-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan kuwa Hay’adda NISA oo dhowaan uun tababar soo dhammeystay gaysay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Ciidamadan oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa iska xaadiriyay jiidda hore ee dagaalka, waxayna soo qaateen tababar gaar ah oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyaga oo si rasmi ah ugu biiray howlgalada lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo dhiig cusub ku shubi doono dagaalka ay haatan gaareen deegaanno u dhexeeya degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi, halkaas oo ay haatan ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ciidamada NISA ay aad u qalabeysan yihiin, isla markaana ay wataan gaadiidka dagaalka, iyaga oo fariisimo cusub ka sameystay aagga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan. Ujeedka ugu wayn ee ciidamadan loo geeyay halkaasi ayaa ah in ay door muhiim ah ka qaataan howlgalada la doonayo in lagu ciribtiro Al-Shabaabka kasoo gudbay deegaannada dhaca Jiinka Wabiga, kuna soo qul-qulayo gobolka Hiiraan oo hoostaga maamul goboleedka HirShabelle. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo horay ciidamada u sagootiyay ayaa tilmaamay inay wax weyn ka tari doonaan burburinta godadka ay ku dhuumaaleysanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada, maadaama ay heleen tababarro adag oo xirfado sare leh oo ay siisay dowladda Turkiga. Si kastaba, Gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo hoos u dhacay bilihii lasoo dhaafay ayaa haatan dowladda Soomaaliya ku waddaa dardar-gelin xooggan si mar kale dagaal culus loogu qaado kooxdaas, iyadoo howlgaladu ka socdaan jihooyin dhowr ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli kasii daraya khilaafka culus ee ka dhex-qarxay Hanti-dhowraha Qaranka, Axmed Ciise Guutaale iyo heerarka kala duwan ee Maxkamadaha dalka, kadib markii ay isku qabteen arrimo hoose oo la xiriira maamulka. Hanti-dhowraha ayaa maanta laga sugayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir, kadib mkarkii ay shalay u yeertay Maxkamadda, iyada oo u jeedisay eedeymo culus oo oo waa wayn. Waxaa kamid ah eedeymahaasi fulin la’aanta iyo is hortaag go’aan Maxkamadeed iyo inuu is hortaag ku sameeyay bixinta kharashadka socod-siinta howlaha Maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen. “Haddaba Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay fareysaa Axmed Ciise Guutaale, kuna eedeysan qod. 254, 257 iyo 267 XCS, inuu hor yimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta Axadda ah oo ay taarkiihdu tahay 16/02/2025, saacadduna ay taay 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo uguna jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka. Axmed Ciise Guutaale oo isna qoraal kale soo saaray ayaa soo jawaabay, wuxuuna eedeymo u jeediyay Maxkamadda, wuxuuna tilmaamay in ay ku kacday ku takrifal awoodeed, maamul xumo iyo hoggaansanaan la’aanta sharciga, ayna sameysay dayacaad shaqo. Hadda ayada oo ay sidaas tahay ayaa waxaa saaka laga sugayaa Maxkamadda Gobolka Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, si uu isaga difaaco eeeymaha waa wayn ee loo haysto. Zakariye Nuur oo aqoonyahan ku xeeldheer arrimaha sharciga, sidoo kalena ka tirsan bahda garsoorka ayaa shaaca ka qaaday in Guutaale uu ku ciyaarayo dab, marka loo eego sida uu dhigay doodiisa ka dhanka ah Maxkamadda oo shalay saacado kooban u qabatay. Aqoonyahanka ayaa kula taliyay Hanti-dhowraha inuu tego Maxkamadda uuna is difaaco, si aysan uga sii darin arrintan, maadaama ay tahay arrin sharci ah, loona yeeri karo. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeysitan:- Hantidhowroow dabbaad ku cayaaraysaa Hantidhowre ma og tahay saamaynta sharci ee ka dhalan karta amarka u yeeritaanka maxkamadeed haddii aadan u hogaansamin? Ma akhrisay Qod. 21(4) ee Xeerka Xafiiskaagu ku dhisan yahay oo si cad u tilmaamaya in aad xilkaada ku waynaysid xukun maxkamadeed intii uu doonaba hala ekaadee. Ka waran haddii maxkamaddu kugu xukunto 1 maalin ama wax ka badan? Haddii aad rafcaan ka qaadatana ay tahay in aad xabsi gashid. Ma ogtahay muddada habraaca rafcaanku qaadan karo? Ma ogtahay muddada cabashada maxkamadda sare qaadan karto? Haddii aadan rafcaan qaadan soo ma ogid in aad tahay dembiile baxsad ah oo xukun maxkamadeed ku dhacay? Mudane hantidhowre ma arragtay Qod. 22 ee Sharciga Hantidhowrka? Ma ogtahay in xubnaha xilka kaa qaadi karo ay ka mid yihiin 2 garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Dalka? Waxaan ku gula talinayaa in aad hortagtid maxkamadda isna difaacdid, amarka maxkamaddana aad u hogaansantid. Sidaas oo kale aad raali gelin ka bixisid wixii gef ah ee kaa dhacay si garsoorku kuu cafiyo
-
Beeraleyda qaadka Kenya ayaa joojisay Dhoofinta Jaadkii ay keeni jireen Soomaaliya ka dib markii ay dowladda dalkaasi ay ku dhawaaqday qiimo cusub oo lagu iibinayo dalaggaas maan-dooriyaha ah. Wararka ayaa sheegaya in Suuqa Qaadka ee Soomaaliya laga dareemayo hoos u dhac weyn kadib markii Beeraleyda ay hadda dalbadaan 3 Dollar halkii Kiilo ee Qaadka iyo ugu yaraan 1550 Doollar halkii jawaan oo Miirow ah, sida ay qortay shabakadda Kenya Times. Beeraleyda qaadka Kenya ayaa dalbaday in qeymaha halkii kiilo laga dhigo $3, balse lacag ganacsatada Soomaalida ayaa arrintaas si weyn uga biya diiday, taas oo keentay ismari-waa ugu dambeyn keenay in la joojiyo dhoofintii Jaadka. Guddoomiyaha ururka beeraleyda qaadka Kenya Rasta Karuiru ayaa dowladda dalkaas ka codsaday inay qaato tillaabo lagu fara-gelinayo qeymaya Jaad oo uu sheegay inay si weyn ugu dulmanyihiin, islamarkaana sidaas aysan waxba ku sii wadi karin. Dhanka kale Wasiirka beeraha Kenya Mutahi Kagwe ayaa ku dhawaaqay qiimaha cusub ee ay dowladdu jaan-goysay in lagu iibiyo Miirawga loo dhoofiyo Soomaaliya. Bayaan uu soo saaray, Kagwe wuxuu ku sheegay in qiimaha qaadka ka dib u eegis ay sameeyeen Guddiga arrintaas loo xilsaaray la go’aamiyay in halkii kiilo oo qaadka la iibiyo Ksh 1300 oo lacagta Kenya ah, halka horay ay u ahaan jirtay Ksh 700. Qeymahan cusub ayaa ka dhigan in halkii kiilo oo qaad ahi uu Kenya uga imaanaya lacag ku dhow $6 dollar, taas oo canshurihii iyo dhammaan habraacyadii dhoofintu ay ka baxsanyihiin. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Tirada dalalka rumeysan inay aqoonsadeen hoggaamiyaha maamula hawlgallada caalamiga ah ee kooxda argagixisada ah ee Dowladda Islaamka (Daacish) ayaa sii kordhaysa. Warbixin ay toddobaadkan soo saartay Kooxda Kormeerka Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, oo ku saleysan xog sirdoon laga helay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay jirto “hubanti sii kordhaysa” oo muujinaysa in hoggaamiyaha Daacish uu yahay Cabdulqaadir Muumin, oo sidoo kale madax ka ah laanta kooxda ee Soomaaliya. Doorka Muumin ee hawlaha caalamiga ah ee Daacish marnaba shaki lama galin. Warbixinnadii hore ee sirdoonka Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in loo dallacsiiyay hoggaanka Waaxda Guud ee Gobollada ee Dowladda Islaamka, taas oo u oggolaanaysa inuu xukumo laamaha kooxda ee Afrika. Dhammaadkii sanadkii hore, saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa VOA u sheegay inay aaminsan yihiin warbixinnada sheegaya in Muumin yahay amiirka kooxda. Qiimeyntaas ayaa u muuqata mid sii xoogeysanaysa, iyadoo dalal badan oo xubno ka ah Qaramada Midoobay ay isku raaceen in Daacish ay la jaanqaadeyso xaaladaha dhabta ah ee ka jira Ciraaq iyo Suuriya, taas oo ka dhigaysa inay muhiim tahay in ay saraakiisheeda muhiimka ah u rarato gobollo kale. “Tani waxay muujin kartaa istiraatiijiyad si ula kac ah loogu beddelayo qaab hawlgal oo aad u baahsan, kuna fidsan meel ka fog goobaha dagaalka asalka ah,” ayaa lagu yiri warbixinta. Hase yeeshee, dhammaan dalalkii xogta bixiyay kama aysan midaysnayn arrintan. Qaarkood wali ma rumeysna in Daacish, ay si sahlan uga tagi doonto dhulkeeda asalka ah ee Ciraaq iyo Suuriya. Kuwo kale ayaa shaki geliyay in Daacish oggolaan doonto in hoggaan u noqdo qof aan la xaqiijin karin inuu ka soo jeedo faracii Nebi Muxamed NNKH, shuruud mar hore lagu dabaqi jiray hoggaamiyayaasheeda hore. Si kastaba ha ahaatee, badbaadadu waxay noqon kartaa arrinka ugu muhiimsan. Tan iyo dilkii hoggaamiyihii Daacish Abu Bakr al-Baghdadi sanadkii 2019 iyo beddelkiisii sanadkii 2022, kooxda waxay isku dayday inay qariso aqoonsiga hoggaamiyayaasheeda, iyadoo yareynaysa muuqaaladooda dadweynaha. Kooxdu waxay si shaacsan ugu tilmaantay hoggaamiyahooda hadda magaciisa dagaalka, Abu Hafs al-Hashimi al-Qurashi, taas oo muujinaysa inuu buuxinayo shuruudda asal-raaca qoyska Nabiga NNKH. “Waxaa laga yaabaa inay hadda la qabsadeen xaqiiqada ah in amiirka, ama khaliifka, uusan marna la arki doonin ama la maqli doonin,” ayuu yiri Edmund Fitton-Brown, oo hore uga tirsanaa Qaramada Midoobay kana tirsan Mashruuca Ka-hortagga Xagjirnimada. “Waxaa laga yaabaa inay yiraahdeen Abu Hafs al-Hashimi al-Qurashi waa magaca aan u bixinay khaliifka,” ayuu Fitton-Brown u sheegay VOA. “Cidina waligeed ma ogaan doonto inuu Soomaali yahay. Cidna waligeed ma maqali doonto lahjaddiisa Afrikaanka ah. Cidna waligeed ma arki doonto qof Afrikaan ah.” Durba, Abu Hafs wuxuu ka badbaaday hogaamiyihiisii hore oo la dilay lix bilood kadib markii uu xilka la wareegay. Haddii Abu Hafs uu yahay Muumin, wuxuu sidoo kale ka badbaaday weerar cirka ah oo Mareykanku la beegsaday bishii May 2024. Warbixinta Qaramada Midoobay ee toddobaadkan ayaa sheegtay in tan iyo weerarkaas, Muumin uu qaaday tallaabooyin lagu yareynayo in kooxda lagu soo jeediyo indhaha dibadda. Warbixintu waxay sidoo kale Muumin xaruntiisa hawlgalka ku qeexday Buur Dhexaad, oo ah godad iyo dhismayaal difaac ah oo ku yaalla buuraleyda Cal Miskaad ee Golis, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ka hortagaan duqeymaha cirka ee Reer Galbeedka. Si kastaba ha ahaatee, arrintaas waxaa la tijaabinayaa iyadoo duqeymo cusub oo Mareykanku fuliyay bishan gudaheeda ay la beegsadeen isla deegaankaas. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in weerarradaas lagu dilay Ahmed Maeleninine, oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsanaa hawlgallada dibadda, iyo 13 dagaalyahan oo kale. Daacish-Soomaaliya Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa digtay in Daacish-Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Muumin, ay sii xoojisay saameynteeda iyo dhaqaalaha ay hesho. Sirdoonka dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa muujiyay in Daacish-Soomaaliya ay ballaarisay dhaq-dhaqaaqyada baadda ay ka qaado deegaanada ay maamusho, taas oo ay lacagta ka heshay ku maalgelisay horumarinta awooddeeda milatari, oo ay ku jirto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loogu talagalay basaaska iyo weerarada is-qarxinta. Laakiin kooxda, oo horay ugu kortay dagaalyahanno ajnabi ah, hadda waxay la kulmeysaa hoos u dhac. Warbixintu waxay sheegtay in Daacish-Soomaaliya ay la kulantay koror ka dhacay dhinaca baxsiga xubnaha, taas oo sabab looga dhigay “dhibaatooyin la xiriira isku-darka dagaalyahanada ku saleysan qabiilka, caqabado dhaqan-dhaqaale, iyo xaalado adag.” Dadaallada lagu joojinayo dagaalyahannada ajnabiga ah kahor inta aysan gaarin Soomaaliya ayaa sidoo kale saameyn yeeshay. Suuriya iyo Ciraaq Xubno muhiim ah oo ka tirsan hoggaanka Daacish ayaa laga yaabaa inay gabaad ka raadsanayaan Soomaaliya, balse lama hayo wax caddeynaya in kooxda ay ka quusatay damaceeda ah in ay dib u qabsato dhul ka tirsan Suuriya iyo Ciraaq. Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Daacish ay weli ku leedahay inta u dhexeysa 1,500 ilaa 3,000 dagaalyahan labadaas dal, kuwaas oo intooda badan ka howlgala Suuriya. Waxaa sidoo kale jirta saadaal muujinaysa in kooxda ay ka faa’iidaysatay dhicitaankii Madaxweyne Bashar al-Assad ee Suuriya bishii December ee la soo dhaafay. Sirdoonka qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Daacish ay dhaqaaq sameeyeen xilli kooxda ugu weyn Islaamiyiinta Suuriya ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), ay weerar ku qaadday xukuumadda Assad. Mid ka mid ah xubnaha Daacish, ayay yiraahdeen, wuxuu si dhuumaaleysi ah ugu dhex milmay xeryaha barakacayaasha ee al-Hol ee waqooyiga Suuriya, halkaas oo uu ka saaray dagaalyahanno khibrad leh, isaga oo ku baddalay wiilal da’yar. Isla dagaalyahankan ayaa la rumeysan yahay inuu dib u hawlgeliyay guuto Daacish ka tirsan oo ka howlgasha al-Hol, kuwaas oo lagu eedeeyay ururinta sirdoonka, tababarka dhalinyarada, qorista dagaalyahannada, iyo maamulka dhaqaale. Sidoo kale, warbixinta ayaa ka digtay in Daacish ay fulisay weerarro sii casriyoobaya oo ka dhan ah ciidamada Dimoqraadiga Suuriya ee ay taageerto Mareykanka. Daacish ee Ciraaq waxaa si weyn u wiiqay cadaadiska ka imaanaya laamaha amniga Ciraaq, oo ay ku jirto howlgalkii bishii Agoosto lagu dilay ku-xigeenkii hoggaamiyaha IS iyo 13 ka mid ah hoggaanka sare ee kooxda. Si kastaba ha ahaatee, warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Daacish ay weli “haysato awood ay ku sii shaqayso iyo inay beddesho saraakiisheeda dagaalka.” Joogitaanka Afghanistan Dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxay sii wadaan walaaca ay ka qabaan laanta Daacish ee Afghanistan, oo loo yaqaan IS-Khorasan ama ISIS-K. Warbixintu waxay ISIS-K ku tilmaantay “halista ugu weyn” ee ka jirta Afghanistan, iyadoo xustay awoodda ay u leedahay inay gasho maamulka Taliban-ka, isla markaana ay ka faa’iidaysato dad cabanaya, sida beeraleyda xashiishadda iyo qowmiyadda Tajik, oo ka cawday xukunka Taliban-ka. Sirdoonka Qaramada Midoobay ayaa qiimeeyay in Daacish ay leedahay 4,000 ilaa 6,000 dagaalyahan oo ku sugan Afghanistan, isla markaana ay kor u qaadaysay awooddeeda, iyadoo doonaysa inay dagaalyahanno cusub ka hesho Bartamaha Aasiya. Si ay safarka u fududeeyaan, ISIS-K waxay sameysay waddooyin tahriib oo ay dagaalyahannada uga gasho Afghanistan iyada oo loo sii marayo Turkiga iyo Iiraan, sida lagu xusay warbixinta. Warbixintu waxay sidoo kale xustay awoodda IS-Khorasan ay u leedahay inay gaarto Yurub oo ay halkaas ka qorto dhalinyaro. “Kororka isku dayo la fashiliyay ayaa muujinaya sida ay kooxda uga go’an tahay una awooddo inay weerarro halis sare leh ka fuliso dhulka Yurub, si gaar ah bartilmaameedyada fudud iyo meelaha dadku isugu yimaadaan,” ayaa lagu yiri warbixinta.
-
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo hadal ka jeediyay barnaamij xalay lagu qabtay Boosaaso ayaa shaaciyay in dhulka Daacish gacantooda ku haray oo ay ku dagaallami karaan uusan ka badnayn 15KM. Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir oo ka warbixinayay wakhtiga lagu soo af-jari karo dagaallamayaasha ISIS ayaa sheegay in uu rajeynayo in ciidamada Puntland ay kooxdaasi buuraha kaga saaraan 10 cisho ee soo socda islamarkaana la dhammaystiro guusha laga gaaray dagaalkooda. Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale sheegay in haddii kooxda Daacish laga saaro masaafo dhan 15KM oo ay ciidamada kaga dhuumanayaan aysan jirin meel danbe oo ay ku hakadaan maadaama loo baxayo dhul bannaan oo gaadiidka dagaalku taayir ku dilayo firxadka mileeshiyaadka Daacish. Wasiir Dirir ayaa tilmaamay in hadda dagaallamayaasha Daacish ku dhaq dhaqaaqi karaan masaafo dhan 40KM oo u badan dhul bannaan marka laga reebo 15KM oo buuro iyo togag ah kuwaasi oo haddii laga saaro aysan meel danbe istaagi doonin. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay kooxda Daacish buuraha Calmiskaad kaga saarayso mudda 10 cisho ah appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar culus oo xalay maleeshiyaad hubeysan ay ka gaysteen aagga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Weerarka oo qorsheysnaa ayaa waxaa lagu beegsaday dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa deegaanka Galo oo qiyaastii 40 KM u jira magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana falkan uu salka ku hayaa dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ka taagan halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay laba wiil dhalinyaro ahaa, isla markaana mid kamid ah lagu magacaabi jiray Maxamed Shaakir, waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaaray mid kale. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda sare ee Galmudug, kuna aadan weerarkaasi lagu beegsaday dadka shacabka ah ee ku sugnaa deegaankooda. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka, taas oo salka ku hayso dilka iyo dhaawaca loo gaystay dadkaasi shacabka ah ee aan waxba galabsan. Dadka deegaanka ayaa waxaa sidoo kale soo wajahday cabsi xooggan oo la xiriirta xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanka Galo, kadib weerarkii xalay ka dhacay gudaha deegaankaasi. Gobollada Dhexe ayaa waxaa ku badan colaad beeleedyada, waxaana ka dhaca dagaallo iyo dilal ay isku gaysanayaan maleeshiyaadka hubeysan ee ku wada sugan gobolladaasi.
-
Mogadishu (HOL) – At least two young men were killed and another injured in an attack by armed militias on herders in the Galo area, located 40 kilometers north of Dhusamareb, the capital of Galmudug, on Saturday night. Source: Hiiraan Online
-
The leaders of Africa Union countries on Saturday chose a new chief for the branch that runs the organization’s daily operations, as conflicts persist in two of the largest three countries on the continent. Source: Hiiraan Online
-
Magaalada Gqeberha ee dalka Koonfur Afrika waxaa lagu toogtay Muhsin Hendricks oo ahaa imaam Koonfur Afrikaan ah, sidoo kalena ahaa caalim Islaami ah oo dhaqdhaqaaqa dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda ee loo yaqaanno LGBT. Nin oo maamuli jirey masaajid ayaa la toogtay, ka dib markii gaari uu la socday rasaas lagu furay, sida ay sheegeen booliiska gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika. Muhsin Hendricks ayaa loo arkaa imaamkii ugu horreeyay ee asagoo masaajid maamula, haddana ka tirsanaa kooxda LGBT, waxaana dilkiisa loo xiray laba tuhmane sida laga soo xigtay laamaha ammaanka Koonfur Afrika. Ninkan oo 57 jir ahaa ayaa Imaamka ka ahaa oo maamuli jiray masaajid loogu tala galay inuu gabaad u noqdo kooxaha isku jinsiga ah ee isku galmooda iyo Muslimiinta kale ee la hayb sooco, lamana oga waxa uu dilkiisu salka ku hayo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa ka digay in haddii Golaha Shacabka uu sii xirnaado, xildhibaannadu ay yeelan doonaan kulan madax-bannaan, isaga oo ku eedeeyay hoggaanka siyaasadda inay si kas ah u hor istaageen shaqadii baarlamaanka. Xidig, oo la hadlayay saraakiisha Xisbiga Himilo Qaran, ayaa xusay in baarlamaanku la filayay inuu dib u furmo 6-dii Febraayo. Hase yeeshee, mas’uuliyiin sare ayaa hakiyay dib u furistiisa, iyagoo ka cabsi qaba in mooshin kalsooni kala noqosho ah la horgeeyo. “Ma bannaana in dad yar ay baarlamaanka qabsadaan cabsi mooshin darteed,” ayuu yiri Xidig. “Haddii golahu aan la furin, waxaan isugu imaan doonnaa meel kale. Mooshinka waa la saxiixay, cidda ay qusayso ayaana la horgeyn doonaa si waafaqsan sharciga.” Hakadka ku yimid shaqadii baarlamaanka ayaa sii xoojiyay xiisadda siyaasadeed ee dalka, iyadoo xildhibaannada mucaaradka ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ku eedeeyeen inuu la safan yahay xukuumadda si uu u xakameeyo doodaha iyo mooshinnada mucaaradka. Tanaasul la’aanta noocan oo kale ah ayaa horey u curyaamisay howlihii dowladeed, taasoo sii kordhisay loollanka u dhexeeya dowladda federaalka iyo xisbiyada mucaaradka. Dhanka kale, Xidig ayaa ku eedeeyey ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) in si khaldan loo adeegsaday, isagoo dowladda ku eedeeyay inay adeegsatay ciidamada ammaanka si ay cadaadis ugu saarto siyaasiyiinta mucaaradka. Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay Jubbaland, halkaas oo uu sheegay in xiriirka dowladda federaalka iyo hoggaanka dowlad-goboleedka uu sii xumaaday. “Dowladdu ma adeegsan karto ciidamada si ay u cabburiso codadka mucaaradka,” ayuu yiri. “Haddii arrintan la sii wado, jawaab adag ayaa ka dhalan doonta.” Hakadka ku yimid shaqada baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay isa soo tarayaan walaacyada la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka. Kooxaha mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada ayaa ku baaqaya in la helo nidaam hufan oo ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda. Kulanka baarlamaanka ee xiga ayaa la filayaa inuu diiradda saaro arrimaha maamulka iyo amniga, balse dib u dhacyada dhacay ayaa sii kordhiyay cabsida laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu sii daba dheeraado. Iyadoo aan wax war rasmi ah kasoo bixin hoggaanka baarlamaanka, weli lama oga haddii xildhibaannadu ay isku dayi doonaan inay si madax-bannaan u qabtaan kulan kale, taasoo laga yaabo inay sii huriso loollanka siyaasadeed ee taagan.
-
Dowladda Sucuudiga ayaa todobaadka soo socda marti-gelin doonta shir u dhexeeya masuuliyiin sar sare oo ka kala socda dalalka Ruushka iyo Mareykanka, kaas oo hordhac u ah kulan bishan dhammaadkeeda dhex mari doona Trump iyo Putin. Shabakadda Bloomberg oo soo xiganaysa masuuliyiin sucuudiyaan ah ayaa sheegay in shirkan oo ka dhacaya magaalada madaxda Riyadh ay qaban-qaabisay Boqortooyada Sucuudigu, islamarkaana looga hadlayo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine. Dhammaadka bishan ayaa la filayaa in kulan toos ahi uu dhex maro madaxweyneyaasha Mareykanka, Ruushka, iyo Ukraine, kaas oo la doonayo in xal looga gaaro dagaalka sanadkii seddaxaad ka socda dalka Ukraine. Source: goobjoog.com
-
Brussels (Caasimada Online) – Yurub looguma yeeri doono miiska wadahadallada nabadda ee Ukraine, sida uu sheegay ergayga Donald Trump ee arrimaha Ukraine Sabtidii, kadib markii Washington ay su’aalo u dirtay caasimadaha Yurub si ay u ogaato kaalintooda ku aaddan dammaanad-qaadka ammaanka Kyiv. Waa tallaabo kale oo maamulka Trump ku bah-dilay reer Yurub, oo qarniyo ku daba feelnaa Mareykanka, una ahaa nacamleeyayaal. Trump ayaa si lama filaan ah u wacay madaxweyne Vladimir Putin isagoon la tashan Yurub ama Kyiv, wuxuuna ku dhawaaqay in wadahadallada nabadda la billaabayo si degdeg ah. Arrintan ayaa si weyn uga yaabisay xulafadiisa Yurub toddobaadkan. Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Trump ayaa sidoo kale caddeeyay inay filayaan in xulafada Yurub ee NATO ay qaataan mas’uuliyadda ugu weyn ee gobolka, maadaama Maraykanku hadda diiradda saarayo arrimo kale, sida amniga xuduudaha iyo la dagaallanka Shiinaha. Tallaabooyinka Maraykanka ayaa kiciyay cabsi laga qabo in Yurub laga saaro heshiis nabadeed oo saameyn ku yeelan doona amnigeeda, gaar ahaan haddii uu heshiiskaasi u muuqdo mid u janjeera dhinaca Moscow. “Maraykanka ayaa wadahadalka hogaaminaya” Ergayga Trump, Keith Kellogg, oo ka hadlayay shirweynaha ammaanka caalamiga ah ee Munich, ayaa sheegay in Maraykanku ka dhex shaqeyn doono wadahadallada nabadda, halka Ukraine iyo Ruushku ay ahaan doonaan labada dhinac ee ugu muhiimsan. Markii la weydiiyay suurtagalnimada in Yurub lagu daro wadahadallada, Kellogg wuxuu yiri: “Anigu waxaan ka tirsanahay mad-habta xaqiiqada. Waxaan aaminsanahay in taasi dhici doonin.” Si kastaba ha ahaatee, mar uu hadal ka jeediyay munaasabad kale oo ka dhacday shirweynaha, Kellogg wuxuu isku dayay inuu cabsida ka dulqaado Yurub isagoo xusay in tani aysan la macno ahayn in “danahooda aan la tixgelinayn, la adeegsanayn ama la horumarinayn.” “Yurub waa inay ka qayb qaadataa” Madaxda Yurub ayaa ku adkeystay inaysan aqbali doonin in laga reebo wadahadallada. “Ma jiro waddo suurtagal ah oo lagaga hadli karo Ukraine, mustaqbalka Ukraine ama nidaamka amniga Yurub iyada oo aan la helin Yurub,” ayuu yiri madaxweynaha Finland, Alexander Stubb, oo kula hadlayay wariyeyaasha Munich. “Laakiin tani waxay ka dhigan tahay in Yurub ay tahay inay is abaabusho. Waa inay hadalka yareeyaan oo ficil badan muujiyaan.” Stubb wuxuu sheegay in su’aalaha ay Maraykanku u direen Yurub ay ku qasbi doonaan in Yurub si qoto dheer uga fakarto mowqifkeeda. Diblomaasi ka tirsan Yurub ayaa sheegay in dokumentiga Maraykanka uu ka koobnaa lix su’aalood, mid ka mid ahna si gaar ah loogu talagalay dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub. “Maraykanku wuxuu la xiriirayaa caasimadaha Yurub isagoo waydiinaya inta askari ee ay diyaar u yihiin inay geeyaan,” ayuu yiri diblomaasi kale. Dowladda Faransiiska ayaa wadaxaajood kula jirta xulafadeeda si ay u qabato shir aan rasmi ahayn oo ay isugu yimaadaan madaxda Yurub si looga wada hadlo arrimahan, inkastoo aan weli wax go’aan ah laga gaarin, sida ay sheegtay madaxtooyada Faransiiska Sabtidii. Wasiirka arrimaha dibadda ee Poland, Radoslaw Sikorski, ayaa sheegay in kulankaasi la qaban doono Isniinta. Xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte, ayaa sidoo kale ku booriyay Yurub inay ficil muujiyaan. “Saaxiibbadayda Yurub, waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad wadahadalka gashaan. Halkii aad ka cataabi lahaydeen in miiska la idinku casuumi doono iyo in kale, waxaad la timaadaan talooyin cad, fikrado iyo miisaaniyad kor loo qaado oo la geliyo difaaca,” ayuu ka sheegay Munich. “Yurub waa inay dhisato ciidan u gaar ah” Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskiy, ayaa horey ugu baaqay in Yurub ay yeelato ciidan u gaar ah, isagoo sheegay in qaaraddu aysan hadda hubin inay heli doonto difaac buuxa oo Maraykanku dammaanad qaado. Zelenskiy wuxuu intaa ku daray in Kyiv aysan waligeed aqbali doonin heshiis laga gaaro iyada oo aan la tixgelin. “Aan si daacad ah u sheegno – hadda ma dhayalsan karno suurtagalnimada in Maraykanku uu Yurub ka hor istaago arrimaha halista ku ah,” ayuu yiri Zelenskiy, isagoo xusay in dagaalka Ruushka uu galay sannadkiisii afaraad. Wuxuu intaa raaciyay in ciidanka Yurub – oo ay Ukraine qayb ka tahay – uu lagama maarmaan u yahay in mustaqbalka qaaradda “ay ka go’do Yurub lafteeda – ayna Yurub go’aanno u gaarto iyada oo aanay jirin wax faragelin ah.” Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Yurub waxay haatan iskaashi ciidan ku leeyihiin NATO, waxayna marar badan diideen baaqyo kala duwan oo lagu doonayay in la dhiso ciidan midaysan oo Yurub leedahay, iyagoo ku doodaya in difaaca uu yahay arrin qaran oo gooni u taagan. Sarkaal sare oo ka tirsan mid ka mid ah dalalka Bariga Yurub ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa si aan toos ahayn uga horyimid fikradda Zelenskiy ee ciidanka Yurub, isagoo yiri: “Waxaa horey u jiray ciidan Yurub ah oo la yiraahdo NATO.” Si kastaba ha ahaatee, xitaa iyadoo isbeddelka siyaasadeed ee Maraykanka laga dareemayo Yurub, wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka G7 – oo ay ku jiraan Maraykanka – ayaa Sabtidii ku heshiiyay bayaan ay ku ballan-qaadayaan inay sii wadaan wada-shaqeynta si loo helo heshiis nabadeed oo waara oo Ukraine lagu siiyo dammaanad ammaan oo xooggan.
-
Introduction The Republic of Somaliland is on the brink of a historic transformation as it moves toward international recognition as Africa’s 55th sovereign state. Under the leadership of President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro and his visionary administration, Somaliland is poised to become a crucial geopolitical and economic hub in the Horn of Africa. Its strategic location along the Gulf of Aden makes it a key player in international trade, maritime security, and regional stability. With the anticipated establishment of a new trade corridor stretching from India to Somaliland, Ethiopia, South Sudan, Chad, and Eastern Libya—ultimately connecting to Europe—Somaliland is set to revolutionize commerce between Africa and Asia. However, as this progress unfolds, the region faces significant challenges, including threats from extremist factions and opposition from failed states. Yet, Somaliland’s resilience, democratic values, and commitment to peace and economic development set it apart, making it a critical partner in global trade and security. Upon its international recognition, Somaliland will become the 207th recognized state globally, the 194th member of the United Nations (UN), the 23rd member of the Arab League, and the 55th recognized country in Africa. This long-awaited acknowledgment will mark a turning point in African geopolitics, strengthening both regional stability and international trade networks. Somaliland’s Strategic Geopolitical Significance Somaliland occupies a prime location along one of the world’s most vital maritime routes—the Bab el-Mandeb Strait, which connects the Red Sea to the Indian Ocean. Approximately 12% of global trade passes through these waters, making Somaliland an essential player in ensuring the security of international shipping lanes. Unlike its volatile neighbor Somalia, Somaliland has maintained stability for over three decades, developing a functioning democratic government, strong institutions, and an inclusive political system. This stability makes Somaliland a reliable partner for global powers seeking to safeguard maritime trade against piracy and extremist threats. Its geopolitical significance is further amplified by its strategic partnerships with regional and international actors. The United Arab Emirates (UAE) has heavily invested in the modernization of the Port of Berbera, transforming it into a world-class trade and logistics hub. Ethiopia, a landlocked nation with a booming economy, has also turned to Somaliland as a vital trade gateway, further reinforcing its regional importance. The Game-Changing Trade Corridor: A New Silk Road for Africa and Asia A landmark trade corridor is emerging, promising to reshape global commerce by offering a faster and more cost-effective route between Asia and Europe. The corridor will begin in India and extend through Somaliland’s Berbera Port, linking Ethiopia, South Sudan, Chad, and Eastern Libya before reaching Europe. This route will significantly reduce shipping times, lower transportation costs, and enhance economic integration between Africa, the Middle East, and Asia. Key Benefits of the Trade Corridor: 1. Reduced Transit Time: The new route will cut shipping times to Europe by up to 40% compared to traditional routes via the Suez Canal. 2. Economic Growth for Africa: Landlocked nations like Ethiopia, South Sudan, and Chad will gain direct access to international markets, boosting regional economies. 3. Investment Opportunities: With global trade shifting towards faster, more efficient routes, Somaliland is set to attract billions of dollars in foreign direct investment across infrastructure, logistics, and manufacturing. 4. Strengthening Global Supply Chains: As the world seeks alternative trade routes to avoid congestion in traditional channels, Somaliland’s role in global trade will become increasingly crucial. Resilience Against Extremism and Regional Instability While many regions in the Horn of Africa are plagued by political instability and extremist violence, Somaliland has remained an oasis of stability and governance. The country has successfully held democratic elections, ensured political pluralism, and upheld women’s rights—a rarity in the region. However, extremist groups and factions from failed states seek to undermine Somaliland’s progress. These elements view Somaliland’s success as a direct threat to their influence. Yet, the Somaliland government and its people have consistently demonstrated resilience, securing their borders and reinforcing national unity. By partnering with international security organizations and regional allies, Somaliland has established itself as a stronghold against terrorism and piracy. This commitment to security makes it a critical ally for global powers, including the United States, the European Union, and the Gulf nations, in their efforts to maintain stability in the Horn of Africa. The Importance of International Recognition The recognition of Somaliland as an independent state is not just a political necessity—it is a strategic imperative for global stability and the well-being of the Somali people. 1. Global Stability and Security Somaliland’s official recognition would: • Enhance maritime security in the Gulf of Aden and Red Sea, reducing piracy and extremist threats. • Strengthen international counterterrorism efforts by ensuring a stable, cooperative government in the region. • Provide an alternative trade hub to reduce reliance on fragile states, ensuring uninterrupted global commerce. 2. Economic Transformation for the Somali People Recognition would unlock economic opportunities that would uplift millions of Somali people, including: • Foreign direct investment (FDI): With legal sovereignty, Somaliland could attract major global investors, leading to job creation and economic prosperity. • Infrastructure development: Recognition would accelerate roads, ports, and industrial zones, boosting regional commerce. • Access to international financial institutions: Somaliland could secure funding from the World Bank, IMF, and African Development Bank, fostering long-term growth. Conclusion: A New Era for Somaliland and Global Trade Somaliland stands on the threshold of a historic transformation. Its strategic location, economic potential, and commitment to democracy make it a rising powerhouse in the Horn of Africa. As global trade dynamics evolve, Somaliland’s role as a new trade gateway between Asia, Africa, and Europe will become even more pronounced. Despite challenges from extremist factions and its unrecognized status, Somaliland continues to prove its resilience. Its stable government, democratic institutions, and growing economic influence position it as a beacon of progress in a turbulent region. The world is witnessing the emergence of a new economic corridor and a geopolitical force that cannot be ignored. The recognition of Somaliland is not just a matter of political legitimacy—it is a necessity for regional and global stability. The Republic of Somaliland is ready. The question remains: Will the world recognize its rightful place among the community of nations? By Fu’aad Xusen Xamar Qaran News
-
Wasiirka Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti danjire Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dhowaan loo doortay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, ka dib tartan adag oo uu la galay murashixiin ka kala socatay dalalka Kenya, Madagascar, iyo Muritaaniya. Danjire Maxamuud Cali Yuusuf waa rugcaddaa dublumaasiyadeed oo in ka badan 20 sano ahaa Wasiirka Arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Jabuuti, sidoo kalena xilal kale oo kala duwan ka soo qabtay dowlada dalkaas. Wuxuu si wanaagsan ugu hadlaa afafka ay inta badan dadka qaaradda Afrika ku hadlaan, sida Faransiiska, Ingiriiska, Carabiga, canfariga, iyo Af-soomaaliga, taas oo ah awood gaar ah oo uu dheeryahay guddoomiyaashii ka horreeyay. Haddaba caqabadaha qaaraddu hadda ay wajahayso ee xalkooda guddoomiyaha cusub laga sugaayo waxaa kamid ah colaadaha ragaadiyay dalal qaaradda kamid ah sida dagaalka Suudaan, xasradaha Congo DRC, iyo halis argagixiso ee ka jirta bariga, waqooyiga, iyo galbeedka Afrika. Sidoo kale waxyaabaha wax ka qabashada uga baahan waxaa kamid ah xallinta xiisadaha ka dhex aloosan dalalka Afrika qaarkood, xal u helidda heerka saboolnimada iyo xakamaynta cudurrada faafa, kor u qaadidda wax soo saarka iyo hal-abuurka qaaradda. Afrika oo ay ku noolyihiin in ka badan 1.2 bilyan oo qof ayaa u baahan hormar iyo dhex-gal bulsho oo nabadgelyada iyo dhaqaaluhu horseed u yihiin, guddoomiye Maxamuud Cali Yuusufna waxaa laga filayaa wax qabad ka baaxad weyn wixii qaaradda u hirgalay tobanaankii sanoo la soo dhaafay. Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka sare ee shirkadda Telegram ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah kooxda Daacish, iyagoo gebi ahaanba hawada ka saaray bog ay kooxda ku lahayd barxadda Telegram-ka, oo lagu magacaabi jiray Iclaam. Boggan ayaa loo adeegsan jiray faafinta muuqaallo la xiriira howlgallada ay Daacish fuliso, oo ay ku jiraan dagaallada ka socda Puntland, iyo sidoo kale dacaayadaha kooxda. Wararka ayaa sheegaya in ujeedka ugu weyn ee ka dambeeya tallaabadan uu yahay xakameynta baraha bulshada ee kooxda Daacish, si loo wiiqo awooddeeda, gaar ahaan ololaha ay ku qoratay dhalinyarada caalamka iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka waddo gudaha Soomaaliya. Tallaabadan waxay kusoo beegmaysaa xilli Daacish ay cadaadis xooggan kala kulmayso ciidamada Puntland iyo xulafadeeda caalamiga ah, kuwaas oo si joogto ah u weerara xarumaha kooxda ee ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. Ma cadda in go’aankan uu la xiriiro dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo horay u xirtay akoonnada ay baraha bulshada ku lahaayeen Al-Shabaab, tallaabo qayb ka ahayd dagaalka dowladda ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah. Dhanka kale, kooxda Daacish ayaa durba sameysatay warbaahin cusub oo ay kusoo bandhigtay Facebook, kanaalkaas oo lagu magacaabo Taageere Radio Hijratayn. Warbaahintan ayaa si joogto ah u faafisa dacaayadaha iyo dagaallada ay kooxda kula jirto ciidamada Puntland. Kooxda Daacish ayaa hadda wajahaysa xaaladdii ugu adkeyd, iyadoo xalay laga burburiyay warshaddii ay u adeegsan jirtay farsamaynta qaraxyada, kadib duqeyn culus oo ka dhacday aagga buuraha Calmiskaad. Weerarkan ayaa sidoo kale sababay in lagala wareego saldhigyo waaweyn oo kooxda ku lahayd halkaasi.
-
WASHINGTON – A growing number of countries are convinced that Abduqadir Mumin, already the leader of the Islamic State (IS) group’s Somalia affiliate, is now also directing the organization’s global operations, according to a United Nations report. A recent report by the UN Security Council’s IS, al-Qaeda, and Taliban Sanctions Monitoring Team, drawing on intelligence from UN member states, indicates a “growing consensus” that Mumin has ascended to the top leadership role within IS. Previous intelligence assessments shared with the UN highlighted Mumin’s growing influence within the global IS network. He was previously identified as head of the “provinces” section, granting him command over IS branches across Africa. Late last year, US Africa Command (AFRICOM) officials also informed Voice of America (VOA) of their increasing belief in reports suggesting Mumin had become the group’s overall emir, or leader. This assessment is gaining wider acceptance as numerous UN member states concur that IS is adapting to territorial losses in Iraq and Syria by strategically redeploying key figures like Mumin to other regions. “This shift may signal a deliberate strategy to adopt a more decentralized and geographically dispersed operational model, moving away from the original conflict zones,” the UN report stated. However, this assessment is not universally accepted among all nations contributing intelligence. Some remain skeptical that IS would readily abandon its traditional strongholds in Iraq and Syria. Others question whether the group would permit a leader without a verifiable lineage to the Prophet Mohammed, a historical prerequisite for IS leadership. Nevertheless, the group’s survival instincts may be overriding such concerns. Since the death of former IS leader Abu Bakr al-Baghdadi in 2019 and his successor in 2022, IS has increasingly concealed the identities of its leaders, minimizing their public profiles. Currently, IS publicly identifies its leader by the assumed name Abu Hafs al-Hashimi al-Qurashi, a designation implying he meets the lineage requirement. “They may have now reconciled themselves to the reality that the emir, or caliph, will never be seen or heard,” Edmund Fitton-Brown, a former UN official with the Counter Extremism Project, told VOA. “They may have decided Abu Hafs al-Hashimi al-Qurashi is simply the name they have given to the caliph,” Fitton-Brown suggested. “No one will ever discover he is Somali. His East African accent will never be heard. No one will ever see an African.” Abu Hafs has already remained in the leadership role longer than his predecessor, who was killed six months after taking power. If Abu Hafs is indeed Mumin, he also survived a US airstrike targeting him in May 2024. The UN report indicates that since that strike, Mumin has been actively working to reduce the group’s visibility to external scrutiny. The report identifies Buur Dhecad as Mumin’s operational center. This complex of caves and fortified positions in the rugged Cal Miskad mountains within Somalia’s Golis range is believed to offer natural protection against Western airstrikes. However, recent US airstrikes this month targeting the same area are testing this assumption. US officials reported that these strikes killed Ahmed Maeleninine, a senior external operations leader, along with 13 other fighters. IS-Somalia: Expanding influence and revenue The UN report highlights the growing strength of IS-Somalia under Mumin’s command, noting its expanding influence and revenue streams. Intelligence from UN member states reveals that IS-Somalia has broadened its extortion activities within its controlled territories. The group is using these illicit funds to strengthen its military capabilities, including acquiring drones for reconnaissance and deploying suicide attacks. Despite this growth in resources and reach, IS-Somalia, once bolstered by foreign fighters, is now facing internal challenges. The report points to increasing defections within IS-Somalia, citing “grievances over the integration of clan-based fighters, socio-economic hardships, and harsh conditions” as primary drivers. Furthermore, intensified efforts to intercept foreign fighters before they reach Somalia also impact the group’s recruitment. Syria and Iraq remain IS focus While key IS leaders may be seeking refuge in Somalia, the group has not abandoned its ambitions to regain lost ground in Syria and Iraq. The UN report estimates that IS still maintains a significant presence of between 1,500 and 3,000 fighters across both countries, with the majority based in Syria. Emerging intelligence suggests IS may have exploited recent instability within Syria. According to some UN member states’ intelligence, IS fighters mobilized during a period of setbacks for the Syrian government in December, coinciding with attacks by Hayat Tahrir al-Sham (HTS), the dominant Islamist group in Syria. Intelligence indicates that one IS operative infiltrated the al-Hol displacement camp in northern Syria. From there, the operative reportedly extracted experienced fighters while recruiting younger individuals. This operative is believed to have reactivated an IS unit within al-Hol, which is responsible for intelligence gathering, youth training, recruitment, and financial administration. Additionally, the report warns of increasingly sophisticated attacks carried out by IS against the US-backed Syrian Democratic Forces. In Iraq, IS has been significantly weakened by sustained pressure from Iraqi security forces, including an operation in August that resulted in the death of the IS deputy leader and 13 other senior commanders. However, the UN report emphasizes that IS in Iraq retains “an ability to operate and replace its battlefield commanders,” indicating resilience despite leadership losses. Concerns over Afghan affiliate UN member states continue to express concern regarding the IS affiliate in Afghanistan, known as Islamic State Khorasan (IS-K). The report describes IS-K as the “most serious threat” within Afghanistan, highlighting its capacity to infiltrate the Taliban administration and exploit discontent among marginalized groups. These include hashish farmers and ethnic Tajiks, who have voiced grievances against Taliban rule. UN intelligence estimates IS-K possesses between 4,000 and 6,000 fighters in Afghanistan and is actively expanding its capabilities, seeking new recruits from Central Asia. The report details how IS-K has established human smuggling networks to facilitate the entry of fighters into Afghanistan through Türkiye and Iran. The report also emphasizes IS-K’s ability to reach into Europe and recruit young individuals. “The increasing number of foiled attempts highlights the group’s persistent intent and capacity to conduct high-profile attacks in European territory, particularly against vulnerable targets and crowded public spaces,” the report concludes.
-
Odinga’s experience and stature have done little to dispel doubts over his commitment to the African Union Charter. Addis Ababa (PP News Desk) — The candidacy of Raila Odinga for the African Union Chairmanship ended today after Mahamoud Ali Youssouf, the Foreign Minister of Djibouti, won the selection. The outcome stunned analysts who had surmised that Youssouf had stood no chance of defeating Odinga, an elder African statesman, for the AU Chairmanship. Experience and stature have not proven advantageous for Odinga, whose commitment to the African Union Charter has been called into question. In 2016, at Chatham House, Raila Odinga expressed support for the secession claims of the Somaliland administration. “I am myself a strong supporter of the recognition of Somaliland, and I have said so without fear or contradiction” said Odinga. He claimed that he was one of the first leaders to visit Somaliland “when Mohamed [Ibrahim], Egal was still alive… and I know the history of the union between the South and Somaliland.” Odinga’s pro-secession stance put him at odds with Djibouti, a country renowned for its role in reconstituting the state in Somalia by organising successive reconciliation conferences for Somali political stakeholders between 1991 and 2008. President William Ruto of Kenya accompanied Odinga to the AU headquarters in Addis Ababa, where the selection for the AU Chairmanship was taking place. “While the outcome of this election did not favour Kenya’s candidate, I wish to convey my deepest gratitude to the entire leadership of our great continent” tweeted President Ruto. © Puntland Post, 2025 The post Odinga’s AU Chairmanship Bid Ends in Defeat appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Telegram has removed Iclaam, a channel used by the Islamic State (ISIS) to disseminate propaganda, marking a significant step in efforts to curb extremist influence on social media. The channel, which regularly shared battlefield reports and ideological messaging, had been a key tool for ISIS operatives, particularly in Somalia’s Puntland region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka hadlay waxyaabaha ay isku hayaan xukuumadda, isagoo cadeeyey in dadka Soomaaliyeed aan xoog iyo cagajugleyn lagu maamuli karin. “Ninka raba qori inuu dadka ku qabsado waxaan leeyahay qori dadkii wadaa iska dhigay ee iska dhig qoryahana waa lagaa badiyaa oo guri kasta ayey yaalaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale Madaxweynihii hore ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed uu maamuli karo siyaasi aan xigto aqoon oo qofkii qaldan, xitaa carruurtiisa. “Madaxdeena waan aqoonsanahay, laakiin qalad kuma taageereyno, waxaan ugu sheegeynaa kor iyo hoos qaladkiisa, wax kale ma jiraan, anigu waxaan aaminsanahay in la soo gaaray xiligii umadda Soomaaliyeed ay Tashan laheyd,” ayuu yiri. Sheekh Shariif ayaa dowladda ku eedeeyey in ay diiday in lagu shiro hoteellada, isagoo sheegay in guri ay ku shirayaan, balse aysan jirin cid dhihi karta “Maxaa ugu shirteen gurigaan.” “Xitaa waxaa noo muuqata in guryaha la isaga daba imaanayo, laakiin meeshaan meel aan ka noqon karno maaha, gurigeena korkiisa inaan ku shirno kama carari doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Hadalkaan ayuu Sheekh Shariif ka sheegay goob u uku shiriyey maanta xubno kamid ah taageerayaashiisa, isagoo dowladda ugu baaqay in ay joojiso xoogga ay wax ku xalineyso oo talada dhexda soo dhigto, ogolaatana in laga saxo wixii ka qaldan. Kulankaan uu Sheekh Shariif qabtay ayaa ku soo aaday iyadoo maalmo ka hor ciidamada ammaanka ay Muqdisho ka joojiyeen kulan ay qabsadeen xubno mucaarad ah, waxaana hoteellada Muqdisho laga mamnuucay in lagu qabto kulamo looga soo hor jeedo dowladda. Hoos ka daawo