-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne oo shalay uu ka dhacay qarax culus oo galaaftay nolosha dad badan waxaa lagu qabtay gaadiid kale oo looga shakiyey inuu qaraxyo sido, sidoo kale waxaa la ogaaday qofkii ka soo damiintay laamaha amniga gaarigii qarxay inta uusan soo gelin magaalada. Ugu yaraan laba gaari oo xamuul ah iyo raggii watay ayaa la qabtay, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo waxa uu yahay rarka saaran gaadiidkaas, sababta loo beegsaday gaadiidkaan waa in isku hal qof uu kasoo damiintay Control-ka laga soo galo magaalada Beledweyne. Sawirro laga soo qaaday gaadiidka la qabtay ayaa muujinaya raggii watay uu u jeebeysan ciidamada, Taliyaha booliska Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay inay baarayaan waxa saaran gaadiid la qabtay iyo ragga watay oo hadda xiran. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa la helay xogta ninkii Koontoroolka laga soo galo magaalada Beledweyne ka soo damiintay gaariga ku qarxay magaalada, inkastoo aanan helin xogta in lasoo qabtay ninkaas. Ugu yaraan 10 qof ayaa geeriyootay, qiyaastii 20 kalena waa ku dhaawacmeen qaraxaas oo ka dhacay mid kamid ah xaafadaha ugu saxmada badan magaalada oo lagu magacaabo Nuur-xawaad. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo war ka soo saaray qaraxaas ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxaas arxan darrada ahaa. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in falalka argagixisanimo aysan ka hor istaageyn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dabar-goynta Khawaarijta ku been abuurta diinteenna suubban ee qaraxyada ku xasuuqa shacabka, burburiya Masaajidda iyo goobaha lagu barto Qur’aanka Kariimka. The post Gaadiid xamuul ah oo looga shakiyey qaraxyo culus iyo raggii watay oo lagu qabtay… appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Somaliland oo Daawade ka Noqotay Sicir Barar Taabtay Nolosha Danyarta Somaliland Hargeysa(Qaran news)- Muddooyinkii u dambeeyay waxa suuqyada Magaalooyinka laga dareemayaa sicir barar weyn oo saameeyay qiimaha badeecaha daruuriga ah iyo shiidaalka. Waxa kordhay qiimaha raashinka sida bariiska, sonkorta,daqiiqda iyo salliida cuntada, mana jirto wax Xukuumadda Somaliland ay ku macnaysay culayskaas dhaqaale ee saameynta taban ku yeeshay nolosha dadka danyarta ah ee markii horeba la daalaa-dhacayay shaqo la’aanta iyo dhaqaale darrada ka jirtay dalka. Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaminayo Madaxweyne Muuse Biixi oo u muuqata in aanay ka war hayn, ayaan ku soo qaadin dhibaatada arrintan shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada ee qabsoomay Khamiistii toddobaadkii hore. Sidoo kale Wasaaradda Ganacsiga oo u xilsaaran arrimaha ganacsiga ayaan la maqal codkeeda iyo tallaabo ay qaaday midna, taasina waxay qalbi jab ku tahay shacbiga. Dhinaca kale sarifka lacagaha qalaad gaar ahaan Doolarka ayaa isna kor u kacay maalmahan, waxase Baanka dhexe uu ka soo saaray digniino kala duwan oo uu uga digay koox sarifleyaal ah oo kordhiyay qiimaha ay ku sarifaan doolarka oo dhaafay qiimihii uu baanku hore ugu jaray. Ugu dambayn, Xukuumadda Somaliland ayaa la eegayaa tallaabada ay qaado iyo waxa ay ku macnayso sicir bararka taabtay nolosha bulshada reer Somaliland. Qaran News
-
Sagaal qof oo kamid ah dadka ay dhaawacyada halista ah ka soo gaareen qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa la dhigay isbitaallada Muqdisho. Sagaalka qof ee la geeyay Muqdisho ayaa waxa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah looga qaaday magaalada Beledweyne xalay. Saraakiisha Boolisku waxay sheegeen inay jiraan dad nolol iyo geeri midna aan lagu hayn, oo dad markii ugu war dambeysay joogay halka uu qaraxu ka dhacay. Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka, waxana ku dhawaa xarumo ganacsi iyo guryo la dagan yahay. PUNTLAND POST The post Dhaawacyadii halista ahaa ee qaraxii Beledweyne oo loo qaaday Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Imtixasnaadka oo Hadlay Xeelad ay Kula Dirirayaan Qushka Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka JSL, Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in ay wax ka badal ku sameynayaan nidaamkii loo mari jiray xakamaynta qishka Imtixaanaadka ama eegashada. Guddoomiye Daa’uud waxa uu sheegay in aanu jiri doonin arday danbe oo laga qaadi doona telefoonka, waxaa uu caddeeyay in loo fasaxi doono, balse la gaadhi doono heer ardayna aanu arday la imtixaan ahayn, gobolna aanu gobol la imtixaan ahayn, iskuula iskuul la imtixaan noqon. Sidoo kale waxa uu sheegay in telefoonka gacanta ee ardaydu xilliyada imtixaanaadka u soo qaataan, inay imtixaanka ka eegtaan, ay ciidamada iyo ilaaliyayaasha imtixaanaadkuba ay dhib weyn ka mari jireen, balse hadda ay wadaan qorshihii lagaga gudbilahaa. Daa’uud Axmed Faarax guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka JSL, waxa uu tusaale u soo qaatay in iyada oo imtixaanka lagu jiro ardayda qaarkood ay diidi jireen inay fasalada soo galaan si maruun ay ugu suuragasho helitaanka imtixaan laga shaqeeyay oo loogu soo diro telefoonka gacanta. Qaran News
-
Tababarkii u Horreeyay ee Xukuumaddu Siisay Cisbaatalada Gaarka Loo Leeyahay Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, oo kaashanaysa hay’adda UNFPA ayaa tababar u qabatay Shaqaalaha ka hawlgala goobaha Caafimaad ee gaarka loo leeyahay. Tababarkan ayaa ku saabsana adeega Kalla-korinta Ubadka, si loo hirgeliyo siyaasada wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee Kala-korinta carruurta. Tababarkan oo ay ka faa,idaysan doonaan Shaqaale ka kala yumid dhamaan gobolladda dalka. Tababarkan ayaa socon doona, muddo 10-cisho, ayaa la rabba in uu wax weyn ka taro sidii bulshada lagu dhiirigelinlahaa faa’idadada Kala-korinta Ubadku Iu leedahay Hooyadda iyo dhalaanka. Qaran News
-
Shir Laga Yeeshay Badqabka Suuqa Gobanimo Hargeysa(Qaran news)-Kulan lagaga wada hadlayay Badbaadada Suuqa Gobanimo oo ay ka soo qayb galeen Guddida Bacadlaha Gobanimo, Dawladda Hoose Hargeysa iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa ka Qabsoomay xafiiska Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL ee magaalada Hargeysa. Ugu horayn Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa ka hadlay Ujeedada Shirkan waxaanuu sheegay in ciidamada Dabdemisku Qiimeyn ku sameeyeen suuqaasi, kaasi oo haba yaraatee lahayn waddooyin gaadiidka Dabdemisku ka soo geli karaan Suuqaas, sidoo kale markastaba Gaadiidku Baarkin ka dhigtaan Suuqa hortiisa. Dhanka kale ayaa Taliyuhu wuxuu xusay in markastaba la sameeyo ka hortag inta aanay dhicin masiibadu. Dhankiisa xogahaya dawlada hoose Hargeysa Siciid Nuur Jaamac oo isaguna ka hadlay shirkaas ayaa sheegay ahmiyada suuqa gobanimo u leeyahay caasimada Hargeysa, waxaanuu sheegay in si wada jira wax looga qabto si loo helo dariiqyo furan oo gaadiidka dabdemisku soo mari karo. Dhankooda guddida bacadlaha oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in bannaynta suuqa gobanimo ay marwalba dan ugu jirto dadka ku ganacsada suuqaas, waxaanay sheegay in tallaabo kasta oo suuqaas lagu badbaadinayo laguna bannaynayo ay iyagu diyaar u yihiin. Gebagabadii waxaa halkaa ka hadlay Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha ee dhinaca amniga Maxamed Xuseen Cabdilaahi waxaanuu ku dheeraaday ahmiyada bannaynta iyo badbaadinta suuqani ay muhiim u tahay wasaarada iyo guud ahaan qaranka, iyadoo laga warqabo dababii waaweynaa ee qabsaday suuqyada Waaheen iyo Wajaale iyo suuqyo kaleba. Dhanka Ciidanka Dabdemiska waxaa iyaguna ku wehelinayay Taliyaha Xoghayaha guud ee ciidanka Dabdemiska Ibraahim Suldaan Xasan, Hogaanka Maaliyada Amran Axmed Baashe,Hogaanka Hawlgelinta Cabdifataax Maxamed Xaashi,Hogaanka Hawlaha Cabdicasiis Axmed Cilmi iyo Hogaanka Tababarka Kheyre Goox. Hadaba ugu dambayn waxaa shirkaas ka soo baxay qodobadan: 1. In suuqa gobanimo la furo dhamaan waddooyinka gala si gaadiidku dabdemisku u soo mari karaan. 2. In dadka suuqaas ku ganacsadaa ay helaan tababarka aasaasiga ah ee dabdemiska. 3. In meherad kasta la dhigo haamaha dabdemiska si dabku intuu yaryahay lagu sii damin karo. 4. In xoojiyo nidaamka gaadhka iyo amaanka suuqa. 5. In wax laga qabto xadhkaha korontada ee sida habqanka ugu dul daadsan suuqa gobanimo. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadkii kusoo dhaawacmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa xalay la keenay magaalada Muqdisho, kadib markii ay laba diyaarad u dirtay dowladda Soomaaliya. Dadkan ayaa waxaa soo daabulay Hay’adda SoDMA oo iyadu dhanka gargaarka u qaabilsan dowladda dhexe, waxaana laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Dhaawacyada la keenay ayaa gaaraya illaa 16 qof, kuwaas oo ay xaaladoodu liidato, waxaana la geeyay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa ay dhaawacyadu isugu jiraan Caruur, Dumar iyo Dad dhalinyaro ah oo qaba dhawacyo culus waxaana Garoonka Diyaradaha Aadan Cade uga hortagay Xildhibaano katirsan BJFS, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin katirsan Hay’adda SoDMA. Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo Wacyigalinta Bulshada ee SoDMA Dr. Cabdullahi Muse Axmed (Fanax) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Hay’addu u gurmatay dhammaan dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu xasuuqay magaalada Beledweyne. “Waxaa u suuragashay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDOMA) in ay gurmad caafimaad u fudiso dhammaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkii foosha xumaa ee ay argagixsadu ka gaysatay magaalada Beledweyne, weerarkaas oo ay waxyeelo badan kasoo gaartay shacab Soomaaliyeed ” ayuu yiri Dr Abdullaahi Muuse. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa musiibo xanuun badan oo haysata dadka Soomaaliyeed waxaan rajeyneynaa in laga bixi doono dhibkan”. Dr. Cabdullaahi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay Hay’addu u taagan tahay mar walba u gurmashada dadka Soomaaliyeed iyo inay ka jawaabto xaaladaha noocaan oo kale ah. “Hay’addu waxay mar kasta diyaar u tahay in Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay u gurmato dhibaatooyinka noocaan oo kala ahna ay ka jawaabto” ayuu yiri. Beledweyn ayaa waxaa Sabtidii shalay ka dhacay qarax weyn oo lagu hoobtay, kaas oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana ku dhintay ku dhowaad 20 qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay intaasi, sida laga soo xigtay laamaha amaanka. The post Dhaawacyada qaraxii shalay ka dhacay Beledweyne oo la keenay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Howlgal lagu dilay madaxii maaliyadda ee Khawaarijta Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Galgaduud ayaa galabta ka dhacay gudaha degmada Ceelbuur oo weli ku jirta gacanta kooxda. Howlgalka oo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ayaa ka dhacay guri ay ku shirayeen saraakiil sare oo Shabaab ah, kuwaas oo dhanka maaliyadda u qaabilsanaa kooxda, Warbaahinta Dowladda Soomaaliya oo soo xiganeysa Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid saraakiisha hoggaamisa ciidanka xoogga dalka, kana soo jeeda Ceelbuur ayaa baahisay xogtaan. Sarkaalka ugu sareeyey kooxda maaliyadda ee Galgaduud u joogtay Al-Shabaab ee howlgalkaan lagu dilay waxaa magaciisa lagu soo koobay Sahal, waxaana la dhintay xubno kale oo loo maleynayo inay saraakiil yihiin iyo dagaalyahano ilaalo u ahaa. Duqeynta maanta ka dhacday Ceelbuur ee lagu beegsaday madaxdii Shabaab u qaabilsaneed dhanka maaliyadda ayaa imaana iyadoo galabta duqeymo kale oo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug lagu laayey Shabaab badan oo qorsheeyey inay fuliyaan weerar cagmarin ah. Diyaaradaha dagaalka ayaa galabta laayey koox lagu diyaarinayey dhulka howdka ah ee u dhow deegaanka Shabeelow oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgalkaas ayaa sheegtay in la dilay ugu yaraan 30 dagaalame, isla markaana ay socoto qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee gaaray kooxda. Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Axmed Macalin Fiqi oo ku sugan koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegay in lix goobood lagu duqeeyey kooxda, isla markaana dhulka lala simay dagaalayanadii iyo gaadiidkii Shabaab ee maalmahaan howdka lagu diyaarinayey. Dhinaca kale, Ciidamada Xoogga dalka iyo xoogagga difaaca Shacabka ayaa maanta Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegay deegaanada Ceelkabar iyo Jaburow oo dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Ciidamada ayaa weerar dhowr jaho ah ku qaaday deegaanka Luuqa-Jeelow oo ahaa goob Al-Shabaab lacago baad ah uga qaadi jireen dadka u kala safra gobollada dhexe. Saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa ka warbixiyey howlgalkii maanta, waxayna sheegeen in Khawaarijta Al-Shabaab oo halkaas dadka deegaanka ku dhibayay sanado badan ay ka ceyriyeen oo deegaanadii ay hadda soo galeen gacanta dowladda. The post Saraakiil Shabaab ah oo lagu duqeeyey Ceelbuur iyo magaca ninkii ugu sareeyey oo la dilay appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa(Qaran news)- Aasaasaha Shirkadda Worlremit Ismaaciil Axmed ayaa si xeel dheer oo aqooni ka muuqato u sharraxay qiime dhaca ballaadhan ee ku yimid lacagta Somaliland. Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal dheer oo uu caawa ku baahiyay Facebook-giisa, waxaanu raaciyay tallooyin uu ku baaqay in wax lagaga qabanayo, wuxuuna u qornaa qoraalkaasi sidan:- “Qiime dhaca xad-dhaafka ah ee ku yimi shilinka SL waa mid u baahan in ay dawladdu si deg deg ah wax uga qabato, si looga baaqsado burbur dhaqaale. Shilinka suuqa wareegaya oo xaddigiisu ka batay mid suuqu qaadi karo ayaa keenay in qiimihiisu hoos u dhaco. Ka sakow hoos u dhaca dhaqaale ee colaaduhu sababeen, waxa hoos u dhaca qiimaha shilinku ka dhashay: 1. Bangiga Dhexe oo joojiyey tallaabooyinkii lagu xoojin jiray shilinka ee doollarka suuqa lagu gelin jiray. 2. Bangiga Dhexe oo lacago ka badan tii daabacnayd qaab digital ah suuqa u soo geliyey. 3. Bangiga Dhexe oo ku mashquulay lacago kale oo dibadda lagu soo daabacayo, taasi oo hoos u dhigtay kalsoonidii shilinka lagu qabay. 4. Farsamada is-xambaarka ah ee 100-ka doolar la raaciyo lacagta ka yar boqolka marka wax la iibsanayo ayaa aad u soo korodhay, taasi oo keentay in isticmaalka iyo baahida shilinku hoos u dhacdo. Guud ahaan, duruufo adag oo mar qudha isku soo wada beegmay ayaa keenay xaaladda werwerka leh ee ka jirta suuqa sarrifka. Qiime dhacan shilinku waxa uu si gaar ah u dhaawacayaa shaqaalaha dawladda, dadka saboolka ah iyo reer miyiga oo iyaga dakhligoodu yahay shilinka SL. Dadka dakhligoodu yahay doollarka ee hantida leh ama dibadda lacag looga soo diraa way ka madaxbannaan yihiin shilinka SL ee sida qaldan loo maamulo. Waxa khalkhalkan sarrifka si gaar ah uga faa’iiday shirkadaha waaweyn ee gacan saarka la leh Bangiga Dhexe. Waxa aan ku talinayaa: 1. In si degdeg ah Bangiga Dhexe u bilaabo lacagihii doollarka ahaa ee shilinka dheeraadka ah suuqa lagaga soo iibin jiray. 2. In dhawrka malyuun ee doollar ee lacagta cusub lagu soo daabacayo loo isticmaalo in lacagaha dheeraadka ah ee suuqa wareegaya lagu soo iibsado. 3. In la laalo xeer hoosaadka fasaxaya in maamulka Bangiga Dhexe qaataan khidmad 2.5% ah markasta oo ay lacag soo daabacaan oo bangigu “faa’iido” helo. Tani waxay ka mid tahay waxyaabaha dhiirrigeliya lacagaha la daabaco. 4. In la joojiyo lacagaha deymaha ah ee Bangiga Dhexe siiyo hay’adaha dawladda, kuwaas oo badankoodu doolar lagu beddelo marka gaadiid ama qalab lagu iibsado. 5. In la baadho sababta dhalisay iyo cidda fasaxday kala badashada lacagta shilinka ah ee wareegaysa iyo kuwa daabacan. Lacagaha shilinka ah ee daabacan waxa lagu qiyaasaa ilaa $30 malyuun, laakiinse lacagaha wareegayaa aad ayey uga badan yihiin intaa. Ma Bangiga Dhexe oo keliya ayaa arrintan ka masuul ah mise wax kale ayaa jira?” Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta khudbad dheer oo muhiim ah ka jeediyay kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadlay horumarka dowladda Soomaaliya ay gaartay dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta oo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay 45% inay xoreyso deegaannadii ay shacabka ku dhibaateynayeen, waxaa kale oo uu ku dheeraaday dadaalka ay dowladdu gelisay arrimaha horumarinta bulshada. Mudane Xamsa ayaa codsaday in Golaha Ammaanka ee Q.M. uu ka qaado cunaqabateynta mudada 30-ka sano ka badan saarneyd Soomaaliya, si dalkeenu uga guuleysto argagixisada, isla markaana ciidanka qaranka ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka dalka. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhibbane u tahay saameynta isbeddelka cimilada, oo dalkeena ay ka dhaceen abbaaro is dabajoog ah iyo fatahaado, isla markaana ay codsaneyso Soomaaliya in gacan la siiyo xal u helidda dhibaatooyinka ka dhasha qaaca hawada lagu sii daayo iyo isbeddelka cimilada. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo war ka soo saaray qaraxii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxaas arxan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in falalka argagixisanimo aysan ka hor istaageyn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dabar-goynta Khawaarijta ku been abuurta diinteenna suubban ee qaraxyada ku xasuuqa shacabka, burburiya Masaajidda iyo goobaha lagu barto Qur’aanka Kariimka. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxa argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan guud ahaan dadkeenna. Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka qaraxa ku burburiyey maanta masaajidka Baledweyne shalayna Masaajidkii Daaru-nicma.Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan argagixisanimo in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna. Qaraxa oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa, wuxuuna ka dhacay xaafadda Nuur Xawaad, gaar ahaan nawaaxiga Warshadda Cabitaanka Horseed. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale oo u badan dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale waxaa jira burbur xoogan oo goobta soo gaaray goobihii ganacsiga iyo guryihii ku yaallay aagaas, ciidamada ammaanka oo helay xogta gaarigaas ayaa la sheegay inay ku raad joogeen ka hor inta uusan qarxin. Baaritaano culus ayaa maanta ilaa caawa ka socda magaalada Beledweyne, waxaa laga cabsi qabaa in gaadiid kale oo qaraxyo sida ay ku jiraan gudaha magaalada oo ay ku sugan yihiin Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo masuuliyiin kale. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo war culus ka soo saaray qaraxii ka dhacay Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay magaalada Baledweyne, kaas oo galaaftay nolosha muwaadiniin Soomaaliyeed, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in falalka argagixisanimo aysan ka hor istaageyn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dagaalka lagula jiro Al-shabaab, kaas oo ka socda ,eelo badan oo dalka ah. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxa argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan guud ahaan dadkeenna. Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka qaraxa ku burburiyey maanta masaajidka Baledweyne shalayna Masaajidkii Daaru-nicma.Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen.” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan , maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalka, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Togdheer iyo Booliska oo ka Hadlay Shaqaaqada Cali Saahid ka Dhacday Burco(Qaran news)-Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim (Nafaqo) iyo guddida Nabadgalyeda gobolka Togdheer ayaa kulamo kala duwan la qaatay Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ay shaqaaqadu ka tahay ee Cali Saahid, ee hawdka gobolkaasi. Guddoomiyaha iyo guddida ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Cali Saahid in ay dagaalka joojiyaan nabaadana qataan. Taliyaha qaybta Booliska Burco ayaa sheegay in ay ka hawlgaleen adkaynta nabadgelyada deegaanadaasi, isla markaasna u direen ciidan ku filan sugida nabadgelyada deegaankaasi oo kor u dhaafaya laba boqol iyo sodon askari si loo xasiliyo shiqaaqada deegaanadaasi. Sidoo kale ciidanka Booliska gobolka Togdheer ayaa sheegay in shaqaaqadaasi uu ku dhintay 1 qof, halka 6 kalena ku dhaawacmeen, waxaanay sheegeen inay hadda gacanta ku hayaan nabada deegaanadaasi, sidoo kalena aanay wax dhibaato ahi ka jirin, waddaana dadaalo ay ku ogaanayaan cidda bilowday hawshan. Maamulka gobolka iyo ka Dagmeda Burco ayaa ugu baaqay dadka deegaanka Cali Saahid ku nool inay dagaalka joojiyaan, nabadana qaataan, sidoo kale waxa ay sheegeen in ay gacan dawladnimo diyaar u yihiin inay wax kaga qabtaan arrinta deegaanka Cali Saahid ee hawdka gobolkaasi. Qaran News
-
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Oo ah Wasiirka maaliyada ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan in Soomaaliya laga cafiyo daynta, iyadoo aan heshiis loo ahayn siyaasad ahaan, amni ahaan, iyo dhaqaale ahaanba, wasiir Dhabancad ayaa sheegay, Puntland inay u aragto qatar weyn in lagu degdego in Soomaaliya deymaha lagu leeyahay laga cafiyo. Dhabancad wuxuu sheegay, Soomaaliya haddii daynta laga cafiyo in ay dowladdu soo qaadanayso deymo balaayiin ah oo aan heshiis lagu ahayn sida loo qeybsanayo, taasoo uu sheegay in ay keeni karto in la musuq maasuqo, xilli Puntland ay banaanjoog ay ka aheyd dhowr shir oo ka dhacay oo golaha wadatashiga iyo hannaanka maaliyadda looga hadlay. “Annaga dooddeena waxaa weeye, si looga heshiiyo waxyaabahaan horudhac ah, dayn cafinta halla hakiyo oo halloo kaadiyo. Halla heshiiyo oo Soomaaliya miiska ha isugu timaado. Markii laga heshiiyo aas aaska, dayn cafintu ha dhacdo,” ayuu yiri wasiir Dhabancad” ayuu yiri Wasiirka maaliyada puntland . Wasiirka maaliyadda Puntland oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya kusii jirto habka deeqaha la siiyo, inta laga hubinayo inta dalku heshiis ka yahay waxyaabaha lagu isku khilaafsan yahay ee ku xiran dayn cafinta dalka, kaas oo dhowaan warbixin ay ksoo saaray hey’adda IMF. Hadalka wasiirka maaliyadda Puntland, ayaa kusoo aaday, iyadoo hay’adda lacagta adduunka ee IMF ay shaacisay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay sharuudihii ugu dambeeyay ee deymaha looga cafinayo December 2023, waxaana lagu wadaa inuu soo baxo go’aanka ugu dambeeyo guddiga sare ee IMF. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Munaasabadda furitaanka waxaa Kasoo qayb galay Maamulka jaamacada, aqoon yahano, ganacsato iyo sidoo kale qaar kamidaa ardayda jaamacadda dhigata, kuwaas oo ka kala socday kulyado kale duwan oo ku sugnaa madasha shirka. Ugu horeen waxaa Madasha daahfuray gudoomiye ku xigeenka jaamacada mudane Mohamed Mohamud Mohamed isaga oo sheegay shirku inuu daaran yahay ardaydu in ay soo bandhigaan waxqabadkooda haddana u badalaan howl la taaban karo. Sidookale Maamule ku-xigeenka oo warkiisa sii wato ayaa raaciyey ” In ardayda fursad u tahay company-yada halkaan imaandoono iney la yeeshaan xiriir fiican kadib markee aqoontooda soo bandhigaan” sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale waxaa shirka ka hadlay aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo madasha ka jeedisay hadallo, waxayna amaan u jeediyeen ardayda soo bandhigtay dhismayaasha gacan ku sameyskaa ee u muuqdo mid cajiibaa sida lagu tilmamay. Ugu dambeyn waxaa madasha mahadcelin ka soo jeediyey ardaydii bandhigga sameynsay, kuwaas oo martida kale duwan uga mahadceliyey kasoo qeyb galka kulanka, Jaamacadda ayaa marar badan qabatay kulamada nuucaan oo kale ah. W/Q/Salmaan Bashiir Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shabeelow (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in khadaare culus maanta Shabaab lagu gaarsiiyey howlgal ka dhacay aagga deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu baacsaday koox loo diyaarinayey inay weerar fuliyaan. “In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal maanta ciidanka xoogga uu ka sameeyey Koofurta Mudug,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda. Howgalkaan oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka iyo ciidamada xoogga dalka ayaa ka dhacay dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow oo dhaca koofurta gobolka Mudug, kana mid ah deegaanadii dhawaan laga xoreeyey kooxda. Al-Shabaab-ka la laayey ayaa lagu beegsaday xarumo ay ku lahaayeen dhulka howdka ahee deegaankaas, waxaana kooxda howlgalkaas ka soo gaaray Khasaare xoog leh. Sida ay sheegtay dowladdu howlgalka ayaa lagu burburiyey xarumo ay Shabaab ku lahaayeen hoobaha ay iska soo abaabulayeen, waxaana xubnaha la dilay ka mid ah saraakiil sare oo Shabaab ah, inkastoo aan weli la ogaan magacyadooda. Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Axmed Macalin Fiqi oo ku sugan koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegay in maanta jabkii ugu weynaa kooxda loogu geystay gobolkaas. “Koofurta gobolka Mudug galabtey 6 goobood oo ay Khawaarijtu maleeshiyoodkooda kala firxaday ku abaabulayeen si weyn ayaa loo duqeeyey, dhamaan maleeshiyeedkii & gaadiidkoodiina dambas ayay isku bedeleen!” Ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Fiqi. Kooxda Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay laga xoreeyey dhowr deegaan ayaa hada gobolka Mudug uga haray deegaano aad u yar, waxaana laga cabsi qabay inay soo qaadaan weerarro rogaal celis ah. Balse maanta iyo shalay waxaa kooxda aad loogu beegsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen weerarro u qorsheysnaa, waxaana laga laayey dagaalyahano aad u badan. The post Shabaab fuli rabay weerar culus oo galabta lagu laayey gobolka Mudug appeared first on Caasimada Online.
-
Aadan-Yabaal (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta howlgallo culus ka wada aagga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgalladan oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa fulinaya ciidanka qaybta 26-aad ee ilaalo qaran, kuwaas oo isku fidiyay howdka u dhexeeya Daaru nimca iyo Ruun-Nirgood. Ciidamada ayaa burburiyay goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen oo ku yaalla halkaasi, sida uu shaaciyay taliyaha guutada Gumac oo hoggaaminaya howlgalladaasi. “Waxay ciidanku bur buriyeen goobo ay maleeshiyaadka khawaarijta gabaad ka dhiganayeen si ay isugu aruursadaan dhulka howdka ah, kalana eriyeen maleeshiyaadkii isku aruursanyay halkaasi” ayuu yiri taliye Sayid Cali Cabdi Cadaawe. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee ilaalo qaran gaar ahaan guutada Gumac ayaa weli wada baacsiga maleeshiyaadkii ku dhuumaalaysanay dhulka howdka ah” Sidoo kale waxa uu sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo la gaarsiiyay Kooxda Al-Shabaab, inkastoo uusan soo bandhigay tiro rasmi ah. Dhanka kale, waxaa weli duqeymo iyo howlgallo ay ka socdaan aagga degmada Mahadaay, halkaas oo lagu go’doomiyay xubno ka tirsan Shabaab oo kasoo gudbay wabiga Shabelle. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. HirShabelle iyo Galmudug ayaa waxaa hadda ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka. The post Sawirro: Wararkii ugu dambeeyay howlgallada ka socda SH/DHEXE appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Shaqaalaha oo ka Hadashay Xeerka Hawlgabka ee Golaha Wasiirradu Ansixiyeen Hargeysa(Qaran)-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa soo dhaweeyey xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta shaqaalaha dawladda oo ay maalintii Khamiistii ansixiyeen Gollaha Wasiirrada Somaliland. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, oo waraysi gaar ah siiyey maanta Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xeerkani ahmiyad weyn u leeyahay hay’adda iyo shaqaalaha dawladdaba, madaama oo uu kamid yahay mabaadii’da ay ku dhisan tahay hay’adda Shaqaalaha dawladdu. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladdu waxa uu sheegay in xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta shaqaalaha dawladdu uu ka kooban yahay dhawr qaybood, iyada oo lagu dhisaayo hay’adda ka shaqayn doonta xaqsiinta iyo hawlgabka shaqaalaha dawladda. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha waxa uu sheegay in qofka shaqaalaha ahi ku hawlgabi doono da’da 65-ka, iyada oo loo raacaayo xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta shaqaalaha dawladda, waxaanu intaas raaciyey in ay jiraan xuquuq uu qofku codsan karo inta aanu da’daas gaadhin, waxa kale oo uu cadeeyey in uu qofka shaqaalaha ahi uu hawlgab codsan karo isaga oo aan gaadhin da’da hawlgabka. Guddoomiye Khaalid Jaamac Qodax waxa uu tilmaamay in faa’iidooyinka xeerkani u lee yahay shaqaalaha dawladda ay tahay in qofku garan karo xiliga uu hawlgabaayo iyo marka uu hawlgabo xuquuqda uu yeelana karo,madaama oo aanu hore u aqoon meesha uu u gudbi doono marka ay shaqadu ka dhammaato Qaran News
-
Ģolaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyay Wasiirka Maalgashiga iyo Gud. Kuxigeenka Baanka Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod gacan taag ah ku ansixiyey Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Cabdi Cismaan (Dhega Weyne) iyo Guddoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi. Fadhigii saaka ee golaha wakiillada JSL, oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxaana fadhigaas kasoo xaadiray 61 mudane oo ka tirsan mudaneyaasha Golahaas. Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Somaliland Cabdi Cismaan (Dhega Weyne) iyo Guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa ansixintooda ogolaaday 61 Xildhibaan, mana jirin cid diiday iyo cid ka aamustay. Dhinaca kalena Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Somaliland Professor Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ku wargeliyey mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland in dib loo dhigay fasixii Golahaas muddo 2 toddobaad ah, maadaama oo ay Golaha u yaallaan hawlo baaxad lihi, iyada oo xildhibaannada loo qaybiyey lifaaqa wax ka beddelka iyo kaabista xeerka Ciidamada Qaranka Somaliland oo ay xildhibaannadu soo akhrisan doonaan. Qaran News
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan xiisad cusub ay kasoo cusboonaatay gobolka Gedo, taas oo hadda ka taagan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in xiisaddu u dhexeeyo ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland iyo ciidan kale oo taabacsan maamulkii hore ee gobolka Gedo, kuwaas oo u abaabulan hab beeleed. Wararka ayaa intaasi kiu daraya in ciidamada gadoodsan ay gudaha u galeen xarunta degmada, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan. Sidoo kale waxaa arrintan ku baxay odayaasha deegaanka oo haatan wada dhex-dhexaadin, waxayna sidoo kale la hadleen guddoomiyaha gobolka, Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo isuguna ciidamo ku haysto halkaasi. Odayaasha ayaa guddoomiyaha ka dalbaday in uusan dagaal qaadin, isla-markaana uu ka war sugo inta ay ciidamada ka saarayaan xarunta maamulka degmada. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kascsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in labada dhinac ay ku dagaalamaan gudaha degmada. Garbahaarey ayaa in muddo ah waxaa ka caaganaa diyaaradaha, maadaama kol hore garoonka magaaladaas lagu rasaaseeyey diyaarad ka degtay, taas oo keentay xaalad hubanti la’aan ah. Gobolka Gedo ayaa waxaa dhowaan ka dhacay isbeddal maamul, kadib markii ay gobolka oo dhan la wareegtay dowlad goboleedka Jubbaland oo muddo laga diidanaa halkaasi. Si kastaba, xiisadda cusub aya kusoo beegantay, xilli la qorsheynayo in madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu gaaro gobolka Gedo, si uu ula hadlo shacabka ku dhaqan gobolkaasi. The post Xiisad cusub oo ka qaraxday gobolka GEDO appeared first on Caasimada Online.
-
Ugu yaraan 20 qof oo rayid u badan aa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax gaari xamuul loo adeegsaday oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Qaraxa ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada Beledweyne iyo nawaaxigeeda, waxaana la arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday gaariga xamuulka ah lagu beegsaday Goob bar kantarool iyo maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Xaawo Taako ee Beledweyne. Dadka goobta ku dhintay waxaa ka mid ah qoys degganaa meel u dhow barta Kontroolka. Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku gubtay kaalmo shidaal iyo goobo ganaacsi oo ku yaalla hareeraha laamiga. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo gaaray dhismooyinka ku ku yaalla goobta uu qaraxu ka dhacay. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee khasaaraha ka dhashay qarax weyn oo ka dhacay Beledweyne appeared first on Puntland Post.
-
A truck bomb exploded at a checkpoint in the central Somali town of Beledweyne on Saturday, killing at least 10 people and obliterating nearby buildings, a police officer said. Source: Hiiraan Online
