-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, dhameystirka fariisinta Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Mashaariicda Horumarinta Puntland iyo qodob kale. Madaxweynaha Dowladda Puntland, wuxuu faray dhammaan golaha wasiirada in mashaariicda horumarinta ee laga fuliyo Puntland, la waafijiyo siyaasadda Dowladda, Qorshaha horumarinta 5-ta sano ee Puntland iyo Mabaadiida aasaasiga ah ee ay tahay in Mashaariicda horumarintu buuxiso si Puntland looga fuliyo kuwaasi oo kala ah: – 1. Mashruuca horumarinta ee Puntland laga fulinayo waa in Puntland laga maamulo (PCU) 2. Qoondada Puntland ee Mashruuca waa in ay ku caddahay heshiiska fulinta 3. Maamulka iibka (procurement) mashruuca waa in ay masuul ka yihiin Maamulka mashruuca ee Puntland 4. Hantidhawraha Guud ee Puntland waa inuu masuul ka yahay mashruuc kasta ee ka fulaya Puntland 5. Lacagta mashruuc kasta waa in lagu maamulo khasnadda mideysan ee Dowladda Puntland (TSA) iyada oo la isticmaalayo Bangiga Dowladda Puntland. Lacgtuna toos ugu soo dhacdo (Fund Flow). The post Puntland oo shuruud ku xirtay Mashaariicda laga fuliyo Degaannadeeda appeared first on Puntland Post.
-
Xisbiga NDP ee dowlad goboleedka Ontario ayaa xildhibaan Sahra Jamac ka saaray xubinta guddiga kadib faallooyin la xiriira Gaza ee muran dhaliyay. Hogaamiyaha xisbiga Marit Stiles ayaa sheegtay in ficilada Sahra ay niyad jabiyeen kalsoonidiina ka burburiyeen saaxibbadeeda ay shaqo wadaagga ahaayeen. Xisbiga Dimuqraadiga cusub ee Ontario ayaa ka ceyriyay xarunta Hamilton, Sarah Jama, ku dhawaad laba toddobaad kadib markii ay soo bandhigtay hadal muran dhaliyay oo ay ku taageerayso Falastiiniyiinta. Hoggaamiyaha NDP Marit Stiles ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in inkasta oo guddiga uu oggol yahay fikradaha kala duwan, qaar ka mid ah falalka Sahra tan iyo markii ay faallooyinkeeda bixisay “waxay gacan ka geysteen jawiga shaqada iyo shaqaalaha aan ammaanka dareemeynin” ayey tidhi Source
-
Wasiirka caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ku hayaan Qasa ay kor u kacday oo gaadhay hadda 6,500, oo qof. Dhimashada waxaa u dheer dadka reer Qasa go’doomin ay ku jiraan oo xitaa cisbitaalladii ayaa ku dhow in ay u xidhmaan koronto iyo biyo la’aan tarteed. Hay’adaha gargaarka ayaa walaac xooggan ka muujinaya in shaqaalaha caafimaadku aaney ku shaqeyn karin cisbitaallo koronto la’aan ah maadama dadka dagaalka ku waxyeeloobaya ay badanyihiin. Xaaladda cakirnaanta ah ee Qasa ka taagan ayaa ku soo aadaysa xilli raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu sheegay in ay isku diyaarinayaan weerar dhulka ah, hase-yeeshee ma uusan sheegin xilliga ay qaadayaan weerarka. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, Maamul hufan leh, Dhaqaale ahaanna isku filan. Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa abuuraya dadaalo isku dhafan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, Saaxiibada Caalamiga ah, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka ah, si loo hagaajiyo Maamulka, sare loogu qado Horumarinta Dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha. Xubnaha Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa ka kooban; 1. Mudane Biixi limaan Cige, Wasiirka Maaliyadda 2. Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare 3. Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta 4. Mudane Maxamud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene), Wasiirka Qorshaynta 5. Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta 6. Mudane Maxamed Axmed Shekh Cali (Doodishe), Wasiirka Amniga Gudaha 7. Mudane Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka 8. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada 9. Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada 10. Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta 11. Mudane Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah 12. Mudane Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha 13. Marwo Khadiija Maxamed Almakhsuumi, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Golahan ayaa waxaa shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxa ayna yeelan doonaan Xoghayn ka kooban: 1. Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 2. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool), Agaasimaha Golaha Wasiirada ee XRW 3. Mudane Kamaludin Dahir Xasan, La-taliye, Arrimaha Amniga RW 4. Cabdirisaaq Cali Ibraahim, La-taliye, Horumarinta iyo Xiriirinta Barnaamijyada ee XRW. 5. Axmed Cumar Maxamed, La-taliye, Arrimaha Golaha Wasiirada ee XRW 6. Xasan Cabdulaahi Diiriye, La-taliye, Horumarinta iyo Tayaynta Maamulka Hay’adaha Dowladda ee XRW. The post Ra’iisul wasaare Xamsa oo magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay arrimo ku aadan khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland. Catriona Laing ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay Puntland ku soo celiso saaxadaha siyaasadda, gaar ahaan shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, maadaama ay ka maqneyd kulamadii ugu dambeeyay ee dhexay dowladda dhexe iyo maamullada dalka. Haweeneydan ayaa xustay in loo baahan yahay in si wadajir ah heshiis looga gaaro arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreeyaan doorashooyinka ka dhacaya dalka. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay haddii aan xal loo helin maqnaashiyaha Puntland ay sii adkeyn doonto in la dhammeystito hannaanka doorashooyinka. “Waxaan ku jirnaa xilli xasaasi ah oo aan u baahannahay inaan si wadajir ah ugu heshiinno, iyadoo ay dowladdu hoggaaminayso habka loo marayo doorashooyinka, nooca doorasho ay Soomaaliya qaadan doonto, muddeynta, iyo qaabka doorashada. Dabcan, aad bay muhiim u tahay, in la isku dayo in Puntland dib loogu soo celiyo hannaankan, sababtoo ah aad bay u adkaan doontaa in la dhammaystiro hannaanka doorashada,” ayay tiri Ms. Laing. Ergeyga QM ee Soomaaliya oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka hadashay arrimaha geeddi socodka dastuurka, ayada oo carabka ku adkeysay in loobaahan yahay dhammeystirkiisa. “Dastuur la’aan, waddanku aad ayay u adkaan doontaa in uu horay u socdo. Soomaaliya waxay runtii u baahan tahay in dastuurkaas la dhameystiro; sida aad ogtihiin, weli dalku wuxuu ku shaqaynayaa dastuur qabyo ah,” ayay tiri Ergeyga Qaramada Midoobay. Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo uu shalay Deni weerar afka ah ku qaaday dowladda dhexe iyo xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka, isaga oo sheegay in aysan kalgood go’aan ka gaarin masiirka dalka, maadaama la qaatay nidaam federaal ah. “Madashu maaha Hay’ad ama golle Dastuuri ah oo lagu gooyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, dalku waa Federaal, wuxuu ka kooban yahay dawlad dhexe o aan sharuucdeeda lagu heshiin iyo dawlad gobaleed mid kastaaba deegaankaada haysato, oo iyadu ka talisa” ayuu shalay yiri madaxweyne Deni oo khudbad u jeediyay baarlamaanka maamulka Puntland. Si kastaba, waxaa weli weli halkiisii ah khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo saameyn ku yeeshay wada shaqeynta labada dhinac. The post QM oo dalbatay in Puntland lagu soo celiyo Golaha Wadatashiga Qaranka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo xaaladda dalka ah. Labada Madaxweyne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Al-Shabaab iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada. Madaxweynaha Soomaaliya kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Midowga Yurub ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kulamo dooceedyada uu la qaadanayo mas’uuliyiinta ka soo qeybgalaysa shirka Brussels, kaas oo ay isugu imanayaan Midowga Yurub iyo madaxda dalalka soo korayo oo looga hadlayo arrimo dhowr ah. Source: goobjoog.com
-
Xubno ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kulan waxaa ay uga qeyb galayaan Magaalada Luanda ee dalka Angola, kaas oo ay kasoo qeyb galayaan xubno kale duwan oo ka kala socda dalalka Qaaradda Afrika Baarlamanadooda, waxaana looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo quseeya. Wafdiga Baarlamaanka Soomaaliya waxaa hoggaaminaya Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed oo uu wehliyo Xoghaye Ku-Xigeenka Golaha Shacabka Mudane Maxaamed Cabdullahi Cabdi (Ciyow), kuwaas oo wadajir ku gaaray madasha. Shirka ayaa sanadkan diiradda lagu saaray horumarinta arrimaha la xisaabtanka Baarlamaannada adduunka iyo muhiimiyadda ay leedahay in laga guuro isticmaalka waraaqaha oo hadda ay inta badan isticmaalaan Baarlamaannadu loona guuro habka casriga ah (Digital-ka), kaas oo qeyb ka ah isbeddelka. Xoghaye Cabdinaasir oo bogaadiyay shirka ayaa ballanqaaday in Baarlamaanka Soomaaliya ay dardargelin doonaan ku shaqaynta habka casriga ah ee Digital-ka, arrimaha matalaadda, Shuruucda iyo islaxisaabtanka, taas oo sal u ah dowladnimada iyo sarreynta sharciga sida uu hadalka u dhigay. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kasoo muuqanayay madallo caalami ah oo ay ku kulmaan baarlamaannada caalamka, taas oo ku tuseysa sida Baarlamaanka Federaalka uu markaan u qaatay door muhiim ah, iyaga oo dhowaan ka qeyb galay kulanka Baarlamaannada Adduunka. Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu safar uga soo laabtay Mareykanka, isaga oo halkaas ku la soo kulmay xubno ka socday Aqalka Wakiillada Mareykanka oo uu kala hadlay xoojinta iyo wadashaqeynta. Source: goobjoog.com
-
Abdulqaadir_Jirde. Waa Shaqsiyaadka nool ee Somaliland Caqligiisa iyo aqoontiisa dalku u bahan yahey. Waa nin Qaran oo Xogagaal u ah Siyaasadda dalka iyo ta caalamkaba. Geneva Anoo shir u tagey baa Nin UN xaruntiisa Geneva heysta dhinaca siyaasadda i weydiiyey. Markaasaan u sheegey. Buu igu yidhi ma nool yahey aan ku idhi abduqaadir jirde Haa baan ku idhi. Waxey aheyd April 2017. Waxu ii sheegey 1993 iney Adissaba isku barteen. Isagoo ka hadlaya qadiyadda Somaliland. Ninku waxu ahaa kurdi xafiiska UN meel sare ka heysta. Dhinaca siyaasadda 27 sano UN headquater jooga Geneva oo laga soo bedeley Newyork. Waxu igu abdulqadir iyo ragiisa intaan heysataan caalamka waad fahmeysaan. Markasaan intaan qosley idhi. Hadda waa xisbjga waddani ee doorashadda 2017 la rabo inuu noqdo xisbul xaakimka ah. Intuu qosley buu yidhi mucaradnimadda Africa wey dhib badan tahee. Hadii doorashadda la idinka helo. Ha dagaalamina sidii Kenya u samra dadkiina kala badbaadiya hadii xisbul xaakimku noqdo macangag xadhiga u debciya. Markaa Waxeynu bahanahey shirweyne lagaga hadlayo siyaasadda Arimaha Dibadda. Xaaladda dalkana ee Goboladda dalka xalaadoodda hoos loo eego. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari diinaari1960@gmail.com Qaran News
-
STATE DEPARTMENT — Talks between Sudan’s warring factions will resume Thursday in Jeddah, Saudi Arabia, with a focus on securing access for humanitarian aid to reach beleaguered civilians, according to senior U.S. State Department officials. Source: Hiiraan Online
-
Drought is making finding clean water harder for women and girls, who are the primary water collectors, like here in Baligubadle, Somaliland. Extreme conditions are also forcing families who have lost their livelihoods to move to internally displaced persons (IDP) camps. © UNDP Somalia Source: Hiiraan Online
-
In the waning moments of the 1980s, Somalia’s flame of civil democracy had been extinguished, replaced by the embers of military socialism. As armed tribal groups began to rise, the nation’s fragile structures collapsed by 1991, leaving these groups to claim the remnants. Source: Hiiraan Online
-
Most people living in advanced economies take literacy, the ability to read and write, for granted. Source: Hiiraan Online
-
A Kenyan MP was ordered to remove a traditional Palestinian scarf he was wearing during parliamentary proceedings on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta la horgeeyo Generaal Sheegow Axmed Cali oo weli u xiran dowladda Soomaaliya, kaas oo loo haysto kiis xasaasi ah. Wararka ayaa sheegaya in maanta maxkamaddu ay guda geli doonto dhageysiga dacwadda loo haysto sarkaalkan oo dhowr bilood u xiran dowladda federaalka Soomaaliya. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ninkan maxkamadda lala geyn doono qaar kamid ah ilaaladiisa oo lagu soo qabtay dagaal 19-kii August ee sanadkan ay la galeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya, kaas oo sababay khasaare xoogan. Eeedaha uu wajahayo sarkaalkan ayaa waxaa kamid ah inuu ka dhaga adeegay amar ay siisay dowladda federaalka Soomaaliya oo ahaa inuu soo dhiibo ciidamo ka tirsan kuwiisa oo lagu eedeeyay inay dhac baasan ka gaysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa eedaha kamid ah dagaalkii uu ninkan la galay ciidamada amniga, maadaama uu qaatay ku dhawaad 5 saacadood, uuna gaystay dhimasho iyo dhaawac. Maxkamadeynta ninkan ayaa si aad ah isha loogu hayaa, ayada oo laga war dhowrayo go’aanka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Arrinta sarkaalkan ayaa dhalisay hadal xoogan iyo caro keentay inay dibadbaxyo dhigaan beesha uu kasoo jeedo, inkastoo markii dambe ay xaaladdu degtay. Sheegow ayaa tan iyo 2014-kii markaas oo uu kasoo baxay Al-Shabaab kasoo mid ahaa ciidamada dowladda, wuxuuna ka qayb qaatay dagaallo ka dhacay Shabeelaha Hoose. The post Xog ku saabsan maxkamadeynta Jeneraal Sheegow Axmed Cali appeared first on Caasimada Online.
-
Dowlada hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa saaka burburin ku bilowday goobo ganacsi oo ku yaalla bartamaha magaalada. Goobaha burburinta lagu sameeyay ayaa ku taalla dhabarka danbe ee dhismihii hore ee bangiga oo dhawaan laga iibiyay ganacsato. Wararka ayaa sheegaya in goobaha la burburiyay ay ku ganacsanayeen qaar kamid ah haweenka Gaalkacyo gaar ahaanna kuwa khudaarleyda ah. Dowladda hoose ayaa sidoo kale xabsiga dhigtay xil. Farxiya Cabdi Jaamac oo ka tirsan golaha degaanka Gaalkacyo una doodaysay haweenka laga burburiyay ganacsigoodii. Wararka ayaa intaas ku daraya in xil. Farxiya jirdil loo geystay ka hor inta aan xabsiga loo dhaadhicin inkastoo markii danbe la sii daayay. PUNTLAND POST The post Puntland: Burburin lagu bilaabay goobo ganacsi oo ku yaalla bartamaha Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh iyo Xoghayaha Guud ee maamulka gobolka Faysal Caraale ayaa kormeer ay ugu kuur-galayeen xaalada amni ee caasimadda Muqdisho ku tagay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid. Kormeerkaan oo uu qeyb ka ahaa guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Maxamed iyo saraakiisha amniga Degmada ayaa waxaa lagu sheegay in amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho uu aad u fiican yahay. Guddoomiye Yabooh ayaa intii ay kormeerka socdah waxa uu mid mid u xog-wareystay qeybaha kala gedisan ee bulshada iyo ganacsatada, isagoona la shaah-cabay odayaal iyo dadka deegaanka oo meel fagaare ah ku caweenayay. Mudane Yabooh ayaa sheegay in kormeerkaan uu noqon doonno mid joogto ah oo loogu kuurgalayo qmniga caasimadda, isaga oo bulshada kula dar-daarmay in ay qaataan doorkooda ku aadan sugida amniga, iyagoo la shaqeynaya maamulka degmada iyo laamaha amaanka si loogu hortago dhagaraha kooxaha argagixisada. Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Suleymaan Fargax oo halkaasi kula hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in amniga degmada iyo guud ahaan caasimada hu fiican yahay, islamarkaana uu dardar ku socdo horumarka degmada. “Xaaladda amni ee degmada aad bey u fiican tahay, waxaa noo qabsoomay kormeer aad u qiimo badan. Amniga gobolka Banaadir aad ayuu u fiicna oo waa in aan ka feejignaano cadowga,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Yaaqshiid. Waxa uu intaas kusii daray “Maamulka degmada Yaaqshiid hadaa nahay diyaar ayaa u nahay in aan ka hortagno dhagarta cadowga anaga oo kaashaneyno laamaheen amniga booliska iyo nabadsugidda, aad iyo aad ayaa ugu mahad-celinayna booliska iyo nabadsugidda degmada.” The post Waa sidee xaaladda amni ee magaalada Muqdisho? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la yeeshay wafdi Isimada dhaqanka Gobolka Bari ah oo safar ku jooga Garoowe. Kulanka oo ahaa qado sharaf uu madaxweyne Saciid Deni u sameeyay Isimida ayaa waxaa ka qeyb-galay Isimo, cuqaal, nabadoono iyo waxgarad ka socda Gobolka Bari kuwaasi oo safar uga soo laabtay Degmada Buurtinle. Saciid Deni ayaa la wadaagay Isimada, cuqaasha iyo nabadoonada Gobolka Bari, warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Puntland, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland. Sidoo kale madaxweynaha ayaa la wadaagay Isimida dhameystirka hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland ee qof iyo cod oo uu sheegay in hada uu marayo meel wanaagsan. “Iyadoo ay inagu soo fool leeyihiin Doorashada Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada, Sidaasi darteed ay muhim tahay in la isu wada diyaariyo oo bulshada dhinac kasta uu doorkiisa qaato,” ayuu lagu yiri bayaanka Madaxtooyada Puntland.. Saciid Deni ayaa weli ku adkeysanaya hanaanka doorashada qof iyo cod oo ay diidan yihiin mucaaradka, ayada oo guddiga doorashooyinka Puntland ay soo saareen jadwal doorasho oo muddo kororsi dadban u sameynaya madaxweynaha muddo xileedkiisu geba-gebada yahay. Qoraal dhawaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland ayaa waxaa lagu shaaciyay in doorashada Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka Puntland loo asteeyay inay qabsoomto 25-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aadan ee 2024-ka. Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dib loo furay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, islamarkaana la bilaabi doono dhamaadka sanadkaan, gaar ahaan bisha December. Qabashada liistada Musharaxiinta ayaa bilaaban doonta December illaa January. Halka ololaha doorashada uu bilaaban doono February 2024-ka, maalmo kahor un waqtiga uu guddiga doorashooyinka u asteeyay doorashada isa-saaran, sida lagu sheegay jadwalka doorashada ee uu saaray guddiga PEC. The post Xogta kulan Saciid Deni uu Madaxtooyada kula yeeshay Isimida dhaqanka appeared first on Caasimada Online.
-
3 Qof oo ku Dhintay Shil ka Dhacay Bariga Hargeysa3 Qof oo ku Dhintay Shil ka Dhacay Bariga Hargeysa Hargeysa(Qaran news)- Saddex qof ayaa ku dhintay 9 kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo shalay galinkii danbe ka dhacay bariga magaalada Hargeysa. Shilkan gaadhi ayaa ka dhacay degaanka Burcada-yar iyo Aw-barkhadle ee bariga magaalada Hargeysa waxaana ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh. Dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay shilkan gaadhi ayaa la geeyay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxa ay wararku intaas ku darayaan in dadka dhaawacmay uu ku jiro wiil yar kaas oo xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo. Taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka Somaliland Maxamed Cige Cidheere iyo saraakiisha sar sare ee ciidanka ayaa gaadhay goobta, waxaanu xusay in ciidanku gacanta ku hayaan sababtii shilka keentay. Jamhuuriyadda Somaliland waxa muddooyinkii u danbeeyay ku soo badanayay shilalka gaadiidka ee kala duwan, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh. Qaran News
-
Wasaaradda Deegaanka oo Tababar u Qabatay Dawladda Hoose Hargeysa iyo Guddiyo Kale Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada JSL, ayaa tababar u furay xubno kala duwan oo kala socday dawlada hoose Hargeysa, gudiyada xaafada Caasimada Qaarkood. Tababarkan oo laba cisho socday ayaa lagu baranaayey sidii Deegaanka loo Ilaalin lahaa iyadoo layskaashanaayo. Kasoo Qaybgalayaasha ayaa iyaguna Dhankooda soo Dhoweeyey iskaashiga wada shaqeynta wasaaradda Deegaanka iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada caasimada. Qaran News
-
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, marwo Catriona Laing, ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya, in Puntland lagu soo celiyo shirka golaha wada-tashiga. “Waxaan ku jirnaa xilli xasaasi ah oo aan u baahannahay inaan si wadajir ah ugu heshiinno, iyadoo ay dowladdu hoggaaminayso habka loo marayo doorashooyinka, nooca doorasho ay Soomaaliya qaadan doonto, muddeynta, iyo qaabka doorashada” “Dabcan, aad bay muhiim u tahay, in la isku dayo in Puntland dib loogu soo celiyo hannaankan, sababtoo ah aad bay u adkaan doontaa in la dhammaystiro hannaanka doorashada” ayay tiri Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing. “Dastuur la’aan, waddanku aad ayay u adkaan doontaa in uu horay u socdoSoomaaliya waxay runtii u baahan tahay in dastuurka la dhameystiro; sida aad ogtihiin, weli dalku wuxuu ku shaqaynayaa dastuur qabyo ah” ayay sii raacisay Ms. Laing Baaqan ayaa imaanaya, maalin kadib markii madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu ku celiyay diidmadiisa go’aannadii u danbeeyay ee madasha wada-tashiga qaran oo uu ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo ku baaqday in Puntland lagu soo celiyo golaha wada-tashiga Qaran appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Washington kula kulmay Guddiga Arrimaha Dibada Aqalka Golaha Wakiilada dalka Mareykanka. Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Baarlamaanada Soomaaliya iyo Mareykanka, isla-markaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinacyada horumarka. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay shaqooyinka baarlamaanka, shuruucda uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad, hanaanka deyn cafinta iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka hadlay in la fududeeyo isu socodka labada dal iyo in la abuuro xiriir ganacsi oo labada dal dhexmara. Guddiga Arrimaha dibadda Golaha Wakiilada dalka Mareykanka ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalada horumarineed iyo shaqooyinka hortabinta u leh hannaanka geedi socodka dowladnimadda dalka ee ay wadaan. Guddiga ayaa balan-qaaday in Baarlamaanka Soomaaliya uu Mareykanka la sameyn doono bog cusub oo iskaashi ah. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Golaha Wakiilada iyo guud ahaan dowlada Mareykanka taageerada joogtada ah ay siiyaan shacabka iyo dowlada Soomaaliya. Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaalada uu Guddoomiyaha ugu jiro soo celinta iyo hagaajinta xiriirka wadashaqeyn uu Baarlamaanka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaanada Aduunka. The post Sawirro: Aadan Madoobe oo heshiis lasoo galay Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
