Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A Chinese envoy on Thursday called on the international community to help Somalia tackle various challenges. Source: Hiiraan Online
  2. UNITED NATIONS, US: The UN’s special envoy for Somalia on Thursday issued a stark warning to the Security Council about a sharp uptick in civilian casualties suffered last year in the violence-wracked Horn of Africa country. Source: Hiiraan Online
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ay si adag uga soo horjeesatay aqoonsiga ay shalay dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay siisay SSC-Khaatumo. Bayaan kasoo baxay Somaliland ayaa SSC loogu yeeray “maleeshiyada Somaliland diidka ah ee ku sugan magaaladda Laascaanood,” ayada oo aqoonsiga la siiyay maamulka KMG ah ay ku tilmaamtay mid khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika. “Tallaabadan (aqoonsiga DF bixisay) waa weerar ka dhan ah qaranimada iyo wada-jirka Somaliland iyo xuduudada uu dalkani leeyahay, waana arrin khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland. Dowladda federaalka ayay ku eedeysay in ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada ka taagan magaalada Laascaanood tan iyo markii ay bilaabmeen. “Tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa nabadda iyo nabadgelyada gobolka.” Somaliland ayaa sidoo kale qoraalka ku sheegtay in ay madax bannaani haysatay in ka badan 32 sano, ayna ka hirgelisay xuduudaheeda nabad, amni iyo dowlad dimuqraadi ah. “Intaa waxaa dheer, waxay si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, ayaa lagu yidhi warkan ay soo saartay Wasaaradda Arimaha dibadda.” Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso SSC-Khaatumo, iyada oo beesha caalamka usoo jeedisay inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama ay sheegtay in uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka. “Somaliland wuxuu mawqifkeedu yahay in ay shacbiga Somaliland ku naaloodaan nabad, xasilooni iyo barwaaqo, waxayna dowladdu sii wadi doonta dadaallada ku aaddan aqoonsiga madax-bannaanidda Somaliland iyo abuuritaanka xidhiidh faa’iido u leh beesha caalamka.” Bayaankan ayaa ugu dambeyntiina waxaa loogu baaqay dhinacyada ay arrintani khusayso in ay ixtiraamaan xuduudaha Somaliland ee caalamku aqoonsan yahay, sida lagu yiri qoraalka. The post Somaliland oo si kulul u cambaareysay aqoonsiga DF ee SSC, farriina u dirtay… appeared first on Caasimada Online.
  4. Washington (Caasimada Online) – Waa arrin “muhiim u ah amniga qaranka ee Mareykanka” in Israa’iil iyo Ukraine ay ku guuleystaan dagaalladooda, sidaas waxaa sheegey Madaxweyne Joe Biden oo habeenkii Khamiista khudbad naadir ah ka jeediyey Xafiiskiisa ku yaalla Aqalka Cad ee Oval Office, taas oo ka dhigaysa inay sii qoto dheerayso doorka Mareykanka ee ku lug lahaanshaha ee dagaalada ka socda labadan dal. Biden ayaa sheegay ” in haddii gardarada caalamiga ah loo ogolaado inay sii socoto, inay isku dhacyada iyo fowdadu ay ku fidi karaan qaybaha kale ee aduunka.” “Xamaas iyo Putin waxay matalaan haliso kala duwan,” ayuu yiri Biden. isaga oo sii raaciyey “laakiin waxay wadaagaan, in labadooduba ay rabaan inay gebi ahaanba baabi’iyaan dimuqraadiyadda dalalka deriska la ah.” Waxa uu sheegay in uu codsi dhaqaale oo deg deg ah u diri doono Congress-ka, kaas oo la filayo in uu noqdo ku dhawaad $100 bilyan sanadka soo socda. Hindisahan, oo la soo bandhigi doono Jimcaha, ayaa waxaa ku jira lacag loogu talagalay Ukraine, Israel, Taiwan, gargaarka bini’aadantinimo iyo maareynta xuduudaha. The post Biden: Taageerada Israel iyo Ukraine waxay muhiim u tahay amniga Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  5. Shaqaalaha Saadaasha Hawada ee Gobollada Bari oo Tababar loogu xidhay Burco Burco(Qaran news)-Hawl-wadeennada Saadaasha Hawada ee Gobollada Bariga Somaliland ayaa Tababbar Loogu Soo Gebogabeeyay Magaalada Burco. Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, ayaa Tababbar loogu soo geba-gabeeyay hawl-wadeenada Saadaasha Hawada ee gobollada bariga Somaliland ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha. Hawl-wadeennada saadaasha hawada ee gobollada iyo degmooyinka bariga dalka, ayaa Wasaaradda Horumarinta Beeruhu u qabatay Tababbar socday muddo ugu qabatay Magaalada Burco. Tababbarkan ayaa hawl-wadeennada saadaasha Hawada lagu baray aqoon la xidhiidha la socodka cimilada iyo isbeddellada ku dhaca. Tababbarkan waxa bixiyey Khuburrada Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ee qaabilsan Saadaasha Hawada, waxaanu daba-socday Tababbar la mid ah oo hore Boorama loogu qabtay hawl-wadeennada saadaasha Hawada ee gobollada galbeedka Somaliland. Qaran News
  6. Ciidamada Ammaanka oo lagu Tabobaray Xuquuqda Socotada Hargeysa(Qaran news)-Ciidamada booliska, socdaalka iyo asluubta ayaa loo qabtay tababar ku saabsan ilaalinta xuquuqda socotada. Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka ayaa tababar u qabtay laamaha ciidamada kala duwan ee ciidamada booliska, asluubta iyo socdalka ee ku sugan magaalooyinka Borama iyo Wajaale. Tababarkan oo uu furay Agaasimaha fulinta komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan, ayaa ahaa mid lagu barayay ciidamada kala duwan qaabka ay ula dhaqmayaan dadka socotada ah ee sugan dalka ama sii dhax maraya. Sido kale waxa tababarkan xooga lagu saaraya sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda ay leeyihiin dadka socotada ah, noocyada ay yihiin iyo sidii ugu haboon ee laamaha kala duwan ee dowladdu uga qayb qaadan lahayeen doorka ay ku leeyihiin ilaalinta xuquuqda dadka socotada ah. Qaran News
  7. Amsterdam (Caasimada Online) – Dacwadii ka taagnayd masjidka Soomaalida ee ku yaal magaalada Amsterdam ee waddanka Holland ayaa heer xasaasi ah mareysa kaddib go’aan ay shalay soo saartay maxkamadda dalkaasi oo markii 3-aad u xukuntay Sheekh Suldaan Gasle inaan laga qaadi karin sharciyada ku qornaanshaha waxa loo yaqaan KVK (Diiwaanka sharciga ah) inuu isagu yahay Guddoomiyaha guddiga maamulka masjidka, iyada oo la filayo in bisha December maxkamaddu soo saarto mid ka mid ah go’aanadeeda kama dambeysta ah. Tillaabadan, ayaa dharbaaxa ku noqoneysa ragga weli sii haya maamulka masaajidka, waxaana suurtagal ah in arrintani saameyso mutamar loo madlan yahay in masjidka lagu qabto toddobaadka dambe, laguna wado in ay ka soo qeybgalaan mashaa’iq caan ah oo uu ku jiro Sheekh Mustafe Haaruun. Khilaafka ka aloosan masjid Quba oo walaac badan ku dhaliyay Soomaalidu meel kasta oo ay joogto, wuxuu soo shaac-baxay horraantii sannadkii 2021 markii ay is qabteen saddexda xubnood ee ku qoran maamulka masjidka, oo 2 daraf kala noqday. Iimaam-kii & guddoomiyihii maamulka masjidka Sheekh Suldaan Gasle oo bud-dhig u ahaa arrimaha dacwada Soomaalida dalka Holland muddo ku dhow 30 sanno oo dhinac ah & Guuleed Wayrax & Sheekh Ibraahim (Abuu-Khadiija) oo dhinaca kale ah. Arrimaha la isku hayo ee uu khilaafkani ka dhashay waxaa weli ku dahaaran mugdi, iyada oo 2da dhinac aysan weli si waadix ah kaga hadlin ubucda waxa la isku hayo; marka laga tago eedeymo ku saabsan kala aragti duwanaan qaabka loo wajahayo dacwada. Sheekh Suldaan Gasle, oo muddo ku dhow 2 sanno masjidka dibed-joog ka ahaa, isaga oo ku doodaya inuu sharciyad u haysto inuu yahay Guddoomiyihii maamulka masjidka, balse si uu khilaaf uga fogaado uu doortay inuu banaanka ka joogo, ayaa wareysi uu dhowaan bixiyay wuxuu baaqay u diray culumaa’udiinka ka soo qeybgalaysa mutamarka la iclaamiyay inuu ka dhacayo masjidka Quba. “Waxaan ogahay ducaada qaarkood oo masaajidkoodii lagu qabsaday in ay ciddiyaha ku dagaalami lahaayeen haddii ay ku dhici laheyd waxa anniga igu dhacay” Ayuu yiri Sheekh Suldaan Gasle, isaga oo intaasi sii raaciyay: “U maleyn maayo inuu qaadan lahaa walaal ka mid ah culimada haddii ey ku dhici laheyd waxa aniga igu dhacay. Waxaan leeyahay walaalaheyga ducaada ah oo aan qadarinaayo ashqaastooda in arrintaasi ka fiirsadaan haddeey xal u soo wadaana ahlan-wasahlan”. Sheekh Suldaan Gasle, wuxuu dhinaca kale nasiib darro ku tilmaamay in masjidkii uu aasaaskiisa hormuudka u ahaa in lagu soo dhajiyay warqad isaga lagaga digayo in aanu ku soo tukan karin. Dhinaca kale, howlaha masjidka ayaa si habsami leh u socda, iyada oo ka sokow in masjidka ay ku cibaadeystaan kumanaan Soomaali ah, haddana lagu baro ubadka Soomaaliyeed culuunta islaamiga ah, waxaanna jira dad badan oo Soomaali ah oo nasiib darro u arka in iimaamkii masjidka, ahaana shaqsigii hormuudka u ahaa dhismaha & hirgelinta masjidka inuu bannaanka ka joogo. Isku dayo ay saxaafadda ku dooneysay marar badan in ay la xiriirto ragga masjidka ku haray, si wax lagaga weydiiyo arrimaha ku saabsan khilaafka kala dhexeeya Sh. Suldaan ayaa gebi ahaanba hungo ku soo dhammaaday markii ay ku gacan seyreen raggaasi in ay saxaafadda la hadlaan. HOOS KA DAAWO VIDEOW LAGA DUUBAY QAAR KA MID AH WAXGARADKA JAALIYADA AMSTERDAM The post Amsterdam: Maxkamad mar kale xukun ka soo saartay dacwadii Masjidka Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  8. Washington (Caasimada Online) – Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay digniin naadir ah, taasi oo u diray muwaadiniinta Mareykanka. Waaxda ayaa uga digeysa dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ah ee dibedda ku nool inay “taxadar muujiyaan”, sida lagu sheegay qoraal ku soo baxay website-ka Waaxda Arrimaha Dibadda. Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sababata digniintan ku tilmaantan xasadaha sare ee meelo kala duwan oo adduunka ah. Waxay sidoo kale ka digtay “suurta-galnimada weeraro argagixiso mudaaharaadyo, ama falal rabshado ah oo ka dhan ah muwaadiniinta iyo danaha Mareykanka.” Sida ay toddobaadkii hore sheegtay Waaxda Arrimaha Dibaddu, ilaa 20 muwaadin oo Mareykan ah ayaa loo maleynayaa inay ka mid yihiin dadka toddobadii bishan Xamaas ka afduubatay Israa’iil. Mareykanka ayaa si cad u garab istaagay Israa’iil, xilli duqeyn ba’an ka wado Marinka Gaza, sidoo kalena ay xasuuq ba’an ka geysatay dhawaan Isbitaalkii magaalada oo ay ku dhinteen boqolaal ruux. The post Mareykanka oo digniin culus u diray muwaadiniintiisa + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  9. Wasaaradda Maaliyadda oo Olole Cashuur Ururin ah ka Bilowday Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiinta Wasaaradda horu-marinta Maaliyadda Somaliland ayaa Magaalada Hargeysa ka bilaabay olole cashuur ururin ah. Maamulaha waaxda cashuuraha Beriga Ee Gobolka Maroodi jeex Maxamed Quule Aadan oo ka warbixiyey ujeedada ololahan cashuur ururunta ee ay wasaaraddu bilawday iyo noocyada kala duwan cashuurta loo ururinayo ayaa sheegay in si rasmi ah ay caasimadda Hargeysa uga bilaabantay, cashuur ururinta wado marista gaadiidka iyo kala wareejinta liisamadda. Maamulaha Waaxda Cashuuraha Beriga wasaaradda Hor-u-marinta Maaliyadda Somaliland ee gobolka Maroodijeex ayaa bulshada kula dardarmay in la shaqeeyaan ciidamadda nabad-galyadda ciidamada kala duwan ee ka qayb qaadanaaya ururinta Cashuurta. Dhinaca kalena, Maamulaha waaxda cashuuraha Beriga Ee Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Quule Aadan waxa uu tilmaamy in ololahan cashuur ururinta ay uga gol lee yihiin bulshada intii aan bixin cashuurta in ay bixiyaan ,waxaanu u soo jeediyey wadeyaasha gaadiidka in ay cusboonaysiistaan Liisamada dhacay,isla markaana ay kala wareejiyaan gawaadhida aan weli la kala wareejin. Qaran News
  10. UNITED NATIONS, US: The UN’s special envoy for Somalia on Thursday issued a stark warning to the Security Council about a sharp uptick in civilian casualties suffered last year in the violence-wracked Horn of Africa country. Catriona Laing, a British diplomat who took up the UN post earlier this year, said both the insurgency by jihadist Al-Shabab militants and clashes in the breakaway Somaliland region were to blame. “Conflicts in Somalia continue to take a heavy toll on civilians. Last year, we saw the largest increase in civilian casualties since 2017,” Laing told the council. “Sadly, early data indicate a similar trend in 2023, with 1,289 civilian casualties recorded so far.” Al-Shabab has been waging a violent insurgency against the government of Somalia for more than 15 years. Flushed out of major cities in 2011-2012, the organization is still present over vast rural areas, mainly in the center and south of the country. It stages attacks regularly against security forces, politicians and civilians. Somali President Hassan Sheikh Mohamud took office in May last year vowing all-out war against the militants, who have also carried out deadly attacks in neighboring countries including Kenya. Somaliland has meanwhile seen months of conflict between its troops and a clan militia challenging the authorities of the self-proclaimed republic, which declared independence from Somalia in 1991 but has not been internationally recognized. The African Union maintains a force in Somalia, and the United Nations has a mission there. UN resolutions call for the AU force (ATMIS) to be reduced to zero by the end of next year, handing over security to the Somali army and police. Before the Security Council, Laing called on all partners “to consider providing support to fill the funding gap for ATMIS to ensure the mission can deliver its mandate fully, and troops do not go unpaid.” The US envoy attending the meeting, Robert Wood, said Washington “remains committed to supporting the efforts of Somalia and the AU to build up Somalia’s security AFP Qaran News
  11. Xukuumadda Somaliland oo Jawaab Adag ka Bixisay Aqoonsigii Soomaaliya ee Huwanta Laascaanood Hargeysa(Qaran news) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag uga soo horjeedda aqoonsiga Soomaaliya ay u fidisay maleeshiyo beeleedka ku sugan Magaalada Laascaanood ee Somaliland. Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed caawa ka soo baxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan wasaarada arimaha dibada oo u qornaa sidan:- “Xukuumadda Somaliland waxay si adag u caddaynaysaa in aanay Soomaaliya iyo Malleeshiyo beeleed midna ka talin ama sheegan karin Laascaanood. Aqbalaadda Soomaaliya ee ku dhawaaqida Maleeshiyada, waa weerar badheedh ah oo lagu soo qaaday Qarannimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Somaliland ee xuduudaheeda ku cad yihiin xornimadii ay qaadatay 26 June 1960. Waa wax laga naxo oo khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika.Somaliland waxay haysataa madax-bannaanideeda in ka badan 32 sanno, iyada oo ka hirgelisay xuduudaheeda nabad, amni iyo dawlad dimuqraadi ah. Waxa kaloo ay si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha malleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa nabadda iyo nabadgelyada gobolka, taas oo caddaynaysa in Soomaaliya ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada Laascaanood. Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqaysa Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso malleeshiyo beeleedka. Sidoo kale waxaan u soo jeedinaynaa beesha caalamka inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka. Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay ixtiraamaan xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland ee caalamku aqoonsan yahay oo ay wada hadal macno leh yeeshaan si loo gaadho nabad iyo xasilooni. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an inay sii wado nabad-gelyada, xasiloonida iyo barwaaqada shacbiga Somaliland. Waxaan sii wadi doonnaa dedaalladayada ku wajahan aqoonsiga madax-bannaanidayada iyo abuuritaanka xidhiidh faa’iido u leh beesha caalamka.” Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo uu hareer taagan yahay hoggaamiyaha KMG ah ee SSC ayaa sheegay in dowladda ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Febraayo, kaasi oo dhigayay in aysan ka tirsaneyn maamullada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dowladda federaalka. “XFS waxa ay mar labaad taageereysaa go’aannadii Isimada dhaqanka ay shirweynahoodii Laascaanood kasoo saareen lixdii bishii Febraayo ee sanadkan 2023, ayadoona soo dhaweyneyso, islamarkaana la shaqeyneyso maamulka KMG ah ee ay dadka deegaankaas dhisteen,” ayuu shirka jaraa’id ku yiri Wasiir Fiqi. Mowqifka dowladda federaalka ayaa ah aqoonsiga maamulka KMG ah, taasi oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland, oo hore uga arrimin jirtay halkaasi. Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan? Sakariye Sheekh Xuseen: “Reer SSC maanta waxay u tahay maalin weyn, fursadaan ha ka faa’iideystaan Wasiir Axmed Macallim Fiqi waa garab istaagay dadkaas.” “Dowladda Soomaaliya Al-Shabaab iska nadiifiya dhaha, SSC waa Somaliland ee dariska fowdada,” ayuu tiri Fa’isa Cabdulqaadir Aadan. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed: “Hambylo Khaatumo State of Somalia hamblyo. Intaa baa cajiiba. Mamulka Khaatumo iyo mamulka Somaliland nabad ha ku wada noolaada maxabiistan ha sii daayaan.” Cabdulqaadir X. Cali: “Somaliland iyo Puntland ha laga qariyo, xasaasiyad ayuu ku noqon doonaa.” “Reer SSC wad soo dadaashen riyadii cali qalif galayr wad rumaysen gulaysta ayan idin lee yahay,” ayuu yiri Liibaan Cabdi Suudi. “Waa guul usoo hoyatay SSC Khatumo, waxaan leeyahay hanbalyò hanbalyo,” ayuu yiri Saciid Ducaale. Cabdullaahi Maxamed: “Somaliland haddey godkeeda biyo ugu soo galeen. Siduu dareemaya hadda Muuse Biixi?.” The post Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay go’aankii DF ee SSC-Khaatumo appeared first on Caasimada Online.
  13. Xudur (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa kulamo kala duwan la qaatay odayaasha dhaqanka, maamulka gobolka, midka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Xudur. Kulamadaan oo madaxweynaha ay ku wehlinayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa looga hadlayey u diyaar garoowga bilaabida wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah. Madaxweynaha ayaa halkaasi uga dhawaaqay qorshaha dagaalka ee maamulkaasi, kaasi oo looga sifeynaayo Al-Shabaab, iyadoo maamulka iyo bulshada ku dhaqan gobolka Bakool ay u xaqiijiyeen in ay diyaar u yihiin in kooxda ay ka xoreeyaan deeganadaan iyo guud ahaan dalka, islamarkaana ay garab taagan yihiin ciidanka xooga dalka. “Dagaalkii dhinacaas waa kasoo dhamaaday, labadaan Dowlad-goboleed Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa rabnaa in aan xoojino oo isku imaano. Jubbaland ma tegi karno haddaan Koonfur Galbeed xoreyn, Xeebta Baraawe kasoo billow illaa Ceelbarde, in aan Koonfur Galbeed xoreyno waajib ayay nagu tahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Si aan Jubbaland ay u xorowdo oo xoogeena u geyno waa in Koonfur Galbeed xoreyno oo kama tallaabsan karno. Waxaa rabnaa in annaga oo jidka ku socona oo qalabkeena wadana in aan tagno.” Sidoo kale waxa uu faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda. “Maamullada degmooyinkooda la haysto ee madaxdooda halkan joogo waxaan u sheegayna ha sii diyaar-garoobaan, sidii Shabaab looga nadiifin lahaa oo dadka deegaanka ah mashruuca Xasillinta ee imanaya loo kala hor marin lahaa.” Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda. Sido kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa. The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo XUDUR uga dhawaaqay qorshaha xoreynta K/G appeared first on Caasimada Online.
  14. Xoghayaha Dhallinyarada WADDANI oo la Kulmay Dhallinyaro Taageersan Xisbiga Hargeysa, (Qaran news)-Xoghayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha xisbiga WADDANI Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase, Guddoomiye kuxigeenka Garabka dhallinyarada gobolka Maroodijeex Taqayadiin Maxamed Jaamac iyo Guddoomiyaha xisbiga ee degmada Gacan Libaax Mudane Sharmaake Garaad ayaad Xarunta Dhexe ee xisbiga ku qaabilay qaybo ka mid ah dhallinyarada caasimadda oo diyaar u ah la shaqaynta xisbiga. Kulanka oo ay masuuliyiinta degmada Gacan Libaax soo qaban qaabiyeen waxaa ka soo qayb galay afar kooxood oo ka mid ah kooxaha kubadda cagta iyo koox hiddaha iyo dhaqanka ah. Masuuliyiinta xisbiga ayaa dhallinyarada ku boorriyay in ay barbar istaagaan isbedelka hoggaamineed ee dalku u baahan yahay ee xisbiga WADDANI wado, waxaanay dhankooda dhallinyaradu ballan qaadeen in ay si buuxda ula shaqaynayaan xisbiga. Qaran News
  15. Somali Ambassador to the UN, H.E Mr. Abukar Dahir Osman, addressed the pressing issues of the arms embargo and the situation in SSC-Khaatumo during the "Briefing on Somalia" at the UN on October 19, 2023. Source: Hiiraan Online
  16. Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ku baaqay in loo diyaargaroobo sidii Laascaanood gacanta Somaliland loogu soo celin lahaa Hargeysa – Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ku baaqay in loo diyaaro garoobo sidii xoog iyo xeelad mid uun Laascaanood dib loogu celin lahaa gacanta Somaliland. Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay xili uu kasoo laabtay safar dibada ah, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay la hadasho waxgaradka SSC, lakiin marka hore ay tahay in ciidamada kale ee gurmadka ku yimid ka baxaan. Waxaanu yidhi.”Waa in aynu sharafteenii soo celinaa, ciidanka tayaynaa, oo aynu xuduudeheenii tagnaa, waanu jecelnahay in aanu wada hadal ku dhamayno lakiin bishuruud waa in ay ka baxaan Majidholand” Reer Sool ayuu ugu baaqay in ay miiska wadahadalka yimaadaan waxaanu yidhi.”Waxgaradka iyo garaadada waxan leeyahay 100 wado oo aynu ku wadahadalno ayaa inoo caado ahaan jirtay yaan laydin isticmaalin” Waxa uu xukuumadda ugu baaqay in jaanis la siiyo wadahadal lagula furo garaadada SSC, balse dhinaca kalena millateri ahaan loo diyaar garoobo, waxa uu ku baaqay in la midoobo, oo quluubta shacabku isku duubnaato. Dowlada Soomaaliya ayaa SSC Khaatumo u aqoonsatay maamul ku meel gaadh ah, iyada oo sheegtay in ay si dhaw ula shaqayndoonto hoggaanka SSC Khaatumo. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Joacim Waern. Labada masuul ayaa kulankaan waxay uga wada-hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, wuxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda. Mudane Xamza ayaa waxa uu si gaar ah u dul istaagay taageerida arrimaha xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah iyo gaarsiinta adeegyada sanadaha badan ka maqnaa. Danjiraha Boqortooyada Sweden Joacim Waern ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isaga oo ballan-qaaday in uu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas. Shalay ayay aheyd markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona dalkeenna Joacim Waern. Xasan ayaa markaas u rajeeyey Danjire Joacim Waern in uu ka miro Dhaliyo matelaadda dalkiisa iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, dhanka kale. Danjiraha ayaa isna soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay. The post R/W Xamza oo kulankii u horreeyay la yeeshay Joacim Waern appeared first on Caasimada Online.
  18. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macali Fiqi iyo hoggaamiyaha SSC-Khaatumo mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda shaacinta Wadatashiyadii xukuumadda Soomaaliya iyo SSC-Khaatumo. Warmurtiyeedka uu akhriyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa u qornaa sidan; Xukuumadda Federaalku iyada oo gudanaysa mas’uuliyadda yo waajibaadka ka saaran wadajirka iyo isu-haynta dalka, waxaa ay martiqaadday hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC-Khaatumo yo wafdi uu hogaaminayo. Si wada tashi looga yeesho xaaladda degaanka iyo guud ahaan dalka. Doodo iyo falanqayn dheer oo taabanayey xaaladaha siyaadadeed, amni, bani’aadamnimo kadib, waxaa la isla qaatay; (1). Xukuumadda Faderaalka ah waxaa ay mar labaad taageeraysa go’aannadii Issimada dhaqanku ay shirweynahoodii Laascaanood ka soo saareen 06/02/2023, iyada oo soo dhaweynaysa isla markaana la shaqaynaysa maamulka kumeelgaarka ah ee dadka deegaanku ay dhisteen. (2). Xukuumadda Federaalka waxaa ay mar kasta ku baaqaysaa gacanna ay ka geysanaysaa dadaal kasta oo nabad iyo xasilooni ku soo dabaalaya deegaankaas, iyada oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xallinayo wadahadal iyo wada-xaajood. Waxaa ay maamulka SSC-Khaatumo ku bogaadineysaa sida ay diyaarka ugu yihiin xabbad joojinta iyo nabad ku wada noolaashaha. (3). Dowladda federalka Soomaaliya waxaa ay ugu baaqeysaa Somaliland yo maamulka SSC Khaatumo Xabad joojin iyo inay sii-daayan Maxaabiista ay kala hayaan, Waxayna xukumadda federalka diyaar u tahay inay fududeyso hawlaha arrintaas la xiriira. (4). Xukuumadda Federaalku ayadoo ka duulaysa mas’uuliyadeeda waxaa ay si degdeg ah uga howlgalaysaa dib u soo noolaynta iyo tayaynta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha yo guud ahaan arrimaha bani’aadamnimada. (5). Xukuumadda Fedaraalku waxaa ay ugu baaqeysaa hey’adaha dawladda, bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka in gargaar bani’aadnimo oo degedeg ah lala gaaro deeganadaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Allah unaxariisyee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Marxuum Mullaxan Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareed) isaga oo ka mid ahaa hobollada Waaberi kaas oo ku geeriyooday muxamiisytayaashii ugu magaca dheeraa gudaha Soomalaiya. Marxuumka ayaa door weyn kulahaa geeddi-socodkii fanka Soomaalida laga soo bilaabo sannadkii 1957-kii oo ahayd markii u horreysay ee uu yimi Magaalada Muqdisho, waxa uu la xameeyey Heesta “Hooyooy la’aantaa” ee uu sameeyey Abwaan Hadraawi. Alle ha u naxariiste Murxuum Mullaxan Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareyt) ayaa sannadkii 1941-kii ku dhashay degmada Dhuusamareeb ee hadda ah xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug, waxaana uu fanka ku jiray tan iyo sanadkii 1957 oo Muqdisho soo gaaray. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweis Jaamac ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Mullaxan Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareed) Wasiirka ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistiisa janno ku irsaaqo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumka ayaa muddo dheer door ku lahaa fanka Soomaaliyeed arkii gadaal loo raaco taariikhda. Source: goobjoog.com
  20. Tiyeeglow (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ay howlgallo culus ka sameeyeen gobolkaas oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab. Ciidamada huwanta ayaa howlgalladan si gaar ah uga fuliyay agagaarka degmada Tiyeeglow, ayaga oo bartimaameesaday deegaano ay joogeen xubnaha Al-Shabaab. Deegaanada ay gaareen ciidamada ayaa waxaa kamid ah Ceel Garas, Dudumal, Waraabe iyo Moorahagar oo qiyaastii 45 KM u jira degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool. Taliye ku xigeenka guutada 9-aad, qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaale Yoonis Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howlgallladan uu ahaa inay Al-Shabaab ka saaraan dhulkaasi, ayna ku guulaysteen. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay burburiyeen saldhiyo ay kooxda ku lahayd halkaas, kuwaas oo ay kasoo abaabuli jirtay weerarada ay ku beegsato ciidamada huwanta. Yoonis Aadan Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan dhulkaasi, si looga sifeeyo dagaalyahannada Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ay guulaha ka sheegay dowladda dhexe. Bakool ayaa kamid ah gobollada ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana dhawaan la filayaa inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda. Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba ayaa kulamo ku wada magaaladaasi, kuwaas oo ku aadan dardargelinta dagaalka Al-Shabaab. The post Ciidamada DF oo cagta mariyey saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen BAKOOL appeared first on Caasimada Online.
  21. In the vibrant world of UK football, Somali youth are making headlines with their remarkable achievements, and one individual stands out as a driving force behind their success. Source: Hiiraan Online
  22. Garowe (HOL) - Puntland's opposition politicians have accused the regional President, Said Abdullahi Deni, of orchestrating a conflict in Garowe to suppress those who oppose his political aspirations. Source: Hiiraan Online
  23. Ujeeddada Wetfi uu Hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka oo Gaadhay Boorame Hargeysa(Qaran news)-Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa kormeer shaqo ku tagay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal. Weftiga madaxweyne ku xigeenka waxa ka mid ahaa wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiisa Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), wasiir ku xigeeno, agaasimayaal iyo xildhibaano. Madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisi waxa soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Awdal Daahir Xadi, waxaanu sheegay in ujeedada socdaalkiisu salka ku hayso u kuurgalida nabadgelyada iyo horumarka gobolka Awdal. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maamulka gobolka Awdal uga mahadceliyay sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen, ayaa sheegay in hawlo qaran oo mihiima ay u socdaan isaga iyo waftigiisu. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inay kulamo la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulsahda gobolka Awdal. Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku socda dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Cabdiraxmaan Shakuur ayaa shaaca ka qaaday in marnaba dowladda hadda jirta aan la yeeli doonin wixii lagu diiday dowladdii hore oo uu majaraha u hayay Maxamed Farmaajo. Xildhibaanka ayaa soo bandhigay saddex qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo uu tilmaamay haddii ay ku kacdo dowladda dhexe aan looga haybaysan doonin, sida uu hadalka u dhigay. “Saddex mabda’ siyaasadeed oo aan ku diidnay Rajiimkii kan hadda jira ka horeeyey waa kuwo sugan oo aan cidna looga haybaysanin.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale waxaa uu qaada dhigay waxa ay yihiin saddexda qodob ee lagu diiday Farmaajo, isla-markaana uu hadda uga digayo madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo kala ah:- 1- In aan la xirin saaxada siyaasadda oo aan la diidin xoriyadda hadalka, safarka, kulanka, ku biirista xisbiyada iyo cabbirka fikirka siyaasadeed intaba. 2- In doorashooyinka heer Federaal iyo Dawlad Gobol ay xilligooda ku dhacaan, muddo kororsina sharci dari yahay, horseedna u yahay xasilooni dari siyaasadeed. 3- In aan ciidanka loo adeegsan dan siyaasadeed iyo cabburin shacab. Siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale farriin culus u diray kooxda Villa Soomaaliya, isaga oo uga digay inay ka baxaan arrimihii ay markii hore heshiiska ku wada ahaayeen, xilli ololaha doorashooyinkii soo dhammaaday. “Waxaan ugu baaqayaa saaxibadii shalay mabaadi’daas nagula midaysnaa in aysan ka weecan, haddii kale aan la isku eedin” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Mr. Shakuur. The post CC Shakuur oo sheegay in saddex arrin aan marnaba looga haybaysan doonin DF appeared first on Caasimada Online.
  25. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu todobaadkii hore ka hadlay baahida dalkiisu u qabo inuu helo deked saaran badda cas. Hadalkaas wuxuu u jeedinayey baarlamaanka, wuxuuna intaa ku daray in “shacab 150 malyan oo qof ah aysan ku noolaan karin xabsi juquraafiyeed” isagoo ula jeeday in aysan bad heli karin ay wax kala soo degaan. Siyaabo kala duwan oo micnaha guud uu yahay in Itoobiya ay doonayso inay deked ka hesho badda cas ayaa loo fasiray. Haddaba waa kuwee dekedaha la dhihi karo Itoobiya way doonaysaa ee saaran badda cas Musawac Waa mid ka mid ah dekedaha waaweyn ee Badda cas saaran, ee ay maamuli jirtay Itoobiya ka hor inta aysan Eritrea ka go’in, waxayna ahaan jirtay xarunta ciidankii badda ee Itoobiya. Sidoo kale waxay ahaan jirtay caasimaddii mustacmaraddii talyaaniga ee Eritrea, ka hor intii aan caasimadda loo rarin Asmara 1897 kii. Itoobiya micne ayey u leedahay waayo dagaallo xoog leh ayey kula gashay Eritrea, sanadihii 1961 – 1991. Hogaamiyihii Itoobiya Mengistu Haile Mariam, ayaa amray in dayaarado lagu duqeeyo Musawac, waxaana duqaymahaas ay dekedda u geysteen dhaawac xoog leh. Waxaa la bilaabay in dib loo hawlgaliyo 2001, waxaana dabayaaqadii sannadkaas ku soo xiratay markab aad u weyn oo siday haruur gaarayey 15,000 oo tan oo ahaa gargaar uu maraykanku soo dhiibay. Cassab Sida Musawac, waxay Cassab leedahay deked qadiimi ah oo jirtay tan iyo 1869 kii. Xilligaas waxaa markii ugu horreysay isticmaashay shirkad talyaani ah oo la yiraahdo Rubattino Shipping company. Wuxuu talyaanigu aad u danayanayey istaraatijiyada ay leedahay ee ah inay kulaalayso marinka Baabul-mandab, ayna muhiim u noqon karto ganacsiga dalalka carabta iyo Eritrea. Cassab waxay iminka leedahay deked casri ah oo leh warshad saliidda sifeysa, taasoo uu dhisay midowgii Sofiyeeti. Waxaa aad uga faa’iidaysan jiray adeegeeda Itoobiya marka loo eego Eritrea, laakinse Itoobiya way iska dhuun qabatay wixii ka dambeeyey markii Eritrea ay ka go’day Itoobiya. “Haddii aan isticmaalno dekedda Cassab, annaga kaliya kama faa’iideyno ee waxaa sidoo kale ka faa’iidaya Eritrea. Dhinaca kale, haddii aan go’aansanno in aynaan isticmaalin Cassab, waxay noqon doontaa meel geelu biyo ka cabo oo kaliya. Xukuumadda Eritreana wax dakhli ah kama heli doonto,” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi. Laakin dhowrkii sano ee u dambeeyey waxaa isha kuhayey hay’adda Itoobiya u qaabilsan qaybinta shidaalka (EPSE), gaar ahaan wixii ka dambeeyey heshiiskii dhex maray labada dawladood, si ay hay’addu shidaalka halkaa ugala soo degto. Shidaalaka Itoobiya dibadda uga yimaada ayaa kordha 10% sannad kasta, waxaana lagu qiyaasayaa inuu gaarayo in ka badan 3 milyan oo metric tan sannadkiiba. Itoobiya waxay Jabuuti siisaa sannadkiiba lacag ka badan $722 malyan oo ah adeegga dekedda Jabuuti, waxaana intaa dheer lacag ka badan $22 malyan oo ah tariifooyinka dekedda Berbera Dekedda Berbera waxay taariikhiyan ahayd saldhig ciidan oo ay lahayd dawladdii Soomaaliya. Horraantii 60-meeyadii waxaa tas-hiilaadki dekedda hagaajiyey Soofiyeetka, waxaaana sannadihii dambe sii balaariyey Maraykanka oo isticmaalayey, ka dib markii xiriir aad u dhow ay Soomaaliya la samaysatay Maraykanka. Burburkii Soomaaliya ka dib waxaa maamulayey dekedaas Somaliland oo ku dhawaaqday gooni isu taag. Itoobiya waxay 2018 kii heshiis la gashay Somaliland kaasoo u saamaxayey inay 19% ku yeelanayso dekedda. 30% waxaa yeeshay Somaliland, halka DP world ay yeelatay 51%. Laakinse Itoobiya waxay weyday qaybtii ay ku lahayd ka dib markii sida la sheegay ay ka soo bixi weyday shuruudihii u saamaxayey inay qayb yeelato. Seylac Taariikh ahaan, sida ku xusan buugga Ethiopia in movement ee uu qoray Samuel Negash, Itoobiya waxay xiriir dhanka isticmaalka dekedaha ah la lahayd Seylac wixii ka dambeeyey 1880 kii. Badeecadaha aadi jiray Jimma, Kaffa iyo dhulka Guraagaha waxay uga soo degi jireen Seylac. Qarnigii 14aad ayey ahayd markii Seylac ay ahayd dekedda ugu dhaqdhaqaaqa badan gobolka, waxaana badeecadaha laga dhoofiyo iyo kuwa laga soo dejiyo ka mid ahaa maydiga, beeyada, dahabka iyo qalinka. Xilliyadii dambe markii ay soo bexeen Dekedaha magaalooyinka Tajura, Obokh iyo Berbera ayaa waxaa yaraaday muhiimaddii ay lahayd dekedda Seylac. Waxaa kale oo qayb ka ahaa in dekedda Seylac ay muhiimaddeeda yaraato xilligaas ayadoo aysan ku soo xiran karin maraakiibka waaweyn maadaama dhagxaan ay leedahay oo aysan ku soo xiran karin doomaha culayskooda ka badan yahay 250 tan. Boqor Menilik ayaa isku dayey dhowr goor inuu Ingiriiska iyo Talyaaniga kala hadlo in la siiyo Seylac, laakinse kuma guuleysan. Istaraatiji ahaan Seylac waa meel u dhow Itoobiya marka la barbar dhigo dekedaha kale ee ay ku wada yaallaan badda cas. Taas waxay u sahlaysaa Itoobiya masaafada xagga dhulka ah inay uga kharash yaraato. Qaran News