-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Agaasimaha waaxda ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Axmed Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay in ay wadaan siyaasad lagu yareynayo waxyaabaha dalka looga keeno dibedda, kuwaas oo hoos u dhigay hamiga beeralayda Soomaaliyeed. Agaasimaha oo u warramayay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in waayadii hore uu dhaqaalaha Soomaaliya intiisa badan ku tiirsanaa waxyaabaha dalka laga helo gaar ahaan beeraha, kallumeysiga, dalxiiska IWM, haatanna ay doonayaan in ay soo celiyaan dhiirri gelinta wax soo saarka gudaha. Waxaana uu tilmamay in ay doonayaan in hoos loo dhigo dalagyada lamidka ah kuwa dalka kaoo go’a ee dibadda laga soo dhoofiyo, kaas oo niyadjab ku keenay beeralayda “Waxan wadnaa siyaasad lagu yareynayo waxyaabaha dalka loo keeno ganacsi ahaan ee dalkeena laga helo” Agaasime Axmed Sheekh. Agaasimaha ayaa sababta keentay in waxyaabo dalka laga helo mararka qaarkood loo soo dhoofiyo dalka ku macneeyay soo noqnoqoshada abaaraha, fatahaadaha, dagaallada, gaar ahaan bara kicinta ay Al-shabaab ku hayaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada Soomaaliyeed oo kaalin muhiim ah ku jira. Tan iyo markii ay bilaabatay in gudaha dalka ay abaaruhu kusoo laablaabtaan, waxaa hoos u dhac ku yimid beerashada dhulka tiiyoo ay jirto in beeraleey badan oo Soomaaliyeed ay kasoo barakaceen halkii ay wax ku tacban jireen, kuwaas oo hadda deegaansanaya duleedyada magaalooyinka oo lagu caawiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xoghayaha gaashaandhigga Marayankan Lloyd Austin oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay safar shaqo ku marayay Geeska Afrika ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi ee Kenya, halkaas oo labada dowladood ay kula saxiixdeen heshiis lagu sii xoojinayo danaha ay wadaagaan dolwadaha Kenya iyo Maraykanka iyo arrimaha dhanka difaaca ee ka wada dhaxeeya. Wasiirrada Gaashaandhiga ee Maraykanka Lloyd Austin iyo ka Kenya Aden Barre Du’aale ayaa sidoo kale ka wada hadlay dardar gelinta la-dagaallanka kooxaha waxyaabaha uu ku tilmamaay Argagixisada ee Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka, waxaana uu dalbaday in dowladda Mareykanka ay ka gacansiiso dowladdiisa in laga adkaado Al-shabaab. Xoghayaha gaashaandhigga Marayankan Lloyd Austin ayaa safarkiisa kasoo bilaabay dalka Jabuuti, isaga oo halkaas kulan kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Dr. Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, isaga oo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jiro Al-shabaab. Lloyd Austin ayaa sidoo kale waxaa uu booqan doonaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas uu kula kulmi doono madaxda dalkaas iyo mas’uuliyiin kale oo ka socota dalalka Afrika, waxaana uu kala hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhanka amni ee dowladda Mareykanka ay la leedahay dalalka Afrika, kuwaas oo ay taageerto baankood. Safarka Wasiirka Difaaca dalka Mareykanka ayaa imaanaya xilli dad dhowr ah oo ku yaalla Afrika ay la dhibaatoonayaan xasarado iyo musiibooyin dabiici ah, kuwaas oo ka dhashay isbedelka Cimilada, dalka Itoobiya oo safarkiisa kusoo gabagabeynayo ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya dowladda dhexe iyo jamhadda gobolka Amxaarada ka dhisan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ka dhacay deegaano laga difaaco magaalada Baydhabo ee xarynta gobolka Baay. Dagaalkan ayaa yimid kadib markii kooxda Al-Shabaab ay halkaasi ku qaaday galinkii dambe ee shalay weerar madaafiic ku billowday, ayada oo markaas kadib ay xubno ka tirsan kooxda weerar toos ah ku qaadeen. Xubnaha Shabaabka ah ayaa weerarka ku eekeeyay saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanada Wargaduud iyo Xanaano oo ah deegaano dhaca Waqooyiga magaalada Baydhabo. Dagaalka tooska ah ee halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Shabaab ayaa la sheegay inuu qaatay muddo ku dhaw laba saac oo xiriir ah. Si rasmi ah weli looma xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, hase ahaate waxay saraakiisha ciidanka sheegeen in weerarka kooxda ay iska difaaceen. Waxay sheegeen in dagaal-yahaanadii kooxda ee weerarka soo qaaday lagu jabiyay dagaalka, laguna gaarsiiyay khasaare xooggan. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda weerarkaasi iyo dagaalkii xigay ka sheegatay guullo, iyada oo sheegtay inay ku laysay askar badan. Hase yeeshe si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada kooxda. Isku soo wada duubo, dagaalkan ayaa imanaya xilli Koonfur Galbeed ay kamid tahay meelaha weli ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana la qorsheynayo in wejiga labaad ee gulufka socda kooxda looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulkaasi. The post Faah-faahinta dagaal culus oo ka dhacay deegaano hoostaga Baydhabo appeared first on Caasimada Online.
-
Dacwad oogayaasha Ukraine ayaa si rasmi ah dacwad ugu soo oogay laba askari oo Ruush ah oo kufsaday haween Ukrain ah magaalo ku dhow Kyiv toddobaadyadii ugu horreeyay ee duullaanka Ruushku uu ku galay caasimadda dalka Ukrine oo ay ka dhacayeen dagaallo xooggan iyo duqeymo aan kala sooc laheyn oo lal beegsaday. Magacyada Askartaan oo ay da’dooda kala tahay 28-jir iyo 31-jir ayaa la qariyay waxaana la sheegay in ay ahaayeen kuwa wax toogata, balse baarayaasha ayaa sheegay in bishii Maarso ee sannadkii hore ay xoog ku galeen guri dabaq ah, halkaas oo ay ku kufsadeen gabar oo dhallinyaro ah, iyagoo sidoo kale ninkeeda ku qasbay inuu daawado. Ka dib, mid ka mid ah ayaa lagu eedeeyay inuu kufsaday gabadhooda oo afar jir ah. Xaafad dariska la ah ayaa la sheegay in ay ku kufsadeen haweeney uur leh iyo gabar aan qaan gaarin. (Laba dhacdo oo kale ayaa liiska ku jira, sida ay soo gudbiyeen baarayaasha reer Ukrine ee dacwadda geeyay maxkamadda laga dacweeyay askarta falka ku kacday. Labada nin ee wax toogata ama snipers-ka ah ayaa la maxkamadayn doonaa iyagoo maqan.) Dacwad oogayaasha ayaa eegaya wadar ahaan 235 kiis oo kufsi ah tan iyo bilowgii dagaalka, waxaana la rumeysan yahay in ciidankaan falka geystay ay yihiin ciidanka kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee la howlgalayay Milatariga Ruushka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa shir muhiim ah oo ku qabsoomay aaladda foggaan araga waxa uu la yeeshay Mr. Eric Mayer oo ah Ku-xigeenka Kaaliyaha Xogahaya Waaxda Maaliyaadda Mareykanka ee Arrimaha Bariga Dhexe iyo Afrika. Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, qorshayaasha horumarinta kadib marka lagaaro barta kama dambeysta ah ee Deyn Cafinta Soomaaliya iyo taageerada Dowladda oo ay ugu horreyso maalgalinta iyo mashaariicda lagu caawiyo dadka dan yarta ah ee Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo faah-faahin kooban ka bixiyay kadib shrka, ayaa sheegay in uu uga mahadceliyay taageerada joogta ah ee Dowladda Mareykanka oo dhinacyo badan leh, uguna horreyso taageerada dhammaan heerarka laga soo maray barnaamijka deyn cafinta, iyo maalgalinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda. Dowladda Mareykanka waxa ay ka mid tahay Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageero dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, Dowlad wanaagga iyo dib -u – dhiska Hey’addaha muhiimka ah ee Dowladda, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa xilli dhowaan warbixin ay soo saartay IMF lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay gaartay heerka ugu dambeeyo Deyn Cafinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa sheegay in uu maxkamad la tiigsanayo Ismaaciil Axmed oo ah mulkiilaha xawaalada World Remit, kadib markii uu baanka ku eedeeyay in uu masuul ka yahay qiimo dhac ku yimid shillinka Somaliland Ismaaciil ayaa bangiga ku eedeeyay in uu soo daabacay lacago cusub oo Shillinka Somaliland ah, isla markaana uu suuqa kusii daayay lacag elektaronik ah, sidoo kale waxa uu sheegay in bangigu uu joojiyay lacagihii dollarka ahaa ee uu kula tacaali jiray sicir bararka wakhtiyadan oo kale. Waxaanu yidhi ganacsaduhu sida tan: “Qiime dhaca xad-dhaafka ah ee ku yimi shilinka SL waa mid u baahan in ay dawladdu si deg deg ah wax uga qabato, si looga baaqsado burbur dhaqaale. Shilinka suuqa wareegaya oo xaddigiisu ka batay mid suuqu qaadi karo ayaa keenay in qiimihiisu hoos u dhaco. Ka sakow hoos u dhaca dhaqaale ee colaaduhu sababeen, waxa hoos u dhaca qiimaha shilinku ka dhashay: 1. Bangiga Dhexe oo joojiyey tallaabooyinkii lagu xoojin jiray shilinka ee doollarka suuqa lagu gelin jiray. 2. Bangiga Dhexe oo lacago ka badan tii daabacnayd qaab digital ah suuqa u soo geliyey. 3. Bangiga Dhexe oo ku mashquulay lacago kale oo dibadda lagu soo daabacayo, taasi oo hoos u dhigtay kalsoonidii shilinka lagu qabay. 4. Farsamada is-xambaarka ah ee 100-ka doolar la raaciyo lacagta ka yar boqolka marka wax la iibsanayo ayaa aad u soo korodhay, taasi oo keentay in isticmaalka iyo baahida shilinku hoos u dhacdo. Guud ahaan, duruufo adag oo mar qudha isku soo wada beegmay ayaa keenay xaaladda werwerka leh ee ka jirta suuqa sarrifka. Qiime dhacan shilinku waxa uu si gaar ah u dhaawacayaa shaqaalaha dawladda, dadka saboolka ah iyo reer miyiga oo iyaga dakhligoodu yahay shilinka SL. Dadka dakhligoodu yahay doollarka ee hantida leh ama dibadda lacag looga soo diraa way ka madaxbannaan yihiin shilinka SL ee sida qaldan loo maamulo. Waxa khalkhalkan sarrifka si gaar ah uga faa’iiday shirkadaha waaweyn ee gacan saarka la leh Bangiga Dhexe. Waxa aan ku talinayaa: 1. In si degdeg ah Bangiga Dhexe u bilaabo lacagihii doollarka ahaa ee shilinka dheeraadka ah suuqa lagaga soo iibin jiray. 2. In dhawrka malyuun ee doollar ee lacagta cusub lagu soo daabacayo loo isticmaalo in lacagaha dheeraadka ah ee suuqa wareegaya lagu soo iibsado. 3. In la laalo xeer hoosaadka fasaxaya in maamulka Bangiga Dhexe qaataan khidmad 2.5% ah markasta oo ay lacag soo daabacaan oo bangigu “faa’iido” helo. Tani waxay ka mid tahay waxyaabaha dhiirrigeliya lacagaha la daabaco. 4. In la joojiyo lacagaha deymaha ah ee Bangiga Dhexe siiyo hay’adaha dawladda, kuwaas oo badankoodu doolar lagu beddelo marka gaadiid ama qalab lagu iibsado. 5. In la baadho sababta dhalisay iyo cidda fasaxday kala badashada lacagta shilinka ah ee wareegaysa iyo kuwa daabacan. Lacagaha shilinka ah ee daabacan waxa lagu qiyaasaa ilaa $30 malyuun, laakiinse lacagaha wareegayaa aad ayey uga badan yihiin intaa. Ma Bangiga Dhexe oo keliya ayaa arrintan ka masuul ah mise wax kale ayaa jira?” Bangiga Dhexe ee Somaliland oo ka jawaabay eedaha ganacsadaha ayaa ku tilmaamay been abuur iyo wax anay waxba ka jirin, waxayna ganacsadaha ku eedeeyeen in uu caadaystay faafinta warar been abuur ah, isla markaana ay maxkamad la tiigsan doonaan. Baanka dhexe ee Somaliland ayaa sharciga la tiigsanaya Aasaasaha Xawaaladda World Remit. Baanka dhexe ee Somaliland ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi “Baanka dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa isla markaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka. Lixdii sanno ee ugu danbeeyay Baanka Dhexe ee JSL, waxa uu ku guulaystay in uu kor u qaado qiimaha Shillinka JSL 21%, sidoo kale waxa uu joogteeyay xasilinta sicirka sarrifka kaas oo shantii sanno ee ugu danbaysay dul-fadhiyay 8,600 SH SL, iyadda oo Baanka SL ku guulaystay muddadaas dheer in uu maareeyo joogtaynta sicirka Sarrifka, Qarankana kala dabaasho dhamaan culaysyaddii aduunyadda ka dhacay ee saamaynta Togan ku lahaa dhaqaalaha dalka iyo guud ahaan aduunka, Sida xanuunkii COVID-19, Dagaalkii Ukraine, iyo gubashaddii suuqyada Waaheen. Haddaba, Baanka Dhexe waxa uu qirayaa in uu jiro bilihii u dambeeyay kor u kac ku yimid qiimaha lacagta qalaad ee Dollar-ka ah marka loo eego qiimaha Shillin-ka Somaliland, kor u kacaas oo dhan 3% kaas oo sida muuqata ah mid aad u sahlan marka loo eego duruufaha dhaqaale iyo lacageed ee dalka iyo gobolka ama la bar-bar dhigo wadamada aynu jaarka nahay. Haddaba, taariikhdu markay ahayd September 23, 2023, Ismail Ahmed, oo ka mid ah Mulkiilayaasha Shirkadda Worldremit waxa uu siddii caadadda u ahayd ku baahiyay Barta uu Facebook-ga ku leeyahay warar Been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Muddooyinkii ugu danbeeyay Ismail Ahmed waxa uu caadaystay faafinta wararka ku-tiri-ku-teenka ah ee lagu Khalkhal gelinayo deganaanshaha suuqyada maaliyaddeed ee Somaliland kaas oo uu si qayrul masuulnimo ah ugu baahiyo social media-ha. Ismaaciil waxa uu caadaystay in uu maalinba Hay’ad si qaawan u dhaleeceeyo isaga oo danihiisa shakhsiga ah ka duulaya. Baanka Somaliland waxa uu ruqsad siiyay shirkadda Worldremit Somaliland oo uu mulkiilayaasheeda ka mid yahay Ismaaciil Axmed 2018. Shirkadda Worldremit Somaliland waxa ay si iskeed ah iskaga soo celisay ruqsaddii ay haysatay March 2022. Waxa halkaa ku dhamaaday dhamaan shaqooyinkii ay ka haysay guddaha dalka sharciyan. Ismaaciil ma jiro Xafiis uga furan dalka gudihiisa, wax shaqaale ah oo u joogaana ma jiraan wakhtigan Somaliland. Beenaha, Boorabagaandada iyo gefefka uu ku baahiyay barahiisa bulshada Ismaaciil Axmed 23/Sep/2023. Qodobka 1aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in Baanka Somaliland soo geliyay suuqa lacago Digital ah oo ka badan lacagta daabacan’’. Baanka Somaliland waxa uu u cadaynayaa bulshadda JSL, in aanay jirin lacag Digital ah oo uu suuqa soo galiyay haba yaratee. Baanka dhexe ma abuuro lacag Digit ah wakhti xaadirkan, taa badalkeeda waxa uu korjoog teeyaa shirkaddaha bixiya addeega lacagaha elektarooniga ah ee moobiladda la iskugu diro, kuwaas oo si sharciga waafaqsan uga shaqaysta suuqyada dalka. Qodobka 2aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in Baanka Dhexe ku mashquulay lacago dibadda lagu soo daabacayo taasi oo hoos u dhigtay kalsooniddii shilinka lagu qabay’’. Baanka Somaliland waxa uu bulsha weynta Somaliland iyo ganacsatada u cadaynayaa in aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku sii abuurta suuqyada sarifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka. Qodobka 3aad: Ismaaciil Axmed waxa uu qoraalkiisa ku xusay in uu jiro xeer hoosaad fasaxaya in maamulka Baanka Dhexe ka qaataan khidmad 2.5% ah marka lacag la soo daabaco, taas oo dhiiri galisa in lacag lasoo daabaco. Baanka Somaliland waxa uu Bulshadda u bayaaminayaa in aanay jirin lacag hadda la daabacayo sida aanu kor ku xusnay, isla markaana aanay jirin dheef 2.5% ah oo Baanka dhexe ka helo lacagaha lasoo daabaco. Dhinaca kale, Suuqyada Somaliland kama jirto baahi loo soo daabaco lacago cusub oo hada suuqa kusii abuura culays hor leh. Qodobka 4aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku xusay in lacagaha shillinka ah ee daabacan lagu qiyaaso 30 Malyuun laakiin se lacagaha wareegayaa ay aad uga badan yihiin intaa. Baanka dhexe ee JSL waxa uu Bulshada la wadaagayaa in lacagta daabacan ee shillinka Somaliland aanay ahayn lacag u dhiganta 30 Malyuun oo Dollar isla markaana aanay u dhawayn tiraddaa uu mala’awaalka ku soo qoray, mana jirto kala bad-naansho lacagta wareegaysa suuqayadda iyo lacagta cadaanka ahi, nooca ay doonto ha ahaatee. Ismaaciil Axmed oo aan wax ruqsad ah ka haysan Baanka Dhexe ee JSL tan iyo March 2022 waxa uu sifo sharciga baal barsan uga shaqaystaa suuqyada Somaliland. Qaybta Baadhista dambiyada maaliyadeed ee Baanka dhexe ayaa in muda ah ku haysay daba gal dhawaan lasoo af-meeri doono natiijadiisa. Ismaaciil Axmed sida ku cad maqaalkiisa ku taariikhaysan 23/Sep/2023, waxa uu Baanka iyo dalka kula kacay fal dambiyeedadan hoos ku xusan:- 1. Khal-khal galin suuqyada sarifka iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee dalka. 2. Been Abuur ka dhan ah Baanka Dhexe JSL. 3. Boora-bagaando iyo Been abuur ka dhan ah Madaxda Baanka. 4. Khal-khal galin guud ahaan Bulshada iyo gaar ahaan ganacsada dalka. Ugu danbeyn, Baanka dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa isla markaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka. Allah Mahadleh Mukhtaar Cumar Cali Agaasimaha Xidhiidhka Dadweyanaha iyo Arrimaha Dibedda Baanka Dhexe ee JSL” Waxa kale oo uu ganacsaduhu bangiga ku eedeeyay in lacag kasta oo lasoo daabaco uu ku leedahay qadar lacag ah oo ah 2.5% taasina ay ku dhiirigalinayso in uu markasta lacag soo daabacdo, taasi oo uu bangigu ku tilmaamay waxba kama jiraan. Hadaba, Ganacsadaha oo ka jawaabay qoraalka bangiga ayaa sheegay in uu hayo caddaymo muujinaya in Baanka Dhexe ee Somaliland uu soo daabacday lacago cusub, isaga oo bogiisa Facebook ku baahiyay waraaq qaan sheeg ah oo uu ku sheegay in uu bangigu ku dalbaday lacagta. Waxaanu yidhi ganacsade Ismaaciil “Baanka Dhexe qoraal uu kaga jawaabay maqaalkii aan kaga hadlayay qiima-dhaca shilinka SL, waxa uu ku sheegay “In aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku sii abuurta suuqyada sarrifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.” Waxa aan halkan ku soo gudbinayaa qaansheegtii shirkadda lacagta daabacday ay soo dallacday. Waxa ku faahfaahsan qayb ka mid ah lacagaha loo diray shirkaddan oo dhan $1,902,587.10. Iyada oo maanta Baanka Dhexe ku mashquulsan yahay lacagaha la soo daabacayo oo Guddoomiyihii Bangiga Dhexe joogo London, waxa dambi kale ah in beenta cad ee intan le’eg dadka loo sheego. Soddonkii sano ee shilinka SL jirayba waxa aan wax ka qori jiray qiima-dhaca lacagteenna ku imanaysay, taas oo markii la soo daabacay 50-ka shilin lagu sarrifi jiray $1. Aniga oo ka soo horjeeda sida qaldan ee loo maamuli jiray iyo dhibaatada danyarta ka soo gaadha ayaan sidan oo kale uga talo bixin jiray had iyo goor. Waa markii u horreysay ee 30-kaa sano la igu eedeeyo in aan waddanka iyo dhaqaalaha cadow ku ahay. Waxa aan mar kale ku talinayaa in arrintan si degdeg ah wax looga qabto, oo kharashka malaayiinka ah ee lagu bixinayo in lacag cusub lagu soo daabaco loo adeegsado in shilinka kor loogu qaado. Ma aha in aynu la sugno inta arrinku meel xun oo aan laga soo kaban karin gaadhayo.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay go’aanka Midowga Yurub uu ku hakiyay taageerada gargaarka Soomaaliya. Dowladda ka walaacsan in go’aankaas uu uga sii daro karo cunno-yarida ka jirta Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle. “Waa wax si cad noo khuseeya tani, xaaladdu weli waa halis. Ku dhawaad Afar milyan oo muwaadiniinteena ah ayaa wali loo tixgalinayaa in ay cunto yari heyso, iyada oo 20% dadka oo dhan ay hadda barakaceen,” ayuu yiri guddoomiyaha SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle. Waxa uu intaas kusii daray “Ku dhawaad hal milyan oo qof iyo 1.5 milyan oo carruur ah ayaa halis ugu jira nafaqo xumo. Markaa waa xaalad aad u adag guud ahaan.” Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay haata isku diyaarineyso saameynta duufaanta El Niño, oo laga digay inay ku dhufan karto qeybo kamid ah magaalooyinka dhaca xeebaha ee dalka. “Soomaaliya waxaa soo food saartay daadad xooggan oo ku dhawaad barakiciyay hal milyan oo qof, dhibaatooyinka soo socda iyo fatahaadaha ayaa barakicin doona dad intaas ka badan. Ku dhawaad 50% dadku waxay halis ugu jiraan cunto yari waxayna u baahan doonaan gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah.” Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii waxa uu sheegay in go’aanada noocaan ah ay halis galin karto hanaanka ay hadda wax ku socdaan, “Waa arrin halisteeda leh in deeq-bixiyeyaasha iyo beesha caalamka ay go’aansadaan in la hakiyo gargaarka Soomaaliya.” “Go’aannada noocan ah iyo kan himika wuxuu si dhab ah u saameyn doona dadka ugu nugul dalka,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa isaga oo tilmaamay walaaca la xiriira go’aankii Midowga Yurub uu ku hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda cunnada adduunka ee WFP ee gudaha Soomaaliya. Si kastaba, Hakinta Midowga Yurub ayaa la sheegay inay tahay mid kumeel-gaar ah, ayna timid kadib markii baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo ku takrifalka lagu sameeyay gargaarka. The post DF oo walaac ka muujisay saamaynta ka dhalan karta tallaabadi Midowga Yurub appeared first on Caasimada Online.
-
Maraykanka iyo Kenya ayaa magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis dhinaca difaaca ah, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta difaaca labada dal. Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo la dagaalanka argagixisada ee bariga Afrika iyo in taageero loogu muujiyo dedaalada ay Kenya ku doonayso inay ku hoggaamiso hawl-galka dhinaca amniga ee dalka Haiti. Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka Lloyd Austin iyo wasiirka difaaca ee Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya muddo shan sannadood ah. Xoghaye Austin ayaa sheegay in Maraykanku uu uga mahadcelinayo Kenya hoggaaminteeda ku aaddan xallinta duruufaha amniga ee gobolka iyo weliba kuwa caalamka. Sidoo kale, wuxuu ku sheegay in ay kala shaqaynayaan Congresska Maraykanka sidii loo ansixin lahaa lacag dhan illaa $100 milyan oo lagu bixiyo hawlgalka Haiti. PUNTLAND POST The post Maraykanka iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis dhinaca difaaca ah appeared first on Puntland Post.
-
A senator who belongs to the ruling coalition in Kenya has proposed an extension of presidential term limits from the current five to seven years, sparking sharp reactions in the country. Source: Hiiraan Online
-
Somalia's president expressed his deep appreciation to Türkiye on Monday for continuing to support his country’s development, security and humanitarian needs. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi, wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, maamulka gobolka Mudug iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray furimaha hore ee Koonfurta gobolkaasi. Goobahan ay booqdeen wafdiga uu horkcayo wasiir Fiqi ayaa waxaa qorsheyaal dagaal ka wada ciidanka xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo shacabka hubeysan ee ka barbar dagaalamaya ciidamada dowladda. Wafdigan wasiirada ah oo ka koobna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Wasiirka Kalluumeysiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Xasan, La-taliyaha Madaxweynaha Sakariye Xasan Gaashaan, Guddoomiyaha guddiga difaaca Koonfurta gobolka Mudug Sheekh Cabdimanaab Sheekh Maxamed Cismaan, iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdulle Mareexaan. Furimaha Caad ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa ka socda howl-gallo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna masuuliyiinta halkaasi gaartay warbixin ka dhageysteen taliyaha ururka Horseed ee Daraawiishta dowlad-goboleedka Galmudug. Taliye Duraan ayaa masuuliyiinta dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug xog buuxa ka siiyay howl-gallada socda, kuwaasi oo jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo inta badan laga saaray goobihii ay kaga sugnaayeen maamulka. “Nimankii iyaga ahaa si fiican ayaa u gacan saarnay, dhibaatooyin horleh ayaa u geysanay. Aaggii waxaa jooga ciidanka waxaana rajeynaynaa in meelaha ay joogeen intii haraadiga ahaa waa ka howlgaleynaa saacadaha soo socda, kamana hareyno illaa meesha u dambeysa, dhamaan waa u diyaarsan yihiin deegaan hadey tahay iyo ciidamada kala duwan.” Sidoo kale waxa uu rejo wanaag ka muujiyay in toddobaadyada soo socda dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab laga saari doono deegaanada ay weli kaga harsan yihiin dowlad-goboleedka Galmudug. Masuuliyiinta ka socday dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ayaa ugu dambeyntiina si wadajir ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo shacabka hubeysan ugu booriyay guulaha ay ka gaareen dagaalka socda, iyo inay sii dardar-geliyaan howl-gallada Al-Shabaab ka dhanka ah. The post Daawo: Wasiiro ka tirsan DF iyo xildhibaano oo gaaray furinta dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Masar ayaa qaban doonta doorasho madaxweyne oo socon doonta saddex maalmood bisha December, waxaa sidaas Isniintii ku dhawaaqay mas’uuliyiinta, ayada oo la filayo in madaxweyne Cabdiftaxax al-Sissi uu xukunka ku sii joogo illaa 2030. Waleed Hamza, guddoomiyaha Maamulka Doorashooyinka Qaran, ayaa sheegay in cod bixinta ay dhici doonto December 10-12, ayada oo doorashada ku celiska ahna ay dhaceyso Janaayo 8-10, haddii musharaxna aanu helin in ka badan 50% codadka. Waxa uu intaas ku daray in dadka dibedda dalka ku maqan ay codeyn doonaan December 1-3, halka tan ku celiska ahna ay codeyn doonaan 5-7. Siyaasiyiin dhawr ah ayaa durba ku dhawaaqay inay u taagan yihiin qabashada xilka ugu sarreeya dalka, balse midkoodna loolan adag lama geli doono al-Sissi oo xukunka hayey tan 2014, islamarkaana Reer Galbeedka kala kulma dhalleeceyn ku saabsan diiwaanka xuquuqda aadanaha Masar. Al-Sissi, wasiirkii hore ee difaaca, ayaa hoggaamiyey afgmabi xukunka looga turay madaxweyne Maxamed Morsi 2013-kii kadib dibad-baxyo ka dhan ahaa xukunkiisa oo markaas halsano jiray. PUNTLAND POST The post Masar oo qabanaysa doorasho madaxweyne oo natiijadeeda la sii ogyahay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay safiirka dowladdaTurkiga Mudane Ibrahim Mete Yagli oo uu wehliyo Taliyaha Dugsiga Tababbarada Ciidamada ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa masuuliyiintan kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, gaar ahaan dhanka amniga, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dib u xoreynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta. Dhankiisa, safirika Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ibrahim Mete Yagli ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda iyo shacabka oo iskaashanayaa ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee diiddan nabadda iyo horumarka dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay in Turkigu uu door wanaaagsan ka qaadan doono xaqiijinta Soomaaliya nabadoon, horumarsan oo ka caagan argagixisada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay masuuliyiin ka socotay Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Maraykanka iyo Kenya ayaa Isniintii waxay magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen heshiis cusub oo dhinaca difaaca ah. Heshiiskan oo looga dan leeyahay in lagu xoojiyo la-dagaalanka argagixisada ee bariga Afrika iyo in taageero loogu muujiyo dedaalada ay Kenya ku doonayso inay ku hoggaamiso hawl-galka dhinaca amniga ee dalka Haiti. Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka Lloyd Austin iyo wasiirka difaaca ee Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya muddo shan sannadood ah. Xoghaye Austin ayaa sheegay in Maraykanku “uu uga mahadcelinayo Kenya, hoggaaminteeda ku aaddan xallinta duruufaha amniga ee gobolka iyo weliba kuwa caalamka.” Sidoo kale wuxuu uga mahadnaqay doorka hoggaamineed ee Kenya ee ku aaddan ciidamada caalamiga ah ee isku dhafka ah ee la doonayo inay dib u soo celiyaan xasiloonida Haiti. Austin ayaa toddobaadkii hore, isaga oo ka qayb gelaya kulan doceed ka dhacay New York, intii uu socday shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku sheegay inay kala shaqaynayaan Congresska Maraykanka, sidii loo ansixin lahaa lacag gaadhaysa illaa $100 milyan oo lagu bixiyo hawlgalka Haiti. Austin oo ka hadlayey arrimaha gobolka ayaa soo hadal qaaday ururka al-Shabab, isaga oo sheegay in dawladda Maraykanku ay si gun-dheer ay u qiimaynayso iskaashigooda kala dhexeeya Kenya, ee ku aaddan la dagaalanka kooxda al-Shabab. Austin ayaa intii uu ku sugnaa Djibouti, wuxuu aad u ammaanay ciidamada Soomaaliya iyo horumarada ay ka samaynayaan la dagaalanka kooxda al-Shabab, hase ahaatee wuxuu ka digay in weli kooxdu ay leedahay awood ay dibedda ugu dhoofiso falalkooda argagixisanimada, iyaga oo ka faa’iidaysanaya goobaaha aan maamulku ka jirin. The post Mareykanka iyo Kenya oo kala saxeexday heshiis dhinaca difaaca ah oo dhigaya in… appeared first on Caasimada Online.
-
Komishanka Maamul Wanaaga oo la Shiray Laamaha Dawladda ee Bixiya Liisamada Hargeysa(Qaran)-Komishanka maamul wanaaggu isagoo ka duulaya mabaadi’da maamul wanaagga ayaa waxa uu kulan isugu keenay dhamaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee bixiya shatiyada/ruqsadaha kala duwan (licenses) ee la xidhiidha shaqooyinka ay qaranka u hayaan. Waxaa inta badan muran iyo isqabqabsi ka yimaadaa shatiyada qaarkood oo ay wasaaradaha iyo hay’adahu isku qabsadaan cidda leh masuuliyadda iyo sharciyadda shati/ruqsadda la bixinayo iyadoo hay’ad iyo wasaarad kastaa ku andacoonayso inay iyadu waajibaad ahaan iyo sharci ahaanba leedahay. Arrintan ayaa keenta inta badan in ay muwaaadiniinta iyo cid kasto oo shuruudaha shatigaa buuxisa xaqna u leh inay helaan shatiyada ay uga baahdaan wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee adeegyadaa bixiya ay culays dhaqaale iyo jaahwareer kala kulmaan sababtoo ah; inta badan wasaaradaha iyo hay’adaha bixiya adeegga, malaha xafiisyada xogsiinta iyo caawinta loo adeegayaasha (help desk and information offices) oo leh shaqaale u gaar ah. Haddaba isaga oo komishanku ka duulaya arrimaha aynu kor ku xusnay, wuxuu kulan isugu keenay dhamaan wasaardaha iyo hay’adaha bixiya adeegga shatiyada kala duwan, si looga doodo loona lafa guro, sidii loo dersi lahaa caqabadaha kajira bixinta shatiyada xalna looga gaadhi lahaa. 2. Qodabada iyo Maxsuulka ka soo baxay Shirka Dood iyo falaanqayn dheer ka dib waxay Wasaaradihii iyo Hay’adihii qaybta ka ahaa shirka isla qaateen: • In la abuuro hal goob (one stop shop) oo laysugu keeno dhammaan hay’adaha dawliga ah ee bixiya addeegga shatiyada si loogu fududeeyo muwaadinka iyo cid kasta oo buuxisa shuruudaha looga baahanyahay adeegaas. • In la abuuro madal kulmisa (inter-sectoral forum) dhamaan wasaaradaha iyo ha’adaha bixiya adeeggan laguna gorfeeyo sidii looga saari lahaa wixii isfaham waaya ee kayimaadda sida adeeggan loo bixinayo iyo wixii talaabooyin ah ee kor loogu qaadayo harumarinta adeegyadaas una noqon lahaayeen, qaar daah furan, layslana ogolyahay. • In la xoojiyo isla xisaabtanka iyo dhaqan gelinta sharciga si loo helo hanaan adeeg bixineed iyo maamul wanaag oo hufan. • In la abuuro xafiisyada xogsiinta dadwaynaha iyo cabashooyinka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Shirka Qaybta ka ahaa. Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka, wasaardda Arrimaha Debedda, Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka, wasaaradda kaalgaashiga iyo horumarinta warshadaha, Komishanka tamarta, hay’adda caymiska Qaranka, xafiiska xeer ilaalinta, wasaaradda gaadiidka iyo horymarinta jidadka, wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda, laanta socdaalka, wasaaradda horumarinta beeraha, xafiiska garyaqaanka guud, rugta ganacsiga, wasaaradda arrimaha gudaha, hay’adda caymiska Qaranka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. Qaran News
-
Xuska Caalamiga ah ee Dadka Maqalkoodu Xadidan Yahay oo Lagu Qabtay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Shaqo-gelinta ayaa maanta qabatay xuska Todobaadka Caalamiga ah ee Dadka Maqalkoodu Xadidan yahay. waxaana ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL mudane Eng Cali Cumar Maxamed ( Xoor Xoor), Agaasimaha Guud Wasaaradda Shaqo-gelinta Arimaha Bulshada & Qoyska Axmed Xasan Aw Aadan iyo Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Maxamed Ibraahim Maydhane. Sidoo kale waxa ka qayb-galay dhamaan daneeyayasha Shaqada ku leh arrimaha dadka naafada ah. Qaran News
-
Cisbitaal Ciidanka Dabdemiska ku Tabobaray Gargaarka Degdega ah Hargeysa(Qaran news)-Cisbitaalka Royal Care Hospital oo ciidankaCisbitaalka Royal Care Hospital oo ciidanka Dab-demiska Hargeysa u qabtay tababar ku saabsan habka loo sameeyo gargaarka koowaad ee ( First Aid ). Tababar ku saabsanaa habka loo sameeyo gargaarka koowaad ( First Aid ) oo ay qaadanayeen saraakiisha ciidamada Dabdemiska Hargeysa ayaa lagu gebagabeeyay Xarunta ciidanka ee magaalada Hargeysa ,waxaana tababarkan bixinayay Royal Care Hospital. Tababarkan ayaa ciidamadu ku barteen habka loo sameeyo gargaarka degdega ah, maadaama oo markasta ciidamadu la kulmaan xaalado u baahan gargaar degdeg ah. Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Qaranka JSL Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo soo xidhay tababarkaas ayaa ka hadlay ahmiyada uu u leeyahay ciidamada Dabdemiska, isagoo sheegay in markasta oo lagu celceliyo ay fududaanayso in si sax ah loo qabto. Taliyaha ayaa u mahadnaqay Agaasimaha Cisbitaalka Royal iyo Macalinkii tababarka bixinayay tababarkan ay siiyeen ciidanka, waxaanuu sheegay Taliyuhu inaanuu noqon kii u dambeeyay balse uu noqdo mid soo noqnoqda. Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa marwalba qaata tababarada ku saabsan gargaarka degdega ah, kaasi oo wax badan ka tari doona gurmadka ciidanka. Dab-demiska Hargeysa u qabtay tababar ku saabsan habka loo sameeyo gargaarka koowaad ee ( First Aid ). Tababar ku saabsanaa habka loo sameeyo gargaarka koowaad ( First Aid ) oo ay qaadanayeen saraakiisha ciidamada Dabdemiska Hargeysa ayaa lagu gebagabeeyay Xarunta ciidanka ee magaalada Hargeysa ,waxaana tababarkan bixinayay Royal Care Hospital. Tababarkan ayaa ciidamadu ku barteen habka loo sameeyo gargaarka degdega ah, maadaama oo markasta ciidamadu la kulmaan xaalado u baahan gargaar degdeg ah. Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Qaranka JSL Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo soo xidhay tababarkaas ayaa ka hadlay ahmiyada uu u leeyahay ciidamada Dabdemiska, isagoo sheegay in markasta oo lagu celceliyo ay fududaanayso in si sax ah loo qabto. Taliyaha ayaa u mahadnaqay Agaasimaha Cisbitaalka Royal iyo Macalinkii tababarka bixinayay tababarkan ay siiyeen ciidanka, waxaanuu sheegay Taliyuhu inaanuu noqon kii u dambeeyay balse uu noqdo mid soo noqnoqda. Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa marwalba qaata tababarada ku saabsan gargaarka degdega ah, kaasi oo wax badan ka tari doona gurmadka ciidanka. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa eedeymo culus u jeediyay mucaaradkiisa, isaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan horumarka guud ee Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha mucaaradka ay ka shaqeynayaan dib u dhaca iyo burburka Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aragtidaas ay tahay mid khaldan, isla-markaana ay Jubbaland hadda u baahan tahay midnimo iyo dad u diir-naxa mustaqbalkeeda. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu oggol yahay dhaliisha maamulkiisa, uuna qaadanayo wixii talooyin ah ee uga imaanaya dadka kasoo horjeedo. Dhank kale, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay xubnaha mucaaradka ku ah ee ku sugan Nairobi inay yimaadaan Kismaayo, kuna soo bandhigaan fikradahooda iyo waxqabadkooda. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xalka uu ku jiro midnimo iyo in laga wada-tashado aayaha dambe ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay Jubbaland, waxaana usii dheer dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Jubbooyinka. Maamulka Axmed Madoobe oo magaallo xeebeedka Kismaayo fadhiyo muddo 13 sanno ah ayaa inta badan la kulma mucaarad xoogan, ayada oo maamulkiisa lagu dhaliilo dib u dhaca dhanka doorashooyinka marka loo eego dowlad goboleedyada kale ee ka jira dalka. The post Axmed Madoobe oo mucaaradkiisa ka dalbaday inay yimaadaan Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka mid ah siyaasiyiinta doorashada Koonfur Galbeed u xusul duubeysa ayaa shaaciyey maalinta ay tegayaan Baydhaba. Jawaari ayaa sheegay in 5-ta bisha soo socoto ay aadi doonaan magalaada Baydhaba, si bisha Janaayo ee sanadka soo socda ay u qabtaan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Cabsicasiis Laftagareen oo qaarkood shaaciyey inay doonayaan kursiga ayaa maanta Muqdisho kula kulmay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, waxayna kala hadleen arrimaha doorashada maamulkaas oo khilaaf adag uu ka jiro. “Waxaan ku soo tashanay in aan is aragno madaxweynaha gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxda kale ee dalka, guddoomiyaha ayaan ka bilownay oo maanta waxaan kala hadalnay heshiiskii Baydhaba oo gar-wadeen ay ka ahaayeen sidii loo dhaqan geli lahaa,” ayuu yiri Jawaari oo faahfaahin ka bixiyey kulankii maanta. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay isku hayaan mucaaradka iyo Laftagareen. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ay hareero taagan yihiin musharixiinta kale ee Koonfur Galbeed ayaa sharraxaad ka bixiyay kulankooda iyo waxyaabaha looga hadlay, maadaama uu ku soo aaday xilli xasaasi ah. ”5-ta bisha soo socoto waxaan aadi doonaa Baydhabo si bisha Janaayo loo doorto Madaxweynaha Koonfur Galbeed, maanta guddoomiyaha meel fiican ayaan wax isla soo dhignay, ilaa bisha soo socota ee Diseenbar waxaa bilaaba doonta doorashada baarlamaanka si Janaayo loo doorto Madaxweynaha” ayuu yiri Jawaari. Khilaaf adag ayaa ka taagan doorashada madaxweynaha K/Galbeed, Laftagareen oo hadda maamulkaas hoggaamiya ayaa rajo ka qaba inuu dhaqan galo qorshe hal sano oo mudo kordhin ah loogu sameeyey, balse mucaaradka ayaa aad u diidan muddo kororsigii dhacay. Dowladda federaalka ayaan ilaa hadda mowqifkeeda cadeyn, balse heshiis lagu kala Baydhaba oo gar-wadeen ay ka ahaayeen xasan Sheekh iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu go’aamiyey in doorashada K/Galbeed ay hoggaamiso wasaaradda arrimaha gudaha dowladda dhexe, iyadoo hoos loo dhigay awooda uu habsami u socodka doorashada ku yeela karo Laftagareen. Laftagareen ayaa horay mucaaradka ugu diidanaa inay tagaan Baydhaba, balse hadda lama oga sida ay siyaasiyiintaan ugu miisaanka culus K/Galbeed ay ku tegi karaan magaalada Baydhaba oo ay sheegeen in 5-ta bisha soo socota ay tegi doonaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Jawaari oo shaaciyey maalinta ay tegayaan Baydhaba iyo qorshe culus oo socda appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ku bilowday madaafiic oo maanta ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Weerarka oo saf ballaaran ahaa ayaa waxaa lagu ekeeyay laba saldhig oo ku kala yaalla deegaanada Wargaduud iyo Xanaano, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo deegaanka ah. Saldhigyada la weeraray ayaa waxaa laga difaacaa magaalada Baydhaba oo xarun kMG u ah maamul goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo ay horay u go’doomiyeen Al-Shabaab. Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay xubnaha weerarka soo qaaday iyo ciidamada deganaa saldhigyada la weeraray. Saraakiil ka tirsan ciidanka Koonfur Galbeed oo ka hadlay dagaalkan oo saacado badan qaatay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka, ayna khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guullo ka sheegatay dagaalka, waxayna shaacisay inay dishay askar, sidoo kalena ay burburisay saldhigyada lagu dagaalamay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka waqooyi ee Baydhaba oo ah meesha lagu dagaalamay. Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan culays xoogleh ku haya Al-Shabaab oo inta badan go’doon gelisay degmooyinka dhaca gobollada Baay iyo Bakool ee maamulkaasi. Gobolladan ayaa la filayaa inuu dhawaan ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka dowladda, kaas oo xoogiisa ku wajahan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubbaland. The post Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigyo laga difaaco Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
