Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin yaableh oo dhanka baraha bulshada ah ayaa ka dhalatay xil cusub oo uu maanta madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo dhawaan uun ku dhawaaqay maamul la magac baxay Hiiraan State. Madaxweynaha oo digreeto soo saaray ayaa Cali Jayte u magacaabay u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka difaaca dadweynaha ee Macawisleyda. Ninkan ayaa lagu xasuustaa hoggaaminta gulufkii cuslaa ee dadka gobolka Hiiraan Al-Shabaab kaga xoreysteen inta badan dhulkii gobolkaas ay ka joogeen xubnaha kooxda. Sidoo kale magacaabistiisa ayaa meesha ka saareysa khilaafkii ka taagnaa Beledweyne ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Cali Jayte Cismaan. Haddaba sidee looga falceliyay xilka loo magacaabay Cali Jayte? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay magacaabistaan, waxaana qaarkood ay tilmaameen in xilkan uusan u qalmin Cali Jayte, halka kuwa kalena ay soo dhaweeyeen, maadaama uu yahay nin ciidan. Cabdullaahi Maxamed ayaa yiri “U qeybsanaha iyo ergayga meeqaa lasii marsiinooyaa tiro xadidan malahan miyaa?”. Maryan Cali ayaa iyadana ku jawaabtay “Xasan cashirada xilka xaguu kasoo akhristaa maalin kasta xil aan la maqal lee soo sheegaa”. Cumar Cabdullaahi ayaa isna si kaftan ah uga hadlay magacaabistaan “Madaxweynaha Hiiraan State qash-qashaadda maa laga daayo”. Daahir Mahdi ayaa isaguna qoraalkiisa falcelinta ah ku yiri “Waa u qalmaa xilkaas hoggaamiye Cali Jayte Cismaan”. Cabdisalaan ayaa soo dhaweeyay magacaabista Cali Jayte, wuxuuna yiri “Manta ayuu asiibay madaxweynuhu, Congratulation”. Cabdirisaaq Maxamed isna wuxuu ku jawaabay “Cali Jayte ka badan ayuu mudnaa waa hoggaamiye ku suntan kacaankii Hiiraan lagu xoreeyay”. The post Falcelin yaableh oo ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay Cali Jayte appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin yaableh oo dhanka baraha bulshada ah ayaa ka dhalatay xil cusub oo uu maanta madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo dhawaan uun ku dhawaaqay maamul la magac baxay Hiiraan State. Madaxweynaha oo digreeto soo saaray ayaa Cali Jayte u magacaabay u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka difaaca dadweynaha ee Macawisleyda. Ninkan ayaa lagu xasuustaa hoggaaminta gulufkii cuslaa ee dadka gobolka Hiiraan Al-Shabaab kaga xoreysteen inta badan dhulkii gobolkaas ay ka joogeen xubnaha kooxda. Sidoo kale magacaabistiisa ayaa meesha ka saareysa khilaafkii ka taagnaa Beledweyne ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Cali Jayte Cismaan. Haddaba sidee looga falceliyay xilka loo magacaabay Cali Jayte? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay magacaabistaan, waxaana qaarkood ay tilmaameen in xilkan uusan u qalmin Cali Jayte, halka kuwa kalena ay soo dhaweeyeen, maadaama uu yahay nin ciidan. Cabdullaahi Maxamed ayaa yiri “U qeybsanaha iyo ergayga meeqaa lasii marsiinooyaa tiro xadidan malahan miyaa?”. Maryan Cali ayaa iyadana ku jawaabtay “Xasan cashirada xilka xaguu kasoo akhristaa maalin kasta xil aan la maqal lee soo sheegaa”. Cumar Cabdullaahi ayaa isna si kaftan ah uga hadlay magacaabistaan “Madaxweynaha Hiiraan State qash-qashaadda maa laga daayo”. Daahir Mahdi ayaa isaguna qoraalkiisa falcelinta ah ku yiri “Waa u qalmaa xilkaas hoggaamiye Cali Jayte Cismaan”. Cabdisalaan ayaa soo dhaweeyay magacaabista Cali Jayte, wuxuuna yiri “Manta ayuu asiibay madaxweynuhu, Congratulation”. Cabdirisaaq Maxamed isna wuxuu ku jawaabay “Cali Jayte ka badan ayuu mudnaa waa hoggaamiye ku suntan kacaankii Hiiraan lagu xoreeyay”. The post Falcelin yaableh oo ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay Cali Jayte appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweynaha Somaliland oo Kormeeray Xarunta Wasaaradda Warfaafinta. Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka hormeer shaqo ku tegay xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta, waxana halkaas kusoo dhaweeyey madaxda wasaaradda oo uu hoggaaminayo wasiir Saleebaan Yuusuf Cali-koore. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, xildhibaanno iyo saraakiil kale, ayaa booqashadiisa kusoo indho indheeyey qaybaha kala duwan ee ay wasaaraddu ka kooban tahay, goobaha warqabadka, xarumaha Idaacadda iyo Telefishanka Qaranka iyo dhammaanba xafiisyada kala duwan ee ay ka socoto shaqada wasaaraddu, waxana uu warbixinno ka dhegaystay madaxda qaabilsan waaxaha uu kormeeray. Madaxweynuhu waxa u kuur galay hannaanka ay u shaqeeyaan waaxyaha wasaaraddu, isaga oo markii dambena kulan gaar ah la qaatay shaqaale weynaha wasaaradda oo ay hormuud u yihiin wasiirka warfaafinta iyo madaxda kale ee wasaaraddu. Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo kulanka ka hadlay, ayaa ka warbixiyey shaqada ay wasaaraddu qaranka u hayso iyo kaalinta ay shaqaale weynuhu ku leeyihiin in bulshada wacyigeeda kor loo qaado. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta kula dardaarmay inay dedaalkooda kor u qaadaan, difaaca qarannimadana waqti badan geliyaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta iyo madaxdoodaba uga mahadceliyey shaqada ballaadhan ee ay bulshada u hayaan, waxana uu ku dheeraaday Barnaamijyada waxtarka leh ee ay Idaacadda iyo Telefishanka qaranka laga sii daayo oo ku tilmaamay kuwo garaadka bulshada dhisaya, aqoon iyo waayo-aragnimona ku dhisan, isaga oo hoosta ka xarriiqay inuu ka madaxweyne ahaan u hagar baxayo wax kasta oo wasaaraddu ku horumarayso. Qaran News
  4. "Were it not for the BRI, many of the development fruits that Kenya and other African countries are enjoying would not have been possible, at least not in such a relatively short time," said an African expert. Source: Hiiraan Online
  5. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare gaystay uu ka dhacay koonfurta gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka deegaanka Caad ee gobolka Mudug, halkaas ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in miinada ay ku qaraxday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo xilligaas ku howlanaa farsameyna qaraxaasi, si ay ugu dhigaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgallada culus ka wada halkaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uu khasaare kala duwan kasoo gaaray xubnaha Al-Shabaab, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay. Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay jiritaanka qaraxaas, waxayna shaaciyeen inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah. Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa indhowaanahan ku dagaalamaya ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab oo laga saaray magaalooyin waa weyn, sida Camaara iyo Bacaadweyne. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda dagaallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga iyo kuwa dadka deeganaka, kuwaas oo jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab. The post Xubno Shabaab ah oo miino ay kula qaraxday MUDUG appeared first on Caasimada Online.
  6. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare gaystay uu ka dhacay koonfurta gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka deegaanka Caad ee gobolka Mudug, halkaas ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in miinada ay ku qaraxday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo xilligaas ku howlanaa farsameyna qaraxaasi, si ay ugu dhigaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgallada culus ka wada halkaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uu khasaare kala duwan kasoo gaaray xubnaha Al-Shabaab, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay. Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay jiritaanka qaraxaas, waxayna shaaciyeen inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah. Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa indhowaanahan ku dagaalamaya ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab oo laga saaray magaalooyin waa weyn, sida Camaara iyo Bacaadweyne. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda dagaallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga iyo kuwa dadka deeganaka, kuwaas oo jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab. The post Xubno Shabaab ah oo miino ay kula qaraxday MUDUG appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) - Former Hiiraan governor Ali Jeyte Osman has been appointed as the head of the Somali President's office for coordinating local fighters (Ma'wisley) in the ongoing battle against al-Shabaab, as reported by state media on Sunday. Source: Hiiraan Online
  8. Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa sii ballaarinaya howllgalada dhulka ah ee Qaza halka diyaaradahooda dagaalku ay duqeeyeen boqollaal meelood oo ahaa bartilmaameedyo ay lahed Xamaas, sida uu sheegay militariga Israa’iil Axaddii, waxaana uu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku tilmaamay wajigii labaad ee dagaal socday muddo saddex toddobaad ah. Isgaarsiintii, taleefoonada iyo internetka ayaa qayb ahaan dib loogu soo celiyay Gaza Axadii, kadib markii ay hawada ka maqneyd in ka badan maalin, taas oo si adag u saameysay howlihii samata bixinta. Shaaban Axmed, oo ah shaqaale dowladeed ku haray magaalada Gaza, ayaa yiri: “Israa’iil waxay naga gooysay adduunka si ay inoo baabi’iso, laakiin waxaan maqalnaa dhawaqa qaraxyo waxaana ku faraxsanahay in dagaalyahannada wax iska caabbinta ay ciidamada Israa’iil ku celiyeen meel ka baxsan magaalada.” Axmed, waxa uu sheegay in Axadii uun uu ogaaday in ina-adeerkii lagu dilay weerar dhinaca cirka ah Jimcihii. Diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa duqeeyay in ka badan 450 bartilmaameedyo militari oo ay Xamaas ku laheyd Marinka Gaza, oo ay ku jiraan xarumaha taliska howlgalada, goobaha kormeerka, iyo goobaha laga rido gantaalada lidka taangiyada, sida uu sheegay militariga Israa’iil. Maamulka caafimaadka ee marinka Qaza oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof ayaa sheegay in 8,005 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 3,342 caruur ah lagu dilay ololaha Israel ee lagu ciribtirayo mintidiinta ay taageerto Iran. Barakacayaasha Falastiiniyiinta ee ku nool teendhooyin ku yaalla Khan Yunis, Gaza, ayaa ku tilmaamay xaalad nololeed oo aad u liidata, isla markaana ay xaddidan tahay helitaanka cuntada iyo biyaha iyo inay saf u galaan saacado si ay u galaan musqulaha. Reuters + VOA The post Israel oo duullaan dhulka ah oo ku qaaday Gaza iyo Wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  9. Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa sii ballaarinaya howllgalada dhulka ah ee Qaza halka diyaaradahooda dagaalku ay duqeeyeen boqollaal meelood oo ahaa bartilmaameedyo ay lahed Xamaas, sida uu sheegay militariga Israa’iil Axaddii, waxaana uu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku tilmaamay wajigii labaad ee dagaal socday muddo saddex toddobaad ah. Isgaarsiintii, taleefoonada iyo internetka ayaa qayb ahaan dib loogu soo celiyay Gaza Axadii, kadib markii ay hawada ka maqneyd in ka badan maalin, taas oo si adag u saameysay howlihii samata bixinta. Shaaban Axmed, oo ah shaqaale dowladeed ku haray magaalada Gaza, ayaa yiri: “Israa’iil waxay naga gooysay adduunka si ay inoo baabi’iso, laakiin waxaan maqalnaa dhawaqa qaraxyo waxaana ku faraxsanahay in dagaalyahannada wax iska caabbinta ay ciidamada Israa’iil ku celiyeen meel ka baxsan magaalada.” Axmed, waxa uu sheegay in Axadii uun uu ogaaday in ina-adeerkii lagu dilay weerar dhinaca cirka ah Jimcihii. Diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa duqeeyay in ka badan 450 bartilmaameedyo militari oo ay Xamaas ku laheyd Marinka Gaza, oo ay ku jiraan xarumaha taliska howlgalada, goobaha kormeerka, iyo goobaha laga rido gantaalada lidka taangiyada, sida uu sheegay militariga Israa’iil. Maamulka caafimaadka ee marinka Qaza oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof ayaa sheegay in 8,005 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 3,342 caruur ah lagu dilay ololaha Israel ee lagu ciribtirayo mintidiinta ay taageerto Iran. Barakacayaasha Falastiiniyiinta ee ku nool teendhooyin ku yaalla Khan Yunis, Gaza, ayaa ku tilmaamay xaalad nololeed oo aad u liidata, isla markaana ay xaddidan tahay helitaanka cuntada iyo biyaha iyo inay saf u galaan saacado si ay u galaan musqulaha. Reuters + VOA The post Israel oo duullaan dhulka ah oo ku qaaday Gaza iyo Wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  10. Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta Puntland S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay munaasabadda uu xilka Kula wareegay Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi oo ka dhacday xarunta Taliska Ciidanka Darawiishta ee xerada 54-aad. Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimada Dowladdu siisay dhismaha iyo dib-u-habeynta Ciidanka, taasi oo hadda ka muuqata guulaha laga gaaray difaaca iyo horumarka xarunta Ciidanka Darawiishta iyo hanaanka kala sareynta iyo kala danbeynta. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Taliska Ciidanka Daraawiishta, Taliska Ciidanka Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Saraakiisha kale ee laamaha Amniga Puntland. PUNTLAND POST The post Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta Puntland oo Maanta xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
  11. Maanta waa maalin kale oo Soomalaida aan u wanaagsaneyn marka lagu jiro gebogebada bisha Oktoobar. Maanta oo kale 29-kii Oktoobar oo ku beegnayd maalin Sabti ah waxaa markale dhacay musiibadii qaraxii Soobe 2, kaas oo galaaftay nolosha muwaadiniin Soomaaliyeed ka badan 100 ruux. Maanta Isgoyska Soobe waxaa isugu soo baxay bulshada caasimadda iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana lagu qabtay dibadbax ballaaran oo lagu xusayo Qaraxii 29-Oktoobar 2022, sidoo kalena loogu duceynayo dadkii ku nafwaayay halkaasi iyo kuwii kale ee dhaawaca kasoo gaaray. Banaanbaxa waxaa ka qeybgalay Wasiiradda Waxbarashada, Arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka, Xildhibaanno katirsan Labada Golle ee Baarlamaanka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada Caasimadda, kuwaas oo u badnaa arday marka la eego dibadbaxayaasha. Qaraxii 29-Oktoobar 2022, waxaa dadkii wax ku noqday ku jiray arday Soomaaliyeed, kuwaas oo saf ugu jiray qaadashada Shahaadada dugsiga sare iyo dad kale oo shacab ah oo ku ganacsanayay Isgoyska Km5, kuwaas oo isugu jiray bulshada qeybaheeda kale duwan oo waxyeeladu gaartay. Mahadhada iyo murugada Soobe ayaa bisha Oktoobar waxaa ay tahay mid shacabku si weyn ay u xusuusan doonaan sannad walba, marka laga anbo qaado wixii isla isgoyskaas ka dhacay 6 sano ka hor iyo 14-kii Oktoobar maalin kale oo Sabti ah, iyo 29-kii Oktoobar 2022, oo maanta xuskeeda uu socdo. Muqdisho ayaa maanta ka duwan sidii hore oo waxaa ay helaysaa amni soo hagaagaya, taas oo looga mahadcelinayo Ciidanka Xasilinta Caasimadda oo kaashanaya NISA. Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka ayaa duurka u jooga dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, kuwaas oo laga saaray deegaanno badan. Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xil cusub u magacaabay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan. Madaxweynaha oo digreeto soo saaray ayaa Cali Jayte u magacaabay u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka difaaca dadweynaha ee Macawisleyda. Ujeedada magacaabistan ayaa salka ku heyso sidii mar kale boorka dib looga jafi lahaa ciidanka deegaanka oo door muuqda ka qaatay dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. Cali Jayte ayaa lagu xasuustaa hoggaaminta gulufkii cuslaa ee dadka gobolka Hiiraan Al-Shabaab kaga xoreysteen inta badan dhulkii gobolkaas ay ka joogeen xubnaha kooxda. Sidoo kale magacaabistiisa ayaa meesha ka saareysa khilaafkii ka taagnaa Beledweyne ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Cali Jayte. Horay madaxweynaha iyo Cali Jayte ayaa ugu kulmay degmada Maxaas, halkaas oo lagu gaaray heshiis dhexmaray dowladda iyo beesha Xawaadle oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Si kastaba, hoggaaminta Cali Jayte ee ciidanka Macwiisleyda ayaa loo arkaa mid muhiim ah sii dhaqaajinta dagaalka Al-Shabaab, maadaama wajigiisa koowaad uu wacdaro ka dhigay gobolka Hiiraan. Soomaaliya waxaa ka socda dagaallo culus oo lagu qaaday Al-Shabaab, kuwaas oo laga gaaray guullo waa weyn, marka la eego deegaanada HirShabelle iyo Galmudug. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay Cali Jayte appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xil cusub u magacaabay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan. Madaxweynaha oo digreeto soo saaray ayaa Cali Jayte u magacaabay u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka difaaca dadweynaha ee Macawisleyda. Ujeedada magacaabistan ayaa salka ku heyso sidii mar kale boorka dib looga jafi lahaa ciidanka deegaanka oo door muuqda ka qaatay dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. Cali Jayte ayaa lagu xasuustaa hoggaaminta gulufkii cuslaa ee dadka gobolka Hiiraan Al-Shabaab kaga xoreysteen inta badan dhulkii gobolkaas ay ka joogeen xubnaha kooxda. Sidoo kale magacaabistiisa ayaa meesha ka saareysa khilaafkii ka taagnaa Beledweyne ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Cali Jayte. Horay madaxweynaha iyo Cali Jayte ayaa ugu kulmay degmada Maxaas, halkaas oo lagu gaaray heshiis dhexmaray dowladda iyo beesha Xawaadle oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Si kastaba, hoggaaminta Cali Jayte ee ciidanka Macwiisleyda ayaa loo arkaa mid muhiim ah sii dhaqaajinta dagaalka Al-Shabaab, maadaama wajigiisa koowaad uu wacdaro ka dhigay gobolka Hiiraan. Soomaaliya waxaa ka socda dagaallo culus oo lagu qaaday Al-Shabaab, kuwaas oo laga gaaray guullo waa weyn, marka la eego deegaanada HirShabelle iyo Galmudug. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay Cali Jayte appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo la hadlayay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay xuska qarixii 29 October 2022-kii ka dhacay isgoyska Soobe ayaa ka hadlay arimo ku aadan dagaalka kooxda Al-Shabaab. Ugu horreyn Fiqi ayaa sharraax ka bixiyay isbeddalka ku yimid muuqaalka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu tuutaha u xirtay Al-Shabaab, garkiina uu ku baxay. “Madaxweynihii waa ujeedaan isaga oo tuute wato, garkiina uu ku baxay ciidankeenana waxay dhigooda u hurayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed” ayuu wasiirku Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab laga adkaaday, isla-markaana ay jabeen, isaga oo sheegay inay lagu ceersanayo duleedka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. “Khawaarijta way jabeen Ceelbuur duleedkeeda ayaa maanta lagu hayaa, halkaan ayaa laga qaaday awel meelahaan ayay nala taagnaan jireen, dhammeystirkooda annaga dhan ayay noo taallaa” ayuu mar kale khudbadiisa ku yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi. Sidoo kale wuxuu Fiqi farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay ka qayb qaataan dagaalka, gaar ahaan ololaha loogu magac daray guul ama geeri. “Khawaarijta meel ma uga soo wada jeesanaa?, guryaheenna ma ka saarnaa?, ciidanka amniga mala shaqeynaa?, mashruuca guul ama geeri qayb ma ka noqonaa, dowladdeena ha guuleysato, madaxweynaha ha guuleysto ciidankeenana ha guuleystaan” ayuu raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli dagaallo culus ay ka socdaan gobollada dalka, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deeganaka. The post Wasiir Fiqi oo sharaxaad ka bixiyay isbeddalka ku yimid muuqaalka madaxweynaha + Video appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo la hadlayay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay xuska qarixii 29 October 2022-kii ka dhacay isgoyska Soobe ayaa ka hadlay arimo ku aadan dagaalka kooxda Al-Shabaab. Ugu horreyn Fiqi ayaa sharraax ka bixiyay isbeddalka ku yimid muuqaalka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu tuutaha u xirtay Al-Shabaab, garkiina uu ku baxay. “Madaxweynihii waa ujeedaan isaga oo tuute wato, garkiina uu ku baxay ciidankeenana waxay dhigooda u hurayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed” ayuu wasiirku Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab laga adkaaday, isla-markaana ay jabeen, isaga oo sheegay inay lagu ceersanayo duleedka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. “Khawaarijta way jabeen Ceelbuur duleedkeeda ayaa maanta lagu hayaa, halkaan ayaa laga qaaday awel meelahaan ayay nala taagnaan jireen, dhammeystirkooda annaga dhan ayay noo taallaa” ayuu mar kale khudbadiisa ku yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi. Sidoo kale wuxuu Fiqi farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay ka qayb qaataan dagaalka, gaar ahaan ololaha loogu magac daray guul ama geeri. “Khawaarijta meel ma uga soo wada jeesanaa?, guryaheenna ma ka saarnaa?, ciidanka amniga mala shaqeynaa?, mashruuca guul ama geeri qayb ma ka noqonaa, dowladdeena ha guuleysato, madaxweynaha ha guuleysto ciidankeenana ha guuleystaan” ayuu raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli dagaallo culus ay ka socdaan gobollada dalka, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deeganaka. The post Wasiir Fiqi oo sharaxaad ka bixiyay isbeddalka ku yimid muuqaalka madaxweynaha + Video appeared first on Caasimada Online.
  16. October 2022 and October 2023: These are the months that forever altered the landscape of our Somali media community. In those fateful days, we lost two colleagues, friends, and rising beacons of journalistic integrity. Their names were Mohamed Isse Hassan Koonaa and Abdifatah Moalim Nur, known as Qeys, and their absence has left an indelible void in journalism. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka ee SoDMA, Maxamuud Macallin oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday isgoyska Zoobe oo lagu xusayay sanad kahor maanta oo kale qaraxii ka dhacay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan weerarka Israel ee magaalada Gaza. Maxamuud Macallin ayaa shaaca ka qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin walaalahooda reer Falastiin, isla-markaana ay u dirayaan gurmad bani’aadanimo. Guddoomiyaha ayaa xusay in hay’adda SoDMA ay diyaar la tahay in dhaqaatiir iyo gargaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza, marka la furo marinka Rafac ee xuduudda Falastiin iyo Masar. “Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxa ay ku talagashay, haddii la furo marinka Gaza inay u diri doonto gargaar Ummadda Soomaaliyeed laga qaaday” ayuu yiri Maxamuud Macallin. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa diyaar ah dhaqaatiir, waxaan diyaar ah Ummadda Soomaaliyeed waxa ay iska soo auruurisay, waxaab diyaar u nahay inaan kaalmo u geyno annaga oo iskaashaneyno”. Horay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeyntii Israel ka geysteen Isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza oo lagu dilay in ka badan 500 oo qof, maadama isbitaalka yaalleen boqolaal qof oo dhaawac ah, qaar badan oo kamida dadka barakacay, bukaano kale, caruur iyo haween. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bayaanka ay markaas soo saartay oo ku qornaa afka Carabiga ku baaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, ayada oo Israel xasuusisay qawaaniinta caalamiga ah. Bayaanka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto sharciga caalamiga iyo xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah.” The post Daawo: DF oo sheegtay inay gargaar u direyso GAZA appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka ee SoDMA, Maxamuud Macallin oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday isgoyska Zoobe oo lagu xusayay sanad kahor maanta oo kale qaraxii ka dhacay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan weerarka Israel ee magaalada Gaza. Maxamuud Macallin ayaa shaaca ka qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin walaalahooda reer Falastiin, isla-markaana ay u dirayaan gurmad bani’aadanimo. Guddoomiyaha ayaa xusay in hay’adda SoDMA ay diyaar la tahay in dhaqaatiir iyo gargaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza, marka la furo marinka Rafac ee xuduudda Falastiin iyo Masar. “Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxa ay ku talagashay, haddii la furo marinka Gaza inay u diri doonto gargaar Ummadda Soomaaliyeed laga qaaday” ayuu yiri Maxamuud Macallin. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa diyaar ah dhaqaatiir, waxaan diyaar ah Ummadda Soomaaliyeed waxa ay iska soo auruurisay, waxaab diyaar u nahay inaan kaalmo u geyno annaga oo iskaashaneyno”. Horay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeyntii Israel ka geysteen Isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza oo lagu dilay in ka badan 500 oo qof, maadama isbitaalka yaalleen boqolaal qof oo dhaawac ah, qaar badan oo kamida dadka barakacay, bukaano kale, caruur iyo haween. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bayaanka ay markaas soo saartay oo ku qornaa afka Carabiga ku baaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, ayada oo Israel xasuusisay qawaaniinta caalamiga ah. Bayaanka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto sharciga caalamiga iyo xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah.” The post Daawo: DF oo sheegtay inay gargaar u direyso GAZA appeared first on Caasimada Online.
  19. Xukuumadda Qadar ayaa sheegtay in gulufka millatari ee dhinaca dhulka ah ee Israa’iil ay ku qaaday Qasa uu caqabad ku noqday dadaallada socda ee lagu doonayo in si nabada lagu sii daayo maxaabiista ay gacanta ku hayaan ururka Xamaas. Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Qadar Maajid Al-ansaari ayaa sheegay “in xaaladda ka sii daraysa ay arrinta sii adkeysay”. Raysal Wasaarraha Israa’iil Bin Yamin Natenyahu ayaa goor sii horreysay sheegay in aanay is diidaynin guuldarrada milatari ee Xamaas iyo soo celinta la haystayaasha. Isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd in xidhiidhada socda ee siideynta la haysatayaasha ay sii socon karaan, iyadoo weerarka dhinaca dhulka ah u socdo ayaa ku jawaabay “haa”. Source
  20. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Bakool ayaa kulan la qaatay odayaasha degmadaas. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa kala hadlay Odayaasha Dhaqanka degmada Diinsoor Qorshaha Qaran ee la-dagaallanka kooxaha Argagixisada ah ee AS iyo sidoo kale ilaalinta wadajirka bulshada Diinsoor. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Wasiirka Qorshaynta Koonfur Galbeed Mudane Xuseen Maxamuud Shekh Xuseen iyo qaar kamid ah Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha iyo xubnaha wafdiga ee la socdo ayaa odayaasha iyo waxgaradka kala hadlay dardargelinta wajiga 2-aad ee howlgalada ka dhanka ah Argagixisada AS. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Odayaasha degmada Diinsoor appeared first on Puntland Post.
  21. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa si cad ugu digay Israa’iil – waa inay joojisaa weerarrada Qasa haddii kalena ay qaadi doonaan tallaabo. Si kastaba, dagaalkan labada dhinac ah, ayay Iiraan markii ugu horreysayba sheegtay taageeradeeda ay u heyso kooxdan militari ee Xamaas iyo Falastiiniyiinta. Waxay sidoo kale uga digtay Israa’iil inay waajihi doonto cawaaqib-xumo. Ku xigeenka taliyaha ciidamada Iiraan, ayaa ugu hanjabay Israa’iil in weerar gantaallo ah lagu qaadi doono magaalada Xayfa ee Israa’iil. Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in weerarrada Israa’iil ee Qasa ay sii socon doonaan, qofna aanu awoodin inuu joojiyo Muslimiinta, sida lagu sheegay war lagu daabacay Telefishinka Iran Press. Su’aasha ayaa haatan ah in Iiraan, oo mar walba hanjabaado iyo digniinno usoo jeedisa Israa’iil, ay dhab ahaantii awood u leedahay inay dagaal la gaasho Israa’iil. Iraan Mala Dagaalami Kartaa Israa‘Iil? Professor Ashwini Mahabatra, oo ka faallooda arrimaha Aasiyada Galbeed waxna ka dhiga Jaamacadda Jawaharlal Nehru ee Delhi ayaa qaba: “Iiraan ayaa horumarisay teknoljiyaddooda in ka badan sidii hore. Waxay heystaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada riddada dheer. Inkastoo Israa’iil ay iska caabbin karto, waxayse ka door bideysaa inay ka fogaato dagaal ay la gasho Iiraan.” Israa’iil ayaa sidoo kale heysata hub. Waxaa sidoo kale taageera Mareykanka. Mar walba oo uu dagaal dhaco, Mareykanka ayaa taageera Israa’iil. Marka tan, uma maleynayo in Iiraan ay dooneyso inay dagaal toos ah la gasho Israa’iil ,” ayuu yidhi. Professor Pramanand Mirasra, oo wax ka dhiga Jaamacadda Islaamiga ee Jamia Millia ayaa qaba isla dood taas la mid ah: “Iiraan gebi ahaanba kuma lug yeelan doonto dagaal toos ah oo Israa’iil ay la gasho sababta oo ah Israa’iil waxaa taageera Mareykanka. Sidaa darteed, ma awooddo inay isku xilli la dagaasho laba dal. “ Waxaa intaa dheer, marka la eego dabiiciyadda siyaasadeed ee deegaanka ee Iiraan, ma oggolaaneyso inuu dalkaasi galo dagaal toos ah. Madaxweynaha wadanka Iiraan Ibraahim Ra’iisi ayaa bartiisa X (Twitter) qoraal uu dhigay ku yidhi “Washington waxay na waydiisanaysaa in aynaan waxba sameyn, laakiin taageero ballaadhan ayay siinayaan Israa’iil. Maraykanku waxay fariimo u dirayaan tiirarka wax iska caabinta, laakiin fariin cad ayay ka helayaan goobta dagaalka.” “Tiirarka wax iska caabinta” waa isku xir u taagan kooxaha ay Iiraan taageerto ee mandiqadda bariga dhexe oo ay Xamaas ku jirto. Madaxda Maraykanka ayaa uga digay Iiraan in ay ku lug yeelato dagaalka Israa’iil iyo Xamaas, si looga baaqsado dagaal ballaaran oo mandiqada ka qarxa. Ururka Xisbullah, oo saldhigiisu yahay Lubnaan, sidoo kalena ay taageerto Iiraan ayay gantaallo is waydaarsanayeen Israa’iil todobaadyadii la soo dhaafay. Source
  22. At a massive pro-Palestinian rally in Istanbul, Turkish President Recep Tayyip Erdogan said Israel was an occupier in its war in Gaza, and repeated his stance about Hamas not being a terrorist organisation. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) - Somali cabinet ministers have approved over one billion budget for the 2024 fiscal year following an extraordinary meeting in Mogadishu on Saturday night. Source: Hiiraan Online
  24. Rome (AFP) – Italy's government is eyeing Africa in pursuit of energy security, even as some officials defend Rome's often-bloody colonial past on the continent -- giving short shrift to historical accuracy. Source: Hiiraan Online
  25. Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horraysay shaacisay in diyaar u tahay gargaar bini’aadanimo in ay gaarsiiso shacabka Falastiin ee ku go’doonsan Marinka Gaza. Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka dowladda Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dhaqaatiir iyo gargaar bini’aadanimo in ay gaarsiiyaan magaalada Gaza. Guddoomiye Maxamuud Macallin oo lahadlayay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay xuska qarixii 29 October 2022-kii ayaa tilmaamay in Hay’addu iyo shacabka Soomaaliyeed diyaar la yihiin in dhaqaatiir iyo gar-gaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza marka la furo marinka Rafac ee xuduudda Falastiin iyo Masar. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay gargaar gaarsiin doonto shacabka Falastiin appeared first on Puntland Post.