Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha ayaa maanta oo bishu tahay 24/09/2023 warqad uu ku joojinaayo lacagta laga jaraayo musharkooda shaqaalaha gobolka Togdheer waxa uu u qorey badhasaabka gobolka Togdheer, isaga oo ogeysiin siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, xisaabiyaha guud, guddoomiyaha Baanka dhexe iyo cidda kale ee ay khuseyso. Waxa uu Guddoomiyahu Sida ay dhigayaan xeerarka iyo sharciga shaqaalaha dawladdu isaga oo cuskanaaya uu sheegay in lacag kasta oo laga jaraayo shaqaalaha dawladda ay go’aamiyaan xeerarka iyo sharciga lagu dhaqaa. Sidaa darteed warqadda uu qorey Badhasaabka gobolka Togdheer ee lagu amraayo Baanka dhexe laantiisa gobolka Togdheer waa la hakiyey. Waxa lacag laga jari karaa shaqaalaha marka ay ogolaadaaan ama cidda awoodda u lihi ay amarkaasi fuliso. Hay’adda shaqaaluhu waxa ay garab taagan tahay ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wax kasta oo lagu taageeraayo, hasayeeshee waa in talaabooyinka la qaadayaa ay ku dhisnaadaan talo-guud oo laysla ogol yahay dhinac kasta. Agaasimaha Xafiiska Saxaafadda iyo Xidhiidhka dadweynaha Maxamuud Cawaale Allah Mahad Leh #HSHD #cscsomaliland #SLCSC #somalilandcsc #Togdheer #Burao #Berbera Source
  2. Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa xalay gaadhay caasimadda dalka Jabuuti ee Jabuuti, waxana lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Wasiir kiisa Difaaca Xasan Cumar Maxamed (Burhaan). Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in madaxda Jabuuti uu kala hadli doono sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka adag ee difaac ee labada wadan u dhaxeeya iyo hawgallada milatari ee ka socda gobolka. Austin waxa kale oo uu sheegay in inta uu joogo Jabuuti uu booqan doono askarta Maraykanka ee joogta saldhiga Lemonnier. Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin waxa kale oo tagi doonaa wadamada Kenya iyo Angola isagoo madaxda wadamadaas kala hadli doonaa amniga qaaradda Afrika iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Source
  3. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa soo jeediyay in Somaliland iyo Soomaaliya midoobaan, isaga oo sheegay in loo baahanyahay in dhinacyadu qaataan siyaasad ku salaysan dantooda. Museveni oo qoraal kasoo saaray kulan uu madaxtooyada Kampala kula yeeshay Ergayga Gaar ah ee Somaliland u Qaabilsan Uganda Jaamac Muuse Jaamac, ayaa sheegay in gooni isutaaga Somaliland aanu ahayn mid sax ah. “Waxa madaxtooyada Entebbe igu soo booqday Ergayga Gaar ah ee Somaliland Jaamac Muuse Jaamac, anagu ma taageersanin in Somaliland ka godo Soomaaliya, waayo istaraateji ahaan waa khalad” ayuu yidhi Museveni. Museveni diidmadiisa waxa uu ku sababeeyay in dadka labada dhinac ay wajahayaan caqado isku mid ah, marka laga yimaado diinta iyo jinsiyada, sidaa darteedna ay u fiicantahay in ay qaataan siyaasad dan ku salaysan, taasi oo uu ku sheegay in ay ka muhiimsantahay siyaasada ku salaysan jinsiyada. Waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato dhexdhexaadinta labada dhinac, isaga oo sheegay in suuqyada gudaha ee Soomaaliya iyo Somaliland anay ku filnayn, sidaa daraadeedna loo baahanyahay in dhinacyadu ay midoobaan, isla ganacsadaan, kadibna Afrika la ganacsadaan. Sida ay hore u sheegtay Xogeeyihii Hore ee Maraykanka ee Arrimaha Afrika Condoleezza Rice dowlada Uganda ayaa ka mid ah waddamada Afrika ee kasoo horjeeda gooni isutaaga Somaliland, sidookale, Uganda ayaa kamid ah waddmada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xalay shir xasaasi ah oo ka dhan ah madaxweynaha hadda talada haya ee Cabdicasiis Laftagareen ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Shirkan oo ka dhacay hoyga Jawaari ayaa waxa uu daba socday shirkii dhowaan ka qabsoomay magaalada Nairobo, kaas oo laga soo saaray go’aanno culus. Xubnaha ka qayb-galay shirka waxaa kamid ah, Shariif Xasan, Xuseen Sheekh Maxamuud, Maxamed Mursal, xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Koonfur Gabeed Soomaaliya. War murtiyeed kasoo baxay shirka oo uu akhriyay mid kamid xubnaha mucaaradka ayaa waxaa lagu yiri “Kulankan waa kulan daba socda kulankii ka dhacay magaalada Nairobi waxaa isugu yimid odayaashii kusoo shiray dalka Kenya, xildhibaanada BFS iyo wasiirada DFS ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed”. Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday dagaalka Al-Shabaab iyo diidmada xubnaha mucaaradka ee ku aadan muddo kororsiga madaxweyne Laftagareen. “Shirkan waxaa la’iskula soo qaaday taageerida la dagaallanka Khawaarijta oo uu hormuud ka yahay madaxweynaha JFS waxaa kale oo shirka lagu soo qaaday in la taageero hadalkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa inuu diiday wax muddo korosi ah ha ahaato heer maamul goboleed ama heer federaalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa sidoo kale xubnaha mucaaradku dalbadeen in la dhaqan-geliyo heshiiska lagu gaaray Baydhaba, si ay doorasho uga dhacdo maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Ugu dambeyn waxay dalbadeen in 5-ta bisha soo socota October la’isugu tego magaalada Baydhaba, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii, loona aado doorasho loo dhan yahay. Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka taagan is mari waa siyaasadeed oo u dhexeeyay Laftagareen iyo mucaaradka maamulkaasi, waxaana usii dheer dagaalka Al-Shabaab. The post Daawo: Shir looga soo horjeedo Laftagareen oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  5. Boosaaso (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inuu gaajo iyo haraad darteed ugu geeriyooday dhulka miyiga ah, gaar ahaan nawaaxiga degmada Dhudhub ee Karkaar. Puntland ayaa sheegtay in ninkan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Yemen, laguna magacaabo Maxamed Saalim Maxamed uu u dhintay kadib kuleyl iyo gaajo soo wajahday. Qoraal kasoo baxay waaxda dambi baarista u qaabilsan Booliska Puntland ee (C.I.D) ayaa waxaa lagu xaqiijiyay geerida sarkaalkaas, waxaana la socday nin kale oo Soomaali ah. Maydka ninkan ayaa laga soo helay goobta, balse ma cadda illaa iyo hadda ujeedkiisa iyo halka uu ku socday intaba. “Ciidanka Dembi-baarista CID ee Booliska Puntland ayaa sheegay in meydka Mohamed Saalim Mohammed la helay 02 September 2023, waxa uuna u geeriyooday gaajo iyo haraad, lama oga inuu doonayay inuu ka baxsado Kooxda Daacish iyo inuu u socday hawl-gal kooxdiisa u dirtay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ciidabka Booliska Puntland. Sidoo kale laamaha amniga ayaa haatan baadi goobaya ninkii la socday sarkaalka geeriyooday, kaas oo meesha isaga dhaqaaqay, kadib geerida saaxibkiis. Dhacdadan ayaa kusoo aaday, ayada oo shalay Puntland ay xukuntay saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo ka howlgalayay magaalada Boosaaso. Saddexda xubnood ayaa kala ah:- 1. Salman Faarax Mohamed 15 sano oo xarig ah, 2. Abdullahi Shire Mohamud oo ahaa Nabadoon Daacishta damiinta waxaa lagu xukumay 5 sano, 3. Mohamed Ahmed Mohamud waxaa lagu xukumay 10 Sano oo Xarig ah. Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxaha argagixisada ah ee ku sugan buuraha Galgala ee gobolka Bari, halkaas oo ay haatan ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidanka amniga. The post Sarkaal ka tirsan Daacish oo Gaajo ugu geeriyooday Somalia appeared first on Caasimada Online.
  6. Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug waxaa wali ka socda howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, xilli ciidanka dowladda oo taageero ka helaya ay la wareegeen deegaanno Hirshabeelle ah, kuwaas oo dhaca Galbeedka magaalada Baladweyne oo ay hore ugu sugnaayeen Al-shabaab. Ciidanka xoogga dalka Somaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa ku guuleystay in ay gudaha u galaan deegaanada Ceelkabar iyo Jaburow, ka hor inta aysan dhowr jiho aysan ka weerarin deegaanka Luuqa-Jeelow ee gobolka Hiiraan, waxaana howlgalkaan qeyb ka ah ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad ee ku sugan halkaasi. Deegaanka Luuq Jeeloow ayaa ahmiyad gaar ah u leh kooxda maadaama uu yahay mid kamid ah saldhigyada ugu weyn oo ay ku leeyihiin galbeedka gobolka, Howlgalkan waxaa horkacayay abaan duulaha qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka, mana jirin wax dagaal ah oo ka dhacay goobahaasi. Sidoo kale dhinaca Galmudug howlgal dhanka cirka oo laga fuliyey degmada Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud ayaa lala eegtay guri la sheegay in ay ku shirsanaayeen hoggamaiyeyaal ka tirsan kooxda, sida laga soo xitay Gaashaanle Sare Ismaaciil Cabdi Maalik oo ah hoggaamiyaha guutada 26-aad ee CXD. Dhinaca kale Gobolka Mudug ciidanka dowladda, daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa dhaqdhaqqyo ciidanka kawada deegaanno hoostaga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaa sidoo kale jira in duqeymo iyo dagaallo xooggan ay ka socdaan deegaanka Shabeellow oo dhinacyadu isku hayaan. Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka dhaqdhaqaaq kale duwan ay ka wadaan gudaha magaalada Maxaas, kaas oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan deegaanno hor leh, kuwaas oo dhaca bariga gobolka Galgaduud ee ka maqan gacanta dowladda. Ciidanka xoogga dalka ayaa qorsheynaya in ay dib ugu laabtaan deegaanno dhowaan ay isaga soo baxeen ciidanka, kadib markii ay soo dhameysteen farax uu siiyey madaxweyne Xasan, markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday deegaanka Cowsweyne ee bariga gobplka Galgaduud ee Galmudug. Howlgallo xooggan iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa deegaanno hoos taga Galcad iyo Ceeldheer, waxaana ciidankii ugu badnaa lagu uruuriyay deegaanno hoostaga Ruunnirgood, kuwaas oo isugu jiro deegaanka iyo sidoo xoogga dalka, waxaana ku sugan mas’uul kale duwan oo heer dowlo ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hassan Abdi Barre reaffirmed that Somalia is one of the greatest victims of climate change despite contributing the least to global carbon emissions. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday shabakad ka kooban 3 qof oo ka tirsaneyd Al-Shabaab, kuwaas oo ahaa basaasiin kooxda uga howlgalayay gudaha magaalada Muqdisho. Saddexda qof ee la xukumay ayaa kala ah Xaawo Cismaan Cabdi, Cawil Aadan Jaamac iyo Xasan Cali Xasan, kuwaas oo ay maxkamadeyntoodu muddo dheer soo socotay. Xaawo Cismaan Cabdi oo aheyd halka gabar ee ku dhex jirtay kooxdan ayaa waxaa lagu helay inay kayd haye hub u aheyd Al-Shabaab, sidoo kalena ay shirqooli jirtay xubnaha bartilmaameedka u ah kooxda sida laga hor caddeeyay maxkamadda ciidanka qalabka sida. Gabadhan oo si weyn arrinteeda loo hadal hayo ayaa ka warbixisay sida ay ay ugu biirtay kooxda, waxa ay sheegtay in ay Sacuudiga kasoo laabatay sanadkii 2021-kii kadibna baraha bulshada ay ka daawan jirtay muuqaalada Al-Shabaab oo ay sidaas ugu biirtay, ayada oo xustay in gabdho iyo wiilal ay ka baratay Internet-ka, ayna sidaas ku howlgashay. Sidoo kale waxa ay qiratay in hubka loo keeni jiray, sida bambaanooyin iyo bistoolado, kadibna ay usii gayn jirtay xubnaha weerarada ka fuliya gudaha caasimada. “Wiilasha aan la shaqeynaayay aniga ninka Amiirka ah ayaa igu soo xiray oo joogo meel la dhaho Mubaarak, wuu isoo wacaayay kadib alaabta ayaa la’ii keenaayay, markii dambe waxaa la ii keenay bambooyin guriga ayaana ugu hayay” ayay tiri Xaawo Cismaan. Waxaa kale oo ay sii raacisay “Boqol dollar ayaa la’i siinayay, kaliya waxaa lay dhahaayay meel heblaayo gey alaabta, waxaana inta badan geyn jiray Tabeelaha” ayay sii raacisay. Maxkamadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqday Cawil Aadan Jaamac oo isna ahaa basaas kale oo xogaha siin jiray kooxda, sida uu ka hor sheegay maxkamadda. Ninkan oo deganaa xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid ayaa ku shaqeynsan jiray mooto Bajaaj, balse si hoose ugu basaasayay kooxda. Waxaa kamid a howlaha uu sameyn jiray inuu la socda dhaq-dhaqaaqa ciidanka amniga iyo meelaha ay ka howlgalayaan marka la baarayo gaadiidka ama mootooyinka, si ay uga weecdaan xubnaha Al-Shabaab ee raba inay weerar gaystaan. Sidoo kale waxaa ninkan lagu eedeeyay inuu wax ka ogaa weerarkii Buulo-mareer ee lagu qaaday ciidanka Uganda ee ATMIS, isaga oo qaabilsanaa inuu isha ku hayo dhaq-dhaqaaqa Muqdisho iyo haddii uu jiro gurmad kasoo baxayo oo aadayo dhanka magaaladaasi. Ninka saddexaad ee isna la xukumay waa Xasan Cali Xasan oo 55 jir ah, isla-markaana ah qurbe-joog, waxaa lagu helay inuu gaadiid uu Taxi ahaan ugu shaqeyn jiray ugu qaadayay xubnaha Al-Shabaab, sidoo kalena uu Al-Shabaab u geyn jiray dadka u dacwad tega. Xasan Cali ayay sidoo kale maxkamadda sheegtay inuu kooxda u ahaa Nabadoon beenaad iyo dalaal, isla-markaana u fuliyay howlo badan oo ay u direen xubnaha Al-Shabaab. Ugu dambeyn guddoomiye Shuute oo ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda ayaa sheegay in Cawil Aadan Jaamac lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale waxaa Xaawo Cismaan lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah, halka Xasan Cali isna lagu ridday 1 sano oo il ku heyn booliska ah. Dhanka kale maxkamadda ayaa sii daysay nin lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Xuseen, kadib markii lagu waayay wax dambi ah. The post Daawo: Gabadhii basaaska u ahayd Al-Shabaab iyo kooxdeeda oo la xukumay appeared first on Caasimada Online.
  9. Roobabka deyrta ayaa xalay ka curtay degaanno kala duwan oo ka tirsan dhulka maamul goboleedka SSC-Khaatumo. Roobabka ayaa sida wararku sheegayaan ka da’ay degaanno kamid ah Sool iyo Cayn, oo ay ku jiraan magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle. Wararka ayaa sheegaya in magaalada Laascaanood iyo inta badan nugaasha ku xeeran uu ka da’ay roobku, gaar ahaanna dhulkii laga kiciyay ciidamada Somaliland. Dhanka hawdkana, degmada Buuhoodle iyo degaannada hoos yimaada ayaa lagu soo warramaya in xalay roobab mahiigaan ah ka da’een. Curashada roobabka deyrta ayaa imaanaya, iyadoo dadka reer SSC ay ku jireen xilli jilaal jimcoon ah, oo ay weli xooluhu sii daaqayaan cawskii uu reebay gu’ga. PUNTLAND POST The post Roobka deyrta oo ka curtay dhulka SSC-Khaatumo appeared first on Puntland Post.
  10. Beledweyne (Caasimada Oline) – Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo xalay garoonka Aadan Cadde ugu tegay dhaawacyadii laga soo qaaday magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay weerarkii is-miidaaminta ee kooxda Al-Shabaab. Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Faysal Caraale oo kamid ah mas’uuliyiinta meesha ka hadlay, kana soo jeedo gobolka Hiiraan ayaa wacad ku maray in loo soo aari doono dhamaan dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu dhibaateeyay Beledweyn. “Nimanka Khawaarijta ficilada ay sameynayaan waxaan ka qaadeynaa ad-adeeg iyo inaan usoo aarno dadkaas shacabka ah, waana loo soo aaraayaa” ayuu yiri xoghayuhu. Faysal Caraale ayaa sidoo kale farriin u diray reer Beledweyne, wuxuuna ugu baaqay inay jawaab deg-deg ah ka bixiyaan weerarkii shalay ka dhacay magaaladaasi. “Waxaan rajeynayaa in dhaawacyada la keenay, ayaga oo caafimaad qaba inay laaban doonaan nimankii Khawaarijta ahaa ee dhibkaan gaarsiiyay ayaga oo aan waxba galabsan inay kasoo aarsan doonaan, dadka kale ee Beledweyne joogana way usoo aari doonaan” ayuu mar kale yiri Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Faysal Caraale. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaa naga go’an oo aan habeen iyo maalin u taagnaan doonaa haddii uu illaah yiraahod nimankaas Khawaarijta ah oo Muslimka dhibay in gacmaha lagu cadaabo”. Dhankiisa xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo kamid ah xildhibaanada ka hadlay meesha ayaa sheegay inuu sii dhacayo gabalka Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay shacabka reer Hiiraan inay sii wadaan halgankooda, ayna la dagaalamaan kooxda. “Khawaarijta waa laga adkaaday,Waqtigodana waa dhamaday Shacabka Baladweynow sidaad Argagixisada iskaga celiseen,iskaga celiya dadka cadowga gudaha Magaalada u joogo.” ayuu isna yiri Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego. Si kastaba, Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogu jebiyay Al-Shabaab, waxayna taas keentay in kooxdu bartilmaameed ka dhigato magaalada Beledweyne oo noqotay goobta labaad ee ugu qaraxyada badan marka laga yimaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho. The post Ma’suuliyiin shaaciyay in loo aarayo reer Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  11. Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeen Galmudug Mudane Ali Dahir Ciid ayaa Shir gudomiyay kulan lagu dardargalinaya Howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka sugan qaybo ka mid ah Galmudug, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa xilli howlgallo baaxad leh ay ka socdaan deegaannada maamulkaas ee gobollada Mudug iyo Galgaduud. Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen Wasiir kuxigeenka Amniga dowlad goboleedka Galmudug ,Saraakisha Ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa lagu soo dhaweyay hormarada baxaada leh ee Ciidamada Xoogga dalka ,Darwiishta Galmudug iyo Ciidanka Deeganka ay ka sameyeen dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda. Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo Shirkaan ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaab lagu jabiyay Dagaaladii ugu danbeyay ee Galmudug ka dhacay waxana u faray Ciidamada in ay sii laba jibaaran howlgallada, isaga oo ugu Danbeyn Shirka lagu kala qaatay awaamiir hor leh oo sare logu qaadaayo Amniga deegaannada maamulka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Magaalada Muqdisho soo gaarsiisay dhaawacyada dadkii waxyeelu kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho uga hortagay xildhibaanno katirsan dowladda iyo madaxday Hay’adda SoDMA. Agaasimaha Waaxda Cafimaadka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Dr Abdullaahi muse Axmed oo kawarbixiyey tirada dhawacyada ayaa sheegay in la keenay 16-qof oo isugu jira Caruur,Haween iyo dad wayeello ah oo dhaawacyo kale duwan ay kasoo gaareen qaraxii ka dhacay maaalada Baladweyne. Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka iyo xubnno ka socday gobolka Banaadir ayaa ka tacsiyeeyay dadkii shacabka ahaa ee werarkaa ku dhinta kuwa dhawacamayna alle ugu baryay in uu caafiyo, waxana qaar kamid ah masuuliyinta oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen xilli ay ku sugnaayeen gudaha garoonka Aadan Cadde. Weerarka qaraxa ee ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa sababay geerida 10 ruux, halka in 20 ku dhow ay dhaawacyo kale duwan ay soo gaareen, dhaawacyada qaar ayaa la dhigay isbitaalka magaalada, xilli kuwii darnaa loo soo duuliyey Muqdisho iyaga soo gaaray caasimadda si ay u helaan caaafimaad iyo la tacaalid buuxda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia is gearing up for a significant economic milestone. The International Monetary Fund (IMF) and other international lenders are set to grant the country comprehensive debt relief by December. The potential relief comes in recognition of Somalia’s diligent efforts to enhance domestic revenue and augment the transparency of its public finance management. Laura Jaramillo, leading the IMF team, affirmed Somalia’s achievements. “Somalia has met almost every requirement for full debt relief,” Jaramillo stated. However, she emphasized the need for more progress, remarking, “Building on the progress thus far, the main focus should be on fortifying domestic revenue, enhancing public financial management, and bolstering financial deepening and inclusion. Additionally, improving governance and data collection is vital.” Somalia’s economic journey The context of these achievements is crucial. Somalia, located in the Horn of Africa, has been striving to revitalize its economy amidst numerous challenges. The nation’s economic journey hasn’t been smooth, from drought and floods to food shortages and security threats. Yet, despite these adversities, the country has made significant strides in implementing vital economic reforms. The lenders lauded Somalia, stating, “The enacted reforms, aiming to optimize public resource utilization for the benefit of Somali citizens and stimulate economic growth, are beginning to yield positive results.” This growth is pivotal as it paves the way for job opportunities, benefiting the nation at large. Somalia’s challenges, including climate catastrophes, dwindling remittances, and unstable security conditions, could have easily stalled its economic recovery. Yet, the nation’s unwavering dedication to its reform strategies has been commendable. Debts to sustainable development Somalia’s journey towards debt relief began earnestly in March 2020 when it reached the decision point under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) initiative. This achievement reduced its debt from a staggering $5.2 billion to a more manageable $3.7 billion. Upon completing the HIPC initiative, Somalia stands to gain debt relief from esteemed institutions like the IMF, World Bank, African Development Bank, Inter-American Bank, the 22 members of the Paris Club, and any other willing lenders. The expected debt relief will dramatically reduce Somalia’s outstanding loans from $3.3 billion to a mere $557 million, equivalent to about 10% of its GDP. This reduction grants the nation the much-needed flexibility to address the challenges hindering its economic advancement. Moreover, Somalia is poised to join a league of nations, including Burundi, Rwanda, Tanzania, Uganda, Ethiopia, and the Democratic Republic of Congo. These countries are among the 31 underdeveloped nations that have previously benefited from the debt relief initiative. The post IMF foresees Somalia’s full debt clearance by December appeared first on Caasimada Online.
  14. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad dheer oo muhiim ah ka jeediyay kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York, isaga oo kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladaha guud ee dalka. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi ayaa ka hadlay horumarka dowladda Soomaaliya ay gaartay dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-shabaab oo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay 45% inay xoreyso deegaannadii ay suganaayeen, isaga oo ku dheeraaday dadaalka ay dowladdu gelisay arrimaha horumarinta bulshada. Mudane Xamsa ayaa codsaday in Golaha Ammaanka ee Q.M. uu ka qaado cunaqabateynta mudada 30-ka sano ka badan saarneyd Soomaaliya, si dalkeenu uga guuleysto argagixisada, isla markaana ciidanka qaranka ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka dalka, kadib marka ay baxaan ciimada midowga Africa. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhibbane u tahay saameynta isbeddelka cimilada, oo dalkeena ay ka dhaceen abbaaro is dabajoog ah iyo fatahaado, isla markaana ay codsaneyso Soomaaliya in gacan la siiyo xal u helidda dhibaatooyinka ka dhasha qaaca hawada lagu sii daayo iyo isbeddelka cimilada. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku baaqay dib u habeyn lagu sameeyo hey’adaha caalamiga ee adduunka oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay, Bangiyada Horumarinta iyo Nidaamka Guud ee Dhaqaalaha Adduunka, kaas oo wax ka bedela sida dunidu ay hadda u macaamisho oo gaarka ugu xiran yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Dowladda Puntland ayaa markii u horraysay shaacisay in sarkaal ajnabi ah oo ka tirsanaa argagixisada Daacish uu gaajo iyo harraad ugu geeriyooday dhulka miyiga ah. Waaxda denbi-baadista u qaabilsan Booliska Puntland ee (C.I.D) ayaa xaqiijisay geerida Maxamed Saalim Maxamed oo ka tirsanaa Daacish islamarkaana ka soo jeeda dalka Yemen. Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Maxamed Saalim uu gaajo iyo harraad ugu geeriyooday nawaaxiga degmada Dhudhub ee gobolka Karkaar xilli uu ka yimid Daacish uuna la socday nin kale oo Soomaali ah. “Ciidanka Dembi-baarista CID ee Booliska Puntland ayaa sheegay in meydka Mohamed Saalim Mohammed la helay 02 September 2023, waxa uuna u geeriyooday gaajo iyo haraad, lama oga inuu doonayay inuu ka baxsado Kooxda Daacish iyo inuu u socday hawl-gal kooxdiisa u dirtay” ayaa lagu yiri qoraalkaas. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha amniga Puntland ay baadi-goobayaan nin Soomaali ah oo socdaalka ku weheliyay ajnabiga geeriyooday ee Maxamed Saalim. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay sababta uu u geeriyooday sarkaal ajnabi ah oo ka tirsanaa Daacish appeared first on Puntland Post.
  16. Dhusamareb (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud condemned the deadly al-Shabab suicide attack in Beledweyne on Saturday, reportedly killing at least 36 people and leaving over 40 others wounded. Source: Hiiraan Online
  17. NEW YORK CITY: Oliver Dowden, deputy prime minister of the UK, warned world leaders of the risks of the use of artificial intelligence during his speech at the general debate of the 78th UN General Assembly on Friday. Source: Hiiraan Online
  18. New York (Caasimada Online) – Prime Minister Hamza Abdi Barre announced that within a year, Somalia had recaptured over 45% of territories once occupied by the Al-Shabab terrorist group. Speaking at the 78th UN General Assembly, Barre detailed the nation’s comprehensive strategy, which combined military, financial, and ideological countermeasures. Highlighting Somalia’s commitment to eradicating terrorism, Barre proudly stated, “We’ve dealt decisively with extremism.” This approach is not merely military; it incorporates financial and ideological countermeasures. The inaugural phase of the military’s offensive against the Al-Qaeda-affiliated Al-Shabab commenced in August of the prior year, followed closely by the second phase involving partnerships with clan-based militias in central Somalia. “Our nation now boasts stringent administrative protocols concerning the regulation, utilization, and storage of firearms,” Barre added, emphasizing the nation’s capabilities. The call to lift the arms embargo The Prime Minister fervently appealed for the “absolute and without conditions removal of the arms embargo” – an embargo that’s been in place since 1992. Characterizing it as the world’s “most enduring, encompassing, and comprehensive,” Barre believes that revoking this restriction can bolster Somalia’s efforts against terrorism, ushering in an era of peace and prosperity. “Our goal is to ensure a peaceful, prosperous future for our people,” Barre reiterated. While the fight against terrorism remains paramount, the effects of climate change have not escaped the Prime Minister’s attention. “Somalia is unjustly paying the price of a problem it scarcely contributed to,” Barre remarked, referencing the nation’s negligible carbon footprint. Yet, the nation has repeatedly faced the devastating consequences of extreme climate events. Chronic droughts followed by destructive flooding have wreaked havoc in Somalia. This vicious pattern has resulted in the tragic loss of thousands of lives and the displacement of millions. Barre called for global solidarity and action, urging, “The international community must rally to support countries like ours that bear the disproportionate burden of climate change.” The path forward Drawing a comparison with its past, Barre noted, “No country has regressed as much as Somalia since the 1960s.” Yet, Somalia’s journey towards peace, stability, and socio-economic growth has seen a resurgence in the last decade. The Prime Minister envisions a future where the nation progresses socially and economically without looming security threats. For this vision to materialize, he emphasized, “We need an immediate and total end to violence and destruction.” Barre also touched upon the ongoing Israeli-Palestinian conflict, expressing solidarity with the Palestinians and advocating for a two-state solution in line with the pre-June 1967 borders. Describing the world as “both divided and inequitable,” Barre underscored the urgency of reforming global entities like the UN and development banks. “These institutions, in their present form, no longer serve their intended purpose,” he concluded. The post Somalia reclaims 45% Al-Shabab territory in a year: PM appeared first on Caasimada Online.
  19. Somalia is on course to receive a full debt relief from the International Monetary Fund (IMF) and other lenders in December this year, after making important reforms to boost domestic revenue collection and transparency in management of public finances. Source: Hiiraan Online
  20. NEW YORK: Somalia has managed in under a year to liberate more than 45 percent of the areas formerly held by the terrorist Al-Shabab group, Prime Minister Hamza Abdi Barre said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  21. New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay xoreysay 45 boqolkiiba dhulkii gacanta ugu jiray maleeshiyada Al-Shabaab, taasi oo ka dhigan inay harsan tahay 55 boqolkiiba. Xamza ayaa hadalkan ka sheegay shirka Golaha Guud ee QM ee magaalada New York, oo uu khudbad ka jeediyey. Xamza ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka QM “inuu si buuxda oo shuruud la’aan ah cunaqabtaynta hubka uga qaado Soomaaliya,” taasi oo saarneyd tan iyo 1992-kii. “Qaadista cunaqabateyntan waxay noo ogolaanaysaa inaan si wax ku ool ah ula dagaalanno argagixisada oo aan dadkeena u dhisno mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah,” ayuu yiri. Xamza waxa uu sheegay in dalkiisu uu “gacan bir ah kula tacaalay xag-jirnimada,” isagoo adeegsanaya “olole guul leh” oo ka kooban tallaabooyin militari, dhaqaale iyo fikir. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay maanta leedahay “nidaamyada maamul ee lagama maarmaanka ah oo ku adag xakameynta haysashada, adeegsiga iyo kaydinta hubka.” Soomaaliya ayaa billowday wajigii koowaad ee duullaanka milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab bishii Agoosto ee sannadkii hore. Wajiga labaad ayaa lagu dhawaaqay bishii hore, iyadoo ciidamada milateriga ay gacan ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ku sugan bartamaha Soomaaliya. Haddii uu sax yahay hadalka Xamza ee ah in dowladda ay xoreysay 45 boqolkiiba dhulkii ay haysatay Al-Shabaab, waxay ka dhigan tahay in weli dagaalku aanu dhoweyn, ayna adkana doonto muddada ay dowladda qabsatay inay kusoo afjarto. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bil kahor hadal ka jeediyey magaalada Dhuusomareeb ayaa qabsaday inuu shan bilood kaga adkaan doono Al-Shabaab, taasi oo ka dhigan in hadda ay hartay afar bilood. The post R/W Xamza oo shaaciyey boqolkiiba dhulka Al-Shabaab laga xoreeyey iyo inta harsan appeared first on Caasimada Online.
  22. WASHINGTON — As Somalia's army and allied clan militias continue to drive al-Shabab fighters out of locales in central Somalia, analysts warn the country could still face security threats from Islamist militants on the run. Source: Hiiraan Online
  23. Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa bartiisa X (twitter) soo dhigay qoraal ka careysiiyey Somaliland, oo uu ku diiday fikradda gooni u goosadka ee Hargeysa, isaga oo dalbaday wada-hadallo dhex-maray Somaliland iyo dowladda federaalka. Museveni ayaa qoraalkan soo daabacy kadib markii uu xarunta madaxtooyada kula kulmay wakiilka Somaliland ee Uganda Jaamac Muese Jaamac. “Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ergeyga gaarka ah ee Somaliland ayaa iigu yeeray xarunta madaxtooyada ee Entebbe,” ayuu Museveni ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X. “Ma taageersanin in Somaliland ka go’do Soomaaliya, sababtoo ah xeelad ahaan, waa mid khalad ah.” “Dadku waxay wajahayaan caqabado isku mid ah iyadoon loo eegayn jinsiyadda iyo diinta, sidaas darteed, waa inay qaataan siyaasadda danta, taas oo ka muhiimsan siyaasadda aqoonsiga,” ayuu yiri Museveni. Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo Hargeysa iyo Muqdisho, ayna u baahan yihiin inay wada shaqeeyaan. “Waxaan ogolahay in aan qaato doorka dhex-dhexaadinta nabadda ee labada dhinac, suuqa gudaha ee waddan kaliya kuma filna, sidaa darteed, Somaliland iyo Soomaaliya waxa looga baahan yahay in ay midoobaan, oo ay wadajir u ganacsadaan, oo ay la ganacsadaan dalalka kale ee Afrika,” ayuu yiri. Qoraalka Museveni ayaa waxaa ka fal-celiyey dad badan oo reer Somaliland ah oo madaxweynaha Uganda u qoray jawaabo caro leh oo ay kaga xun yihiin. Museveni ayaa inta badan ah siyaasi aan la gaban hadallada, wuxuuna hadda kahor sidoo kale hadal u muuqday bahdil ku hor yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u sheegay inaanu isku haleyn ciidan shisheeye ee Soomaaliya ay dhisato ciidankeeda, si ay u sugaan amniga dalka. Dr Jama Musse Jama, the Special Envoy from Somaliland, called on me at State House, Entebbe. We do not support the secession of Somaliland from Somalia because, strategically, it is wrong. The people face similar challenges regardless of race and religion; hence, they should… pic.twitter.com/9zqiAvuXJ9 — Yoweri K Museveni (@KagutaMuseveni) September 23, 2023 The post Madaxweyne Museveni oo Twitter soo dhigay qoraal ka careysiiyey reer Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  24. Toronto is home to one of the largest Somali diasporas in the country and this year, one of the city's most popular art festivals will showcase the community's art, culture and influence here. Source: Hiiraan Online