-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli xaalado kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taas oo u dhexeyso xubnaha mucaaradka ah iyo sidoo kale madaxweyne Deni. Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ku jiraan xubnaha musharixiinta ee la tartamaya Deni ayaa maanta shir ku yeesheen Garoowe oo ay kasoo saareen warsaxaafadeed waxa ay ku sheegeen in madaxweynaha uu abaabul dagaal ka wado gudaha magaalada Garoowe Xubanaha mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu damacsan yahay inuu awood ku maquuniyo cid kasta oo kasoo horjeedo qorshihiisa, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay dallada ay ku mideysan yihiin mucaaradka Puntland lagu sheegay in Deni uu ka shaqeynayo iska hor imaad ka dhaca caasimada, si ay mar kale colaad uga dhacdo caasimada Puntland ee magaalada Garoowe. Mucaaradka ayaa sidoo kale ka digay in ciidamada gaarka ah ee PMPF loo adeegsado caburinta shacabka iyo siyaasiinta kasoo horjeedo madaxweynaha, iyaga oo sheegay in loo diyaarinayo dagaallo mar kale dhaca si lamid ah kuwii ka dhacay Garoowe iyo Boosaaso. “Waxaan ka digaynaa in ciidanka PMPF ee dowladda Imaaraatku gacanta ku hayso loo adeegsado caburinta shacabka iyo awood maroorsiga. Waxaan aad uga xunnahay in ay ka qeyb qaateen dagaalladii Garowe iyo Bosaso, haddana loo diyaarinayo dagaal hor leh,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xubnaha mucaaradka maamulka Puntland. Farriimaha kasoo baxaya mucaarada iyo tallaabooyinka ay qaadeyso madaxtooyada ayaa uga sii daraya xaaladda cakiran ee Puntland, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada. Si kastaba, lama oga sida ay waxa noqon doonaan, maadaama labada garab ee is haya uu dhinac kasto ku adkeysanayo go’aankiisa iyo damaciisa siyaasadeed ee Puntland. The post Abaabul DAGAAL oo ka socda magaalada Garoowe iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaasidiiran loogu soo dhoweeyay magalada Xudur, waxaana safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab oo dhawaan ka bilaaban doona deegaannada ay go’doomiyeen ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed oo dhowaan lagu dhawaaqay. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda wehelisay ayaa kulammo la qaadanaya waxgarad, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada degmada Xudur, si ay u dhageystaan baahiyahooda iyo doorka kaga aaddan wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka, kaas oo la filayo in abaabulkiisa laga bilaabo deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kala go’doonsan . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hogaamina ma leh hoodona ma leh. Intuu xilka hayay Somaliland dhinac walba hoos u dhac baa ku yimi. ■ Siyaasaddi buu ku fashilmey ■ Dagaalkii buu ku fashilmey ■ Dhaqalahii buu ku fashilmey ■ Dadkii buu midnimadooddii kala diley ■ Kalsoonidii Dowladdnimaddu wiiqey ■ Hantidii danta guud buu xaraashey. ■ Xidhiidhkii caalamku soo oodey #Failure_Leadership Waxaan qabaa dalka sanadka u hadhey in dadku adkeysto nabad galyadoodda. Isna fartu ku yimi lagu dhaafiyo hogaaminta umadda. Markaa ka dib la isla doono dalka iyo dadka sidii loo xoojin lahaa qiyamkooda. Adduunka wey jiraan madax lagu khasaaro liiskaasu ku biirayaa. Taariikhdana sheegi doonta. Waxaadse mooda in sidan uu dhaqmey dadka dani ugu jirto marka la eego damacyadda quluubtiisa ka guuxaya ey kuwa agj-oogaa soo tebinayaan. Wasiiradiisu niyad ulama joogaan dhamaantood quus bey ka taagan yihiin. Waxba uma sheegi karaan. Waayo maaha nin u heysta inuu talo u baahan yahey. Waxa intaas u sii dheer wuu xulasho xun yahey, dadka inta ugu liidatu isku xeerey. Weyna ka baqaan intooda badani. Qaarna waxey eexey-sanayaan mushaharka iyo xafiisyadda madhan ey fadhiyaan. Markaa waxba yaan lagu mashquulin khaladaadku gale dalka sanadka ha loo istaago badbaadintiisa dhinac walba Hon-Envoy Abdirizak Diinaari diinaari1960@gmail.com Qaran News
-
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday Aqoonsiga Maamulka SSC-Khaatumo. War-saxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayay ku caddaysay Aqoonsiga Maamulka SSC-Khaatumo oo uu hoggaamiyo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye). Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday Maamullada Somaliland iyo SSC-Khaatumo in ay Khilaafkooda ku dhammeeyaan Wada-hadal islamarkaana is dhaafsadaan Maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalkii Laascaanood. “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Soomalilaan iyo Maamulka SSC-Khaatumo in ay sii daayaan maxaabiista ay kala hayaan labada dhinac, waxayna Xukuumadda Federaalku diyaar u tahay in ay fududayso hawlaha arrintaas ka xidhiidha” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka. “Xukuumadda Federaalku waxay markasta ku baaqaysaa gacanna ka gaysanaysaa dedaal kasta oo nabad iyo xasillooni ku soo dabbaalaya deegaankaas. Iyadoo wixii khilaaf ah na lagu dhammaynayo wadahadal iyo wada xaajood” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeedka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday hay’adaha dowladda, bulshada Soomaliyeed iyo beesha Caalamka in ay gargaar bani’aadnimo oo degdeg ah geeyaan deegannada SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u aqoonsatay Maamulka SSC-Khaatumo appeared first on Puntland Post.
-
Xudur (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa kasoo kicitimay magaalada Baydhaba oo uu xalay ku hoyday, kadib markii uu shalay gaaray magaaladaas oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xudur kusoo dhaweeyay madaxweyne Lafta Gareen, guddoomiye Aadan Madoobe, wasiiro iyo xildhibaano maanta gaaray halkaasi. Sidoo kale waxaa soo dhoweynta qayb ka ahaa saraakiila tirsan ciidamada Xoogga dalka, maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriir dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, maadaama la filayo in Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Madaxda ayaa la kulmi doonto saraakiisha ciidamada, maamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay kala hadli doonaan gulufka dagaalka Al-Shabaab Ammaanka ayaa sidoo kale aad oo loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah oo isugu jiro Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed la dhigay magaalada, si ay u sugaan amniga madaxda iyo wufuuda kala duwan ee ku sugan halkaasi. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Koonfur Galbeed ay ka taagan yihiin xaalado siyaasadeed oo ka dhashay muranka doorashooyinka guud ee maamulkaasi. Xubnaha mucaaradka ee fadhigooda yahay Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay abaabulayay shirar ka dhan ah maamulka talada haya oo ay ku eedeeyeen inuu ka gaabiyay diyaar garowga doorashada iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. The post Xasan Sheekh, Laftagareen iyo Aadan Madoobe oo gaaray Xudur + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern. Waxayna ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, waxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda, sida xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Al-shabaab. Dhankiisa, Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isaga ballanqaaday inuu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, kaas oo hordhac u ah madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku wajahan Xudur. Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Bakool, kan Degmada Xudur, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada ayaa wafdiga Madaxweyne Laftagareen Hogaaminayey kusoo dhoweyey Degmada Xudur ee Gobolka Bakool uu safar ku gaaray. Socdaalka Madaxweyne Laftagareen ee Magaalada Xudur ayaa ah Dardar-Gelinta Wajiga 2-aad ee Dagaalka Dalka looga Saarayo Alshabaab deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana uu kusoo aadayaa xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku sugan yahay Koonfur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern. Waxayna ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, waxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda, sida xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah. Dhankiisa, Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isaga ballanqaaday inuu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas. The post Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Safiirka cusub ee Sweden u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoontay maamulka KMG ah ee SSC-KHHAATUMO oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Wasiirka arrimaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo uu hareero taagan yahay hoggaamiyaha KMG ah ee SSC ayaa ku dhowaaqay go’aanka kasoo baxay dowladda. Shir jaraa’id oo ay wada qabteen labada mas’uul ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Febraayo, kaas oo sheegayay in aysan ka tirsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dowladda Federaalka. “XFS waxa ay mar labaad taageereysaa go’aannadii isimada dhaqanka ay shirweynahoodii Laacaanood kasoo saareen lixdii bishii Febraayo ee sanadkan 2023, ayadoona soo dhaweyneyso, isla-markaana la shaqeyneyso maamulka KMG ah ee ay dadka deegaankaas dhisteen” ayuu warsaxaafadeedka ku yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaq u diresyo labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisadda, kadibna loo sameeyo xabad joojin rasmi ah. “DFS waxay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ugu baaqeysaa xabad joojin iyo inay sii daayaan maxaabiista ay kala hayaan” ayuu mar kale yiri wasiir Fiqi. Mawqifka dawladda Federaalka ayaa ah aqoonsiga maamulka KMG ah, taas oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland. Si kastaba, go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ah mid aad farxgelineyn Somaliland, waxaana in go’aankan uu sii kala fogeyn karaa labad dhinac oo uu wada-hadal usoo socday muddo aad u dheer, inkastoo sanadihii dambe ay hakad geleen. The post Daawo: DF Soomaaliya oo aqoonsatay SSC-Khaatumo appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo shalay booqasho gaaban ku tagay Israel ayaa kahor in aanu Tel Aviv ka dhoofin shir jaraa’iid oo uu qabtay ku sheegay waxay ka wadahadleen xukuumada Israa’iil. Biden oo markii hore taageero xoogleh u muujiyey ayaa u muuqday inay saameyn ku yeelatay dhawaaqa caalamka ka imaanaya iyo diidmada madaxdii Carabta oo joojiyey kulankii ay la yeelan lahaayeen, ayaa sheegay inuu dhanka Israa’iil ka codsaday in gargaarka loo fasaxo dadka ku dhibaateysan marinka Gaza. Israa’iil waxay ogolaatay in gargaarka deg deg ah la gaarsiiyo Gaza, balse waxay sharuud uga dhigeen in baaritaan la marsiiyo gargaarka halkaasi la geenayo iyo in ayna kooxda Xamaas gargaarkaasi la wareegin, ayuu yidhi Joe Biden. Wuxuu kaloo sheegay in Mareykanka uu lacag gaadheysa 100 milyan oo dollar ugu deeqayo dadka ku dhibaateysan Gaza iyo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin. Waxaa xusid muddan in Mareykanka uu illaa iyo hada diidan yahay inuu Israel ugu baaqayo xabad-joojin, isla markaana diiday markii 2aad Qaraarkii Golaha Amaanka ee lagu codsan lahaa xabad-joojin bini’aadamnimo. Mareykanka ayaa diiday Qaraarkii uu soo diyaariyey Ruushka isniintii, waxaana Mareykanka diidmadaas ku taageeray xulafadiisa UK, France iyo Japan. Waxayna ku doodeen in qaraarkan aan lagu cambaareyn Xamaas. Arbacaddii shalay qaraar labaad oo ay soo diyaarisay Brazil oo lagu codsanayey xabad joojin ayuu Mareykanka kaligiis ku diiday codka (Veto). Isagoo ku dooday in qaraarkan aan lagu xusin in Israa’iil ay xaq u leedahay inay is-difaacdo. Israa’iil ayaa hore biyaha, korontada iyo cuntada la geyn jiray ka jartay Gaza, ciidamada Yahuuda ayaa maamula 7da wado ee laga galo Gaza oo ah deegaan go’adoon ku jiray tan iyo 2006. Ma cada in maanta oo Khamiis ah la furi doono xaduuda Gaza iyo Masar ama in ay wakhti dheer qaadan doonto. cisbitaalada Gaza ayaa waxaa gebi ahaan ka go’ay daawadii iyo waliba shidaalkii ay ku shidan jireen mishiinada taasi oo saameyn ku yeelaneysa hawlaha qaliinka iyo waliba daryeelka dhaawacyada culus ee ku xidhan mashiinada. Todobaadkii lasoo dhaafay ayey dhanka xaduuda Masar la wadaagto Gaza ku xanib naayeen gaadiid badan oo gargaar u sida Gaza, deeqdaasi oo ka timid dalalka Islaamka iyo Carabta. Tukaanada Gaza ayaa waxaa sidoo kale ka go’ay biyihii iyo cuntadii, iyadoo Gaza dhammaan raashinka iyo cabitaanka looga keeno dibada. Duqeynta Israa’iil ku wado Gaza oo weli socda ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 3.500 qof oo 70% ay yihiin caruur, haween iyo dad waayeel ah. Source
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi wasiiro iyo xildhibaano uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow soo gaaray magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur ku soo dhoweeyay wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada qeybaheeda kale duwan. Waxaa sidoo kale soo dhoweynta qeyb ka ahaa maamulka gobolka Bokool iyo kan degamadda. Safarka Guddoomiyaha ayaa ujeedkiisu yahay sidii Koonfur Galbeed loogu bilaabi lahaa dagaalka dalka looga Al-shabaab, xilli madaxweynaha la filayo inuu soo gaaro. Safarka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda shalay galinkii dambe uu gaaray magaalada Baydhabo, isaga oo kulan uu la qaatay madaxda iyo duubabka dhaqanka kala hadlay dardargelinta dagaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe: 19 October 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee 19-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Xasan Yuusuf Majabe loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. -DHAMMAAD- The post Xasan Majabe oo loo magacaabay Wasiir ku xigeenka cusub ee Arrimaha gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga qeybgalay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco shirka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Bangiga Adduunka iyo Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika. Wasiirka Maaliyadda ayaa hadal ka jeediyay Shirkaan Agaasimaha Guud ee IMF,Bangiga Adduunkaiyo Wasiirada Maaliyadda dalalka ay saameeyeen Colaadaha iyo Dhaqaalo yarida, shirkaas oo qeyb ka ah kulanka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa hadal jeedintiisaa diirada ku saaray sida Bangiga Adduunka iyo IMF ay uga falcelikaraan taageerada ay u baahan yihiin dalalka uu dhaqaalohoodu saameeyay Colaadaha iyo Masiibooyinka dabiiciga ah oo Soomaaliya ay ka mid tahay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo xal ku jaan go’an sinaan marka ay jiraan xaaladaha gaarka ah, waxa uu intaa ku daray in ay haboontahay in la tixgaliyo talooyinka iyo waxa uu dal walbo u arko in xalkiisa uu ku jiro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali oo Socdaal ku jooga Dalka Shiinaha ayaa booqday dekedda Weyn ee Yangshan Port ee ku taalla magaalada Shanghai. Itoobiya iyo China ayaa ka wada tirsan ururka BRICS oo ah urur ay ku midoobeen qaar kamid ah dalalka ugu awooddda weyn dhinaca dhaqaalaha iyo Millatariga dunida. Source
-
Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Caddaaladda Puntland Mudane Dr Maxamed Cali Faarax ayaa maanta iska casilay xilkaas. Dr Maxamed Cali Faarax oo qoraalkiisa ku baahiyey barta Facebook ayaa sheegay in sidoo kale uu iska casiley xubinimadii ururka siyaasadeedka Kaah. “Waxaan go’aansaday inaan iska casilo jagada Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo sidoo kale xubinnimadii iyo masuuliyaddii Xisbiga Kaah aan u hayay” ayuu ku yiri qoraalkiisa. Wasiir ku xigeenka ayaa ka mid ahaa saaxiibada ku dhaw Madaxweyne Deni shantii sanno ee la soo dhaafey sidoo kale waxa uu xubin muhim ah ka ahaa Xisbiga Kaah. PUNTLAND POST The post Wasiir ku xigeenkii Caddaalada Puntland oo maanta is casilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay ku jiraan Madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal hore ayaa bayaan ay soo saareen waxay si adag uga horyimaadeen hadal dhawaan uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiska golaha wadatashiga qaran, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya. Madaxweynaha ayaa markaas ka digay in la diido wax aan loo heyn sabab ama xal kale, wuxuuna yiri “Wax waa diidi kartaa, laakiin soo barbar dhig mowqifkaaga iyo waxa aad dooneyso, haddalaba xisbi in la qaato ayaan go’aansanay hadaa diidan tahay qorshahaas noo sheeg sida aad rabto oo nagu qanci xalka ku jira.” Mucaaradka oo daba socda hadalka Madaxweynaha ayaa bayaanka ay soo saareen waxay nasiib darro ku tilmaameen in madaxweynaha uu isku dayo sidii uu go’aan kalligiis ah uga gaari lahaa masiirka dalka. “Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tallaabsado siyaasad kala qaybinaysa dadka Soomaaliyeed xilli loo baahan yahay in dalka lagu mideeyo la-dagaallanka argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaankan. Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxay shacabka ku wargeliyeen in aan marnaba la aqbali doonin in dalka lagu hoggaamiyo tallo ana loo dhameyn una horseedaysa dalka iyo dadka Soomaaliyeed qalalaase iyo kala qoqobnaan. “Haylka dowladnimada ee hadda inoo dhisan waa heshiis ay galeen dadka Soomaaliyeed wax ka beddelkiisana ay muhiim tahay in laga qeyb galo dhamaan bulshada Soomaaliyeed loona maro dariiq Dastuuri ah,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka. Sidoo kale waxay ka digeen in khatar la gelin nidaamka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed lagana foojignaado waxkasta oo shaki gelin kara awood qeybsiga, dalkana u horseedi kara dib u dhac. “Madaxweynaha ma lahan awood dastuuri ah oo uu go’aan uga gaari karo inta xisbi ee uu dalku yeelanayo ama nooca dowladeed ee dalku qaadanayo ee waa in lagu saleeyaa tallo loo dhan yahay oo la isla ogol yahay, waafaqsana shuruucda dalka u degsan.” Madaxweynaha ayay ugu baaqeen in uu joojiyo fara-gelinta joogtada ah ee uu ku hayo hay’adaha sharci dejinta dalka una madax baneeyo howsha loo igmaday, iyaga oo ku booriyayna Baarlamaanka in ay gutaan masuuliyadii loo igmaday, islamarkaana ay dhowraan Dastuurka iyo shuruucada dalka. Bayaanka Mucaaradka ayaa ugu dambeyntiina waxaa beesha caalamka loogu baaqay in ay isha ku hayso xaaladda murugsan ee uu dalku ku sugan yahay. Waxaa si wadajir ah u soo saaray bayaankan; Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, Cabdiweli Sheekh, Xasan Cali Kheyre, Ridwaan Xirsi Maxamed, Dr Cabdinuur Sheekh, Hon. Cabdulqaadir Cosoble iyo Dr Cabdinaasir Cabdulle. The post Madaxdii hore oo digniin culus soo saaray kadib markii Xasan Sheekh uu… appeared first on Caasimada Online.
-
Raysal wasaaraha dalka Ingiriiska Rishi Sunak ayaa goordhowayd gaadhay Israa’iil. Waxaana lagu wadaa inuu la kulmo dhiggiisa Israa’iil. Wuxuu sheegay Rishi Sunak in dalkiisa door ka qaadan doono dedaallada ku baaqaya in la joojiyo sii hurinta colaadda. Dhinaca kalena, Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay burburiyeen maalmihii la soo dhaafay “boqolaal goobood oo ay leeyihiin Xamaas. Qoraal la soo dhigay barta X, ee ciidamada Difaaca Israa’iil oo hore loo odhon jiray Twitter, ayaa lagu sheegay in milatariga Israa’iil ay “sii wadayaan mar walba weerarada Marinka Qasa”. Warka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale ciidamada Israa’iil ay burburiyeen ”goobaha gantaalaha lidka ku ah taangiyada, iyo xaruumo kale oo kooxda Xamaas muhiim u ahaa”. Warka milatariga ka soo baxay ayaa lagu yidhi”in ka badan toban argagixisada ka tirsan ayaan sidoo kale ka takhalusnay”. Source
-
Wiil Soomaali ah ayaa shidaal isku shubay kadibna dab isku qabadsiisay magaalada Larnaca ee dalka Cyprus kadib markii sida la sheegay loo diiday sharciga degenaanshaha dalkaas. Wiilkan 23 jirka ah, magaciisana aan la sheegin, ayaa la sheegay inuu dhacdadan ku sameeyey dibedda Xafiiska Socdaalka iyo Ajaaniibta ee magaalada Larnaca, taasi oo dhalisay in qeybo ka mid ah jidhkiisa uu gubto. Saraakiisha booliska ayaa si deg deg ah usoo faro-geliyey arrintan islamarkaana damiyey dabka. Wiilka ayaa loo qaaday cisbitaalka, waxaana la sheegay inuu si aad ah u gubtay, oo xaaladdiisa ay darran tahay. Wararka ayaa sheegay inuu ka cabanayey go’aan loogu tarxiili lahaa Soomaaliya, kadib markii codsigiisa magan-galyo doon lagu gacan saydhay. Warbixinada ayaa intaas ku daraya in 23 jirkan uu codsiga magan-galyo doon gudbisaday 2021. Waxaa sidoo kale la sheegay in muddo aan la cayimin kahor uu codsaday inuu si iskiis ah ugu laabto dalkiisa. Si kastaba Arbacadii, ninkan ayaa tagay xafiiska socdaalka, wuxuuna muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii joogo ka hor inta aanu isku shubin shidaal uu ku sitay quraarad, kadibna uu is-gubin. Dhallinyaro badan oo Soomaali ayaa marar badan ku kacay falal naftooda ama kuwa dadka kale halis geliyey kadib markii ay sharciyo deganaansho ka waayeen qaar ka mid ah dalalka Yurub, ayadoo qaarkood ay is-dileen. Source
-
Madaxwaynaha Maraykanka Joe biden oo booqasho ku tagay Israel ayaa sheegay in sahayda gargaar la gaarsiin doono marinka GAZA halkaas oo duqeyn arxan darro ah ay ka gaysanayaan ciidanka Israel. Ka hor inta uusan ka dhoofin Biden Israel ayuu sheegay in wada hadal ka dib ay isku afgarteen in sahayda la gaarsiiyo Gaza hase ahaatee sharuudu ay tahay in baaritaan la marsiiyo. Madaxwaynaha Mareykanka Biden oo markii hore taageero xoogleh u muujiyey Israel ayaa u muuqda inay saameyn ku yeelatay dhawaaqa caalamka ka imaanaya iyo diidmada madaxdii Carabta oo joojiyey kulankii ay la yeelan lahaayeen. ‘’Israel waxay ogolaatay in gargaarka deg deg ah la gaarsiiyo Gaza, balse waxay sharuud uga dhigeen in baaritaan la marsiiyo gargaarka halkaasi la geenayo ‘’ ayuu yiri Joe Biden. Duqeynta Israel ku wado Gaza oo weli socda ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 3.500 qof oo 70% ay yihiin caruur, haween iyo dad waayeel ah. Xamaas ayaa ku eedaysay Madaxwayne Biden inuu si indho la’aan ah ugu eexday Israa’iil, waxayna sheegtay in Washington ay qayb ka tahay waxa ay ugu yeertay xasuuqa. Dhacdadan ayaa keentay carrada sii kordhaysa ee Shucuubta gobolka, waxaana la baajiyay shir madaxeedkii la qorsheeyay ee Mr Biden iyo madaxda Carabta. Source: goobjoog.com
-
Larnaca (Caasimada Online) – Wiil Soomaali ah ayaa shidaal isku shubay kadibna dab isku qabadsiisay magaalada Larnaca ee dalka Cyprus kadib markii sida la sheegay loo diiday sharciga degenaanshaha dalkaas. Wiilkan 23 jirka ah, magaciisana aan la sheegay, ayaa la sheegay inuu dhacdadan ku sameeyey dibedda Xafiiska Socdaalka iyo Ajaaniibta ee magaalada Larnaca, taasi oo dhalisay in qeybo ka mid ah jirkiisa uu gubto. Saraakiisha booliska ayaa si deg deg ah usoo faro-geliyey arrintan islamarkaana damiyey dabka. Wiilka ayaa loo qaaday isbitaalka, waxaana la sheegay inuu si aad ah u gubtay, oo xaaladdiisa ay darran tahay. Wararka ayaa sheegay inuu ka cabanayey go’aan loogu tarxiili lahaa Soomaaliya, kadib markii codsigiisa magan-galyo doon lagu gacan sayray. Warbixinada ayaa intaas ku daraya in 24 jirkan uu codsiga magan-galyo doon gudbisaday 2021. Waxaa sidoo kale la sheegay in muddo aan la cayimin kahor uu codsaday inuu si iskiis ah ugu laabto dalkiisa. Si kastaba Arbacadii, ninkan ayaa aaday xafiiska socdaalka, wuxuuna muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii joogo ka hor inta uusan isku shubin shidaal uu ku watay oo dhalo, kadibna uu is-gubin. Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa marar badan ku kacay falal naftooda ama kuwa dadka kale halis geliyey kadib markii ay sharciyo deganaansho ka waayeen qaar ka mid ah dalalka Yurub, ayadoo qaarkood ay is-dileen. The post Wiil SOOMAALI ah oo isku gubay Qubrus kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya gaar ahaan howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee uu hormuudka ka yahay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Inta uu socdo shirka waxaa lagu soo hadal qaadi doonaa arrimaha siyaasada ee taagan ,waxaana intaas badan xoogga lagu saari doona amniga dalka iyo ciribtirka kooxda Al- Shabaab. Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing iyo ergeyga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS ayaa Golaha ammaanka khudbad ka jeedin doona. Labada mas’uul ayaa warbixinadooda uga hadli doono xaaladda Soomaaliya, si ay golaha ula wadaagaan arrimihii ugu dambeeyay ee soo kordhay iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab. Mohamed El-Amine Souef ayaa lagu wadaa inuu golaha la wadaago dalabka dowladda Soomaaliya ee ku aadan in muddo 90 cisho ah la hakiyo dhimista 3,000 oo askari oo ka tirsan ciidanka ATMIS, codsigaas oo ay dowladda u gudbisay golaha. Arintan ayaa ku soo aadaysa xilli dalka uu ka socda dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab kaas oo ujeedkiisu uu yahay in lagu ciribtiro kooxda. Source: goobjoog.com
-
Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si kulul u dhaleeceeyay quwadaha reer galbeedka oo uu sheegay inay dabka ku sii shidayaan colaada ka jirta Qaza Ergodan ayaa bartiisa X ee hore loo odhan jirey Twitter ku sheegay in , iyadoo Israa’iil ay xasuuq ka geysatay Qaza duqeymo xagga cirka ah iyo go’doomin bini’aadantinimada ka baxsan lagu hayo falastiiniyiinta,in dadaallada lagu doonayo in lagu dejiyo ay carqaladeynayaan taageerada ay siinayaan dalalka reer galbeedka ah maamulka Tel Aviv. “Shalay xasuuqii ka dhacay Gaza waxaa loo yeelay weji kale, waxaan cambaareynayaa weerarkan oo ka dhigan dambi ka dhan ah bini’aadantinimada, isla markaana ah xasuuq ka dhan ah shacabka Gaza” ayuu yidhi Erdogan. “Hogaamiyeyaasha dabka ku sii hurinaya hadaladooda tan iyo 7-dii Oktoobar waxay mas’uul ka yihiin xasuuqii shalay ee qalbi-jabka ahaa si la mid ah kuwii fuliyay,” ayuu yidhi Erdoğan, isaga oo tixraacaya hoggaamiyeyaasha reer galbeedka iyo taageeradooda shuruud la’aanta ah ee Israa’iil. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Turkiga iyo dalalka kale ee dadaalkooda ku aadan xasilinta ay carqaladeynayaan tillaabooyin ay ka mid yihiin in diyaarado xambaara loo diro gobolka, jarista gargaarka, iyo ciqaab ballaaran oo dadka lagu hayo. “Turkiye waxay sii wadi doontaa inay ka shaqeyso sidii loo samayn lahaa xabbad joojin bini’aadantinimo iyo xasillooni waarta,” ayuu yidhi. Dhinaca Kale, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay ka gaabiyeen inay soo saaraan qaraar ku saabsan joojinta colaada Qaza bini’aadantinimada ee dagaalka Gaza. Mareykanka ayaa diidey qaraar qabyo ah oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo ku baaqayey in la hakiyo dagaalka si dadka ku go’odoonsan Gaza si bini’aadantinimo ah loo gargaaro. “Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo noqday mid aad u liita, haddana ma gudan mas’uuliyadda saaran. Waddamada reer galbeedka – kuwaas oo aan waxba ka tagin marka ay timaaddo xuquuqaha iyo xorriyaadka bani’aadamka – wax tallaabo ah oo ay qaadeen ma jirto oo aan ahayn in ay dabka ku sii shideen.” Qaraarkan qabyada ah ee kooban, oo uu soo jeediyay wadanka Brazil, ayaa ku baaqayay dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah oo ay ilaaliyaan nolosha rayidka ah. Ugu yaraan 3,478 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay marinka Gaza tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil 7-dii October, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda caafimaadka Ashraf al-Qudra. 12,065 kale oo Falastiiniyiin ah ayaa la dhaawacay, iyadoo boqolkiiba 70 dhibanayaasha ay yihiin haween, carruur, iyo dad da’ ah, ayay wasaaraddu sheegtay. Ugu yaraan 1,300 oo kale ayaa sidoo kale lagu la’yahay burburka hoostiisa, oo ay ku jiraan 600 oo carruur ah. Source
