Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale ka hadashay aqoonsigii ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay siisay SSC-Khaatumo. Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdullaahi Suufi oo wareysi siiyay telefishanka Sahan ayaa waxa uu sheegay in gobolka Sool uu yahay dhul Somaliland ah, hase yeeshe looga soo duulay qeybo kamid ah Soomaaliya. “Wasaarada Arrimaha Dibbada ayaa soo saartay war-saxaafadeed kuna caddaysay mowqifka xukuumada oo ah in Sool ay tahay dhul Somaliland ah,” ayuu yiri Wasiir Cabdiweli Suufi. Waxa uu sheegay in waxa ka taagan Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool uusan aheyn cabasho dadweyne, balse uu salka ku hayo duulaan la soo qorsheeyay oo ka dhanka ah Somaliland. “Waxa ka socda Sool maaha cabasho bulsho ama tabasho gaar ah ee waa dagaal iyo duulaan si wayn loogu soo qaaday Somaliland.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Suufi. Sidoo kale waxa uu sheegay in socdaalkii hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane Firdhiye ee magaalada Muqdisho ay cadeyn u tahay in Somaliland lagu soo duulay. “Dhinacyo badan oo Soomaaliya ayaa dagaal waxba la iskula hadhin soo qaadeen. Sool marwalba waa Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka oo sii adkeynaya bayaankii dhawaan ay wasaaradda arrimaha dibadda kasoo saartay tallaabada ay qaaday dowladda federaalka. Ugu dambeyntiina waxa uu soo hadal qaaday qadiyadda wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna si cad u sheegay in dowladda federaalka ay kula hadli karto oo kaliya fagaare caalami ah, oo loo dhan yahay. “Wada-hadallada Muqdisho oo keliya ma aheyn ee beesha caalamka qeyb ayay ka aheyd. Siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi waa in madal loo dhan yahay oo ay joogaan dhex-dhexaadiyaasha, iyo in laga wada-hadlo sidii loo kala bixi lahaa.” Somaliland ayaa dhawaan ugu baaqday Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso SSC-Khaatumo, iyada oo beesha caalamka usoo jeedisay inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama ay sheegtay in uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka. The post Somaliland oo war cusub kasoo saartay aqoonsiga DF ee SSC-Khatuumo appeared first on Caasimada Online.
  2. Guddoomiye kuxigeen Cusub oo loo Magacaabay Gobolka Daadmadheedh Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Maxamed Cabdillaahi Cilmi Xujaale laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  3. Somalia Ambassador to Ethiopia, Abdullahi Mohamed Warfa, has lauded the dedication and commitment of the Government of Ethiopia in eliminating Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  4. Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay dowladda Sweden iyo hay’adda UNSOM. Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa looga warbixiyay Kulanka dhexmaray S/Guuto Muumin Cabdi Shire iyo madaxda ka socotay dowladda Sweden iyo hay’adda UNSOM. “Kulanka ayaa looga hadlay hawlaha horumarinta Boliiska gaar ahaan CID, sida Money laundering, Cyper Crimes, iyo hawlaha operationka Boliiska” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. Shirka waxaa ka qaybgalay Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska, Hogaanka Tababarka, (Philip nateka) iyo (Yohan) oo ah lataliyaal arimaha Boliiska ee hay’ada UNSOM IYO AAMINO ABDI OO AH LATALIYAHA ARIMAHA JINSIGA EE UNSOM. Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay hormarka Ciidanka Booliska Puntland ay gaareen Sanadkii lasoo dhaafay iyo Hiigsigooda Mustaqbalka. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliska Puntland oo qaabilay madax ka socotay UNSOM iyo SWeden appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daah-furay barnaamij dhaqaale loogu aruurinayo dagaalka Al-Shabaab. Barnaamijkan oo loogu magac daray “dalkaaga ugu hiili hal dollar” oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed uga qeyb qaadanaayan halganka dib u xoreynta dalka ayaa waxaa daah-furkiisa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin. Guddoomiye Yuusuf Madaale oo ugu horreyntii halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu akoonada loogu tala-galay taakuleynta ku wareejiyay taliska ciidanka, isaga oo bulshada ku wargeliyay in ay furan tahay taakulada ciidanka dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab. “Maanta waxaa nala jooga taliskii oo rabnaa in aan ku wareejino akoonadii si ay ula wadaagan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool, dalka gudihiisa joogana iyaguna ogaadan,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir. “Waxaa leenahay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo joogtan garabkiina, gacantiina, ducadiina iyo isgarab istaagiina ciidamada waa lagama maarman. Marwalba waa aaminsanahay in sidii shalay u garab istaageyseen in maantana u garab istaagi doontaan.” Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhankiisa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay garab istaagaan geesiyaasha ciidamada qaranka ee had iyo jeer naftooda iyo dhiigooda u huraya Nabadda iyo Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed. “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed taakuleyntiisa waa furan tahay, oo naga dalbadeen qurbajoogta iyo gudaha, maanta ayaa halkan ugu soo bandhigeyna akoonadii, waxaana cadeynayna in akoonadaasi yihiin kuwa saxda ah, islamarkaana cid walba oo rabta inay taakuleyso ciidanka kalana qeyb qaadato dagaalka in ay kusoo hagaajiyaan oo ay gacan aamin ah ku dhici doonto.” Waxa uu intaas kusii daray “Dadka Soomaaliyeed ee jecel in dadka iyo dalkooda laga dulqaado cadowga dul yaalla waxaa codsaneyna inay gacan siiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyaga oo isticmaalaya akoonadaan, waxaana loo isticmaali doona in dalka looga saaro Khawaarijta.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Dowladda oo ku dhowaaqday in dhaqaale loo aruurinayo dagaalka socda + Video appeared first on Caasimada Online.
  6. PRESS RELEASE Dedication, For A Smarter Future, H3C Tech Summit 2023 Successfully Concludes in Dubai At the conference, industry experts and corporate leaders from various countries shared their insights on the innovation and progress of cutting-edge artificial intelligence technology Access Multimedia Content DUBAI, United Arab Emirates, October 23, 2023/ — From October 16th to 20th, GITEX Global 2023 (www.GITEX.com) was grandly launched in Dubai. H3C (www.H3C.com) debuted as an exhibitor at the event, and successfully held the H3C Tech Summit 2023 on October 18th. Over 200 business leaders and technical experts from the Middle East and global technology industries gathered to focus on the future of digital technology innovation and explore new paths in AI development. Wen Bing, Co-president of Tsinghua Unigroup, and Gary Huang, Co-president of H3C and President of International Business, were present at the event. Tony Yu, President & CEO of H3C, kickstarted the event with a welcome speech as an AI-generated digital figure. Yu first reviewed the layout and planning of H3C’s international market. He stated that at the NAVIGATE International Business Summit held this February, H3C shared three major visions for its international business: firmly believing in the power of digital economy development, adhering to the strategy of global development, and a long-term commitment to “Partner First” strategy. Under the guidance of these visions, H3C has continued to expand in the international market and have launched five scenario-based solutions: Synergy Working, Innovative Education, Smart Manufacturing, Efficient Healthcare and Reliable Public Services, ensuring timely and efficient provision of local sales and services to global customers and better meeting the global pursuit of a better digital life. “Currently AI technology is changing the world, and the era of intelligence is just around the corner. Thanks to the forward-looking ‘AI in ALL’ strategy, H3C has launched a range of products and solutions in the field of AIGC including the LinSeer, an AI-powered private large-language model. We are committed to leveraging leading digital infrastructure and AI capabilities to better benefit the people. Looking towards the future, we have the confidence and capability to become the best global partner in the digital transformation of the intelligent new era,” noted Yu. In this rapidly changing era, the power of technology is everywhere, and the development of technology has made our lives more digital and intelligent. Wen Bing, Co-president of Tsinghua Unigroup, delivered a keynote speech titled “Better Life with Advanced Technology”. He used the story of a young professional’s life in Suzhou, China as an example to describe how digital technology deeply infiltrates every corner of our lives. He emphasized its profound and transformative impact. He noted that Tsinghua Unigroup always insists on innovative development, empowers customers in all industries, and aims to improving the quality life and empowering the intelligent society. In the future, Tsinghua Unigroup and H3C will continue to adhere to internationalization and marketization, customer-oriented, and cooperate with more partners to build a digital world that is more intelligent, more open-minded, more fair, and more Splendour, letting the light of science and technology brighten human life. Gary Huang, Co-president of H3C and President of International Business, addressed in his keynote speech that more and more enterprises have deeply realized that AI (artificial intelligence) will become a key technology leading human society into a new era. So, how to ensure that products can adapt well to the application of AI? For this, H3C launched AIGC Openness Strategy to further optimize the energy efficiency performance of the infrastructure, accelerate technology to empower green and sustainable development, and closely cooperate with customers and partners, work together to make AI applications and sustainable technologies create greater value, serve all mankind, and make all imaginations a reality. From “AI in ALL” to “AI for ALL”, Applying AI technology in all industries At the conference, industry experts and corporate leaders from various countries shared their insights on the innovation and progress of cutting-edge artificial intelligence technology, showcasing application cases of digital technology in Innovative Education, Smart Manufacturing, Efficient Healthcare, Reliable Public Services, and other scenarios, bringing new values and thoughts to the attendees. In the field of Innovative Education, Ashik Abdul Jaleel, Senior IT Infrastructure Manager of Alef Education, UAE, shared a case of Alef Education and H3C jointly assisting the digital transformation of K12 education in the UAE. In the process of network construction, H3C adopted the NFV network architecture, supporting the unified management of physical and virtual networks, meeting the networking needs of different application scenarios with flexible and elastic product combinations, and greatly reducing the complexity of operation and maintenance with a highly open and reliable management approach. Charl Edward Harding, CEO of The Impact Catalyst, South Africa, also made an excellent speech, detailing the measures and achievements of the Limpopo, Northern Cape and Mpumalanga Provinces in South Africa in promoting socio-economic growth through government-enterprise cooperation. The Impact Catalyst is an initiative founded by Anglo American, the CSIR, Exxaro, World Vision South Africa, to create mechanisms that drive large-scale, socio-economic development initiatives through public-private partnerships. The initiatives will be designed to leverage collaboration across all sectors and will be selected for impact beyond the scale of individual participants. The project plans to implement Wi-Fi connectivity across rural communities in selected schools with the goal of achieving 1000 schools. So far, it has completed network access for 300 schools in collaboration with H3C. This not only provides opportunities for students, community members, and small businesses to access information and digital technologies, but also has a positive impact on the development of schools, communities, and even the entire South African nation. In the field of Smart Manufacturing, Mohamed Elmetwaly, Director of Procurement at Mobco Group in Saudi Arabia, stated that before the cooperation on the Sindalah Island development project, H3C laid a solid foundation for the cooperation with its leading position in the ICT market, mature technical conditions, high-quality services, and rich cooperation experience. During the project advancement process, its secure and flexible digital architecture and high-quality, stable network experience provided reliable support for efficiency improvement and digital transformation. In the field of Efficient Healthcare, Dr. Mustafa Hasan Qurban, the CIO of King Fahad Military Medical Complex (KMFFC), Kingdom of Saudi Arabia, expressed his gratitude to H3C. He stated that with the help of H3C’s smart hospital solution, KMFFC has completed the digital upgrade of the digital center, realizing data communication and sharing among four hospitals in the eastern region, significantly improving the work efficiency of medical staff, and enabling the medical center to provide better medical services for patients. In the field of Reliable Public Services, Murat Çelik, IT Systems Manager of the Court of Cassation (Yargıtay) in The Republic of Türkiye, shared the strong connection with H3C in constructing a new campus. H3C’s smart campus solution has revolutionized the traditional way of network configuration with switches, adopting a new architecture for digital innovation in campus management, operation, and digital platform construction. By using the advanced AD-Campus 6.0 SDN technology, the core value of improving quality and efficiency, and reducing costs in a smart campus has been unleashed. Based on the new opportunities brought by AIGC, H3C actively practices the strategy from “AI in ALL” to “AI for ALL”, integrates AI into all hardware and software products, covers all scenarios with technology, and helps all industries to upgrade intelligently. Qiao Yan, Vice President of H3C International Business, GM of the Product Solution and Marketing, launched a series of new flagship products, including the AI server specially designed for large-scale model training, the 800G silicon photonic datacenter switches, and H3C AMPHA Computing Power Platform, which once again demonstrated H3C’s resonance with market demand and its excellent practice of continuously promoting digital transformation in all industries. Collaborating with Partners to Build an Open and Win-Win Ecology During the MOU signing ceremony, Gary Huang, Co-president of H3C and President of International Business, signed strategic cooperation agreements with four customers and partners including Mobco Group, Riphah International University, The Impact Catalyst and China Mobile Pakistan (CMPak). Through the partnership, H3C and partners have officially established a close cooperation relationship, which laid a solid foundation for accelerating response speed and service capabilities to local customers and partners, promoting deep integration of products, solutions, and local technology ecology, and driving digital transformation in all industries in the region. As one of H3C’s global strategic eco-partners, Hans Chuang, VP, Sales, Marketing and Communications Group; GM, PRC Datacenter Sales; GM, PRC CoSP Business Consumption of Intel, delivered a keynote speech of “Bring AI Everywhere for a Smarter Digital Future”, sharing Intel’s innovation and development in the AI field and its cooperation prospects with H3C. “The cooperation between Intel and new H3C has lasted for 7 years. Along the journey, Intel and H3C work closely on a full range of digital products and series of scenario-based solutions for vertical markets. Today we are applying our reach, scale, and resources to enable our customers to capitalize more fully on the power of digital technology. We hope to carry out more innovation corporations with H3C in the future and be together to do something wonderful for a better digital future.” Since officially going overseas in 2019, H3C has been continuously planning and laying out in overseas markets. Its overseas business, as the second curve of the corporate income growth, shows an accelerating growth trend. Currently, the group has 1,882 certified partners overseas, has established 40 overseas spare parts centers, and its services cover 176 countries and regions. Since this year, H3C has achieved landmark results in the government, education, and carrier industries in Malaysia, Thailand, South Africa, Mexico, and other countries and regions in Central Asia. It has also actively carried out channel layout and cooperation in newly-expanded countries such as the UAE and KSA, achieving breakthrough outputs in many projects. Looking to the future, H3C will adhere to the concept of “Dedication, For A Smarter Future”, get involved in the new era of intelligence, study Cloud & AI-Native technology in-depth, and strive to build a solid foundation, provide resources, and promote a “sustainable, innovative, and win-win” development model through the paths of underlying infrastructure, technological innovation, talent training, and industry integration, helping governments and industries around the world find a digital transformation path that suits local reality. Distributed by APO Group on behalf of H3C Technologies Co., Ltd. SOURCE H3C Technologies Co., Ltd Qaran News
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay tiradii ugu badneyd ee loo xiray kiiska wiil 11 jir ah oo dil iyo kufsi loogu geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Booliska ayaa sheegay in 75 qof usoo xireen kiiskaan, kuwaasi oo isugu jira kuwo aad loogu tuhmayo inay ku lug leeyihiin falkaas foosha xun. Taliyaha Saldhiga Galbeed ee magaalada Gaalkacyo Laba-xiddigle Samatar Cabdulahi Awkax oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in kiiskaan uu xilli habeen ah ka dhacay goob kaam ah oo uu ku noolaa wiilka. “Laamaha amniga waxay ku sameeyeen kiiskii baaritaan waxaana loo soo xiray dad badan oo gaaraya illaa 75 qof,” ayuu yiri Laba-xiddigle Samatar Cabdulahi Awkax. Sidoo kale waxa uu sheegay in shaqsiyaadka lasoo xiray ay ku jiraan kuwii goobtaasi ka agdhawa, ayna soo bixi doonto xaqiiqada, maadaama durba baaritaanon lagu bilaabay eedeysanayaasha loo soo qabtay falkaan. “Goobta dadkaas laga soo xiray oo aheyd kaam uu ku noola wiilka yarka ah, waxaana dadka ku jira kuwa tuhuno laga qabo, waxayna ku xiran yihiin saldhigga galbeed ee Gaalkacyo.” Waxa uu sheegay in kiiskan ay hadda gacanta ku hayaan laanta baarista dambiyada, “Bulshada waxaa la socodsiinayna in si fiican kiiskaas loo soo bandhigi doono, eedeysanayaasha kiiskaas ku eedeysnaa way xiran yihiin.” Hay’adaha amniga ayuu sheegay inay ka go’an tahay in lasoo qabto cid kasta oo falkaas foosha xun ka dambeysay, si caddaaladda loo mariyo. “Allaha u naxariisto wiilkaas, cadaalad Insha Allaha wuu heli doona, ciddii gashay kiiskaana waa la horkeeni doona cadaaladda. Howshaana wey dhamaan doonta.” The post Puntland oo shaacisay in 75 qof usoo xirtay dil iyo kufsi loo geystay wiil 11 jir ah appeared first on Caasimada Online.
  8. The Horn of Africa is synonymous with land conflicts, but a recent lecture by Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed could shift focus to the control of the Red Sea. Source: Hiiraan Online
  9. Following a ProPublica and Sahan Journal report, authorities are examining fast-tracked real estate deals for possible civil charges. Source: Hiiraan Online
  10. Xukuumadda oo Beenisay Hadal ka soo Yeedhay Mudaneyaal Wakiillada ah Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL oo been abuur ku tilmaantay hadal ka soo yeedhay qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL. Sidaas waxay ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay oo ay kaga hadashay mashruuc ay xustay in xildhibaanadu siyaasadeynayaan. Waxaanu u qornaa:- Qaran News
  11. Waajid (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanayaa kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay howlgallo culus ka sameeyeen agagaarka degmada Waajid oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada huwanta ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Eel-Boon Oo qiyaasti 48 KM dhanka galbeed ugae began degmada Waajid ee Gobolka Bokool. Taliyaha Ururka 260-aad ee guutada 9-aad, qeybta 60-aad ee xiidanka Xoogga Dhamme Onkod Macalin Aadan ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, kadib wareyso uu siiyay warbaahinta dowladda, kaas oo uu ku xaqiijiyay in Shabaab laga qabsaday deegaankaas. “Ururka 260aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ayaa Khawaarijta kala wareegay Gacan ku haynta deegaanka Eel-Boon Oo Qiyaasti 48 KM dhanka Galbeedka kaga began degmada Waajid ee Gobolka Bokool’ ayuu yiri Taliye Onkod Macalin Aadan. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay inay howlgalkan kusoo furteen hub iyo gaadiid ay ka carareen xubnaha Al-Shabaab ee laga fara maroojiyay deegaanka Eel-Boon ee Bakool. “Howlgalka xoreynta Eel – Boon ayaa Khawaarijta looga Furtay hub iyo Gawaari ay u isticmaalayeen dhibaateynta shacabka oo ay uga carareen deegaankaas” ayuu ku daray. Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaas, si Al-Shabaab looga xoreeyo dhulkaasi. Baay iyo Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab, waxaana haatan ka socda qorshe Al-Shabaab looga saarayo gobolladaasi. The post Ciidamada DF oo dagaal kula wareegay deegaan ku yaalla Bakool + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  12. Tanzania has signed a 30-year port management agreement with the United Arab Emirates (UAE), despite opposition to the deal. Source: Hiiraan Online
  13. Baghdad (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla magaalada Baqdaad ayaa Axaddii iyada oo maqan toddoba sano oo xarig ah ku xukuntay gabadha dibad-jooga ah ee uu dhalay kaligii-taliyihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen, sababo la xiriira inay “buun-buunisay” xisbiga Bacath ee aabaheed. Xisbiga ayaa la kala diray oo la mamnuucay kadib markii Sadaam xukunka looga tuuray 2003-dii duullaankii uu Maraykanku hogaaminayey ee lagu qaaday Ciraaq. Sida ku cad xukunka, oo wakaaladda wararka ee AFP ay u suurta-gashay in ay dib u eegto, Raghad Saddam Xuseen ayaa lagu helay dambiga ah “sare u qaadidda dhaq-dhaqaaqyada xisbiga Bacath ee la mamnuucay,” intii lagu guda jiray waraysiyo taleefishin oo ay bixisay 2021-kii. Dalka Ciraaq maanta, qof kasta oo soo bandhiga sawirro ama halku dhigyo uu ku xayeysiinaayo maamulkii la riday, waxaa lagu soo oogi karaa dacwad. Xukunku ma tilmaamayo kuwa ay yihiin waraysiyada loo xukumay Raghad. Balse sanadkii 2021, Raghad ayaa la hadashay kanaalka Al-Carabiya ee Sucuudigu leeyahay, waxayna ka warrantay xaaladihii Ciraaq ee xukunkii gacanta birta ahaa ee aabaheed, intii u dhaxaysay 1979 ilaa 2003. “Dad badan ayaa ii sheegay in muddadaas ay runtii ahayd waqti sharaf iyo karaamo leh,” ayay u sheegtay kanaalka Sacuudiga. “Dabcan, dalku wuxuu ahaa mid xasilloon oo qani ah.” Raghad waxay ku nooshahay dalka Urdun, iyada iyo walaasheed Rana. Walaalahood Uday iyo Qusay, waxay ciidamada Maraykanku ku dileen magaalada Mosul, sannadkii 2003-dii. Inta badan Ciraaqiyiinta, ayaa rubuc qarnigii uu Saddam Xuseen xukumayay weli u arka wakhti cadaadis oo naxariis darro ahaa. AFP, VOA The post Maxkamad xukun xabsi oo adag ku ridday gabadha uu dhalay Saddam Xuseen appeared first on Caasimada Online.
  14. Kenyan President William Ruto has said that the country will not experience El Niño rains as has been predicted, citing a forecast by Kenya's meteorological department. Source: Hiiraan Online
  15. Galkacyo (HOL) - Puntland Police forces have apprehended 75 people in connection with the rape and murder of an 11-year-old boy in Galkacyo town. Source: Hiiraan Online
  16. Galkacyo (HOL) - Puntland Police forces have apprehended 75 people in connection with the rape and murder of an 11-year-old boy in Galkacyo town. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar uu askari xanaaqsan oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ku qaaday maqaayad laga cunteeyo oo ku taalla nawaaxiga isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan. Dhacdadan ayaa Axadii ka dhacday Tarabuunka, kadib markii uu askariga bam gacmeed xilligii qadada ku tuuray maqaayadaas oo ay ku sugnaayeen dad kala duwan. Hooyo Cudbi oo iska leh maqaayadda ayaa Shabelle Tv uga warrantay sida ay wax u dhaceen, waxaana ay sheegtay in marar badan uu dil ugu hanjabay askarigaas oo ay magaciisa ku sheegtay Cabdullaahi Axmed Yuufuf oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka. “Waxaa bambada igu soo tuuray nin la yiraahdo Cabdullaahi Axmed Yuufuf Raage, kana mid ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo hadda kahor ii hanjabay oo i yiraahday deyn haddii aad ii diido waa dhimanee” ayay tiri hooyadan Soomaaliyeed. Sidoo kale hooyo Cudbi ayaa faahfaahisay sida uu falkan u dhacay, waxayna sheegtay in askarigan ay isku qabteen bixinta lacagta qadada, kadibna sidaas ku qarxiyay maqaayada. “Shalay wuxuu i yiraahday qado isii qado mahaayi lacag la’aan ah ayaa dhahay, wuu igu qayliyay wuxuu yiri qado iigur waxaan dhahay taleefoonka haddii uu dhawaaqo ayaan qado kusiin karaa ka fiirso iyo bambadana isku hal ayay aheyd,” ayay mar kale tiri hooyo Cudbi. Waxa ay intaasi kusii dartay “Marka uu bambada tuuray wuu cararay wuxuu toos u galay isbitaalka Xoogga, aniga iyo ilmaheedana waa nala qaaday, waxaana nala geeyay Kalkaal”. Sidoo kale waxa ay ka warbixisay khasaaraha ka dhashay falkan, waxaana ay dhaawacyo soo gaareen hooyada iyo laba gabdhood oo ay ayeeyo u tahay. “Waxaan ahay hooyo Soomaaliyeed oo dhibane ah oo ilmaheedii dhaawac yihiin oo iyadu dhaawac ah, mana jirto wax naga soo war doonay” ayay sii raacisay. Ugu dmabeyn waxa ay dalab culus u dirtay madaxda dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir oo ay ugu baaqday inay cadaalad hesho, si loo soo qabto eedeysanaha. The post Daawo: Askari careysan oo bam-gacmeed ku weeraray maqaayad ku taal Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  18. Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fuliyay laba askari oo ka kala tirsanaa ciidamada daraawiishta maamulkaa iyo Xogga dalka, kuwaas oo horay dilal u gaystay dilal. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla duleedka magaalada Baydhaba, waxaana goobjoog ahaa mas’uuliyiin, saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada iyo shacab. Labada askari ee tiirka la geeyay ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Fidle (Abuurow) oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Ismaaciil Cabdullahi Cadiraxmaan (Dhagey) oo isna ka tirsanaa Xoogga dalka, waxaana horay xukunno dil ah oo ah qisaasta marxuumiinta ay dileen ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Geedow ayaa horay u dilay Marxuum Mursal Cali Cabdi oo uu ku dilay Buurhakaba, dilkaas ayaa ka dhashay rasaas oo uu Geedow huwiyay gaari caasi ah oo ka yimid Muqdisho. Sidoo kale Cabdullahi Dhagey ayaa isna horay u dilay Marxuum Xuseen Ugaas Cabdiraxmaan oo ay qaraabo ahaayeen, kana tirsanaa saldhigga Booliiska Rabdhuure, ayada oo saaka lagu filay dilkii qisaasta ee marxuumkii uu horay u dilay Ehellada labada marxuumiinta ee horay loo dilay ayaa soo dhaweeyay fulinta xukunka toogashada ah ee horay usoo baxay, maadaama cadaaladda la marsiiyay labada askari ee saaka lagu dilay Baydhaba. Waa toogashadii labaad oo maalmo gudahood ay fulineyso Koonfur Galbeed, ayada oo Sabtidii Baydhaba lagu dilay saddex askari oo iyguna horay dial u gaytay dilal, kuwaas oo kala ahaa Xuseen Cali Macallin limaan (Gurey) oo ka tirsanaa ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo ka tirsanaa militariga Soomaaliya iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo isna kamid ahaa booliska Koonfur Galbeed. Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar iyo xubno ka tirsanaa Shabaab oo lagu Maxkamadeeyay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. The post Laba askari oo lagu toogtay BAYDHABA kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu – Sitting in a small, windowless room in a government building in the Somali capital, Mohamed Yusuf Mohamed loops another audio tape onto the dilapidated machine and presses a few buttons. Source: Hiiraan Online
  20. Baidoa (HOL) - The Somali National Army's 260th unit, backed by local militia forces, recaptured El-Doon, a small town located approximately 40 kilometres northwest of the Wajid district in the Bakool region this past Sunday. Source: Hiiraan Online
  21. Israeli military offensive in Gaza offers opportunity to extremist groups in west and Middle East, experts say Source: Hiiraan Online
  22. Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in 29 ka mida shaqaaleheeda, lagu dilay Gaza, tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Hay’addan oo loo soo gaabiyo UNRWA ayaa barteeda X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku xaqiijisay geerida 29 ka mida shaqaaleheeda, iyada oo tirada dhimashadu ay ahayd maalinimadii Sabtidii 17 qof, hase ahaatee ay haatan sare u kacday. Kumanaan ka mida shacabka Gaza ayaa gabaad u raadsanaya xarumaha ay maamusho hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in weerarada cirka ah ee Israa’iil in lagu dilay 4,600 oo Falastiiniyiin ah, halka Israa’iil ay sahaydii, shidaalkii, biyihii iyo korontadiiba ka jartay marinka Gaza. PUNTLAND POST The post 29 kamid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo lagu dilay Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga halayaa dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Jasiira duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo muddo socday Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegaya inay maqlayeen rasaasta iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac, wuxuuna dagaalka ka dhacay fariisin ku taalla koonaha deegaanka Jasiira oo ku yaalla dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi. Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa shaaca ka qaaday inay halkaas ku dishay tiro kamid ah askarta ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigtay. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamayweli ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo saaka howlgallo ka wada deegaanka Jasiira. Maalin kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Al-Shabaab weerar loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah ku qaaday saldhig ay ciidamada ammaanka ayku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac. Weeraradan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhacaya Muqdisho iyo agagaarkeeda, maadaama ay Al-Shabaab culeyskooda soo saareen gudaha caasimada. Kooxda ayaa inta badan jab xoogan kala kulantay dagaallada tooska ah ee uga socda gobollada dalka, kaas oo looga qabsaday dhul ballaaran, sida ay sheegtay dowladda dhexe. The post Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  24. Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa haatan ka socda shirweyne ay leeyihiin Isimada Dhaqanka Puntland, kaas oo galay maalintii labaad oo xiriir ah, ayada oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee maamulkaasi. Kulankan ayaa waxaa guddoominaya Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayada oo ay inta badan goobjoog yiihiin Isimada Puntland oo door weyn ku leh dhismaha maamulkaasi. Inta badan waxaa shirka looga hadlayaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan doorashada Puntland oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda Saciid Deni. Isimada ayaa wax iska weydiin doono khilaafka ka taagan doorashada, si looga gudbo xaaladda hubanti la’aanta ah ee hadda ka taagan dowlad goboleedka Puntland. Shirkan ayaa la filayaa in Isimadu ay kasoo saaraan go’aanno ku aadan sida loo wajahayo arrinta taagan, loona qaban lahaa doorasho ay ku qanacsan yihiin dhinacyada oo dhan. Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay xal kasoo saari doonaan muranka ka taagan doorashada Puntland, isla-markaana ay si daacadnimo oo dhexdhexaad ah u falanqeyn doonaan arrimaha waa weyn ee la isku hayo. Horay xubnahamucaaradka ayaa ugu baaqay Isimada in ay soo fara galiyaan xaaladda siyaasadeed ee Puntland, si looga hortago qalalaase iyo gacan ka hadal ka dhaca Garoowe. Puntland ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad cakiran, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya magaalada Garoowe oo ay ciidamo ku haystaan labada dhinac, maadaama ay horay ugu dagaalameen magaaladaas oo caasimada u ah maamul goboleedka Puntland. The post Wararkii ugu dambeeyay shirka Isimada Puntland uga socda Garoowe + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  25. Waxaa la helay xogta ninka xidhiidhka u ahay ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, kaas oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir, wuxuuna caan ku yahay magaca (Ikrima). Cabdulqaadir Ikrima waa Soomaali-Kenyaan, wuxuu noloshiisa inta ugu badan ku qaatay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee dalka Kenya, Mareykanka ayaa hore madaxiisa u dul dhigay lacag dhan $3 milyan oo dollar. Sidoo kale Mareykanku sannadkii 2013-kii ayuu weerar toos ah ku qaaday ninkaan iyo saraakiil kale oo Shabaab ah, xilli ay ku sugnaayeen degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose, balse howlgalkaasi ma guuleysan. Da’da ninkaan waxaa lagu qiyaasay 40 sanno, waxaana loo aqoonsaday mid ka mid ah argagixisada ugu khatarta badan caalamka, Ikrima waxaa lagu eedeeyey inuu soo abaabulay weerar badan oo argagixiso. Weerarada la sheegay inuu abaabulay waxaa ku jira weerarkii cuslaa ee Suuqa Wasteget Mall ee magaalada Nairobi ay Shabaab ka geysteen, bishii October 2013-kii waxaa guul dareystay howlgal uu Mareykanku doonayey in lagu dilo ninkaas oo ka dhacay magaalada Baraawe ee Soomaaliya. Qoyska Cabdulqaadir Ikrima ayaa intii ay Soomaaliya burburka ku jirtay u guuray magaalada Mumbasa ee dalka Kenya, wuxuu ahaa qoys ku jira dabaqada dhexe ee nolosha, kadib ay u guureen Nairobi, inta badan noloshiisa koriimada wuxuu ninkaasi ku qaatay gudaha Kenya. Saaxiibadii waxa ay sheegeen inuu ahaa nin aad u isticmaala balwada, qaadka iyo nooc ka mid ah Xashiishka ayey saaxiibadii Ikrima sheegeen inuu aad u isticmaali jiray. Inta aanu ku biirin argagixisada sannadkii 2004 wuxuu ku guul dareystay inuu ogolaansho deganaasho ka helo dalka Norwey, sidoo kale waxaa la sheegay in muddo uu ku noolaa dalka Ingiriiska, kadibna uu ku soo laabtay Nairobi. In kastoo aan la ogaan halka lagu tashiiliyey Cabdulqaadir Ikrima, hadana wuxuu ka mid ahaa xubnihii la jaan qaaday bilowgii argagixisada, Mareykanka, Kenya iyo dowlado kale muddo ku raad joogay ninkaan weli kuma guuleysan inay dilaan ama qabtaan. Waxaa la xaqiijiyey in Cabdulqaadir Ikrima uu yahay ninka qaabilsan isku xidhka ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, waa laba ka mid ah argagixsada ugu khatarta badan caalamka, waxaana la sheegay in Ikrima uu ku nool yahay gobollada koofureed ee Soomaaliya. Source