-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka eek a howlgala bariga gobolka Galgaduud ayaa in howlgala ka dhacay aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, halka mid kale nolosha lagu qabtay, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka hoggaaminaysa. Saraakiisha oo la hadalay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in la dilay seddax xubnood oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, halka mid kalena nolosha ku qabtay, iyagoo sidoo kale watay Mooto Feykon ah iyo qori oo AK47 ah ayaa lagu sheegay bayaan ay baahisay dowladda. Saraakiil ka kala tirsan ciidanka deegaanka, hey’adda NISA, xoogga dalka iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo lagu soo bandhigay sawirro muujinayay meydad lasoo bandhigay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle oo Maanta booqasho ku tagay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, guddoomiyaha ayaa halkaas ku wareejiyay deeq loogu talo galay dhismaha qeyb kamid ah Isbitaalka oo hey’addu maareynta ay ballanqaaday in ay dib u dhisayso. Guddoomiyaha ayaa booqashada ka dib wuxuu Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Generaal Sulub Axmed Firin iyo Maamulka sare ee isbitaalka ku wareejiyay 375,000 oo dollar, taas oo hordhac u ah deeq loogu tala galay Wajiga koobaad ee dhismaha Xarunta Gargaarka deg-deg-degga ah ee isbitaal Madiina oo uu dhagax dhigay Ra’isulwasaaraha XFS. Xaruntan ayaa loogu tala galay in lagula tacaalo muwaddiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeellooba Musiibooyinka ka dhaca dalka, si loo helo xarun Caafimaad oo ka jawaabta baahiyaha deg-degga ah ee soo bixi kara xilli kasta, xilli muddooyinkii dambe ay cabashooyin badan ay ka taagneyd in degdeg looga jawaabo baahiyaha qaar marka wax ay dhacaan. Deeqdan lacageed ayaa waxaa ka mahad celiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed iyo maamulka isbitaalka,sidoo kale Guddoomiyaha iyo Taliyaha ayaa boqday qeybaha isbitaalka iyo dhaawacyadii hay’adda dhawaan Muqdisho ay keentay, kuwaas oo ku wax yeelloobay qarixii ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Xarardheere ayaa gacanta ku dhigay Cismaan Maxamuud Barre oo ah 17 sano jir ka tirsanaa Al-shabaab, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi. Cismaan ayaa qaabbilsanaa inuu sahmiyo waddooyinka qaraxyada lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere, waxaana gacanta ku dhigay ciidanka amniga ee sahanka u ah magaalada, xilli ay ku jireen kormeer dhanka amniga sida lagu xaqiijiyay wararka laga helayo Xarardheere. Dowladda federalka ayaa dhowr jeer soo bandhigtay xubno ka tirsan kooxda, kuwaas oo isku soo dhiibay dhankooda, qeybta 60-aad ayaa inta badan soo bandhigtay xubnaha isku soo dhiibay ciidanka, magaalada Xarardhere ayaa waxaa maalmahaan ku sugan wasiirka arrimaha gudaha. Goobjoog Newas Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwad loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda FS, kuwaasi oo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay in ay ku kaceen Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne, lacag dhaqid iyo sido kale dayacaadda masuuliyad loo igmaday. Eedeysanayaasha ayaa ahaa ilaa afar ruux oo ay ku jireen labbo Agaasime guud oo hore usoo maray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo kala ahaa Cabdullaahi Maxamed Cali Sultaan iyo Maxamed Cadde Muqtaar oo joogay fadhiga Maxkamadda iyo sido kale Cabdiwaaxid Muxsim Ibraahim iyo Cabdiraxmaan Cabdikariim oo maqanayaal ahaa. Fadhiyadda Maxkamadda oo ahaa ilaa sagaal Gar-maqal ayaa waxaa lagu soo bandhigay doodo kala duwan oo u dhaxeeyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Qareenadda Difaacayay eedeysanayaasha oo gaaray Sagaal Abuukaate, Waxaa la is dhaafsaday cadeymo iyo xogo ku saabsan dambiyada lagu soo eedeeyay iyo doodaha ay isaga difaacayeen Qareenadda, waxaa sido kale fadhiyada qaar ee Maxkamadda la hor keenayay Marqaatiyaal iyo saraakiil ka socday Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo ahaa halka baarista dacwada ay kasoo bilaabatay ayada oo guddiga tashiga dacwadda oo ahaa garsoorayaal ay dhageysanayeen dhinacyada. Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa soo gaba-gabeeyay dacwadda manta, waxaana uu sheegay in Xukunka ay soo saari doonto dhawaan laguna shaacin doono fadhi furan oo bulshada ay kasoo wada qeybgali karaan, toosna looga daawan karo Warbaahinta. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa bartamahii bishaan soo gaba-gabeysay laba dacwadood oo hore kuwaasi oo ku saabsanaa Musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne, waxaana eedeysanayaal ka ahaa toddobo ruux oo ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhaxe iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo afjaray koox Shabaab ah, iyagoo dilay seddax dagaalame, mid kalena nolosha ku qabtay. Sidoo kale Mooto FEKON ah iyo ugu yaraan hal qori oo AK47 ah ayaa howlgalkaas looga furtay Khawaarijta Khawaarijta Al-Shabaab. Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalkaas ayaa warbaahinta u sheegay in kooxdaas oo sideed dagaalame ka koobneed ay ku baacsadeen dhulka howdka ah ee deegaanka Bulacle. Ciidanka ayaa ku guuleystay inay dilaan seddax ka mid ah, halka mid kale ay nolosha ku qabteen mid ka mid ah meydadkaas oo dhaawac ay goobtii uga soo qaadeen, balse dib ka dhintay iyo mid maxbuus ah ayaa maanta lagu bandhigay Bulacle. Saraakiil ka kala tirsan ciidanka deegaanka, hey’adda NISA, xoogga dalka iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo lagu soo bandhigay meydka iyo maxbuuska Shabaab-ka ah. Guddoomiyaha Dhuusamareeb oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Bulacle ayaa balan qaaday in isagoo ka wakiil ah Galmudug iyo dowladda federaalka ay abaal-marin iyo dalacsiin guddoonsii doonaan ciidankii fuliyey howlgalkaas guuleystay. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ayagu ay lahaa doonaan oo cid kala wareegeysa aysan jirin askartii furatay qoryaha iyo mootada ay Shabaab wateen. Dhankiisa guddoomiyaha dhalinyarada Dhuusamareeb Calas Cabdinuur Barre oo ka mid ahaa masuuliyiintii ciidankaas bogaadinta ugu tagtay ayaa amaan iyo mahad celinta ciidanka kadib wuxuu digniin u diray dad uu sheegay inay carqaladeynayaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta. Guddoomiye Calas ayaa u digay dad uu sheegay inay qabyaaladeeyaan Khawaarijta markii la dilo, kuwaas oo dakano qabiil u bedela xubnaha howlagallada looga dilo Al-Shabaab, arrintaas ayaa ku badan aagga deegaanada Bulacle iyo Ceel-lahelay. The post Sawirro: Xubno Shabaab ah oo lagu dilay Dhuusamareeb iyo nin nolosha lagu qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay taageereyso qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan in dib loo dhigo bixitaanka ciidanka ATMIS, kaas oo dowladdu ka dalbatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Shane Dixon oo ah sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa hadalkan ka dhawaajiyay kadib wareysi uu siiyay mid kamid ah warbaahinta gudaha ee dalka, isaga oo sheegay in dowlada Mareykanka ay taageero siin doonto codsiga Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in dalabkan ay keentay baahi, sidaas daraadeedna ay ku garab siineyso dowladda dhexe oo haatan dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab. “Safaaradda Mareykanka waxay taageeri doontaa baahida iyo codsiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Shane Dixon. Maalmo kahor dowladda Soomaaliya ayaa dalabkan u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM, si muddo saddex bilood ah dib loogu dhigi wajiga labaad ee bixista ciidanka ATMIS. Sida uu shaaciyay lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha sababta ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan daruufu gaar ahaanee kuwo farsamo oo haysto Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh oo sidoo kale arrintan ka duulaya ayaa si deg-deg ah ku tegay Jabuuti, isaga oo madaxweyne Geelle kala hadlay qorshaha dowladdiisa iyo inay ciidamadiisa sii joogaan aagga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Si kastaba, waxaa la filayay in dhammaanka bishan ay dalka ka baxaan illaa 3,000 oo askari oo ka tirsan ATMIS, iyadoo la raacayo qaraarka golaha ammaanka ee QM. Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socda dagaal qaraar oo dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo sidoo kale dadka deegaanka. The post Mareykanka oo hal arrin ku taageeray DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
𝐎𝐆𝐀𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒: 𝙈𝙪𝙣𝙖𝙖𝙨𝙞𝙗𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙁𝙖𝙨𝙖𝙭𝙖 𝘿𝙝𝙖𝙡𝙡𝙖𝙨𝙝𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙉𝙖𝙗𝙞 𝙈𝙪𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 (𝐍𝐍𝐊𝐇𝐀) Hay’ adda Shagaalaha Dawladdu iyada oo ka duulaysa Xeerka Shagaalaha Dawladda, Xeer Lr97/2022, Qodobkiisa 64-Aad, waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan masuuliyiinta Wasaaraddaha yo Hay’addaha Dawliga ah, in shagaalaha dawladdu fasax ka yihiin shaqada 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗔𝗿𝗯𝗮𝗰𝗮𝗱𝗮 𝟮𝟳 𝗦𝗲𝗽𝘁𝗲𝗺𝗽𝗲𝗿, 𝟮𝟬𝟮𝟯, oo ah xuska Dhalashada Nebi Maxamed, Naxariis iyo Nabad geliyo korkiisa ha ahaatee kuna beegan 12 Rabicul Awal 1445 ee Miilaadiga. Munaasibaddan awgeed, waxa aan halkan uga hambalyaynayaa dhammaan shaqaalaha dawladda, xaasaskooda, caruurtooda iyo guud ahaan shagaalaha JSL. Waxa aan u rejaynayaa in aynu ku gaadhno bishan bisheeda bash-bash, badhaadhe, iyo nabad gelyo sannadkan sannadkiisa maalintan oo kale. haddii Alle raali ka noqdo. FG: waxa shaqada dib loogu soo noqonayaa maalinta 𝗞𝗵𝗮𝗺𝗶𝗶𝘀𝘁𝗮, 𝟮𝟴 𝗦𝗲𝗽𝘁𝗲𝗺𝗽𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟯 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baraha bulshada ee Internet-ka saacadihii ugu dambeeyay qabsaday hadal heyn ka dhalatay Cambo ay dowladda Masar usoo dhoofisay Soomaaliya, kaas oo laga soo dajiyay dekedda weyn ee magaalada caasimada Muqdisho. Cambahan oo ka qiimo sarreeya kan kasoo go’a beeraheena ayaa sidoo kale maanta lagu arkay suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho. Halkii xabo ee Cambaha Masar ayaa waxaa la iibinayaa 2 dollar, halka Cambaha kasoo go’a Shabeelooyinka la iibanayo xabaddii nus dollar, taas oo dad badan la yaab ku noqotay. Haddaba sidee looga falceliyay in Cambo dibadda looga soo dhoofiyo Soomaaliya? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa arrintaan si adag uga hadlay, waxayna qaarkood soo jeediyeen in lala xisaabatmo ganacsatada dalka keentan Cambaha Masar. Wariyaha caanka ee Salmaan Jamaa Saciid oo kamid ah dadka ka hadlay arrintaan ayaa yiri “Dalkeena maa cambo laga waayay marka Cambo laga keenayo Dalka Masar? .. mala awoodi waayay in cambaha laga iibsado beeralayda dalkeena?”. Axmed Nuur ayaa yiri “Maanta ma waxaa noo keenteen waddankeena qudartiisa hoos in loo dhigo waddamo kale qudaartooda loo keeno mar hadda xaga bulshada lagala dagalamo waa sidan”. Nasteexo Axmed ayaa iyaduna tiri “Ganacsatadii keentay cambahan dowladeena hala xisaabtanto”. Xamza Hiil-Walaal ayaa isna ku jawaabay “Cambe keliya lama keenee dalaga dalkeena kasoo baxa oo dhan aa lagaa keenaa dibadda”. Ismaaciil Saxafi isaguna wuxuu uga falceliyay “Waa wax laga xumaado in cambo dibadda nooga yimaado annaga oo leh beero cambaha soo saaro”. Cali Maxamed Cali wuxuu yiri “Kan Soomaaliya ka baxo maxaa raqiis ka dhigay? Kan dibaddane maxaa qaliyeeyay?. Maryama Cabdikarin waxay tiri “Bisinka keenaaba dhooban, kana macaan midka caalamka yaa naga qabsada ganacsatadaan dibadda aaminsan. The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay cambe dibadda looga soo dhoofiyay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya uu ka dhacay gudaha degmada Doolow ee gobolkaas, kaas oo socday muddo saacado ah. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Itoobiya ay ku amreen kuwa Booliska in ay qaadaan bar koontarool oo ay ku lahaayeen degmadaas, taasna ay ka biyo diideen ciidanka Soomaaliya, waxaana sidaas ku qaraxay iska hor imaadka u dhexeeyay labada dhinac. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in iska hor imaadka uu socday saacado kooban, kadibna uu istaagay, balse ma jiro wax khasaare ah oo lasoo wariyay illaa iyo hadda. Xaaladda ayaa goobta lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Itoobiya ay dib ugu laabteen xeradooda, halka kuwa Booliskana ay joogaan bartii ay horay ugu sugnaayeen ee ku taalla degmada Doolow ee gobolka Gedo. Dhinaca kale waxaa isla degmadan ka taagan xiisad kale oo u dhexeyso ciidamo taabacsan, Korneel Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo ciidamada Itoobiya, kuwaas oo hadda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada halkaasi. Xiisadda ayaa timid kadib markii ciidamada Itoobiya ay ku amreen Korneelka inuu isaga baxo degmadaasi, isaguna uu ka biyo diiday amarka, taas oo keentay xiisadda taagan. Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in ciidanka taabacsan Barre Hiiraale ay hadda difaacyo uga jiraan qaybo kamid ah degmada, si ay uga hortegaan haddii weerar lagu soo qaado. Korneelka oo qudhiisa hadlay ayaa ku goodiyay inuu la dagaalami doono ciidamada Itoobiya, haddii ay isku dayaan inay qabtaan ama soo weeraraan, sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba, Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland oo ku aadan xaaladaha kasoo cusboonaaday degmada Doolow ee Soomaaliya. The post Daawo: Ciidamada Somalia iyo kuwa Itoobiya oo ku dagaalamay gobolka GEDO appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxtooyadda Uganda oo Tafaasiil ka Bixisay Kulankii Madaxweynahoodu la yeeshay Diblomaasi ka sicday Somaliland Hargeysa(Qaran news)- Dowladda Uganda ayaa si rasmiya uga hadashay kulankii aqalka madaxtooyada ee dalka Yugaandha ku dhexmaray madaxweynaha Uganda Yuweeri Musafani iyo Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ergayga gaarka ah ee Somaliland. Dr. Jaamac Muuse waxa uu Yuweeri gaadhsiiyay dalab la xidhiidha in uu qayb ka noqdo wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo salka ku hayay Somaliland mowqifkeeda gooni isu taaga ah, kaas oo Somaliland ku doonaysay inay Somaliland xoriyadeeda dib ula soo noqoto si waafaqsan xuduudihii gumeystaha labada dhinac ee 1960-kii. Madaxweyne Musafeni ayaa lagu casuumay in uu dhex dhexaad ka yahay ururinta wada hadalada iyo in la ixtiraamo natiijada ka soo baxda, waxana warbixintaasi lagu xusay in Uganda kaalin muuqata ka qaadatay horumarinta nabada iyo abniga Soomaaliya. Dr. Jaamac waxa uu xaqiijiyay in Somaliland doonayso ku biirto horumarka socda, ee dalalka bariga Afrika, ee loo soo gaabiyo EAC, waxaanu ka codsaday madaxweynaha Yugaandha Yuweeri Musafeni in uu ka taageero arrintaasi, Qaran News
-
Guddi Guurtidu u Xilsaartay Shaqaaqada Ceel Afweyn oo ka Hadlay Awaamiir la soo Rogay Hargeysa(Qaran news)-Guddidi golaha guurtida Somaliland u saaray xal u helista xaalada degmada Ceel Afweyn, ayaa sheegay in ay taageersan yihiin amarada iyo go’aanada ciidamada Qaranka iyo maamulka gobolka Sanaag, waxaanay bulshada fareen inay u dhaga nuglaadaan oo sida ay yihiin ay u qaataan amaradaasi. Sidoo kale waxa ay xuseen guddidu in mudadii koobneyd ee ay joogeen ciidamada Qaranku ay wax hurdo ahba seexdeen, taas oo muujinaysa in xaalada abni ee degmada Ceel Afweyn aanay wanaagsanayn. Geesta kale waxa ay fariin u direen odayaasha iyo waxgaradka beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay degmada Ceel Afweyn waxaanay ka codsadeen in maalinta Sabtida ay yimaadaan hoolka shirarka ee dowladda hoose degmada Ceel Afweyn, ahna goobta ay ka bilaabmayaan wada xaajoodka labada beelood. Guddoomiyaha guddida golaha guurtidu u wakiishay xal u helista xaalada degmada Ceel Afweyn, Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud (Jirde) ayaa sidan warbaahinta u sheegay. Waxaanu yidhi.“Muddo 23 cisho ayaanu joognay, degmada Ceel Afweyn, 3-da habeen ee ay nala joogeen ciidanka Qaranku ayaanu seexanay, taasi waxa aanu uga mahad naqayna ciidanka Qaranka iyo Ilaahay oo inoo suuragaliyay.” Guddoomiye Jirde isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay taageersan yihiin go’aanka ciidamada Qaranka iyo maamulka gobolka Sanaag. Waxaanu yidhi.“Waxa aanu u sheegayna bulshada Ceel Afweyn in aanu taageersanahay amarada ay soojeediyeen maamulka gobolka iyo ciidamada Qaranku, waxaanu leenahay halagu dhaqmo” Geesta kale waxa uu faray in maalinta Sabtida haddii ALLE qadaro ay isugu yimaadaan hoolka shirarka ee dowladda hoose ee degmada Ceel Afweyn, si loo bilaabo wada hadalada nabada loogu raadinayo xaalada taagan. Waxaanu yidhi.“Waxaanu farayna odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ee shaqaaqadu dhexmartay, in maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda haddii ILLAAHEY yidhaahdo inay yimaadaan hoolka dowladda hoose ee degmada Ceel Afweyn.” Xildhibaan Jirde waxa uu ka codsaday bulshada reer Ceel Afweyn inay iska qabtaan cidkasta oo duulaan ku ah nabadgelyadooda. Waxaanu yidhi.“Waxaanu ka codsanaya bulshada Ceel Afweyn dad aan badnayn ayaa cadow u ah nabadgelyada ee fara cididood haku qabtaan.” Qaran News
-
Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa Maanta booqasho ku tegay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa booqashada ka dib wuxuu Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Gen. Sulub Axmed Firin iyo Maamulka sare ee isbitaalka ku wareejiyay 375,000 oo dollar, taas oo hordhac u ah deeq loogu tala galay Wajiga koobaad ee dhismaha Xarunta Gargaarka deg-deg-degga ah ee isbitaal Madiina oo uu dhagax dhigay Ra’isulwasaaraha dalka. Xaruntan ayaa loogu tala galay in lagula tacaalo muwaddiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeellooba Musiibooyinka ka dhaca dalka, si loo helo xarun Caafimaad oo ka jawaabta baahiyaha deg-degga ah ee soo bixi kara xilli kasta. Deeqdan lacageed ayaa waxaa ka mahad celiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed iyo maamulka isbitaalka,sidoo kale Guddoomiyaha iyo Taliyaha ayaa booqday qeybaha isbitaalka iyo dhaawacyadii hay’adda dhawaan Muqdisho ay keentay, kuwaas oo ku wax yeelloobay qarixii ka dhacay magaalada Baladweyne. PUNTLAND POST The post Hay’adda SODMA oo deeq lacageed gaarsiisay isbitaalka Madiina ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa shaaciyay inuu dacwad kusoo oogayo Mulkiilaha xawaaladda World Remit Ismaaciil Axmed. Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa Ismaaciil maxkamada la tiigsanaya kadib markii uu Bangiga ku eedeeyay inuu masuul ka yahay qiimo dhaca ku yimid Shillinka Somaliland, kadib sicir-barar horleh oo ka dhashay arrintaas. Ismaaciil ayaa qoraal uu soo saaray ku eedeeyay Bangiga Dhexe inuu ku mashquulay lacago kale oo dibadda lagu soo daabacayo, xilli uu joojiyey tallaabooyinkii lagu xoojin jiray shilinka ee doollarka suuqa lagu gelin jiray. Bangiga oo ka jawaabay eedeymaha mulkiilaha World Remit ayaa gebi ahaanba ku tilmaamay waxba kama jiraan, wuxuuna ganacsadaha ku eedeeyay inuu caadeystay faafinta warar been abuur ah. “Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa islamarkaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Bangiga Dhexe ee Somaliland. “Muddooyinkii ugu danbeeyay Ismail Ahmed waxa uu caadaystay faafinta wararka ku-tiri-ku-teenka ah ee lagu Khalkhal gelinayo deganaanshaha suuqyada maaliyaddeed ee Somaliland kaas oo uu si qayrul masuulnimo ah ugu baahiyo social media-ha. Ismaaciil waxa uu caadaystay in uu maalinba Hay’ad si qaawan u dhaleeceeyo isaga oo danihiisa shakhsiga ah ka duulaya.” Bangiga ayaa sidoo kale waxa uu qiray in uu jiro bilihii u dambeeyay kor u kac ku yimid qiimaha lacagta qalaad ee Dollar-ka ah marka loo eego qiimaha Shillin-ka Somaliland, hase yeeshe wuxuu beeniyay inay jirto kala badnaansho lacagta wareegaysa suuqyadda iyo lacagta cadaanka ah, nooca ay doonto ha ahaatee. Hoos ka aqriso bayaanka Bangiga Dhexe oo dhameystiran; Baanka dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa isla markaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka. Lixdii sanno ee ugu danbeeyay Baanka Dhexe ee JSL, waxa uu ku guulaystay in uu kor u qaado qiimaha Shillinka JSL 21%, sidoo kale waxa uu joogteeyay xasilinta sicirka sarrifka kaas oo shantii sanno ee ugu danbaysay dul-fadhiyay 8,600 SH SL, iyadda oo Baanka SL ku guulaystay muddadaas dheer in uu maareeyo joogtaynta sicirka Sarrifka, Qarankana kala dabaasho dhamaan culaysyaddii aduunyadda ka dhacay ee saamaynta Togan ku lahaa dhaqaalaha dalka iyo guud ahaan aduunka, Sida xanuunkii COVID-19, Dagaalkii Ukraine, iyo gubashaddii Suuqa Waaheen. Haddaba, Baanka Dhexe waxa uu qirayaa in uu jiro bilihii u dambeeyay kor u kac ku yimid qiimaha lacagta qalaad ee Dollar-ka ah marka loo eego qiimaha Shillin-ka Somaliland, kor u kacaas oo dhan 3% kaas oo sida muuqata ah mid aad u sahlan marka loo eego duruufaha dhaqaale iyo lacageed ee dalka iyo gobolka ama la bar-bar dhigo wadamada aynu jaarka nahay. Haddaba, taariikhdu markay ahayd September 23, 2023, Ismail Ahmed, oo ka mid ah Mulkiilayaasha Shirkadda Worldremit waxa uu siddii caadadda u ahayd ku baahiyay Barta uu Facebook-ga ku leeyahay warar Been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Muddooyinkii ugu danbeeyay Ismail Ahmed waxa uu caadaystay faafinta wararka ku-tiri-ku-teenka ah ee lagu Khalkhal gelinayo deganaanshaha suuqyada maaliyaddeed ee Somaliland kaas oo uu si qayrul masuulnimo ah ugu baahiyo social media-ha. Ismaaciil waxa uu caadaystay in uu maalinba Hay’ad si qaawan u dhaleeceeyo isaga oo danihiisa shakhsiga ah ka duulaya. Baanka Somaliland waxa uu ruqsad siiyay shirkadda Worldremit Somaliland oo uu mulkiilayaasheeda ka mid yahay Ismaaciil Axmed 2018. Shirkadda Worldremit Somaliland waxa ay si iskeed ah iskaga soo celisay ruqsaddii ay haysatay March 2022. Waxa halkaa ku dhamaaday dhamaan shaqooyinkii ay ka haysay guddaha dalka sharciyan. Ismaaciil ma jiro Xafiis uga furan dalka gudihiisa, wax shaqaale ah oo u joogaana ma jiraan wakhtigan Somaliland. Beenaha, Boorabagaandada iyo gefefka uu ku baahiyay barahiisa bulshada Ismaaciil Axmed 23/Sep/2023. Qodobka 1aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in Baanka Somaliland soo geliyay suuqa lacago Digital ah oo ka badan lacagta daabacan’’. Baanka Somaliland waxa uu u cadaynayaa bulshadda JSL, in aanay jirin lacag Digital ah oo uu suuqa soo galiyay haba yaratee. Baanka dhexe ma abuuro lacag Digit ah wakhti xaadirkan, taa badalkeeda waxa uu korjoog teeyaa shirkaddaha bixiya addeega lacagaha elektarooniga ah ee moobiladda la iskugu diro, kuwaas oo si sharciga waafaqsan uga shaqaysta suuqyada dalka. Qodobka 2aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in Baanka Dhexe ku mashquulay lacago dibadda lagu soo daabacayo taasi oo hoos u dhigtay kalsooniddii shilinka lagu qabay’’. Baanka Somaliland waxa uu bulsha weynta Somaliland iyo ganacsatada u cadaynayaa in aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku sii abuurta suuqyada sarifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka. Qodobka 3aad: Ismaaciil Axmed waxa uu qoraalkiisa ku xusay in uu jiro xeer hoosaad fasaxaya in maamulka Baanka Dhexe ka qaataan khidmad 2.5% ah marka lacag la soo daabaco, taas oo dhiiri galisa in lacag lasoo daabaco. Baanka Somaliland waxa uu Bulshadda u bayaaminayaa in aanay jirin lacag hadda la daabacayo sida aanu kor ku xusnay, isla markaana aanay jirin dheef 2.5% ah oo Baanka dhexe ka helo lacagaha lasoo daabaco. Dhinaca kale, Suuqyada Somaliland kama jirto baahi loo soo daabaco lacago cusub oo hada suuqa kusii abuura culays hor leh. Qodobka 4aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku xusay in lacagaha shillinka ah ee daabacan lagu qiyaaso 30 Malyuun laakiin se lacagaha wareegayaa ay aad uga badan yihiin intaa. Baanka dhexe ee JSL waxa uu Bulshada la wadaagayaa in lacagta daabacan ee shillinka Somaliland aanay ahayn lacag u dhiganta 30 Malyuun oo Dollar isla markaana aanay u dhawayn tiraddaa uu mala’awaalka ku soo qoray, mana jirto kala bad-naansho lacagta wareegaysa suuqayadda iyo lacagta cadaanka ahi, nooca ay doonto ha ahaatee. Ismaaciil Axmed oo aan wax ruqsad ah ka haysan Baanka Dhexe ee JSL tan iyo March 2022 waxa uu sifo sharciga baal barsan uga shaqaystaa suuqyada Somaliland. Qaybta Baadhista dambiyada maaliyadeed ee Baanka dhexe ayaa in muda ah ku haysay daba gal dhawaan lasoo af-meeri doono natiijadiisa. Ismaaciil Axmed sida ku cad maqaalkiisa ku taariikhaysan 23/Sep/2023, waxa uu Baanka iyo dalka kula kacay fal dambiyeedadan hoos ku xusan:- 1. Khal-khal galin suuqyada sarifka iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee dalka. 2. Been Abuur ka dhan ah Baanka Dhexe JSL. 3. Boora-bagaando iyo Been abuur ka dhan ah Madaxda Baanka. 4. Khal-khal galin guud ahaan Bulshada iyo gaar ahaan ganacsada dalka. Ugu danbeyn, Baanka dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa isla markaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka. Allah Mahadleh Mukhtaar Cumar Cali Agaasimaha Xidhiidhka Dadweyanaha iyo Arrimaha Dibedda Baanka Dhexe ee JSL. The post Somaliland oo dacwad kusoo oogeysa mulkiilaha World Remit – Maxaa la isku haya? appeared first on Caasimada Online.
-
Komishanka Xuquuqul Insaamka oo Kulan Lagaga Hadlay Xuquuqul insaanka ku Qabtay Jaamacadda Hargeysa Hargeysa(Qaran)-Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL ayaa wacyigelin dhinaca waxbarashada Xuquuqal Aadamaha, ilaalinta xuquuqaadka kala duwan iyo ka hor tagga tacaddiyada ka dhanka ah Xuquuqal Aadamaha ku qabtay Jaamacadda Hargeysa(UOH). Kulankan ayaa ahaa mid furitaankiisii goob joog u ahaayeen agaasimaha fulinta Komishanka Xuquuqal Aadamaha Cabdisamad Sacad Xassan, madaxa xidhiidhka ee Jaamacada Hargeysa Axmed Yuusuf Cabdi Goolcade iyo agaasimaha xidhiidhka iyo wacyigelinta ee Komishanka Liibaan Cabdilaahi Jaamac. Wacyigelintan oo ay ka soo qayb galeen arday tiro badan ayaa lagu falanqeeyay arrimaha xuquuqaadka kala duwan ee dalka, ka hortaga qaybaha kala duwan ee tacaddiyada , waajibaadka iyo shaqooyinka xafiiska Xuquuqal Aadamaha qaranka iyo sidii ardaydu u noqon lahayd kuwa waajib iska saara sidii ay horumarinta naftooda iyo ta bulshadaba ee dhinaca xuquuqal aadamaha uga qayb qaadan lahayeen. Waxa kale oo lagu boggaadiyey ardaydu waajibaad iska saraan arrimaha Xuquuqal Aadamaha iskana ilaaliyaan ku xad gudubka xuquuqaha dadka kale. Qaran News
-
The Minister of Finance said that the business that Ethiopia has left in Somaliland has been closed Hargeisa (Qaran news) – Minister of Finance Development Dr. Saad Ali Shire, said that the trade market that used to leave Ethiopia in Somaliland was closed. He also mentioned that the commercial market in Somaliland that used to be taken from the eastern areas has disappeared. Dr. Saad pointed out that the closed commercial markets have led to economic decline. On the other hand, he talked about the finances of the elections and other issues. The Minister said this when he appeared before the Finance Committee of the Somaliland House of Representatives this morning. Qaran News
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Xarardheere ayaa gacanta ku dhigay nin ay Al-Shabaab usoo dirsatay qorshe halis ah, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya. Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Maxamuud Barre, kana tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa loo soo diray inuu sahmiyo wadooyinka qaraxyo lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug. Wasiir Axmed Macalim Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in ninkaan ay soo dirsatay kooxda Al-Shabaab ay da’diisu tahay 17 sano, islamarkaana kooxda ay quus taagan tahay, ayna bilaabeen inay adeegsadaan caruurtii yaryar. “Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka Xarardheere oo isku xiran ayaa markasta fashiliya isku-dayada argagixisadu ku doonayaan in ay ku dhibaaateeyeen bulshada,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug, oo ay sanado badan ka talineysay kooxda Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab oo sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay laga xoreeyey dhowr deegaan ayaa hada gobolka Mudug uga haray deegaano aad u yar, waxaana laga cabsi qabay inay soo qaadaan weerarro rogaal celis ah. Balse maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa kooxda aad loogu beegsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen weerarro u qorsheysnaa, waxaana laga laayey dagaal-yahano aad u badan. Si kastaba, kooxda ayaa weli muujineysa inay awood u leedahay fulinta falalka amni darro ayaa marar kala duwan qaraxyo la beegsada waddooyinka ay adeegsadaan ciidamada iyo weeraro gaadmo ah, kuwaasi oo guullo aan la xaqiijin ka sheegtaan. Hoos ka eeg sawirkiisa The post Nin ay Al-Shabaab usoo dirsatay qorshe halis ah oo lagu qabtay Xarardheere appeared first on Caasimada Online.
-
Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa sheegtay in ay jiraan cabsi laga qabo in Soomaaliya ay ku soo wajahan yihin dabaylaha El-Niño oo ah Roobab Sababaya Fatahaad iyo daadad bilaha October iyo November inta lagu jiro sanadkaan 2023. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Fatahaadaha iyo Daadadkan ka feejignadan, digniinahaan ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan la filayo xilli Roobaadka Deyrta. Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed xusuusiyay dhibaatooyinkii ay dabaylahan ka geysteen meelo badan oo caalamka ah, wuxuuna ugu digay in aysan sahlan loona baahan yahay in laga feejignaano, isaga oo tusaale u soo qaatay musiibadii ka dhacay magaalada Derna. Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujinaya in isbedelka cimilada sanadkaan ay keeni karaan musiibooyin ba’an, iyadoo digniino laga soo saaray dalal ku yaalla Qaaradaha Afrika iyo Asia oo waji kara musiibooyin, Soomaaliya ayaa cabsida ugu badan laga qabaa xeebaha in ay ka dhacaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kenya’s fight against the terrorist group Al Shabaab received a major boost on Monday with the signing of a cooperation agreement with the United States that will see Kenya Defence Forces (KDF) soldiers trained and provided with financial and technical assistance over the next five years. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiye ku-xigeenkii ururka Hillaac Muna Bile Xirsi, ayaa maanta shaacisay in ay iska casishay xilkii ururka Hillaac islamarkaana ay iskaga baxday guud ahaan siyaasadda Somaliland. “ Aniga oo ah Muna Bile Hirsi ahna gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Urur Siyaasadeedka Hilaac, Waxa manta oo ay taariikhdu tahay 26 /09/2023 aan baneeyey gabi ahaanba jagadii gudoomiye ku xigeen kowaad, ee aan ka haya urur siyaasadeedka Hilaac iyo golihii fulinta iyo xubinamadii golaha dhexe. Kadib markii ii muuqatay inaan xilagan ku haboonayn inaa siyaasada soomaliland aan ku sii jiro sababa jira awgood, waxaan dhamaan taageerayashi urur siyaasadeed ka HIllac iyo bulshada Somaliland ba u sheegayaa inaan gabi ahaamba ka fadhiistay Siyaasada Somaliland.” Source
-
Mogadishu (HOL) - Qatar strongly condemned Saturday's deadly al-Shabab suicide attack in Beledweyne, which killed at least 36 people and wounded over 40 others Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo uu ka socdo dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab Cali Guudlaawe ayaa booqday deegaanka Ciid-ciidka, halkaas oo ay ku go’doonsan yihiin boqolaal ka tirsan xubnaha Al-Shabaab, kadib markii ay isku hareereeyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgallada ka wada Shabeelaha Dhexe. Deegaanka uu hadda tegay madaxweynaha HirShabelle ayaa waxaa shalay ku dagaalamay ciidanka huwanta iyo Al-Shabaab oo ku jira dhul keyn ah oo ku yaalla halkaasi, waxaana meesha ka dhashay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac baahsan. Madaxweynaha oo hadal kooban u jeediyay ciidanka ayaa kula dardaarmay inay xoojiyaan halgankooda, wuxuuna sheegay in laga adkaaday Al-Shabaab, dagaalkuna uu sii socon doono. “Shabaab waan ka adkaanay, waana ka adkaan doonaa, Ilaahey idamkiis, wixii dhiman waa la dhammeystiraa” ayuu yiro madaxweyne Cali Guudlaawe. Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in deegaankan uu soo gaari doono gurmad ciidan ah, si loo soo afjaro Al-Shabaabka ku go’doonsan halkaasi. “Nimanka meeshaan ku jira waqti kooban waa looga bixin doonaa, Insha Allah gurmadna waa soo socoyaa korna waa laga garaacaa, hoosna waa laga galaa” ayuu sii raaciyay. Al-Shabaabka ku sugan deegaanka Ciid-ciidka ayaa dhowaan ka soo gudbay wabiga oo la sheegay inay ahaayeen boqolaal dagaalyahan, waxayna hadda noqdeen kuwo go’doomay iyo kuwo lagu dilay duqeymo iyo dagaal toos ah oo illaa iyo hadda ka socda halkaasi. Dhul keymo ah iyo godad ay qoteen ayey ku go’doonsan yihiin Shabaab-kii ku dhiiraday inuu ka soo gudbo wabiga ee u socday degmooyinka xorta ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ilaa hadda waxaa la sheegay inay ku socoto duqeyn aan kala joogsaneyn. The post Cali Guudlaawe oo tegay deegaan lagu go’doomiyay boqolaal AL-SHABAAB ah appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gaaray deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo dhowaan laga saaray Ak-shabaab, deegaankaan ayaa hoos yimaada degmada Magadaay. Madaxweynaha ayaa halkaas kula hadlay Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga xoreynta deegaanka, waxaana uu ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan dagaallada ay ka wadaan deegaannada dhaca Jiinka wabiga Shabeelle oo maalmahaan la isku hayay. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dadka Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga xoreynta deegaanka ku ammaanay doorka ay ka qaateen la dagaallanka Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay in inta yar ee halganka ka hartay ay dhammaystiraan. Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in laga wada qayb qaato dagaalka Al-shabaab, cid kastana uu waajib ka saaran yahay in ay xoreyso degaannada ay matasho ama ka tirsan maamulka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Maaliyada oo sheegay inuu xidhmay ganacsigii Itoobiya uga Tagay Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in uu xidhmay suuqii ganacsi ee Itoobiya uga tagi jiray Somaliland. Sidoo kale waxa uu xusay uu meesha ka baxay suuqii ganacsi ee Somaliland ay ka qaadan jireen degaanada bariga. Dr. Sacad ayaa tilmaamay in suuqyada ganacsi ee xidhmay ay keenen hoos u dhac dhaqaale. Geesta kale waxa uu ka hadlay dhaqaalaha arrimaha doorashooyinka iyo arrimo kale. Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay mar uu saaka hor tagey guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland. Qaran News
