderated by African Youth Climate Assembly Lead Coordinator Elizabeth Watuthi on a wide range of issues including youth access to finance, Africa’s energy transition, the plight of millions displaced owing to the impacts of climate change and mobilisation of resources for sustainable development. President Ruto emphasised the importance of investing in youth and highlighted Africa’s agricultural potential due to its vast uncultivated lands (65% of the world’s total), which he said could foster job creation and boost wealth. Ruto highlighted his government’s initiative to establish smart cities to tackle unsustainable settlements and cut pollution in a bid to foster environmentally sustainable development. One way of investing in young people is by providing quality education and skills to help them tackle future challenges, Ruto said. He said his government had committed the largest budget in the country’s history to education – 630 billion KES (around $433 million), representing over 27% of the total annual budget. Adesina echoed similar sentiments, underscoring the critical nature of youth investment in fostering growth and stability on the continent. “The biggest risk in this continent is not investing in the youth,” Adesina said, adding that, “The youth need investment, not empowerment.” To illustrate this point, Adesina said the African Development set up the Jobs for Youth strategy to provide 25 million jobs. “So far, we have developed 15 million jobs: ten million in the formal sector and five million in the informal sector.” He said the African Development Bank had also invested $4 million to support the ideas of young people under the YouthADAPT program, a partnership with the Global Center on Adaptation (GCA). As part of its partnership with GCA, the Bank is also supporting the Africa Adaptation Acceleration Program, “which is the largest such program in the world, to mobilise $25 billion to scale adaptation actions across Africa,” Adesina said. The closing ceremony of the Youth Assembly signals the start of the Africa Climate Summit and Africa Climate Week. The parallel events will bring together African stakeholders to further consolidate the successes of last year’s COP27 in Egypt. They will also build consensus around Africa’s expectations for the United Nations Climate Ambition Summit in New York later this month as well as the COP 28 conference to be held in Dubai in November. The demands of the Youth Declaration will be factored into the Nairobi Declaration, a key outcome of the Africa Climate Summit, The Nairobi Declaration will serve as a blueprint for Africa’s green energy transition. The Youth Declaration draws inspiration from a number of sources including the African Development Bank’s Jobs for Youth in Africa Strategy (2016-2025) and its Climate Change and Green Growth Strategy. It also draws on the African Union Climate Change and Resilient Development Strategy and Action Plan. President Adesina is in Nairobi leading a Bank delegation attending climate meetings taking place between the 1st and 8th of September. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muddo 30 maalmood ah u qabatay inay maxkamadda ku horyimaadaan 7 masuul oo lagu eedeeyey musuq-maasuq, kuwaas oo badankood ka tirsan hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda. Maxkamadda ayaa qoraalka ay ku soo saartay baafintaan waxay ku cadeysay in raggaan xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka uu ku soo eedeeyey, lacag dhaqid, musuq maasuq, dayacaad masuuliyadeed, been abuur dukumenti iyo ku takri-fal hanti dadweyne oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde. Maxkamadda ayaa ragaan ku wargelisay in 30 cisho ay ku hor yimaadaan, si ay isaga difaacaan eedeymaha loo heysto, hadii ay maxkamadda hor imaa waayaan 7 qof waxaa loo sheegay in ayaga oo maqan dacwadooda la qaadi doono. Toddobada masuul ee liiskaan ku qoran waxaa ugu horeeya Agaasime ku xigeenka guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cismaan Xasan Cosoble oo maqane ah. Masuulka 2-aad waa Agaasimihii guud ee waaxda dakhliga ee wasaaradda maaliyadda Jacfar Maxamed Axmed. Eedeysanaha 3-aad waa Cabdikaafi Xasan Maxamed Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo maqane ah. Maxamed Xuseen Nageeye, waa eedeysanaha 4-aad wuxuu ahaa sarkaalkii hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda u qaabilsanaa qaadashada fiisa kordhinta. Cabdixakiin Cabdullahi Cabdi waa eedeysanaha 5-aad, wuxuu la-taliye u ahaa agaasimaha guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda, intii u dhaxeysa 15-kii November 2021 ilaa 20-kii April 2023. Eedeysanaha 6-aad wuxuu ka tirsanaa xafiiska Hantidhowraha guud ee qaranka, waxaa lagu magacaabaa Cabdalla Maxamed Axmed, wuxuuna ahaa agaasimihii qeybta IT-ga ee xafiiskaas, waana maqane sida ku xusan warqadda xeer ilaalinta. Maxamed Ibraahim Axmed waa eedeysanaha 7-aad, wuxuuna ka tirsanaa waaxda fiiso kordhinta ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda – Sida ku xusan warqadda uu ku soo baxay liiskaan dhamaan eedeysanayaashaan waa maqanayaal. Qoraalka xalay ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta qaranka waxaa lagu sheegay inay socdaan baaritaano kale oo ku saabsan musuq maasuq ka dhacay qaar ka mid ah hey’adaha dowladda, waxaana baaritaanka kadib lagu balan qaaday in eedeyntooda loo gudbi doono maxkamadda. The post Maxkamada G/Banaadir oo soo saartay liiska masuuliyiin loo heysto eedeymo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Mudullood ayaa shirweyne muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaas ka soo baxay go’aano adag oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Shirka Mudullood waxaa ka soo baxay war-murtiyeed ka kooban lix qodob oo quseeya xoreynta deegaanada beesha iyo sidii mustaqbalka looga difaaci lahaa kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale Mudullood waxay codsi la xiriira cunaqabateynta saaran dalka u direen beesha caalamka, iyagoo codsaday in dowladda Soomaaliyeed lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab. Taliyihii hore ee NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Turyare ayaa akhriyey bayaanka ka soo baxay beelaha Mudulood ee Muqdisho ku shiray, waxaana gogosha dhigay duqa Muqdisho Yuusuf Madaale. “Shir weynaha beelaha Mudulood waxaa lagu qaadaa dhigay mudiimada ay leedahay in dib la isku abaabylo, loona xoojiyo dagaalka, iyadoo deg deg loo soo gabagabeynayo joogitaanka Khawaarijta ee deegaanada Mudullood,” ayuu yiri Tuuryare oo bayaanka akhriyey. Lixda qodob ee bayaankaan ayaa ka ah: 1 – In si deg deg ah beel kasta oo Mudullood ka tirsan ay deegaanadeeda uga xoreysato Khawaarijta, iyagoo aan u kala harin. 2 – In deegaanadooda ay ka abaabulaan ciidamo deegaankooda difaaca Khawaarijta oo garab siiya ciidanka xoogga dalka, iyagoo saanadda iyo tababarrada ka kasha doona ciidanka qaranka, waxaana arrinkaas dabageli doona siyaasiyiinta. 3 – In beel kasta oo Mudulood ka mid ah ay dhaqaale ahaan isku tashato oo si qaaraan ah ay ku uruursadaan dhaqaale ku filan, si aagagga loo asteeyey ay u joogaan. 4 – Beelweynta Mudullood waxay si weyn u taageersan tahay una garab taagantahay ciidamada qaranka iyo dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 5 – Beesha Mudulood waxay guddiga Amniga ee Qaramada Midoobey ugu baaqaysaa inay dowladda Soomaaliya ka qaadaan cunaqabateynta hubka, si looga adkaado argagixisada. 6 – Sidoo kale beesha Mudulood waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay kordhiyaan kaalmadooda iyo garab istaagooda dowladda Soomaaliya, si ay u soo gabagabeyso dagaalka ay kula jirto Khawaarijta. Hoos ka daawo The post Daawo: Mudulood oo lix qodob kasoo saaray dagaalka Shabaab, iskana uruurinaya qaaraan appeared first on Caasimada Online.
  14. Is qabyaaladeenta iyo qabiil isku foocida aad iyo aad bey ugu xoog badan yahey qurbaha. Waxaaana sabab uga dhigayaa in inteena badan ee qurbaha ku nool aan nahney dad shaqeysta, ku liita is-dhexgalka umaddaha ay la nool yihiin. Waxaan u badan nahney dad jismi ahaan qurbo degan, qalbi ahaanse weli dalkaa jooga. Source: Hiiraan Online
  15. Is qabyaaladeenta iyo qabiil isku foocida aad iyo aad bey ugu xoog badan yahey qurbaha. Waxaaana sabab uga dhigayaa in inteena badan ee qurbaha ku nool aan nahney dad shaqeysta, ku liita is-dhexgalka umaddaha ay la nool yihiin. Waxaan u badan nahney dad jismi ahaan qurbo degan, qalbi ahaanse weli dalkaa jooga. Source: Hiiraan Online
  16. Some 150 members of the al-Shabaab terrorist group were killed in a military operation in Somalia. Source: Hiiraan Online
  17. NAIROBI, Kenya, September 4, 2023/ – (Qaran news)- Africa Finance Corporation (www.AfricAFC.org), the continent’s leading infrastructure solutions provider, and CPF Financial Services (CPF), a leading provider of innovative financial solutions in Kenya, today announced an agreement to jointly target infrastructure investments within the country. Signed on the opening morning of the Africa Climate Summit in Nairobi, the agreement commits AFC and CPF Financial Services to collaborate in identifying, developing, and co-financing priority infrastructure projects that are aligned with Kenya’s development roadmap, leveraging their combined technical expertise and access to domestic and global capital. The collaboration aligns AFC, with a track record of generating competitive returns on over US$12.7 billion of investments in transformational infrastructure projects across 36 African countries, with CPF, one of Kenya’s leading institutional investors with more than US$1 billion in assets under management. African institutional investors, including pension funds, insurance companies and asset managers, hold nearly US$1trillion dollars of assets under management, equivalent to a third of the continent’s combined GDP and more than 5 times the annual infrastructure and climate financing needs of the continent. “African institutional investors are one of the single largest sources of investable capital and will play a catalytic role in bridging Africa’s infrastructure gap,” said Samaila Zubairu, President & CEO of AFC “It is with this immense potential in mind that we are partnering with CPF Financial Services. Our combined expertise and access to capital will accelerate progress towards achieving economic prosperity and job creation for Kenya and, ultimately, the African continent.” AFC is a major development partner in Kenya—a sovereign member since 2017—with cumulative investments of approximately US$400 million in the country to date and a robust in-country pipeline of infrastructure, industrial and trade finance projects valued at over US$750 million. “We are excited to collaborate with AFC, a recognised leader in the infrastructure sector,” said Hosea Kili Group Managing Director and CEO of CPF Financial Services. “This alliance aligns perfectly with our goals of creating value-driven solutions and supporting Kenya’s infrastructure agenda. By working together, we aim to unlock new opportunities and facilitate sustainable economic growth.” Distributed by APO Group on behalf of Africa Finance Corporation (AFC). Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howl-gal culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. Ciidanka Qaranka ayaa bur-buriyay Maleeshiyad Shabaab ah, kuwaasi oo ku sugnaa labo deegaan oo lagu kala magacaabo Xiin-Tubaal iyo Ceel-Cali Wayd oo ku yaalla Koonfuur Bari ee Gobolka Galguduud. Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in illaa iyo 43 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ah lagu dilay howl-galka, waxaana lagu burburiyay saddex gaari oo kooxda ay lahaayeen. “Khawaarijta halkaas lagu laayay waxaa ay ahaayeen maleeshiyaad halkaas ay ku uruuriyeen Khawaarijtu kuwaas oo ka kala yimid goobo kala duwan oo horay loogu weeraray Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay wasaaradda warfaafinta. Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in ciidanka fashiliyeen weerar ay kooxda qorsheynaysay inay ku qaado Daaru-Nicma, “waxaalagu jabiyay Khawaarijta isku day weerar oo ay isku dayeen in ay ku qaadaan Deegaanka Daaru-Necma ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.” Howl-galkan ayaa imanaya ayada oo dhanka galbeed ee isla gobolka Galguduud uu ka socdo howl-gal saf balaaran ah, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga sifeeyay deegaano badan oo hoostaga degmada Ceelbuur. Howl-gallada sifaynta Al-Shabaab ee ka socda Galmudug ayaa si isdaba joog ah looga gaaray guulo ballaaran iyada oo lagu sii dhawaanayo meelaha kooban ee kooxda ku sugan tahay, sida lagu yiri bayaanka dowladda. Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa dardar ku socda ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo ku siman hal bil uu xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, ayada uu shalay gaaray Maxaas, si loo soo afmeero howl-gallada wejiga koowaad ee dagaalka, si loogu gudbo wejiga xigga oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Faah-faahinta howl-gal culus oo lagu dilay xubno badan oo Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
  19. Xildhibaan Dhaliilay Guddi uu Magaacabay Guddoomiye Faratoon Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaan Barkhad Hure oo ka mid ah Golaha Wakiillada ayaa Guddoomiye Faratoon ku dhaliilay in uu maanta guddidii uu u magacaabay inay ka soo talo-bixiyaan is waafajinta labada doorasho iyo xeerka doorashooyinka ay ahaayeen xildhibaanadii isaga doortay. Xildhibaan Barkhad Hurre wuxuu sheegay inay khalad ahayd in Guddoimiye Faratoon sheego inuu guddida 11ka xubnood ah ee uu magacaabay ku soo xulay reero, taasi oo uu ku tilmaamay inay ka baxsan tahay nidaamka shaqo ee Golaha Wakiilada. Xildhibaanku wuxuu sheegay in marka laga reebo Xildhibaan Guruuje iyo Xil. Mukhtaar Xasan Maydhane inta kale ahaayeen mudaneyaashii doortay Guddoomiye Faratoon ee ag fadhiyay shirarkii ololihiisa. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dabayaqada bishii dhamaatay ee August waxaa ciidanka dowladda federaalka ah ee ku sugan aagga Wisil ee gobolka Mudug isku soo dhiibay Nuur Cabdullaahi Maalinguur oo loo yaqaano Nuur-deeq, oo ahaa madaxii argagixisada ee gobolka Mudug. Ninkan ayaa muhiim u ahaa kooxda marka la eego awoodooda gobolka Mudug, waxaana isku soo dhiibistiisa loo arkay mid kamid ah astaamaha muujinaya in kooxda sii jabeyso. Markii uu isa soo dhiibay dood badan ayaa ka dhalatay sida loola macaamili doono iyo waxa uu mudan doono, waxaana dib loo soo saaray dhacdooyin dilal iyo weeraro ah oo ka dhacay gobolka Mudug oo lagu eedeeyay inuu door ku lahaa. Dadweynaha ayaa si adag oo diidmo ah uga fal-celiyay qoraal garab istaag u muuqday oo la sheegay inuu ka yimid mid kamid ah xildhibaannada ninkaan ku metela golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Haddaba waxay dadka badi isweydiinayaan halkee ku dambeeyay horjoogahan ka tirsanaan jiray kooxaha argagixisada ee isku dhiibay dowladda Soomaaliya. Midda koowaad sida uu ahaan jiray dhaqanka soo jireenka ah ee la waafajin jiray argagixisada isa soo dhiibta ninkaan waxaa lagu wareejiyay hay’adda Sirodoonka iyo Nabad-sugida ee NISA. Halkan waa meesha lagu hubiyo inuu isa soo dhiibaha toos uga soo dhamaaday kooxda ama inuu maagan yahay dabino qarsoon. NISA ayaa hadda ka gudaneysa waajibkeeda oo gacanta ku haysa ninkan. Xogaha qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Nuur-deeq uu bixiyay xogo caawimaad u noqon kara dagaalka iyo in argagixisada si fudud loo soo dhaafiyo deegaanada Galmudug iyo HirShabeelle. Ninkaan waxa uu isa soo dhiibay iyada oo uu jiro go’aan madaxweyne oo ah in la cafinaayo kuwa ka towbad keena fikirka qariban ee argagixisada ee sababay dhimashada kumanaan ruux oo Soomaali ah. Inkasta oo ay jiraan dad eed taban siiyay siyaasiyiinta metela horjoogahan, haddana waxaa soo baxeysa in siyaasiyiintaas ay marnaba isku dayin inay sharciga baalmaraan oo qof argagixiso ah dhabarka marsadaan. Siyaasiyiintaan ayaa sidoo kale la sheegay in kaalin ka qaateen in ninkaan uu kasoo tago argagixisada, waana midda keentay in halkii uu iska soo dhiibay ay siyaasiyiinta qaar ugu tagaan oo ay kasoo wadaan. Ma cusba in horjoogayaal waaweyn oo argagixiso ah ay isa-soo dhiibaan laakiin waxaa marwalba aad loo duraa daacadnimadooda dambe iyo waxyaabaha ay kuwii hore kusoo biiriyeen dowladnimada Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada. Ninkaan ka tirsanaan jiray kooxaha argagixisada ee la yiraahdo Nuur-deeq xaalkiisa iyo u qalmidiisa in markale bulshada lagu dhex daayo waxaa go’aan ka gaari doonta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladiisa waxay dhowr jeer ku cel-celiyeen in kuwa isa-soo dhiiba inta kagu jiro dagaalka in loo sameyn doono habkii ay bulshada caadiga ah ugu soo dhex noqon lahaayeen loona badbaadin lahaa noloshooda iyo mustaqbalkooda. Taas oo la sheegay inay gudaha argagaxisada ka noqotay farriin togan oo ay argagixiso badan ka fikirayaan inay ka faa’iideystana, maadaama shacabkii Soomaaliyeed ay soo jeesteen oo adag tahay in fikirka argagixisada kasii shaqeeyo Soomaaliya. The post Halkee ku dambeeyay kiiska madaxii Al-Shabaab ee Mudug ee isku soo dhiibay DF? appeared first on Caasimada Online.
  21. Ceerigaabo(Qaran news)-Dawladda Hoose ee Degmada Ceerigaabo oo uu hoggaaminayo duqa degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlan dayactirka waddooyinkii laamiga ah ee magaalada iyo kuwo cusub oo magaalada laga binaynayo. Sidoo kale waxa dhammaaday oo farta laga qaaday waddooyin cusub. D/Hoose ee Ceerigaabo waxa ay bilaabaysaa waddooyin isku xidhaya magaalada Ceerigaabo. Sidoo kale, mashaariicda Waddooyinka ee D/Hoose wadaa waxa taageeraya oo ay iska kaashanayaan dadweynaha Ceerigaabo. Qaran News
  22. PRESS RELEASE Eritrea’s Msilam Dam to bolster food security and change lives for the better Facility to potentially host the Bank’s Special Agro-Industrial Processing Zones initiative ASMARA, Eritrea, September 4, 2023/(Qaran news)- Eritrea has a long coastline on the Red Sea but limited fresh water. Its erratic rainfall has left most of the country arid. This is a challenge for Eritreans who depend on agriculture and livestock for their livelihoods. But things are changing. In the space of three years, Eritrea harnessed local engineering talent and mobilised thousands of Eritreans, including students from the country’s technical and vocational schools, to build the Msilam Dam. The dam has a capacity of 350 million cubic metres and provides clean water to the towns of Dekemhare, Debarwa, Mendefera, and smaller surrounding towns. The Eritrean government funded and built the Msilam Dam, located in the village of Gergera. In addition to increasing the availability of drinking water, the dam is now a catalyst for transformative livestock, agricultural, and industrial production as part of the country’s national strategy and sustainable development policy. Following this success, the country also built the Adi Halo Dam. The water in the Msilam Dam has made it ideal for dairy farming. The area is now home to the Halhale Dairy Farm, part of an agro-processing facility for meat and dairy products. The farm covers 550 hectares and started with 660 cattle in 2017. Since then, the number of cattle at Halhale has increased. Eritrea is now looking to trusted partners like the African Development Bank Group to scale up this innovative project. African Development Bank president Dr Akinwumi Adesina paid a two-day official visit to Eritrea last week and toured the extensive facilities with President Isaias Afwerki on Saturday. Afwerki said the government planned to use it as a pilot scheme to establish similar dairy farms in many parts of the country. He said this would help increase the number of dairy products and meat that people can buy at fair prices. Adesina said that Eritrea’s Msilam Dam and the Adi Halo Dam Water Project—harnessing the power of commercial agriculture and food production—could potentially host the Bank’s Special Agro-Industrial Processing Zones initiative. He said a team from the Bank would visit Eritrea in the coming weeks to start immediate planning. “I am impressed by what I see here. There are 10,000 hectares of land to irrigate with the dam. And it is already irrigating 1,000 hectares. That is a lot of land for livestock and dairy. There are also areas where fruit and other crops are being grown. I am particularly impressed by the density of infrastructure here,” Adesina said. The Bank’s president said the proposed special agro-industrial processing zones would mean the African Development Bank could build on the infrastructure already in place and bring in support to develop food and agricultural businesses that process and package food, fruit, horticultural production, and even floriculture for regional and export markets. Adesina assured the Eritrean leader that the African Development Bank would support his country in developing a financial system that supports agro-industrialisation. He said he also recognised the potential of the local private sector and the Eritrean diaspora to accelerate investment in the country’s development. Adesina said the African Development Bank would also use resources from its Affirmative Finance Action for Women in Africa initiative to provide access to finance for women farmers working with local banks. The Eritrean president showed the Bank’s team around the Adi Halo Dam water project, which the government launched in 2015 to address water scarcity in the capital. The project consists of a thirty-two million cubic metre dam, also financed and built by Eritrea to demonstrate the country’s principle of self-reliance. The dam holds fourteen million cubic metres of water from the good rains that fall between July and September each year. It uses a 2-megawatt solar power plant that provides energy to pump water to irrigate community-owned farmland. The project has increased the availability of clean drinking water for households, helping to overcome water scarcity and improve food security. “I came away from this visit very enthused that the country is innovating and not just copying others,” the African Development Bank president said. He commended the capacity of the Eritrean people and research institutions for their prowess in excellent engineering. Adesina remarked: “In many countries, these dams would probably have been contracted out to foreign contractors or big engineering firms. The Eritrean people built the dams themselves. I was surprised that a lot of them were done by students.” He asked the government to consider the possibility of using Eritrea’s engineering skills and capacity to help other countries. Adesina said: “We must develop a way to support Eritrean engineers to assist other countries and perhaps even come up with the idea of establishing an African engineering corps that the continent can deploy to major engineering works in different countries.” The African Development Bank is supporting Eritrea in other initiatives, including enhancing water availability for crops and livestock. For instance, the Bank-supported initiatives have helped increase water availability for crops and livestock in the country by 220% over six years This follows the completion of sixty masonry dams built through a community-based approach. The Bank has also rehabilitated 4,780 hectares of land upstream of the dams and 4,600 hectares downstream. African Development Bank interventions will also help to revive and revamp the fish landing sites that were completed in 2006 under the Fisheries Infrastructure Development Project. Giving his overall impression of his two-day visit, Adesina said: “I would say that President Afewerki’s passion is infectious. When you are outside, you hear news about Eritrea, but it is different when you come here. He was with me all day on a field trip, and I admire his vision and his determination to see the emancipation of his people.” “One of the things I admire most here is the sense of purpose, direction, determination, pride, and patriotism. The people are very determined to develop and have a sense of self-reliance and self-sufficiency. The big dams we visited are evidence of that,” Adesina added. He pledged that the African Development Bank would provide much more support to Eritrea in many areas: from agriculture, climate resilience, energy, the blue economy, and financial market development, to special agro-industrial processing zones. He said that above all, the African Development Bank would use Eritrea’s experience to help other countries. He said the Bank would also use its Technologies for African Agricultural Transformation initiative to support the country’s wheat production and the production of other value crops. “Nobody is going to do development for you. You have to do it with pride and have the self-belief that you can do it,” Adesina said. The African Development Bank Group head also met with the United Nations Acting Resident Coordinator, Aeneas Chapinga Chuma, and representatives of other UN specialised agencies. He called for increased cooperation to enhance development impact in Eritrea. The Bank and UN agencies are to continue working collaboratively to further support Eritrea’s climate resilience, skills and capacity development, energy, pharmaceutical capacity building, as well as water and sanitation, among other areas. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Qaran News
  23. Beesha Madhibaan oo Sheegtay 300 oo dhalinyaro ah u Diyaariyeen Difaaca Qaranka Hargeysa(Qaran news)-Beesha Madhibaan ayaa sheegtay inay 300 oo dhallinyaro ah u diyaarisay inay ka qaybgalaan difaaca Qarannimada Somaliland. Ugaas uga hadlayey beesha Madhibaan ayaa sheegay inay go’aansadeen beel ahaan beel ahaan inay si weyn uga qaybgalaan difaaca dalka, isla markàana ay safka hore ka galaan sugida xuduudaha dalka. Sidoo kale waxa ay aamaaneen sida shacbiga Somaliland ee ku dhaqan gobollada dalku ay isu garab taageen ciidammada Qaranka Janhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  24. Golaha Wakiillada Somaliland oo Guddi u saaray is waafajinta Doorashooyinka Hargeysa(Qaran news) Fadhigii maanta ee uu gudoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa maanta guddi xildhibaano ah u magacaabay is waafajinta doorashooyinja Urururrada iyo Madaxtooyada. Guddoomiyuhu wuxuu xildhibaannada uu u magacaabay faray inay is waafajiyaan talo soo jeedinta madaxweynaha ee labada doorasho ee ka dhashay go’aamadii salaadiinta dhaqanka ee beelaha bariga Burco, kuwaasi oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro khilaafkii doirashooyinka. Xildhibaanada Guddoomiyuhu magacaabay oo ahaa 11Xildhibaan. Qaran News
  25. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Somaliland Yaasiin Faratoon guddi Xildhibaanno ah u saaray iswaafajinta xeerka doorashooyinka iyo soo jeedintii la isla qaatay ee madaxda dhaqanka ee khilaafka doorashada. Guddigan oo ka kooba 11 Xildhibaan ayaa loo asteeyay in uu keeno xeer doorasho oo waafaqsan isa-saarka doorashooyinka madaxweynaha iyo ururada siyaasada, kaasi oo dhawaan odayaasha dhaqanka soo jeediyeen ayna la qaateen mucaaradka iyo xukuumadda. Guddigan ayaa durba buuq ka dhex dhalisay golaha iyada oo xildhibaanada qaar ka biyo diideen qaabka loo soo xulay, ayaga oo dalbaday in deg deg wax ka bedel loogu sameeyo. Xildhibaanada qaarkood oo la hadlay guddoomiye Faratoon ayaa sheegay in dib u sixid lagu sameynayo guddigan uu soo saaray, iyada oo bogga rasmiga ah ee golaha oo markii hore lagu baahiyay magacyada guddiga hadda laga saaray. “Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in uu ku qaybiyay guddida qaab deegaameed, waxaanu guddoomiyaha usoo jeedinay in xeerka cida samaynaysa ay noqoto guddida arrimaha guddaha iyo amniga,” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaannada diidan qaab xulista guddigan oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah. Tallaabada Faratoon uu qaaday ayaa imanaysa ka gadaal markii golaha wakiilada aqbalay digreetadii madaxweyne Muuse Biixi ee faraysay in xeer laga sameeyo soo jeedinta odayaasha dhaqanka, ee sida muuqata xalka u noqotay khilaafkii doorashooyinka ee mudada u dhaxeeyay mucaaradka iyo xukuumadda. Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu aqbalay soo jeedinta odayaasha dhaqanka, taasi oo ka dhigan in Muuse Biixi uu ka tanaasulay qorshaha uu ku soo horeysiinayay doorashada ururada, si uu xisbiyada mucaaradka meesha uga saaro. “Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka,” ayuu Muuse Biixi ku yiri wareegto uu markaas soo saaray. Sidoo kale waxa uu ka codsaday Golaha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada in soo jeedinta odayaasha dhaqanka ee uu aqbalay ay waafajiyaan xeerarka doorashooyinka ee dalka, si doorashooyinka u hir-galaan. Guddiga dhex-dhexaadinta ee ay hoggaaminayeen odayaasha dhaqanka ee u istaagay xal u raadinta Somaliland ayaa dhawaan go’aamiyay in la isku sidko doorashooyinka ururrada iyo madaxtooyada, oo ay isku hayeen xubnaha mucaaradka iyo xukuumadda Biixi. Go’aankan ayaa sidoo kale waxaa soo dhaweeyay xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan hoggaamiyeyaasha Waddani iyo Ucid, Cabdiraxaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe. Si kastaba, Go’aanka madaxweynaha Somaliland ee soo-jeedinta odayaasha dhaqanka ayaa sida aan ogaanay ku timid culeys ay xukuumadiisa wajaheyso, kaasi oo ay qeyb ka tahay jabhadda buurta Gacan-Libaax iyo dagaalka uga furan gobolka Sool. The post FARATOON oo guddi muran dhalisay u saaray xeerka doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.