Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo tarata macluumaadka laga helaya qaraxii is-miidaaminta ee 23-kii bishaan ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaas oo dhaliyay tuhun xoogan, maadaama uu dhaliyay khasaare xoogleh. Taliyaha ciidanka Booliiska ee degmada Beledweyne Axmed Cali Aadan oo u warramay VOA ayaa shaaca ka qaaday inay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah kadib qaraxaasi, wuxuuna sheegay inay qaban tuhun ku aadan in Al-Shabaab lala fududeeyaan weerarkaasi. Axmed Cali Aadan ayaa xaqiijiyay in haatan lasoo xiray askarigii ku qornaa koontaroolkii uu kasoo gudbay gaarigii ku qarxay Sabtigii gudaha magaalada Beledweyne ee sababay dhimashada, dhaawaca iyo burbur xoogleh oo soo gaaray magaaladaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ku raadjoogayaan shaqsiyaad kale oo loo jaray waaran soo qabasho, si loogula xisaabtamo dayacii amni ee sababay in gaariga uu gaaro halkaasi. Weerarka oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa sababay dhimashada illaa 20 qof, dhaawac intaas ka badan, kuwaas oo ah rayid aan waxba galabsan. Qaar kamid ah dhaawacyada oo gaaraya illaa 16 qof ayaa la keenay magaalada Muqdisho, kadib diyaarad ay u dirtay dowladda Soomaaliya, si loogu dabiibo caasimada dalka. Beledweyne ayaa waxaa horay weeraro xoogan oo qaraxyo ah uga fulisay Al-Shabaab, maadaama magaaladan ay xudun u tahay kacdoonka ka dhanka ah kooxdaasi. Si kastaba Beledweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ka socdaan abuulka howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxayna sidoo kale noqotay magaalada labaad ee ugu badan qaraxyada marka laga tego magaalada Muqdisho oo ay inta badan Al-Shabaab ka fuliyaan weeraro culus. The post Askari loo soo xiray qaraxii lagu hoobtay, Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  2. Lloyd Austin, Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka oo socdaal ku maraya geeska Afrika ayaa Djibouti ka sheegay in kooxda Wagner oo ah ciidamo ay maalgeliso dowladda Ruushka, kana howlgala dalal badan Afrika aanay sii jiri doonin haddii aanay kremlin sii wadin taageeradeeda kadib geeridii hoggaamiyahii kooxda Yevgeny Prigozhin. Mareykanka waxaa uu ku doodayaa in ay jiraan dalal badan oo Afrikaan oo ka shalaayay in ay fariisimo siiyaan kooxdan Wagner xilli ay si toos ah uga howlgalaan dalal sida; Central African Republic, Mali, Liby, Sudan, Mozambique iyo qaar kale. Ruushka waxaa uu marar badan sheegay in kooxdani Wagner uu kula dagaalo argigixisada caalamiga ah, laakin Washington waxaa ay u aragtaa in Ruushka uu wado damac dhul ballaarsi ah iyo dano siysaadeed, iyaga oo wacad ku maray in ay hor istaagi doonaan. Mareykanka keliya kama digayo dhibaatada kooxda Wagner ee xuquuqda aadanaha ee waxaa uu qabaa in ay ku lug lahaayeen afgambiyo ka dhacay qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka ay ka howlgasho. Keliya 3-dii sano ee lasoo dhaafay waxaa qaaradda Afrika ka dhacay ilaa 8 afgambi oo ay ka mid ahaayeen qaar ka dhacay Niger, Burkina Faso, Guinea, Chad, Mali, Sudan iyo Gabon, maamulka Joe Biden oo ay wehliyaan dalal kale sida Faransiiska iyo guud ahaan dalalka NATO waxaa ay qabaan in kooxdan Wagner ay ku milnayd qaar ama dhammaan afgambiyadaan, lana joogo xilligii wax laga qaban lahaa. Haddaba, isheysadkaan maxuu keeni karaa; Maxaa ay isku heystaan? Vladimir Puti, Madaxweynaha Ruushka waxaa uu si cad u sheegay in xiriirka uu dalkiisa la yeelanayo Afrika ay ka mid tahay hortabinada siyaasadda arrimaha dibadda, isaga oo shirar joogta ah, oo sanadle ku jiro la qaato hoggaamiyeyaasha Afrika, waxaa uuna bilaabay in uu siiyo qaar taageero dhinacyo badan. Tallaabadan cusub ayaa loo arkaa in ay tahay soocelinta kaalintii Ruushka uu ku lahaa qaaradda oo meesha ka baxday kadib markii uu dhammaatay dagaalkii qaboobaa, iyaga oo Afrika ay ilaa 35 dal ay hantiwadaag ahaayeen inta u dhaxeysay 1950 ilaa bartamihii 1980-aadkii, midowga Sofiyetna ahaa saxiibka koowaad ee qaaradda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhinaya Soomaaliya Amb. Joachim waern oo baddelaya danjirahoodii hore ee dalkeenna u joogay. Wasiirka iyo Danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay sii wadidda iyo adkaynta xiriirka dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sweden oo ku dhisan iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi, dowladda Sweden ayaa qeb ka ah dowlada taageera dowladda Somaaliya. Waddanka Sweden wuxuu ka mid yahay waddamada ay ku nool yihiin oo marti geliyey mid ka mid ah Jaaliyadaha qurba joogta Soomaaliyeed ee ugu ballaaran, kuwaas oo muddo ku noolaa dalkaasi, xilli uu kamid yahay wadamada sida weyn looga tixgeliyo bulshada Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Beledweyne (HOL) - Somali police forces have arrested a police officer after a suicide truck bombing that targeted a security checkpoint in Beledweyne, killing at least 36 people and wounding 40 others. Source: Hiiraan Online
  5. Kenya will begin constructing a nuclear power plant in 2027, the authorities have said in the latest pledge about the plans. Source: Hiiraan Online
  6. Dhusamareb (HOL) - At least three al-Shabab terrorists were killed, and another was apprehended alive in an operation carried out by local clan militia forces in Bulacle village in Galgadud region, the state media reported on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  7. Warbaahinta gudaha Kenya gaar ahaan Daily Nation ayaa soo tabisay in la la’yahay halka jaan iyo cidhib uu dhigay ganacsade lagu magacaabo Zakariya Kamaal Suufi Abashiekh oo hore ugu eedeysnaa inuu hub Shiinaha uga soo iibiyo kooxda al-Shabaab. Warbaahinta Daily Nation oo soo xiganeysa qoyska Zakariya ayaa sheegtay in Zakariya ay bishan September xidheen ciidamo ka tirsan booliska qeybta la dagaallaanka aragagixisada tan iyo markaasna la la’yahay. Qoyska ayaa sheegay inay wiilkooda ay ka raadiyeen dhowr xarumood oo boolis ah balse ay ka soo waayeen, sida ay daabacday warbaahinta Daily Nation. Waxa ay ahyad in 22-kii bishan September uu ka soo muuqdo maxkamadda oo uu ka ballansanaa. Haddaba Waa kuma ganacsadaha lagu eedeeyay inuu hub u soo iibiyay al-Shabaab ee la la’yahay? Zakariya ayaa bishii May lagu soo eedeeyay in uu si sharci darro ah qalab ciidan iyo walxaha qarxa ugu raray kooxda al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya balse waxaa markii dambe lagu sii daayay lacag dhan 1 milyan oo Shillinka Kenya ah. Waxa uu ku dhashay Xaafadda Mjengo ee magaalada Mombasa balse waxa uu ku noolaa magaalada Lamu. Zakariya Kamaal Suufi Abashiekh ayaa lagu soo oogay dacwad ah in agab ciidan uu Al Shabaab uga soo iiibiyay dalka Shiinaha, uuna ku soo raray saddex konteenar oo laga dejiyay magaalada Muqdisho. Shiinaha ayaa la sheegay inuu aqoon wanaagsan u leeyahay maaddaamaa uu halkaasi wax ka soo bartay. Waxaa markaasi la sheegay in mid ka mid ah konteenarrada laga soo saaray hubka halka labada kalena aan la ogeyn halka ay jiraan. Dhanka kale 18-kii bishii May ayay ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA sheegeen inay gacanta ku dhigeen ‘saanad ciidan oo loo waday al-Shabaab’, kuwaas oo laga soo dejiyay garoonka iyo dekedda Muqdisho, sida uu sheegay wasiiru dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa. Lama hubo in isla Zakariyte uu ka dambeeyay arrintaas. Eedeysanaha ayaa xabsiga laga sii daayay ka dib markii uu muddo bil ah ku jiray, iyadoo baadhayaashu ay sii wadeen baadhitaanka ku aaddan doorkii uu ku lahaa shixnad militari oo loo soo daabulay Soomaaliya. Hase yeeshee Zakariya ayaa gaashaanka u daruuray inuu wax xidhiidh ah la leeyahay kooxda al-Shabaab inkastoo uu qirtay inay jiraan agab uu ka soo dhoofiyo Shiinaha uuna geeyo Soomaaliya balse aysan ahayn waxa ay dowladda soo bandhigtay. Waxaa la sheegay in shixnadda ay ka koobnayd qalab ciidan oo kala duwan oo ay ku jiraan 5 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo awood u leh inay qaadaan 10 litir oo dareere ah oo jooggooda ka sarreeya 500 mitir heerka badda, doorobiinno, marada laga sameeyo dareeska ciidamada, 3000 mitir oo ah marada adag ee laga sameeyo teendhooyinka, muraayadaha cadceedda, 18 xabo oo muraayadaha habeenkii wax lagu duubo, saacadaha basaaska, muraayadaha wax basaasa, muraayadaha dabaasha, 20 toosh iyo baytari iyo koofiyadaha adag ee milatariga. Source
  8. Residents in Ethiopia’s northern Tigray region are mourning the death of fighters killed during the two year-long brutal war that ended last year. Source: Hiiraan Online
  9. The Inter-Governmental Authority on Development (IGAD), in collaboration with the Horn of Africa Youth Network (HoAYN) and Save the Children, is set to convene a significant Ministerial Meeting aimed at finalizing the adoption of the IGAD Youth Policy. Source: Hiiraan Online
  10. Kenya says it's confident the deployment of hundreds of its police to Haiti by January will end gang warfare there. Source: Hiiraan Online
  11. A businessman who was being investigated for allegedly illegally shipping military equipment and explosives seized at Mogadishu Port in Somalia last month has disappeared. Source: Hiiraan Online
  12. BREAKING NEWS – The real conversation: The Ugandan Government officially releases the real conversation. Major highlights on meeting between President Museveni and Dr Jama Musse Jama, the Special Envoy from Somaliland at State House Entebbe on September 23rd 2023; Dr Jama delivered a request to President Museveni to take lead as a guarantor of dialogue between Somaliland and Somalia in their long-standing disagreements where Somaliland maintains its position as non-secessionist but rather seeking to restore its independence in accordance with its 1960s colonial borders. President Museveni has been invited as a neutral party to facilitate the dialogue and ensure its outcomes are respected, noting that Uganda has played a significant role in promoting peace and security in Somalia. Dr Jama confirmed that Somaliland wishes to join the ongoing development of the EAC and requested President Museveni to support them in this cause. Therefore, it is urgent to resolve the disagreements in order for the entire Somali people to unlock their potential for economic development. SOUND ONMajor highlights in the meeting between President Museveni and Dr. Jama Musse Jama, the Special Envoy from Somaliland at State House Entebbe. pic.twitter.com/1XDhlT3nM6 — State House Uganda (@StateHouseUg) September 25, 2023 Qaran News
  13. Ismaaciil Axmed oo Soo Bandhigay Cadaymo la Xidhiidha Eedo Musuq oo loo Jeediyay Shirkadda Somaliland lacagta u Daabacaysa Hargeysa, (Qaran news)- Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha Shirkadda Wirldremit, ayaa soo bandhigay eedaymo musuqmaasuq oo lagu eedeeyay shirkadda Ingiriiska ah ee Baanka dhexe ee Somaliland siiyay qandaraaska lacag soo daabicista. Wuxuu soo bandhigay cadaymo la xidhiidha eedaha musuq ee loo jeediyay shirkadda baanku qandaraaska siiyay. Wuxuuna sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay facebookgiisa oo u dhignaa sidan:- “Shirkadda De La Rue ee Bangiga Dhexe siiyay qandaraaska qiimihiisu dhan yahay $9.6 milyan, waxa hore loogu soo jeediyay eedaymo faro badan oo la xidhiidha musuqmaasuq. Xafiiska Serious Fraud Office, oo Ingiriiska u qaabilsan baadhista dembiyada musuqa iyo laaluushka, ayaa tiraba laba jeer baadhis geliyay shirkaddan. Ta hore waxay ahayd musuqmaasuq lacago Koonfurta Suudan loo soo daabacay, ta kalena shaqaalaha De La Rue oo sameeyey wax is-daba marin iyo khiyaamo. Xafiiska dambi baadhista dalka Indiya ayaa isagu na dacwad ku oogay wasiirkii hore ee maaliyadda kadib markii uu qandaraas shirkaddan si khiyaamo ah ku siiyay. Sidoo kale, xafiiska baadha qandaraasyada dalka Kiiniya ayaa isaguna hore u joojiyay qandaraas ay shirkaddan siiyeen markii ay caddaatay in 15% ay ka qaalisanayd shirkadaha kale ee la tartamay ee ay qandaraaska ka heshay. Haddaba, dhammaan arrimahani waxay keenayaan isweydiinta ah sababta iyo cidda ku talisay in la soo daabaco lacago cusub oo shilin ah wakhtigan, kuwaas oo u dhigma $38 milyan. Lacagtani waxay qiyaas ahaan labanlaab ka dhigaysaa lacagta imika wareegeysa. Waxa kale oo isweydiin leh, sababta loo oggolaaday kharashka xad dhaafka ah ee lagu soo daabacayo oo dhan 25% qiimaha shilinka la soo daabacayo, marka sarrifka maanta la isticmaalo. Dhanka kale, digniinaha shakhsiga ah ee Radio Hargeysa iyo baraha bulshada laga sii daayay aniga iguma cusba. Hore ayaa UNDP oo aan ka shaqaynayay iigu gooddiyeen in aan ku shaqobeeli doono haddii aanan ka aamusin qaladaadka aan arkayey. Waxba hanjabaaddaasi kama beddelin go’aankaygii wakhtigaasi, imikana ka beddeli mayso. Ugu dambayn, waxa aan leeyahay haddii aan arrinkan hay’adaha guduhu si degdeg ah wax uga qaban, waxa qasab noqon doonta in SL debeddeeda xal laga raadiyo. 1. https://www.theguardian.com/law/2019/jul/23/serious-office-investigates-de-la-rue-over-south-sudan-operations 2. https://www.thisismoney.co.uk/money/markets/article-11659205/De-La-Rue-faces-Indian-corruption-investigation.html 3. https://www.theguardian.com/business/2010/sep/07/de-la-rue-serious-fraud-office 4. https://www.ft.com/content/8805cc34-f489-11e7-88f7-5465a6ce1a00 Qaran News
  14. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in uu shirar hoose la yeesho wakiilo ka socda Beesha Caalamka. Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu dhawaan Nairobi kula shirayo qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka iyo deeq-bixiyaasha kala duwan. Labada dhinac ayaa sida la sheegayo ka wada-hadli doona arrimaha mashaariicda horumarinta iyo gargaarka binii’aadanimo ee laga fuliyo degaannada Puntland. Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweyne Deni uu deeq-bixiyaasha ka dalban doono in Puntland si gaar ah loo siiyo mashaariicda horumarinta iyo kuwa gargaarka bini’aadanimo. PUNTLAND POST The post Puntland iyo deeq-bixiyaasha Caalamka oo dhawaan shirar hoose ku yeelanaya Nairobi appeared first on Puntland Post.
  15. New York (Caasimada Online) – Donald Trump iyo wiilashiisa Eric iyo Don Jr waxay sameeyeen wax is-daba marin, iyagoo sanado badan sare u qaadayey qiimaha hantida ma guurtada ah iyo tan maaliyadeed ee shirkadda Trump Organization, waxaa sidaas Talaadadii xukmiyey garsoore ku sugan New York. Xukunka garsoore Arthur Engoron ayaa dhabar jab ku ah madaxweynihii hore ka hor inta aan la qaadin dacwadda kiis madani ah oo billaaban doonta Isniinta, waxayna guul qabyo ah u tahay xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka New York Letitia James. James ayaa ku eedeysay Trump, labadiisa wiil ee ugu weyn iyo madaxda kale ee Trump Organization in ay sanado badan ka u been sheegayeen canshuur qaadayaasha, dayn bixiyeyaasha iyo shirkadaha caymiska, qiyaanadaas oo si joogto ah u buun-buuniyay qiimaha hantidooda. Qareenada Trump ayaa ka codsaday garsooraha in uu meesha ka saaro kiiska ka hor inta aan la qaadin dacwadda, isaga oo Trump siinaya waxa loo yaqaano xukun soo koobid ah. James ayaa sidoo kale codsatay xukun soo-koobid ah, si kastaba ha ahaatee, waxay doonaysay in Trump lagu helo in uu mas’uul ka yahay, waxaana uu garsooraha la saftay xeer-ilaaliyaha guud. Ka sokow inuu ku helay Trump iyo labadiisa wiil inay qiyaano sameeyeen, garsooraha ayaa baabi’iyey shatiyada ganacsi ee u ogolaanayey Trump Organization inuu maamulo qaar ka mid ah dhismooyinka uu ku leeyahay New York. James ayaa dalbaneysa $250 milyan oo ganaax ah, iyo in Trump iyo wiilashiisa laga xayuubiyo maamulka hantida qoyska ee Trump Organization. James ayaa sheegeysa in Trump iyo asxaabtiisu ay u gudbiyeen xisaab “si weyn loo buun-buuniyey” bankiyada iyo caymiyeyaasha sannad kasta intii u dhaxaysay 2011 iyo 2021 “si ay u helaan una sii joogteeyaan daymo iyo caymis qiimo jaban.” Waxay sida la tuhunsan tahay inay sare u qaadeen qiimaga guud ee hantida Trump oo ay ku dareen balaayiin dollar, taasi oo dhalisay “boqolaal milyan oo dollar oo si khaldan loo dhigtay iyo faa’iidooyon.” James ayaa tuhunsan in ka badbadinta qiimaha hantida Trump ay aheyd inta u dhaxeysa $1.9 bilyan iyo $3.6 bilyan sannadkiiba. Trump oo ah musharaxa ugu cad-cad xisbiga Jamhuuriga ee doorashada 2024, ayaa ku tilmaamay kiiska “ugaarsi shaqsi ah”, isagoo ku tilmaamay James, oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, ahna Madow, inay tahay “cunsuri”. Kooxda Trump ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka. AFP, VOA The post Garsoore ku sugan New York oo riday xukun ka dhan ah Trump oo lagu helay inuu… appeared first on Caasimada Online.
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta Kenya, gaar ahaan Daily Nation, ayaa soo tabisay in la la’yahay halka jaan iyo cirib uu dhigay ganacsade lagu magacaabo Zakariya Kamaal Suufi Abashiekh oo horay ugu eedeysnaa inuu hub Shiinaha uga soo iibiyo kooxda al-Shabaab. Warbaahinta Daily Nation oo soo xiganeysa qoyska Zakariya ayaa sheegtay in Zakariya ay bishan September xireen ciidamo ka tirsan booliska qeybta la dagaallaanka aragagixisada tan iyo markaasna la la’yahay. Qoyska ayaa sheegay inay wiilkooda ay ka raadiyeen dhowr xarun oo boolis ah balse ay ka soo waayeen, sida ay daabacday warbaahinta Daily Nation. Waxa ay ahyad in 22-kii bishan September uu ka soo muuqdo maxkamadda oo uu ka ballansanaa. Zakariya ayaa bishii May lagu soo eedeeyay in uu si sharci darro ah qalab ciidan iyo walxaha qarxa ugu raray kooxda al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya balse waxaa markii dambe lagu sii daayay lacag dhan 1 milyan oo Shillinka Kenya ah. Waxa uu ku dhashay Xaafadda Mjengo ee magaalada Mombasa balse waxa uu ku noolaa magaalada Lamu. Zakariya Kamaal Suufi Abashiekh ayaa lagu soo oogay dacwad ah in agab ciidan uu Al-Shabaab uga soo iiibiyay dalka Shiinaha, uuna ku soo raray saddex konteenar oo laga dejiyay magaalada Muqdisho. Shiinaha ayaa la sheegay inuu aqoon wanaagsan u leeyahay maaddaamaa uu halkaasi wax ka soo bartay. Waxaa markaasi la sheegay in mid ka mid ah konteenarrada laga soo saaray hubka halka labada kalena aan la ogeyn halka ay jiraan. Dhanka kale 18-kii bishii May ayay ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA sheegeen inay gacanta ku dhigeen ‘saanad ciidan oo loo waday al-Shabaab’, kuwaas oo laga soo dejiyay garoonka iyo dekedda Muqdisho, sida uu sheegay wasiiru dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa. Lama hubo in isla Zakariyte uu ka dambeeyay arrintaas. Eedeysanaha ayaa xabsiga laga sii daayay ka dib markii uu muddo bil ah ku jiray, iyadoo baarayaashu ay sii wadeen baaritaanka ku aaddan doorkii uu ku lahaa shixnad militari oo loo soo daabulay Soomaaliya. Hase yeeshee Zakariya ayaa gaashaanka u daruuray inuu wax xiriir ah la leeyahay kooxda al-Shabaab inkastoo uu qirtay inay jiraan agab uu ka soo dhoofiyo Shiinaha uuna geeyo Soomaaliya balse aysan ahayn waxa ay dowladda soo bandhigtay. Waxaa la sheegay in shixnadda ay ka koobnayd qalab ciidan oo kala duwan oo ay ku jiraan 5 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo awood u leh inay qaadaan 10 litir oo dareere ah oo jooggooda ka sarreeya 500 mitir heerka badda, doorobiinno, marada laga sameeyo dareeska ciidamada, 3000 mitir oo ah marada adag ee laga sameeyo teendhooyinka, muraayadaha cadceedda, 18 xabo oo muraayadaha habeenkii wax lagu duubo, saacadaha basaaska, muraayadaha wax basaasa, muraayadaha dabaasha, 20 toosh iyo baytari iyo koofiyadaha adag ee milatariga. Isha: BBC The post Ganacsade Al-Shabaab hub ‘uga soo iibiyey’ Shiinaha oo la la’yahay (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  17. Galcad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo saaka dhacay agagaarka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud. Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Cali Xayle ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama uu dhacay xilli aroor ah, isla-markaana uu ahaa bartilmaameed lala eegtay kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa diyaaradaha gaaf wareegayeen deegaano kale oo dhaca gobolka, sida Ceelhareeri illaa Kalabeyr, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Galmudug oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ah ee lala beegsaday Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Shalay ayey aheyd markii ay ciidamadu toogasho ku dileen saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen mid kale, kadib howlgal ka dhacay deegaanka Bulacle ee isla gobolkaas oo ay haatan dhaqaaqyo ka wadaan ciidanka huwanta. Galmudug ayaa kamid ah meelaha ay haatan ka socdaan dagaallada ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo khasaare badan lagu gaarsiiyay Shabaab. The post Goob ay isku urursanayeen Al-Shabaab oo la duqeeyay appeared first on Caasimada Online.
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in dhaqaalaha Somaliland hoos dhac weyn ku yimid, tan iyo marki ay billowdeen dagaallada gobolka Sool. Sacad Cali Shire, oo kulan la qaatay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in ganacsiga xooluhu uu aad u wanaagsan yahay, lakiin ganacsiga suuqyadu uu hoos u dhacay. “Ganacsiga xooluhu wuu fiicnaa sannadka, roob badana wuu da’ay, xooluhuna way inoo caafimaad qabaan, xoolo badan ayaa dhoofay, lakiin waxa uu ganacsigeenu uu aad ugu xirnaa ganacsihii Wajaale mari jiray kaasi oo uu hadda hakad ku yimid, waxa inoo soo raacay kii bariga laftiisa,” ayuu yiri Sacad Shire. Gubashada suuqii waynaa ee Waaheen iyo dagaalka Laascaanood ayaa dhaawacay dhaqaalaha Somaliland, waxa taas dheer gubashada suuqa weyn Wajaale, kaasi oo uu dhaqaale badani kasoo gali jiray Somaliland. Ganacstada dowladda deegaanka Itoobiya ayaa badankood u wareegeen dekadaha Puntland taas oo iyaduna dhabar jab ku noqotey dhaqaalaha Somaliland. Dabayaaqadii August, ciidamada Somaliland ayaa looga adkaaday dagaalka aagga Laascaanood, ayada oo ciidanka SSC-Khaatumo ay qabsadeen saldhigga muhiimka ah ee Goojacadde. Wixii markaas ka dambeeyey waxaa jiray warar sheegaya in Somaliland ay mar kale isku diyaarineyso dagaal ay ku qaaddo Laascaanood, si ay dib ugu qabsato ayada oo ciidamo ururineysa. The post Somaliland oo shaaca ka qaaday arrin ay kala kulantay dagaalladii gobolka SOOL appeared first on Caasimada Online.
  19. Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad aroos oo ka dhacday Gobolka Nineweh ee waqooyiga Ciraaq. Wasaaradda caafimaadka Ciraaq ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay ay ku jiraan xaalad aan degganeyn ,iyadoo kuwa uu soo gaaray dhaawaca daran loo qaaday isbitaallada leh agabka daryeelka gaarka ah. Guddoomiyaha gobolka Nineweh ayaa sheegay in tirada khasaaraha aan la xaqiijin Karin,isagoo intaa raaciyay In qalabka dhismaha ee loo adeegsaday hoolka xafladda ay sababeen in si degdeg ah uu danku u faafo. Difaaca madaniga ah ee Ciraaq ayaa sheegay in warbixinadii ugu horeeyay ay muujinayaan in dabkaasi uu sababay isticmaalka Bululeyrka ama baaruudda rashka intii lagu jiray dabaaldega xafladaasi arooska ah. PUNTLAND POST The post Ciraaq: In ka badan 100 qof oo ku dhintay dab ka kacay xafad Aroos appeared first on Puntland Post.
  20. Donald Trump iyo wiilashiisa Eric iyo Don Jr waxay sameeyeen wax is-daba marin, iyagoo sanado badan sare u qaadayey qiimaha hantida ma guurtada ah iyo tan maaliyadeed ee shirkadda Trump Organization, waxaa sidaas Talaadadii xukmiyey garsoore ku sugan New York. Xukunka garsoore Arthur Engoron ayaa dhabar jab ku ah madaxweynihii hore ka hor inta aan la qaadin dacwadda kiis madani ah oo billaaban doonta Isniinta, waxayna guul qabyo ah u tahay xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka New York Letitia James. James ayaa ku eedeysay Trump, labadiisa wiil ee ugu weyn iyo madaxda kale ee Trump Organization in ay sanado badan ka u been sheegayeen canshuur qaadayaasha, dayn bixiyeyaasha iyo shirkadaha caymiska, qiyaanadaas oo si joogto ah u buun-buuniyay qiimaha hantidooda. Qareenada Trump ayaa ka codsaday garsooraha in uu meesha ka saaro kiiska ka hor inta aan la qaadin dacwadda, isaga oo Trump siinaya waxa loo yaqaano xukun soo koobid ah. James ayaa sidoo kale codsatay xukun soo-koobid ah, si kastaba ha ahaatee, waxay doonaysay in Trump lagu helo in uu mas’uul ka yahay, waxaana uu garsooraha la saftay xeer-ilaaliyaha guud. PUNTLAND POST The post garsoore ku sugan New York oo go’aamiyay xukun ka dhan ah Donald Trump appeared first on Puntland Post.
  21. Mahadaay (Caasimada Online) –Maxaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe oo warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka ee Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in Shabaab looga adkaaday gobolkaas. Madaxweynaha oo faahfaahin ka bixiyey howlgalladii ka socday deegaanada ku teedsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe. “Ciidanka Xoogga dalka iyo Kuwa Deegaanka, Kooxda AS Waa ugu adkaadeen Dagaaladii ay kula galeen deegaanada Ciid-ciidka iyo Cali Fooldheere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe. Kooxda Al-Shabaab ayaa 6-dii bishaan isku dayday inay ka soo gudubto jiinka wabiga Shabeelle ee aagga Mahadaay, balse waxaa halkaas ku qabsaday dagaal culus. Duqeymo iyo dagaal toos ah ayaa ku bilowday kooxdaas markii ay ka soo gudubtay wabiga, waxaana la sheegay in dib ay ugu laaba waayeen halkii ay ka yimaadeen, kadib markii xarkaha loo jaray doomihii ay ku soo xirteen jiinka wabiga. Madaxweynaha HirShabeelle ayaa ciidanka deegaanka uga mahadceliyey sida ay u abaabulan yihiin oo kooxda Al-Sbabaab ay isaga dhiciyaan. Al-Shabaab ayaa doonayey in dagaalyahano badan ay soo geliyaan inta u dhaxeysa deegaanada xorta ah ee gobolka Shabeellada Dhexe, balse waxaa ka hortegay ciidanka deegaanka ee Macawiisley. Tirada kooxdii isku dayday inay ka soo gudubto wabiga Shabeelle waxaa lagu sheegay 400, waxaana la sheegay intooda badan in la dilay. Hoos ka daawo The post Daawo: Guudlaawe oo xog culus ka bixiyey Shabaab-kii soo galay aagga Mahadaay appeared first on Caasimada Online.
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada deegaanka ee ka howlgala aagga tuulada Bulacle oo bari ka xigta magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ku guuleystay inay soo furtaan qori AK47 ah oo Al-Shabaab ay horay uga furteen ciidanka xoogga dalka. Qorigaas ayaa la dilay ninkii Shabaab-ka ahaa ee ku dagaalamaayey, sidoo kale ciidanka ayaa soo bandhigay nin kale oo nolosha ay uga qabteen kooxdii Shabaab-ka aheyd ee maanta ay is farasaareen. Qorigaan ayaa la ogaaday in Shabaab ay ka furteen askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada Abuu-Dujaana oo bilo ka hor ay dagaal kula galeen tuulo lagu magacaabo Miir-dugul oo hoos tagta Dhuusamareeb. Askari ka tirsanaa ciidanka deegaanka oo ku guuleystay in qorigaas uu ka furto Al-Shabaab ayaa abaal-marin ahaan loo siiyey maanta, sidoo kale waxaa loo balan-qaaday abaal-marin lacageed. Qoryo badan oo ciidanka dowladdu ay la haayeen ayaa horay ugu gacan galay kooxda Al-Shabaab, laakiin inta badan ma dhacdo in dib loo soo furto qoryahaas, hadii lasoo furtana waa qarisaa dowladda Soomaaliya. Sababta arrintaan hoos loogu dhigo waa in cunaqabateyn dhanka hubka ah ay saaran tahay Soomaaliya, taas oo dowladdu ay aad ugu xusul duubeyso in caalamku uu ka qaado. Ciidanka maanta qorigaan soo furtay oo macawiisley ah ayaa dilay xubno Shabaab ah oo watay mooto FEKON, sidoo kale waxay nolosha ku qabteen nin nool, kaas oo maanta lagu soo bandhigay Bulacle. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada deegaanka ku dhiirigelisay howlgalka ay ku baacsanayaan kooxda Al-Shabaab, ciidankaan ayaa la diiwaan geliyey waxayna dowladu u bilaabeysaa mushaar. Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow oo maanta bogaadin ugu tegay ciidankii fuliyey howlgalkaas ayaa isagoo ku hadlaya afka dowladda wuxuu askartii dishay kooxdaas ee soo furatay qorigaan ka balan qaaday inay heli doonto abaal-marin heer qaran ah. The post Sawirro: Qori Shabaab ka furteen ciidanka xoogga oo u gacan galay Macawiisley appeared first on Caasimada Online.
  23. Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo marti sharaf kale ayaa ka qaybgalay furitaanka xarunta xanaanada Carruurta ee Misbaax oo galabta xariga laga jaray,taas oo ay hirgalinteeda iyo hawl socodsiinteeda iska kaashadeen wasaaradda waxbarashada Galmudug iyo hay’adda Save the children. Axmed Xuseen Khayre oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa xusay in mashruucan xananada carruurtu uu kaalin wayn ka qaadanayo horumarinta waxbarashada carruurta iyo in la yareeyo carruurta waxbarasho la’aanta ah ama ka daaha. Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo wasaaradda waxbarashada Galmudug uga mahadceliyey inay Cadaado u xulatay mashruucan ayaa balan qaaday in maamulka degmadu uu kaalin wayn ka qaadanayo sidii xaruntan loo horumarin lahaa loogana faa’iideysan lahaa. Maxamed Xaashi Dhoorre wasiirka wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa sheegay in wasaaraddu ay xaruntan u diyaarisay macalimiin xirfad gaar ah u leh tarabiyada Carruurta, waxaana uu bulshada Cadaado ku dhiirri galiyey inay ka faa’iideystaan. Xaruntan ayaa qaata ilaa 120-Carruur ah, waxaana loogu tagalagalay in lagu siiyo xanaano, waxbaridda iyo tarabiyada, sidoo kalena ay heli doonaan cunno inta ay xarunta joogaan. Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Galmudug Xasan Cascaseey. wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Galmudug Cabdulaahi Cabdiraxmaan Tootoole iyo mas’uuliyiin kale oo munaasabadda ka haday ayaa fursad muhiima ku tilmaamay hirgalinta xaruntan, iyagoo soo jeediyey in bulshada Cadaado ay dhamaystiraan waxyaabaka ka dhiman oo uu ka mid yahay gaarigii carruurta qaadi lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com