Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa kala hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya iyo kor u qaadidda taageerada Mareykanka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Dhankiisa Mudane Lloyd Austin ayaa bogaadiyay hormarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka argagixisada isagoo tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan Al-shabaab deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Soomaaliya yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka iyo halis amni oo u baahan iskaashi caalami ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo galabta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa toos u tagey gurigii uu ka baxay Axmed Fiiqane Sheekh Maxamuud oo dhawaan isku dhigay qarax lagu dili rabay Qoor Qoor iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa labada waalid ee dhalay mujaahid Axmed Fiiqane uga mahadceliyay geesinninamada ay ku barbaariyeen wiilkooda, isagoo Eebbe uga baryay inuu ku irsaaqo naxariistiisa. Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal. Maxaxweyne Qoor Qoor ayaa reerka uu ka dhashay Axmed Fiiqane ka balan qaaday in maamulka Galmudug uu ka faala qaadi doono noloshooda, taas oo sii jiri doonta xitaa hadii uu dhinto ama ka tago xukunka. Madaxweynaha ayaa reerka badan qaaday inay u soo aari doonaan wiilkooda, maadaama sida uu sheegay dadka reer Galmudug aan lagu aqoon oohin oo ay yihiin dad aarsada. “Dadkeena looma ooyee waa loo aaraa, waana ka soo aareynaa Khawaarijta, Hooyo, Aabe iyo dhamaan ehelka Fiiqane waan amaaneynaa, waa dad gob ah, waxaana idiin sheegayaa walaalayaal Khawaarijtu waa gabagabo,” ayuu yiri Axmed Qoor Qoor. Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor oo ka sheekeeyey go’aankii uu qaatay Axmed Fiiqane iyo Maxamed Cumar oo la shahiiday ayaa soo muujiyey inuu jiro tuhun ah in rag isaga u dhawaa ay wax kasoo abaabuleen kiiskaan lagu dili rabay. “Waxyaabo oo gudaha ku jira waa baareynaa waana cadaaneysaa mar dhow insha allaah, kama hari doono Khawaarijta iyo cawaankeeda waan tirtireynaa insha allaah,” ayuu yiri Qoor Qoor oo wajigiisa ay caro badan ka muuqatay. The post Sawirro: Qoor Qoor oo booqday qoyskii Mujaahid Axmed Fiiqine, shaaciyeyna tuhun culus appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo howlo shaqo ugu maqnaa caasimadd dalka oo galabta kusoo laabtay caasimadda Dhuusamarreeb caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo halkaas si diiran loogu soo dhooweeyay. Madaxweyne ayaa booqday gurigii uu ka baxay Allah unaxariistee Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa askarigii naftiisa u gooyay badbaadinta Madaxweynaha iyo wafdi la socday deegaanka laasgacaneey oo lagu weerar qarax ismiidaamin ahaa. Madaxweynaha ayaa labada waalid ee dhalay Halyeey Axmed Fiiqane uga mahadceliyay geesinninamada ay ku barbaariyeen wiilkooda, isagoo Eebbe uga baryay inuu ku irsaaqo naxariistiisa, waxaana uu halkaas ku sugnaa muddo uu la joogay. Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir ciid iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Nuur Gacal, kuwaas oo qooyska ugu tagay tacsiyeen iyo mahadcelin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday Saddax xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo dhowaan soo gaclay gacanta laamaha amniga. Xubnahan ka trisan khawaarijta ayaa xeer ilaalinta maxakamddu ku soo edeeysay in ay la shaqeynayeen Al-shabaab oo ay caawiyeen waxana lagu kala xukumay sidaan:- 1: Cawil Aadan Jamaac waxa ay Maxkamadu ku xukuntay 10-sano oo xabsi ah. 2: Xaawo Cismaan Cabdi waxaa lagu xukumay iyana 8-sano oo xabsi ciidan ah 3: Xasan Cali Xasan waxa ay maxkamaddu ku xukuntay Hal sano oo IL ku heynta Booliiska ah. 4: Maxamuud Cabdi Xuseen,waxa ay Maxkamadda cadeeysay in uusan lahayn wax dambi ah waxa ayna u soo celisay xoriyadiisa,sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darjada koowaad ciidanka Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta sixiixay Xeerar Saddex ah,kuwaa oo kala ah:- 1. Xeerka Hay’ada Waddooyinka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska. 2. Xeerka Sharciga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah oo ay soo gudbisay Wasaarada Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah. 3. Xeerka Ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada. Golaha Wakiilada iyo Xukuumadda Maamulka jubbaland ayaa dhawaan meel mariyay xeerarkaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Xaaska Axmed Cali Haybe ayaa beenisay in ciidamada RRU-da ama kuwa Booliska ay xalay aqalkooda yimaadeen iyaga oo raadinaaya sayigeeda warkaasi oo si xun loo faafiyay. Sidoo kale Ahmed Cali Haybe walaalkii ayaa xaqiijiyay in aanu jirin wararka sheegaaya in walaalkii ay gurigiisa ay ciidamo raadinayaa ay tageen sida uu u xaqiijiyay xubno ku dhow dhow qoyskooda. Tan iyo intii uu dhacay heshiiskii lagu cafiyay jabhdii buurta Gacanlibaax waxa soo badanaaya dadka cadawga ku ah in ay Somaliland nabadi ka dhacdo, waxana ay baahinayaan warar aan xaqiiqbahayn. Waxa sidoo kale hada loo xaqiijiyay shabakada qarannews in aanu xidhnayn Axmed Cali Haybe oo si xor ah uu u joogo. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne, ayaa shaaca ka qaaday sababta Al-Shabaab ay marwalba qaraxyada ugu beegsato magaaladaasi. Ra’iisul Wasaaraha oo qaraxaas ku tilmaamay mid fuleynimo ah ayaa ugu horreyntii wuxuu ka tacsiyadeeyay dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxaas, halka kuwa dhaawaca ah uu Alle uga baryay bogsiino. “Markii looga adkaaday (kooxda Al-Shabaab) furimaha hore ee dagaalka ayaa waxay qarax ku baabi’iineysa dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta ay marwalba kooxda ugu beegsato qaraxyada magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ay tahay in reer Hiiraan ay ku suntan yihiin dabar-goynta argagixisada. “Sababta ay u bartilmaameedsanayaan kooxda Khawaariijta magaalada Beledweyne waxay tahay in reer Hiiraan ay ku suntan yihiin dabar gooynta Khawaarijta,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab uu marayo meel wanaagsan, ayna kooxda haatan dalka kaga harsan tahay meelo kooban, islamarkaana gulufka socda ay guul ka gaari doonaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Soomaaliya ayaa billowday wejigii koowaad ee duullaanka milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab bishii Agoosto ee sannadkii hore. Wejiga labaad ayaa lagu dhawaaqay bishii hore, iyada oo ciidamada milateriga ay gacan ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ku sugan bartamaha Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bil kahor hadal ka jeediyey magaalada Dhuusomareeb ayaa qabsaday inuu shan bilood kaga adkaan doono Al-Shabaab, taasi oo ka dhigan in hadda ay hartay afar bilood. The post Xamza oo shaaciyay sababta Al-Shabaab ay qaraxyada ugu beegsato Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  8. Kismaayo (Faallo) — Inkastoo cahdiga Midowga Afrika ku salaysan yahay dhowrista xuduudaha jiray marka dal uu madaxbannaani qaatay, waxaa jirta halis ah in Soomaaliya u nugushagay in la kala qeybsado iyada oo aan lagu soo duulin. Waxa loo cuskanayo waa sida siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu guuldarraysteen inay dalkooda maamulaan. Madaxweyne Xasan Shekh Maxamud wuxuu dhowaan sheegay in Soomaaliya lagu xukumo Chapter 7 (qodob ku jira Cahdiga Qaramada Midoobay lana cuskado marka dal uu halis ku noqodo nabadda adduunka ama dal kale gardarro ku weeraro). Muu sheegin sabata Soomaaliya halis ugu tahay dunida. Parker wuxuu ku doodayaa in Kismaayo ka mid ahayd Kenya Buug dhowaan soo baxay ( One Fine Day: Britain’s Empire on the Brink) oo uu qoray taariikhyahan Biritish ah, Matthew Parker, ayaa ku doodaya in qeyb ka mid ah Kenya uu Birtishku siiyay Talyaaniga. Waa Jubbada Hoose, gaar ahaan Kismaayo. Xiriirka Biritishka iyo Soomaalida dhexmarary, ha ahaado mid heshiis beelo lala galay ku salaysan ama mid Biritihsku abuuray markuu dhul Soomaali deggan tahay qabsaday, wuxuu abuuray dhibaatooyin siyaasadeed oo ay Soomaalidu ilaa hadda la kufaakacayso, tusaale in dad Soomaaaliyeed (Somaliland) ay maanta ku doodayaan in heshiis Soomaali lagu gumeysanayo la saxiixdeen Biritishka sidaas darteedna ay xudduudo Talyaani iyo Biritayn Soomaali mar ka dhex samaysteen ay u dagaallamayaan. Biritishku wuxuu dhul Soomaali ku nooshahay siiyay Xabashida isaga oo jabiyay Heshiiskii Ilaalinta Beelaha (Protectorate Agreements); wuxuu kale oo dhul Soomaali ku nooshahay siiyay Talyaaaniga, dhulkaas oo ay hadda siyaasiyiin Kenyan ah u arkaan dhul ka tirsanaaa Maxmiyaddii Biritishka ee Kenya, inkastoo Matthew Parker isticmaalay magaca Kenya oo uu u ekeysiinayo dal madaxbannaanaa markaas Kismaayo marnaba kama tirsanayn Maxmiyaddii Biritishka ee Kenya Dalalka deriska waxay burburka dowladdii dhexe iyo dagaalka dabadheeraaday ee Soomaaliya u arkaan wax ka badbaadinaya dareenkii Soomaali weyn oo ku salaysnaa doonista Soomaali dalal kala duwan lagu kala daray iyaga oo aan lala tashanin. Waxay aamminsan yihiin in tusaale, himiladii Xayle Salaase inuu Berbera la wareego soo noqon doonto maadaama Itoobiya tahay dal weyn oo dad tiro badan ay ku nool yihiin; in Soomaaalidu ku qanci doonaan inay hab maxmiyado ah kaga mid noqdaan dalalka deriska maadaama aysan nabad ku wada noolaan karin oo hadda ku hoos nool yihiin ciidammo nabad ilaalin ah ka socda dalal Afrikaan ah. Mabda’a dal la wada leeyahay oo qofku meeshuu doono kaga noolaan karo waxaa beddelay goofkan anigaa leh. Isku af iyo isku diin waxay ahayd tilmaan Soomaali Eebbe ugu deeqay oo ay Soomaalidu ugu faani jirtay dalalka qowmiyadaha kala duduwan ay ku nool yihiin. Qowmiyadaha kala duduwan oo kala diinta ah ayaaba maanta nabad ku wada nool marka la barbardhigo Soomaalida. Ummada dadnimadeeda ilaashaan waysa waxaaa ku dhaca dadnimo-tiran (dehumanisation). © Puntland Post, 2023 The post Buug ku doodaya in Kismaayo ka mid ahayd Kenya appeared first on Puntland Post.
  9. U.S. Defense Secretary Lloyd Austin met with Djiboutian leaders and the president of Somalia in Djibouti on Sunday, marking his first trip to Africa as Secretary of Defense amid continued violence in the region. Later in the week, he will travel to Kenya and Angola. Source: Hiiraan Online
  10. Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee Puntland xarunteeda Gaalkacyo ayaa maanta xukuntay saddex nin oo ku eedaysan falal argagixiso. Maxkamadda ayaa kadib markii ay dhegaysatay gal-dacwadeedka xeer ilaalintu ku oogtay saddexda eedaysan iyo difaaca qareenkooda waxay go’aamisay: Ismaaciil Daa’uud Jiirow (Xarfaaney) oo 33 sano jir ah laguna helay in uu ka tirsan yahay maleeshiyaadka argagixisada ah ee AS ayaa maxkamaddu ku xukuntay 30 sano oo xabsi ah. Maxamed Deeq Salaad Cabdi Ibraahim oo da’diisu tahay 23 jir islamarkaana loo haysto in uu ka tirsan yahay argagixisada AS ayay sidoo kale maxkamaddu ku ridday 20 sano oo xabsi ah. Cabdulqaadir Abukar Shiikh Maxamed oo da’diisu tahay 29 jir laguna helay in uu bumbo ku tuuray saldhig boolis balse aan qiran in uu ka tirsan yahay AS ayay isna maxkamaddu ku xukuntay 15 oo xabsi ah. Saddexda xukmane ayaa la siiyay mudda dhan 30 cisho oo ay ku qaadan karaan rafcaan haddii aysan ku qancin xukunada lagu riday sida ay sheegtay maxkamadda. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Puntland oo xukuno kala duwan ku riday rag loo haysto falal argagixiso appeared first on Puntland Post.
  11. Jigjiga (HOL) - Heavy fighting erupted between Somali and Oromia regional forces near the Qoloji IDP camp, 65 kilometres south of Jigjiga in the Somali Fafan zone. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka la xiriira doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed ayaa isa-soo taraya, ayada oo horraanta bisha November uu ku eegyahay waqtigii heshiiskii la siiyay inuu Lafta-gareen kusii joogo xafiiska. Mucaaradka maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaan isugu tegay magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay inay magaalada Baydhabo col iyo nabad mid uun ku tagaan oo kadibna la bilaabo dhaqangelinta heshiis siyaasadeedkii Koonfur Galbeed, kaasi oo qodob kamid ah uu tilmaamayay in doorashada maamulka la bilaabo horraanta bisha November 2023. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu dhawaan sheegay in haddii uu Lafta-gareen diido inay si nabad ah ku tegaan Baydhabo oo la tartamo in iyaga oo hubeysan ay mari doonaan jidka u dhaxeeya Baydhabo iyo Muqdisho, oo ay sidaas ku tegi doonaan magaalada Baydhabo. Madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dareen gaar ah siiyeen abaabulka mucaaradka Koonfur Galbeed, iyada oo la xasuusto in Baydhabo uu dagaal ka dhacay markii uu dhamaaday muddo xileedkii Lafta-gareen, kadibna lagu qasbanaaday in heshiis lagu aadayo doorasho la dhex dhigo labada dhinac. Sida laga soo xiganayo illo wareedyo lagu kalsoonaan karo, wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya ayaa dhawaan soo fara-geliyay xiisadda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, waxayna la hadleen guddoomiyaha golaha shacabka oo isagu hormuud ka ahaa heshiis siyaasadeedkii Koonfur Galbeed. Waxay kala hadleen in aan la aqbali karin in dhiig labaad uu ku daato magaalada Baydhabo ayna muhiim tahay in wixii lagu heshiiyay la fuliyo, ayada oo la xasuusto in heshiiskii Baydhabo ay kaalmo maaliyadeed ku bixisay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Sheekh Aadan Madoobe ayaa isaga waxaa waayahan lagu xaglinaya dhanka Lafta-gareen, taas oo keentay in mucaaradka ay waqti badan iska gelin dhankiisa. Dhuusamareeb, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa la sheegay inay wada-hadallo gaar ah ka yeesheen xaaladaha Koonfur Galbeed, doodda Mucaaradka iyo waxa dhici kara haddaan deg deg looga howl-gelin arrimahan. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha uu qabo in aanay sax aheyn in laga baxo heshiiskii Baydhabo, islamarkaana uu guddoomiyaha usoo jeediyay in laga howl-gallo raadinta dhabo aan gacan ka hadal aheyn oo reer Koonfur Galbeed doorasho ku aadi karaan. Sheekh Aadan Madoobe ayaa la filayaa in dhamaadka bishaan ama horraanta bisha soo aadan uu tego magaalada Baydhabo. Iyada oo dadka daneeya arrimaha Koonfur Galbeed ay sheegayaan in xaalka u muuqdo in doorasho la aadi doono. Haddii ay sidaas u dhacdo oo Koonfur Galbeed doorasho la galiyo waxaa su’aal gali doona heshiiskii 27-kii May ee dowladda dhexe iyo madaxda maamullada, wallow Koonfur Galbeed ay marwalba leedahay sumad gaar ah, maadaama uu jiro heshiis siyaasadeed ay gaareen dhinacyada maamulka, ayna saxiixiisa goobjoog ka ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Aadan Madoobe, kaas oo tilmaamaya in bisha November ee sanadkaan ay reer Koonfur Galbeed doorasho aadan. The post Maxaa ka jira inuu isbeddalay mowqifkii DF ee muddo kororsigii Lafta-gareen? appeared first on Caasimada Online.
  13. Xadigii ugu Badnaa ee Khamri ah oo lagu Qabtay Madaarka Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo lagu qabtay 411 xabo oo Khamri, kaas oo ay wateen dadyowga adeegsada garoonka. Maamulaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aanu jirin wax dhaafaya ciidanka iyo shaqaalaha garoonka isla markaana ay dadaalkooda la socoshada waxa ka soo dagaya garoonka ay libin laabayaan, waxaanu bulshada ka codsaday inay isticmaalkiisa ka waantoobaan. Waxaanu yidhi.“Khamriga aanu halkan ku hayna waa 411 xabo oo garoonka diyaaradaha ka soo degay, isla markaana ay wateen dadka ka soo degay. Khamrigu waa shay xaaran ah, waa maandooriye, waa wax aan diintu ogolayn, bulshadana dhibaato kuhaya. Garoonka wax gees maraya majiro, dadaalkayagana waanu sii libin laabaynaa, waxna geesmarayaana majiraan, qofkastana mishiinka baadhista ayuu maraya, haddii quraaradii ku jirto waalaga soo saarayaa. Waxaanu bulshada ka codsanayna bahalkani waa dhibaate walaal iskadaa qofkii isticmaalow, naftiina iyo dadweyne ahaanba idiinma fiicna, dadka sitaana bulshada oo dhan maaha ee waa dad iska tirsan oo balwad u leh, dadkaasi waxaanu leenahay Ilaahay u noqda oo iskadaaya.” Sidoo kale sarkaal u hadlay ciidanka booliska ayaa sheegay inay abaalmarinayaan ciidamadii iyo shaqaalihii sababta u ahaa soo qabashada Maandooriyaha lagu qabtay garoonka. Waxaanu yidhi. “Waxa aanu halkan ku baabi’inaynaa, 411 xabo oo Khamri ah, kaas oo ay gacanta ku dhigeen shaqaalaha ka hawlagala garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa iyo ciidanka boolisku. Waxaan leeyahay shaqaalaha iyo ciidanka booliskaba hawshiina sii libin laaba, waajibaadkiina ayaad gudateen. Waanu abaalmarin doona shaqaalaha iyo ciidamada ka hawlgalay soo qabashada Khamrigan.” Sarkaalku waxa uu faray dadka garoonka adeegsanaya ee Muwaadiniinta iyo ajaanibtaba leh inay ka fogaadaan isticmaalka Maandooriyaha. Waxaanu yidhi.“Dadweynaha, muwaadiniinta reer Somaliland iyo dadka ajaanibta ah ee isticmaalaya garoonka ee ka soo degayaa, waxaanu ku wargelinaynaa in aanay dib ugu soo tallo galin, waxaanu leenahay wax nageesmaraya majiro, wax nalagala baxsanayaana ma jiro.” Qaran News
  14. Jid Beeralayda u Sahlaya Suuq Geyntooda oo Laga Dhagax Dhigay Boorame Boorame(Qaran news)- Wasiirka waasaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo masuuliyiin ka socota Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), ayaa dhagax dhigay maanta Waddo isku xidhaysa Boorama iyo Xeego. Wadaddan oo qayb ka ahayd mashruuca dhaqaalaynta Ciidda iyo biyaha oo Wasaaradda Horumatinta Beeraha Somaliland ka fulinayso deegaano ka mid ah Gobolka Awdal. Wadaddan ayaa beeralayda deegaanka xeego u sahli doonta in ay wax soosaarka beerahooda si fudud ugu iib-geeyaan suuqyada Somaliland, maaddaama oo markii hore beeralayda deegaanku dhib wayn ku qabeeen. Dhismaha jidkan, ayaa waxaa uu ka mid yahay siyaasadda qaran ee ku aadan kobcinta iyo dhiirigalinta beeralayd dalka. Waxa xusid mudan, In Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Beeruhu ay qayb ka yihiin Madaxda Hay’adda ADO oo mashruucan fulinaysa. . Qaran News
  15. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudu ayaa sheegaya in degaanada Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoostaga degaanka Caad ee gobolkaasi. Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka xoogga, Daraawiishta Galmudug iyo shacabka hubeysan ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen goob halkaasi ku taalla oo dagaal-yahaano Shabaab ah isku aruursanayeen. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu hadda si gaar ah uga socdo dhulka howdka ah ee deegaankaasi. Dowladda oo ka hadashay dagaalkan ayaa durba guul ka sheegatay. Wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa warbaahinta wuxuu u sheegay in kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay jab xooggan dagaalkan. Ciidamada dowladda ayaa howl-gallo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka wadeen gobolka Mudug iyo Galgaduud ayaa lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo Shabaab ah iyo horjoogayaashooda, sida ay sheegtay dowladda. Howl-galladaas oo qeyb ka ahaayeen diyaaradaha dagaalka ayaa waxaa Al-Shabaab-ka la laayey lagu beegsaday xarumo ay ku lahaayeen dhulka howdka ah, waxaana kooxda howl-galkaas ka soo gaaray khasaare xoog leh. Sida ay sheegtay dowladdu howlgalka ayaa lagu burburiyey xarumo ay Shabaab ku lahaayeen hoobaha ay iska soo abaabulayeen, waxaana xubnaha la dilay ka mid ah saraakiil sare oo Shabaab ah, inkastoo aan weli la ogaan magacyadooda. Kooxda Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay laga xoreeyey dhowr deegaan ayaa hada gobolka Mudug uga haray deegaano aad u yar, waxaana laga cabsi qabay inay soo qaadaan weerarro rogaal celis ah. Balse maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa kooxda aad loogu beegsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen weerarro u qorsheysnaa, waxaana laga laayey dagaalyahano aad u badan. The post Xogta dagaal u dhaxeeya ciidanka DF iyo Al-Shabaab oo ka socda gobolka Mudug appeared first on Caasimada Online.
  16. Shanta August, 2023, garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa safdheer galay dadweyne wata boorar ay ku xardhantahay dalxoreeye, ma ahan askari ama taliyaha ciidan qof lagu suntay astaan dalxureeye/xoreeye ee waa madaxweyanaha dal ay halakeysay colaad iyo argagixiso muddo nus qarni ah, waa oday madaxu cadaaday, oo raja ka qaba in uu mar arko Soomaaliya oo ka xor ah koox aan ogoleyn sharuucda dalka iyo kuwa caalamiga ah. Qoraxda ayaa aroortii 50’aad ugu soo baxday madaxweynaha Soomaaliya magaalo ka fog caasimadda dalka wax kabadan 500 KM, ujeedadu ma ahan dalxiis ama nasasho sida ay sameeyay madaxda dalalka nabada ah, ee waa jiheynta dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-shabaab oo dagaal qaraar uu dhexmarayo ciidanka dowladda. Soomaaliya 63 sano kadib xoriyadeeda, In ay hesho nabad iyo xasilloni waarta, lana jaanqaado dalalka dhigeeda ah, dadkeeduna ay helaan nolol fiican iyo horumar, waxaa hor istaagay kooxo argigixisa ah oo sumado badan. In ka badan 20 sano ayey umadda Soomaaliyeed hayeen cunaha, isbaarana u dhigteen rajo kasta oo ifaysay iyaga oo isticmaalay tabo dabargoyn ah. Muddada intaa la eg waxaa ay kusoo badbaaday kooxdani sababo la xiriira yaraanta ama in la waayaba hoggaamiye ku dhiirada dagaal ka dhan ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii dib loo doortay May 2022-dii la yimid go’aan cusub oo ah in Soomaaliya aanay wada joogi karin “Dowlad iyo Dowlad diid” isla markaana aaney jirin meel dhexe oo la istaago, waxaa uuna ladagaalanka Al-Shabaab ka dhigtay hortabinta kowaad ee maamulkiisa, taasi oo sanad gudahiisa horseeday in Al-shabaab laga xoreeyay 98% dhammaan degmooyinka iyo deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle. (1). Qiimeynta Istaraatiijiyadda Amni: Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee lagu ciribtirayo Al-Shabaabwaa mid la socday halkudhiggiisa “Soomaali Heshii ah”. Si nabad loo helana waxaa waajib noqotay in la baahiyo xukunka dowladda, deeegaanada kooxda Al-shabab ay maamushana laga saaro si dadka Soomaaliyeed ay u helaan nabad iyo adeeg dowladeed. Si Madaxweyne Xasan u rumeeyo balantiisa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uusan u noqon hoggaamiye inta afka ka dhaho “Waan la dagaalayaa Khawaarijta” hadana xafiiskiisa dib ugu laabto, waxa uu August 5, 2023 saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb, oo ah halka laga hago dagaalka Al-shabaab looga xoreynayo Galmudug, iyo Hirshabeelle. Istaraatiijiyadda amni ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab oo ah mid ballaaran oo leh dhaqaalle, fikir, iyo cududba. Si ay u guulaysatana, waxaa marka koowaad la xoojiyay amniga caasimada dalka ee Muqdisho iyada oo loo xilsaaray sugida amnigeeda ciidan heegan ah oo ah booliis sida milatariga u tababaran. (2)Banaadir: Istaraatiijiyadda amni ee la qaatay waa mid ballaaran, xilli lagu jiro baacsiga Al-Shabaab ee gobollada Galmudug iyo Hirshabelle, waxaa barbar socda in gacan bir ah lagu qabtay amniga caasimadda Muqdisho, lagana taqalusay Shabaab iyo cayaal weero. Dadka deggan caasimadda Muqdisho ayaa dhowr bil kahor ku dhibqabay amni darro kasoo wajahaysay kooxaha argigixisada ee Al-Shabaab iyo Ciyaar weerrada, balse taasi hadda waxaa ay noqotay taariikh laga sheekaysto. Haddaba waa kuma ciidamada suurageliyay amnigaasi? Amniga caasimadda Muqdisho waxaa gacanta ku hayay tan iyo April 7, 2023-kii ciidamo gaar ah oo la magac baxay “Gungaar” oo ah nooca La police militaire. Ciidamadan tiro ahaan waa 3,000, waxaa ay ayna ka kooban yihiin labo guuto iyo hal urur, iyaga oo leh labo taliye oo isla shaqeysa. Ciidamadaan booliiska ah ee sida milatariga u tababaran, waxaa ay shaqadoodu tahay in ay sugaan amniga Muqdisho, Jaziira ilaa Balcad. Tallaabadan waxa ay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka dhigtay mid ammaan ah, waxaa meesha ka baxay qaraxyadii argigixisada iyo dilalkii qorsheysnaa, iyada oo ay noqotay meel lagu dhiiran karo maalgeshi gudaha ah iyo mid dibadda ah. Kadib bilaabashadii gulufka colaadeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab, muddo kooban ayaa lagu xoreeyay degmooyin iyo deegaanno ay argigixisadu ukummo dhigteen 15-kii sano ee lasoo dhaafay. Riyo ma aha in la xoreeyay Aadan Yabaal, Ruunirgood, Cali Gaduud, Guulane, Alkowsar, Nuur Duugle iyo deegaanno kale oo Shabeellada dhexe ah, lagana hirgeliyay adeegyada dowladnimmo ay Khawaarijtu xarimeen muddo dheer. Hiiraan keliya ma aha in la xoreeyay deegaanno ay ka mid yihiin; Beergadiid, Bacda, Teedaan, Coomaad ee waxaa la isku furay jidadka u dhexeeya Baladweyne (Hiiraan) ilaa Balcad (Shabeellada dhexe), waxaana socda mashaariic horumarineed. Waxaa kale oo dowladdu xoreysay Mudug Xarardheere, Bacaadwyne, Camaara iyo deegaanno kale, halka Galgaduud laga xoreeyay magaalooyinka badan oo ay ka midyihiin Qaayib, Xilabi, Dhuumoodle, Ceel-lahelay, Labadunle, iyo kuwa kale . Bulshooyinkii ayaa dib ugu laabanaya, waxaa laga hirgeliyay adeegyada dowladnimada. Maanta waxaa lagu jiraa qeybihii ugu dambeeyay ee wejiga kowaad ee lagu baacsanayo Khawaarijta, si taasi ay u hirgashana waxaa muuqda abaabul dhinac walbo ah. Isataraatiijiyadda Madaxweyne Xasan Sheekh ee ladagaalanka Al-Shabaab oo ah in dadka laga horkeeno kooxaha Khawaarijta, waxaa miisaan u yeelay in furimaha dagaalka ku suganyihiin, oo dhiirigelin ujooga Wasiirro ka tirsan xukuumadda Dan Qaran. Dhammaan Guulaha laga gaarayo dagaalka waxaa saldhig u ah isku duubnida dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo shacabka labada dowlad goboleed kuwaas oo naf iyo maalba u huray sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen heeryada gumeysiga Al-Shabaab. Waxaa xusid in iskaashiga dhexmaray dowladda federaalka ah iyo dadweynaha ku nool Galmudug iyo Hiiraan ay xoojisay istaraatiijiyadda amniga ee madaxweynaha. Kalsoonida labada dhinac waxaa ay keentay in bulshada ay dhan walba iskood is abaabulaan. Saldhigasha madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa ah laba kaclayn lagu sameynayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Horay madaxweynaha ayaa u sameeyay abaabulka kacdoon dadweyne oo ka dhan ah Al-shabaab, abaabulka iyo isku dubaridka dagaalka uu hoggaaminayo Xasan Sheikh Maxamuud ayaa keentay in ay dhiiradaan bulshada qeybaheeda kala duwan ayna kaalin muuqda ka qaataan dagaal, waxaa meesha ka baxay cabsidii ay kala qabeen bulshada iyo ciidanka, waxaa abuurmay xaalad ay bulshadu ku garab istaagto ciidanka ayna ku dhiiradaan la dagaalanka Al-shabaab si muuqata. (3)Iskaashiga Amni ee Xoogga Dalka iyo Dadka Deegaanka: Kahor inta aaney is abaabulin dadka deggan Galmudug iyo Hirshabelle, Al-Shabaab waxaa ay heysteen 75% deegaannadaasi, iyaga oo go’doomiyay magaalooyinka waaweyn, hakiyay isu socodka, cunaqabateeyay shacabka, isla maarka qaadi jiray lacag baad ah, balse howlagal ka dhashay midnimo iyo isku duubnimada bulshada oo garab ka helay ciidamada xoogga dalka, maanta Al-Shabaabwaxaa ay kusoo hareen deegaanno fogfog oo howd ah kuwaas oo iminka uu ka socdo baacsi haraadigooda. (4)Kaalinta Odeyaasha Dhaqanka: Halganka ka dhanka ah Al-Shabaabee ka socda Galmudug iyo Hirshabelle waxaa geedfadhi u ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Keliya hormuud kama ahayn abaabulka iyo kicinta bulshada iyo dhisidda kalsoonida ciidanka difaaca shacabka ee waxaa ay qaarkood ku shahiideen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaabsida; Nabaddoon Cilmi Hagar, Hibaad Cali Dasar, halka dagaalamayaasha Saleebaan ee ka bilaabay dagaalka Baxdo uu geed fadhi u yahay suldaanka reerka Suldaan Mowlid Sheikh Jaamac, iyo qaar kale. (5)Kaalinta Dhalinyarada: Dhalinyarada labada dowlad goboleed ee Galmudug iyo Hirshabelle ee Macawislayda ah, waxaa ay horkaceen gulufka ka dhanka ah Khawaarijta, iyaga oo si iskood ah isku abaabulay, qoryaha u qaatay, dagaalna la galay argigixisada Shabaab, taasi oo keentay in markii dambe ay garab ka heelaan ciidamada qalabka sida, laguna guulaysto in deegaanno boqolaal ah laga xoreeyo Khawaarijta. (6)Miraha Dagaalka iyo Natiijada: Dowlad Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadda Dan Qaran ee Ra’isul Wasaare Xamsa Barre waxaa ay dagaalka ku barbar wadeen dadaallo Xasillin iyo dhab u heshiisiin bulsho oo laga hirgeliyay labada maamul ee Galmudug iyo Hirshabelle, iyada oo goobaha la xoreeyay laga fuliyay in ka badan 150 mashruuc, taasi waxaa ay keentay kalsooni dhexmarta bulshada deegaanka iyo dowladooda oo muddo dheer ay tashwiish ka dhex wadeen Khawaarijta. Istaraatiijiyadda madaxweyne Xasan Sheekh ee uu u qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab keliya ma ahayn midda amniga ee guulaysatay, ee cunaqabatayn dhaqaale iyo la dagaalka fikirkooda guracan waa ahdaaf kale oo la xaqiijiyay, kuwaas oo si faahfaahsan aan u soo qaadan doonno. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. United States Secretary of Defense Lloyd J. Austin III has departed for a week-long tour of Africa. Source: Hiiraan Online
  18. Xubnaha mucaaradka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xalay shir xasaasi ah oo ka dhan ah madaxweynaha hadda talada haya ee Cabdicasiis Laftagareen ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin kale duwan oo qeyb ka ah xubnaha mucaaradka ah. Shirkan oo ka dhacay hoyga guddoomiyihii ee golaha shacabka Porofessor Maxamed Shiikh Cimaan Jawaari ayaa waxa uu daba socday shirkii dhowaan ku qabsoomay magaalada Nairobo, kaas oo laga soo saaray go’aanno culus oo ku aadan xaaladda Koonfur Galbeed iyo heshiisyadii hore loo gaaray. Xubnaha ka qayb-galay shirka waxaa kamid ah, Shariif Xasan, Xuseen Sheekh Maxamuud, Maxamed Mursal, xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Koonfur Gabeed Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah xubnaha mucaaradka ah, waxaana shirkaan uu kusoo aadayaa xilli lagu dalbaday qabsoomida doorashada. War murtiyeed kasoo baxay shirka oo uu akhriyay mid kamid xubnaha mucaaradka ayaa waxaa lagu yiri “Kulankan waa kulan daba socda kulankii ka dhacay magaalada Nairobi waxaa isugu yimid odayaashii kusoo shiray dalka Kenya, xildhibaanada BFS iyo wasiirada DFS ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed”. “Shirkan waxaa la’iskula soo qaaday taageerida la dagaallanka Khawaarijta oo uu hormuud ka yahay madaxweynaha JFS waxaa kale oo shirka lagu soo qaaday in la taageero hadalkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa inuu diiday wax muddo korosi ah ha ahaato heer maamul goboleed ama heer federaalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa sidoo kale xubnaha mucaaradku dalbadeen in la dhaqan-geliyo heshiiska lagu gaaray Baydhaba, kaas oo u dhaxeeyay mucaaradka iu si ay doorasho uga dhacdo maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Ugu dambeyn waxay dalbadeen in 5-ta bisha soo socota October la’isugu tego magaalada Baydhaba, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii, loona aado doorasho loo dhan yahay, waxaa haatan ka taagan is mari waa siyaasadeed oo u dhexeeyay Laftagareen iyo mucaaradka maamulkaasi, waxaana usii dheer dagaalka Al-Shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galin dambe ee maanta kula kulmaya magaalada Jabuuti Xoghaya Gaashanadhigga ee dalka Maraykanka Lloyd Austin. Kulanka madaxweynaha iyo xoghayaha gaashaandhigga ayaa imanaya iyadoo meel qaraar uu marayo dagaalka dawladda Soomnaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Dawladda Soomaaliya ayaa taageero milatari, tababar iyo mid bani’aadminnimo intaba ka hesha dawladda Maraykanka. Milatariga Maraykanku waxay sidoo kale ka caawiyaan dawladda Soomaaliya duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab. Jeneraal Austin ayaaa saacadihii hore ee saaka gaaray dalka Jabuuti, halkaasi oo uu sheegay inuu kula kulmayo madaxda waddankaasi iyo saraakiisha gaashaandhigga. Dhinaca kalena, qandaraasle la shaqeeya Maraykanka iyo mid ka mid ah ciidamada Kenya ayaa lagu dhaawacay rasaas ay Al-Shabaab ku rideen saldhigga ciidamada Kenya ee Kulbiyow oo gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya, sidaasi waxaa VOA u xaqiijiyey sarkal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Maraykanka. Ururka Al-Shabaab ayaa farriin lasoo dhigay barta Telegram ku sheegtay inay weerarkaas ku dhaawaceen afar ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo sagaal ka tirsan ciidamada Kenya. Sarkaalka u hadlay gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay inaan weerarkaas lagu dhaawicin ciidamo ka tirsan kuwa Marayanka, isla markaana qandaraaslaha la dhaawacay aanu u baahanin in gargaar caafimaad darteed looga qaado saldhiggaas. Sidoo kale sarkaalka dhinaca gaashaandhigga ee Maraykan ah ayaa sheegay in ciidamada milatariga Maraykanka ee AFRICOM aysan wax duqayn ah ka gaysan Soomaaliya maalintii Jimacaha ee September 22-keeda. Hadalkan ayaa ka dambeeyey markii ururka Al-Shabaab ay ku eedeeyeen AFRICOM inay ka dambeeyeen duqayn la sheegay inay ka dhacay degaan u dhow Buurdhuxunle oo ka tirsan gobolka Gedo. Duqayntaas ayaa dawladda federaakka Soomaaliya sheegtay in lagu dilay taliye lagu magacaabo Isaaq Cabdullaahi iyo 7 ilaaladiisa ah. Hase yeeshee ururka Al-Shabab ayaa iyaguna dhinacooda sheegtay in duqyantaais ay ku dhinteen 8 qof oo isku qoys ah oo ay ku jiraan carruur, taasi oo aan weli si madax-banaan loo xaqiijin. The post Madaxweyne Xasan iyo Lloyd Austin oo ku kulmaya dalka… appeared first on Caasimada Online.
  20. Kalfadhigii Golaha degaanka degmada Boorame oo Furmay Boorame(Qaran news)-Mudanayaasha ayaa ka dooday, isla markaana ansixiyay miisaaniyaddii 2024, waxa lagaga shaqayn doona abniga guud ee gobolka iyo ka degmada. Sidoo kale waxa furitaanka Kalfadhigaasi lagu gorfeeyay kor uqaadista adeegyada bulshada iyo ka shaqaynta horumarinta magaalada in meel looga soo wada jeesto. Qaran News
  21. Taliye cusub oo loo magacaabay RRU-da Hargeysa(Qaran news)-Gaashaanle sare Maxamed Ducaale ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Birmadka ee Booliska Somaliland (RRU iyo SPU). Halka taliyihii xilkaas hayay ee sarreeya guut Cabdi Axmed Tiir, loo baddalay hoggaanka tababarrada ee Ciidanka Booliska. Taliyahan cusub ayaa hore xilal uga soo qabtay Ciudanka Booliska waxaanu soo qabtay Hoggaanka hawlgelinta iyo hoggaanka tababarka dugsiga Madheera. Qaran News
  22. Xaaladda Ceel Afweyn oo maanta Degan dagaalkii Shalay kadib Hargeysa(Qaran news)-Xaaladda degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa degan maanta, kadib markii shalay dagaal ka dhacay. Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamo Milateriya gaysay degmada Ceel Afweyn si ay usugaan abniga magaalada. Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamada ku amartay inay qabtaan Qofkii shacab ah ee hubaysan. Xaalada magaalada Ceel Afweyn ayaan daganayn kadib markii shaqaaqo dhexmartay beelo walaalo ah oo wada dega. Inta badan aano qabiil ayaa sabab u ah dagaalkan soo noqnoqday ee ilaa hadda aan xal rasmiya loo helin iyo fulintii xukuumadda oo meesha ka maqan.. Ergooyin kala duwan ayaa ku maqan magaalada Ceel Afweyn, si ay xasilinta nabadeed èe labada beelood qayb uga noqday, balse ilaa hadda wax ka hirgelay jiro. Magaalada inta badan xaalada colaadeed ee ka jirta ayaa looga qaxay, sawirada laga soo qaadanayaana waxa ay muujinayaan inta ay le’eg tahay xaalada colaadeed ee ka jirta. Qaran News
  23. Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa kala hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya iyo kor u qaadidda taageerada Mareykanka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Dhankiisa Mudane Lloyd Austin ayaa bogaadiyay hormarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka argagixisada isagoo tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Khawaarijta Soomaaliya yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka iyo halis amni oo u baahan iskaashi caalami ah. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Difaaca Maraykanka? appeared first on Puntland Post.
  24. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligan kulan kula leh magaalada Jabuuti Xoghaya Gaashanadhigga ee dalka Maraykanka Lloyd Austin. Kulanka madaxweynaha iyo xoghayaha gaashaandhigga ayaa imanaya iyadoo meel qaraar uu marayo dagaalka dawladda Soomnaaliya ee ka dhanka ah al-Shabaab. Dawladda Soomaaliya ayaa taageero milatari, tababar iyo mid bani’aadminnimo intaba ka hesha dawladda Maraykanka. Milatariga Maraykanku waxay sidoo kale ka caawiyaan dawladda Soomaaliya duqaymaha ka dhanka ah al-Shabaab. Jeneraal Austin ayaaa saacadihii hore ee saaka gaaray dalka Jabuuti, halkaasi oo uu sheegay inuu kula kulmayo madaxda waddankaasi iyo saraakiisha gaashaandhigga. Xigasho: VOA Somali The post Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Gaashanadhigga Maraykanka oo Jabuuti ku kulmay appeared first on Puntland Post.