-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Mas’uul sare oo Mareykan ah ayaa warbaahinta u sheegay in si dhow ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa joogitaanka ciidamada Shiinaha ee Jabuuti. Mas’uulka ayaa intaas ku daray in saraakiisha Jabuuti ay walaacooda la xiriira joogitaanka militaraiga Shiinaha ay la wadaagi doonaan. Mareykanka ayaa horay kaga cawday Ciidamada Shiinaha ee ku sugan Jabuuti oo bishii Maarso ee sannadkii 2018 dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah cabasho ugu gudbisay dawladda Shiinaha ka dib markii marar kala duwan la shiishay oo shoocaac lagu qabtay duuliyeyaasha Maraykanka. Jabuuti waa dal yar oo ku yaala badda cas, balse waxa saldhigyo waaweyn oo ciidamo ah ku leh Maraykanka, Faransiiska iyo Shiinaha. Saldhigga militariga Shiinaha ee Jabuuti Shiinaha ayaa 1-dii Ogosto ee sannadkii 2017-kii si rasmi ah u furay saldhig miltari oo uu ku leeyahay dalka Jabuuti, kaas oo ah kii ugu horreeyay uu dalkaasi ka dhiso dibedda. Shiinaha ayaa billaabay dhismaha saldhigan sanadkii 2016-kii. Kharasha ahaan wuxuu Shiinaha sheegay in dhismaha xaruntan ay ka baxday lacag dhan 590 million oo doolar. Tiro ahaan militariga ku sugan ayaa lagu sheegay inay yihiin kun ilaa laba kun oo askri. Waxa uu sheegay in saldhigaas uu gacan ka gaysan doono nabad ilaalinta iyo gargaarka banii’aadannimo ee Afrika iyo Galbeedka Aasiya. Shiinuhu waxa uu ka mid yahay dowladaha daneeya isla markaana maal-gashanaya dalkan yar ee ku yaalla Geeska Afrika. Xiriirka dublamaasiyadeed ee u dhexeeya Shiinaha iyo Jabuuti waxa uu bilaabmay 8-dii Janaayo 1979-kii. Siyaasadda dib-u-habaynta iyo furitaanka ee Shiinuhu hirgeliyey 41-kii sannadood ee u dambeeyey iyo xidhiidhka uu la sameeyey waddamada Afrika sida Djibouti ayaa waxay hor seedday is-dhexgalka maamulka Beijing iyo caalamka. Iskaashiga labada dal ayaa si habsami leh u socday muddo 41 sano ah. Markii kalsoonida siyaasadeed ee cilaaqaadkoodu uu sii kordhay, waxaa sidoo kale sii xoogeystay xiriirka labada dhinac. Sida xaqiiqda ah, dhinacyadu waxay saxeexeen heshiis 2017, kaas lagu tilmaamay waa cusub oo u baryay labada waddan. Heshiiska ayaa u jeedkiisu lagu sheegay inuu yahay iskaashi istiraatijiyadeed. Heshiiskaasi ka dib, maamulka Beijing ayaa saldhig milatari ka sameystay Jabuuti, saldhiggan ayaa noqday saldhigii ugu horreeyay ee rasmi ah oo ka baxsan xudduudaha Shiinaha. Sidoo kale, Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka Afrikaanka ah ee Shiinaha la saxiixday heshiis ku saabsan Mashruuca Waddada-Belt-Road. Beijing waxa ay Jabuuti u aragtaa xarun ganacsi taas oo ay ugu wacan tahay maalgashiga Shiinaha ee dibadda iyo danaha dhaqaale ee qaaradda Afrika. Sababta koowaad ee Shiinaha u daneynayay Jabuuti ayaa ah inay tahay goob istaraatiiji ah. Sababtoo ah Jabuuti, waxa ay ku taal mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka, waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee danaha dhaqaale ee Shiinaha. Saldhigga militariga Mareykanka ee Jabuuti Jabuuti waxa ay martigalisaa tirada ciidamada militariga Maraykanka ugu badan ee Afrika jooga, waxayna ku suganyihiin saldhiga lagu magacaabo Camp Lemannier, kuwaasi oo tiradoodu gaarayso illaa 4,000 oo askari. Camp Lemonnier waxaa markii hore aasaasay gumeystihii Faransiiska hase yeeshee saldhigan waxa ay Djibouti ka kiraysay Maraykanka 2002, iyada oo uu heshiiska ka mid ahaa isticmaalka madaarka iyo dekedaha. Baaxadda xerada ayaa lagu sheegay inay tahay 3,150 mitir. Maxay tahay muhiimadda Jabuuti ay leedahay ee dalalkan waaweyn uga sameysteen xarumaha militari? Jabuuti oo ku taalla cirifka Geeska Afrika, ayaa ah dalka ugu baaxadda yar qaaradda Afrika. Si kastaba ha noqotee, u dhawaanshaheeda gobolka Bariga Dhexe, meesha ay ku taal oo ah marinka Bab-ül Mandeb, iyo muhiimada ay u leedahay waddooyinka marinka tamarta ayaa dalkan ka dhigay meel muhiim ah oo soo jiidata indhaha dowladaha waaweyn ee caalamka. Juqraafi ahaan Jabuuti waxay ku taalla meel laga maamuli karo marinka badda cas iyo badweynta Hindiya; waxa kale oo ay isku xirtaa badda Aasiya-Pacific, Gacanka Faaris, iyo gobolka Geeska Afrika. Waxaa sidoo kale lagu qeexi karaa in jabuuti ay ku taal albaabka laga galo badda cas, taas oo u oggolaanaysa inay noqoto marinka Waqooyiga Afrika iyo gobollada Bariga Dhexe. Isha: BBC Somali The post Maxay yihiin ciidamada Shiinaha ee saldhiga Jabuuti ee Mareykanka ka walaaciyay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa raali-gelin ka bixiyey weerar afka ah oo maalmo kahor uu ku qaaday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, kaasi oo looga fal-celiyay siyaabo kala duwan. Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale raali-geliyey dadka reer Dhuusamareeb oo qaarkood ay dhibsadeen hadal uu yiri, kadib markii uu ka laabtay safar uu ku tegay Dhuusamareeb oo wareysi uu bixiyay kaga deyriyey sida uu u socda dagaalka Al-Shabaab, isagoo markaas beelaha Mogadishu Clan iyo wasiirka difaaca ku eedeeyey hagar iyo in dagaalka aysan daacad ka ahayn. Madaxweyne hore Waare oo ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha xasilinta ayaa xalay arrimahaas ka bixiyey raali-gelin buuxda, isagoo sheegay inay lasoo xiriireen malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle oo wasiirka gaashaandhigga uu ka dhashay. Wuxuu sheegay inuu aad u ixtiraamo dhaqanka Soomaaliyeed, islamarkaana uusan diyaar u aheyn inuu sababeeyo ama sii difaacdo hadalkiisii hore, isagoo si dabacsan u raali gareeyey odayaasha dhaqanka, malaaqyada beelaha Raxanweyn iyo cid kasta oo dhibsatay hadalkiisii. Waare ayaa xiligaas Wasiirka ku eedeeyey in taliska xoogga iyo istaraatiijiyadda dagaalka Al-Shabaab uu carqaladeynayo, isagoo si cad u sheegay in Wasiir Jaamac uusan u qalmin wasaaradda Gaashaandhigga, safarkaas Madaxweynuhu ma waday wasiirka oo markaas joogay furinta xigta Dhuusamareeb. Hadda Waare wuxuu cod dheer ku sheegay in hadalkaas uu raali-gelin ka bixinayo, sidoo kale wuxuu raali gelin siiyey dadka reer Dhuusamareeb oo isla wareysigaas uu ku eedeeyey isagoo sheegay inay dagaalka ku fiirsanayaan Madaxweynaha. Wuxuu sheegay in reer Dhuusamareeb uusan ku soo arkin wax ceeb ah, balse hadalkiisa uu kala jeeday kicin bulsho, isagoo sheegay in bulshadii ay kacday oo maalmahaan Khawaarijta laga xoreeyey inta badan koonfurta gobolka Mudug. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Cabdifataax Muuse Maxamuud: “Saan ayaa ah dhaqanka fiican oo aan waligeey raadinayay. Hadsii qofka uu gafo ama aad hadalkiisa dhibsato Media haka caayin ee walaalkaa qaldamay waaye sidaan camal uga garnaqso.” Saalax ayaa sidoo kale yiri: “Adigana ma waxaad noqotey kuwii markey wax sheegaan hadana raali-gelin bixin jirey.” “Madaxweyne ma markii hore baad saxneyd mise hadeer,” ayuu yiri Ibraahim oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabada uu qaaday Waare. Maxamed Aamin: “Anaga hadaan reer Galmudug nahay wareysigaaga si ayaad noo duraysay madaxweyne Waare, laakiin xaqiiq waxaa ah inaad goobaabo un ka waday.” “Rag rag dhalay geesi ayaa ka garaabo wixii uu gaystay Waare hadaadan hadli lahayn meelo badan caawa xur ma ahaadeen,” ayuu yiri Cabdifataax Xuseen. Khadro Maxamed Cali: “War in intaa inaa dhaanta kuu haystay awal Waarow.” “Wixii hadda ka dambeeya ka first waxaad ku hadleyso ka fiirso,” ayuu yiri Cabdullaahi Diiriye Afrax. Maxamed Ugaas Xuseen: “Awalba waad caadifad hadlaysay.” The post FALCELIN aan caadi aheyn oo ka dhalatay tallaabadii WAARE appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland ayaa ku gacan sayrtay in ay dowladda Federaalka Soomaaliya la gasho wada-hadallo ku saabsan midnimada dalka. Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo labada dhinac. Qoraal ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in aysan qorshe ah ka laheyn wada-hadallo ku saabsan wax la xiriira midnimo. “Somaliland waxay mar labaad u xaqiijineysaa Midowga Afrika iyo beesha caalamka inteeda kaleba in aanay qorshaha ugu jirin wada-hadal ku saabsan midnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Somaliland oo beenisay in ay diyaar u tahay wada-hadal ku saabsan midnimada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo qorsheynagay falal lidi ku ah amniga caasimada ee Muqdisho. Xubnahan lasoo qabtay ayuu sheegay in mid kamid ah xilliga ciidamada ammaanka ay qabanayeen uu bambo ku tuurayay waaxda Suuq Bacaad, ayna sifo baalmarsan shuruucdii loo dejiyay guryaha kirada ee caasimada ay ku deganayeen guriga ay kasoo abaabulayeen falalka amni darro. “Waxaan tagnay gurigii uu deganaa qofkaas Khawaarijta la shaqeynayay, waxaa naloo sheegay in markay soo degayeen aysan degmada iska diiwaan-gelin, qofkii guriga lahaana wuu iska kireystay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Yaashqiid. Waxa uu digniin u direy dhamaan mulkiilayaasha guryaha ee degmada Yaaqshiid, isaga oo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaaday mulkiilihii masuuliyad darrada sameeyay ee gurigiisa laga soo qabtay xubnaha Shabaabka. “Waxaa halkan farriin uga direyna dhamaan shacabka degmada Yaashqiid, qofkii guri ka kireysta qof aysan ka warqabin maamulka degmada iyo laamaha ammaanka wixii imaada isaga masuuliyadiisa qaadaya. Gurigaas (lagu soo qabtay) go’aan ayaa ka gaareyna waana la xirayaa illaa amar dambe.” Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale waxay ku raad joogaan xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo la sheegay in xog ku heleen inay soo galeen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Dowladda federaalka ayaa hore u sheegtay in xubno badan oo firxad ah, kana tirsan kooxda Al-Shabaab ay soo galeen caasimada, kadib culeys ay kala soo kulmeen gobollada dalka, oo uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda. Si kastaba, waxaa Muqdisho muddooyinkii dambe ka socday howl-gallad amni oo dhankasta ah, taasi oo ugu horeeyo baaritaanada lagu sameynayo guri kasta oo ku yaalla Muqdisho iyo nawaaxigeeda, midaas oo wax badan ka tartay amniga caasimada. The post Xog ka cusub xubno Shabaab ah oo lagu qabtay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Mas’uul sare oo Mareykan ah ayaa warbaahinta u sheegay in si dhow ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa joogitaanka ciidamada Shiinaha ee Jabuuti. Mas’uulka ayaa intaas ku daray in saraakiisha Jabuuti ay walaacooda la xiriira joogitaanka militaraiga Shiinaha ay la wadaagi doonaan. Maraykanka ayaa hore cabasho uga muujiyay ciidamada Shiinaha ee ku sugan saldhiga dalka Jabuuti kadib markii uu ka dareemay khatar amni. Sannadkii 2018 dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah cabasho ugu gudbisay dawladda Shiinaha ka dib markii marar kala duwan la shiishay oo shocaac lagu qabtay duuliyeyaasha Maraykanka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ka walaacsan joogitaanka ciidamada Shiinaha ee ku sugan Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa mar kale ku gacan sayrtay inay dowladda Federaalka Soomaaliya la gasho wada-hadallo ku saabsan in labada dhinac ay dib u midoobaan. Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo labada dhinac. Museveni ayaa qoraal uu soo dhigay X (Twitter) ku sheegay in labada dhinac ay wajahayaan caqabado isku mid ah, ayna u baahan yihiin inay midoobaan. “Dadku waxay la kulmayaan caqabado isku mid ah iyadoon loo eegayn midab iyo diin; sidaa darteed waa inay qaataan siyaasadda danta, oo ka muhiimsan siyaasadda aqoonsiga,” ayuu yiri Museveni. Hase yeeshee bayaan kasoo baxay wasaraadda arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay inaysan wax qorshe ah ka laheyn wada-hadallo ku saabsan dib ula midoobidda Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay. “Xukuumadda Somaliland waxay caddeyneysaa in wada-hadal kasta oo Somaliland iyo Soomaaliya u furma aanay ka wada-hadli doonin midow, balse ay ku saabsanaan doonaan sidii labadaii waddan ee hore u midaysnaa ay horey ugu dhaqaaqi lahaayeen si kala gooni ah,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland. “Sidaas darteed, Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar labaad u xaqiijineysaa Midowga Afrika iyo beesha caalamka inteeda kaleba in aanay qorshaha ugu jirin wada-hadal ku saabsan midnimada Soomaaliya.” Dhinaca kale, wafdti ka socda Somaliland oo ay ku jiraan wasiirada arrimaha dibedda Ciise Kayd iyo ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad ayaa Axaddii ku sugnaa Jabuuti. Wafdiga ayaa la kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Booqashadooda ayaa kusoo aaday mid uu Jabuuti ku joogay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Axaddii halkaas kula kulmay xoghyaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin. The post Somaliland oo jawaab kasoo saartay hadalkii Museveni ee ahaa inay DF Soomaaliya… appeared first on Caasimada Online.
-
Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay degaano kuyaalla Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo ay u sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab. Saaxiibada Caalamiga ah oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ayaa duqeyn ka fuliyay duleedka degaanka Dhagax-dheer ee Koonfurta Gobolka Mudug, waxaana la sheegay in duqeynta ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan. Saraakiil katirsan laamaha Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Xubno badan oo katirsan Ururka Al-Shabaab, laguna burburiyay Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Koonfur Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay halkaasi ka wadaan howlgallo xoogan, isla markaana ay ku dhow yihiin inay la wareegaan degaanka Caad. PUNTLAND POST The post Duqaymo diyaaradeed oo ka dhacay koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa loo diyaarinayaa in dib loogu celiyo degmooyinkii ay horay uga soo baxeen ee Ruun-nirgood, Ceeldheer, Galcad, Masagawaa ilaa Ceelbuur iyo Galhareer oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku sugan tahay. Maalmahaan Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa wada diyaargarow militeri oo xoog leh, ciidamo u badan Gor Gor oo horay uga soo baxay deegaanadaas ayaa la doonayaa in hadda dib loogu celiyo. Saraakiil militeri ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in toddobaadkaan la qorsheynayo inay ciidamada xoogga dalka ka dhaqaaqaan xeryahooda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Shabeellada Dhexe. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in degmooyinka iyo deegaanada laga soo baxay ay la xiriirto arrimo farsamo iyo xeelad militeri, balse hadda ayaa dib loo abaabulayaa howlgal mar kale lagu xoreynayo deegaanadaas. Ciidamada ka soo baxay magaalooyinka kor ku xusan ayaa todobaadyo ka hor isugu tegay magaalada Aadan-yabaal, halkaas waxaa uga hor tegay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la isla xisaabtan iyo guubaabin kadib lasiiyey fasax maalmo ah. Hadda ciidamada waxaa u soo dhamaaday fasaxii lasiiyey waxaana dib loogu celinayaa deegaanadii ay ka soo baxeen oo Shabaab ay dib u qabsadeen, waxaana suurtagal ah inay dagaallo ku galaan oo kooxdu ay isku daydo inay difaacato. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, dagaallada ugu culus ayaa hadda ka socda Galmudug. Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Shabaab ku weeraray deegaanka Shabeellow ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo dagaal culus uu ka dhacay, kadib markii Al-Shabaab ay isku dayeen inay difaacdaan deegaanka. Dowladda oo war ka soo saartay dagaalkii Shabeelow waxay sheegtay in lagu laayey Shabaab badan, isla markaana khasaaraha gaaray kooxda labadii maalmood ee laaoo dhaafay uu ka badan yahay 70 maleeshiyaad iyo saraakiil ah, gaadiid badan oo duqeymo looga burburiyey. The post Xog: DF oo diyaarisay ciidan xoreynaya degmooyinkii uu ka soo baxay militeriga appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay sida uu u arko dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah iyo qaabka uu ku socdo. Daahir Geelle oo wareysi siiyay VOA ayaa marka hore waxa uu bogaadiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mideysan yihiin dagaalka socda, taasi oo horseeday in kooxda laga xoreeyo deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado ka talinaysay Al-Shabaab. “Habka dowladda ay ugu guuleysatay inay muujiso in dagaalkan kama dambeys ka yahay, sida bixitaanka madaxweynaha ee xagga uu tagay, saraakiisha sar-sare ee tegay. Dhacdooyinkaan muujinaya inay kama dambeys ka tahay wey isoo jiidaneysay,” ayuu yiri Siyaasiga Daahir Geelle. Sidoo kale waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in dagaal-yahaanada kooxda ay weli kusii nagaadan deegaanada la qabto qaarkood, taasi oo keenta in weeraro gaadmo ah ay ciidamada huwanta kusoo qaadan. “Lama yaabin in gaadmo sameynayaan ama xataa marka la wareero ka baxaan iyaga oo khasaarahooda yar yihiin, kaliya waxaa la yaabanahay in markii meel looga duugo inay meelaha kale u suurta-galineyso inay ku dhuumaleystaan oo ceelasha hawl-bowlaha u ah ama waddooyinka muhiim u ah aysan ciidanka dagaan ka dhigeyn inay meesha ku jiraan wax aad iyo aad u adag.” Waxa uu intaas kusii daray “Waxyaabahaas iyada oo aan waxba laga qaban ayaa dagaalka si u qabooba ciidankeena waxay isku badalayaan weerar-sugayaal. Waxaa rajeynayaa in khibrad laga korodhsado arrintaas.” Daahir Geelle ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in xilligaan furan tahay hal waddo oo ah in Al-Shabaab laga adkaado, aysan jirin waddo kale oo u furan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. “Nimankaan waa kuwo caalami ah oo meelo badan ku xidhan oo waayo aragnimo 40 sano ka badan u leh waxaan waaye, jidka waa jid dhiig leh oo dhib leh, oo aysan ka furneyn in la maro mooye inkale.” Ugu dambeyntiina waxa uu xoojiyay si mooralka ciidanka dagaalka ku jira loo ilaaliyo ay muhiim tahay “in sida ugu dhaqsaha badan lala xisaabtamo masuuliyiinta dayaca sameeya.” “Haddii aan isla xisaabtan xoog leh dhicin, oo hubanti uga dhiga ciidanka in tii oo kale dhicin. Ciidanka haddii ay ogaadan halka uu qaladka ka yimid oo xogta lala wadaago oo ciqaabteeda ay timaado oo sida abaalmarinta geesinnimada u mudan tahay ayaa sidoo kale gaabinta, dayaca iyo khiyaamada u mudan yihiin ciqaabid.” Hoos ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran; https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/09/01000000-0a00-0242-b303-08dbbd01485c_48k.mp3The post Daahir Geelle oo ka hadlay qaabka uu ku socdo dagaalka Al-Shabaab (Dhageyso) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Madoobe iyo Mudane Cabdi Xaashi ayaa magacaabay guddiyo cusub. Guddiyadan cusub oo si wadajir ah u magacaabeen labada guddoomiye ayaa waxay kala yihiin; Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Qatar, iyo Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Kuwait. Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Qatar ayaa waxa uu ka kooban yahay sagaal xubnood, waxaana guddoonka uu faray xoghayeyaasha guud ee labada Aqal in magacaabistan ay sida ugu dhaqsaha badan ugu gudbiyaan wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee JFS, si ay ugu sii gudbiso Baarlamaanka dalka Qatar. “Magacaabiddan ayaa waxay dhaqan-galeysaa marka at si wadajir ah u saxiixaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” Sidoo kale Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Kuwait ayaa isna wuxuu ka kooban yahay shan xubnood, oo saddex kamid ah ay yihiin Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, halka labada xubnood ee kale ay yihiin Senataro ka tirsan Aqal Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Magacaabida guddiyadan ayaa waxa uu guddoonka labada Aqal u cuskaday qodobka 14(6) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka iyo qodobka 7(7) ee Xeer Hoosaadka Aqalka Sare oo dhigaya in Guddoomiye Gole kasta uu mas’uuliyadda saaran ay kamid tahay xiriirinta Baarlamaanka Adduunka. “Markay arkeen (guddoonka labada Aqal) xiriirka iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya BJFS iyo Baarlamaanka Dalka Qatar iyo Kuwait, taariikh nololeedka xildhibaannada jyo Senatarada magacgadood hoos ku xusan yihiin, waxay si wada jir ah u magacaabeen Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Qatar, iyo Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Kuwait.” Hoos ka aqriso magacayada; The post Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo magacaabay guddiyo cusub + Shaqada appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Somaliland oo Caalamka u Xaqiijisay Mowqifkeeda ku Wajahan Wadahadallada u Socday Soomaaliya Hargeysa(Qaran news)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay mowqifkeeda ku wajahan wada-hadallada ay la yeelanayso Soomaaliya oo ay caddaysay in aanu ahayn midow, hase ahaatee uu la xidhiidho sidii ay u kala tagi lahaayeen labada dal ee hore u midoobay. Sidaasna waxa lagu sheegay war murtiyeed dheer oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, waxana ay sheegtay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay mar kale u caddaynayso Midowga Afrika iyo beesha caalamka in aanay qorshaha wadahadalka ku jirin midow ay la gasho Soomaaliya. Waxa kaloo ay bayaamisay in sidii lagu bilaabay wadahadallada 2012kii ay wada xaaajoodyadu u dhexaynayaan labada dhinac ee wada hadlaya oo kala Xukuumadda JSL iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya. Xukuumadda Somaliland waxay warsaxaafadeedkaas kaga xaal warantay sooyaalkii siyaasadeed ee ay JSL soo martay tan iyo markii ay Xoriyadeedii ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26kii June 1960kii. Xiligaas oo 35 dawladood aqoonsadeen Somaliland. Waxa kaloo warmurtiyeedku intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay iskeed ula mudowday Soomaaliya, hase ahaatee midowgaasi aanu ahayn marka la eego sharciga caalamiga ah mid la ansixiyay. Sidoo kale Warmurtiyeedka Xukuumaddu wuxuu intaas ku ladhay in markii uu fashilmay midowgii lagu hungoobay ay Somaliland ka baxday Midowgii Soomaaliya, lana sameeyay Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu dhawaaqay 18 kii May 1991kii. Sidoo kale, waxa Jamhuuriyadda Somaliland waafaqsan tahay oo lagu dhisay xuduudihii gumaytuhu ka tagay ee dhaqan galka ka ah Afrika. Geesta kale, Warsaxaafadeedku wuxuu ka warramay horumarka nabadgelyo, dib u dhiska dalka iyo doorashooyinka xorta ah ee ku dhisan hal qof iyo hal cod ee ay Somaliland qabsatay 32kii sannadood ee la soo dhaafay. Qaran News
-
Agaasimaha Deegaanka oo la kulmay Hay’ad Maxali ah Hargeysa(Qaran)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdilaahi Ducaale oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaasi ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka socotay Hay’adda Pharo Foundation. Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd in la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac ayaa lagaga wada hadley arrimaha la xidhiidha ilaalinta deegaanka, la qabsiga Isbedelka Cimilada iyo sidii Istaraatiijiyada Hay’adda Pharo Foundation ee shanta sanno ee soo socota u noqon lahayd mid deegaanka wax-tareysa. Kulanka ayaa ku soo dhamaaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan. Qaran News
-
Wasiir Cali Xiir-xoor oo Xilkii u Kala Wareejiyay Laba Wasiir Kuxigeen Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Eng Cali Cumar Maxamed ( Eng Cali xoorxoor ) oo uu wehelinayano Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa xilkii u kala wareejiyay wasiir ku-xigeenka hore ee wasaaradda iyo wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda, marwo yurub Abiib Cabdi. Waxaana madasha hadalo ka jeediyay badiba mas’uuliyiintii kasoo qayb-galay madasha xill wareejinta. ugu danbayna waxaa si rasmiya xilkii ugu kala wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Qaran News
-
The Republic of Somaliland Position on the Somaliland – Somalia Talks. Hargeisa, Somaliland – The Republic of Somaliland gained independence from the British Empire on June 26, 1960. Four days later on July 1, 1960, the Somaliland government of that time which gained full recognition from more than 35 governments – voluntarily united with Somali la Italian and what was called the Republic of Somalia (Somali Republic) was established. According to International Law, this union was not legal because the “Act of the Union of Somaliland and Somalia” was not ratified. Instead, this union was only “in principle”. This act, known in Italian as “Atto di Unione” was never sufficient to legally stand. The Republic of Somaliland has suffered greatly as a result of this failed union. Following extensive consultation and national agreement among all communities living in the Republic of Somaliland, Somaliland officially withdrew from the union and re-declared sovereignty on May 18, 1991. Somaliland’s withdrawal from the union, and the subsequent collapse of the Somali Republic, was due to significant problems that caused widespread death and destruction. The Republic of Somaliland has left the unratified union in the past, and its people have since built an independent nation based on the territorial borders drawn by the British Empire in 1960, similar to the recognized colonial borders of the 54 African Union states. As stated by the African Union’s Cairo Declaration of 1964, “all the borders of colonial Africa are inviolable and at the same time are real”. The Republic of Somaliland has remained independent for 32 years, electing its leaders through direct elections based on the principle of “one man, one vote”. The Republic of Somaliland’s constitution is founded on the country’s sovereign rule and makes no reference to a union that collapsed 32 years ago. The President of the Republic of Somaliland actively upholds the pillars of the Somaliland Constitution and the aspirations of the Somaliland people. We discuss Somaliland’s recognition and cooperation with every government we speak with. The talks between the Republic of Somaliland and Somalia, which the world refers to as the Federal Republic of Somalia, first began in 2012 during the “Transitional Federal Government of Somalia”. The Somaliland Government affirms that any dialogue that transpires between Somaliland and Somalia will not discuss unification, but rather how the two previously united countries can move forward separately. Therefore, the Republic of Somaliland once again confirms to the African Union and the rest of the international community that it has no plans for dialogue to discuss unity with Somalia. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa raali gelin ka bixiyey weerar afka ah oo maalmo ka hor uu ku qaaday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, sidoo kale Waare ayaa raali geliyey dadka reer Dhuusamareeb oo qaarkood ay dhibsadeen hadal uu yiri. Maxamed Cabdi Waare oo ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha xasilinta ayaa markii uu ka laabtay safar uu ku tegay Dhuusamareeb wuxuu bixiyey wareysi uu kaga deyriyey sida uu u socda dagaalka Al-Shabaab, isagoo markaana beelaha Mogadishu Clan iyo wasiirka difaaca ku eedeeyey hagar iyo in dagaalka aysan daacad ka ahayn. Madaxweyne hore Waare ayaa caawa arrimahaas ka bixiyey raali gelin buuxda, isagoo sheegay inay lasoo xiriireen malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle oo wasiirka gaashaandhigga uu ka dhashay. Wuxuu sheegay inuu aad u ixtiraamo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana uusan diyaar u aheyn inuu sababeeyo ama sii difaacdo hadalkiisii hore, isagoo si dabacsan u raali gareeyey odayaasha dhaqanka, malaaqyada beelaha Raxanweyn iyo cid kasta oo dhibsatay hadalkiisii. Maxamed Cabdi Waare ayaa si aan ka gambasho laheyn Madaxweyne Xasan Sheekh uga dalbaday in wasiirka gaashaandhigga oo markaas joogay furinta bariga Dhuusamareeb uusan Maxaas geynin, warkaas wuxuu Waare twitterkiisa ku qoray maalin ka hor intii uusan Madaxweyne Xasan Sheekh u safrin Maxaas. Waare ayaa xiligaas Wasiirka ku eedeeyey in taliska xoogga iyo istaraatiijiyadda dagaalka Al-Shabaab uu carqaladeynayo, isagoo si cad u sheegay in Wasiir Jaamac uusan u qalmin wasaaradda Gaashaandhigga, safarkaas Madaxweynuhu ma waday wasiirka oo markaas joogay furinta xigta Dhuusamareeb. Hadda Waare wuxuu cod dheer ku sheegay in hadalkaas uu raali gelin ka bixinayo, sidoo kale wuxuu raali gelin siiyey dadka reer Dhuusamareeb oo isla wareysigaas uu ku eedeeyey isagoo sheegay inay dagaalka ku fiirsanayaan Madaxweynaha. Wuxuu sheegay in reer Dhuusamareeb uusan ku soo arkin wax ceeb ah, balse hadalkiisa uu kala jeeday kicin bulsho, isagoo sheegay in bulshadii ay kacday oo maalmahaan Khawaarijta laga xoreeyey inta badan koonfurta gobolka Mudug. Halkaan ka daawo The post DEG DEG: Waare oo raali gelin siiyey Wasiirka Gaashaandhigga iyo reer Dhuusamareeb (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Jabuuti (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa maanta halkaas kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin. Madaxweynaha ayaa kala hadlay wasiirka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya iyo kor u qaadidda taageerada Mareykanka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Dhankiisa wasiir Lloyd Austin ayaa bogaadiyay hormarka dowlada Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka argagixisada ee ka socda dalka. Sidoo kale Wasiirka Gaashanadhigga Mareykanka ayaa tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga dalka iyo la dagaallanka argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan wadanka argagixisada. Madaxweynaha ayaa wasiirka la wadaagay in argagixisada ay deegaano kooban kaga sugan yihiin dalka. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Khawaarijta Soomaaliya ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolkaan Geeska Afrika oo dhan iyo halis amni oo u baahan iskaashi caalami ah lagu soo afjaro. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safar aan wax faahfaahin ah laga bixin maalin ka hor uga baxay Dhuusamareeb, wuxuuna toos u aaday dalka Jabuuti, kadib muddo 50 cisho ah oo Dhuusamareeb uu u joogay hoggaaminta dagaalka wadanka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab. The post Maxaxweyne Xasan oo arrin xasaasi ah kala hadlay wasiirka difaaca Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
