Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Dabageed ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay ku hagratay dagaalka Al-Shabaab, marka loo fiiriyo doorkeeda ku aadan howlgallada ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. “La dirirka argagixisada bariga HirShabelle, waa lagala wada diriray, galbeedkana qaybyo noo yahay dowladdii Soomaaliyeed way nagu taageereysay waxyaabo badan oo nagu hagratay waa jireen mara iyadaha haddii ay nagu hagratay waxay nooga filneyd dee annaga shacabka HirShabelle ayaa nahay wixii waxaan ku hagran doonaa aan uga filanahay” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle. Sidoo kale wuxuu kusii daray Waxaa igala wanaagsan marka in iyagu na hagradaan ama annagu aan hagrano in wada shaqeyno oo dowlad kastaahu, kaalinteedu ay buuxiso”. Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda dhexe inay sidaan wax ka beddasho, ayna buuxiso kaalinta ay uga baahan tahay HirShabelle. “Dowladda Soomaaliyeed annaga meesha aan heyno waan ognahay, iyadana meesha ay heyo waan ognahay annaga meesha wanaagsan oo aan hayno inaan deyno yey nagu qasabin ee meesha xun ee naga heyso hanaga deyso kaalinta aan ku leenahay hanoo buuxiso” ayuu markale yiri Yuusuf Axmed Hargar (Dabagadeed). Waxaa kale oo uu sii raaciyey in arrintan aysan kaftan aheyn ee dhab ka tahay HirShabelle, wuxuuna sheegaya in dalbanayaan inay helaan kaalintooda, si lamid ah maamullada dalke. Hadalkaan hadal kaftan ah ma aha dhab ayuu naga yahay waxaana is leenahay waa la’idin dulminoowaa” ayuu kusoo gabagabeeyay. Yuusuf Dabageed ayaa hadalkan ayaa ka sheegay furitaanka kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka HirShabelle oo uu shalay ka jeediyay khudbad Xasaasi ah. The post Yuusuf Dabageed: DF hagar daamo iyo dhibaato ayay ku heysaa HirShabelle appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay u dhoofay dalka Mareykanka, isaga oo kusii jeeda magaalada Washington ee dalkaasi. Sheekh Aadan Madoobe ayaa laga sii sagootiyay garoonka Aadan Cadde, ayada oo ay ka qayb qaateen xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. War kooban oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in isaga wafdigiisa ay casuumaad ka heleen Aqalka golaha wakiilada waa dalka Mareykanka. Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadli doono horumarinta baarlamanka Soomaaliya iyo iskaashi toos ah oo ay yeesheen labada dhinac. “Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Aqalka Golaha Wakiilada ee dalka Mareykanka waxayna kawada hadli doonaan arrimaha horumarinta Baarlamanka Soomaaliya, iyo iskaashiga labada Baarlamaan ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe. Waxa kale oo uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda Mareykanka, si uu ugula hadlo arrimo quseeya Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale inta uu joogo Mareykanka wuxuu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, isaga oo kala hadli xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo horumarada laga gaaray. Safarkan ayaa kusoo qaaday, xilli uu fasax ku jiro baarlamaanka Soomaaliya, maadaamasoo xirmay kaldhigooda, kadibna ay aadeen safaro gudaha iyo dibadda. Mareykanka ayaa kamid ah dalalka haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dagaalka Al-Shabaab iyo dhanka dhaqaalaha intaba. The post Xog ku saabsan safarka Sheekh Aadan Madoobe ee dalka Mareykanka? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  3. Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta dowladda Soomaaliya mudane Cabdiweli Timacadde ayaa Xarunta hay’adda waxaa uu kulan gaar ah kula qaatay Gudiga Rugta ganacsiga Soomaaliya. Maareeyaha ayaa kulankaan kula wadaagay Gudiga rugta ganacsiga Nidaamka Bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha kaasi oo dhawaan si rasmi loo bilaabi doono diiwaan gelinta Muwaadiniinta soomaaliyeed iyo dadka sida sharciga ah ku jooga dalka. Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Soomaaliya Cabdiweli Timacadde ayaa tilmaamay in Hay’adda NIRA ay hirgalinayso nidaam loo dhan yahay si fududna lagu wada heli karo. Guddoomiyaha Rugta Gancsiga Somaaliya Mudane Maxamuud Cabdikariim Gabayre ayaa tilmaamay in ay aad ugu taamayeen nidaamka Aqoonsiga ee Hay’adda Diiwaangalinta dadweynaha. Wuxuuna sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed baahi wayn ay u qabaan helitaanka Kaarka Aqoonsiga dadweynaha. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Hay’adda Aqoonsiga Qaranka iyo kuwa Rugta ganacsiga Soomaaliya oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.
  4. Ciidanka Boolisa oo Rug ku Meelgaadha ka Furtay Xaafada Calaamada Hargeysa(Qaran news)-Xaafadda Calaamadda ee degmada Maxamuud Haybe, ee magaalada Hargeysa ayaa alaga furay Rug Boolis oo ku meel gaadha, inta la dhisayo, rugta cusub ee xaafada, taas oo hadda qorshaheedu meel fiican maraayo sida ay sheegeen bulshada xaafadu. Sarkaal u hadlay ciidanka booliska Somaliland ayaa sheegay in hirgelinta Rugtani, ay kala tashadeen bulshada xaafada Calaamadaha, waxaanu bulshada ku booriyay inay la shaqeeyaan, si xaafada looga tirtiro dhallinyarada budhcada ah ee dadka dhacaya. Qaar ka bulshada xaafada Calaamadaha ayaa sheegay in Rugtani ay ku timid iskaashiga bulsho, waxaanay tilmaameen in loogu tallo galay in lagu xaliyo khilaafaadyada iyo in lagaga baaqsado dhallinyarada dhaca kala duwan u gaysanaya bulshada. Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa caddeeyay rugta booliska ee laga hirgeliyay xaafada Calaamaduhu ay hoostagi doonto saldhiga booliska ee Qudhac-dheer, waxaanu ku boggaadiyay bulshada xaafada isku tashiga bulsho ee ay ku hirgeliyeen saldhigani, waxaanu intaas ku daray inay garabtaagan yihiin ka wasaaradd arrimo gudeed ahaan. Qaran News
  5. Buug ku Saabsan Koboca Dhaqaale Ee Shirkadaha Gaarka ah oo lagu Soo Bandhigay Hargeysa Hargeysa(Qaran)-Waxa magaaladda Hargeysa lagu soo bandhigay buug uu qoray Dr. Cismaan Sheekh Axmed, oo uu kaga hadlayo istiraatijiyada isbeddelka koboca dhaqaale ee shirkaddaha gaarka loo leeyahay. Munaasibadan lagu soo bandhiggaayey buuggan uu qoray Dr Cismaan Sheekh Axmed waxa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha wasiirrada Somaliland, guddoomiyaha Baanka dhexe, xildhibaano, qoraayo, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo tiro badan. Buuggan oo sidoo kale ka waramaaya caqabadaha horyaalla dhaqaalaha shirkaddaha gaarka loo lee yahay iyo sidii looga gudbi lahaa,waxa ugu horayn ka hadlay Dr. Cismaan Sheekh Axmed oo ah qoraaga buuggan,waxaanu ka sheekeeyay sidii uu dhaqaalaha Somaliland ku bilaabmay,waxa aanu tilmaamay in gacmo is qabsi uu dhaqaalaha Somaliland ku unkamay,isaga oo intaas raaciyey in aanay waxba suurto gelayn nabadi haddii aanay jirin. Wasiirrada wasaaraddaha Hor-u-marinta Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdilaahi Daahir, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in buuggani noqon karo dhaxal ay ka faa’iidaan dadka reer Somaliland,maddaama uu ku salaysan yahay buuggani cilmi-baadhis aqooneed. Qaran News
  6. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Wasiirkii Gaadiidka Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud oo dhawaan uu xilka ka qaaday Madaxweyne Qoor Qoor ayaa qabtay shir jaraa’id, wuxuuna shaaciyey musuq baahsan oo sababay inay isku dhacaan isaga iyo wasiirka maaliyadda Galmudug, kadibna isaga xilka laga qaado. Inta badan khilaafka sababay in xilka laga qaado wasiir Cabdirisaaq wuxuu salka ku hayaa dhismaha garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb iyo isticmaalka dekedda Hobyo. Wasiirkaan xilka laga qaaday ayaa sheegay in wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Gaban uu leexsaday lacag hal milyan oo dollar ah oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ugu deeqay garoonka Dhuusamareeb, si loogu dhiso. Hadda wuxuu sheegay in la helay mashruuc malaayiin dollar ah oo beesha caalamka ay dooneyso in lagu dhiso garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, balse uu cabsi weyn ka qabo in la musuq maasuqo, taasina ay horseedo in dib loo aamini waayo maamulka iyo dadka reer Galmudug. Sidoo kale Wasiir Cabdirisaaq wuxuu sheegay in lacago badan ay wasaaradda maaliyadda Galmudug ku xujeysay ganacsato dooneysay inay badeeco kala soo degto dekedda Hobyo, isla markaana loo soo dacwooday wasaaradda gaadiidka Galmudug oo isagu uu hoggaaminayey. “Nasiib darro ninkii intaas oo qalad ah ka galay dadka reer Galmudug waxaa lagu abaal mariyey Senator ka tirsan BFS, sidoo kale waxaa loo dhisay guriga ugu qaalisan Galmudug,” ayuu yiri wasiirkii gaadiidka Galmudug oo dhawaan xilka laga qaaday. Ugu dambeyntii Wasiir hore Cabdirisaaq Maxamed ayaa Madaxweynaha Galmudug kula taliyey in maamulkiisa ragga burburinaya uu iska qabto, “Hadii Maxaxweyne aad rabto in dib laguu doorto meel aad ku soo noqoto sii dhiso,” ayuu yiri. Sida ay ogaatay Caasimada Online, in wasiirkaan xilka laga qaado waxaa Madaxweynaha ka codsaday wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Gaban, oo ah saaxiibka koowaad ee Qoor Qoor, maadaama ay isku qabteen mashaariic dhowr ah. Hoos ka daawo The post Daawo: Wasiirkii uu Qoor Qoor xilka ka qaaday oo shaaciyey ‘lacag la lunsaday’ appeared first on Caasimada Online.
  7. Guriceel (Caasimada Online) –Dagaalyahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ku dagaalamaya deegaano u dhow tuulada Burujeed oo hoos tagta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo dhawaan ay weerar culus ku qaaday kooxdu, waxaana isisoo taraya xogaha laga helayo dhinacyada dagaalamaya. Kooxaha dagaalamaya waxaa kala hoggaaminaya labo sarkaal oo u kala dhalatay beelaha Duduble iyo Cayr ee Habargidir, Caasimada Online waxay heshay xogta sarkaalka ka soo jeeda beesha Cayr oo isagu bilaabay dagaalka. Cabdullahi Maxamed Xiirey oo caan ku ah magaca Cabdullahi Horeeye ayaa hoggaaminaya dhinac ka mid ah dagaalyahanada Shabaab ee ku dagaalamaya Galgaduud, ninkaan ayaa ka soo jeeda beesha Cayr, gaar ahaan jufada Habaraji oo dhawaan ay Shabaab ku weerareen deegaanka Burujeed. Cabdullahi Horeeye waxaa horay u xirtay dowladda Soomaaliya, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, ninkaan oo lagu tuhmaayey Shabaab-nimada ayaa xiligaas laga qabtay xaafada Suuqaxoolaha ee degmada Heliwaa. Muddo bil ah oo dowladda uu u xiraa kadib, waxaa la sheegay inay damiin ku soo daayeen odayaal ka soo jeeda beeshiisa, wuxuuna dib ugu laabtay kooxda Al-Shabaab. Cabdullaahi Horeeye wuxuu ka mid yahay saraakiisha hoggaamisa Shabaab-ka ka dagaalmaya Galmudug, balse hadda wuxuu dagaal culus kala dhexeeyaa sarkaal kale oo ka soo jeeda beesha Duduble. Dagaalkaan ayaa qarxay maalmo kadib markii ay kooxdu ka soo laabatay weerarkii Burujeed, kooxda ayaa fariisin ka sameysatay meel aan ka fogeyn deegaanka Burujeed, waxaana qorshaha ka socda aagaas ka soo horjeestay Cabdullahi Horeeye oo soo jeeda jufada Habaraji Cayr, kana tirsan saraakiisha Shabaab. Ninkaas ayaa la sheegay inuu diiday in Shabaab sii deganaado aagga Burujeed, waxaana qorshihiisa ka biyo diiday nin isaga ka sareeya oo ka soo jeeda beesha Duduble, halkaas ayuu ka bilowday dagaalku. Kooxda ayaa aad isku leysay 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa la sheegay in dagaalka ay kala hoggaaminayaan labadaan sarkaal, wuxuuna dagaalku salka ku hayaa weerarkii ay Shabaab ku qaadeen beesha Cayr oo degan tuulada Burujeed. The post Xogta sarkaal Shabaab ah oo mar ay xirtay DF, hadana dagaal ka dhex furay kooxda appeared first on Caasimada Online.
  8. Saddex kamid ah xisbiyada siyaasadda Puntland oo hore shuraako ula ahaa xukuumadda Siciid Deni ayaa war ka soo saaray arrimaha doorashada 2024. War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen saddexda xisbi ayay ku baaqeen doorashada madaxtinimada Puntland lagu qabto wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jannaayo 2024. Xisbiyada ayaa soo jeediyay in doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkisu ay u dhacdo si baarlamaani ah, oo xildhibaanada la soo doortey ay doortaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Waxay sidoo kale soo jeediyeen in meesha laga saaro doorashada Madaxweynaha iyo ku-xgeenkiisa in lagu galo mid dadweyne kadib isbeddelkii lagu sameeyey dastuurka, kaas oo aan loo marin habraac sax ah. “Waxaan soo jeedineynaa in aan adkeyno nabadda, laga dheeraado hadalada xanafta leh ee warbaahinta la isu marinaayo” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka. PUNTLAND POST The post Garoowe: Baaq laga soo saaray doorashada Puntland ee 2024 appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif ayaa soo saaray baaq culus ku socda beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya qeybo ka mid ah gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii uu maanta la hadlay TV-ga Dowladda. Sheekh Maxamuud ayaa musiibo ku tilmaamay dagaalka u dhaxeeya dadkaan walaalaha ah, isagoo xusuusiyey carada Alle oo ay kala kulmi karaan daadinta dhiiggooda. Sidoo kale Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka socda Soomaaliya aan lagu jooji karin hadal iyo wacyi gelin toona, balse loo baahan yahay ficil iyo in la helo awood u bareerta inay meel mariso wixii wanaagsan. “Dadka sheydaan ayaan qaaday, dadka Soomaaliyeed waa is yaqaanaan cid dagaal wax ku qaadeysa ma jirto, dadka cidii gardaran garta hala saaro, si loo joojiyo musiibadaan,” ayuu yiri Sheekh Maxamuud. Shiiqa ayaa sheegay in dadka is dilaaya ay wada dhasheen, “Sababta ay isku dilayaan waxaa waaye Ilaahey iyo Rasuulkiisa ayey ka furteen, hadii aan wax ka hor taga loo helin dhigga ay daadinayaan joogsa maayo,” ayuu yiri. Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in laba arrin lagu xakamey karo dagaal beeleedkaas, 1- In shareecada islaamka lagu kala saaro dadka dagaalamaya, 2- Iyo in awood dowladeed lagu maquuniyo. “Hadaan la helin labadaas maalin kasta waxaan arki doonaa qof qaraabadiisa dilaya, meesha hala tago waxaan hala suuliyo, musiibaa ka soo socota meeshaas, dadkaan waa naqaan waana ka dhalanay, waa in waxaan asalkooda laga dabatago,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Maxamuud. Dagaalkaan oo u dhaxeeya beesha uu ka dhashay Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa ka socda dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, dadka dagaalamaya oo ehel wada dhashay ah ayaa iska gubaya guryaha, iska kufsanaya haweenka, aadna isku dilaya, waxaana guul dareystay dadaal kasta oo lagu dayey joojinta colaadaas. Hoos ka daawo The post Daawo: Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif si adag uga hadlay dagaalka ka socda Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa warbixin kasoo saaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda dalka, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray. Daa’uud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu wajahayo kooxda, isla-markaana ay ku qaaday dagaal toos ah iyo mid dhaqaale. Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isticmaali jireen dekedda Muqdisho, ayaga oo adeegsanayay shirkado, ganacsato iyo nootaayooyin, si ay usoo marsiistaan alaabtooda, waxaase uu tilmaamay in shabakadahaas ay soo afjareen ciidamada Nabad-Sugidda. “Dekadda Muqdisho waxa ay ahayd meelaha ay Khawaarijta oo isticmaaleysa kooxaha aan soo sheegnay ay isku dayeen in ay soo marsiistaan waxyaabaha ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed laakiin Sirdoonka Soomaaliya ee habeen iyo maalin u taagan in uu ka hortago shirqoollada Khawaarijta ayaa helay xogta Alaabaha ku socday Khawaarijta ka hor inta aysan soo gaarin Soomaali, waxaana dowladdu ku guuleystay in la qabto alaabta iyo shabakaddii ka shaqeyneysay fududeynteeda” ayuu shirkiisa ku yiri Daa’uud Aweys. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in la xayiray illaa saddex shirkadood oo shaqada laga joojiyay, kadib markii lagu helay inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab. ‘Illaa saddex shirkadood oo dabagal lagu ogaaday ayaa shaqooyinkooda ku waayay kiiskaasi kooxaha Khawaarijta ayaana ka quustay isku day kasta oo ay ka dhuuntaan indhaha ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu mar kale wasiirka warfaafinta. Waxaa kale oo uu wasiirku intaasi sii raaciyay “Waxaa intaas dheereed in sirdoonka Soomaaliya uu soo afjaray Shabakado badan oo ay Khawaarijtu dhinaca dhaqaalaha u isticmaali jireen kuwaas oo isu ekeysiinayay, nootaayooyin, shirkado ganacsi, dalaaliin, iyo xubno shaqadoodu ahayd in ay xogta ganacsi la wadaagaan khawaarihta”. Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in laga cuuryaamiyay ilihii ay ka heli jireen dhaqaalaha, sidoo kalena laga xayiray illaa 350 Akoon Bank iyo koontooyin kale. “Xanuunka khawaarijta gaaray intaas kuma ekaanin ee waxa ay dowladdu xirtay 350 Akoon Bangi, 405 Telefoon iyo 18 Koonto ganacsi (Merchant) kuwaas oo dhammaantood Khawaarijtu dhexmarsiisan jirtay lacagaha baadda ah” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys. Soomaaliya ayaa waxa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka. The post Dowladda oo xayirtay shirkado la shaqeynayay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha maaliyadda ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Biixi ayaa shaaca ka qaaday in meel wanaagsan uu marayo dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday kooxda, kaas oo uu tilmaamay inay door weyn ku leedahay wasaaraddiisa. Wasiirka ayaa xusay inay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah oo lagu cuuryaaminayo Al-Shabaab, laguna cunaqabeynteynayo ilaha ay ka hesho dhaqaalaha. “Wasaaradda waxay qayb ka tahay la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan dhanka maaliyadda sidii loo xakameyn lahaa, loona cunqabeyn lahaa” ayuu yiri wasiir Biixi. Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan la soconaa qaab kasta oo ay u maleegi karaan inay dadka Soomaaliyeed hantidooda iyo maaliyadooda ay culeys ku saaraan ama ay uga faa’ideystaan dadaaladaas runtii waas sidii wadi doonaa inta laga ciribtirayo argaxgixisada”. Wasiir Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay bixiyaan casnhuurta, si ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin. “Dadka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa, kuna boggaadinayaa inay door weyn ka qaataan dib u dhiska dhaqaalaha iyo bixinta canshuurka” ayuu mar kale yiri wasiirku. Waxaa kale oo uu raaciyay “Marka aad canshuur bixiso ayaa adeeg heleysaa, anaga waxaa waajib nagu ah inaan u ilaalino waxooda, adeegyada ay muhiimka u yihiina loogu qabto”. Soomaaliya ayaa haatan sameyneysa kobac dhaqaale oo weyn, kaas oo ay si weyn ugu maanay hay’adda IMF, maadaama ay guul weyn ka gaartay barnaamijka deyn cafinta. The post Biixi oo war cusub kasoo saaray dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  12. The UN’s children agency says it was able to send only some 44,000 bottles of drinking water to Gaza through the Rafah crossing. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) - At least six people, including four government soldiers, were killed, and nine others were wounded in a car bombing in Elasha Biyaha, approximately 15 km south of Mogadishu on Friday morning. Source: Hiiraan Online
  14. Waxaa marinka Rafax ee isku xira Masar iyo Gaza Sabtida maanta ah ka gudbay kolonyadii ugu horeysay ee sidda gargaar bini’aadantinimo ah oo loo diray marinka go’doonsan ee Gaza tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay halkaasi. Kolonyadii u horreysay ee gaadiidka sida gargaarka ayaa gudaha u galay dhanka koonfureen ee Gaza ,sida uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters sarkaal ka tirsan mas’uuliyiinta xadka Falastiin. Arrintan ayaa suurtogashay ka dib maalmo ay dhinacyadu isku maandhaafsanaayeen shuruudo diblumaasiyadeed oo ku aadan sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa. Dhinaca kale, Xamaas ayaa Jimcihii sii deysay laba qof oo ah Muwaadiniin Mareykanka oo ay kooxdu ku haysay Gaza tan iyo markii ay laba asbuuc ka hor weerartay gudaha Israa’iil. Labadan qof ee la sii daayay ayaa kala ah hooyo iyo gabadheeda. PUNTLAND POST The post Gargaarkii u horreeyay oo maanta la gaarsiiyay Marinka GAZA appeared first on Puntland Post.
  15. Guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaale ayaa shaaca ka qaaday iney si aad ah u sii kordhayaan dadka uu soo ridanaayo Cudurka HIV/AIDS-ka. Wuxuu sheegay guddoomiye Jimcaale in lixdii bilood ee la soo dhaafay laga helay xanuunka HIV/AIDS-ka dad gaaraya 11 kun oo qofood, taasi oo muujineysa inuu si aad ah ugu faafayo xanuunkaan gudaha Soomaaliya. “Tirada dadka cusub ee lixdii billood u dambeysay laga helay xanuunkan waxay gaaraysa 11,000 oo ruux, dallad ayaa u sameynay oo muddo ayay shaqeynaysay, Dadka ismuujiyay ee dallada ku mideysan waa kun iyo toddoba boqol iyo xoogga, waxaa ka badan inta aan ismuujin ee ka shiixaya ee bulshada dhexdeeda ku jira” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaale. Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiyaha in haatan Muqdisho ay ka wadaan wacyigelinta tababaro ku saabsan halista uu leeyahay Cudurkaan, islamarkaana ay dadaal badan ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada ee la xiriira xanuunkan. Guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ayaa sidoo kale sheegay in dadka qaba xanuunkaan ee is muujiyay ay ka tiro badan yihiin kuwa qaba Cudurkaan ee aanan is muujin ee hadana la nool xanuunkaan. “Waxaa daawooyinka si joogta ah u qaata 4,419 qof oo ah dadka ku mideysan dalada an sameynay, waxaana taasi muujineysa halista ah inuu sii faafayo xanuunkaan maadama ay badan kuwa aanan is muujin ee aan daawoyinka qaadan” ayuu yiri guddoomiye Axmed Maxamed Jimcaalle. Gabagabadii wuxuu codsaday guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka in madaxda sare ee dalka ay ku garab istaagaan guddigooda taageeero dhaqaale, si ay wax badan uga qabtaan khatarta Cudurkaan ee sida weyn ugu sii faafaya Soomaaliya Qaran News
  16. Jabuuti oo ka mid ah marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka. Alexis Maxamed, oo the taliyaha is the same madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalka Jabuuti uu yahay dal Madaxbaan oo aan su’aal la galin kari madaxbanaanida sharaftiisa dhuleed “Labadayada dal had iyo jeer waxaanu sii wadnaa xidhiid hka saaxiibtinimo ee naga dhexeeya,” Ayuu yidhi Alexis Maxamed, oo ah la taliyaha is the same madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Kumar Geelle. Laakiin sidoo kale waa inaad ogaataa in Jabuuti ay tahay dal madax banaan, sidaas darteed, midnimada dhulkeena maaha mid la is waydiin karo, maanta iyo berri toona. Sidoo kale dalalka Somaliland, Eritrea iyo Somalia ayaa iyaguna si adag gaashaanka ugu dhuftay damaca Raysal Wasaaraha Ethiopia ee ah inuu deked ka helo badda cas. Qaran News
  17. Xilli ay wali taagantahay hadal-haynta marxallada uu marayo hannaanka dayn cafiska dalka ee ay garwadeenka ka yihiin Hay’adaha Maaliyadda Caalamka (IFs) oo isugu jira Bangiga Aduunka (WB) iyo Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF) kaasi oo qorshuhu ahaa in Soomaaliya gebi ahaannba looga saamaxo qaan-lacageed gaaraysa illaa 5 bilyan oo doollarka Marakayka ah, ayaa waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dhawaajisay in la joogo wajigii ugu danbeeyay ee lagu soo afmeerayay barnaamijkaas muddada soo socday. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka tilmaamay in Dowladdu ay kalsooni weyn ku qabto in la gebagebeeyo hannaanka dayn cafiska dabayaaqada sannadkan, taasi oo uu sheegay in ay horseedi doonto in dalku uu u furmo maalgashiga shisheeye. “Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed ugu bushaareeyo in aan ku kalsoonnahay in deyn cafisku uu dhammaado bartamaha bisha Diseembar ee soo socota, shruudihii dhammaystirkooda nalooga baahnaana dhammaantood waan xaqiijinay” ayuu yiri Wasiirka oo hadalkiisa watay. Wasiirka ayaa dhowaan dalka Maroco kaga qeyb galay shirka sannadlaha ee Banguga Aduunka iyo Hay’adda Lacagta Aduunka, oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirrada Maaliyadda dalalka Afrika, iyada oo inta badan looga hadlayay hagaajinta hannaanka maaliyadda iyo kor u qaadidda dhaqaalaha dunida. Wafdigii ka socday Dowladda oo uu Wasiirku hoggaaminayay ayaa sidoo kale kulamo gaar-gaar ah la yeeshay madaxda Hay’adaha Maaliyadda Caalamka kuwaas oo ay kala hadleen horumarrada laga gaaray dib u habaynta dhaqaalaha iyo hannaanka maaraynta maaliyadda Dowladda. Shirka Wasiirka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan ay Hey’adda Lacagta Aduunku shaacisay in Soomaaliya ay soo gaartay heerkii ugu dambeeyay ee hannaanka dayn cafiska iyada oo natiijooyinka qiimayntii la sameeyay loo gudbin doono Guddiga Maamulka ee Hay’adda si loo dhammaystiro cafinta inta ka dhiman daymihii dalka horay loogu lahaa. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka qaraxaas uu ahaa magaalada Muqdisho, si loogu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in markii ay u suuragelisay in Al-Shabaab ay qaraxaas soo geliyaa caasimada ay ku qarxiyeen saldhig ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin halkaasi. “Saaka abaare 05:30 AM ayeey Khawaarijtu sidii caadada u aheyd gaari ay soo maduufikeeyeen oo ay biro iyo qaraxyo ku soo rareen oo ay la rabeen in ay Caasimada soo galiyaan, ayaa markii ay fursad u waayeen si nafti halignimo ah ay ugu qarxiyeen fadhigii Ciidanka Sugida iyo Xoojinta Amniga Caasimada” ayuu yiri afhayeenka ciidamada booliska. Sidoo kale wuxuu shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxaan, isaga oo tilmaamay inay ku dhintay 6 qof oo laba kamid ah ah ay yihiin shacab, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah, balse warkan ayaa duwan sheegaashadii Al-Shabaab. “Khasaaraha uu qaraxaasi reebay ayaa ah dhimashada 6 qofood (4 Ciidanka ah iyo 2 shacab ah) dhaawacyada ayaa ah 9 qofood (5 Ciidanka ah iyo 4 shacab ah)” ayuu ku daray. Waxaa kale oo uu yiri “Gaarigaan ayaa ahaa kii 5-aad oo ay Khawaarijtu qarax ku soo rarely oo Ciidamada Amaanku ka hortagaan inuu caasimada soo galo, sida mid lagu qabtay Deegaanka Daarusalaam, mid lagu qarxiyay Degmada Dayniile, Degmada Kaxda iyi Degmada Wartanabada iyo kan saaka ClDwwgaanka Ceelasha biyaha oo ahaa kii 5-aad”. Dhanka kale, goor sii horreysay kooxda Al-Shabaab oo sheegatay weerarkaan ayaa ayaa shaaca ka qaaday in qaraxaan ay ku bartimaameedsay xero ay daganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaan Boolis-Milataro ee ka howlgala Muqdisho iyo duleedkeeda. Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay inay goobta ku dishay ugu haraan illaa 49 askari, ayna dhaawacday tiro kale oo intaasi ka badan oo isugu jiro saraakiil iyo askar kale. Si kastaba, qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya caasimada iyo hareeraheeda, waxaana culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo inta badan lagu jebiyay dagaallada ka socda gobollada dalka. The post Daawo: Xog ku saabsan qaraxii Ceelasha Biyaha iyo halka uu ahaa bartilmaameedka appeared first on Caasimada Online.
  19. Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla duleedka Muqdisho. Ugu yaraan lix askari ayaa ku dhintay, toddoba kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxaas ismiidaaminta ah sida laga soo xigtay goob-joogayaal. Mas’uuliyiinta amniga iyo kuwa gobolka ayaa sheegay in baabuur miinaysan lagu qarxiyay xerada oo ku taalla Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sidoo kale xaqiiiyey tirada askarta dhintay iyo kuwa dhaawacmay. PUNTLAND POST The post Ugu yaraan lix askari oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  20. Roobab xoogan oo ka da’ay gudaha iyo daafaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sababay in guryahooda ay ka barakacaan qoysas farabadan oo daganaa Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-Taako, kadib markii Webiga Shabeelle uu ku fatahay. Waxaana sidoo kale jira cabsi laga qabo Xaafada Howlwadaag. Dadka degan Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-Taako, gaar ahaan laamaha Kutiimbo iyo Dhagax-Jibis ayaa saqdii dhaxe ee xalay mar qura kusoo toosay guryahooda a oo ay u dhex ceegagaan biyo aad u fara badan, kuwaas oo ka yimid Webiga oo biyo baaxad leh soo rogay, xilligaan oo la guda galay waqtiga xilli roobaadka Dayrta. Biyaha webiga ayaa dhex ceegaaga guryo badan oo ku yaala Magaalada Baledweyne, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay jiraan qoysas badan oo ku go’doodsan gudaha magaalada. Waxaa sidoo kale cabsi laga qabaa in roobabka iyo daadadka ay sii kordhi karaan, maadama roobabku ay bilow yihiin bishaan Oktoobar. Dadka deegaanka ayaa loogu baaqay inay ka fogaadaan meelaha u nugul fatahaada, taas oo qeyb ka aheyd digniinihii kasoo baxay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, ayna ku sheegtay in Soomaaliya ay ka di’i karto roobab dabeylo iyo daadad wata oo ay sababtay duufaanta El Niño. Maamulka Hirshabelle ayaan xal waara u helin fatahaada uu sameeyo Webiga Shabelle, waxaana marar badan magaalada Beledweyne saameyn badan ku yeeshay fatahaada Webigu Shabeelle oo keentay in dad badan magaalada ka barakacaan, sanadkiina ilaa laba jeer laga guuro qeybaha qaar ee magaalada. Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in daad xooggan ay ku soo rogmadeen xaafadaha qaar kadib roobab saacado badan ka da’ayay magaalada, waxaana kala xirmay xaafadaha qaar. Hay’adaha Caalamiga ah iyo qaarka mid Dawladaha Geeska ayaa ka digaya isbeddel cimileed ay khatartiisu baahi karto, oo ay ka mid tahay duufaanta El Niño. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo haatan ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku aaday dibadda ayaa war cusub kasoo saaray barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo haatan marayo dhamaad. Ugu horreyn wasiirka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay warbixintii u dambeysay ee laga soo saaray deyn cafinta Soomaaliya oo ay IMF si weyn ugu boggaadisay dowladda, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa. Sidoo kale wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay sugayaan kaliya in lagu dhawaaqo go’aanka, isaga oo sheegay inuu soo bixi doona bisha December ee sanadkan 2023-ka. “Waxaan rabnaa in deyn cafinta ay dhammaato bartamaha bisha December ee soo socota muddo bil iyo bar ah ayaa naga xigta” ayuu yiri wasiir Biixi Imaan Cige. Bixii ayaa hadalkiisaraaciyay “Dhammaan shuruudihii dhinaceeda waa soo dhammaadeen kaliya waxaan sugeynaa go’aanka oo aan fileyno inuu soo bixi doono”. Dhanka kale waxa uu tilmaamay in arrinay ay ku timid dadaalka ay dowladda ka sameysay dakhliga gudaha oo uu xusay in 25% horumar ballaaran laga sameeyay Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in la maareeyay canshuur dhaafka dalka oo markii hore dhibaato weyn ay ka jirtay, taasina ay keentay inuu sii horumaro dhaqaalaha dalka. Ugu dambeyn wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb-qaataan horumarka socda ay bixiyaan canshuuraha, si ay u helaan adeeg dadweyne oo muhiim ah. “Dadka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa, kuna bozgaadinayaa inay door ka qaataan dib u dhiska dhaqaalaha iyo bixinta canshuurka” ayuu kusoo gabagabeeyay wasiirku. The post Goorta lagu dhawaaqayo go’aanka deyn cafinta oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
  22. The military government in Niger says it has foiled an attempt by the deposed former President, Mohamed Bazoum, to escape from custody. Source: Hiiraan Online
  23. Hargiesa (HOL) - Two young celebrity men died, and two others sustained injuries on Saturday morning in a car accident on the Hargeisa highway in the Jigjigayar neighborhood. Source: Hiiraan Online