-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boqor Burhaan boqor Muuse oo ka soo kicitimay magaalada Qardho ayaa maanta soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe. Boqorka waxaa magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay bahda dhaqanka, oo ay hoggaaminayaan isimada, islamarkaana ay weheliyaan cuqaal iyo waxagarad kala duwan. Soo dhaweynta kadib, boqorka oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa u mahadceliyay dhammaan ikhyaartii soo dhaweysay oo ay u horreeyaan isimada dhaqanka. Boqor Burhaan boqor Muuse ayaa sidoo kale dadka reer Puntland ugu baaqay in ay wadajir iyo xasilooni kaga gudbaan marxaladdan kala guurka ah oo uu sii dhammaanayo mudda xileedka dowladda. Warar ku saabsan imaatinka boqorka ayaa sidoo kale sheegaya socdaalkiisu la xiriiro shir weyne isimada Puntland ku yeelanaya Garoowe oo la xiriira arrimaha doorashada 2024. PUNTLAND POST The post Boqor Burhaan boqor Muuse oo maanta lagu soo dhaweeyay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Biixi oo Agaasimeyaasha Guud ku Booriyay inay dardar geliyaan Hawlaha ay Qaranka u hayaan Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan ballaadhan oo uu goobjoog ka ahaa gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu qasriga Madaxtooyada kula qaatay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha ee dalka. Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd is xog-waraysi la xidhiidha hawlaha baaxadda leh ee ay agaasimeyaashu Qaranka u hayaan iyo sii dardargelinta shaqooyinka agaasimeyaasha guud, waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo sii laban-laabi lahaa hawlaha muhiimka ah ee ay agaasimeyaasha guud qaranka iyo bulshadaba u hayaan. Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu agaasimeyaasha guud ku bogaadiyey hawlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay u yihiin mishiinka dhaqaajiya dhammaanba hawlaha ka dhex socda hay’adaha ay masuuliyiintani ka socdaan. Qaran News
-
Guddida Joogtada ee Golaha Wakiillada oo Doortay Guddoomiye Cusub Hargetsa(Qaran news)-Guddida joogtada iyo Anshaxa ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa guddoomiye u doortay Xildhibaan Faysal Yuusuf Jaamac. 7 xildhibaan ayaa fadhiga doorashada ka soo xadiray 6 Mudane ayaa u coddeeyay. Guddooniye ku xigeenka oo shir Guddoominayay isna aanu codeyn, xildhibaan Cabdillaahi Muuse. Guddoomiyaha guddida waxa hore u ahaa Alle ha u Naxariistee Nuur Cismaan Guuleed, oo dhawaan geeriyooday. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay La-taliye sare. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Marwo Shamsa Cabdulqadir Daahir u magacaabay La-taliyaha sare ee arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka xafiiska ra’iisul wasaaraha. Magacaabistan ayaa durba waxaa ka dhalatay fal-celin kala duwan, maadaama ay jirto wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka, sidoo kalena uu madaxweynaha uu leeyahay la-taliye arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka. Hoos ka aqriso sida looga fal-celiyay arrinkaan Mukhtaar Cali: “La-taliyaasha ma dhamaato miyaa shaqadooda?.” “Mahadsanid mudane ra’iisul wasaare shaqo wacan,” ayuu yiri Cumar Cali Bashkax. Axmed Cali Cabdulle: “Ra’iisul Wasaaraha shaqadii wasaaradda haweenka miyuu ergay u magacawday Khadiija Diiriye reaction buuqiis wato ka filo.” Xasan Macallim Aadan ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Aaway wasaaraddii haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda? “Hambalyo walaal Shamso Alle ha kugu asturo xilkaas muhiimka ah ee lagu magacaabay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Suldaan. Cabdiwaaxid Maxamuud Cabdullaahi: “Ha la shaqeysto kuwo badan inoo keena. Soomaaliya ha noolaato hadda ayey sax tahay qof walba qofkiisa ha nooleysto waaye.” “Wasaaradaha dhan maa la taliyayaal loo wada beddelo,” ayuu yiri Cabdullaahi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay magacaabista uu sameeyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Bare. Mukhtaar Sheekh Daahir: “Hambalyo Marwo Shamso waa qof aqoonyahan oo waayo arag ah, muddana kasoo shaqeeysay UN-ka, EU-da. Xilkaas Alllaha ku asturo.” “Hambalyo Shamsa way ka soo bixi kartaa xilkaa loo magacaabay iyo mid ka sareeyaba guuleyso walaashey,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali Kaar. The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay La-taliye sare oo Xamza uu maanta magacaabay appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wakiillada oo Sharci Darro ku Tilmaamay Lacag aan la Daabaco Lacag aan laga Ansixin Baarlamaanka Hargeysa(Qaran)- Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay inay sharci darro tahay lacag kasta oo la soo daabaco iyadoo aanay ansixin Golaha Wakiilladdu. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Guddida dhaqaalaha ee aqalka Wakiillada oo u qornaa sidan:- Qaran News
-
WAREEGTO MADAXWEYNE: 22 /10/2023. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilalkii kaga qaaday qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ku macaabay masuuliyiin cusub. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. Ku: Cabdirisaaq Maxamed Siciid Gees, Wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Turkiga. Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Ku: Maxamed Cali Axmed; Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Daad-madheedh. Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Sida aad la socotaan, xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Turkey iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Daad-madheedh. Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay masuuliyiintan. Waxaanay u dhignayd sidan:- Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilkii hore ee dalka Ethiopia, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Turkiga. In Cumar Cali Cabdillaahi Bade laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
Xudur (Caasimada Online) – Madaxwweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo weli ku sugan magaalada Xudur ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkiisa, isaga oo kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Laftagareen oo qaatay go’aan la xiriira dagaalka Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday inuu dhawaan Koonfur Galbeed ka bilaabanayo wajiga labaad ee dagaalka. Madaxweynaha ayaa xusay in loo diyaar garoobay dagaalka wajigiisa labaad, isla-markaana la dajiyay qorshihii lagu xoreyn lahaa deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. “Siyaasadda dagaalka ee wajiga labaad waa la diyaariyay, waana qorsheysan tahay, waana bilaaban doontaa taas waa sugeynaa” ayuu yiri madaxweynuhu. Sidoo kale wuxuu farriin u diray ciidanka Xoogga dalka, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Macawiisleyda, isaga oo ugu baaqay inay u dhaqaaqaan deegaanada Al-Shabaab. Cabdicasiis Laftagareen ayaa saraakiisha iyo ciidamada ugu baaqay in aysan dib usoo laaban oo ay horay usii socdaan, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab. “Waa inaan sida aan hadda nahay wax ka beddalno, abaabulka inaan wax ka beddalno, howlgallada inaan wax ka beddalno, fadhiga inaan wax ka beddalno, jiifka waa inaan wax ka beddalno, kadibna aan socono” ayuu mar kale yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalkan uu wax ka hoggaamin doono madaxweyne Xasan Sheekh marka uu kasoo dhamaado deegaanada Glamudug. The post Lafta-gareen oo go’aan culus qaatay, kuna dhawaaqay… appeared first on Caasimada Online.
-
Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaa sheegtay inay u baqayso nolosha qoyskeeda kadib markii ay heshay hanjabaado ka dhashay cambaareynteeda ka dhanka ah sida Israel ula dhaqmeyso Falastiiniyiinta. Ilhaan, oo ah gabadh asalkeedu yahay Soomaali oo laga soo doorto Minnesota, ayaa bayaan ay soo saartay ku shaacisay hadallada Islaam naceybka ah iyo hanjabaadaha ay heleyso, oo ay ku jiraan kuwo ka dhan ah qoyskeeda. Ilhaan ayaa sheegtay in ayada iyo Muslimiinta kale ee Mareykanka ay saameeyeen olole lagu calaamadeynayo inay yihiin halis sababo la xidhiidha inay cambaareeyeen dagaalka Israa’iil ay ka waddo Gaza. Waxay si gaar ah u xustay hadallada xildhibaanada midigta-fog ee ayada iyo wakiilada kale la meel dhigaya taageerayaasha argagixisada. “Waxay si toos ah khatar u gelisay nolosheyda iyo tan qoyskayga, sidoo kale waxay shaqaalaheyga ku abuurtay naxdin iyo aflagaado loogu gaystay inay gudanayaan shaqadooda,” ayey tidhi Ilhaan oo ka hadleysa hadallada kooxaha midigta-fog. “Waxaa taas kasii muhiimsan, waxay halis gelinaysaa malaayiin Muslimiin Maraykan ah.” Farriin cod ah oo lagu reebay xafiiska Ilhaan, ayaa qof soo wacay wuxuu ku sheegay in koox xagjir ah ay daba joogaan ayada iyo caruurteeda. Qofka soo wacay ayaa wuxuu sheegayaa inay heleen dhammaan cinwaanada guryaha Ilhaan “laguna wareejiyey kuwa wax kufsada,” sida uu weriyey taleefishinka NBC News. Farriin kale ayaa Ilhaan ugu yeedheysa “Muslim argagixiso ah.” Farriin cod oo saddexaad oo lala wadaagay NBC News, qof soo wacay xafiiska Ilhaan ayaa sheegay inuu ka mid yahay koox feejigan wuxuuna ku hanjabay “inuu marada madaxa ka jeexi doono”, isaga oo ula jeeda xijaabka Ilhaan. “Waxaan rajeynayaa in Israa’iil ay disho mid kasta oo idin ka mid ah,” ayuu yidhi qofka soo wacay. “Tan iyo markii aan xafiiska la wareegay, laba nin ayaa qirtay dambi ah inay iigu hanjabeen inay i dilayaan,” ayaa lagu yidhi bayaanka Ilhaan. “Tani waa mid dhab ah. Waxaan u baqayaa caruurtayda oo waa inaan kala hadlaa inay ku sii jiraan feejignaan sababta oo ah weligaa ma ogaan kartid.” Bayaan ballaadhan oo ay kasoo saartay dagaalka Gaza, Ilhaan ayaa waxa ay ku cambaaraysay Xamas. Sidaas oo ay tahay, iyada iyo xubnaha kale ee dhinaca bidix ee ee Congress-ka ee dhalleeceeyay Israa’iil waxay la kulmeen dhalleecayn, gaar ahaan kuwo kaga yimid Jamhuuriga midigta fog. Source
-
Israa’iil ayaa xalay duqeymo ba’an ka fulisay Gaza kadib markii ay ka digtay inay xoojinayso duqeymaha ka hor duullaanka dhulka. Xamaas ayaa sheegtay in duqeymaha xalay ee Marinka Gaza ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof, laguna burburiyay 30 guri, sida ay warisay AFP. In ka badan 40 boqolkiiba dhammaan guryaha Gaza ayaa waxyeelo gaartay amaba la burburiyay, sida ay QM sheegtay iyadoo soo xiganaysa saraakiisha deegaanka. Dhinaca kale, Israa’iil ayaa sheegtay in diyaaradaheedu ay duqeeyeen dhismo ku hoos yaal masjid ku yaala Daanta Galbeed halkaasi oo ay sheegtay in xubno ka tirsan Xamaas iyo Islamic Jihaad ay ku sugnaayeen. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo xalay duqeymo ba’an ka fulisay Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qaybo kamid ah gobolkaasi, oo uu ka socdo guluf culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamo horleh oo isugu jiro Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay goordhow gaareen furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanada dhaca jiinka wabiga, si ay qayb uga noqdaan howlgallada ka socda halkaasi. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaal iyo hub culus ayaa waxaa hoggaaminaya taliyeyaasha Korneel Cabdullaahi Barre iyo Xasan Faarax Guuleed oo labaduna kamid ah saraakiisha ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee dhaq-dhaqaaqa ka wada Hiiraan. Sidoo kale waxaa saraakiishan & ciidamadaooda halkaas kusoo dhaweeyay taliyaha qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Faarax Kooshin iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay ka qayb-qaataan howlgallada xoreynta ee haatan ka socda jiinka wabiga Shabelle oo ay weli ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab. Muddo todobaadyo ah ayaa howlgallo ay ka socdaan deegaanadaasi, waxayna ciidamadu kula wareegeen deegaano ay kamid yihiin Beerayabaal & Jicibow oo ku yaal halkaas. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujijayaan in dagaallo culus iyo duqeymo ay ka dhacaan dhulkaas oo ah mid hawd ah. The post Daawo: Ciidamadii ugu badnaa oo gaaray jiidda hore ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal qorsheysan oo ay ciidamada dowladda iyo daraawiishta Koonfur Galbeed ay maanta ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Howlgalkan oo ah mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Saydhelow oo u dhow magaalada Baydhaba. Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalkaasi, ayada oo ay dowladdu sheegtay inay khasaare culus gaarsiisay Al-Shabaab. “Hawlgal guulaystay oo ciidamada ammaanku ay ka fuliyeen tuulada SAYDHELOW ee gobolka Baay oo 35 KM dhanka bari kaga began Magaalada Baydhabo ayaa lagu qaarijiyey dhagar qabeyaal ka tirsan kooxaha Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay in howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo watay mooto Fekon ah. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo furteen qoray AK47 ah iyo mootadii ay wateen xubnaha lagu dilay duleedka magaalada Baydhaba. “Howlgalkaan ayaa lagu dilay laba dhagar qabe oo Khawaarij ah waxaana looga furtay Mooto Feykon iyo qori AK47 ah, waxaana uu qeyb ka yahay howlgallo is daba joog ah oo ciidamada Qaranka iyo xoogagga deegaanku ku beegsanayaan firxadka Khawaarijta caadeysatay daadinta dhiigga dadkeena” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka dowladda. Baydhaba iyo agagaarkeeda ayaa waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo ay ciidamada huwanta, si looga hortego weerarada Al-Shabaab oo go’doomiyay afarta jiho ee magaaladaasi. The post Ciidamada DF oo howlgal ku dilay xubno Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaa sheegtay inay u cabsaneyso nolosha qoyskeeda kadib markii ay heshay hanjabaado ka dhashay cambaareynteeda ka dhanka ah sida Israel ula dhaqmeyso Falastiiniyiinta. Ilhaan, oo ah gabar asalkeedu yahay Soomaali oo laga soo doorto Minnesota, ayaa bayaan ay soo saartay ku shaacisay hadallada Islaam naceybka ah iyo hanjabaadaha ay heleyso, oo ay ku jiraan kuwo ka dhan ah qoyskeeda. Ilhaan ayaa sheegtay in ayada iyo Muslimiinta kale ee Mareykanka ay saameeyeen olole lagu calaamadeynayo inay yihiin halis sababo la xiriira inay cambaareeyeen dagaalka Israel ay ka waddo Gaza. Waxay si gaar ah u xustay hadallada xildhibaanada midigta-fog ee ayada iyo wakiilada kale la meel dhigaya taageerayaasha argagixisada. “Waxay si toos ah khatar u gelisay nolosheyda iyo tan qoyskayga, sidoo kale waxay shaqaalaheyga ku abuurtay naxdin iyo aflagaado loogu gaystay inay gudanayaan shaqadooda,” ayey tiri Ilhaan oo ka hadleysa hadallada kooxaha midigta-fog. “Waxaa taas kasii muhiimsan, waxay halis gelinaysaa malaayiin Muslimiin Maraykan ah.” Farriin cod ah oo lagu reebay xafiiska Ilhaan, ayaa qof soo wacay wuxuu ku sheegay in koox xagjir ah ay daba joogaan ayada iyo caruurteeda. Qofka soo wacay ayaa wuxuu sheegayaa inay heleen dhammaan cinwaanada guryaha Ilhaan “laguna wareejiyey kuwa wax kufsada,” sida uu weriyey taleefishinka NBC News. Farriin kale ayaa Ilhaan ugu yeereysa “Muslim argagixiso ah.” Farriin cod oo saddexaad oo lala wadaagay NBC News, qof soo wacay xafiiska Ilhaan ayaa sheegay inuu ka mid yahay koox feejigan wuxuuna ku hanjabay “inuu marada madaxa ka jeexi doono”, isaga oo ula jeeda xijaabka Ilhaan. “Waxaan rajeynayaa in Israel ay disho mid kasta oo idin ka mid ah,” ayuu yiri qofka soo wacay. “Tan iyo markii aan xafiiska la wareegay, laba nin ayaa qirtay dambi ah inay iigu hanjabeen inay i dilayaan,” ayaa lagu yiri bayaanka Ilhaan. “Tani waa mid dhab ah. Waxaan u baqayaa caruurtayda oo waa inaan kala hadlaa inay ku sii jiraan feejignaan sababtoo ah weligaa ma ogaan kartid.” Bayaan ballaaran oo ay kasoo saartay dagaalka Gaza, Ilhaan ayaa waxa ay ku cambaaraysay Xamas. Sidaas oo ay tahay, iyada iyo xubnaha kale ee dhinaca bidix ee ee Congress-ka ee dhalleeceeyay Israel waxay la kulmeen dhalleecayn, gaar ahaan kuwo kaga yimid Jamhuuriga midigta fog. The post Ilhaan Cumar iyo qoyskeeda oo xaalad halis ah wajahaya appeared first on Caasimada Online.
-
At least six people, including four Somali National Army (SNA) soldiers, were killed and several others wounded on Saturday in a suicide bombing attack near Mogadishu, the capital of Somalia, the police said. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha xisbiga Mustaqbal ee Puntland Maxamed Ismaaciil Siibad ayaa ka horyimid baaq xisbiyada qaar ka soo saareen doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024. Xisbiyada ayaa soo jeediyay in doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkisu ay u dhacdo si baarlamaani ah, oo xildhibaanada lagu soo doorto qof iyo cod ay sii doortaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Waxaase baaqooda ka horyimid guddoomiyaha xisbiga Mustaqbal Maxamed Ismaaciil Siibad islamarkaana sheegay in uusan qayb ka ahayn mowqifkii iyo bayaankii ay soo saareen xisbiyada Ifiye iyo Sincad. “Xisbiga Mustaqbal wuxuu cadeenayna in uusan qayb ka ahayn mowqifkii iyo bayaankii ay soo saareen xisbiyada Ifiye iyo Sincad” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray guddoomiye Siibad. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Siibad “Qayb kama nihin mowqifka xisbiyada Ifiye iyo SINCAD” appeared first on Puntland Post.
-
Meta ayaa raaligelin ka bixisay inay ku dartay liiska “argagixisada” qaar ka mid ah isticmaalayaasha Instagram-ka oo isku tilmaamay inay yihiin Falastiiniyiin. Meta waxa ay sheegtay in ay xalisay mushkilado “kuwaas oo muddo kooban sababtay fasiraado aan habooneyn oo laga bixiyay qaar kamida wax soosaarkeeda. “Waxaan si dhab ah uga cudur daaranaynaa in tani dhacday,” ayay u sheegeen BBC-da. Xaruntu waxa kale oo ay wajahday eedaymo ah in ay cabudhinayso qoraallada taageerada Falastiiniyiinta intii uu socdo iskahorimaadka Israa’iil iyo Gaza. Isticmaalayaasha qaar ayaa sheegaya in “waxyaabaha qaar laga mamnuucay” sida in Instagram-ka lagu baahiyo qoraallada Falastiiniyiinta lagu garab istaagayo. Tanina waxa ay keentay in madashan ay dib ugu laabato si loo hubiyo in qoraallada ayna ka muuqan in ay jecleysan dadka kale. Isticmaalayaashu waxay sheeganayaan in qoraallada 24-saacadood ah ee ku saabsan sheekooyinka tixraacaya iskahorimaadku ay ka aragti yar yihiin kuwa kale ama aan sida muuqallada kale loo daawan, iyo in akoonadooda aan si fudud wax looga arki karin. Shirkadda weyn ee tignoolajiyada ayaa qirtatay in ay jirto cillad, hase yeeshee waxa ay sheegeen in arrimahaas ayna iyagu wax shaqo ah ku lahayn. Source
-
Wasiirkii cadaalada ee Belgium, Vincent Van Quickenborne ayaa isku casilay kadib fadeexad ka dhalatay weerarkii toddobaadkan ka dhacay caasimada dalkaasi ee Brussels. Ninkii weerarkaasi geystay oo lagu magacaabay Abdesalem Lassoued ayaa la ogaaday in dowlada Tunisia ay raadineysay in loo gacan geliyo sannadkii hore, ninkaasi heystay dhalashada Tunisia oo xagjir ah ayaa toogasho ku dilay laba qof oo Iswidhish ah, saddex kalena dhaawacay weerarkii Brussels ee Isniintii lasoo dhaafay. Muuqaal la soo dhigay internetka ayuu ninka weerarka geystay ku sheegay in ay dhiiri galiyeen kooxda Daacish. Booliska ayaa subaxnimadii salaasada ninkan ku toogtay maqaaxi ku taalla Brussels oo aan ka fogeyn goobtii uu weerarka ka geystay. Ninka toogashada geystay ayaa loo diiday magangelyo bishii Oktoobar 2020 waxaana la amray in loo tarxiilo dalkiisa sannadkii 2021, laakiin dowlada Belgium ayaa waydey meel uu ka baxay. Source
-
Waxaa marinka Rafax ee isku xidha Masar iyo Gaza Sabtida shalay ahayd ka gudbay kolonyadii ugu horreysay ee sidda gargaar bini’aadantinimo ah oo loo diray marinka go’doonsan ee Gaza tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay halkaasi. Arrintan ayaa suurtogashay ka dib maalmo ay dhinacyadu isku maandhaafsanaayeen shuruudo diblumaasiyadeed oo ku saabsan sidii gargaarka loo gaadhsiin lahaa. Source
-
WASHINGTON — A suicide bomber detonated a car bomb at a security post outside Somalia’s capital Saturday, killing at least six security personnel and injuring seven others, a security official and residents told VOA Somali. Source: Hiiraan Online
-
Cadaale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dad shacab ahaa lagu laayay agagaarka deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale oo dhacda dhanka xeebta ee gobolkaasi. Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay in dadkan ay waddada u galeen, isla-markaanta ay goobta ku dileen ugu yaraan 5 qof, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Cadale. Guddoomiyaha oo la hadlay Shabelle Tv ayaa shaaca ka qaaday in dadka la laayay ay usoo socdeen deegaanka Xaaji Cali, balse jidka loo galay, kadibna la dilay. “Xog ogaalka inta aan ogahay haddii aan ku sheego dadka dad iska socda ayay ahaayeen oo soo socday tuulada Xaaji Cali” ayuu wareysiga ku yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dadka la dilay ay ahaayeen Macallin dugsi qur’aan iyo xirtiisa, isla-markaana xilliga la dilayay ay kasoo laabteen Subac ay soo akhriyeen. “Dadka la dilay waxa ay ahaayeen 5 qof, nin Macallin ah iyo xertiisa ayay ahaayeen, meel Subac ah ayay ka tageen ayaa la leeyahay” ayuu raaciyay guddoomiyaha degmada Cadale. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan ay socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka, isla-markaana ay ku raadjoogaan raggii gaystay falkaas oo baxsaday. “Ciidan milatari ah iyo daraawiish waa joogaan waa ku raadjoogaan, wixii ay ka qaban karaan ayay sameyn doonaan” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxayna arrintan sii hurineysaa colaad beeleedka ka taagan aagga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dhawaan ayay aheyd markii deegaanka Burka Diirimeed lagu soo xiray gogol nabadeed oo ay hormuud u ahaayeen madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha HirShabelle iyo odayaasha dhaqanka, balse ma jirto wax kasoo baxay, maadaama ay mar kale dib u qaraxday colaadda u dhexeysa beelaha ee ka taagan halkaas. The post Macallin dugsi qur’aan iyo xertiisa oo aano qabiil loogu dilay Shabeellaha Dhexe appeared first on Caasimada Online.
