Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirrada arrimaha gudaha, Kalluumaysiga, Xildhibaano ka Tirsan dowladda FS iyo Galmudug iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer dhiirigalin ah ugu tagay ciidamada ka dagaalamaya duleedka degaanka Shabeellow ee koonfurta Gobolka Mudug. Masuuliyiintaan heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ayaa saraakiisha ciidamada la qaatay kulan lagu gorfeeyey dagaalka lagula jiro Al-shabaab, muddada loo qorsheeyey in degaanada Galmudug looga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin. Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada iyo Saraakiisha Hogaamineysa uga mahadceliyay sida ay ugu dadaalayaan in dagaalka lagu soo gabagabeeyo waqtigii loogu talo galay, xilli deegaanka Shabeellow aagiisa ay ka dhaceen duqeymo lala beegsaday Al-shabaab. Howlgalka ka socda Koonfurta Gobolka Mudug ayaa laga gaaray guulo ballaaran iyadoo laga xoreeyey degaano badan oo ka tirsan koonfurta Mudug, kuwaas oo ay muddo ku sugnaayeen, waxaana Mudug ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan labada heer dowlo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Ibrahim Mete Yagli oo uu wehliyo Taliyaha Dugsiga Tababbarada Ciidamada ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa masuuliyiintan kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, gaar ahaan dhanka amniga, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dib u xoreynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta. Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ibrahim Mete Yagli ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda iyo shacabka oo iskaashanayaa dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isaga oo hoosta ka xariiqay in Turkigu uu door wanaaagsan ka qaadan doono xaqiijinta Soomaaliya nabadoon, horumarsan oo ka caagan Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Ismaaciil Axmed oo soo Bandhigay Juwanka Lacagtii Baanka dhexe u Shubay Shirkad lacag u soo Daabacaysa Hargeysa(Qaran news)- Aqoonyahan yahan Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha shirkadda Worldremit ayaa galabta ka jawaabay warsaxaafadeedkii baanka dhexe ka bixiyay qoraal uu kaga hadlay qiime dhaca ku yimid lacagta Somaliland. Ismaaciil Axmed waxa uu ka falceliyay warkii ka soo baxay Baanka dhexe, wuxuuna soo bandhigay qaan sheeg la xidhiidha lacagtii baanku u shubay shirkad lacsg cusub u soo daabacaysa. Wuxuuna tilmaamay inay dambi tahay in baanku been u sheego ummadiisa. Qoraalkiisuna wuxuu u qornaa sidan:- “Baanka Dhexe qoraal uu kaga jawaabay maqaalkii aan kaga hadlayay qiima-dhaca shilinka SL, waxa uu ku sheegay “In aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku sii abuurta suuqyada sarrifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.” Waxa aan halkan ku soo gudbinayaa qaansheegtii shirkadda lacagta daabacday ay soo dallacday. Waxa ku faahfaahsan qayb ka mid ah lacagaha loo diray shirkaddan oo dhan $1,902,587.10. Iyada oo maanta Baanka Dhexe ku mashquulsan yahay lacagaha la soo daabacayo oo Guddoomiyihii Bangiga Dhexe joogo London, waxa dambi kale ah in beenta cad ee intan le’eg dadka loo sheego. Soddonkii sano ee shilinka SL jirayba waxa aan wax ka qori jiray qiima-dhaca lacagteenna ku imanaysay, taas oo markii la soo daabacay 50-ka shilin lagu sarrifi jiray $1. Aniga oo ka soo horjeeda sida qaldan ee loo maamuli jiray iyo dhibaatada danyarta ka soo gaadha ayaan sidan oo kale uga talo bixin jiray had iyo goor. Waa markii u horreysay ee 30-kaa sanno la igu eedeeyo in aan waddanka iyo dhaqaalaha cadow ku ahay. Waxa aan mar kale ku talinayaa in arrintan si degdeg ah wax looga qabto, oo kharashka malaayiinka ah ee lagu bixinayo in lacag cusub lagu soo daabaco loo adeegsado in shilinka kor loogu qaado. Ma aha in aynu la sugno inta arrinku meel xun oo aan laga soo kaban karin gaadhayo.” Qaran News
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli. Safiirka oo Muqdisho ka soo baxay, isla markaana soo gaaray Dhuusamareeb waxaa la socday oo kulanka Madaxweynaha ku wehliyey Taliyaha Dugsiga Tababbarada Ciidamada Soomaaliya ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa masuuliyiintan kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhanka amniga oo muhiim u ah dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dib u xoreynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta. Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda iyo shacabka oo iskaashanaya ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee diiddan nabadda iyo horumarka dalka. Safiirka ayaa oo hoosta ka xariiqay in Turkigu uu door wanaaagsan ka qaadan doono xaqiijinta Soomaaliya nabadoon, horumarsan oo ka caagan Khawaarijta. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaaminaya dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb ayaa shalay dalka Jabuuti kula kulmay wasiirka gaashaandhigga dowladda Mareykanka. Madaxweynaha ayaa shaqadiisa oo dhan isugu geeyey hoggaaminta dagaalka, muddo ku dhow laba bilood ayuu degan yahay Dhuusamareeb, dagaalka ugu culusna wuxuu ka socdaa Galmudug. Qorshaha Madaxweynaha ayaa ah in Shabaab-ka jooga Galmudug lasoo afjaro, markaas kadib ayuu u guurayaa deegaanada kale ee kooxdu ay ku harsan tahay, si dalka oo dhan looga ciribtiro Khawaarijta Al-Shabaab. The post Sawirro: Xasan oo Dhuusamareeb ku qaabilay masuuliyiin Turki ah hal arrina kala hadlay appeared first on Caasimada Online.
  5. Ciidanka Qaranka oo ka Hadlay Tallaabooyin ay ka Fulinayaan Ceel Afweyn Hargeysa(Qaran news)- Kadib dagaalo ay dad ku dhinteen oo beelo walaalo ah ku dhexmaray degmada Ceel Afwayn ee gobolka Sanaag, Millateriga Somaliland ayaa sheegay in ay xoog u isticmaalayaan ciddii hub lagu arko. Taliyaha Aaga Bari Baashe Fanax, oo warbaahinta la hadlay isaga oo ay hareero joogaan masuuliyiinta degmadu, ayaa amar ku bixiyay in talaabo laga qaado ciddii lagu qabto hub. Waxaanu yidhi.”Ciidanka Qaranku wuxuu amar ku qabaa in qofkii qori sita ee ku sugan degaanada Ceel-afweyn ay ka qaadaan talaabo adag, haddii uu ku dagaalamo, qorigana dhigi waayo waxaad amar ku qabtaan inaad madaxa ka toogataan” Masuuliyiinta degmada iyo saraakiil kale oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in cidkasta oo lagu qabto noockasta oo hub ahi ay wajihi doonto talaabo adag, isla markaana waxay bulshada ugu baaqeen in ay nabada ka shaqeeyaan. Kadib maalmo ay xiisadi ka taagnayd magaalada ayaa saaka dagan, iyado ay ciidamada kala duwani amaanka la wareegeen, sidookale masuuliyiinta degmada ayaa shacabka ugu baaqay in ay dib u furaan ganacsiyadooda. Qaran News
  6. WADDANI oo Baaq ka soo Saaray Dirirta Ceel Afweyn iyo Cali-saahid Hargeysa(Qaran news)-Afhayeenka xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi ayaa ugu baaqay colaada joojiyaan dadka walaalaha ah ee shaqaaqooyinku ku dhexmareen degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag iyo deegaanka Cali-saahid ee gobolka Togdheer. “Waxaan ugu baaqayna dadka deegaannada Cali Saahid iyo Ceel-afweyn in Illaahay ka cabsadaan oo joojiyaan dhiiggooda daadanaya,” ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi. Waxa kaloo afhayeenkaasi u soo jeeday beelahaas walaalaha ah in ay walaalnimo iyo nabadgelyo ku dhammaystaan oo ka walaaloobaan colaada ka dhex dhacday iyagoo ah dad wada dhashay oo inan iyo abtigii ah oo Alle bogcad ku wada uumay. Sidoo kale waxa afhayeenka WADDANI ku dhaliilay xukuumadda in aanay ciidan kala dhexgala geynin Ceel afweyn iyo Cali-saahidba. Xukuumadda Somaliland ayaa maanta sheegtay inay ciidan u dirtay deegaannadaas. Qaran News
  7. Suldaan Madaxweynaha ugu Baaqay inuu Fuliyo Qoddobadii Doorashada ee loo xilsaaray Hargeysa-Suldaan Maxamuud Qabile ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu dhinaciisa fuliyo qaraarkii waxgaradka beesha bariga Burco soo saartay. Suldaanku wuxuu sheegay inay maanta soo gabogabeeyeen qorshihii buurta Gacan-libaax lagaga soo dejinayay dhallinyaradii jabhada samaysay.wuxuuna intaas ku daray inay maanta aqbaleen oo la kala diray inamadii ugu dambeeyay ee jabhadaasi baaqig ka sii ahaa. Sidoo kale Suldaan Maxamuud Qabile wuxuu sheegay in baabuurtii ugu dambaysay ee dhallinyaradaasi haysatayna ay wareejiyeen. Suldaanku wuxuu sheegay waxa kaliya ee beesha West Burco Clan kh hadhay ay tahay magtii lagu xukumay ee ciidanka taasina ay dhinacooda diyaar ka tahay, waxase uu madaxweyne Muuse ugu baaqay in dhinaciisa la soo eegayo oo uu fuliyo qidobbadii xhinaca doorashada la xidhiidhay, si dalku baylahdiisa u qabsado. Waxa kaloo suldaankaasi uu guddidii dhexdhexaadinta ku amaanay sida wax ku oolka ah ee ay u garnaqeen iyo siday u dabo socdaan fulinta go’aamadii ay soo saareen. Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe iyo xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay isku hayaan mucaaradka iyo Laftagareen. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ay hareero taagan yihiin musharixiinta kale ee Koonfur Galbeed ayaa sharraxaad ka bixiyay kulankooda iyo waxyaabaha looga hadlay, maadaama uu ku soo aaday xilli xasaasi ah. Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in Sheekh Aadan Madoobe ay kala hadleen heshiiskii uu garwadeenka ka ahaa ee ay Baydhabo kula gaareen madaxweynaha hadda talada haya ee Koonfur Galbeed iyo sidii loo dhaqan-gelin lahaa, maadaama la joogo xilligii doorashada. ‘Waxaan maanta guddoomiyaha u sheegnay heshiiskii ay isaga iyo madaxweynaha ay garwadeenka ka ahaayeen Baydhabo ee 4 Febraayo la gaaray farsamadii iyo tabtii lagu fulin lahaa, meel fiicana waan isla soo dhignay” ayuu yiri guddoomiye hore Jawaari. Rugcadaa siyaasadeed Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sidoo kale xusay inay iyagu diyaar garoobeen, ayna Baydhaba aadayaan bisha soo socota, si doorasho loo qabto. “Waxaan rajeynaa in bisha October 5-teeda aan aadno Baydhaba, si loo fuliyo heshiiskii aanu ka gaarnay doorashada” ayuu sii raaciyay. Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxa aan rabno waa nabad-gelyo, doorasho xor ah, xalaal ah oo shacbiga gacantooda wax ku dooranayaan inay dhacdo”. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo isugu deegaankan kasoo jeeda ayaa horay u dhigay gogosha dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Baydhaba, balse arrinta ayaa u muuqata mid soo cusboonaatay, maadaama la gaaray waqtigii lagu heshiiyay in la bilaabo doorashooyinka. Si kastaba, madaxweyne Laftagareen ayaa lagu eedeynayaa cabuur siyaasadeed iyo caga jiid ku aadan hore u socodka doorashada guud ee hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya. The post Daawo: Maxaa kasoo baxay kulankii Aadan Madoobe iyo mucaaradka K/Galbeed? appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta isku shaandhayn ku sameeyay golaha wasiirada Jubaland. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyay isku shaandhaynta golaha xukuumadda Jubaland. Madaxweynaha Jubaland ayaa magacaabay sagaal wasiir, lix wasiir ku xigeen iyo hal wasiiru-dowle, sida ay muujinayso wareegtada ka soo baxday xafiiskiisa. Wasiirarada la magacaabay waxaa kamid ah warfaafinta, Kalluumeysiga, hawlaha guud, caddaaladda, gargaarka iyo sidoo kale ganacsiga. Halkaan ka akhriso isku shaandhaynta PUNTLAND POST The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo isku shaandhayn ku sameeyay golaha wasiirada Jubaland appeared first on Puntland Post.
  10. Las Anod (HOL) - The Executive Council of the SSC-Khatumo administration has unanimously given a vote of confidence to the recently appointed secretaries of the Executive Council during a meeting held in Las Anod on Monday. Source: Hiiraan Online
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Mdoobe) oo maanta soo saaray wareegto ayaa isku shaandheyn ballaaran oo lama filaan ah ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada. Wareegtadan oo ay shaacisay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale madaxweynuhu ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya golaha Wasiirada. Sababta ugu weyn ee uu isbeddalkan u sameeyay madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto sidii loo heli lahaa xukuumad tayo leh oo u adeegta shacabka. Tallaabada uu maanta qaaday Axmed Madoobe ayaa waxaa sidoo kale saameysay illaa 9 wasaaradood oo ay gaartay isku shaandheynta, kuwaas oo kala ah:- 1-Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta waxaa loo magacaabay Cabdiwahaab Axmed Ismaaciil. 2-Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda waxaa loo magacaabay Saleebaan Maxamed Maxamuud 3-Wasiirka isgaarsiinta, boostada iyo teknololjiyadda waxaa loo magacaabay Mascuud Cabdullaahi Axmed. 4-Wasiirka ganacsiga iyo warashadaha Jubbaland waxaa loo magacaabay Ibraahim Xasan Cabdi. 5-Wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Jubbaland waxaa loo magacaabay Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar. 6-Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarahawaxaa loo magacaabay Cabdirashiid Cabdiraxmaan Caamir. 7-Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud. 8-Wasiirka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga waxaa loo magacaabay Axmed Xasan Cumar. 9-Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha dastuurka waxaa loo magacaabay Cabdiweli Xuseen Jaamac Sidoo kale isku shaandheyntan ayaa saameysay wasiir ku xigeenada illaa 6 wasaaradood iyo hal wasiir dowle oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland. The post Axmed Madoobe oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada appeared first on Caasimada Online.
  12. Nin loo arko inuu yahay Aabaha mashiinnada caqliga macmalka leh (AI) ayaa isaga tegay shaqadiisa, isagoo ka digay khatarta sii kordheysa ee horumarrada laga gaarayo aaladaha casriga ah ee Technologyadu ay hormuudka u tahay. Geoffrey Hinton, oo 75 jir ah, ayaa warqad uu u diray New York Times ku dhawaaqay inuu ka tagay shirkadda Google, isagoo sheegay inuu haatan ka shallaynayo shaqadiisa, isaga oo leh “Haatan, nagama caqli badna inta aan sheegi karo. Balse mar dhow laga yaabee.” Dr. Hinton ayaa sidoo kale garwaaqsaday in da’diisa ay door ku leedahay go’aanka uu shaqada kaga tagay shirkadda, “Waxaan ahay 75 jir, marka waa waqtigii aan howlgab noqon lahaa.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay isaga oo hadlayay. Baaritaannada daraaseynta qotada dheer iyo sida ay aaladahan u shaqeeyaan ayaa waddada u xaaray hannaanka mashiinnada macmalka ee haatan la isticmnaalo, kuwaas oo sanad walba lasoo kordhinayo iyaga oo taho wanaagsan. Balse ninkan cilmu-nafsiga ku takhasusay ahna saynisyahan kumbiyuutar, una dhashay dalka Britain ayaa BBC u sheegay in mashiinnadaan ay dhowaan la wareegi doonaan heerka warbixin ee ay maskaxda bani’aadamku keydin karto. Dr. ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Haatan, waxaan arkeyno waa waxyaabaha sida GPT-4 ay uga aqoon badiso qofka. Marka la eego dhanka sababeynta, sidaasi uma fiicno, balse haatanba xoogaa sababeyn ah ayay sameysaa”. “Marka la eego heerka horumarka, waxaan fileynaa inay arrimuhu dhaqsi isu beddelaan. Marka waxaan u baahannahay inaan taas ka walwalno.” Maqaalka lagu qoray New York Times, Dr Hinton wuxuu tilmaamay “dad xun” oo mashiinnadan u adeegsan doona “waxyaabo xun, markii laga codsaday inuu arrintan iftiimiyo, wuuxu ku jawaabay: “Tani waa waxa ugu xun ee dhici kara. “Waad qiyaasi kartaa, tusaale ahaan, dad xun sida [Madaxweynaha Ruushka Vladimir] Putin ayaa go’aansaday inuu mashiinnada macmalka ah siiyo awoodda ay ugu sameeyaan hadafyadooda hoose.” Ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa. Saynisyahanka ayaa ka digay in tani ay muddada dheer abuuri karto “abuur hadafyada hoose sida, waxaan u baahanahay inaan helo awood dheeraad ah, waxaan ogaaday in mashiinnada macmalka ee aan soo saareyno inay aad uga duwan yihiin kuwa aan heysanno. Hadalka ksoo baxay Dr Haatan ayaa kusoo aadaya xilli adduunku dadaal badan ugu jiro in Mishiinnada macmalka ah ay qabtaan shaqooyinka aadana, kuwaas oo lagu tilaamo in ay howgab ka dhigayaan aadanihii abuuray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan oo haatan ku sugan deeganka Teedaan ee gobolkaasi ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib qaraxii ka dhacay Beledweyne. Cali Jayte oo ka qayb-galay kulan loogu duceynayay dhammaan dadkii ku geeriyooday xoreynta gobolka Hiiraan ayaa iclaamiyay dagaal horleh oo ka dhan ah Al-Shabaab. Ninkan oo hadda hoggaaminayo ciidamo Macawiisley ah ayaa wacad ku maray inuu u aargudi doono shacabkii lagu laayay Beledweyne, isla-markaana uu ka dhabeyn doono go’aankiisa cusub. “Aniga qof Shabaab dilo inaan u tacsiyadeeyo mar hore ayaan go’aan ka gaaray, waan u aar guda mahe, hadana waxaa igu balan ah inaan u aar gudo dadkii shalay ay ku laayeen qaraxii Baledweyne” ayuu yiri Cali Jayte Cismaan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay suurad xumeynayaan Diinteena, balse loo baahan yahay in la’iska dhiciyo oo meel looga soo wada jeesto. “Al-Shabaab waa Diin ku dheel oo Diin ayay dadka nacsiyeen waxan arkay oo diyaarad isla raacnay Aabe labadiisa wiil Shabaab ka raaceen oo kasoo watay, markasuu igu yiri hada Tv ayaa guriga u yaal cajalado Music ah ayaan u shida weyna ku cayaaran Alx, bal arag heerka aabahiisa ay garsiiyeen kooxda arxanlawayaasha ah sidas ayay Diinta u dhibaateynayaan ee aan la dagaalno” ayuu yiri mar kale yiri guddoomiyihii hore ee Hiiraan. Waxaa kale oo ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay ka dhiidhiyaan ficillada gurracan ee kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ku biiraan dagaalka hadda socda. Guddoomiyihii hore ee Hiiraan oo dhawaan wada-hadal la galay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu qanciyay inuu kusoo laabto dagaalka, halkaasna uu ka wado halganka. Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay Al-Shabaab, waxaana weli ka socda gulufka dagaal ka dhan ah kooxda, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo dadka deegaanka. The post Cali Jayte oo ku dhawaaqay go’aan culus kadib qarixii Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  14. The breakaway region of Somaliland said it has no plans to discuss unity with Somalia, appearing to contradict Ugandan President Yoweri Museveni who said he would act as a “unification mediator” between the two governments. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray digniin culus oo ku socota shacabka Soomaaliyeed, taas oo ku aadan fatahaado iyo daadad laga yaabo inay ka dhashaan roob ka badan kuwii la filayey ee xilliga dayrta. Digniintan ayaa waxaa soo saartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan dabeylaha laga cabsi qabo inay ku dhuftaan dalka, taas oo keeyntay isbadalka cimilada ee El-Nino. Agaasimaha Xarunta Qaran ee ka digista halis wadareedka ee Hay’adda SoDMA, Khadar Sheekh Maxamed Nuur ayaa shir jaraa’id u qabta warbaahinta ayaa sheegay inay isa soo tarayaan warbixinada ku aadan dabeylahaasi, taas oo sii xoojineysa cabsida hadda jirta. “Waxaa isa soo taraaya xaaladdan la yiraahdo El-Nino oo micnaheedu yahay qoyaan tiro badan oo xilli roobaadka dayrta ah sii murjinaaya, sida ay saadaashu sheegeyso xittaa laga filaayo meelaha wabiyada fatahaad gaarta iyo dalka oo dhan” ayuu yiri Khadar Sheekh. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in digiintaan ay qaataan dadka Soomaaliyeed, isla-markaana ay ka fakiraan xaaladda haatan la saadaalinayo. “Warbixinada aan heleyno waxay noo sheegayaan in hubaashu ay tahay 95% in suurtagal ay tahay inay xaaladdaasi dhacdo, sidaas daraadeed digniintaan haloo qaato mid muhiim ah, dadkana hala gaarsiiro” ayuu mar kale shirka jaraa’id ku yiri Khadar Sheekh Maxamed. Waxa uu intaasi ku daray in roobabka ay bilaaban karaan bisha soo socota ee October, isla-markaana ay di’i doonaan saacado ka badan kuwii hore ama maalmo xiriir ah. Shacabka ayuu ugu baaqay inay ka dheeraadaan xeebaha, meelaha ay ku yaalla wabiyada ama togaga ay biyaha isugu tegaan, si aysan waxyeelo halis ah uga soo gaarin. “Sidaas darteed bulshada waxaan rabnaa inay ka feejignaato oo ay goor hore ka sahan dayato tusaale ahaan meelaha wabiyada agagaarkeeda bulshooyinka dagan, waxaan rajeyneynaa in wadiiqooyinkii ay mari lahaayeen oo badbaadada ahaa aynu u tilmaamno, waxaana rabnaa inay had iyo jeer la socdaan Idaacadaha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Horay digniintan mid lamid ah waxaa usoo ssaartay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oosheegtay in ay halis ka dhalan karto duufaanta ElNino oo la sheegay inay kusoo wajahan tahay meelo badan oo kamid ah dalka. Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha saadaasha waxa ay horaynu sheegeen in degaanada dhaca xeebaha Soomaaliya ay kusoo wajahan yihiin roobab duufaano wata, kuwaas oo ay sheegeen inay gaysan kara waxyeelo aad u ballaaaran, haddii aan laga diyaar garoobin. The post Daawo: DF oo digniin culus kasoo saartay halis kusoo socota Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  16. Baanka Dhexe oo ka Gubtay Qiime Dhaca Shilinka Somaliland ee uu ka Hadlay Aqoon-yahan Ismaaciil Axmed Hargeysa(Qaran news)-Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay inay sharciga la tiigsanayaan mulkiilaha shirkadda Worldremit, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu aflagaadeeyay madaxda baanka isla markaana uu warar borobagaando ah ka baahiyay suuqyada dhaqaalaha Somaliland. War saxaafadeed ka soo baxay baanka oo warbaahinta dawladdu ay faafisay ayaa lagu sheegay in bangiga dhexe uu sannadihii la soo dhaafay uu kor u qaaday qiimaha shilinka Somaliland Boqolkiiba 23. Waxase ay qireen in uu kor u kacay sarifka lacagaha qalaad Boqolkiiba saddex, taasi oo ay ku tilmaameen mid aad u sahlan marka loo eego dalalka jaarka. Baanku wuxuu ku eedeeyay in Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha Worldremit uu caadaystay aflagaadeynta hay’adaha dhaqaalaha. Baanku wuxuu intaas ku daray in Ismaaciil Axmed uu sannadkii 2018 ay ruqsad siiyeen shirkadda Worldremit, hase ahaatee uu ruqsadii dib iskaga soo celiyay sannadkii 2022kii, sidaas darteed aanu xafiis iyo shaqaale midna ku lahayn Somaliland. Ismaaciil Axmed wuxuu habeen hore maqaal dheer oo aqooni ka muuqatay ka qoray muruga sarif bararka iyo kaalinta hoosaysa ee baanku ku xakamayn lahaa qiime dhaca shilinka Somaliland. HALKAN KA AKHRISO MAQAALKA UU BAANKU KA GUBTAY EE UU AQOONYAHANKU UU QORAY Qaran News
  17. WAR-SAXAAFADEED: Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Colaada Ceel Afweyn Hargeysa(Qaran news) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka xun tahay xaaladda nabadgelyo darro ee ku soo noqnoqotay Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag. Xukuumaddu waxay dedaal iyo tacab badan ku bixisay dhamaystirka iyo soo afjarida colaadda u dhexaysa Beelaha Walaalaha ah, iyada oo Xukuumaddu adeegsatay Waxgaradka Somaliland, sida Culima’udiinka, Madax-dhaqameed iyo waxgaradka kale. Xukuumaddu waxay tacsi u diraysaa intii ku dhimatay Colaadda Ceel-afweyn, intii ku dhaawacantayna waxay Xukuumaddu u rajaynaysaa caafimaad. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo gudanaysa masuuliyadeeda ka saaran ilaalinta nabadgelyada iyo badbaadinta dhiiga shacabkeeda waxay geysay Degmada Ceel-afweyn Ciidamo Xoogan oo mid ah Ciidanka Qaranka, waxayna ka qaadayaan Ciidamadu tallaabo adag oo aanay mahadin doonin kuwa caadaystay dhiiga iyo fidnada joogtada ah, iyagoo Ciidamadu bilaabay waajibkoodii ka saarna amniga. waxay aamisantahay Xukuumaddu in colaadda Ceel-afweyn ay tahay boog xun oo ku taalla Jamhuuriyadda Somaliland, waana waajib in aan soo afkarno boogtaa Qarankeena ku taalla. Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Guddida Nabadgalyada ee Gobolka iyo Ciidamada Booliska ayaa qayb ka ah hawlgalka Nabadgalyo ee ka socda degaanka Ceel-afweyn. Waxaa kale oo Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland amar u qabaan in ay tallaabo adag ka qaadaan qofkasta oo lagu arko hub iyo gaadiid, waxayna Ciidamadu ka gudanayaan waajibaadkooda Qaran. Waxaanu ugu baaqaynaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay Ciidamada kala shaqeeyaan arrimaha Nabadgalyada, gacanna ku siiyaan sidii sharciga loo horkeeni lahaa cidkasta oo isku dayda in ay waxyeesho amniga guud ee dalka. Qaran News
  18. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka,munaasabadan ayaa ka dhacday Gobolka Minnesota ayuu Ra’iisul wasaaruhu warbixin ka siiyey qurbejoogta Soomaalida ee ku nool dalka Maraykanka. Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Jaaliyadda Dalka Maraykan wuxuu ku ammaaanay sida ay door muhiim ah uga qaataan dib u Dhiska dalka iyo sida ay uga hormar uga sameeyeen arrimaha Siyaasadda,caafimaadka,Ganacsiga & wax Barashada, isaga oo kula dardaarmay inay isgarab taagnaad marwalba. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in dowladdu ahmiyadda koowaad siisay dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo sidii dalka looga saari lahaa ,isagoo Jaaliyadda ka codsaday in ay dowladda ku garab siiyaan sida ay dalka uga xorraynayo, kaas oo laga gaaray guulo la taaban karo muddo sanad ah uu socdo. Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa Jaaliyadda war-bixin ka siiyey dayn cafinta & meesha ay marayso isagoo sheegay guulo wax ku ool ah laga gaaray, waxaana uu soo hadal gaaday warbixintii dhowaan kasoo baxday hey’adda lacagta Adduunka IMF ee lagu sheegay guulaha laga gaaray Deyn cafinta. Ugu Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowlanimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood oo kala ah Al-shabaab, Qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa, isagoo ugu baaqay Soomaalida Mareykanka inay qaybtooda ka qaataan halganka dalka looga xoreynayo Al-shabaab oo meelo adag maraya xilligaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho ( Faallo) — Toddobaadkii hore waxaa soo ifbaxday in khariidad ku sawiran buug loogu talagalay ardayda dugsiga Puntland ay fidinayso aragtida goosasho-doonka. Khariidad maamulka Hargeysa isticmaalo si uu ugu dodo in Somaliland dal go’ay tahay bay ardaydu akhrisanayeen ugu yaraan labo sanad-dugsiyeed. La yaab ma ahaan lahayd haddii buugga loogu talagali lahaa dugsiyo ku yaalla meelaha maamulka Somaliland ka taliyo si carruurta loogu ababiyo in Soomaaliya kala go’day. Khariidadda lagu soo sawiray buug ardayda Puntland wax ka bartaan Xafiiskii Manaajitka ee dowlkaddii kacaanka wuxuu lahaa guddiyo xirfadlayaal ah oo oo ku xeeldheer maddooyinka ardayda la barayo. Shaqadoodu waxay ahayd inay hubiyaan waxa buugagga lagu soo qorayo. Fiiro gaar ah waxaa loo lalaa maddooyinka cilmiga bulshada sida taariikhda iyo juqraafiga. Puntland sida muuqata ma laha guddi u qaaabilsan manaahijta oo hubiya waxa lagu qorayo buugagga ardaydu wax ka baran doonaan. Taageerayaasha goosasho-doonku waxay ilduufka xilkasnimo-darrada ah ee Puntland u arkeen fursad ay ku soo bandhigaan doodda ah: “Puntland ayaaba oggol xudduudihii gumeysigu ka tagay oo waliba u dhigta ardaydooda.” Immisa buug oo noocaas oo kale ayaa ka mid ah manhajka Puntland? In dowladda Puntland joojisay buugga khariiddada marinhabaabinta ah lagu soo sawiray kuma filna. In baaris iyo dib-u-eegis madaxbannaan lagu sameeyo manhajka Puntland ayaa loo baahan yahay. Ma aha shaqo ay dowladda Punland kaliya qaban karto. Waa in guddiga la magacaabo aysan dowladda jirta oo kaliya xubnahiisa soo magacaabin. Dhaqandoorin Buugga Ingiriiska fasalka lixaad ee dugsiyada Somaliland waxaa ku jira daanyeer loo bixiyay Maxamed Maamulka Somaliland qudhiisu wuxuu soo saaray buugag meel ka dhac ku ah diinta, sida dad badan ay qabaan. Buugga af Ingiriiska ee fasalka lixaad ee dugsiga hoose cutubka seddexaad (“Good and Bad”) waxaa ku jira daanyeer loo bixiyay Maxamed.”Do you remember Mohamed? Mohamed is a monkey.” ( Miyaad xusuusataaa Maxamed? Maxamed waa daanyeer) ayaa ku qoran casharka. Dalalka dadku diinta Masiixiga haystaan ma dhici karto in daanyeer loo bixiyo Jesus “Nabi Ciise”. Waxaa la dhowrayaa dareenka dadka diintaas aamminsan. Somaliland, sida Puntland, ma laha guddi hubiya in la dhowro anshaxa buug daabicista gaar ahaan buugag loogu talagalay carruur. Waa arrin aysan ku baraarugsanayn dadka maamula dugsiyada Hargeysa. Way suurtowdaa in buuggaas mid la mid ah uu ka mid yahay manhajka Puntland ama manaahijta gobollada kale ee Soomaaliya. Ma aha arrin Soomaalidu dhayalsan karto in manaahijta dugsiyadu noqdaan mashruuc hay’do samafal ah iyo shirkado gaar loo leeyahay oo aan lala xisaabtami karin soo diyaariyaan. © Puntland Post, 2023 The post Yaa hubiya tayada buugagga loogu talagalay dugsiyada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya heerka shaqo la’aanta waa xad dhaaf, xilli la sheego in dadka waddanka ay 75% dhalinyaro yihiin. Dowladdihii iskaga dambeeyay xukunka dalka tan iyo shirkii Carta ee 2020 kuma guuleysan inay hindisaan shaqooyin najaxa oo dhima baagamuudada baahsan ee dhalinyarada iyo saboolnimada sida weyn u saameysay dadka Soomaaliyeed. Markii aad tahay waddan haysta dhalinyaro sidaas u badan oo haddana baagamuunda, bayacmushtarkiisuna ay shaqooyinka ku bixiyaan dariiq beeleysan tiiyo ay tacliintu hooseyso waxaa aad u sahlan in dalkaaga uu noqdo hoyga calooshood u shaqeystayaasha. Mashruuca argagixisada ee yaallay Soomaaliya 15-kii sano ee lasoo dhaafay, kaasi oo ka yimid dalka Koonfurta dhexe ee Eeshiya ku yaalla ee Afghanistan, wuxuu halaagay kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo iyaguna sabab u noqday dhimashada tobanaan kun oo shacab, madax iyo ciidan iskugu jira. Kooxda waxay inta ugu badan dhalinyarada ugu faa’iideysata daruufaha shaqo la’aanta ee ka jira dalka. Inta ugu badan xubnaha kooxda ee lasoo qabtay markay ka sheekeysanayaan sidii ay ugu biireen iyo nuuca heshiisyada lala galay waxaad fahmeysaa inay uga faa’iideysteen daruufta shaqo la’aanta. Inta ugu badan dhalinyaradaas waxay kusoo xera-geliyeen inay siinayaan mushaar u dhaxeeya boqol illaa laba boqol oo dollar iyo inay u qabanayaan shaqooyin aad u yaryar, kadibna dambiyo waaweyn ayay gacanta u galiyaan si qofkaas uu dookha uga lumo oo ugu qasbanaado inuu iyaga daacad ugu noqdo, illaa marka dambe ay gaarsiiyaan inuu si buuxda ugu qanco fikirkooda, kaas oo gunaanadkiina qofkaas dhalinyarada ah gaarsiiya inay ku qanciyaan inuu isdilo oo uu naftiisa qarax ku xiro ragga fikirka wataana ay sii noolaadan. Waa qof dhalinyaro ah oo markii hore daruufta shaqo la’aanta looga faa’iideystay markii labaadna dambiile laga dhigay oo ehelkiisa, saaxiibadiis iyo bulshadii caadiga aheyd laga fogeeyay, marka saddexaadna cilmi loo sheegtay oo lagu yiri dariiqa saxda ah waa inaad adigu dhimataa inaguna aan sii jirnaa. Gabadha aan warbixinta aan kusoo qaadaneyno ayaa waxaa lagu magacaaba Xaawo, waxay sheegtay inay la shaqeynaysay kooxaha argagixisada. Waxay maxkamadda ciidamada ee dowladda Soomaaliya ka hor sheegtay inay u hayn jirtay hubka, meeshii ay keen yiraahdana ay ugu geyn jirtay iyaga oo bishii siinaya lacag boqol dollar ah. Gabadhan oo sheegtay in Sacuudiga laga soo tarxiilay iyada oo shaqeysanaysa waxay u muuqata inay baratay shaqo iyo lacag helid tiina ay weysay, iyaguna ay u muujiyeen fursad ay bishii lacag ku heli karto. Inkasta oo ay tahay dambi in loo shaqeeyo kooxaha argagixisada haddana waxaad halkan ka fahmaysa sida kooxda ay uga faa’iideysaneyso shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed, kadibna ay gacmaha ugu galineyso dambiyo waaweyn illaa marka ugu dambeysa ku qanciyaan mashruuc la yidhaahdo naftaada jar. The post Sidee shaqo la’aanta ka jirta Soomaaliya ay Al-Shabaab fursad ugu noqotay? appeared first on Caasimada Online.
  21. Xilli dhowaan Madaweynaha Uganda Yoweri Museveni uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo Soomaliya iyo Somaliland ayaa waxaa arrintaan ka jawaabtay Somaliland oo sheegay nuuca uu noqonayo wadahadallada ay la galayso dowladda federalka Somaliya. Madaxweynaha wadanka Uganda oo qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayaa ku sheegay in labada dhinac ay wajahayaan caqabado isku mid ah, ayna u baahan yihiin inay midoobaan, taas oo keeni karta in caqabadahaas wadajir loo xaliyo sida uu hadalka u dhigay. “Dadku waxay la kulmayaan caqabado isku mid ah iyadoon loo eegayn midab iyo diin; sidaa darteed waa inay qaataan siyaasadda danta, oo ka muhiimsan siyaasadda aqoonsiga,” ayuu ku yiri qoralkiisa madaxweynaha Uganda Museveni uu soo uu soo dhigay bartiisa X (Twitter) Qoraalka Museveni ayaa waxaa xigay bayaan kasoo baxay wasaraadda arrimaha dibedda Somaliland oo lagu sheegay inaysan wax qorshe ah ka laheyn wada-hadallo ku saabsan dib ula midoobidda Soomaaliya, xilli dhowaan sariif ay u magacawday Somaliland Uganda. “Xukuumadda Somaliland waxay caddeyneysaa in wada-hadal kasta oo Somaliland iyo Soomaaliya u furma aanay ka wada-hadli doonin midow, balse ay ku saabsanaan doonaan sidii labadaii waddan ee hore u midaysnaa ay horey ugu dhaqaaqi lahaayeen si kala gooni “ ayaa lagu yiri bayaanka. Bayaaka ayaa kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo waxaa lagu yiri” “Sidaas darteed, Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar labaad u xaqiijineysaa Midowga Afrika iyo beesha caalamka inteeda kaleba in aanay qorshaha ugu jirin wada-hadal ku saabsan midnimada Soomaaliya.” Hadalkaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli mas’uuliyiin kala socda labada dhinac ay ku sugan yihiin Somaliland, xilli madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud uu halkaas kulan kula qaatay wasiirka Difaaca Mareykanka Lloyd Austin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Minneapolis (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaara Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa si weyn ugu dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kumanaan kun oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ah. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa munaasabad ballaaran oo ay qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka, hadal uu ka jeediyay waxa uu kaga warramay xaaladda guud ee dalka. Mudane Xamza ayaa si gaar u dul istaagay horumarka ay dowladdu ku tallaabsatay ee dhinacyadda amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo samafalka. Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlanimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood oo kala ah Khawaarijta Al-Shabaab, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa, isaga oo ugu baaqay Soomaalida Mareykanka inay qaybtooda ka qaataan halganka dalka looga xoreynayo cadowga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada New York oo uga qeyb-galay kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo sanadkan si gaar ah loogu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee ay dejisay Qaramada Midoobay. Mudane Xamza ayaa intii uu ku sugnaa New York la kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Madaxweynaha Mareykanka kala hadlay sidii cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa. Mudane Xamza ayaa Joe Biden u sharaxay si ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay muhiim ugu tahay inay helaan hub casri ah oo ay kaga adkaa karaan argagixisada, sidoo kalena ay ugu difaacaan dalka, maadaama ay dhawaan la wareegayaan guud ahaan amniga dalka. Waxaa kale oo ay ka wada-hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gaba-gabada maraya, si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale. The post Sawirro: R/W Xamza oo si weyn loogu soo dhaweeyay Minneapolis appeared first on Caasimada Online.
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo safar aan la shaacin ku jooga dalka Jabuuti ayaa halkaas kula kulmay wasiirka difaaca dowladda Maraykanka Lloyd Austin, iyaga oo ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka. Kulanka madaxweynaha iyo xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka ayaa imanaya iyadoo ciidanka dowladda ay dagaal xooggan kula jiraan Al-shabaab, kana dalbanaya caalamka taageero ciidan iyo in Soomaaliya laga qaado cuno qabateynta hubka. Ciidanka dowladda ayaa Al-shabaab ka saaray degmooyin iyo deegaano badan oo ka mid ah maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, marka la eego in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanku ay gaareen magaalooyin qadiimi ah oo dhaca labada maamul. Lloyd Austin ayaa dhankiisa qiray guulaha ciidanka Soomaaliya iyo xoogagga deegaanka ay ka gaareen dagaalka, waxaana uu tilmaamay in dowladda Maraykanka ,Jabuuti iyo Midowga Afrika ay taageerayaan dowladda Soomaaliya si loo guuleysto. “Ciidanka Dowladda Soomaaliya waxay horumar balaaran ka sameeyeen dagaalka argagixisada Al-shabaab, inkastoo aragagixisada ay dad ka soo askareynayaan deegaanada aysan cidina xukuminin.” Ayuu yiri wasiirka difaaca Lloyd Austin. Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiekh kadib waxay dowladda Soomaaliya bilowda guluf dalka looga saarayo Al-shabaab, waxayna la timid qorshe saddex dhinacle ah oo ay Al-shabaab kula dagaaleyso, cunaqabateyn maaliyadeed, cudud dagaal, iyo ka hortaga fikirka xagjirnimada. Wasiirka Difaaca Mareykanka oo sii hadlaya ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in ay sameeyeen ciidaanka dowladda horumar baahsan sanadkii la soo dhaafay oo ka badan kii shanti sano ee ka horeysay ay sameeyeen.”ayuu hadalkiisa sii raaciyey mar uu ka hadlayay warbaahinta Djibuti. Lloyd Austin ayaa intaas ku daray sida madaxweynaha Soomaaliya ay kaga go’an tahay dagaalka Al-shabaab waxa uuna yiri “Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu rabaa in uu sameeyo wax walba oo awoodiisa ah si uu u joogteeyo guusha la gaaray.” Kulanka dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Shiikh Maxamuud iyo wasiirka difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu saldhig ka dhigtay Dhuusamreeb si uu u dhameystiro hawlgalka “Libaaxa Madow” wajigiisa koowaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com