Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii dambe soo baxayay khilaaf xooggan oo ka dhex aloosan maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, kaasi oo salka ku haya dhismaha guddiga dastuurka ee maamulkan ku-meel-gaarka ah. Dhawaan, xubno ka mid ah baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka SSC-Khaatumo in uu ku xadgudbay axdiga xeer-hoosaadka baarlamaanka, islamarkaana uu is hortaag ku sameeyay soo jeedinta dhismaha guddiga dastuurka. Xildhibaannada ayaa markaas sidoo kale waxay sheegeen in guddoonka ku kacay xadgudub aan loo meel dayin, kuna tuntay axdiga ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, kaas oo qoraya in laga hadlo arrimaha hortebinta u leh masiirka maamulka cusub. “Guddoonka waxaan u gudbinay mooshin aan ku dalbanayno in xeerka dhismaha guddiga dastuurka golaha la horkeeno, isla markaana laga doodo, lana meel mariyo. Sidoo kale, guddoonka waxa uu xiray fadhigii golaha, iyada oo horyaalaan ansixinta hantidhowrka guud iyo akhrinta xeerka shaqaalaha rayidka ah, xildhibaannaduna ay diyaar u ahaayeen,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen xildhibaannada. Jaamac Yaasiin Warsame, oo ah guddoomiyaha baarlamaanka SSC-Khaatumo, ayaa isagoo iska difaacaya eedeymaha xildhibaannada wuxuu sheegay in soo jeedinta xildhibaannada loo gudbinayo hay’adaha ay khusayso si ay uga soo talo bixiyaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in soo jeedin kasta oo aan ku caddayn axdiga SSC-Khaatumo, una baahan in la hubiyo sharcinimadeeda, uu u gudbinayo hay’adaha ay khusayso, si buu yiri “ay uga soo talo bixiyaan muddo aan ka badnayn saddex maalin shaqo.” “Waxaan ku wargelinaynaa xildhibaannada soo jeedinta soo gudbiyay in hindise-sharciyeedka dhisidda guddiga dastuurka SSC-Khaatumo uusan ku caddayn axdiga SSC-Khaatumo, diidmo iyo oggolaansho midna, waxaana u gudbinaynaa hay’adaha ku shaqada leh, si ay uga soo talo bixiyaan sharcinimada iyo sharci-la’aanta mooshinkan,” ayuu yiri guddoomiye Jaamac. Khilaafkan ayaa imaanaya, hoggaamiyaha SSC-Khaatumo uu dhammaadka sanadkii tegay ku dhowaaqay in ay lagama maarmaan tahay in SSC ay ka baxdo ku-meel-gaarnimada, lana magacaabi doono guddi diyaariya dastuur loo dhan yahay oo uu yeelan doono maamulka, kuwaas oo gebogabayn doono bartamaha sanadkan aan ku jirno ee 2025-ka.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka badda Midowga Yurub ee Bariga Dhexe ayaa gacan ka gaystay in la sii daayo doon kalluumaysi oo Yemeni ah oo ay qabsadeen burcad-badeed Soomaali ah iyo 12 qof oo la-haystayaal ah, xeebaha Geeska Afrika, sida ay sheegeen masuuliyiinta. Ciidanka badda ee EUNAVFOR Atalanta ayaa Khamiistii sheegay in dhacdadaasi weli baaritaan ku socoto, iyagoo xaqiijiyay in 12-ka shaqaale ee saarnaa doonta ay badqabaan oo aan wax dhaawac ah soo gaarin. Weerarka, oo toddobaadkii hore dhacay, ayaa lagu beegsaday doon dhaqameed (dhow) oo caadi ahaan ka shaqeysa biyaha Bariga Dhexe, meel u dhow magaalada Eyl ee Soomaaliya. “Joogitaanka degdegga ah ee ciidamada Atalanta, gaar ahaan helikobterka, ayaa ahaa mid fure u noqday xoreynta doonta kalluumaysiga,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay EUNAVFOR. “Shaqaalaha doonta ayaa xaqiijiyay in burcad-badeedda la tuhunsan yahay ay ka tageen doonta kaddib markii ay ka xadeen alaabo shaqsiyeed iyo laba doon yar.” Burcad-badeednimada ka dhacda xeebaha Soomaaliya ayaa gaartay heerkeedii ugu sarreeyay sanadkii 2011, markaas oo la diiwaangeliyay 237 weerar. Xilligaas, burcad-badeedda Soomaalida ayaa dhaqaalaha caalamka gaarsiiyey khasaare dhan qiyaastii $7 bilyan, iyadoo $160 milyan oo kamid ah lacagtaas loo bixiyay madax-furasho, sida ay sheegtay kooxda la socota arrimaha badaha ee Oceans Beyond Piracy. Khatarta burcad-badeednimada ayaa hoos u dhacday markii ay bateen ilaalada badda ee caalamiga ah, dowlad dhexe oo xoogaysatay oo ka dhalatay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, iyo dadaallo kale oo lagu xakameeyay weerarradaas. Si kastaba ha ahaatee, weerarrada burcad-badeedda Soomaalida ayaa dib u soo kordhay sanadkii la soo dhaafay, taas oo qayb ahaan ay sabab u tahay xasillooni darrada ka dhalatay weerarrada fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan marinka Badda Cas, kuwaas oo salka ku haya dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza. Sanadka 2024, waxaa la diiwaangeliyay toddobo weerar oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee La Socodka Maraakiibta (International Maritime Bureau).
  3. Beledweyne (HOL) – Hiiraan Regional Governor Muse Salad Wehliye on Thursday inspected a newly deployed contingent of Ma'awisleey local forces in Beledweyne, ahead of planned military operations against al-Shabaab in western Hiiraan. Source: Hiiraan Online
  4. The meeting on Tuesday between Jordan’s King Abdullah II and US President Donald Trump ended in tense anticipation of what will come next for the Gaza Strip. Source: Hiiraan Online
  5. Stockholm (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Sweden ayaa Jimcaha maanta ah xukun saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah ku riday nin lagu helay inuu ku biiray kooxda Daacish (IS), taasoo ka dhigaysa kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo ka mid noqoshada koox argagixiso tan iyo markii la meel mariyay sharci cusub. Ninkan 22 jirka ah ayaa lagu helay dambi ah “ka qaybgalka urur argagixiso,” maalgelinta argagixisada, iyo saddex mar oo uu u safray dalal shisheeye ujeeddooyin argagixiso darteed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda. Maxkamaddu waxay caddeysay in dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay ay la xiriireen Daacish, safarraduna ay dhammaantood ahaayeen Soomaaliya. Waxaa lagu riday saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah. Kiiskan ayaa ah kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo “ka qaybgalka urur argagixiso” tan iyo markii baarlamaanka Sweden uu ansixiyay sharcigan sannadkii 2023. Sweden ayaa xoojineysay shuruucda la dagaallanka argagixisada tan iyo 2017, kadib markii qof u dhashay Uzbekistan oo daacad u ahaa Daacish uu gaari ku jiiray dad marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Stockholm, halkaas oo ay ku dhinteen shan qof. Si kastaba ha ahaatee, sharciga mamnuucaya ka mid noqoshada kooxaha argagixisada ayaa loo baahday in marka hore la beddelo dastuurka Sweden, maadaama uu ka hor imaanayay xorriyadda ururaysiga ee dalkaas. Ansixinta sharcigan ayaa sidoo kale kusoo aaday xilli Turkiga uu hakad geliyay dadaalladii Sweden ay ku dooneysay inay ku biirto NATO, iyadoo Ankara ay ku adkeysanaysay in Sweden ay tallaabo adag ka qaaddo kooxaha xagjirka ah. Kadib duullaankii Ruushka uu ku qaaday Ukraine, Sweden waxay soo afjartay laba qarni oo ay ka fogaaneysay isbahaysiyada ciidan, waxayna codsatay inay ku biirto NATO bishii May 2022 – ugu dambeyntiina waxay si rasmi ah xubin uga noqotay Maarso 2024.
  6. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQOM5aGf5n9xY5GqDQO11hiTS6gKqt6sTPYlUNQFtW1SIC1evrq3GIwRXj7BDL0eWrT7FBSHiD7iBBGBb6LLHtqp.mp4 Qaran News
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) oo maalintii 5-aad ku guda jira Safarka shaqo ee uu ku joogo Dalka Midowga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Dekedda 𝐃𝐞𝐢𝐫𝐚 𝐀𝐥 𝐗𝐚𝐦𝐫𝐚 ee Dubai, Dekedaasi oo ka mid ah Dekadaha ugu muhiimsan ee ay Ganacsatada reer Somaliland wax ka soo dhoofsadaan, ganacsigooduna uu ka goosho. Booqashada Madaxweynaha JSL ee Dekedda 𝐃𝐞𝐢𝐫𝐚 𝐀𝐥 𝐗𝐚𝐦𝐫𝐚 ee Dubai, waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa sida ay Somaliland uga go’an tahay xoojinta ganacsiga xagga Badda iyo inay xidhiidh dhaqaale oo qoto dheer ay Somaliland la yeelato Dalka Imaaraadka Carabta. Xuseen Aadan Cige (Deyr) Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  8. Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa ku sheegay in marka dagaal oo ay leeyihiin, laguna magacaabo Harry Truman uu ku dhacay markab ganacsi oo marayey meel u dhow dekedda Port Said ee waqooyiga Masar. Shilkan ayaa la sheegay inay ka dhalan wax khasaare xooggan an, sida ay sheegeen ciidamada badda dalka Mareykanku, mana cadda waxa sababay dhacdadan. Markabka ganacsi oo lagu magacaabo Besiktas-M, watayna calanka dalka Panama ayaa la sheegay inay soo gaartay waxyeello koobani, sida laga soo xigtay sargaal ka tirsan ciidamada Mareykanka. Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa markii u horreysay ku dhowaaqay inay u diyaar garobeen doorashooyinka qof iyo codka ah. Hanaankan doorasho ee taliska ciidanka booliska uu sheegay inuu diyaar ugu yahay si buuxda ayaa ah mid si weyn loogu muransan yahay, iyadoo weli ay ku adkeysaneyso dowladda federaalka inay dalka ka qabsoomeyso doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaridka u arkaan mid aan cadaali aheyn, lagana leeyahay ujeedooyin kale. Taliye Asad Diyaano ayaa hadalkan ka sheegay in shir kulanka todobaadlaha ah ee hoggaanada, qeybaha iyo fadhiyada madaxa-banaan ee ciidanka booliska Soomaaliyeed, kaasi oo xalay ka qabsoomay xarunta taliska, uuna guddoomiyey taliyaha. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta amaanka guud ee dalka iyo ka hortagga falalka amniga lidka ku ah ee kooxaha argagixisada gaysato, maadama ciidamadu u diyaarsan yihiin in doorka uga aaddan ka qaataan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka ka qabsoomaya dhawaan. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale saraakiisha faray inay ka feejignaadaan ciidamadu dhagarta Khawaariijtu shacabka u maleegayaan. Ugu dambeyntiina waxa uu taliyuhu ka codsaday shacabka inay laamaha ammaanka ku wergeliyaan meelkasta oo ay joogaan cidda ay ka shakiyaan, si markabiiba looga howl-galo, loogana qabto umadda. Si kastaba, hanaanka doorasho ee qof iyo cod oo si weyn gadaal uga riixeyso Villa Somalia ayaa loo arkaa mid aan xilligaan la jaanqaadi karin wadci dalka, oo qeybo kamid ah ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa su’aal la geliyay heerka hufnaantiisa, maadaama illaa hadda uu la dhacsan yahay dhinac gaar ah.
  10. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/VID-20250214-WA0006.mp4 Madaxwayne H.E Cabdiraxmaan Cirro Wuu Yaqaan luuqadda Lagaga Jawaabo Su’aalaha Arimaha Xaasaasiga ah ey ku gedaaman yihiin. Jawaabta uu bixinayo iney abuuri karto ficilo iyo isbedelado muuqan kara. Diplomasiyadda lagu sheegaya waxa weeye Maxaa suurta gala. Albaabka wadda hadalku in aanu marnaba xidhmin. Dagaalka qaawan iyo cadifadda oo lagu daray cadhadda ka mamnuuca. Fahamkeedu waa degenaasho iyo dhoola cadayn. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  11. Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay howl-gal qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose. Howl-galkan oo ay fuliyeen ururada 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October waxaa si gaar ah looga fuliyay tuulada Gumeysidiid oo kooxdu ku laheyd bar-koontarool, islamarkaana ay ku xayirnayeen gaadiid iyo shacab badan. Ciidanka ayaa ku guuleystay inay fasaxaan gaadiidkii iyo dadka shacabka ahaa ee ku xayirnaa halkaasi, iyagoo bur-buriyay dhamaan barihii koontarool ee kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi, kuwaasi oo lacago looga qaadan jirey, laguna dhibaateyn jirey, sida ay sheegeen saraakiisha horkaceysay howl-galka. Gaashaanle sare Nuur Maxamed Gaabow, oo ah Taliyaha Guutada 14-ka October ee ciidanka dhulka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamada cagta mariyeen dhamaan isbaarooyinkii ay kooxda dhigatay halkaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay ku dhibaateyn jirtay gaadiidka iyo dadka masaafurka ah. “Ma aqbaleyno inay Khawaarijta dulsaar kusii ahaadaan oo ay sii dhibaateeyaan bulshadeenna iyo qarannimadeenna, waxaan markasta diyaar u nahay inaan uga daba tagno goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan,” ayuu yiri Taliye Nuur Gaabow oo la hadlay warbaahinta dowladda. Sidoo kale waxa uu yiri “Intuu howl-galka socday waxay Libaaxyada Qarankeenna ee xoogga dalka sii daayeen gaadiid iyo shacab ay Khawaarijta ku xayireen tuulada Gumeysidiid.” Taliye Gaabow ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay sii socon doonaan howl-gallada looga hortagayo dhibaatooyinka kooxda ku hayaan gaadiidka iyo shacabka ku safra waddooyinka Shabeellaha Hoose. Kooxda Al-Shabaab oo weli gacanta ku haysa dhul ballaaro ayaa leh baro-kaantarool oo lagu baaro gaadiidka, islamarkaana looga qaato lacago baad ah, iyagoo ciddii ay rabaan kala dagta gaadiidka, taasi oo dhibaato xooggan kala kulmaan dadka shacabka ah.
  12. Mogadishu (HOL) — Somalia’s footballing ambitions took a major leap forward this week with the launch of the country’s first Youth Football Development Center in Baidoa, marking a significant investment in grassroots infrastructure. The initiative, spearheaded by the Somali Football Federation (SFF), aims to establish similar centers nationwide to nurture young talent and create a pathway to professional football. Source: Hiiraan Online
  13. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Arbacadii uu kulan dhanka teleefoonka la yeeshay Vladimir Putin. Wicitaanka oo muddo “dheer qaatay” ayaa la sheegay inuu ahaa mid wax ku ool ah” kaas oo madaxdu ay ku heshiiyeen in ay bilaabaan wada xaajoodyo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine. Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu Trump ku sheegay in isaga iyo madaxweynaha Ruushka ay “ku heshiiyeen in ay si degdeg ah u bilaabaan wada xaajoodyada” uuna midba midka kale ku casuumo inuu booqdo caasimaddooda. Ka dib, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay inuu kala hadlay Trump “nabad waarta oo la isku halayn karo”. Baaqyada dhinacyada is haya ayaa yimid iyadoo Trump iyo xoghayihiisa gaashaandhigga ay labaduba sheegeen inaysan u badneyn in Ukraine ay ku biirto Nato, taasoo niyad jab weyn ku noqon doonta Kyiv. Zelensky wuxuu sheegay inuu la kulmi doono madaxweyne ku xigeenka JD Vance iyo xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio inta lagu guda jiro shir-madaxeedka difaaca Ukraine ee ka dhacaya Munich Jimcaha. Trump ayaa baraha bulshada ku soo qoray: “Waxaa la joogaa waqtigii la joojin lahaa dagaalkan qosolka leh, oo aan loo baahnayn inuu dhaco sababana dhimasho iyo burbur. Ilaah ha barakeeyo dadka Ruushka iyo Ukraine!” Ma uusan cayimin wakhti uu kulan fool ka fool ah la yeelanayo Putin, balse markii dambe waxa uu saxafiyiinta kula hadlay Aqalka Cad: “Waxaan ku kulmi doonnaa Sacuudiga”, ayuu u sheegay. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin uu taageeray fikradda Trump ee ah in la gaaray waqtigii la wada shaqeyn lahaa. Wadahadalka taleefoonka ee dhexmaray Putin iyo Trump ayaa qaatay ku dhawaad saacad iyo bar, iyadoo madaxweynaha Ruushka uu u fidiyay casuumaad uu ku tagayo Moscow, ayuu yiri Peskov. Trump ayaa sidoo kale weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad in aysan u badneyn in Ukraine ay ku soo laabato xudduudaheeda ka hor 2014-kii, balse, isaga oo ka jawaabaya su’aal ay BBC-da weydiisay, wuxuu yiri “dhulkaas qaar ayaa soo laaban doona”. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku raacay Xoghayihiisa Difaaca Pete Hegseth, oo ka sheegay shir madaxeedka Nato horaantii Arbacada in aysan suurtagal ahayn in Ukraine ay ku biirto xulafada militariga. “Waxaan u maleynayaa inay taasi run tahay,” ayuu yiri Trump. Dowladda UK ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay Ukraine ka siiso difaaca Ruushka, iyadoo Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Angela Rayner ay u sheegtay ITV in taageerada London ee Kyiv ay tahay mid “ku taagan”. Isagoo qiimaynaya niyadda dadka caasimadda Ukraine, weriyaha BBC-da James Waterhouse waxa uu sheegay in hadalka Hegseth uu dhaawac ku noqon doono Kyiv. Iyadoo muddo dheer la ogaa in maamulka cusub ee Maraykanku aanu u damqanayn Ukraine marka loo eego kii ka horreeyay, weriyahayagu wuxuu ku daray, hadal kasta oo Hegseth wuxuu u badan yahay inuu ka farxin doono Moscow oo keliya. Waxaa jiray diidmo ka mid ahaanshaha Nato, aragti ah in Ukraine aysan ku guuleysan karin. Zelensky waxa uu ku celceliyay in aan “wax wada hadal ah la yeelan karin Ukraine la’aanteed” – laakiin wadahadalka taleefoonka Trump iyo Putin ayaa dhacay isaga oo maqan. Hogaamiyaha Ukraine ayaa intaa ku daray: “Waxaan ku heshiinay inaan sii wadno xiriir dheeri ah oo aan qorsheyno shirarka soo socda.” Baaqa u dhexeeya madaxda Maraykanka iyo Ukraine ayaa qaatay saacad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP. Wareysi uu siiyay wargeyska The Guardian oo la daabacay Talaadadii, Zelensky waxa uu soo jeediyay in dhulka uu Ruushka haysto ee Ukraine lagu beddelo dhulka Ukraine ay haysto ee gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka, taasoo qayb ka ah heshiis nabadeed. Afhayeenka Putin Peskov ayaa sheegay in tani ay tahay “wax aan macquul ahayn”. “Ruushka waligiis kama hadlin, mana ka hadli doono beddelka dhulkiisa, ciidamada Ukraine waa laga saarayaa dhulkan.” Iskahorimaadku wuxuu qarxay dagaal dhan walba ah markii Ruushku soo galay Ukraine ku dhawaad saddex sano ka hor. Isku daygii Moscow ay ku dooneysay in ay kula wareegto caasimadda Kyiv waa la fashiliyay, balse ciidamada Ruushka ayaa qabsaday ku dhawaad shan meelood meel dhulka Ukraine ee bariga iyo koonfurta, waxaana ay duqeymo cirka ah ka fuliyeen dalkaasi. Ukraine ayaa ku aargudatay madaafiic iyo duqeymo diyaaradeed, iyadoo sidoo kale weerar dhanka dhulka ah ku qaaday gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka. Khasaaraha saxda ah waa ay adag tahay in la helo sababo la xiriira sirta labada dowladood ee Ruushka iyo Ukraine, laakiin waxaa lagu qiyaasaa in boqolaal kun oo qof oo u badan askar la dilay ama la dhaawacay, malaayiin rayid ah oo reer Ukraine ahna ay ka qaxeen guryahoodii. Isha: BBC
  14. Mogadishu (HOL) — Somali government forces have conducted a military operation in the Lower Shabelle region, dismantling Al-Shabab checkpoints and freeing civilians and vehicles held by the group, military officials said Friday. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — Somalia continues to rank among the world's most corrupt nations, according to Transparency International's 2024 Corruption Perceptions Index (CPI), which evaluates 180 countries based on perceived levels of public sector corruption. The latest report, released Wednesday, places Somalia at 179th place with a score of 9 out of 100, marking a decline of two points since 2023. Source: Hiiraan Online
  16. Ciidamada Ammaanka Puntland oo xalay hawlgal ka sameeyay magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay 7 qof, oo ay ku jiraan xubno lagu raadjoogay oo xogtooda la hayay, sida ay dowladdu sheegtay. War kooban oo ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal ay ciidamada Ammaanka ka sameeyeen Boosaaso lagu qabtay 7 qof, oo ay ku jiraaan xubno horay loogu raadjoogay oo xogtooda la hayay. “Boosaaso: hawlgaladii Ciidanka Amnigu caawa sameeyeen, waxa lagu qabtay ugu yaraan 7qof oo ay ku jiraan xubno hore loogu raadjoogay oo xogtooda lahayey” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay dowladda Puntland. Ciidamada Ammaanka Boosaaso oo kaashanaya shacabka magaalada ayaa tan iyo bilowgii dagaalka Calmiskaad, waxay ku guulaysteen in ay fashiliyaan falal argagixiso oo ay kooxda ISIS ka abaabulaysay Boosaaso. PUNTLAND POST The post Ciidamada Ammaanka Puntland oo hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso ku qabtay xubno horay loo raadinayay appeared first on Puntland Post.
  17. Somalia has undergone significant transformations, evolving through three republics. The current federal system, which was established in 2000 through the Djibouti settlement, is based on a parliamentary model, democratic system, clan power-sharing, and regional autonomy. Source: Hiiraan Online
  18. Garowe (HOL) — Puntland officials say ISIS militants are now confined to a 15-kilometre mountainous area as regional forces intensify efforts to eradicate the group from its last remaining stronghold. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) — The SSC-Khaatumo Parliament has taken a decisive step toward formalizing its governance, approving the creation of a constitutional drafting committee to shape the region’s future. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) — Calls for a national ban on Female Genital Mutilation (FGM) in Somalia grew louder as survivors, activists, and government officials marked the International Day of Zero Tolerance for FGM with an impassioned plea for legislative action. Source: Hiiraan Online
  21. Hargeisa (HOL) — Somali government troops, with support from local militia, have killed a senior Al-Shabaab commander and ten of his fighters in a military raid on insurgent-held villages in the Mudug region, military officials said Thursday. Source: Hiiraan Online
  22. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa Khamiistii shaaciyay in ay hakiyeen xubinimada xisbiga hore u talin jiray ee Tigrayga (TPLF) sababo la xiriira jebinta heshiis siyaasadeed oo la gaaray labo sano ka dib dagaalkii dhiigga badnaa ee Tigray. Xisbiga TPLF, oo intii uu socday dagaalkii 2020-2022 lagu daray liiska kooxaha argagixisada, ayaa dib loogu aqoonsaday xisbi siyaasadeed kadib markii colaaddaasi dhammaatay. Heshiiskii 2024 ayaa farayay in TPLF ay qabato doorasho rasmi ah oo hoggaan cusub lagu soo doorto kahor 10-ka Febraayo ee sanadkan. Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa bayaan ay ku daabaceen barta X ku sheegay in xisbigu ku guuldareystay fulinta shuruuddaas, taasoo jebin cad ku ah heshiiskii la gaaray. “Xisbiga waxaa laga mamnuucay in uu qabto wax hawlo siyaasadeed ah muddo saddex bilood ah,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Diiwaangelinta xisbiga waa la tirtiri doonaa haddii uusan muddadaas gudaheed qaadin tallaabooyin saxitaan ah,” ayaa lagu daray. Getachew Reda, oo ka mid ah hoggaanka sare ee TPLF, ayaan ka jawaabin codsi AFP ay uga dalbatay jawaab. Xisbiga TPLF ayaa Itoobiya xukumayay ku dhawaad 30 sano ilaa uu talada la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo aan ka soo jeedin qowmiyadda Tigray, sanadkii 2018. La wareegidda Abiy ayaa hurisay xiisado sii kordhay oo 2020-kii isu beddelay dagaal labo sano socday oo dhex maray dowladda iyo xoogagga Tigrayga, dagaalkaas oo lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 600,000 oo qof. Xiisado cusub ayaa hadda ka dhex curtay TPLF, gaar ahaan u dhexeeya Getachew, oo hoggaaminayay maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray ee ay soo magacowday Addis Ababa dagaalka kadib, iyo Debretsion Gebremichael, hoggaamiyihii muddada dheer soo maamulayay xisbiga. Hay’adda ACLED, oo ah urur aan dawli ahayn oo dabagasha khasaaraha colaadaha caalamka, ayaa toddobaadyo ka hor ka digtay in xiisadahan ay halis ugu jiraan in ay isku beddelaan rabshado hor leh.
  23. Terrorist groups in the Middle East and Central Asia continue to pose a significant threat, while the volatile situation in Syria poses “the risk that stockpiles of advanced weapons could fall into the hands of terrorists,” according to the latest U.N. Secretary-General’s biannual strategic-level report on terrorism. Nonetheless, Africa, particularly Sub-Saharan Africa, has become the epicenter of global terrorism. Source: Hiiraan Online
  24. Hargeisa (HOL) — Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro has firmly rejected claims that his government has engaged in discussions with the United States regarding the resettlement of Palestinian refugees, emphasizing that no official request has been made. Source: Hiiraan Online
  25. Washington (Caasimada Online) – Sirdoonka Mareykanka ayaa ka digay in Israel ay u badan tahay inay bartamaha sanadkan weerar ku qaaddo barnaamijka nukliyeerka ee Iran, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Washington Post Arbacadii, ayada oo soo xiganeysa dhowr warbixin sirdoon. Weerarkaas ayaa dib u dhigi doona horumarka barnaamijka nukliyeerka Iran muddo toddobaadyo ama bilo ah, balse wuxuu sare u qaadi doonaa xiisadaha gobolka, isaga oo halis gelinaya in colaad ballaaran ay qaraxdo, sida ay tilmaameen warbixinnada sirdoonka ee dhammaadkii xukuumaddii Biden iyo bilowgii maamulkii Trump, sida uu qoray wargeyska. Aqalka Cad ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo. Wargeyska Washington Post ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Israel, CIA, Hay’adda Sirdoonka Difaaca iyo Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ay diideen inay ka hadlaan arrintan. Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Brian Hughes, ayaa u sheegay Washington Post in Madaxweyne Donald Trump uusan oggolaan doonin in Iran hesho hub nukliyeer ah. “Inkastoo uu doorbidayo in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka taariikhiga ah ee Mareykanka kala dhexeeya xukuumadda Iran, haddana ma sugi doonno haddii Iran aysan diyaar u ahayn inay wadaxaajood sameyso, gaar ahaan waqti dhow,” ayuu Hughes u sheegay Washington Post. Warbixinta ugu dhammaystiran ee sirdoonka ayaa la soo saaray horraantii Janaayo, waxaana diyaariyay waaxda sirdoonka ee Taliska Guud iyo Hay’adda Sirdoonka Difaaca, ayey tiri Washington Post. Warbixintaasi waxay ka digtay in Israel ay u badan tahay inay isku daydo weerar lagu qaado xarumaha nukliyeerka Iran ee Fordow iyo Natanz. Saraakiil Mareykan ah oo xogogaal u ah sirdoonka, kuwaas oo hadda shaqeeya iyo kuwo horey u soo shaqeeyay, ayaa u sheegay Washington Post in Israel ay rumeysan tahay in duqeyntii ay bishii October ku qaadday Iran ay wiiqday difaacyada cirka ee dalkaas, taasoo ka dhigtay mid u nugul weerar kale oo xiga, sida uu qoray wargeysku, inkastoo aan la magacaabin saraakiishaas. Iran iyo Israel ayaa sanadkii hore dhowr jeer is-weeraray, iyaga oo isku aargudanaya, xilli xiisadaha gobolka ay sii kordhayeen, gaar ahaan dagaalka Israel ka waddo Gaza. Warbixinnada sirdoonka ayaa saadaaliyay labo ikhtiyaar oo weerar ah, kuwaas oo midkoodna uu Mareykanka ku lug leeyahay, gaar ahaan taageero dhinaca sirdoonka ah iyo buuxinta shidaalka diyaaradaha, sida lagu yiri warbixinta Washington Post. Madaxweyne Trump ayaa wareysi uu Isniintii siiyay Fox News ku sheegay inuu doorbidayo heshiis uu la gaaro Iran si looga hortago inay hesho hub nukliyeer ah, isaga oo intaa ku daray inuu aaminsan yahay in Iran ay doorbidayso heshiis halkii ay dagaal geli lahayd. “Qof walba wuxuu aaminsan yahay in Israel, oo naga helaysa taageero ama oggolaansho, ay si ba’an u duqeyn doonto. Laakiin anigu waxaan doorbidayaa in taas aanay dhicin,” ayuu Trump yiri. Mareykanka, intii uu xilka hayay Madaxweyne Barack Obama, iyo xulafadiisa Yurub ayaa heshiis la galay Iran si loo hakiyo barnaamijkeeda nukliyeerka, balse Trump, oo ay ku dhiirrigelisay dowladda Israel, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskaas taariikhiga ah, isaga oo dib u soo rogay cunaqabateynta Iran sanadkii 2018. Tan iyo markaas, Iran ayaa dib u bilowday barnaamijkeedii nukliyeerka, iyada oo sare u qaadday heerka uruurinta uranium-ka, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA). Iran, Britain, France iyo Germany ayaa bishii Janaayo kulan ku yeeshay Geneva si ay ugu raad raacaan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii nukliyeerka, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, oo la hadlay TV-ga dowladda Iran.