Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Qudus)-Israa’iil ayaa xalay duqeymo ba’an ka fulisay Gaza kadib markii ay ka digtay inay xoojinayso duqeymaha ka hor duullaanka dhulka, iyadoo dagaalka ka dhashay weerarka dhiigga badan uu ku daatay ee ay qaadday Xamaas uu Axaddii shalay galay toddobaadkii saddexaad. Xamaas ayaa sheegtay in duqeymaha xalay ee Marinka Gaza ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof, laguna burburiyay 30 guri, sida ay warisay AFP. In ka badan 40 boqolkiiba dhammaan guryaha Gaza ayaa waxyeelo gaadhay amaba la burburiyay, sida ay QM sheegtay iyadoo soo xiganaysa saraakiisha deegaanka. Dhinaca kale, Israa’iil ayaa sheegtay in diyaaradaheedu ay duqeeyeen dhismo ku hoos yaalla masaajid ku yaalla Daanta Galbeed halkaasi ay sheegtay in xubno ka tirsan Xamaas iyo Islamic Jihaad ay ku qorsheynayeen “Weerar Argagixiso oo xilliga dhow ah” sida ay hadalka u dhigtay. Wafa, oo ah wakaaladda wararka rasmiga ah ee maamulka Falastiin, ayaa sheegtay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay duqeynta, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen dhismaha ka hooseeya Masaajidka al-Ansar ee xerada qaxootiga Jenin. Weerarkan cirka ah ee Israel ayaa ah ugu yaraan kii labaad ee maalmihii la soo dhaafay ay ka fulisay Daanta Galbeed ee dhulka la haysto, halkaas oo ay ka socdeen rabshado u dhexeeya Yuhuuda la dejiyay iyo Falastiiniyiinta tan iyo 7-dii bishan oo ay kooxda Xamaas ee ka soo jeeda Gaza weerartay Israa’iil. Dhinaca kalena, Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa warisay in ciidamada Israa’iil ay diyaaradohoodu duqeeyeen garoomada caalamiga ah ee ku yaalla caasimadda Dimishiq iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Xalab. Waxa ay sheegtay in weerarkaas uu ku dhintay hal qof, isla markaana ay waxyeelo gaadhsiiyeen dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, taas oo keentay in ay shaqada garoomadu joogsato. Israa’iil ayaa dhowr duqeymo ka geysatay gudaha dalka Suuriya, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, tan iyo markii uu dagaalka billowday. Israa’iil marar dhif ah ayay qirataa weerarradeeda, laakiin waxa ay sheegtay in ay u dhaqmayso si ay uga hortagto Hezbollah iyo kooxaha kale in ay hub kala yimaadaan dalka ay xulufada la yihiin ee Iran, oo sidoo kale taageerta Xamaas. Lubnaan-na, Xisbullah ayaa sheegtay in lix ka mid ah dagaalyahannadeeda la dilay Sabtidii, iyadoo ku xigeenka hoggaamiyaha kooxda, Sheikh Naim Kassem, uu ka digay in Israa’iil ay qiimo weyn ku bixin doonto haddii ay bilowdo weerar dhulka ah oo ay ku qaaddo Marinka Gaza. Israa’iil ayaa duqeysay bartilmaameedyada Xisbullah subaxnimadii shalay, iyadoo ka jawaabaysa gantaallo la soo riday, sida uu sheegay milateriga dalkaasi. Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la helay xogta ninka xiriirka u ahay ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, kaas oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir, wuxuuna caan ku yahay magaca (Ikrima). Cabdulqaadir Ikrima waa Soomaali-Kenyaan, wuxuu noloshiisa inta ugu badan ku qaatay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee dalka Kenya, Mareykanka ayaa horay madaxiisa u dul dhigay lacag dhan $3 milyan oo dollar. Sidoo kale Mareykanku sanadkii 2013-kii ayuu weerar toos ah ku qaaday ninkaan iyo saraakiil kale oo Shabaab ah, xilli ay ku sugnaayeen degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose, balse howlgalkaasi ma guuleysan. Da’da ninkaan waxaa lagu qiyaasay 40 sano, waxaana loo aqoonsaday mid ka mid ah argagixisada ugu khatarta badan caalamka, Ikrima waxaa lagu eedeeyey inuu soo abaabulay weerar badan oo argagixiso. Weerarada la sheegay inuu abaabulay waxaa ku jira weerarkii cuslaa ee Suuqa Wasteget Mall ee magaalada Nairobi ay Shabaab ka geysteen, bishii October 2013-kii waxaa guul dareystay howlgal uu Mareykanku doonayey in lagu dilo ninkaas oo ka dhacay magaalada Baraawe ee Soomaaliya. Qoyska Cabdulqaadir Ikrima ayaa intii ay Soomaaliya burburka ku jirtay u guuray magaalada Mumbasa ee dalka Kenya, wuxuu ahaa qoys ku jira dabaqada dhexe ee nolosha, kadib ay u guureen Nairobi, inta badan noloshiisa koriimada wuxuu ninkaasi ku qaatay gudaha Kenya. Saaxiibadiis waxay sheegeen inuu ahaa nin aad u isticmaala balqada, qaadka iyo nooc ka mid ah Xashiishka ayey saaxiibadii Ikrima sheegeen inuu aad u isticmaali jiray. Inta uusan ku biirin argagixisada sanadkii 2004 wuxuu ku guul dareystay inuu ogolaansho deganaasho ka helo dalka Norwey, sidoo kale waxaa la sheegay in muddo uu ku noolaa dalka Ingiriiska, kadibna uu ku soo laabtay Nairobi. In kastoo aan la ogaan halka lagu tashiiliyey Cabdulqaadir Ikrima, hadana wuxuu ka mid ahaa xubnihii la jaan qaaday bilowgii argagixisada, Mareykanka, Kenya iyo dowlado kale muddo ku raad joogay ninkaan weli kuma guuleysan inay dilaan ama qabtaan. Waxaa la xaqiijiyey in Cabdulqaadir Ikrima uu yahay ninka qaabilsan isku xirka ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, waa labo ka mid ah argagixsada ugu khatarta badan caalamka, waxaana la sheegay in Ikrima uu ku nool yahay gobollada koofureed ee Soomaaliya. The post Xogta Cabdulqaadir Ikrima – Hogaamiyaha xiriirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ka dambeysay weerarkii uu dhawaan ku qaaday beesha Abgaal. Cosoble oo markaasi si weyn u dhaliilay duubabka dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee beesha, ayaa qoraal uu soo saaray maanta, waxa uu ku sheegay inay ka aheyd guubaabo, si beesha ay kaalinteeda u qaadato, taasi oo ay ka gaabiyeen, sida uu sheegay. “Aniga waxaan aaminsanahay Abgaal iney dhanka Hawiyaha ku jiraan halka uu Majeerteen kaga jiro Daarood. Macnaha hadduu Majeerteen yahay hormuudka Daarood, annaga Hawiyaha ahna waxaa kaalintaa noogu jira Abgaal, waxaana ii muuqatay iney tolkey ka gaabinayaan kaalintii aan ka rabay.” Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble; Waxaan u mahad celinayaa dadkii badnaa ee ra’yiga ka dhiibtay qoraalkeygii aan kaga hadlay arrimaha ka jira deggaanada dadka aan walaalaha nahay ee Abgaal. Su’aal la is weydiin karo ayaa ah maxaan uga hadlay Abgaal? Maxaanse ka rabaa Abgaal? Aniga waxaan aaminsanahay Abgaal iney dhanka Hawiyaha ku jiraan halka uu Majeerteen kaga jiro Daarood. Macnaha hadduu Majeerteen yahay hormuudka Daarood, annaga Hawiyaha ahna waxaa kaalintaa noogu jira Abgaal, waxaana ii muuqatay iney tolkey ka gaabinayaan kaalintii aan ka rabay. Aniga Abgaal waxaan ka rabaa iney degaannadiisa noqdaan sida degaannada Majeerteenka oo ay ka muuqato dowladnimo, kala dambeyn oo uu amniga sugan yahay, ayaga dhexdooda ay welwel la’aan is dhex maraan. Waxaan Abgaal ka rabaa iney degaannadiisa noqdaan kuwo muujinaya hormuudnimadiisa oo uu qofka Soomaaliga ah uu asagoo gaari wata oo keligii ah safar kaga bixi karo Xamar soconna karo ilaa iyo meesha ugu dambeysa ee uu Mudug ka dego, sida aan anigaba hadda ka hor anoo gacanteyda gaari ku wada aan ugu dhex safray Gaalkacyo ilaa Boosaaso. Gaalkacyo ilaa Boosaaso waxaa dega hormuudka Daarood, iney hormuud yihiinna waxaa cadeyn u ah nidaamka iyo kala dambeynta ka jirta dhulkooda baaxadda weyn. (Kama hadlayo waqtigan lagu jiro xaalad doorasho. Xilliga doorashada Africa dhamaanteed waxaa ka aloosanta xaalad amni xumo). Sidoo kalana hormuudka waxaan ka rabaa inuu tusaale fiican u noqdo ummadda inteeda kale. Hormuudka Daarood oo ah Majeerteen dhulkiisa waa amni, argagixisadana wuu ka sifeeyay, anigana hormuudkeyga oo ah Abgaal waxaan ka rabaa inuu dhulkiisa ka dhigo mid ka caagan argagixisada nabadna ah. Wey i dhibeysaa inaan arko hormuudkeyga oo uu Shabab heysto iyo hormuudkeyga oo dhexdiisa is dilaya. Waxaan rabaa hormuud aan ku faano kuna deydo oo marka la i yiraahdo hormuudka Daarood dhulkiisii waa nabad, inaan dhihi karo annagaba hormuudkeena dhulkiisa waxaa ka jira nabad iyo nidaam. Waxaa la yiraahdaa meel aad madaxeeda tahay mijaheeda la iskama dhigo, Abgaalow Ilaahaa hormuud nooga kiin dhigay ee adinkana dhaqankeeda yeesha oo degaankiina xoreeya nabaddiisana suga. Wixii dhexdiina jira xalliya, dhulkana islaaxiya oo tusaale fiican oo aan ku dayano noo noqda. Quluubtiina Allah is waafajiyo, dadaalkiinana Allah ka dhigo kii mira dhala oo ay ummadda idiinkaga dayato. The post COSOBLE oo sharaxay sababtii ka dambeysay inuu weerar ku qaado ABGAAL appeared first on Caasimada Online.
  4. Utrecht (Caasimada Online) – Ururka Bulsho ee ka dhisan magaalada Utrecht ee waddanka Holland ayaa xalay kulan ballaaran ugu qabtay magaaladaasi mushtamaca Soomaalida ee halkaasi ku dhaqan. Kulankan, oo ahaa kii ugu horreeyay ee nuuciisa ah ee ay jaaliyadu isugu timaado, ayaa looga hadlayay xoojinta midnimada Soomaalida dhexdeeda iyo waxaana ka soo qeygalay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi ku dhaqan. Cabdullaahi Caabbi, Bootaan iyo Cali oo ka mid ah hormuudka ururka Bulsho, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in isu-imaatinkoodu ka dhashay markii dhalinyaro Soomaali ah oo tiradooda gaareyso 4 ay is dileen. “Waxaa hurdada naga soo kiciyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee magaalada ka dhacay, kuwaas oo ahaa dhacdooyin aad u xanuun badan, haddii aan nahay reer Utrecht waxaan iska wareysanay sidii aan isaga warqabi laheyn,” ayuu yiri Caabbi oo ka mid ahaa dadkii kulankaasi ka hadlay, isaga oo ugu baaqay waalidiinta magaalada ku dhaqan in ay la soo xiriiraan ururka haddii ay u baahdaan in la caawiyo. “Annagu waxaan diyaar u nahay inaan intii karaankeena ah qabano haddii waalidiintu nala soo xiriiraan, dhibaato kasta waxeey leedahay ka hortag, marka dhibku dhaco waxba kama qaban karno, waxaan se idiin balanqaadeynaa inaan idin ka caawino inta dhibaatooyinku cusub yihiin,” ayuu yiri Caabbi. Platform for media, ka daawo hadaladii kulankaasi laga jeediyay. The post Daawo: Cabdullahi Caabbi: 4 dhallinyaro Somali ah ayaa isku dilay magaaladeena… appeared first on Caasimada Online.
  5. Maxaabiista Somaliland ee ciidan beeleedku ku haystaan magaaladda Laascaanood ayay la soo gudboonaatay cunto yaraan iyo macaluul kadib markii ay maleeshiyaadka haystaa ay u awoodi kariwaayeen in ay quudiyaan maxaabiista. Iyada oo ay xiligani cunto yaraani ka taagantahay bariga gobolka Sool ayaa ciidan beelleedka haysta maxaabiista ciidanka Somaliland ay u awoodi layihiin in ay sadexda wakhti quudiyaan maxaabiista. Waxana jirta in qoysaska maxaabiista Somaliland laga hayaa ay ciidamada ay u diraan lacag ay haystayaashu sheegeen in lagu quudinaayo wiilashooda loogu diro habka Zaadka tiraba wiigii sadex jeer. Dhanka kalana maxaabiista laga hayo iyaga ayaa si sharaf leh loogu hayaa Somaliland itaga oo si bilaash ah oo sharaf lehbu hela quudintooda sadexda wakhti isla markaana ay soo booqan karaan eheladoodu iyada oo aan lagu xidhin wax shuruud ah. Qaran News
  6. Maxkamadda ciidamadaJubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay nin lagu helay in uu hore dil uga geystay magaalada Kismaayo. Gacan ku dhiigle Maxamed Cabdullaahi Siciid (Maxamed Khadar) oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland ayaa horay u dilay AUN Maxamed Deeq Nuune Saalax taariikhdu markay ahayd lixdii Bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii. Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa dhagaystay dhowr mar oo kala duwan garmaqalka kiiskan maanta xukunkiisa ay ku dhawaaqday. G/Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed (Qam-dariiran) Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa ku dhawaaqay xukunka. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Jubaland oo xukun dil ah ridday appeared first on Puntland Post.
  7. Nairobi(Qaran news)- Murrashaxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in xalka Somaliland ku xidhan yahay doorashoyinka isa saarka ah ee madaxweynaha iyo ururrada siyaasada. Sidaasna wuxuu ku sheegay kulan uu la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Kenya, waxaanu tilmaamay in xisbi ahaan aanay hore u arag xabad xal ee ay dooni doonaaan sidii ay ummadda reer Somaliland u midayn lahaayeen. Waxa kaloo Murashax Cirro ugu baaqay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Kenya inay midoobaan oo danaha dalkooda ka wada shaqeeyaan. Murrashax Cirro wuxuu sheegay in aanay odhanayn doorashada inay helayaan, hase ahaatee wuxuu xusay in ay dadku arkayaan dabayshu dhinaca ay u socoto. Guddoomiye Cirro wuxuu jaaliyadda Somaliland uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen, waxaanu ka hadlay xidhiidhka taariikheed ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Kenya muddada dheer. Qaran News
  8. Ciidanka Dabdemiska oo u Gurmaday Guri ku Yaalla Xaafadda Qunyar dega ee Burco oo dab Qabsaday Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Dab-demiska Burco ayaa damiyay dab qabsaday Guri Jiingad ah oo ku yaala xaafada Qunyar dega ee degmada Lixle. Dabkan ayaa markii ciidanka Dabdemiska loo soo sheegay si degdega u gaadhay, dabkan ayaa halis galiyay guryihii u dhawaa waxaana ciidanku dabkaa ka badbaadiyeen guryihii kale, isagoon u gudbin. Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan halista dabka ama wax kasta oo keeni ama sababi kara dab, sidoo kalena ka fogaadaan goobaha dabku ka kaco. Isla marka dabku dhacana soo wargeliyaan inta dabku yar yahay. Qaran News
  9. Askari Israa’iili ah ayaa lagu dilay Qasa, kuwa kale na waa lagu dhaawacay xilli ay iskudayayeen inay soo furtaan dadka ay Xamaas heysto. Afhayeenka ciidamada Israel Daniel Hagari ayaa baraha bulshada ku faafiyay in tirada askarta la dhaawacay ay yihiin saddex. Waxaa la weeraray xilli ay ku gudo jireen baaritaanka dadka ay kooxda Xamaas ka qabsatay Israel inta uu socdo dagaalka marinka Qasa. Gantaal ayaa lagu weeraray askarta iyo gaadiidkooda iyaga oo ku sugan gudaha Qasa. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin goobta rasmiga ee askariga lagu dilay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Israa’iil oo ku fashilmay in ay soo furtaan maxaabiis Xamaas haysato appeared first on Puntland Post.
  10. President Hassan Sheikh Mohamud's recent allusion to a significant shift in Somalia's political structure, namely the adoption of a two-party system and the replacement of the position of Prime Minister with that of Vice President, has ignited a debate about the future of Somali governance. In response, it is crucial to assess whether these proposed changes are a step in the right direction or if, as the Somali proverb goes, they stand for a "jug-jug meeshaada joog" or a mistaken path. Source: Hiiraan Online
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii markale ku laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Madaxweynaha ayaa halkaan deganaa labaddii bilood ee lasoo dhaafay, laakiin labaddii asbuuc ee u dambeysay ayuu halkaan kasoo maqnaa, wuxuuna intaasi haleelaya laba shaqo oo muhiim u ah dagaalka, kuwaasi oo kala ah; 1. Ciidankii ku maqnaa Eritrea Xasan Sheekh wuxuu dhowr iyo tobankii cisho ee lasoo dhaafay ee uu ka maqnaa Dhuusamareeb, kusoo guuleysatay inuu dalka kusoo celiyo ciidankii tababarka ugu maqnaa Eritrea. Wallow ay jiraan ciidan weli ku harsan dagaalkaas oo tababar dheeraad ah uu u socdo, haddana ciidanka yimid ayaa muhiim u ah dib u curashada dagaalka. Wuxuu madaxweynaha ciidankaas kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, wuxuuna u sheegay in laga sugayo fulinta ballantii ay u qaadeen qarankooda oo aheyd inay difaacan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidankaas siiyay hal bil oo fasax ah oo ay waalidkood ku booqdan, kahor inta ayna ka qeyb-galin la-dagaalanka argagixisada . 2. Sahminta wejiga labaad ee dagaalka Midda labaad ee madaxweynaha soo qabtay intuu ka maqnaa Dhuusamareeb waa sahminta wejiga labaad ee dagaalka. Wuxuu tegay Koonfur Galbeed, wallow siyaasiyiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed ay u arkaan socdaalkaas mid uu ku dhimayay cadaadiska haysta Lafta-gareen, oo uu sharciyadiisa ku adkeynayay. Haddana dhinaca kale kooxda madaxweynaha waxay sheegayaan in la sahmiyay Koonfur Galbeed iyo wejiga labaad ee dagaalka, taasina ay aheyd muhiimadda koowaad ee socdaalkii madaxweynaha ku tegay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur. • Ku laabashada Xasan ee Dhuusamareeb Ku noqoshada Xasan Sheekh ee magaalada Dhuusamareeb waxay kusoo aadeysa waqti xasaasi ah oo dadka Soomaaliyeed sugayaan dhameystirka wejiga koowaad ee la-dagaalanka argagixisada. Halkaan intii uu madaxweynaha ka maqna wax dagaal ah lama qaadin, marka laga reebo hal mar oo ay argagixisada soo weerartay deegaanka Burujeed, taasi oo ka dhigan in dagaalka uusan dhaqaaqi karin haddii uusan Xasan dhaqaaqin. Ciidan xooggan oo dowladda federaalka ah ayaa labaddii asbuuc ee lasoo dhaafay kusii qul-qulayay deegaanada Galmudug. Waxa kale oo dhamaad ah dib u habeyntii lagu waday ciidankii furimaha kasoo baxay, kuwii fasaxa ku maqna iyo kuwo cusub. Diyaar garowga ciidan ee dhamaadka ah iyo xogaha laga helayo dhanka argagixisada oo dhaqaale la’aan iyo saad la’aan ay ku hayso deegaanada Galmudug ayaa dadka Soomaaliyeed galinaya rejo ah in wejiga koowaad ee dagaalka si fudud loo soo afjari karo markaan. Khubarada amniga waxay sheegayaan inay jirto fursad dhowr jiho looga weerari karo kooxda, marka la eego dib u habeynta lagu sameeyay ciidanka dowladda iyo diyaar garowga cusub ee ciidamada deegaanka, tii oo dhinaca kale uu meel wanaagsan marayo qorshaha cusub ee dowladda ku diiwaan-gelinayso ciidanka Macawisleyda, kuwaasi oo sida la sheegay hadda loo bilaabay inay helaan xuquuq bille ah. Hadda indhaha shacabka Soomaalida waxay u jeedaan dhanka Dhuusmareeb, Madaxweynuhuna wuxuu sida muuqata go’aansaday inuu halkaasi kusii shaqeeyo si uu u xaqiijiyo natiijada dagaalka. The post Dib ugu laabashadii Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb kadib, maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.
  12. Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Dhegaweyne oo ka tirsan baarlamaanka HIrShabeelle ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa si adag u weeraray madaxda madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabeelle. Xildhibaanka ayaa ka hadlay arrimaha dagaalka, hoggaaminta dagaalka ee madaxweyne Xasan Sheekh, saluuga maamul ee dadka reer Hiiraan, gaar ahaan beesha Xawaadle iyo hadaladii ugu dambeeyey ee ka soo yeeray madaxda sare ee HirShabeelle. Xildhibaanka ayaa madaxda HirShabeelle ku dhaliilay hoggaamin la’aanta dagaalka Al-Shabaab inay ku darsadeen khilaaf ay ka dhex abuurayaan maamulka HirShabeelle iyo dowladda dhexe. Sidoo kale wuxuu mar kale ku celiyey in maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe ay beeshiisa Xawaadle ka qabgto saluug badan, isla markaana uu toos ula saftay beeshiisa, isagoo ah Xildhibaan HirShabeelle ah. Wuxuu Xildhibaan Dhegaweyne farriin u diray siyaasiyiinta ka sook a soo jeeda beesha Xawaadle ee ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan wasiirrada, wuxuuna ka codsaday, in beeshooda aan loo adeegsan oo hadii aysan la safa karin ay shartooda ka nabad galaan. Hadalka Xildhibaan Cabdulqaadir Dhegaweyne ayaa jawaab u ahaa hadal saacadihii lasoo dhaafay ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Dabageed oo si adag u weeraray dowladda federaalka, isagoo sheegay inay maamulkiisa ku hagratay dagaalka Al-Shabaab, marka loo fiiriyo doorkeeda ku aadan howlgallada ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. “La dirirka argagixisada bariga HirShabelle, waa lagala wada diriray, galbeedkana qaybyo noo yahay dowladdii Soomaaliyeed way nagu taageereysay waxyaabo badan oo nagu hagratay waa jireen mara iyadaha haddii ay nagu hagratay waxay nooga filneyd dee annaga shacabka HirShabelle ayaa nahay wixii waxaan ku hagran doonaa aan uga filanahay” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle. Hoos ka daawo jawaabta Xildhibaanka The post Daawo: Xildhibaan Dhegaweyne oo si adag uga jawaabay eedeyntii HirShabeelle ee DF appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay colaadda beeleed ee ka soo cusboonaatay gobolka Shabeellaha Dhexe. Shariif ayaa si adag u cambaareeyay colaadaasi u dhaxeysa dadka walaalaha ah, isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo is-dilka, xilli ay meel sare gaartay colaadda kasoo cusboonaatay deegaanno hoostaga gobolkaasi. “Allah ha u naxariisto intii ku geeriyootay colaadda ka soo cusboonaatay deegaanno hoos taga gobolka Sh/dhexe. Waa wax aad looga xumaado in ay soo laabato colaadda u dhaxeysa dadka walaalaha, si adag ayaan u cambaaraynaynaa, waxaana ku baaqaynaa in deg deg loo joojiyo is dilka dadka ehelka ah,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in maalin walba la dilo dad aan waxba galabsan, xilli dadaal lagu bixinayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. “Waxaa nasiib darro wayn ah in la daadiyo dhiigga qof muslim ah iyadoo dadaal lagu bixinaayay nabadda iyo dib u heshiisiinta loo fadhiyo muddada dheer si loo soo afjaro xaaladaha colaadeed.” Madaxweynihii hore ayaa waxa kale oo uu ku baaqay in deg deg sharciga loo horkeeno raggii xalay dadka shacabka ah ku laayay duuleedka deegaanka Xaaji Cali, iyada oo la raacayo baaqii Cadale ee sanadkii hore. “Waxaan ku baaqaynaa in sharciga la hor geeyo dambiilayaasha iyadoo la tix gelinaayo baaqii Cadale ee 25-kii November 2022, waxaan sii laba jibbaari doonnaa dadaalladii aan horey u wadnay ee ahaa sidii xal waara looga gaari lahaa dagaal beeleedyada ku soo laa laabtay deegaanka, kamana daali doonno nabadaynta iyo heshiisiinta beelaha walaalaha ah.” Hadalka Shariif ayaa imanaya kadib markii xalay dad shacab ahaa lagu laayay agagaarka deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale oo dhacda dhanka xeebta ee gobolkaasi. Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay in dadkaas ay waddada u galeen, islamarkaana ay goobta ku dileen ugu yaraan 5 qof, kuwaasi oo ahaa Macalin Dugsi Quraan iyo xertiisa. Dhawaan ayay aheyd markii deegaanka Burka Diirimeed lagu soo xiray gogol nabadeed oo ay hormuud u ahaayeen madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha HirShabelle iyo odayaasha dhaqanka, balse weli waxba kama dhaqan-gelin, maadaama ay mar kale dib u qaraxday colaadda u dhexeysa beelaha ee ka taagan halkaasi. The post SHARIIF oo si adag hadlay dhacdooyinka argagaxa leh ee ka soo yeeraya Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybteeda Jubbaland ayaa maanta la horkeenay odayaal dhaqameed ku eedeysan la tacaamulka kooxda Al-Shabaab. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday maxkamadda inay u ogolaato 60 cisho oo xabsi xalaaleyn ah, si loo dhameystiro baaritaanka kiiska ay ku eedeysan yihiin odayaal dhaqameedkan, kasoo hor muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybteeda Jubbaland. Maxkamadda ayaa ogolaatay in odayaasha eedeysaneyaasha ah sii xirnaadaan muddo 2 bilood ah, si xafiiska xeer ilaalinta u dhamaystiro baaritaankiisa, iyada oo xilligaas kadib si rasmi ah loo furi doono garmaqalka kiiska. Odayaashan oo gaaray illaa 11 xubnood, ayaa waxaa xusid mudan in haddii kiiskan lagu helo ay mari doonaan wadada odayaashii dhaqan ee kal hore dowladda federaalka ay ku xukuntay xabsi gaaraya illaa 15 sano, kadib markii ay heshiis lasoo galeen Al-Shabaab. Maamulka Jubbaland ayaa horey uga digay la-macaamilka Al-Shabaab, si gaar ah odayaasha dhaqanka, iyada oo markaas uu maamulka sheegay in ciddii aqbasha awaamiirta kooxda ama heshiis la soo gasha in loo aqoonsanayo inay iyaga lamid yihiin. Hoos ka aqriso magacayada odayaashan; Cabdiqaadir Maxamed Macalin Ibraahim Ismaaciil Khaliif Ibraahim Shire Cismaan Maxamed Yuusuf Cabdullaahi Jaamac Cabdi Barre Maxamed Cumar Maxamuud Cilmi Cabdi Maxamed Xirsi Cabdullaahi Bile Siciid Axmed Maxamuud Xasan Salaad Cabdi Maxamuud Axmed Cabdi Keyd Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kal hore soo saartay xeer dambi ka dhigaya la-macaamilka Al-Shabaab, kaasi oo dhigaya in si lamid ah loola dagaalamo cid kasta oo la tacaamusha kooxda, oo xilligaan guluf ka dhan ah uu ka socda dalka. The post Sawirro: Jubbaland oo soo bandhigtay odayaal loo haysto la-macaamilka Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  15. Somalia and partners say leadership wrangles within the militant group offer an opportunity to annihilate the extremists. But it may take more than just targeting its leadership. Source: Hiiraan Online
  16. Turkish President Recep Tayyip Erdogan’s strongest ally calls for an intervention into the Gaza Strip if Israel’s attacks on Palestine do not stop within 24 hours. Source: Hiiraan Online
  17. Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa xalay duqeymo ba’an ka fulisay Gaza kadib markii ay ka digtay inay xoojinayso duqeymaha ka hor duullaanka dhulka, iyadoo dagaalka ka dhashay weerarka dhiigga badan uu ku daatay ee ay qaadday Xamaas uu Axadda maanta ah galay toddobaadkii saddexaad. Xamaas ayaa sheegtay in duqeymaha xalay ee Marinka Gaza ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof, laguna burburiyay 30 guri, sida ay warisay AFP. In ka badan 40 boqolkiiba dhammaan guryaha Gaza ayaa waxyeelo gaartay amaba la burburiyay, sida ay QM sheegtay iyadoo soo xiganaysa saraakiisha deegaanka. Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in diyaaradaheedu ay duqeeyeen dhismo ku hoos yaal masjid ku yaala Daanta Galbeed halkaasi ay sheegtay in xubno ka tirsan Xamaas iyo Islamic Jihaad ay ku qorsheynayeen “Weerar Argagixiso oo xilliga dhow ah” sida ay hadalka u dhigtay. Wafa, oo ah wakaaladda wararka rasmiga ah ee maamulka Falastiin, ayaa sheegtay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay duqeynta, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen dhismaha ka hooseeya Masjidka al-Ansar ee xerada qaxootiga Jenin. Weerarkan cirka ah ee Israel ayaa ah ugu yaraan kii labaad ee maalmihii la soo dhaafay ay ka fulisay Daanta Galbeed ee dhulka la haysto, halkaas oo ay ka socdeen rabshado u dhexeeya Yuhuuda la dejiyay iyo Falastiiniyiinta tan iyo 7-dii bishan oo ay kooxda Xamaas ee ka soo jeeda Gaza weerartay Israa’iil. Dhinaca kalena, Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa warisay in ciidamada Israa’iil ay diyaaradohoodu duqeeyeen garoomada caalamiga ah ee ku yaalla caasimadda Dimishiq iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Xalab. Waxa ay sheegtay in weerarkaas uu ku dhintay hal qof, islamarkaana ay waxyeelo gaarsiiyeen dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, taas oo keentay in ay shaqada garoomadu joogsato. Israa’iil ayaa dhowr duqeymo ka geysatay gudaha dalka Suuriya, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, tan iyo markii uu dagaalka billowday. Israa’iil marar dhif ah ayay qirataa weerarradeeda, laakiin waxa ay sheegtay in ay u dhaqmayso si ay uga hortagto Xisbullah iyo kooxaha kale in ay hub kala yimaadaan dalka ay xulufada la yihiin ee Iran, oo sidoo kale taageerta Xamaas. Lubnaan-na, Xisbullah ayaa sheegtay in lix ka mid ah dagaal-yahannadeeda la dilay Sabtidii, iyadoo ku-xigeenka hoggaamiyaha kooxda, Sheikh Naim Kassem, uu ka digay in Israa’iil ay qiimo weyn ku bixin doonto haddii ay bilowdo weerar dhulka ah oo ay ku qaaddo Marinka Gaza. Israa’iil ayaa duqeysay bartilmaameedyada Xisbullah subaxnimadii hore ee Axadda maanta ah, iyadoo ka jawaabaysa gantaallo la soo riday, sida uu sheegay milateriga dalkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka GAZA appeared first on Caasimada Online.
  18. Wareegto Madaxweynuhu Xilkii kaga Qaaday Laba Masuul, kuwo cusubna ku Magacaabay Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilalkii kaga qaaday qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ku macaabay masuuliyiin cusub. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. 1. Ku: Cabdirisaaq Maxamed Siciid Gees, Wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Turkiga. Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah 2. Ku: Maxamed Cali Axmed; Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Daad-madheedh. Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Sida aad la socotaan, xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Turkey iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Daad-madheedh. Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay masuuliyiintan. Waxaanay u dhignayd sidan:- Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; 1. In Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilkii hore ee dalka Ethiopia, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Turkiga. 2. In Cumar Cali Cabdillaahi Bade laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  19. Booliska oo soo Bandhigay Khamri ay Qabteen Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan qaybta Ilaalada Cashuuraha ayaa gacanta kusoo dhigay 13 Kartoon oo khamri ah oo ay ku jiraa 312 dhalo iyo sidoo kale hal eedaysane iyo gaadhigii lagu siday, sidoo kale waxaana baxsaday hal eedaysane oo Ciidanku ku raad-joogo iyada oo si degg degg ah loo horgayn doonaa laamaha sharciga. Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu digniin u dirayaa dadka caadaystay ka ganacsiga Maandooriyayaasha Khamriga iyo xashiishada waxaanan u soo jeedinaynaa ina ay ka waantoobaan. Waxaanu yidhi.“Maanta waxa aanu ummada Somaliland u soo bandhigaynaa Khamriga halkaasi yaala iyo baabuurkaasi ciidanka Booliisku ku soo qabteen buurta Qalax, tirade Khamrigaasi oo ka soo gudbay xadkaasi Itoobiya, waa 13 Kartoon oo isu gayn ay ku jiraan 312 quraaradood oo khamriga ‘’Dry gein’’ la yidhaahdo ah iyo 22 quraaradood oo ah nooca Biir-ka la yidhaa. Waxaa soo qaybtay Booliiska qaybta ilaalinta cashuuraha oo xuduudaasi u joogay inay kootarabaan ka ilaaliyaan, waxay gacanta ku soo dhigeen Khamriga tiradaasi leh iyo Baabuurkii siday iyo hal eedaysane oo ragii Khamriga waday ah, hal nin baa ka cararay midna waa la hayaa, waa guul u soo hoyatay ummada Somaliland ee la dagaalanta sharci darrada. Xeerka number-kiisu yahay 21 ee ka soo baxay golayaasha qaranka Somaliland ayaa mamnuucaya isticmaalka, cabida, ka ganacsiga iyo haysashada maandooriyaha Khamriga, isaga oo Boolisku taasi fulinaya oo shaqadiisu tahay socodsiinta shuruucda qaranka, Khamrigaa kootarbaanka ah ee sharci darada ah bay soo qabteen, waxana laga hortagay kharat iyo mukhaadaraad la galinayay ummada Somaliland naftooda iyo dhaqankooda oo intaba mamnuucka ah kitaabka Ilaahay na diiday. Ummada waxaanu uga digaynaa in ay iska ilaaliyaan Khamriga ama mukhaadaraadka lagu biinayo noloshooda, Booliiskana ku gacan siiyaan la dagaalankiisa oo meel kasta oo la sheego ama lagu hayo ama lagu arko ay Booliska u soo sheegaan’’. Qaran News
  20. Jimcihii aan soo dhaafnay oo ay taariikhdu ahayd labaatanka bisha October, xilli fiid ah waxaa ka dhacay magaalada Galkacyo dhacdo argagax leh, taas oo wiil yar oo 10 sano jir ah loogu gaystay dil iyo kufsi, sida ay noo sheegeen waalidkiis oo soo xiganaya isbitaal ay geeyeen maydka wiilkooda. Xilli fiid ah ayuu willka yar ka soo baxay guriga walaashiis oo uu ku noolaa oo ku yaalay xero barakac oo ku taalla magaalada Gaalkacyo, isaga oo doonayay inuu aado guriga eedadiis, sida uu noo sheegay adeerka wiilka. “Dhawr iyo toban mitir ayay isku jiraan labada guri, dhexdaa laga qabtay,” ayuu BBC u sheegay adeerka wiilka. Qoyska ayaa sheegay inay dareemeen maqnaashiyaha wiilka, kadibna ay bilaabeen inay baadi goobaan, iyaga oo ka raadinayay gudaha xerada, laakiin muddo ay ku jireen baaritaan kadib, waxay sheegeen inuu ku soo dhamaaday natiijo la’aan, iyaga oo ugu dambeyn qaatay go’aan ah inay iska jiiftaan maadaama uu roob da’ayay. Markii uu baryay waagu ayuu sheegay adeerka wiilku in ay qoysku dib u bilaabeen baadi goobka wiilkooda iyaga oo isku qaybiyay laba kooxood, kuwa ay u dhaqaaqay dhinaca duurka, kooxda kalana waxay galeen magaalada. Markii ay kala tagtageen dadkii…ayaa guriga agtiisa meel ah oo ay ilmuhu banooniga ku ciyaaraayeen la soo dhigay [maydka],” ayuu yiri adeerka wiilka. “Waxay ku rideen jawaan dhuxuleed ay ku qariyeen intay lugaha u laabeen”. “Gabar aniga ila dhalatay, iyo mid aniga aan dhalay iyo gabar kale oo xaafadda dagan oo dadkii xaga magaalad u baxay ah ayaa jawaankii arkay. Tii aniga aan dhalay ayaa lugta ku dhufatay…jawaankii waa nuuxsan waayay…gabadhii aniga ila dhalataa ku foorarsatay, jawaanka ayay gees ka qabatay, saan hadey tiriba wiilka funaanadiisa ayay ku aragtay. Waan tan jooga ka dhacday,”. Qoysku waxay sheegeen in boolisku ay soo gaareen goobta kadibna ay wareysi la yeesheen dadkii goobta joogay kadibna maydka wiilka waxaa loo qaady isbitaalka. Dadkii gaystay falkaan ayay noo sheegeen in ilaa ay hadda aan gacan lagu hayn balse booliska ayaa qoyska u sheegay inay ku daba jiraan. Maxaa ku dhacay wiilka? Warqad ay soo saareen isbitaalka Guud ee magaalada Galkacyo, ayaa lagu sheegay in maydka wiilka uu dhuunta kaga yaalay nabar muujinaya ceego – si gooni ah xarig lagu ceejiyay. Sidoo kale waxay sheegeen in baaritaankooda ay ku ogaadeen in la kufsaday. Sida ay noo sheegeen qoysku boolisk ayaa qaaday qaybo kamid ah dheecaanka wiilka, iyaga oo sheegay inay baaritaan ku sameun doonaan. Sababta uu fal nuucaan ah ugu dhici karo wiilkooda ayay qoysku sheegeen in aysan marnaba suuraysan fahmi karin. “Murugada nahaysa ilaaheey unbaa xisaabi kara…laakiin dad muslim ah ayaan nahay ilaaheey ayaan talo saaraneynaa,” ayuu yiri BBC u sheegay adeerka wiilka. Dhanka kale qoysku waxy sheegeen in shalay ay aas u sameeyeen wiilka la dilay aderiis, oo murugadii hore ay midaan ugu sii darsoontay. Wiilka yar ayaa ahaa rajay iyada oo ay hooyadiis dhimatay , waxaana loo keenay magaalada Galkacyo inuu la noolaado walaashiis oo degan xero barakac oo ku taalla magaalada. Aabihiis ayay qoysku sheegeen inuu yahay oo waayeel oo ku nool yahay deegaanka Qalaafe. ugu dambayn maanta ayay qoysku aaseen maydka wiilkooda, kadib hal maalin oo ay yaalay isbitaala baaritaanna lagu sameynayay. Magaalada galkacyo ayaa horay waxaa uga dhacay falal kufsi oo aragagax lahaa, waxaa dad badan xasuustaan markii sidaan oo kale gabar 7 jir ah kufsi loo gaystay kadibna la dilay, iyada oo maydkeeda la helay markii dambe. Dawlad goboleedka puntland ayaa mar dambe gacanta ku soo dhigay rag ay shegeen inay kufsiga geysteen, waxaana lagu xukumat dil toogasho ah. Mid kamid ah waxyaabihii u fududeeyay inay gacanta ku soo dhigaan ragii kufsaday gabadha yar ayay boolisku ku sheegeen inuu ahaa baaritaanka DNA, kadib markii dheecaan laga qaaday maydka gabadha yar ee la kufsaday. bbcsomali Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha ku haminaya xukunka madaxtinimada Soomaaliya iyo inta isku safka ah ee la isku yiraahdo mucaaradka ayaa maalmo badan ka aamusna fagaaraha dowladnimada Soomaaliya. Dowrka ugu weyn ee mucaaridnimada oo ah dheelitirka dowladda xukunka joogta ayay ka gaabsadeen, sababta waxay marwalba ku sheegi jireen inuu dalka dagaal ku jiro oo aanay awoodin inay la dhigtaan madaxweyne dagaal ku jira. Inkasta oo qaar mucaaradka kamid ah lagu eedeeyay dhowr jeer inay si hoose iskugu dayeen inay dagaalka fashiliyaan, haddana inta badan mucaaradka dowladda federaalka ah ayaa laga waayay fagaarayaasha, iyaga oo muujinayay in madaxweynaha la siiyo fursad uu libin kaga keeno dagaalka. Qof walba oo uu damac kaga jiro inuu Soomaaliya xil ka qabto waa ogyahay in aysan shaqadaas macno ku fadhin guulna aan laga keeni karin inta ay dalka joogto argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida muuqata shaqo la aqbalo karo ka qabtay dagaalka argagixisada tan iyo markii uu kusoo laabtay xafiiska. Laakiin khudbadii Jimcihii ee masaajidka Madaxtooyada ayaa dib usoo nooleysay dooddaha siyaasiga ah ee Soomaalida. Xubnaha mucaaradka qaarkood oo ku jiray qoraal cabasho iyo digniin ahaa oo Khamiistii loo diray madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa laga soo xiganaya in madaxweynaha uu furay saaxadii siyaasadda. Xubnahan ayaa ku dooddaya in madaxweynaha uu dagaalkii ku garab furay dooddo taabanaya hab xukunka, doorashada soo aadan iyo dhismaha axsaabta siyaasadda, taasi oo soo toosisay qof walba oo damac ka leh xukunka dalka. “Hadda wax nagula eedeeyo ma jiraan, oo madaxweynaha ayaa shaqo u abuuray mucaaradka,” ayay dooddooda ku kabayaan xubnaha mucaaradka qaarkooda. Dad badan ayaa qaba in madaxweyne Xasan Sheekh u haboon tahay inuu dib u dhigto dooddaha siyaasiga ah iyo arrimaha taabanaya awood qeybsiga dalka, maadaama ay Soomaalida isku raacsan tahay in aan wax badan oo dowladnimo iyo horumar ah aan la gaari karin haddii aan argagixisada laga adkaanin. Shacabka Soomaalida iyo dowladdooda waxay muujiyeen in laga adkaan karo argagixisada. Dagaalka waxa uu jooga meel laga xaqiijin karo hadafka guusha. Laakiin in waqtigaan la aado dagaal siyaasadeed ayay dad badani qabaan inay dhaawac weyn ku noqon karto dagaalka lagula jiro argagixisada, oo ay dhinaca kale keeni karto in bulshadii ku mideysneyd la-dagaalanka argagixisada inay danaha siyaasadda kala riixaan. Ma jirto cid sharaxaad fiican ka bixin karta sababta uu madaxweyne Xasan Sheekh u go’aansaday inuu dib u furo dooddo siyaasadeed oo loo arko inay majo xaabinayaan dagaalka, xilli uu isagu dhowr jeer oo hore ku doodday in aan laga shaqeyn karin wax siyaasad, doorasho iyo dowladnimo ah iyada oo aan la xaqiijin ammaanka dalka. Maadaama ay mucaaradka bilaabeen wada-hadallo hoose iyo dooddo banaanka yaalla, dowladda waxaa u taalla sidii ay iskugu dhinac wadi laheyd la-dagaalanka argagixisada iyo maareynta hardanka siyaasadda ee ay dib u furtay iyadu. Dadka qaar waxay ku tallinayaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh uu hal sanno kale dib iskaga dhigo dooddaha siyaasadda oo uu xoogga saaro natiijada dagaalka argagixisada. The post Xasan oo furrin cusub isku furay iyo ‘waxa la gudboon’ si dagaalka u wiiqmin appeared first on Caasimada Online.
  22. Kismayo (HOL) - Jubbaland regional state administration displayed eleven traditional elders accused of dealing and collaborating with the al-Shabaab group in Kismayo on Sunday. Source: Hiiraan Online
  23. 856 Qoys oo Danyar oo loo Qaybiyay Kaadhadh ay Raashin ku Qaadanayaan 6 Bilood Hargeysa(Qaran news)-Hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland, oo kaashanaysa hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin ee WFP iyo UNHCR, ayaa siwada jira ugu qaybiyay kaadhadh caawimo lagu siinayo muddo 6 bilooda 856 qoys, kuwaas oo isugu jira Qaxoonti iyo soo noqdayaal. Agaasimaha Waaxda soo noqdayaasha ee hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Rooble Ibraahim Maxamed “Ujeeddada aanu idiinku yeedhnay waa qaybinta mashruuc raashin oo soconaya muddo 6 bilooda, kaadhadh ayaa la idinsiinaya qofkastana bakhaarka ugu dhaw ayuu tagaya, raashinka wax allaale wixii uu doono ayuu ka soo qaadanayaa, dadka kaadhadhkan la siinayaa waa dad ka badan kun qoys, kuwaas oo isugu jira Hargeysa iyo gobollada dalka, WFP waanu u mahadcelinaynaa,” Sidoo kale masuuliyiintan hay’addaha WFP iyo UNHCR ayaa sheegay in aanay jirin cid ugu mano sheegan karta dadka kaadhadhka la siiyay. Gaba-gabadii qoysaskii kaadhadhkan la siiyay ayaa hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha iyo hay’addaha WFP iyo UNHCR uga mahadceliyay. Qaran News
  24. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahaya culeyskii ugu xooggana ee siyaasadeed, iyada oo mucaaradka ay u direen digniin u muuqata kama dambeys. Laba xisbi oo kamid ah kuwa siyaasadeed ee maamulka Puntland ayaa markale Saciid Deni uga digay meel-marinta qorshaha uu ku adkeysanayo ee lagu sheegay doorasho qof iyo cod ah. Ifiye iyo Sincad ayaa sidoo kale waxay shaaciyeen in ay qaadayaan tallaabo kasta oo looga hortagi karo damaca madaxweyne Saciid Deni. “In aysan suurta-gal ahayn doorasho madaxweyne iyo ku-xigeen taasi oo ay shacabka toos usoo dooranayaan xilligaan kala guurka ah. Waa in la qabto doorasho ku dhacda wakhtigeeda.” Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka “Waa in doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay u dhacdo si baarlamaani ah oo Xildhibaannada la soo doortey ay doortaan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.” Xisbiyadan ayaa waxa kale oo ay soo jeediyeen in musharaxiinta aan ku jirin xisbiyada siyaasadeed loo ogolaado inay si madax-bannaan uga qeyb-galaan doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenka. “Annaga oo ka duuleyna hirgelinta doorasho loo dhan yahay waa in fursad loo siiyo musharraxiinta aan kamid ahayn xisbiyada hadda jira, waana in loo ogolaado inay si madax-banaan uga qeyb qaadan karaan doorashada madaxtinimada,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xisbiyadan. Labadan xisbi oo muddooyinkii dambe lagu tirinayay dhinaca Saciid Deni, oo isagu dhawaan kulan la qaatay, ayaa waxaa muuqaneysa in ay hadda soo mareen dhanka mucaaradka, kadib shirkii lagu middeeyay siyaasiyiinta mucaaradka ee dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe. Farriimaha xilligaan kasoo baxaya mucaaradka iyo tallaabooyinka ay qaadeyso madaxtooyada ayaa uga sii daraya xaaladda cakiran ee ka taagan maamulka Puntland. Si kastaba, waxaa laga cabsi qabaa in mar kale gacan ka hadal isku rogto xiisadda taagan ee ka dhalatay doorashooyinka maamulka, oo u dhaxeeya mucaaradka hubeysan iyo maamulka Deni, sida kal hore ka dhacay magaalada Garoowe. The post DENI oo digniin kama dambeys ah la siiyay xilli ay xiisadda kasii dareyso appeared first on Caasimada Online.