Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Axmed Muumin Seed oo ka Dayriyay Dhaqdhaqaaqyo Guracan oo Xukuumaddu ka wado Wajaale Hargeysa(Qaran news)-Siyaasiga Axmed Muumin Seed ayaa ka dayriyay dhaqdhaqaaqyo guracan oo xukuumaddu ka wado magaalada Wajaale oo ay horumarka kagala dagaalayso muwaadiniin qaar kalena xuquuq dheeraad ah ku siinayso. Sudaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u qornaa sidan:- “Walee Wajaale Waxa Ka Soo Socdiyo Wabiga Yaa Weyn Wajaale warka ka soo yeedhayaa ma wanaagsana, damiirka uma wanaagsana, dawladnimada uma wanaagsana, dadnimada uma wanaagsana, damaceena dal-madaxbanaan ahna uma wanaagsana. Wajaale xukuumadu waxa ay ka wadaa qorshe ay ku weecinayso jidkii laamiga ahaa ee Barbara corridor ee hore Survey-ga loogu sameeyay, kaas oo lagu waday in uu maro Waqooyiga magaalada, isaga oo markaas 4km oo kaliya ku gaadhi lahaa badhtama Wajaale & Xuduuda Ethiopia, waxana ay xukuumadu geed dheer u fuushan tahay sidii ay jidkaas ugu leexin lahayd dhinaca Koonfureed ee Wajaale, taas oo markaa jidka ka dhigaysa mid masaafo dhan 10km oo jihada Koonfureed ah ku gaadhaya Wajaale iyo xuduuda Ethiopia. Waa habdhaqan ku dhisan talo guracan, waa kala-godobsasho iyo xad-gudub badheedh ah in ay xukuumadu is hortaagto wado 4km ah oo dhex-maraysay beeraha iyo dhulka dad muwaadiniin ah, iskuna qaawiso sidii ay jidkaas uga leexin lahayd majarahiisa iyada oo u leexinaysa dhinaca beero kale oo ay leeyihiin muwaadiniin kale oo ay xukuumadu isku qancisay in ay dadka kale ka xaq iyo xuquuq badan yihiin. Dabcan, qorshahaas waa mid aan laga fiirsan, waa mid god-dheer ku ridaysa kalsoonidii lagu qabay in beelaha ku somaliland wax wada yeelan karaan. Waa mid mugdi iyo kala aamin bax u horseedaya bulshada, soona cimri-dadajinaya himiladeena ah helitaanka dal la wada leeyahay, loona siman yahay qaybsiga khayraadkiisa. Xaalka sidaas ah waxa uu waajibinaya in masiirkeena wax wada lahaasho la iska waydiiyo su’aasha ah “side ayaa dawladnimo & khayraad loola wadaagi karnaa dadka iyo xukuumada is huwan ee 4km oo jid ah u quudhi la’ dad ay wax isku darsadeen? Si kastaba ha ahaatee, waxa aan shacabka reer Somaliland ugu baaqaya in ay amniga ilaashadaan, sidoo kalena waxa aan xukuumada ugu baaqayaa in qorshahaas shaydaan ay faraha kala baxdo, jidkaasna u dayso tubtii hore loogu sahmiyay, kana shaqayso danta guud iyo maslaxada dadka degaanka Wajaale ee ay kala godobsanayso. Eebe Ha Idin Waafajiyo Talada Wanaagsan.” Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka Beelaha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf oo si adag uga hadlay dagaal beeleedka ka socda qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe ayaa farriin culus u diray Madaxweyne Xasan Sheekh. Ugu horeyn Imaamka ayaa xaraam ku tilmaamay dagaal beeleedka ka socda gudaha Abgaal, “In maanta ay is dileyso laftii uu Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ka dhashay ee Harti-Abgaal xaaraam waaye, weliba isagoo deegaankii jooga,” ayuu yiri Imaam Maxamed. Wuxuu sheegay in wax kasta ay sameeyeen hadii ay yihiin dhaqanka guud ee Mudullood, balse ay ku guul-dareysteen inay xaliyaan colaada ka dhex taagan beesha Harti-Abgaal oo aad isku leyneysa maalmahaan. Imaam Maxamed Yuusuf ayaa u qeylo dhaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo kula taliyey in tolkiis uu kala dhiciyo oo colaadooda uu xal u raadiyo, maadaama dhaqankii beesha uu xali waayey colaadooda. “Madaxweyne Xasanow soo jeeso, nin tolkiisa ka tagay oo soo tanaada la waaye, culimada, xildhibaanada iyo dhaqanka beesha lama tashatid, cidda odageeda ayaan ahaye maanta waxaan kugula talinayaa tolkaa u soo noqo, kaligiis duul ha noqone,” ayuu yiri Imaam Maxamed oo farriin u diray Madaxweynaha. Imaamka ayaa hadalkaan ka sheegay kulan sanadle ah oo duco ah oo beesha Moobileen ay maanta ku qabatay magaalada Muqdisho. “Abgaal maanta dadkii oo dhan ayaa la yaaban iyaga ayaa is dilayna, dalkiina waxaa ka socda dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,” ayuu yiri. Imaam Maxamed Yuusuf wuxuu intaas ku sii daray in qof kasta uu leeyahay ‘Abgaal ayaa dalka ka taliya, hadana isagii ayaa is dilaya’ wuxuu sheegay in taas aan loo dul qaada karin, dhinacyada dagaalamaya ayuu ugu baaqay inay joogiyaan dhiiga daadanaya. Sidoo kale Imaamka ayaa Sheekh Shariif uga mahad celiyey dadaalka uu sameeyey, isagoo ka codsaday inuu sii joogo deegaanka ilaa inta xal looga helayo colaada beeshiisa u dhaxeysa. “Waxaan soo jeedinaya in Sheekh Cali Dheere iyo culimo kale oo diinta islaamka dadkaas ku kala xugmisa deegaanka la geeyo, cidii shareecada islaamka diidana dowladdu gacan adag ku qabato, hadii kale dagaalkaan waa sii soconayaa,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf. Hoos ka daawo The post Imaamka Mudulood oo farriin adag u diray Xasan Sheekh “Xasanow tolka ku soo laabo” appeared first on Caasimada Online.
  3. Baydhaba (Caasimada Online) – Taliska Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhaba kusoo bandhigay 14 xubnood oo ka mid ahaa khawaarijta Al-Shabaab. Kooxdaan ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen ciidanka, isla markaana uu ku socdo baaritaan ku saabsan waxa ay damacsan yihiin iyo in go’aanka soo goosashada uu dhab ka yahay. Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta u sheegay in kooxdaan ay ka tirsaneed qeybta ay Shabaab ugu yeeraan jabhadaha, kuwaas oo ah guutooyinka fuliya weerarada toos ka ah ee lagu qaado xeryaha ciidamada dowladda iuo kuwa ATMIS. Raggaan oo maanta lagu soo bandhigay Baydhaba ayaa la weysiiyey sababta ku kaliftay inay halmar ka soo wada goostaan Al-Shabaab, waxayna sababta ku sheegeen inay soo wajahday cabsidii ugu badneed, nolol adag iyo cadaadis aad u badan oo kaga imaanayey hoggaamiyeyaasha kooxda. Dhinaca kale, Ismaaciil Aadan Maxamed oo dhanka uruurinta canshuurta u qaabilsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta iska dhiibtay magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug. Ninkaan ayaa la sheegay in kooxda uu masuul kaga ahaa canahuuraha deegaanka Bacaadweyne oo dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab, isagoo horay u sii raacay kooxda markii laga saaray deegaanka. Maanta ayaa cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo baacsanayey kooxda Al-Shabaab waxay Ismaaciil ku qabteen deegaan lagu magacaabo Qoriley oo u dhow mahaalada Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug. Saraakiisha ciidanka xooga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka oo iska kaashaday howlgalka lagu soo qabtay ninkaan ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay ciidamada, isla markaana uu u sheegay in markii la qabtay uu ku jiray socodkii uu isku soo dhiibi lahaa. The post Sawirro: Shabaab-kii ugu badnaa oo maanta isku dhiibay ciidamada DF appeared first on Caasimada Online.
  4. Dhusamareb (HOL) - Security forces intercepted a vehicle transporting military supplies, fuel, and food destined for al-Shabab militants during a planned operation in Dawacoley village, situated between Hindhere and Gadon towns in the Galgaduud region on Friday. Source: Hiiraan Online
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka degay magaalada Dhuusamareeb, kadib in ka badan toddobaad oo howlo shaqo uu uga maqnaa caasimadda Galmudug oo saldhig u aheyd labadii bilood ee lasoo dhaafay. Madaxweynaha ayaa ka soo duulay Baydhaba oo xalay uu ku hoyday, safarka uu galabta ku tegay Dhuusamareeb wuxuu ka baaqday shalay galab isagoo jooga Xudur, sababo la xiriira cimilada, maadaama roob xoog leh uu ka da’ayey Dhuusamareeb, wuxuuna xalay u hoyaaday Baydhaba. Xasan Sheekh ayaa maalmihii uu soo moogaa Dhuusamareeb wuxuu isku maray Muqdisho, Baydhaba, Xudur iyo dalka Eritrea, intaas wuxuu ka shaqeynayey arriimaha dagaalka Al-Shabaab. Safarkiisii Eritrea, wuxuu fure u noqday soo daad-gureynta ciidankii ugu badnaa oo tababar sare ku soo qaatay dalkaas, wuxuuna Xasan Sheekh maalmo gudahood ciidankii uu ugu soo khudbeeyey Asmara, mar kale ugu khudbeeyey Muqdisho. Madaxweynaha ayaa muhiimadda koowaad ee shaqadiisa ka dhigay dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna tagaa goob kasta oo door kaga furan yahay dagaalka, sidoo kale wuxuu go’aansaday inuu kaashado koox ama qof kasta oo wax ka gala dagaalka Al-Shabaab. Xasan Sheekh ayaa shalay Xudur kaga dhawaaqay dagaalka kooxda, isagoo warbaahinta u sheegay inuu Koonfur Galbeed ugu tegay dad aad u abaabulan oo u baahan in lagu hoggaamiyo dagaalka Al-Shabaab. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Xudur ka sheegay inuu ku laaba doono Dhuusamareeb, isla markaana maalmo kooban gudahood ay kooxda ku soo dhaafi doonaan galbeedka Hiiraan, si loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka oo lagu xorey doono K/Galbeed iyo Jubbaland. Sidoo kale xog ay Caasimada Online ka heleyso safarada qorsheysan ee Madaxweynaha waxay sheegeysaa in seddax maalmood kadib uu Yurub u safri doono, isla markaana uu toos mar kale ugu laaba doono Dhuusamareeb. Saldhigga hoggaaminta dagaalka Gobollada Dhexe ayuu Maxaxweyne Xasan Sheekh ka dhigtay Dhuusamareeb, dagaalka ugu adag ayaa kooxda uga furan Galmudug, koonfurta gobolka Mudug ayay ka gadaalamayaan maalmahaan, waxaana dowladda u qorsheysan in muddo kooban ay ku soo afjarto Shabaab-ka weli ka dagaalamaya Galmudug. The post Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb iyo qorshe culus oo socda appeared first on Caasimada Online.
  6. The scourge of military take over in October 1969 was not a bolt from the blue; the threat had been a Sword of Damocles hanging on the head of the civilian administrations at every moment since the Somali Republic was created in 1960. It was an open secret that the military had always a plan to undermine the democratic institutions the execution of which was dependent on the right time, and that time came in October 1969. Source: Hiiraan Online
  7. Addis Ababa – Government employees in the East Badawacho district of the Hadiya Zone have been on a work stoppage since last week due to unpaid salaries for the past three months. This strike has resulted in the closure of local hospitals, public schools, and government offices. A school teacher from Shone town in the East Badawacho district disclosed to Addis Standard that he hasn’t received his salary since June 2023, highlighting the long-standing issue. The teacher noted that many workers come from distant areas and rent homes in the district. Due to the lack of payment, they struggle to cover rent, forcing some to return to their hometowns. Additionally, many are facing difficulties meeting basic needs, which has forced some to resort to manual labor for sustenance. Schools in Shone town and other parts of the East Badawacho district have not been able to start their academic sessions due to the ongoing wage issue. The teacher shared that parents are growing anxious about the impact on their children’s education. Similarly, the Shone Primary Medical Center has experienced a surge in its workforce going on strike, rendering it inactive since the previous week, according to the teacher. Despite efforts to address the issue, workers’ appeals have received limited response. When they approached zonal and regional officials, they were informed of a cash shortage as the underlying cause of the salary delays. Another employee from Hossaena town in the Hadiya Zone stated that the problem extends beyond the East Badawacho district. Although not every area is experiencing strikes, there are widespread delays and halts in salary payments throughout the Hadiya Zone, which is located in the recently formed Central Ethiopia Regional State. The employee alleges that the delay in salary payments is due to financial issues related to soil fertilizer debt. In June 2022, Addis Standard reported widespread salary delays affecting government workers across 13 districts of the Hadiya Zone and three city administrations. Protests erupted due to non-payment for three consecutive months, causing significant financial hardships for many residents who relied on these salaries for their daily needs. The situation escalated when demonstrators from the Badawacho district blocked crucial federal roads, including those connecting Addis Ababa and Arbaminch. This action led to confrontations with the police and resulted in injuries on both sides. However, normalcy was later restored in Badawacho district, allowing residents to continue with their daily activities. Attempts by Addis Standard to contact local officials on the matter have been unsuccessful. AS Source Addis Standard Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa si adag uga jawaabay qoraalkii uu maanta soo saaray madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku muujinayay sida uu u diidan yahay dhaqan-gelinta heshiiskii golaha wadatashiga qaran, oo uu meel-marintiisa ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynihii hore ayaa sheegay in wax ka bedelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan, oo aan loo marin wadada saxda ah ay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan. Xildhibaan Saadaq Joon oo daba socda qoraalka Farmaajo, ayaa waxa uu sheegay in dalka ka dhaceyn hubanti la’aan ka dambeysa asaga, oo mar isku dayay muddo kororsi qalaalase horleh galiyay dalka. “Farmaajoow xasillooni darro iyo hubanti la’aan adiga kaa danbayso dalkaan kama dhacayso Insha Allah,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq Joon. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ku dhihi lahaa (Farmaajo) dadkaaga dhinac ka raac hadii kale damacaagii cadaymihiisa waan hayaa kumana nabad-galaysid la soco.” Farmaajo ayaa ku biiray madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka horyimid meel-marinta heshiiskii golaha wadatashiga qaranka, kaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh uu la dhacsan yahay, uuna gadaal ka riixayo dhaqan-galkiisa. Madaxweyne Xasan ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiskaas, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya. Madaxweynaha ayaa markaas ka digay in la diido wax aan loo heyn sabab ama xal kale, isaga oo yiri “Wax waa diidi kartaa, laakiin soo barbar dhig mowqifkaaga iyo waxa aad dooneyso, haddalaba xisbi in la qaato ayaan go’aansanay hadaa diidan tahay qorshahaas noo sheeg sida aad rabto oo nagu qanci xalka ku jira.” The post Saadaq Joon oo u jawaabay Farmaajo “Dadkaaga dhinac ka raac haddii kale…” appeared first on Caasimada Online.
  9. Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cismaan Siciid ayaa Tobabar u furey qaar Ka mida shaqaalaha Wasaaraddaasi oo Ka kala socdey Waaxyaha Kala duwan ee Shaqaalaha Wasaaraddaas, Ujeeddada Tobabarka oo ah Kor u qaadista Aqoonta iyo Xirfada Shaqada ay hayaan Shaqaalaha Wasaaraddu isla markaana kor loogu qaadayo inay sii hufan u gudan Karaan Shaqada ay u hayaan Waaxyahooda. Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Waaxda Cududa Shaqaalaha ee Wasaaraddaas oo Kaashanaysa Madaxa Horumarinta Mashaaricda ee Wasaaraddaas. Tobabarkan ayaa socon doona dhawr Cisho Kaasi oo la isku waydaarsan doono Aqoon Korodhsi. Qaran News
  10. As part of the NOC Summit sponsored by PGS, Wood Mackenzie and PGS gave presentations on accelerating global investment and partnership within the African upstream at African Energy Week 2023, organized by the African Energy Chamber (http://www.EnergyChamber.org) on Wednesday. Driving new investments in Africa’s exploration and production activities was the target of a presentation from Wood Mackenzie, which discussed how to commercialize Africa’s resources and better position the continent to compete with other high-growth markets. “Recent discoveries are boosting the appeal of Africa’s resources. But despite investment rebounding to post-COVID levels, investment has stalled in some African countries due to project delays,” stated Mohamed Mansur, VP, sub-Saharan Africa for Wood Mackenzie. “In addition to the energy transition narrative, challenges across the region persist in terms of above-ground risk, gas monetization project lead times and fiscal attractiveness.” Natural gas emerged as another key focus, leveraging drivers of demand from power generation, to its role as a transition fuel, and to a means of energy and economic diversification. With less than 40% of gas volumes discovered in Africa deemed commercial, the continent faces persistent challenges in harnessing its gas resources for domestic use and export to international markets. “As far as gas is concerned, Africa has the potential to use it as a transition fuel given international gas demand. A significant amount of the gas discovered is not deemed commercially viable, however,” continued Mansur. “What’s complicated with gas monetization is that it requires long-term agreements across its entire value chain. That means sustainable off-take agreements and volumes must be identified and signed off with attractive prices before projects can go ahead.” A technical presentation from global geophysics company PGS addressed the role of data in the new era of technology-based exploration, and how real-time data can be used to de-risk investments and foster safety, efficiency and skills development. “The Internet of Things is a pivotal force in revolutionizing the oil and gas exploration and production sectors. This optimizes the production process and plays a crucial role in mitigating risk and enhancing overall safety. Predictive maintenance minimizes unexpected equipment failures…predicting possible malfunctions,” stated Chris Drag, Senior VP for PGS. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. SOURCE African Energy Chamber Safe sender instructions / Privacy Policy / Qaran News
  11. Abiy Ahmed oo ka fekeraya inuu ku doodo in Itoobiya 2013 Somaliland la gashay heshiis qarsoodi ah si uu u qabsado Seylac. Muqdisho (Wararka PP) — Dowladda Itoobiya waxay dhowaan shaacisay baahida ay u qabto inay xeeb yeelato. Seddex dal ayaa ku soo dhacay maskaxda dadka dhegeystay khudbad uu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed jeediyay dhowaan: Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritreeya. Seddexda dal Soomaaliya ayaa ugu taagdaran siyaasad iyo gaashaandhig ahaan. Waa dal ciidammo ka socda Itoobiya ay ku joogaan ujeeddooyin nabad-ilaalineed, ka sokow ciidammadii dowladda Itoobiya u soo dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ururkii Midowgii Maxkamadaha (2006-2009). Itoobiya waxay indhaha ku haysaa degmada Seyla oo dhowaan meel aan ka fogeyn ay soo dhoobtay ciidaammo aad u tiro-badan, diyaaradaheeda dagaalkuna dhoollatus ku samaynayeen. Su’aalaha gorfeeyayaashu is weyddiinayaan waxaa ka mid: Maxay cuskan kartaa Itoobiya si ay u qabsato Seylac? Xeeldheere arrimmaha istaraatijiyadda oo ku sugan Muqdisho ayaa u sheegay Puntland Post in Itoobiya ka baaraandegayso cuskashada laba qoddob midkood: “1- In ay cuskato sababo amni kaddibna soo weerarto Seylac. 2- Inay cuskato heshiis qarsoodi ah oo dowladdii EPRDF Somaliland la gashay Itoobiya 2013 kuna saabsanaa in Itoobiya difaaacdo Somaliland haddii la soo weeraro. Xeeldheeruhu wuxuu sheegay “in Itoobiya aad uga fiirsanayso sida labadaas qodob ay iskugu dhafi lahayd si ay Seylac u qabsto oo muddo dheer u joogto ama ugu qanciso Soomaaalida in degmadaas laga kireeyo Itoobiya.” Madaxweyne Xasan Sheekh weli si cad ugama hadlin dhowrista midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka sokow hadallada ka soo yeeray Abiy Ahmed. Sanadkii 2013 ayuu Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn sheegay in Itoobiya difaacfi doonto Somaliland haddii la soo weeraro, Waxaa jira heshiis qarsoodi ah oo maamulkii Madaxweyne Siilaanyo la saxiixday madaxdii sarsare ee TPLF xillli xiriirka Tigreega iyo dowladda federaalku uu aad u xumaa taageeradii Itoobiya siinaysay hindisihii Jubaland lagu dhisayay oo dowladdii federaalku xilligaas ka biyo-diidday awgiis. Waxa ugu weyn ay la taliyayaasha Abiy Ahmed rogrogayaan waa sida ay u adeegsan karaan heshiis Somaliland si qarsoodi ah ula gashay ururka TPLF oo uu dagaal dhexmaray ciidaanka difaaca Itoobiya ka hor heshiiskii 2022 lagu soo afjaray dagaalkii Tigray. Abiy Ahmed wuu og yahay in Somaliland ay diiddan tahay qarannimada Soomaaliya oo ah tan dowladda federaalku cuskan karto haddii dal ka tirsan Midowga Afrika uu qabsado dhul Soomaaliya ka mid ah. Sheegashada Somaliland inay dal gaar ah tahay waa sabab ay Itoobiya ku soo weerari karto Seylac iyadoo ku doodaysa in dadka degmada deggani ay taageersan yihiin weerarka maadaama maamulka dhulka ka arrimiya diiddan yahay midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Himiladii Haile Sellassie oo ahayd in Waqooyiga (dhulkii loo yiqiin British Somaliland ka hor 26 Juunyo 1960) ka mid noqdo Itoobiya inay rumoobi karto ayay qabaan la taliyayaasha Abiy Ahmed. Axmed Ciise Cawad oo 2018 ahaa Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Soomaaliya wuxuu ugu baaqay Imaaraadka inay dhowrto qarannimada Soomaaliya. Dowladda maamulka Somaliland may ka hadlin hadalka Abiy Ahmed ku saabsan in Itoobiya xeeb u baahan tahay. Sanandkii 2018 Wasiirkii Arrimmaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Reuters u soo sheegay in dowladda Imaaraadka looga baahanyahay inay dhowrto qarannimada Soomaaliya. “Waxaannu u sheegaynaa DP World inay ka fiirsato heshiisyada gaar ahaan kan ku saabsan Dekedda Berbera maadaama Somaliland sheeganayso inay dal madaxbannaan tahay” ayuu yiri Cawad. Barlamaankii Soomaaliya ee dowladdii hore ayaa sidoo kale diiday heshiiskii dhexmaray DP World iyo Somaliland, heshiiskaas oo dalka Itoobiya saami ka siinayay Dekedda Berbera. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabraxmaan Cirro oo keliya ayaa si toos ah uga hor yimid heshiiskaas. “Heshiisyada Somaliland la gashay Imaaraadka waxaa ka muuqda madmadow iyadoon dadka si cad loogu soo bandhigin heshiisyadaas” ayuu Cirro yiri Maarso 2018. Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa caddaanaysa in qarannimadu tahay asaaska difaaca danaha qaran leeyahay ka sokow wax kasta oo dadka dalkaas isku maandhaafsan yihiin siyaasad ahaan. 32 sano kaddib markii Somaliland ku dhawaaqday goonni-isu-taag aan sharci ahayn waxay Hargeysa ku baraaarugtay u nuglaanta in Itoobiya qabsato Seylac. © Puntland Post, 2023 The post Sida Itoobiya u Qorshaynayso Inay Saylac u Qabsato appeared first on Puntland Post.
  12. Gadoon (Caasimada Online) – Ciidanka deegaanka ee ku sugay magaalada Gadoon ee gobolka Galgaduud oo qiyaastii 40 KM bari ka xigta magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta gacanta ku dhigay Shidaal, Saanad ciidan iyo Raashin loo waday Khawaarijta Al-Shabaab. Sida ay ogaatay Caasimada Online howlgalkaasi wuxuu ka dhacay banaanka magaalada Gadoon, kadib markii ciidamadu ay ogaadeen in gaadiidka Shabaab u sida saanadaas si qarsoodi ah kaga gudbayo deegaanka. Markii ay Shabaab ogaadeen in la qabtay gaadiidkii sahayda u siday waxay soo qaadeen weerar culus, balse waa la jebiyey sida uu Caasimada Online u sheegay sarkaal u hadlay ciidanka xoreynta deegaanka ee Macawiisley. Ugu yaraan seddax Shabaab ah ayaa lagu dilay iska hor imaadkii dhacay markii gaariga xamuulka ah la qabtay kadib, waxaana goobta isaga cararay xubnihii kale ee Shabaab-ka ahaa. Shabaab-ka weerarka soo qaaday ayaa qorsheynayey inay xoog ku furtaan gaariga laga qabtay, balse waxaa ka awood batay ciidankii deegaanka ee gacanta ku dhigay gaariga xamuulka ah ee sahayda u siday kooxda. Gaariga siday sahaydaan oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa isku dayey inuu baxsado, waxayna saraakiisha ciidanka deegaanka noo xaqiijiyeen inay ku qabteen tuulo lagu magacaabo Docoley oo u dhaxeysa Gadoon iyo deegaanka Xiindheere. Gaarigii xamuulka ahaa ee sahayda u siday kooxda Al-Shabaab ayaa hadda la geeyey degmada Gadoon ee bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisin u ah ciidan badan oo kuwa deegaanka ah iyo ciidamo kale oo ka tirsan Galmudug. Kooxda Al-Shabaab ee sahaydaasi ay u socotay, balse laga qabtay ayaa ku go’doonsan koonfurta gobolka Mudug iyo bariga gobolka Galgaduud, waxaana ku socda dagaal culus oo ay ku hayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, deegaano kooban ayay isku uruursadeen Al-Shabaab, waxaana la qorsheynayaa in maalmaha soo socda laga saaro. The post Sawirro: Sahay u socotay Al-Shabaab oo lagu qabtay Galgaduud iyo xubno laga dilay appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo dadka reer Falastiin. Boqolaal dadweyne ah ayaa ka qeyb-galay banaanbaxan oo sidoo kale muujinayay sida looga horjeedo duqeymaha diyaaradaha Isreal ka ka wadaan dhulka Falastiiniyiinta. Sheekh Cabdul Xayi oo kamid Culimaddii halkaasi kula hadashay dadweynaha isku soo baxay ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxan uu muujinayo gardarada Isreal ku hayso Muslimiinta Reer Falastiin. “Isku soo baxaan aan isku soo baxeyno waxaa iskugu soo baxnay in qadiyadda ay Israel gardaran tahay, oo dhulka Islaameed ay haysato in ay muujiso,” ayuu yiri Sheekh Cabdull Xayi. Waxa uu sheegay in maadaama Muslim nahay ay tahay in aan garab istaag u muujino dadka reer Falastiin, si aan weliba ka ganbasho laheyn, “Waa la ogyahay cidda sidaas wax yeelaysa, waxaa garta siineyna Falastiin.” Waxa uu intaas kusii daray “Hubka la isticmaalayo ducada ayaa ka khatarsan, maxaa yeelay ducada Ilaahay ayay u jeeda. Ilaahayow guulle (Falastiin) waa isku soo aruursadeene.” Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor si adag u cambaareysay duqeymaha Israel, iyada oo ku baaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, ayada oo Israel xasuusisay qawaaniinta caalamiga ah. Bayaanka oo markaas kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto sharciga caalamiga iyo xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah.” The post Sawirro: Banaanbax weyn oo maanta ka dhacay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  14. Beledweyne (HOL) - The Ugas Khalifa Airport in Beledweyne town was temporarily closed on Friday due to the El Niño heavy rains that occurred in the town on Thursday night, according to officials. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu ku muujinayo sida u diidan yahay dhaqan-gelinta heshiiskii golaha wadatashiga qaran, oo uu meel-marintiisa ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Xasan ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiskaas, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya. Farmaajo ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in uu si dhow ula socdo dhaq-dhaqaaqyada ku aadan arrintaan, islamarkaana wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah ay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan. “Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan.” Waxa uu sheegay in laga guuro hannaanka vaarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska ra’iisul wasaaraha ay tahay masuuliyad ka baxsan awoodaha hay’adaha dowladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka. Sidoo kale waxa uu garowshiyo ka bixiyay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka dowlad-goboleedka Puntland oo muddooyinkii dambe ka maqneyd Madasha Wadatashiga Qaran, oo lagu go’aamiyay arrimo masiiri ah. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran; Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan. Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan. Sidaas darteed in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka. Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxaa waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed. Waxaan garowsannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, si xor iyo xalaal ah oo daahfuran, waafaqsanna xeerarka iyo shuruucda dalka. Wa billaahi Al-towfiiq The post Farmaajo oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray arrinta uu Xasan ku dhagan yahay appeared first on Caasimada Online.
  16. Boqor Burhaan boqor Muuse ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ku aqoonsatay Maamulka SSC-Khaatumo. Boqor Burhaan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay go’aankaas taariikhiga ah oo ay ku aqoonsatay SSC-Khaatumo islamarkaana hay’adaha Caalamiga ah ugu baaqday in ay la shaqeeyaan. “Waxaan uga mahad celineynaa go’aanka ay gaadhey Dowladda federaalku ee wada shaqeynta iyo weliba baaqa ay u direen hay’adaha caalamiga ah in ay la shaqeeyaan SSC-Khaatumo” ayuu yiri boqor Burhaan boqor Muuse. “Waxaan Shacabka iyo maamulkooda ugu baaqi in ay midnimadooda adkeystaan’ Waxaad halkaas ku gaarteen waa midnimo,waxaa la idinka doonayaa in nabadda iyo xasiloonida allaah ina siiyey aan rabbi uga mahad naqno, wanaagana badino, xumaanta iska reebno gacmaha la is qabsado danta guudna laga shaqeeyo, maamulkiinana aad la shaqeysaan” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Boqor Burhaan boqor Muuse oo soo dhaweeyay Aqoonsiga Maamulka SSC-Khaatumo appeared first on Puntland Post.
  17. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa sida wararku tibaaxayaan maalmahan degmada Caynaba ka ururinaya maleeshiyaad hubaysan oo loo daabulayo dhinaca hawdka. Maleeshiya-beeleedka oo laga keenay degaanno kala duwan ayuu Caynaba ku diyaariyay Korneyl Maxamed Kaahin si loogu qaado dhanka hawdka ah gaar ahaanna tuulada Qorulugud. Degaanka Qorulugud waxa ka taagan xiisad u dhexaysa laba beelood oo ka soo kala jeeda Somaliland iyo SSC-khaatumo taas oo uu sii hurinayo taliska Muuse Biixi ee lagu jebiyay dagaalkii Laascaanood. PUNTLAND POST The post Maxamed Kaahin oo hurinaya colaad beeleed ka taagan Qorulugud appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay kusii kordhayaan tirada dadka laga helayo xanuunka HIV/AIDS. Waxaa lixdii bilood ee la soo dhaafay cudurka laga helay bukaano tiradoodu gaareyso 11 kun oo qof, taasi oo muujineysa sida xawliga ah ee xanuunkan ugu faafayo gudaha dalka. Guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wada wacyi-gelinta tababarro ku aaddan halista xannuunkan, oo ay u sameynayaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Guddoomiyaha guddiga ka hortagga HIV/AIDS ee Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaalle oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada ee la xiriira xanuunkan. “Tirada dadka cusub ee lixdii billood u dambeysay laga helay xanuunkan waa 11,000 ayay gaarayaan. Waxaa kale oo jira dadka ismuujiyay dallad ayaa u sameynay oo muddo ayay shaqeynaysay,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka aan weli ismuujin ee xanuunka la nool ay ka badan yihiin inta ismuujisay ee ku mideysan dallada uu guddiga sameeyay oo si joogto ah loola socdo xaaladooda. “Dadka ismuujiyay ee dallada ku mideysan waa kun iyo toddoba boqol iyo xoogga, waxaa ka badan inta aan ismuujin ee ka shiixaya ee bulshada dhexdeeda ku jira.” Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa daawooyinka si joogta ah u qaata 4,419 qof.” Middaan ayaa muujineysa halista xanuunkan ee Soomaaliya. Guddoomiye Axmed ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya in ay siiyaan tageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed, “Sababta oo ah dadka xanuunka la nool waa dadka ugu liita bulshada waana takooran yihiin.” The post SOOMAALIYA: Dadkii ugu badnaa oo lix bil gudahood laga helay cudurka HIV/AIDS appeared first on Caasimada Online.
  19. Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska Rishi Sunak ayaa maanta u safraya waddanka Masar si uu wadahadallo ku saabsan xaaladda Israa’iil iyo Gaza ula yeesho madaxda dalkaasi. Sunak ayaa la filayaa in madaxda Masar uu la soo qaado muhiimada ah in laga fogaado xiisadda gobolka iyo ka hortagga khasaaraha aan loo baahnayn ee mar kasta gaara nolosha dadka rayidka ah. Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska wuxuu Khamiistii la kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan, wuxuuna ku booriyay Sacuudi Carabiya inay gacan ka geysato taageerada xasilloonida Bariga Dhexe. Dhinaca kale gawaarida sida sahayda gaargaarka ayaa weli ku sugan marinka Rafax ee xadka Masar iyo Koonfurta Gaza ,iyadoo laga cabsi qabo duqeymaha Israa’iil oo weli socda. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Uk oo maanta booqanaya Masar si ay uga wada-hadlaan xaaladda Gaza appeared first on Puntland Post.
  20. The Somali Student Association, a new Registered Student Organization partnered with the Multicultural Student Center, was recently formed to create a space for Somali students to have a community and educate others about their culture, according to SOSA President Mohammud Ibrahim. Source: Hiiraan Online
  21. COLUMBUS, Ohio (WSYX) — A group of fathers in the Somali Bantu community say they worry about their children every day, with youth gun violence impacting their families and neighborhoods. Source: Hiiraan Online
  22. WASHINGTON: President Joe Biden declared it is “vital for America’s national security” for Israel and Ukraine to succeed in their wars, making the case Thursday night for deepening US involvement in a rare Oval Office address as he prepared to ask for billions of dollars in military assistance for both countries. Source: Hiiraan Online
  23. The widow of a prominent Pakistani journalist is suing the Kenyan government for the “targeted assassination” of her husband. Source: Hiiraan Online
  24. The Minnesota Attorney General's Office has accused the wife of Minneapolis City Council Member Jamal Osman of creating a "sham" charity created to enrich herself and family members by diverting taxpayer funds meant to help feed children during the coronavirus pandemic. Source: Hiiraan Online
  25. Algeria's football federation announced on Wednesday that it was suspending all football competitions and matches "in solidarity with the Palestinian people" during the Israel-Gaza conflict. Source: Hiiraan Online