-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu toogtay saddex askari oo ka kala tiirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed, kuwaas oo horay dilal uga gaystay gudaha magaaladaasi. Saddexda askari ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Xuseen Cali Macallin limaan (Gurey) oo ka tirsanaa ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo ka tirsanaa militariga Soomaaliya iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo isna kamid ahaa booliiska maamul goboleedka Koonfur Galbeed Sommaaliya. Dhammaan saddexda askari ayaa saaka la geeyay tiirka, ayada oo duleedka Baydhaba looga oofiyay dambiyadii dilalka ahaa ee ay horay u gaysteen. Askartan laba kamid ah ayaa horay beerta Qurun Jiis ku dhex Dilay marxuum Muxudiin Maxamed Cabdiraxmaan, dilkaas oo bishii June ee sanadkii 2018-kii. Sidoo kale askariga saddexaad oo ah Cabdullaahi Ibraahim ayaa isna horay u dilay Isgoowe Maxamed Aadan, dilkaas oo dhacay bishii June eee sanadkan 2023-ka. Marxuumka ayaa ahaa farmashiiste sidoo kalena isku diyaarinayay aqal gal cusu laakiin u dhintay ka doodidda xabad kor loogu riday. Goobta lagu toogtay askartan waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwa ka socday maxkamadda ciidamada iyo dadweyne kala duwan. Koonfur Galbeed ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu maxkamadeeyay magaalada Baydhaba ee xarunta Baay. The post Saddex askari oo toogasho lagu fuliyay kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dalka Congo, Felix Tshisekedi , ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Maxamed Burhaan Cali oo noqon doona Danjiraha cusub ee Jabuuti u fadhi doona dalkaas, iyadoona xaflada soo dhaweyn ah loogu sameeyay Madaxtooyada dalkaas. Danjire Maxamed Burhaan Cali ayaa farriin uu ka siday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle guuddoonsiiyay Madaxweynaha Congo , isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dowladood. Dhankiisa, Madaxweynaha Congo ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay magcaabista Danjire Maxamed Burhaan Cali , isaga oo u rajeyayay inuu ku guuleysto shaqada loo soo igmaday iyo xoojinta xidhiidhka labada dal, wuxuuna ballan qaaday in dowladdiisu kala shaqeyn doonto fududeynta howlihiisa shaqo. Tallaabadaan ayaa ka mid ah ujeedooyinka ay dowldda Jabuuti ku dooneyso in ay ku xoojiso xidhiidhka ay la leedahay dalalka qaaradda Afrika iyo guud ahaan dunida kale. Danjire Maxamed Burhaan Cali, ayaa hadda ah Danjiraha Jabuuti u qaabilsan dalka Ivory Coast, waxaana fadhigiisu ahaan doona magaalada Abidjan. Source
-
Muqdishom (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qarax xoogan oo ay saaka ka fulisay saldhig ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa loo adeegsaday gaari kuwa aan xabadda karin (Bulet Proof), kaas oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa, laguna weeraray saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi. Kooxda ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan ay ku bartimaameedsay xero ay daganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaan Boolis-Milataro ee ka howlgala Muqdisho & duleedkeeda. Sidoo kale waxa ay sheegtay inay goobta ku dishay ugu haraan illaa 49 askari, ayna dhaawacday tiro kale oo intaasi ka badan oo isugu jiro saraakiil iyo askar kale. Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay burburisay guud ahaan xerada oo ay yaaleen gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo meesha ku gubatay, sida ay hadalka u dhigtay. Waxaa kale oo ay kooxda ku goodisay inay sii kordhin doonto weeraradeeda, ayna beegsan doonto xarumaha ciidamada iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Dhanka kale, Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalla waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Inta badan waxaa deegaankan weeraro culus kusoo qaada Al-Shabaabka ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose, iyaga oo bartimaameedsada saldhigyada ciidamada. Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya caasimada iyo hareeraheeda, waxaana culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo inta badan lagu jebiyay dagaallada ka socda gobollada dalka. The post Al-Shabaab oo shaacisay tirada askarta ay ku dishay qaraxii Ceelasha Biyaha appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa si guud uga warbixiyay howlgallada sanadka qaatay ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladan khasaare xoogleh iyo jab lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana looga qabsaday dhul aad u ballaaran. Daa’uud Aweys ayaa xaqiijiyay in howlgaladan qaatay mudada sanadka ah lagu dilay 1,700 oo 57 kamid ah ay yihiin horjoogayaal uu ku jiray dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir. “Waxaa laga yabaa xittaa in tirada dhimashada ee aan ku sheegnay 1,700 ay ka badan karto intaasi oo ay soo uruuriyeen laamaha ammaanka,” ayuu yiri wasiirku. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cagta la mariyey illaa 73 saldhig oo ay kooxdu laheyd, halkaas oo lagu burburiyay hub iyo saanad ciidan, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale, wasiirka warfaafinta ayaa faahinfaahin ka bixiyay dhulka ay la wareegtay dowladda, isaga oo sheegay in Al-Shabaab laga saraay qiyaastii illaa kun kiilo mitir. Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale sheegay in 120 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin waa weyn laga wareegay Al-Shabaab, kuwaas oo ku kala yaalla: Gobolka Hiiraan 25 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin, Shabeelaha Dhexe 21 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin, Galgaduud 20 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin, Mudug 25 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin, Shabeelaha Hoose 10 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin iyo Jubbaland20 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin waa weyn. “Dhul ka badan illaa kun kiilo mitir ayaa sanad gudihiisa looga ciribtiray Khawaarijta, waxaana intaas dheer in 120 isugu jira deegaano iyo degmooyin laga saaray Al-Shabaab, welina waxaa socda baacisiga kooxda” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Daa’uud Aweys. Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in guullo waa weyn laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha iyo baraha bulshada, ayna ku guulaysteen inay xayiraan akoono badan. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka. The post Daawo: DF oo sheegtay in 2,000 laga dilay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Afhayeenka garabka militari ee Xamaas, guutada Al-Qassam, ayaa sheegay in kooxdu ay sii daysay laba maxbuus oo Mareykan ah sababo bini’aadantinimo awgeed. “Iyadoo laga jawaabayo dadaallada Qatar, guutooyinka Al-Qassam waxay sii daayeen laba muwaadin oo Mareykan ah hooyo iyo gabadheeda sababo bani’aadamnimo,” Abu Obaida ayaa ku yidhi hadal uu soo saaray. Wuxuu intaas ku daray in tillaabadan looga golleeyahay in lagu caddeeyo dadka Mareykanka iyo caalamkaba in sheegashada Biden iyo maamulkiisa ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Labadan qof ayaa lagu wareejiyay Laanqayrta Cas waxana la sheegay in hooyada ayaa ku jirta xaalad caafimaad oo liidata.Ma cadda inay ka bixi doonaan Gaza oo ay geli doonaan Masar ama Israa’iil. Waa natiijadii wada xaajoodka Qatar iyo Xamaas oo billaamay ka dib markii Xamaas ay Israel ka afduubatay ku dhawaad 200 oo qof 7-dii October. Ururka Xamaas ayaa 7dii bishan ka soo afduubtay inkabadan labo boqol oo ruux gudaha Israa’iil waxaana ka mid ah dadkaasi ay qabsadeen Xamaas muwaadiniin u dhalatay dalka Maraykanka. Source
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay xukun toogasho ah ku fulisay saddex xubnood oo ka kala tirsanaa ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo xoogga dalka, kuwaas oo hore u geystay dilal kale duwan sida ay maxkamaddu caddeysay. Dembileyaasha ay maxkamaddu Ciidamada ay dilka ku xukuntay waxa ay kala yihiin Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Cabdullaahi, Ibraahim Yarow (Borow) oo ka tirsan Boliiska KGS, iyo Sheekh Aadan oo ka tirsan Militariga. Maxkamadda Ciidamada Qalabka oo saaka xukunkeedii dilka ku fulisay askartii hore dilaalka u geystay ayaa sidoo kale ku hawlaneed waayahan wadey qaadista iyo oofinta kiisaska ku saabsab dilal lagu fuliyay shakhsiyaad dilal ugu geystay muwaadiniin kale. Source: goobjoog.com
-
Fanaanadda caanka ah ee Maryan Mursal Ciise ayaa xalay ku dhawaaqday inay joojisay shaqadeedii fanaanimada. Xilliga ay shaacisay hadalkaan ayay ku sugneyd munaasabad ka dhacaysay magaalada London ee caasimadda waddanka Ingiriiska – xafladda ayaa sioo kale abaal marin lagu gudoonsiiyay. “Caawa Fankii ayaan joojiyay, ii soo duceeya in ilaaheey iga masaxo” ayay tidhi, iyada oo dhinac taagan qoraaga Siciid Saalax oo gudoonsiiyay abaal marinta. Maryan waxay sheegtay in illaaheey ay ka dalbaneyso inuu ka cafiyo danbigii ay ku jirtay Source
-
Koofur Galbeed ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex askari oo loo heysto dil ay hore uga geysteen degaanada maamulkaasi. Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheekh Aadan oo ka tirsan Militaryga iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo Booliiska KGS ka tirsan ayaa saaka lagu toogtay duleedka Baydhabo. Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) iyo Cabduwaaxid Cali Sheekh Aadan oo ka tirsan Militaryga ayaa beerta qurun Jiis oo deegaan Dug Baydhabo ku taal ku dhex dilay marxuum Muxudiin Maxamed Cabdiraxmaan June 18 2018-kii. Halka Cabdullaahi uu Dilay Isgoowe Maxamed Aadan Juun sedaxdeedii sanadkan, marxuumka ayaa ahaa farmashiiste isku diyaarinayay guri gal laakiin u dhintay ka doodidda xabad kor loogu riday. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex askari appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Mareykanka ayaa waajahaya hanjabaado dheeraad ah, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in dagaalka Israel iyo Xamaas uu ku fido gobolka oo dhan. Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaalada ayaa lagu garaacay saldhigyada ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dalka Ciraaq. Weerarradan ayaa ku soo beegmay xili ay Washington heegan sare gelisay ciidamadooda barriga dhexe ku sugan, iyadoo weeraro noocaan ah ka dhaceen Ciraaq iyo Suuriya, halka markab dagaal oo Maraykanku leeyahay uu soo riday gantaallo u socday Israa’iil oo laga ganay Yemen. Waxaa sare u kacay weerarada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka tan iyo markii ay iskahorimaadayda Israel ka billaameen 7-dii Oktoober. Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa duqeysay ciidamada Mareykanka ee Suuriya, waxaana ka dhashay dhaawacyo fudud, halka mid kalena la soo riday. Shalay oo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ayaa lala beegsaday saldhigga ciidamada Maraykanka iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ku sugan galbeedka Ciraaq. Qaraxyo kala duwan ayaa laga maqlay gudaha saldhigga. Mareykanka ayaa waxaa Ciraaq ka jooga 2,500 oo askari, halka 900 oo kalena ay ka joogaan dalka ay jaarka yihiin ee Suuriya, wuxuuna howlgalkooda yahay sidii ay gacan uga siin lahaayeen ciidammada maxalliga ah ee dagaalka kula jira kooxda hubeysan ee ISIL oo sannadkii 2014-kii laga qabsaday dhul badan oo labada dal ah. Iran oo kooxahan taageerta ayaa toddobaadkan sheegtay in ayna dusha kasii daawan doonin dagaalka Gaza iyo duqeynta Israel ku wado shacabka Falastiin, xili Wasiirka Arrimaha dibada ee Iran uu magaalada Doxa kula kulmay hoggaamiyaha Xamaas. Dalka Iran ayaa ah wadanka kaliya ee sida rasmiga ah u taageeray duulaankii Xamaas ku qaaday Israa’iil 7dii Oktoober oo lagu dilay in ka badan 1400 isugu jira askar iyo shacab Israa’iiliyiin ah. Source
-
Markab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka oo ku sugan badda cas ayaa soo riday gantaalo iyo diyaarado Drones ah oo ay soo direen Xuutiyiinta Yemen, waxaana laga yaabaa in ay ku waajahnaayeen Israa’iil, sida ay sheegtay Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka. Saddex “gantaallada iyo dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn” ayaa waxaa burburiya Markabka dagaalka ee Mareykanka, sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka Pentagon-ka, Jeneraal Pat Ryder. Weerarka waxaa soo qaaday xoogagga Xuuthiyiinta ee Yemen oo laga yaabo inay la beegsanayeen Israa’iil, ayuu sii raaciyay. Markabkan oo lagu magacaabo USS Carney ayaa roondo ka waday Badda Cas, taasoo qeyb ka ah joogitaanka ciidamada Mareykanka ee si weyn loo xoojiyay oo uu amray madaxweyne Joe Biden si loo ilaaliyo xasiloonida ka dib dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo kooxda Xamaas ee ka dagaalanta marinka Qaza. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uusan uga sii darin xaaladda dalka. Thaabit ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ugu horreyntii ku baaqay in shacabka iyo siyaasiyiinta ay madaxweyne Xasan ku garab siiyaan masuuliyadaha dastuuriya ah ee ugu horreeyaan la-dagaalanka argagixisada iyo doorasho qof iyo cod ah ee nidaamka xisbiyada badan. “Madaxweynaha JFS garab ha lagu siiyo mas’uuliyaddaha dastuuriga ee loo doortay, loona dhaariyay oo ay ugu horeeyaan la dagaallanka argagixisada khawaarijta iyo doorasho qof iyo cod ah ee nidaamka xisbiyada badan iyada oo loo marayo dariiq sharci ah, heshiis lagu yahay sida uu qabo dastuurka dalkeena oo Soomaali ku heshiisay,” ayuu yiri Thaabit Cabdi Sidoo kale waxa uu madaxweynaha ugu baaqay in uusan uga sii darin xaaladda dalka ee uu wax ku hoggaamiyo tallada umadda tuullo iyo magaalaba, maadaama uu ka arriminayo masiirkooda. “Mudane Madaxweyne haddii aad mar labbaad fursad u heshay gurigii ummadda, waxaa lama huraan ah inaadan uga darin oo aad wax ku hoggaamisaa talada ummadda tuulo iyo magaalaba ileen waa masiirkoodee.” Ugu dambeyntiina wuxuu ka dhawaajiyay in siyaasiyiinta diyaar u yihiin in ay madaxweynaha wax la saxaan, sidaas darteedna ay tahay in uusan dhageysan kuwa ku hareersan ee tallada khaldan siinaya, sida uu ku yiri qoraalka. “Dadka badankii wili waxay doonayaan inay wax kula saxaan ee kuwa talada khaldan yaysan ku gaarsiin meel in wax la saxo ay waajib noqon doonto.” Hadalka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa imanaya xilli madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ay madaxweyne Xasan Sheekh uga digeen in khatar uu gelin nidaamka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed, uuna ka foojignaado waxkasta oo shaki gelin kara awood qeybsiga, dalkana u horseedi kara dib u dhac. Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka horyimid meel-marinta heshiiskii golaha wadatashiga qaranka, kaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh uu la dhacsan yahay, uuna gadaal ka riixayo dhaqan-galkiisa. Madaxweyne Xasan ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiskaas, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya. Madaxweynaha ayaa markaas ka digay in la diido wax aan loo heyn sabab ama xal kale, wuxuuna yiri “Wax waa diidi kartaa, laakiin soo barbar dhig mowqifkaaga iyo waxa aad dooneyso, haddalaba xisbi in la qaato ayaan go’aansanay hadaa diidan tahay qorshahaas noo sheeg sida aad rabto oo nagu qanci xalka ku jira.” The post Thabit Cabdi oo XASAN u diray farriin culus kadib digniinti mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
-
Safaaradda Mareykanka ee Israa’iil ayaa sheegtay in la furi doono marinka Rafah ee xadka Masar iyo Qaza maanta oo Sabti ah. Marinkaas ayaa lagu wadaa haddii la furo in ay ka soo gudbaan boqollaal gaadiid gurmad u sida Qaza, oo labadii toddobaad ee u dambeeyay ku xannibnaa xadka. Madaxweynaha Mareykanka ayaa shalay ku dhawaaqay in heshiis laga gaaray xadka, kaddib wada-hadallo uu la yeeshay hoggaamiyayaasha Masar iyo Israa’iil. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo sheegtay in maanta la furayo Marinka Rafah ee Qaza appeared first on Puntland Post.
-
Ceelbuur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Jimcihii shalay uu dagala u dhexeeyay xubno ka wada tirsan Al-Shabaab uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Barujeed iyo degmada Ceelbuur. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa qaatay saacado badan, waxayna labada garab ee ka wada tirsan kooxda isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay inay maqlayeen jugta hub culus oo ay labadad hinac isku adeegsanayeen, kaas oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Warbixinta dowladda oo ka hadashay dagaalkan ayaa shaaca ka qaaday inuu u dhexeeyay horjoogayaal ka wada tirsan kooxda, kuwaas oo soo kala dhex-galay khilaaf xoogan oo ka dhashay dagaalkii maalmo ka hor ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Barujeed. Sida ay dowladdu sheegtay horjoogihii xukumayay maleeshiyaadka weerarka qaaday oo kasoo jeedo magaalada Guriceel uu ka dhago adeegay amaro culus oo lasiiyey, kadibna lasoo xiray, taas oo keentay in dagaal uu ka dhex qarxo labada garab, Ugu yaraan saddex sarkaal iyo dagaalyahanno kale ayaa la xaqiijiyay in dagaalkan ay ku dhinteen, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa weli is horfadhiya, waxayna dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka. Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka lasoo wariyey inuu dhexdooda qarxay, kaas oo ka dhacay duleedka magaalada Ceelbuur. Ma’ahan markii ugu horreysay ee ay wada dagaalamaan xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo horay sidaan oo kale ay ugu dagaalameen qeybo kamid ah gobollada dhexe ee dalka. The post Xogta dagaal culus oo Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka Ceelbuur appeared first on Caasimada Online.
-
Two years after fleeing the drought-depressed rural areas of Mudug, where his livestock were dying, Omar Mohamed Hussein is now a trained electrician in Galkayo, earning enough to support his family back at home. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi. Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qaraxa, kaas oo lagu weeraray saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay ku waabariistay jugta qaraxa, waxaana kadib xigay rasaas xoogan oo ay rideen ciidamada ammaanka ee ku sugnaa halkaasi. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaaba weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalla waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Inta badab waxaa deegaankan cirifka ku yaalla weeraro culus kusoo qaaday Al-Shabaabka ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya caasimada iyo hareeraheeda, waxaana culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo inta badan lagu jebiyay dagaallada ka socda gobollada dalka. The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya waxay dhowaan shaacisay baahida ay u qabto inay xeeb yeelato. Seddex dal ayaa ku soo dhacay maskaxda dadka dhegeystay khudbad uu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed jeediyay dhowaan: Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritreeya. Seddexda dal Soomaaliya ayaa ugu taagdaran siyaasad iyo gaashaandhig ahaan. Waa dal ciidammo ka socda Itoobiya ay ku joogaan ujeeddooyin nabad-ilaalineed, ka sokow ciidammadii dowladda Itoobiya u soo dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ururkii Midowgii Maxkamadaha (2006-2009). Itoobiya waxay indhaha ku haysaa degmada Saylac oo dhowaan meel aan ka fogeyn ay soo dhoobtay ciidaammo aad u tiro-badan, diyaaradaheeda dagaalkuna dhoollatus ku samaynayeen. Su’aalaha gorfeeyayaashu is weyddiinayaan waxaa ka mid: Maxay cuskan kartaa Itoobiya si ay u qabsato Saylac? Xeeldheere arrimmaha istaraatijiyadda oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in Itoobiya ka baaraandegayso cuskashada laba qoddob midkood: 1- In ay cuskato sababo amni kaddibna soo weerarto Saylac. 2- Inay cuskato heshiis qarsoodi ah oo dowladdii EPRDF Somaliland la gashay Itoobiya 2013 kuna saabsanaa in Itoobiya difaaacdo Somaliland haddii la soo weeraro. Xeeldheeruhu wuxuu sheegay “in Itoobiya aad uga fiirsanayso sida labadaas qodob ay iskugu dhafi lahayd si ay Saylac u qabsto oo muddo dheer u joogto ama ugu qanciso Soomaaalida in degmadaas laga kireeyo Itoobiya.” Sanadkii 2013 ayuu Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn sheegay in Itoobiya difaaci doonto Somaliland haddii la soo weeraro, Waxaa jira heshiis qarsoodi ah oo maamulkii Madaxweyne Siilaanyo la saxiixday madaxdii sarsare ee TPLF xillli xiriirka Tigreega iyo dowladda federaalku uu aad u xumaa taageeradii Itoobiya siinaysay hindisihii Jubaland lagu dhisayay oo dowladdii federaalku xilligaas ka biyo-diidday awgiis. Waxa ugu weyn ay la taliyayaasha Abiy Ahmed rogrogayaan waa sida ay u adeegsan karaan heshiis Somaliland si qarsoodi ah ula gashay ururka TPLF oo uu dagaal dhexmaray ciidaanka difaaca Itoobiya ka hor heshiiskii 2022 lagu soo afjaray dagaalkii Tigray. Abiy Ahmed wuu og yahay in Somaliland ay diiddan tahay qarannimada Soomaaliya oo ah tan dowladda federaalku cuskan karto haddii dal ka tirsan Midowga Afrika uu qabsado dhul Soomaaliya ka mid ah. Sheegashada Somaliland inay dal gaar ah tahay waa sabab ay Itoobiya ku soo weerari karto Saylac iyadoo ku doodaysa in dadka degmada deggani ay taageersan yihiin weerarka maadaama maamulka dhulka ka arrimiya diiddan yahay midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Himiladii Haile Sellassie oo ahayd in Waqooyiga (dhulkii loo yiqiin British Somaliland ka hor 26 Juunyo 1960) ka mid noqdo Itoobiya inay rumoobi karto ayay qabaan la taliyayaasha Abiy Ahmed. Dowladda maamulka Somaliland may ka hadlin hadalka Abiy Ahmed ku saabsan in Itoobiya xeeb u baahan tahay. Sanandkii 2018 Wasiirkii Arrimmaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Reuters u soo sheegay in dowladda Imaaraadka looga baahanyahay inay dhowrto qarannimada Soomaaliya. “Waxaannu u sheegaynaa DP World inay ka fiirsato heshiisyada gaar ahaan kan ku saabsan Dekedda Berbera maadaama Somaliland sheeganayso inay dal madaxbannaan tahay” ayuu yiri Cawad. Barlamaankii Soomaaliya ee dowladdii hore ayaa sidoo kale diiday heshiiskii dhexmaray DP World iyo Somaliland, heshiiskaas oo dalka Itoobiya saami ka siinayay Dekedda Berbera. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabraxmaan Cirro oo keliya ayaa si toos ah uga hor yimid heshiiskaas. “Heshiisyada Somaliland la gashay Imaaraadka waxaa ka muuqda madmadow iyadoon dadka si cad loogu soo bandhigin heshiisyadaas,” ayuu Cirro yiri Maarso 2018. Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa caddaanaysa in qarannimadu tahay asaaska difaaca danaha qaran leeyahay ka sokow wax kasta oo dadka dalkaas isku maandhaafsan yihiin siyaasad ahaan. 32 sano kaddib markii Somaliland ku dhawaaqday goonni-isu-taag aan sharci ahayn waxay Hargeysa ku baraaarugtay u nuglaanta in Itoobiya qabsato Saylac. Isha: Puntland Post The post Sida Itoobiya u qorshaynayso in ay SAYLAC u qabsato appeared first on Caasimada Online.
-
“Xudduudaha Somaliland Fiqi iyo Beeli mudna ma Beddeli Karto” Faysal C. Waraabe Hargaysa (Qaran news):- Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa wax la la yaabo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay wasiir ka tirsan dawladda Soomaaliya oo sheegay in ay SSC u aqoonsadeen maamul goboleed ka tirsan dawladda federaalka. Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in hadalka dawladda federaalka Soomaaliya aanu wax macno ah, iyo saamayn ah ku yeelanaynin jiritaanka, dawladnimadda, iyo mustaqbalka Somaliland. Hadalka guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa jawaab u noqonaya war ay Khamiistii dorraad soo saartay wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ay ku sheegtay in ay kooxda Somaliland diidka ah ee ka dagaalamaysa Laascaanood in ay u aqoonsatay maamul goboleed ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa sheegay in xuduudka Somaliland aanay waxba ka bedeli karin maleeshiyo reer ka tirsani. Eng. Faysal, oo ka jawaabayay hadalka wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa tilmaamay in talllaabada ay ku kacday dawladda Muqdisho, in ay soo dedejinayso in Somaliland ay xuduudkeedda si buuxda u sugto. Waxaanu yidhi “Waxaa wax lala yaabo noqotay waxa uu shalay ku hadlay ninka la yidhaahdo Fiqi, ee wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, oo ah dawlad fashilantay. Waxaan u sheegayaa shacabka reer Somaliland arrinta uu ninkaasi ka hadlay ha ka wel-welina. Wax allaale wax macno ah, iyo saamayn ay ku yeelanayso jiritaankeenna, iyo dawladnimadeena, iyo mustaqbalkeena ma jirto. Waa Dameer iska ciyay. Waxaanu u aragnaa Fiqi, inuu yahay nin la kiraystay oo lacag qaatay. Maanta Soomaaliya idinka ayaa u liita Fiqiyoow. Haddii aad dawladnimadiinii qaybiseen, oo aad qabaa’il ka dhigteen, taayadda qaybin maysaan.” Guddoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata,ayaa yidhi “Xuduudka Somaliland maleeshiyo reer ka tirsani ma bedeli karto, Fiqi-na ma bedeli karro. Fiqiyoow adigaan tegi karin Gaalkacayo woqopyigeedda, ee maxaad Laascaanood tari kartaa? Arrintani waxay soo dedejinaysaa in ay Somaliland xuduudaheedda tagto. Wax allaale iyo wax uu Fiqi, maanta u tari karro Laasaacnood oo aan ahayn cadaawad ma jirto”. Geesta kale Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland, iyo shacabka ba in la isugu yimaado shir lagaga wada tashanayo tallaabadan ay Soomaaliya ku kacday. “Waxaan leenahay shacabka reer Somaliland oo ay ku jiraan reer Sool, suurto gal maaha in magaaladda Laascaanood laga gooyo Somaliland. Suurto gal maaha in Laascaanood Xamar, laga xukumo, oo aanay Hargaysa wax la yeelan. Waanu tegaynaa xuduudkayaga. Waxaanan ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland iyo shacabkaba waa in shir deg deg ah la isugu yimaado. Waana in arrintaa si deg deg ah aynu u soo af-jarnaa. Waa na in ay gor-gortanka, iyo faro gelinta shisheeyaha ka baxdo Laascaanood, oo ay gacanta Somaliland ku soo noqoto”ayuu yidhi Eng. Faysal. Dhinaca kale guddoomiyaha UCID wuxuu ka sheekeeyay sidii ay ku timid midnimadii ay Somaliland sanadkii 1960-kii la yeelatay Soomaaliya, iyo dariiqii dheeraa ee loo soo maray dib ula soo noqoshadda madax banaanidda Somaliland. Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa dawladda Muqdisho ku tilmaamay mid fashilantay oo u kala qaybsantay maamul goboleedyo maqaar-saar ah, isla markaana aanay maamul goboleedyadu ka amar qaadan dawladda federaalka. Qaran News
-
Wasiirro Xadhiga ka Jaray Ceel Biyood laga Hirgeliyay Deegaan ka Tirsan Lughaya Lughaya (Qaran news)-Xubno ka mid ah golaha Wasiirrada Somaliland ayaa jimcihii xadhiga ka jaray Ceel Riig ah oo laga hir-galiyey deegaanka Gar-gaara bari ee degmada Lughaya.. Wasiiradaasi oo maalmahan ba safar shaqo ku marayay deegaamo ka tirsan gobolka Selel, ayaa ceelkan ay xadhiga ka jareen uu noqonayaa kii labaad. Maal-gelinta ceelkaas waxaa iska lahaa Baanka horumarinta Afrika, oo dhaqaalaha soo mariyay urur goboleedka IGAD. Halka IGAD na ay u sii dhiibtay hay’adda Save The Children, iyadoo ay la socodka tayadiisa iyo kormeerka guud ay lahayd wasaaradda Biyaha Somaliland. Wasiirka Maalgashiga Somaliland, wasiir ku-xigeenka biyaha, guddoomiyaha gobolka Awdal, guddoomiyaha degmadda Lughaya, maamulka deegaanka Gar-gaara Barri, iyo masuuliyiin ka socday haayadda Save The Children. Ceel biyoodkani Riigga ah ayaa noqonaya kii saddexaad ee noociisa ah oo laga hirgeliyo deegaanka Gar-gaara Barri, iyadoo na la filayo in lagaga bixi doono baahidii biyo yaraanta ee haysatay bulshadda deegaankaasi. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda biyaha Maxamuud Jaamac Warfaa, ayaa sheegay in ceelkani uu ku yimid xukuumadda madaxweyne Biixi, oo ka jawaabaysa codsi hore uga yimid bulshadda deegaankaasi. Waxaanu tilmaamay in ceel biyoodkani uu noqonaya kii saddexaad ee laga hirgeliyo deegaankaasi. Waxaanu yidhi “waxaanu xadhiga ka jaraynaa ceelkii saddexaad oo laga hirgeliyo deegaankani Gar-gaarra Barri. Xukuumadda oo ka jawaabaysa C Codsigii hore uga yimid dadka reer Gar-gaara, ayaa keentay in ceelkan la qodo”. Wasiirka Maalgashiga Somaliland Cabdi Cismaan Dhego-weyne, oo isna halkaa ka hadlay ayaa bulshadda deegaankaasi kula dar-daarmay in ay ceelkaasi ilaashadaan. “Anigu waxaan idinku boorinayaa, in aad ceelkani ilaashataan. Waxa kaloo aan idinku baraarujinayaa noloshu dhulka ayay ku jirtaa. Waana inaad wax tabcataan, oo aad beeraha qodataan” ayuu yidhi wasiir Dhego-weyne. Geesta kale C/naasir Xuseen Cabdulle, madaxa haayadda Save The Children, ee gobolka Awdal, ayaa ka warbixiyay dhinacyadda iska kaashaday hirgelinta ceel biyoodkani. Waxaanu yidhi “Waxaa sharaf noo ah in aan wasaaradda Biyaha Somaliland ku wareejiyo ceelkii labaad ee ay haayadda Save The Children, ka qoddo deegaankani. Maal-gelinta ceelkani waxaa iska lahaa Baanka horumarinta Afrika, oo soo mariyay urur goboleedka IGAD. Iyadoo IGAD na ay u sii dhiibtay haayadda Save The Children. Wasaaradda biyuhu na waxay kala shaqaysa Save The Children, hirgelinta ceelkani, qaybta ugu weyn ayaanay ka qaadatay, la’aanteed na ma suurto galeen”. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa weerar ku qaaday beesha Abgaal, xilli beelo ka tirsan uu ka dhex qarxay dagaal beeleed khasaare kala duwan uu ka dhashay. Cosoble ayaa ku dhaliilay duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee beesha “in ay waxba ka qaban waayeen dagaallada soo laab-laabtay ee beelaha walaalaha ah.” “Waxaa mahad leh Ilahii iga dhigay Xawaadle ee aan iga dhigin Abgaal. Ma waxaan daawan kari lahaa tolkey oo sida Abgaal isu dilaya, is barakicinaya, aqallada iska gubaya, hantida kala dhacaya, dumarkana kala kufsanaya?,” ayuu Cosoble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Cosoble ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in uusan jirin naceyb gaar ah oo u qabo Abgaal, balse uu ka anfariirsan yahay sida ay dhexdooda isku dilayaan. Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble; Waxaa mahad leh Ilahii iga dhigay Xawaadle ee aan iga dhigin Abgaal. Ma waxaan daawan kari lahaa tolkey oo sida Abgaal isu dilaya, is barakicinaya, aqallada iska gubaya, hantida kala dhacaya, dumarkana kala kufsanaya? Cid ka duub badan ma jirto, cid ka culumo badan ma jirto, cid ka madax badan ma jirto, cid ka ciidan badan ma jirto, cid ka aqoonyahan badan ma jirto, cid ka dhaqaale badanna ma jirto! Duubab lagu khasaaray iga dheh! Culumo lagu khasaaray iga dheh! Madax lagu khasaaray iga dheh! Ciidan lagu khasaaray iga dheh! Aqoonyahan lagu khasaay iga dheh! Dhaqaale lagu khasaaray iga dheh! Abgaal anoo jecel ayaan ka cowdi bileystaa sidey dhexdooda isu dilaayaan. The post COSOBLE oo si yaab leh u weeraray ABGAAL “Ilaahow adigaan iga dhigin Abgaal” appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirweynaha beesha Ceyr oo maalmihii u dambeeyay ka socda magaalada Dhuusamareeb ayaa laga soo saaray bayaan lagu taageerayo dagaalka dowladda ee Al-Shabaab ka dhanka ah. Shirkaan oo ay iskugu yimaadeen Ugaaska, Nabadoonnada, Aqoon-yahanka, Saraakiisha, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kale ee beesha, ayaa waxaa si qoto dheer loogu lafa-guray dagaalka socda, iyo sidii dowladda dhexe iyo maamulka loogu garab istaagi lahaa dagaalka Al-Shabaab. Bayaanka kasoo baxay shirweynaha Ceyre ayaa lagu shaaciyay in beesha ay si buuxda oo mug leh u kordhinayo la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, ayna diyaar u tahay u hurista naf iyo maal. “Beesha waxay caddeynaysaa in ay u midowday la-dagaalanka kooxda Khawaarijta ee ku sugan Soomaaliya. Sidoo kale waxay beesha dagaal ugu jirta furimo badan sida: Xarardheere, Burjeed, Waradhuumale iyo deegaano kale.” Waxa kale oo lagu yiri bayaanka “Beeshu waxay naf iyo maal u hurtay una hureysa la-dagaalanka kooxda nabad-diidka ah.” Sidoo kale waxaa lagu sheegay in beesha isku raacday in ay isku raacday in beelaha deriska la ah ay si nabad ah ku wada noolaadan, iskana kaashadan dagaalka Al-Shabaab. “Beesha waxay ka digaysaa in aan la siyaasadeyn la-dagaalanka kooxda Khawaarijta. Beeshu waxay ugu baaqeysa beelaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay u midoobaan cirib-tirka kooxda Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaanka laga soo saaray shirweynaha beesha Ceyr. Ugu dambeyntiina waxay madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahad-celisay sida uu u doortay xarunta gobolka Mudug ee Dhuusamareeb, halkaasi oo billo dhowr ah uu ku sugnaa, iyo sidoo kale madaxweynaha maamulka Galmudug. The post Shirkii CAYR ee Dhuusamareeb oo laga soo saaray bayaan muhiim u ah dagaalka appeared first on Caasimada Online.
