-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxaana wafdiga Madaxweynaha qeyb ka ah wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomalaiya Abshir Cumar Haruuse. Madaxwaynaha ayaa u jeedka safarkiisa waxaa lagu sheegay inuu halkaas kaga qeyb geli doono shir u dhaxeeya dalalka reer Yurub iyo waddamada sookoraya, oo looga hadlaayo iskaashiga labad dhinac, madaxweynaha ayaa shirkaas ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlaayo fursada ka jira dalkeena. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa sidoo kale kaga hadli doona hormarinta dhalaaha halka uu marayo barnaamijka Deyn cafinta iyo guulaha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay Al-shabaab ka gaareen, iyada oo laga saaray deeganno badan, kuwaas oo badanaa dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Madasha oo socon doonta inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023 ayaa waxaa isku arki doona madax kale duwan, madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda kasoo qeyb galaysa shirka, kuwaas oo intoda badan xiriir la leh Soomaaliya taageerana siiya dowladda. Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wadamo badan oo caalamka oo soo koraya xilligaan ay ku qabaan dhibaato isbedelka cimilada iyo dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha, kuwaas oo intooda badan saameyn ku yeesha bulshada gaar ahaan kuwooda reer miyiga ah ee xoolaha dhaqda ee anfacsada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ayaa la filayaa marka uu shirkaan dib uga soo laabto inuu dib ugu laabto Dhuusamareeb, halkaas oo ka hoggaamin doono dhameystirka howlgalka wajiga koowaad ee dagaalka, xilli dhowaan Koonfur Galbeed looga dhawaaqay abaabulka iyo bilaabashada wajiga labaad. Source: goobjoog.com
-
The Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC) (http://ICIEC.IsDB.org), a multilateral credit and political risk insurer and a member of the IsDB Group, is poised to play a prominent role in the highly anticipated 2023 London Sukuk Summit. This year’s summit, themed “The Future of Sukuk Innovation through ESG & Green Sukuk – The Mitigation of Risks Against the Backdrop of Volatile Markets,” promises to be a significant event for the exchange of groundbreaking ideas and insights within the realm of Islamic capital markets. With a particular emphasis this year on ESG (Environmental, Social, and Governance) considerations, green finance, and risk mitigation, the Summit holds even greater relevance given the current global market volatility. During the Summit, Mr. Oussama Kaissi, CEO of ICIEC, will deliver a Keynote Address titled “The Importance of Credit Rating & Risk Mitigation Tools for Sukuk Issuance.” His speech is anticipated to offer invaluable insights into the pivotal role of credit rating and risk mitigation tools in the dynamic landscape of Sukuk issuance. ICIEC’s profound expertise in the field positions it as a distinguished authority in Islamic finance and risk management. In addition, ICIEC will host a significant side event titled ” Credit Enhancement of Sovereign Sukuk – the Case of ICIEC’s Sukuk Insurance Policy “scheduled for Wednesday, November 1st, 2023, at 13:50 (GMT+1). The panel discussion will address the critical issue of mitigating default risks associated with sovereign Sukuk amidst today’s fluctuating financial climate, offering valuable insights given the current unpredictabilities influencing Sukuk’s performance. Mr. Kaissi, stated, “The 2023 London Sukuk Summit is a testament to the ever-evolving landscape of Islamic finance. ICIEC’s presence signifies our dedication to advancing Islamic finance and supporting our member states’ economic growth and stability. Our innovative product, the ‘Sovereign Sukuk Insurance Policy,’ is a groundbreaking solution designed to insure sovereign Sukuk issued by ICIEC Member States. It facilitates access to Shariah-compliant financing from international capital markets, thereby supporting the funding of essential developmental projects.” Distributed by APO Group on behalf of Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC). Qaran News
-
KENYA oo baadi goobeyso 35 ka tirsan Al-Shabaab + Magacyada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Nairobi (Caasimada Online) – Laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa soo saaray warbixin cusub oo ka dhan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay baadi goobayaan ciidamada ammaanka ee dalkaasi, si gacanta loogu soo dhigo. Warbixinta oo kasoo baxday booliska Kenya, gaar ahaan Hoggaanka dambi baarista (DCI) ayaa waxaa lagu shaaciyay magacyada 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaaas oo loo haysto in weeraro argagixiso ah ay ka gaysteen gudaha waddanka Kenya. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in raggan ay ka tirsan yihiin shabakad kooxda Al-Shabaab u qaabilsan abaabulka weerarada ka dhaca gobolka xeebta ee Lamu. Kenya ayaa farriin u diray shacabka, waxayna ka codsatay inay si mutadawacnimo ah u keenaan xogta raggaasi lasoo bandhigay magacyadooda iyo sawirradooda. “Hoggaanka danbi baadhista (DCI) waxa ay ka codsanaysaa bulshada qaybaheeda kala duwan in ay si mutadawacnimo ah u helaan xogta horseedaysa in la soo xidho soddon iyo shan (35) eedaysane, kuwaas oo qayb ka ah shabakada Al-Shabaab, una qaabilsanaa qorshaynta iyo abaabulka weeraradii ka dhacay gobolka Lamu iyo deegaanka weyn ee Boni,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska booliiska la dagaalanka argigixisada. Booliska Kenya ayaa intaais ku daray in dowladdu ay abaakmarin doonto cidkasta oo keentay xog horseedi karto in lasoo qabto eedeysanayaasha, si loo maxkamadeeyo. Kenya ayaa waxaa inta badan weeraro culus ka fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo beegsada ciidamada ammaanka dalkaasi. Dalkan dariska la ah Soomaaliya ayaa qayb ka ah dagaalka kooxda Al-Shabaab, waxaana ciidamo qayb ka ah howlgalka ATMIS ay ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya. The post KENYA oo baadi goobeyso 35 ka tirsan Al-Shabaab + Magacyada appeared first on Caasimada Online. -
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo xalay soo saaray wareegto ayaa soo magacaabay saddex wasiir oo cusub, kuwaas oo kamid ah noqonaya golaha wasiirada ee maamulkaasi. Xubnaha la magacaabay ayaa isugu jiro wasiir, wasiir dowle iyo wasiir ku xigeen, kuwaas oo kala ah:- Abuukar Axmed Cali (Dhaga-gaab) oo loo Magacaabay Xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle. Waxaa Cabdixamiid Maxamed Cali ayaa isna loo Magacaabay Xilka Wasiirka Hub-ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowladda Hirshabeelle. Sidoo kale Cabdifitaax Jaamac Warsame ayaa waxaa loo Magacaabay Xilka Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Hirshabeelle. Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in magacaabistaan loo sameeyay si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee horyaalla golaha xukuumadda ee HirShabelle. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ak qaaday inuu qiimeeyay kartida, aqoonta iyo waaya aragnimada ay leeyihiin saddexda xubnood ee uu magacaabay. “In ay lagama maarmaan tahay dardargelinya Shaqada baaxada leh ee Xukuumadda. Markuu Tixgeliyay: Aqoonta, kartida iyo Waayo-aragnimada mudanayaasha loo Magacaabay Xilalka hoos ku xusan Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle WUXUU MADAXWEYNAHU SOO SAARAY XEERKAAN” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle. HirShabelle ayaa waxaa haatan ka jira xaalado is biirsaday, sida dagaalka Al-Shabaab iyo fatahaado laga cabsi qabo in mar kale uu sameeyo wabiga Shabelle ee mara maamulkaasi. The post Madaxweyne Cali Guudlaawe oo magacaabay wasiiro cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaamiye Cabdiqaadir Aw-Cali oo u weheliyo Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka Dr. Maaxamed Cabdi Ismaaciil ayaa kulan gaar ah la qaatay Golaha Dhexe ee Maamulka SSC-Khaatumo. Kulanka ayaa Hoggaamiyuhu kaga warbixyay Safarkii shaqo ee waftigiisu ku tagay Caasimadda. Hoggaamiyaha ayaa Golaha uga warramay kulammadii uu la qaatay Madaxda sare ee Dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamka. Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa Golaha la wadaagay waxqabadyada iyo hawlaha hortebinta u leh Golaha fulinta iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidh ka Maamulka KMG ee SSC-Khaatumo la leeyahay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha ka aha Dawladda Federaalka. The post Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo la kulmay Golaha Dhexe Maamulka SSC appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 53-Aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah uga hadlay Waxqabadka Dowladda ee Amniga, Horumarka, Guulaha laga gaaray Dimuqraadiyadda, qorshaha dhameystirka Doorashooyinka Puntland, Guulaha laga gaaray Gobolka Sool, garab istaaga SSCKhaatumo iyo khaladaadka Dastuuriga ay ku kacayaan Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda, Guddiga Doorashooyinka PEC, Culimada, Ururada Bulshada, Aqoonyahanka, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe, Taliska Booliska Puntland, Haweenka iyo dhallinyarada Puntland. The post Madaxweyne Deni oo furay Kalfadhiga 53-Aad ee Baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Xubnaha xisbiga Jamhuuriga u matala Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa mar kale shalay isku dayay in ay soo magacaabaan murashax cusub oo isu soo taaga xilka Afhayeenka Aqalka. Arrintan ayaa imaaneysa kadib marki xildhibaan Tom Emmer uu noqday musharraxii ugu danbeeyay ee dhibane u noqda khilaafka u dhaxeeya Jamhuuriyiinta Aqalka Wakiillada. Xildhibaan Mike Johnson oo laga soo doorto gobolka Louisiana ayaa hadda hoggaanka u haya mudanayaasha raadinaya xilka afhayeenka aqalka wakiillada, kaddib marki uu 85 cod ka helay fadhi ay albaabada u xirnaayeen oo ay mudanayaasha Jamhuuriga yeesheen. Emmer ayaysan kala caddeyn inuu ka fakan doono kala qeybsanaanta xagal-daacisay rajooyinki musharraxiinti isaga ka horreeyay ee waayay codka aqlabiyadda Aqalka. Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa hoggaan la’aan ah tan iyo 3-di bishaan October, kaddib markii xilka laga tuuray afhayeenkii hore Kevin McCarthy. PUNTLAND POST The post Xisbiga Jamhuuriga ah oo weli dooran la’ Af-hayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
A Kenyan court on Tuesday extended an order barring the government from deploying hundreds of police officers to Haiti on a UN-backed mission aiming to pacify the troubled Caribbean nation. Source: Hiiraan Online
-
Sudan’s paramilitary Rapid Support Forces (RSF) group has accused the country’s army of “air-bombing the French embassy” in the capital city. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullaahi Deni oo habeen hore guddiga doorashooyinka usoo saareen jadwal doorasho oo dhaafsiisan muddo xileedkiisa, taas oo sii kicisay xaaladda cakiran ee Puntland. Warqad kasoo baxday taliska Danab ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in marnaba aysan ogolaa doonin muddo kororsi iyo in Puntland ay gasho firaaq dastuuri ah. “Taliska ciidanka kumaandooska Danab ee Puntland, wuxuu bulshada reer Puntland u caddaynayaa in uusan marna ogolayn in dalka la geliyo firaaq dastuuriya, ayada oo la fulinayo damaca madaxweynaha waqtigiisu dhammaadka yahay” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale taliska ayaa cambaareeyay go’aanaddii kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee Puntland oo shaaciyay jadwal doorasho oo muran badan dhaliyaay. “Taliska ciidanka Danab wuxuu cambaareynayaa warqaddii sharci darrada ahayd ee kasoo baxday PEC oo Deni u dhisay hab baalmarsan dastuurka dalka” ayaa la raaciyay qoraalka. Ciidaanka kumaandooska Danab ee Puntland ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday in wixii dhibaato ah ee ka dhasha muddo kororsiga uu qaadi doono madaxweyne Saciid Deni. Taliska ayaa sidoo kale farriintiisa la wadaagay dadka Soomaaliyeed, reer Puntland iyo beesha caalamka, si looga hortago dagaal mar kale ka dhacay Garoowe. “Taliska ciidanka Danab wuxuu bulshada Soomaaliyeed, tan Puntland iyo beesha caalamka la wadaagayaa in wixii amni darro ah ee ka dhasha damaca muddo kororsiga oo uu wado Deni uu qaadayo mas’uuliyadda, lagulana xisaabtamo doono” ayaa lagu soo gabagabeeyay. Horay mucaaradka Puntland ayaa uga horyimid go’aanka guddiga PEC, ayaga oo shaaciyay inay qabsan doonaan doorasho, haddii aan wax laga beddalin jadwalka soo baxay. Go’aanka guddiga PEC ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada waqtigeeda laga dhigay 25-ka bisha labaad ee sanadka soo socda 2024-ka, taas oo ka dhigan in doorashadii dhici lahayd siddeeda January 2024 meesha laga saaray, taas oo ay diidan yihiin mucaaradka. The post Ciidanka Danab ee Puntland oo qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweyne Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa booqasho ku tegay furimaha hore ee ku sugan yihiin ciidamada SSC-Khaatumo. Socdaalkan ayaa waxaa hoggaamiye Firdhiye ku wehlinayay hoggaamiye ku-xigeenka maamulka, guddoomiyaha golaha dhexe, xubno ka tirsan golaha fulinta iyo golaha dhexe. Mudane Firdhiye ayaa ugu horreyntii waxa uu salaan ka qaatay saraakiisha sare ee ciidamada SSC-Khaatumo, isaga oo uga sii gudbay fadhiisimaha hore ciidammada difaaca SSC-Khaatumo. Hoggaamiyaha ayaa ciidammada ku bogaadiyey guushii weynayd ee ay soo hooyeen, jabkii cuslaa iyo casharkii lama illaawaanka ahaa ee ay u dhigeen ciidamada Soomaliland, oo bilihii dambe ay ku dagaalamayeen magaalada Laascaanood. Sidoo kale hoggaamiyaha ayaa waxa uu ciidamada u sheegay in Eebbe ka sokow iyagu yihiin sababta ay shacabka SSC-Khaatumo ugu naaloonayaan xasillooni, nabad, iyo is-maamul. Firdhiye ayaa ciidamada SSC-Khaatumo ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka faray in ay difaaca adkeeyaan, kuna sugnaadaan halkooda, marnaba aysan weerar ku noqon cid kale. Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale u sheegay ciidanka in haddii la soo weeraro ay ciidanka amar buuxa u haystaan in ay is-difaacaan oo ay jabiyaan kuwa soo weeraray, islamarkaana ku sameeyaan hub ka dhigis dhamaystiran. Ugu dambeyntiina wuxuu ciidammada kula dardaarmay in ay xoojiyaan waajibaadkooda una gutaan si ay ku jirto daacadnimo, waddaniyad iyo xaq u dirirnimo, isagoona xusay in ciiddanka SSC-Khaatumo yihiin ilaaliyeyaasha sharafta iyo midnimada reer SSC-Khaatumo. SSC-Khaatumo ayaa dhawaan aqoonsi ka heshay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ah maamulka KMG ah, kaasi oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland, oo hore uga arrimin jirtay halkaasi. The post Sawirro: Firdhiye oo tegay furimaha hore ee dagaalka, farayna ciidanka Khatumo in… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Yabooh ayaa kulan loogu hadlayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda la qaatay Saraakiisha laamaha amniga gobolka Banaadir. Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitary ayaa Duqa Muqdisho ugu warbixiyay howlgallada Xasilinta Caasimadda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin dar-dargelinta Amniga Gobolka Banaadir si loogu hortago dhagarta Cadowga. Guddoomiye Madaale ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo Howlgallada Sugida Amniga Caasimadda, La-dagaalanka Maandooriyaha iyo tabo kasta oo cadowga ku dhibaateyn karo nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed. Amniga magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan aad loo adkeeyaa, waxaana gudaha magaalada lagu ugaarsadaa xubnaha dhibaateynta shacabka caasimadda u qaabilsan Khawaarijta Al-Shabaab. Shacabka Muqdisho ayaa ka nastay beegsigii kooxda, waxaa joogsaday oo ciidamadu ku guuleysteen inay hakiyaan qaraxyadii, sidoo kale waxaa yaraaday dilalkii qorsheysnaa. Kooxda waxaa ku adkaatay inay qarax gudaha u soo geliyaan caasimadda, waxaana shaqadaas lagu amaanaa ciidanka boolis militery oo loo soo tababaray sidii ay u xasili laahaayeen Muqdisho, waxaana guuleystay qorshihii amni ee loo dejiyey caasimadaan la daalaa dhaceysay amni darrada iyo dhaca xoolaha shacabka ee argagixisada. Sabtigii toddobaadkaan waxaa Ceelasha Biyaha ku qarxay gaari ay kooxdu soo geli weysay Caasimada Muqdisho, maadaama ay ka howlgalaan saraakiil amni iyo ciidamo ay ka go’antahay nabadeynta Muqdisho. Inkastoo waayahaan kooxda lagu baacsanayo howdka fog ee hobollada dalka, hadana waxaa jira dagaal yahano u jooga gudaha caasimada iyo xubno soo geli kara markii ay ku soo jabaan gobollada, sidii looga hor tegi lahaa kooxahaas ayaa lagu gorfeeyey shirka amniga gobolka Banaadir. The post Maxaa lagu go’aamiyey shirkii xasaasiga ahaa ee laga yeeshay amniga Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay caddeysay mowqifkeeda ku aaddan hadal dhawaan ka soo yeedhay ra’iisal-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Oo ku dooday inay lagama maarmaan tahay in dalkiisu deked uu leeyahay ka helo waddamada badda leh ku yaalla Xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia oo khudbad u jeediyey baarlamaanka dalkaas horaantii bishan, waxa uu sheegay inaanu dalkiisu ku sii jiri doonin Deked la’aan isla markaana ay daruuri tahay inay deked ay iskood u leeyihiin ka helaan xeebaha dalalka la deriska ah hadday ku helayaan awood milatari ama heshiis is-afgarad. Ra’iisal-wasaaruhu wuxuu soo hadal-qaaday dekedo ku yaalla dalalka Eritrea, Djibouti, Somaliland iyo Somalia oo ku jirto dekedda galbeedka Somaliland ku taalla ee Saylac Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo isagoo magaalada Boorama ku sugan warbaahintu wax ka weydiisay arrintan maanta, waxa uu sheegay in badheedhaha hadalka Raysal-wasaaraha Ethiopia yahay mid baal-marsan shuruucda caalamiga ah maadama oo Ethiopia doonayso deked ay iskeed u leedahay oo waddan kale ku taalla. Hadalka Wasiirka kaga bogo muuqaalka Hoose Borama news Qaran News
-
Abiy, Zaylac ma meel laga dhintay baa markaad qabsanayso?! Waa badannahay Soomaali laguma xuuxiyo! dalkana dadkii lahaa waa joogaan, dadka Soomaaliyeedna nabad baryi maayaan! Abiy Axmed ama dowladda Itoobiya damaceeda foosha xun ma aha mid iyada ka yimid, Soomaaliduna ma ha dad ay Itoobiya u gooddiso ama u caga jugleyso, dadkuna waxba kuma kala dhex qarsoona, Abiy Axmed oo qalbi caruurnimmadiisu ay tahay mid dibad yaal ah wuxuu u sheekeeyaa barlamaan iyo gole waziiro oo uu ku heysto awood iyo ciidan, waxaan dhaqan ka ah dalka Itoobiya kolba qofka madaxda ka noqda in waxa isagu uu sameeyo ay wadanka sharci ka yihiin, maxaa yeelay Itoobiya waxaa ka jiray Imbardooriyad (Empire) ay ku hoos dulmanyihiin qoomiyado kala duwan oo aysan jirin wax ay wadaagaan haddii ay tahay; isir, diin, dhaqan, iyo afba, kuwaasoo ay si xoog ah ku qabsatay, iyadoo gacan ka heleysa guumeystihii ku soo duulay qaaradda Afrika oo ay xiriir la lahayeen isla markaasna ay isku xireysay diinta masiixiga, iyo guumeystayaasha oo fahamkoodu ahaa inay u adeegsadeen siyaasadooda ku aaddan qaaradda Afrika siiba gobolka Bariga Afrika. Siyaasadda noocaas ah oo si weyn u dhaqan gashay waxay dabeecad ahaan Itoobiya gaarsiisay horumar xagga xiriirka caalamiga ah, iyo inay saaxiibo badan ku yeelato caalamaka, hasa yeeshee taasi kuma macneysneyn in Itoobiya dhaqan ahaan ay ka guuri kareyso liidnimmada ay mujtamac ahaan dareemeysay ee ah inaysan ka maarmi kareyn gacanta dalalka shisheeyaha ah, waan halkaas halkaas meesha ay ka bilaabaneyso colaadda aan dhammaadka lahay ee Itoobiya iyo dhexeeya Soomaaliya. Abiy Axmed, oo aan ahayn shakhsi buuxa ama mararka qaarkood laga shakin karo caqligiisa iyo hankiisa qofnimo, ayna ka muuqato inuu dareemayo in wax la dheeryahay wuxuu ku maanshoodaa inuu isagu been isu sheego, inuu is ammaano, iskuna qanciyo wax uu ogyahay inaysan waxba ka jirin. Wuxuu dalkiisa u dumiyay oo dagaalo ku galay ilaa haddana u wadaa dagaalladaas in Ayeeydii ay ugu riyootay isaga oo boqor ka noqday Itoobiya!…Wuxuu maalin maqlay islaanta asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadaha Koonfurta Itoobiya ee Jendayi Frazer oo leh “ wax dhici kara ma aha in boqol iyo toban million inay bad la’aan ahaadaan, 10 million ay heystaan badda ugu dheer qaaradda Afrika” hadalkaasoo run ahaantii markii ay dheheysay la oran karo wuxuu salka ku hayay nacayb ay qarsan weyday oo ay u heysay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo dhambaal ay u direysay cadowga Soomaaliyeed ee soo jireenka ah dhinca kalana ahaa dhiiri gelin iyo inay arrintaas ku garab taagantahay Itoobiya!…DHaqanka Jendayi Frazer oo ahaa mid ka arradan guud ahaan xeerarka diplomat-siyadda ayaa u muuqday mid ay dowladda Mareykanka ugu soo bareertay qarannimmada Soomaaliya!! Waxaana xusid mudan in maanka lagu hayo arrintu inaysan ahayn Zaylac iyo waxa ay dadka ka hadlayaan, hasa yeeshee hadalka uu Abiy Axmed ku celcelinayo ka turjumaya khariidaddii 2019kii la soo dhigay bogga wazaarradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, ee dalkii Soomaaliyeed oo dhan u uku daray Itoobiya. Hadal heynta Badda-Cas ee Abiy Axmed, iyo in mar kasta uu golaha shacabka ee dalkiisa maalin kasta ugu khudbeeyo “Xoog baan ku qabsanayaa Badda-Cas” ma aha caqli cusub iyo fikrad maanta ku dhalatay Abiyi ee waa fikrad qeyb ka ahyd damacii guumeystihii kala qeybiyay Soomaaliya, oo iyagu rumeysnaa in Soomaaliya ay ka mid noqoto meel ay u maamusho gacanta Itoobiya, waxana la wada ogyahay in guud ahaan Reer Bariga iyo Reer Galbeedkaba ay ka dhaadhacsaneyd wax bandanna dhegaha Itoobiya ugu shubeen inay mas’uul ka yihiin Bariga Afrika, haddii ay tahay xagga sir-doonka, amniga iyo guud ahaan danaha reer galbeedka, waana hadalkaas oraahda uu Abiyi Axmed ku soo celceliyo sidii shimbirtii Bag-Bagaa’a (Parrots) marka uu leeyahay “Waxaan sugeynaa ammaanka Badda-Cas!” waxaana xusid mudan in waxa loogu yeero Qarammada Midoobay iyada oo gacanta ku haysa dalka Soomaaliyeed aysan marna waxba ka oran warkaas meel ka dhaca ku ah qaranimmada Soomaaliyeed, waxayna taas ku tusaysaa inay qeyb ka tahay oo ay fududeynayso shirqool weyn oo cadowga soo jireenka ah ee Itoobiya uu la damacsanyahay Soomaaliya, isla markaasna cuno qabtaynta hubka ee dadka Soomaaliyeed saaran ay qeyb ka ahayd istaraatiijiyadda barnaamijka uu hadda ku shaqeynayo Abiy Axmed. Ma aha in dadka Soomaaliyeed aysan fahamsaneyn ama aysan dareensaneyn ujeeddada laga lahaa cunaqabteynta hubka ee la saaray dadka Soomaaliyeed muddada dheer, hasa yeeshee shacabka Soomaaliyeed wuxuu ku kalsoonyahay inaan lagu maquunin karin xoog iyo hub, sida taariikhda ina bareysana shacabka Soomaaliyeed geesinimmada dhaqanka u ah waxaa u dheer oo Alle ku maneystay dhallin-yaro ku dhalatay dagaalyahanimo dabeecad ahaana u taba baran colaadaha iyo dagaalka, weligoodna uusan cadow ka guuleysan. Sida muuqata dagaalka uu naadiyay Abiy Axmed, ee waliba isaga iyo xulufadiis ay muddo ka soo shaqeyniyeen ma noqon doono mid ku ekaada sida isaga ay la tahay gudaha Soomaaliya wuxuuse noqonayaa mid laysku wareysto gudaha dalka Itoobiya. Abiy Axmed, oo tallada Itoobiya qabtay bishii April 2018, isagoo oo sanad dhameysan buu wuxuu bilaabay ololaha colaadda ah iyo hadal hayntiisa ah inuu qabsanayo dekadaha Soomaaliya!…Waxaa isagana arrintaan dhiiri geliyay oo khayaannay ammaannadii ay umadda u dhiibatay Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga markaas aha madax-weynihii xilligaas kaasoo si cad oo aan kala har lahayn isugu dhiibay Abiy Axmed, iyadoo sida dad badan ay rumeysanyihiin ama ay tilaamayaan ujeeddadiisu ahayd in ciidamo kursiga ku ilaaliyo ka helo, wuxuuna la galay heshiisyo qarsoodi ah oo ilaa iyo maanta aysan jirin mas’uul la ogaa ama talo ahaan waxa ay heshiisyadaas ahaayeen, waxaa xusid mudan in dhagarta 87yrintaas la eg aysan xil-dhibaannadii golaha shacabka ee Baarlamankii 10aad iyo guddoomiyahoodii Maxamed Mursal SHiikh Cabdiraxmaan iyo ninkii ra’iisal wazaaraha dalka ahaa ee Xasan Cali Kheyr dhammaantood la oran karo aamusnaan bay ku taageereen iyadoo uu Abiy ku celcelinayo shir kastana uu ka sheegayo in Farmaajo uu 4 dekedood Soomaaliya ka siiyay!…waxaana hubaal ah in mar un khaa’inul wadhanka maxkamad la hor keeni doono. Dhallin-yarradu dagaal ha ogaadaan! saraakiishii hore ee ciidammada colaaddu waa kow! Maamulladan Itoobiyaanka ku soo yaacay Ha Saaraan! Abiy Axmed, wuu ogyahay xaqiiqada Itoobiya iyo Soomaaliya ka dhexeysa inaysan ahayn midda uu kula sheekeystay ama uu u sheegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuuna ogayahay inaysan Itoobiya qaadan kareyn dal iyo deked iyo dadka Soomaaliyeed, waxaase meesha ku jira fikrrad been ah oo uu iska dhaadhiciyay oo ku salaysan inay Soomaaliya tahay dad iyo dal burburay oo shacab ahaan ay is khilaafsanyihiin! Waa qarnigii 21aad, wali taliska maan gaabka waa ka waantoobi la’yahay caqligii uu waligiis ku jabi jiray, wuxuuna si bareer ah isaga indho tirayaa xaqiiqda colaadihii labada dal dhex maray, oo uu ogyahay wixii ku dhacay dagaalkii ugu dambeeyay 1977kii, iyadoo ay waliba u soo hiiliyeen illaa 7dal oo uu hoggaaminayay midowgii Soviet. Si kastaba ha ahaatee dhallin-yarrada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba waa inay heegaan galaan waliba sida ugu dhaqsaha badan oo ay u dhaqaaqaan xudduudaha iyo goobaha la qiyaasayo inay furimo colaadeed noqonayaan, waa in la aadaa oo lagu biiro abaabulka ka socda gobolka Awdal. Waxaa sidoo kale saraakiishii iyo ciidammadii hore iyo ku cusub iyo dhammaan inay kaalintoodii difaaca dalka ay hoggaamiyaan oo ay hor kacaan. Waxaa iyadana ceeb ku dowladda Soomaaliyeed inay wali aamusantahay iyadoo si bareer uu cadow u soo haliilayo qeybo ka mid ah dalka… waxaana soo jeedin wanaagsan in si dhaqso ah dalka looga saaro saraakiisha safaaradda Itoobiya iyo xafiisyada uga furan maamul-goboleeddada dalka iyo guud ahaan ciidammada dalka ka jooga. Odayaasha DHaqanka iyo guud ahaan shacab weynaha waa inay isu taagaan difaaca dalka, gacan ka geystaan diyaar garaynta tabaabushaha colaadaha muuqda, iyo inay dalka ka saaraan Itoobiyaanka askarta aha ee muddada lagu soo guraayay. Eritrea iyo Soomaaliya dantaa waajibkooda mid ka dhigeysa! Waxaa arrin wanaagsan ah in ciidamo Soomaaliyeed oo badankood taba-baran ay maanta ku suganyihiin dalka Eritrea, sida muuqatana damac Abiy Axmed wuxuu ku soo dhammaanayaa colaad aan maalmo iyo bilo ku dhamaaneyn, inkastoo shaki la’aan ay noqoneyso meeshii ugu dambeysay ee uu ku soo dhammaan lahaa magaca Itoobiya iyo boqornimmada uu ku calwasaadayo. Dadaka Soomaaliyeed waxaa hor yaala inay si dhaqso ah oo aan dib u dhigasho lahayn ugu diyaar garoobaan cadowga dalka gudihiisa fadhiya xudduuddiina kaga soo duulaya, cadowga ay waligood yaqaaneen tabar darridiisa si kasta oo loo caawiyo oo guumeystuhu u soo taakuleeyo Itooobiya la bari maayo Soomaaliya! Waxaana arrin lagu qosla ah qaynuunka cusub ee Jendayi Frazer ay bartay Itoobiya ee uu maalin kasta ku celcelinayo Abiy Axmed, Waa badannahay! 150,000,000, million baan nahay marka waa qasab inaan bad xoog ku helno!…Soomaaliya jiritaankeedu baryo kuma dhisneyn, dunida balaayiinta ay ku nooshahayna baryo kuma joogin, marka Abiy iyo ayeeyadiisa u riyootay inay intaas ogaadaan baa loo baahanyahay! Waxaa iyadan talo wanaagsan ah in dalalka Badda-Cas leh; Soomaaliya, Eritrea, Masar, Djibouti, Sacuudiga, Yemen, ay ogaadaan oo ka wada hadlaan go’aan wada jir ahna ka qaataan xaaladaha iyo xasilooni darrada ka dhalan karta damaca waallan ee Itoobiya isugu sacabbo tumeyso, wada hadalka noocaan ah ayaa waxaa loo baahnyahay inay dowladda Soomaaliyeeda iyada marti geliso. Waxaa si gaar ah dowladda Soomaaliyeed ay ugu baahantahay inay heshiis iskaashi xagga ammaanka badaha ay la gasho dalalka Masar iyo Eritrea, waliba si dhaqso ah, waxaan suuro gal ah in ciidammada Soomaaliyeed ee taba barka ciidanka badda ku dhameystay dalka Eritrea iyo kuwa Eritrea inay si wada jir ah ugu hawl galaan sugidda ammaanka Badda-Cas laga soo bilaabo Eritrea ilaa biyaha Soomaaliya. Waxaa shaki la’aan Itoobiya inay wali rumeysantahay sidii dagaalkii 1977kii waxaa kuu soo hiilinaya 7dii dal midowgii Soviet, iyadoo aan waliba ognahay in Abiy Axmed meel kasta uu tago uu tuugsanayo hub iyo qalab ciidan iyo waliba haddii uu helayo ciidan u dagaalama, balse way adkaan doontaa hiilkii iyo gurmmadkii uu helay 1977dii inuu helo, iyo inay dalalkaas ciidamo ugu deeqaan, waxaan aad u yar inta laysku haleyn karo heshiisyada lala galo Abiy Amed, middaas lafteeda oo aan iyadan dhiiri gelineyn in la aamino. W/Q: Axmed-Yaasiin Maxamed Sooyaan AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Abiy Axmed Cali colaad buu ku baaqay, Soomaaliduna nabad baryi meyso!! appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa(Qaran news)-Dowladda Somaliland ayaa dalka dib ugu soo celisay 51 muwaadiniin, ah kuwaas oo ku dhibaataysnaa gudaha dalka Liibiya. Soo celinta muwaadiniinta reer Somaliland ee ka yimid dalka Libya, ayaa waxaa iska kaashaday hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM. Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Mudane Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif), ayaa sheegay in hay’adda IOM dadaal badan ku bixisay in muwaadiniintan dalka dib loogu soo celiyo, isla markaana markale la midoobaan waalidiintood. Waxaanu yidhi.“Dhallinyarada dalka soo gaadhay ee laga soo celiyay dalka Liibiya waa 51, waxa halkan ku soo dhaweynaya anaga iyo hay’adda IOM oo wada socona, waxa aanu u mahadcelinayna hay’adda IOM, taas oo ka shaqaysay in eheladoodii iyo reerahoodii loo soo celiyo,” Wiil kamid ah dhallinyarada dalka dib loogu soo ceilyay ayaa sheegay inay uu la kulmay dhibaatooyin kala duwan, waxaanu sheegay in 6 bilood la garaacayay, isla markaana 14-kun oo dollar madaxiisa la dul dhigey. Waxaanu yidhi.“2021-kii bishi 10-aad ayaan dalka ka tagey, markii aan galay gacanta Magafaha 6 bilood ayuu igaraacayay, lacag 14500 dollara ayuu iga doonayay, hooyaday iyo aabahayna way dhinteen tolkayna way iga bixin kari waayeen, tolkayna ha dhinto ayay yidhaahdeen, Magafuhuna gacmaha ayuu iga xidhay, jidh dil ayuu igu sameeyay,” Hooyo Hani waxa ay sheegtay inay ku faraxsan tahay in gabadheedii dalka dib ugu soo laabatay, waxaaney tidhi “Farxad ayaan dareemaya, waa Ilaahay mahadii, 3 sano ayay maqneyd, 3 sano silic iyo murugo ayay ii ahayd, maantana farxadayda lama soo koobi karo”. Qaran News
-
Brussels (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qaybgali doono shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya. Madaxwaynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doona madasha oo socon doonta inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023. Sida ay xogta ku heleyno inta badan dalalka Mudowga Yurub ayaa taageero iyo inay dagaalka ku garab istaagayaan u balan qaaday dowladda Soomaaliya oo ka mid ah dalalka soo koraya ee ku casuuman shirkaas. Dowladda Soomaaliya oo taageero badan ka hesha qaar kamid ah dalalka ku bahoobay ururka Midowga Yurub ayaa hadda xoogga saareysa in dagaalka Al-Shabaab ay u hesho diyaarado duqeeya kooxda, maadaama culeyska dagaal ee dhanka hawada lagu kordhinayo Al-Shabaab. Caasimada Online waxay heshay xogta qorshaha culus ee dowladda Soomaaliya ay ka damacsan tahay dagaalka ay kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab oo hadda meel dhexe maraya, isla markaana la doonayo in bilaha soo socda Galmudug iyo Hirshabeelle laga nadiifiyo kooxda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalin ka hor ka guuray Dhuusamareeb ayaa la go’aamiyey inuu dib ugu soo laabto Galmudug maalmo kadib, sidoo kale Mahad Salaad oo ku maqan dalka dibadiisa ayaa ku laabanaya Dhuusamareeb. Sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, dowladdu waxay qorsheysay in dagaalka xoogiisa loo jiheeyo dhanka duqeymaha, iyadoo la dejiyey qorshe dhameystiran. Dowladdu waxay qorsheysay in saldhigga duqeymaha diyaaradaha laga dhigo magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas waxaa lagu rakibayaa qalabka laga hago diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Shabaab duqey doona. Hadii uu hirgalo qorshaha qalabka looga rakibayo Buuloburde, waxaa la sheegay inay u fududaa doonto in diyaaradaha dagaalka ay gaari doonaan ilaa koonfuta gobolka Mudug oo hadda kooxdu ay aad uga dagaalameyso. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku laabanaya furinta Galgaduud, markii uu ka soo laabto safarkaan uu ku tegayo magaalada Brussels ee dalka Belgium, sidoo kale Taliyaha NISA Mahad Salaad oo laf-dhabar u ah qorshaha dagaal ee dalka ka socda ayaa isna aadi doona furinta. Waxaa la dardar geli doonaa howlgallo dhanka cirka ah, waxaana si joogto ah diyaaradaha dagaalka loogu beegsa doonaa kooxda Al-Shabaab, taas oo la aaminsan yahay inay deg deg u wiiqi doonto awooda kooxda. Waxaa la sheegay in hadda diyaaradaha ka soo kaca Muqdisho ilaa Ballidoogle ay ku egyihiin Buuloburde, markii ay soo degaan Buuloburde, waxaa fududaa doonta inay gaaraan goobaha Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay Shabaab ka joogaan, sidoo kale waxaa yaraa doona khasaaraha dagaalada tooska ah ka soo gaari kara ciidamada qaranka. Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in hadda ay aad u raadineyso dowlado hor leh oo ka taageera duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, walow ay hadda taageeraan dhowr dowladood oo Mareykanka iyo Turkiga ay ugu horeeyaan. The post Xasan Sheekh oo ka degay Brussels iyo qorshaha culus ee uu damacsan yahay appeared first on Caasimada Online.
-
Gaza (Caasimada Online) – Mareykanka, Ruushka iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa ka mid ahaa waddamo Talaadadi shalay riixayay isku day ay ku rabaan in dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamas hakad la geliyo ama in la gaaro xabbad-joojin, si fursad loogu helo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadka ku go’doonsan magaalada hareereysan ee Gaza. Xilli ay wali sii socdaan duqeynta cirka ah ee ay ciidanka Israel ku hayaan Gaza, ayaa gelinki danbe ee shalay waxaa Gaza u gudbay illaa sideed baabuurta xammuulka ah oo waday cunto, biyo iyo dawo. Gaadiidkan ayaa ka gudbay Marinka Rafax ee ah kan kaliyah ee isku xira Gaza iyo Masar. Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka ayaa sheegay, in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Mohamed bin Salman, oo Talaadadi shalay khadka telefoonka ku wada hadlay, ay isku raaceen “in la ballaariyo dadaalladda diblamaasiyadda, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka loogana hortago in rabshadaha ay sii faafaan.” Ruushka ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee QM in xabad joojin aanan shuruud ku xirneyn si deg deg ah loo gaaro, halka Mareykanka uu Qaramada Midoobay geeyay qorshe dagaalka lagu hakinayo si dadka ku go’doonsan Gaza loo gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo. Dalalka Carabta ayaa iyaguna ku cadaadinaya QM in si deg deg ah colaadda Israel iyo Falastiin looga gaaro xabad-joojin deg deg ah. Wasaaradda Caafimaadka Falastin ayaa Talaadadii sheegatay, in duqeynta Israel ee Gaza lagu dilay 5,791 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 2,360 carruur ah, tan iyo 7-di bishaan October. VOA The post Mareykanka, Ruushka iyo Carabta oo xabbad-joojin u raadinaya dagaalka Gaza appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ay weheliyaan Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka, Guddoomiyaha Golaha Dhexe, Xubno ka tirsan Golaha Fulinta iyo Golaha Dhexe ayaa maanta booqday Furimaha hore ee ciidammada Maamulka SSC-Khaatumo. Ugu horeyn, Hoggaamiyaha ayaa salaan ka qaatay saraakiisha sare ee ciidamada SSC-Khaatumo, isagoona uga sii gudbay fadhiisimaha hore ciidammada difaaca SSC-Khaatumo. Hoggaamiyaha ayaa ciidammada ku bogaadiyey guushii weynayd ee ay soo hooyeen, jabkii cuslaa iyo casharkii lama illaawaanka ahaa ee ay u dhigeen malayshiyaadka Soomaliland. Sidoo kale Hoggaamiyaha ayaa ciidamada u sheegay in Eebbe ka sokow iyagu yihiin sababta ay shacabka SSC-Khaatumo ugu naaloonayaan xasillooni, nabad, iyo is-maamul. Hoggaamiyaha, ayaa ciidamada faray in ay difaaca adkeeyaan, kuna sugnaadaan halkooda, marnaba aysan weerar ku noqon cid kale. Dhanka kale Hoggaamiyaha ayaa xusay in haddii la soo weeraro ay ciidanka amar buuxa u haystaan in ay cashar kale u dhigaan cadawga, islamarkaana ku sameeyaan hub ka dhigis dhammaystiran. Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa ciidammada kula dardaarmay in ay xoojiyaan waajibaadkooda una gutaan si ay ku jirto daacadnimo, waddaniyad iyo xaq u dirirnimo, isagoona xusay in ciiddanka SSC-Khaatumo yihiin ilaaliyeyaasha sharafta iyo midnimada reer SSC-Khaatumo. The post Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo booqday Jiidda Oog appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online waxay heshay xogta qorshe culus oo dowladda Soomaaliya ay ka damacsan tahay dagaalka ay kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalin ka hor ka guuray Dhuusamareeb ayaa la go’aamiyey inuu dib ugu soo laabto Galmudug maalmo kadib, sidoo kale Mahad Salaad oo ku maqan dalka dibadiisa ayaa ku laabanaya Dhuusamareeb. Sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, dowladdu waxay qorsheysay in dagaalka xoogiisa loo jiheeyo dhanka duqeymaha, iyadoo la dejiyey qorshe dhameystiran. Dowladdu waxay qorsheysay in saldhigga duqeymaha diyaaradaha laga dhigo magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas waxaa lagu rakibayaa qalabka laga hago diyaaradaha aan duuliyaha laheyn. Hadii uu hirgalo qorshaha qalabka looga rakibayo Buuloburde, waxaa la sheegay inay u fududaa doonto in diyaaradaha dagaalka ay gaaraan ilaa koonfuta gobolka Mudug oo hadda kooxdu ay aad uga dagaalameyso. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku laabanaya furinta Galgaduud, markii uu ka soo laabto safar uu ku tegayo magaalada Brussels ee dalka Belgium, sidoo kale Taliyaha NISA Mahad Salaad oo laf-dhabar u ah qorshaha dagaal ee dalka ka socda ayaa isna aadi doona furinta. Waxaa la dardar geli doonaa howlgallo dhanka cirka ah, waxaana si joogto ah diyaaradaha dagaalka loogu beegsa doonaa kooxda Al-Shabaab, taas oo la aaminsan yahay inay deg deg u wiiqi doonto awooda kooxda. Waxaa la sheegay in hadda diyaaradaha ka soo kaca Muqdisho ilaa Ballidoogle ay ku egyihiin Buuloburde, markii ay soo degaan Buuloburde, waxaa fududaa doonta inay gaaraan goobaha Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay Shabaab ka joogaan, sidoo kale waxaa yaraa doona khasaaraha dagaalada tooska ah ka soo gaari kara ciidamada qaranka. The post Xog: DF oo la timid qorshe dagaal oo cusub oo Buuloburde ay saldhig u noqa doonto appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Ecobank Day 2023 focused on the acquisition of digital skills by Africa’s children and youth Ecobank has embarked on a journey of digitalization – consistent with our deep belief in the transformative power of digital technology for a more inclusive future in Africa Access Multimedia Content LOMÉ, Togo, October 24, 2023/ — The Ecobank Group (http://www.Ecobank.com), the leading pan-African banking group, celebrated the 10th anniversary of Ecobank Day, its flagship social impact event, last Saturday, October 21, 2023. To mark the occasion, Ecobank launched a three-year ‘Transforming Africa Through Education’ campaign, which it kicked-off with a focus on digital education and equipping children and youth with the digital skills they need for the jobs of tomorrow. Jeremy Awori, Chief Executive Officer of Ecobank Group, said: “Ecobank Day reflects the giving spirit of all 14,000 Ecobankers across the Group. For 10 years, it has given us an opportunity to manifest our commitment to making a positive impact in the communities we serve. This year, we focus on digital education, which is critical for Africa to leapfrog and accelerate its development. For several years, Ecobank has embarked on a journey of digitalization – consistent with our deep belief in the transformative power of digital technology for a more inclusive future in Africa. It is only natural that on this Ecobank Day, we have supported the launch of a series of training programmes and provided the necessary infrastructure to offer basic digital education to youth across Africa.” Ahead of the Ecobank Day celebrations, Ecobank Foundation, in partnership with the Global Partnership for Education and UN Women, organised a webinar entitled ‘Igniting Africa’s Digital Future through the Power of Coding’. The webinar was well-attended with over a thousand participants, and featured experts and the youth, discussing the importance of ensuring that all African children and youth have access to digital skills, mostly coding and programming, that are essential for jobs of the future and a fulfilled life. You can watch the webinar here (https://apo-opa.info/3Q1PjMs). Ecobank’s affiliates across 33 sub-Saharan African countries continue to hold a range of activities to raise awareness and knowledge of the importance of digital skills for Africa’s children and youth. These activities include creating or equipping IT Labs, refurbishing schools, providing youth digital skills training workshops, partnering with schools to improve digital facilities, mentoring initiatives and more. Ecobank Day has supported a wide range of causes over the years since 2013. These have included Education for young people in Africa (2013); Malaria prevention and control (2014); Every African child deserves a better future (2015); ICT education in schools and improving maternal health (2016); Safe water management (2017); Orphanages (2018); Cancer (2019); Diabetes (2020); Mental health (2021) and financial literacy and financial inclusion (2022). For more information about Ecobank Day, please visit https://apo-opa.info/497yZT1 Distributed by APO Group on behalf of Ecobank Transnational Incorporated. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaramada Midoobey ee la socodka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin dheer oo ka badan boqol bog, waxayna uga hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya. Warbixintaan oo sanad kasta la soo saaro waxaa hadda looga hadlay dhinacyo badan, sida amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya, siyaasadda, musuqa, qul-qulka hubka iyo meelaha uu ka yimaado, sida loo maamulo hubka soo gala dalka Soomaaliya iyo qodobo kale oo xasaasi ah ayaa ku xusan warbixintaan. Ugu horeyn sida ku cad warbixinta waxay guddigaan sheegeen in weli ay jirto khatarta Al-Shabaab, waxay xustay inay weli geesa karaan weerarro halis ah. Sidoo kale waxaa lagu sheegay warbixinta in dowladda Soomaaliya, shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ay hormar ka gaareen dagaalka ay ku wiiqayaan awooda Al-Shabaab oo aad loo dhimay hadda. Waxaa lagu cadeeyey warbixintaan in hub sharci darro ah uu weli soo galo Soomaaliya, kaas oo gaaray Al-Shabaab, sidoo kalena u gacan gala beelaha oo ku heysta gobollada dalka qaar. Dowladda Soomaaliya ayaa lagu amaanay inay aad u xakameyso hubka ku jira gacanteeda, inkastoo ay ku dhiban tahay sidii ay dhanka hubka uga taageeri laheyd dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, sida ku xusan warbixinta. Kooxda Daacish ayaa lagu soo qaatay qeyb ka mid ah warbixintaan, guddigaan waxay sheegeen in Daacish ay gobolka Bari ee Puntland ka wado dhaqdhaqaaq xoog leh, inkastoo ay aad u saameysay dhimashadii Bilaal Al-Suudaani oo laga dilay bishii Janaayo ee sanadkaan. Qeyb ka mid ah warbixintaan waxaa looga haflay dagaalkii Laascaanood, kaas oo la sheegay inuu khatar geliyey nabadda Soomaaliya, isla markaana uu saameyn culus ku yeeshay dadkii ku noolaa magaaladaas iyo hareeraheeda. Dagaaladii Laascaanood waxay guddigaan sheegeen inay fursad siiyeen Al-Shabaab iyo Daacish, sidoo kale arrimaha doorashooyinka ayaa looga hadlay warbixintaan. Muddo kororsiga madaxda dowlad goboleedyada iyo doorashooyinka daaha ee federaalka ayaa la sheegay inay caqabad ku yihiin inuu saldhigto nidaamka federaalka ee dalka lagu maamulo, sidoo kale dhismaha hey’adaha dowliga ah ayaa la sheegay in Soomaalidu ay aad ugu dhib qabto. The post QM oo xog culus ka bixisay awooda Shabaab iyo qulqulka hubka soo gala Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaasi. Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka jawaabay su’aallo xasaasi ah oo laga waydiiyay arrinta Jubbaland, gaar ahaan waxa keenay in isaga iyo Axmed Madoobe ay muddo dheer hoggaamiyaan maamul goboleedka Jubbaland. Wuxuu sheegay in dadka uu metelo ee dega gobolka Gedo ay baarlamaanka Jubbaland ka yihiin seddax u dhig hal meel, taasina ay ka dhigan tahay in wax xuquuq ah aysan uga maqneyn maamulka, isla markaana ay yihiin dad isisoo doorta oo ku qanacsan ka mid ahaanshaha Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in ay xoog ku heystaan Jubbaland, isla-markaana aysan ogoleyn tartan furan iyo doorasho. “Horta xoog meel baa ku heysanaa wa dhammaaday xilliigii jabhadahaa soo marnay filimkaaas waa shaqeyn waayay” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Cid meel xoog ku heysato ama ku qabsan karta waa la waayay taa waa laga quustay ninka hadda raadinayana waa nin wax aan jirin raadinaya”. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in isaga iyo Axmed Madoobe ay ku joogaan rabitaan dadweyne, ayna labadii xilli ay u dambeysay ay soo doorteen xildhibaanada Jubbaland. “Annaga waxaan ku joognaa rabitaanka dadka reer Jubbaland horta dadka afti lagama qaadin laakiin waxay sameysteen baarlamaan 75 xubnood ah oo dhammaan deegaanada Jubbaland metalo” ayuu mar kale wareysiha ku yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan muddo xileedkooda uu ku egyahay bisha August ee sanadka soo socda, balse aysan kaasi ku dhaqmi doonin maadaama la gaaray heshiis ku aadan doorashooyina maamul goboleedyada, si ay hal mar u wada dhacaan, wuxuuna sheegay in waqtiga rasmiga ah ee muddo xileedkooda uu noqionayo Novermber. “Waqtigeena wuxuu ku egyahay August 24, laakiin waxaa jira heshiis ay madasha gaartay oo ah inay State-yada oo dhan hal mar doorasho ka dhacdo oo ah Novermber 2024 markaasna la mideeyo doorashada,” ayuu hadalkiis kusoo xiray Maxamuud Sayid Aadan. The post Daawo: Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay metelaada uu gobolka Gedo ku leeyahay Jubaland appeared first on Caasimada Online.
